27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

FBI oo liis halis ah ku dartay mas’uuliyiin ka tirsan IRAN

0

Washington (Caasimada Online) — Hay’adda Dambi Baadhista Federaalka Maraykanka (FBI) ayaa ku dartay liiska “Dadka aadka loo baadigoobayo” safiirka Iran u fadhiya dalka Pakistan, Reza Amiri-Moghaddam, iyo labo kale oo u dhashay Iran.

War-saxaafadeed kasoo baxay FBI-da ayaa lagu sheegay in Reza Amiri-Moghaddam, Taghi Daneshvar, iyo Gholam Hossein Mohammadnia ay ku lug lahaayeen afduubkii Bob Levinson, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa FBI-da, kaasoo la waayay 9-kii Maarso 2007, xilli uu ku sugnaa jasiiradda Kish ee dalka Iran.

Mas’uuliyiinta Iran weli kama aysan falcelin eedeymahan. Dhanka Pakistan, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda, Shafqat Ali Khan, ayaa wargeyska Dawn u sheegay in dalkiisu uu ixtiraam u hayo safiirka Iran, gaar ahaan dadaalladiisa ku aaddan horumarinta xiriirka labada dal.

FBI-da ayaa shaacisay boorar ay ku sawiran yihiin saddexda eedeysane, iyadoo sheegtay in hay’addu ay weli wado baaritaanno lagu ogaanayo doorka saraakiishan uga aaddan afduubka Levinson iyo suurtagalnimada in dowladda Iran ay isku dayday in mas’uuliyadda falkan dusha uga tuurto dad ama hay’ado kale.

Sida ay sheegtay FBI-da, Reza Amiri-Moghaddam, Taghi Daneshvar, iyo Gholam Hossein Mohammadnia ayaa ka tirsanaa hay’adaha sirdoonka Iran. Steven Jens, ku-xigeenka agaasimaha xafiiska FBI-da ee Washington, ayaa sheegay in saddexdan qof ay door weyn ku lahaayeen afduubka Levinson iyo qariyeyntiisa.

“Bob Levinson waxay u badan tahay inuu geeriyooday isagoo ka fog qoyskiisa iyo asxaabtiisa,” ayuu yiri Steven Jens, isagoo intaa ku daray in FBI-da aysan ka harin raadinta dadka arrintan ku lug leh.

Dowladda Maraykanka ayaa ballanqaadday abaalmarin lacageed oo dhan $50 milyan oo la siin doono cid kasta oo keenta xog rasmi ah oo horseedi karta helitaanka Levinson.

FBI-da ayaa sidoo kale dalbatay in saddexda eedeysane — Amiri-Moghaddam, Daneshvar iyo Mohammadnia — lagu sameeyo su’aallo la xiriira kiiska Levinson.

Puntland oo ku dhowaaqday in aysan aqoonsan doonin SSC-Khaatumo (Bayaan kulul)

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay aqoonsi ay siiso maamul ka madax-bannaan oo ka dhisan deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo ku celisay in gobolladaasi ay si dastuuri ah uga tirsan yihiin Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa lagu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay waddo faragelin lagu wiiqayo xasilloonida iyo midnimada Puntland, sida hadalka loo dhigay.

Bayaankan, oo ah kii ugu adkaa ee kasoo baxa Puntland tan iyo markii ay Dowladda Federaalku aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo, ayaa si toos ah u qeexaya khilaafka qotada dheer ee ka dhashay mustaqbalka siyaasadeed ee deegaannada beesha Dhulbahante.

Puntland waxay war-saxaafadeedkeeda ku billowday xusuusin taariikhi ah, iyadoo sheegtay inay “soo dhaweysay go’aankii Isimada Beesha Dhulbahante ee February 6, 2023kii” ayna “qayb libaax ka qaadatay halgankii dib loogu qabtay magaalada Laascaanood.”

Si kastaba ha ahaatee, wasaaraddu waxay si cad u diidday jiritaanka maamul gooni ah oo aan soo marin habraaca dastuuriga ah ee Puntland, sida ay tiri. Waxay caddeysay in sida ku cad Qodobka 7-aad iyo 138-aad ee Dastuurka Puntland, “Gobollada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dawladda Puntland, sanadkii 1998dii.”

“Sidaas awgeed, go’aan kasta oo lagu beddelayo maqaamka deegaannadaas waa inuu sifo sharci ah u maraa,” ayey tiri. Puntland waxay shuruud uga dhigtay in marka hore “wadatashi buuxa ka yeeshaan beelihii wada dhistay hannaanka Dawladda Puntland 1998dii.”

Iyadoo taas laga duulayo, bayaanka ayaa lagu go’aamiyay qodobkan xasaasiga ah: “Inta laga helayo sifo sharci ah oo ku timaadda wadatashi guud ahaan reer Puntland, gobollada Sool iyo Cayn iyo beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland.”

Eedayn culus oo loo jeediyay Muqdisho

Qaybta ugu weyn ee dareenka soo jiidatay ayaa ahayd eedaynta tooska ah ee Puntland u jeedisay dowladda dhexe. Dowladda Puntland waxay si kulul u “cambaareynaysaa faragelinta qaawan ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso amniga iyo xasilloonida Dowladda Puntland.”

Puntland waxay ku eedeysay Villa Somalia inay leedahay damac ah “in ay burburiso amniga iyo dowladnimada ka jirta Puntland,” isla markaana ay doonayso inay “fashiliso dagaalka ay Dowladda Puntland iyo saaxiibada caalamku kula jiraan argagixisada caalamiga ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.”

Eedaymahan ayaa si toos ah loola xiriirinayaa aqoonsiga Dowladda Federaalka ay u fidisay Maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, tallaabadaas oo ay Puntland u aragto mid xadgudub ku ah midnimadeeda dhuleed iyo heshiiskii lagu dhisay Soomaaliya federaalka ah. Arrintan ayaa sii xumaysay xiriirka labada dhinac oo markii horeba gaaray meel hooseysa, kadib markii ay Puntland horay u shaacisay inay laashay aqoonsigii dowladda dhexe kuna dhaqmayso si madax-bannaan.

Xiisadda ayaa sii kordhaysa iyadoo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga soo sheegayo deegaannada xuduudda u ah Puntland iyo deegaannada SSC-Khaatumo, taasoo abuurtay cabsi laga qabo isku dhac hubeysan.

Dhanka kale, Isimada iyo hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa si isdaba joog ah u sheegay inay ka go’an tahay aayo-ka-tashigooda, ayna diideen inay dib ugu noqdaan maamulkii Puntland.

Dowladda Puntland waxay war-saxaafadeedkeeda kusoo gabagabeysay baaq ay u dirtay shacabkeeda, iyadoo ku adkeysay “in ay xoojiyaan midnimadooda, ilaaliyaana amniga iyo dowladnimada Puntland.”

Dagaal ka qarxay Sanaag

Baaqan ayaa imanaya xilli Puntland ay wajaheyso loolan siyaasadeed oo dhinacyo badan leh, kaasoo u dhexeeya cadaadiska Dowladda Federaalka, loolanka SSC-Khaatumo, iyo sidii ay u ilaashan lahayd midnimadeeda gudaha, taasi oo Talaadadii isku rogtay dagaal.

Talaadadii ayaa dagaal waxa uu degmada Dhahar ku dhex maray ciidamada Puntland iyo ciidamada maamulka Maakhir, oo ah maamul go’aansaday inuu ku biro SSC-Khaatumo, oo shirka lagu dhameystirayo uu hadda ka socdo Laascaanood.

Puntland ayaa sheegtay inay soo afjartay maleeshiyaad hubeysan oo ku sugnaa gudaha Dhahar, isla markaana ay haatan si buuxda gacanta ugu hayso magaaladaasi.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa si buuxda u xakameeyay shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Dhahar, kadib markii kooxo maleeshiyo hubeysan oo sharci-darro ah ay weerar ku soo qaadeen ciidamada amniga oo ka yimid deegaanka Baraagaha-Qol. Weerarkan oo laga soo abaabulay Xamar ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Boqollaal qoys ayaa ku barakacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag oo ah xudunta dagaalka. Magaalada ayaa la sheegay inay hadda deggan tahay kaddib markii ay odayaashu soo dhex galeen, balse xaaladdu weli waa ay cakiran tahay.

Ilo-wareed ayaa sheegay in dagaalkii Talaadada uu ka dhashay muran la xiriira waddo ay ciidamada Puntland qorsheynayeen inay isticmaalaan. Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, in ka badan 10 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkaas.

Puntland ayaa ku eedaysay dowladda federaalka inay “colaad hurinayso,” halka dowladda federaalku ay ku andacootay in Puntland ay “xaaladda sii hurinayso.”

Labada dhinac ayaa isku eedeeyay inay ciidamo soo dhoobeen deegaanka, xaaladdan oo ay goobjoogeyaal ka faallooda arrimaha gobolku ku tilmaameen mid ay siyaasadi ka dambeyso.

Puntland declares SSC-Khaatumo ‘Illegal,’ claims region

GAROWE, Somalia – Somalia’s semi-autonomous state of Puntland has firmly rejected the legitimacy of a newly declared neighboring administration, accusing the federal government in Mogadishu of inflaming tensions following deadly clashes that have displaced hundreds and risk further destabilizing the already volatile region.

In a strongly worded statement, Puntland’s Ministry of Interior dismissed the SSC-Khaatumo administration as an illegal entity, reaffirming its constitutional claim over the contested regions of Sool, Sanaag, and Cayn (SSC). The declaration comes amid a widening political crisis between Garowe and the central government, which has formally recognized SSC-Khaatumo.

Tensions flared this week after a deadly clash on Tuesday in the Sanaag region that left at least nine people dead and more than ten others wounded, underscoring fears that the political dispute could spill over into a broader armed conflict.

Puntland authorities said they had “crushed” what they described as an attack by an “illegal armed militia” in the town of Dhahar, alleging that the assault had been “organized from Mogadishu.”

“The Puntland Government strongly condemns the blatant interference by the Federal Government of Somalia in the security and stability of the Puntland Government, the statement read, accusing Mogadishu of a deliberate effort to “destroy the security and governance that Puntland has built.

A challenge to Puntland’s foundations

At the heart of the standoff lies a dispute over the SSC regions — territory long contested by both Puntland and the breakaway republic of Somaliland. Puntland’s claim is rooted in kinship: the Dhulbahante clan, which dominates the SSC areas, is part of the broader Harti confederation that forms the backbone of Puntland’s political identity.

Puntland’s statement leaned heavily on this historical connection, insisting that local leaders from the SSC regions “fully participated in the establishment of the Puntland Administration in 1998. It emphasized that any future change to the region’s political status must come only through “full consultation with all clans that helped form Puntland.

Until that happens, Puntland says, “the regions of Sool and Cayn… remain part of the Puntland Government system by the Constitution.”

The emergence of the SSC-Khaatumo administration in February 2023 marked a dramatic shift in Somalia’s political landscape. After months of intense fighting that eventually pushed Somaliland forces out of Las Anod — the capital of Sool — Dhulbahante elders declared the formation of their federal member state, opting to report directly to Mogadishu rather than Garowe or Hargeisa.

The federal government’s decision to formally recognize SSC-Khaatumo as an “Interim Administration only deepened the rift. Puntland viewed it as a direct violation of its territorial integrity. This provocative move added fuel to an already growing dispute over the shape of Somalia’s federal future.

In April, in protest, Puntland announced it would no longer recognize the authority of the federal government and would operate independently until constitutional disagreements were resolved.

Deadly clashes and rising tensions

Now, that political feud is erupting on the ground. The latest violence in Dhahar broke out when troops loyal to the pro-SSC-Khaatumo Maakhir administration, which recently merged with SSC-Khaatumo, confronted Puntland forces. Local sources say the immediate spark was a dispute over a road Puntland troops had planned to use.

The fighting forced hundreds of families to flee their homes. While local elders report that the town has since calmed, the situation remains tense, with both sides reportedly reinforcing their military positions in the surrounding areas.

Puntland went further in its accusations, alleging that the federal government was trying to “undermine the war that the Puntland Government and its international partners are waging against the international terrorist groups Daesh and Al-Shabaab. The region remains a critical front in Somalia’s fight against insurgents, particularly in Puntland’s rugged mountainous terrain, where militants still operate.

For years, the Dhulbahante clan has been squeezed between the rival claims of Puntland and Somaliland, both of which assert sovereignty over their territory. The emergence of SSC-Khaatumo offers what many in the community see as a third option: a path toward self-rule within Somalia’s federal system. While Mogadishu has embraced the move, Garowe has rejected it outright.

As SSC-Khaatumo leaders continue their consultative meetings in Las Anod to finalize their administrative structure, Puntland issued a statement ending with a pointed call for its people to “strengthen their unity and protect the security and governance of Puntland — a message that signals its determination to confront what it sees as an existential political threat.

The standoff now threatens to pull Somalia deeper into a fresh and complex internal crisis, with local grievances, clan loyalties, and federal politics all colliding in one of the country’s most contested regions.

Turkey iyo Imaaraadka oo gaaray heshiis xasaasi ah – Muxuu ku saabsan yahay?

Ankara (Caasimada Online) – Dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis iskaaahi oo toddoba qodob ah, kadib kulan maanta madaxda labada dal ay ku yeesheen Ankara.

Qodobada heshiiska ayaa kala ah:

1. Heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashi maalgashi oo ka dhexeya Dowladda Turkiga iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan dalxiiska iyo hoteellada.

2. Heshiis is-afgarad ah oo la xiriira maalgashi wadajir ah oo ku saabsan warshadaha iyo wax-soo-saarka ee u dhexeeya labada dal.

3. Heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashi maalgashi ee cunnada iyo beeraha.

4. Heshiis is-afgarad ah oo lagu dhisayo guddi wadajir ah oo qunsuliyadeed oo u dhexeeya labada dowladood.

5. Heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan ilaalinta xogaha sirta ah ee labada dal ay is-dhaafsadaan.

6. Heshiis u dhexeeya Xafiiska Maalgashiga iyo Maaliyadda ee Madaxtooyada Turkiga iyo Wasaaradda Maalgashiga ee Imaaraadka oo ku saabsan iskaashi maalgashi oo dhanka daawooyinka ah.

7. Heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan cilmi-baarista iyo horumarinta waxsoo saarka.

Laba dowladood ayaa saamayn iska soo horjeeda ku leh Soomaaliya, Liibiya, Suudaan iyo dalal kale, balse heshiiskaan ayaa quseeya danahooda gaarka ah ee dhanka ganacsiga.

Puntland claims victory after deadly clashes in Sanaag

GAROWE, Somalia – The semi-autonomous state of Puntland has declared a “great victory” after its security forces clashed with local militia in the disputed northern town of Dhahar, asserting it now has complete control of the area following fighting that killed at least nine people.

In a statement issued Wednesday, Puntland’s police command said it had successfully put down what it described as an insurrection by “illegal armed militia groups” in the strategic Sanaag region. The move marks a bold assertion of authority in an area long entangled in political and clan tensions.

The fighting, which erupted on Tuesday, forced hundreds of families to flee their homes and once again exposed the fragile nature of northern Somalia’s security. The town of Dhahar lies at the heart of overlapping territorial claims between Puntland and the self-declared republic of Somaliland — as well as localized demands for greater autonomy.

Framing the operation as a defensive measure, Puntland directly accused Somalia’s federal government in Mogadishu of orchestrating the attack from afar.

“Full control” declared

Seeking to underscore the scale of its success, Puntland officials wasted no time in declaring the battle won. The regional police said its forces had “fully contained the disturbance” after coming under attack and had “brought an end to the armed militias.”

“The Puntland Police Force will continue efforts to ensure peace, law, and the governance of Puntland,” the statement read, presenting the operation as part of a broader commitment to stability in the region.

Colonel Jama Mohamud Gabayre, the regional police chief, echoed the message during a media appearance, praising his forces for “bravely preventing” what he described as a coordinated attempt to undermine regional security.

The victory narrative was swiftly followed by pointed accusations against Mogadishu. Puntland officials alleged that the armed group was acting on behalf of political actors in the capital — a familiar charge that reflects the deep-rooted mistrust between the federal government and its powerful member states over authority and resource-sharing.

Tense Calm on the Ground

Yet despite the confident tone from Garowe, accounts from inside Dhahar paint a more complex picture. Local residents say the situation remains tense and that community elders had to step in to mediate a ceasefire.

“The situation is still tense,” one source in the region said, adding that military movements from multiple sides were still visible. On the ground, the reality feels far more uncertain than the clear-cut victory portrayed by Puntland officials.

What began as a dispute over the use of a key road by Puntland forces quickly escalated into armed conflict, revealing deeper frustrations over political representation and governance. The militia that clashed with Puntland security forces is closely tied to the Maakhir autonomy movement — a group representing the local Warsangali clan, which has long pushed for its own federal state separate from Puntland.

Puntland’s swift and forceful military response, followed by its triumphant declaration, is widely seen as a calculated move within the broader and increasingly volatile landscape of Somalia’s federalism.

The developments in Dhahar come as neighboring regions witness dramatic shifts of their own. In the Sool region, the SSC-Khaatumo administration — rooted in clan-based organization — recently ousted Somaliland forces from the city of Las Anod after more than a year of conflict. SSC-Khaatumo is now seeking formal recognition as a separate federal member state.

As Somalia’s federal map continues to evolve, Dhahar has become the latest flashpoint — a town where competing visions of governance, identity, and autonomy have once again flared into violence.

Daawo: Guddiga doorashada DF oo go’aan culus ka gaaray in dadka lasoo khasbo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guddiga-Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan oo maanta kor meeray qaar ka mid ah xarumaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Banaadir, isagoo howlwadeennada siiyey amar culus.

Guddoomiyaha ayaa howlwadeennada xarumaha diiwaangelinta faray in aan la diiwaangelinin qof sheeganaya in uu qasab ku yimid goobta, si buu yiri loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo u kuurgalay diiwaan gelin ka socotay degnooyinka Hodan, Howl-Wadaag, iyo Kaaraan ayaa la kulmay cabasho dadweyne oo xoog leh, sida goobjoogayaal ay u sheegeen Caasimada Online.

Muddo bil ah ayaa lagu daray sii socoshada diiwaan-gelinta dadweynaha sida uu ku dhawaaqay Afhayeenka Guddiga Cabdifitaax Feysal Xuseen oo shir jaraa’id qabtay markii uu kormeerka guddoomiyaha soo dhamaaday.

Ururrada siyaasadda ayaa codsaday muddo kordhintaan cusub ee loo sameeyey diiwan-gelinta codbixiyaasha, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay guddiga doorashooyinka.

“Lama aqbalayo in lagu qasbo muwaanka inuu is diiwaan geliyo, sida ku cad qodobka 3-aad ee sharciga doorashooyinka, guddoomiyuhu wuxuu amray in aan la diiwaan-gelin qof sheeganaya in lasoo qasbay,” ayuu yiri Afhayeenka guddiga.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa shaqaalaha diiwaan-gelinta doorashada kula dardaarmay inay dardargeliyaan howlaha diiwaan-gelinta iyo adkeynta xorriyadda diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Ugu dambayn Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdikariim Axmed Xasan ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ku dhiirigeliyey in si xor ah isku diiwaangeliyaan, si ay u dhiibtaan codkooda oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin.

Hoos ka daawo

Israa’iil oo duulaan culus ku qaaday Suuriya + Sawirro

Dimishiq (Caasimada Online) – Israel ayaa Arbacadii duqeymo xooggan ka fulisay magaalada Dimishiq, kuwaasoo lagu burburiyay qayb ka mid ah wasaaradda difaaca, isla markaana lala beegsaday meel u dhow qasriga madaxtooyada, iyadoo wacda ku martay inay burburin doonto ciidamada dowladda “ee weeraraya bulshada Druze-ka” ee ku nool koonfurta Suuriya, ayna dalbatay inay ciidamadaasi isaga baxaan deegaankaas.

Weerarradan ayaa ahaa kuwo si weyn sare ugu qaaday xiisadda ay Israel kula jirto maamulka Islaamiyiinta ay hoggaamiyaan ee uu madaxda ka yahay madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Ahmed al-Sharca. Weerarradu waxay yimaadeen inkastoo uu jiray xiriir soo hagaagayay oo uu Sharca la lahaa dowladda Mareykanka iyo xiriirro dhinaca amniga ah oo is-beddelayay oo maamulkiisu la lahaa Israel.

Iyadoo madaxda cusub ee Suuriya ku tilmaantay jihaadiyiin is-qarinaya, ayay Israel sheegtay inaysan u oggolaan doonin inay ciidamo geeyaan koonfurta Suuriya, waxayna ballan-qaadday inay ka difaaci doonto bulshada Druze-ka ee deegaankaas weerarrada kaga yimaada. Tallaabadan waxaa dhiirrigeliyay baaqyo ka imaanayay dadka laga tirada badan yahay ee Druze-ka ah ee ku nool gudaha Israel.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa xaaladda ku sifeeyay mid “is-khilaafsan” balse wuxuu sheegay inay u muuqato “isfaham-darro”. Wuxuu intaa ku daray inuu filayo in saacado gudahood horumar laga gaari doono xaalad-dejinta.

Tobannaan qof ayaa lagu dilay isbuucan rabshado ka dhacay gudaha iyo hareeraha magaalada Sweida oo ay u badan yihiin dadka Druze-ka, kuwaasoo isku dhacyadu ay dhexmareen dagaalyahanno ka tirsan dadka laga tirada badan yahay ee Druze-ka, ciidamada ammaanka ee dowladda, iyo xubno ka tirsan qabaa’ilka reer-guuraaga ah.

Weriyeyaal ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa maqlay diyaaradaha dagaalka oo si hoose u dul heehaabaya caasimadda, kadibna fulinaya weerarro is-daba-joog ah oo aad u waaweyn galabnimadii. Tiirar qiiq ah ayaa cirka isku shareerayay agagaarka wasaaradda difaaca. Qayb ka mid ah dhismaha ayaa burburtay, dhulkana waxaa daadsanaa burburka dhismaha.

Ilo-wareed caafimaad oo Suuriyaan ah ayaa sheegay in duqeymaha lala beegsaday wasaaradda difaaca ay ku dhinteen shan xubnood oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka.

Sarkaal ka tirsan millateriga Israel ayaa sheegay in ciidanka Israel ay garaaceen iridda laga galo xarunta dhexe ee millateriga ee Dimishiq iyo bartilmaameed kale oo millateri oo u dhow qasriga madaxtooyada.

Sarkaalka u dhashay Israel ayaa sheegay in ciidamada Suuriya aysan wax tallaabo ah ka qaadin sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarrada ka dhanka ah Druze-ka, ayna qayb ka yihiin dhibaatada jirta. Wasiirka Difaaca ee Israel, Israel Katz, ayaa sheegay in millateriga Israel ay “sii wadi doonaan hawlgallada xooggan ee ay ka wadaan Sweida si loo burburiyo ciidamada weeraray Druze-ka ilaa ay gebi ahaanba ka baxayaan.”

Sharca ayaa wajahaya caqabado waaweyn oo ku aaddan sidii uu dib isugu soo celin lahaa midnimada Suuriya, iyadoo ay jirto cabsi weyn oo ay qabaan kooxaha ka baqaya maamul Islaami ah—cabsidaas oo ay sii kordhiyeen dilal wadareedyo loo geystay dadka laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta bishii Maarso.

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa Isniintii loo diray gobolka Sweida si ay u qaboojiyaan dagaal dhexmarayay dagaalyahannada Druze-ka iyo kooxo hubaysan oo reer-guuraa ah, balse waxay aakhirkii isku dhaceen maleeshiyaadka Druze-ka.

Arbacadii xilli dambe, wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya iyo mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Druze-ka, Sheikh Yousef Jarbou, ayaa sheegay in la gaaray xabbad-joojin.

Si kastaba ha ahaatee, Sheikh Hikmat al-Hajari, oo ah hoggaamiye kale oo Druze ah, ayaa sheegay in dagaalku uu sii soconayo ilaa Sweida “si buuxda loo xoreynayo”. Xabbad-joojin kale oo lagu dhawaaqay Talaadadii ayaa burburtay.

Dadka deegaanka Sweida ayaa sheegay inay guryahooda ku go’doonsan yihiin. “Waa nalagu hareereysan yahay, waxaana maqlaynaa qeylada dagaalyahannada… aad ayaan u baqeynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka Sweida oo khadka taleefanka lagula hadlay.

Dhawaqa rasaasta oo ay googooynayeen jugta qaraxyada ayaa laga maqlayay hareeraha. “Waxaan isku dayeynaa inaan carruurta aamusinno si aan qofna noo maqal,” ayuu intaa ku daray ninkaas, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin isagoo ka baqaya aargudasho.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya ayaa sheegtay in 169 qof lagu dilay rabshadaha asbuucan. Ilo-wareedyo dhinaca ammaanka ah ayaa tirada ku sheegay 300. Wakaaladda Reuters si madax-bannaan uma xaqiijin karin tirakoobyadaas.

Dadka laga tirada badan yahay

Dadka Druze-ka ah waa dad haysta mad-hab ka farcamay diinta Islaamka, waxayna ku kala nool yihiin Suuriya, Lubnaan iyo Israel.

Kaddib baaqyo ka soo yeeray gudaha Israel oo lagu dalbanayay in la caawiyo dadka Druze-ka ah ee Suuriya, ayay tobannaan ka tirsan Druze-ka Israel Arbacadii jabiyeen deyrka xudduudda, iyagoo la midoobay dadka Druze-ka ah ee dhinaca Suuriya, sida uu sheegay goobjooge u warramay Reuters.

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in millateriga Israel ay ka shaqeynayaan sidii loo badbaadin lahaa Druze-ka, wuxuuna ku boorriyay muwaadiniinta Druze-ka ah ee Israel inaysan ka gudbin xudduudda. Millateriga Israel ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii si nabadgelyo ah loogu soo celin lahaa dadkii rayidka ahaa ee ka gudbay xadka.

Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Suuriya, Tom Barrack, oo hore u ammaanay madaxda cusub ee Suuriya kuna dhawaaqay bishii Maajo in nabad ay dhexmari karto Suuriya iyo Israel, ayaa cambaareeyay rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Sweida.

“Dhammaan dhinacyadu waa inay dib u gurasho sameeyaan oo ay galaan wada-hadal dhab ah oo horseeda xabbad-joojin waarta. Dembiilayaasha waa in lala xisaabtamaa,” ayuu yiri.

Nin u dhashay Israel oo Druze ah, laguna magacaabo Faez Shkeir, ayaa sheegay inuu dareemayo awood-darro isagoo daawanaya rabshadaha ka socda Suuriya. “Qoyskeygu waxay joogaan Suuriya—xaaskeygu waxay joogtaa Suuriya, adeeradey waxay ka soo jeedaan Suuriya, qoyskeyguna waxay joogaan Suuriya, gaar ahaan Sweida. Ma jecli inaan arko iyagoo la dilayo. Guryahoodii waa laga saaray, waa la dhacay, guryahoodiina waa la gubay, laakiin waxba kama qaban karo,” ayuu yiri.

Talaadadii, weriye ka tirsan Reuters ayaa sheegay inuu arkay ciidamada dowladda oo bililiqeysanaya oo gubaya guryo, sidoo kalena xadaya baabuur iyo alaab guri oo ku yaalla Sweida. Nin ayaa weriyaha tusay meydka walaalkiis oo madaxa looga toogtay gurigooda gudihiisa.

Bayaan kasoo baxay dowladda Suuriya Arbacadii ayaa lagu sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo mas’uul ka ah sharci-darrada ka dhacday Sweida. Bayaanka ayaa intaa ku daray in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka ku nool Sweida.

Ahmed Sharca ayaa si is-daba-joog ah u ballan-qaaday inuu ilaalin doono dadka laga tirada badan yahay.

Xog: Sida ay beelaha u kala qeybsadeen ergada dhisaysa maamulka SSC-Khaatumo

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Shirweynah dhameystirka Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalmihii dambe ka socday magaalada Laascaanood ayaa meel wanaagsan marayay, ayada oo maanta beelaha loo qeybiyay ergooyinka dhisaya maamulka.

Ergadan oo tiradoodu dhan tahay 310 ergey ayaa waxaa inta badan loo kala qeybiyay Khaatumo iyo Maakhir, iyadoo 12% la siiyay dadka kale, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Is-fahamka la gaaray ayaa waxaa lagu go’aamiyay in xulista saldhig looga dhigo degmooyin, iyadoo sidaas lagu qeybsaday ergooyinka dhisaysa maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

Khaatumo ayaa heshay 138 ergay oo boqoleyda noqoneysa 44.2%, halka Maakhir ay heshay 135 ergay oo noqoneysa 43.4%.

Hoos ka aqriso sida ay beelaha u kala heleen ergooyinka:

1. Dhulbahante – 138
2. Maxamuud Harti – 135
3. Fiqishini – 19
4. Suwaagroon – 4
5. Axmed Harti – 2
6. Kaskiqabe – 2
7. Dir – 1
8. Madhibaan – 2
9. Geri – 3
10. Ugaaslabe – 4

Sidoo kale waxaa xogaha soo baxaya sheegayaan in maamulka cusub noqonayo; Laascaanood, Ceerigaabo, Buuhoodle, Badhan, Dhahar, Xuddun, Laas-qoray iyo Taleex.

Shirka dhismaha maamulkan ayaa waxaa door weyn ka qaadaneysa Dowladda Federaalka oo horay aqoonsi buuxda u siisay SSC-Khaatumo, waxaase kasoo horjeeda Somaliland iyo Puntland.

Somaliland ayaa si weyn u cambaareysay dhaq-dhaqaaqa dowladda dhexe ka wado Sool iyo Sanaag, iyadoo beesha caalamka ugu baaqday in si dhow loola socda waxa socda oo ay ku tilmaanatay “colaad hurin”.

Si kastaba, SSC-Khaatumo oo hadda u furmay dhabo cusub ayaa isku diyaarineyso maamul dhameystiran, iyada oo taageero ballaaran ka helaysa dowladda federaalka, oo u aragta mid xoojineysa midnimada dalka.

Xildhibaano ku dhawaaqay la-xisaabtanka Xasan iyo Xamza kadib arrin soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay la xisaabtamayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kadib markii ay ku eedeeyaan dowladda hurinta colaadda Sanaag iyo Gedo.

Xildhibaannada oo ah kuwa mucaaradka ah ee ku midoobay Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed ayaa waxay si adag u cambaareeyeen falalka foosha xun iyo xasilooni darrada ay dowladda Xasan Sheekh ka wado deegaannadaasi oo markii hore ahaa kuwa ugu nabdoonaa ee dalka gudihiisa ahaa.

“Haddaanu nahay Xildhibaanada labada gole waxaan ku la xisaabtami doonnaa Xukuumadda talaabo kasta fulaan gurracan ee ay ku howlan tahay, gaar ahaan dhibaatooyinka ay ka waddo Gobolka Sanaag iyo Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen xildhibaannada mucaaradka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in gobolka Gedo si ula kac ah looga wado abaabul colaadeed, iyadoo la doonayo in lagu khalkhal geliyo dadka deegaanka oo markii horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyin nololeed.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed la socodsiinaynaa, in xukuumaddi laga sugayey wadajir, horumar, kobcin dhaqaale iyo la dagaalanka argagixisada, ay markay ku fashilantay dhammaan howlaha loo igmaday ay bilowday in ay kala qaybiso bulshada, ayna dagaal ka dhex riddo.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Anagoo ah Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna bahoobay Madasha Samata-Bixinta Qaran, waxaan halkan ku cambaareyneynaa, falalka foosha xun iyo xasilooni darrada ay xukuumadda taagta daran kula kacayso deegaannadii nabdoonaa ee dalka gudihiisa ahaa.

1. Waxay hormood u noqotay colaado laga abuuro Gobolka Sanaag, dhimashadii iyo dhaawacii maanta ka dhacay halkaana waxaa eeddeeda iska leh Xukuumadda ay Xasan Sheekh iyo Xamse hoggaaminayaan.

2. Waxay Gobolka Gedo ku daabulayaan ciidamo loogu dan leeyahay in lagu khal-khal geliyo dadka deegaanka, si loogu abuuro jawi colaadadeed, isku dhacyo iyo in la dhibaateeyo dadka ku nool Gobolka Gedo oo markii horeba dhibaatooyin ka haysteen nolosha.

3. Waxay gebi ahaanba joojiyeen duulimaadyadii tegi jiray Gobollada Gedo iyo Doolow, waana dulmi loo gaysanayo dadka shacabka ah. Isticmaalka siyaasadaysan ee duulimaadyada gudaha waa kuwo kasoo horjeeda Dastuurka iyo xeerarka Caalamiga ah ee Soomaaliya saxeexday.

Haddaba, waxaan bulshada Soomaaliyeed la socodsiinaynaa, in xukuumaddi laga sugayey wadajir, horumar, kobcin dhaqaale iyo la dagaalanka argagixisada, ay markay ku fashilantay dhammaan howlaha loo igmaday, ay bilowday in ay kala qaybinta bulshada, dagaal uga dhex riddo, una cunaqabateynta lahayd umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannadii nabdoonaa ee ka caagnaa argagixisada.

Waxa hubaal ah in hagardaamooyinka Xukuumadani ku howlan tahay, yihiin kuwo kala fogeynaya bulshada, kala dilaya beelaha Soomaaliyeed, una danaynaya Cadawga guul iyo beddelka.

Sidaa darteed, Haddaanu nahay Xildhibaanada labada gole waxaan ku la xisaabtami doonnaa Xukuumadda talaabo kasta fulaan gurracan ee ay ku howlan tahay, gaar ahaan dhibaatooyinka ay ka waddo Gobolka Sanaag iyo Gobolka Gedo.

R/W Xamza oo aan weli ka quusan dagaalka Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale dib usoo rogaal celisay xiisadda dagaal ee u dhexeysa dawladda federaalka Soomaaliya iyo Jubaland, waxaana haatan si weyn looga dareemay gobolka Gedo oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Xiisadda ayaa kasii dartay, kadib markii tallaabooyin milatari oo dheeraad ah ay qaaday dalwadda dhexe, waxayan dhaq-dhaqaaq ciidan iyo mid siyaasadeed ay ka bilowday degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisadda soo cusboonaatay ee dawladda federaalka iyo Jubaland, isaga oo walaac xooggan ka muujiyay qorshaha xukuumadda Xamza ee ku aadan gobolka Gedo.

Sanayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiiisa Facebook-ga ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barrre aanu weli ka quusan dagaalka Jubaland, kadib dhibaatadii ka dhacDay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa soo hadal qaaday arrinta Cabdirashiid Janan oo dhowaan la kulmay Xamza, kaas oo la filayo inuu hoggaamiyo qorshaha Villa Soomaaliya.

“Raisul wasaare Xamse Cabdi Barre, wali Jubaland kama uusan samir miyaa? waa kan hadba meel luqunta kasoo ridanayee. Cabdirashid Janan, ayaan dhawayd oo aan arkay wuxuu ila muuqday nin cafimaad qabee ma cuqubaa ku dhacday?” ayuu yiri Sanyare.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo mar kale dawladda dhexe ay bilowday inay ciidamo u daabusho gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beledxaawo, iyada oo ujeedka uu yahay  in ciidamadaas lagu xoojiyo kuwii horay u joogay degmadaasi, loogana hortago dhaq-dhaqaaq ay dhankooda halkaas ka bilaabeen ciidamada Daraawiishta maamulka Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya in Daraawiishta Jubaland ay saldhigyo cusub ka sameysteen qaybo kamid ah Beledxaawo, sidoo kalena ay kusoo dhawaadeen garoonka diyaaradaha degmadaas oo ay inta badan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

Puntland oo guul wayn ka sheegatay dagaalka Sanaag

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa guul wayn ka sheegtay dagaalka ay degmada Dhahar kula galeen ciidamada maamulka Maakhir, kaas oo shalay iyo maanta ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Puntland ayaa sheegtay inay soo afjartay maleeshiyaad hubeysan oo ku sugnaa gudaha Dhahar, isla markaana ay haatan si buuxdo gacanta ugu hayso magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dagaalka oo sababay dhimasho iyo dhaawac laga soo abaabulay magaalada Muqdisho, ayna ka dambeyso dawladda federaalka Soomaaliya.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa si buuxda u xakameeyay shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Dhahar, kadib markii kooxo maleeshiyo hubeysan oo sharci-darro ah ay weerar ku soo qaadeen ciidamada amniga oo ka yimid deegaanka Baraagaha-Qol. Weerarkan oo laga soo abaabulay Xamar ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidanka Booliska Puntland waxay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo nabad-gelyada sharciga, iyo dowladnimada Puntland”.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka, Gaashaanle Sare Jaamac Maxamuud Gabayre, ayaa dhankiisa sheegay in kooxahan abaabulan ay isku dayayeen in ay carqalad ku abuuraan amniga iyo xasilloonida gobolka, hase yeeshee ciidanka booliska iyo kuwa amniga ayaa si geesinimo leh uga hortageen.

Puntland aya sidoo kale farriinu dirtay shacabka, iyada oo ugu baaqday in booliska ay kala shaqeeyaan nabad-gelyada guud ee deegaanka.

“Ciidanka Booliska Puntland waxay mar kale shacabka reer Dhahar ugu baaqayaan in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, ayna si degdeg ah ugu soo wargeliyaan cid kasta oo laga shakiyo falal amni-darro ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Boqollaal qoys ayaa ku barakacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag oo ah xudunta dagaalka. Magaalada ayaa la sheegay inay hadda deggan tahay kaddib markii ay odayaashu soo dhex galeen, balse xaaladdu weli waa ay cakiran tahay.

Ilo-wareed ayaa sheegay in dagaalkii Talaadada uu ka dhashay muran la xiriira waddo ay ciidamada Puntland qorsheynayeen inay isticmaalaan. Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, in ka badan 10 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkaas.

Puntland ayaa ku eedaysay dowladda federaalka inay “colaad hurinayso,” halka dowladda federaalku ay ku andacootay in Puntland ay “xaaladda sii hurinayso.”

Labada dhinac ayaa isku eedeeyay inay ciidamo soo dhoobeen deegaanka, xaaladdan oo ay goobjoogeyaal ka faallooda arrimaha gobolku ku tilmaameen mid ay siyaasadi ka dambeyso.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan natiijo wayn lagu gaaray shirweynaha magaalada Laascaanood, taas oo ku aadan sidii ay maamul-goboleed rasmi ah u yeelan lahaayeen gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana la dhisay guddigii soo xuli lahaa ergada, kaas oo ka kooban 8 xubnood oo SSC-Khaatumo ah iyo 8 kale oo Maakhir ah.

Go’aanka Cumar Fataax oo caro ku abuuray caddaanka midigta-fog ee Mareykanka

Minneapolis (Caasimada Online) – Musharaxa duqa magaalada Minneapolis, Omar Fateh oo Soomaali ah, ayaa wajahay mowjado weerarro midab-takoor iyo Islaam-nacayb ah ka dib markii shabakadaha bulshada ee garabka midigta ay su’aal geliyeen dhalashada ninkan 35 jirka ah, iyaga oo si been abuur ah u sheegay inuusan ahayn Mareykan.

Fateh, oo ah senatar ka tirsan gobolka Minnesota tan iyo sanadkii 2020-kii, ayaa ololihiisa duqa magaalada bilaabay 2-dii Disembar 2024, balse wuxuu toddobaadkan bilowgiisii la kulmay weerarro cunsuriyad ah ka dib markii qofka u dhaqdhaqaaqa arrimaha muxaafidka ah ee Charlie Kirk, oo ah aasaasaha iyo madaxweynaha hay’adda aan faa’iido doonka ahayn ee Turning Point USA, uu ku qoray bartiisa X in: “Muslimiinta waxaa la faray inay la wareegaan dowladaha dhulka ay ku nool yihiin.”

“Isku dayga Islaamiga ah ee lagu doonayo in lagu qabsado Ameerika waxaa suurtogeliyay hijrada ballaaran,” ayuu Kirk ku yiri isla qoraalkaas.

Turning Point USA waxay sheegtay inay “awood siiso muwaadiniinta da’ kasta leh inay u kacaan si ay uga hortagaan garabka bidix ee xagjirka ah si ay u difaacaan xorriyadda, suuqyada xorta ah, iyo dowlad xaddidan.”

Kirk, oo ah qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo si isdaba joog ah u weerara diinta Islaamka, horayna ugu yeeray George Floyd, oo ahaa nin Madow ah oo uu dilay sarkaal booliis caddaan ah sanadkii 2020-kii, “nin aan waxba tarayn,” ayaa sii waday weerarrada ka dhanka ah Fateh wuxuuna ku baaqay in la joojiyo “soo galootiga dalalka saddexaad” ee Maraykanka.

Ka dib qoraalkii hore ee Kirk, dhowr isticmaale oo muxaafid ah oo ku xiran baraha bulshada ayaa bilaabay inay weeraraan ololaha duqa magaalada ee Fateh, iyaga oo qaarkood weydiinayay, “sidee baan ugu celin karnaa [Soomaalida] dhulkooda?”

“Waxaan u baahannahay inaan qorno warqad ballaaran oo muujinaysa sida ay ku dhacday in ay jiraan kumanaan iyo kumanaan Soomaali ah oo ku nool Minnesota,” ayaa lagu yiri qoraal ku qoran barta X oo helay ku dhowaad sagaal kun oo “like” ah. “Waa ayo dadkani? Sidee ayay halkaas ku yimaadeen? Yaa maalgeliyay? Iyo tan ugu muhiimsan – sidee baan ugu celin karnaa dhulkooda.”

Fateh ayaa bartiisa gaarka ah ee X u adeegsaday si uu uga jawaabo kororka lama filaan ah ee nacaybka iyo dhaleeceynta loo jeediyay magaalada Minneapolis oo lagu tilmaamay inay “aad u kala duwan tahay.”

“Minneapolis waa magaalo qurux badan oo dad kala duwan, taas oo si adag ugu taagan qiyamkeena horusocodka ah,” ayuu Fateh qoray. “Nacaybka aan maanta arkay – iyo inta badan maalmaha – ma aha qofka aan waligeen noqon doono.”

Isticmaalayaasha baraha bulshada ee midab-takoorka ah ayaa sidoo kale bilaabay inay wadaagaan sawirro been abuur ah iyo memes oo sheegaya in Fateh uu ahaa burcad badeed Soomaali ah oo ka soo muuqday filimka Hollywood-ka ee caanka ah, Captain Phillips.

Kuwa kale ayaa markii dambe billaabay inay bartilmaameedsadaan Fateh sababo la xiriira xiriirka uu la leeyahay seedigii, Muuse Maxamuud Maxamed, oo lagu helay dambi ah inuu been u sheegay xeer-beegti federal ah, kaas oo ku saabsanaa inuu si xun u isticmaalay habraaca soo gudbinta codadka maqnaanshaha cod-bixiyeyaasha kale intii lagu jiray doorashadii horudhaca ahayd ee Minnesota bishii Ogosto 2020.

Dhanka kale, dhowr isticmaale oo baraha bulshada ah ayaa weeraray Fateh sababtoo ah waa nin Madow oo Soomaali ah.

Si ka duwan nacaybka baahsan, qaar badan ayaa u istaagay difaaca senatarka Minnesota waxayna u dabaal dageen ololihiisa duqa magaalada.

Isaga oo ka jawaabaya qoraalkii hore ee Kirk ee X, kaas oo helay in ka badan 4.1 milyan oo daawasho ah iyo 61,000 oo “like” ah, aqoonyahanka Falastiini-Mareykanka ah Omar Baddar ayaa si kulul u weeraray “midab-takoorka Islaam-nacaybka ah” ee shakhsiyaadka muxaafidka ah.

“Sidee ayay ku dhacaysaa inaad si sax ah ugu adkaysato in nacaybka Yuhuudda uusan meelna ku lahayn Ameerika ka dibna aad faafiso midab-takoorka Islaam-nacaybka ah ee ugu xun ee la qiyaasi karo sidii mabda’ aasaasi ah oo ka mid ah aragtidaada adduunka?” ayuu Baddar qoray.

Mid ka mid ah isticmaalayaasha baraha bulshada ee X ayaa qoray: “Sababta ay Jamhuuriyiinta MAGA uga caroodeen in Omar Fateh uu u tartamayo duqa magaalada, waa sababtoo ah midabkiisa ayaa ka xanaajinaya waana Islaam-nacayb.”

Inta badan qoraallada, si kastaba ha ahaatee, waxay diiradda saareen beeninta sheegashooyinka ku saabsan meesha uu Fateh ku dhashay halkii ay ka hortagi lahaayeen weerarrada Islaam-nacaybka ah ama kuwa ka dhanka ah dadka Madow. Fateh wuxuu ku dhashay Washington, DC, waana wiil ay dhaleen waalid soogalooti ah oo ka yimid Soomaaliya.

“Senatar Omar Fateh waa Mareykan sharaf leh oo u tartamaya sababtoo ah, aniga oo kale, wuxuu jecel yahay Minneapolis,” ayuu qoraal ku qoray barta X mid ka mid ah isticmaalayaasha baraha bulshada.

“Waan ku faraxsanahay in Minneapolis ay tahay meel uu ugu tartami karo duqa magaalada iyada oo la tartamayo aniga oo ku salaysan mudnaantiisa – iyo in noocan oo kale ah nacaybka si ballaaran loo diidayo magaaladeena weyn oo dhan.”

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib loo arkay maalmo kadib iyo xog ka cusub safarkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahan ku maqnaa safar dheer oo aan faah-faahin badan laga helin ayaa haatan dib loo arkay, isaga oo dibadda waqti kula qaadanayo qaar kamid ah qoyskiisa.

Sawir si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo Madaxweyne Xasan oo ku dhex jira qaar kamid ah carruurtiisa, isla markaana qaadanayo fasax iyo nasiino.

Wararka ayaa sheegaya in haatan Madaxweynuhu ku sugan yahay magaallo xeebeedka Trabzon ee waqooyi bari ee dalka Turkiga, hallkaas oo uu nasiino ku qaadanayo isaga iyo qoyskiisa.

Safarkan ayaa noqday kii ugu dheeraa ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh dibadda ku qaatay, wuxuuna billowday 6-dii bishaan, isaga oo aaday dalka Masar, halkaas oo dhiggiisa Cabdalfatax Al-Sisi ay balamo culus ku kala qaateen, kadibna uu ka sii gudbay.

Xasan Sheekh oo Masar uga sii gudbay Turkiga, kooxdiisii safarka Qaahira ku reebay, waxaana 11-kii bishaan la soo muujiyey muuqaalkiisii ugu dambeeyey ee kulankii uu Ankara kula yeeshay dhiggiisa Turkiga Erdogan.

Arrintan ayaa dhalisay dood xooggan, waxaana si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshada ee internet-ka, iyada oo su’aallo badan la iska waydiiyay maqnaashaha Madaxweynaha.

“War ninyahoow, dadkaan war badanaa Madaxweyne Xasan Sheekh ma robot baa mise waa aadan? Saddex sano ayuu dal burbursan u taagnaa dhismihiisa, amnigiisa horumarintiisa dhaqaalaha iyo howlihii adkaa ee dib u xoreynta hal usbuuc oo uu carruurtiisa iyo qoyskiisa waqti siiyo ee u la sheekaysto ayaad cay ku raadinaysaa? Iska daa xanaaqa,” ayuu Nuur Xaaji Axmed Adduunyo.

Aadan Xuseen Guhaad ayaa isna yiri: “Meel Somalia ka tirsan oo uu ku nasto muu weeyey, marka dalshisheeye uu nasiino ka doontay?”.

Si kastaba, safarkan oo ku soo aaday xilli uu dalku ku jiro xaalad cakiran oo siyaasadeed ayaa dhaliyay xasaasiyad wayn, maadaama ay taagan yihiin xiisado culus oo wajiyo kala duwan leh.

Dagaal culus oo mar kale dib uga dhex-qarxay ciidamada Puntland iyo kuwa Maakhir

0

Dhahar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal mar kale saaka dib uga qarxay magaalada Dhahar, kaas oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa maamulka la baxay Maakhir ee ku sugan magaaladaasi.

Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haatan ka socda gudaha magaalada, waxaana laga maqlayaa rasaas xoogleh oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Xaaladda ayaa faraha ka baxday, waxaana jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan la xaqiijin inta uu gaarsiisan yahay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu ka xoogan yahay kii shalay, isla-markaana ciidamo gurmayo ah ay gaareen halkaasi, taas oo uga sii dareysa xiisadda.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, maadaama uu sii xoogeysanayo dagaalkan oo soo bilowday gelinkii dambe ee Talaadadii shalay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka maanta dib uga qarxay magaalada Dhahar, wuxuuna salka ku hayaa dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo, maadaama dadka deegaanka ay doonayaan inay ku biiraan.

Puntland ayaa indhowaanahan dhaq-dhaqaaq ka wadday Sanaag, kaas oo ay ku diidan tahay inuu kamid noqdo SSC-Khaatumo, waxaana arrinta ay isku rogtay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah.

Horay waxaa digniin culus u diray Madaxweyne Saciid Deni oo sheegay in dhibaatada ka timaada waxa ka socda Sanaag ay qaadi doonta cid kasta oo faraha kula jita in gobolkaasi lagu daro maamuka SSC-Khaatumo, waxaana ugu horreysa Dawladda Federaalka.

Dagaalkan sii socda ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan natiijo wayn lagu gaaray shirweynaha magaalada Laascaanood, taas oo ku aadan sidii ay maamul-goboleed rasmi ah u yeelan lahaayeen gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana la dhisay guddigii soo xuli lahaa ergada, kaas oo ka kooban 8 xubnood oo SSC-Khaatumo ah iyo 8 kale oo Maakhir ah.

Mareykanka iyo lixda dal ee Khaliijka Carabta oo qaaday tallaabo la xiriirta Soomaaliya

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka iyo lix dal oo Khaliijka ah ayaa cunaqabateyn isku dubbaridan ku soo rogay saddex shaqsi oo lagu eedeeyay inay maalgelin iyo fududeyn u sameeyeen hawlgallada Daacish ee guud ahaan Qaaradda Afrika, oo uu ku jiro hoggaamiyaha muddada dheer soo ahaa laanta kooxda ee Soomaaliya.

Go’aamadan oo Isniintii ay ku dhawaaqday Xarunta La Dagaalanka Maalgelinta Argagixisada (Terrorist Financing Targeting Center – TFTC), ayaa lala beegsaday Cabdiweli Maxamed Yuusuf, oo ah madaxa Daacish-Soomaaliya, iyo sidoo kale xubno ku xiran Daacish oo ku sugan Koonfur Afrika iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Talaabadan ayaa ah tii siddeedaad oo wadajir ah oo ay qaadaan isbahaysigan, kaas oo la aasaasay sannadkii 2017 si loo carqaladeeyo shabakadaha maalgelinta argagixisada.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka (U.S. Treasury), Yuusuf waxa uu ahaa sarkaalka ugu sarreeya ee dhanka maaliyadda ee kooxda Daacish-Soomaaliya tan iyo 2019, isaga oo kormeerayay ururinta iyo bixinta dhaqaalaha kooxda.

Maamulkiisa hoostiisa, Daacish-Soomaaliya waxay faro-maroojisay $2.5 milyan sannadkii 2021 iyo ku dhowaad $2 milyan lixdii bilood ee ugu horreysay ee 2022, kuwaas oo ay ka qaateen ganacsiyada, suuqyada xoolaha, badeecadaha la soo dhoofiyo, iyo beeraha Puntland iyo Muqdisho. Dakhligaas, sida ay sheegeen saraakiishu, waxa uu maalgeliyay hawlgallada gudaha Soomaaliya oo keliya maaha, balse sidoo kale kacdoonnada ka socda Congo, Uganda, iyo Mozambique.

“Talaabada wadajirka ah ee maanta waxay hoosta ka xarriiqaysaa ballanqaadkeena wadaagga ah ee ah in aan carqaladeyno awoodda Daacish iyo kooxaha kale ee argagixisada inay galaan nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah meel kasta oo ay isku dayaan inay ka hawlgalaan,” ayuu yiri Bradley T. Smith, oo ah ku-simaha kaaliyaha xoghayaha ee argagixisada iyo sirdoonka maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka.

Yuusuf waxa uu ka tirsan yahay hoggaan sare oo si toos ah uga amar qaata Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo ah amiirka hadda ee Daacish-Soomaaliya, iyo Cabdiqaadir Mu’min, oo ah aasaasaha Daacish-Soomaaliya ahna madaxa xafiiska Al-Karraar, oo ah xarun goboleed oo Daacish ay ku leedahay Soomaaliya, taas oo mas’uul ka ah isku dubbaridka taageerada maaliyadeed iyo hawlgallada guud ahaan Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Saraakiisha sirdoonka Maraykanka waxay aaminsan yihiin in Yuusuf uu door muhiim ah ka ciyaaro nidaamka maaliyadeed ee ay gobol ahaan u wadaagaan, kaas oo dhaqaalaha laga soo ururiyo Soomaaliya lagu wareejiyo Al-Karraar ka dibna loo qaybiyo laamaha kale ee Daacish ee hoos yimaada Taliska Guud ee Gobollada (General Directorate of Provinces – GDP) ee shabakadda caalamiga ah.

Qaabkan ayaa u oggolaaday Daacish inay sii wado dagaalyahannadeeda Gobolka Bartamaha Afrika (Central Africa Province – ISCAP) iyo Gobolka Mozambique, kuwaas oo labaduba ay qaadeen weerarro dhimasho badan geystay sannadihii u dambeeyay.

Cunaqabateyntan ayaa xannibaysa hantida ku xiran Maraykanka ee ay haystaan shaqsiyaadkaas, waxayna ka mamnuucaysaa muwaadiniinta iyo shirkadaha Maraykanka inay ganacsi la sameeyaan iyaga.

Yuusuf waxa markii ugu horreysay lagu soo rogay cunaqabateyn xarunta Xakamaynta Hantida Dibadda (Office of Foreign Assets Control – OFAC) bishii Luulyo 2023, taas oo hoos imanaysa Amarka Fulinta 13224, kaas oo lala beegsado shaqsiyaadka siiya taageero muuqata ururada argagixisada. 

Sidoo kale cunaqabateynta waxaa lagu soo rogay Xamiida Nabagala, oo ah maalgelisa ku sugan DRC, iyo Zayd Gangat, oo ah fududeeye iyo tababare ka socda Koonfur Afrika. Nabagala waxa lagu eedeeyay maalgelinta qaraxii Oktoobar 2021 ka dhacay Kampala, kaas oo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca ugu yaraan saddex kale.

Maamulka ayaa sheegay inay sidoo kale isku dayday inay caruurteeda u dirto xeryo ku xiran Daacish oo ku yaalla bariga Koongo, islamarkaana ay u dirtay lacag xubin ay ciidamada ammaanka Uganda xireen.

Gangat waxa loo aqoonsaday inuu yahay qore iyo tababare u shaqeeya Daacish, waxaana lagu eedeeyay inuu fududeeyay xaqiijinta dhaqaalaha iyada oo loo marayo dhac, faro-maroojin, iyo afduub-madax furasho ah oo ka dhaca Koonfur Afrika.

Daacish-Soomaaliya waxay inta badan ka hawlgashaa gobolka buuraleyda ah ee Bari ee Puntland, halkaas oo ay muddo dheer ku tiirsaneyd faro-maroojin iyo dilal qorsheysan si ay u maalgeliso hawlaheeda.

Inkasta oo ay ka yar tahay Al-Shabaab, Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka waxay ku tilmaantay Daacish-Soomaaliya inay tahay marin maaliyadeed oo istiraatiiji ah oo isku xira shabakadaha Daacish ee guud ahaan Afrika, laga bilaabo Mozambique ilaa Sahel. 

Tan iyo dabayaaqadii 2024, ciidamada ammaanka Puntland waxay bilaabeen Hawlgalka Hilaac, oo ah olole milatari oo joogto ah oo looga danleeyahay burburinta goobaha ay kooxdu ku leedahay buuraha Cal Miskaad. Hawlgalkaan, oo hadda maraya wajigiisii afraad, ayaa sababay dilka tobannaan dagaalyahan, burburinta xarumo muhiim ah oo saadka la iskugu keeno, iyo dib u qabsashada goobo waaweyn oo ay ka mid yihiin Buqa Caleed iyo Togga Miraale.

Hawlgal bishii Juun dhacay, ciidamada Daraawiishta Puntland waxay ku dileen in ka badan 35 dagaalyahan, oo ay ku jiraan xubno ajnabi ah, waxaana lagu qabtay hub badan oo ku yaalla marinka Miraale-Balade. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Daacish inay malaayiin doollar ka faro-maroojisay bulshooyinka deegaanka iyada oo loo marayo shabakado dembi, isaga oo ka digay in hawlaha maaliyadeed ee kooxdu ay wiiqeen xasilloonida gobolka. 

Xarunta TFTC waxaa xubno ka ah Maraykanka, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Kuwait, Baxrayn, iyo Cumaan. Waxay isku dubbaridaa wadaagga sirdoonka, dhaqangelinta cunaqabateynta, iyo dhisidda awoodda si loo xannibo maalgelinta xagjirnimada guud ahaan gobolka.

Mareykanka oo ansixiyey SHARCI saameyn weyn ku yeelan doona Soomaalida

Minneapolis (Caasimada Online) – Canshuur cusub oo dowladda Mareykanka ay ku soo rogtay lacagaha dibadda loo diro ayaa la filayaa inay hoos u dhigto xawaaladaha loo diro Soomaaliya iyo dalalka kale ee soo koraya, taasoo khatar weyn ku ah malaayiin qoys oo ku tiirsan lacagahaas, xilli uu si weyn u yaraanayo gargaarkii shisheeye.

Canshuurta oo qeyb ka ahayd miisaaniyadda madaxweyne Donald Trump ee lagu magacaabo “One Big Beautiful Bill”, ayaa dhigeysa in lagu daro canshuur dhan 3.5% lacagaha ay diraan dadka aan Mareykanka u dhalan. Tallaabadan oo uu meelmariyey Aqalka Wakiillada bishii May, laguna saxay Aqalka Senate-ka, ayaa la filayaa inay dhaqan gasho 1-da Janaayo, 2026.

Inkasta oo loo soo bandhigay sidii hab lagu kordhinayo dakhliga dowladda si loogu maalgeliyo qorshe $170 bilyan ah oo lagu xoojinayo sharciyada socdaalka, haddana khubaradu waxay ka digeen in arrintani ay si weyn u dhaawici karto dhaqaalaha dalalka sida Soomaaliya, Liberia iyo El Salvador, kuwaas oo horeyba u wajahaya hoos u dhac ku yimid gargaarka caalamiga ah.

Xawaaladaha loo soo diro Soomaaliya ayaa muhiim u ah nolosha qoysas badan. Sannadkii 2023, jaaliyadda Soomaaliyeed ee dibadda ku nool waxay dalka u soo direen lacag gaareysa qiyaastii $1.73 bilyan – taasoo ka badan dhammaan gargaarka horumarineed iyo kan bani’aadannimo ee dalka la siiyey. Bankiga Adduunka wuxuu ku qiyaasaa in lacagahan ay ka dhiganyihiin 30% ilaa 50% wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP), iyadoo lagu daboolo baahiyaha aasaasiga ah sida cunno, waxbarasho, biyo iyo caafimaad.

Canshuurtaan ayaa ku soo beegmaysa xilli Mareykanku uu si weyn u jarayo gargaarka shisheeye. Horraantii 2025, Mareykanku wuxuu joojiyey qeyb weyn oo ka mid ah taageeradii uu bixin jiray, oo ay ku jirto in ka badan 40% maalgelintii loo qoondeeyey Soomaaliya iyada oo loo marayo Hay’adda Mareykanka u Qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID). Labadaas dhabar-jab — gargaar la’aan iyo canshuur xawaaladeed — ayaa walaac xooggan ka abuuray hay’adaha samafalka iyo khubarada dhaqaalaha.

Sida laga soo xigtay Xarunta Horumarinta Caalamiga ah (Center for Global Development – CGD), canshuurta 3.5% ah waxay sababi kartaa hoos u dhac dhan 5.6% oo ku yimaada xawaaladaha rasmiga ah, taasoo yareyneysa dakhliga qoysaska isla markaana wiiqeysa awoodda wax iibsiga ee bulshada dalalka dakhligoodu hooseeyo. Soomaaliya, oo xawaalado lagu soo diray $1.73 bilyan sannadkii 2023, waxay noqon kartaa mid ka mid ah kuwa si daran u saameeya.

Soomaaliya kali kuma aha. Warbixinta Bankiga Adduunka ayaa muujinaysa in xawaaladaha loo soo diray guud ahaan qaaradda Afrika ay sannadkii 2024 gaareen in ka badan $92 bilyan, iyadoo ugu yaraan $12 bilyan laga diray Mareykanka. Dalal ay ka mid yihiin Lesotho, Gambia iyo Liberia ayaa xawaaladooda gaarsiisan in ka badan 20% wax-soo-saarkooda guud ee dalka, taasoo muujinaysa sida ay nugul yihiin dhaqaale ahaan, xitaa marka ay jiraan caqabado yar yar.

Muhaajiriinta ayaa la filayaa inay raadiyaan xeelado kale si ay uga fogaadaan canshuurta cusub, oo ay ka mid yihiin inay adeegsadaan muwaadiniinta Mareykanka oo lacag u dira iyaga oo ku matalaya, inay u leexdaan nidaamyada aan rasmiga ahayn, adeegyada baakadaha sida paqueteros, ama xitaa ay isticmaalaan lacagaha dhijitaalka ah (cryptocurrency) iyo wareejinta bangiyada gudaha.

Soomaalida ayaa horey hormuud uga ahayd horumarinta nidaamyada lacag kala wareejinta, iyagoo ka gudbay nidaamyadii dhaqameed una gudbay adeegyo dhijitaal ah sida EVC Plus iyo WAAFI. Teknolojiyaddan ayaa Soomaaliya u suurtagelisay inay sii hayso nidaam lacag bixin oo shaqeynaya xitaa intii lagu jiray waqtiyadii ugu adkaa ee colaadaha dalka.

Shirkadaha Soomaalida ee xawaaladaha bixiya, oo horeyba u shaqeynayey iyadoo faa’iidadoodu kooban tahay sababo la xiriira kharashaadka u hoggaansanaanta sharciyada, ayaa laga yaabaa inay wajahaan hoos u dhac mugga lacagaha la diro iyo koror ku yimaada kharashka adeegyada, taasoo culeys dheeraad ah saaraysa dadka lacagaha dira iyo kuwa hela.

Khubarada horumarinta dhaqaalaha ayaa ku taliyey in halkii canshuur lagu soo rogi lahaa xawaaladaha, ay dowladda Mareykanka iyo kuwa kale ee deeqaha bixiya xoogga saaraan sidii loo yareyn lahaa kharashaadka dirista. Laga bilaabo rubuca saddexaad ee 2024, celceliska kharashka xawaalad kastaa waa 6.6%, taasoo ka badan laba jeer bartilmaameedka Qaramada Midoobay ee ah 3% oo la xiriira Yoolalka Horumarinta Waara (UN SDGs).

Haddii kharashkaasi loo dhimo 3%, waxaa suuragal ah in laga hortago in ka badan kala bar khasaaraha gargaarka ee ka dhasha 13 waddan oo dakhligoodu hooseeyo, oo ay Soomaaliya ku jirto, sida lagu sheegay qiyaasaha CGD.

In kasta oo canshuurtaan ay wajahday diidmo ballaaran, haddana waxaa la filayaa inay dhaqan gasho. Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay sheegayaan in dakhligu uusan noqon doonin mid badan — oo lagu qiyaasay kaliya $10 bilyan 10 sano gudahood, taasoo u dhiganta 0.1% miisaaniyadda federaalka — halka waddamada qaata ay lumin doonaan qiyaastii $2.5 bilyan sannadkii, oo ah khasaaro toos ah oo xagga xawaaladaha iyo dhaqaalaha ah.

Soomaaliya, halkaasoo qoysas badan ay ku tiirsan yihiin lacag u dhaxaysa $50 ilaa $200 oo ay bishii ka helaan qaraabadooda dibadda, isbeddelka siyaasaddan cusub wuxuu u noqon karaa farqi u dhexeeya nolol maalmeed iyo baahi.

HirShabelle oo maanta howl-gal culus ku dhawaaqday

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada, kaasi oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixiyey xaaladdihii ugu dambeeyay ee dhanka amniga, isagoo sheegay in farsamo ahaan laga shaqeynayo sidii dib looga saari lahaa Al-Shabaab degmooyinka iyo deegaanada ay weli kaga sugan yihiin maamulka HirShabelle.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay taageerayaan ciidanka deegaanka si ay u xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab, xilli ay dowladda federaalka ka gaabisay kaalinteedii kaga aadaneyd halganka socda.

Abaabulka hadda socda ayaa kusoo aadayo, iyada oo la qorsheynayo dib u qabashada degmada Moqokori oo muddo dheer ay difaacayeen Macawiisleyda Xawaadle, balse dhawaan u gacan gashay cadowga.

Maamulka ayaa ciidamadii ugu badnaa iyo gaadiidka dagaalka isugu geynaya degmada Maxaas, oo ah goobta looga duulaayo Moqokori. Maxaas oo ku taalla bartamaha gobolka Hiiraan ayaa haatan noqotay meel istiraatiiji ah oo laga dardar-galinayo howl-galka.

Si kastaba, Qorshaha ugu wayn ayaa ah in laga hortago in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku fidiyaan gobolka Hiiraan oo inta badan horay looga xoreeyay, inkasta oo deegaanada qaar ay dib u qabsatay kooxdu.

Kooxda ayaa iyadu fursad u heshay inay dib isu abaabusho, ayna weerarro cusub qaaddo, halka dowladda federaalka oo gulufkan dagaal billowday ay ku mashquulsan tahay arrimo siyaasadeed.

Wasiir ka tirsan Jubaland oo ku geeriyooday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamuud Cabdinuur Beerxaani oo ka tirsanaa golaha wasiirada ee Dawlad-goboleedka Jubaland, kaas oo xanuusanaa maalmihii lasoo dhaafay.

Marxuum Maxamuud Cabdinuur ayaa hadda ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda degaanka iyo isbedelka cimilada maamulka Jubaland, wuxuuna ku jiray isbitaal ku yaalla Muqdisho oo uu ugu dambeyntii maanta ku geeriyooday.

Warbaahinta Jubaland ayaa xaqiijisay geerida wasiirka, waxayna sheegtay in xaalad caafimaad loo keenay caasimada, uuna maanta ku geeriyooday.

“Alle ha u naxariistee Waxaa hada Muqdisho ku geeriyooday Wasiir ku xigeenkii Wasaarada deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Dowladda Jubbaland Marxuum Maxamuud Cabdinuur Beerxaani oo Mudooyinkii udambeeyay ku jiray Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho halkaas oo ugu dambeyntii uu Maanta ku geeriyooday” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo qoraal soo saaray ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid marxuumka, isaga oo Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marxuumka uu door muhiim ah ka soo qaatay dhismaha dowladnimada Jubaland, uuna wax badan ka qabtay horumarka deegaanka.

Dhowaan ayay dhawaan ayey aheyd markii Jubaland ay kasoo baxday tacsida Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulkaasi Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) oo ku geeriyooday magaalada caasimada ah ee Nairobi kadib muddo uu ku xanuunsanaa halkaas.

Marxuumka ayaa la geeyay Kismaayo, halkaas oo aas qaran loogu sameeyay, waxaana ka qayb-galay Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, mas’uuliyiin kale & dadweyne kale.

Sacuudi Carabiya oo jawaab kulul kasoo saartay gardarada cusub ee ay ku kacday Israel

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa Talaadadii cambaaraysay waxa ay ugu yeertay “gardarrada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso Suuriya,” iyadoo ku tilmaamtay “xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” sida ay ku warrantay warbaahinta Anadolu.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, ayaa lagu sheegay in Riyadh ay si dhow ula socotay horumarka ka socda Suuriya, isla markaana ay muujisay taageerada ay u hayso dadaallada ay wado dowladda Suuriya ee ku aaddan soo celinta xasiloonida iyo ilaalinta midnimada qaranka.

Bayaanka ayaa lagu yiri: “Sacuudi Carabiya waxay muujinaysaa ku qanacsanaanteeda tallaabooyinka ay qaaday dowladda Suuriya si loo gaaro amni iyo xasilooni, loo ilaaliyo nabadda rayidka ah, loona soo celiyo madax-banaanida dhammaan dhulka Suuriya, si loo ilaaliyo midnimada Suuriya isla markaana loo gaaro rabitaanka shacabka Suuriya.”

Wasaaraddu waxay si adag u cambaaraysay “duqeymaha cirka ah ee joogtada ah ee Israa’iil ka geysanayso Suuriya,” iyadoo ku tilmaantay “xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo heshiiskii kala bixitaanka ee 1974-kii” ee u dhexeeyay Suuriya iyo Israa’iil.

Waxay dib u cusboonaysiisay baaqeeda ku aaddan in beesha caalamku ay garab istaagto Suuriya, isla markaana ay qaadato mowqif adag oo ka dhan ah weerarrada Israa’iil ee sii kordhaya.

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa Talaadadii duqeymo badan ka geystay gobollada Suwayda ee koonfurta Suuriya iyo Daraa oo ku yaalla koonfur galbeed ee dalkaasi. Weeraradan ayaa yimid xilli Wasiirka Difaaca Suuriya, Murhaf Abu Qasra, uu ku dhawaaqay xabbad-joojin buuxda oo ka dhacday Suwayda ka dib wadahadallo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha bulshada deegaanka.

Isniintii, in ka badan 30 qof ayaa lagu dilay, ku dhowaad 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen shaqaaqooyin u dhexeeyay dagaalyahanno ka tirsan qabaa’ilka reer miyiga ah iyo maleeshiyooyin Druze ah oo ka dhacay Suwayda.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Israel Katz ayaa sheegay inay amar ku bixiyeen in ciidamada Israa’iil ay duqeeyaan “ciidamada dowladda” iyo hub la keenay gobolka Sweida si loogu adeegsado qowmiyadda Druze.

Bayaan ay soo saareen, waxay ku sheegeen in ciidamada dowladda Suuriya la geeyay Sweida ay ku xadgudbeen siyaasadda “aagga aan hubaysnayn” ee dhigayay in Dimishiq ka digtoonaato in ciidamo iyo hub halis ku ah Israa’iil la geeyo koonfurta Suuriya.

Hogaamiyeyaasha Israa’iil waxay intaa ku dareen: “Israa’iil waxaa ka go’an ka hortagga waxyeellada loo geysto qowmiyadda Druze-ka Suuriya, sababtoo ah xiriirka walaaltinimo ee qoto dheer ee aan la leenahay muwaadiniinteena Druze ee Israa’iil. Waxaan u dhaqmeynaa si aan uga hortagno in dowladda Suuriya ay waxyeello u geysato, iyo inaan xaqiijino in aagga xuduudda naga kala qaybisa Suuriya uusan hub lahayn.”

 

Kor u kaca rabshadaha ka jira Suuriya wuxuu hoosta ka xariiqayaa caqabadaha horyaalla madaxweynaha ku-meelgaarka ah Ahmed al-Sharca, kaasoo ku dhibtooday sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa aagga u dhow xuduudda Israa’iil tan iyo markii uu afgembiyey Bashar al-Assad bishii Disembar.

In kasta oo Al-Sharca uu dhiirigelin ka helayay xiriirka si xawli ah u soo hagaagaya ee uu la lahaa maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, haddana rabshaduhu waxay muujiyeen xiisado qabaa’il iyo kalsooni darro weli ka jirta qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee ku wajahan dowladdiisa ay Islaamiyiintu hoggaamiyaan. Kalsooni darradan waxaa sii xoojiyay dilalkii ballaarnaa ee loo geystay qowmiyadda Alawite bishii Maarso.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya ayaa sheegtay inay si buuxda mas’uuliyadda weerarka iyo cawaaqibkiisa dusha ka saarayso Israa’iil, iyadoo ballan qaadday inay ilaalin doonto dhammaan muwaadiniinta, oo ay ku jiraan Druze. Waxay intaa ku dartay in weerarradaasi ay ku dileen tiro ka mid ah ciidamada Suuriya iyo dad rayid ah, iyada oo aan bixin tirada rasmiga ah.

Madaxtooyada Suuriya ayaa sheegtay in dalku uu tallaabo sharci ah ka qaadi doono “qof kasta oo la xaqiijiyo inuu galay xadgudubyo, iyada oo aan loo eegin darajadiisa ama jagooyinkiisa.”

Dhinaca kale, danjiraha gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Suuriya, Tom Barrack, ayaa sheegay in Maraykanku uu la xiriiray dhinacyada oo dhan “si loo gaaro degenaansho iyo isku-dhafan.”

Warbaahinta Axios ayaa ku warrantay, iyadoo soo xiganaysa sarkaal Maraykan ah, in maamulka Trump uu ka codsaday Israa’iil inay joojiso duqeymaha ay ku hayso ciidamada militeriga Suuriya. Israa’iil ayaa sheegtay inay joojin doonto weerarrada Talaadada fiidnimadeeda, sida uu sheegay sarkaalku. 

Puntland oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda dagaalka ka qarxay Sanaag

Dhahar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gudaha gobolkaasi, kadib markii ay shalay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo kuwa kale oo taabacsan maamulka Maakhir ee ku sugan magaalada Dhahar, waxaana weli la dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in Puntland ay haatan ciidamo dheeraad ah gaysay gobolka, kuwaas oo laga soo qaaday dhanka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, waxyna ku biireen ciidamadii horay u joogay halkaasi.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa dagaalka shalay ka qarxay Sanaag iyo guud ahaan xiisadda ka aloolsan gobolka ee ka dhalatay dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo.

Puntland oo Talaadadii soo saartay bayaan culus ayaa dagaalka ku eedeysay dowladda dhexe, waxayna sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay maleeshiyaad hubeysan ka abaabushay gobolka, si ay xiisad colaadeed uga abuureen degmada Dhahar ee gobolka Haylaan, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac.

“Falkan gurracan, oo lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Dawladda Puntland kula jirto argagixisada caalamiga ah ee Daacish iyo Al-Shabaab ee buuraha Calmidhkaad iyo Calmadow, wuxuu noqonayaa mid Dowladda Federaalka lagula xisaabtami doono,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Puntland.

Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa iyadana soo saartay warsaxaafadeed ku aadan dagaalkii shalay waxayna eedeyn u jeedisay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyada oo ugu baaqday inuu joojiyo hurinta colaadda

Sidoo kale dawladda federaalka ayaa ugu baaqday dhammaan shacabka deegaanka inay isdejiyaan, kana fogaadaan falal kicin kara xasillooni darro iyo isku dhacyo. Waxaa sidoo kale la xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Qoraalka oo si toos ah eedeyn ugu jeediyay Siciid Deni ayaa lagu yiri: “Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Madaxweynaha Puntland in uu joojiyo falalka sii hurinaya collaadda, isla markaana uu dib ugu celiyo ciidamada uu kasoo diray degmada Qardho, kuwaas oo loogu talagalay in ay la dagaalamaan Khawaarijta balse nasiib darro loo weeciyay dano kale oo aan waxtar lahayn.”

Si kastaba ha’ahaatee, dagaalkan ayaa daba socda shirweynaha ka socda Laascaanood ee lagu dhameystirayo maamul-goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo, kaas oo ay ka carootay Puntland, waxayna diidan tahay in gobolka Sanaag uu ku biiro dhismaha maamulkaasi