25.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Kheyre oo sheegay in garoonka Adan Cadde uu shaqeyn doono habeen iyo maalin

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa dhagax dhigay leerarka iftiimiya wadada ay ku ordaan Diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cade Airport ee magaalada Muqdisho,waxuuna daaray laanbadii ugu horeysay ee laga mudo Garoonka Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka Duulista iyo Hawada ee xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegey in qalabkan dowlada Soomaaliya ay soo gadatey ugana tala gashey in goroonka Aadan Cade Airport lagu xiro si ay diyaaradahu habeen iyo maalinba usoo dagaan una duulaan sidoo kalena ay qayb ka noqoto soo celinta bilicda garoonka iyo caasumadda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo kooxdii kala shaqaysey howsahan ay qabteen wuxuuna cadeeyey inaysan cidna taageero ka helin taasina ay tahey guul ay gaartay dowlada Soomaaliya.

“Waxaa loo qabay baahi wayn in la helo leerarka ifttimaya wadada ay diyaaraduhu ku dhaqaaqaan, aad baan ugu faraxsanahey inaan dhagax dhigo. Tanina waxey bilow u tahey horumarinta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwa gobolada dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay shaqaalaha garoonka ka shaqeeya inay ilaaliyaan qalabkan maadaam uu yahey hanti Qaran, sidoo kalena waxuu usoo jeediyay madaxda garoonka inay dowlada usoo sheegaan waxyaabah ka dhiman garoonka.

Akhriso: Imisa dal ayuu booqday Farmaajo tan iyo markii la doortay?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la doortay 08 February 2017 markaas oo uu guul taariikhi ah ka gaaray doorashadii ka dhacay Soomaaliya oo ay u tartamayeen musharixiin badan.

Farmaajo ayaa tan iyo markaas wuxuu booqday wadamo badan oo kala kala tirsan qaaradaha kala duwan ee adduunyada, isaga oo ka shaqeynaya danta dalka Soomaaliyeed iyo horumarinta xiriirka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa galay ilaa sagaal safar oo wadamo kala duwan ah marka laga reebo Sacuudiga oo uu laba jeer booqday, wuxuuna dhammaan kasoo hooyey guulo iyo taageero muhiim u ah umadda Soomaaliyeed.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso wadamada uu Madaxweyne Farmaajo booqday tan iyo markii la doortay:

  • Saudi Arabia
  • Kenya
  • UAE
  • Jordan
  • Turkey
  • Ethiopia
  • UK
  • Saudi Arabia (mar kale)
  • Djibouti
  • Qatar

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu booqasho ku tagay dalka Masar oo uu casuumaad rasmi ah ka helay.

Xamar: Ciyaarta xiyaalka xaafadda iyo ciyaalka qurbaha (Yaa ku guuleystay wareegga kowoaad?)

Waxaa magaalada Muqdisho ka scoda ciyaar siyaasadeed oo u dhaxeeysa ciyaalka xaaafadaha Xamar ee waxbartay laakin aan dhoofin iyo ciyaalka ka yimid qurbaha ee wax soo bartay. Waxaa habeen hore soo dhamaaday wareegi kowaad. Natiijada waxaa ku dhawaaqay Mudane Taabit, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Waxaa wareegi kowaad ee ciyaarta ku guuleystay ciyaalka qurbaha.

Mr. Mahdi, oo ka mid ah ciyaalka xaafadda, ayaa ii sheegay in ay ku jiraan diyaargarow weyn isaga oo dhiiragalin ka dhiganaa xikmadaha kala ah “Ciyaaru waa gelin dambe” iyo “Geel caruuri qaaday ma dheera”. Mr. Mahdi wuxuu ii sheegay in ay ciyaalka xaafadda ay sameysteen urur la yiraahdo “Blue Shirts” ama ururka “Shaati Buluug”.

Kooxda Shaati Buluug waxay damacsan yihiin in ay maamulka Gobolka Banaadir ka soo dhigaan DFS. Magaalada Muqdisho iyo maamulkeeda waxaa gacanta u galiyay DFS lix nin oo Ambassador Mahiga maskax u ahaa. Waa howl adag in maamulka Xamar laga bixiyo gacanta DFS. Dhaqaale fiican ayaa DFS ka soo gala Xamar. Xukunka iyo xaragada DFS waxay ka socdaan Xamar. Durbaanka iyo banaanbaxyada DFS waxaa lagu tumaa oo lagu qabtaa Xamar. Muqdisho waa goobta ay ku ciyaarto DFS. Sidaas awgeed, lagama fili karo madaxda DFS in ay ogolaato in ay faraha kala baxdo maamulka gobolka Banaadir.

Guusha wareega kowaad ee ciyaalka Qurbaha waxay keeni kartaa:

  1. In Xamar magaca laga badelo oo loo bixiyo: Magaalada Federaalka Ee Soomaaliya. Magaca “Goblka Banaadir” iyo darajada “Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho” waa marin habaabin. Goboladii kale (17) waa ka faa’ideen dib u habeynti siyaasadeed ee ka dhacday Soomaaliya oo waa ka baxeen gacanti ama xukunki dowladda dhexe. Maamul goboleed kamajiro Muqdisho oo waxaa gacanta ku haya DFS; Gobolada kale waxay doortaan madaxdooda.
  2. In ay Xamar ka dhalato dowlad xoog badan oo xaasid ah. Fikradda ah in madaxdu soo dhaweysato saaxiibadood (sida Damujadiid), qabiilkooda, ama kooxaysi (sida reer Suudaan, reer UK, ama reer USA) waxay keeni kartaa in dadka kale iyo ciyaalka xaafaddu colaad u qaadaan, war xun ka fidiyaan ama ishortaagaan amarka dowladda. Taasna waxay keeni kartaa in dowladdu xoog iyo xeel la timaado.
  3. In howsha kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Gobolka Banaadir (sida in dadka ku nool Muqdisho ay wakiilo ku yeeshaan BFS iyo in ay doortaan madaxda maamulka magaalada) ay isu badesho mid lid ku ah federaalka iyo jabhadeyn sal ka dhigta maamul goboleedyada ku dhow Xamar.

Waxaan sugaynaa bilowga wareega labaad ee ciyaarta ciyaalka xaafadda (Shaati Buluug) iyo ciyaalka qurbaha.

Qore: Dr. Nuune Cali Yare

Ra’isul wasaare Kheyrow ma Xamar kaliyaad xilka uhaysaa?

Qormadaydan kooban ee su’aalaha bixinaysa ayaan jeclaystay in aad ila wadaagtaan taasoo igu dhalisay qudbooyinka qiirada Lahaay ee Uu Ra’iisulwasare Kheyre uu munasabadaha xamar ka jeediyo Markasto

Qeeyb kamida Ah su’aalaha aan iswaydiiyay ayaan Reysulwasaare khyeyre uga baahnaa in aad si furan igula wadaagtaan.

*Md Kheeyre. Kheyr allaha Haku Ku Siiyee Xukumadaadu Ma Soomaliya Oo Dhan Ayeey Xukuumad u Tahay Mise Muqdisho Oo Qura (Kaliya)

*Qiiraddaada Khudbadeed Mar Walbo Waxaad ku Ekeysaa reer Muqdishoow Dulqaata Ee Maxaa Ku Aasan Muqdisho Oo Ay Xukuumadaadu Ogtahay.

*Golaahaaga wasiirada waxay meel mariyeen in aan xiitaa mas’uuliyiinta aanan loo ogolayn 4 Qori Oo AK-47 ah wax kabadan ,Waana wax wanaagsan ee sharcigaan Garoowe Iyo Kismayo qaban waayay ee Muqdisho U Kali yeelay xagee xukuumaddu ka xeerisay?

*Md Kheeyrrow Dalku waa federal dastuurkuna wuu qeexayaaa ee Muqdisho kaliya 4.5 laga hirgaliyo ee aan gobollada kale aanan ka Hirgaleynin ma qaanuunka Ayey ku taallaa?

*Xeerka dastuurka federaalka qodobkiisa 9aad ee dhigaya Muqdisho hab maamuuskeeda iyada’oon labada gole go’aan cad kasoo saarin in xukuumaddaadu hor dhacday makuu muuqataa?

*Md Ra’iisulwasare Xukumadihii kaa Horeeyay ee KMG aanan ahayn Waxa Aysan Muqdisho ku arag miyaa Xukuumadaadu Aragtaa?

Gunaanad:-

Qormadaydan Su’aalaha ah waa qorma aanan katarjumayn diidmo ee waa aragti furan una baahan jawaabo.

(Ra’isulwasaare Kheeyrrow ma Xamar kaliyaad xilka uhaysaa?)

W/Q: Hassan Abdikadir Mudey

Xog: Maxaad kala socotaa laba dal oo uu ku wajahan yahay madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan kasoo xiganay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo uu aqbalay 3 casuumaad oo uga timid Seddex dal.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu aqblay casuumadahaasi oo uga imaaday dalalka Masar, Bahreyn iyo Qadar oo uu iminka u safray.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in dal waliba uu ku sugnaado muddo laba cisho ah, sida aan kasoo xiganay ilo wareedkeena Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Seddexdaasi dal kala hadli doono arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Xiriirka, Amniga, Siyaasada iyo Abaaraha soo noqnoqday ee ka jira Gobolada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u galay 9 safar oo uu ku kala baxshay Sacuudiga, Kenya, Cammaan, Imaaraadka Carabta, Turkiga, Ethiopia, London, Sacuudiga iyo Jabuuti oo dhamaantooda xiriir dhow la leh Somalia.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu gali doono Safaro kale oo xigi doona casuumaada Seddexda dal ee aan kor kusoo sheegnay.

Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo ayaa horay uga cudur daartay Safaradiisa badan ee uu ku gaarayo Caasimadaha caalamka, waxa uuna sheegay inaanu jirin lacago gaara oo kaga baxeysa Safarada uu aado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Yey wax ka tabanayaan reer Somaliland iyo madaxdooda: Ma dowladdii hore ee Siyad Barre mise dadweynaha Soomaaliyeed?

Inta aanan u gelin cidda ay wax ka tabanayaa taageerayaasha maamulka Soomaaliland iyo madaxdooda: Ma dowladdii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Alaha u naxariistee Madaxmed Siyaad Barre mise dadweynaha Soomaaliyeed ee ay ka dhasheen. Aan marka hore wax yar ka waramo cidda dhistay maamulka Soomaaliland iyo halka ay ka soo jeedaan dadka taageeraba, Taasi oo runtii sawir buuxa naga siin doonta waxa aan ka hadli doonno haddii uu Rabbi dimo.

Maamulkan,  Ayaa waxaa dhisay jabhaddii la oran jiray SNM ee ay lahaayeen siyaayiin ka soo jeeddey beesha Isaaq ee wax ka degta gobolada Waqooyi ee dalkeenna. Siyaasiyiintan, Ayaa ka soo horjeesatay dowladdii Maxamed Siyaad, ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay gacan bidxeysay xuquuqdii ay xaqa u lahaayeen dadka reer Waqooyiga ah. Waxa ayna taasi keentay in ay isku dhiibaan taliskii Xabshida ee waagaasi ka jiray Itoobiya, Si ay markaasi uga soo qaataan hub ay kula dagaalamaan Dowladdii xiligaasi ka jirtay Soomaaliya.

Siyaasiyiintan iyo jabhaddii ay soo dhiseen, Ayaa waxa ay soo galeen dagaallo qaraar oo ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan deegaanno ku yaallo dhinaca Waqooyi, Iyagoo waliba isticmaalayo hubkii ay Xabashidu soo siisay, Taana waxaa ka dhashay in ay xoog uga hortagto Dowladdii Maxamed Siyaad oo waajibaadkeedu uu ahaa in ay dalka ka difaacdo cid kasta oo soo weerarta inkasta oo ay isticmaashay awood xad-dhaaf ah. Waana halkaasi halka ay ka bilaabatay dhibaatada xoogeedda, waayo waxa ahayd in ay wax walbo ku xaliso wadahadal iyo is afgarad.

Dagaallo qaraar ka dib, Waxaa u suurgashay SNM-ta in ay qabsato dhul badan oo ku yaalay dhinaca Waqooyi, Iyadoona halkaasi ka geystay gaboodfallo badan sida kuwii ay ka geysatay gobolka Awdal oo kale. Dhowr shir oo meelo kala duwan lagu qabtay ka dib, Ugu danbeyn waxa ay ku dhawaaqeen dhismaha maamul cusub iyo in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, Taasi oo runtii ahayd balanqaad ay Isla ogaayeen Iyaga iyo Itoobiya sida uu qireyba Madaxweynihii hore ee Soomaaliya AU Cabdulaahi Yuusuf mar uu u waramaayey TV-ga Universal.

Cabdulaahi, Ayaa wareysigaasi ku sheegay in Xabashidu ay si hoose ula shaqeyneysay SNM-ta sidii ay uga go’i lahaayeen Soomaaliya inteeda mar alaale iyo marka ay dhulkaasi qabsadaan. Waana halkaasi halka ay ka timid fikradda gooni-isutaagga iyo wada shaqeynta hoose ee maanta ka dhaxeysa Xabashida iyo maamulka Soomaaliland ee hadda jira. Waxa uu sidoo kale Cabdulaahi sheegay, in SNM-ta ay ka codsadeen in ay la midoobaan balse ay ka diideen. Taasina, Waxa ay tusisay in waxa la duminayo aanu aheyn taliska Maxamed Siyaad, balse ay Soomaaliya tahay.

Haddii aan ka sheekeyney qaabka uu u dhismay maamulkan ay horboodayaan cilimaaniyiintan gumeysi kal-kaalka ee maanta sababta u noqday in Itoobiya la siiyo dakhli ka soo xarooda dekad Soomaaliyeed. Aan markan ka waramo wax ay yihiin dadka taageera Maamulkan Xabashi kalkaalka ah. Nidaamkan, Ayaa waxaa taageera dad u badan beesha Isaaq, halka beelaha kale ee Soomaaliyeed ee deegaanadaasi ka soo jeedana aysan maamulkaasi taageersaneyn marka laga reebo dad yar oo dhuuni-raac ah.

Tusaale ahaan, Marka aad la sheekeysato dadka Soomaaliyeed ee deegaanadaasi ka soo jeeda, gaar ahaan kuwa ku abtirsada qabaa’ilada kala ah Gudabiirse, Dhulbahante, Ciise, Warsangeli iyo kuwa la midka ah, Waxa ay dhamaantood kuu sheegayaan in aysan taageersaneyn fikiradda gooni-isutaagga balse aysan dhib u arag wixii kale ee la sameysto, Waana halkaasi halka uu Maamulkaasi aanu ka heli doonin wax ictiraaf ah. Sidoo kale, Marka aad la sheekeysato qaar ka mid ah Culimda, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada iyo dadka caadiga ee Iyana ka soo jeeda beesha Isaaq, iyaguna waxa ay kuu sheegayaan aragti taa la mid ah.

Sidee loo ictiraafayaa yaa turaa maamul ay sameysay beel Afrikaan ah ? Aduunyaduse ma waxa aad u maleyneysaan inayan la soconin waxyaabaha ka dhacayo deegaanda uu Maamulkaasi ka taliyo iyo sida uu u dhisan yahayba ? Marka aad u fiirsato waxyaabaha ka dhacayo deeganadaasi, Waxaa runtii kuu soo baxaysa wax aad la yaabto ama aad ku qososho. Tusaale ahaan, Waxa aad maqleysaa beel la leeyahay waxa ay ka soo baxday xisbi hebel oo waxa ay ku sii socotaa xisbi kale, halka mid kalena ay ku sii biireyso xisbigii laga soo baxay !!

Waxaad kaloo arkeysaa rag la leeyahay waa mujaahidiin oo ay ula jeedaan raggii ka tirsanaan jiray jabhaddii SNM oo runtii u badnaa rag calmaaniyiin oo reero balwad ah. Sidee mujaahid loogu tilmaami karaa shaqsi ay Xabashi soo hubeysay, Islamarkaana la dagaalamayo dadkii uu ka dhasahay ? Maxaase diinta loogu cayaarayaa ? Waxaad kaloo arkeysaa wax ay ku tilmaamayaan xisbiyo siyaasadeed oo hadana ku saleysan jifooyin isximinayo, halka waxan ay ku sheegayaan guurtidana ay noqotay goob la isku dhaxlo sida uu Faysalba sheegay ?

Maamulkan, Ayaa xoogeystay tan iyo markii ay Dowladda Federaalka madaxweynayaal ka noqdeen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, Kuwaasi oo xariga u u dabciyey maamul doonayo in uu ka go’o dalkii ay madaxweynayaasha ka ahaayeen, Taasi oo runtii  ku tusineysa damiirxumadooda iyo heer ay gaarsiisan tahay daacadnimada ay u hayaan dalkan ay musiibada ku habsatay. Sidee loo kolkoolinayaa maamul doonayo in uu kala dhantaalo midnimada iyo wadajirka dalka ? Sow ma’ahaynse in la cadaadiyo inta uu ka tanaasulaayo fikradda gooni-isutaagga ee uu ku hadaaqayo ?

Waxaan ka rajeynayaa dowladda uu madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Farmaajo in ay si dhab ah u wajihi doonto Maamulkan maadaama uu qatar ku yahay midnimada iyo wadajirka Umadda Soomaalida iyo waliba kiyaankooda. Waxaan kaloo rajeynayaa in ay dajajin doonaan dhismaha maamul goboleedka Khaatumo iyo waliba Awdal State, Si ay markaasi u noqdaan culeys ku qasba Nidaamkaasi in uu ka tanaasulo fikraddooda ku aaddan gooni-isutaagga. Farsamadan, Ayaa ah mid wanaagsan waa haddii si fiican loo isticmaallo.

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan maanta kaga waramayo cidda ay wax ka tabayanayaan taageerayaasha maamulka Soomaaliland iyo madaxdooda: Ma dowladdii hore ee Maxamed Siyaad mise dadweynaha Soomaaliyeed ee ay ka dhasheen. Anigu, Runtii waxaan waagii hore u haystay in cidda ay wax ka tabanayaan ay tahay taliskii hore ee Maxamed Siyaad maadaama uu Isagu la dagaalamay, laakiin hadda waxaa cadaatay in cidda cadowga lagu yahay ay tahay Umadda Soomaalida sida ay Iyaguba ay qirtaan.

Sidan soo sheegeyba, Nimankani waxa ay dagaal kula jiraan guud ahaan dadka Soomaalida maadaama aanu maanta jirin taliskii Maxamed Siyaad, Taana waxaa daliil u ah hadalada maalin walba ka soo baxa afkooda ee aan waliba lala gabaneynin. Tusaale ahaan, Waxa arkeysaa Iyagoo si toos ah u weerarayo dadka Soomaalida ee ku nool Koonfurta iyo Bartamaha dalka. Waxaad kaloo arkeysaa Iyagoo hadallo xun xun u isticmaalayo dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Hadaba, Maxay galabsadeen dadka reer Koonfureedka ee maanta nool ? Waa maxayse waxa ay Muqdisho bi’isay ?

Ma taliskii Maxamede Siyaad baa maanta jira mise Soomaalida eegga joogta ayuu Isagu dhalay ? Maxay haleeyeen beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfurta iyo Bartabaha Wadanka mise dadka oo dhan ayaa Daarood ah ? Ma iyaga kaligood baa wax ka tabanayo taliskii Maxamed Siyaad ? Aawayse dhibaatooyinkii loo geystay beelaha kala ah Majeerteen, Hawiye, Ogaadeen iyo kuwa kale oo badan ? Maxaa dhibkooda ka dhigay mid ka duwan dhibabka dadka kale ?

Maxaa lagu fasiri karaa marka Oday ka tirsan golaha Guurtida ee Maamulkaasi uu Xabashida ugu baaqayo in ay ka faa’iideysato fursadaha maanta horyaallo oo uu ula jeedo in ay leyso dadka Soomaalida ee ku dhaqan Koonfurta iyo Bartamaha dalka, Islamarkaana qabsato dhulkooda ? Maxaa kaloo lagu fasiri karaa cayda, yasidda, taxriidka iyo naceybka gaamuray ee maalin walba hawada lagu sii deynayo ? Maxayse reer Koonfureedku galabsadeen ? Sow mar hore ma dhicin taliskii Maxamed Siyaad, Islamarkaana kama soo wareegin 27 sano ? Sow Alaah ma oran walaa taziru waa zirantan wisra ukhraa ?

Waxaa tusaale kale ah, hadalada fooshaxun ee maalin walba ka soo baxa Faysal Cali Waraabe oo runtii ka mid ah rumuusta waa weyn ee uu Maamulkaasi ku taagan yahay. Faysal, Ayaa hadda ka hor sheegay in wiilka Adis Ababa uu ka jecel yahay wiilka Muqdisho, Hadalkaasi oo runtii muujinayo heerka ay gaarsiisan tahay cadaawadda ku jirta. Waxa kaloo uu sheegay in uu toogan lahaa C/maalik haddii uu Isagu hayn lahaa xukunka Soomaaliland tagista uu Muqdisho tagay darteed. Maxaa danbi ka dhigay tagista Muqdisho oo aysan danbi u ahayn tagista Adis ? Aaway walaalnimadii iyo iimaankii  Islaamka ?

Walaalayaal, Waxa ay marayaan taageerayaasha mamulka Soomaaliland iyo madaxdooda in ay maanta ku faanaan in Itoobiya la siiyo hanti ka soo xaroota dhul Soomaaliyeed, Iyadoo aan la garaneynin sababta ay ku qaadan karto. Marka aad taariikhda dib u jaleecdo,  Waxaa runtii kuu soo baxaysa in nimanka maanta horboodayo Maamulkan Soomaaliland aysan wax badan ka duwaneyn kuwii Ingiiriiska la safnaa ee Daraawiishi dagaalka kula jiray. Alla maanta shalay u ekaa. Sow ma’ahayn maahmaah carbeed: Attaariikhu yuciidu nafsah.

Arimaha aan soo sheegey iyo kuwa kale oo lagu darayba, Ayaa dhacayo xilli aysan Soomaaliya ka jirin dowladdii Maxamed Siyaad, bal ay ka sii maqan tahay ku dhawaad 27 sano. Hadaba, Maxaa keenayo cayda, taxriidka, yasidda iyo waliba naceybka gaamuray ? Ma Siyaad Barre ayaa nool mise Soomaalida maanta joogta ayuu Isagu dhalay ? Ma lagu eedeyn karaa dadka reer Koonfureedka ee maanta nool dhibaatooyinkii ay geystay dowladdii Maxamed Siyaad ee ay ka buuxeen dad reer Waqooyi ah ? Jawaabtu waa maya waa haddii uu jiro caqli ka badbaaday balwad iyo nifaaq.

Aniga, Xaqiiqdii waxaan ka sugaayey in nimanka maanta horboodayo maamulka Somaaliland ay oran doonaan: War Soomaali ha isu timaaddo, Islamarkaana ha dhisato nidaam wanaagsan oo qof walba oo Soomaali siiya xaqiisa maadaama uu meesha ka baxay taliskii Maxamed Siyaad, laakiin nasiibadarre taa ma dhicin. Bal waxaa loo booday dhina kale iyo dalkii la kala qeybiyo, Iyadoo la fulinayo qorshayaashii cadowga. Mashruuca SNM waa mashruuc Xabasho iyo mid Falaasho halka deeganadaasina ay yihiin goob qabiil iyo mid qabyaaladeed.

Tan kale, Waxaa yaab leh in Culimada iyo Odayaasha Dhaqanka ee beesha Isaaq ay ka aamusaan ficilada foosha xun ee maalin walba ka soo baxayo dadka horbooda Maamulkaas iyo waliba kuwa taageera. Tolow, Ma waxa ay hadli doonaan marka laga ficilceliyo naceybka gaamuray iyo gaboodfalada wada socda ? Sow lama ogo in Villa Soomaaliya uu maanta ka taliyo shaqsi ay ku weyn tahay midnimada iyo madaxbanaanida dalka ? Sow lama ogase in Madaxweynaha uu haysto taageerada Soomaaliweyn meel kasta oo ay joogtaba oo ay Jabuuti ku jirto ? Ma la aqbali karaa in beel ay ku cayaarto mustaqabalka Umadda ? Kallaa walaahi.

Gabogabadii iyo gunaanudkii, Haddii aan mar kale isweydiinno su’aashii aan cinwaanka uga dhignay qormadeena oo ahayd: Yey wax ka tabanayaan taageerayaasha maamulka Soomaaliland iyo madaxdooda ma dowladdii hore ee Maxamed Siyaad mise dadweynaha Soomaaliyeed ? Ma sidan moodeyney mise siday noqotay. Anaga, Waxaan moodeyney in ay wax ka tabanayaan dowladdii hore ee Siyaad Barre maadaama ay dagaaalantay laakiin hadda waxaa cadaatay in ay dagaal kula jiraan Soomaaliweyn meel kasta oo ay joogtaba mar haddii ay naceyb u muujiyeen Iyagoo tiro iyo tabarba yar.

W/Q: Maxamed Ibrahim (Ragow)
[email protected]

Arrin cusub: Xiddig oo faro-galin ku haya wadahadalka Somaliland iyo Khatumo

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Khatumo ayaa shaaca ka qaaday in faragalin ba’an lagu hayo wadahadalka kala dhexeeya maamulka Somaliland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar oo la hadlaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo kamid ah BFS uu faragalin qaawan ku hayo Hanaanka uu u socdo wadahadalka kala dhexeeya maamulka Somaliland.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in Xiddig uusan faragalin wadahadalka mudadii uu ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arriamaha Gudaha, balse hadda uu tashkiilin ku hayo xubno ka tirsan wadahadalka Khatumo iyo Somaliland oo ay xiriir wadaagan.

Waxa uu sheegay inuu ka shaqeynaayo in la fashiliyo wadahadalka waxa uuna cadeeyay inay jiraan shaqsiyaad kale oo ku wehlinaaya faragalinta balse uu ugu weyn yahay Xildhibaan Xiddig.

”Xiddig waxa uu gabay howshii uu u hayay Qaranka shaqsi sidaa ah ayaa hadana isku dayaayo inuu fashiliyo wadahadalka ka dhexeeya labada maamul waxaan DFS ugu baaqeynaa inay wax ka qabato Xiddig”

Sidoo kale, waxa uu carab dhabay in wadahadalka uu xili hore ahaa in lasoo gabagabeeyo balse uu dib u dhaca sababay Xildhibaan Xiddig oo ka dhex shaqeynaaya labada dhinac, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, faragalinta Xildhibaan Xiddig ayaa kusoo beegmeysa xili faragalin ceynkaasi ah uu ku hayo Dowlada Federaalka Somalia, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu adeegsanaayo Xildhibaano ku cusub saaxada Siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faallo: Tacajub iyo la-yaab habka wax u socdaan ee Muqdisho

Waxan aan jicelahay in aan la wadaago bulshaweynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto sida aan u arko ka aqoonyahan ahaan habka loo tarjumay maamulwanaagii uu Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaliya Mudane / Maxamed Cabdullahi Farmaajo mahadi haka gaartee,  uu shacabka u ballan qaaday, oo uu sheegay in dowladdiisu tahay dowlad isla xisaabtan.  Waxana uu sheegay waliba kuwa ku takri fala Awoodda lagu aaminay ee musuq ku dhaqma in beeraha lagu falidoon. Waa hadal shacabka intiisa badan dhiiri geliyey loona riyaaqay, loogana  bartay madaxweynaha muddadii yareyd ee uu R’iisulwasaraha ka ahaa dowladdii KMG aheyd.

Waxa la filayey in mas’uuliyiinta kuwa hore ama kuwa dambe lala xisaabtami doono, taas oo ka billaaban lahayd dhammaan he’adaha dowliadda. Lana kala saari doono qofka wanaagga ku sifoobay iyo kan maamul xumada caadeystay. Lana ciqaabi doono midka musuqa ku kacay lana abaal mariyo midka maamul wanaagga ku sifoobay.

Waxa muuqato mitaal ahaan in aan la helin ilaa iyo hadda qof maamulxumo iyo musuq loo qabtay, masuuliyiinta wax qabadkooda waxa uu soo baxaa marka ay shaqeeyaan ee ka hor lama ogaan karo, mana qabo in 14 guddoomiye degmo ay wada xunyihiin kuwaas oo si saf ah looga qaaday shaqada.

Dadkii shaqooyinka laga qaaday oo ay u dambeeyeen guddomiyayaashii Degmooyinka gobolka banaadir  afar iyo tobanka shaqada laga fadhiisiyey ma markii la baaray ayaa la’ogaaday in aysan ku habbooneyn guddomiyenimada ay hayeen oo wax qabadkooda ayaa la dhaliilay, mase qaladaadkooda ayaa batay, ma lala xisaabtamay asey ku caddaatay in aysan maamulwanaagga ku sifoobin. Halkaas waxa muuqatay in aan la raacin hadalkii madaxweynaha ee ahaa in qofwalba wixii lagu aaminay lagula xisaabtamo.

Kuwa cusb ee la magacaabay ma hore ayaa loo soo tijaabiyey in ay ahaan jireen maamulayaal ku sifoobay wax qabad iyo hufnaan, mase asxaab aahaan ayaa lagu doortay, sideebaa loola xisaabtami doonaa haddii aan marka horeba kii ka horeeyey lala xisaabtamin, lana tusin in aan maamulxumo laga aqbaleyn.

GUNAAND

Waxa aan aad u jeclaan lahaa in Soomaalidu is weydiiso goormaan gaari doonaa in qofka lagu qiimeeyo aqoonta uu u leeyahay shaqada uu dalbanayo in uu qabto aanna iskaga guuri doonaa hebel waa saaxiibkey aan aqaanno cidina ugama habboon shaqadaan iyada oo ay dhici karto in ay taagan yihiin kuo takhasus sare u hyeysta isla jagada lagu magacaabayo is aqoon qaawan oo aan khibrad la jirin.

Waxa aan ku tali lahaa in arrinkaas uusan sii socon oo la dabar jaro, haddii aan rabno in aan Addunka la jaan qaadno.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ka sugi meyno in ay aqbasho wax ka soo horjeedo ballantii ay shacabka u qaaday.

WA BILLAAHI ALTTOWFIIQ

W/Q: Dr. Inj. Axmed Cumsr Classow

Maxay dhashay dowlad jacaylkii canshuur bixiyaasha gobalka Banaadir?

Dowladnima jecaylka Canshuur bixyaasha degan Gobalka Banadir waxay dhalisay in Xuquuqdii matilaad 2da aqal oo ay xaqa u lahayeen layka indhatiro laguna daboolo Maqaamka Casimada Somaliyeed ama Maqaqaamka Muqdisho.

Casimada waa casimad Somaliyeed Hase ahate Gobalka Banadir wuxuu gaar u yahay dadka dagan oo kaliya sida gobalada kale ee dalka ka jira.

Caalamka  aynu ku noolnahay waa la qaderiyaa  canshuur bixiyaasha  qaranka, hase ahaate wadanka Somaliya waxaa ka jirto arin taas ka gedisan oo ah in xitaa Madaxdii qaranka  ay ka meermeerysanayaan in ay u naxariistaan  ama u ogolaadaan  xuquuqdooda oo ah in ay la sinaadaaan dadwayna kale ee ku nool gobalada dalka ka jira.

Dowladihi Dalka soo maray oo ay ku jirto tan haatan shaqeeysa waxay ka simanyihiin in cagta  lasaaro  xuquuqda  cashuur bixiyaasha Gobalka  Banaadir ama lagala tashto hay’ado kale  oo  aan shaqa  kulahayn  ayado  laga dhuumanayo dadkii ay talada ka go’day , runtii waa  muuqaal  naxdin  leh in ay sidaas wax u dhacaan oo aan haba yaraatee lagu socon  wadadii lagu gaari  lahaa  Midnimo  Somaliyeed  wayoo  midinmada  wayxay ka bilaabataa Cadaalad ijtimaaci ah.

waxaa wax  lala yaabo  ah in madaxda  qaranka ay ka hadlaan Midnimo Somaliyeed ayagoo  aanan  habayaraatee wax cadaalad ah ka hadlin  ama  inkirsan  xuquuqda Canshuur bixiyaasha Gobalka Banadir.

Madaxwayna dalka Somaaliya ee haatan xilka haayo wuxuu ku soo bar baaray Gobalka Banadir sida ku qoran taariikh nololeedkiisa waanu ogyahay in ay canshuur bixiyaasha Gobalka Banaadir ka maqantahay

Xuquuqdii matilaada  2da aqal  ee Barlamanka Somaliya oo ay xaqa u lahaayeen laga reebay awood qaybsiga dalka, ama federaliska dalka ka hirgalay, hase ahate marnaba kama aanu hadlin dhibaata haysato shacabka bixiyo dakhliga  uu  ku maareeyo dowladiisa.

Mdaxwaynaha dalka Somaliya ee haatan xilka haayo mar kasta uu khudbadeenayo wuxuu amraa in Canshuurta la soo u ruuriyo  asago dhahaayo dowlad aan canshuur haysani wax maqaban karto, runta waxy tahay dadka uu amraayo in ay canshuurta bixiyaan waa shacabka degan Gobalka Banadir oo kaliya , Lakin wuxuu ka gaabsadaa in uu amro sidii ay xuquuqdooda matilaada  2da aqal u helilahaayeen taaso u muuqoto in aanuu daacad ka ahayn xuquuqda Cashuur bixiyaasha Qaranka Somaliyeed.

Arinta kale ee khatarta ku ah Canshur bixiyaasha Gobalka Banadir, Hadii wasiirka Dastuurka mar 2aad ku khaldamo Canshuur bixiyaasha Gobala Banaadir sidii uu hore ugu khaldamay ee uu ku qoray  Qabyaqoraalka  waxyaabo  lid  ku  ah shacabkasi,  ma waxay noo horsedesaa Dowlad degan oo Xoog leh (Stable and strong Government)? mise dib ayey  noogu celinaysaa? (Divtion and civil war) qaybsanan iyo dagal sokeeye? Sideebay uga jawaabi doonaan shacab lagu xaqiray awood-qaybsiga federalka dalka Somalia?  Waa arin  naxdin wayn leh Canshuurbaa idinka doonaynaa xuquuqdiinana ma ogolin!!!!! .

Canshuur bixiyaasha Gobalka Banadir waxay la yaabanyihiin sida madaxda qaranka u daboolayaan xuquudooda matalaada  2da aqal ee Barlamaanka Somaliyed oo ay xaqa u leeyihiin.

Hadaba Canshur bixiyasha degan Gobalka Banaadir waxay doonayaan in loo tixgeliyoo wanaagooda, sharaftooda karamadooda iyo Dowlad jecaylkooda oo loo ogolaado in ay ka qayb galaan  federalimka  wadanka ka hirgalay  ayadoo la tixgelinaayo cadaalada iyo sinaanta ummada Somaliyeed.

W/Q: Dr. Hussein Ali Nuur
E-mail [email protected]

Xildhibaan sheegay in DF ay ka gaabisay hal arrin oo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax oo loo yaqaan ”Kabaale”, ayaa dhaliil xoogan u jeediyay dowlada Somalia, kadib markii uu sheegay inay ka gaabineyso in dhaqaalihii loogu dhiibay dadka tabaaleysan aysan weli gaarsiin.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay jiraan kumanaan qof oo aan heysan cuno, dawo iyo daryeel ay ku noolyihiin duleedka magaalada Muqdisho, kuwaa oo aan wali la gaarsiin deeqihii uu caalamka usoo mariyay DFS.

Xildhibaanka waxa uu sheegay inay jiraan dad farabadan oo aan heysan cuno iyo dhar, waxa uuna DFS ku dhaliilay inaysan iska xil saarin, isla markaana ay si nadiif ah u gaarsiin deeqda loo soo mariyay.

”DFS dhaliil wey muteysan kartaa waxaan ku dhaliilayaa inay si cad uga gaabineyso wax ka qabashada xaalada dalka, waxaa nasiib darro ah in dadka tabaaleysan aan weli la gaarsiin deeqihii loogu soo dhiibay dowlada”

”Nasiib darada ugu weyn waxa ay tahay in bakhaarada qaar ay weli ka buuxan deeqihii loogu tallo galay dadka liita, hadana ay jiraan dad weli la il daran baahi, dawo la’aan iyo caafimaad darro waxaa arrintaasi wax laga weydiin doonaa dowlada oo mas’uul ka ah”

Xildhibaan Kabaale, waxa uu Madaxda dalka ugu baaqay in deeqaha ku jira Bakhaarada ay ku faarujiyaan dadka aan heysan qutulyoomka, waxa uuna cadeeyay in indhihiisa uu kusoo arkay dad aad u liita oo aan laba wakhti waxba cunin.

Haddalka Kabaale ayaa kusoo beegmaaya xili inkabadan 13 dal ay DFS uu deeqeen dhaqaale iyo raashiin badan oo loogu tallo galay dadka ay abaartu saameysay, hase yeeshee ay weli jiraan kumanaan qoys oo la il daran baahi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Farmaajo oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Doha

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, ayaa galabta u amba baxay Magaalada Doha ee dalka Qatar.

Madaxweynaha iyo wefdigiisii oo ku sugnaa dalka Jabuuti, ayaa diyaarad gaar ahi ka raacay Garoonka Magaalada Djibouti.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma sidii dowladda Soomaaliya ay taageero amni iyo mid dhaqaale uga heli lahayd dalalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa in maalinta Berri ah uu kulamo la qaataan Boqorka dalka Qadar iyo Mas’uulyiin kala duwan.

Booqashadan uu Madaxweynaha Soamaliya ku tagay dalka Qadar ayaa noqonaya booqashadii 10aad ee uu ku tago Wadamada Caalaamka.

Waxa uu horay u sheegay in Safarada badan ay yihiin kuwo lagu soo celinaayo xiriirka Caalamig ah.

15 guddoomiye oo xilka laga qaaday halmar sabab la’aan: Gabood falkii ugu weynaa oo ay DF sameyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudodomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku dhaqaaqay gabood falkii ugu weynaa ee dowladda Sameyso markii uu halmar xil ka qaadis ku sameeyey 15 guddoomiyayaal Degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Sida sharciga ah qofka xilka loo dhiibay waxaa lama dhaafaan ah in la sheego sababta keentay in xilka laga qaado, maadaama markii hore ee loo magacaabayey laga dhawaajiyey inuu yahay shaqsi shaqadaas kasoo bixi karo.

Waxay aheyd in qofka xilka laga qaadayo loo sheego sababta ka dambeyso in xil ka qaadis lagu sameeyo ugu yaraana qodobo lagu soo eedeeyo, balse Thaabit wuxuu xilka ka qaaday 15 guddoomiye isagoo aan xataa hal sabab u yeelin.

Waa gabood falkii ugu weynaa ee dowladda sameyso, in hal mar xilka laga qaado guddoomiyeyaal 14 degmo, iyadoo aanan eedeyn loo soo jeedin ama sabab uu ku muteysanayo in xilka looga qaaday, ma jirto boos looga bedelay xilka laga qaaday waana nooc ka mid ah musuq maasuqa iyo ku tagri falka awoodeed ee dalka ka jira

Haddii shaqsi kasta oo xil loo dhiibo uu ku dhaqaaqo xil ka qaadis deg deg ah oo weliba wadareed ah waxaa la is waydiinayaa xilliga shaqo loo qaban doono shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tan iyo markii la doortay wuxuu soo saaray laba dikrooto oo mid uu ku amray in isbadal lagu sameeyo mid kamid ah xuruufta Gobolka Banaadir, halka Dikreetada kale uu xilka uga qaaday 15 ka mid ah guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye kasta oo xilka loo dhiibo wuxuu bilaabaa inuu eheladiisa iyo saaxiibadiis u magacaabo xilal si ay u wada qeybsadaan hantida qaranka ee sida sharci darada ah loo boobayo, waxayna midaas caddeyn buuxda u tahay inaan loo kala carareyn u shaqeynta umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii isku qarxiyey Boosaaso + Sawirro

Boosaaso (Caasimada Oline) – Shalay Waxaa Magaalada Boosaaso ka dhacay qarax aad u weyn kaasoo geystay Khasaaro isugu jiro naf iyo maal, waxaana mas’uuliyadda Qaraxaas sheegtay ururka Khilaafada Daacish.

Haddaba Kooxdaas ayaa waxay soo bandhigtay sawirka, magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxaas xoogga badan ee ahaa naftii haligo.

Daacish ayaa ku sheegtay magaca ninkii is qarxiyey Abuu Qudaama kaasoo ay ka dhawaajisay inuu kasoo jeedo Beesha Mareexaan.

Magaca Abuu Qudaama ayaa wuxuu kamid yahay magacyada ay isugu yeeraan kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamo daafaha kala duwan ee adduunka, ilaa haddana Daacish si rasmi ah uguma dhawaaqin magaca ninka iska qarxiyey, Waxayna kaliya kusoo koobtay Abuu Qudaama.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada ninka is qarxiyey

 

Document: Jawaari oo Farmaajo iyo Kheyre u diray warqad xasaasi oo ku saabsan heshiiska Berbera

Muqdisho ( Caasimadda Online)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra,isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u diray waraaq uu kaga dalbanayo inay soo cadeeyaan mowqifkooda ku aadan heshiiska saldhigga Berbera ee Imaaraadka lagu siiyey Dakadda Berbera.

Caasimadda Online ayaa heshay nuqul kamid ah waraaqihii uu guddoomiyaha u diray madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra,isulwasaaraha.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waraaqahaan kusoo lifaaqay liiska iyo saxiixa Xildhibaanadii mooshinka usoo gudbiyey Baarlamaanka Soomaaliya.

Ilaa dhowr Xildhibaan ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka usoo gudbiyey mooshin ka dhan ah saldhigga ay Imaaraadka ka sameynsan rabto Dakadda Berbera kadib markii ay heshiis la gashay Maamulka Somaliland.

Baarlamaankan Soomaaliya ayaa laga filayey inuu go,aan cad ka qaato heshiiskaas markii la hor keenay mooshin ka dhan ah balse Jawaari ayaa cayaaray nashqad kale wuxuuna go,aanka arrintaan u wareejiyey madaxweynaha iyo Ra,isulwasaaraha, wuxuuna arrintaan kala kulmay cambaareyn badan.

Haddaba halkaan hoose oa aqriso waraaqaha uu Jawaari u diray Madaxweynaha iyo Ra,isulwasaaraha:

 

Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo u kictamay dalka Qadar

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay Safar qaatay laba maalin oo uu ku joogay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa magaalada Jabuuti kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geele oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, Amniga iyo Siyaasada.

Inta kadib Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa galabta u ambabaxay dalka Qadar, kadib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Boqorka dalkaas Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la xiriiro xoojinta xiriirka labada dal iyo in dowlada Qadar ay garab istaagto dowlada Somalia oo iminka kasoo kabaneyso burburka iyo xasil darida amni.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la sheegay in dalka Qadar uu ku nagaan doono muddo laba cisho ah, waxa uuna mudada uu dalkaasi joogo kulamo la qaadan doonaa Madaxda dalkaasi, Jaaliyadda iyo Ganacsatada dalka Qadar oo uu ku dhiiragalin doono inay maalgishtaan Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishan gudaheed galay safaro dhowr ah, sida Itoobiya, UK, Sacuudiga, Jabuuti iyo Qadar oo uu hada booqanayo, waxaana uu dalalka qaar kaga qeyb galay shirar muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Somalia ayaa horay u difaacay Safarada dhowrka ah ee uu ku gaaray dalal dhowr ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay agagaarka dekedda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar la sheegay inuu ahaa Ismiidaamin ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Weerarka oo ahaa mid intiisa badan laga maqlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow dekeda Muqdisho ee degmada Xamar Jajab.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarka lala beegsaday Maqaaxi ku taal Isgoyska Sheelaro oo ku dhow Dekeda Muqdisho.

Weerarka kadib ayaa waxaa la maqlaayay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada eryadaasi ku sugan.

Khasaare isugu jir dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxan, sida ay inoo sheegeen dad Goobjoogayaal ah, inkastoo khasaaraha rasmiga ah aan la ogeyn.

Waxaa iminka la maqlayaa dhawaqa gaadiidka Gurmadka oo ku qulqulaaya goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-warran: Maxay Kheyre iyo Taabit xiligan u raadinayaan kalsooni?  

Saddex bil ka dib ayaa labo shir oo isku ujeeda ah lagu qabtay labada dhinac ee Magaalada Muqdisho. Shirarkan ayaa midna lagu taageeray Taabit Cabdi gudoomiyaha Gobolka Benaadir, halka shirka kale lagu taageeray Xasan Kheyre Raysalwasaaraha Xukuumadda. Labada nin oo uu saaxibnimo ku soo xushay Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqata in ay hanan la’yihiin kalsoonida beshooda.

Xildhibaano iyo wariyayaal aad loogu yaqaano dalaal nimo ayaa labada xaflad ku qaatay qandaraas. Inkastoo uu Raysalwasaare Kheyre ku celceliyo in uu musuq maasuqa la dirirayo, ayaa muuqata in uu arrinkaasi afka baarkiis dhaafsiisanayn mar hadii labada xafladood lagu bixiyey $150k oo doolar.

Muqdisho waxaa maalmahan ka socday abaabulo ay beelaha Hawiye isugu imaanayeen shirar kala duwan. Ujeedka shirarka ayaa lagu sheegay xaq raadinka maqaamka iyo metelaada Gobolka Banaadir. Waxaa arrinkan sii xoogaystay kadib markii uu Madaxweynaha Hirshabeele Balcad ku fidiyey gogol lagu dhisayo maamulka Gobolka Banaadir, Isagoo shegay in isaga iyo Madaxweynaha Galmudugna ay arrinkaas isku ogyihiin. Inkastoo ujeedada shirarka ay sida loo sheegay tahay, hadana kama marnayn diidmo laga muujinayo habdhaqanka gudoomiyaha Gobolka Banaadir. Waa taa mida keentay in la qabto xafalada taageeradda Gudoomiyaha Gobolka.

Diidmada Taabit waxay galaafatay Raysalwasaare Kheyre oo isku dhigay Taabit, kuna bixiyey ra’sumaalkisii siyaasadeed. Kheyre ayaa arrinkan u samaynaya abaalgud maadaama uu Taabit magacaabistiisa ka danbeeyey. Taabit iyo Raysalwasaare kheyre waxay dagaal ku qaadeen kooxda Horusocod iyo Daljir, oo ay ka urinayaan in ay yihiin xoog siyaasadeed Hawiye. Labada nin gacan kuma hayaan  labada madaxweyne ee Hirshabeele iyo Galmudug. Waxay kaloo aaseen oo aan wax kaalin muuqata ah lahayn Wasiirada Beesha Hawiye, maadaama ay doonayaan in ay iyagu is muujiyaan meel kastana ka muuqdaan.

Hadaba fashalka Gudoomiyaha Gobolka iyo Raysalwasaaruhu ku hanan la’yihiin beesha Hawiye ee ay ka dhasheen wuxuu galaafan doonaa xukunka Madaxweyne Farmaajo hadii uusan xili hore iska qaban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Laba beel oo si weyn uga hor yimid guddoomiyayaasha cusub ee gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xalay xil ka qaadis ku sameeyey 15 guddoomiye oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir isagoo xilalkaas u magacaabay shaqsiyaad cusub.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa beelo cusub xilal ka siiyey Degmooyinka Gobolka Banaadir halka kuwa markii hore qeyb ku lahaa u ka saaray.

Haddaba durba waxaa mucaaraday magacaabistaas laba beel oo ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo ku tilmaamay magacaabistaas xaq darro iyo ku tumasho, waxayna ka dhawaajiyeen inay si cad u mucaaradsan yihiin.

Beelaha Saruur iyo Jareer Weyne ayaa ka hor imaaday magacaabistaan, waxayna ka dhawaajiyeen inaan xaqii ay ku lahaayeen Gobolka Banaadir laga siin.

Beesha Saruur ayaa markii hore hal guddoomiye ku laheyd degmooyinka Gobolka Banaadir waxaana halkaas xil meesha ka saaray Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Beesha Jareerweyne ayaa markii ugu horeysay rajeneysaa inta la xasuusto inay hal guddoomiye ka hesho degmooyinka Gobolka Banaadir balse riyadaas waxaa meesha ka saaray Thaabit oo aan wax xil ah ka siin inkastoo markii hore uu ballan qaad u sameeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro xasaasi ah: Guriga uu Jawaari ka dhistay Baydhaba afartii sano ee uu ahaa guddoomiyaha BF

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa guri qurux badan oo qarash badan ku baxay ka dhistay Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Jawaari ayaa gurigaan dhistay afartii sano ee dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud markaas oo uu musuq maasuqay lacago badan, sida xildhibaano badana ay u sheegeen Caasimada Online.

Caasimadda Online ayey u suurta gashay inay sawiro kasoo qaado gurigaas oo ku yaal bartamaha Magaalada Baydhabo, wuxuuna markasta ka kireeyaa Hey’adaha ka shaqeeyo Magaalada Baydhabo.

Haddaba Halkaan hoose ka daawo qaar kamid ah sawiradii ay Caasimadda Online kasoo qaaday guriga Jawaari:

Daacishkii ugu badnaa oo isku dhiibay Puntland (Tirada)

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camay, oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay isku soo dhiibeen maleeshiyaad ka tirsan Daacishta Somalia ee gobolka Bari.

Hogaamiye ku-xigeenka ayaa sheegay in iminka ay isa soo dhiibeen maleeshiyaadkii ugu badnaa, waxa uuna tilmaamay inay geeyen xarumo ay ku nastaan.

Cameey waxa uu sheegay in maleeshiyaadka isa soo dhiibay ay gaarayaan 20 kuwaa oo ay ku jiraan Horjoogayaal sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in dhalinyaradaasi ay go’aansadeen in ay ka baxeen Kooxda ,islamarkaana markii ay kasoo tageen ay soo daba galeen ayna ka dileen 5 ka mid ah.

Cameey waxa uu carab dhabay in maleeshiyaadkani aysan soo qaban, balse ay iskooda uga soo goosteen Daacishta Gobolka Bari, sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale, Cameey ayaa qiray inay aad u adkaan doonto in laga guuleysto Daacishta Gobolka Bari ee ku sugan deegaanada maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]