27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Itoobiya oo Muqdisho kaga dhowaaqday war yaab leh oo ku saabsan ciidankeeda badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha talisyada ku bahoobay Ururka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika ee ESF ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana furay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyadoo ay ka soo qeyb-galeen saraakiil ka kala socota dalalka ku midoobay ururkan.

Dowladda Itoobiya ayaa maanta Muqdisho uga dhawaaqday in cutubyada ugu horreeya ee ciidanka howlgalka AUSSOM ee dhankooda ka imaanaya ay ka dhigayaan kuwa badda, isla markaana ay diyaariyeen maraakiib, doonyo iyo guud ahaan agabkii ay ciidankaasi ku hawl-geli lahaayeen.

Saraakiisha Itoobiya ayaa dood yaab leh ku soo bandhigay kulankii maanta, iyagoo lasoo baxay heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa, markii la qeybsanayey ciidanka AUSSOM, xilligaas oo Soomaaliya ay ogolaatay in ciidamada loo soo dirayo ay ka mid noqonayaan kuwa badda.

Saraakiisha Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa si adag u diiday qorshaha Itoobiya ay Soomaaliya ku keeneyso ciidankeeda badda.

Ajendaha shirkan ayaa markii hore ahaa xal u helidda caqabadaha ku xeeran nabadgelyada gobolka, ka hortagga dambiyada ka gudba xuduudaha dalalka ku midoobay ururkan iyo iskaashiga dhanka ciidamada, balse Itoobiya ayaa damaceeda ku soo gudbisay shirka.

Dood adag oo lagu sigtay in lagu kala tago shirka ayaa abuureen saraakiisha Itoobiya ay u soo dirtay Muqdisho, halka saraakiisha Soomaaliya ay si cad u diideen in warbixintii ay ka jeedinayeen shirkaas ay sii socoto, wuxuuna shirku maanta ku soo dhammaaday buuq iyo sawaxan.

Saraakiisha Muqdisho uga qeyb-galeysa shirkan waxaa ka mid ah Korneyl Cabdiraxmaan Cabdi, oo ah la-taliyaha sare ee dhanka hawlgallada ee Taliyaha Ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti. Korneylka oo faahfaahin ka bixiyey muhiimadda shirkan ayaa sheegay in qorshaha ay dejinayaan ay u gudbin doonaan wasiirrada difaaca ee dalalka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika.

Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, oo shirkan ku metelaya Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobada looga hadlayo shirkan ka furmay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in Soomaaliya ay sharaf iyo guul taariikhi ah u tahay marti-gelinta shirkan.

Saraakiisha ka qeyb-galeysa shirkan ayaa si weyn u falanqeeyey arrimaha muhiimka ah ee quseeya dalalka ku bahoobay Ururka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, iyadoo qorshayaasha ka soo baxa shirkan la hor-geyn doono wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka ESF oo shir kale isugu imaanaya dhowaan.

Ururka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika ee ESF ayaa dhisan muddo 25 sano ah, waana markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay marti-geliso shir noocan oo kale ah. Agaasimaha Guud ee Ciidanka Heeganka Bariga Afrika oo shirka ka hadlay ayaa Soomaaliya ku amaanay marti-gelinta shirkan, soo kabashada dhanka amniga ee ka muuqata dalka, iyo sida ay Soomaaliya u ciyaareyso doorkeeda adkeynta amniga ee gobolka Geeska Afrika.

Somalia rejects Ethiopia’s naval plan at Mogadishu summit

MOGADISHU, Somalia – A regional security summit in Mogadishu descended into acrimony this week after Somalia’s delegation staunchly rejected a proposal by Ethiopia to deploy a naval unit as part of a new African Union peacekeeping mission, souring a gathering that had been intended to foster regional cooperation.

The controversial offer surfaced during a conference of the Eastern African Standby Force (EASF), a regional bloc mandated to promote peace and security. Hosted by Somalia for the first time in the organization’s history, the summit aimed to address shared security challenges across the region. However, it quickly became dominated by the long-standing diplomatic tensions between the two Horn of Africa neighbours.

Ethiopian military officials caught participants off guard when they announced their intent to contribute a naval contingent to the forthcoming African Union Mission in Somalia (AUSSOM), which is set to replace the outgoing ATMIS force. The Ethiopian side argued that a maritime component was part of the original force generation plan jointly endorsed by member states, including Somalia.

The proposal was met with swift and forceful opposition from the Somali hosts.

“Somali officials, led by the State Minister for Defence Omar Ali Abdi and the Deputy Commander of the Somali National Army, General Madey Nurey Sheikh Ufurow, strongly rejected Ethiopia’s plan to bring its naval forces to Somalia,” said a Somali official familiar with the matter.

According to attendees, the debate became so intense that it nearly derailed the summit altogether, with the first day ending in “uproar and shouting,” which disrupted discussions originally planned around counter-terrorism and cross-border crime.

Underlying tensions erupt

The dispute underscored the worsening ties between Mogadishu and Addis Ababa, which have been strained since a controversial port deal earlier this year.

In January 2024, landlocked Ethiopia signed a Memorandum of Understanding with Somaliland—a self-declared breakaway region of Somalia—to lease 20 kilometers (12 miles) of coastline. In return, Ethiopia would gain access to the Red Sea for naval and commercial use, and in a potential quid pro quo, extend recognition to Somaliland’s independence.

Somalia, which regards Somaliland as an inseparable part of its territory, condemned the agreement as a “blatant violation” of its sovereignty and an aggressive encroachment upon its territory. The fallout has triggered the most serious diplomatic rift between the two nations in decades.

Against this backdrop, Ethiopia’s proposed naval deployment in Somali waters is viewed in Mogadishu with deep suspicion as a strategic move to advance its maritime ambitions under the cover of an African Union framework.

A historic meeting derailed

The dramatic turn of events stood in stark contrast to the summit’s hopeful beginning. As the first-ever EASF command meeting held in Mogadishu, Somali officials celebrated it as a significant milestone and a symbol of the country’s improving security landscape.

“It is an honour and a historic victory for Somalia to host this conference,” said General Ufurow at the summit’s opening session.

The Director General of the EASF also commended Somalia for hosting the gathering, praising the country’s “visible security recovery” and growing contributions to peace and stability across the Horn of Africa.

The Eastern African Standby Force (EASF) comprises military, police, and civilian components from 10 member states and is designed to provide a rapid deployment capability for peace operations as part of the African Union’s broader security architecture.

Despite the disruption, officials indicated that the planning will proceed. Colonel Abdirahman Abdi, a senior advisor to Djibouti’s Chief of Defence Forces, said that recommendations from the command meeting will be presented to defence ministers of EASF member states at an upcoming summit.

Still, the public confrontation in Mogadishu has exposed the profound strain that the Somalia-Ethiopia rift places on regional cooperation—and the mounting difficulties faced by multilateral security frameworks such as the EASF and the African Union itself.

Daawo: DF oo heshay xogta in Shabaab soo weerarayaan Xabsiga Dhexe ee Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Taliye Shub ayaa sheegay inay helayaan xog sirdoon oo sheegaya in Al-Shabaab ay qorsheynayaan inay xabsiga kala baxaan xubnaha ka xiran ee la xukumay, kuwaas oo qaarkood dil toogasho ah in lagu fuliyo sugaya.

“Maalin walba waxaan helnaa xogo sheegaya inay Xabsiga Dhexe u soo weerarayaan sidii xabsigii Boosaaso, laakiin anaguna waxaan u diyaar garownay in wixii nasoo weerara aan layno,” ayuu yiri Taliye Shub.

Taliyaha ayaa dhamaan ciidanka Asluubta faray inay feejignaadaan, “Qof kasta oo naga mid ah midigtiisa iyo bidixdiisa waxa socda ha fiiriyo, qof kasta hubiya, wax kasta iska baara, mar kasta diyaar ahaada,” ayuu yiri.

Taliye Shub ayaa sidoo kale ciidanka faray inay joojiyaan mashquulka, “Qof taleefan salaaxaaya waa lasoo gaadi karaa, kor hala fiiriya oo ku dhaqma anshaxa iyo tababarka ciidanka, garaado lee haraadin ee amnigaaga iyo kan bulshadaba ka taxadar,” ayuu Taliyuhu hadalkiisa ku sii daray.

Munaasabadda 54 sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayuu khudbadaan ka jeediyey Taliye Mahad Cabiraxmaan Aadan oo sidoo kale ka hadlay ilaalinta hubka dowladda.

Taliyaha ayaa ka digay in qoryaha dowladda la iibsado, isagoo ku goodiyey in la dili doono qofkii qori ama bistoolad lagu aaminay iibsada.

“Intaan noolahay ee naftu igu jirto waa ballan Askarigii ama Qofkii Qori gata waa la dilaa, Bastooladaa ugu yar waa in qofka loo dilo haddii uu xado,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Ugu dambeyntii Taliye Shub ayaa ku faanay in Taliyaha Ciidanka Asluubta ay yihiin kuga ugu fiican ciidamada qaranka, “Wanaageena aan ilaashano, difaaca noo adkeeya, cadowga aan ka hor tagno, gurmadna aan ahaano, waxaa dhowaan dib u bilaabanaya dagaalkii Khawaarijta,” ayuu yiri Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub).

Hoos ka daawo

Turkida oo caddeeyey in ay doonayaan hub Nukliyeer

Istanbul (Caasimada Online) – Ra’yi ururin dhowaan laga sameeyay dalka Turkiga ayaa daaha ka rogtay isbeddel weyn oo ku yimid aragtida dadweynaha ee ku aaddan hubka nukliyeerka, iyadoo aqlabiyadda dadkii la waraystay ay hadda taageersan yihiin in dalkoodu sameysto hubkan. Arrintan ayaa jawaab u ah xiisadaha sii kordhaya ee gobolka, gaar ahaan kaddib weerarradii ay Israel ku qaadday dalka Iran bishii tagtay.

Codbixintan, oo ay samaysay hay’adda Research Istanbul intii u dhaxaysay 1-da ilaa 5-ta Luulyo, ayaa lagu waraystay 2,000 oo qof oo ku kala nool daafaha dalka.

Natiijooyinka kasoo baxay waxay iftiiminayaan dareen ammaan-darro oo sii kordhaya oo ka dhex jira muwaadiniinta Turkiga, kaasoo la xiriira difaaca qaranka iyo awoodda uu Turkigu u leeyahay inuu iska caabiyo khataraha imaan kara.

In kasta oo Turkigu uu xubin ka yahay Heshiiska Xakamaynta Faafidda Hubka Nukliyeerka (Treaty on the Non-Proliferation of Nuclear Weapons – NPT) tan iyo sanadkii 1979-kii, heshiiskaas oo sharci ahaan ka mamnuucaya Ankara inay horumariso, hesho, ama tijaabiso hubka nukliyeerka, haddana 71 boqolkiiba dadkii la waraystay ayaa aaminsan in Turkigu uu bilaabo samaynta hubka noocan ah, halka 18 boqolkiiba oo keliya ay kasoo horjeesteen.

Inkastoo dawladda Turkiga ay maalgashi ballaaran ku samaysay warshadaha difaaca sannadihii la soo dhaafay, haddana kalsoonida dadweynuhu ku qabaan nidaamyada difaaca hawada ee dalka ayaa weli hoosaysa.

Ku dhawaad kala bar dadkii la waraystay ayaa shaki ka muujiyay waxtarka ay yeelan karaan nidaamyada difaaca hawada ee Turkiga haddii weerar lagu soo qaado.

Guushii ay dhowaan gantaallada ballistic-ga ee Iran ka gaareen inay gudaha u galaan nidaamka difaaca hawada ee casriga ah ee Israel, ayna gaarsiiyeen khasaare la taaban karo, ayaa doodda ka dhex dhalisay gudaha Turkiga oo ku saabsan awoodaha difaac ee dalkooda.

Shakiga ayaa sidoo kale gaarsiisan xulafada Turkiga. Sida lagu sheegay codbixinta, 72 boqolkiiba dadkii la waraystay ma aaminsana in gaashaanbuurta NATO ay si wax ku ool ah u difaaci doonto Turkiga haddii la soo weeraro.

‘Dareen guud oo laga qabo khatar dibadeed’

“Natiijooyinkani waxay ka tarjumayaan welwelka sii kordhaya ee dadweynaha, xilli ay sii kordhayaan iska horimaadyada gobollada Bariga Dhexe, Balkans-ka iyo Caucasus,” ayuu yiri Erdi Ozturk, oo ah bare ka tirsan Jaamacadda London Metropolitan University.

“Dareenkan guud ee ah in khatar dibadeed ay jirto ayaa ku kallifaya bulshada Turkiga inay ka fiirsadaan tallaabooyin dhanka amniga ah oo markii hore ahaa mamnuuc, oo ay ku jirto raadinta awood is-hortaag oo nukliyeer ah.”

Ozturk wuxuu intaa ku daray in, in kasta oo ay jireen khilaafyo siyaasadeed oo soo jireen ah, haddana welwelka dhinaca amniga uu si isa soo taraysa ugu midaynayo bulshada Turkiga aragti guud oo isku mid ah.

Si wax looga qabto welwelka degdegga ah ee ku saabsan diyaaradaheeda dagaalka ee duugoobaya, Ankara waxay dhowaan heshiisyo la gashay dalal kale si ay u iibsato diyaaradaha nooca F-16 iyo Eurofighter, taasoo ah xal ku-meelgaar ah ilaa inta laga soo saarayo diyaaraddeeda jiilka shanaad ee Kaan, taasoo la filayo in la helo horaanta sanadka 2028.

“Muwaadiniin badan ayaa aaminsan in Turkigu uu si weyn ugu tiirsanaado awoodiisa milatari,” ayuu sharraxay Ozturk, “gaar ahaan maadaama wada-hadallada socda ee ku saabsan diyaaradaha dagaalka sida F-16 iyo F-35 ay sii kordhinayaan shakiga dadweynuhu ka qabaan isku halleynta saaxiibbada shisheeye.”

Ankara ayaan weli samayn wax hadal ah ama qaadin wax tallaabo ah oo muujinaya inay baaritaan ku samaynayso hubka nukliyeerka.

Turkiga ayaa hadda dhisaya warshaddiisii ugu horreysay ee tamarta nukliyeerka ee Akkuyu, isagoo kaashanaya shirkadda Rosatom ee dalka Ruushka. Mashruucan oo lagu qiyaasay inuu ku kacayo $20 bilyan oo dollar, wuxuu ka koobnaan doonaa afar reaktor oo leh awood isku-geyn ah oo dhan 4,800 megawatts (MW), waxaana la filayaa inuu daboolo qiyaastii 10 boqolkiiba baahida koronto ee Turkiga marka uu shaqo bilaabo sanadka soo socda.

Ozturk wuxuu sidoo kale xusay in shakiga baahsan ee laga qabo rabitaanka ama awoodda NATO ee ay ku difaacayso Turkiga uu si dhow ula xiriiro dareen Mareykan-nacayb ah oo qoto dheer, kaas oo weli ah arrin weyn oo saameyn ku leh qaabeynta aragtiyada dadweynaha ee ku aaddan siyaasadda amniga iyo difaaca.

Dowladda oo qaaday tallaabo muhiim ah kadib amarkii uu bixiyay R/W Xamza ee Awdal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta amray in hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh ay dhakhso uga howl-galaan sidii gurmad deg-deg ah loo gaarsiin lahaa bulshada gobolka Awdal oo degmooyin kamid ah ay soo wajahday xaalad abaar oo xooggan.

Kadib amarka Ra’iisul Wasaaraha, isla maanta waxa uu Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle uu isugu yeeray kooxda Bank’aadannimada ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa ahaa mid heer sare ah oo ay isugu yimaadeen dhamaan kooxda Bani’aadannimada Soomaaliya oo ka kooban wakiilllada deeq-bixiyeyaasha iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka sii daraya ee gobollada Waqooyi gaar ahaan gobolka Awdal, dib-u-eegista siyaasadda maaraynta khatarta musiibooyinka (DRM), iyo hirgelinta khariidadda kala-guurka ee SODMA-QM.

Guddoomiyaha SODMA ayaa adkeeyey baahida loo qabo in si isku-duuban looga jawaabo baahiyaha degdegga ah, isla-markaana la xoojiyo adkaysiga bulshada iyo karaanka Hay’adaha dowliga ah.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsaday xaaladda gobolka Awdal, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimo ee ka jira Lughaya, Saylac iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Kulankan oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa looga hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay ee gobolka Awdal, iyada oo warbixin ku saabsan sameynta abaarta iyo heerarka ay gaarsiisan tahay laga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adda SODMA, kuwaas oo soo bandhigay wax yeellada abaarta ay gaarsiisey dadka, xoolaha iyo wax-soo saarka.

Xamza Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa faray hay’adaha dawladda ee ku shaqada leh in ay u istaagaan wax-ka qabashada xaaladda abaarta xooggan ee ka jirta deegaannadaasi iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa bulshda, taas oo isla maantaba loo dhaqaaqay.

Si kastaba, xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hey’adaha caalamiga ah in ay qeyb ka noqdaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatay.

DF Soomaaliya oo markii u horreysay ku guuleysatay hirgelinta Satellite + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay ee warbaahinta (Media Satellite Teleport).

Satellite-kan warbaahineed ayaa waxa uu qeyb ka qaadanaya horumarinta isgaarsiinta iyo tebinta casriga ah ee warbaahinta dalka.

Xaruntan cusub ee casriga ah ee ku shaqeysa nidaamka digitalka ayaa u saamixi doonta Warbaahinta Qaranka baahinta tooska ah barnaamijyada kala duwan ee warbaahinta, iyadoo la adeegsanaysa dayax-gacmeedyo gaar ah, taasi oo looga maarmi doono in adeegyadaasi loo maro dalalka dibedda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in xaruntan cusub ay sidoo kale siyaabo kala duwan oo amniga ay ka mid tahay u isticmaali karaan hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa kulankoodii toddobaadlaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa lagu bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta oo ku guulaysatay hirgelinta War-laliskan casriga ah ee (MEDIA SATELLITE TELEPORT), kaas oo u suurtagaliyay Warbaahinta Qaranka in ay tayayso adeegyadeeda Warbaahineed.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa xustay in mashruucan cusub ee dhaqan galey uu qeyb ka yahay qorshaha lagu ballaarinayo dhismaha kaabayaasha casriga ah ee warbaahinta, digital-ka, horumarka tiknoolojiyadda la xiriira iyo weliba abuurista fursado shaqo.

Soomaaliya waxay lahaan jirtey Teleport Analogue ah oo hoos imaan jiray war laliskii hore ee dalka oo dagaallada sokeeye ku burburay 34 sanno ka hor.

SSC-Khaatumo draws ‘red line’ over Puntland’s claims

LAS ANOD, Somalia – A newly emerging administration in northern Somalia has drawn a firm “red line” in a deepening political standoff with the neighboring Puntland region, intensifying a struggle over land, identity, and legitimacy that could threaten the fragile balance in the Horn of Africa.

The SSC-Khaatumo administration — recently granted interim recognition by Somalia’s federal government — has pushed back forcefully against Puntland’s assertion that it holds sovereignty over the contested Sool, Sanaag, and Cayn (SSC) regions.

“While we hold goodwill and brotherhood for Puntland and its people, the self-determination of the SSC-Khaatumo state is a red line,” said Vice President Mohamed Abdi Ismail in a sharply worded statement. “It is unfortunate, the statement from the Puntland Ministry of Interior… No one will be allowed to question the existence of SSC-Khaatumo.”

The pointed words reflect rising tensions in a long-standing regional dispute — one that now risks pulling the federal government in Mogadishu into open confrontation with Puntland, one of Somalia’s oldest and most politically entrenched semi-autonomous states.

Clashing constitutional claims

The latest escalation was triggered by an official statement from Puntland’s Ministry of Interior, flatly rejecting any new administration in the SSC territories that did not fall under its authority. Puntland, formed in 1998, asserts that it has legitimate historical claims over the region, citing the participation of local clans in the founding of the state.

“The Sool and Cayn regions… and the clans that inhabit them were full co-founders of the Puntland State of Somalia,” the statement read, referencing the regional constitution.

In a broader swipe, Puntland accused the federal government of deliberate “interference aimed at undermining the stability and unity of Puntland.” The statement warned of a federal plot designed to destabilize the region and derail its independent security operations against Al-Shabaab and Islamic State (Daesh) militants, who continue to operate in Puntland’s rugged northern highlands.

The SSC regions, lying at a critical geographic crossroads, have been the focus of decades of competing claims. Puntland supports a clan-based federal model, while the self-declared republic of Somaliland claims the territory based on colonial-era boundaries from the former British protectorate.

Caught between these two powerful claimants, the Dhulbahante clan — dominant in Sool, Sanaag, and Cayn — has long resisted control from either side. That resistance erupted into open conflict in early 2023, when fighters in Las Anod drove out Somaliland forces after months of deadly clashes. The violence created a major humanitarian crisis and marked a turning point for local leadership.

Following their military success, clan elders and community leaders announced the formation of SSC-Khaatumo, bypassing both Puntland and Somaliland, and aligned directly with the federal government in Mogadishu. Their move was seen by many as both a political breakaway and a bid for lasting autonomy.

Mogadishu’s strategic gambit

The latest rebuttal from SSC-Khaatumo comes amid a high-level conference currently underway in Las Anod, the capital of Sool. The gathering, which began on July 13, brings together senior federal officials, traditional elders, and civil society figures to finalize the administration’s political structure and lay the groundwork for official federal membership.

Among those attending are Senator Abdullahi Timacadde, Deputy Speaker of Somalia’s Upper House, and Federal Minister of Interior Ali Yusuf Ali (Xoosh), who has been actively engaged in the talks. The agenda includes drafting a regional constitution, building governance systems, and preparing for future elections.

Minister Xoosh hailed the gathering as “the people’s will to determine their future under the federal constitution,” and applauded SSC’s efforts to build legitimacy and stability after years of violence and marginalization.

In October 2023, President Hassan Sheikh Mohamud’s government officially recognized SSC-Khaatumo as an interim federal member state. The move was widely viewed as a calculated strategy to counter Puntland’s influence — part of an ongoing power struggle between the central government and federal member states over constitutional authority, control of natural resources, and electoral management.

For Mogadishu, backing SSC-Khaatumo offers not only a new ally in the north but also an opportunity to reassert influence over a contested region. In doing so, it shifts the political dynamics and strengthens the center’s hand in shaping the future of Somalia’s evolving federal system.

But the fallout is growing. As SSC-Khaatumo pushes forward to consolidate its authority and Puntland refuses to back down from its constitutional claims, Somalia’s already fragile federal arrangement teeters on the brink of deeper fragmentation.

What began as a local dispute over identity and governance now threatens to spark a wider crisis — one that could reshape the balance of power across Somalia and test the limits of its federal experiment.

SSC-KHAATUMO oo jawaab culus siisay Puntland: Jiritaan keennu waa khad cas

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa jawaab adag ka bixiyay warqad ay xalay soo saartay Puntland, taasoo ay ku sheegtay in aysan aqoonsaneyn maamulka SSC, islamarkaana dhulkaas uu qeyb ka yahay Puntland.

SSC-Khaatumo oo sheegtay in khad cas yahay in jiritaankeeda la geliyo muran, ayaa nasiib-darro ku tilmaantay hadalka kasoo yeeray Puntland ee la xiriira diidmada aqoonsiga gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Madaxweyne ku-xigeenka SSC-Khaatumo, Maxamed Cabdi Ismaaciil, oo qoraal soo saaray, ayaa si cad u sheegay “in aan cidina xaq u lahayn inay xaqirto dhismaha maamulka cusub ee socda, kaasoo ay ku mideysan yihiin Maakhir iyo Khaatumo.”

“Waxaa nasiib-darro ah qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland. Maamulka SSC-Khaatumo waa dowlad xubin ka ah hannaanka federaalka ee dalka,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka SSC-Khaatumo.

Wuxuu intaas ku sii daray: “Cidna laga aqbali maayo inay su’aal geliso jiritaanka SSC-Khaatumo.”

Mudane Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in khad cas ay tahay in muran la geliyo aqoonsiga ama jiritaanka SSC-Khaatumo, oo haatan isu diyaarinaya noqoshada maamul-goboleed rasmi ah.

“Puntland iyo shacabkeeda wanaag iyo walaalnimo ayaan u haynaa, laakiin waxaa khad cas ah aayo-ka-tashiga dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka SSC-Khaatumo.

Jawaabtan ayaa imaneysa saacado kadib markii maamulka Puntland uu gebi ahaanba meesha ka saaray aqoonsiga maamul ka madax-bannaan oo ka dhisan deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo ku celisay in gobolladaasi ay si dastuuri ah uga tirsan yihiin Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay waddo faragelin lagu wiiqayo xasilloonida iyo midnimada Puntland, sida hadalka loo dhigay.

Bayaanka, oo ah kii ugu adkaa ee kasoo baxa Puntland tan iyo markii ay DF aqoonsatay maamulka SSC, ayaa si toos ah u qeexaya khilaafka qotada dheer ee ka dhashay mustaqbalka siyaasadeed ee deegaannada beesha Dhulbahante.

Puntland ayaa si cad u diidday jiritaanka maamul gooni ah oo aan soo marin habraaca dastuuriga ah ee Puntland, sida ay tiri. Waxay caddeysay in, sida ku cad qodobka 7-aad iyo 138-aad ee Dastuurka Maamulka, “Gobollada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dowladda Puntland, sanadkii 1998-dii.”

Sidoo kale, waxay ku eedeysay Villa Somalia inay leedahay damac ah “in ay burburiso amniga iyo dowladnimada ka jirta Puntland,” isla markaana ay doonayso inay “fashiliso dagaalka ay Dowladda Puntland iyo saaxiibada caalamku kula jiraan argagixisada caalamiga ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.”

Dowladda Federaalka, oo haatan si weyn isugu haysta arrintan hoggaanka Puntland, ayaa dadaal badan gelinaysa dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, oo ay u aragto mid ay kaga adkaan karto Puntland. SSC ayaa taabacsan Villa Somalia, iyadoo la filayo in deegaannada maamulkaasi ay ka qabsoonto hanaanka doorasho ee ay riixayso Villa Somalia.

DF oo soo saartay amar deg deg ah oo la xiriira Lughaya iyo degmooyin ka tirsan Awdal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsaday xaaladda gobolka Awdal, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimo ee ka jira Lughaya, Saylac iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Kulankan oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa looga hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay ee gobolka Awdal, iyada oo warbixin ku saabsan sameynta abaarta iyo heerarka ay gaarsiisan tahay laga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hey’adda Sodma, kuwaas oo soo bandhigay wax yeellada abaarta ay gaarsiisey dadka, xoolaha iyo wax-soo saarka.

Xamza Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa faray hey’adaha dawladda ee ku shaqada leh in ay u istaagaan wax-ka qabashada xaaladda abaarta xooggan ee ka jirta deegaannadaasi iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa bulshda, iyada oo goluhu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hey’adaha caalamiga ah in ay qeyb ka noqdaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatay.

Intaas kadib golaha golaha wasiirrada, ayaa ansixiyey heshiis is afgarad ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada XFS, kaas oo  u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan oo mid muhiim ah ayaa taabanaya skaashiga shaqada ee labada dhinac iyo shaqo-siinta iyo horumarinta awoodaha shaqaalaha.

Dhanka kae, golaha ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS ugu hambalyeeyay in uu ku guuleystay abaal marinta Wasiirka Maaliyadda ugu wanaagsan Qaaradda Afrika, taasi oo ka tarjumaysa horumarka uu dalkeennu ka gaaray hannaanka dib-u-habeynta maamulka maaliyadda.

Wasiir Biixi ayaa abaalmarintan lagu siiyay muddadii laba sano ahayd ee uu xilka hayay, taasoo uu ku hoggaamiyay Wasaaradda Maaliyadda hannaan hufan, isla markaana uu dadaal ballaaran geliyay dib-u-habeynta maaliyadda dalka.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta oo ku guulaysatay in ay dalka ka hirgaliso Warlalis Casri ah (MEDIA SATELLITE TELEPORT), kaas oo u suurtagaliyay Warbaahinta Qaranka in ay tayayso adeegyadeeda Warbaahineed.

Diyaarad sidday ciidamo iyo hub ‘oo laga soo celiyay’ hawada gobolka GEDO

Doolow (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee Jubaland Mudane Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi) oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle TV ayaa ka hadlay xaalada gobolkaasi, isaga oo shaaca ka qaaday inay kasoo celiyeen diyaarad sidday ciidan iyo saanad milatari oo ka baxday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Al-qaadi ayaa tilmaamay inay heleen xogta diyaaradda, ayna qaadeen tallaabo deg-deg ah oo ay uga soo celiyeen hawada gobolka Gedo, gaar ahaan garoonka diyaaradaha Doolow.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in loogu talagalay diyaaradda in ciidamo iyo hub ay gayso gobolka, ayna ka hortageen sida uu hadalka u dhigay.

“Diyaarad ay ugu talagaleen ciidamo iyo saanad inay ku keenaan gobolka ayay ahayd, waana ka hortegnay, xogteedana waxaan helnay mar hore” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Annaga iyo shacabkeenna oo isku duuban go’aan ayaa ka gaarnay in diyaarad ama ciidan iyo qalab la keeni karin gobolka Gedo, waana ka diyaar garownay barnaamijkaas”.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee Jubaland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay ka hortagi doonaan, tallaabana ay ka qaadi doonaan cid kasta oo oo isku dayda inay qalalaase ka abuurto gobolka oo mar kale wajahaya xiisad u dhexeysa dawladda dhexe iyo Jubaland.

“Dadkii isku daya in deegaankan ay qalalaase ka abuuraan ma imaan karaan, mana kasoo dagi karaan, waxaana usoo jeedineynaa inay arrintaas ka waantoobaan” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ugu magacaaban Dawlad-goboleedka Jubbaland.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo mar kale Dawladda Federaalka ay dhaq-dhaqaaq ciidan iyo mid siyaasadeed ay ka bilowday gobolka Gedo, waxaana u jeedadu tahay in gobolkaasi la gaarsiiyo qorshaha Villa Somalia, gaar ahaan doorashooyinka qof & codka ah.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana Jubaland ay dhankeeda abaabul culus ay ka bilowday degmooyin ka tirsan gobolka, taas oo uga sii dareysa xiisadda taagan.

Si kastaba, xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemayaa marka gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

Who is Omar Fateh: Mayoral hopeful targeted by hate?

MINNEAPOLIS, United States — Minnesota State Senator and Minneapolis mayoral candidate Omar Fateh is speaking out forcefully against a wave of “hateful” online attacks targeting his Muslim faith and Somali heritage, casting a harsh light on the increasingly charged political climate ahead of the city’s 2025 mayoral election.

Fateh, a rising star in America’s progressive movement, addressed the Islamophobic and xenophobic remarks he’s been subjected to as his campaign gains traction. The online hostility intensified following a social media post by a prominent right-wing figure.

On the evening of Monday, July 14, Fateh publicly responded to what he called a “hate-filled” post on X, formerly known as Twitter, from Charlie Kirk, the conservative activist and founder of the right-wing youth group Turning Point USA.

“Minneapolis is a beautiful, diverse city, and we are strong in our progressive values,” Fateh wrote in his reply. “The hate I’ve seen today—and most days—is not who we will ever be.”

Fateh’s pushback comes as he campaigns on a platform of bold social and economic reforms, at a time when Minneapolis continues to reckon with the political and social upheaval sparked by the 2020 murder of George Floyd.

Who is Omar Fateh?

At 35, Omar Fateh is serving his second term as a Democratic-Farmer-Labor (DFL) party senator representing District 62 in the Minnesota Senate. Born in Washington, D.C., to Somali immigrant parents, he’s built a career grounded in public service.

After earning a master’s degree in public administration from George Mason University, Fateh worked in Minneapolis in a range of public roles—first as a community specialist, then as a project coordinator for the Minnesota Department of Transportation, and later as a business analyst at the University of Minnesota.

In 2020, he made history as the first Somali-American and the first Muslim elected to the Minnesota Senate—a landmark achievement for the state’s sizable East African diaspora, and a symbol of the growing influence of progressive politics in local government.

Now running for mayor, Fateh is campaigning on a vision that includes strong protections for gig economy workers, a commitment to police accountability, and the expansion of affordable housing. His promises around policing hold particular weight in a city that became the global epicenter of the racial justice movement after George Floyd’s death.

His economic proposals are equally ambitious. Fateh has vowed to raise Minneapolis’s minimum wage to $20 per hour by 2028—a significant leap from the current citywide rate of $15.97, and well above the statewide minimum of $11.13 in Minnesota.

He has also taken a firm stance on immigration enforcement, vowing that Minneapolis will not cooperate with federal immigration authorities under a potential second Trump presidency—a pledge aimed squarely at safeguarding the city’s immigrant communities.

“Whether it’s an immigration raid or otherwise, our people deserve a mayor who stands up to Donald Trump and says, ‘no, that’s not happening in our community,‘” Fateh has stated.

A pattern of hostility

Supporters argue that the attacks on Fateh aren’t isolated incidents but part of a wider trend of hostility toward Muslim-American politicians who speak out boldly. TakeAction Minnesota, an advocacy group that has endorsed his campaign, was quick to come to his defense.

“Islamophobia has no place in our politics or our society, the group posted on X. “Senator Fateh is right—this hate is not who we will ever be. We organize to elect leaders like Senator Fateh because we share a vision for communities rooted in care and love, not hate.”

The hostility Fateh is facing is not unique. In New York, State Assemblyman Zohran Mamdani—also a democratic socialist and practicing Muslim—has routinely been the target of similar abuse for his faith and political convictions.

As the Minneapolis mayoral race intensifies, the backlash against Fateh’s identity and progressive ideals serves as a poignant reminder of the deeply fractured and often vitriolic nature of today’s political landscape, especially at the intersection of race, religion, and reform-driven policy.

The election is set for November 4, 2025.

Dad badan oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay…

0

Ceelbuur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta dagaal beeleed xoogan uu dib uga qarxay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Meersiis oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu daba socday dilal dhawan ka dhacay meel u dhow deegaankaasi.

Tan ayaa sababtay in xiisaddu cirka isku shareerto oo uu qarxo dagaal toos ah oo u dhexeeya laba beelood oo kasoo kala jeeda deegaanada Guriceel iyo Ceelbuur.

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, kuwaas oo isugu jira labada dhinac ee dirirtu u dhaxeyso iyo dad shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan toban ruux oo kale.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo ku aadan dagaalka dib uga qarxay deegaanada gobolka Galgaduud.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa-laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe.

Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka.

Xog: DENI oo u baxaya safar deg-deg ah + Qorshihiisa

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa lagu wadaa inUU maanta safar deg-deg ah uga baxo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, isaga oo tegi doono magaaada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Deni ayaa halkaasi u tegi doono inuu ka dardar-geliyo hawlgalka ciribtirka ee kooxdda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad.

Ujeedka Madaxweynaha Puntland ayaa ah inuu qaabeeyo, iskuna daba rido wejiga 4-aad ee hawlgalka ka dhanka ah mileeshiyaadka Daacish, kaas oo guullo waawayn ay kasoo hoyeen ciidamada difaaca maamulkaasi oo haatan sii baacsanayaa firaxadka argagixisada.

Saciid Deni ayaa horay u shaaciyay safarkiisa, wuxuuna ballan qaaday inuu tegi doono furimaha hore ee dagaalka, si uu dhiirogeliyo halganka ay ku jiraan ciidamada Puntland.

Hawlgalka ayaa haatan xoogiisu wuxuu ka socdaa nawaaxiga Ceelka Rasaqan ee Togga Baallade, halkaas oo todobaadkan ay dagaallo adag ku dhex-mareen labada dhinac, waxaana lagu beegsaday firxadka xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Puntland ayaa muddo dheer wadda dagaalkan, waxaana lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Daacish oo ku yaal Calmiskaad.

Si kastaba, safarkan deg-degga ah ee uu galayo Saciid Deni ayaa kusoo aadayo, xilli haatan mowjado siyaadeed ay gashay Puntland iyo xiisad dagaal oo kasoo cusboonaatay dhanka gobolka Sanaag, taas oo la xiriirta dhismaha maamul-goboleedka SSC-Khaatumo.

Xukuumadda Puntland ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay aqoonsi ay siiso maamul ka madax-bannaan oo ka dhisan deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn ee waqooyiga dalka Soomaaliya, iyadoo ku celisay in gobolladaasi ay si dastuuri ah uga tirsan yihiin Puntland.

Sawirro: Dowlada federaalka oo guul wayn ka sheegatay dagaal maanta ka dhacay…

0

Janaale (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guul wayn ka sheegatay howlgal culus oo uu xigay dagaal xoogan oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadk ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Busleey ee gobolkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dawladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka AUSSOM, isla markaana laga gaaray guul weyn, maadaama howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Dawladda ayaa sidoo kale sheegay in cagta la mariyay bar koontarool oo ay kooxda ku lahayd halkaasi, oo ay u adeegsan jireen inay ku dhibaateeyeen dadka deegaanka ah.

“Ciidanka Qaranka ayaa si geesinimo leh u burburiyay fariisinka cadowga ay ku lahaayeen halkaas” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dawladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana weli ciidamada ay sii wadaan howlgallada ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aagga deegaanka Busleey.

Shabeellaha Hoose ayaa waxaa weli ku xoogan kooxaha argagixisada, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo culus oo ay la galaan ciidamada dawladda iyo kuwa shisheeye.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolkaan ayaa laga gaaray natiijo wax ku ool ah, iyada oo la xoreeyay deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku haysay Al-Shabaab.

Cabdirisaaq Khaliif oo jawaab kulul siiyey PUNTLAND

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si adag uga falceliyay war-saxaafadeedkii Puntland ee ay ku diidday jiritaanka maamulkaasi, iyadoo ku eedeysay Puntland inay ku xadgudbayso rabitaanka shacabka ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Bayaan uu ku saxiixan yahay musharraxa madaxweynaha ee Dowladda SSC-Khaatumo, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, kana mid ah aas-aasayaasha maamulka, ayaa lagu sheegay in maamulku uu ku dhashay rabitaanka shacabka, kaddib go’aan ay si xor ah u qaateen 6-dii Febraayo 2023, iyagoo maray hannaan bulsho iyo mid wada-tashi oo ku saleysan xornimo iyo nabad.

“Dhismihii maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ahaa mid si buuxda u metelaya rabitaanka shacabka deegaanka, waxaana si rasmi ah u aqoonsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdi Risaaq Khaliif.

Wuxuu si cad u dhaliilay warqaddii kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo ku beegnayd isla 16-ka Luulyo, taasoo uu ku tilmaamay “faragelin qaawan” oo liddi ku ah jiritaanka SSC-Khaatumo, isagoo sheegay inay si toos ah uga hor imanayso go’aankii taariikhiga ahaa ee shacabka deegaanka.

Bayaanka ayaa tilmaamay in Puntland laga filayay inay garab istaagto rabitaanka shacabka walaalaha ah ee SSC-Khaatumo, maadaama ay wadaagaan dhiig iyo dhalasho, balse taa beddelkeeda ay qaadday mowqif ka dhan ah baaqii shacabka.

“Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Puntland inay dib u eegto mowqifyada ay qaadaneyso, kuna saleyso xaqiiqada dhabta ah iyo dareenka dadka deegaanka,” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

SSC-Khaatumo ayaa ugu dambeyn ugu yeertay Puntland in khilaafka jira aan loo adeegsan wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka dadka wada deggan gobolladaas, iyadoo ugu baaqday in xal kasta lagu raadiyo wadahadal iyo is-qancin.

Diidmada Puntland

Goor sii horeysay, dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay aqoonsi ay siiso maamul ka madax-bannaan oo ka dhisan deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo ku celisay in gobolladaasi ay si dastuuri ah uga tirsan yihiin Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa lagu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay waddo faragelin lagu wiiqayo xasilloonida iyo midnimada Puntland, sida hadalka loo dhigay.

Bayaankan, oo ah kii ugu adkaa ee kasoo baxa Puntland tan iyo markii ay Dowladda Federaalku aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo, ayaa si toos ah u qeexaya khilaafka qotada dheer ee ka dhashay mustaqbalka siyaasadeed ee deegaannada beesha Dhulbahante.

Puntland waxay war-saxaafadeedkeeda ku billowday xusuusin taariikhi ah, iyadoo sheegtay inay “soo dhaweysay go’aankii Isimada Beesha Dhulbahante ee February 6, 2023kii” ayna “qayb libaax ka qaadatay halgankii dib loogu qabtay magaalada Laascaanood.”

Si kastaba ha ahaatee, wasaaraddu waxay si cad u diidday jiritaanka maamul gooni ah oo aan soo marin habraaca dastuuriga ah ee Puntland, sida ay tiri. Waxay caddeysay in sida ku cad Qodobka 7-aad iyo 138-aad ee Dastuurka Puntland, “Gobollada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dawladda Puntland, sanadkii 1998dii.”

“Sidaas awgeed, go’aan kasta oo lagu beddelayo maqaamka deegaannadaas waa inuu sifo sharci ah u maraa,” ayey tiri. Puntland waxay shuruud uga dhigtay in marka hore “wadatashi buuxa ka yeeshaan beelihii wada dhistay hannaanka Dawladda Puntland 1998dii.”

Iyadoo taas laga duulayo, bayaanka ayaa lagu go’aamiyay qodobkan xasaasiga ah: “Inta laga helayo sifo sharci ah oo ku timaadda wadatashi guud ahaan reer Puntland, gobollada Sool iyo Cayn iyo beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland.”

Dagaalkii Dhahar

Bayaanadii is-diidanaa ayaa yimid xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee u dhaxeysa labada dhinac, iyadoo dagaallo culus ay Talaadadii iyo Arbacadii ka dhaceen degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Boqollaal qoys ayaa ku barakacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag oo ah xudunta dagaalka. Magaalada ayaa la sheegay inay hadda deggan tahay kaddib markii ay odayaashu soo dhex galeen, balse xaaladdu weli waa ay cakiran tahay.

Ilo-wareed ayaa sheegay in dagaalkii Talaadada uu ka dhashay muran la xiriira waddo ay ciidamada Puntland qorsheynayeen inay isticmaalaan. Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, in ka badan 10 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkaas.

Puntland ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Dhahar, kaddib markii ay halkaas ku kala hortageen ciidamadeeda iyo kuwa maamulka Maakhir oo ku dhawaaqay inuu ku biirayo SSC-Khaatumo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalka Dhahar uu sababay dhimasho iyo dhaawac, islamarkaana uu ahaa weerar “lagu soo maleegay Xamar” oo ay fuliyeen maleeshiyaad sharci-darro ah.

Puntland waxay sidoo kale ku eedeysay dowladda Federaalka inay wado “faragelin toos ah” oo liddi ku ah amniga Puntland, isla markaana ay garab siineyso SSC-Khaatumo si loo wiiqo midnimadeeda dhuleed.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aanka ay Puntland ka qaadatay maamulka SSC

Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay go’aan culus oo Puntland ay ka qaadatay dhismaha SSC-Khaatumo, waxaana gebi ahaanba ay meesha ka saartay aqoonsi ay siiso maamul ka madax-bannaan oo ka dhisan deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo ku celisay in gobolladaasi ay si dastuuri ah uga tirsan yihiin Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu eedeeyay Dwoladda Soomaaliya inay waddo faragelin lagu wiiqayo xasilloonida iyo midnimada Puntland, sida hadalka loo dhigay.

Bayaankan oo ah kii ugu adkaa ee kasoo baxa Puntland tan iyo markii ay Dowladda Federaalka aqoonsatay maamulka SSC, ayaa si toos ah u qeexaya khilaafka qotada dheer ee ka dhashay mustaqbalka siyaasadeed ee deegaannada beesha Dhulbahante.

Puntland ayaa si cad u diidday jiritaanka maamul gooni ah oo aan soo marin habraaca dastuuriga ah ee Puntland, sida ay tiri. Waxay caddeysay in sida ku cad qodobka 7-aad iyo 138-aad ee Dastuurka Maamulka, “Gobollada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dawladda Puntland, sanadkii 1998-dii.”

Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka kasoo baxay Puntland?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo ka hadlay go’aankan ayaa sheegay in Puntland aysan bixin karin aqoon maamul ee ay tahay cidda bixineyso Dowladda Dhexe, isla markaana go’aankeeda uu yahay waxba kama jiraan.

Daacad Soomaali: “Puntland ma dowlad iyadu maamul-gobaleedyada aqoonsi siisaa?”.

Maxamuud Kaahiye: “Puntland hada kohor 2015 waxay tiri Galmudug ma aqoonsanin tii ka raacday waa la ogaa”.

Faatima Fu’aad: “Masayrka ha layska yareeyo yaa aqoonsi idinka doonaya?”

Rooble Cabdullahi: “Maamulka Garoowe isagaa aqoonsi u baahan oo magaalo yar isku soo ooday dad tashaday inaad daba joogtaan waxaa idiinka wanagsan inaad danihiina qabsataan”.

Nuur Maxamed Xasan: “Ummadaa nabad galsha maamul walba marka la dhisayo maxa dhibaato ugu qabtaan?”

Waa kuma Cumar Fataax? – Soomaaliga hurdada u diiday cunsuriyiinta Mareykanka?

Minneapolis (Caasimada Online) – Musharaxa xilka duqa magaalada Minneapolis ahna Senatar ka tirsan gobolka Minnesota, Omar Fateh, ayaa si adag uga jawaabay eedaymo is-daba-joog ah oo uga imaanaya dhinacyada garabka midig, kuwaas oo la xiriira xaaladdiisa sharciyeed iyo haybtiisa Muslimnimo.

Fateh, oo ku dhashay magaalada Washington, D.C., aabihiis iyo hooyadiisna ay yihiin soogalooti Soomaali ah, ayaa u tartamaya doorashada duqa magaalada ee sanadka 2025. In kasta oo dadka dhaliila ay cambaareeyeen qadiyadihiisa dhanka bidix u janjeera, sida xayiraadda kororka kirada guryaha iyo kordhinta mushaharka ugu yar, ayaa qaar ka mid ah faallooyinku waxay isku beddeleen weerarro online ah oo ku saabsan muuqaalkiisa, diintiisa iyo dhalashadiisa.

Fateh ayaa Isniintii, Luulyo 14, fiidkii ka hadlay faallooyinka nacaybka xambaarsan ee lagu baahiyey barta X, isagoo ka jawaabayay qoraal Islaam-nacayb ah oo uu soo dhigay dhaqdhaqaaqaha siyaasadeed ee muxaafidka ah ahna aasaasaha ururka Turning Point USA, Charlie Kirk.

Fateh wuxuu u jawaabay qoraalkii Kirk, isagoo yiri: “Minneapolis waa magaalo qurux badan oo leh dad kala duwan, kuna adag qiyamkeenna horumarka leh. Nacaybka aan maanta arkay – iyo maalmahan intooda badan – ma aha mid aan marnaba noqon doonno.”

Waa kuma Omar Fateh?

Omar Fateh, oo 35 jir ah, waa siyaasi ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga oo hadda ku jira xilligiisii labaad ee uu yahay senatarka gobolka ee degmada 62-aad ee Minnesota, isagoo sidoo kalena u tartamaya xilka duqa magaalada Minneapolis.

Wuxuu ku dhashay Washington, D.C., Fateh wuxuu sheegay inuu yahay wiil ay dhaleen waalidiin soogalooti ah oo ka yimid Soomaaliya, isla markaana uu dhowaan noqon doono aabbe.

Wuxuu shahaadada Master-ka (heerka labaad ee jaamacadda) ee maamulka dadweynaha ka qaatay Jaamacadda George Mason University ee gobolka Virginia, wuxuuna u soo noqday khabiir arrimaha bulshada ee Minneapolis, isku-duwaha mashaariicda ee Wasaaradda Gaadiidka gobolka, iyo falanqeeye ganacsi oo ka tirsanaa Jaamacadda Minnesota.

Markii loo doortay senatarka gobolka sanadkii 2020, Fateh wuxuu noqday Muslimkii ugu horreeyay iyo qofkii ugu horreeyay oo Soomaali-Mareykan ah ee ku biira Aqalka Sare ee Minnesota. Wuxuu horey olale aan guuleysan ugu galay kursiga aqalka sare sanadkii 2018, isagoo doorashadii is-reereebka ee xisbiga Dimoqraadiga looga guuleystay, waxaana ka adkaatay wakiilkii hore ee gobolka Hodan Hassan.

Maxay yihiin ballan-qaadyadiisa?

Tartankiisa duqa magaalada, Fateh wuxuu isku aqoonsanayaa inuu yahay hanta-wadaag dimoqraadi ah (democratic socialist) kaasoo, ballanqaadyadiisa siyaasadeed ay ka mid yihiin, inuu hagaajin doono difaaca darawallada shirkadaha gaadiidka dadweynaha ee Uber iyo Lyft, la dagaallami doono tacaddiyada booliska, iyo inuu kordhin doono guryaha la awoodi karo kiradooda.

Wuxuu ballanqaaday inuu mushaarka ugu yar ee magaalada ka dhigi doono $20 saacaddii marka la gaaro 2028, kaasoo hadda ah $15.97. Mushaarka ugu yar ee gobolka Minnesota ayaa hadda ah $11.13.

Sidoo kale, wuxuu ballanqaaday inuu si adag uga hor istaagi doono maamulka madaxweynaha hadda talada haya ee Donald Trump, taasoo ay ka mid tahay inaan loo oggolaan doonin booliska magaalada inay la shaqeeyaan Hay’adda Socdaalka iyo La-dagaallanka Muhaajiriinta Mareykanka (U.S. Immigration and Customs Enforcement – ICE).

“Haddii ay tahay howlgal socdaal iyo haddii kaleba, dadkeennu waxay mudan yihiin duq magaalo oo ka hor istaaga Donald Trump oo yiraahda, ‘maya, taas kama dhacayso bulshadeenna dhexdeeda.'”

Kadib Zohran Mamdani

Ururka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee TakeAction Minnesota ayaa cambaareeyay faallooyinka lala beegsaday dhalashada iyo haybta Muslimnimo ee Fateh.

“Islaam-nacaybku meel kuma laha siyaasadda iyo bulshadeenna dhexdeeda,” ayuu ururku ku qoray barta X. “Senatar Fateh wuu ku saxsan yahay – nacaybkani ma aha mid aan marnaba noqon doonno. Waxaan u abaabulannahay inaan dooranno hoggaamiyeyaal la mid ah Senatar Fateh, sababtoo ah waxaan wadaagnaa aragti ah bulshooyin ku dhisan daryeel iyo jacayl – ee aan ku dhisnayn nacayb.”

Weerarradan online-ka ah ayaa yimid ka dib markii xubin ka tirsan aqalka wakiillada ee gobolka New York, Zohran Mamdani, oo 33 jir ah, uu la kulmay faallooyin nacayb ah oo la mid ah oo ku saabsan haybtiisa Muslimnimo intii lagu jiray ololihiisii doorashada duqa magaalada New York City.

Siyaasigan hanta-wadaaga dimoqraadiga ah ayaa soo jiitay indhaha dalka oo dhan ka dib markii uu si aqlabiyad ah ugu guuleystay doorashadii is-reereebka xisbiga Dimoqraadiga, isagoo guul lama filaan ah oo cajiib ah ka gaaray guddoomiyihii hore ee gobolka Andrew Cuomo.

Haddii uu ku guuleysto doorashada guud ee bisha Nofeembar, wuxuu noqon doonaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah iyo kii ugu horreeyay ee Aasiyaan-Mareykan ah ee magaaladaasi yeelato. Andrew Cuomo ayaa sheegay inuu si madax-banaan (Independent) u tartami doono November, inkasta oo lagu reebay is-reebreebka Dimoqraadiga.

Imaaraadka oo si lama filaan ah uga hadlay duullaanka ay Israa’iil ku qaaday Suuriya

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Anwar Gargash, oo ah la-taliyaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha Imaaraadka, ayaa ku tilmaamay xiisadda militari ee hadda ka taagan Suuriya ee kala dhaxaysa “Israa’iil” inay tahay isku dayo “lagu doonayo in lagu jaangooyo wejiga Suuriya ee mustaqbalka.” Wuxuu adkeeyay mowqifka dalkiisa ee aan isbeddelin, kaasoo ku baaqaya in la xasiiliyo dhulka Suuriya, isla markaana diidaya in loo beddelo fagaare lagu kala saaro is-qabqabsiga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Anwar Gargash ayaa qoraal uu Arbacaduu soo dhigay bartiisa “X” wuxuu ku yiri: “Qoraallada siyaasadda waxay ka hadlayeen loollanka loogu jiro Suuriya tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1946-kii,” isagoo xusay “in maanta aan marqaati ka nahay waji cusub oo lagu doonayo in lagu jaangooyo mustaqbalka Suuriya.”

Wuxuu intaas ku daray in “Mowqifka Imaaraadku uu yahay mid aan isbeddelin oo ku aaddan cambaaraynta xiisadda ay waddo Israa’iil, isla markaana taageeraya xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee Suuriya, si ay u noqoto dal deggan oo barwaaqo ah oo ay wada degaan dhammaan shacabkeedu.”

La-taliyaha Imaaraadka ayaa ku nuuxnuuxsaday in “Suuriya aysan ahayn fagaare lagu loollamo, balse ay tahay dal Carbeed oo udub-dhexaad ah, kaasoo xooggiisa, guushiisa, iyo barwaaqadiisu ay taageero u yihiin xasilloonida gobolka.”

Hadalka Gargash ayaa imaanaya kaddib markii ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadku si adag u cambaaraysay xiisadda halista ah ee ka taagan koonfurta Suuriya, ayna si kulul u dhaleecaysay duqeymaha Israa’iil ee gobolkaas, iyadoo hoosta ka xarriiqday inay gebi ahaanba diiddan tahay in lagu xad-gudbo madax-bannaanida Suuriya lana wiiqo amnigeeda iyo xasilloonideeda.

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa Arbacadii duqeymo la beegsaday dhismaha taliska guud ee ciidamada iyo agagaarka qasriga madaxtooyada ee Dimishiq, taasoo qayb ka ah weerarro sii kordhaya oo lagu bartilmaameedsanayo goobo xasaasi ah oo Suuriya ku yaal. Weerarkaas ayaa sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 34 kale, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Suuriya.

Tani waxay daba socotay iska hor-imaadyo Axaddii ka dhacay magaalada Suwayda, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, ayna ku dhaawacmeen 100 kale, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Suuriya ee “SANA”, oo soo xiganaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Iska hor-imaadyadaas kaddib, ciidammada amniga iyo kuwa militariga ayaa galay Suwayda, iyagoo fulinaya hawlgal amni oo ujeeddadiisu tahay “in la soo afjaro fawdada amni-darro, lagu soo rogo sharciga iyo kala-dambeynta iyo awoodda dowladda, hubkana looga dhigo kooxaha sharciga ka baxsan,” sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Suuriya.

Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil waxay xiriirkooda caadiyeeyeen sanadkii 2020-kii, iyagoo u maray Heshiisyadii taariikhiga ahaa ee uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa ee Abraham (Abraham Accords), tallaabadaas oo si weyn u beddeshay siyaasadda Bariga Dhexe.

Waxaana iskaashigan horseeday walaac amni oo ay labada dhinacba ka qabeen Iiraan iyo damac dhaqaale oo ay wadaageen, taasoo keentay inuu si weyn u kobco. Ganacsiga labada dal ayaa kor u dhaafay $3 bilyan sanadkii, waxaana sii xoojiyay heshiis ganacsi oo xor ah iyo iskaashi qotodheer oo dhinacyada tignoolajiyadda, maaliyadda, difaaca, iyo dalxiiska ah.

FBI oo liis halis ah ku dartay mas’uuliyiin ka tirsan IRAN

0

Washington (Caasimada Online) — Hay’adda Dambi Baadhista Federaalka Maraykanka (FBI) ayaa ku dartay liiska “Dadka aadka loo baadigoobayo” safiirka Iran u fadhiya dalka Pakistan, Reza Amiri-Moghaddam, iyo labo kale oo u dhashay Iran.

War-saxaafadeed kasoo baxay FBI-da ayaa lagu sheegay in Reza Amiri-Moghaddam, Taghi Daneshvar, iyo Gholam Hossein Mohammadnia ay ku lug lahaayeen afduubkii Bob Levinson, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa FBI-da, kaasoo la waayay 9-kii Maarso 2007, xilli uu ku sugnaa jasiiradda Kish ee dalka Iran.

Mas’uuliyiinta Iran weli kama aysan falcelin eedeymahan. Dhanka Pakistan, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda, Shafqat Ali Khan, ayaa wargeyska Dawn u sheegay in dalkiisu uu ixtiraam u hayo safiirka Iran, gaar ahaan dadaalladiisa ku aaddan horumarinta xiriirka labada dal.

FBI-da ayaa shaacisay boorar ay ku sawiran yihiin saddexda eedeysane, iyadoo sheegtay in hay’addu ay weli wado baaritaanno lagu ogaanayo doorka saraakiishan uga aaddan afduubka Levinson iyo suurtagalnimada in dowladda Iran ay isku dayday in mas’uuliyadda falkan dusha uga tuurto dad ama hay’ado kale.

Sida ay sheegtay FBI-da, Reza Amiri-Moghaddam, Taghi Daneshvar, iyo Gholam Hossein Mohammadnia ayaa ka tirsanaa hay’adaha sirdoonka Iran. Steven Jens, ku-xigeenka agaasimaha xafiiska FBI-da ee Washington, ayaa sheegay in saddexdan qof ay door weyn ku lahaayeen afduubka Levinson iyo qariyeyntiisa.

“Bob Levinson waxay u badan tahay inuu geeriyooday isagoo ka fog qoyskiisa iyo asxaabtiisa,” ayuu yiri Steven Jens, isagoo intaa ku daray in FBI-da aysan ka harin raadinta dadka arrintan ku lug leh.

Dowladda Maraykanka ayaa ballanqaadday abaalmarin lacageed oo dhan $50 milyan oo la siin doono cid kasta oo keenta xog rasmi ah oo horseedi karta helitaanka Levinson.

FBI-da ayaa sidoo kale dalbatay in saddexda eedeysane — Amiri-Moghaddam, Daneshvar iyo Mohammadnia — lagu sameeyo su’aallo la xiriira kiiska Levinson.

Puntland oo ku dhowaaqday in aysan aqoonsan doonin SSC-Khaatumo (Bayaan kulul)

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay aqoonsi ay siiso maamul ka madax-bannaan oo ka dhisan deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo ku celisay in gobolladaasi ay si dastuuri ah uga tirsan yihiin Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa lagu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay waddo faragelin lagu wiiqayo xasilloonida iyo midnimada Puntland, sida hadalka loo dhigay.

Bayaankan, oo ah kii ugu adkaa ee kasoo baxa Puntland tan iyo markii ay Dowladda Federaalku aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo, ayaa si toos ah u qeexaya khilaafka qotada dheer ee ka dhashay mustaqbalka siyaasadeed ee deegaannada beesha Dhulbahante.

Puntland waxay war-saxaafadeedkeeda ku billowday xusuusin taariikhi ah, iyadoo sheegtay inay “soo dhaweysay go’aankii Isimada Beesha Dhulbahante ee February 6, 2023kii” ayna “qayb libaax ka qaadatay halgankii dib loogu qabtay magaalada Laascaanood.”

Si kastaba ha ahaatee, wasaaraddu waxay si cad u diidday jiritaanka maamul gooni ah oo aan soo marin habraaca dastuuriga ah ee Puntland, sida ay tiri. Waxay caddeysay in sida ku cad Qodobka 7-aad iyo 138-aad ee Dastuurka Puntland, “Gobollada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dawladda Puntland, sanadkii 1998dii.”

“Sidaas awgeed, go’aan kasta oo lagu beddelayo maqaamka deegaannadaas waa inuu sifo sharci ah u maraa,” ayey tiri. Puntland waxay shuruud uga dhigtay in marka hore “wadatashi buuxa ka yeeshaan beelihii wada dhistay hannaanka Dawladda Puntland 1998dii.”

Iyadoo taas laga duulayo, bayaanka ayaa lagu go’aamiyay qodobkan xasaasiga ah: “Inta laga helayo sifo sharci ah oo ku timaadda wadatashi guud ahaan reer Puntland, gobollada Sool iyo Cayn iyo beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland.”

Eedayn culus oo loo jeediyay Muqdisho

Qaybta ugu weyn ee dareenka soo jiidatay ayaa ahayd eedaynta tooska ah ee Puntland u jeedisay dowladda dhexe. Dowladda Puntland waxay si kulul u “cambaareynaysaa faragelinta qaawan ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso amniga iyo xasilloonida Dowladda Puntland.”

Puntland waxay ku eedeysay Villa Somalia inay leedahay damac ah “in ay burburiso amniga iyo dowladnimada ka jirta Puntland,” isla markaana ay doonayso inay “fashiliso dagaalka ay Dowladda Puntland iyo saaxiibada caalamku kula jiraan argagixisada caalamiga ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.”

Eedaymahan ayaa si toos ah loola xiriirinayaa aqoonsiga Dowladda Federaalka ay u fidisay Maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, tallaabadaas oo ay Puntland u aragto mid xadgudub ku ah midnimadeeda dhuleed iyo heshiiskii lagu dhisay Soomaaliya federaalka ah. Arrintan ayaa sii xumaysay xiriirka labada dhinac oo markii horeba gaaray meel hooseysa, kadib markii ay Puntland horay u shaacisay inay laashay aqoonsigii dowladda dhexe kuna dhaqmayso si madax-bannaan.

Xiisadda ayaa sii kordhaysa iyadoo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga soo sheegayo deegaannada xuduudda u ah Puntland iyo deegaannada SSC-Khaatumo, taasoo abuurtay cabsi laga qabo isku dhac hubeysan.

Dhanka kale, Isimada iyo hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa si isdaba joog ah u sheegay inay ka go’an tahay aayo-ka-tashigooda, ayna diideen inay dib ugu noqdaan maamulkii Puntland.

Dowladda Puntland waxay war-saxaafadeedkeeda kusoo gabagabeysay baaq ay u dirtay shacabkeeda, iyadoo ku adkeysay “in ay xoojiyaan midnimadooda, ilaaliyaana amniga iyo dowladnimada Puntland.”

Dagaal ka qarxay Sanaag

Baaqan ayaa imanaya xilli Puntland ay wajaheyso loolan siyaasadeed oo dhinacyo badan leh, kaasoo u dhexeeya cadaadiska Dowladda Federaalka, loolanka SSC-Khaatumo, iyo sidii ay u ilaashan lahayd midnimadeeda gudaha, taasi oo Talaadadii isku rogtay dagaal.

Talaadadii ayaa dagaal waxa uu degmada Dhahar ku dhex maray ciidamada Puntland iyo ciidamada maamulka Maakhir, oo ah maamul go’aansaday inuu ku biro SSC-Khaatumo, oo shirka lagu dhameystirayo uu hadda ka socdo Laascaanood.

Puntland ayaa sheegtay inay soo afjartay maleeshiyaad hubeysan oo ku sugnaa gudaha Dhahar, isla markaana ay haatan si buuxda gacanta ugu hayso magaaladaasi.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa si buuxda u xakameeyay shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Dhahar, kadib markii kooxo maleeshiyo hubeysan oo sharci-darro ah ay weerar ku soo qaadeen ciidamada amniga oo ka yimid deegaanka Baraagaha-Qol. Weerarkan oo laga soo abaabulay Xamar ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Boqollaal qoys ayaa ku barakacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag oo ah xudunta dagaalka. Magaalada ayaa la sheegay inay hadda deggan tahay kaddib markii ay odayaashu soo dhex galeen, balse xaaladdu weli waa ay cakiran tahay.

Ilo-wareed ayaa sheegay in dagaalkii Talaadada uu ka dhashay muran la xiriira waddo ay ciidamada Puntland qorsheynayeen inay isticmaalaan. Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, in ka badan 10 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkaas.

Puntland ayaa ku eedaysay dowladda federaalka inay “colaad hurinayso,” halka dowladda federaalku ay ku andacootay in Puntland ay “xaaladda sii hurinayso.”

Labada dhinac ayaa isku eedeeyay inay ciidamo soo dhoobeen deegaanka, xaaladdan oo ay goobjoogeyaal ka faallooda arrimaha gobolku ku tilmaameen mid ay siyaasadi ka dambeyso.