25 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

700 oo dagaalyahano ajnabi ah oo lagu dilay Soomaaliya

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in howl-galada ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari lagu dilay ku dhowaad 700 dagaalyahan oo ajaanib ah, tan iyo intii uu bilowday gulufka dhanka militari dabayaaqadii sannadkii hore.

Warbixinta Puntland ayaa intaas ku dartay in Soomaalida ku naf waayay howl-galkaasi ay ahaayeen shan qof oo keliya. Xogtan waxaa shaaciyay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, La-taliyaha madaxweynaha Puntland ee arrimaha siyaasadda.

Dhabancad oo wareysi siiyay telefishinka caalamiga ah ee Sky News, kaas oo barnaamij gaar ah ka diyaarinayay dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish, ayaa wuxuu kusoo bandhigay baasaboorrada dagaalyahanno ka kala yimid in ka badan 20 dal oo muwaadiniintoodu ay ku biireen Daacish.

Dagaal-yahannadan ayaa ka kala yimid qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Aasiya.

Sida uu sheegay, inta badan dagaal-yahannada ajaanibta ah waxay ku soo galeen dalka si sharci darro ah ama iyagoo iska dhigay qaxooti, gaar ahaan kuwa ka yimid Itoobiya oo markii dambe ku biiray Daacish.

Waxaa kaloo jiray kuwo si qarsoodi ah uga soo gudbay xeebaha Yemen, iyagoo adeegsanayay doomaha tahriibka, taas oo ka dhigan inay dalka soo galeen iyagoo aan haysan wax dukumeenti safar ah.

Puntland ayaa ku andacootay in ilaa hadda la tirtiiray 70% dagaal-yahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Si kastaba, tan ayaa ka dhigan tiradii ugu badneyd ee dagaal-yahano ajaanib ah oo muddo kooban lagu dilo gudaha Soomaaliya.

QOOR-QOOR oo aad loogu bogaadiyay arrin uu sameeyay kadib booqashadii Xasan

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudud, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa si weyn loogu bogaadiyay arrin uu sameeyay intii lagu guda jiray soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho ku tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Qoor-Qoor ayaa maamuus gaar ah u sameeay madaxweyne Xasan, wuxuuna meesha ka saaran dhaqan lagu yaqiinay hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada kale oo ah in marka uu booqanayo madaxweynaha inay isla meel dhigaan oo laba kursi oo siman wada fariistaan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hadda saxay hab-maamuuska, wuxuuna sameeyay in isagu uu dhiniciisa safka ka galay isaga kursiga shir guddoonka u banneeyay Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa dhalisay falcelin iyo hadal-heyn, iyada oo si weyn loogu amaanay Madaxweyne Qoor-Qoor. Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo arrintan ka hadlay ayaa maamullada kale ugu baaqay inay ku deydaan Qoor-Qoor ayna saxaan hab maamuuska, marka lasoo dhaweeynayo madaxweynaha qaranka.

“Tallaabadaan uu qaaday madaxweyne Axmed Qoorqoor Waa habmaamuuskii saxda ahaa. Madaxweynayaasha maamuleedyadu waa in ay joojiyaan kursiga ay ag-dhiganayaan madaxweynaha federaalka oo ay noqdaan masuuliyiin isku kalsoon oo ku qanacsa inta dastuurku siiyay waloow Xasan uu beddelay dastuurkii xurmadiisu ku xusneyd” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Sidoo kale qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshad ayaa iyaguna siyaabo kala duwan uga fal-celiyay arrinta uu sameeyay madaxweyne Qoor-Qoor.

Cabdisalaan Sheekh Mukhtaar: “Marka ay diyaaradda soo degtana labada calan garoonka la dhigaayo, heesta qaranka astaanta ah la saarayana hala joojiyo taasna”.

Cali Xasan Waare: “Reer Galmudug waa dad dowlad yaqaan ah masha allah”.

Cabdinuur Daahir ayaa isna sidoo kale yiri “Haddii aan kursi la’is ag dhiganeyn Soomaali mar hore ayay heshiin laheyd”.

Digniinta madaxweynayaashi hore u direen Xasan Sheekh oo si weyn looga fal-celiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay warqadda ay soo saareen madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan, Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo si adag uga hadlay xiisadda ka dhalatay dhulalka danta guud iyo barakicinta shacabka.

Saddexda Madaxweyne ee hore ayaa madaxweyne Xasan uga digay ku takri-falka dhulka danta guud ee caasimadda, waxayna sheegeen in si aan sharci ahayn loo iibinayo.

Sidoo kale, waxa ay farriin u direen Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ugu baaqeen inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud, ayna dib gacanta dowladda ugu soo noqdaan dhulalka la iibiyay.

“Haddaba, anaga oo tixgalinayna cabashooyinka isdaba-joogga ah ee naga soo gaaraya qoysaska la barakiciyey waxaan u soo jeedineynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan-yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego. In dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Haddaba sidee looga fal-celiyay digniinta ay madaxweynayaashii hore u direen Xasan Sheekh?

Cabdirsaaq Xaashi: “Warqad miisaan leh waayey inaba caadi maahan, duqa dalkii waa burburiyay waa in ay madaxweynayaasha ka qabtaan”.

Maxamed Soomane: “Madaxweynayaashii dalka in si wadajir ah u hadlaan culeyska jiro ayay muujineysaa”

Xaad Maxamed Xaashi : “Inuu ka waantoobo ku lahaa, Soomaalina horey u tiri waano abuuris ka horeysa”

Safaari Nuur: “Haddiiba madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan arintaan kasoo hadlay warkaan waa fadhiyaa”.

Maxamed Daahir: “Dalkan allaha ka samata bixiyo xaaladda uu ku jiro”

Salaad Macallin Xuseen: “Isbahaysi cusub ayaa arkaynaa halkaas waxaa cad madashii inay kala yaaceen.”

Cumar Muuse: “Dhulka danta guud waa hanti ummadeeda, waan hambalyeynayaa dhammaan madaxwaynayaashii hore oo ka dhiidhiyay boobka socda”.

Ciidamadii ugu badnaa iyo saraakiil sare oo la geeyay Dhuusamareeb + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in heegan buuxa la galiyay dhammaan ciidamada Booliska iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, iyaga oo lagu isugu geeyay gudaha magaaladaaas ee xarunta gobolka Galgaduud oo uu xalay ku hoyday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada ayaa habeenkii labaad oo xiriiri ah howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyay magaalada, si ay usugaan amniga madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta heer federaal ee ku sugan halkaasi.

Howlgalladan waxaa lagu soo biiriyay taliyeyaasha booliska ee degmooyinka Balanballe iyo Xeraale, si ay u xoojiyaan saraakiishii iyo ciidamadii horay u joogay gudaha Dhuusamareeb, waxaana ujeedka uu yahay in laga hortago inay dhacaan falal lidi ku ah ammaanka.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo komeer sameeyay ayaa kulamo la qaatay dadka deegaanka iyo ganacsatada, waxayna kala hadleen nabad-gelyada, iyaga oo ugu baaqay inay kala shaqeeyeen sugidda amniga, maadaama marti culus ay joogto Dhuusamareeeb.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo habeen hore ka dhacay magaalada, laguna soo qabtay rag halis ah oo ku howlanaa falal ammaan darri ah.

Laamaha amniga ayaa sheegay in ragga gacanta lagu soo dhigay loo arkay inay halis ku yihiin amniga, waxaana weli baaritaanno dheeraad ah ku haya ciidamada.

Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan madaxweyne Xasan ku sugan yahay Dhuusamareeb oo uu u tegay howlo shaqo oo muhiim ah, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid ku saabsan dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa in uu xarigga ka jaro xarumo cusub oo laga hirgeliyay magaalada, sida xarunta baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, waxa uu kormeeri doonaa mashaariicda kale ee horumarineed ee socda, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Madaxweynaha oo riixaya dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ayaa dadka deegaanka kala hadli doona doorkooda kaga aaddan la dagaallanka Al Shabaab. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in madaxweynuhu doonayo in dib loo soo nooleeyo iskaashiga ciidamada iyo shacabka, si dadka reer Galmudug ay ugaalin muuqata uga qaataan dagaalka Shabaab.

Cabdulqaadir Nasru-diin iyo Saleebaan Siyaaf oo maanta lagu toogtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda, kadibna lagu xukumay dilka saaka lagu fuliyay.

Raggan ayaa saaka aroortii hore la geeyay tiirka toogashada ee Iskuul Buluusiya, halkaas oo ay ku toogteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Saleebaan Xuseen Nuur Cali oo Afgarashadiisu u aheyd Cali iyo Siyaaf iyo Cabdulqaadir Abuukar Axmed oo isna afgarasho u aheyd Nasru-diin iyo Saabir, waxaana lagu wada fuliyay dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada oo goobta kula hadlay warbaahinta, isla markaana ka warbixiyay toogashada saddexdaasi nin ee horay uga tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah.

Saleebaan Siyaaf iyo Cabdulqaadir Nasru-diin ayaa si gaar ah uga tirsanaa amniyaatka kooxda Al-Shabaab, waxaana ay u qaabilsanaayeen madax jabiska iyo fulinta weerarada gaadmada ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha goobjoogga ahaa fulinta toogashada.

Sidoo kale waxaa lagu helay inay horay dilal qorsheysan uga gaysteen magaalada Muqdisho, waxaana horay loo baahiyay muuqaallo ay ku qirteen dambiga lagu helay.

Dhawaan Maxkamadda Ciidamada ayaa sidaan oo kale u toogatay lix xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kala ahaa Abuukar Axmed Maxamed (Anwar), Xamsa Jeylaani Cabdulllahi (Abtiga), Xassan Cali Xuseen (Garaad), Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka), kuwaas oo iyana ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna helay dilal iyo qaraxyo ay gaysteen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa mar kale haatan dib u billowday fulinta xukunnada dilalka toogashada ah ee ay horay u ridday, waxaa kamid ah shaqsiyaadka kale ee lagu fuliyay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga oo lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab.

Koofi oo soo bandhigay 4 qodob oo mucaaradka iyo Xasan Sheekh isku hayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Madasha Samatabixinta, ahna musharrax madaxweyne dowlad-goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Koofi oo wareysi siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay xiisadda u dhexeysa mucaaradka iyo Villa Somalia, wuxuuna soo bandhigay 4 qodob oo illaa iyo hadda ay isku hayaan labada dhinac.

Koofi ayaa marka hore faah-faahin guud ka bixiyay fashilka ku yimid wada-hadalladii mucaaradka iyo madaxweynaha, wuxuuna eedda ugu wayn ee fashilka dhabarka u saaray kooxda Villa Somalia, isaga oo sheegay inay ka socon waayeen wada-hadallada.

“Madaxweynaha iyo team-kiisa mar walba waxay taagnaayeen meel aan xalku ku imaan karin, kulankii ugu dambeeyay aan yeelanay 13-kii bishana wuxuu kusoo dhamaaday in aan wax natiijo ah laga gaarin dadaalkii la baxay” ayuu yiri Maxamed Aadan Koofi.

Sidoo kale, wuxuu soo bandhigay 4 qodob oo dhaliyay in wada-hadalladu lagu kala tago, kuwaas oo la xiriira doorashada iyo dastuurka, wuxuuna tilmaamay in madaxweynuhu diiday in lagala hadlo.

“Madaxweynaha ma rabo in laga hadlo doorashada, boobka hantida qaranka, wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo qancinta gobollada maqan” ayuu sii raaciyay.

Maxamed Aadan Koofi oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay in mucaaradka ay si weyn uga niyad-jabeen tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweynaha, gaar ahaan inta u socdeen wada-hadallada, sida inuu isku diiwaangeliyay doorashooyinka qof iyo codka ah iyo inuu dagaal ku qaaday gobolka Gedo.

“Anaga oo u ballasan in doorashada laga wadahadlo oo laga wadahadlo dastuurkii la beddalay oo aan ka sugeyno inuu ku dhawaaqo inuu ka laabtay beddalkii dastuurka lagu sameeyay ayaanu ka war helnay madaxweynihii oo isdiiwaangeliyay, doorashana ku dhawaaqay” ayuu yiri xoghayaha guud ee Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo horay bayaan culus usoo saaray ay ku dhawaaqeen inay burbureen wada-hadalladii ay kula jireen madaxweynaha, taas oo sare  qaaday xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.

Safiirkii hore ee Mareykanka oo ka digay in Washington ay aqoonsato Somaliland

Washington (Caasimada Onkline) — Danjirihii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya, Larry André, ayaa Washington ka codsaday in si taxaddar leh dib-u-eegis loogu sameeyo xaaladda Somaliland, isaga oo ka digay in aqoonsi hal-dhinac ah oo la siiyo maamulkaasi uu carqalad gelin karo xasilloonida Geeska Afrika.

Baaqiisa ayaa ku soo beegmay iyada oo uu soo cusboonaaday cadaadiska ka imanaya qaar ka mid ah sharci-dajiyeyaasha Jamhuuriga, oo uu ku jiro Senator Ted Cruz, kuwaas oo Maraykanka ku boorrinaya inuu aqoonsado Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, balse aan wali helin wax aqoonsi caalami ah.

Qoraal faahfaahsan oo uu ka diyaariyay siyaasadda, André — oo soo noqday danjiraha Mareykanka ee Muqdisho intii u dhaxaysay 2022 iyo 2023 — ayaa ku dooday in dib-u-eegis kasta oo ay Maraykanka ku samaynayaan siyaasaddaasi ay noqoto mid taxaddar leh, wadatashi ah, oo ku salaysan xaqiiqooyinka ka jira gobolka.

Wuxuu qoray, “Dadka Mareykanka si toos ah uma dareemi doonaan xasillooni darro kale oo ka dhalata Geeska Afrika oo ay sababto tallaabooyin hal-dhinac ah oo aan la isku waafaqsanayn. Balse, dadka gobolkan dhibbanayaasha ah ayaa xanuun badan dareemi doona.”

Wuxuu sheegay in danaha Washington ay ugu adeegto si wanaagsan in la hormariyo xasilloonida iyo horumarka Geeska, halkaasoo ay ka jirto dhaq-dhaqaaq qabiil oo ka gudba xuduudaha kala duwan ee Jabuuti, Kenya, iyo Itoobiya. Wuxuu ka digay in tallaabooyin kasta oo carqalad geliya dheelitirnaantan ay kicin karaan falcelinno xooggan.

Saddex ikhtiyaar oo u furan Mareykanka

André wuxuu tilmaamay saddex waddo oo suurtagal ah oo ay mari karto siyaasadda Mareykanka: in la joogteeyo xaaladda hadda jirta, in xafiis xiriir diblomaasiyadeed laga furo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ama in si buuxda loo aqoonsado Somaliland. Wuxuu si cad u diiday doorashada saddexaad isaga oo ku tilmaamay mid carqalad gelinaysa isla markaana wax u dhimaysa xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Beddelkeeda, wuxuu taageeray waddo dhex-dhexaad ah: in la ballaariyo joogitaanka Mareykanka ee Hargeysa isla markaana Muqdisho iyo Hargeysa lagu boorriyo inay dib u bilaabaan wada-hadallada. Wuxuu xusay in hoggaanka Soomaaliya uu joojiyay qaab-dhismeedka iskaashiga ee la gaaray 2020, balse la soo nooleyn karo.

André wuxuu ku adkeeyay in doodaha ku saabsan xaaladda Somaliland ay inta badan jahwareeriyaan waxyaabo qalloocan. Wuxuu iftiimiyay dhawr xaqiiqo oo uu sheegay in ay tahay in masuuliyiinta siyaasadda ay tixgeliyaan:

  • Beesha Isaaq ee Somaliland, oo ka kooban ku dhowaad laba-meelood meel dadka, ayaa si weyn u taageerta madax-bannaanida, halka bulshooyin badan oo aan Isaaq ahayn ay jecelyihiin ismaamul qeyb ka ah federaalka Soomaaliya.
  • Maamulka Hargeysa ayaa caburiyey meelaha taageersan midnimada sida Laascaanood, waxaana sharci darro ah in taageero loo muujiyo midnimada Soomaaliya gudaha Somaliland.
  • In kasta oo ay jirto xasillooni iyo maamul xooggan oo Somaliland ay kaga wanaagsan tahay koonfurta Soomaaliya, haddana deegaankaas wuxuu si dadban uga faa’iideystaa dadaallada caalamiga ah ee lagu xakameynayo al-Shabaab.
  • Tusaalooyinka aqoonsiga ee Afrika, sida Eritrea iyo Koonfurta Suudaan, waxay yimaadeen oo keliya ka dib heshiisyo ay la galeen dawladihii waalidka ahaa iyo oggolaanshaha Midowga Afrika.

André wuxuu qoray, “Xaaladda Somaliland waxay u qalantaa dood furan oo dhex marta Somaliland, guud ahaan Soomaaliya, iyo gobolka,” isaga oo intaa ku daray in mabda’a hagaya uu noqdo “ha waxyeellayn”.

Danjirihii hore ayaa sheegay in Washington ay la tashato ciyaartoyda gobolka — oo ay ku jiraan Kenya, Itoobiya, Jabuuti, iyo Midowga Afrika — iyo sidoo kale la-hawlgalayaasha caalamiga ah sida Turkiga, Midowga Yurub (EU), iyo dalalka Khaliijka ka hor inta aysan beddelin mowqifkeeda.

Wuxuu soo jeediyay habab hal-abuur leh, isagoo tusaale u soo qaatay noocyada kala duwan ee federaalka ee UK, UAE, Tanzania, iyo Canada, oo uu sheegay inay dhiirigelin u noqon karaan maamulka Soomaaliya.

Washington oo ku celisay siyaasaddeeda

Faragelintiisa waxay ku soo beegantay caddayn ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Isniintii sheegtay in siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Soomaaliya aysan isbeddelin.

Ilo wareed ku xeel-dheer mowqifka waaxda ayaa u sheegay Semafor in xaaladda Somaliland lagu sameeyo dib-u-eegis xilli-xilli ah, balse Mareykanka uu sii wado inuu taageero midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii Senator Cruz uu ku baaqay aqoonsiga Somaliland, isaga oo ku tilmaamay “lamaane muhiim u ah dhinacyada ammaanka iyo diblomaasiyadda” Washington, isla markaana ku eedeeyay Beijing inay Hargeysa ciqaabayso taageerada ay u muujisay Taiwan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sidoo kale abuuray tuhun markii uu yiri maamulkiisa “wuxuu ka shaqaynayay” arrinta Somaliland, isagoo ka jawaabayay su’aal ku saabsan in dadka reer Gaza loo rari karo deegaankaas haddii aqoonsi la siiyo.

Shiinaha ayaa ku tilmaamay hadalka Cruz “weerarro aan sal lahayn,” isaga oo ku eedeeyay siyaasiyiinta Mareykanka inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Taageerayaasha Somaliland waxay ku doodaan in aqoonsiga uu abaal marin u noqon doono xasilloonida iyo maamulka dimoqraadiyadeed ee ka jira. Deegaankaas wuxuu qabtay doorashadiisii lixaad sannadkii hore, taas oo awoodda ku keentay hoggaamiyihii mucaaradka ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Balse André wuxuu ku adkeystay in degdegga aqoonsiga uu ka soo horjeesan doono dadka reer Somaliland ee taageersan midnimada, uu wiiqi doono siyaasadda jilicsan ee Soomaaliya, isla markaana uu halis gelin doono kicinta xasillooni darro baahsan.

Wuxuu qoray, “Soo nooleynta qaranimada Soomaaliya waxay u baahan tahay xallinta arrimaha maamulka, gaar ahaan xaaladda Somaliland, iyo xoraynta dhulka oo dhan ee ay haystaan kooxaha argagixisada ah.” Wuxuu intaa ku daray, “Kuwani waa hadafyo adag balse la gaari karo.”

Dal aan laga fileyn oo wada-hadallo sir ah kula jira Israel si uu qaabilo shacabka Gaza

Tripoli (Caasmada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Liibiya ee ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ayaa wadahadallo qarsoodi ah la yeeshay mas’uuliyiin Israa’iil ah, kuwaas oo ku saabsan qorshe dib-u-dejin loogu sameynayo Falastiiniyiinta Gaza ee la barakicinayo, sida ay sheegeen ilo Carab iyo Yurub ah oo uu soo xigtay wargeyska Middle East Eye.

Wadahadalladan waxaa la sheegay inuu hoggaaminayay Ibrahim Dbeibah, la-taliyaha amniga qaranka, sidoo Kalena qaraabo dhow la ah Ra’iisul Wasaare Abdul Hamid Dbeibah. Ilo wareedyadu waxay tilmaameen in “wadahadallo dhab ah” ay dhaceen, balse aan weli la dejin hannaan cad oo lagu fulinayo. Qorshahan laguma wargelin xubnaha baarlamaanka fadhigiisu yahay Tripoli, maadaama taageerada qadiyadda Falastiin ay aad ugu xooggan tahay gudaha dalka.

Mid ka mid ah ilo wareedyada ayaa sheegay in Washington ay soo bandhigtay dhiirrigelinno dhaqaale, oo ay ku jirto sii daynta $30 bilyan oo hanti Liibiya laga xayiray tan iyo 2011, beddelkeedana looga fadhiyo in Tripoli ay aqbasho qaxootiga Falastiiniyiinta. Massad Boulos, la-taliye sare oo xiriir dhow la leh madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa lala xiriiriyay wadahadallo hore oo ku saabsanaa lacagahaas, hase yeeshee si cad ayuu u diiday inuu ku lug lahaa qorshe kasta oo dib-u-dejin ah.

Aqalka Cad ayaa dhankiisa sheegay in Trump uu muddo dheer ku ololeynayay “xalal hal-abuur leh” oo lagu hagaajinayo nolosha Falastiiniyiinta, taas oo ay ku jirto dib-u-dejin dibadda ah inta Gaza dib loo dhisayo.

Warbixinnadu waxay soo baxeen xilli ay Israa’iil si fagaare ah ugu baaqayso dalal kale in ay qaabilaan dadka Gaza ka barakacay. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay xiriir kala sameysay “dalal dhowr ah” arrintan, halka Wasiirka Beeraha Avi Dichter uu ku tilmaamay Liibiya “meesha ugu habboon” sababo la xiriira dhulkeeda baaxadda weyn iyo xeebta Badda Meditareeniyaanka.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku adkaystay in barakicinta qasabka ah ay si cad uga hor imanayso sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Afraad ee Geneva.

Warbixinnada ayaa kiciyay falcelin xooggan oo gudaha ah. Saacado yar kadib markii Middle East Eye la xiriiray, Ra’iisul Wasaare Dbeibah wuxuu ku dhawaaqay in dowladdiisu aysan ka qayb qaadan doonin “dambi” dib-u-dejin Falastiiniyiin, isaga oo ku celiyay mowqifkii hore ee safaaradda Maraykanka ee Tripoli oo ku baaqday in wararkaasi la iska fogeeyo.

Dhanka kale, Khalifa Haftar, hoggaamiyaha awoodda badan ee bariga Liibiya, ayaa la sheegay in loo soo bandhigay inuu helo qayb dheeraad ah oo ka mid ah dakhliga saliidda haddii uu aqbalo qaxootiga. Wuxuu beeniyay eedeymahaas, balse saraakiil Yurub ah ayaa sheegay in Haftar iyo dowladda Tripoli ay isku mar isku dayayeen xiriir qarsoodi ah oo Israa’iil ah si ay u kasbadaan taageerada Maraykanka.

Falanqeeyayaashu waxay ka digeen in qorshahan uu keeni karo qalalaase cusub. “Tani waxay naxdin ku noqon doontaa shacabka Liibiya,” ayuu yiri sarkaal Carbeed, isaga oo xusay in ka qaybgalka waxa Falastiiniyiintu u arkaan isir-sifeyn uu kicin doono caro ballaaran.

Qaar kale waxay ku doodeen in haddii dadka Gaza loo raro dal sida Liibiya oo dagaallo iyo kala qeybsanaan siyaasadeed ay wiiqeen, arrintani ay ku riixi doonto kumannaan tahriib quus ah oo ku wajahan Yurub. “Waxay noqon doontaa musiibo heerar badan leh,” ayuu yiri sarkaal Yurub ah, isaga oo saadaaliyay dhimasho hor leh oo Mediterranean-ka ka dhacda iyo culeys siyaasadeed oo ka yimaada dalalka Yurub oo aan dooneyn inay qaabilaan qaxooti cusub.

In kasta oo Liibiya aysan si rasmi ah u aqoonsan Israa’iil, haddana waxaa horey loogu eedeeyay xiriir qarsoodi ah. 2023-kii, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Najla al-Mangoush ayaa shaqada laga eryay ka dib markii la ogaaday inay kulan qarsoodi ah kula yeelatay wasiirkii arrimaha dibadda Israa’iil magaalada Rome — kulan markii dambe lagu sheegay inuu qorshihiisa lahaa Ibrahim Dbeibah.

Israaiil ayaa sidoo kale lala xiriiriyay qorshayaal kale oo lagu dejinayo Falastiiniyiin dalal Afrikaan ah, sida Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo gobolka gooni isu taagga ah ee Somaliland. Balse dhammaan meelahaasi waxaa ka jira xaalado halis ah: Suudaan waxaa dagaal sokeeye ku dilay in ka badan 150,000 tan iyo 2023; Koonfurta Suudaan malaayiin qof ayaa wajahaya macluul; halka Somaliland ay hanjabaado kala kulantay kooxda al-Shabaab kadib heshiiskii ay la gashay Itoobiya.

Dadka dhaleeceeya waxay sheegeen in wadahadalladani ay ka tarjumayaan sida hoggaamiyeyaasha Liibiya ay u raadinayaan raalligelinta Maraykanka halkii ay ka danayn lahaayeen daryeelka Falastiiniyiinta. “Aqbalaadda Falastiiniyiintu waxay ku imaan kartaa qiimo siyaasadeed oo aad u culus cid kasta oo la macaamisha Washington,” ayuu yiri falanqeeye Mohamed Mahfouz.

Go’aankii Mareykanka oo Soomaaliya ka horseeday dhimashada 87 qof + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sanadkan si weyn Soomaaliya uga kordhay xaaladaha iyo dhimashada uu sababo cudurka gowracatada, iyadoo wax ka qabashada cudurka ay caqabad ku noqdeen gabaabsiga tallaalka iyo dhimista kaalmada Mareykanka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Soomaaliya.

Waxaa la diiwaan geliyay in ka badan 1,600 oo xaaladood, oo ay ku jirto 87 dhimasho ah, taasoo ka badan tiradii guud ee sanadkii 2024 oo ahayd 838 xaaladood iyo 56 dhimasho, sida uu sheegay Xuseen Abukar Muxiyaddiin, Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya.

Cudurka gowracatada, oo ka dhasha bakteeriyo, wuxuu keenaa barar ku yimaada qanjirada, dhibaatooyin dhinaca neefsashada ah iyo qandho. Cudurkan oo inta badan ku dhaca carruurta, ayaa ah mid looga hortegi karo tallaal si ballaaran loo heli jiray tan iyo bartamihii qarnigii 20-aad.

In kasta oo heerarka tallaalka carruurta ee Soomaaliya ay soo hagaagayeen tobankii sano ee la soo dhaafay, haddana boqollaal kun oo carruur ah ayaan weli helin tallaalkii oo dhammaystiran.

Deeqa Maxamed Cali, oo saddex bilood ka hor ka soo qaxday dagaallo u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo xoogagga Islaamiyiinta oo ka dhacay magaalada Ceeldheere ee bartamaha Soomaaliya, ayaa afarteeda carruur ah, oo aan midna la tallaalin, waxaa haleelay cudurka gowracatada. Gabadheeda oo 9 jir ah ayaa ka caafimaadday, balse wiilkeeda 8 jirka ahaa ayaa u geeriyooday cudurka, halka labo kale oo yar yar hadda lagu daweynayo isbitaal ku yaalla caasimadda Muqdisho.

“Carruurtaydu way xanuunsadeen, guriga ayaan iska joogay maadaama aanan aqoon u lahayn cudurka gowracatada,” ayay u sheegtay Reuters, iyadoo ku sugan sariirta agteeda oo uu jiifo wiilkeeda 3-jirka ah, Muuse Cabdullaahi, kaasoo cudurku cunaha uga barariyay inta ay le’egtahay liin dhanaanta.

Wasiirka Caafimaadka, Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in dowladda ay la kulantay caqabado ku aaddan helitaanka tallaal ku filan oo ka dhashay gabaabsi caalami ah, isla markaana ay dhimista deeqaha Mareykanku adkeysay qaybinta tallaalkii ay hayeen.

Kahor inta uusan Madaxweyne Donald Trump horraantii sanadkan jarin inta badan kaalmada dibadda, Mareykanku wuxuu ahaa dalka hoggaaminayay deeq-bixiyeyaasha gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya, oo miisaaniyaddeeda caafimaadku ay ku dhowaad gebi ahaanba ku tiirsan tahay deeqaha caalamiga ah.

“Dhimista kaalmada Mareykanka waxay saameyn ba’an ku yeelatay dhaqaalihii caafimaadka ee uu siin jiray Soomaaliya. Xarumo badan oo caafimaad ayaa albaabada loo laabay. Kooxihii tallaalka ee guurguura, ee tallaalka gaarsiin jiray deegaannada fogfog, ayaa waayay dhaqaalihii ay ku hawlgeli jireen, haddana ma shaqeeyaan,” ayuu yiri Cali Xaaji Aadan.

Muxidiin ayaa isaguna dhankiisa meel fagaare ah ka sheegay hadalkaas wasiirka ee la xiriira xarumaha xirmay.

Guud ahaan, ballanqaadyada kaalmada dibadda ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya ayaa hadda maraya $149 milyan sanad-maaliyadeedkan ku eg 30-ka Sebteembar, marka la barbardhigo $765 milyan oo ay ahayd sanad-maaliyadeedkii ka horreeyay, sida ay muujinayaan tirakoobyada dowladda Mareykanka.

“Mareykanku wuxuu sii wadaa inuu Soomaaliya siiyo kaalmo dibadeed oo naf-badbaadin ah,” sidaa waxaa yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, mar wax laga weydiiyay saameynta ay dhimista kaalmadoodu ku yeelatay dalka.

“Mareykanku waa quranka ugu deeqsisan adduunka, waxaanan ku boorrinaynaa dalalka kale inay si laxaad leh u kordhiyaan dadaalladooda dhinaca gargaarka.”

Hay’adda gargaarka ee Save the Children ayaa bishii hore shaacisay in xiritaanka boqollaal xarumo caafimaad ah oo Soomaaliya ku yaalla sanadkan, taasoo ka dhalatay kaalmooyinkii dibadda ee la jaray, ay sababtay in laba jibaar ay kordheen tirada isku-geynta xaaladaha cudurrada sida gowracatada, jadeecada, xiiq-dheerta, daacuunka iyo cudurrada daran ee neef-mareenka, tan iyo bartamihii Abriil.

Marka laga yimaado Mareykanka, dalalka Britain, France, Germany iyo deeq-bixiyeyaal kale oo waaweyn oo reer Galbeed ah ayaa sidoo kale dhimaya miisaaniyaddooda kaalmada.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa dhaleecayn kala kulantay dhakhaatiirta iyo u dhaq-dhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha, kuwaasoo ku eedeeyay maalgelinta yar ee ay siiso waaxda caafimaadka. Sanadkii 2024, waxay caafimaadka u qoondaysay 4.8% miisaaniyadeeda, taasoo ka hoosaysa 8.5% oo ay ahayd sanadkii ka horreeyay, sida ay warisay hay’adda Amnesty International.

Wasaaradda Caafimaadku kama aysan jawaabin su’aal laga weydiiyay dhaleeceyntaas. Waxay sheegtay inay qorshaynayso inay daah-furto olole tallaal, laakiin ma aysan faahfaahin xilliga uu qabsoomayo.

Masar oo 40,000 oo askari gaysay xadka Siinaay xilli laga cabsi qabo qorshaha Israa’iil

Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa ciidamo dheeraad ah geysay xadka ay la wadaagto Marinka Gaza, iyadoo ay soo kordhayaan cabsi laga qabo in qorshaha Israel ee ah inay qabsato marinkaas uu Falastiiniyiinta ku riixi karo gudaha Waqooyiga Siinaay, sida uu sarkaal sare oo ka tirsan milateriga u sheegay Middle East Eye.

Wuxuu sheegay in hadda Waqooyiga Siinaay la geeyay ilaa 40,000 oo askari, taasoo ku dhow laba jibaarka tiradii lagu oggolaa heshiiskii nabadda ee Masar iyo Israel ee 1979-kii.

“Ciidanka Masar wuxuu ku jiraa heerkii ugu sarreeyay ee feejignaan ah oo aan la arag sannado badan,” ayuu yiri sarkaalka.

Tallaabadan ayaa timid kaddib amarro toos ah oo ka soo baxay Madaxweyne Cabdifataax al-Sisi, isagoo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, kana dambeeyay kulan uu la yeeshay Golaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Golaha Amniga Qaranka, ayuu raaciyay.

Wuxuu sheegay in Israel ay doonayso inay burburiso Xamaas ayna tiro badan oo Falastiiniyiin ah ku qasabto inay ka baxaan Gaza, waana aragti ay Masar si adag u diidan tahay.

Ciidamada Masar ayaa hadda fariisimo ka samaystay qaybo kala duwan oo Waqooyiga Siinaay ah, oo ay ku jirto “Aagga C,” oo ah deegaanka ku dhow Marinka Gaza, ayuu intaa ku daray.

Masar waxay Israel ku wargelisay ciidamadan dheeraadka ah, taasoo dhalisay cabashooyin la xiriira baaxadda ciidanka iyo joogitaankooda aagagga mamnuuca ah.

“Masar waxay ku adkaysanaysaa in abaabulkani yahay mid difaac ah, laakiin waxay si isku mid ah u caddeysay in weerar kasta oo lagu soo qaado dhulkeeda lagaga jawaabi doono si aan gabbasho lahayn,” ayuu yiri sarkaalka.

Gaadiidka gaashaaman, hababka difaaca hawada, ciidamo gaar ah iyo taankiyada dagaalka ee nooca M60 ah ayaa la geeyay magaalooyinka ku dhow ee Rafah iyo Sheikh Zuweid iyo sidoo kale agagaarka tuulada al-Joura ee ku dhow xadka Gaza.

“Saraakiisha xiriirka ee Masar waxay dhiggooda Israel u sheegeen in tallaabooyinkan dambe ay yihiin kuwo difaac ah oo keliya, loogana gol leeyahay in lagu sugo amniga xadka xilli ay xiisaduhu sii kordhayaan,” ayuu sarkaalku raaciyay.

Xariiq Cas

Horraantii bishan, Guddoomiyaha Waqooyiga Siinaay, Khaled Megawer, ayaa digniin kulul u diray Israel oo ku aaddan weerar kasta oo ay suuragal tahay inay ku soo qaaddo Masar.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay marinka xadka ee Rafah, su’aalo laga weydiiyay suurta-galnimada iska hor-imaad dhexmara Israel, ayuu Megawer yiri: “Cid kasta oo ku fikirta inay u soo dhowaato xadkeena, waxay la kulmi doontaa jawaab lama filaan ah oo gilgili doonta.”

Megawer, oo horay u soo noqday janaraal ciidanka ka tirsan iyo madaxa sirdoonka milateriga, ayaa hadalkan jeediyay xilli ay sii kordhayso welwelka laga qabo in qabsashada la qorsheeyay ee Israel ee Gaza ay horseedi doonto dhibaato barakac oo baaxad leh.

Tan iyo markii uu bilowday duullaanka Israel ee Gaza, waxaa jiray isku dayo la soo sheegay oo lagu doonayay in si qasab ah looga barakiciyo boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah Marinka Gaza.

Waqooyiga Siinaay ayaa muddo dheer loo arkayay meel suurtagal ah oo loo raro Falastiiniyiinta la barakiciyay, waana fikrad dhowr jeer soo noqnoqotay tobannaan sano. Si kastaba ha ahaatee, Qaahira waxay weli u aragtaa arrintan mid xariiq cas ah.

Horraantii sannadkan, mala-awaalku wuxuu dib u soo cusboonaaday markii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu soo jeediyay in Masar iyo Urdun ay qaabilaan Falastiiniyiinta ka soo cararaya dagaalka.

Jawaabta Masar waxay ahayd mid cad oo aan leexleexad lahayn.

“Marnaba lama aqbali karo lamana oggolaan karo in Falastiiniyiinta la soo raro,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdifataax al-Sisi xilligaas. “Xalku ma aha in dadka Falastiiniyiinta ah laga raro dhulkooda.”

Dareenkaas ayaa si weyn uga dhex muuqda Waqooyiga Siinaay, halkaas oo bulshooyinku ay ku noolaayeen dhul isku mid ah jiilal badan, ayna u arkaan barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta mid caddaalad-darro ah oo xasiloonida wax u dhimaysa.

“Dhulkeenu wuxuu hoy u yahay qabuuraha awoowayaasheena, marnabana cid kale lama wadaagi karno,” ayuu Middle East Eye u sheegay oday 78 jir ah oo ka tirsan qabiilooyinka Sheikh Zuweid, kaasoo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Bishii Abriil, xildhibaanno iyo hoggaamiyeyaal qabaa’il ayaa isugu yimid magaalada El-Arish, caasimadda Waqooyiga Siinaay, si ay u meel mariyaan mowqifkooda ah in Siinaay aysan marnaba noqon waddan beddel u ah Falastiiniyiinta ka soo qaxaya Gaza.

Sheekh Salama al-Ahmar oo ka tirsan qabiilka al-Tarabin ayaa yiri: “Waan garab taagannahay Gaza, laakiin maaha mid lagu khasaarinayo dhulka Siinaay ama madax-bannaanida Masar.”

Duullaanka ba’an ee Israel ka waddo Gaza ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan sida ay Masar uga jawaabi lahayd isku dayo barakicin oo ballaaran ama dhaq-dhaqaaq militari oo kordha meel u dhow xadka Rafah, oo ah iridda keliya ee Gaza u furan caalamka intiisa kale marka laga reebo Israel.

“Maalmaha soo socda ayaa tijaabo adag ku noqon doona diyaar-garowga amni ee Masar iyo awooddeeda diblomaasiyadeed ee ay ku maareyso dhibaatada Gaza iyadoon wax u dhimin danahaheeda istiraatiijiyadeed,” ayuu Middle East Eye u sheegay falanqeeye siyaasadeed oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

“Weerar baaxaddan leh oo Israel qaaddo wuxuu kicin karaa musiibo bini’aadanimo, taasoo ku qasbi karta Falastiiniyiinta inay si wadar ah uga qaxaan Gaza, waana xaalad ay Israel laga yaabo inay ku xisaabtamayso si ay dadka uga faarujiso Gaza ayna weligeed u wiiqdo awoodda Xamaas,” ayuu falanqeeyuhu raaciyay.

Xiriir dhaqaale iyo xiisado siyaasadeed

In kasta oo ay jirto taageero ballaaran oo shacabku u hayo qadiyadda Falastiin, Masar iyo Israel waxay ilaashadeen xiriir adag tan iyo markii ay kala saxiixdeen heshiiskii nabadda ee uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa sannadkii 1979-kii. Masar waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee Carbeed ee xiriirka la caadiyeeyay Israel.

Sida ku cad heshiiska, Gacanka Siinaay waxaa loo qaybiyay aagag leh xaddidaadyo adag oo ku saabsan gaynta ciidamada iyo hubka culus.

Sannadihii la soo dhaafay, waxaa la sameeyay ka-dhaafitaanno la isku afgartay, gaar ahaan kaddib kacaankii Masar ee 2011, markaasoo milaterigu uu kordhiyay joogitaankiisa si uu ula dagaallamo kooxaha fallaagada ah ee Siinaay.

In kasta oo hadallada siyaasadeed ee Israel iyo Masar ay inta badan ahaayeen kuwo taxaddar leh, iskaashiga amniga iyo kan dhaqaalaha ayaa si isdaba joog ah u sii qoto dheeraanayay.

Heshiis ballaaran oo dhowaan la galay oo gaaska looga soo dhoofsanayo Israel ayaa muran ka dhaliyay Masar, maadaama la saxiixay xilli uu socdo duullaanka Israel ee Gaza, kaasoo lagu dilay in ka badan 62,000 oo Falastiiniyiin ah.

“Qaahira waxay qaadataa mowqif adag oo ka dhan ah Israel marka ay timaado arrimaha Gaza iyo Falastiin, halka ay dhanka kale ilaashanayso xiriir dhaqaale oo danta ku dhisan,” ayuu Middle East Eye u sheegay sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka guud iyo khabiir amni qaran, isagoo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Xiriirkaas waxaa ka mid ah soo dejinta gaaska Israel si loo daboolo baahida gudaha iyo in dheeraadka loo dhoofiyo Yurub, iyo sidoo kale iskaashiga hoos yimaada heshiiska Aagagga Warshadaha ee Loo-aqoonsaday (Qualifying Industrial Zones – QIZ).

“Masar waxay sidoo kale ka faa’iideysataa kaalmada milateri ee Maraykanka ee hoos timaada heshiiska nabadda, iyadoo ciyaaraysa door dhex-dhexaadin muhiim ah oo ku aaddan Gaza, taasoo xoojinaysa maqaamka Qaahira ee gobolka iyo caalamkaba,” ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, duullaanka Gaza wuxuu xiriirka labada dal gaarsiiyay heerkii ugu hooseeyay muddo tobannaan sano ah.

Qaahira waxay u aragtaa ololaha Israel mid khatar ku ah xasiloonida xadka, dharbaaxo ku ah dadaalladeeda dhex-dhexaadinta, iyo halis suurtagal ah oo ku wajahan sii jiritaanka heshiiska nabadda.

Qodobka ugu weyn ee khilaafka dhaliyay waa qabsashada Israel ee Marinka Philadelphi, oo ah dhul ciriiri ah oo ku teedsan xadka Masar iyo Gaza, kaasoo la qabsaday bishii Maajo 2024.

Masar waxay ku doodaysaa in tallaabadani ay jebinayso heshiiska nabadda, halka Israel ay sheeganayso inay tahay aag difaac ah oo lagama maarmaan u ah ka hortagga tahriibinta hubka.

Ciidamada Puntland oo maanta gaaray guul kale oo wayn kadib markii…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca ee Puntland ee weli howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa maanta guul kale oo wayn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish, waxayna kala wareegeen goobo hor leh.

Ciidamada ayaa saaka aroortii hore kooxda ka qabsaday Ceelka Garooba oo kamid ah goobihii u dambeeyay ee ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Daacish, waxaana lasoo wariyay in ciidanka sameeyay howlgalkaasi aysan la kulmin wax iska caabin ah.

Deegaanka ay la wareegeen ciidanka Puntland ayaa ah deegaan istaraatiiji ah, waxaana ku yaalla difaacyo adag oo dabiici ah, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu halkaasi ka heleen saad kooban oo kooxdu ka carartay, waxaana sidoo kale haatan deegaanka howlgal ka wada ciidanka Puntland.

Dhawaan ciidamada ayaa qabsaday deegaanno kale oo muhiim ah, gaar ahaan Dhaban-qooxle, Cas-caso, Ceelka Dul&Darayle iyo Ceelka Gambarre oo dhammaantood ku teedsan tagga weyn ee Baallade.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in weli ciidamadu ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish, ujeedkana uu yahay in laga saaro dhulkaasi.

Howlgalka ayaa haatan galay wajigiisa 4-aad, waana cir iyo dhul, iyada oo Puntland ay ka sheegatay guullo waawayn oo wax ku ool ah.

“Wejiga 4-aad ee Hawlgalka Hilaac oo lagu ciribtirayo firxadka Daacish ayaa si quwad iyo xawli ah kusocda, iyadoo laga fulinaayo Dhul, Cir iyo Badba, waxaana laga-gaaray intii uu socdey natiijo wanaagsan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed horay uga soo baxay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlagallo ay weli kasii socdaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari oo ay isku hayaan Puntland iyo Daacish.

Ambassador André warns against Somaliland recognition

WASHINGTON, DC — Former U.S. ambassador to Somalia Larry André has urged Washington to proceed carefully in reviewing Somaliland’s status, warning that unilateral recognition of the breakaway territory could destabilize the Horn of Africa.

His call comes amid renewed pressure from Republican lawmakers, including Senator Ted Cruz, for the United States to recognize Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 but has never been internationally recognized.

In a detailed policy essay, André — who served as U.S. ambassador in Mogadishu between 2022 and 2023 — argued that any U.S. policy review should be deliberate, consultative, and anchored in regional realities.

“Americans will not suffer directly from any further destabilization of the Horn of Africa caused by unilateral and uncoordinated measures,” he wrote. “Rather, the people of this long-suffering region will suffer even more.”

He said Washington’s interests are best served by promoting stability and prosperity across the Horn, where Somali clan dynamics cut across borders with Djibouti, Kenya, and Ethiopia. Moves that upset this balance, he cautioned, could trigger violent reactions.

Three options for U.S. policy

André outlined three possible paths for U.S. policy: maintaining the status quo, opening a diplomatic liaison office in Somaliland’s capital, Hargeisa, or granting full recognition of Somaliland. He rejected the third option as destabilizing and harmful to relations with Somalia and the wider region.

Instead, he backed a middle course: expanding U.S. presence in Hargeisa while urging both Mogadishu and Hargeisa to resume dialogue. He noted that Somalia’s leadership abandoned a tentative cooperation framework reached in 2020 but could be revived.

André emphasized that distortions often cloud debate around Somaliland’s status. He highlighted several facts he said policymakers must weigh:

  • Somaliland’s Isaaq clan, which makes up roughly two-thirds of the population, overwhelmingly supports independence, while many non-Isaaq communities favor federal autonomy within Somalia.
  • Authorities in Hargeisa have cracked down on pro-reunion areas such as Las Anod, and expressing support for union is illegal in Somaliland.
  • Despite relative stability and stronger governance in Somaliland compared to southern Somalia, the territory benefits indirectly from international efforts to contain al-Shabaab.
  • Recognition precedents in Africa, such as Eritrea and South Sudan, only came after settlements with the parent state and African Union approval.

“Somaliland status merits open discussion within Somaliland, within Somalia as a whole, and within the region,” André wrote, adding that the guiding principle should be “do no harm.”

The former envoy said Washington should consult regional players — including Kenya, Ethiopia, Djibouti, and the African Union — as well as international partners like Turkey, the EU, and Gulf states before shifting its position.

He suggested creative approaches, citing variable federal models in the UK, UAE, Tanzania, and Canada, as possible inspiration for Somali governance.

Washington reiterates policy

His intervention coincided with a State Department clarification that U.S. policy toward Somalia remains unchanged.

A source familiar with the department’s position told Semafor that Somaliland’s status is subject to periodic review, but the United States continues to back Somalia’s territorial integrity.

The statement followed Senator Cruz’s call for recognition, in which he described Somaliland as a “critical security and diplomatic partner” for Washington and accused Beijing of punishing Hargeisa for its support of Taiwan.

President Donald Trump also stirred speculation when he said his administration was “working on” the Somaliland question in response to a question about relocating Gazans to the territory if recognition were granted.

China dismissed Cruz’s remarks as “baseless attacks,” accusing U.S. politicians of interfering in Somalia’s internal affairs.

Supporters of Somaliland argue that recognition would reward its stability and democratic governance. The region held its sixth election last year, bringing opposition leader Abdirahman Mohamed Abdullahi to power.

But André insisted that rushing into recognition would alienate pro-union Somalilanders, undermine Somalia’s fragile politics, and risk fueling wider instability.

“Historic Somalia’s national revival requires settlement of governance issues, especially Somaliland status, and liberation of the entire national territory from terror group occupation,” he wrote. “These are difficult but achievable goals.”

Libya in secret talks over Gaza Palestinian resettlement

TRIPOLI, Libya – A senior official in Libya’s UN-recognised government has held covert talks with Israeli officials over a proposal to resettle Palestinians displaced from Gaza, according to multiple Arab and European sources cited by Middle East Eye.

The discussions were reportedly led by Ibrahim Dbeibah, national security adviser and relative of Prime Minister Abdul Hamid Dbeibah. Sources said “practical talks” had taken place, but without concrete mechanisms. Members of Libya’s Tripoli-based parliament were not informed, given the country’s strong pro-Palestinian sentiment.

According to one source, Washington offered economic incentives, including the release of $30 billion in frozen Libyan assets dating back to 2011, in return for Tripoli accepting Palestinians. Massad Boulos, a close adviser to US president Donald Trump, was linked to earlier discussions over unlocking frozen funds but denied involvement in any resettlement plan.

The White House said Trump has long pushed for “creative solutions” for Palestinians, including resettlement abroad while Gaza is rebuilt.

The reported talks coincide with Israel’s public calls for countries to absorb Gazans displaced by the war. Prime Minister Benjamin Netanyahu recently said Israel was in contact with “several countries” about taking Palestinians, while Agriculture Minister Avi Dichter described Libya as an “ideal destination” due to its size and Mediterranean coastline.

Israeli ministers have floated similar “voluntary migration” proposals since the Hamas attacks of October 7. However, rights groups stress that forced displacement violates international law, notably the Fourth Geneva Convention.

The reports have triggered sharp reactions in Libya. Hours after being contacted by MEE, Prime Minister Dbeibah said his government would not take part in the “crime” of resettling Palestinians, echoing a US embassy statement earlier this year dismissing relocation plans.

Meanwhile, Khalifa Haftar, the powerful commander in eastern Libya, was also reportedly approached with offers of expanded oil revenues in exchange for accepting Palestinians. He denied the claims, but European officials said both Haftar and the Tripoli-based government were courting Israeli contacts to win greater US recognition.

Analysts warned the plan could spark unrest across Libya. “This will be a shock to the Libyan people,” one Arab official said, noting that complicity in what Palestinians see as ethnic cleansing would inflame public anger.

Others cautioned that relocating Gazans to a war-torn country with divided governments would push many towards desperate onward migration to Europe. “It will be catastrophic at multiple levels,” a European source said, predicting renewed deaths in the Mediterranean and a backlash from European states unwilling to absorb more refugees.

Libya does not recognise Israel but has been accused of secret contacts. In 2023, former foreign minister Najla al-Mangoush was suspended after revelations she met her Israeli counterpart in Rome. Sources later alleged Ibrahim Dbeibah orchestrated the meeting.

Israeli officials have also reportedly sounded out other African countries. Plans have been mooted for Palestinians to be resettled in Sudan, South Sudan, and Somalia’s breakaway region of Somaliland.

But all are plagued by instability: Sudan has seen more than 150,000 killed since civil war erupted in 2023; South Sudan faces deep humanitarian crises with millions at risk of hunger; while Somaliland has drawn threats from al-Shabab over its pact with Ethiopia.

Critics say the talks reflect Libyan leaders’ pursuit of US favour rather than Palestinian welfare. “Accepting Palestinians could come at a high price for any party that engages with Washington,” analyst Mohamed Mahfouz said.

Mareykanka oo $10 milyan Soomaaliya kaga raadinaya…

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareynkanka ayaa maanta soo saartay go’aan culus oo ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya, waxayna ku dhowaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa ilaa $10 milyan oo la siin doono qofkii soo sheega macluumaad la xiriira dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee kooxdan argagixisada ah, si loo cuuryaamiyo.

Sida lagu sheegay warbixin gaar ah lagu daabacay bogga waaxda caddaaladda Maraykanka ee wasaaraddda Arrimaha Dibadda tallaabadan ayaa looga golleeyahay in looga hortago saameynta kooxda ee gobolka, oo loo arko in ay haysato dhaqaale aad u fara badan.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegau in Daacshista Soomaaliya tahay il dhaqaale oo weyn oo quudisa shabakadaha kale e ururkaasi, loona baahan yahay in la beegsado oo la cuuryaamiyo awoodda kooxdan oo fariisimo ku leh dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Warbixintaan waxay sidoo kale xustay in Daacish ay lacag ka hesho dhaq-dhaqaaqa lacagaha sharci-darrada ah, tahriibka hubka, afduub iyo lacagaha madax-furashada.

Kooxda ayaa sidoo kale adeegsata habab kale oo ay ku hesho dakhli, sida ku qasbida dadka deegaanka, ganacsatada, iyo beeralayda, iyada oo ka qaata lacago canshuuro ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale kooxda ku eedeysay in ay ku lug leedahay falal burcad-badeednimo iyo kalluumaysi sharci-darro ah oo ka dhaca xeebaha Soomaaiya, sida lagu sheegay lagu daabacay bogga waaxda caddaaladda ee wasaaraddda Arrimaha Mareykanka

Dadweynaha loogu baaqay in ay soo sheegaan wixii macluumaad ah ee la xiriira howlaha Daacishta-Soomaaliya, iyada oo qofkii soo gubiyo xog rasmi ah lasiin doono $10-ka milyan.

“Qofkii bixiya macluumaad qiimo leh waxaa la siin doonaa abaal-marin lacageed iyo fursado dib-u-dejin” ayaa lagu yiri warbixinta.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waawayn ee ka qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, wuxuuna duqeymo culus ka fuliyaa gobolka Bari oo ay haatan ka socdaan howlgallo ay ciidamada Puntlan ka wadaan aagga buuraha Calmiskaad ee gobolkaasi.

Xasan oo labo arrin u tegay Dhuusamareeb iyo mid ka daran oo ka taagan Muqdisho

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta safar ku tegay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, halkaas oo la qorsheeyey in muddo seddax maalmood ah uu sii joogo.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay labo arrin oo muhiim ah, midda hore waa in berri uu bilaabayo xarig jarka dhowr mashruuc oo deeq bixiyayaasha caalamka ay maalgaliyeen.

Xarumaha uu Xasan Sheekh, Dhuusamareeb ka xarig jari doono waxaa ugu horeeya saldhigga qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo loo dhisay xarun weyn oo casri ah, kadib markii xaruntii hore ee qeybta laga dhisay Madaxtooyada Galmudug.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarrigga ka jaraya xarunta baarlamaanka Galmudug oo si cajiib ah loo dhisay iyo wajiga koowaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan lasoo gabagabeeyey.

Xarig jarka kadib, Madaxweynaha guda gelaya kulamo xasaasi ah oo ka dhici doona Dhuusamareeb, kuwaas oo dagaalka Al-Shabaab u uku Dardar gelinayo, waxaana Dhuusamareeb mar kale laga abaabulayaa howlgal lagu xoreynayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ee Galmudug.

Istiraatiijiyadda dagaalka ayaa sidii hore ka duwan, waxaana markaan la qorsheeyey in Dhuusamareeb ay ka wada dhaqaaqaan ciidamada qaranka iyo kuwa AUSSOM, si lamid ah howlgalkii lagu xoreeyey Bariire ayaa loo xoreynayaa Ceelbuur.

Kumanaan askari oo Jabuutiyaan ah ayaa ka qeyb qaadanaya howlgalka ka bilaabanaya Galmudug, kuwaas oo dhowaan ay soo dirtay dowladda Jabuuti, madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb kula kulmi doona saraakiisha Jabuuti ee qeybta ka ah AUSSOM.

Dowladda ayaa qorsheysay in markaan laga maarmo kaalintii ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaano, kuwaas oo qorsha la’aan ku geli jiray dagaalka, waxaana lama huraan noqotay in istiraatiijiyad dhab ah lagu galo dagaalka.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb ayaa kusoo beegmaya xilli ay cakirnaan siyaasadeed ka jirto dalka, gaar ahaan Muqdisho, dhawaanna ay burbureen wadahadaladii siyaasadeed uu kula jiray Mucaaradka.

Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka oo Sabtida soo socota ay ahayd inuu furo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa in dib loo dhigayo, maadaama laga cabsi qabo in la horkeeno mooshin ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

 

Daawo: Kheyre oo weerarkii ugu xumaa ku qaaday Xasan, shaaciyey arrimo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa qabtay shir jaraa’id oo xasaasi ah oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo mid mid u dul istaagay dhowr qodob oo uu ku dhaliilay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrimaha uu taabtay waxaa kamid ah: dastuurka, khilaafka dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, dhul-boobka ama ka barakicinta bulshada ee dhulka danta guud ee Muqdisho, niyad-jabka bulshada, hoos u dhaca deeq bixiyeyaasha caalamka, dirirta ciidamada qaranka dhexdooda ah, weerarrada Khawaarijta ee caasimadda ku soo dhowaanaya iyo qodobo kale.

“Dal waxaan joognaa Dastuur uu ka yahay ra’yiga Madaxweyne Xasan Sheekh, wax kasta oo ay Soomaalidu ku heshiisayna waa la laalay. Waxaa si indho la’aan ah loo boobay hantidii Qaranka, rajadii shacabka Soomaaliyeedna waxay noqotay rajo-beel. Ciidankii Qarankana dhufeysyo ayey iskaga jiraan Gedo ilaa Muqdisho,” ayuu yiri Kheyre.

Kheyre ayaa sheegay in aysan fiirin karin hooyo Soomaaliyeed oo, sida uu hadalka u dhigay, Xasan Sheekh uu gurigeeda ka barakicinayo, iyadoo dhulkii danta guud suuqa madow lagu xaraashayo oo laga saaray diiwaanka hantida Qaranka.

“Meelaha qaar waxaa ka dhacaysa in la boobayo dhul ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, iyadoo loo adeegsanayo awoodda dowladda si xoog ah,” ayuu yiri Kheyre.

Markii uu ka hadlay dagaalka Khawaarijta, wuxuu sheegay in bulshada Soomaaliyeed aysan daawan karin iyadoo ay Shabaab dib u qabsanayaan dhul lagu waayey halyeeyo iyo saraakiil Soomaaliyeed.

“Nasiib-darro, dowladdii dalka xoreyn lahayd ayaa ku mashquulsan inay dhulkii danta guud kala wareegto shacab tabaaleysan, kuwaas oo u badan qoysaska wiilasha ciidamada qaranka ee furimaha ku sugan. Anigu waxaan ku kalsoonahay, waana garab taaganahay ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadowga Khawaarijta,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka damqanayaan in ciidamada qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed oo lagu weeraro deegaano nabdoon oo cadow aan ka jirin, si loogu gaaro dano gaar ah.

“Ganacsatadii Soomaaliyeed waxay dalka kala baxayaan hantidooda, iyagoo u wareegaya wadamo kale, maadaama ay ka niyad-jabeen dalkooda. Qoysas badan ayaa ka guuraya dalka, dhalinyartii Soomaaliyeedna waxay u tahriibayaan, naftoodana ku biimeynayaan badaha adduunka,” ayuu yiri Kheyre.

Hoos ka daawo

Xog: ITOOBIYA oo ciidamo badan soo dhoobtay xuduuda ay la wadaagto gobolka Gedo

0

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan dowladda Itoobiya ay ciidamo dheeraad ah keentay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka gobolka Gedo, halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad xooggan oo u dhexeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Jubaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saacadihii ugu dambeeyay soo buux dhaafiyay halka loo yaqaanno suufka, oo ah sadex xagalka xuduudaha dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in ciidamada Itoobiya ay halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobtaas ay sidoo kale joogaan Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo guddoomiyaha degmada Doolow oo hoggaaminayo ciidamadii Jubaland ee dhawaan laga qabsaday Belexaawo.

Arrintaan ayaa muujineyso saasaan colaadeed oo horleh, ugana sii dari karto xiisadda ka taagan Gedo, maadaama weli ay sii socdaan dhaq-dhaqaaqyada iska soo horjeedo.

Itoobiya ayaa horay usoo farogelisay arrinta gobolkan, waxayna ciidamadeeda ka qayb-qaateen dagaalka, iyaga oo weeraray ciidamada NISA ee ku sugan degmada Doolow, taas oo dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan amniga gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jirtay in mar kale ay digniin u direen ciidamada dowladda ee ku sugan Beledxaawo, iyaga oo faray inay isaga baxaan magaaladaasi, balse ma fulin go’aankaasi.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dhaq-dhaqaaqa ay ciidanka Itoobiya ka bilaabeen xadka labada dal.

Dowladda Federaalka ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin farogelnta Itoobiya, waxaana warsaxaafadeedkeedii ugu dambeeyay ay kaliya ku eedeysay hogaanka sare ee Jubaland.

Former Somali Presidents decry ‘looting’ of public land

MOGADISHU, Somalia – Three former Somali presidents have accused the government of illegally selling public land in Mogadishu, warning that the move has caused deaths, displacement, and a violation of the country’s constitution.

In a joint statement released Tuesday, ex-presidents Abdiqasim Salad Hassan, Sharif Sheikh Ahmed, and Mohamed Abdullahi Farmaajo said they were “deeply concerned” by the forced clearance of contested plots in the capital, which they said had led to loss of life.

“We extend our condolences to the families and relatives of those who lost their lives during the operations concerning the misuse of public land currently taking place in Mogadishu,” they said. “May Allah have mercy on those who died and grant a full recovery to the injured.”

‘Constitution blatantly violated’

The three leaders cited Somalia’s Provisional Constitution and financial laws, saying these had been ignored. “Every citizen has the right to live in an environment that does not harm their health or quality of life,” the statement said. “It must be demonstrated that the land being sold is no longer needed, and the reason must be made clear.”

They added: “The National Procurement Authority must be responsible for the sale. The state must publicly announce the sale, publish it in the Official Gazette, and post it in public gathering areas. Equal access to land and the fair distribution of its resources must be ensured.”

The former leaders said that the government had failed to uphold those provisions. “It is deeply unfortunate that these legal provisions, which are mandatory according to the laws of the country, have not been followed. Worse still, the Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia and other national laws have been blatantly violated,” they declared.

The statement accused President Hassan Sheikh Mohamud’s administration of exploiting vulnerable citizens. “We call on the president to cease the exploitation of public property and the oppression of vulnerable citizens whom he swore to serve,” the ex-presidents said.

They also demanded that the government resettle displaced families, stressing that “these people have a constitutional right to adequate housing.”

The leaders insisted that any land removed from the public register must be returned to state control unless its disposal followed strict legal procedures. “In cases where disposal is unavoidable, it must follow the legal procedures,” they said.

Warning to businesses

The three presidents also warned local investors and entrepreneurs not to buy land sold under questionable circumstances. “We warn the Somali business community, who earn a halal livelihood, not to be deceived by the public land that belongs to the nation as a whole,” they said. “It is time to turn away from the corruption and looting of national property.”

They stressed that the Somali constitution requires the state to protect public assets. “We remind all citizens to be aware of their constitutional power as stated in Article 1 of the country’s Constitution,” the statement concluded.

Disputes over land ownership and usage have long plagued Mogadishu, where rapid urban growth, decades of conflict, and weak institutions have left property records in disarray. Forced evictions are common, with human rights groups frequently accusing the authorities of targeting poor and displaced families.

President Mohamud, who returned to office in 2022 after previously leading Somalia from 2012 to 2017, has argued that some demolitions are necessary for public works and urban development. But critics say the process has often lacked transparency and disproportionately affected vulnerable communities.

International rights groups, including Amnesty International and the United Nations, have repeatedly urged Somali authorities to halt forced evictions and adopt fairer resettlement policies.

The joint statement from the three ex-presidents – spanning leadership from 2000 to 2022 – represents one of the strongest political challenges yet to Mohamud’s handling of the land issue.

Somalia rallies militias for new Al-Shabaab offensive

WARSHEIKH, Somalia – Somalia’s government is massing troops and local clan militias for a renewed major offensive against Al-Shabaab insurgents in the strategic Middle Shabelle region, with top officials making a frontline visit Tuesday to rally fighters for the impending operation.

The mobilization signals a fresh push in the government’s long-running campaign to dislodge the Al-Qaeda-linked group from territories it controls, particularly in the country’s central and southern regions.

Defence Minister Ahmed Macallin Fiqi and Mogadishu’s mayor, Hassan Mohamed Hussein (Muungaab), travelled to the Warsheikh district, a coastal area in Hirshabelle state, to meet with hundreds of newly prepared forces. Their visit to the Xaluule area aimed to boost the morale of both regular army units and allied local fighters ahead of a concerted push.

Addressing the assembled forces, Fiqi praised their readiness and urged them to reclaim their communities.

“Today is different from before. We want you to move forward as one and liberate yourselves from this Khawarij enemy,” Fiqi said, using the government’s pejorative term for Al-Shabaab, which translates to “the deviants”.

“I commend you for the victories you have already achieved,” he added, urging the fighters to “redouble” their efforts.

The crucial role of clan militias

A key element of the government’s strategy has been the enlistment of local clan militias, known as the “Macawisley,” named for the traditional sarong (macawis) they wear. These militias, fighting on their home turf, have been instrumental in previous phases of the offensive by providing critical intelligence and manpower.

Mogadishu’s mayor, who has played a significant role in organizing these local forces, confirmed that a major operation was imminent.

“A broad operation will soon be launched, fulfilling the directives of the President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud,” Madaale stated.

He clarified the composition of the force, emphasizing the local commitment: “These hundreds of mujahedin are not part of the National Army. They are fully prepared to defend their country, their people, and their faith.”

A stalled war and renewed impetus

President Mohamud declared “total war” on Al-Shabaab upon taking office in 2022. The initial phase of the offensive, which combined national army troops with the Macawisley, saw significant territorial gains in the states of Hirshabelle and Galmudug throughout late 2022 and early 2023.

However, the offensive has stalled for over a year. Analysts suggest factors, including fierce Al-Shabaab resistance, logistical challenges, and the onset of seasonal rains, have hampered progress. A planned second phase of the operation, intended to target Al-Shabaab strongholds in the south, has yet to materialize fully.

According to a recent report by the International Crisis Group, recapturing territory is only the first step. The government faces the immense challenge of securing and governing these areas to prevent the insurgents from returning.

Strategic importance of Middle Shabelle

The focus on Middle Shabelle is highly strategic. The region lies just north of the capital, Mogadishu, and has long served as a logistical and operational hub for Al-Shabaab.

The group has used its presence there to extort taxes from the local population, recruit fighters, and stage attacks on the capital and supply routes for the Somali army and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS).

Clearing insurgents from the remaining pockets in districts like Warsheekh is seen as vital to enhancing the security of Mogadishu and demonstrating renewed momentum in the government’s campaign.

For more than 15 years, Al-Shabaab has been waging a brutal insurgency against the internationally backed federal government of Somalia. Though pushed out of major cities, the group retains control over large swathes of rural areas.

It continues to launch deadly attacks against military and civilian targets. The current mobilization represents the government’s latest high-stakes effort to break the stalemate and permanently degrade the militants’ capabilities.

Cabdiqaasim, Farmaajo iyo Shariif oo soo saaray qoraal ay ugu digayaan Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan, Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warsaxaafadeed wadajir ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka dhalatay dhulalka danta guud ee ku yaalla Muqdisho iyo barakicinta shacabka.

Saddexda Madaxweyne ee hore ayaa ka digay ku takri-falka dhulka danta guud ee caasimadda, waxayna sheegeen in si aan sharci ahayn loo iibinayo.

Sidoo kale, waxa ay farriin u direen Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ugu baaqeen inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud, ayna dib gacanta dowladda ugu soo noqdaan dhulalka la iibiyay.

“Haddaba, anaga oo tixgalinayna cabashooyinka isdaba-joogga ah ee naga soo gaaraya qoysaska la barakiciyey waxaan u soo jeedineynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan-yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego. In dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:

Ugu horrayn, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo qaraabada dadkii ku dhintay howl-gallada ku takri-falka dhulka danta guud ee ka socda magaalada Muqdisho, waxaana leenahay Eebbe ha u naxariisto intii ku dhimatay, kuwa ku dhaawacmayna Alle ha caafiyo.

Sida ku cad qodobbada 25aad, 26aad iyo 43aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, qodobbada 50aad iyo 51aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud oo qeexaya hantida danta guud iyo sida loo maamulayo, iyo qodobbada 6aad iyo 22aad ee Xeer Lr.41 ee Sharciga Dhul Qaybinta – qodobbadaas dhammaantood waxay waajibinayaan in marka dhul laga saarayo diiwaanka Dhulka Danta Guud la xaqiijiyo arrimahan:

  • In muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu helo deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed.
  • In la soo bandhigo in laga maarmay dhulka la iibinayo iyo sababta.
  • In iibintiisa ay ka masuul tahay Hay’adda Iibka Qaranka.
  • In la naadiyo, laguna qoro Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda, laguna dhejiyo goobaha dadku isugu yimaadaan.
  • In la xaqiijiyo sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa.
  • In la xaqiijiyo ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadi’da dheefsashada dhulka, iyada oo aan dhibaato loo geysan deegaanka.
  • In la xalliyo khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida.
  • In la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku takri-falka xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.
  • In dakhliga ka soo xarooda dhulkii la iibiyay lagu shubo khasnadda dhexe ee dowladda.

Waxaa ayaan-darro weyn ah in aan la marin qodobbadaas sharciyeed ee dalka, isla markaana si bareer ah loogu tuntay Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka.

Haddaba, anaga oo tixgalinayna cabashooyinka isdaba-joogga ah ee naga soo gaaraya qoysaska la barakiciyey waxaan u soo jeedineynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:

  1. Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan-yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego.
  2. In dib u dejin loo sameeyo dadka la barakiciyay, kuwaas oo xaq dastuuri ah u leh in ay helaan deegaan.
  3. In dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay.

Ugu dambayn, ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee xalaal-quutayaasha ah waxaan uga digaynaa in aanay ku kadsoomin dhulka danta guud ee ummadda ka dhexeeya, ayna meel uga soo wada jeestaan fasaadka iyo boobka hantida qaranka, iyaga oo ogsoon awooddooda dastuuriga ah ee ku cad qodobka 1aad ee Dastuurka dalka.

Waxaa soo wada saaray Madaxweynayaashii hore ee dalka:

  1. Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan
  2. Mudane Shariif Sheekh Axmed
  3. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

-Dhammaad-