26.5 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Cabdiqaasim, Farmaajo iyo Shariif oo soo saaray qoraal ay ugu digayaan Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan, Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warsaxaafadeed wadajir ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka dhalatay dhulalka danta guud ee ku yaalla Muqdisho iyo barakicinta shacabka.

Saddexda Madaxweyne ee hore ayaa ka digay ku takri-falka dhulka danta guud ee caasimadda, waxayna sheegeen in si aan sharci ahayn loo iibinayo.

Sidoo kale, waxa ay farriin u direen Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ugu baaqeen inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud, ayna dib gacanta dowladda ugu soo noqdaan dhulalka la iibiyay.

“Haddaba, anaga oo tixgalinayna cabashooyinka isdaba-joogga ah ee naga soo gaaraya qoysaska la barakiciyey waxaan u soo jeedineynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan-yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego. In dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:

Ugu horrayn, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo qaraabada dadkii ku dhintay howl-gallada ku takri-falka dhulka danta guud ee ka socda magaalada Muqdisho, waxaana leenahay Eebbe ha u naxariisto intii ku dhimatay, kuwa ku dhaawacmayna Alle ha caafiyo.

Sida ku cad qodobbada 25aad, 26aad iyo 43aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, qodobbada 50aad iyo 51aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud oo qeexaya hantida danta guud iyo sida loo maamulayo, iyo qodobbada 6aad iyo 22aad ee Xeer Lr.41 ee Sharciga Dhul Qaybinta – qodobbadaas dhammaantood waxay waajibinayaan in marka dhul laga saarayo diiwaanka Dhulka Danta Guud la xaqiijiyo arrimahan:

  • In muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu helo deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed.
  • In la soo bandhigo in laga maarmay dhulka la iibinayo iyo sababta.
  • In iibintiisa ay ka masuul tahay Hay’adda Iibka Qaranka.
  • In la naadiyo, laguna qoro Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda, laguna dhejiyo goobaha dadku isugu yimaadaan.
  • In la xaqiijiyo sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa.
  • In la xaqiijiyo ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadi’da dheefsashada dhulka, iyada oo aan dhibaato loo geysan deegaanka.
  • In la xalliyo khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida.
  • In la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku takri-falka xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.
  • In dakhliga ka soo xarooda dhulkii la iibiyay lagu shubo khasnadda dhexe ee dowladda.

Waxaa ayaan-darro weyn ah in aan la marin qodobbadaas sharciyeed ee dalka, isla markaana si bareer ah loogu tuntay Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka.

Haddaba, anaga oo tixgalinayna cabashooyinka isdaba-joogga ah ee naga soo gaaraya qoysaska la barakiciyey waxaan u soo jeedineynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:

  1. Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan-yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego.
  2. In dib u dejin loo sameeyo dadka la barakiciyay, kuwaas oo xaq dastuuri ah u leh in ay helaan deegaan.
  3. In dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay.

Ugu dambayn, ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee xalaal-quutayaasha ah waxaan uga digaynaa in aanay ku kadsoomin dhulka danta guud ee ummadda ka dhexeeya, ayna meel uga soo wada jeestaan fasaadka iyo boobka hantida qaranka, iyaga oo ogsoon awooddooda dastuuriga ah ee ku cad qodobka 1aad ee Dastuurka dalka.

Waxaa soo wada saaray Madaxweynayaashii hore ee dalka:

  1. Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan
  2. Mudane Shariif Sheekh Axmed
  3. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

-Dhammaad-

Abaabulkii ugu xooganaa oo ka socda Sh/Dhexe + Sawirro

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale abaabul culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilowday gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle, si kooxda looga saaro deegaanadii ugu dambeeyay ee ay qabsatay.

Abaabulkan ayaa waxaa ku biiray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, saraakiil ka tirsan ciidankada Xoogga dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo gaaray aagga degmada Warsheekh, halkaas oo lagu diyaariyay boqolaal ciidamo ah, si dhiig cusub loogu shubo dagaalka.

Mas’uuliyiinta ayaa maanta booqday deegaanka Xaluule, waxaana ay kulameen ciidamo deegaanka ah oo lagu diyaariyay halkaasi, si ay ugu dhiirogeliyaan dagaalka xoreynta ee dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo goobta ka hadlay ayaa bogaadin u jeediyay ciidanka deegaanka Macawisley ee lasoo bandhigay, wuxuuna faray inay dhaqaaqaan oo ay iska xoreeyaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale ciidanka ku ammaanay guulihii ay ka gaareen dagaalka, isagoo ku boorriyay in ay mar kale sii laba jibbaaraan dadaallada ay haatan ka wadaan deegaanka.

“Maanta iyo marqaati wixii hore hadda waa ka duwan tahay waxaan rabnaa idinkoo mid ah inaad dhaqaaqdaan oo aad iska xoreysaan cadowgaa Khawaarijta” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dhankiisa Duqa Muqdisho oo kaalin muuqata ku leh diyaarinta iyo abaabulka ciidamada deegaanka ee loogu talagalay ka qaybgalka duullaanka ku wajahan Khawaarijta, ayaa ciidamada Macawisleyda ah u sheegay in dhawaan la billaabi doono hawlgal saf ballaaran, iyadoo la fulinayo hagidda Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Muungaab ayaa caddeeyey in ciidamadan Macawisleyda ah oo gaaraya boqollaal mujaahid, aysan ku jirin hal xubin oo katirsan Ciidanka Qaranka, balse dhammaantood ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.

Kormeerkan ayaa loo arkaa tallaabo dhiirrogelin ah oo dhiig cusub ku shubaysa howlgallada ka socda gudaha dalka, iyadoo sare u qaadaysa niyadda ciidanka, kuwaas oo hadda u diyaar garoobaya duullaan dagaal oo ballaaran oo ka dhan ah Khawaarijta, xilli dowladda Soomaaliya ay soo gebagabaysay diyaar-garowgii ka dhanka ahaa kooxaha argagixisada.

Xasan Sheekh oo ka dagay Dhuusamareeb + Qorshihiisa

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhusuamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka uga hortagay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), mas’uuliyiinka deegaanka, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo usoo banaan baxay soo dhaweeyntiisa.

Ammaanka magaaladan ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo gol-hore loo diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya oo lasii ogaa inuu tagayo Dhuusamareeb.

Xasan Sheekh ayaa kulamo ka bilaabi doono Madaxtooyada Galmudug, isaga oo la kulmi doono mas’uuliyiinta maamulka, waxgaradka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada oo uu kala hadli doono xaaladda gobolka iyo qorshayaasha dowladda ee la xiriira Galmudug.

Safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid ku saabsan dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.

Madaxweyne ayaa sidoo kale la filayaa in uu xarigga ka jaro xarumo cusub oo laga hirgeliyay magaalada, sida xarunta baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, waxa uu kormeeri doonaa mashaariicda kale ee horumarineed ee socda, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale Madaxweynaha oo riixaya dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ayaa dadka deegaanka kala hadli doona doorkooda kaga aaddan la dagaallanka Al Shabaab. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in madaxweynuhu doonayo in dib loo soo nooleeyo iskaashiga ciidamada iyo shacabka, si dadka reer Galmudug ay ugaalin muuqata uga qaataan dagaalka Shabaab.

Dhuusamareeb ayaa sidoo kale kamida magaalooyinka waawayn ee ay ka socdaan ololaha diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka qof iyo codka ah, waxaana Qoor Qoor oo horay u hadlay uu sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Jadwalka doorashada Waqooyi Bari oo shaaca laga qaaday

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Baarlamanka Woqooyi Bari ee dhawaan lagu dhisay magaalada Laascaanood ayaa maanta shaaciyey jadwalka doorashada guddoonka.

Doorashada guddoonka Baarlamaanka oo ay ku xigto midda Madaxtooyada, ayaa waxaa lagu dhameyn doona wax walba toddobaad gudihiis, sida uu muujinayo jadwalka doorasho ee uu soo saaray baarlamaanka.

Ansixinta habraaca doorashada iyo shaacinta guddoonka Golaha Wakiillada ayaa maanta dhacday, iyadoo qabashada araajida musharaxiinta iyo diiwaan-gelintooda ay bilaaban doonto maalinta berri ah, waxayna socon doonta illaa 22-ka bishaan.

“Qabashada codsiga musharaxa, diiwaan-gelinta iyo qabashada khidmada musharaxiinta waxay qabsoomi doonaan Agoosto 20-22, 2025, laga bilaabo 8:00 subaxnimo illaa 8:00 habeennimo,” ayaa lagu yiri jadwalka kasoo baxay baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari.

Hadal-jeedinta musharixiinta iyo qabashada doorashada Guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa iyadna dhacaysa 23-ka bishaan, sida lagu shaaciyay jadwalka doorashada ee kasoo baxay Baarlamaanka.

“Shahaada siinta Musharaxiinta ku guulaysta Guddoonka Golaha Wakiillada iyo dhaarinta Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen ayaa sidoo kale dhaceysa isla maalinta la doorto,” sida lagu shaaciyay jadwalka.

Shaacinta jadwalkan doorasho ayaa imanaya xilli uu soo baxayo guuxa in kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka loo xiro beesha Fiqishinni, taasi oo ay miiska soo saareen xildhibaannada kasoo jeeda beeshan ee Baarlamaanka Waqooyi Bari.

Doorashada guddoonka marka laga dhamaado ayaa waxaa si rasmi ah loo guda-geli doona tan hoggaanka maamulka, taasi oo la sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay u wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo galaangal xooggan ku leh hanaanka doorasho ee maamulkaasi.

Dowladda dhexe ayaa dooneysa in maamulka cusub uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Firdhiye oo kumeel-gaarkii kasoo saaray, halka ay jagada madaxweyne ku-xigeenka la sheegay inay u xulatay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Jibriil oo ka soo jeeda gobolka Sanaag.

Rag halis ah oo lagu qabtay magaalo uu ku wajahan yahay madaxweyne Xasan Sheekh

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta aad loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi, iyada oo ciidamo dheeraad ah lasoo dhoobay waddooyinka waawayn, kuwaas oo sameeyay howlgallo lagu soo qabtay rag halis ah oo ku howlanaa falal ammaan darri ah.

Ciidamada lasoo dhoobay magaalada ayaa bilaabay howlgallo culus oo amni xaqiijin ah, waxayna isku fidiyeen gudaha iyo daafaha Dhuusamareeb oo ah caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in howlgallada ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, isla markaana lagu sugayo amniga guud ee Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad loo arko inay halis ku yihiin amniga, laguna eedeeyay inay ka shaqeynayeen falal liddi ku ah ammaanka magaaladaasi oo uu maanta ku wajahan yahay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid ku saabsan dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa in uu xarigga ka jaro xarumo cusub oo laga hirgeliyay magaalada, sida xarunta baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, waxa uu kormeeri doonaa mashaariicda kale ee horumarineed ee socda, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Madaxweynaha oo riixaya dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ayaa dadka deegaanka kala hadli doona doorkooda kaga aaddan la dagaallanka Al Shabaab. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in madaxweynuhu doonayo in dib loo soo nooleeyo iskaashiga ciidamada iyo shacabka, si dadka reer Galmudug ay ugaalin muuqata uga qaataan dagaalka Shabaab.

Markabkii hubka ee Puntland ay sii daysay oo lagu qasbay inuu ka weecdo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Markabka Turkish-ka ee agabka ciidan u sida ciidamada Soomaaliya ayaa ku qasbanaaday inuu ku leexdo Jabuuti, kaddib markii uu la kulmay xaalad adag oo badeed, toddobaadyo kadib markii laga sii daayay xarig labo toddobaad socday oo maamulka Puntland ku hayay, taasoo dhalisay muran siyaasadeed.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Sea World, ayaa haatan ku sugan dekadda Jabuuti kaddib markii uu wajahay duufaanaha badda ee xilliyada khatarta ah, ee deegaanka looga yaqaan “bad xiranka,” sida ay Isniintii xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Waxaa la filayaa inuu dekadda ku hakado dhowr toddobaad, taasoo sii daahineysa imaatinka qalab aad loogu baahnaa oo loogu talagalay dagaalka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab.

Leexashadan ayaa ah caqabaddii ugu dambeysay ee soo wajahda markabkan oo safarkiisa ay hareeyeen loolanno siyaasadeed. Imaatinkiisa Jabuuti wuxuu daba socdaa sii deyntiisii 4-tii Agoosto, taasoo ka dambeysay xiisad siyaasadeed oo daaha ka rogtay khilaafaadka siyaasadeed ee qotoda dheer iyo danaha caalamiga ah ee iska hor-imanaya ee saamaynta Soomaalida.

Xiisaddu waxay curatay 18-kii Luulyo, markaasoo Ciidanka Badda Puntland (PMPF) ay joojiyeen markabka MV Sea World oo marayay meel u dhow xeebta Bareda ee gobolka istiraatiijiga ah ee Raas Caseyr.

Mas’uuliyiinta Puntland, oo ku doodayay in markabku uu “si shaki leh u wareegayay,” ayaa u kaxeeyay Dekedda Boosaaso si loo baaro. Xaaladda waxaa sii murjiyay warar sheegayay in kalluumeysato deegaanka ah ay fuuleen markabka, taasoo sii xoojisay welwelka amni ee laga qabay xamuulka xasaasiga ah ee saarnaa.

Qabashada markabka ayaa dhalisay carro xooggan oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xiisadda oo cirka isku shareertay, ayay dowladda dhexe si furan ugu eedeysay Puntland “burcad-badeednimo,” eed arrin amni oo heer deegaan ah u rogtay qalalaase siyaasadeed oo heer qaran ah.

Mudo laba toddobaad ah, markabku wuxuu xudun u ahaa wada-xaajoodyo adag. Dedaallo diblomaasiyadeed oo dhinacyo badan leh ayaa aakhirkii furdaamiyay is-mari-waaga. Dowladda Turkiga, oo ah saaxiib amni oo muhiim la ah dowladda Muqdisho, ayaa dirtay wafdi uu hoggaaminayo Danjire Alper Aktaş, kuwaasoo wada-hadallo toos ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Isla markaa, dalka Imaaraadka Carabta oo xiriir dhow la leh Puntland, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay dadaallo aan toos ahayn oo lagu xallinayay xiisadda. Sida la weriyay, dhex-dhexaadinta Imaaraadka ayaa udub-dhexaad u ahayd dejinta xiisadda iyo gogol-xaarka heshiis lagu gaaro.

Is-maandhaafkii ayaa soo afjarmay kaddib markii Turkigu uu soo bandhigay wax ay dowlad-goboleedka Puntland ku qeexday “caddeymo dhameystiran” oo ku saabsan lahaanshaha shixnadda. Bayaan rasmi ah, waxay Puntland ku shaacisay inay mas’uuliyadda buuxda ee markabka iyo agabkiisa dib ugu wareejisay maamulka Turkiga.

Dhacdadan oo dhan waxay ku soo aadday xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UN Security Council) uu bishii Diseembar 2023 qaatay go’aan taariikhi ah oo uu Soomaaliya kaga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd muddo 30 sano ah. In kasta oo loogu talagalay in lagu xoojiyo ciidanka qaranka, tallaabadan waxay kicisay walaac ay qabaan maamul-goboleedyada sida Puntland, kuwaasoo ka cabsi qaba in hubka ay dowladda dhexe keensato iyadoo aan lala socon uu dalka geli karo xasilooni darro.

Tallaabooyinkan adag ee ay Puntland qaadday ayay falanqeeyayaashu u arkaan inay yihiin jawaab toos ah oo ku wajahan xaqiiqadan cusub, taasoo ka tarjumaysa sida ay maamullada xubnaha ka ah federaalka uga go’an tahay inay kormeer ku yeeshaan arrimaha amniga.

Shixnaddan daahday waxay ku socotay xerada TURKSOM ee Muqdisho, saldhigga militari ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dibedda. Xaruntan ayaa fure u ah tababarka iyo qalabeynta guutooyinka kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor, kuwaasoo inta badan hormuud ka ah hawlgallada waaweyn ee ka dhanka ah fallaagada.

Sheekada markabka MV Sea World waxay iftiiminaysaa labada caqabadood ee is-barbar socda ee hortaagan tubta Soomaaliya ee xasilloonida: xaaladaha dabiiciga ah ee adag iyo khilaafaadka siyaasadeed ee soo jireenka ah, kuwaasoo sii wada inay carqaladeeyaan kaalmada amni ee muhiimka ah ee caalamiga ah.

 

Somaliland oo ku dhawaaqday soo celinta Laascaanood xilli laga dhisay maamul cusub

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa weli ku taamaysa soo celinta Laascaanood iyo inta badan gobolka Sool oo haatan uu ka arrimiyo maamulka Waqooyi Bari, oo ka dhashay maamulkii KMG ahaa ee SSC-Khaatumo.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa shaaciyay in ay soo xiri doonaan xuduudooda, oo ay ku jirto Laascaanood iyo deegaannada kale ee haatan maamulka cusub laga dhisay.

“Somaliland xuduudkeeda wey soo xidhi doontaa. Waxaana leeyahay dadka jooga Laascaanood Hargeysa ayaa idinka dhow Xamar, Hargeysa wax wada leedihiin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Cirro oo haatan safar ku maraya gobollada Bariga Somaliland ayaa wada qorshihii dib loogu soo celin lahaa dhulka ka maqan ee kamid tahay Laascaanood, taas oo mar kale ridi karta dagaal khasaare badan oo dhexmara Somaliland iyo maamulka haatan ka arrimiya dhulkaasi ee Waqooyi Bari.

“Shacabka Sool-Barina waa reer Somaliland, waxaanu leenahay Sool-Barina kama maaranto Somaliland. Somaliland waqtiga ku munaasabka ah nabadeeda iyo xuduudkeeda way sugi doonta,” ayuu yiri Cirro.

Inkastoo Madaxweynaha Somaliland uu sheegay in aysan cidna duulaan ku aheyn, balse wuxuu si cad u sheegay in ay difaacayaan Somaliland iyo dadkeeda wax walba oo ay ku kaceyso.

“Shacabka reer Sanaag waxaa ugu baaqnay gogol nabadgalyo, waana laga soo wada jawaabay gogoshaas, Insha Allah dhaqso ayaa loo qabanayaa gogogaashi oo nabadgelyada dalkana waa la dhameystirayaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Si kastaba, Somaliland oo si adag uga hortimid maamulka cusub ee laga dhisay Laascaanood ayaa horey wakiilada beesha caalamka ugu baaqday inay isha ku hayaan arrimaha kasoo kordhay Sool iyo Sanaag oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, uuna hurinayo colaad hor leh.

Olole indho-fiiqis bilaash ah oo ka socda Isbitaalka Dalmar + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbitaalka Taqasusiga iyo Tacliimiga ah ee DALMAR ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si habsami leh uga socda howlo isugu jira baaritaanno, daweyn iyo indho-fiiqis bilaash ah oo loo sameynayo boqolaal qof oo danyar ah.

Guddoomiyaha hay’adda Al-Nur Foundation ahna agaasimaha Isbitaalka Dalmar, Prof. Dr. C/risaaq Axmed Dalmar, ayaa sheegay in dadka ka faa’iideystay mashruucan samafalka ah ay badankood ka kala yimaadeen xeryaha barakacayaasha Muqdisho, isla markaana aysan jirin wax lacag ah oo haba yaraatee laga qaadayo.

“Isbitaalka Dalmar waxaa ka socda howlo isugu jira baaritaanno, daweyn iyo indho-fiiqis samafal ah oo socday tan iyo bishii hore, iyadoo lagu guda jiro maalintii 3aad ee qaliinka. Dadka ka faa’iideysanaya waxaan ka soo kala xulnay xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda, sida degmooyinka Hodan, Wadajir, Garasbaaley, Dharkeynley, Heliwaa, iyo dadka danyarta ah ee isbitaalka yimaada oo aan ku darnay,” ayuu yiri agaasimaha.

Dr. Dalmar ayaa faahfaahin ka bixiyey sida uu mashruucan u socdo iyo hay’adaha iska kaashaday: “Waxaa lagu qabanayaa ololahan Dalmar Hospital oo ay isla fulinayaan dhakhaatiir kala socota hay’adaha Al-Nur Foundation of Somalia iyo Al-Basar International Foundation ee dalka Pakistan, iyadoo ay fududaysay hay’adda King Salman Relief ee boqortooyada Sacuudiga,” ayuu yiri Prof. Dalmar.

Hay’adaha Al-Nur Foundation iyo Al-Basar International Foundation ayaa markii ugu horraysay wada billaabay ololaha indho-fiiqista lacag-la’aanta ah bishii September ee sannadkii 2005, kaasoo ay ka fuliyeen isbitaalka indhaha Al-Nur ee degmada Heliwaa, sida uu sheegay Dr. Dalmar.

Waxaa uu intaas ku daray in dadka loo kala saarayey kuwa daaweyn u baahan iyo kuwa qaliin u soo baxay, isagoo xusay in qaliinka indho-fiiqista oo socon doona muddo shan cisho ah uu bilowday 17-kii Agoosto 2025, isla markaana uu socon doono illaa 21-ka bishan.

“Waxaa mashruucan ka faa’iideystay dad gaaraya 4,776; dadkaas 3,870 ka mid ah waxaa loo sameeyey baaritaan & daweyn bilaash ah, halka qaliin dhinaca indhaha uu u soo baxay illaa 457 qof, qaliimadooduna ay si habsami leh uga socdaan xarunta isbitaalka,” ayuu yiri Dr. Dalmar oo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iney maalmahan dhiman ka faa’iideystaan adeegyada socda.

Waxaa uu sheegay in qaliinkan socda uu yahay mid casri ah oo indhaha aan la toleyn, isla markaana qofka marka qaliinka la dhameeyo uu isla markiiba socon karo, wuxuuna tilmaamay in si weyn loogu guuleystay.

Agaasimaha Al-Nur Foundation Dr. Dalmar ayaa xusay in mashaariicdan noocan ah ay socdeen muddo ka badan 20 sano, ayna ka faa’iideysteen kumannaan qof oo dalka ku baahsan, isagoo u mahadceliyey dhammaan hay’adaha iyo shaqaalaha isbitaalka ee ka qeyb qaadanaya.

Mudane Fakhrudiin Dakhan, oo hoggaaminaya dhakhaatiirta ka socota Al-Basar International Foundation ee Pakistan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka caalamka ee ugu badan ee indha la’aantu ka jirto, sidaas darteedna ay doorbideen inay ka qeyb qaataan mashaariicda noocan ah.

Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha iyo danyarta ah ee ka faa’iideystay adeegyada ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliin ay u baahnaayeen indhahooda, isla markaana aan wax qarash ah laga qaadin, iyagoo u mahadceliyey maamulka isbitaalka Dalmar iyo hay’adihii kale ee ka qeyb qaatay.

Maalmahan waxaa Isbitaalka Dalmar laga dareemayaa mashquul badan, iyadoo ay buux-dhaafiyeen dad u badan da’ ah oo rag iyo haween isugu jira, kuwaasoo loo sameynayo qaliinno bilaash ah, halka shaqaalaha isbitaalkuna ay si hagar la’aan ah u baxnaaninayaan bukaanada qaliinka maraya iyo kuwa loo diyaarinayo.

Xiisad culus oo ka dhalatay 18 markab oo xeebaha uu kusii daayay Wasiir Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Xiisad xooggan ayaa ka taagan xeebaha gobolka Bari, taasi oo ka dhalatay maraakiib jariif ah oo xeebaha uu kusii daayay Wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa, sida ay ku eedeeyeen qaar kamid ah kalluumeysatada Xaafuun ee gobolka Bari.

Kalluumeysatadan ayaa si adag uga hor yimid tallaabooyin uu qaaday Wasiirka, iyagoo ku eedeeyey inuu si sharci-darro ah ogolaansho ugu fasaxay maraakiib jariif ah oo si xadgudub ah uga kalluumeysanaya xeebaha degmadaasi.

Kalluumeysatadu waxay sheegeen in wasiir Xagaa uu si toos ah u bixiyo saxiixyada ogolaanshaha maraakiibta shisheeye, isla markaana dhaqaale ka soo xarooda uu ku shubto akoon gaar ah oo aan wax xiriir ah la lahayn maamulka.

“Dowladda Puntland waxaan ka codsanaynaa in tallaabo laga qaado wasiirka Kalluumeysiga oo xeebaha ku soo daayay maraakiib jariif ah,” ayay ku baaqeen.

Waxay intaas ku dareen in maraakiibtii jariifka ahaa ee Shiinaha laga lahaa ay dib ugu soo laabteen xeebaha, isla markaana ay hadda ka howl-galayaan 18 markab oo xaalufin ku haya badda.

“Wasiirku gacantiisa ayuu ku saxiixaa, dhaqaalihii akoonkiisa ayuu ku dhacaa, annagana xeebihii aan ku tiirsanaanay shaqo kama hayno,” ayuu yiri mid ka mid ah kalluumeysatada Xaafuun.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa faro ba’an ku haya maraakiib iyo doonyo jariif ah oo gurta kheyraadkeenna, kuwaas oo lacago badan ka qaataan shaqsiyaad mas’uuliyiin ah ama ku dhow hoggaamiyeyaasha dalka.

Maxay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ka tiri aqoonsiga Somaliland?

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa caddeysay inaan wax isbeddel ah ku imaan siyaasadda Washington ee ku wajahan Soomaaliya, inkastoo ay soo kordhayaan baaqyada ka imanaya sharci-dejiyeyaasha Xisbiga Jamhuuriga, ee dalbanaya in Maraykanku uu aqoonsado Somaliland.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda oo la hadlay warbaahinta Semafor, kuna xiray shardi ah inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Maraykanku uu weli ku adkeysanayo mowqifkiisa rasmiga ah ee Soomaaliya, inkastoo arrinta Somaliland ay tahay mid si joogto ah dib loogu eego.

Warkan ah ayaa soo baxay ka dib markii uu Senator Ted Cruz toddobaadkii tegay ku boorriyay maamulka Trump inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland, isagoo ku sifeeyey inay Washington u tahay “saaxiib istiraatiiji ah oo dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda ah.”

Cruz, oo ah guddoomiyaha Guddiga Hoose ee Arrimaha Afrika ee Aqalka Senate-ka, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee goobta ay Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed. Dhanka kale, wuxuu Beijing ku eedeeyey inay Somaliland ku ciqaabayso taageerada ay u muujisay Taiwan.

Dhankiisa, Trump ayaa isna sii huriyay hadal-heynta markii uu waraysi uu dhowaan bixiyay ku sheegay in maamulkiisu uu “ka shaqeynayo” arrinta Somaliland.

Hadalka Trump ayaa jawaab u ahaa su’aal ku saabsanayd in dadka reer Gaza loo rari karo Somaliland, taasoo ah fikrad la sheegay inay ku xiran tahay suurta-galnimada in Somaliland ay arrintaas aqbali lahayd, beddelkeedana la siiyo aqoonsi caalami ah. Dadka taageera Somaliland ayaa hadalka Trump u arkay mid rajo wanaagsan xambaarsan.

Dhinacyada ol’oleeya aqoonsiga Somaliland waxay muddo dheer ku doodayeen in ictiraafka Maraykanku uu abaal-marin u noqon lahaa xasilloonida iyo dowlad-wanaagga dimoqraadiga ah ee ka hana-qaaday, taasoo ka duwan Soomaaliyada ay colaaduhu aafeeyeen. Waxay kaloo qabaan in xiriir dhow oo lala yeesho Somaliland uu sare u qaadi lahaa awoodda sirdoonka Maraykanka ee gobolkan qalalaasuhu ka jiro, oo ah gobol uu Shiinuhu horeyba saldhig milatari oo joogto ah uga samaystay dalka deriska ah ee Djibouti.

Hase yeeshee, Dowladda Beijing ayaa si kulul u naqdisay baaqa Cruz, waxayna ku tilmaantay sheegashadiisa “eedeymo aan sal lahayn.” War saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa siyaasiyiinta Maraykanka ku eedeeyey “faragelin qaawan oo lagu hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya” iyo inay wadaan “dhaqan is-ballaarin iyo cagajugleyn ah.”

Somaliland, oo gooni-isu-taaggeeda kaga dhawaaqday Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991, ayaa sannadkii hore qabatay doorashadeedii lixaad, taasoo uu guushu ku raacday hoggaamiyihii mucaaradka, Abdirahman Mohamed Abdullahi. Inkastoo ay Somaliland leedahay dowlad iyo hay’ado u gaar ah oo si madax-bannaan u shaqeeya, weli ma jiro hal dal oo si rasmi ah u aqoonsan gooni-isu-taaggeeda.

Madaxweyne Xasan oo xil sare u magacaabay Danjire Maxamed Cali Ameeriko

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Danjire Maxamed Cali Ameeriko u magacaabay Maareeyaha cusub ee Dekadda Muqdisho.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xilka looga qaaday Maareeyihii hore ee Dekadda, Axmed Washington.

“Laga bilaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo xeerkan, waxaa Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) loo magacaabay in uu noqdo Maareeyaha Dekadda Muqdisho,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Maxamed Cali Ameeriko ayaa hore usoo noqday Safiirkii Soomaaliya ee dalka Kenya, iyadoo lagu xasuusto waxqabadkiisii muddada dhowrka sano ee uu ka shaqeynayay Safaaradda Nairobi.

“Xeerkan waxa uu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu soo saari doonaa Faafinta Rasmiga ah ee J.F.S,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha ayaa saxiixay wareegtada magacaabista Maareeyaha cusub ee Dekadda 3-dii bishan, balse si dhab ah looma oga sababta ay Madaxtooyadu u shaacin weysay ilaa xilligaas.

Si kastaba, magacaabistan waxaa loo arkaa qayb kamid ah dadaallada ay dowladdu ku dardar-gelinayso howlaha dekedaha dalka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata ganacsiga, dhaqaalaha iyo weliba xiriirka caalamiga ah.

 

Kiiska sarkaal Israa’iili ah oo fadeexad culus ka abuuray Mareykanka kadib markii…

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa Isniintii beenisay inay wax door ah ku lahayd sii deynta sarkaal Israeli ah oo lagu eedeeyey inuu internet-ka u adeegsaday inuu fal galmo ah ka dalbado qof aan qaan-gaarin.

Tom Artiom Alexandrovich wuxuu ka mid ahaa sideed qof oo toddobaadkii tegay dacwado lagu soo oogay, kadib hawlgal gaar ah oo lagu daba-galayey “shakhsiyaadka carruurta ugaarsada si ay ugu xadgudbaan galmo ahaan,” sida ay war-saxaafadeed ku sheegeen Booliska Magaalada Las Vegas.

Sida ku cad diiwaannada Gobolka Nevada oo ay eegtay wakaaladda wararka ee Reuters, Alexandrovich waxa uu wajahayaa dacwad dembi culus ah (felony charge) oo ah “adeegsiga teknoolojiyadda kombiyuutarka” si uu isugu dayo inuu cunug yar ama qof dhimirka ka xanuunsan u horseedo fal galmo ah.

Saxaafadda Israel ayaa ku warrantay in Alexandrovich, oo ay ku sifeeyeen agaasime sare oo ka tirsan Hay’adda Qaranka ee Amniga Internet-ka (Israel’s National Cyber Directorate), ay sii daayeen saraakiisha Maraykanka, uuna hadda ku laabtay dalkiisa.

Wakaaladda Reuters ma aysan xaqiijin karin sababta Alexandrovich uu ugu sugnaa Las Vegas, balse xilligaas magaalada waxaa ka socday shirka Black Hat, oo ah mid ka mid ah shirarka ugu waaweyn ee ay isugu yimaadaan khubarada amniga internet-ka.

Warka sheegaya in sarkaal Israeli ah oo wajahaya dembi culus oo galmo ah loo oggolaaday inuu dalkiisa ku laabto ayaa kiciyey hadal-heyn weyn iyo mala-awaal xooggan oo ka dhashay baraha bulshada.

Dadka Mareykanka qaarkood ayaa tani ku tilmaamay astaan kale oo muujineysa awoodda Israa’iil ama Yahuudda ay ku leeyihiin gudaha Mareykanka, oo xitaa midkooda dambiga gala ama lagu tuhmo aan sharciga la marsiin karin, waxayna tuhmeen in Dowladda Federaalka ay soo faro-gelisay kiiskan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Isniintii qoraal ay soo dhigtay barta X ku tiri: “Alexandrovich ma uusan dalban xasaanad diblomaasiyadeed, waxaana sii daayay garsoore maxkamad gobol, isagoo sugaya dhageysigiisa xiga. War kasta oo sheegaya in dawladda Maraykanku ay soo faragelisay arrintan waa waxba kama jiraan.”

Diiwaannada maxkamaddu waxay muujinayaan in $10,000 oo dammaanad ah lagu bixiyay Xarunta Xabsiga Henderson, 7-dii August. Alexandrovich waxaa maxkamadda looga yeeray 27-ka August. Reuters ma aysan xaqiijin karin halka uu ku sugan yahay iyo xogta lagula xiriiro toona.

Safaaradda Israel ee Washington iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel midkoodna kama uusan jawaabin farriimo la xiriira dhacdadan. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Israel ayaa soo xigatay xafiiska oo dafiray in Alexandrovich la xiray, kuna gaabsaday in “shaqaale dawladeed” ay “su’aalo weydiiyeen mas’uuliyiinta Maraykanku” uuna “ku laabtay Israel sidii loo qorsheeyey.”

Reuters weli ma aysan helin macluumaad rasmi ah oo ku saabsan duruufaha loo xiray Alexandrovich.

War-saxaafadeedka booliska Las Vegas ayaa lagu bogaadiyey hawlgalkan hay’adaha kala ah Hay’adda Dambi-baarista ee Federaalka (FBI), Booliska Henderson, Booliska Waqooyiga Las Vegas, iyo Waaxda Amniga Gudaha (Department of Homeland Security).

Dhammaan hay’adahaas midkoodna kama uusan jawaabin codsiyo loo diray oo ku saabsanaa xarigga ama sii deynta Alexandrovich. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Nevada ayaa su’aalaha dib ugu gudbiyey Waaxda Booliska Henderson. 

U.S. State Dept: No change in policy toward Somaliland

WASHINGTON, D.C – The U.S. State Department has said there has been no change in Washington’s policy toward Somalia, despite growing calls from Republican lawmakers for the United States to recognize Somaliland.

A person close to the department, speaking to Semafor on condition of anonymity, said the United States maintains its long-standing position on Somalia, though the issue of Somaliland is subject to periodic review.

The clarification comes after Senator Ted Cruz urged the Trump administration last week to formally recognize Somaliland, calling the territory a “critical security and diplomatic partner” for Washington.

Cruz, who chairs the Senate Foreign Relations Subcommittee on Africa, highlighted Somaliland’s strategic location on the Gulf of Aden and accused Beijing of punishing the territory for its support of Taiwan.

Trump also fueled speculation after he said his administration was “working on” the question of Somaliland during a recent interview.

He was responding to a question about whether Gazans could be relocated to Somaliland — an idea reportedly linked to Somaliland’s potential willingness if Washington were to grant recognition. Some in the territory took Trump’s remarks as an encouraging signal.

Supporters of Somaliland have long argued that U.S. recognition would reward its relative stability and democratic governance, contrasting with conflict-ridden Somalia. They also contend that closer ties would strengthen American intelligence capabilities in a volatile region where China already maintains a permanent military base in neighboring Djibouti.

Beijing, however, sharply rebuked Cruz’s call, dismissing his claims as “baseless attacks.” The Chinese embassy in Mogadishu accused U.S. politicians of “serious interference in the internal affairs of Somalia” and of adopting a “hegemonic and bullying attitude.”

Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991, held its sixth election last year, bringing opposition leader Abdirahman Mohamed Abdullahi to office. While the region operates with its own government and institutions, no country has formally recognized it as an independent state.

DF oo fulisay howlgal culus oo lagu dilay 100 Al-Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu laayey Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyada iyo gabaadyada ay Khawaarijta Al-Shabaab ay ka qoteen degmada Awdheegle.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

“Godadkii iyo gabaadyadii ay kooxdu isku dayayeen inay isku qariyaan ayaa lagu dumiyay duqaynta cirka, halka cutubyada Danab ay gudaha u galeen goobihii cadowgu ku sugnaa si loo xaqiijiyo guusha howlgalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed.

Dowladda ayaa sheegtay in xogta sirdoonka ayaa muujisay in Khawaarijtu ay u diyaargaroobayeen sidii ay isaga caabin lahaayeen hawlgalka ballaaran ee “Duufaanta Aamusan” oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM ka wadaan deegaannada Shabeellaha Hoose.

“Howlgalkaan ayaa dhabar jab culus ku noqday kooxda, kadib markii todobaadyadii la soo dhaafay si isdaba joog ah loogu jabiyey Sabiid, Caanoole iyo Bariire,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku wadaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, loona xaqiijin lahaa amniga shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay warkaan.

Hoos ka eeg bayaanka

Somaliland oo faro-gelin iyo xasillooni darro ku eedeysay Turkey, una yeertay qunsulka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa u yeertay diblomaasiga ugu sarreeya ee Turkey u fadhiya Hargeysa, iyadoo ku eedeysay Ankara “faragelin iyo falal xasillooni-darro abuuraya” kaddib kulan ka dhacay Muqdisho oo ay sheegtay inuu meel-ka-dhac ku yahay madax-bannaanideeda.

War-saxaafadeed ku taariikhaysan 18-ka August 2025, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku sheegtay inay u wacday Qunsulka Guud ee Turkey si ay uga dalbato “warbixin rasmi ah oo degdeg ah.” Tallaabadan ayaa daba socotay warar sheegaya in safiirka Turkey ee Soomaaliya uu la kulmay shakhsi ay Hargeysa ku tilmaantay inuu cadow ku yahay Somaliland.

“Dowladda Somaliland waxay falkan u aragtaa mid aad looga walaaco oo aan la aqbali karin,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda. “Wuxuu dhaawacayaa is-ixtiraamka labada dhinac, wuxuuna gacan ka geysanayaa xasillooni-darrada Geeska Afrika.” War-saxaafadeedka ayaa ku digay in Somaliland “aysan u dulqaadan doonin falal wax u dhimaya madax-bannaanideeda, amnigeeda, ama danaha qarankeeda.”

In kasta oo aysan mas’uuliyiintu magacaabin shakhsigaas, haddana waxay ku nuuxnuuxsadeen in kulammada ka dhaca Muqdisho ee la xiriira arrimaha Somaliland ay yihiin faragelin toos ah. Turkey waa xulufo muhiim ah oo ay leedahay dowladda federaalka Soomaaliya, oo si cad uga soo horjeedda hanka madax-bannaanida ee Somaliland.

Ankara weli kama aysan hadlin arrintan si fagaare ah.

Turkey waxa uu maalgelin ballaaran ku samaynayay Soomaaliya in ka badan toban sano, isagoo bixinayay gargaar bini’aadannimo, taageero dhaqaale, iyo tababarro ciidan. Saldhiggiisa Camp TURKSOM oo u dhow Muqdisho, ahna kan ugu weyn ee uu ku leeyahay dalka dibaddiisa, ayaa tababaray qayb lixaad leh oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed—taas oo Ankara ka dhigtay tiir udub-dhexaad u ah xasilloonida Soomaaliya, balse cakirtay xiriirka ay la leedahay Somaliland.

Somaliland, oo hore u ahaan jirtay maxmiyad Ingiriis, waxay ku dhawaaqday inay madax-bannaan ka noqotay Soomaaliya sanadkii 1991-kii kaddib burburkii dowladdii dhexe. Laakiin in kasta oo ay iskeed u taagnayd in ka badan soddon sano, ma jiro hal waddan oo si rasmi ah u aqoonsaday madax-bannaanideeda.

Aqoonsi la’aantaas—oo ay weheliso xiriirka dhow ee ka dhexeeya Turkey iyo Muqdisho—ayaa sii hurinaysa walaaca iyo cadhada Hargeysa. Xiisaddan ugu dambeysay waxay sii kordhisay xaaladda kacsan ee Geeska Afrika.

Wabar iyo safarkiisa Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa muujiyay mowqifka xukuumadda ee ku aaddan in Safiirka Turkiga ee Soomaaliya uu qaabilo Suldaan Abuubakar Wabar, oo hore jabhad hubeysan uga sameeyay gudaha Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal.

Ninkan ay sida weyn uga qeylisay Somaliland ayaa ka mid ahaa salaadiinta dhaqanka ee gobolka Awdal, wuxuuna dhowr jeer horkacay weeraro hubeysan oo ka dhacay Boorama.

Suldaan Wabar ayaa maalmo ka hor safar aan la shaacin ku tegay magaalada Muqdisho, isagoo halkaasi kula kulmay madaxda sare ee Soomaaliya. Wabar ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Fiqi oo bartiisa X (ex-Twitter) ku baahiyay sawir uu kula jiro Suldaan Wabar ayaa si cad u sheegay in la gaaray waqtigii Awdal ka go’i lahayd Somaliland.

“Wakhtigii Awdal ayaa la gaaray,” ayuu Fiqi ku yiri qoraalka. Hadalkan ayaa dad badan u fasireen in Dowladda Federaalka Soomaaliya qorshaynayso qorshe lagu kala fogeynayo reer Awdal iyo Somaliland, si halkaasi uga hanaqaado maamul sanado badan ku jiray dibad-wareeg ah oo loo yaqaan Awdal State.

Si kastaba ha ahaatee, si dhab ah looma oga qorshaha ka dambeeya in xilligaan uu Safiirka Turkigu qaabilo Suldaan Wabar, oo horey ugu lug yeeshay weeraro jabhadeed oo laga fuliyay gudaha Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Jabhaddaas oo uu Wabar hoggaaminayay 2015-kii ayaa gebi ahaanba kasoo horjeeday jiritaanka Somaliland. Inkastoo markii dambe ay dagaalyahannadeeda isku dhiibeen maamulka Somaliland, iyadoo Suldaanku uu baxsaday, tan iyo waqtigaas waxaa hoos u dhacay dhaq-dhaqaaqa Awdal State ee gudaha Somaliland.

Somaliland summons Turkish envoy over Mogadishu meeting

HARGEISA, Somaliland – Somaliland has summoned Turkey’s top envoy in Hargeisa, accusing Ankara of “interference and destabilizing actions” after a meeting in Mogadishu that it says undermines its sovereignty.

In a statement dated August 18, 2025, Somaliland’s Foreign Ministry said it had called in Turkey’s Consul General to demand a “formal and urgent explanation.” The move followed reports that Turkey’s ambassador in Somalia met with an individual described by Hargeisa as hostile to Somaliland.

Foreign Minister Abdirahman Dahir Aadan voiced the government’s position, condemning the Turkish ambassador’s decision to host Suldan Abubakar Wabar, a traditional elder from Awdal who previously led an armed rebellion inside Somaliland, particularly in the Borama area.

Wabar, long a controversial figure, spearheaded the “Awdal State” insurgency in 2015. While his fighters later surrendered to Somaliland authorities, Wabar fled, and the movement’s activities largely subsided.

Earlier this month, he made an unannounced trip to Mogadishu, where he met senior Somali officials, including Defense Minister Ahmed Moalim Fiqi. Fiqi, posting a photo with Wabar on X (formerly Twitter), declared that “the time of Awdal has come” — a remark widely seen as signaling possible federal support for Awdal groups opposed to Somaliland’s rule.

Somaliland officials view Turkey’s engagement with Wabar in Mogadishu as a direct affront. “The Government of Somaliland considers this act deeply troubling and unacceptable,” the ministry said. “It damages mutual respect and contributes to instability in the Horn of Africa.”

The statement warned that Somaliland “will not tolerate actions that compromise its sovereignty, security, or national interests.”

Ankara has not yet issued a public response.

Turkey has invested heavily in Somalia for over a decade, providing humanitarian aid, economic support, and military training. Its Camp TURKSOM near Mogadishu, the country’s largest overseas base, has trained much of the Somali National Army — cementing Ankara as a central player in Somalia’s stability but complicating ties with Somaliland.

Somaliland, a former British protectorate, declared independence from Somalia in 1991 after the central government collapsed. It has since maintained its own democratic institutions, army, and currency, enjoying relative peace and stability. But despite more than three decades of self-rule, no country has formally recognized its independence.

That lack of recognition — coupled with the close relationship between Turkey and Mogadishu — fuels frustration in Hargeisa. The latest flare-up adds to tensions in the Horn of Africa, a region critical to global trade through the Gulf of Aden.

The international community will be watching closely to see whether Ankara moves to ease the standoff or risks deepening divisions in an already fragile region.


Muxuu yahay qorshaha Fiqi iyo Muungaab ay Sh/Dhexe ka billaabeen? (Daawo)

0

Raagaceelle (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe, masuuliyiin kale iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo qorshuhu yahay in halkaas ay ka abaabulaan dagaal ka dhan ah argagixisada soo gashay Shabeellaha Dhexe.

Wafdigaan oo ku hormaray deegaanka Xaaji Cali oo hoos taga degmada Cadale, ayaa u sii gudbay degmada Raagaceelle, iyagoo galabta uga sii gudbay tuulooyinka hoos taga oo caawa ay ku hoyanayaan.

Wafdigaan ayaa qeyb qeyb kula kulmaya ciidamada deegaanka oo aad u abaabulan, kuwaas oo ku kala sugan dhowr deegaan, iyagoo maalmaha soo socda ku sii sugnaa doona furimaha, kana Dardar geli doona dagaalka.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macalin Fiqi, oo hoggaaminaya wafdiga ayaa fagaare kula hadlay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, isagoo yiri, “Khawaarijta waa dad tabar daran oo ugu talagalay inay naftooda halligaan, dhawaana waa laga saari doonaa goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan, waan aragnaa inaad u diyaarsan tihiin.”

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa ciidamada iyo bulshada deegaanka u sheegay in qorshaha ay u tageen gobolka uu yahay inay hoggaamiyaan howlgalka “Adkeysi badan ayaad sameyseen, waana difaacateen deegaankiina, hadana waxaan diyaar u nahay inaan idin hor kacno,” ayuu yiri Fiqi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab oo kamid ah masuuliyiinta la hadashay ciidanka ayaa yri, “Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka waxaan la garab taaganahay naf iyo maalba, dadkaan waxaan ku hoggaami doonaa in deegaanada ka maqan ay ka xoreystaan cadowga, anagoo wakiil ka ah dowladda federaalka.”

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Maxamuud Masdile oo wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga iyo Duqa Muqdisho uga warbixiyey xaaladda furimaha iyo diyaar-garowga Ciidamada, isagoo sheegay in saacadaha soo socda ay u diyaarsan yihiin inay dhaqaaqaan oo cadowga wajahaan.

Intaas kadib guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Muungaab ayaa ciidamada ku wareejiyey 20 neef oo Geel ah oo uu ugu tala galay in loo qalo, waxaana aad ugu mahadceliyey saraakiisha ciidamada deegaanka.

Hoos ka daawo

 

 

Turkish arms ship to Somalia diverted after standoff 

MOGADISHU, Somalia – A Turkish cargo ship carrying critical military supplies for Somalia’s army has been forced to divert to Djibouti due to severe weather, just weeks after it was released from a contentious two-week detention by the semi-autonomous state of Puntland.

The vessel, MV Sea World, is now anchored in Djibouti after encountering the dangerous seasonal sea conditions known locally as “bad xiranka,” sources confirmed Monday. It is expected to remain in port for several weeks, further delaying the arrival of much-needed equipment for Somalia’s escalating war against Al-Shabaab insurgents.

The diversion is the latest setback for a vessel whose journey has been dogged by politics. Its arrival in Djibouti follows its release on August 4 after a standoff that exposed the deep political fractures and competing international interests shaping stability in the Horn of Africa.

The crisis began on July 18, when the Puntland Maritime Police Force (PMPF) intercepted the MV Sea World off the coast of Bareda in the strategic Ras Asayr region.

Puntland authorities, claiming the ship was “loitering suspiciously,” escorted it to the Port of Bosaso for inspection. The situation was complicated by reports that local fishermen had boarded the vessel, amplifying regional security fears over its sensitive cargo.

The seizure provoked a furious response from Somalia’s Federal Government in Mogadishu. In a sharp escalation, the central government publicly accused Puntland of “piracy,” a charge that transformed a regional security issue into a national political crisis.

For two weeks, the ship remained at the center of intense negotiations. A multi-pronged diplomatic effort ultimately broke the deadlock. Turkey, a key security partner to the Mogadishu government, sent a delegation led by Ambassador Alper Aktaş for direct talks with Puntland’s President, Said Abdullahi Deni.

Concurrently, the United Arab Emirates, which maintains strong ties with Puntland, played a crucial back-channel role. UAE mediation was reportedly instrumental in de-escalating tensions and paving the way for an agreement.

The standoff ended after Turkey provided what Puntland’s government called “complete evidence” of its ownership of the cargo. In an official statement, Puntland announced it was transferring full responsibility for the vessel and its assets back to Turkish authorities.

The entire episode has unfolded in the shadow of the UN Security Council’s landmark decision in December 2023 to lift its 30-year arms embargo on Somalia. While intended to strengthen the national army, the move has fueled anxiety among federal states like Puntland, which fear that unchecked arms imports by the central government could destabilize the country.

Puntland’s assertive actions are viewed by analysts as a direct response to this new reality, reflecting a determination by federal states to have oversight on security matters.

The delayed shipment is destined for Camp TURKSOM in Mogadishu, Turkey’s largest overseas military base. The facility is vital for training and equipping Somalia’s elite Gorgor (Eagle) commando brigades, which are often at the forefront of major anti-insurgent operations.

The saga of the MV Sea World highlights the twin obstacles hampering Somalia’s path to stability: an unforgiving natural environment and the persistent political divisions that continue to complicate critical international security assistance.

Shuute oo shaaciyay sababta ka dambeysa in maxkamadda la dhex keeno Facebook

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa sanadihii dambe si toos ah u baahinaysay xukunnada iyo inta uu socdo dhageysiga kiisaska ay qaado, oo u badan dilal.

Baraha bulshada, gaar ahaan Facebook ayaa toos looga tabiya kiisaska maxkamadda, iyadoo barnaamij ahaan dhammeystirana la soo dhigo bogga Maxkamaddu ku leedahay isla bartaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida, G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa shaaciyay in baahinta kiisaska maxkamadda oo qaarkood xasaasi yihiin ay keentay in bulshada iyo caalamka la tuso in caddaalad dhab ah ay ka jirto dalka, ayna si cad u arkaan caddeymaha la horkeenay maxkamadda iyo xukunka dhacaya.

“Waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed, iyo guud ahaanba bulshada caalamka, aan tusno sida caddaaladdu u shaqeyso. Waxaan dooneynaa inay si cad u arkaan caddeymaha la horkeenay, ay dhageystaan doodaha labada dhinac, isla markaana ay marqaati ka noqdaan go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamaddu gaarto,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute oo wareysi cusub bixiyay.

Shuute ayaa sidoo kale qoraal lagu daabacay Wargeyska The Observer kaga warramay waayihiisa iyo culeysyadii soo wajahay intii uu ku jiray howlaha caddaaladda Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in aabihiis ka hor geeridiisu uu aad uga welwelsanaa shaqada uu hayo, isagoo dhowr jeer kula taliyay inuu iska dhaafo, maadaama xaaladda dalka ay adkayd, uuna yahay bartilmaameed toos ah.

“Aabbahay ka hor inta aan la dilin wuxuu yimid gurigayga. Aad ayuu uga welwelsanaa shaqadeyda, wuxuuna igu waaniyay inaan joojiyo,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Shuute.

Allaha u naxariisto aabaha Shuute, Cali Nuur waxaa dabley hubeysan ay 2-dii Janaayo 2018 ku dileen xaafadda Suuq Boocle ee degmada Dharkiinley ee gobolka Banaadir.

Shuute oo kamid ah saraakiisha caanka ah ee garsoorka dalka, ayna si weyn u raadsato kooxda Al-Shabaab, ayaa tiirka toogashada geeyay dagaalyahannadii ugu badnaa ee kooxda, kuwaas oo ay soo qabteen ciidanka qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, garsoorahan ayaa door weyn ku leh ciqaab-marinta kooxaha argagixisada, isagoo muddo ka shaqeynayay dacwooyin adag oo la xiriira dambiyada ay galaan xubnaha Al-Shabaab iyo falalka rabshadaha ah ee ay ku lug leeyihiin ciidanka dowladda, oo mararka qaar ku kaca falal dil.

Prof. Samatar oo u runta u sheegay Somaliland: Aqoonsi nagama jiro Mareykanka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo sanadihii dambe ka mid ahaa siyaasiyiinta Somaliland, ayaa runta u sheegay Xukuumadda Somaliland, oo si weyn u iibgeynaysa “in Mareykanka uu noqon karo dalkii u horreeyay ee aqoonsada”.

Samatar ayaa marka hore sheegay in uu bogaadinayo in la raadiyo in xiriir dhow lala yeesho Mareykanka, isagoo geesta kalena duray in halkaasi uu Somaliland ka jiro aqoonsi dhab ah waqti dhow, ayna tahay inay tamar iyo dhaqaale geliso dowladaha quwada leh ee haatan qaarkood ay colaadsatay Somaliland.

“Mareykanka adduunyada dhan ayuu mid walba doonayaa inuu gacanta ku qabto, marka Somaliland taariikh hore noo dhex taalayna ma jirto, mashquulna wuu ku yahay waxaas,” ayuu yiri Prof Samatar.

Waxa uu intaas kusii daray “Mareykanka in la xara-dhaamiyo oo la xod-xoto waa sax, oo waxaa qabaa in aan laga maarmayn, laakiin waddamo kale ayaa jira oo quwadihii adduunka ku ururayso, waxaana kamid ah waddanka Shiinaha.”

Prof-ka ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurta-galnimada in Mareykanka uu saldhig milatari ka sameysto Berbera, taas oo qeyb ka ah yabooha Somaliland ee Washington, maadaama aysan halkaasi ka fogeyn saldhiga weyn ee uu ku leeyahay dalka Jabuuti, oo ah kan ugu weyn ee gobolka.

“Trump waa nin ay maskaxdiisa iyo hadalkiisu ay qasan yihiin oo adigoo si u arkaya unbay hadana sida kale noqoneysa, laakiin waqtiga dheer Mareykanka waxyaabaha aan kaga faa’iideysan karno waxa kamid ah; ma ahan un aqoonsiga ee waa dhismaha waddanka, jaamacadaha, xagga caafimaadka iyo howlahaas in la dhiso.”

Dhinaca kale, Samatar ayaa tusaale usoo qaatay sida uu Shiinaha u dhisay Nairobi, iyo saameyntiisa Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda, isagoo ku dheeraaday in quwada Shiinaha ay muhiim u tahay Somaliland, oo ayadu haatan cadow ka dhigatay dalkaasi, kadib markii ay xiriir la sameysatay Taiwan, oo ayaduna haysan aqoonsi buuxa.

“Wax badan ayey u baahan tahay in siyaasadda dibadda laga beddelo. Marka haddii ay dhab naga tahay dadaalka ah in la keeno in nala garto in aynu dad nahay oo dowlad haysta oo adduunyada kursiga ay ku leeyihiin xaq ku leh waxay u baahan tahay in isbeddel dhab ah lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland,” ayuu yiri Prof Samatar.

Prof-ka ayaa hoggaanka Somaliland kula taliyay inay siyaasadda dhab ah la yimaadan, taasi oo lagu wajahayo quwadaha adduunka oo ka ballaaran Mareykanka iyo sidii xiriir loola sameyn lahaa, taas oo si dhab ah u sahli karto aqoonsi ay hesho Somaliland, sida uu sheegay.

Hoos ka daawo wareysiga Samatar