25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xog ka cusub xarigii wasiir ku xigeenka dibedda iyo mas’uuliyiin kale oo loo haysto musuq-maasuq

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir, oo ka hadlayay arrinta la xiriirta wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in wasiirka ay baaris ku haayeen mudadii uu xilka hayay.

Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in afartii bilood ee la soo dhaafay wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ay baaris ku haayeen, isla markaana sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay xafiiskiisa.

Sidoo kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya waxa uu sheegay in xafiiska siyaasada Hant- Dhowrka qaranka iyo kan xeer ilaaliyaha uusan cid xad gudub ku sameyn doonin, balse sheegay in marnaba aysan dhici doonin inay dhagaha ka fureysataan fal dambiyeed sharci ah oo quseya musuq maasuqa.

Wasiir ku-xigeenka Arrmaha Dibedda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in uu hor tegi doono maxkamad sharci ah, si ay u bilaabato dhageysiga dacwadda loo heysto, sharcigana loogu kala baxo.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyey wadday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa, ayada oo siyaasiyiin badan oo xilal haye xabsiga loo diray qaarna laguw ado baaritaan.

Axmed Cali Daahir waxa kale oo uu sheegay in dhowaan lasoo bandhigi doono mas’uuliyiin kale oo ku kacay musuq-maasuq, kuwaas oo uu baaritaan ku socday muddo.

Hoos ka dhageyso codka xeer ilalaiyaha guud ee qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Culimada SOMALIA oo soo bandhigay 12 qodob oo ka dhan ah shareecada oo ku jira xeer ay ansixisay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga soo horjeestay Xeerka jinsiga ee La-dagaalanka Kufsiga oo xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay ansixisay. Culimada ayaa soo saaray 12 qodob oo ay sheegeen inay ka cabanayaan, kuwaasi oo xeerka ku jira balse ka horimanaya shareecada islaamka.

HOOS AKRHISO 12 –KA QODOB

1 – Xeerka Waa Dambi oo Ciqaab lagu Muteysanayo qofkii isku dayo galmo qasab ah.

2 – Xeerka, Ma cadda cuquubada ugalmooshada raalliga la isaga yahay.

3 – Xeekna, Guurka qasabka ah waa dembi, xataa waalidka haddii ay sameeyaan. Culimada waxaa ay sheegayaan in taasi diinta ka hor imaaneyso.

4 – Xeerkan, Waa Dambi galmo aan la dooneyn ama aan raali leeysaha aheyn, xataa xaaskaaga (ha ahaato eray ama ficil).

5 – Xeerka, Kuma cadda sharciga labada aan isqabin, isna doonaya, raalina isaga ah inay ficil jinsiyadeed wada sameeyaan inay dembi tahay.

6 – Xeerka, Waa dambi in qof meel lagu heyso isaga oo raali ku aheyn galmada, haddii uu raali ka yahay sharciga ayaa qeexaya. Haddii uu raali ka yahana waa galayaa denbi cuquubo sharci muteysanayo.

7 – Waa dambi in la duubo, la sawiro cajalado jinsi ah. Culimada waxaa ay leeyihiin arrintaan waa dambi.

8 – Xeerkan, Waa kufsi haddii qofka u galmoodo ruux ka yar 18 sano. Guur iyo guur la’aan. Culimada waxaa ay qalad ku sheegeen in laga reebay inta xalaasha isku qabta.

9 – Xeerka, Qofka waxaa uu galayaa denb caruur guursi(wixii ka yar 18), waana la ciqaabayaa. Sidoo kale culimada waxaa ay leeyihiin lamaga soo reebin kuwa xalaasha isku qaba.

10 – Xeerka, keliya waxaa reebay in laga ganacsado dhanka jinsiga caruurta. Qaangaarka lama caddeyn sharcigan. Culimada waxaa ay ku dareen inay xaaraan tahay ka ganacsiga jinsiga oo dhan.

11 – Xeerka, Eedeysanaha uma soo dhowaan karo deegaanka dhibanaha, lamana kulmi karo ehelada. Xal dhaqameed waa la diiday. Culimada waxaa ay leeyihiin diinta Islamaaka waxay ogoshay xal.

12 – Xeerka, Maxkamadda waxaa ay dacwada ku qaadeysaa meel qarsoon. Daah-furnaan ma jirto ayey leeyihiin culimada.

DP WORLD oo soo saartay war cusub kadib diidmada Jabuuti ee xukunka London

Dubai (Caasimada Online) – Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in hadalka Jabuuti ee ah inaysan aqoonsaneyn go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ay ka gaartay murankii dekadda Doraleh, uu yahay mid aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah.

Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa khamiistii go’aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan”

DP World ayaa sheegtayn in go’aanka maxkmadda uu ku saleysan yahay mabaadiida la aqoonsan yahay ee xeerarka caalamiga ah, islamarkaana uu yahay mid waajib ku ah dowladda Jabuuti.

“Sida ay maxkamadda go’aamisay, Jabuuti kama madaxbanaana qandaraas lagu aqoonsan yahay xeer calami ah. Sidoo kalena, sida ku cad xeerka English-ka, qanadaraas laba dhinac ah, dhinacna kaligiis kama bixi karo. Sidaas darteed heshiiska aan kula wareegno dekadda Doraleh, waa mid sharci oo qasab ah” ayay tiri DP World.

DP World waxay sidoo kale sheegtay in go’aanka Jabuuti ay ku diiday go’aanka maxkamadda uusan u adeegeyn danaha dadka Jamhuuriyadda Jabuuti, islamarkaana maamulka DP World ee dekadda Doraleh uu ahaa mid wax badan laga faa’iiday.

Dowladda Jabuuti ayaa ku gacan sayrtay go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London.

Jabuuti ayaa bishii March sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha.

Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

Wasaarada arimaha dibeda oo si kulul uga jawaabtay eedaha musuq maasuqa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku beenineyso eedeymaha musuq maasuq ee keenay in la galo xarunta wasaaradda kadibna lasoo xiro wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud. Hoos ka aqriso bayaanka wasaaradda.

War saxaafadeed (Faafin degdeg ah)

Muqdisho, Soomaaliya
August 05, 2018

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay beeninaysaa dhammaan eedeymaha xaqiiqda ka fog ee lagu asteeyay waxa loogu yeeray “Musuq maasuq” ee warbaahinta ay mariyeen Hantidhowrka guud ee Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, waxayna caddeyn u tahay habka ay uga tallaabeen hannaanka hey’adaha dowladda ay ku wada shaqeeyaan oo ah dukuminti is dhaafsi, taasi badalkeeeda ay ku dhiiradeen inay meel uga dhacaan maamuuska iyo xurmadda Wasaaradda, sidoo kale ay sumcad dilaan Mas’uul dowladeed oo xilkii loo igmaday gudanaya, lana hayn caddeymo sugan oo ah sheegashadooda.

Ciidan boolis ah oo loo tababaray la dagaalan argagaxiso ayaa xoog ku jiiray Dhismaha Wasaaradda August 04, taasina waxay Wasaaraddu u aragtaa fal lagu burburinayay kalsoonida wada shaqeyn ee hore loo abuuray, laguna dhaawacayay heybadeeda.

Wasaaraddu waxay cambaareyneysaa falkaasi ciidanka ee sharci darada ah ee loogu xadgudbay sharafteeda iyo shirka jaraa’id ee Hantidhowrka guud ee Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ay ka jeediyeen hadallo been abuur ah oo aan asaas lahayn oo meel ka dhac ku ah sumcadda Wasiir kuxigeenka.

Dalalka Canada iyo Saudi Arabia oo xiisad culus ay ka dhex qaraxday (Sababta)

Riyadh (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa magaalda Riyadh Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa hakisay xiriirkii ganacsigii iyo maalgalintii kala dhaxaysay dowlada Canada.

Dowlada Sacuudiga ayaa arrintaas ku sababaysay xadgudub iyo faragalinta amuuraheeda ku hayso dowlada Canada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegtay in ay erineyso safiirka Canada ayna la soo laabanayso midkeedii Canada u fadhiyay.

Wasaaradu waxa ay Safiirkeeda Canada fadhiya uga yeertay in si dhaqsi ah kusoo gaaro dalka, halka muddo 24 saac u qabatay in Safiirka Canada uga baxo dalkeeda.

Xiriirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Canada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, kaddib markii dowladda Canada ay si kulul uga hadashay xariga dad u dhaq dhaqaaqa bulshada rayidka oo dhowaan dowladda Sacuudiga xabsiga u taxaabtay, iyagoo ku baaqay in la sii daayo.

Dowladda Sacuudiga ayaa ka carootay tallaabada dowladda Canada uga hadashay xariga dadka u dhaq dhaqaaqa bulshada, waxaana ay ku tilmaamtay mid faragelin ku ah arrimaha gudaha Sacuudiga.

Xukuumadda Riyadh ayaa sheegtay in hadalka ka soo yeeray Canada ee ku aadan u dhaq dhaqaaqayaasha bulshada rayidka ay tahay hadal xun oo xaqdaro ah

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.

Samar ayaa ku baaqaysay in la so af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka.

Xiritaankan ayaa yimid iyadoo amiiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu sannadkan sameeyay isbadallo.

Dawladda Canada ilaa iyo hadda kama aysan hadlin tallaabada dublamaasiyadeed ee uu Sacuudigu qaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Riyadh

[email protected]

ONLF oo war kasoo saartay xiisadda ka taagan gobolka Soomaalida dalka Ethiopia

Asmara (Caasimada Online) – Ururka ONLF ee u dagaalama gobonimada gobolka Soomaalida ee Ethiopia ay xoogga ku haysato ayaa soo saaray bayaan ku saabsan xaaladda gobolka iyo is-marin waaga ka taagan madaxweynaha maamulka Cabdi Iley iyo ciidamada federaalka Ethiopia. Hoos ka aqriso bayaanka.

Bayaan ONLF

Dawlada Federalka Itoobiya ayaa ciidankeeda ku amartay in magaalada Jigjiga la weeraro si gacanta loogu dhigo maamulka kajira gobolka Soomaalida Ogadenya. Talaabadan aan loo wada dhanayn ee ay qaaday Itoobiya ayaa galaafatay inay dad badan naftooda ku waayaan, sidoo kalena fawdo, xasilooni darri, iyo boob hantiyeed u horseeday. Shacabka Soomaalida Ogadenya ayaa ka filayay dawlada Itoobiya xasilooni iyo nabadgaliyo inay heli doonaan balse taas badelkeeda waxay kala kulmeen duulaan iyo weerar awood ciidan loo adeegsaday.

Waxay Jabhada ONLF rumaysantahay in xal kasta oo ku meelgaadh ah oo laga gaadho gobolka Soomaaliyeed uu iman karo oo kaliya hadii laga qaybgaliyo xal u helista gobolka dhinacyada ay khusayso sida Jabhada ONLF, Dawlada Dhexe iyo dhamaan qaybaha kale ee daneeya xal uhelida Gobolka Soomaaliyeed. Talaabo kasta oon loo wada dhanayn laguna heshiinin, waxay sii cakiri kartaa xaalada gobolka ka taagan, sidoo kalena waxay horseedi kartaa cawaaqib aan lasaadaalin karin mustaqbalka saamaynta ay yeelan karto.

ONLF waxay ugu baaqaysaa Ra’iisul-wasaaraha cusub ee Itoobiya in uu joojiyo talaabo kasta oo militari oo ka dhan ah Soomaalida Ogadenya isla markaana uu ku dhawaaqo sidii xal nabadeed loogu heli lahaa xaalada Gobolka Ogadenya, taas oo ay kamid tahay wada hadal toos ah oo dhex mara Itoobiya iyo ONLF, arintan oo u horseedi karta shirwayne qaran oo loogu gogol xaadho sidii isbedal guud oo loowada dhan yahay loogu soo dabaali lahaa Gobolka Soomaalida isla markaana looga arinsan lahaa mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.

ONLF waxay shacabka Soomaalida Ogadenya ugu baaqaysaa inay u istaagaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda isla markaana aysan ogolaanin in dadyaw kale oo iyaga aan ahayn inay u yeedhiyaan mustaqbalkooda ay xaqa u leeyihiin. Si kastaba ha ahaatee, goobaha diimaha lagu caabudo iyo hantida shacabka ee sida gaarka ah loo leeyahay waa in laga difaacaa kuwa danaha gaarka ah wata ee bartilmaameedsanaya.

ONLF waxay ku baaqaysaa in la joojiyo dagaalka ka socda xadka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada. Dagaalkan ayaa hadii uu sii socdo keeni kara xasilooni darro saamaysa xidhiidhka u dhexeeya labada qawmiyadood ee dariska ah.

Waxaa dhamaan xubnaha ONLF ee gudaha Ogadenya ku sugan laga codsanayaa inay xaalada dejiyaan oo ay ka qayb qaataan sidii xasilooni iyo nabadgaliyo loogu horseedi lahaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka qaybqaataan sidii shacabka loogu wacyigalin lahaa ixtiraamka iyo ilaalinta nafta, maalka iyo goobaha diimaha ee ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay ee ku nool gudaha Ogadenya.

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya ONLF.

KENYA oo qorsho cusub ka damacsan SOMALIA iyo dalalka kale ee qaaradda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa shaacisay inay xoojineyso howlaha ka socda Safaaradeeda Somalia iyo dhammaan Safaaradaha kale oo ay ku leedahay Africa.

Dowladu waxa ay sheegtay inay xooga saari doonto ballaarin ay ku sameyso Safaaradaheeda si loo xoojiyo shaqooyinka ka dhex socda.

Wasaarada Arimaha dibeda kenya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay furi doonto 12 xarumo diblumaasiyadeed oo dalalka afrika ah sadexda sano ee soo aadan.

Xarumaha ayey Wasarada ku sheegtay inay u qaadan doonto xitaa howlwadeeno cusub si loo kaamilo shaqooyinka diblumaasiyadeed ee kadhex socda Safaaradaha iyo xarumaha kale.

Waxaa sidoo kale jira xafiisyo ka shaqeeya arimaha dibeda oo ay ku leedahaya magaalada kismaayo iyo magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland kuwaasi oo qudhooda la filaayo in la hormariyo.

Sidoo kale, Wasaarada ayaa sheegtay in aysan jirin xarumo uga furan dalalka Afrika qaarkood,taasina ay adkeyneyso in ay dalalka xiriir fiican la yeeshaan.

Ugu danbeyntii, Wasiirada Arimaha Dibeda kenya Monica Juma ayaa sheegtay inay xoojin doonaan xiriirka kala dhexeeya dowladaha kale ee Africa.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Arag sawirrada khasaaraha ka dhashay qaraxii caawa ka dhacay MUQDISHO.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax gaari oo caawa ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka Shaleemo Somali.

Qaraxa oo aad u xooganaa isla markaana loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Bar Somalia oo ah Baar dhowaan la furay kana soo horjeeda Baar Italy Café oo ku yaalla Shaleemo Somali.

Saraakiisha amaanka ee Qaraxa kadib goobta gaaray ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan afar ruux halka toddobo kalana ay ku dhaawacmeen.

Xogta ayaa sheegeysa in gaariga qarxay uu ahaa mid meesha la soo dhigay, iyada oo aan laga warqabin, kadibna uu qarxay, goobta qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay tahay maqaaxi mashquul badan oo dadweyne kala duwan isugu yimaadaan.

Xaalada goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa hada waxa ay tahay mid degan, waxaana sawirro la soo qaaday ay muujinayaan burbur soo gaaray dhismaha maqaaxida Somali Coffee.

Dhinaca kale, Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii amaanka magaalada Muqdisho laga wareejiyay ciidamada xasilinta laguna wareejiyay ciidamada Booliska.

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa Muqdisho caawa ka dhacay + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka inaga soo gaaraya wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay Maqaayad dhawaan la furay oo kasoo horjeeda Baar Italia Café oo ku taalla Isgoyska Shaqaalaha ee wadada Makala Amukarama ee Magalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan islamarkaana laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen afar qof, toddoba kalena ay ku dhaawacmeen.

Xiliga uu Qaraxa dhacaayay waxaa halkaasi ku shaahayay dhalinyaro farabadan oo ay ku jiraan kuwo u shaqeeya dowlada Somalia iyo kuwo shacab ah.

Bartamaha wadada iyo hareeraha Maqaaxida ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay yaalan Meydad iyo dhaawacyo badan oo ku waxyeeloobmay Qaraxa, waxaana xusid mudan in wadada bartankeeda ay ku gubanayan gaadiid iyo Mootooyin la kawsaday gaariga Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xoosh Jabriil oo sheegay in Messi-gii siyaasada uu ku soo biiray Nabad iyo Nolol

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa soo dhaweyn cajiib ah u sameeyey wasiirka cusub ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo kusoo biiray wasirrada xukuumadda.

Dikreeto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu aqriyey Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Daahir Maxamuud Geelle ayaa lagu shaaciyey isku shaadeyn uu sameeyey Kheyre, oo Goodax uu qeyb ka noqday.

Wasaaradda Waxbarashada oo hore looga eryey Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa loo magacaabay Goodax Barre halka Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda laga bedelay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, waxaana loo magacaabay Cabdullahi Bidhaan Warsame.

Hadaba, qoraal uu soo dhigay Facebook, ayuu Cabdi Xoosh ku sifeeyey Goodax Barre ciyaaryahanka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or-ka ee Lionel Messi.

“Mudane Cabdullaahi Goodax Barre (Messi) ayaa ku soo iiray kooxda Nabad iyo Nolol. Waa sidii ugu wanaagsaneyd. Hambalyo saaxiib!!” ayuu yiri Xoosh Jabriil.

Hadalka Xoosh Jabriil ayaa loo arkaa inuu kala jeedo in Goodax uu yahay nin siyaasadda iyo kala dhigdhigideeda ugu wanaagsan sida Messi ugu wanaagsan yahay kubbad. Waxaa sidoo xusid mudan in Goodax siyaasad muddo fog ah oo cajiib ah uu usoo dheelay inuu xil wasiir helo, isaga oo bilooyin taageere weyn u ahaa xukuumadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaalka DFS ee musuq maasuqa oo xoogeystay iyo mas’uul kale oo la xiray

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu eedeeyey qaadasho laaluush.

Amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu xiray Cabdul Qaadir C/llaahi Xasan Shaango, waxaana lagu samaynayaa baarista ku xusan qodobka 246-ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka 240-kiis oo ku aadan musuq iyo wax isdabamarin, kuwaas oo marka baaristoodu soo dhamaato dadka ku eedaysan cadaaladda la hor keeni doono.

Arrintaan ayaa muujineyso inay dowladda Soomaaliya sare u qaaday la dagaalanka musuq maasuqa ka dhanka ah, ayada oo sidoo kale shalay saacado la xiray wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale horey loo xiray illaa dhawr mas,uul oo lagu helay musuq maasuq kuwaas oo qaarkood xabsiga la dhigay halka qaarna damiin lagu sii daayey.

Xog: Xagee ku dambeeyey milaterigii ay rabshaddii JIG-JIGA ka billaabatay?

0

Jijiga (Caasimadda Online) –   Ciidanka milateriga federaalka Itoobiya ee shalay ay isku dhaceen ayaga iyo shacabka, markii ay rabshaduhu ka billaabanayeen Jigjiga ayaa la sheegayaa inay weli magaalada ku sugan yihiin.

Dad kala duwan oo BBC ay la xiriirtay ayaa u sheegay in ciidanakaas ay shalay isku dayeen inay ka baxaan magaalada, hase yeeshee dad caraysan ay ka dalbadeen inay hubka wareejiyaan.

Ciidanka ayaa markaa ka dib waxaa khasab ku noqotay inay dib ugu laabtaan xeryahooda.

Xerada ay ku jiraan tirada ugu badan ee ciidankaas waa xerada Garab case oo la sheegay in qiyaastii ilaa 250 askarii oo milateri ay ku jiraan.

Wararku waxay sheegayaan inay dhinac kasta ka fadhiyaan askar ka tirsan Liyuu booliska.

Ilaa 100 askari askar lagu qiyaasay ayaa iyagana la sheegay inay ku jiraan xerada Dul Qabow ee u dhow garoonka dayaaradaha ee magaalada Jigjiga, halka xero ku taalla dhanka Kaaraa mardha ayadana la sheegay in ay ku jiraan askar ilaa 50 ah oo qaabilsan maamulka.

Sawirka guud ee xaaladda Jigjiga iyo maanta?

Shalay iyo maanta farqi weyn ayaa u dhaxeeya xaaladda Jigjiga, sida ay sheegayaan dad ay BBC la xiriirtay.

Marka la eego waddooyinka, ayaa waxaa laga bilaabay nadiifin iyo in laga guro qashinkii ka dhashay rabshadihii shalay magaalada ka dhacay.

Waddooyinkaas waxaa jooga oo gaar ka haya booliska rabshadaha ka hor taga oo sita Budhadh, laakinse aan cidna waxyeello u gaysan.

Waxaa iyagana waddooyinka u soo baxay dadka ka soo jeeda qowmiyadaha aan Soomaalida ahayn, ee shalay naftooda u cabsaday.

Dadkaas waxay eegeegayaan burburka gaaray meheradahoodii iyo hantidoodii shalay ku burburtay rabshadihii dhacay.

Waxaa la sheegay in xalay ay ku hoydeen kaniisad ka mid ah seddexda kaniisadood ee Jigjiga ku yaalla, iyo 5 masaajid oo dadkaas lagu magan galiyey.

Kaniisadaha middood ayey dadka deegaanku sheegeen in ay weli gubanayso oo uu qiiq ka baxayo.

Waxaa iyana la sheegayaa in aysan magaalada soo gelin khudaarta, xaabada, caanaha iyo waxyaabaha kale ee dibadda uga imaan jiray ee suuqyada lagu gado.

Makhaayadaha iyo meheradaha ganacsiga ayaa iyagana la sheegayaa inay weli irdaha u xiran yihiin.

Internetka ayaa isna weli magaalada Jigjiga ka go’an.

Booliska rabshadaha ka hortaggo oo la geeyay waddooyinka Jijiga

Dadweynaha ku nool magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Itoobiya ayaa sheegay in saaka waddooyinka magaalada ay ku arkeen booliska rabshadaha ka hortaggo oo ku sugan meel kasta.

Dad goob joogayaal ah ayaa BBC-da u sheegay in ciidammada oo wato burar oo u socdo tobbaneeyo ay gaaf wareegayaan waddooyinka si ay ammaanka u sugaan.

Booliskan qabo koofiyadaha qafilan ayaa la sheegay ina yihiin Soomaali.

Weli waxaa magaalada ka maqan Internet-ka oo saamayn nolosha dadka.

“Bartamaha Jigjiga ha lagu dal-dalo” Siyaasi caana oo ku baaqay dilka Cabdi Iley

Jigjiga (Caasimada Online) – Siyaasiga aan hadalka la gaban ee reer Soomaalida Kenya Faarax Macallin Dawaar ayaa si kulul u weearay Madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), oo hadda xaalad adag ku sugan.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shalay ka baxay Jigjiga kaddib markii ay ciidamada Federal-ka ah gudaha u soo galeen magaalada kaddibna la wareegeen xarumihii dowladda sida Baarlamaanka iyo Madaxtoyada.

Arntaas waxa ay dhalisay kacdoon shacab oo gil gilay Jigjiga iyada oo ay dadku jidadka ku mudaaharaadeen kaddiba gubeen Kaniisado, iyo goobo ganacsi oo uu ku jiro Bankiga Oromada.

Hase ahaatee, siyaasiyiinta iyo shacabka ayaa dareenno kala duwan ka bixiyey dhacdadaas waxaana ka mid ah Faarax Macallin.

Faarax Macallin waxa uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku bogaadinayo falka dowladda dhexe ee Itoobiya, isaga oo ku baaqay in gudaha magaalada meel fagaare ah lagu dal dalo Cabdi Maxamuud Cumar.

“Kawaanlaha Jigjiga waa in uu maalin ku yeeshaa Maxkamadda. Waxaan rejeynayaa in ay ku daldalaan bartamaha Jigjiga si ay farriin xoog leh ugu noqoto kuwa laga yaabo in ay ku tacadiyaan bani aadamka. Waxa uu sababay in maxaabiista ay saxaradooda/xaarkooda cunaan halka uu kuwo bandanna ay gaajo u dhinteen. Dr Abiy muddo badan uu sugayey in uu Iley iyo xulafadiisa cadaaladda horkeenno.”

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Militariga ETHIOPIA oo isku dayaya in Qabri-Daharre ay galaan iyo shacabka oo la hortaagan dhagxaan

0

Qabri-Daharre (Caasimada Online) – Wararka horleh oo kasoo baxaya Kililka Shanaad ayaa waxa ay sheegayaan in Xaalad kacsanaana laga dareemayo Magaalada Qabri daharre oo kamid Magaalooyinkan deegaankaa ugu muhiimsan.

Xiisadan ayaa bilaabatay kadib markii Ciidamada Milatariga Federaaalka Itoobiya ay saaka kasoo ruuqaansadeen xeryihii ey ka daganaayeen duleedka Qabri daharre.

Ciidamadan ayaa waxaa la sheegayaa In ay isku dayeen in ay la wareegaan Xarumaha Dowladda ee Magaalada ku yaalla.

Dadka rayidka ah ayaa ishor istaag ku sameeyay Milatariga doonayay in Xarumaha Magaalada qabsadaan, waxaana dadka rayidka ah ay Askarta ku tuurayaan dhagxaan, walisa lama soo warin in ciidanku ay dhibaato ugeesteen dadka rayidka ah.

Dhanka kale Xukuumadda gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha gobolka soomaalida iyo dowladda federaalka inay ka shaqeeyaan nabadgelyada dowlad deegaanka Soomaalida

Waxay cambaareeyeen rabshadihii halkaasi ka dhacay.

Bayaan kasoo baxay xafiiska maamulka Tigreega ayaa lagu sheegay in tallaabo kasta oo lagu carqaladaynayo nabadda iyo xasilloonida in si dastuurka waafaqsan loo xaliyo.

Waxay intaasi ku dareen in aanan loo dulqaadan doonin tallaabo kasta oo wiiqayso nidaamka dastuuriga ah.

Ugu dambayn, dowladda gobolka Tigreega ayaa tacsi u dirtay ehaladii dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga

Magaalada ayaa xilligan waxaa ka taagan xaalad u eg tii Shalay ka dhacay Jigjiga inkasta oo xaalka ku daganyahay sida tii shalay ka dhacday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre oo u dhoofay dalka Suudaan: Maxaa keenay in uu Farmaajo baaqdo? (Xog)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdigan uu hoggaaminayo raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u amba baxay dalka Suudaan,iyadoo mas’uuliyiin ay ku sii sagootiyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ujeedka socdaalka raiiusl wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii ay uga qeybgali lahaayeen shir looga hadlayo arrimo la xiriir anabadeynta Suudaanta Koonfureed iyo qeybsiga khayraadka ka dhexeeya labada dowladood ee Suudaan..

Shirka oo ay garwadeen ka yihiin wadamada ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya kujirto ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee halkaasi ka taagan.

Raiisul wasaare Xasan Cali Khayre inta uu joogo magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan waxaa lafilayaa in uu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha kuyaala dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kulankaasi la qorsheeyay inuu tago ayaa ka baaqsaday saacadihii ugu danbeeyay, iyadoo wararku sheegayaan inuu go’aansaday inuusan u safrin dalka Suudaan.

Dowladda Suudaan ayaa casumaad u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo Todobaadkii hore, iyadoo uu aqbalay waxaana loo diray liiska wafdiga madaxweynaha oo u badnaa shaqaalaha Madaxtooyada, laakiin waxa safarka loo baajiyey markii ay soo shaac baxday khilaafka ka dhashay safarkii Eritrea oo dowladda Jabuuti ay si weyn uga carootay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mas’uuliyin ka tirsan DF oo cabsi ay soo food-saartay kadib olole ay billowday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in cabsi xoogan ay lasoo daristay mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haya dowlada federaalka ah ee Somalia, xilli dowladda ay waddo olele cusub.

Mas’uuliyiinta ay soo wajahday cabsida ayaa waxaa la xaqiijiyay inay kamid yihiin Wasiiro, Ku-xigeeno, Agaasimayaal wasaaradeed iyo Agaasimo waaxyo ka tirsan Dowlada Somalia.

Cabsida lasoo daristay mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay tahay mid ka dhalatay weerarada iyo xariga wada socda ee lagu hayo mas’uuliyiinta lagu eedeeyay kiisaska musuqa.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in tirro Wasiiro iyo Agaasimayaal ka tirsan Xukuumada ay isaga baxeen Hooygooda kuwaa oo degay Hoteelada magaalada Muqdisho.

Wasiirada iyo Agaasimayaasha ka guuray guryahooda ayaa baqdin ka muujiyay in ciidamada dowlada ay uga soo dhacaan darbiyada isla markaana lagu xiro Hooygooda, taa oo ay ka doorbideen inay u hoyasho tagaan Hoteelada.

Cabsida ugu badan ayaa lasoo sheegayaa inay tahay mid soo foodsaartay Agaasimayaasha Wasaaradaha kuwaa oo inta badan saaxiib u noqday musuqa iyo isdabamarinta hantida Qaranka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in xariga Wasiir ku-xigeenka Wasaarada arrimaha dibadda Somalia kadib ay xigi doonaan kuwo kale.

Dowlada Somalia ayaa dhwor jeer oo sii horeysay ka digtay musuqa oo xiligaa lagu eedeeyay mas’uuliyiin badan oo xilal ka hayay dowlada.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana arrinta xariga mas’uuliyiinta ku eedeysan musuqa soo dhaweeyay dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Mudisho
[email protected]

Ra’iisul wasaare Kheyre oo magacaabay dhowr wasiir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu magacaabay Wasiiro cusub, iyadoo la buuxiyay labo wasiir oo booskooda banaanaa, kuwaasoo bil ka hor uu Ra’iisul Wasaaraha xilka ka qaaday.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa goor dhow warbaahinta dowladda ka akhriyay wareegtada Ra’iisul Wasaaraha oo lagu magacaabay illaa shan wasiir iyo wasiir kuxigeen.

C/llaahi Goodax Barre ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, waxaa lagu bedelay wasiirkii xilka laga qaaday C/raxmaan Daahir Cismaan oo ay isku heyb ahaayeen.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, halka Wasiirkii xilkaas hayay Sheekh Nuur loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Sidoo kale wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa loo magacaabay C/qaadir Sheekh Baqdaadi, waxaa uu bedelay Wasiiru dowlihii hore Khaliif C/qaadir Macalin Nuur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Cabdi ILEY oo ay xaaladdu ku xun tahay iyo ciidamo hor leh oo lagu hareereyay

Jigjiga (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xiisada ka taagan deegaanada maamulka Soomaalida Ethiopia, kadib markii halkaa ay ka dhaceen rabshado dhibaato geystay.

Xiisada oo wali taagan ayaa waxa ay xoogeedu tahay mid u dhexeysa maamulka madaxweyne Cabdi Maxamuud iyo dowladda Federaalka ah, kadib markii la sheegay in Iley uu ka baxsaday Madaxtooyada maamulka.

Saaka waxa ay wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Jigjiga sheegayaan in korantada iyo biyaha oo shalay la jaray ay dib ugu soo laabteen deegaanada Soomaalida.

Magaalada Jigjiga waxaa sidoo kale goordhow  gaaray wafdi dheeraad ah oo ka socda dowlada Ethiopia kuwaa oo la sheegay inay u socdaan dajinta xiisada ay wadaan Soomaalida kuwaa oo la filaayo in saacadaha soo socda ay la kulmaan Madaxda maamulka.

Sida aan warkeena hore ku sheegnay Qoraal lagu daabacay wargayska ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Addis Standard, ayaa waxaa lagu sheegay in wali ciidamada militariga Ethiopia ay ku hareersan yihiin halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxa uu wargeyska Standard qoray in ay ciidamada Toban iyo labadii saac ee ugu dambeeyay ay ku harereysnaayeen madaxtooyada magaalada Jigjiga, kadib markii Iley uu la imaaday ciidamo reerkiisa ah.

Ciidamada ku hareereysan Cabdi Iley ayaa la sheegay inay wataan warqad amar ah oo lagu soo xirayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo la doonaayo in gacanta lagu dhigo, halka ciidamada isaga ilaalada u ah ay ka biya diidan yihiin in loo gudbo.

Ciidamada dheeriga ah ee lagu hareereeyay Cabdi Iley oo laga keenay magaalada Addis Ababa ayaa la xaqiijiyay in amar lagu siiyay inay xiraan isla markaana usoo dhoofiyan magaalada Addis Ababa inta ay ka dageyso xiisada wali taagan.

Sidoo kale, Standard ayaa qoray in arrintasi loo samayn doono si looga hortago dhibaatooyin hor leh oo Federaalka Ethiopia kaga imaada dhulka Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee xaalada ayaa u muuqaneysa mid marba marka xigta kasii dareysa waxaana aad looga cabsi qabaa in Cabdi Iley uu isku dhiibo ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

SOMALILAND oo qaadday talaabo adag, qalalaasaha amni ee Jigjiga kadib (Aqri)

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in heegan buuxa ay galsheen ciidamadooda amaanka ee ku sugan deegaanada ku dhow dhow maamulka Jigjiga.

Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa goordhow sheegay in ciidamada Somaliland ee degmooyinka xuduuda ay la leeyihiin Ethiopia ay heegan geliyeen.

Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu sheegay inay suuragal tahay in danbiilayaal falal amni darro kasoo geestay dhulka Soomaalida ay usoo cararaan dhanka Somaliland,sidaa aawgeed la doonaayo in laga hortago.

Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu sheegay in heeganka uu yahay si loo ilaaliyo nabadgelyada  maadaama qalalaase ka jiraan magaalada jigjiga .

Wuxuu sheegay inay Ethiopia ay la leeyihiin xiriir iskaashi ee xaga nabadgelyada iyo ganacsiga , sidaa darteedna ay indho dheer ku eegayaan xaaladda ka soo cusboonaatay jigjiga .

Dhinaca kale, Wasiirka waxaa ugu baaqay shacabka somaliland inay ilaaliyaan nabadelyada dadka reer Ethiopia ee la nool.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Afgooye iyo xog hordhac ah oo laga helayo

0

Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in weerar Ismiidaamin ah uu goordhow ka dhacay Bar-koontorool ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa ka dhacay Afgooye, waxaana warar horudhac sheegayaan inuu ahaa qarax ismiidaamin oo lagu weeraray xero ciidan.
Khasaaro kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxa lagu weeraray xero ciidamada ku lahaayeen wakaaladii hore ee biyaha afgooye.

Weerarka Ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaano HOMEYDA,waxana lala bartimaamed saday Koontorool ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Wadada soo gasha degmada Afgooye,isla markaana kala qeybisa Wadooyinka Aada Magalada Baydhabo iyo Magalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ay arkeen dhimashada 6 ruux oo qaarkood ay Shacab yihiin iyo dhaawaca kuwo kale,isla markaana xaaladu ay tahay mid kacsan.
Wixii kusoo kordha la soco