24.4 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

Michael Keating oo cadeeyay mowqifka QM ee baaritaanka dilka Wasiir Siraji

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, ayaa ka hadlay dilka afafka hore ee Villa Somalia loogu geystay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Soomaaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.

Micheal Keating, ayaa sheegay in QM ay aad uga walaacsan tahay dilka Wasiir Siraaji, waxa uuna Wakiilka tilmaamay in dilkaasi uusan aheyn mid sahlan.

Micheal Keating, ayaa wax laga argagaxo ku tilmaamtay falka lagu dilay Wasiir Siraajo waxa uuna ku baaqay in baaritaanka dilka Wasiirka uusan noqon mid la fududeysto.

Waxa uu Micheal Keating intaa ku daray in QM ay diiwaanka ku dari doonto falkaasi naxdinta leh, wuxuuna tilmaamay in uu aad uga murugeysan yahay geerida Wasiir Siraaji.

Keating ayaa Ehelada Marxuumka, Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay Geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya.

Keating, waxa uu tilmaamay in mowqifka QM uu yahay in il gaara lagu eego kiiska dilka Wasiirka waxa uuna shaki galiyay in dilka Wasiirka uu yahay mid ku dhacay shaki.

Geesta kale, Micheal Keating ayaa DFS gaar ahaan Hay’adaha amaanka ugu baaqay inaan la fududeysan qaabka uu u dhacay dilka Wasiir Siraaji.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Ethiopia oo shaacisay fulinta arrin xiisad dagaal ka abuuri karta gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu khilaaf xoogan ka dhexeeyo dowladaha Ethiopia iyo Masar ayaa waxaa soo baxaaya in Dowlada Ethiopia ay wado qorsho ay quwada korontada ugu dhoofineyso dalka Masar.

Bizuneh Tolcha oo ah Madaxa warfaafinta iyo xiriirka dadwaynaha ee wasaarada Biyaha, korontada iyo waraabka Ethiopia ayaa sheegay in dhamaad uu maraayo qorshaha ay quwada korontada ugu dhoofinayaan dalka Masar.

Bizuneh Tolcha, waxa uu sheegay in Dowlada Ethiopia ay awood u leedahay in quwada korontada ay gaarsiiso dhammaan dalalka Africa waxa uuna carab dhabay in mustaqbalka dhow magaalada Addis Ababa ay noqon doonto halka laga maamulo korontada Africa.

”Bixinta korontada Ethiopia waxaan ka bilaabi doonaa Masar, waxaa jir qorsho kale oo aan dooneyno in mustaqbalka dhowr korontada ku gaarsiineyno dhammaan dalalka Africa”.

Mr Bizuneh Tolcha, ayaa sheegay in iminka Ethiopia ay diyaarinayso qaabkii quwada korontada u gaarsiin lahayd Masar kadib markii ay Masar muujisay rabitaanka arintaas ku aadan.

Mas’uulkaani waxa uu arrin sahlan ka dhigay khilaafka ka dhexeeya Dowladaha Ethiopia iyo Masar waxa uuna tilmaamay in Dowlada Ethiopia ay u muuqato inay hirgaliso rabitaankeeda.

Dhinaca kale, khilaafka labada dal ayaa salka ku haya dhismaha biyaxidheenka weyn ee Abay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Maxay Jubbaland ka tiri Dilka Wasiir Siraaji ee ka dhacay afafka Villa Somalia

Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dilka Wasiir Cabaas C/laahi Siraaji oo xalay ka dhacay afafka hore ee Xarunta Villa Somalia.

Madaxtooyada maamulka ayaa sheegtay in DFS ay ka doonayaan inay ka jawaab bixiso dilka Wasiirka ahna Xildhibaan laga soo doortay Kismaayo.

Madaxtooyada Jubbaland waxa ay dalbatay in Xukuumada Kheyre ay uga fadhiyaan in cida ka danbeysay falkaasi ay ku dhaqan galiso Cadaaladii ay sheegeysay.

Sidoo kale, qoraal kasoo baxay maamulka ayaa waxaa dhammaan Qaranka iyo Ummadda Soomaaliyeed loogu Tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Cabaas C/laahi Siraaji.

Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Soomaaliya, ahaana Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Cabaas C/laahi Siraaji ayaa laga soo doortay Degaanada Jubbaland.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Video: Booliska Sacuudiga oo si xun ula dhaqmaya muwaadin Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska dalka Sacuudiga ayaa gaari jiirsiiyay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/raxmaan Sheekh Cumar M.Cabdullahi.

Ciidamada ayaa falka kadib Xabsi u taxaabay muwaadinkaani oo dhaawac ah, waxaana la sheegay inay ka burburiyeen qeybaha danbe ee jirka.

Muwaadinkaani oo falka kadib kasoo muuqday muuqaal laga duubay ayaa sheegay in lagu abaalmariyay daawooyin aan tayo laheyn isla markaan la dayacay ka warqabkiisa Caafimaad.

C/raxmaan Sheekh Cumar M.Cabdullahi, ayaa sheegay inuu ka burburay lafta dhabarka iyo luga waxa uuna cadeeyay in Safaarada Somalia ee Sacuudig ay iska indha tirtay is garabtaagiisa, sida uu hadalka u dhigay.

C/raxmaan Sheekh Cumar M.Cabdullahi, waxa uu sheegay in lagu inkiray xuquuqda uu ku lahaa dowlada Sacuudiga ee dhan Caafimaad iyo mid daryeelba ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Akhriso: Farmaajo oo Geerida Wasiirka aawgii dib ugu soo laabanaayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa goordhow shaaciyay inuu soo gabagabeynaayo booqashada uu ku joogo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Qoraal kooban oo lagu soo dabacay Barta Twetter-ka Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu dib ugu soo laabanaayo Magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ka qeybgali doono aaska Marxuum Wasiir Cabaas Siraaji oo Caawa lagu dilay afafka hore ee Villa Somalia.

Booqashada Madaxweynaha ee dalka Ethiopia ayaa aheyd muddo laba cisho ah, waxaana lagu wadaa in maalinta beri ah uu dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo aaska Wasiirka.

Akhriso taariikhda wasiir Cabaas Siraaj oo caawa lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Marxuum Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji Wasiirkii Howlaha Guud & Dib-u- Dhiska: waxaa uu u dhashay Digil iyo Mirifle.

Waxaa uu dhashay 1986-dii, in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Marxuumka Xerada Dhadhaab ayuu uga baxay dugsi sare, shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka, Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya.

Waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay Ururada ay ku mideysnaayen Ardayda Soomaalida ee Iskuulka iyo Jaamacada uu kasoo baxay.

Marxuumka ayaa Sideedii sano ee ugu danbeysay ku guda jiray howlaha la xiriira arrimaha Bulshada, waxa uuna inta badan caawin jiray dadka ay wax isla soo barteen ama kuwa ay ku adag tahay inay iska bixiyaan waxbarashada.

Marxuum Cabaas Siraaji, ayaa bishii November ku soo biiray Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Marxuumka ayaa March 21,2017 kamid noqday Wasiirada Xukuumada Somalia ee uu soo magacaabay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre waxaana loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska.

Marxuumka ayaa ugu danbeyntii taariikhdu marka ay tahay May 3, 2017 inta u dhexeysa Salaada Maqrib iyo Cisho ku baxay gacanta Ciidamada DFS.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Xog-warran: Sidee ayuu u dhacay dilkii wasiir Cabaas Siraaj + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa goordhow iridka Villa Somalia lagu toogtay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib udhiska DFS Cabaas C/laahi Shiikh Siraaji.

Wasiirka ayaa waxaa toogtay ciidamo ka tirsan DFS, oo la socday gaari nooca loo yaqaan Hilux oo uu la socday ma’suul katirsan dowlada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxaa la xaqiijiyay in rasaas ay ku fureen ilaa Seddex Askari oo qeybta danbe ka saarnaa Gaariga Hilux ee uu la socday mas’uulka ka tirsan DFS.

 

Wasiirka la dilay ayaa sidoo kale la sheegay inuu la socday hal Askari oo isna uu dhaawac soo gaaray sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha Booliska ee goobta gaaray.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay ciidamadii dilka ka dambeeyay, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen Ilaalada Hanti dhowrka Guud ee Qaranka.

Cabaas Siraaji, ayaa bishii November ku soo biiray Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Geesta kale, Siraaji oo ka mid ahaa Xildhibaanada ugu da’da yar ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa ku soo barbaaray xeryaha qaxootiga ee ku yaala Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Saacadihii ugu dambeeyey ee noloshii wasiir Cabaas Siraaj iyo wixii uu qabtay

Wasiirkii Wasaaradda howlaha guud ee xukuumadda Kheyre ayaa geeriyooday markii ay rasaas ku fureyn ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa ka tirsan ilaalada Hanti dhawraha qaranka.

Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji ayaa ahaa Wasiirkii ugu da’da yaraa ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa dhalinyaradii ku soo biirtay Baarlamaanka Federaalka.

Haddaba waxana idiin soo gudbineynaa waxyaabihi ugu dambeeyey ee uu qabtay kuwaas oo uu soo dhigay barihiisa bulshada sida Twitterka iyo Facebook oo ay ugu dambeysay warbixin uu Twitterka soo dhigay 6 Saac ka hor dhimashadiisa.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Madaxda DF Somalia oo war deg deg ah kasoo saaray dilka wasiir Cabaas Siraaj

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda Qaranka ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji oo caawa fiidkii xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.

Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. Yarisow ayaa yiri “Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa shaqsi dhalinyaro ah oo si aad ah uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Waxuu ahaa shaqsi leh mustaqbal wanaagsan. Waxuu ka mid ahaa dhalinyaradii xerada Qaxootiga Dhadhaab ku soo koray oo wax ku soo bartay, ka dibna dalkiisa hooyo dib ugu soo laabtay si uu waddanka wax ugu qabto.”

Madaxda Qaranka ayaa dhammaan shacabka ka codsaday inay murugada naxdinta leh la qeybsadaan qoyskii marxuumka iyo dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu u ahaa tusaale fiican oo aad uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Wasiir Cabaas maanta ayuu Muqdisho ku daahfuray Mashruuca Tayeynta Shaqaalaha oo uu maalgelin uga soo helay Bankiga Horumarinta Afrika.

Innaa Lillaahi wa Innaa Illaahu Raajicuun, Geeridu waa xaq, Wasiirkii Howlaha Guud waqtigiisa ayaa dhamaaday, falka geeridana baaris baa lagu sameyn doonaa oo shacabka lala wadaagi doonaa sida wax u dhaceen.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Sawiro: Wasiirka arrimaha gudaha Juxa oo maanta socdaal lugta ah ku maray Cadaado

Cadaado (Caasimadda online) – Wasiirka Aririmaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa galabta kormeer lugta ah kusoo maray qeybaha kala duwan ee Magaalada Cadaado si uu usoo qiimeeyo xaaladaha kala duwan haddii ay ahaan laheyd dhanka  Nololsha, Nabadda, amniga, is dhexgalka Bulshada iyo horumarka.

Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyey qaar ka tirsan wasiirada dowladda Soomaaliya, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, guddoomiye ku xigeenka Baarla,aanka iyo afhayeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdifataax Daahir Mire.

Wasiirka ayaa indha indheen kusoo sameeyey jidad waaweyn oo laga sameeyey Magaalada Cadaado waxaana jidadka kala baray Guddoomiyaha Degmada Cadaado oo socdaalka dhankiisa ka qeyb qaatay, wuxuuna uga mahadceliyey Juxa Madaxda Galmudug sida ay ugu dadaaleen Cadaado.

Sidoo kale wasiirka ayaa qeybaha kala duwan ee Bulshada kula sheekeystay gudaha Magaalada Cadaado, wuxuuna shaaha kula cabay Maqaayadaha kala duwan ee ku yaal Magaalada.

Sidoo kale wuxuu booqday qaar ka tirsan Haweenka Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo ku sugnaa Magaalada Cadaado, wuxuuna ku dhiirageliyey inay horey usoo wadaan shaqada ay hayeen, dhankodana waxay haweenka wasiirka u shubeen Caano ay ugu talagaleen.

Markii uu soo dhamaaday socdaalkii lugta ahaa ee Magaalada ayuu saxaafadda kula hadlay baar ku yaal bartama magaalada, wuxuuna ka mahadceliyey sida sharafta leh ee dadka Cadaado usoo dhaweeyeen.

“ Runtii waan ku faraxsanahay inaan Maanta Magaalada Cadaado socod lugta ah kusoo maro, midaas waxay muujineysaa amniga ka jiro Magaalo oo ay sabab yihiin Madaxda Galmudug, waxaan codsanayaa in horey loo sii socdo Magaaladana ay sidaas sii ahaato” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Socdaalka lugta ee wasiirka ayaa imaaday kadib markii uu Maanta ka qeyb galay doorashadii Madaxweynaha Galmudug ee uu ku guuleystay Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxayna aheyd doorasho ku dhacday si cadaalad ah.

Kheyre oo booqan doona goobaha ugu halista badan dalka (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Ciidamada Qaranka ku heysta furumaha dagaalka.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Ciidamada Qaranka ay heystaan dhibaatooyin farabadan oo aan lagu soo koobi karin hadal, waxa uuna tilmaamay inuu diyaar u yahay in Qaranimada Somalia uu u huro naftiisa.

Waxa uu Ra’isul wasaaraha sheegay inuu booqan doono dhammaan furumaha dagaalka si uu usoo dariso dhibaatada heysata Ciidamada Qaranka.

Wuxuu cadeeyay in Xukuumadu ay kaalinta koowaad siin doonto Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ballanqaaday inuu socod ku mari doono dhammaan furumaha dagaalka oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dalka.

Ra’isul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirada ay diyar u yihiin in ay taageeraan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay u helaan niyad wanaag.

Ra’isul wasaaruhu ma uusan sheegin xiliga iyo ayaanka uu booqan doono furumaha dagaalka balse waxa uu cadeeyay inuu gaari doono dhammaan furumaha Ciidamada.

”Ma doonaayo in leygaga sheekeeyo xaalada ay ku noolyihiin Ciidamada ku sugan furumaha dagaalka waxaan doonayaa inaan indhaheyga kusoo arko sida ay xaaladu tahay waayo waxaa iga go’an inaan dhibta la wadaago Ciidamada duurka ugu jir difaaca dalka iyo dadka aawgood”

Haddalka Ra’isul wasaare Kheyre ayaa kusoo aadaya xili dhawaan ay DFS ballanqaaday in mudnaanta koowaad ay siin doonaan Ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqalka Sare oo shaaciyey xubnaha liiska kama dambeysta ah ee guddiyada 8-da ah (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida caadaduba aheyd Golaha aqalka sare ayaa maanta kulan caadi ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulanka Golaha ayaa waxaa ku dhamaa Guddoonka iyo dhamaan Xildhibaanada, iyadoo kulanka looga wada hadlay howlo farabadan oo khuseeya Aqalka Sare.

Guddoonka golaha ayaa kulanka ka shaaciyay magacyada Guddiyada Aqalka Sare oo dib u habeyn lagu sameeyay waxa ayna soo bandhigeen 9 Guddi oo guddi waliba uu leeyahay howlgaar ah.

Guddiyada oo horay loo sameeyay ayaa dib u habeyn lagu sameeyay kadib markii ay soo baxeen Senatoro aan la jaanqaadi karin Guddiyada qaar ee lagu kala daray.

1. Guddiga La socodka Dib-u eegista, Dhaqangalinta Dastuurka iyo arimaha Federaalka.

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole-xubin
  2. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid. xubin
  3. Iftiin Xasan IimaanBaasto.xubin
  4. Cabdikariim Maxamed Xasan.xubin
  5. Xuseen Sheekh Maxamuud. xubin

2. Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa , Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarad

  1. Xasan Faarax Xujeel-Guddoomiye.
  2. Axmed Cabdixafid Bulsho- gudd ku-xigeen
  3. Cabdullahi Cabdi Garuun.
  4. Bilaal Idirs Cabdullahi.
  5. Mahdi Daahir Sh, Nuur.

3. Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta

  1. Zamzam Ibraahim Cali- Guddoomiye
  2. Faadumo Xasan Geenyo- gudd ku-xigeen
  3. Cusmaan Axmed Macow. Xogheyn
  4. Abuukar Axmed Xaashi.
  5. Cumar Cabdirashid Sharma’arke.

4. Guddiga Arimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta Iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada

  1. Muhyudiin Sh. Cali Jaamac-Guddoomiye.
  2. Jawaahir Axmed Cilmi. gudd ku-xigeen
  3. Timiro Maxamed Cali. Xogheyn
  4. Maxamed Xuseen Raage.
  5. Saciido Xasan Xuseen.
  6. Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex.

5. Guddiga Difaaca Iyo Amniga

  1. Maxamed Amin Sh. Cusmaan-Guddoomiye.
  2. Xuseen Cali Xaaji Cabdalla. gudd ku-xigeen
  3. Farhaan Cali Xuseen. Xogheyn
  4. Axmed Xaashi Maxamud
  5. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
  6. Cabdirisaq Axmed Cali

6. Guddiga Arimaha Dibedda Qorsheynta, Maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah

  1. Cabdrisaaq Cismaan Xasan Juriile-Guddoomiye
  2. Maxamed Cusmaan Faarax”Dhagajuun”. gudd ku-xigeen
  3. Saciid Cabdi Xuseen. Xogheyn
  4. Ayub Ibrahim Yusuf.
  5. Cabdisalaam Xaaji Maxamed.
  6. Mustafa Maxamed Qodax.

7. Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arimaha Bani ‘aadanimada Warfaafinta iyo Dhaqanka.

  1. Axmed Macalin Cumar Nadiir-Guddoomiye.
  2. Aden Cali Aden. gudd ku-xigeen
  3. Muno Xasan Cumar. Xogheyn
  4. Zamzam Daahir Maxamud.
  5. Cusmaan Maxamud Maxamed.
  6. Nuur Faarax Jaamac.

8. Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka

  1. Ilyas Cali Xasan-Guddoomiye.
  2. Shukri Aden Maxamed. gudd ku-xigeen
  3. Naciimo Ibrahim Yusuf. Xogheyn
  4. Maxamud Axmed Maxamud Mashruuc.
  5. Yusuf Geelle Ugaas.

9. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.

  1. Sen Cabdi Axmed Dhuxulow-Guddoomiye
  2. Deeqo Xasan Xuseen. gudd ku-xigeen
  3. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  4. Sen Bootaan Barre Samatar. Xogheyn
  5. Farxaan Cali Xuseen .
  6. Sen . Muuse Suudi Yalaxow

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Sawirro: Itoobiya oo soo dhaweyn aan horey loo arag u sameysay madaxweyne Farmaajo

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo waxaa garoonka Addis ababa ku soo dhoweeyay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Deslegn iyo madaxweynaha maamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Soo dhoweynta oo ahayd mid aad weyn oo aan hore loo arag ayaa lagu maamuusay qaabka madaxda dalalka waaweyn, waxaana la sheegay inuu Farmaajo joogi doono Addis ababa muddo laba maalmood ah, isagoo wadaahdal la yeelan doona madaxda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uga bilaabatay Addis Ababa booqasho qaran oo qaadan doonta labo cisho, waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Itoobiya Mulato Tshome iyo Ra’iisul Wasaare Hailemariam.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa inta ay joogaan Addis Ababa booqan doono goobo kala duwan oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Federaalka Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu madaxda dalka Itoobiya uu kala xaajoon doono arimo ay ka mid yihiin horumarinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale Iskaashiga dhanka Amniga, iyo waliba arimo ku sabsan ciidamada Itoobiya ka jooga Soomaaiya.

Waa Safarkiisii koowaad ee uu Itoobiyo ku tago tan iyo markii xilka madaxweynenimo loo doortay bishii labaad e sanadkaan , waana booqashadii labaad ee uu dalalka dariska ku tago  halka isla safarka maanta uu yahay socdaalkiisii 6-aad ee uu ku tago meel ka baxsan Soomaaliya.

Farmaajo ayaa hore u tagay dalalka Sucuudiga , Kenya ,Imaaraada, Jordan, iyo Turkiga , halka Safarkiisa maanta ee Itoobiya uu yahay kiisii 6aad.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Daawo Sawirro: Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo si ballaaran u xusay Maalinta Saxaafadda Adduunka

Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn u magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ugu xusay Maalinta Saxaafadda Adduunka, iyaga isugu jira gabdho iyo wiilal.

Munaasabad uu soo qaban qaabiyay Ururka NUSOJ oo ay taageereyso Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa maanta ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho ,Garowe ,Kismaayo ,Adado ,Baydhaba iyo Jowhar.

Wariyayaasha Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida ay shardi u tahay xorriyadda warbaahinta iyaga si isla mid ah ugu baaqay dhamaan dhinacyda oo dhan in ay ixtiraamaan xorriyadda hadalka iyo madax bannaanida warbaahinta.

Wasiirka warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow ) iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo wariyayaasha dabbaal degga kula qeybsaday Beerta Nabadda ayaa muujiyay in ay ka go’an tahay in wariyayaasha gacan ku siiyaan howshooda muhiimka ah waxana wasiirka uu ku tilmaamay wariyayaasha in ay yihiin geesiyayaal u shaqeynaya shacabkooda .

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating iyo kooxda xafiiskiisa ayaa saaka la quraacday xubno ka socday saxaafadda madaxa bannaan oo uu hogaaminyay Xoghayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Munaasabad ka dhacday xarunta Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Suxufiyiin iyo mas’uuliyiin kala duwan,

Dadkii fagaaraha beerta nabadda ka hadlay waxaa ka mid ahaa wariye C/llaahi Muuse Kalgacal oo shalay xabsi ka soo baxay, waxaana uu u mahad celiyay NUSOJ oo dadaal u gashay sii deyntiisa, isagoo meesha ka saaray warar beryihii la soo dhaafay lagu qorayay baraha bulshada in wariyayaashu ay iloobeen xaragiisa.

Munaasabadda Maalinta Saxaafadda Adduunka awgeed hoggaanka NUSOJ waxa ay hambalyo u dirayaan wariyayaasha Soomaaliyeed oo muujiyay dhabar adeyg xilli ay jirto tacdiyo loo geysanayo bahda saxaafadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale NUSOJ maalintii shalay ee Talaadada aheyd waxa ay dood cilmiyeed ku saabsan Sinnaanta Cadaaladdaiyo Sida ay Shardi u Tahay Xorriyadda Hadalka ku qabteen hotelka Jazeera.

Waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Xildhibaan Khaalid Macow iyo Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac . Avv Cumar Dhageey , Yusuf Hassan Isak oo rug caddaa saxaafdeed iyo Wali Hashi oo saxafi dalal badan oo adduunka ka soo shaqeeyay ayaa waayaragnimadooda la wadaagay tifatirataasha warbaahinta madaxa bannaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Maxay tahay sababta keentay inay Somaliland joojiso dabaaldagii ay u sameyn jirtay maalintii ay Soomaaliya ka goysatay?

Hargeysa (Caasimadda Online) – 18 May 1991 waa maalintii ay Somaliland sheegtay inay ka goosatay Soomaaliya inteeda kale, waxaana sanadkaan la sheegay inaan la qaban doonin dabaal dagyo ku aadan maalintaas Sida uu ka dhawaajiyay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cusmaan C/llaahi Saxardiid “Cadaani”.

Sababta keentay in sanadkaan la joojiyo xuskaas ayuu wasiirka ku sheegat in sanadkaan ay jirto abaar aad u daran , dad badanna ay gaajo u dhimanayaan sidaasi darteedna aanay habooneyn   in la mashxarado abaarta ka jirta Soomaaliland darteedna sanadkaan loo joojiyay dabaal degyadii 18-ka May, taasina ay noqon doonto sumcad darro.

Isagoo hadalkiisa sii wato Cadiina ayuu intaas ku daray in Maamulka Somaliland uu go’aamiyay in sanadkaan aan la dhigin dabaal degyadii 18 May, sidaas darteed wixii dhaqaale ee ku bixi jiray dabaal degyada loo wareejinayo gurmadka abaaraha, waxaana tallaabadaas ku tilmaameen inay tahay mid ku dayasho wanaagsan.

Dhanka kale waxaa uu ugu baaqay qurba joogta qaban jirtay xafladaha dabaal dega 18 May inay u bedelaan qaaraan-uruurin, si wax loogu qabto dadka ay saameeyeen abaaraha ee soo barakacay, maadaama Somaliland ay ka mid tahay meelaha sida daran ugu dhufatay abaaraha.

Ilaa muddo 26 sano ah Somaliland ayaa raadineysay aqoonsi caalami ah balse ilaa hadda ma jiro hal wadan oo Somaliland u aqoonsaday inay tahay meel ka madax banaan Soomaaliya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

 

Xaaf oo Xildhibaanada doortay uga yaabsaday ballanqaadyo ay fulintood adag yihiin

Cadaado (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadal kooban jeediyey goobta doorashda ayaa sheegay in dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Galmudug aheyd mid dhulka taal.

Xaaf ayaa sheegay in qorshihiisa ugu weyn uu yahay in dhulka uu ka qaado Galmudug oo uu sheegay in la dhigay meel xun.

Xaaf ayaa tilmaamay in meel sare uu gaarsiinayo Galmudug, sidoo kalena wuxuu sheegay in dolwaddiisa cusub ay la imaan doonto isbedal.

Xildhibaanada iyo Wasiirada ayuu sheegay inay heli doonaan xuquuq gaara iyo mid amni waxa uuna ballanqaaday in Galmudug ay noqon doonto mid aad uga sareysa maamulada kale.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale balanqaaday in mar kale deegaannada Galmudug aanay ka dhici xabad, islamarkaana uu sameyn doono dib u heshiisiin.

Waxa uu tilmaamay in wax waliba ay saldhig u noqon doonaan wadahdal isla markaana Galmudug ay ku caanbixi doonto dhulka Nabadda.

Xildhibaanada doortay Madaxweyne Xaaf ayaa aad ula cajabay Khudbada uu jeediyay Madaxweynaha doorashada kadib waxa ayna hadal heynta ugu badan noqotay In Galmudug uu dhulka ka qaadi doono iyo in Xildhibaanada iyo Wasiirda ay heli doonaan Xuquuq iyo mid amni.

Geesta kale, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hoggaamin doona maamulka Galmudug Labada Sano ee soo socota, waxaana u yaalla shaqooyin badan.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

Madaafiic loogu dabaal degayay madaxweynaha cusub ee Galmudug oo dad shacab ah ku dhibaateysay Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Waxaa ilaa hadda deegaanada Galmudug  si weyn uga socdo dabaal dagyo kala duwan oo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta aqlabiyad weyn uga soo baxay doorashadii ka dhacday Cadaado.

Madaxwyenaha Galmudug asal ahaan wuxuu kasoo jeedaan Gaalkacyo, waxaana halkaas doorashada kadib laga maqlayay daryanka madaafiic lagu soo dhaqeynayay madaxweyne Axmed Ducaale.

Warar Soo baxaya ayaa sheegaya in Madaafiic la sheegay in loogu Dabaaldagayay madaxweynaha cusub ee Galmudug ay dad ku dhaawaceen  Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland.

Weli Faah Faahn rasmi ah lagama haayo tirada dadka dhaawacyada ay kasoo gaareen madaafiicda laga tuuray Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ee dadka shacabka ah ku dhaawacday Waqooyiga Gaalkacyo ee Maamulka Puntland.

Weli kama aysan hadlin arrintaan Maamulada Galmudug iyo Puntland dhibaatada ka dhalatay u dabaal dagista madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Maamulada Galmudug iyo Puntland wali kama hadlin madaafiicdaan maanta Koonfurta Gaalkacyo laga tuuray ee dadka shacabka ah ay dhaawacyada kasoo gaareen , sidoo kale saraakiisha amniga ee labada maamul wali kama aysan hadlin .

Dhowaan ayay aheyd markii Risaas la sheegay in laga soo tuuray dhanka Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland  uu wiil kubad ciyarayay ku geeriyooday sidoo kalana qof dumar ah ay ku dhaawacantay kuwaas oo ku sugnaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee qeyta Galmudug.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

 

Musharixiinta Galmudug iyo lacagihii waalida ahaa oo ay siiyeen xildhibaanada (lacagta ka qaad kana codee)

Cadaado (Caasimadda Onlin) –  Maanta waxaa Magaalada Cadaado ka dhacday doorasho taariikhi ah, waxaana guul weyn ka gaaray Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah ganacsade Soomaliyeed kaasoo dadaal badan ku bixiyey sidii uu madaxweyne u noqon lahaa.

Doorashada way  dhamaatay, koleyba hal qof ayaa guuleysan lahaa wuxuuna noqday Xaaf, balse maxaa kala socotaa lacagihii waalida ahaa ee ka baxay Musharixiinta Galmudug ee seddexda ah.

1)  Axmed Ducaale Xaaf:  Waa ganacsade aysan lacagta wax weyn ugu fadhin, wuxuuna Cadaado la imaaday boorso lacag ah iyadoo ay ka go’neyd inuu noqdo madaxwyenaha Galmudug, xogta aan ka heleyno shaqsiyaad aad ugu dhaw dhaw Axmed Ducaale Xaaf, wuxuu xalay saqdii dhexe isku keenay ilaa 59 Musharax oo ku hoyatay meel isaga u gaar ah, wuxuuna Xildhibaan kasta siiyey 7 Kun Dollar, taasoo noqoneyso lacag ku dhaw Nus Malyuun Dollar.

Inkastoo lacagtaas tirada badan ka baxday, haddana wuxuu gaaray meeshii uu tiigsanayey, kamana shanleenayo qarashkii ka baxay maadaama uu helay wixii uu lacagta dhaafsanayey.

2) Axmed Shariif: Waa shaqsi ay isna ka go’neyd inta badan inuu noqdo madaxweynaha Galmudug, wuxuuna bixiyey lacag aan ka liidan midda uu Xaaf bixiyey, Shariif ayaa isna lacag ku bixiyey ilaa 54 Xildhibaan oo uu siiyey mid la mid ah lacagtii uu Xaaf siinayey xildhibaan kasta taasoo ah 7 Kun Oo dollar, waxayna sheekada u muuqatay mid aheyd (Anna kaama liito).

Inkastoo labada nin ay aad isugu dhaweyd lacagaha ay Xildhibaanada siiyeen iyo tirada ay heysteen, haddana Shariif wuxuu qabaa Khasaaro isaga u gaar ah maadaama xildhibaanadii lacagta ka qaatay ay u codeeyeen Xaaf, waxayna ku noqotay niyad jab weyn, waxayna midaas mar labaad dadka soo xasuusisay Khasaarihii Xasan Shiikh kasoo gaaray doorashadii Soomaaliya ka dhacday markaas oo lacag badan laga qaatay, waxaana xilligaas soo baxay sheeko cinwaankeeda aheyd ( Lacagta ka qaad kana codee) maanta sidaas ayaa isna qabsatay Shariif.

Shariif wuxuu ku qasban yahay inuu sabro, meeshana uu ka qaato cashar uusan waligiis hilmaami doonin,  sidoo kalana wuxuu difaac xiran doono marka uu galayo howl noocaan oo kale ah.

3) Prof. Cabdulqaadir Shirwac: Sida magaciisa ka muuqato waa aqoonyahan aad u anfici lahaa Galmudug shacab iyo deegaan ahaan, balse midaas ma dhicin, kaliyana wuxuu u waayey codka Xildhibaanada inuusan dhiibin wax lacag ah marka laga reebo lacagihii uga baxay ololaha doorashada, balse isaga ma jirin Xildhibaan uu lacag siiyey sida aan ku helnay xogta.

Dadka u ololeenayey Shirwac ayaa xildhibaanada ku wargelinayey inusan musharaxaan dhiibeyn wax lacag ah balse uu arki doono inta xildhibaan ee ku doorato aqoonta uu leeyahay.

Shirwac wayba u rooneyd inuu go’aankaas qaato, balse wuu ogaa inuusan cod xildhibaan heli doonin haddii uusan lacag bixin sidaas darteed hadda isaga khasaaro badan ma qabo kaliya waxaa ku dhacday ushii uu filayey.

waxaana go’aanka Shirwac uu qaatay ugu hiilisay kaliya 7 Xildhibaan sida laga arkay natiijada kasoo baxday codbixintii maanta ka dhacday Cadaado.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Sawirro: Farmaajo oo dib usoo nooleeyay barnaamijadii umadda ku jeclaatay

Muqdisho (Caasimada Online) – MadaxweynahaSoomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa maanta booqasho kedis ah ku tagay qaar kamid ah xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xerooyinka qaar ku arkay boqolaal ruux oo isugu jira kuwo da’ ah iyo dhalinyaro aan heysan nolol wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa barakacayayaasha qaar ka dhageystay warbixino ku aadan noloshooda waxaana kamid ahaa cabashooyinkooda Gargaar la’aan, Cunno yari, Roobab seeriyay goobaha ay jiifan lahaayen iyo shaqo xumo ku dhex heysata magaalada.

Madaxweynaha ayey ishu qabaneysay isagoo xunbaarsan qaar kamid ah Carruurta ay dhaleen barakcyaasha uu booqday, waxa uuna halkaa ku gudoonsiiyay Bacaha roobka laga galo iyo Bustayaal maadaama lagu jiro xili roobaad.

Madaxwaynaha Somalia ayaa dhowr jeer horay u sheegay in dowladiisa ay xushmad gaara siin doonto ka shaqaynta danta dalka iyo dadka, taasi uu ficil ahaan u muujiyay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa talaabooyinka noocaani ah ee lagu kasbado shacabka looga bartay xiligii uu ahaa Ra’isul wasaaraha Somali.

Wax badan ka baro taariikhda madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Cadaado (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Galmudug ayaa maanta Magaalada Cadaado ugu doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynaha Galmudug kadib doorashada cadaalad ah oo dhacday.

Haddaba waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Taariikhda madaxweynaha cusub ee Axmed Ducaale Xaaf, waxaad ka aqrisan kartaan qeybta hoose:

Axmed Ducaale Geelle Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxaa ku dhashay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, 8-dii bishii July sanadkii 1949-kii, iyadoo Dugsiga Hoose/Dhexe uu ku soo qaatay magaaladaasi, intii u dhaxeysay 1958-1965-kii. Sidoo kale Qur’aanka Kariimka ayuu ku xifdiyay isla magaaladaasi.

Dugsiga Sare, ayuu kaga baxay Iskuulka Jamaal C/naasir ee Magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 1966-1970-kii. Jaamacadda Umadda, Kulliyada Dhaqaalaha ayuu kaga baxay intii u dhaxeysay 1972-1976-kii.

Intii uu dhiganaayay Jaamacadda Umadda, ayuu ka shaqo billaabay Bankiga Dhexe Somaliya, isagoona ka soo shaqeeyay intii u dhaxeysay 1975-1979-kii.

Dhanka ganacsiga, ayuu u wareegay 1979-kii, iyadoona uu ku soo jiray illaa 1999-kii. Wuxuu noqday aasaasihii iyo hawlgeliyihii Garoonka Nambar Konton ee Gobolka Shabellaha Hoose, intii u dhaxeysay 1992-2011-kii.

Sidoo kale waa aasaasihii iyo hawlgeliyihii diyaaraddii ugu horeysay ee ka hawlgasha Somaliya (Daallo Airlines), wixii ka dambeeyay burburka Dowladdii Dhexe Militariga.

Sanadkii 2000, ayuu ku biiray saaxadda siyaasadda dalka, iyadoo uu ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamaankii Carta lagu soo dhisay, waxaana uu Xildhibaan soo ahaa illaa 2016-kii.

Waxaa la xusuustaa gacantii uu ku lahaa fududaynta ergooyinkii Somaliyeed ee ka qaybgashay Shirkii Magaalada Carta ee Wadanka Jabuuti, laguna soo doortay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Mudadii burburka, ayuu la soo shaqeeyay qaar ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobe sida, WFP, Save Children, FAO iyo ACRC. Wuxuu sidoo kale uu la soo shaqeeyay Hay’adaha DOME iyo ADCO Groups.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET