25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Bukaan sariir jiif ah oo nolosha ku gubay kalkaalisadii gacanta ku heysay dawadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeysyada kasoo baxa dalka Israel ayaa qoray warbixin ku aadan in Bukaan jiifa goob Caafimaad uu nolosha ku gubay Kalkaaliso si dhow ugu adeegeysay.

Dhacdadaani ayaa ka dhacday Isbitaal ku yaalla magaalada Holon oo ku taalla Koonfurta Tel Aviv, waxaana gubashada u geeriyootay Kalkaalisada.

Bukaanka ayaa la sheegay inuu ka cabanaayay dawo tayo yar oo lasiinaayay iyo addeega Kalkaalisada oo u muuqday mid ay ku jirtay hagar isla markaana yasi jirtay xiliyada uu dawada weydiisto.

Bukaanka oo dhammaan intaa ka careysnaa ayaa Kalkaalisada ku shubay shidaal waxa uuna qabadsiiyay dab, waxaana halkaa ku naf waayay Kalkaalisada

Falkaasi kadib waxaa Isbitaalka laga saaray Bukaanka oo loola cararay Goobo caafimaad oo ku yaalla duleedka magaalada Holon oo ku taalla Koonfurta Tel Aviv.

Shaqaalaha Caafimaadka dalka Israel ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin, kadib markii ay dowlada ka codsadeen in sharciga la mariyo Bukaanka falkaasi geystay.

Geesta kale, Bukaanka falkaasi geystay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka badbaaday dagaalkii holocaust uuna qabay xanuunno dhanka dhimirka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Halkuu ku dambeeyey wiilkii ku caan baxay (Farmaajo Ii geeya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulaahi Cismaan Daanyeerow oo ku caan baxay ereyga “Ar Farmaajo ii Geeya”  ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Daanyeerow wuxuu kasoo jeedaa qoys Danyar ah oo degen xaafad ku taala magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna ahaa ruux xoogiisa ku xamaasha oo reerkiisa biilka u dhiciya.

Inta aan ka aqaan sanadihii ugu dambeeyay wuxuu ka shaqeynayay foor lagu dubo rootiga oo ku taala magaalada Muqdisho, wuxuuna mararka qaar aadi jiray beer uu leeyahay oo aabihii uu kaga dhintay.

Wuxuu mar qura noqday ruux caan ah habeenkii la doortay madaxweyne Farmaajo, isagoo si kaftan ahaa habeenkaasi ku dhahayay “Ar Farmaajo ii geeya, Ma ii geysiinoo” iyo erayo kale.

Wararka la xiriir xaaladiisa ayaa sheegaya in dhawaan la filayo inuu ka shaqo bilaabo madaxtooyada Soomaaliya, balse waxaa ka harsan inuu maraa hanaanka shaqaaleysiinta.

Farmaajo ii Geeya oo la hadlay Caasimada Online, wuxuu sheegay in dhawaan uu filayo inuu shaqadaasi helo, haddana loo sameynayo ID uu kaga shaqeyn lahaa madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in rajadiisa ay tahay in xil sare loo magacaabo, laakiin ma lahan aqoon uu ku shaqeysan karo, sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqoonyahan, Profosser udub dhexaad u ahaa bulshada Soomaaliyeed oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, aqoonyahan, Profosser lafdhabar iyo tiir u ahaa aqoonta iyo waxbarashada ka hana qaaday dalka Somalia, allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan Maxamed oo mudooyinkii danbe ku xanuunsanaa dalka.

Geerida Prof. Cali Xasan ayaa dad badan naxdin ku riday, waxaana bulshada ka baxay tiir iyo udub dhexaad bahda waxbarashada tebi doonto.

Allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa aqoonyahanadii kiciyay waxbarashada jaamacadaha maanta hormuudka ka ah dalka, wuxuu ahaa barre jaamacadeed oo bulshada hilmaami doonin.

Anigoo ku hadlaaya magaceyga Cali Muxiyaddiin Cali, kan qoyskeyga iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed, waxaan ugu tacsiyadeynayaa dhamaan qoyska reer Cali Xasan, gaar ahaan Eng. Cabdullahi Cali Xasan iyo Eng. Afhad iyo goud ahaan bulshada Soomaaliyeed geerida ku timid Prof. Cali Xasan, waxaana alle ugu baryaa janatu fardowsa ka waraabiyo, kitaabkiisana midigta ka siiyo.

Hadaba inyar oo ka mid ah shaqsiyadii Prof. Cali Xasan ayaa halkaan idiinkugu soo gudbinayaa, waxaa qoraalkaani kasoo qaatay barta Facebook ee Xasan Hundubey Jimcaale oo faallo yar ka bixinaya kumuu ahaa Prof. Cali Xasan.

Profosser Cali Xasan Maxamad: Aqoon Aamin!

Asaga oo Hormuud ah, ayuu haddana waxa uu arday ka ahaa qeybta taariikhda ee Jaamacadda Umadda.

Ardadii galaaska la fariisan jiray asaga oo Hormuud ah, waxa ay ii hubiyeen inaan ardada laga aqoon jirin.
Heerka Jaamacadda laba shahaado ayuu ka qaatay. Laba Diploma sare ayuu qaatay. Master iyo PHD.
Asaga oo leh degaan u gaar ah ayuu diiday in uu degaanadoodo, oo uu ardada soo dhex degay, Africa University oo Khartoum ku taala.

Waa nin ku raaxaysta ku dhex jirka ardada iyo goobaha waxbarashada.

Jaamacadda Muqdisho aqoon-yahankii kiciyay ee hawada geliyay ayuu ka mid yahay.

Waxaa u dhreer in uu aad u jecelyahay midnimada Soomaalia.
Waxa uu mar walba dhegaystayaashiisa ku booriyaa in waddan yar, ama dad yar uusan adduunka qiima weyn ka lahayn oo loo baahanyahay in Midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed lagu dadaalo lana adkeeyo.

Professor-ku waxa uu ka mid yahay dadka si dulqaad leh ugu dhabar adaygay waxabarshadiisa iyo weliba sii gudbinteeda, asaga oo ku gudbiya si qiirad iyo waddaninimo ka buuxdo oo aan qabow ahayn.

Asaga oo kale ayaa tiir u naqan kara dhismaha aqoonta waddanka iyo isku haynta bulshada. Iyo sidoo kale in la helo soomaali isku kalsoon, isku duuban, isna aaminsan.

Professor-ka asaga oo kale Alaha nagu badiyo. Waan qirsanahay kaalintiisa weyn ee uu bulshada ugu jiray.

Caasimada Online 
Xafiiska Muqdisho 
[email protected]

Xogo kusoo kordhay Markabkii ay afduubteen Burcad-badeeda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online )-Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay markab la sheegay in ay afduubteen koox burcad badeed ah, waxa ayna sheegeen in ay abaabulayaan ciidamo soo furta markabkaasi.

Gudoomiyaha degmada Caluula Cali Shire Maxamuud Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Puntland ay isku diyaarineyso soo furashada Markabka.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in dadka soo afduubtay markabkaasi ay yihiin burcad badeed, balse nin sheegtay in uu ka mid yahay dadka markabka afduubtay ayaa isna saxaafadda u sheegay in ay yihiin kalluumeysato.

Markabka ay soo afduubeen kooxda hubaysan ayaa la geeyay meel u dhow xeebta Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland-Soomaaliya.

Markabkan oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa kasoo shiraacday magaalada Jabuuti waxaana uu u socday Muqdishu markii shalay la afduubay.

Sidoo kale, Markabka ayaa waxaa la socday Toddoba qof oo shaqaale ah oo u dhashay dalka Sirilanka ayaa saaran markanka.

Lama oga waxa ay noqon doonto talaabada ay qaadi doonto Puntland maadaama Kooxaha afduubka geystay ay yihiin kuwo Hubeysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixinta Ethiopia oo iska horgeyneysa Farmaajo, beelaha iyo musharaxiinta uu ka guuleystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu Caqabado kala duwan kala kulmi doono Musharaxiintii looga guuleystay Doorashada Somalia.

Warbixin ay soo saartay Xaruunta Wada xaajoodka, Cilmi-baaritsa iyo Iskaashiga ee loo yaqaan ”The Centre for Dialogue, Research and Cooperation” isla markaana hoos tagta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay in Dowlada Ethiopia ay walaac xoogan ka muujineyso Caqabada ay Musharaxiinta laga guuleystay ku noqon doonaan Dowlada Farmaajo.

Warbixinta oo ka kooban 10 Bog ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia uu maciin biday misna wada shaqeyn la sameeyay Odayaasha Dhaqanka iyo Maamul-gobaleedyadda Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxaa Warbixinta sidoo kale, lagu lafa-guray Magacaabista Kheyre, khibradiisa iyo Taageeradda uu ka helay Odayaasha Dhaqanka.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu ballanta uga baxay Musharaxiintii uu kaga guuleystay Doorashada, taa oo sababtay inay ka caroodan Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale, lagu sheegay in Musharaxiintaasi ay u muuqdaan Siyaasiyiin Mucaradsan Dowlada Madaxweyne Farmaajo ee aan wali dhisin Xukuumada Cusub, sida ay sheegtay Wada xaajoodka Cilmi-baaritsa Ethiopia.

Warbixinta oo aad u dheer ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in Wakiilo Ganacsato ka soo jeeda Beesha Abgaal booqdeen Dekedda Ceel-Maraan iyo garoonka dabeeciga ah ee Cisileey oo laga yaabo inay kaga biyo-diidsan yihiin Dekedda Muqdisho.

Booqashadaasi ayaa waxaa lagu sheegay mid muujinayso calaamad looga soo horjeedo dhaqdhaqaaqii Doorashadda sida warbixinta lagu qoray.

Waxaa lagu muujiyay warbixinta Saluugga Beelaha ee Dowladda Madaxweyne Farmaajo, iyadoo Beelaha qaar u arkaan sidii guul-darro iyo in laga yaabo inay dib u eegaan Istaraatijiyeynta dhaqdhaqaaqooda Mustaqbalka.

Waxa ay warbixinta intaa ku dartay in dhibaato hor leh ay soo foodsaari doonto Dowlada Madaxweyne Farmaajo, waa haddii Beelaha ugu tunka weyn ay Kuraas fiican ka waayan Xukuumada Cusub ee uu Hogaaminaayo Ra’isul wasaare Kheyre.

Warbixinta waxa ay shaki galisay in Madaxweyne Farmaajo uu maareynkaro Beelaha gadoodsan iyo sii wadista xiriirka uu la leeyahay Maamul-gobaleedyadda, gaar ahaan Jubbaland oo ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya Qabaa’illadda daga maamulka Jubalanad.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixintaani kasoo baxday Dowlada Ethiopia, gaar ahaan Xaruunta Wada xaajoodka, Cilmi-baaritsa iyo Iskaashiga ee loo yaqaan ”The Centre for Dialogue, Research and Cooperation” isla markaana hoos tagta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, ayaa u muuqata mid lagu carqaladeynaayo Dowlada Somalia, iyadoo laga horgeynaayo dhinacyada iminka ku mideysan Siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Taliyaha milatariga oo u hanjabay ciidamadii reer Muqdisho iyo fadeexaddii qabsatay oo uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada milatariga Soomaaliya sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa ka hadlay ciidamadii dhowaan gadoodka ka sameeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidamadaas ayaa gadoodka ku kacay kadib markii ay soo shaac baxday in taliyaha uu mushaharkii loogu tal-galay ciidamo gaaraya 3500 leexiyey, islamarkaana ku wareejiyey ciidamo ku sugan deegaanada Puntland.

Si kastaba, hadalka taliyaha uu maanta jeediyey ayaa layaab lahaa, kadib markii uu gebi ahaanba iska indha tiray inuu ka hadlo fadeexadda isaga hareesay, taa beddelkeedna uu eedda dusha uga tuuray ciidamada xuquuqdooda raadinayey.

Maxamed Aadan ayaa sheegay in ciidamo aan badneyn ay xiisadaasi kiciyeen, iminkana ay sharciga ay wajihi doonaan, inkasta oo xiqiiqdu ahayd in ciidamada gadooday ay dhammaayeen 3,500.

Waxa uu yiri “Waxaa arrintan ka dambeeyey ciidan yar oo aan badneyn, waa naqaan waxay ay yihiin iyo halka ay joogaan, tallaabo ayaana ka qaadi doonnaa”.

Waxa uu sidoo kale u hanjabay warbaahintii shaaca ka qaaday inuu mushaharkii ciidamada uu u leexiyey Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana weli ka hadal musuq maasuqa iyo xatooyada uu ku kacay taliyaha ciidamada milatariga, ayada oo ballanqaadkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in ciidamada aysan mushahar seegi doonin weli la sugayo in laga dhabeeyo.

Hoos ka dhageyso hadalka taliyaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Jaakado casri ah oo la shaqeynaya mobile-ka oo lasoo saaray + Qiimaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay dunida ku talaabeyso Horumaro kala duwan ayaa waxaa iminka soo baxay Jaakad la shaqayneysa Mobilka gacanta.

Soo saarida Jaakadaani ayaa waxaa iska kaashaday Shirkadda Google & Shirkadda Levi’s ee soo saarta dharka kuwaa oo qiimo sareeya ku iibinaaya Jaakada.

Jaakada iyo Mobilka ayaa la sheegay inay ku wada shaqeynayaan hab cusub iyadoo Mobilka loo furaayo Bluetooth, halka Jaakaduna ay leedahay Bluetooth ku shaqeynaaya Jaakadda.

Jaakadaani ayaa waxaa iminka iibsashadeeda ku hormaray Madaxda Caalamka oo iyagu aan wakhti u heyn isticmaalka Mobilka.

Maamulayaasha Shirkadaha waxa ay sheegen in isticmaalka Jaakada uu yahay mid fudud haddii aad laba farood ku garaacdo waxay kuu shidaysaa wixii maqal ah ee Mobilka ku jira.

Maamulada Shirkadaha ayaa sidoo kale, sheegay in Qiimaha jaakadda uu iminka maraayo 350 dollar waxaana suuragal ah inuu sara kaco qiimaha haddii Jaakada ay hesho suuq galin fiican.

Maxkamad caddaaladda Europe oo gaartay go’aan ka dhan ah haweenka muslimiinta

Maxkamadda  Caddaaladda Midowga Europe ayaa sharci ka dhigtay in shirkaduhu ay ka mamnuuci karaan dumarka u shaqeeya inaysan xiran Qamaarka madaxa la saarto,
Waa kiiskii ugu horreeyay oo dumarka muslimiinta xuquuqdooda laga horyimaado inay ku shaqayn karaan xijaabka.
Maxkamadda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay inay goobaha shaqada ee Europe ay mamnuuc ka tahay in qofku uu soo xirto calaamado muuqda oo muujinaya Diin, Siyaasad iyo wax lamid ah.
Laba shaqaale oo haween ah oo ku kala sugan Belgium & France ayaa kiiskan makamadda ECJ keenay kaddib markay diideen inay qamaarka madaxda ka qaadaan.
Labada gabdhood middood waxay u shaqaynaysay shirkadda G4S taasoo sharciga shirkaddaas uu dhigayo in qofku uusan xiran karin calaamado diin muujinaya ama siyaasad ama falsafad kale.
Gabadha kale waxay ahayd lataliyaha dhinaca IT-ga waxaana loo sheegay inay qamaarka madaxa ka qaaddo waana diiday iyaduna.
Shirkadda G4S oo khilaafka arrinkan uu soo bilowday sanadii 2006 markii hore sharcigoodu kuma qornayn in shaqaaluhu uusan xiran karin calaamado muujinaya xisbi siyaasadeed, diin ama falsafad kale, laakiin sharciga shaqaalaha ayaa wax laga baddalay markay dumarka ka shaqeeya shirkadda bilaabeen inay xijaab xirtaan.
Inkastoo sharcigani uu saamayn doono dad badan maxkamaddu waxay tiri, “Go’aankani maaha mid lagu cunsuriyaynayo ama lagu bartilmaammeedsanayo Islaamka iyo diimaha kaleba”.
Gabadha shaqaalaha ah ee ku sugan France oo ah  injineerad xagga naqshadda ee shirkadda Micropole, ayaa laga codsaday inay joojiso xirashada xijaabka ama qamaarka, laakiin waa diiday inay dhigto qamaarka.
Maxkamaddu ayaa go’aanka kaddib waxay dib ugu celisay maxkamadda France si arrintan ay u meel mariso oo go’aanku uu yahay mid sax ah iyo dib u eegis in lagu sameeyo shuruudaha shaqada ee dalka France.
Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
[email protected]

Itoobiya oo hal shardi ku xirtay soo dhaweynta wasiirada cusub ee uu magacaabayo Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – CDRC oo ah hey’ad bil kasta soo saarto joornaal ay kaga hadleyso baaritaano iy warbixino isla markaasna laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa qoraal dheer oo 10 bog ah kasoo saartay doorashadii Farmaajo, Magacaabista Ra’isulwasaate Kheyre, caqabadaha hor taagan iyo sida ay noqon doonaan wasiirada.

Haddaba markaan waxaan soo qaadaneynaa hal shardi oo ay Hey’adaan Itoobiyaanka ah ku xirtay soo dhaweynta golaha wasiirada cusub ee la filayo inuu dhawaan ku dhawaaqo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Hey’adaan ayaa sheegtay in haddii la rabo in lagu wada qanco golaha wasiirada cusub ay lagama maarmaan tahay inuu Farmaajo si siman wasiirada ugu qeybiyo beelaha Soomaaliyeed isla markaasna uu qanciyo dhammaan.

CDR oo markasta qoraa kasoo saarto xaaladda Soomaaliya ayaa dhawaajisay inay muhiim tahay in Beesha Abgaal oo looga guuleystay doorashada lagu qanciyo golaha wasiirada sidoo kalana laga siiyo wasiiro muhiim ah.

Waxay sheegtay haddii aysan sidaas dhicin in dowladda cusub ay weyn doonto kalsoonida beelaha iyo codka xildhibaanada Soomaaliya oo si aqlabiyad leh ku ansixiyey Ra’isulwasaare Kheyre.

Arrintaan ay ka hadashay dowladda Itoobiya ayaa imaaneyso xilli uu Kheyre ku guuleystay qancinta beelaha Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday inay xor uga dhigaan magacaabista wasiirada sidoo kalana ay soo dhaweeyaan shaqsiyaadka uu u garto inay yihiin kuwa mudan in lagu soo daro golihiisa wasiirada.

Beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed ayaa aqbalay codsigii uu Kheyre usoo gudbiyey waxayna u ballan qaadeyn inay si fiican ula shaqeyn doonaan cid kasta oo uu xil u dhiibo.

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aamisan in hadalka kasoo yeeray Itoobiya lagu doonayo in la isaga horkeeno beelaha Soomaaliyeed iyo dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdulaahi Farmajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nabadoonkii todobaad oo goordhow lagu khaarijiyay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo hubeysan ayaa goordhow toogasho ka geystay gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Kooxdaani toogashada fulisay ayaa ku hubeysnaa Bastoolado waxa ayna toogteen Nabadoon Axmed Ibraahim Tanaas isla markaana ka mid ahaa ganacsatada suuqa Bakaaraha.

Dilka ayaa ka dhacay aga-gaarka Masjidka Cali-dheere ee gudaha suuqa Bakaaraha, waxaana la sheegay in kooxihi dilka ka danbeyey ay baxsadeen.

Dilka Nabadoonka ayaa waxaa fuliyay laba Maleeshiyo oo ka toogtay qeybaha sare ee jirkiisa, waxa uuna sidoo kale Nabadoonka ahaa Ganacsade.

Majirto cid ka hadashay dilkaas oo waxyar ka hor ka dhacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho loogu geestay nabadoon Tanaas ,iyadoo kooxihii Dilayna ay ka baxsadeen Goobta

Tan iyo markii la doortay Farmaajo ayaa Muqdisho noqotay goob marti gelisa dilalka dadka aan waxba galab iyo kuwa aan siyaasad lug ku lateen, mana muuqata ficil dowladda cusub wax ugu qabaneyso falalkaan amaan daro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso Liiska dhawr wasaaradood oo lagu soo kordhin doono golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan la filayaa in lasoo magacaabo golaha wasiirada, waxaana howshaas ku mashquulsan Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kheyre ayaa ku jiro wadatashiyadii ugu dambeeyey oo uu kusoo xulayo golaha wasiirada waxaana la filayaa inuu dhawaan saxaafadda usoo bandhigo.

Haddaba caasimadda Online ayaa heshay xog cusub oo muujineyso wasaarado cusub oo lagu soo daro doono golaha wasiirada cusub xilli la filayey inay aad u yaraadaan wasiirada xukuumadda Kheyre.

Xogtaan ayaa waxaan ka helnay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku dhaw dhaw xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga filayey inuu Ra’isulwasarahe Kheyre kala tashan doono in wasiirada lasoo koobo sidoo kalana laga dhigo mid la mid ah xukuumaddii tayo ee uu Ra;isulwasaaraha u ahaa Farmaajo.

Wasaaradaha cusub ee lasoo kordhiyey ayaa waxaa ugu dambeysay xiligii ay Soomaaliya ka jirtay dowladdii kumeel gaarka aheyd, kumana aysan jirin dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ee dhawaan waqtigeeda dhamaaday.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso wasaaradaha la filayo in lagu soo daro golaha wasiirada ee uu Kheyre howsheeda wado:

Wasaaradda Bii’ada iyo ka hortagga musiibooyinka

Wasaaradda Hub dhigista iyo dhaqan celinta

Wasaaradda Dalxiiska iyo Duurjoogta

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo soo saartay digniin la xiriirka heshiiskii dekada Berbera

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo saaray digniin la xiriirta inaan shirar ku saabsan heshiiska Berbera lagu qaban karin magaalada Hargeysa.

Qoraal kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay inaysan aqbali doonin in shirar ka dhan ah arimaha heshiiska Berbera lagu qabtaa deegaanadeeda.

Qoraalka oo kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo qabata arimo ka dhan ah mashaariicda ka socdo Somaliland iyoheshiiskii Imaaraatka.

Hoos ka akhriso qoraalka

La-yaabka dunida: Haweeney aan laheyn xubinta taranka oo loo sameeyay: Video

Georgia (Caasimada Online)- Haweeney ku nool gobolka Georgia ee dalka Mareykanka oo ku dhalatay mucjiso rabbaani ah iyadoo aan laheyn xubinta taranka ayaa hadda rajeyneyso in ay noqoto qoys, kadib markii dhaqaatiirka ay u sameeyeen xubin taran iyo ilmo galeenka.

Haweeneydaan oo qaliin heer caalami ah lagu sameeyay ayaa hadda awoodo iney sameyso galmo iyo in ay wax dhali karto, rajadeeduna tahay inay qoys abuurto.

Devan Merck oo 23 jir ah ayaa markii ay dhalaneysay laheyn xubinta taranka ee naagaha, taasoo nolosheeda hoos u dhigtay, laakiin hadda rajadeeda wanaagsan tahay, waxaana qeybo ka mid ah jirkeeda looga abuuray xubinta taranka.

Xigasho: Soo gudbiyaha dhacdooyinka la-yaabka Warfaafiye.com 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: Farmaajo oo Sheekh Shariif u magacaabi raba xil muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ka mid ah saaxiibada ugu dhaw iyo hogaamiyaasha uu talada ka qaado Madaxweynaha la doortey Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la filayaa in dhawaan loo magacaabo xil aad u culus.

Wararka laga helayo xarunta Villa Somalia ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Farmaajo uu dadaal ugu jiryo sidii uu Shariif Sheikh Axmed ugu qancin lahaa inuu kala shaqeeyo dhinacyada nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo hanaankii ay ummadda Soomaaliyeed isu cafin laheyd.

Ilo waareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in loo magacaabi doono Gudoomiyaha Gudiga Dib u Heshiisiinta Qaranka, qorshihii ku aadanaa magacaabistaasi ayaa lagu soo waramayaa inuu haatan meel gabagabo ah marayo.

Maalmaha soo socda ayaa la hadal hayaa inay suurgal tahay in magacaabistaasi la soo bandhigo, ujeeddada Sheikha loogu dhiibayo xilkaasi ayaa lagu macneeyay inay qeyb ka tahay sii adkeynta xiriirka ka dhaxeeyo Farmaajo iyo Shiikha iyo hanaankii dar-dar iyo nolol cusub loo galin lahaa guddigaasi oo magac mooyee aan iminka waxqabad buuran laheyn.

Guddiga qaabilsan dhanka dib u heshiisiinta Qaranka ayaa iminka la filayaa in la balaariyo hawshiisa, waxaana la hadal hayaa in la siin doono awood dheeraad ah iyo dhaqaale aad u fara badan oo uu ku guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Shiikh Shariif Sheikh Axmed oo ahaa Madaxweynihi keenay Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuu Farmaajo la leeyahay xiriir ku dhisan is aaminaad, wada shaqeyn iyo isku kalsoonaan, dhawaan markii la doortey Madaxweyne Farmaajo waxa uu Sheikh Shariif balanqaaday inuu si hagar la’aan ah uu ula shaqeyn doono.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa loo saadaalinayaa inuu wax badan ku soo kordhin doono arimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya haddii uu si rasmi ah u aqbalo xilkaasi, horey ayuu Sheikh Shariiif u sameeyay Hay’ad Samafal oo la magac baxdey Samadoon Foundation taasi oo waxqabad la taaban karo ka sameysay adeegyadii ay u xil saarneyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre oo abaaraha la xiriiray laba arrin oo Soomaalida caado u ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Isu soo bax roobdoon ah oo Maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin xilal muhiim ah ka haya Dowlada Somalia.

Banaanbaxan oo dhowaan uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Masjidka Isbaheysiga Qaranka ayaa lagu tukaday Salaad Roob doon ah .

Culimadda Soomaaliyeed ayaa Bulshada ugu baaqay in ay Soomaan oo ay Alle Baryaan.

Mas’uuliyiinta ka qeybgashay ayaa waxaa kamid ahaa Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale.

Dukashada Salaada ayaa waxaa ka soo qaybgalay Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn sida Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Sheekh Cali Dheere iyo Mashaa’iq kale oo badan.

Ardayda Dugsiyada Qur’aanka ayaa la’arkayay iyagoo Madaxa ku sita Looxdii ay Quraanka ku dhiganayeen Allana ka Baryayay inuu u naxariisto dadka Soomaaliyeed oo uu siiyo Raxmadiisa, kana dul qaado Abaaraha ka jira Dalka.

Markii Salaada Roob doonka la dukaday ayaa waxaa Duceeyay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwaas oo sheegay sidoo kale in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay Alle u toobad keenaan.

Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Abaaraha ka jira dalka ay la xariiraan Musuq maasuqa iyo Qabyaalada Baahsan ee ka jira dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhexdooda.

“Waxaan idiin balan qaadaynaa aniga iyo Madaxweynahaba inaan la dagaalami doono Musuq maasuqa iyo Qabyaalada, si looga gudbo dhibaatooyinka hada jira.”

R/wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay dhexdooda isku gurmadaan oo ay isku naxariistaan, maadaama Abaartu haatan ay xoolo beel ku riday dad badan oo soo maaliyeed.

Maxay itoobiya ku tilmaamtay beesha uu kasoo jeedo R/W Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) – CDRC oo ah hey’ad bil kasta soo saarto joornaal ay kaga hadleyso baaritaano iy warbixino isla markaasna laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa qoraal dheer oo 10 bog ah kasoo saartay doorashadii Farmaajo, Magacaabista Ra’isulwasaate Kheyre, caqabadaha hor taagan iyo sida ay noqon doonaan wasiirada.

Haddaba markaan waxaan idiin soo qaban doonaa qeybta ay warbixintaan Itoobiya soo saartay uga hadashay beesha uu kasoo jeedo Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xasan Cali Kheyre wuxuun kasoo jeedaa Beesha Hawiye, Gaar ahaan Murusade (Karanle) haddaba dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay qaabka iyo waxa ay ka aamisan tahay beesha Murusade ee uu ku abtirsado Ra’isulwasaaraha.

Itoobiya ayaa sheegtay inay Beesha Murusade tahay beesha ganacsiga ugu badan ku leh suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Warbixintaas ayey ku sheegtay in hantida ugu badan ee taal Suuqa Bakaaraha ay leedahay Beesha Murusade oo Markii ugu horeysay Soomaaliya ka qabatay xilka Ra’isulwasaaranimo markii uu Maxamed Cabdulaahi Farmaajo si lama filaan ah ugu magacaabay xilkaas Xasan Cali Kheyre oo aan kamid aheyn siyaasiyiintii la hadal hayey inay xilkaas qaban doonaan.

Dowladda Itoobiya ayaa ah mid si fiican ugu dhex milan siyaasadda Soomaaliya, sidoo kalana waxay aqoon buuxda u leeyahay qeybaha kala duwan ee Beelaha, inkastoo aan la xaqiijin karin run ahaanshaha inay beesha Murusade tahay midda ugu hantida badan Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Sida la ogyahay Suuqa Bakaaraha waa suuqa ugu weyn oo ay taalo hantida Soomaalida waxayna hanta badan u taalaa qeybaha kala duwan ee beelaha Soomaaliyeed, welina tiro koob rasmi ah lagama soo saarin cidda leh hantida ugu badan ee taal suuqaas.

Ilaa hadda lama qiyaasi karo ujeedka ay Itoobiya ka leedahay hadalka ay ka sheegtay Beesha Murusade oo ah inay leedahay hantida ugu badan ee Bakaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

DF oo dhaqaale culus ku wareejisay maamulka Hirshabelle (Cadadka)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya Guddiga Gurmadka Abaaraha heer qaran ay bilaabeen bixinta lacagaha Gurmadka ee loogu tallo galay maamul Gobolada dalka.

Guddiga ayaa iminka lacag guddoonsiiyay Maamulka Hirshabelle taa oo loogu tallo galay in la gaarsiiyo dadka ay daashatay abaarta ee ku hoosnool maamulka Hirshabelle.

Maamulka Hirshabelle ayaa la gudoonsiiyay lacag gaaraysa 150-Kun oo dollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu Saameeyeen.

Maamulka Hirshabelle ayaa lacagtaas ka gudoomay gudiga iyadoo deegaanada Hirshabelle ka mid yihiin meelaha ay abaaruhu saameeyeen .

Degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen waxaa ka mid ah oo wabiga shabelle ka guray deegaano hoostaga Jowhar iyo Balcad ee G/Sh/Dhexe iyo sidoo kale tuulooyin hoos taga magaalada Baladweyn ee G/Hiiraan.

Maamulka Hirshabelle ayaa noqonaaya maamulka labaad ee la gudoonsiiyay lacagaha abaarta waxaana ka horeeyay maamulka Puntland oo asbuucii tagay lagu wareejiyay lacag dhan 150-Kun oo dollarka Mareykanka ah.

Dhinaca kale, lacagtaani loogu tallo galay abaaraha ayaa waxaa bixiyay qaar kamid ah Dowladaha saaxiibada la ah Somalia iyo Madaxweynaha JFS oo guddiga ku deeqay $30,000.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Wadani loo diiday xafladdii R/W Kheyre ee London oo sababay in qabiil iyo qaran loo kala jabo

0
London (Caasimada Online) – Xafladdii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre loogu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa fadeexadii ugu xumeyd ka dhacday kadib markii buuq ka dhashay oday Soomaaliyeed oo ku caan ah xirashada dharka ka sameysan Calanka dalkeena oo lagu magacaabo C/qaadir Cabdikariim “Mirig” ka hor istaageen inuu kalmed yar ka yiraahdo xafladdii, taasoo keentay in guddigii qaban qaabinayay iyo koox kale ay ninkaan u waceen ilaalada (Security) oo goobta laga sakro.
Arintaasi ayaa buuqii ka dhashay sababay in Odaygii Soomaaliyeed ee ku caanbaxay weyneynta dhaqanka, hiddaha iyo calanka Soomaaliyeed ay la banana Soomaalidii kale ee kasoo qeybgashay xafladda, maadaama laga saaray, waxaana goobta ku haray taageerayaal loo gartay inay ku jufo yihiin ra’iisul wasaaraha, inkastoo markii danbe arinta rag odayaal ah kusoo baxeen hoosna u xaliyay si xafladdu u noqoto mid Soomaaliyeed.

London waxaa qaati billaahi laga taagan yahay haween iyo odayaal is aruursaday oo ka kooban beelaha Soomaaliyeed oo ku qaraabta guddi beeleed iyo ururada magac u yaaalka ee 4.5 ku dhisan ujeedadooduna tahay inay ka muuqdaan warbaahinta wax ay diidan yihiin iyo waxay taageersan yihiina midna ma jirin, taasoo mas’uul ka ahaayeen diidmada in la taageero dadka abaareysan.
Wax xusad mudan in ra’iisul wasaarihii hore Nuur Cadde iyo Danjire Sureer Abshir Haamaan oo ka hadlay xafladdaasi inay codsadeen in loo gurmado abaarta, iyagana diyaar u yihiin inay bilaabaan gurmadka, hase ahaatee koox uu ka mid ahaa nin lagu magacaabo Maxamed Cali iyo Maryan Jaceyl ay si cad u diideen amarkii raiisul wasaare Kheyre oo ka codsaday dadka xafladda imaanayay inay gurmad iyo kaalmo sameeyaan, laakiin si cad ay u diideen labadaasi shaqsi ee kala ah Maxamed Cali iyo Maryan Jaceyl in wax lacag ah lagu aruuriyo xafladda maadaama ay ku doodayeen inaan loo imaan wax la mid ah gurmad abaaro ee loo timid taageero ra’iisul wasaare.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Xog: Sidee maamul-Goboleedyada dalka loogu qeybiyey wasiirada uu soo magacaabayo Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online)-  Waxaa meel gabagabo ah marayo magacaabista golaha wasiirada iyadoo uu aad ugu mashquulsan yahay Ra’iulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kala doorashada shaqsiyaadka soo socoday golaha wasiirada.

Haddaba caasimadda Online ayaa heshay xog muujineyso sida Maamul Goboleedyada dalka loogu qeybisayay wasiirada ugu muhiisan dowladda.

Xogtaan ayaan ka helnay dad aad ugu dhaw dhaw xafiiska Ra’isulwasaaraha, waxayna arrintaan qaadatay muddo badan waxaana lagu sheegay inay tahay midda sababta weyn u ah inay dhawr jeer dib u dhacdo magacaabista golaha wasiirada.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu dhawaan safar dibadda ah u baxo isagoo ka qeyb geli doono kulanka ay dowladaha IGAD ku yeelan doonaan Kenya kaasoo looga hadli doono arrimaha xaqootiga Kenya ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in golaha wasiirada lagu dhawaaqo ka hor inta uusan madaxweynaha safarkaas u bixin.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso qaabka maamul Goboleedyada dalka loogu qeybiyey wasiirada ugu muhiimsan ee xukuumadda Kheyre

– Puntland: Wasiirka Difaaca

– Koofur Galbeed: Arrimaha Dibadda

– Somaliland: Wasiirka Maaliyadda

– Jubbaland: Amniga

– Galmudug: Arrimaha Gudaha

– Hirshabelle: waxaa la filayaa in la siiyo Ra’isulwasaare ku xigeyn iyo wasiir.

Illo wareedyo rasmi ah ayaa Caasimadda u xaqiijiyey in wasiirka la siin doono Hirshabelle uu noqon doono wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha haddii aysan sheekada wax iska badalin maalmaha soo socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Itoobiya oo sheegtay in Abgaal ay Farmaajo u sheegeen inuu ka fiirsado halkan arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – CDRC oo ah hey’ad bil kasta soo saarto joornaal ay kaga hadleyso baaritaano iyo warbixino isla markaasna laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa qoraal dheer oo 10 bog ah kasoo saartay doorashadii Farmaajo, Magacaabista Ra’isulwasaate Kheyre, caqabadaha hor taagan iyo sida ay noqon doonaan wasiirada.

Haddaba Hey’addaan ayaa ka dhawaajiyey arrin aad loola yaabay markii ay sheegtay in Beesha Abgaal ay Farmaajo uga digtay inuu ka fiirsado Magacaabista golaha wasiirada.

Hey’adaan ayaa sheegtay in Odayaal, Xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeedo Beesha Abgaal ay kulan la qaateyn Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxayna ka dhawaajiyey in intii uu socday kulankaas laga wada hadlay qaabka ay noqon doonaan wasiirada lasoo dhisayo.

Sida ay sheegtay Hey’adda Beesha Abgaal ayaa madaxweynaha u sheegtay inuu ka fiirsado magacaabista wasiirada iyo qaabka loo qeybsan doono haddii kalana ay midaas ka dhallan doonto caqbaad.

Hey’adda ayaa sheegtay in Abgaal ay bilaabeyn inay cuna qabateyn saaraan Dakadda Muqdisho kadib markii ganacsato beeshaas kasoo jeedo ay ka dhawaajiyeen inay dib u dhisi doonaan Dakadda macmalka ah ee Ceel Macaan.

Hey’adda ayaa arrintaas ku tilmaamtay inay tahay tallaabo lagu wiiqayo awoodda dowladda dhexe isla markaasna waxayna ka dhawaajisay arrin lala yaabay oo ah in beeshaan ay tallaabadan u qaadeyso kadib markii loogaga guuleystay doorashadii ka dhacday Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Hey’adaan laga leeyahay dalka Itoobicya ayaa sheegtay in il gaar ah lagu hayo magacaabista golaha wasiirada midaasna ay ka dhallan karto caqabado ay la kulanto dowlada Farmaajo.

Warbixinada ay soo saartay hey’adaan oo aad u badan waxaana mid mid idinkugu soo gudbin doonaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]