23.9 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

Xukuumada Kheyre oo 5 qodob kasoo saartay doorashada Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalinitii Talaadada ee Taariikhdu ahayd May 2, 2017 ayaa wafti uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka koobnaa wasiirro, xubno ka socda labada aqal ee Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku tageen caasimadda ku meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Gal-Mudug si ay Korjoogayaal iyo markhaanti uga noqdaan doorashada ka dhacaysa Cadaado maalinimada Arbacadii ee 3-dii, 05,2017.

3-dii Bisha ayaa doorasho 3 Musharax ku Tartameen ka dhacday Caasimada ku meel gaarka ah ee maamul Goboleedka Gal-mudug ee Cadaado. Doorashadaas waxaa ku guulaystay musharax Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Haddaba:

1-Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya soo dhowaynaysaa natiijada kasoo baxday Doorashadaas oo ay u aragto inay u dhacday si xor iyo xalaal ah.

2-Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa hoggaanka cusub ee Gal-Mudug inay si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadaladii u socday Ahlu-Sunna iyo Gal-Mudug, si Xal kama dambays ah looga gaaro Khilaafka labada Dhinac.

3-Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya diyaar u tahay waxkasta oo ay ka gaysan karto in Xal waara laga gaaro Nabadda iyo Midnimada Deegaanka Gal-Mudug, si Shacabka reer Gal-Mudug u helaan nabad iyo xasilooni waarta.

4-Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo cid kasta oo kale oo arintaan danaynaysa in ay gacan buuxda ka gaystaan si loo fududeeyo wadahadalada labada dhinac.

5-Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Shacabwaynaha reer Gal-Mudug iyo Hogaankooda cusubba ugu baaqaysaa inay si wadajir ah uga wada Shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo xasiloonida deegaanada Gal-Mudug.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Hirshabelle oo fariin goodin ah u dirtay DF Somalia xili uu jiro khilaf ku aadan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle kulan khaasa ku yeeshay Golaha Wasiirada maamulka, waxaana kulankaasi looga arrin sanaayay arrimo dhowr ah.

Qodobada looga hadlay kulanka ayaa waxaa kamid ahaa go’aan ka gaarista xiriirka Hirshabelle kala dhexeeya DFS, Xuduudaha iyo arrimo kale.

Kulanka golaha Wasiirada ayaa waxaa joogay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, oo halkaasi ka sheegay in Hirshabelle ay qaati ka taagan tahay DFS oo waayadaani xumeyneysa xiriirka labada dhinac.

Madaxweynaha iyo Golaha wasiirada ayaa si wada jira u sheegay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Waxa ay isku raaceen in DFS ay si ku tallo gal ah uga gaabineyso dalabyada uga imaanaya Hirshabelle, hase yeeshee aysan suuragal aheyn.

Geesta kale, Golaha Wasiirada waxa ay sheegen in go’aanka ay qaadan doonaan uu yahay keliya dib ula laabashada xiriirka kala dhexeeya DFS.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Kenyatta oo durba ballanta uga baxay Farmaajo kadib markii uu wax kama jiraan ka dhigay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Uhurro Kenyatta ayaan wali dhaqan galin qaar kamid ah qodobadii ay bisha March kala saxiixdeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llhi Farmaajo.

Dowlada Kenya ayaa ka meermeereysa dhaqan galinta qodobka bixinta Fiisaha dal ku galka waxa uuna Heshiisku ahaa in dadka wata Baasaboorada Servive iyo Diplomatic ay si sahlan ku heli karaan Fiisaha.

Waaxda Socdaalka Kenya ayaa is hortaagtay qodobkaasi kadib markii ay lasoo shartagtay qodobo dhowr ah oo loo cuskanaayo caqabadaha ka dhalankara fududeynta Fiisaha.

Diplumaasi ka tirsan Safaarada Somalia ee Kenya ayaa xaqiijiyay in dowlada Kenya, gaar ahaan Waaxda Socdaalka aysan dhaqan gelin heshiiskii dhinaca visaha ee Baasaboorada Servive iyo Diplomatic oo Madaxweynaha Kenya balan qaaday.

Diplumaasiga ayaa sheegay in Heshiiska uu ahaa in dadka heysta baasabooradaas lagu siin doono garoonka Joma Kenyatta, marka ay yimaadaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS ayaa caqabado dhowr ah kala kulmay fulin la’aanta Heshiiska, waxaana jira warar sheegaya in Mas’uuliyiin dhowr ah lagu xiray garoonka Joma Kenyatta.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in Agaasimaha Waaxda Socdaalka Kenya aan wali lagu amrin hirgalinta qodobka Fiisaha in la saaro Baasaboorada Service iyo Diplomatic.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Kenya ay dhaqan ka dhigatay fulin la’aanta Heshiisyada ay la galaan DFS.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Xog: Maxaa kusoo kordhay baaritaanka lagu hayo kiiska dilka wasiir Siraaji?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraaya xogaha laga helaayo kiiska dilka Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska dowladda Somalia Cabaas Siraaji oo ka dhacay afafka hore ee Villa Somalia.

Xogaha dheeriga ah ee soo baxaaya ayaa sheegaya in Askarta u xiran dilka Wasiirka ee ilaaliyaha u ahaa Hanti dhowrkii xilkiisa waayay ayaa waxaa lagu biiriyay ciidamo kale oo ilaalo u ahaa Wasiirka la dilay.

Afhayeenka Booliiska Qaasim Axmed, ayaa xaqiijiyay in baaritaankii lagu hayay Seddexda Askari ee Hanti dhowraha lagu biiriyay laba Askari kale oo ilaalo u ahaa Wasiirka dhintay.

Qaasim Axmed, waxa uu sheegay in kiiska dilka Wasiirka uu yahay mid isa sii furfuraayo waxa uuna tilmaamay in labada Askari ee Wasiirka looga maarmi waayay kiiska baaritaanka socda, sidaana ay ugu biireen kuwa Hanti dhowrihii dilka geystay.

Qaasim Axmed, oo arrintaani ka hadlaaya ayaa yiri ”Ciidanka Booliska waxa ay xireen askar ilaalo u ahaa Marxuum wasiir Cabbaas Shiraaji, si qeyb ay uga noqdaan baaritaanka”

”Kiiska dilka wuu sii ballaaranayaa waxaana diyaar loo yahay in kiiskaasi la gaarsiiyo halka uu ka bilowday kuna soo dhamaaday”

Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji ayaa xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.

Geesta kale, waxaa iminka la xaqiijiyay in la helay Askariga saxda ah ee toogtay Wasiirka balse lasii baarayo sababta ka danbeysay dilka iyo waxa ay ilaalada Wasiirka ka ogyihiin dilka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Maxaa kasoo baxay kulankii ugu horeeyey ee Farmaaji iyo Xaaf?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu dhex maray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Kulankaasi ayaa wuxuu ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxaana yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii wada shaqeyn dhab ah u dhexmari laheyd maamulka cusub ee Galmudug iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxyaabaha kale ee shirkaasi looga hadlay waxaa kamid ah shirka ka furmaya magaalada London ee dalka Ingiriiska kaasi oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo wadamada beesha caalamka.

Kulankaasi waxaa shir guddoominaya madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha Ingiriiska iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo dhamaantood ku wada cusub xilalka ay hayaan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Falanqeyn Xasaasi ah: Hanti dhawr qaran oo qiiro qol ugu qabbiran!

Xilalka dawladda laga qabto waxay isugu jiraan, mid ku yimaad aqoon iyo aqool “xilfarsamo”, mid ku yimaad awood qaybsi qabiil “xil beeleed”, mid ku yimaad dariiqo “xil diimeed” iyo mid ku yimaad dano shisheeye “xil daneed!”

Dr. Nuur Faarax, wuxuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah, ee aqoontooda iyo tayadooda farsamo looga maarmi waayey, in xilkaa sare, haddana culus loo dhiibo.

Xilka uu hayo, in kasta oo xiisad lagu abuuray, waxaa u magacaabay Golaha Shacabka, oo ka duwan xilalka ay magacaabaan Madaxweynaha, Golaha wasiirrada ama wasiirraduba.

Sidii uu Wasiir Siraaj ugu dhintay shil kama’ ah, Eebbe ha u raxmadee, waxaa reero QIIRO is ku la qayliyeen, in qaladka dhacay, oo ka mid ah qayb nololeedka magaalada Muqdisho, in Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax xilka laga qaado, oo sida muuqata hordhac ahaan u qabsantoontay, haddii aan la is ka qabanna dad badan galaafan doonta.

Dilka dhacay, in badan baa ka xumaatay, ugana xumaatay, in wasiir la dilay, may wiil dhallinyaro ah! Alla maxaa wiil dhallinyaro ah maalingashaw degaanka Soomaali loogu dilaa maalaa yacni, haddana, aan sidan oo kale looga qiiroon, loogana qiilsan? Geeri ka la GOBSAN!

Saddaxda eed ee Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax ay u soo jeediyeen guddiga madaxa bannaan waxay ka la yihiin;

1/ gurmad la’aan; adi qof aad dhimaal ugu gaysatay, in uu dhib kugu soo wado, gargaar ma u fidin leheed? Maangal ma tahay? Laab la kac iga daa!
2/ been buu sheegay; maxkamadda aa ka la caddaynayso, haddii ayba jirto.
3/ hubka sharcidarrada ah; ii dheh siyaasadeed iyo been fakatay u badi!

Intaa ka dib, Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax, yaa xilka ka qaadi kara? Sida “Dastuurku dhigayo “DALTUURKII CABDI XOOSH” waxaa looga qaadi karaa oo kali ah; 1 geeri. 2 xil gudasho la’aan. 3 caafimaad darro. 4 fal dambiyeed. 5 istiqaalo uu qoro. 6 ku taker fal awood. 7 marka uu waayo kalsoonida Golaha Shacabka! Kaliya marka Barlamaanka la horgeeyo, ee ay ansixiyaan, ayaa madaxweynuhu saxiixaa, oo ay Sharci ahaan u dhaqangashaa. War wax ogaada, alalaas ayaa idin arag iyo aragti tiree!

Intan oo qodob ma ahan, kuwo aan is ka qortay, ee “DALTUURKII CABDI XOOSH” uu Mahiiga la qoray 2012 ayey ka mid tahay, haddana noo ah, is la wasiirka Dastuurka, ee reero QIIRO iyo FUDEYD, ma ogyihiin? Horta ma yaqaanniin?.

Sababta aysan xil uga qaadi karin aan xeer iyo maangal ahaan kuu tuso; xafiiska Hanti Dhawrka Qaranku, waa xafiis madax bannaan, oo wuxuu awood u leeyahay, in uu baaro is la wasiirrada, marka ma dhici kartaa, qofkii ku baarayay, in aad xilka ka qaadi kartid? Hannaanka dawladnimo maya, hannaanka huuhaada haa!

Xilka ha laga qaadee, Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax, markii uu is ka diiday, ilduufka, edebdarrada, aqoonyarida sharci iyo aqoolxumada madaxda QIIRADA iyo FUDEYDKA, waxay hadda ka dhigeen maxbuus aan gurigiisa dhaafi karin! Xadgudub kale.

Ogow, Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax, wuxuu leeyahay XASAANAD uusan haysan wasiirka dhintay ama Golaha Wasiirrada xilka ka qaaday, ee sidee ku dhacday, in xabsi guri degdeg looga dhigo?.

Mid kale ku daro, waxaa jira warar la is la dhexmarayo, oo sheegaya, in wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Cumar Axmad, uu shirka Golaha Wasiirrada isaga baxay, oo looga doodayey, xil ka qaadista sharcidarrada, ee Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax! Macno ma samayn kartaa, maadaama ay Yuusuf is ku beel yihiin Hanti Dhawrka?.

Diidmo xil ka qaadis, ee xeer, xuquuq iyo xaqdarro ah iigu kaadiye, waxaan haynnaa, mid xeer iyo ku timid wareegto, haddana aan dhaqangelin, walina ninkii xilka laga qaaday, uu is la hawshii xilkeeda laga qaaday uu wali sii wato. May, midkii loo magacaabay xilkaa, in xil kale loo dhiibay. Maxay ka dhigan tahay? Saw ma ahan sharcigu dad gaar ah ayuu qabtaa, sharcidarrudan dad kale?

Mudanaha xil ka qaadista lagu sameeyey, ee is ka diiday xil ka qaadista, walina hawshiisa sii wata waa Maareeyaha Guud ee Garoonka Aadan Cadde Gen Cabdi Ashkir Jaamac. Aan is kiin baro, waxay qaraabo yihiin Maxamad Formaajo, ee ka warrama? Wareegtada waxaa soo saaray Khayrre, oo Illaa hadda wajigabaxaa siyaasadeed la gawriira! Allaw adaa faxan!

Marka laga soo tago, falka kama’a ku dhacay, ee uu ku baxay wasiir Siraaj, waxaa hubaal ah, in arrinta Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax, ay qayb ka tahay ajandooyin siyaasadeed, oo hirgelintooda lagu hawllanaa, oo ay soo dedejisay dhacdadan.

Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax, wuxuu gacanta ku hayaa faylal badan, oo hanti lunsasho, xadguxub maaliyeed, garabmar sharci oo ku aaddan heshiisyo la la galay dawlado, shirkado iyo gacansato.

Marka si loo aamusiyo, midda ugu dhaw, waa in loo adeegsado geerida wasiir Siraaj! Dadkan MAYDKA MUSUQAY, miyaa maal, mansab iyo maamuus kale ilaalinaya?.

Waxaa wax lagu qoslo ah, in maxkamadda ciiidanka qalabka siddu tiri, masuulkii ilaaladiisu ay disho qof, waxaa eedda wax ku yeelanaya is la masuulka! Waalli! Xaggee ku taal? Yaa dhigay? Dhaqan, xeer, qaanuun iyo diin tee qabta, fal aadan raad ku lahayn, ha laguu rifo?

Teeda kale, maxkamadda ciiidanka qalabka siddaa ma hay’ad fulin, sharcidejin mise garsoorbaa? Xeerka nuucan ah, waxaa soo saari kara baarlamaanka ama xukuumadda oo waa in baarlamaankuna ansixiyaa, wixii ka soo hara huuhaa iyo dareen xadid dheh.

Dareen xadid! Dawladdan sidii loo dhisay, waxay ku sii jeeddaa, sidii ay dareenka bulshada ee ay suuxsan u sii sumayn lahayd, oo xitaa mararka qaar waxay sharciga u jabshaan, si ay dareenkaa suuxsan u sii siraan! Ha la siree, intee ayey sii socon kartaa?.

Maal dhexe ayaan iri Muqdisho hal beel ayaa waxgradkooda iyo siyaasigooda lagu dulmaa! In badan oo ewelba uurka ka bukay ama ku faraxsanaa tacaddiyadaa, ayaa ii arkay, in aan qabiil hadlay! Xaashaa!

Hadda adigu macno iigu yeel, Maareeyaha Guud ee Garoonka Aadan Cadde Gen Cabdi Ashkir Jaamac, oo Formaajo ay is ku reer yihiin, marka xilka laga qaaday, oo sharci eheed, fudeydba ha ku jiree, ee uu is ka diiday, maxaan gurigiisa loogu xirin? Muxuu Illaa hadda amardiiddo iyo sharcidarro ugu sii shaqaynaya, oo waliba ah meel xasaasi ah? Halka Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax, oo aysan xeer u lahayn ay xil ka qaadis ku sameeyeen, markii uu sharcidarrooda is ka diidayna gurigaaga ka ma soo bixi kartid loogu amray? Anigu wax aan aragti qabiil ahayn ii ma muuqato, oo maanka ku hay, kuwa amarka sharcidarrada ah ku filinaya Dr. Nuur Faarax kuwii dad u xigay! Adeegayaal!

Waxaa kale oo gawaari galbinaysay Formaajo ay jiireen marxuum Tahliil, labo is ka waraysatay ma aragtay? Kuwan hadda ruuxdu soo gashay xaggey jireen maalintaa?.

Diidmada Dr. Nuur Faarax uu is ka diiday duulduulka ma daganayaasha waa astaan qaran, waa xeer qoran, waa tixraac qaanuun, waa ku dhigid qodob dastuuri ah, ee yaan lagugu sirin, indhasarcaadin, sasabin QIIRO iyo FUDEYD!

Dhubuq dhubuq hore, dhabanna hays dambe ayey leedahay!

 Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
https://bilediraac.wordpress.com/

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Akhriso Sooyaalka: Wasiir Siraaji ka sokow, 20 kale oo ciidamada ay gar-darro ku dileen sanadkan

Askar ku labisan dharka ciidanka dowladda ayaa maalin walba waxaa ay si gar-darro ah shacabka rayid ah ugu dilaan magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah, Hadaba, waxaa ay dood ka taagan tahay goorta uu askariga xabad ridi karo iyo cidda uu ku diri karo?!

Dowladda federaalka ah waxaa ay ka gilgilatay dilka wasiirka howlaha guud Cabbaas Sheekh Siraaji, arrintaasi oo la soo dhaweeyay balse waxaa isweydiin leh “Sow Nafta iyo nolaha banii’aadamka  isku mid ma aha”?!!, haddii jawaabta Haa tahay, waa maxay sababta ay dowladda wax uga qaban  la’dahay dhibaatada iyo dilka ay askarta ku hayaan rayidka.

Hadaba, waxaan halkan idinku soo gudbineynaa Sooyaalka dilalka ay sanadkan 2017-ka askarta dowladda  u geysteen shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale, taasi oo muhiim ka dhigeysa in dowladda federaalka ah ay fiiriso kiisaska dilalka ah oo ay ilaalada ama dadka ku labisan dharka ciidamada dowladda u geystaan shacabka.

Akhriso: Sooyaalka Dilalka Askarta Dowladda Ee Shacabka Soomaaliyeed

January 15, 2017: Askari ayaa  gaari shacab ku rasaaseeyay xaafadda Ood-weyne ee degmada Dayniile, ardey ayaa ku dhaawacmey, waxaa kaloo uu askariga dilay Oday gaariga saarnaa.

Askariga ayaa la sheegay in uu ku sugnaa goob laga raaco gadiidka, waxaana la ogeyn sababta uu garigaasi u rasaaseeyey, iyadoo la sheegay in halkaasi ay ku dhaawacmeen 4 qof oo Saddex ay yihiin Arday.

Janaayo, 14, 2017: Xilli subax ah ayaa degmada Wadajir waxaa toogasho lagu dilay mid ka mid ah darawlada ku shaqeysta gadiidka Mooto Bajaajka, kadib markii uu rasaas ku furay shaqsi ku labisnaa dareyska ciidamada militariga dowladda Soomaaliya.

February 11, 2017: Ilaalo la socotay gaari uu leeyahay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir  ayaa rasaas ku furay gaari uu la sodcday xildhibaan, shilka waxaa uu ka dhacay agagaarka saldhigga booliiska Waaberi oo ku dhow isgoyska Dabka.

Gaariga rasaasta lagu furay ayaa waxaa la sheegay inuusan la socon xiligaas xildhibaankii lahaa, waxaana ku dhaawacmay darawalka iyo nin la socday oo markii dambe wararku sheegayaan in midkood uu isbitaalka Madiina ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

March 6, 2017: Qof rayid ahaa ayaa lagu dilay Zoobe, Hodan, qofkaas oo gaari watay waxaa dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo la socday kolonyo marayey laami yaraha Zoobe ee degmada Hodan.

March 11, 2017: Haweeney ka mid ahayd ganacsatada magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa  toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda hoose magaalada Gaalkacyo, Puntland,  dilka waxaa uu dhacay ka dib markii uu murun soo kala dhex galay.

March 15, 2017:    Gaari shacabka ah  ayaa lagu rasaaseeyay deegaanka Xaawo Cabdi, kadib markii rag hubaysan oo gashnaa tuutaha ciidamada dowladda ay isku dayeen inay dhac u geysteen gaarigaasi.

Mid ka mid ah dadkii la socday baabuurka  ayaa sheegay rasaastii ay rideen raggii hubeysnaa inuu ku dhaawacmay darawalkii waday gaariga iyo sidoo kale ruux kale oo ka mid ahaa dadkii saarnaa Baabuurka

March 19, 2017: Ciidamo la sheegay iney ka wada tirsan yihiin kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay isku rasaaseeyeen isgoyska Tarabuunka, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa Israsaaseyntaasi ku dhaawacmay 3 qof oo uu ku jiro wariye la sheegay inuu ka tirsan yahay Idaacadda Shabelle kaasi oo lagu magacaabo Mahad Maxamed C/raxmaan.

March 26, 2017: Asakri ayaa qof rayid ah ku dilay Jowhar, askariga iyo ninka waxaa dhex maray muran arrimo guri ku saabsan

March 28, 2017:  Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo labo ruux oo dhalinyaro ah ku dilay Garoon Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo ku yaallo Degmada Dharkiinley gaar ahaan ka soo horjeedka Iskuulka Dhame Yaasiin Cartan.

March 28, 2017: Waxaa ka dhacday magaalada Muqdisho dhacdo argagax leh kadib markii nin hubeysan oo ka tirsan ciidamada dowladda uu gabar safar ahayd ku dilay albaabka laga galo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

April 6, 2017: Askari ka tirsan ciidamada ammaanka magaalada Garowe ayaa toogtay qof shacab ahaa oo ka mid ah dadka ku nool Garowe, dilka waxaa uu ka dhashay Muran.

April 8, 2017: Askar ka tirsan nabad sugidda ayaa magaalada Balad-xaawo ku dilay in tagsiile ah oo lagu magacaabao Jeeri Horeeye.

April 15, 2017: Nin dhalinyaro ahaa  ayaa lagu dilay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, iyadoo ay dilkiisa gaysteen laba nin oo ka tirsan ciidamada dowladda.

April 18, 2017: Askari ayaa qof shacabka ah waxaa uu ku dhex dilay bartamada suuqa Kismaayo, wararka ayaa sheegaya in qofka rayidka ah ee la toogtay oo Gaari watay ay murmeen kadibna uu toogtay.

April 22, 2017: Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya  ayaa Magaalada Muqdisho ku dilay nin dhalinyaro ahaa, ka dib markii la sheegay in ay wada murmayn. Dilkan, ayaa ka dhacay xaafadda Salaama ee Degmada Dharkiinley, iyadoo dilka ka dib ay askariga u suurta-gashay in uu goobtaasi ka baxsado.

April 23, 2017: Ciidamada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dilay Abwaan Tahliil Jimcaale Hubane oo ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, kuna geeriyooday shil gaari oo ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada.

April 26, 2017: Afar qof oo rayid u badan, ayaa ku dhimatay iska horimaad  ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo shan kalana la sheegay in ay ku dhaawacantay.

Iska horimaadkan oo u dhaxeeyay ciidan ka wada tirsan Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa uu ku dhex maray Beerta Jaadka ee Degmada Hodan.

April 28, 2017: Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa  magaalada Muqdisho ku toogtay nin oday ahaa, oo la socday gaari caasi/hoomey oo ciidamadu ay kaga shakiyeen in walxaha qarxa la soo saaray.

Ciidanka Nabad Suggida ee ku sugan isgoyska Danwadaagta ee degmada Wadajir, ayaa toogasho ku dilay ninkaasi ka dib markii uu ka dhego adeegay amarka ah in gaariga uu joojiyo.

May 3, 2017: Ciidamada Dowladda ayaa dilay wasiirka Howlaha guud ee dowladda Cabbaas Sheekh Siraaji, dilka waxaa geystay ilaalada hanta-dhowraha qaranka.

Dadkan oo dhan waxaa ay wadaagaan dil ay u geysteen askar ku labisnaa dharka ciidamada dowladda, ciidankaasi oo ay shaqadoodu aheyd in ay ilaaliyaan nolosha shacabka, dowladda madaxweyne Farmaajo waxaa la gudboon in ay shuruuc ka soo saarto ilaalada gaarka ah iyo askariga aad moodo in marti looga yahay waddooyinka iyo dhulka Soomaaliyeed.

Isha: Goobjoog

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Askarigii loo heystay dilka wasiir Cabaas oo kiis kale lagu helay iyo xaaladda oo kasii dartay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxay aheyd asbuuci lasoo dhaafay markii askari ka tirsan Ciidamada Ilaalada Hanti dhawraha qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale uu rasaas ku dilay wasiirkii Howlaha guud ee xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waxayna ciidamada amaanka u suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo.

Waxaa socoto baaritaan ku aadan dilka uu geystay iyo qaabka uu u dhacay, waxaana jirto Faafhaahin dheeraad ah oo kasoo baxeysa kiiska dilka wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya Cabbaas C/llaahi Siraaji iyo ninka loo heysto inuu geystay dilka oo askari ka tirsan ilaalada Hanta dhawrka.

Askar uu kala yimid ciidamado kala duwan oo aan boolis ahayn sida asluubta iyo ciidamada cirka ayaa ilaalo u ah Hanti dhowrka.

Wararka hadda soo baxayo ayaa sheegayo in askarigaan loo heysto kiis kale oo uu horey u galay, waxayn saameyn ku yeelan doontaa kiiskiisa.

Kiiska lagu heystaa askarigaan ayaa ah inuu bishii hore ee April ku lug yeeshay shil keenay in qorigiisii laga qaado, kadib markii gaariga hanti dhowrka uu qasab ku galay wado xiran oo xilligaasi ay isticmaalayeen madaxda dowladda.

Askarigaan ayaana markii uu wasiirka dilayey watay qori aan sharciyeyneyn, waxayna culeys ku aheyd Hanti Dhawraha qaranka, balse warka hadda soo baxay ee sheegayo in ninkaan qorigiisa ay ka qaadatay dowladda waxay culeyska ka yareeneysaa Hanti Dhawraha maadaama markii hore ay jirtay shaki ku aadan in qorigaan sharci la,aanta ah loo soo qaatay in dilkaan lagu fuliyo si aan loo ogaan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Villa Somalia oo hal arrin ku amartay hogaamiyayaasha maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka lagu amray in guddiga qabanqaabada howlaha shirka London soo mariyaan warbixinada kooban oo ay ugu tallo galeen shirka furmaaya 11ka May.

Hogaamiyayaasha ayaa la sheegay in loo kala diray fariimo looga dalbanaayo in qoraaladooda ay soo mariyaan DFS, si looga saxo wixii khaladaad oo ku dhibaato u keeni doona midnimada Somalia.

Qoraalada ay diyaarsadeen Hogaamiyayaasha ayaa la sheegay in la waafajinaayo kuwa Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo uu u diyaarsaday shirka London.

Hogaamiyayaasha maamulada ayaa dhowr maalin ka hor lagu qanciyay inay la jaanqaadan DFS oo aysan ka weecan xeendaabka mowduucyada shirka.

DFS ayaa dooneysa in madasha shirka ay la tagto mowqif mideysan oo caalamka loogu muujinaayo midnimada Madaxda Soomaalida.

Waxaa lagu wadaa in Hogaamiyayaasha ay qoraaladaasi kusoo gudbiyaan ka hor inta aysan dhamaan 5-ta cisho ee ka harsan shirka.

Ma cadda waxa iska bedeli doona qorshaha maamul Goboleedyada ee lagu balamay shirka Soomaalida uga furmaaya magaalada London.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Sawiro: Farmaajo oo Midowga Africa ka yaabsaday markii uu qodobo lama filaan ah soo hor dhigay

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tallaabo weyn u qaaday sidii ay Soomaaliya uga heli laheyd midowga Africa doorkii ay ku laheyd .

Madaxweynaha ayaa booqaday Xarunta Midowga Africa ee Magaalada Adis Ababa intii uu sugnaa Itoobiya, waxayna aheyd booqasho lasii qorsheeyey.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki ayaa madaxwyenaha halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey, waxayna wax iska waydiiyeen xaaladda Soomaalia iyo doorka ay Midowga Africa ku leeyiihiin Soomaaliya.

Markaas kadib madaxweyne Farmajo ayaa midowga Africa hordhigay laba qodob oo muhiim  taasoo lagu tilmaamay inay Soomaaliya guul weyn u tahay:

  • Inay Midowga Africa ay Soomaaliya u ogolaadaan doorkii ay ku laheyd Africa.
  • Inay Soomaaliya shaqaalo iyo Mas’uuliyiin ku yeelato Midowga Africa.

Labadaan arrin ee uu Farmaajo usoo bandhigay Midowga Africa ayaa wax kadis ah ku noqotay mana aysan fileyn inuu qodobadaan la imaan doono.

Lama ogo go’aanka ay Midowga Africa arrintaan ka qaadan doonaan, balse madaxweynaha wuxuu ku dadaalayaa sidii Soomaaliya door muhiim ah ugu yeelan laheyd midowga Africa.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Sawiro: Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho ka sameeyey tallaabo horey loogu yaqaanay Gaas iyo Faroole

Waxaa Shalay Magalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha cusub ee Galmudug loo doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf, wuxuuna sameeyey arrin la mid ah middii ay Gaas iyo Faroole ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaaha Cusub ee Galmudug Xaaf ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kala soo dagay Ciidamo wato hubka fudud, midaasna waxay aheyd calaamad horey loogu yaqaanay Madaxweynaha Puntland Gaas iyo Faroole.

Madaxweynaha waxaa garoonka  Aadan Cadde ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana la arkaayay ciidamo kasoo degay diyaaradii uu a socday intii aanu Xaaf soo dagin, midaas waxay keentay hadal heyn badan.

Waxaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dowladda Federaalka, iyadoo la isu diyaarinayo shirka arrimaha Soomaaliya ee magaalada London oo uu ka qeybgeli doono madaxweynaha Galmudug.

Tallaabadaan ayaa waxaa si weyn uga hadlay ayaa noqoneyso mid iska bareejeesay ficiladii ay horey us sameeyeen Gaas iyo Faroole, waxayna noqoneysaa Mas’uuliyad darro iyo is aaminad la,aan.

Haddab halkaan hoose ka daawo sawirada

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Falanqeyn: Itoobiya ma fulin doontaa dhamman heshiisyadii ay la gashay Farmaajo?

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan booqday dalka Itoobiya, wuxuuna halkaas heshiis kula soo saxiixday Ra’isulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Heshiisyada ay dowladda Itoobiya la saxiixatay Soomaaliya waxaa ugu muhiimsana qodobada soo socdo:

  1. Inay Dowladda Itoobiya kusoo xud gudbin madaxbanaaniada Soomaaliya.
  2. Inay go’aanka dibadda leedahay Dowladda dhexe ee Farmaajo.
  3. Inaysan la kulmin madaxda maamul Goboleedyada iyadoo aan fasax ka heysan dowladda dhexe.
  4. Inaysan Maamul Goboleedyada kala hadlin karin arrimaha ku saabsan qorshaha amniga iyo Militariga.

Haddaba waxaa is waydiin mudan ma fullin kartaa Itoobiya heshiiskii ay la gashay dowladda dhexe, sido kalana daacad maka tahay heshiiska ay saxiiday?

Dadka aqoonta u leh Dowladda Itoobiya ayaa kuu sheegayo inaysan Itoobiya marnaba fullin karin qodobada ugu muhiimsan heshiiskaan.

Tusaale ahaan, Itoobiya macquul maahan inay madaxbananida Soomaaliya ilaaliso, waayo maalin kasta Ciidamo Itoobiyaan ayaa sharci darro kusoo galo xuduudaha Soomaaliya iyo gobolada qaar, midaasna waxay muujineysaa inaysan Itoobiya aqoonsaneyn madaxbanaanida Soomaaliya.

Sidoo kale Itoobiya macquul uma ahan inaysan xiriir la sameyn maamul Goboleedyada dalka, sababoo ah xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeyo, sidoo kalana waxay mar kasta ka shaqeysaa sidii ay isaga horkeeni laheyd dowladda iyo Maamul Goboleedyda, iyadoo heshiisyo ka gashay qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada, weliba waxaa jiro heshiisyo weli qabyo ah oo u baahan in la dhameystiro, marka waxaa la is waydiinayaa sida ay macquul ku noqon karta inay Itoobiya iska dhaafto la macaamiladda Madaxda Maamul Goboleedyda iyadoo aan soo ogeysiin dowladda dhexe maaadaama mararka qaar ay kala hadasho waxyaabo aysan dowladda dhexe ogolaan karin.

Dowladda Itoobiya waligeedba af macaanidda ay kula soo hadashay Farmaajo ayey kula soo macaamili jirtay madaxdii ka horeysay, mana jirto ilaa hadda wax la taaban karo oo ay ka fulisay heshiisyadii horey ay ula gashay Soomaaliya.

Wuxuu Ra’isulwasaraaha Itoobiya afkiisa kaga dhawaajiyey inuu dowladda dhexe kala shaqeyn doono sidii Soomaliya loogu dhisi lahaa ciidamo qaran oo awood leh, balse is waydii sidee dowlad cadaawad naga dhaxeyso uga shaqeyn kartaa inay Ciidamado awood leh noo dhisto.

Dhanka kale, markii la isku soo hadal qaaday arrinta ku saabsan webiga shabelle, waxay dowladda Itoobiya codsatay inay guddi labada dhinac ah loo saaro arrintaas, maadaama aan hadda go’aan laga qaadan karin, midaasna xoogaa waxay keentay shaki ku aadan inay Itoobiya diyaar aheyn inay Soomaaliya arrintaas kala heshiiso.

ugu dambeyntii dowladda Itoobiya markii ay aragtay siyaasad adeegga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey go’aansatay inay afka u maceyso sidii ay lugaha ula soo geli laheyd siyaasadda Dowladda dhexe, waxaana madaxweyne Farmaajo u haboon inuu iska ilaaliyo dowladdaas aan cadawga nahay isla markaasna uu ula macaamilo si ka fiirsasho leh.

Hailemariam oo sheegay in isbeddel ku dhacay Ethiopia oo qasbaya in Somalia ay…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday dhawaan dalka Itoobiya halkaas oo uu kulan xasaasi ah kula qaatay Ra’isulwasaaraha Itoobiya H.E. Hailemariam Dessalegn, wuxuuna kulankaas ahaa midkii ugu horeeyey ee dhex mara labada Mas’uul.

Haddaba labada Mas’uul ayaa markii ay wada hadleyn waxay saxaafadda la wadaageen qodobadii ay ku heshiiyeen, Caasimadda online ayaana xoogga saartay inay waxyaabihii ay labada Mas’uul saxaafadda u sheegeen kasoo qaadato qodobadii ugu muhiimsanaa, waxaana idinkaga soo dhignay Af-Soomaali , maadaama war saxaafadeedka ahaa mid ku baxay luuqadda Ingiriiska.

Qodobada aan warbixintaan uga hadli doono waa Hailemariam oo sheegay in Ethiopia aysan ahayn sidii hore, ayna ku xiran tahay Soomaaliya, waxaadna qodobkaas ka daawan kartaa muuqaalka hoose, gaar ahaan daqiidda 13:15 – 14:21.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa xusay inaysan Itoobiya aheyn sidii hore oo ay jiraan dad isku dayo inay weli sawiraan Itoobiya inay thaay sidii hore.

Itoobiya  sidii hore maaha, dad ayaa isku dayaya in weli ay u sawiraan Itoobiya inay tahay sidii hore, Itoobiya hadda waa mid ka duwan sidee waagii hore, waa mid dooneysa isku xirnaan” ayuu yiri Ra’isulwasaaraha.

“ Itoobiya hadda kaligeed wax ma noqon karto, Soomaaliya iyana kaligeed wax ma noqon karto, waan isku xiranahay, waxaan barwaaqo ku gaari karnaa oo kaliya inaan isla shaqeyno, iskana kaashano dhan walba” ayuu sii raaciyey.

Hadalkaan ayaa ujeedkiisa ahaa inay soo dhamaatay cadaawadii ka dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya lagana soo gudbay, markaana loo baahan yahay inay labada dal iska kaashadaan dhanka amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeyso cadaawad soo jireyn ah, wuxuuna dagaal xoog badan dhex maray sanadkii 1977 markaas oo ay Soomaaliya gudaha u gashay Itoobiya iyadoo ku dadaaleysay inay soo ceshato dhul ay Soomaaliya ka heysatay, balse markii waa lagu guul dareystay ilaa haddana way heysataa.

Hadalkaasna dadka Soomaaliyeed marnaba ma aamini karaan, maadaama labada dal uu ka dhaxeeyo cadawtinimo soo jireyn ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Hailemariam oo sheegay hal arrin oo aysan marnaba kala hadli doonin maamul goboleedyada Soomaaliya

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday dhawaan dalka Itoobiya halkaas oo uu kulan xasaasi ah kula qaatay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya H.E. Hailemariam Dessalegn, wuxuuna kulankaas ahaa midkii ugu horeeyey ee dhex mara labada Mas’uul.

Haddaba labada Mas’uul ayaa markii ay wada hadleyn waxay saxaafadda la wadaageen qodobadii ay ku heshiiyeen, Caasimadda online ayaana xoogga saartay inay waxyaabihii ay labada Mas’uul saxaafadda u sheegeen kasoo qaadato qodobadii ugu muhiimsanaa, waxaana idinkaga soo dhignay Af-Soomaali , maadaama war saxaafadeedka ahaa mid ku baxay luuqadda Ingiriiska.

Qodobada ugu horeeyo oo aan warbixintaan uga hadli doono waa Ra’isulwasaaraha Itoobiya oo ka dhawaajiyey hal arrin oo aysan kala hadli doonin Maamul Goboleedyada dalka ka jiro, waxaadna qodobkaas ka daawan kartaa muuqaalka hoose, gaar ahaan daqiidda 04:31 – 06:07

Ra’isulwasaaraha Itoobiya H.E. Hailemariam Dessalegn ayaa si toos ah u shaaciyey inaysan maamul Goboleedyada Soomaaliya ka jira kala hadli doonin arrimaha ku aadan amniga iyo dhisidda ciidamada Qaranka ee la filayo in Soomaaliya loo dhiso, waxaana garabkiisa taagnaa Madaxweyne Farmaajo oo u riyaaqayey  hadalkaas lana arkayey isagoo madax ruxayo si uu u muujiyo inuu ku qanacsan yahay hadalkaas.

“ Sida ka muuqato heshiiska, System-ka Federaalka Soomaaliya wuxuu uu baahan yahay dowladd federal oo awood leh, sidoo kalana maamul Gobleedyo leh xuquuq dastuuri ah, dowladda dhexe ayeyna khuseysaa arrimaha amniga iyo qaranimada Soomaaliya, Ilaalinta madax banaanida iyo qaranimada waa aasaaska wada shaqeynta labada dowladood ee Itoobiya iyo Soomaaliya” ayuu yiri Ra’isulwasaaraha Itoobiya

“ Dowladda Itooboya waxay diyaar u tahay inay Soomaaliya kala shaqeyo sidii loo dhisi lahaa ciidamo qaran, waxaana diyaar u nahay inaan sameyno wax kasta oo ay naga codsato dowladda Soomaaliya, Qorshaha sameynta ciidamada waa howl u taal dowladda Soomaaliya, iyadaa mas’uuliyaddaas iska leh,  iyadaana laga rabaa inay qoroto qaabka ay u sameysaneyso” ayuu hadalkiisa sii raaciyey”.

“ Dowladda Itoobiyana waxay diyaar u tahay inay arrimaha ciidamada Qaranka Soomaaliya si toos ah ugala hadasho dowladda dhexe” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Ujeedka hadalkaas ayaa ah inaysan dowladda Itoobiya wax dhisidda ciidamada qaranka kala hadli doonin maamul Goboleedyada balse ay si toos ah ugala hadli doono dowladda dhexe.

Arrinta uu ka dhawaajiyey Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa ah arrin sharci ah marka loo fiiriyo Federalism-ka, waxaana waajib ah inay arrimahaas dowladaha kala hadasho dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Haddii uu Ra’isulwasaaraha Itoobiya ka dhabeeyo ballanqaadka uu Madaxweyne Farmaajo u sameeyey kana mid aheyd heshiiska labada Mas’uul, waxayna fursad weyn u noqon doontaa Ummadda Soomaaliyeed, maadaama  Itoobiya looga bartay inay si toos ah arrin kasta kala hadasho maamul Goboleedyada.

Kulanka labada Mas’uul ayaa lagu tilmaamay inay macquul tahay inuu xal u noqdo xiriirka xun ee ka dhaxeeyo labada dowlad, maadaama markii la doortay Farmaajo ay ka xumaatay dowladda Itoobiya oo aragto inuu yahay nin aan diyaar u aheyn inuu la macaamilo.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Xog: Maxaa iska beddelay go’anka Farmaajo ee safaarada Ethiopia looga rarayo Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku aadan go’aanka Madaxweyne Farmaajo uu Safaarada Ethiopia uga raraayo Xarunta Villa Somalia.

Wararka soo baxaaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Dowlada Ethiopia ku qanciyay in Safaaradeeda ay ka rarto Villa Somalia isla markaana ay u yagyeesho dhismo cusub.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Ra’sul wasaaraha Ethiopia Hailamariam Desalegn u sheegay in sharciga Villa Somalia looga raraayo Safaradaha ku dhexyaal uu yahay mid ay ka siman tahay DFS, loona baahan yahay in Ethiopia ay ku qanacdo sharciga dowlada cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Ra’sul wasaaraha Ethiopia Hailamariam Desalegn u sheegay in Safaaradaha laga guurinaayo Villa Somalia ay ku jirto Safaarada dowlada Djibouti oo xiriir walaaltinimo ay kala dhexeyso Somalia.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo oo ka dhabeynaaya go’ankiisa ayaa dowlada Ethiopia ku qanciyay inay ka guurto Xarunta Safaarada ee ku dhextaal Villa Somalia.

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guuleystay in dowlada Ethiopia uu ku qanciyo go’aankiisa ku aadan ka guurida Villa Somalia, waxa uuna go’aankaasi saameynayaa dhammaan Safaaradaha ku dhex shaqeeya Xarunta Madaxtooyada.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Xog: Qunsuliyadaha Ethiopia ee gobollada Somalia: Muxuu Farmaajo u sheegay Hailemariam?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Ra’sul wasaaraha Ethiopia Hailamariam Desalegn ku wargaliyay in dowladiisu aysan u dulqaadan karin in Ethiopia ay dhowr Qunsuliyadood ku yeeshan Gobolada dalka.

Madaxweynaha ayaa Hailamariam Desalegn u sheegay inaanu sharci aheyn in hal wadan uu dhowr Qunsuliyadood ku yeesho hal dal, waxa uuna ugu baaqay in dhammaan Qunsuliyadahaasi la hoosgeeyo Safaarada Ethiopia ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Hailamariam Desalegn u sheegay inaanu suuragal aheyn in Qunsuliyadahaasi ay dadka shacabka ah ku dhibaan Fiisooyinka dal ku galka ah, waxa uuna Ra’isul wasaaraha Ethiopia ka dalbaday in dib loo eego dhaqanka ay Qunsuliyadaha Ethiopia ku hayaan dadka shacabka ah.

Waxa uu sidoo kale ka dalbaday in mas’uuliyiinta ku magacaaban Qunsuliyadahaasi si dhow ula shaqeeyan Safaarada isla markaana ay fududeeyaan hawlaha isu socodka sida bixinta dalkugalka (Visa).

”Ethiopia waxaan ka dooneynaa inay u hogaansanaato sharciyada caalamka, suuragal maaha in sida la doono laga yeesho shacabka xiriirka labada dal waxa uu hagaagikaraa markii dalka uu tixgaliyo shacabka dalka kale ee uu ka doonaayo xiriirka”

Ra’sul wasaaraha Ethiopia Hailamariam Desalegn, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ka aqbalay in dhammaan Qunsuliyadaha ay ku leeyihiin Somalia la hoosgeeyo Safaarada, isla markaana la fududeeyo hawlaha isu socodka sida bixinta dalkugalka (Visa).

Dowlada Ethiopia ayaa ilaa Seddex Qunsuliyadood ku leh Caasimadaha maamul Goboleedyada dalka kuwaa oo dadka shacabka ah ku dhiba Aqoonsiga dalkugalka ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Yuusuf Indha-Cadde oo hal talo usoo jeediyay DF amarna siiyay ilaaladiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Sheikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa ka hadlay dhibaatada dhex marta inta badan shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

Indha-cadde ayaa ka hadlay dhibaatada ugu badan ee ka dhalata askarta badan ee ay wataan madaxda dowladda Soomaaliya, taasi oo dhibaato ku ah shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Wuxuu kula taliyay dowladda Soomaaliya si loo yareeyo dhibaatada ilaalada dowladda kasoo gaarta shacabka Soomaaliyeed in loo baahan yahay in dowladda iyo madaxdeeda loo sameeyaa waddo gaar ah oo iyaga kaliya ay maraan.

Dhibaatada ugu badan ee dhalata ayuu sheegay inay ka timaado ciidamada ilaalada ah, maadaama ay ku jiraan difaacida naftooda iyo dadka ay ilaalinayaan, taasi oo sababta inay garan waayaan cidda ay iska ilaalinayaan.

“Runtii way adag tahay in wax laga qabto dhibaatooyinka ilaaladda Madaxda Dowladda Somaliya ay u geystaan shacabka isticmaalaya wadooyinka,balse hadii la sameeyo wado u gaar ah ilaaladdda iyo madaxda Dowladda Somaliya xal ayaa la helayaa.”, ayuu yiri Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde.

Marar badan ayay dhacday in ilaalada madaxda dowladda Soomaaliya ay waxyeelo gaarsiiyaan dad shacab ah, waxaana ugu dambeysay dilkii wasiir Siraaji oo ay ka dambeeyeen ilaalada hanti dhowrka qaranka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Waa maxay qorshaha cusub ee Wasiir Juxa kadib fashilka kulanka Galmudug iyo Ahlu-Suna?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Somalia Cabdi Faarax Saciid (Juxa), ayaa sheegay in Wasaaradiisa aysan wali ka khuusan isku keenida maamulka Galmudug iyo Ahlusunada Gobolada Dhexe.

Wasiir Juxa, ayaa tilmaamay inuu aaminsan yahay in labada maamul ay ka heshiin doonaan Khilaafka ka dhextaagan, waxa uuna intaa raaciyay in wax waliba ay kusoo dhamaan doonaan sidii loogu tallo galay.

Juxa, ayaa tilmaamay inay jiraan dadaalo kale oo leysugu geynaayo labada maamul waxa uuna meesha ka saaray in Wasaaradiisu ay ka gaabin doonto xalinta khilaafka labada maamul.

”Wasaaradu wali kama quusan isku keenida labada dhan waxan sameyn doonaa dadaalo ka duwan kuwii hore oo leysugu geynaayo labada maamul”

”Waxaan qabaa in khilaafka laga gudbo oo dib loo eego xaalada uu dalka ku jiro Wasaaradu dhinacyo badan ayay wax ka tusi doontaa labada maamul si leysugu soo dhawaado”

Juxa, waxa uu sidoo kale, sheegay inaanu jirin kulan fashilmay balse waxa uu tilmaamay in kulankii hore uu ahaa mid kusoo dhamaaday is fahan’waa keliya.

Juxa, ayaa xaqiijiyay inay jiri doonaan kulamo kale oo loo qaban doono labada dhinac si loo soo afjaro.

Haddalka Wasiir Juxa, ayaa imaanaya xili Ahlusuna ay shaacisay in DFS ay lamid noqotay dowladihii hore ee ku fashilmay xalinta khilaafka kala dhexeeya Galmudug.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

47 Maxaabiis Kunteenaro ku jiray oo lagu wareejiyay maamulka Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku wareejisay maamulka Jubbaland Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Kenya, kuwaasi oo qabay dhibaayo xoogan.

Taliyaha Ciidamada degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose Heybe Axmed Cabdullaahi ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaani ay ku jireen Konteenaro ku yaalla dalka kenya,halkaasina ay maxaabiis ku ahaayeen.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi Markii hore laga waday Soomaaliya , islamarkaana la doonaayay in laga ganacsado, isagoo sheegay in dhibaato xun ay ku heysatay dalka Kenya maadaama ay ku xirnaayeen Kunteerano.

Maamulka Jubbaland ayuu sheegay taliye Heybe in xiriir ay la sameeyeen dowladda Kenya in ay u suurta gelisay in lagu soo wareejiyo dadkaani, isagoo sheegay inay xanaaneyn doonaan, maadaama ay ka muuqato nolol adag.

Tirada dadka lagu wareejiyay maamulka Jubbaland ayaa dhan 47 qof oo badankood laga waday gudaha dalka Soomaaliya, sida uu sheegay taliyaha Dhoobleey.

Dadka lagu wareejiyay maamulka Jubbaland ee Muddada ku dhibaateysnaa dalka kenya waxaa ku jira haween iyo Caruur.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Hab dhaqanka ciidamada DF ee shacabka oo hal arrin ku qasbay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay falalka ay ciidamada dowlada kula kacaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Taliyayaasha Hay’adaha amaanka uu kula xisaabtami doono halkii xabad ee loo ridaa si maalaayacni ah ama loo isticmaalo dadka shacabka ah.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowlada ay ku jiraan kuwo u baahan in wax laga baro sharciyada waxa uuna cadeeyay inaan la aqbali karin in ciidamada dowlada ay rasaaseeyan dadka shacabka ah.

Madaxweynaha ayaa Hay’daha amaanka ku amray inay xakameeyaan habdhaqanka aan wanaagsaneyn ee ciidmada waxa uuna cadeeyay in ujeedka loo sameeyay ciidamada dowlada uusan aheyn inay ku tacdiyaan shacabka.

”Waxaan dooneynaa in ciidamada dowlada ay soo dhaweystaan dadka shacabka ah si loo helo wada shaqeyn, waxaa nasiib darro ah in ciidamadii loogu tallo galay la dhaqanka shacabka ay dib ugu laabtan dadkii shacabka ahaa”

”Dowladu uma dulqaadan doonto in ciidamada ay waxyeeleyaan dadka shacabka Askarigii lagu qabtaa isagoo si xun ula dhaqmaayo shacabka maatida ah waxa uu qaadan doonaa wixii uga soo baxa sharciga”

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka ayaa ku baaqay in Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ay la xisaabtamaan ciidamada ay mas’uulka ka yihiin ee dadka shacabka ah ku tacadiya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET