25 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Dowladda Kenya oo qabatay saddex gaari oo ka baxay Soomaaliya – Maxay siddeen?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa gacanta ku dhigtay saddex gaari xamuul ah oo si sharci-darro ah uga soo tallaabay xadka Soomaaliya, kuwaas oo siday sonkor iyo saliid cunto.

Talaabadan ayaa loo arkaa dhirbaaxo xooggan oo soo gaartay shabakadaha ganacsiga sharci-darrada ah ee ka hawl-gala xeebaha dalka. Bayaan kasoo baxay Hay’adda La-dagaallanka Badeecadaha Been-abuurka ee Kenya (ACA) ayaa lagu sheegay in howl-galka lagu qabtay gaadiidkan uu ka dhacay magaalada Malindi, iyadoo lala shaqeynayay Kooxda Isku-dhafka Amniga (Multi-Agency Team).

Intii howl-galka socday, waxaa la soo qabtay 676 kiish oo sonkor ah oo lagu waday saddexda gaari, waxaana xabsiga la dhigay siddeed qof oo lagu eedeeyay falkaas, kuwaas oo hadda ku jira gacanta Booliska Malindi.

Agaasimaha Guud ee ACA, Mbugua Njoroge ayaa sheegay in badeecooyinkaasi oo qiimahoodu gaarayo ku dhawaad Ksh10 milyan ay khatar ku ahaayeen dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay in badeecooyinka si qarsoodi ah loo soo geliyo ay dhaawacaan dakhliga dowladda, halisna ku yihiin ganacsiyada sharciyeysan, isla markaana ay saldhig u noqon karaan dambiyo abaabulan iyo xitaa argagixiso.

“Qabashada badeecooyinkan sharci-darrada ah ma aha oo kaliya ilaalinta shacabka ee sonkor iyo saliid waxyeello leh, balse waa difaac dhaqaale iyo mid amni. Sonkorta sharci darrada ahi waxay dhaawacdaa warshadaha gudaha, taas oo si toos ah u saameysa kumannaan beeraley iyo malaayiin qof oo ku tiirsan qaybtaas,” ayuu yiri Njoroge.

Hay’addu waxay xustay in badeecooyinka sharci darrada ahi sanad walba ku kacaan celcelis ahaan Ksh153 bilyan oo canshuur lumis ah, isla markaana sababaan in ka badan 40,000 oo shaqooyin ah inay lunto.

Intii lagu jiray sannadkii ugu dambeeyay, ACA waxay shaacisay inay qabatay badeecooyin sharci darro ah oo qiimahoodu ka badan yahay Ksh500 milyan, halka 120 qof oo lala xiriiriyay ganacsigan sharci-darrada ahna la xiray.

Mucaaradka oo soo jawaabay kadib eedeyntii Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa diiday in lagu eedeeyo fashilka wada-hadalladii siyaasadeed ee ka qabsoomay Muqdisho, iyagoo si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, qeybna ka ahaa kulamadii u dambeeyay ee Madaxweyne Xasan iyo mucaaradka ayaa sheegay in fashilka uu sababteeda leeyahay Madaxweynaha.

“Madaxweyne dadku waa ogyihiin in dagaalka argagaxisada laguugu garab taagnaa, lagaase yeeli maayo in guuldarradii ka dhalatay khilaafka dastuurka, musuqa, eexda iyo boobka dhulka danta guud aad cid kale dusha ka saarto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka jawaabay eedeyntii Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa mucaaradka ku eedeeyay in ay gabeen kaalintoodii dagaalka Al-Shabaab, taas oo ay iska fogeeyeen mucaaradka. Sidoo kale, Madaxweynaha oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa mucaaradka ku tilmaamay “kuwa aan lahayn aragti mideysan oo lagu horumarin karo dalka”.

Madaxweynaha ayaa fashilka wada-hadalladii siyaasadeed u saariyay mucaaradka, oo uu sheegay in ay rabaan in loo laabto amuurtii dastuurka 2012-kii. “Aan ka doodno xitaa waa diideen,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa ku dooday in dowladdiisa ay abuurtay fursado badan oo wada-hadal ah, isla markaana la tashiyo lala sameeyay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, welina ay diyaar u yihiin in laga wada-hadlo xaaladda dalka, balse “aysan ogolaan doonin in Soomaaliya lagu sii hayo halkeeda.”

Si kastaba, weerarka madaxweyne Xasan Sheekh uu xalay ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka iyo weerar celiska xubnaha mucaaradka ayaa gebi ahaanba burburinaya wada-hadalladii siyaasaddeed ee mudooyinkii dambe u socday labada dhinac.

Maxay tahay guusha weyn ee Xasan Sheekh uu ku faanay in dowladdiisa gaartay?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad dheer ka jeediyay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimo kala duwan, wuxuuna soo hadal qaaday ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qiray in guul wayn laga gaaray amniga caasimada, isaga oo sheegay in maanta uu ka wanaagsan yahay sidii uu ahaa 25-kii sano ee ugu dambeysay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay ku timid dadaallo ay sameeyeen dowladdiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo is kaashanaya, wuxuuna tusaale usoo qaatay horumarka wayn ee haatan ka jira caasimada, maadaama dib loo dhisay.

“Maanta dalka maalin uu ammaankiisa ka roon yahay sooma marin kullina waa laga marqaati kacayay magaalada Muqdisho ood ogaydeen oo waddada ugu caansan ee Maka Al-mukarrama la yiraahdo loo bixiyay waddadii maydka oo qofkii maraa inuu liif ku dhaco qalaf dhahaayay, guryihii dunsanaa iyo magaalada sida ay tahay maanta waad arkeysaan, amniga ayaana ugu wacan” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Amnigaan buuxa waa keensaday Ummadda Soomaaliyeed inaan ka dafirno oon ka xaqirno ma aha, waana uga mahadcelineynaa”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kalle tilmaamay in isbeddalkan wayn uu ku yimid dagaalka lala galay Al-Shabaab, maadaama haatan hoos loo dhigay awoodda kooxaha argagixisada ah.

“Waxaa waxaan oo dhan keenay dadaalkii la sameeyay ee nimankan Khawaarijta ah lala galay oo dib loo dhigo awoodooda la yareeyay, lama dhammeyn nimanka khatartooda way taagan tahay laakiin hoos ayaa loo dhigay” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Muqdisho ayaa haatan ku jirto xaalad deganaan ah, iyada oo laga nastay weeraradii qaraxyada ee joogtada ahaa iyo dilalka qorsheysan ee horay uga ka dhici jiray caasimada.

Arrintan ayaa ku timid, kadib markii ay hirgaleen qorshayaal waawayn oo ay keensatay dowladda federaalka, waxaana ugu muhiimsanaa in ciidamo gaar ah loo sameeyay xasilinta caasimada, sidoo kalena la’isku xiray dhammaan hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya.

Faah-faahinta qarax maanta ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax miino oo maanta ka dhacay deegaanka Jabad Geelle oo hoostaga Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen odayaal caan ah, wuxuuna dhacay xilli gaarigu marayay mid ka mid ah waddooyinka deegaanka, waxaana la sheegay in miinada lagu aasay hareeraha waddada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaariga qarxay ay la socdeen odayaal dhul cabbirayaal ah, kuwaas oo ku mashquulsanaa arrimo la xiriira cabbirka dhulal ku yaalla halkaasi.

Qaraxa ayaa sababay burbur xooggan oo gaaray gaariga, iyadoo dadkii ku dhaawacmayna si deg-deg ah loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Wararka la xaqiijiyay waxay tilmaamayaan in laba ka mid ah odayaasha, oo lagu kala magacaabo Cali Kadawe iyo Maxamed Cumar ay ku dhinteen qaraxa. Sidoo kale askari la socday odayaasha ayaa dhaawac culus oo dhabarka ah soo gaaray, waxaana haatan xaaladdiisa lagula tacaalaya isbitaallada caasimadda.

Markii qaraxu dhacay kadib, ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo Nabad-sugidda ayaa gaaray goobta, iyagoo sameeyay howl-gallo baaris. Hase yeeshee, ilaa hadda lagama shaacin wax natiijo ah oo kasoo baxay howl-galkaas.

Qaraxan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe ay yaraadeen qaraxyada miinooyinka ee lagu aaso hareeraha waddooyinka, balse dhacdadan cusub ayaa cabsi iyo walaac ku abuurtay dadka deegaanka, iyadoo aysan weli cid si rasmi ah u sheegan masuuliyadda weerarka.

Dowladda Uganda oo ka ogolaatay Mareykanka arrin ay ka diideen dalal badan

0

Kampala (Caasimada Online) – Uganda ayaa oggolaatay inuu Mareykanka usoo tarxiili karo muhaajiriinta aan sharciyada heysan ee dalalkoodii laga diiday, kaddib heshiis ay galeen labada dal.

Heshiiskan ayay Uganda shuruud uga dhigtay in dadkaas aysan lahayn taariikh dambiyadeed, isla markaana aysan ahayn carruur aan waarilkood la socon, sida ay shaacisay dowladda Uganda .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda oo war-saxafadeed soo saartay ayaa sheegtay in labada dhinac “ay ka wada shaqeynayaan faah-faahinta iyo habraaca lagu dhaqan gelinayo heshiiska.”

Uganda waxa kale oo ay sheegtay in ay doorbideyso in dadka lasoo dejinayo ay ka yimaadeen waddamada Afrika. Lama xaqiijin in heshiiska si rasmi ah loo saxiixay, hase yeeshee war-saxafadeedka wasaaraddu waxa uu sheegay in wadaxaajoodka la soo geba-gabeeyay.

Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga ah, Henry Okello Oryem ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP “in Uganda ay caalamka kaga caan baxday siyaasad deeqsinimo oo qaxootiga la xiriirta, balse haddana ay jiraan xuduudo.”

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Uganda ay sidoo kale wada-hadallo kula jirto Mareykanka, kuwaas oo ku saabsan “fiisaha, cashuuraha, cuna-qabateynta iyo arrimo kale oo la xiriira”.

Bishii Luulyo, Maraykanka ayaa shan nin oo dambiilayaal ah ku celiyay boqortooyada koonfurta Afrika ee Eswatini, halka siddeed kalena loo diray Koonfurta Suudaan.

Kadib dib u doorashadii Donald Trump, Mareykanka ayaa sare u qaaday ololaha dib u celinta muhaajiriinta sida sharci darrada ah ku galay Mareykanka, ayadoo inta badan ay diideen dalalkii ay ka soo jeedeen in dib loogu celiyo.

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabadii uu qaaday Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Fa-celin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo uu xalay mar kale madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe u qaaday gobolka Gedo, si uu u difaacdo, wuxuuna soo magacaabay Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) oo noqonaya Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee gobolkaasi.

Macalimuu oo ka soo jeeda beesha Mareexaan, ayaa muddo dheer ka shaqeynayey Gedo, wuxuuna qayb ka ahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee halkaas ka taagan.

Axmed Madoobe ayaa weli gacanta ku haya xubno deegaankaas ka soo jeeda oo daacad u ah xukunkiisa, inkasta oo inta badan bulshada gobolka Gedo ay diideen maamulkiisa, isla markaana ay la safteen dowladda federaalka.

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dowladda federaalka ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo ka jira gobolka Gedo, si uu ula loolamo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo, sida ay tilmaamayaan qorshayaasha madaxda dowladda dhexe.

Si kastaba, Lama hubo waxa ay magacaabista Macalimuu ka beddeli karto xiisadda gobolka Gedo ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland, hase yeeshee waa siyaasi saameyn iyo xiriir ballaaran ku leh bulshada gobolka.

Haddaba sidee looga fal-celiyay tallaabada uu qaaxay Axmed Madoobe?

Cali Warsheelle: “Gobolka Gedo ha dhihinee guddoomiyaha amniga iyo siyaasada degmada Kismaayo dheh ileen Gedo ma tagi karee?”.

Cabdisalaan Axmed: “Waa ku saxan tahay deegaanka adaa ka taliyo cid kale wax lagama weydinayo”.

Macallin Yare: “Gedo maxaa Axmed ka yaal!! maskiin kaanse maxaa dhiiqada iyo khayaaliga loo gelinaa!!!!!!?”.

Cali Maxamed Aadan: “Hadda ayuu gobolka Gedo kuso laabanayaa gacanta dowladda Jubbaland”.

Cabdiqani Xasan: “Marwalba indha cadeys kuu shaqeyn maayo ee New Jubbaland maka dafee wasiir”.

Gaboobe Shide: “Macalimuu ma laga maarmi waayay? maa isagaba laga dhigo guddomiyaha gobolka Gedo?”.

Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaalabadiisa ku xigen iyo  inta badan golaha oo xaadiray shirka.

Ugu horreyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

Sharcigan ayaa xoogga saaraya, sirta, bed-qabka iyo amniga nidaamyada kombiyuutarka, shabakadaha iyo barnaamijyada, ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada, oggaanshaha, baarista, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dembiyada saybarka, Ilaalinta danta guud, akhlaaqda, iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.

Intaas kadib shirika Golaha Wasiirad ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee weli ka socda dalka, iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabsida ka gaarayaan dagaalladii u dambeeyay.

Sidoo kale waxaa goluhu soo dhaweeyay abaabulka culus ee haatan socda, si mar kale loo qaado guluf ka dhan ah Khawaarijta, si looga xoreeyay deegaanndii ugu dambeeyay ee ay kooxda qabsatay, si gaar ah gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee HirShabelle.

ShirkaN oo la qabto todobaad kasta maanta oo kale ayaa waxaa inta badan diiradda lagu saaraa waxqabadka xukuumadda, iyada oo sidoo kale lagu gaaro go’aanno waa wayn.

Si kastab, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo culus, waxaana sidoo kale haatan taagan guux wayn oo ka dhashay mooshin la sheegay in qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ay ka wadaan Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo haatan dhaq-dhaqaaqiisa si wayn ooga dareemay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

From Somalia to Gaza, UAE fuels Blackwater’s war machine

ABU DHABU, UAE – From Baghdad to Mogadishu, the United Arab Emirates has become a global hub for mercenary warfare, bankrolling a shadow empire of outsourced violence built by Blackwater founder Erik Prince to project its power across West Asia, Africa, and beyond.

Fleeing international legal scrutiny after a series of war crimes in Iraq, the world’s most infamous private military company found safe harbour and a wealthy patron in Abu Dhabi. After the 2007 Nisour Square massacre in Baghdad, Blackwater rebranded as Xe Services and later Academi, but its core business model – orchestrating illicit operations from the shadows – remained unchanged.

What began as a notorious US private military company accused of war crimes in Iraq has, under Emirati patronage, expanded into a global network of mercenaries shaping conflicts from the Horn of Africa to the Middle East.

After Blackwater changed its name to Xe Services in 2009, a year later, its founder, Erik Prince, relocated to the UAE, where he launched Reflex Responses (R2) and retained majority ownership. Then Abu Dhabi Crown Prince Mohammed bin Zayed became one of his principal backers.

By 2011, the UAE had discreetly built a mercenary force of hundreds of Latin Americans, recruited mainly from Colombia, Panama, and Chile. Under Prince’s oversight, fighters were smuggled into the Emirates disguised as labourers and trained in Zayed Military City. Their mission: to protect the monarchy at home, suppress dissent, and project power abroad.

By 2022, the Washington Post reported that more than 500 retired US military personnel had been hired by Gulf states, including the UAE, as contractors with salaries reaching up to $300,000 per year – underscoring the scale of the operation.

Somalia: Training ground and transit hub

Somalia quickly became central to this network. In 2011, Prince personally oversaw the training of 2,000 Somali fighters in a US-backed, UAE-funded anti-piracy programme. The initiative, framed as a security measure against hijackings off the Horn of Africa, also provided Abu Dhabi with a foothold in Somali affairs.

Mercenary deployments through Somali territory did not stop there. Reports in subsequent years indicated that Somali soil was being used as a transit route for contract fighters bound for battlefronts in Yemen, Libya, and later Sudan.

By the mid-2010s, UAE-aligned companies such as Lancaster 6 and Opus Capital were supporting military operations in East Africa. The UAE pursued control of a string of ports across the Red Sea, including a base in Eritrea and plans for a facility in Somaliland, the breakaway Somali region.

Somalis also joined the UAE’s war effort in Yemen. Alongside fighters from Sudan, Uganda, and Latin America, Somali recruits bolstered UAE-backed units. These mercenaries were deployed to some of Yemen’s toughest frontlines, particularly in the border areas of Saada and Najran.

The UAE’s military-corporate network also played a role in protecting ports and commercial hubs across the Horn of Africa. Control of these strategic sites gave Abu Dhabi leverage in regional politics and maritime trade, while deepening its reliance on foreign fighters, including Somalis.

Among the groups active in Yemen was the Spear Operations Group, notorious for its assassination programme that targeted political opponents. Analysts say this showed the UAE’s mercenary network was not only fighting wars, but conducting covert killings on behalf of its patrons.

Sudan conflict exposes Somali link

When Sudan’s conflict escalated in 2023, new evidence pointed to mercenary flows passing through Somalia. Colombian media reported that fighters recruited via UAE-linked firms were transported to Darfur using smuggling routes through Somalia and Chad.

These mercenaries were promised salaries of up to $3,000 per month with $10,000 bonuses, and were equipped with drones and rocket launchers. They fought alongside Sudan’s Rapid Support Forces (RSF), a militia accused of atrocities.

The UN Security Council later confirmed that Emirati networks were embedded in RSF supply lines. Injured fighters were flown to Emirati hospitals, while Somalia remained a critical transit point in the logistics chain.

In August 2025, the crash of an Emirati aircraft in Darfur exposed the scale of involvement: 40 Colombian mercenaries died, revealing an entire UAE-backed battalion operating with the RSF. The deaths prompted Colombian President Gustavo Petro to issue an official condemnation, declaring: “No more merchants of death.”

For Somalia, the implications are far-reaching. The country’s fragile institutions face the dual challenge of internal insurgency and entanglement in proxy wars financed by Gulf powers. Analysts warn that the UAE’s use of Somali fighters and territory undermines Mogadishu’s sovereignty, while entrenching foreign control over strategic assets such as ports.

Efforts by the Somali government to regulate foreign military activity have been complicated by its dependence on external funding and aid. Meanwhile, reports of Somali recruits being drawn into conflicts abroad fuel concerns of exploitation in a country already battered by decades of instability.

Wider shadow empire

Blackwater, later renamed Academi, claimed tens of thousands of fighters across the region under Emirati patronage. Its operations stretched from Yemen to Sudan, from ports in the Horn of Africa to planned bases in Somaliland.

The model, analysts say, follows a consistent pattern: hiring foreign troops under private contracts, deploying them in conflict zones with little oversight, and providing deniability for state patrons. While marketed as security partnerships, the reality is a system of outsourced warfare that blurs the line between national defence and private enterprise.

The UAE’s reach extended further still. In 2024, reports surfaced that Abu Dhabi was financing the recruitment of African mercenaries to fight for Israel in Gaza and Lebanon. Eyewitnesses described tanks bearing both Israeli and Emirati flags. At the same time, detainees in Gaza reported interrogations by soldiers speaking in Emirati-accented Arabic.

According to Western diplomats, these efforts formed part of “day after” arrangements for a Gaza stripped of its population. Photos later circulated of UAE-plated vehicles in Rafah and pro-Israel militias receiving Emirati funding and equipment.

Prince’s latest venture, Vectus Global, has already won contracts in Haiti, echoing the exact blueprint tested in the Horn of Africa. Helicopters, drones, and mercenary units now enforce security in Port-au-Prince, much as they once did in Mogadishu and Bosaso.

What began as palace protection in Abu Dhabi has metastasised into a global business model. Somalia, both as a recruitment base and transit hub, remains a critical piece of this puzzle.

From anti-piracy training camps to covert logistics for Sudan’s war, the country illustrates how fragile states are turned into nodes of a sprawling mercenary network. The UAE bankrolls it, Prince directs it, and Somalia, willingly or not, is caught in its orbit.

Today, the UAE has cemented itself as a global hub for mercenary warfare, weaponising wealth to crush dissent, destabilise rivals, and assist Israel.

Xasan Sheekh oo weerar xun ku qaaday mucaaradka, kuna eedeeyay inay diideen…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qaybgalay munaasabad casho sharaf ah oo loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan fashilka ku yimid wada-hadalladii uu la yeeshay mucaaradka.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa weerar culus ku qaaday xubnaha ku midoobay Madasha Samatabixinta, wuxuuna ku eedeeyay in ay diideen in la gaaro xal waara, isaga oo sidoo kale xusay in mucaaradka jira aanu lahayn aragti mideysan oo lagu hormarin karo dalka.

“Walaalaha maanta qaylinayo iyo kuwa maqanba markaas ayaan dhex fadhiisanay annagaa marti qaadnay tikidho u dirnay dajinay meel u tagnay dhageysanay la shirnay, mar kale ayaan haddane isugu yeernay iyagii 5 shir oo kala duwan aan la fadhiisanay waxay kusoo dhamaatay amuurtii dastuurkii 2012-kii haloo noqdo” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale faah-faahiyay arrimaha la’isku qabtay, wuxuuna tilmaamay in wax ka beddalka dastuurka ay dood ka keeneen mucaaradka, gaar ahaan cutubka 4-aad, kadib markii ay dalbadeen in gebi ahaan laga laabto, taas oo keentay in lagu kala kaco shirka.

“War Chapter 4-kii 2012 nama anfacayo waxbaa ka dhiman war saan ma’ahan Chapter 4 qaata waxa aad rabtiin noo keena soo qora idinkana aan ka doodno maya waa diideen”. ayuu sii raaciyay Madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan rabaa walaalaha Soomaaliyeed inaan u sheego Xasan Sheekh iyo Soomaaliya waaa kala wayn yihiin, Soomaaliya ayaa wayn in Xasan Sheekh aad xag xagataa Soomaaliya waxa ugu tari maysid war ra’yi aan la nimaano war badeecad siyaasadeed suuqa siyaasadda la imaada hala idinka iibiyee”.

Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay abuurtay fursado badan oo wadahadal ah, isla markaana la tashiyo lala sameeyay qaylabaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, welina ay diyaar u yihiin in laga wada-hadalo xaaladda dalka, balse aysan ogolaan doonin in Soomaaliya lagu sii hayo halkeeda.

“Dowladdan sida ay talada u timid 2022 inta shir ee kala nooc nooc ah ee ay qabatay waa sheegayaa horay uma dhicin, culumo isu keen shiri, dowlad-goboleedyo keen, ganacsato isu keen caalamka iyo gudaha shiri yacni bulshada qaybaheeda kala duwan cid aanan la shirin oo la waydiin talada waddanka ma jirto” ayuu markale yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horay  Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka dalka, ay shaaciyeen fashilka wada-hadalladii ay la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya ee xalka loogu raadinayay khilaafka siyaasadeed ee taagan, waxayna mas’uuliyadda dhabarka u saareen Xasan Sheekh oo isna xalay iska fogeeyay.

Madasha oo horay usoo saartay bayaan ka kooban laba bog, ayaa ku baaqay afar qodob oo ay ugu horeyso in dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ay bulshada Soomaaliyeed heshiiska ku aheyd ee ku saleysnaa nidaamka Baarlamaaniga. Madasha ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamtay in 5 kulan wadaxaajood oo socday muddo bil iyo bar ah laga gaarin wax natiijo ah oo dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa khilaafka.

Tallaabadii uu madaxweyne Erdogan qaaday ee bedeshay masiirka Soomaaliya abid

Ankara (Caasimada Online) – Booqashadii Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdogan, uu ku yimid Soomaaliya sanadkii 2011, waxay ahayd isbeddel taariikhi ah oo saameeyay masiirka dalka, sida uu sheegay wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Anadolu ku sheegay in booqashadii Erdogan ee bishii Agoosto 2011 ay ku soo beegantay xilli ka mid ah xilliyadii ugu adkaa ee ay Soomaaliya soo martay tan iyo burburkii dowladnimadeedii sanadkii 1990-kii.

Booqashadii Erdogan uu ku yimid Muqdisho isaga oo ay la socdaan xaaskiisa Emine Erdogan, carruurtiisa, iyo wasiirradiisa waxaa lagu xusuustaa maalin aan la ilaawi karin oo Soomaaliya soo martay, taasoo xilligaas la daalaa dhacaysay abaartii ugu darneyd ee taariikhdeeda soo marta, ayuu yiri Jaamac.

Sida ay sheegeen saraakiisha Soomaaliyeed, booqashadani waxay ahayd mid wax weyn ka beddeshay sidii dalka looga saari lahaa go’doonkii uu ku jiray looguna soo celin lahaa ajandaha beesha caalamka, iyadoo xiriirka Türkiye iyo Soomaaliya u dallacsiisay heer istiraatiiji ah.

Jaamac wuxuu sheegay in Soomaaliya, oo u muuqatay mid laga tegey tan iyo burburkii dowladdii 1990-kii, ay la kulantay mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee taariikhdeeda soo mara.

“Waqtiyadaas, Soomaaliya waxay ahayd dal ka go’doonsan caalamka oo aan helin wax gargaar ah. Markii Madaxweyne Erdogan, isaga oo ay la socdaan golahiisa wasiirada, qoyskiisa, iyo dhammaan saraakiishiisa, uu yimid Soomaaliya, waxaa dhacay isbeddel weyn. Keliya gargaar kama helin shacabka Turkiga, balse waxaa indhaha caalamka oo dhan lagu soo jeediyay Soomaaliya,” ayuu xusay.

Jaamac wuxuu carrabka ku adkeeyay in Türkiye aysan marnaba ka laaban taageerada Soomaaliya tan iyo booqashadii Erdogan, wuxuuna yiri, “Maalintaas wixii ka dambeeyay, maalin walba horumar ayaan sameyneynay. Kaalinta Türkiye ee dib u dhiska Soomaaliya waxay ahayd mid aad u weyn.”

Jaamac wuxuu intaa ku daray in Türkiye ay mar walba Soomaaliya ka taageertay la-dagaallanka argagixisada, horumarkeeda, iyo barwaaqada shacabkeeda.

Maxamed Dhuubow, oo ah Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa ka faallooday booqashooyinka Erdogan, isagoo yiri, “Booqashadii 2011 waxay ahayd mid gargaar bini’aadannimo, laakiin booqashadii labaad ee 2016 waxay ahayd mid horumarineed.”

Dhuubow wuxuu sheegay in doorka Türkiye ee Soomaaliya uu u wareegay dhanka maalgashiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Furitaanka safaarad ku taal Muqdisho, aasaaska Xafiiska Hay’adda Iskaashiga iyo Iskuduwidda Turkiga (TIKA), iyo furitaanka iskuullo iyo isbitaallo Turkish ah ayaa dhammaantood gacan ka gaystay in la rasmiyeeyo xiriirka labada dal.

Maanta, Soomaaliya waxay calaamad u noqotay ballaarinta saameynta Türkiye ee Afrika. Shirkadaha Turkiga waa kuwo si muuqata uga dhex-jira kaabayaasha dhaqaalaha iyo nolol maalmeedka Soomaaliya, halka labada dal ay sidoo kale sahminayaan iskaashi cusub oo dhinacyada tamarta, kalluumeysiga, iyo xitaa hawada sare ah.

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo culus oo uu gobolka GEDO uga difaacanayo DF

0

Kismaayo (Caasimada Online) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Cismaan Nuux Xaaji oo loo yaqaan Macalimuu u magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee gobolka Gedo.

Macalimuu oo ka soo jeeda beesha Mareexaan, ayaa muddo dheer ka shaqeynayey gobolka Gedo, wuxuuna qayb ka ahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee halkaas ka taagan.

Axmed Madoobe ayaa weli gacanta ku haya xubno deegaankaas ka soo jeeda oo daacad u ah xukunkiisa, inkasta oo inta badan bulshada gobolka Gedo ay diideen maamulkiisa, isla markaana ay la safteen dowladda federaalka.

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dowladda federaalka ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo ka jira gobolka Gedo, si uu ula loolamo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo, sida ay tilmaamayaan qorshayaasha madaxda dowladda dhexe.

Haatan, gobolka Gedo waxaa dowladda federaalka ugu sarreeya Cabdirashiid Janan, oo dagaal ciidamada Jubbaland kaga adkaadeen kadib markii uu ku sugnaa Beledxaawo – magaaladaas oo uu weli joogo.

Degmooyinka Garbahaarey, Beledxaawo, Luuq, Buurdhuubo iyo Baardheere waxaa si toos ah u maamusha dowladda federaalka, halka Doolow ay weli joogaan xubno ka tirsan Jubbaland oo taabacsan Axmed Madoobe.

Xubnaha Jubbaland ee Doolow ku sugan waxaa kamid ah Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, Maxamuud Sayid Aadan, waxaana la aaminsan yahay in ay awood ahaan ku tiirsan yihiin ciidamada Itoobiya, kuwaas oo horey uga adkaaday ciidan kooban oo NISA u joogay magaalada.

Lama hubo waxa ay magacaabista Macalimuu ka beddeli karto xiisadda gobolka Gedo ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland, hase yeeshee waa siyaasi saameyn iyo xiriir ballaaran ku leh bulshada gobolka.

Qaar kamid ah dadka reer Gedo ayaa aaminsan in Macalimuu uusan awood iyo saamayn ka hooseyn Cabdirashiid Janan oo dowladda federaalka u dirtay in Jubbaland laga xoreeyo gobolkaas. Waxaa xitaa suuragal ah in labada nin ay si toos ah isugu dhabtaan, maadaama ay kala hoggaaminayaan dhinacyada isku haya gobolka – dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Dagaalka Xasan Sheekh iyo Madoobe oo laga faa’iideystay

Kismaayo (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan saraakiil iyo khubaro ku xeel-dheer arrimaha amniga, khilaafka siyaasadeed ee sii murgaya ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Jubaland wuxuu abuurayaa firaaq amni oo halis ah, oo u saamaxday ururka Al-Shabaab inay dib u soo rogaal celiyaan, waxayna ku qasabtay tobannaan kun oo qof oo rayid ah inay guryahooda ka cararaan.

Sannado badan oo iskahorimaadyo sokeeye ah kadib, Soomaaliya waxay noqotay dal federaal ah oo ka kooban shan maamul-goboleed Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana dhowaan ku biiray Waqooyi Bari. Maamulladan ayaa inta badan xiriir is-jiidjiid ah la leh dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Hase yeeshee, iyadoo la wajahayo doorashooyinka sannadka soo socda, dowladda federaalku waxay xoojisay isku daygeeda ah inay gacanta ku dhigto maamul-goboleedyada. Tallaabadan ayaa, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha amniga, abuurtay firaaq amni oo ay Al-Shabaab uga faa’iideysan karaan inay ku fidaan.

Toddobaadkii hore, ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday dagaal dhexmaray ciidamada daacadda u ah dowladda iyo kuwa taabacsan maamulka Jubaland. Dagaalkan ayaa yimid maalmo kaddib markii labada dhinacba ay abaabul ciidan ka wadeen deegaanka. Bishii Luuliyo ee la soo dhaafay, shan askari oo kale ayaa ku dhintay iska horimaadyo la mid ah.

Soomaaliya waxay la-dagaallan adag kula jirtay Al-Shabaab tan iyo bartamihii 2000-meeyadii, waxaana loollankaas uu soo maray heerar kala duwan oo guulo iyo guuldarrooyin leh. Sannadkan, ururkan xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalooyin muhiim ah.

“Markii diiradda laga weeciyay la-dagaallanka Al-Shabaab ee loo wareejiyay loollanka siyaasadeed, waxaa billowday inaan aragno khasaarooyin iyo dib-u-dhac dhanka furimaha dagaalka ah,” ayay tiri Samira Gaid, oo ah falanqeeye ku takhasustay arrimaha amniga Geeska Afrika, oo u warramaysay wakaaladda wararka ee AFP.

Sida ay sheegtay Gaid, ururku wuxuu hardanka awoodeed ee jira uga faa’iideysanayaa sidii “olole uu ku soo xero-geliyo dagaalyahanno cusub”.

“Runtii, dhacdooyinkan oo kale dani uguma jirto cidna,” ayay raacisay.

Falanqeeyayaashu waxay isku raacsan yihiin in dagaalladan dhimashada dhaliyay ay hoosta ka xariiqeen itaaldarrida dowladda federaalka Soomaaliya.

“Ma jirin heshiis siyaasadeed oo dhameystiran xilligii la dhisayay dowladda federaalka Soomaaliya sannadkii 2012. Taasi waa sababta keentay hardanka iyo xiisadda joogtada ah ee ka dhex aloosan nidaamka federaalka,” waxaa yiri Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Ururka Xasaradaha Caalamiga (International Crisis Group).

Loolanka Jubaland iyo DF

Maamulka Jubaland wuxuu xiriirka u jaray dowladda dhexe sannadkii hore, kaddib markii hoggaamiyihiisa Axmed Madoobe, oo ahaa hoggaamiye kooxeed hore oo talada hayay ilaa 2012, loo doortay xilka madaxtinimada mar saddexaad. Dowladda dhexe ayaa doorashadaas ku tilmaantay mid “sharci-darro ah”.

Waxaa sidoo kale la soo saaray amar soo qabasho ah oo ka dhan ah Madoobe, oo fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee maamulka.

“Sababta ay xiisaddani hadda u soo laba kacleysay waa iyadoo lagu sii dhowaanayo xilliga doorashada,” ayuu yiri Mahmood.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waday qorshe ah in dalka ay ka dhacdo doorashadii ugu horreysay ee qof-iyo-cod ah sannadka soo socda, tallaabadaas oo uu si weyn uga soo horjeedo Axmed Madoobe.

Gobolka Gedo ee Jubaland, oo ay iska-hor-imaadyadii u dambeeyay ka dhaceen, ayaa u muuqda inuu muhiimad istiraatiiji ah u leeyahay dowladda dhexe.

Sida uu sheegay Mahmood, Madoobe iyo Xasan “laba dhinacba waxay doonayaan inay si buuxda u maamulaan Gedo, si ay taasi uga caawiso inay saameyn ku yeeshaan geeddi-socodka doorashada”.

Bishii la soo dhaafay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo horay u ahaa wasiirka amniga ee maamulka Madoobe, u magacaabay madaxa hawlgallada amniga ee Jubaland.

Janan, oo loo arko shakhsi miisaan culus ku leh siyaasadda gobolka Gedo, ayaa horay warbixinno kasoo baxay Qaramada Midoobay waxay ku eedeeyeen inuu ku kacay xadgudubyo waaweyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Iska-hor-imaadyadii toddobaadkii hore kaddib, wuxuu ku dhawaaqay inuu la wareegay magaalada xuduudeed ee istiraatiijiga ah ee Beled Xaawo, isagoo sheegay in gobolka loo dhisi doono maamul cusub.

Colaaddan ayaa dhibaato ba’an ku yeelatay dadka rayidka ah. Sida lagu sheegay xog rasmi ah, tan iyo bishii Juun, rabshadaha ka dhacay gobolka Gedo waxay sababeen in 38,000 oo qof ay ku barakacaan gudaha dalka, halka 10,200 oo kalena ay u qaxeen dalka deriska ah ee Kenya.

Saameynta qabiilka

Sida gobollada kale ee Soomaaliya, siyaasadda ku dhisan qabiilka ayaa door weyn ka ciyaarta Jubaland.

“Qabiilka degaanka Gedo waligiis siyaasad ahaan lama jaanqaadin hoggaanka Axmed Madoobe,” ayay tiri Samira Gaid, oo intaas ku dartay in beesha deegaanka ugu badan ay dareemayso in la garab maray.

Dowladda dhexe waxay u aragtaa in kala qaybsanaantan ay u noqon karto waddo ay xilka kaga tuurto Madoobe. Hase yeeshee, mucaaradka Madoobe ayaa iyaguna dhex-dooda isku khilaafsan, dowladda federaalkuna kama haysato taageero mideysan.

Maxamed Jimcaale, oo ah oday dhaqameed ka soo jeeda Jubaland, ayaa aaminsan in isku dayga Muqdisho uu fashilmi doono.

“Waxaan maqlaynaa in dowladda federaalku ay doonayso inay Gedo ka soocdo dhulka intiisa kale ee Jubaland, si ay halkaas uga dhisto maamul iyada daacad u ah. Qorshahaasi ma shaqeyn doono,” ayuu yiri.

Loollanka Waqooyi Bari: Tartanka lammaanaha midig iyo gaashaanbuurta bidix

0

Liiska Xildhibaannada Dowladda Waqooyi Bari ee Soomaaliya ee dhawaan lasoo saaray ayaa ahaa tallaabo loo qaaday dhanka yagleelka maamulka iyo sidii loogu gudbi lahaa doorashada Madaxweyne uu dowlad-goboleedkaasi yeelanayo markii ugu horreysay.

Magacyada soo baxay ayaa noqday halbeegii ugu horreeyay ee lagu qiimeeyo jihada ay madaxtinimada maamulkaasi aadayso, waxaana saacadihii ka dambeeyay ku dhawaaqista bilowday ololaha rasmiga ah ee siyaasiyiinta deegaankaas kasoo jeeda ugu jiraan helista codka xildhibaannada cusub ee maamulka.

Laba garab siyaasadeed ayaa ka samaysmay Laascaanood, kuwaas oo midkood uu hanan karo xilka Madaxweynaha.

Haddaba warbixinta waxaan ku eegaynaa waxa ay yihiin garabyadaasi, isbahaysiyada siyaasadeed ee Laascaanood ka samaysmay, waxyaabaha saamaynta leh ee isbeddel keeni kara, iyo qaabka loo akhriyay siyaasadeed ahaan xildhibaannada soo baxay.

Garabka midig: Lamaanaha

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa ee maamulkii waqtigiisu dhammaaday ee SSC-Khaatumo, oo uu ku lammaan yahay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ahaa labada siyaasi ee sida weyn isha loogu hayay, maadaama ay saamayn xoog leh ku lahaayeen qaab xulista xildhibaannada maamulka cusub loo samaynayey.

Inkasta oo ay dedaal badan geliyeen inay soo saaraan xubno siyaasad ahaan u daacad ah, haddana qaab qaybinta isimada dhaqanka ayaa si weyn u dhaawacay damacoodii.

Qorshaha ay labadan siyaasi dejisteen oo ahaa inay soo saaraan liis uu ka dhasho buuq weyn oo ay diidaan ragga la tartamaya ayaa meesha ka baxay, dhammaan siyaasiyiinta hanka ka leh hoggaaminta maamulkaas ayaana qaabilaad wanaagsan ku soo dhaweeyay. Tan ayaa noqotay dabin ay ka boodeen mucaaridka Firdhiye ee xilka kula tartamaya, waxaana lagu fasiray in si ka duwan lamaanaha isku doonta saaran ee Firdhiye–Abwaan ay mucaaridku u shaqeeyeen.

Mar waxay si weyn aaminaad iyo kalsooni u siiyeen xildhibaannada cusub, ka hor inta aan tartanku soo bixin, iyagoo u muujiyay in masuuliyadda marka ay qaadaan ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan. Tan kale waxay ahayd inay si weyn u dhexgaleen guddiga kala saarista iyo odayaasha dhaqanka oo ay dhexmarsadeen magacyo aanay diidmo ka qabin Firdhiye–Abwaan.

Dhaawac kale oo siyaasadeed oo gaaray labadan siyaasi ayaa ahayd markii madal lagu soo dhawaynayay xildhibaannada cusub ay iska soo garab muuqdeen, taas oo kor u qaaday aragtida ah in Abwaan uu diyaar u yahay inuu kaarka ku-xigeenka saaro Firdhiye. Halkan waxaa fursad ka helay siyaasi Jamaal oo ah shaqsiga keliya ee Madaxweyne doon ah ee gobolka Sanaag ka socda. Waa libin siyaasadeed oo Abwaan u hadiyeeyay Jamaal.

Ku lug lahaanshahoodii nidaamka xulista ayaa loo aanaynayaa in labada siyaasi ee waqtigu isku keenay ay dhib kala kulmayaan, waxaana soo ifbaxay in xildhibaannadii uu soo saaray Abwaan ay rag muhiim ah safkiisa banneeyeen, iyagoo doorbidaya in Sanaag hesho Madaxweyne koowaad ee Waqooyi Bari.

Xildhibaannada cusub ayaa ah kuwo kaam kasta oo siyaasadeed u furan. Si kasta oo ay Firdhiye iyo Abwaan ugu lug yeesheen soo saarista liiska xildhibaannada, haddana ilaa hadda ma muuqdaan saamayn gaar ah oo kaga duwan murashaxiinta kale.

Garabka bidix: Gaashaanbuurta

Dhammaan siyaasiyiinta deegaanka ee uu maamulkani ka kooban yahay, marka laga reebo lamaanaha siyaasadeed, ayaa ku jira garabkan. Waa isbahaysi, haddii aan si kale u dhigno, u taagan aragti mucaaradnimo oo ka soo horjeeda Firdhiye–Abwaan. Safkooda mideysan kama turjumayo inay isku siyaasad yihiin, hase yeeshee waxay isu gaashaanbuureysanayaan in laga hortago lammaanaha ku tiirsan awoodda Federaalka.

Isbahaysigan waxaa ugu tun weyn Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Jamaal Maxamed Xasan, oo ah laba siyaasi oo si kala madaxbannaan tartan ugu jira hanashada kursiga ugu sarreeya ee maamulka, haddana ka mideysan inay hoggaanka maamulka cusub ka badbaadiyaan Firdhiye–Abwaan.

Soo bixitaankii xildhibaannada ayaa si lama filaan ah u soo saaray awoodda siyaasadeed ee hoggaamiye ku-xigeenkii SSC-Khaatumo, Maxamed Shiine. Inkasta oo uu si hordhac ah u shaaciyay doonistiisa hoggaanka, haddana waxaa la hubaa in haddii uu hoolka galo uu noqon karo jaangooye dhaawac siyaasadeed u gaysan kara Cabdiqaadir Firdhiye.

Isbahaysiga mucaaridka ah ayaa xilligan ka kooban Jamaal, Khaliif iyo Shiine, oo ay gadaal ka taagan yihiin shaqsiyaad saamayn dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ku leh deegaanka.

Liiska soo baxay marka qof qof iyo deegaanba lagu cabbiro, waxaa soo baxaysa in xisaabtii ay Firdhiye iyo Abwaan wax ku dhiseen ay xilligan tahay mid wax kasoo noqotay, maadaama halbeegga ay xildhibaannadu wax ku dooranayaan uu meel sare ka galay danaha deegaanka iyo shaqsiyadda murashaxa.

Sanaag oo ah gobolka ugu xildhibaannada badan, qoondo ahaan saddexda gobol, waxay si weyn ugu xisaabtamayaan inay dheellitir ku sameeyaan awoodaha maamulka cusub, si aysan isu raacin dhammaan awoodaha siyaasadeed ee maamulka. Qiyaastan marka laga fiiriyo, Jamaal ayaa ah siyaasiga ugu codka badan ee tartanka ku jira, kaas oo heli kara codad aan lagu loolami karin oo ka imaanaya Sanaag.

Xisaab kale waa dhaqanka Sool iyo Buuhoodle (Togdheer), kuwaas oo si weyn u doonaya inay arkaan siyaasi dhex u ah oo hoggaanka maamulka qabta, taas ayaana fursad siinaysa Cabdirisaaq Khaliif.

Lama filaanka doorashada waxaa noqon kara Maxamed Shiine, maadaama uu kasbaday dhallinyarada asal raaca SSC-Khaatumo, kuwaas oo u arka Shiine shaqsi ka hufan kooxaysi iyo aqoonyahan aragti ka leh deegaanka.

Marka aan isku eegno labada garab ee tartanka Waqooyi Bari dhexmaraya, inkasta oo ay xilli hore tahay, haddana marka la eego aragtiyaha ay ka duulayaan xildhibaannada cusub iyo is-xulufaysiga socda, waxa la isku raacsan yahay in isbahaysiga Bidixda ama mucaaridku uu yahay garabka ku xooggan liiska soo baxay, taas oo ka dhigan haddii ay dhammaystiraan dhismaha isbahaysiga inay qof kamid ah talada qaban karaan.

Xigasho: SomaliStream

Imaaraadka oo ku lug leh qorshe hagardaamo ah oo ka dhan ah shacabka Gaza

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Istaraatiijiyadda ee Israel, Ron Dermer, ayaa dhawaan safar qarsoodi ah ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo hoggaaminaya wafdi heer sare ah, si ay ugala hadlaan xasuuqa ka socda Marinka Gaza, sida ay sheegtay Warbaahinta Israel ee KAN.

Booqashadan ayaa waxaa qayb ka ahaa kulamo lala yeeshay mas’uuliyiin Imaaraati ah, kuwaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xasuuqa ay Israel ka waddo Gaza, walaacyada dhinaca amniga, iyo xaaladda xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Israel iyo Imaaraadka.

Warbaahinta KAN ayaa sheegtay in xafiiska Dermer uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo safarkaas. Dhawaan, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Mohammed bin Zayed, ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay hoggaamiyaha mucaaradka Israel, Yair Lapid, tallaabadaas oo la sheegay inay xiisad ka dhex abuurtay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, kaas oo aan weli si shaacsan u booqan Imaaraadka tan iyo markii la saxiixay heshiisyadii caadiyaynta xiriirka.

Dhawaanahan, wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, ayaa ku warrantay in Imaaraadku uu wada-hadallo kula jiro Israel iyo Maraykanka oo ku saabsan suurta-galnimada ka qayb-qaadashada maamul ku-meel-gaar ah oo loo dhiso Marinka Gaza kadib dagaalka hadda socda, ilaa uu maamulka la wareegayo maamul Falastiini ah oo dib-u-habayn lagu sameeyay.

Diblomaasiyiin reer galbeed ah ayaa daaha ka rogay in wada-hadalladan sirta ah, oo ay faahfaahisay wakaaladda Reuters, ay ku lug yeelan karaan Imaaraadka, Maraykanka, iyo dalal kale oo si ku-meel-gaar ah u kormeeraya maamulka, amniga, iyo dadaallada dib-u-dhiska ee Gaza marka ay ciidamada Israel ka baxaan.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo Imaaraadku uu dhaleeceeyay tallaabooyinka Israel iyo hadallada Netanyahu, haddana Tel Aviv waxay weli doonaysaa in Imaaraadku uu ka qayb-qaato maareynta Gaza ee xilliga dagaalka kaddib, sida ay sheegeen labo sarkaal oo hore oo Israeli ah.

Israel iyo Imaaraadku waxay isku aragti ka yihiin la-dagaallanka Ururka Muqaawamada Falastiin (Xamaas), oo uu Maraykanku u aqoonsan yahay urur argagixiso. Imaaraadku wuxuu u arkaa Xamaas iyo kooxaha kale ee Islaamiga ah ee la midka ah inay yihiin kuwo qalalaase ka wada gobolka.

Safiirkii hore ee TURKIGA oo sheegay sabab aan loo aqoonsan karin Somaliland

0

Ankara (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya, Dr. C. Kani Torun, ayaa soo saaray qoraal uu cinwaan uga dhigay “Haddii qabiil dowlad noqon karo, Afrika waxay yeelan lahayd 500 oo dowladood.”

Wuxuu si toos ah uga hadlay aqoonsiga ay raadineyso Somaliland, isagoo yiri: “Madax-bannaanida Somaliland maaha mid waaqici ah marka la eego isir ahaan, diin ahaan iyo luqad ahaanba.”

Safiirku wuxuu sheegay in aanay jirin wax farqi ah oo dhab ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo caddeeyey inuu taageersan yahay midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Ma jiro farqi u dhexeeya Somaliland iyo qaybaha kale ee Soomaaliya marka la eego shuruudaha waaweyn,” ayuu yiri safiirkii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya.

Danjire Torun ayaa intaas ku daray in farqiga keliya ee jira uu yahay kan ku saleysan qabiilka, taasna lagu xallin karo nidaamka federaalka.

“Waxaa jira hal farqi oo kaliya, kaas oo ah qabiilka, waxaana si fiican ugu habboonaan lahaa federaalka. Haddii qabiil walba uu helo dowlad madax-bannaan, Afrika waxay yeelan lahayd in ka badan 500 oo dowladood,” ayuu yiri Danjire Torun.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu xusay in mushkiladda ugu weyn ee Soomaaliya iyo Somaliland haysata ay salka ku hayso xaaladda Muqdisho.

“Haddii Muqdisho ay xalliso dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira qaybaha kale ee Soomaaliya, Somaliland ma heli lahayn dacwad adag oo ku saabsan madaxbannaanida,” ayuu yiri safiirkii hore ee Turkiga.

Danjire Torun ayaa qoraalkiisa oo uu ku daabacay bartiisa X ku soo gabagabeeyey: “Markaa Somaliland in la eedeeyo waxba ma tarto, ee aynu Xamar ka dhigno mid shaqaynaysa.”

Xog: Walaac xooggan oo markabkii hubka la xiriirinaya Somaliland oo soo baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Markabka MV Sea World ayaa ku xirtay dekadda Jabuuti, kadib markii uu ka leexday Muqdisho oo qorshuhu ahaa inuu ku xirto dekedda caasimadda, kadib markii sida la sheegay uu ka cabsaday badda oo kacsan.

Markabkan oo saanad milatari sida ayaa dhaliyay walaac xooggan oo ku saabsan qorshaha ka dambeeya ku leexashadiisa Jabuuti. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland oo la hadlay Caasimada Online ayaa muujiyay walaac ah in hubkaas loo adeegsado khalkhal-gelinta amniga Somaliland.

Dhawaan, Safiirka Turkiga ayaa Muqdisho ku qaabilay Suldaan Wabar, oo hore Somaliland uga sameeyay jabhad kasoo horjeeda, isla markaana taabacsan maamulka dibad-wareegga ah ee Awdal State.

Kulankaas waxaa ka horreeyay mid uu Suldaanku la yeeshay Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Somaliland ayaa Dowladda Turkiga ku eedeysay faragelin iyo falal xasillooni-darro abuuraya.

Fiqi oo bartiisa X (ex-Twitter) ku baahiyay sawir uu kula jiro Suldaan Wabar, ayaa si cad u sheegay in la gaaray waqtigii Awdal ka go’i lahayd Somaliland.

“Waqtigii Awdal ayaa la gaaray,” ayuu Fiqi ku yiri qoraalka.

Hadalkan ayaa loo fasiray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorshaynayso in ay abuuraan kala fogaansho u dhexeeya reer Awdal iyo Somaliland, si halkaasi uga hanaqaado maamulka dibad-wareegga ah ee Awdal State.

Walaaca Somaliland ayaa sii kordhay kadib markii markabka hubka sida ee kusii jeeday Muqdisho loo leexiyay dhanka Jabuuti, oo xuduud dhuleed la leh gobollada galbeedka Somaliland – halkaas oo Dowladda Soomaaliya rabto in laga hirgeliyo maamulka Awdal State, kadib markii ay hore ugu guuleysatay dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari.

Hubka markabka saaran oo u rarnaa Turkiga ayaa laga cabsi qabaa in qaybtiisa dhanka dhulka laga soo geliyo Somaliland, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka oo inoo xaqiijiyay inay si dhow ula socdaan xaaladdan.

Caasimada Online illaa hadda si madax-bannaan uma xaqiijin karto in hubkaas qaybtiisa looga dan leeyahay in dhanka dhulka laga geliyo Somaliland. Warar qaar ayaa sheegaya in ku xirashada markabkan ee dekedda Jabuuti ay timid kadib markii uu la kulmay xaalad adag oo badeed, toddobaadyo un kadib markii uu sii daayay maamulka Puntland.

Si kastaba, waxaa isa soo taraya walaaca arrintan la xiriira, sida ay sheegeen siyaasiyiinta Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa muddooyinkii dambe eedeymo culus oo khalkhal-gelin amni ah u jeedinayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo iyadu kaalin weyn ka qaadatay dhismaha maamulka Waqooyi Bari.

Political feud in Somalia opens door for Al-Shabaab

KISMAYO, Somalia – A deepening political conflict between Somalia’s federal government and the semi-autonomous state of Jubaland is creating a dangerous security vacuum, allowing Al-Shabaab militants to regain ground and forcing tens of thousands of civilians from their homes, according to officials and security experts.

Recent deadly clashes in the strategic Gedo region have laid bare severe fractures in Somalia’s fragile federal system, diverting attention and resources from the fight against the Al-Qaeda-linked extremist group. The violence comes as the country prepares for a contentious national election scheduled for next year.

Last week, fighting between Mogadishu-aligned federal forces and troops loyal to Jubaland’s administration left at least two soldiers dead. It followed earlier clashes in July that killed five, as both sides massed troops in a tense standoff over control of Gedo.

Analysts warn that such infighting offers a lifeline to Al-Shabaab. The group, which has battled the Somali state for nearly two decades, has already taken advantage of the distraction to retake several major towns this year, undoing years of hard-won progress.

“Once the attention shifted from the fight against Al-Shabaab to politics, we started seeing losses and setbacks on the battlefield,” said Samira Gaid, a Horn of Africa security analyst. She added that the Islamist insurgents are exploiting the power struggle as a “recruitment drive.”

A struggle for Gedo

At the heart of the crisis is a long-running feud between President Hassan Sheikh Mohamud and Jubaland’s leader, Ahmed Madobe. Relations collapsed last year after Madobe — a former warlord who has ruled the southern state since 2013 — secured a third term in an election that Mogadishu dismissed as “unlawful.”

The dispute has crystallized around the Gedo region, which borders Kenya and Ethiopia. Both Mohamud and Madobe are seeking to control the area ahead of the 2026 elections.

President Mohamud has pushed for a historic shift from Somalia’s clan-based indirect voting system to a direct, one-person, one-vote election — a reform Madobe strongly opposes.

“The reason why this is spiking now is because we are heading into the election,” explained Omar Mahmood, a senior analyst with the International Crisis Group. “Both leaders want to exert control over Gedo, which they can then use to influence the election process.”

Last month, tensions escalated further when Mohamud appointed Abdirashid Hassan Abdinur, widely known as Janan, to lead security operations in Jubaland. Janan, once Madobe’s security minister, is a powerful figure in Gedo but has been accused by the United Nations of serious human rights abuses, including obstructing humanitarian relief.

After last week’s clashes, Janan announced that his forces had seized control of the border town of Beled Hawo and declared a new administration would be formed — a direct challenge to Madobe’s authority.

Deep-seated tensions

The struggle underscores the weaknesses of Somalia’s federal system, created in 2012 to unify the country after decades of civil war. The arrangement divided Somalia into five member states — Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabelle, and South West — whose relations with Mogadishu often remain strained.

“There wasn’t enough political agreement at the time of the formation of the Somali federal government,” Mahmood said, pointing to the “constant struggle and tension within the federal model.”

Clan politics further complicate the standoff. Gaid noted that the dominant clan in Gedo has long felt sidelined under Madobe’s rule, a grievance Mogadishu now seeks to exploit. Yet opposition to Madobe is fragmented, and federal backing is uncertain.

Local leaders also question the central government’s motives. “We are hearing that the federal government is trying to annex Gedo from the rest of the Jubaland-administered territories,” said Mohamed Jumale, a traditional elder in Jubaland. “It will not work.”

Meanwhile, civilians continue to pay the price. Humanitarian agencies report that clashes in Gedo since June have displaced 38,000 people within Somalia and driven another 10,200 across the border into Kenya — worsening an already dire humanitarian crisis in the Horn of Africa.

Mareykanka oo digniin kasoo saaray weeraro ay Al-Shabaab ka fulin karto…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin cusub oo amni, taas oo lagu wargelinayo muwaadiniinteeda iyo ajaanibta kale in ay ka digtoonaadaan weerarro ay fuliyaan Al-Shabaab iyo kooxo kale oo ay safaaraddu ku tilmaantay argagixiso.

Qoraalka safaaradda ayaa lagu sheegay in dadka lagula talinayo in ay ka fogaadaan goobaha bulshada iskugu timaado, kuwaas oo lagu tilmaamay hoteellada, maqaaxiyada, suuqyada, iskuullada, xarumaha booliiska iyo goobaha cibaadada.

Safaaraddu waxay intaas ku dartay in weerarradu dhici karaan xilli digniin hore jirto iyo xilli aanay jirin midna, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in muwaadiniinta iyo ajaanibta kale ee ku sugan dalka ay mar walba muujiyaan feejignaan sare.

Warsaxaafadeedka safaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxaha weerarrada fuliya ay isku dayi karaan inay weerarro cusub ku xusuusiyaan dhacdooyinkii hore, sida weerarkii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Nairobi, midkii Westgate Mall iyo weerarkii Xamaas ee Israa’iil.

“Waxaan ogeysiinaynaa muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka kale ee ku sugan Kenya in ay dhici karaan weerarro argagixiso oo lagu maamuusayo dhacdooyinkii hore ee 7-dii Agoosto ee safaaradda Nairobi, 11-kii Sebteembar ee Mareykanka, 21-kii Sebteembar ee Westgate Mall iyo weerarkii Xamaas ee Israa’iil 7-dii Oktoobar,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Waxaa xusid mudan in safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay hore u soo saartay digniino la xiriira khataro weerarro oo dalka Kenya ka dhici kara, qaar ka mid ahna ay dhab noqdeen halka kuwo kalena aanay hirgelin.

Mid ka mid ah digniinahaas hore ayaa ahayd suuragalnimada weerarro loo adeegsado diyaarado oo ka dhaca gudaha Kenya.

Somalia says 700 foreign ISIS militants killed in operation

BOSASO, Somalia – Authorities in Somalia’s semi-autonomous Puntland region claim a major military offensive launched late last year has killed nearly 700 foreign fighters linked to the Islamic State (ISIS) in a remote mountain stronghold.

The statement, which Caasimada Online has not independently verified, came from Mohamed Abdirahman Dhabancad, a senior political adviser to the Puntland president. He said that in contrast to the large number of foreign casualties, only five Somali nationals fighting alongside the group were killed in the operations.

Speaking to Sky News, Dhabancad said the foreign militants came from more than 20 countries across Europe, North America, Africa, and Asia. As evidence, he displayed a collection of passports allegedly seized from the dead fighters.

If accurate, the figures would mark one of the deadliest blows to foreign jihadists in Somalia in recent memory.

The campaign is concentrated in the Cal Miskaad mountains, a rugged and difficult-to-access range in Puntland’s Bari region. For years, this terrain has served as a key sanctuary for ISIS-Somalia.

The group, known locally as Daacish, first emerged in 2015 when Abdiqadir Mumin broke away from al-Shabaab and pledged allegiance to ISIS. Though smaller than al-Shabaab, the faction carved out a foothold in Puntland, using the mountain bases to train fighters and launch attacks.

Puntland officials say sustained military pressure is paying off, claiming that around 70 percent of the ISIS force once present in the Cal Miskaad mountains has now been “eliminated.”

An international threat

According to Dhabancad, many of the foreign militants used clandestine methods to enter Somalia. Some, he said, crossed illegally from Ethiopia by posing as refugees. Others are believed to have arrived by boat across the Gulf of Aden from Yemen, slipping onto Somalia’s coastline without documents through established smuggling routes.

The involvement of foreign fighters in Somalia’s extremist networks is well-documented. A 2022 United Nations report highlighted the continued, though limited, flow of foreign terrorist fighters into the region, underscoring the persistent international dimension of the conflict.

Still, casualty figures in Somalia’s long-running war are notoriously hard to verify. Each side frequently releases conflicting or inflated numbers, often for propaganda purposes.

While Puntland’s forces have spearheaded the campaign against ISIS in the north, the federal government in Mogadishu has concentrated its military efforts against al-Shabaab. This al-Qaeda-linked insurgency still controls large swathes of rural southern and central Somalia.

Sawirro: Xasan Sheekh oo xariga ka jaray xarumo muhiim ah oo laga hirgeliyay Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Qoor-Qoor ayaa maanta xarigga ka jaray xarummo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Xarumahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada. Madaxweynaha ayaa ugu horreyn xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug, oo si casri ah loo dhisay.

Madaxweynaha ayaa khudbad bogaadin ah ka jeediyey Kalfadhiga 12-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug. “Maanta Galmudug waxa ay maraysaa meel wanaagsan oo ay tusaale ugu noqon karto Dowlad-goboleedyada kale ee dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Farxad bay ii tahay in aan goob joog u noqdo qorsheynta iyo fulinta mashaariicdan, kuwaas oo wax badan ka beddeli doona horumarinta iyo adkaynta maamulka Dowlad-goboleedka Galmudug”.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dowladda Hoose ee degmada Dhuusamareeb oo loo qaabeeyey hannaan casri ah, taas oo bixin doonta adeegyada aas-aasiga ah, waxa uuna Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku ammaanay dowladda iyo shacabka Galmudug sida ay u hirgeliyeen mashaariicda loo qorsheeyey.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray Xarunta Shaybaarka Tayada Dhismaha ee Jidadka, kaas oo lagu hubin doono tayada dhismayaasha iyo waddooyinka la hirgelinayo, si loo xaqiijiyo in ay waafaqaan heerarka la aqoonsan yahay.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Dhuusamareeb ayaa salka ku haya dardar-gelinta hawl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.

Madaxweynaha aya doonaya in dib loo soo nooleeyo iskaashiga ciidamada iyo shacabka, si dadka reer Galmudug ay kaalin muuqata uga qaataan dagaalka Al-Shabaab.