24.3 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Kheyre: Haddii aad aragto qof nolosha heer ka gaaray waa qof shaqo u daacad ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa munaasabada 1da May, 2017 oo ah maalinta shaqaalaha Adduunka ugu hambalyeeyey dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqaalaha iyo horumarka dalka guud ahaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa iftiimiyey qiimaha weyn ee ay ummadda u leedahay shaqada iyo wax soo saarka shaqaalaha, dawladuna ay ahmiyad siinayso in munaasadaan shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku xusaan dabaal dagyo ka turjumaya dareenkooda si ay u muujiyaan muhiimadda shaqada iyo shaqaalaha.

“Shaqadu waa nolosha iyo sumacada qofka, waa furaha hurumarka bani’aadamka. Bulsho kasta sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayay uga horeysaa, taas waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan. Hadii aaney shaqo jirin horumar iyo mustaqbal ma jiri karo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay dadaalka Dawladda Soomaaliyeed ugu jirto inay abuurto shaqooyin, iyadoo laga faa’idaysanayo xoogga shaqaalaha ee diyaarka ah. Waxaana uu tilmaamay baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed. Isagoo ummadda ku baraarujiyay inay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xiligan loo baahan yahay.

DHAMAAD

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Turkiga oo dib shaqada ugu fasaxay 731 oo loo heystay afganbiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay dib shaqooyinkooda ugu celisay boqolaal shaqaale oo shaqooyinkooda laga fadhiisiyay afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay turkiga.

Dowladu waxa ay sheegtay in shaqaalahaasi boqolaalka ah dib loogu fasaxay inay sii wataan shaqooyinkooda kadib danbiyo la xiriira afganbiga oo lagu waayay.

Qoraal kasoo baxay dowlada ayaa waxaa lagu sheegay in shaqaalaha dib loogu fasaxay shaqooyinkooda ay yihiin 731 oo ay ku jiraan Saraakiil, Ciidamo iyo shaqaale rayid.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in shaqaalahaasi ay fursad u heystaan in muddo 10 cisho gudahooda ay ku gaaran goobihii ay ka shaqeyn jireen si ay usii gutaan howlahooda Qaran.

Sidoo kale, shaqaalaha dib loogu fasaxay shaqooyinkooda ayaa waxaa lagu wargaliyay inay heli doonaan dhammaan xuquuqdii ka maqneyd dhowrkii bil oo ay u xirnaayen dowlada.

Dowlada Turkiga ayaa wixii ka danbeeyay afganbiga dhicisoobay shaqada ka erisay shaqaale dhan 4,500 oo ay ku jiraan Generaalo, Saraakiil, Ciidamo iyo shaqaale rayid ah.

Afganbiga dhicisoobay ayaa dhacay Friday, Jul 15, 2016, iyadoo ay dowladu ku eedeeysay

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

CADEYMO: Garyaqaanka Guud ee DFS oo faraqa heysta RW Kheyre & Qoraal uu soo saaray oo..

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal uu soo saaray Garyaqaanka Guud ee Dowladda Dr Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa waxaa looga hadlay Xad gudub la sheegay in Ra’isul wasaraha Qaranka Xasan Kheyre ku hayo miisaaniyada DF.

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Dr Cusmaan Cilmi Guuleed, ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha Qaranka uu faraha kul jiro howl aan isaga khuseyn isla markaana uu hadda yahay mid wax ka maamulo Miisaaniyadda dowladda.

Garyaqaanka Guud, ayaa sheegay in arrin khaldan ay tahay in Ra’isul wasaaraha uu si toosa usoo faragaliyo howlaha miisaaniyda waxa uuna talaabadaasi ku sheegay mid aan sharci aheyn.

Warqad uu u diray Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayuu ku qeexay habka loo maamulo miisaaniyadda ama bixinteeda taa oo uu ku tilmaamay inay mareyso saddex xafiis oo kala wasaaradda Maaliyadda, Waaxda Miisaaniyadda, Xisaabiyaha Guud iyo Hanti dhowrka Guud.

Waxa uu sheegay in wixii intaas dhaafsiisan ay tahay sharci darro inay maamulaan, waxa uuna ka dalbaday in howlaha miisaaniyada looga danbeeyo qeybaha ay khuseyso.

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Dr Cusmaan Cilmi Guuleed, ayaa Ra’isul wasaaraha dalka ugu baaqay inuu u madax banaaneeyo shaqada ay u xil saaran yihiin hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuna ekaado inuu kula xisaabtamo gudasha waajibaadkooda, si waafaqsan sharciga.

Sidoo kale, Garyaqaanka Guud ee Dowladda Dr Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa tilmaamay in Musuqa uu ka bilowdo kuna dhammaado faragalin lagu sameeyo nidaamyada jira oo ay dowladu ku shaqeyso.

Waxa uu sheegay in faragalinta ay tahay nooc kamid ah noocyada Musuq-maasuq aan sharciga waafaqsaneyn.

Geesta kale, Garyqaanka Guud ayaa ugu baaqay Guddoonka Baarlamaanka in la hubiyo laguna kor-joogteeyo ku dhaqanka sharciga hey’adaha dowladda, si loo ilaaliyo sharciga iyo danta guud ee dowladda.

Akhriso: BMH oo ansixiyay guddiyo ka kooban 12 & Xildhibaanada oo diiday in baarlamaanka la xiro

Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa labadii maalin ee ugu danbeysay kulan uga socday magaalada Jowhar Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle kaa oo go’aan looga gaaraayay in baarlamaanka uu sii wato howshiisa iyo in kale.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dood dheer ka yeeshay sii wadashada howlahooda waxa ayna isku raaceen in baarlamaanka uu sii shaqeeyo muddo bil ah.

Xildhibaanada qaar oo ka hadlay kalfadhiga ayaa soo jeediyay inay muhiim tahay in baarlamaanka uusii guto howlaha horyal, waxa ayna Guddoonka xasuusiyeen in baarlamaanka uu horyaal howlo badan oo qabasho u baahan.

Dood dheer kadib guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed ayaa shaaciyay in baarlamaanka uu sii shaqeyn doono.

70 xildhibaan ayaa isku raacay in baarlamaanka uu sii shaqeeyo, halka 9 xildhibaan ay u codeeyeen in baarlamaanka la xiro.

Sidoo kale, dooda dheer kadib Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeele ayaa isla kalfadhiga ku ansixiyay guddiyada baarlamaanka Hirshabeelle kuwaasoo ka kooban 12 guddi oo kala ah:

Liiska gudiyada , gudoomiyayaasha iyo Xoghaynta                                                 

No Magaca gudiga Magaca gudoomiya Gud.ku xigeenka
1. Gudiga Xeerhoosaadka , Anshaxa ,Xasaanadda iyo    Daryeelka Xildhibaanada Xildh Abdiladif Mohamud Haji Abdi Xildh  Bashir Haji Bedel Mahamed
2. Gudiga Dastuurka, dib uhishiisiinta ,xalinta khilaafaadka iyo hanti isu  celinta Xildh Mahamed Ibrahim Mahamed  (Daqare ) Xildh Hassan Mahamed Ahmed
3. Guddiga Arimaha gudaha ,Maamulada Gobollada iyo Degmooyinka Amniga iyo Sohdimaha  Xildh Geelle isack warsame Xildh Abdiwahid Ahmed Omar
4. Guddiga Caafimaadka Iyo Waxbarashada  Xildh Mahamud Wabar Hassan Xildh Adan Odawa Omar
5. Gudiga shaqada ,shaqaalaha dhalinyarada iyo iSboortiga  Xildh Omar Mahamed Omar Xildh Artan Muhumed Nur
6. Guddiga hub ka dhigista iyo dhaqan celinta   Maleeshiyaadka  Xildh Abdullahi Mohamed Haji Fiqi Xildh Hassan Mahamed Ibrahim
7. Guddiga beeraha ,Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer miyiga  Xildh Aden Mohamed Muse( Bare) Xildh Ismail Abdi Qasim
8. Guddiga  maaliyadda qorsheynta iyo tirikoobka  Xildh Mukhtaar Xasan maxamed Xildh Olad Gure Hayow
9. Guddiga arrimaha garsoorka caddaalada arimaha diinta iyo awqaafta  Xildh Mohamed Abdikarin Mohamed Xildh Ahmed Omar Gabow
10. Guddiga ganacsiga Warshadaha, kheyraadka iyo ilaalinta bay’ada  Xildh Mohamud Siyad Barqadle Xildh Yusuf Axmed Yalahow
11. Guddiga isgaarsiinta wadooyinka ,Gadiidka Dekedaha ,Tamarta iyo warbaahinta.  Xildh Eng  Ismail Mumin Hilowle Xildh Farah Maham

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

Sawirro: Wasiir soo bandhigay Hanaan cusub oo looga hortagi karo Musuqa

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan, ayaa sheegay inay muhiim tahay in farsamada casriga ah loo adeegsado arrimaha la xiriira maamulka maaliyadda iyo qandaraasyada ee dowladda, taasoo qeyb ka noqon doonta dadaalka ay Xukuumaddu ugu jirto la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhiirri-gelinta maamul-wanaagga.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay xiritaanka tababar 4 maalmood socday oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda, oo ku saabsanaa arrimaha maaliyadda iyo maareynta qandaraasyada, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda, qaybta Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT).

Wuxuu wasiirku kula dardaarmay ka-qeybgalayaashii tababarka inay fuliyaan waxyaabihii ay ka barteen tababarkan, si hantida qaranka aan loo dayicin, iyadoo loo adeegsanayo sida ugu habboon ee ay ku jirto danta ummadda.

Wuxuu wasiirku xusay in nidaamka qandaraasyada oo kharribma uu horseedi karo inaan laga faa’iideysan mashaariicda horumarineed,isla markaana uu kor u kacaya qiimaha mashaariicda horumarineed, taasoo ugu dambeynta dhaawaceysa horumarka dhaqaale ee dalka.

Wasiirka oo hoos ka xarriiqayay baahida loo qabo in la kobciyo awoodda shaqaalaha ee dhinaca teknolojiyada, ayaa sheegay in Wasaaraddani kaalin hormuud ah ka qaadan doono sidii shaqaalaha dawladda ee ka shaqeeya dhinacyada maaliyadda ay u noqon lahaayeen kuwo aqoon u leh oo ku shaqeyn kara farsamada carsiga, si ay ula jaan-qaadi karaan habka maamulka casriga ah.

“Dhibaatadu waxay mar kastaba ka timaaddaa dhanka fulinta. Waa inaad hubisaan in wixii aad barateen loo fuliyo sida ay tahay” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay ka-qeybgalayaasha.

Ugu dambeyntii wuxuu wasiirku qeybiyay shahaadooyinkii loogu talo galay ka-soo-qeybgalayaasha isagoo balanqaadey in wasaaraddu xoogga saarto tababarada noocan oo kale ah.

Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha

 

 

Isbar-bar dhigga kalfadhiyada 1-aad: Baarlamankii 9-aad oo ka shaqo badan baarlamanka 10-aad

Muqdisho (Caasimada Online) – Sabtidii shalay aheyd waxaa la xiray kalfadhiga 1aad ee baarlamaanka 10aad, kalfadhigan inta uu socday  xildhibaannada golaha shacabka waxaa ay qabteen shaqo ka yar shaqadii la qabtay kalfadhigii 1aad ee baarlamaanka 9aad.

Golaha shacabka baarlamaanka 10aad kalfadhigiisa 1aad ma sameyn xeer hoosaad cusub ama xitaa kii jiray waxba laguma darin, ma jirin qodobo dastuurka ah oo uu toosiyay ama laalay, Ma ansixin hindise sharciyeed, Ma jirin wufuud caalami ah uu la kulmay iyo booqashooyin heer caalami ah oo loogu yimid.

Sida ka duwan sidaasi aan soo sheegnay kalfadhigii 1aad ee baarlamaankii 9aad, waxaa la toosiyay ama la laaley qodobo dastuurka ka tirsan, waxaa ay la kulmeen Cathrine Ashton iyo mas’uuliyiin ka socday deeq bixiyeyaasha, UNDP, Sweden, Norway, Finland, Inter Peace iyo wadamo kale.

Intii kalfadhiga 1aad ee baarlamaankii 9aad uu socday waxaa ay xildhibaannada xaruntooda  kula kulmay gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti iyo wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga oo hadal ka jeediyay Golaha Shacabka.

Hadaba, inta aanan u guda gelin waxyaabaha laga gaabiyay kalfadhiga 1aad ee baarlamaanka 10aad bal aan fiirinno waxyaabaha ay ka sinnaayeen labada kalfadhi.

Waxyaabaha Ay Ka Siman Yihiin Kalfadhiyada 1aad Ee Baarlamaannada 9aad iyo 10aad:

Munaasabado:

  1. Dhaarinta Xubnaha Golaha Shacabka.
  2. Magacaabidda Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
  3. Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka.
  4. Dhisidda Gudiga doorashada Madaxweynaha J.F Soomaaliya.
  5. Doorashada Madaxweynaha J. F Soomaaliya
  6. Dhaarinta Madaxweynaha J.F Soomaaliya.
  7. Dhaarinta Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka.
  8. Dhaarinta Ra’isul wasaare ku xigeen-ka
  9. Qeybinta Xeer hoosaadka iyo Ansixinta Xeer Hoosaadka
  10. Dhaarinta Golaha Wasiirada ee Xukuumadda J.F.S
  11. Dhaarinta W/Ku xigeenada iyo Wasiiru dawlayaasha.

Shaqada U Gaar Ah Baarlamaanka 10aad:

  1. Miisaaniyadda 3 bil
  2. Qeybinta guddiyada golaha
  3. Arrimaha abaaraha
  4. Doorashada Gudoomiyaha, G/ku xigeenada iyo Xo-hayaasha guddoonka Baarlamaanka.

Mooshinnada Baarlamaanka 10aad:

  1. Moohin Laga keenay Saldhigga Imaaraadka ee Bebera,
  2. Mooshinka wax ka badalka xukuumadda Khayre,
  3. Mooshin kalsooni siin ah xukuumadda Khayre
  4. Moosinka guddiga difaaca golaha ee ka dhanka ahaa dhismaha ciidanka xoogga dalka
  5. Mooshin wax ka badal qodobka 133(2) ee dastuurka KM ah ee Soomalaiya
  6. Ilaainta awoodaha dastuuriga ah

Warbixin Baarlamaanka 10aad:

  1. Warbixinta guddiga abaaraha
  2. Warbixinta guddiga difaaca
  3. Warbixin guddiga maaliyadda
  4. Qeybin sharciga buuxinta kursiga ka bannaadaada golaha shacabka
  5. Warbixin doorashada guddoonka gudiyada golaha shacabka
  6. Warbixin xaaladda abaaraha
  7. Warbixin Xeer ilaaliyaha guud ee qaran ee Dacwada Badda Soomaaliya
  8. Diyaarinta Booqasho deegaan

Qaraar Baarlamaanka 10aad:

  1. Qorshaha Hirgelinta doorashooyinka qaran 2020
  2. Qaraar ku saabsan dhismaha guddiga korjoogteynta gurmadka abaaraha
  3. Qaraar ku saabsan guddiga deg-dega abaaraha
  4. Qabinta qaraar ku saabsan dhaarinta iyo deeqaha uu xaq u leeyahay madaxweyne Xasan Sheekh
  5. Guddi loo saaray habraaca loo jaray gunnada xildhinaanada bisha Janaayo 2017-
  6. Mudada xilheynta baarlmaanka 10aad
  7. Wax ku kordhin qodobada xeer hoodaaka

Miisaaniyad Baarlamaanka 10aad:

Codsi Ansixinta Miisaaniyadda 2017

Ansixin Miisaaniyadda sadex bil

Ansixinta Baarlamaanka 10aad:

Sharciga soo buuxinta kursiga ka bannaada golaha shacabka

Intaasi waa shaqada golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad ay ku qabteen kalfadhigooda 1aad, waa waxqabad aad uga yar marka la bar-bar dhigo shaqadii ay kalfadhiga 1aad ku qabteen baarlamaankii 9aad.

Kalfadhiga 1aad Ee Baarlamaanka 9aad:

Shaqada U Gaar Ah:

Toosinta qodobka 138aad ee dastuurka

Laalidda qodobka 67aad iyo 135aad ee dastuurka

Heer hoosaadka Golaha Shacabka

Soo jeedin Mooshin:

December 12, 2012: soo jeedin(Mooshin) in la hor keeno Golaha Shacabka 25ka xubnood ee Golaha Wasiirada Cusub.

Miisaaniyad:

October 10, 2012: Ogolaashaha Miisaaniyadda 3da bilood eek ala ah October, Nov, December.

November 25, 2012: Ka soo talo bixinta Miisaaniyadda Baarlamaanka.

La Kulmidda Wufuud Caalami ah iyo Hay’addo Caalami ah:

  • Kulamada Caalamiga ah
  • La kulanka deeq bixiyayaasha
  • La kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub Cathrine Ashton.
  • La kulanka xildhibaano ka socda dalka Finland.
  • La kulanka Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden.
  • La kulanka UNDP Soomaaliya.
  • La Kulanka Inter Peace Soomaaliya.
  • La kulanka Wufuud ka socota dalka Norway.

Booqashooyin heer Caalami ah:

Booqashooyin:

December 12, 2012: Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo hadal jeedin uu ka jeediyay Golaha Shacabka.

December 14, 2012: Wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga oo hadal ka jeediyay Golaha Shacabka.

Warbixino laga hor aqriyay Golaha Shacabka

  • October 10, 2012: Warbixin ay soo jeediyeen oday dhaqameedyadii soo xulay xubnaha Golaha Shacabka.
  • September 9, 2012: Warbixin Gudiga Talo Bixinta Xildhibaanada dhiman.
  • September 9, 2012: Warbixin Guddiga Doorashada.
  • November 3, 2012: Warbixinta Gudiga Talo soo jeedinta dib u eegista dib u eegista qodobada Dastuurka KMG ah.
  • December 18, 2012: Warbixinta Wasiirka Maaliyadda.
  • December 22, 2012: Warbixinta Guddiyada Golaha Shacabka.
  • December 30, 2012: Warbixin Sanadeed Kal-fadhiga 1aad ee 2012-ka.

Ansixino:

  • November 13, 2012: Ansixinta Xukuumadda Ra’isul Wasaare Saacid 219 Cod.
  • December 3, 2012: Anisixinta Xeer Hoosaadka.
  • December 26, 2012: Ka doodista iyo ansixinta Miisaaniyadda 2013.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Muxuu sharciga ka qabaa madaxda Soomaalida ee sirta qaranka la wadaaga shisheeyaha?

Muqdisho (caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya madaxda dalka ee Xogaha Qaranka la wadaaga dowladaha shisheeye kuwaa oo loo isticmaalo kala geynta Soomaalida, gaar ahaan dowlada iyo Shacabkeeda.

Madaxda ceynkaasi ah ayaa u badan Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka, waxaana xiga xubno ka kala tirsan labada Gole oo xiriir toosa la leh dowladaha Shisheeye sida Ethiopia, Kenya, Ugandha iyo Imaaraadka Carabta.

Hogaamiyayaasha Maamulada dalka ayaa ugu badan kuwa dowladaha Shisheeye la wadaaga Sirta Qaranka Somalia, waxaana dowladahaasi u badan Ethiopia iyo Kenya oo dhulal ka heysta Somalia, isla markaana musiibo u arka in Somalia ay kahana qaado halka ay iminka taagan tahay.

Marka la eego sharciyada adduunka waxaa mamnuuc ka ah in la doorto ama xil loo dhiibo shaqsi xiriir dhow la leh dowlado shisheeye, iyadoo shaqsiga noocaasi ah loo yaqaan Qaa’in Al-wadan.

Dowladaha qaar ayaa shaqsiyaadka noocaasi ah ka mamnuuca Safarada dibadda, halka qaarna ay ku ridaan Xukuno fog oo aan ka laabasho laheyn.

Hogaamiyayaasha iyo Xubno ah oo ka kala tirsan labada Gole ee dalka ayaa dowladahaasi Sirta Somalia la wadaaga xiliyada uu dhamaado shirarka ay ka qeybgalayaan ama xiliyada uu dalka ku jiro xaalad cakiran oo dhanka Siyaasada ah.

Nasiib darada ugu badan ee heysata Somalia ayaa ah in Siyaasiyiinta Soomaalida %60 ay yihiin kuwo si dhow ula shaqeeya dowladaha Shisheeye waxa ayna taa dhalisay in Somalia ay kusii jirto dhibaatada hadda heysata.

Dowladaha ugu badan ee ku fashilma Siyaasada iyo Amniga ayaa waxaa ku dhex jira Xubno la shaqeeya Shisheeyaha kuwaa oo sabab u noqda fashilka ku dhaca dowladahooda.

Dowlada Somalia ayaa waxaa la gudboon inay kala shaandheyso shaqsiyaadka noocaasi ah ee Sirta Somalia sida tooska ah ula wadaaga dowladaha Shisheeye, iyadoo la adeegsanaayo waxa uu sharciga Somalia ka qabo arrintaasi.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Xog: Xil ka qaadistii Bahlaawi oo lagu xalaaleesanayey lacag 2 Malyan oo la siin rabo warbaahinta dowladda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow ayaa dhawaan xil ka qaadis ku sameeyey agaasimayaal ka tirsan wasaaradda Warfaafinta, waxaana kamid ahaa Agaasima Bahlaawe.

Haddaba Caasimadda Online ayaa soo ogaatay xog ku saabsan sababta rasmiga ah ee keentay in Bahlaawe laga qaado xilkaas oo uu ka dambeeyey wasiirkii hore ee warfaafinta Mustaf Dhuxulow.

Xogta ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegeyso in xil ka qaadistii lagu sameeyey Bahlaawe lagu xalaaleesanayey lacag 2 Malyan oo Dollar oo la filayo in dhawaan la siiyo warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho iyo Telefishinka SNTV.

Mashruuca lacagtaan lagu bixinayo ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay (La dagaalanka argagixisada iyo wacyi gelinta bulshada) oo ah mashruuc ka bixi doono warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Waxaa mashruucaan bixin rabto safaaradda dowladda Mareekanka ee Soomaaliya, waxayna mashruucaan soo marsiineysaa Hey’adda IOM ee ka howgasho Soomaaliya.

Haddaba waxaa mashruucaan hunguri weyn ka galay wasiirkii hore ee warfaafinta Mustuf Dhuxulow oo Eng. Yariisow ku wargeliyey in Bahlaawe uu hore u hor istaagay mashruucaas, haddana uu saameyn weyn ku yeelan doono haddii uusan xilka ka qaadin, sidaasna ayuuna Eng. Yariisow xilka uga qaaday Agaasime Bahlaawi.

Mustaf Dhuxulow iyo Eng. Yariiow ayaa ah laba nin oo saaxiibo ah, waxayna qorsheenayaan inay musuq maasuqaan lacagta aadka u badan ee lagu bixin doono mashruuca aan kor kusoo xusnay.

Xil ka qaadista lagu sameeyey Bahlaawi ayaa saameyn weyn ku yeelatay wasaaradda Warfaafinta, waxaana waraaq soo saartay wasaaradda warfaafinta oo Bahlaawi looga mamnuucay inuu galo xafiiskiisii hore.

Sidoo kalana maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay waraaq ay ku amreyso in lasoo xiro Bahlaawe, dhanka kalana Hanti Dhawraha qaranka ayaa isna soo saaray waraaq kale oo uu Eng. Yariisow ku eedeeyey inuu is hor istaag ku sameeyey baaritaankii lagu sameyn lahaa musuq maasuqii lagu eedeeyey agaasimayaashii xilka laga qaaday ee wasaaradda Warfaafinta.

Wixii warar iyo xog ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Bosaso
[email protected]

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Warqad xasaasi ah: “Bahlaawi musuq maasuqa lagu sheegay in la baaro waxaa hor istaagay Eng. Yariisow”

Muqdisho (Caasimada Online) –  War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay soo saartay warqad lagu amraayo in lasoo qabto Agaasimihii hore Wasaaradda Warfaafinta ee shaqada laga joojiyay C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi.

Warqada ayaa la sheegay in ciidamada lagu faray in Agaasimihii hore la horkeeno Maxkamada, waxaana ku wehliya mas’uul kale oo magaciisa lagu sheegay Xasan Samar Cali.

Warqada ayaa waxaa qabashada Bahlaawi lagu amray Taliyaha Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Haddaba waxaa arrintaan haddana waraaq kasoo saaray Hanti Dhawraha Qaranka dowladda Soomaaliya Nuur Faarax Jimcaale kaasoo sheegay in Bahlaawi iyo agaasimayaashii kale ee xilka laga qaaday in la baaro musuq maasuqii lagu eedeeyey uu hor istaagay wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow kadib markii uu diiday inay xafiisyadooda tagaan si loo baaro waxa lagu eedeeyey.

wuxuu amray inay shaqadooda loo ogolaado si baaritaan loogu sameeyo, maadaama qof xafiiskiisa loo diiday aan baaritaan lagu sameyn karin, haddaba halkaan hoose ka aqriso waraaqda kasoo baxay Hanti Dhawraha Qaranka

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Hub iyo Rasaas farabadan oo lagu qabtay Dekeda Bosaso

Bosaso (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka Dekadda magaalada Bosaso ayaa gacanta ku dhigay Hub nooca fudud iyo Rasaas la doonaayay in si qarsoodi ah lagu galiyo gudaha magaalada.

Hubka iyo Rasaasta ayaa la sheegay in laga soo dhex saaray raashin iyo Baakado ay ku jireen timir, waxaana la qabtay xili ay ciidamadu ku guda jireen baritaanka bagaashka.

Sargaal ka tirsan Ciidamadda Turbataariyadda ee Dekadda ayaa sheegay in Hubka iyo Rasaasta ay aad u farabadan yihiin, waxa uuna intaa ku daray in gacanka lagu hayo ragii lahaa iyo kuwa waday.

Sargaalka waxa uu intaa raaciyay in Hubka iyo Rasaasta laga keenay dalka Yemen isla markaana ay u badan yihiin Bastoolado nooca kala duwan leh.

Sargaalka ayaa yiri ”Hubkan waxaa lagu soo qariyay Daasado caano-booro ah, baakado timid iyo kiishash timir ah, waxayna isugu jiraan Bastooladaha loo yaqaan Biljamka iyo nooca Dhabanacasta ah, waxaana wehliya Rasaas iyo qoryo fudud”

Dekadda Bosaso ayaa waxaa inta badan kasoo dega Hubka iyo Rasaas farabadan oo qaabab qarsoodi ah loogu dhex iibiyo deegaanada Puntland.

Dhinaca kale, Taliska Ciidamadda booliiska gobolka bari ayaan weli ka hadlin hubka la qabtay, tiradiisa iyo wax laga yeelayo.

Caasimada Online
Xafiiska Bosaso
[email protected]

Aqriso: Warqad kasoo baxday maxkamadda G/Banaadir oo lagu amray in lasoo qabto Bahlaawi

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay soo saartay warqad lagu amraayo in lasoo qabto Agaasimihii hore Wasaaradda Warfaafinta ee shaqada laga joojiyay C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi.

Warqada ayaa la sheegay in ciidamada lagu faray in Agaasimihii hore la horkeeno Maxkamada, waxaana ku wehliya mas’uul kale oo magaciisa lagu sheegay Xasan Samar Cali.

Warqada ayaa waxaa qabashada Bahlaawi lagu amray Taliyaha Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Dalabka lagu soo qabanaayo labadaani mas’uul ayaa waxaa horay u bixiyay Xafiirka Xeer Ilaalinta Qaranka oo ka codsaday maxkamadda Gobolka Banaadir inay soo saarto warqad soo qabasho ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Xasaasi: Wasiirka dastuurka oo shaki geliyey jiritaanka maamul goboleedyada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) –  C/raxmaan Xooshi Jibriil oo ah wasiirka Dastuurka xukuumadda Ra’isulwasaare Kheyre ayaa ka dhawaajiyey hadal uu muran badan ka dhallan doono oo ku saabsan maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Wasiirka ayaa laga soo xigtay hadal ku aadan maamul Goboleedyada dalka ka jiro oo uu ku tilmaamay inaysan sharci aheyn dhammaantood marka loo fiiriyo dastuurka dalka.

Xilli uu ka hadlayyey shirkii ku saabsanaa doorka Haweenka ee geedi socodka dastuurka ayuu ka dhawaajiyey in maamul Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federalka Soomaaliya aysan sharci aheyn isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya si ay u helaan aqoonsi.

Wasiirka ayaa hadalkiisa  qiil u yeelay, wuxuuna ka dhawaajiyey haddii la raacayo dastuurka in loo baahan yahay in maamul Goboleedyada la dhiso ay helaan sharciyeyn iyo inay ogolaansho ka helaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xoosh Jabriil ayaa kamid ah dadkii soo bilaabay sameynta dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuuna wasiirka Dastuurka soo noqday xilligii kala guurka, waxaana horey loogu eedeeyey  khaladaadka ku jira Dastuurka KMG ah.

Arrinta sharciyeynta maamul goboleedyada la dhisay dasuurka 2012 kadib ayaa u baahan sharciyeyn inkastoo aan la ogeyn in Puntland qaban doono dastuurka Kumeel gaarka ah, waxaana macquul ah in hadalka Wasiirka uu dhaliyo muran badan oo ka imaan doono Maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Xog: R/W Kheyre oo si aan sharciga waafaqsaneyn shaqada uga eryey shaqaale badan oo kuwa rayidka ah

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa seefta gasha kala baxay, wuxuuna shaqada ka eryey markii ugu horeysay shaqaale badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo lasoo eedeeyey.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa booqday Wasaaradda Beeraha, wuxuuna amar deg deg ah ku bixiyey in shaqada laga eryo ilaa 12 shaqaale oo ka shaqeenayey wasaarada Beeraha oo kamid aheyd wasaaradihii uu shalay booqaday.

Sababta keentay inuu Ra’isulwasaaraha shaqada ka eryo 12 qof ayaa lagu sheegay kadib markii ay shaqadooda soo xaadiri waayeen muddo badan iyadoo aysan jirin wax cudur daar ah oo ay wasaaradda usoo gudbiyeen.

Shaqaalaha la eryey ayaan loo qorsheyn in la siiyo mushaaraadkii iyo xuquuqdii ay dowladda ku lahaayeen taasoo keentay in wasaaradda ay gasho xaalad muran sharciyeed ah oo ku saasab nqaabka loo maray shaqo ka eryidaan.

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa loo xil saaray  tirakoobka shaqaalaha dowladda ay ku dhex jirto diyaarinta warbxixin ku saabsan shaqaalaha dowladda oo la sheegay inay ku dhow yihiin 5000.

Wasaaradda ayaa dhawaan golaha wasiirada soo hordhigtay warbixin arrintaas ku saabsan inkastoo dib loogu celiyey lagana codsaday inay isbadal kusoo sameyso kana bixiso faahfaahin lagu qanci karo.

Ra’isulwasaaraha ayaa la sheegay inuu ku qaldoomay qaabka uu shaqada uga eryey, iyadoo loo baahnaa inuu xuquuqdaas shaqaalahaas siiyo kadibna uu shaqada ka ceeriyo, waxaana la sheegay inuu ku suxnaa tallaabada uu shaqaada uga erey 12 shaqaale, maadaama shaqaalaha dowladda ay caado ka dhigteen inay lacagta iska qaataan iyagoo aan wax shaqo ah u qaban shacabka iyo dowladda.

Sida sharciga qabo Ra’isulwasaaraha Kheyre awood buuxda ayu uu leeyahay inuu shaqada ka eryo shaqaalaha dowladda, balse sida la isku raacay qaabka uu hadda u maray waxay aheyd mid qaldan oo laga fiicnaa.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Muuse Suudi: Waxaan helnay wasiirka qaraxyada ka hor-taga iyo wasiirka ka hadla

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa ka hadlay kala deris uu sheegay in lagu sameyn rabo maamulka HirShabeelle.

Xildhibaanka oo saxaafada la hadlayay kadib kulan ka dhacay aqalka sare ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay wadaan iska hor keenida madaxda sare ee maamulka HirShabeelle, islamarkaana aysan aheyn taasi wax wanaagsan.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in beeshooda la siiyay wasiirka loogu talo galay inuu qaraxyada ka hor tago iyo wasiirka ka hadlaya qaraxyada, oo uu kala jeeday wasiirka amniga iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in beel ahaan ay ku dulman yihiin in labadaasi wasaaradood la siiyaa, sida uu sheegayna hadda ay iskaga qancayaan.

“Hirshabeelle in la kala diro ayaa laga shaqeynayaa, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka waa la isku dirooyaa, anaga waxaa nala siiyay Wasiirka Qaraxyada lagu qabsado iyo Wasiirka Qaraxyada ka hadlaya, inta kale waa ku dulmanahay”ayuu yiri xildhibaanka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Sawirro: Maxay Ethiopia ka yeeli doontaa bahdilka uu safiirkooda kala kulmay Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumada Somalia, Yuusuf Garaad Cumar Axmed, ayaa warqadaha Aqoonsig Danjirenimo ka gudoomay Danjiraha Ethjiopia u jooga Somalia, Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Dowlada Ethiopia oo saameyn ku laheyd Siyaasada Somalia ayaa iminka aad u dhaliilsan in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu ka biya diiday in warqadaha Safiirnimo uu ka gudoomo Safiirka Ethiopia ee Somalia.

Dowlada Ethiopia ayaa horay ula qabsatay in Madaxweynaha markaa jira ay warqadaha Aqoonsi ka gudooman Safiirka ay usoo magacowdo Somalia.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ku amray inuu gudoomo warqadaha Aqoonsiga ee Safiirka Ethiopia Somalia, kadib markii uu wakhti u waayay Safiirka Ethiopia ee Somalia Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Dowlada Ethiopia ayaa dhabar jab weyn u aragta in Madaxweynaha uu dayacay wakhtiga yar ee uu siin lahaa Safiir Jamaaludiin Mustafa Cumar, waxa ayna tani cirka kusii shareereysaa xiisada Siyaasadeed ee Ethiopia kala dhexeysa Madaxweynaha Somalia Farmaajo.

Farmaajo ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay warqadaha Aqoonsi ka gudoomay dhowr Safiir oo uu kamid ahaa Danjiraha cusub ee dowladda Ingariiska u fadhindoona dalka Soomaaliya David William Concar.

TIRADA SAFIIR EE UU FARMAAJO WARQADAHA KA GUDOOMAY

1-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa February 18, 2017 warqadaha Safiirnimo ka gudoomay Danjiraha cusub ee dowladda Ingariiska u fadhindoona dalka Soomaaliya David William Concar.

2-Madaxweynaha ayaa April 15, 2017 warqadaha aqoonsi ka gudoomay Safiirka cusub ee Shiinaha Qin Jian.

3-Marso, 08, 2017, Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay safiirka Jarmalka ee dalalka Somalia iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch.

Dowlada Ethiopia ayaa shakiga ugu badan ka qaaday sida uu Madaxweynaha dalka warqadaha Aqoonsiga uga gudoomay Safiirada aan kor kusoo xusnay iyo sida uu Safiirkooda warqadaha u gudoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad, waxa ayna talaabadaani Ethiopia u aragtaa mid lagu sii fogeynaayo xiriirkeeda Somalia.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

3 arrin oo Farmaajo uga iman karta diidmadii Ashkir ee in xilka laga qaado

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Maareeyihii Garoonka Aadan Cadde, Aadan Cabdi Ashkir, ayaa diiday xil ka qaadis uu ku sameeyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, waxa uuna wali ku doodayaa in xilka looga qaadi karo keliya Digreeto kasoo baxda Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Aadan Cabdi Ashkir, ayaa ku doodaaya in xil ka qaadista uu Ra’isul wasaare Kheyre ku sameeyay 06 April 2017, ay tahay mid aanu waafaqsaneyn sharciga, isla markaana loo baahan yahay in Maareeyaha cusub ee lagu bedelaayo uu la imaado Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maadaama isaga lagu magacaabay Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynihii hore ee Somalia.

Aadan Cabdi Ashkir oo ah shaqsi kasoo jeedo Beesha Mareexaan ayaa ku gacan seyray inuu wareejiyo xilka Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde, wuxuuxna garab weyn ka helay beesha Majeerteen uu Madaxweyne u Farmaajo u sheegtay inuu ninkaan xilkiisa u dhaafo haddii uusan kusoo badaleen booskaas shaqsi kale oo kasoo jeedo Beesha Daarood.

Beesha Majeerteen ayaa ka dhawaajisay inaysan macquul aheyn in Darood laga qaado xilka ay ka hayaan garoonka Aadan Cadde, waxayna madaxweynaha culeys ku saareen inuusan booskaas u magacaabin shaqsi aan beeshaas kasoo jeedin.

Markii uu batay Culeyska Farmaajo kaga imaanayo Daarood, ayuu go’aan ku gaaray inuu xilkiisa u dhaafo Aadan Cabdi Ashkir, waxaana Jaalle lagu qanciyey in la siiyo xilka Maareeyaha guud ee Hey’adda saadaasha  iyo duulista Hawada Soomaaliya.

Haddaba dadka falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan inay arrintaan Farmaajo usoo jiido karto sumcad darro iyo kalsooni xumo.

Arrintaan ayaa Madaxweyne Farmaajo saameyn weyn ku yeelan doonto sumcadda Madaxweynaha, waxaana ka dhallan karto waxyaabaha soo socdo:

In dadka ka niyad jabaan Farmaajo:  Shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ayaa rajo iyo niyad fiican ka leh Farmaajo, arrintaana waxay dhaawac weyn gaarsiin kartaa qalbiga shacabka Soomaaliyeed oo Farmaajo uga fadhiyo waxqabad iyo horumar uu gaarsiiyo Soomaaliya.

In shaki la geliyo wadaniyaddii laga maleystay:  Arrintaan waxay shaki weyn gelin doontaa wadaniyaddii laga filayey Farmaajo oo hadda u muuqato inay ceel weyn kusii dhacday, waxaana looga fadhiyaa sidii uu ceelkaas uga soo bixin lahaa.

In dadka u qaataan nin aan go’aan adag lahayn: go’aanka uu Maareeyaha garoonka Aadan Cadde ku diiday xil ka qaadistii lagu sameeyey ayaa macquul ah inay dadka u qaataan inuu Farmaajo yahay shaqsi aan laheyn go’aan adag maadaama shaqsi kasoo jeedo beeshiisa uu diiday xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Xog: Goorma ayuu Farmaajo safarkiisa ugu horeeyo ku tagayaa Addis Ababa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waddo qorshihiisii ugu horeeyay oo safar uu ku tagayo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu warqad casuumaad ah uu ka helay ra’iisul wasaaraha Ethiopia, sida xogta aan ku heleynaya waxaa la filayaa in dhamaadka todobaadkaan uu safar dalka dibadiisa ah ku tagaa magaalada caasimada u ah Ethiopia.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in maalinta Arbacada uu madaxweyne Farmaajo safar ugu ambabixi doono dalka Ethiopia isagoo halkaasi kula kulmaya ra’iisul wasaaraha dalkaasi oo martiqaadka u sameeyay Farmaajo.

Wakaalada wararka Andolu ee dalka Turkiga oo soo xiganeyso saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada Ethiopia ayaa baahisay in madaxweyne Farmaajo lagu casuumay dalka Ethiopia uuna aqbalay.

Saraakiisha ayaase qariyay magacooda, waxayse sheegeen in maalinta arbacada madaxweyne Farmaajo uu safar ku tagi doono dalka Ethiopia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in magaalada Addis Ababa uu kula kulmaa madaxda Midowga Africa, isagoo kala hadlaya arimaha ciidamada AMISOM ee kusugan gudaha dalka Soomaaliya.

Ethiopia iyo madaxweyne Farmaajo ma jiro xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya maadaama Ethiopia inta badan ay saameyn ku laheyd arimaha siyaasada dalka Soomaaliya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Video: Somalia oo shan loo qeybin rabo iyo Ingiriiska oo joojinayo lacagtii uu siin jiray Somailand

Hargeysa (Caasimadda Online) – Feysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ayaa ka dhawaajiyey waxyaabo halis ah oo uu sheegay in lala damacsan yahay Wadanka Soomaaliya iyo arrin ku saabsan in dowladda Ingiriiska ay dhawaan joojin doonto

Feysal ayaa ka deyriyay xaaladda Soomaaliya isagoo dhanka kale sheegay in wadamada Ingiriiska iyo kuwa kale ee caalamka ay dhaqaalihii ka goosteen Somaliland, midaas ay tahay arrin halis ah oo soo wajihi karto Somailand.

Dowladda Ingiriiska oo aheyd dowladda lacagta ugu badan siin jirtay Maamulka Somaliland ayuu tilmaamay inay  hadda qorsheeneyso inay lacagahaas u wareejiso Soomaaliya, maadaama ay dooneyso inay dhawaan halkaas ka fuliso mashruux shidaal qodis ah.

Dhanka kale Feysal Cali Waraabeayaa  fashiliyay in dowladda Soomaaliya laga saxiixay heshiis dhigaya in Soomaaliya loo qeybiyo shan gobol oo isku awood ah oo si iskood ah isku maamulaya, taasina ay noqoneyso caqabad weyn oo soo wajihi karta Soomaaliya.

“ Soomaaliya bisha may ayey London uga furmayaa shir, Waxayna saxiixayaan in ciidamo isku mid ah ay maamulada yeeshaan oo meesha laga saaro kuwa dowladda dhexe” ayuu yiri ninka aan hadalka la gamban ee Waraabe.

Wuxuu shaki geliyey in Soomaaliya ay dib u midoobi karta, isagoo ka dhawaajiyey in hadda hub la isugu dhiibaayo, taasna ay mugdi sii gelin karto midnimada Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka Feysal Cali Warabe

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Dowlada Masar oo Bangi ka furaneysa magaalada Muqdisho

Qahira (Caasimada Online) – Dowlada Masar ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay farac Bangi ka furaneyso magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Dowlada Masar ayaa sheegtay inay muhiim tahay in dib loo soo celsho xarumaha ganacsi oo ay ku lahaayen Somalia, kadib isbedel dhanka amniga ah oo ku imaaday Somalia.

Mohamed Al-eterbi, oo ah Guddoomiyaha Bangiga Masar ayaa sheegay inay bilaaben qorshaha lagu furi lahaa faraca Bangiga.

Mohamed Al-eterbi, waxa uu sheegay in Somalia ay ku noolyihiin muwaadiniintooda, isla markaana ay yihiin kuwo doonaaya inay soo nooleeyan xarumihii ay dowlada ku laheyd Somalia.

Mohamed Al-eterbi, waxa uu sheegay inay la kulmeen mas’uuliyiin dhowr ah oo kamid ah Milkiilayaasha Bangiyada madaxa-banaan ee Somalia, kuwaa oo ay wadaagen macluumaad ku saleysan heerka uu iminka gaarsiisan yahay isticmaalka Soomaalida ee Bangiyada.

Dhinaca kale, waxa uu Mr Mohamed Al-eterbi cadeeyay in mowqifkooda uu yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu furo Xafiiska Bangiga ee Muqdisho.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Madaxweynaha Ahlu sunna oo dowladda Farmaajo kaga digay qorshe aysan jecleysan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa dib ugu laabtay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, kadib markii uu fashilmay wadahadalkii la doonayay inuu dhexmaro Ahlu sunna iyo Galmudug.

Wadahadalkaasi ayaa waxaa sida Ahlu sunna ay sheegtay wuxuu ka dhaqaaqi waayay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo dano gaar ah ka lahaa wadahadalka labada dhinac.

Kadib markii uu ku laabtay magaalada Dhuusomareeb wuxuu shacabka ku dhaqan magaalada uu u sheegay waxyaabihii uu kala kulmay Muqdisho, isagoo sheegay in wadahadalka ay wali dhankooda diyaar u yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayuu kaga digay inay martaa wadadii ay martay dowladdii uu hogaaminayay Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo sheegay in dowladdaasi ay kala geysay shacabka gobolada dhexe.

Wuxuu sheegay in shaqsiyaad ka tirsan dowladda Soomaaliya ay wadaan kala geynta shacabka ku dhaqan deegaanada gobolada dhexe balse aysan taasi aqbali doonin, sida uu hadalka u dhigay.

Wadahadalkii Ahlu sunna iyo galmudug ayaa burburay kadib markii Ahlu sunna ay soo bandhigay sharuudo adag oo dhinaca kale u cuntami waayay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET