25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

XOG: Xaguu Qalbi-Dhagax ku wajahan yahay kadib sii-daysmadiisa xabsiga?

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah saraakiisha Jabhada ONLF, islamarkaana mudo hal sano ku dhow ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Itoobiya kadib markii dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay, ayaa shalay la sii daayey.

Warar aan helnay waxa ay sheegayaan in Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax uu dhawaan uu aadi doono dalka Kenya kadib markii ay magangelyo siisay dowladda Kenya, islamarkaana halkaas uu ku noolaan doono.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ujeedada ugu weyn ee Qalbi-Dhagax uu u tagayo Kenya ay tahay inuu soo arko qoyskiisa, ayada oo xaas iyo caruurr ay ka joogaan magaalada Nairobi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Qalbi-Dhagax uu warbaahinta la hadli doono, islamarkaana uu bixin doono xog badan oo ku saabsan xarigiisa iyo sii deysmadiisa.

Arrinta sida aadka ah looga sugayo Qalbu-Dhagax ayaa ah inuu shaaca ka qaado qaabkii loogu gacan geliyey Ethiopia, iyo qaabka dowladda Ethiopia ay kusii daysay, iyo kaalimihii ay dowladda federaalka ah ku lahayd labada dhacdo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Dhageyso: DF Soomaaliya wax kaalin ma ku lahayd sii daynta QALBI-DHAGAX?

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Fowzi Maxamed Cali oo ah Suldaanka Qalbi-Dhagax, isla markaana gurigiisa uu ku sugan yahay Qalbi-Dhaga, ayaa wareysi uu siiyey idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho, waxa uu ku sheegay in iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin xabsiga laga sii daayey Qalbi-Dhagax.

Sidoo kale Cabdi Kariin Qalbi-Dhagax, ayaa xaqiijiyey in xabsiga laga siidaayey, islamarkaana uu ku sugan yahay guri ku yaalla magalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

In kastoo xilligaan aan weli loo ogolaan in uu warbaahinta la hadlo Qalbi-Dhagax ayuu sheegay in maalmaha soo socda uu hadli doono, islamarkaana uu shaacin doono xarigiisa sababtii uu ku yimid iyo cida ka dambeysay siideyntiisa.

Suldaan Fowzi Maxamed Cali oo la weydiinay su’aal aheyd ayaa sabab u ahaa in Qalbi-Dhagax la siidaayo? Ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ka dambeeyey sii deynta, waxa uuna intaas ku daray in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku laheyn sii dayntiisa.

Hoos ka dhageyso wareysiga Suldaan Fowzi Maxamed Cali oo dhameystiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

20 sano kadib Itoobiya iyo Eritrea oo soo afjari doona loolankii dhiigu ku daatay

Saddex bilood kahor xisbiga talada dalka Itoobiya haya ayaa soo magacaabay raisul wasaare cusub, kadib iscasilaaddii kadiska ahayd ee hoggaamiyihii hore.

Arrintaan ayaa timid kadib dibadbaxyo ballaaran oo sanado badan socday oo gilgilay guud ahaan dalka ayadoo dawladda lagu eedaynayey musuqmaasuq iyo xad gudubyo kadhan ah xuquuqda aadanaha.

Dawladda ayaa arrintan kaga falcelisay in ay xirxirto kumanaan mucaarad ah ayadoo soo rogtay xaalad dagdag ah.

Hadda, Abiy Ahmed oo 41 jir ah ayaa la yimid isbaddallo loo arko in dalku uu iska baddalayo siduu ahaa waayadii hore.

Waxa uu siidaayey boqolaal maxaabiis siyaasadeed ah, wuxuuna qaaday xaaladdii dagdagga ahayd ee dalka saarnayd.

Maamulkiisa ayaa sidoo kale ballan qaaday xorriyadda hadalka ayadoo xayiraaddii laga qaaday boqolaal bogagga wax lagu qoro ee internet-ka.

Balse arrinta ugu muhiimsan ee uu ku dhawaaqay ayaa ah in uu shuruud la’aan aqoonsaday uuna hilgalinayo heshiiskii nabadda ee dalka dariska ah ee Eritrea kaas oo la saxiixay sanadkii 2000.

Sanadkii 1998 ilaa 2000 labada dal waxaa dhex maray dagaal ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 80’000 oo qof.

Heshiiskii nabadda ee Qaramada midoobay ay garwadeenka ka ahayd ayaa Eritrea lagu siiyey magaalada Badme. Maamulkii hore ee Itoobiya ma aanu hirgalin xukunka ciidamadiisuna wali waxay ku sugan yihiin deegaankaas.

Balse hadda, markii ugu horraysay 20 sano kadib, ayaa wafdi ka socda Eritrea waxay toos u yimaadeen magaalada Addis Ababa.

Heshiiska nabadda ayaa horseedi kara in uu soo afjaro nidaamka askaraynta khasabka ah ee aan dhammaadka lahayn ee Eritrea.

Nidaamkan askaraynta khasabka ah ee aan dhammaadka lahayn ayaa ah sababta ugu weyn ee dhalinyaro badan oo Eritrea u dhashay ay dalkooda uga carareen.

Itoobiya gudaheeda, cid waliba raali kama wada ahan isbaddalladiisa cusub, arrintaas ayaa waxaa hoosta ka xariiqay bambo gacmeedkii lala beegsaday isusoobixii nabadeed ee ballaarnaa.

Inkastoo haatan uu Raisul Wasaare Abiy uu haysto shacbiyad ballaaran oo ku aaddan qorshihiisa isbadalka.

ISHA BBC

Dhageyso wareysi: Xog laga bixiyey qaabkii lagu sii daayey Qalbi-Dhagax

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo ay bishii August ee sannadkii hore dawladda Soomaaliya u gacan gelisay dawladda Itoobiya ayaa maanta laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Sii daynta Qalbi-Dhagax ayaa waxaa markii hore shaaca ka qaaday guddiga xuquuqda aadanaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya, oo gurigiisa ku booqday, kuwaas oo sheegay inuu caafimaad qabo, islamarkaana waqti la qaadanayo qoyskiisa.

Suldaan Fawzi Maxamed Cali oo ka mid ah hoggaamiyayaasha dhaqanka ee Soomaalida Itoobiya oo ka mid ahaa hoggaamiyayaahsii loo sii daayey Qalbi Dhagax ayaa sidoo kale xaqiijiyey islamarkaana faahfaahiyey qaabka loo sii daayey.

Waxa uu sheegay in Qalbi-Dhagax lasii daayey saaka sideeddii subaxnimo, islamarkaana uu caafimaad qabo, isaga oo intaas ku daray inuu joogi doono dalka Ethiopia.

Tallabada lagu sii daayey Qalbidhagax ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha isbeddelka uu wado ra’iisul wasarae Abiy Ahmed, uuna ku doonayo inuu ku kasbado bulshooyinka kala duwan ee Itoobiya, isaga oo horey usii daayey rag badan oo mucaaradka qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya ka mid ah.

Hoos ka dhageyso wareysiga Suldaan Fawzi Maxamed Cali

 

Sawiro: Somaliland oo cafis u fidisay ra’isul wasaare ku xigeenkii hore ee SOMALIA

Hargeysa (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Maxamed Kaahi Axmed ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uu cafis u fidiyay Ridwaan Xirsi Maxamed oo Ra’isul wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka arrimaha Diinta & Awqaafta ka ahaa xukuumadii Ra’iisul Wasaare C/wali Axmed Maxamed.

Warqada ayaa waxaa lagu sheegay in cafiska uu yahay mid uu fidiyay Madaxweyne Muuse Biixi oo tix raacaya cafisyadii uu horey ugu sameyn jiray siyaasiyiinta Somaliland Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo inuu isaguna maanta cafis u fidiyay Ridwaan Xirsi Maxamed.

Maamulka Somaliland ayaa Ra’isul wasaare ku-xigeenkii hore ku eedeysay in mudo ah inuu ka soo horjeeday Qaranimada Somaliland, balse hada uu ka soo laabtay fikirkaas, sidaasi darteedna ay cafis u fidisay, tagi karana deegaanada Somaliland.

Dhinacyada ay warqada ku socto ayaa waxaa kamid ah Maareeyaha Hay’adda Duulista, Taliyaha Sirdoonka Somaliland iyo mas’uuliyiin kale.

Maxay Soomaalida Itoobiya uga dhiggan tahay ceelasha shidaalka ee degaankooda?

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay waxa ay maanta xariga ka jartay wax soo saarka ceelal laga qodo Shidaalka ceyriin oo ku yaalla deegaanka Soomaalida.

Ceelasha shidaalka ee maanta la daahfuray ayaa waxa ay ku yaallaan deegaannada Kaali iyo Ilaalo oo ka tirsan deegaanka Soomalida Itoobiya.

Xafladda furitaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka macdanta ee dowladda fedaraalka Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana ayaa mar sii horreysay ka soo xigatay Rai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkana maalintii la soo saari doono 450 barmiil oo shidaal ah.

Shidaalka gobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Shidaalka ceyriin ee goobtaasi laga helo ayaa waxa lagu wadaa in loo safriyo magaalada Addis Ababa iyo qaybaha kale ee dalka Itoobiya si gudaha loogu sifeeyo inta lagu guda jiray tijaabada.

“Waxaa muhiimka ah ayaa waxa uu yahay qaabka uu wadanka u isticmaalayo kheyraadka.

“Waa qasab in aan isku raacno in si xaq iyo sinaan ah loo qaybsado kheyraadka,” ayuu yirirai’sul wasaare Abiy.

Raisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa intaa ku daray in kheyraadka la helay uusan noqon mid horseeda khilaaf iyo dagaal sida ka dhacday dalalka qaar.

“Mararka qaar kheyraadka ayaa horseeda dagaal sida ka dhacday dalalka kale,” ayu yiri Dr Abiy.

Waxaa sidoo kale shaaca laga qaaday in dhismaha dhuumihii qaadi lahaa shidaalka oo ku xiraya ilaa Jabuuti uu bilaabanayo bisha September.

Dhoofinta shidaalka ayaa lagu wadaa in ay bilaabato sanadda 2021.

Shidaalkani ayaa waxaa lagu wadaa in uu sanooyiinka ugu horeeya ka soo galo dalka Itoobiya dhaqaala dhan 1.2 bilyan oo doolar.

Balse dhaqaalaha ka so baxa ayaa si tartiibtartiib ah u kordhi doona waxaana lagu wadaa in uu gaaro 7 bilyan oo doolar.

Khuburada ayaa sheegaya in khayraadkan dabiiciga ah haddii si xaq ah oo wanaagsan loo isticmaalo uu gacan ka gaysan doono in lacagta Itoobiya uu qiimaheedu sare u kaco islamarkana uu dhaqaalaha dalkaasi si xawli ah u kobco.

Waxaa sidoo kale shidaalkan laga helay dhulka Soomaalida Itoobiya uu gacan ka gaysan karaa in dadka ay helaan fursado shaqo.

Waxaa jira cabsi dhanka ammaanka ah maadaama horey injineero shidaal qodis ka waday deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu laayay halkaasi.

2007 ayay ahayd markii 11 injineer oo u dhashay dalka Shiinaha iyo 74 qof oo ah dadka u dhashay dalkaasi ay jabhadda ONLF ku dileen halkaasi.

Balse gobolka ayaa imika la sheegay in uu ammaan uu yahay .

Ibraahim Sheekh Muxumed, {Ibraahim Dheere} oo horay madax uga ahaa ururukii UWSLF, ee xorenta Soomaali galbeed oo Itoobiya horay ula heshiiyay ayaa sheegay in ay tahay fursad aad u fiican oo ay dadka deegaankaasi sugayeen muddo qarni ka badan.

Mr Ibraahim ayaa intaa ku daray in caqabadaha ka hor imaan kara arrintani ay ka mid tahay arrinta amniga ayna tahay in arrintaasi la xaliyo.

Waxa uu sheegay in sanooyiin ka hor weerar lagu qaaday goob shidaal laga qodayay oo deegaanka ka tirsan lagu laayay injineero islamarkana ay tahay in arrintaasi la xaliyo si kalsoonida shirkadaha loo kasbado.

“Waxaan ogsoonahay in mar hore rag injineero ah oo shiineysa ah lagu laayay oo jabhadihii dagaalamayay ay laayeen marka taasi waxay u baahan tahay in la xaliyo oo jabhadaasi ONLF lala hadlo oo lala heshiiyo si degdeg ahna kiiskaasi loo dhameey”.ayuu yri.

Xigasho: BBC Somali

Dacwadda Imaaraadka iyo Qatar oo si rasmi ah uga furantay maxkamada ICJ

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen Wargeysyada kasoo baxa dalka Sacuudiga, Dowlada Qadar ayaa dhawaan dacwad heer caalami ah ka gudbisay dowlada Imaaraadka carabta taa oo iminka ka furmatay Maxkamada ICJ ee Magaalada Hague.

Maxkamada ICJ ee Magaalada Hague oo dacwadaani la hordhigay ayaa iminka furay, waxaana Maxkamada ku sugan mas’uuliyiin kala mataleysa labada dal.

Dacwada ay Qadar u gudbisay Maxkamada ICJ ayaa ku saleysneed in Dowlada Imaaraadka carabta ay ku xadgudubtay dhinaca xuquuqda aadanaha iyo takoor gaar ah oo ay ku sameysay muwaaddiniinta Qadar ee ku sugan caasimada iyo Gobolada dalka Imaaraadka.

Dowlada Qadar ayaa Maxkamada ICJ horgeysay in Imaaraadka carabta ay gaf ku talo gal ah u geysatay Muwaadiniintooda ku sugan dalkaasi kuwaa oo cadadka qiyaasta kor u dhaafaya 13,000 oo shacab Qadar u dhashay ah.

Dacwada Qadar ayaa ah in dowlada Imaaraadka carabta ay dalkeeda ka erisay 13,000 muwaadin, halka tirro kale ay boob Hantiyadeed kula dhaqaaqen inta lagu guda jiray bilowga xiisada labada dal.

Dacwada Qadar ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in dowlada Imaaraadka ay hawadeeda ka mamnuucday diyaaradda Qatar Airways iyo qodobo kale.

Wakiillada Dalka Qatar ayaa shalay oo Arbaca ahayd waxaa ay Maxkamadda ka hor jeediyeen dacwadda ay u qabaan Imaaraadka.

Sidoo kale, maanta oo khamiis aheyd ayaa waxaa Maxkamada hortagaayay wakiillada Imaaraadka oo  iyaguna fal celintooda ka jeedinaayay Maxkamadda horteeda.

Si kastaba ha ahaatee, kiiska ugu badan ayaa dusha laga saaray Dowlada Imaaraadka oo iyadu si ay ku jirto cadaawad kula dhaqantay Qadar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Somaliland oo war cusub ka soo saartay Tukaraq iyo waxay ka damacsan tahay

Hargeysa (Caasimada Online) – Kulan ay madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa maanta ku yeesheen xubnaha golaha wasiirada maamulkaas, ayaa waxa ay kaga hadleen arrimaha amniga, gaar ahaan xaaladda deegaanka Tukaraq, oo ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxana lagaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan amniga, iyo horumarka Somaliland.

“Qodobada ugu muhiimsanaa ayaa waxa ka mid ahaa xaaladda xuduudaha bariga Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay weerarro kaga imanayeen maamulka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Somaliland.

Puntland ayaa dhowaanahan ku hanjabeysay inay xoog ku qabsan doonto Tukaraq.

Sidoo kale waxa uu shirka lagu  caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay sugidda xuduudaheeda, isla-markaana ay Somaliland beesha caalamka iyo dalalka deriskaba u xaqiijinayso muhiiim nabada iyo deganaanshaha.

Hadalka kasoo baxay Somaliland ayaa imanaya ayada oo maanta hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha ee ICG ay sheegtay in dagaal kale oo ka dhaca Tukaraq ay si aad ah suurto-gal u tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sacuudiga oo go’aan cusub ka qaatay xoolaha Somalia ee dalkaas loo dhoofin jiray

Riyadh (Caasimada Online) – Wargeyska Al-iqtisaadiyah ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa qoray inay Dowladda Sacuudiga u oggolaatay Bangiga Horumarinta Islaamka (The Islamic Development Bank) inay keeni karaan Xoolaha Somalia oo ay Dowladda Sacuudiga horey u xaryirtay in Xoolahaasi loo iib keeno dalkeeda.

Afhayeenka Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Sacuudiga, Dr. C/llaahi Aba Kheyl ayaa sheegay in Bangiga Horumarinta Islaamka loo fasaxay inay Somalia ka keeni karaa 1,140.000 oo neef, oo loogu tala galay Mashruuca Xoola-qalka ee Maka Al-mukarama, si Xujeyda loogu qeybiyo Xilliga Xajka ee foodda nagu soo haysa.

Afhayeenka Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Sacuudiga, Dr. C/llaahi Aba Kheyl waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Baaritaan lagu sameeyo Xoolaha laga keenayo Somalia, ka hor inta aan Maraakiibta lagu soo daabulin.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in lagu ballamay inaysan Qandaraaslayaasha Bangiga Horumarinta Islaamka u gudbin Karin Xoolajaasi Suuqyada ku yaalla gudaha Sacuudiga, si looga hortago inaan lasoo gudbinin Cudduradda xuduudaha ka soo gudba.

2 Markab ayaa la filayaa inay Xoolaha nool ee ay Somalia ka soo daabulaan ku soo xiran doonaan Dekedda Islaamiga ee magaalladda Jeddah, halkaasi oo mar kale lagu baarayo Sheybaarka Khaaska.

Dhinaca kale, Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee Sacuudiga waxay walaac xooggan ka muujisay

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
[email protected] 

Itoobiya oo billaabeysa inay maanta soo-saarto gaas-ka dhulka Soomaalida (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalka Itoobiya ayaa sheegay in maanta oo khamiis ah uu bilaabayo soo-saarista Gaas-ka dabiiciga ah ee ku jira deegaan Soomaalida ay degto ee dalkaasi.

Qoraal arrintan laga soo saaray waxaa lagu sheegay in ribixa ama faa’idada laga helayo uu dhaafayo 1 billion dollar.

Sida ay sheegtay wasaaradda Macdanka iyo Petroolka ee dalka Itoobiya, keyda gaaska ee ku jira dhulka Soomaalida Itoobiya waxaa lagu qiyaasay lix-siddeed billion cubic feet, tayadoodana aad u sareyso.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in daaweynta qarashka ku baxaya xagga gudaha oo xooggan darteed, heshiis lala galay shirkad Shiinees ah, shirkadda Poly-GCL waxaa ay tubooyinka gaaska geyn-doontaa ilaa Djibouti.

Lacagta laga helayo gaaska laga soo saarayo dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegayaa inuu siyaadi doono sanadaha soo socda, mar haddii keyda uu aad u badan yahay.

Gaaskan la helay keliya lama dhoofin-doono ee waxaa kale oo loo isticmaali-doonaa in ay isticmaalaan warshaha gudaha.

Gaaskan dabiiciga ah ee la helay waxaa ay qeyb ka tahay kor u qaadista dhaqaalaha dalka Itoobiya kaas oo hadda ku jira dalalka ugu dhaqaale kororka badan qaaradda Afrika.

World Bank waxaa uu qoraal ku soo saaray in Itoobiya oo wax soo saarka gudaha hadda GDP-ga ka yahay 1.5%  in 2025-ka gaari-doonno ilaa 10%.

Warar kale ayaa sheegaya in Gaaska dabiiciga ah aanu ku koobnen  dhulka Soomaalida ee ay jiraan shirkado ka raadinaya Rift Valley, Gambella, Cafar iyo gobollada Amxaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Warbixin: Gabar weriye ah oo lagu toogtay Muqdisho iyo ganacsade la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in magaalada Muqdisho lagu dhaawacay gabar ka tirsan Wariyeyaasha Telefishinka dowladda ee SNTV iyo Radio Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa gabadha Wariyaha ah ee lagu magacaabo Farxiya Mire Maxamed ku dhaawacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow isgoyska Dabka, waxana Farxiya loola cararay goobaha caafimaadka.

Dhaawaca Farxiya ayaa waxa ay wararku sheegayaan inuu yahay mid culus, waxana baxsaday kooxihii ka dambeeyay dhaawaca gabadhaasi kamid ahayd Wariyeyaasha Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda.

Dhinaca kale, Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan rag hubeysan oo Barqanimadii Maanta Xaafada Suuqa Siinaay ee degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir ku dilay qof la sheegay in uu ahaa Shacab.

Rag hubeysnaa ayaa la sheegay in Suuqa ay ugu tageen Nin  Ganacsi Gudaha Suuqaasi Siinaay ku lahaa ka dibna ay dhowr Xabadood madaxa kaga dhufteen,iyaga oo goobta ka baxsaday.

Mid ka mid ah Ganacsatada suuqa oo sababo Amni uga gaabsaday Magaciisa  ayaa sheegay in dhaawac ahaan markii loogu qaaday mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho uu geriyooday balse aysan cadeyn Karin sababta loo dilay.

KHEYRE oo wada qorshe is-beddel loogu sameynayo taliyayaasha amniga DF!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Xafiiska R’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo qorsho lagu doonayo in isbedel lagu sameeyo Taliyayaasha  Hay’adaha amniga.

Wararku waxa ay sheegayaan in Taliyayaasha qaar lagu sameyn doono xil ka qaadis, halka qaarna ay sii heyn doonaan xilka ay u hayaan Qaranka.

Taliyayaasha weyn doona xilkooda ayaa waxaa booskooda lagu buuxin doonaa Taliyayaal kale oo la sheegay inay khibrad u leeyihiin howlaha amni ee dalka kuwaa oo muddo fog lasoo shaqeeyay dowladii dhexe ee burburtay.

Illo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheega in Taliyaha Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad lagu helay isdabamarin dhanka gaadiidka iyo qalabka Booliska, halka taliyaha ciidamada Nabadsugida lagu eedeeyay howl gudasho la’aan dhanka shaqooyinka, sida aan xogta ku heleyno.

Xogta ayaa intaa kusii dareysa in Taliyayaashasi ay si wada jira iyo si gaargaar ahba ula kulmeen Ra’isul wasaare Kheyre hase yeeshee ay isku fahmi waayen kulamadooda.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa la sheegay in labadaasi Taliyayaal uu ka dhadhamiyay u jaleecida dhinacyada mucaaradka iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada ee taageerada u ah Xisbiyada kasoo horjeeda Siyaasada dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Wafti Imaaraati ah oo wadahadal ka galay dekad 3-aad oo Soomaaliya ah

Badhan (Caasimada Online) – Wafti ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo shalay booqasho ku bixiyey deegaano ka tirsan Puntland iyo Somaliland, ayaa tagey deegaanka Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay wada-hadallo ku yeesheeyn.

Waftigan ayaa deegaanka kula kulmay Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam oo ah suldaanka guud ee beesha Warsangeli, ee degta gobolka Sanaag, halkaasi oo wada-hadallo ay kula yeesheen isaga iyo dadka deegaanka.

Wada-hadallada ayaa la sheegay inay ku qotomeen sidii Imaaraadka Carabta ay maal-gashi ugu sameysan lahaayeen dekedda magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Si kastaba, booqashadan ayaa la sheegay inay aad uga carreysiisay maamulka Somaliland, ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi, oo u arkay mid Imaaraadka ku bahdilay Somaliland, oo isaga oo aan la tashana wada-hadal ka galay dekad kale.

Deegaanka Badhan ayaa waxaa wada sheegta Somaliland iyo Puntland, mana jirto cid si gooni ah gacanta ugu haysa.

Imaaraadka Carabta ayaa horey heshiisyo ula galay maamullada Somaliland iyo Puntland, ayaga oo la wareegay dekadaha Berbera iyo Boosaaso, oo shirkadda DP World ay heshiis min 30 sano ku xaqiiqsatay.

Heshiisyadaas ayaa waxaa horey u diiday dowladda Soomaaliya, waxaana kadib laalay baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Ceerigaabo
[email protected]

Xildhibaano British ah oo billaabay olole Somaliland loogu aqoonsanayo dal

London (Caasimada Online) – Siddeed (8) xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Britain ayaa dawladooda UK ugu baaqay inay u hawlgasho sidii ay Somaliland uga mid noqon lahayd beesha caalamka ee ay aqoonsi caalami ah u heli lahayd.

Xildhibaanadan ayaa 26-kii June oo ku beegneyd sannad guuradii 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay gobollada waqooyi xorriyada ka qaateen ngiriiska, waxa ay qoraal dheer ku qoreen majalada caanka ah ee Politics Home, waxa ay kaga warameen xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, iyagoo xusay inay ka xunyihiin sida aanay shacabka reer Somaliland maanta u haysan xorriyadaas ay heleen 58 sannadood ka hor ee sida fudud  uga luntay. Xildhibaanadan oo caan ku ah taageerista qaddiyadda somaliland ayaa kala ah:

  1. Clive Betts MP
  2. Stephen Doughty MP
  3. Zac Goldsmith MP
  4. Lord Luce
  5. Kerry McCarthy MP
  6. Liz McInnes MP
  7. Matthew Offord MP
  8. Stephen Timms MP

Waxa ay xildhibaanadani sheegeen in 58 sannadood laga joogo markii ay Somaliland xorriyadda ka qaaday Ingiriiska, iyadoo ay dalal badan oo Afrikaan ah oo iyaguna wakhtigaas xorriyadooda qaatay ay u dabaal degayaan madaxbanaanidooda, laakiin waxay xuseen inay Somaliland ka duwantahay xaaladaha wadamadaas ay isku wakhti xorriyadooda qaateen, “Jamhuuriyadda Somaliland, xaaladu si ahaan way uga duwantahay. Waxay heshiis midow siyasadeed ah la galeen jaarkooda Soomaaliya ka dib markii ay xorriyadooda heleen, Somaliland waxay xorriyadeedii soo celisay sannadkii 1991” ayay xildhibaanadu ku yidhaahdeen qoraalkooda iyagoo xusay guusha ay Somaliland ka gaadhay mudadaas adkaynta nidaamka dawladnimo”hase yeeshee.” Ayay yidhaahdeen “27 sannadood ka dib, Ingiriiska ama beesha caalamku toona may aqoonsan qaranimada Somaliland. Tani waxay ka hor istaagaysaa dalka inuu ka mid noqdo wadamada barwaaqo sooranka iyo hay’adaha kale ee muhiimka ah ee fududeeya kobaca dhaqaalaha iyo horumarka.”

Waxay xildhibaanadani qoraalkooda ku sheegeen inay Ingiriiska joogaan waxna ku bartaan dad badan oo reer Somaliland ah, “Tiro badan oo reer Somaliland ah ayaa wakhtigan ku nool, waxna ku barta Ingiriiska, kuwaas oo ay ku jiraan kumanaan ka mid ah deegaanada aanu metelno oo keliya.”, ayay lagu yidhi qoraalka, waxaanay xuseen in qurbo-joogtani ay xataa door muhiim ah ka qaataan sidii loo abnsixin lahaa xeerar muhiim ah oo xayirnaa, kuwaas oo ay ka mid yihiin xeerka ka hortagga gudniinka fircooniga ah.

Xildhibaanadani waxay qoraalkooda ku yidhaahdeen “Ingiriisku waa deeq bixiyaha ugu weyn ee Somaliland. Wuxuu sidoo kale hoggaaminayay 27 wadan oo ku midoobay inay si madaxbanaan u kormeeraan doorashadii u dambaysay ee madaxtooyada ee November. Doorashadaasi oo lagu qabtay qaabka isha bu’da laga sawiro si looga hortago ku labo celinta, waxaanay ahayd doorashadii lixaad ee xidhiidh ilaa 2003 ee ay reer Somaliland kaga qayb galaan hanaanka doorasho ah habka xisbiyada badan oo si caalami ah loo sheegay inay ahaayeen xor iyo xalaal ah.”

Waxa kale oo ay sheegeen in Somaliland oo dalkeeda ka hirgelisay naabdgeliyo iyo degenaansho aan gobalka Geeska Afrika ka jirin ay Ingiriiska iyo beesha caalamka u tahay saaxiib, maadaama oo uu Ingiriisku la dagaalamo argagixisada.

Xildhibaanada oo Ingiriiska ku canaacanaya sida uu uga gaabiyay Somaliland waxay yidhaahdeen “Haddii xidhiidhka  taariikh,  dhaqan, dhaqaale iyo amniba ay dhaliyaan su’aasha ah sababta uu Ingiriisku uga gaabiyey in uu xidhiidh rasmi ah la yeesho Somaliland, taas waxa ugu wacan isbedelka ku yimid maqaamka Ingiriisku ku lahaa caalamka. Tani waa xaalad isbedel weyn oo muhiim ah u leh xidhiidhka dibada ee Ingiriiska, gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo ammaanka. Waxaa jira heshiis cad oo xisbiyadu u dhan yihiin oo ku saabsan faa’iidooyinka ku lammaan in xidhiidh dhaw lala yeesho wadamada Barwaaqo-sooranka. Qaar badan oo dalalkan kamid ah, sida Somaliland,  waa dhaqaale cusub oo soo koraya oo leh dhallinyaro iyo koboc dhaqaale oo sareeya, kuwaas oo aynu hore u wadaagnay luuqad, taariikh, dhaqan siyaasadeed iyo muwaadiniinba. Dawladda Ingiriiska waxaa bishii Abriil u bilowday laba sano oo ay guddoomin doonto ururka barwaaqa-sooranka, taas oo annagana noo noqon doonta fagaare aanu ka sii wadno iskaashiga iyo dadaalkayaga ku biirista ururka barwaaqa sooranka.”

Ugu dambayn iyagoo baaq u diraya dawladda Ingiriiska waxay yidhaahdeen “Munaasabadda sannad guurada 58naad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xorriyadda ka qaadatay Ingiriiska, oo ah maalinta Somaliland xaqa u siinaysa in ay ka mid noqoto ururka Barwaaqa-sooranka awgeed, waxa aan ugu baaqayaa dawladda Ingiriisku in ay bilowdo geeddisocodkii ay Somaliland kaga mid noqon lahayd beesha caalamka, taas oo fursado, faa’iidooyin iyo barwaaqo dheeraada u ah dalka, muwaadiniintiisa, iyo jaalkiisaba.”

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected] 

Xog: Siyaasiyiin Somali ah oo la filayo inay Kenya ugu marqaati kacaan badda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa lasoo sheegayaa inay ku guda jirto dadajinta marqaati fur ay u sameyneyso Kiiska Badda Somalia oo jawaabteeda laga sugaayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka ICJ.

Dowlada Kenya ayaa la xaqiijiyay in marqaati furka ay ku baadi-goobeyso xubno ka tirsan garabka Mucaarad dowlada oo iminka intooda badan ku sugan magaalada Nairobi.

Marqaati furka ayaa la sheegay inay ka harsan tahay Jawaabta laga sugaayo ICJ, waxa ayn xogtu tibaaxeysaa in kiiskaasi la doonaayo in lagu sii qaso dooda ka taagan Badda Somalia.

Kiiska marqaati furka ayaa waxaa gadaal ka riixaya Ra’isul wasaarihii hore Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur oo la xaqiijiyay in dhawaan ay magaalada Nairobi kula kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Kenya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai ayaa dhawaan sheegay in Jawaabta Kenya ee Maxkamada u heyso cadeymo xaqiiq ah.

Githu Muigai, waxa uu ku dooday in cadeymahooda ay qeyb ka yihiin Documentiyo hore oo muujinaaya in Kenya ay leedahay qeybta Badda ee muranka uu ka taagan yahay.

Sidoo kale, Githu Muigai, waxa uu ku goodiyay in cadeymaha ay hayaan aawgood ay Somalia munaasib u tahay inay ka harto dacwada Badda oo ay sii karineyso.

Si kastaba ha ahaatee, kiiska Badda Somalia oo iminka maraaya heerkii ugu adkaa ayaa waxaa cabsi laga qabaa in Kenya ay malaayiin lacaga iyo Hanti maguurana ku bixiso cadeymaha la sheegay inay weli ka harsan tahay Jawaabta.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Arag Sawirrada: Haweeney Soomaali ah oo Daacish ka tirsan oo lasoo bandhigay

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Australia ayaa baahisay sawirada Haweeney Soomaali ah oo ka tirsan Kooxda Daacish, isla markaana xubin sare ka ah qeybta ku nool Koonfurta Australia.

Dowlada Australia ayaa sheegtay in Haweeneydaasi lagu magacaabo Zaynab C/raxmaan Khaliif isla markaana ay kamid tahay ardayda barata Caafimaad.

Dowlada ayaa sheegtay in Haweeneydan oo muddo badan si hoose ula shaqeyn jirtay Daacish lagu qabtay Kambaska Jamaacadda (Tafe) oo ku taalla magaalladda dekedda leh ee Adelaide Tafe ee Koonfurta Australia.

Haweeneydan lagu magacaabo Zaynab C/raxmaan Khaliif oo 23-jir ah waxaa la sheegay inay Kooxda Daacish kula xiriiri jirtey Online, isla markaana ay sheegtay inay daacad u tahay Kooxda Daacish.

Waxa ay sidoo kale Haweeneydan Kooxda u sahashay qorshooyin la doonaayay in lagu weeraro xarumo muhiima oo ay leedahay dowlada, kadib markii ay sawirada xarumahaasi ay la wadaagtay Dacish.

Sidoo kale, Zaynab C/raxmaan Khaliif oo iyadoo 14 jir tegtay dalkaasi  waxa kaloo lagu eedeeyey inay ku luqeyn jirtey Nashiidada ama Heesaha Borobogaandada ee ay Kooxda Daacish ku baahiyaan Internet-ka marka ay gurigeeda joogto, waa sidaay hadalka u dhigeen.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA HAWEENEYDA

Video + Warbixin: Muxuu ahaa ujeedka waftigii tagey Puntland ee Imaaraatiga?

Qardho (Caasimada Online) – Wafti uu hogaaminayay Sayid Maxamed Khaliifa oo kasoo kicitamay dalka Imaaraatka Carabta ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweyay magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Waftigaan ayaa intii ay joogeen waxay kulan la qaateen boqor burhaan boqor muuse iyo cuqaasha magaalada Qardho, sidoo kale waxay hadiyado kala duwan gudoonsiiyeen bqor burhaan boqor muuse, isaguna waxa uu dhankiisa gudoonsiyay hadiyado kala duwan oo ay ku jiraan sawirka madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya, iyo sawirada boqorada kala duwanaa ee soo maray boqortooyada beelaha daarood.

Sayid Khaliifa oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in ay farxad u tahay in uu qardho soo gaaro ujeedada socdaalkooduna ay tahay sidii ay xooji lahaayeen xiriirka dhaqan ee ka dhaxeeya labada shacab iyo labada dawladood, cuqaashii goobta ka hadashay iyo boqor burhaan boqor muuse waxay si isku mid ah waftiga ugu soo dhaweeyeen gudaha dalka soomaaliya.

Ugu danbayn Boqor Burhaan waxa uu waftiga booqaasho ugu geeyay gooba kala duwan oo ay ka mid yihiin beerta boqorka halkaas oo loogu lisay caano geel oo dhay , sidoo kale waxay ku dalxiiseen dooxooyinka magaalada oo dhawaan roobsaday.

Xog: Qorshe Turkiga loogu wareejinayo saldhiggii laga eryey Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar, ayaa wuxuu mudooyinkii dambe uu ka waday magaaladda Muqdisho kulamo siyaasadeed, kuwaasoo uu la yeelanayey madax ka tirsan dowladda Federaalka.

Shirkii ugu dambeeyay waxa uu la yeeshay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, iyo Taliyaha ciidamadda xooga dalka Sareeye Gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen [Gorod].

Illo-wareedyo la socday kulanka ayaa sheegay, in Safiirka uu kala hadlay taageeradda arrimo ku saabsan taageerada uu Turkiga siiyo ciidamada Soomaaliya iyo xaaladda Saldhiga Janaraal Gordan ee Imaaraadka uu faarujiyay.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ay ku leedahay Safaaradda Turkiga ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Ankara ay joogteyn doonto taageeradda ciidan Xoogga dalka Soomaaliya, iyadoo usoo marinaysa Wasaaradda Difaaca.

Kulanka dhexmaray mas’uuliyiinta ayaa imaanayaa iyadoo dhawaan Madaxweyne Farmaajo uu booqday Saldhigii Imaaraadka maamuli jiray ee Jeneraal Gordan, halkaasoo uu tababar ugu soo xiray Askar cusub oo kusoo biiray Ciidamada.

Warar ayaa sheegaya in Wasiirka difaaca iyo Taliyaha Ciidamaada ayaa taageero maaliyadeed u raadinaya Saldhiga Gordan, kaasoo hadda lasoo warinayo inay ka jirta baahiyo badan, oo dhanka dhaqaalaha iyo agabka ah.

Turkiga wuxuu hadda gacanta ku hayaan Saldhig wayn oo uu ku leeyahay deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho, kaasi oo ah midka ugu weyn ee uu dalkaasi ku leeyahay Africa.

Dowladda Soomaaliya ayaa xusul duub ugu jirtay tan iyo markii Imaaraadku baneeyey Xeradda Janaraal Gordan sidii ay u heli lahayd dowlad ka saacidda kharashaadka ku baxa Saldhigan, walina waxaa muuqata in aysan helin.

Xigasho: Garowe Online

Xog: Qorshe xasaanadda looga qaadayo xildhibaano ka tirsan BFS oo socda.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu wado qorsho xasaanada looga qaadayo Xildhibaano ka tirsan BFS.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Guddoomiayaha uu dib u hir galinaayo Go’aan horay uga soo baxay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir kaa oo lagu dalbaday in xasaanada laga qaado Xildhibaano ay kamid ahaayen Xasan Macalin iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye.

Qorshaha uu Guddoomiyaha baarlamaanka kusoo nooleynayo amarka Xeer ilaalinta Qaranka ayaa la xaqiijiyay in loo kaashanaayo Xildhibaano ka tirsan garbka taabacsan dowlada.

Xildhibaanada aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha baarlamaanka oo hadda safar ku maqan uu u guda galay arrinta xasaanada, balse ay weli tahay qabyo.

Mid kamid ah Xildhibaanada oo aan xiriir la sameynay ayaa sheegay in Guddoomiyaha baarlamaanka ay ka go’an tahay meel marinta dalabka Xeer ilaalinta ee xasaanada looga qaadayo Xildhibaan Xasan Macalin iyo Saabir.

Waxa uu sheegay Xildhibaankan oo magaciisa ka gaabsaday sababo amni aawgii in qorshahaani ay mar kale isla dajiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo markiisa hore lahaa fekerka lagu dalbaday xasaanad ka qaadista.

Qoraal December 17, 2017 kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir ayaa lagu dalbaday in xasaanada Xildhibaanimo looga qaado Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Daljir iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye.

Xeer ilaalinta ayaa labadani Xildhibaan horay ugu eedeysay inay yihiin Qaran dumis, kadib markii lagu helay kiisas lid ku ah Qaranimada iyo Xilka ay u hayaan shacabka oo qaab khaldan loo adeegsaday.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaha lagu dardar galinaayo dadaalka lagu soo nooleynaayo xasaanad ka qaadista labada Xildhibaan ayaa dib u bilaaban doonta kadib marka uu Muqdisho kusoo laabto Guddoomiyaha baarlamaanka oo howlo shaqo u aaday dalka Jabouti.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Somaliland ma ay beenin karto in ay argagixisada garab u tahay” waxaa yiri…

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in Puntland ay gacanteeda kusoo celin doonto dhammaan deegaanada ka maqan ee ku jira gacanta Somaliland.

Gaas waxa uu sheegay in Puntland aysan tabeynin Hub ama agab ciidan oo ay kusoo ceshato deegaanada ka maqan, hase yeeshee ay fursado siinayaan maamulka Somaliland oo uu sheegay inay ku adkeysaneyso lahaanshiyaha Gobolka Sool.

Sool, ayuu sheegay in adduunka ay ku garanayaan Puntland, balse Somaliland ay dhexda uga soo dhacday.

Hoggaamiye Gaas, waxa uu sheegay in Somaliland ay kaalin weyn ka qaadato amni darada ka jirta deegaanada Puntland, waxa uuna cadeeyay inay hayaan cadeymo la taabankaro.

‘’ Somaliland ma beeninkarto inay garab u tahay argagixisada Somalia, waxaanu heynaa cadeymo la taabankaro sidaa aawgeed Puntland wey ku khasban tahay inay iska difaacdo’’

Waxa uu Gaas carab dhabay in sababta ay u daneynayaan Gobolka Sool, ay tahay in Hubka iyo gurmadka argagixisada loo soo mariyo Sool, balse ay ka hortagi doonaan dadaal waliba oo lagu hubeynaayo argagixisada, sida uu ka sheegay kulan uu Saraakiil ciidan kula qaadanaayay Garoowe.

Sidoo kale, C/weli Gaas ayaa dadka deegaanka ku ah Gobolka Sool uga digay inay garab u noqdaan ciidamada Somaliland oo uu sheegay inay khatar ku yihiin xasiloonida Puntland.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa ku celcelineysa inaysan diyaar u aheyn dagaal iyo dhiig mar kale daata, halka Puntland ay ka tumeyso durbaanka colaada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]