Hanoi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa Isniintii si cad u beeniyay inuu muran qoys kala dhaxeeyo xaaskiisa Brigitte, kadib markii muuqaal laga duubay garoonka diyaaradaha ee Hanoi uu baraha bulshada si ba’an ugu faafay. Muuqaalkaasi ayaa muujiyay xaaskiisa oo si lama filaan ah wejigiisa uga riixaysa xilli ay ka soo degayeen diyaaradda madaxtooyada.
Macron ayaa sheegay in muuqaalkaasi si khaldan loo fasiray, isagoo eedda dusha uga tuuray olol marin habaabin ah oo lagu doonayo in si qaldan loo micneeyo dhacdada.
Madaxtooyada Faransiiska (Élysée) ayaa rajeyneysay in booqashada Vietnam ay iftiimin doonto doorka Paris ee gobolka Indo-Pacific. Hase yeeshee, safarkii lagu doodayay inuu fursad u yahay xoojinta saameynta Faransiiska, waxaa hareeyay hadal-heyn ka dhalatay muuqaalka dhacdadan, oo dhacay markii diyaaraddii madaxweynaha ay Axaddii ka degtay magaalada Hanoi.
Waa markii saddexaad oo bishan gudaheeda Macron uu bartilmaameed u noqdo muuqaal si xawli leh ugu faafay baraha bulshada, xilli Faransiisku sheegayo in uu wajahayo weerarro marin habaabin ah oo joogto ah, iyadoo Ruushka lagu eedeeyay inuu kordhiyay weerarrada warbaahinta ee uu la beegsanayo taageerayaasha Ukraine.
Mid ka mid ah sheegashooyinka been abuurka ah ee la faafiyay ayaa ahayd in Macron uu cocaine isticmaalo xilli uu booqasho ku marayay magaalada Kyiv, isagoo la socday Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer iyo Kanzalarka Jarmalka Friedrich Merz. Sawirro kale ayaa muujiyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo lagu eedeeyay inuu si muujin ah u gacan sarreeyay marka uu gacan qaadayay Macron.
Muuqaal ay duubtay wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa muujinaya Brigitte Macron oo labada gacmood ku taagaysa kuna riixaysa wejiga saygeeda xilli ay ka soo degayeen diyaaradda.
Macron ayaa muuqaalkaas ka muuqda isagoo si yar ula yaaban falka, balse si degdeg ah ayuu uga bogsaday, kadibna wuxuu u jeestay dadkii sugayay soo dhoweynta isaga oo gacan u haadinaya. Si kastaba, maadaama inta badan jirka Brigitte uu ku daboolnaa albaabka diyaaradda, looma arkin si cad wejigeeda iyo luqaddeeda jirka.
“Aniga iyo xaaskeyga waan kaftamaynay, wax muran ah nagama dhexeyn. Si lama filaan ah ayaan uga yaabay,” ayuu yiri Macron.
“Hadda arrintii waxay isu beddeshay masiibo caalami ah, qaarna waxay bilaabeen inay abuuraan mala-awaal iyo falanqeyn aan sal lahayn,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Dadku ha dejiyaan naftooda”
Macron ayaa si caro leh uga falceliyay muuqaallo kale oo faafay maalmahan, kuwaas oo uu ku jiro mid laga duubay xilli uu saarnaa tareen kusii jeeday Kyiv. Qaar ka mid ah dadkii faafiyay muuqaalkaasi waxay si been abuur ah u sheegeen in uu cocaine watay.
Balse waxa uu caddeeyay in waxa uu miiska ka qaaday marka ay saxaafaddu soo gashay uu ahaa masax gacmeed.
Dhanka kale, Erdogan ayaa la arkay isagoo haysta farta Macron marka ay is gacan qaadayeen — taas oo si khaldan loo fasiray.
“Midkoodna ma aha run,” ayuu yiri Macron. “Dhammaan waa muuqaallo sax ah, laakiin fasiraadda lagu lifaaqay ayaa ah mid si khaldan loo abuuray.”
“Dadku ha xasilaan. Waa in la joojiyaa buunbuuninta aan salka lahayn,” ayuu hadalkiisa ku adkeeyay.
Markii ay dhacdadan ka dhacday Hanoi, Macron iyo Brigitte waxay si toos ah ugu dhaadhaceen jaranjarada diyaaradda si loogu soo dhoweeyo si rasmi ah. Si kastaba, Brigitte Macron ma aysan qaadan gacanta madaxweynaha markii uu u fidiyay.
Muuqaalkan ayaa si xowli ah ugu faafay baraha bulshada, iyadoo si gaar ah loogu faafiyay akoonno si joogto ah u dhaliila hogaamiyaha Faransiiska.
Xafiiska Macron ayaa markii hore shaki geliyay sax ahaanshaha muuqaalka, isagoo soo jeediyay in laga yaabo in la adeegsaday teknoolajiyadda sirdoonka macmalka ah (AI). Balse markii dambe waa la xaqiijiyay in muuqaalkaasi dhab yahay, waxaana si toos ah uga falceliyay Macron.
“Wax aan caadi ka baxsaneyn”
“Sedexda muuqaal ee la faafiyay, mid waxaan ka qaaday masax gacmeed, midna waxaan gacan qaaday, midna waxaan la kaftamay xaaskeyga — wax aan ka badneyn nolol maalmeedkeenna caadiga ah,” ayuu yiri Macron.
Wuxuu eedda dusha uga tuuray “shabakado si fudud loo raad raaci karo,” isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay “Ruushka” iyo “xagjiriinta gudaha Faransiiska.”
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova – oo si firfircoon uga qeyb qaadatay faafinta sheegashada cocaine-ka – ayaa qoraal ay ku daabacday Telegram ku sheegtay in Macron uu “xaaskiisa ka helay feer midig.”
Waxay intaas ku dartay in la filayo in la eedeeyo Ruushka. “Ama waxaa laga yaabaa in ahayd gacantii Kremlin-ka?” ayay ku tiri hadal ay si jees-jees ah u dhigtay.
Vietnam ayaa ah saldhigga koowaad ee safarka Macron ee Koonfur Bari Aasiya, halkaas oo uu doonayo in Faransiisku isu muujiyo inuu yahay xulasho kale oo lagu kalsoonaan karo marka la barbar dhigo Mareykanka iyo Shiinaha.
Macron waxa uu sidoo kale booqan doonaa Indonesia iyo Singapore.
Xiriirka u dhexeeya Macron, oo 47 jir ah, iyo xaaskiisa Brigitte, oo 72 jir ah, ayaa muddo dheer ahaa mowduuc hadal-heyn ka dhashay gudaha iyo dibaddaba.
Brigitte waxay ahayd macallimad, isaga ayaana arday u ahaa markii ay isku barteen iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Amiens ee waqooyiga-bari Faransiiska. Iyadoo ahayd hooyo leh saddex carruur ah, ayay ninkeeda hore kala tageen, waxayna xiriir la bilowday Macron xilli uu weli dhallinyaro ahaa.
Brigitte oo ah marwada madaxweynaha Faransiiska ee sida weyn u muuqata, ayaa hore tallaabo sharci ah uga qaaday sheegashooyin been abuur ah oo baraha bulshada lagu faafiyay, oo ay ku jiraan kuwo la xiriira jinsiyaddeeda.