26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Tani miyey caddeyn rasmi ah u tahay inuu Farmaajo la wareegay qalbiga shacabka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo Markii uu  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo noqoday madaxweynaha Soomaaliya waxaa la dareemayaa sida ay shacabka ugu han weyn yihiin maamulka iyo dowladda Farmaajo.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayey dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho u arkaan inuu yahay shaqsigii ku haboonaa inuu hoggaamiyo waana midda keentay inay dalka oo dhan is qabsadaan banaanbaxyo lagu taageerayey.

Hadddaba waxaa magaalada Muqdisho ka bilaabatay arrin cusub oo muujineyso meesha uu Farmaajo ka joogo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda Muqdisho.

Hooyooyina iyo aabayaasha ay ilmaha u dhasheen doorashadii Farmaajo kadib ayaa bilaabay inay ilmahooda u bixiyaan magaca Farmaajo waxaana xadka kasii baxayo ilmaha ilaa hadda loo bixiyey magacaas.

Faadumo Xasan Hilowle oo hooyo ku nool magaalada Muqdisho waxaana dhawaan isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ugu dhashay wiil waxayna ugu magac dartay Farmaajo.

Caasimadda Online oo ay u suurta gashay inay la kulanto hooyadaas ayaa waxaa waydiinay sababta ku kaliftay inay cunugeeda u bixiso magaca Farmaajo.

Hooyo Faadumo ayaa ka dhawaajisay inuu Farmaajo yahay madaxweyne dagay qalbiga ummadda Soomaaliyeed sidoo kalana uu yahay shaqsi wadani ah sidaasna ay ku go’aansatay inay wiilkeeda u bixiso magacaas.

Kaliya Hooyo Faadumo ma’ahan hooyooyinka magacaas ilamahooda u bixiyey sidoo kalana waxaa la kulanay hooyo kale oo magaceeda kusoo koobtay Safiyo taasoo iyadana wiilkeeda u bixisay magaca Farmaajo.

Arrintaan ayaa muujineyso sida aadka ah ee shacabka Muqdisho ay u jecel yihiin madaxweynahooda Farmaajo waxaana lagu tilmaamay inay midaan noqon doonto taariikh sidoo kalana waa madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey oo intaan oo cunug loogu magac daro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Weerar lagu dili rabay boqorka sacuudiga oo fashilmay, yaase ka dambeeyey?

Kuala Kampur (Caasimada Online) – Boqorka Sacuudiga ayaa maalmahaan wuxuu safar booqasho ah ku marayaa dalal ka mid ah qaaradda Asia isagoo doonayo inuu booqdo wadamo badan oo ka tirsan qaaradaan.

Haddaba booliska dalka Malaysia ayaa ka dhawaajiyey inay fashiliyeen weerar lagu dili rabay boqorka Sacuudiga Salmaan xilli uu ku sugnaa magaalada Kuala Kampur.

Kooxdaan weerarka soo qaaday ayaa ka koobneyd afar qof oo Yemeniyiinta xuutiyiinta ah iyo seddex shaqsi oo kasoo jeedo dalka Malaysia waxaana arrintaas soo abaabushay kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanto dalka Yeman iyagoo Sacuudiga ka aargudan rabay duqeymaha ay ku heyso xarumahooda Yeman.

Boqorka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyo ilaa 25 Amiir oo ka tirsan boqortooyada Sacuudi Carabiya wuxuuna markaas ku sigtay inuu ku baxo gacanta Xuutiyiinta.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijisay inay shaqsiyaadkaan xiriir dhaw la leeyihiin ururka Xuutiyiinta Yeman inkastoo warar kale ay sheegayaan inay kooxahaan ka tirsan yihiin ururka la baxay dowladda Islaamiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kuala Kampur
[email protected]

Abgaaal: Nabadda Boorama ku seexato ayey Jig jiga iyo Jabuuti ku seexdaan, ma doonayno in go’doon labaad galno

Hargeysa (Caasimadda Online) – Maxamed Jaamac Abgaal oo ahaa  wasiirkii hore ee Boosta iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiikii Berbera lagu siiyey Imaaraadka si ay halkaas saldhig Militari uga sameysato.

Abgaal oo ka dhawaajiyey inuu weli mushaar ka qaato Maamulka Somaliland aya haddana sheegay inuusan xaqiiqda ka gambaneyn isagoo ka dhawaajiyey inaysan Somaliland wax dan ah ugu jirin heshiiskaas.

“ waxaan rabaa inaan caddeeyo in heshiiskii Berbera lagu siiyey Imaaraadka Carabta aysan dan ugu jirin Somaliland, waan kasoo horjeednaa arrintaas, maanta diyaar uma nihin in saldhig Militari laga sameysto Somaliland sababtoo ah wuxuu halis ku yahay jiritaanka Somaliland, wadamada dariska ah maxaa yeelay   nabadda Boorama ku seexato ayey Jig jiga iyo Jabuuti ku seexdaan, ma doonayno in go’doon labaad galno oo jabuuti iyo Itoobiya go’doon ma labaad ka galno diyaar uma nihin”ayuu saxaafadda u sheegay Abgaal.

Abgaal ayaa Madaxda Somaliland ka codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qanciyaan shacabkooda sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey inaysan dowladda marmarsiiyo ka dhigin in Jabuutiba ay ku taal shan Saldhig oo Military.

Ugu dambeyntii Abgaal ayaa ka dhawaajiyey inaan marnaba laga sugeyn isaga inuu taageero heshiiskaas maadaama uusan uga dhex jeedin wax dan ah oo Somaliland ugu jirto sida uu sida hadalka u dhigay.

Siyaasiyiinta iyo madaxda Somaliland ayaa isku khilaafay heshiiskii Imaaraadka Carabta loogu saxiixay inay Saldhig Militari ka sameysato magaalada Istaraatiijiga ah ee Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-warran: Farmaajoow inaad i fogeynayso ayaan filayey..!!

Arintan waayahan hadalheynteedda magaalalda aad ayuu ugu badan yahay, taasoo noqotay in sadexdii qof ee taaganba uu mid ka mid ah afka ku hayo.
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay isbadal 8-dii bishii febraayo ee sanadkan 2017, taasoo aheyd in Maxamed C/llaahi Farmaajo uu noqday madaxweynaha Dalka Soomaaliya.
Horey waxaa u jirtay marka madaxweyne uu la wareego Madaxtooyada Dalka in shaqalaaha ku xareeysan madxtooyada ay isaga soo huleeli jireen, illeyn madaxweynihii  ay u qidmeeynayeen xilka waa uu ka dagaye iyagana waxay aamin san yihiin hadiiba taasi ay dhacday in aysan waxba u oolin.
Hadaba arintaasi caadada aheyd ayaa waxaa badalay Farmaajo oo la yimid siyaasad ka duwan taasi oo ah mid ay si aad usoo dhoweeyeen shaqaalaha madaxtooyada. Waxaan ku keenay qormadan laba nin oo ka tirsan shaqallaha madaxtooyada oo u khidmeyn jirtay madaxweynihii hore ee waqtigiisu dhamaaday, shaqaalahan ayaa isku diyaarinayay baagamuundo nimo & howle kale balse waxaa niyadda u dhisay Madaxweyne Farmaajo oo habeenkii uu ku hoyday madaxtiooyada subixi shir la qaatay dhamaan shaqaallihii horey u joogay.
Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal u dhow xafiiska madaxweynaha ayaa sheegaya in dhamaan uu shaqaalaha u ugu baaqay madaxweynaha in ay shaqdoodi sidii hore u gutaan, oo aysan jirin cid raacdeysaneysay ama daba taagan, hadalkaasi aad beey usoo dhoweeyeen shaqalihii madaxtooyada.
Waxaa marag ah in hada lagu arko qaar ka mid ah shaqaalihii hore ee madaxtoooyada in ay weli u joogaan goobahoodi, waxaana ka mid ah shaqaalaha kushiinka, kuwa electric, Tubiiste yaasha, shaqaalaha caadiga ah ee xafiisyada jooga. IWM.
Mid ka mid ah shaqaalaha wada gaadiidka usoo addeega madaxtooyada ayaa yiri “FARMAAJOOW INAAD NA FOGEEYNASAAN FILEYNAY, WAASE FARAXSANAHAY HADAAD FARAHA NAGA QAADAY”
Hadii aan wax yar dib u laabano kasoo bilow AUN Madaxweyne Abdullaahi Yusuf, markii uu xlka ka dagay ee uu Sheekh Shariif la wareegay waxaa habeenkii la doortay subixi isaga soo huleeyay dhamaan shaqaalihii madaxtooyada, sidoo kale Markii la Doortay Xasan Sheekh mid la mid ah, balse waxaa taa mid ka duwan sameeyay Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale waxaa weli iyagana shaqoodda wata shaqaalihii Ra’iisul wasaarihii hore Cumar C/rashiid oo iyagana horey sidaa ahaan jiray.
W/Q Asad Dhayow
Mogadishu-Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Qaar ka mid kooxdii Damjadii oo galay takoor siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guul darradii lama filaan ku noqtay kooxdii Damjadii ee 8-dii bishii Febraayo ee la soo dhaafay looga adkaaday xilka madaxtinimada dalka ayaa qaar ka mid ah Kooxda, waxaa la soo gudboonaatay xaalad jahwareer ah oo gaarsiiyey inay qaar dalka ka cararaan qaar kalana ay guryahooda gabaad ka dhigtaan ka dib markii ay wajiga sii kari waayeen siyaasiyiinta iyo dadka magaca ku leh bulshada Soomaaliyeed.

Raggaan xaaladaan kali ahaanshaha ah ay la soo gudboonaatay ayaa ahaa wasiiro ka tirsanaa Xukuumaddii ugu dambeeysay ee Cumar Cabdirashiid kuwaasi oo ka qeyb qaatay iska horkeenka beelo Soomaaliyeed oo walal ah iyo daandaasni ay ku sameeyeen siyaasiyiin qaarkood kuraas Xildhibannimo ay ka hor istaageen iyo kuwa ciriir ay ku geliyeen kuraas xildhibaanimada xiligii ay socdeen doorashooyinkii xildhibaanimo ee ka dhacay magaalooyin ka mid ah gobollada dalka.

Marka laga yimaado awood sheegashooyinkaas ayaa haddana waxaa jira bahdil iyo hadallo aqlaaq darro ah ay u geeysteen siyaasiyiin, waxgarad iyo madax dhaqmeedyo Soomaaliyeed.

Inkastoo ay jireen wasiiradaasi dhallinyarada ah ee ficilada meel ka dhaca ah u geeystay siyaasiyiinta islmarkaana colaad ka dhax abuuray beelo Soomaaliyeed intii ay masuuliyada hayeen ayaa haddana waxaa jira rag badan oo ka tirsan Kooxda Damjadiid kuwaasi oo wali sumacad iyo karaamo ku dhex leh siyaasada iyo bulshada Soomaaliyeed walina aan looga maarmin garab istaagida dowladda Farmaajo sida Faraax Sheekh Cabdulqaadir, Cabdikariim Xuseen Guulleed iyo kuwa kale.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in raggaan Damjadiid ka ah ee qaarkood firaxadka dalka uga maqan iyo kuwa baholyoowga daashaday ee ku ku takri falalay masuuliyadii wasiirnimo ee uu u dhiibay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa lunsaday olalahii doorashada lacago badan oo loogu dhiibay xildhibaano iyo inay howl ku qabtaan taasi oo qeyb ka noqotay guuldaradii madaxweyne Xasan Sheekh oo sannado badan u sirnaa dhallinyaradaas Damjadiidka ee wasiirada ka ahaa xukuumadii ugu dambeysay ee Cumar Cabdirashiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Shirkadda NIKE oo soo bandhigtay xijaab dumarka ciyaartooyda muslimka loogu talagalay

Oslo (Caasimada Online) – Shirkadda caanka ku ah soo saarista dharka iyo kabaha ciyaaraha ee NIKE ayaa soo bandhigtay qorshe ay ku howlanayd sanado badan oo ay ugu talagashay haweenka Muslimka ah ee ka qayb qaata ciyaaraha caalamiga ah ee adduunka, waxayna haatan suuqyada soo dhigtay xijaab ay ugu talagashay haweenka Muslimka ah ee ka qayb qaadan doona tartammada orodka iyo wixii lamid ah.

Xijaabkan cusub oo ah nooc xirashadiisu fudddahay waxaa laga sameeyay maro qafiif ah oo sidii laastiigga u kala baxaysa lehna dulduleello yaryar oo hawo kasoo gali karto, wuxuuna soo shabahaa marada qammaarka.
Dadka xayaysiinta xijaabkaas ka qaby qaadanaya waxaa kamid ah gabar u dhalatay  Dubai oo la yiraahdo Zahra Lari oo ka qayb qaadan doonta ciyaaraha Winter Olympics ee ka dhacaya 2018 Pyeongchang, dalka South Korea, Imaaraadka Carabta (UAE.) ayay Zahra u tartamaysaa.
Zahra ayaa kusoo bandhigtay barta ay ku leedahay Instagram  sawirro ay ku labisan tahay xijaabkaas waxayna qoraal kooban ku tiri, “Ma rumaysan kartaa inuu xajiibkaas Dubai yaallo”.
Xagaaggii lasoo dhaafay gabadha la yiraahdo Ibtihaj Muhammad oo ah Muslim American  kana qayb qaadatay ciyaarihii Olympic-kada ee caasimadda Rio De Janeiro ayaa la arkay iyadoo xiran xijaab waxayna waqtigaas ku guulaysatay biladda maarta.
Sanadkii tagay bishii October ciyaaraha dumarka adduunka FIFA oo da’doodu ka yartahay 17-sano ee kana dhacay dalka Jordan ayaa soo jiitay indhaha caalamka markii gabdho muslimiin ah oo xiran qamaar la arkay intii lagu guda jiray tartanka.
Hay’adda la socodka anshaxa ciyaartoyda ayaa sanadkii 2014 ogolaaday in ciyaartoyda dumarka Muslimka madaxa daboolan karaan.
Laakiin guddiga anshaxa ciyaarhaa kubadda kolayga FIBA ayaa diiday in dumarku madaxa daboolan karaan inta lagu guda jiro ciyaarta kubadda kolayga.
 
Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.

Caqabado haysta qorshihii laga damacsanaa ciidamada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online ) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Muqdisho ku kulmay Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Somalia oo ay kamid yihiin Taliyaha NISA, Booliska iyo Militeriga.

Go’aanada laga soo saaray fadhiga Taliyayaasha ayaa waxaa kamid ahaa in Ciidamada Militeriga laga saaro magaalada Muqdisho, maadaama ay yihiin kuwa inta badan dilalka bareerka ah u geysta dadka shacabka ah.

Go’aankaani ayaa hor u dhicisoobay mudadii ay dalka ka arinineysay Dowladii Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo Laba jeer ah Taliyaha Ciida,ada Militeriga lagu amray in Ciidamada uu ka saaro magaalada Muqdisho, hayeeshee waxaan hirgalin amarkaasi oo ahaa mid uu bixiyay Madaxweynihii hore.

Asbaabaha fashiliyay hirgalinta amarkaasi ayaa waxaa kamid ahaa in magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Ciidamo diiwaan gishan iyo Maleeshiyaad aan diiwaan gishneyn kuwaa oo la socda Madaxda qaar.

Hirgalinta Amarkaasi ayaa waxaa fashilintiisa qeyb ka ahaa Mas’uuliyiinta Dowlada oo iyagu wata ilaalo ay isku heyb yihiin kuwaa oo aan u diiwaan gishneyn Dowlada balse loogu labisay dareeska Ciidamada.

Ciidamada Militeriga ayaa markii loo qeybiyo 4 meelood ayaa waxa ay yihiin kuwo aan laba meelood iyo dhig u diiwaan gishneyn Dowlada kuwaa oo loo isticmaalo ilaalada gaarka ah oo ay wataan Mas’uuliyiinta waxa ayna talaabadaasi qeyb ka tahay hirgalin la’aanta amarka kasoo baxa Madaxda Qaranka.

Dilalka ugu badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale geysta ilaalada gaarka ah iyo Ciidamada kale ee ka tirsan Militeriga, waxaana adkaan doonta in Dowlada Farmaajo ay ku guuleysato go’aanka Ciidamada Xooga looga saaraayo magaalada Muqdisho, maadaama Taliyaha Militeriga qudhiisa aysan u diiwaan gishneyn Maleeshiyaadka shaqsiyaadka gaarka ah la socda ee wata dharka Ciidanka.

Caqabada ugu badan ee amarka magaalada Muqdisho looga saaraayo Ciidamada Militeiga ayaa noqon doonta in Taliyaha Ciidamadaasi uusan ka dhabeyn doonin go’aanka waxa ayna taa noqon doontaa mid aan waxba ka duwaneyn amaradii hore.

SIDEE LOOGA DHABEYNKARAA AMARKAASI?

Amarka lagu saaraayo Ciidamada Milteriga ayaa dhaqan gali doona fulinta qodobada soo socda:

1-In Taliyaha Ciidamada Xooga uu dib ugu laabto Liiska Ciidamada si loo kala sifeeyo ka hor inta aan magaalada Muqdisho laga saarin.

2-In Taliyaha uu guuto waliba kulmiyo si Liiska looga saaro Ciidamada aan diiwaan gishneyn.

3-In Askarigii ku labisan Dareeska Militeriga ee lagu dhex arko magaalada Muqdisho loo diro baaritaan si loo xaqiijiyo.

4-In la sameeyo Ciidamo ka tirsan Militeriga oo gaaf wareega magaalada Muqdisho kuwaa oo uruurinaaya Askarta ku labisan dharka Militeriga si loo xaqiijiyo isla markaana looga abaalmariyo amar jabinta.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa adkaan doonta in Ciidamada Militeriga laga sifeeyo magaalada Muqdisho, waa haddii aan la helin Saraakiil ka dhabeysa amarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Erey ay dad badan dhibsadeen oo waayadan dambe kusoo kordhay afka Soomaaliga!   

Maalmahan dambe waxan media-yaha gaar ahaan baraha Bulshada ka maqalnaa eray ay isticmaalaan Madaxda qaar, aqoonyahannada, Fanaaniinta iyo siyaasiyiintaba kaasi oo aan shaki badan laga muujiyey.

Eraygu wuxu leeyahay tusaale ahaan ‘waxan ka hadlayaa dadka Afka Soomaaliga ku hadala, amaba waxay leeyihiin dhulkan ay ku noolyihiin dadka Afka Soomaaliga ku hadla’, eray bixinta ah dadka Afka Soomaaliga ku hadlaa aniga ilama ahan kalmad fiican waa kalmad maldahan amaba micno hoose ku duuganyahay amaba u jeed kale laga leeyahay, arrintaan waxay ila tahay inay ku hoos jirto duudsiin jiritaanka dadka leh afka Somaaliga.

Af Soomaaliga waxa iska leh ummadda Soomaaliyeed ayaga ayuuna afkooda yahay waa afkii hooyo (hooyadu halkan waxay u taagan tahay dalka ama wadanka. Waa waxa afka qalaad lagu yiraahdo “mother tongue”. Macnuhuna wuxuu noqonayaa afkii dalka iyo dadka Somaliyeed.

Soomaalida hadii lagu sheego dadka Af Sommaliga ku hadla, macneheedu waxaa weeye dadka Soomaalidu afka Somaliga waa ku hadlaane iyagu maleh taas oo dhulkana su’aal galinaysa, annagu Somali ahaan, afka Somaliga annaga ayaa leh, dadka ku hadlaa waa kuwa bartay. Qofka oranya daka ku hadla afka Somaaliga, maxaa u diiday inuu yiraahdo dadka Soomaaliyeed. Yuu uga cabsanayaa inuu yiraahdo dadka Soomaaliyeed, Ma ummadnimadayada iyo jiritaankeena ayuu su’aal galinayaa.

Tusaale; English waa Af waana ummad, dadkiisu ma ahan kuwo ku hadla English ee waaba astaantoodii umadeed, sidoo kale, wadamo badan ayaa ku hadla afka Faransiiska, micnaheedu maahan cid walbaa oo afka Faransiika ku hadashaa inay Faransii tahay.

Afka Soomaaligu waa aqoonsi [identiy] waana astaantii umadeed ee Soomalinimada oo ay gaar u leeyihiin dadka Soomaaliyeed ama Soomaaliya ha joogeen, Soomali-land ha joogeen, Djabuti ha joogeen, ethopia ha joogeen ama Kenya ha joogeenee.

W/D Mukhtar M Yalahow

Maxay ka siman yihiin R/W Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in golaha Wasiirada uu soo Magacaabayo in ay noqon doonaan kuwa wada shaqeyn dhow la yeesha Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Golaha Wasiirada uu soo dhisayo in aysan noqon doonin kuwa dantooda gaarka ka shaqeeya balse ay noqon doonaan kuwa ka shaqeeya sida uu sheegay hormarinta iyo Midnimada Ummada Soomaaliyeed.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ilaa hada aysan jirin Golle Wasiiro oo diyaarsan, Waxa uuna been abuur ku tilmaamay Wararka sheegaya in golaha Wasiirada ay diyaarsan yihiin isla markaana la sugayo oo keliya ku dhawaaqis.

Waxa uu sidoo kale sheegay in weli ay socdaan wada tashiyo ku saabsan Magacaabista Golaha Wasiirada.

Sidoo kale Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan Madaxda Cusub ee Dowladda.

Arinta ay ka siman yihiin isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayuu ku sheegay inay tahay ineysan marnaba aqbali doonin in Musuq ay ku kacaan wasiirada ay soo dhisi doonaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in si ka duwan sidii hore loo wada shaqeyn doono marka lagu dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Ganacsiga loo isticmaalayo magaca iyo sawirka Farmaajo oo Muqdisho kusoo badanaaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanaaya Ganacsiga lagu iibgeynaayo magaca Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Ganacsiga lagu iibgeynaayo magaca Madaxweynah ayaa waxaa kamid ah Shaambooyin lagu hardhay magaca iyo Sawirka Madaxweynaha kuwaa oo la sheegay in si aad ah looga iibsanaayo Suuqyada magaalada Muqdisho.

Shaambooyinkaani oo ku jiro caagado ayaa waxaa barbar socda kuwo kale oo aad u yaryar kuwaa oo inta badan daadsan suuqyada magaalada Muqdisho.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa Shaambooyinkaasi u iibsanaaya keliya taageerada ay u hayaan Madaxweynaha, waana sababta ugu badan ee Shaambada loogu iibgeeyo suuqyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa sidoo kale magaciisa iyo Sawirkiisa lagu iibgeeyay biyaha muwaasaxada oo loogu magac daray ”Farmaajo” kuwaa oo inta badan laga cabo magaalada Muqdisho.

Caagadaha Biyaha muwaasaxada ayaa waxaa ku dhagan magaca iyo sawirka Madaxweynaha waxaana xusid mudan in biyahaasi ay si xoogan u iibsadaan dadka shacabka ah ee sida ba’an u taageera Madaxweynaha.

Daawo Video: Jeneral Xaamud oo xilkiisa ku weynaya erayadan!!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumaddda cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay isbadal weyn ku sameyso hoggaanka taliyeyaasha ciidamada kala duwan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in taliyaha booliska uu noqon doono mas’uulka ugu horeeya ee isbadalka saameyn doono.

Taliyaha booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo bishii Dicembar xafladdii dabaaldega maalinta booliska Soomaaliyeed oo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sugnaa, isagoo markaasi si  cad u taageeray madaxweyen Xasan Sheekh. yirina ”  “Madaxweyne saddex sarkaal oo baarlamaanka soo gala codkooda waa ku tashaneysaa..”.

Kalmadaasi oo dhalisay eedeymo ay murashaxiintii uu ka mid ahaa Farmaajo u jeediyeen saraakiisha ciidamada ee ku lug yeeshay ololihii doorashada ee lagu taageeray Xasan Sheekh, kalmadaasi sida khaldan ugu dhacday ayaa laga yaabaa inay soo dedejiso xil ka qaadista Generaal Xaamud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu Wasiirka Amniga ka yiri dilalka bareerka ah oo ay geysanayaan Ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa ka hadlay dhaqan galinta go’aanka uu soo saaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Wasiirka waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu dalbaday in sharciga la horgeeyo Ciidamada sida foosha xun u dila shacabka.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in Askarigii geystaa fal dil ah la horgeyn doono sharciga, waxa uuna cadeeyay in Askariga dilka geysta uu muteysan doono dil, sida uu dhigaayo sharciga.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan Aqbali doonin in Askarta ciidamada dowladda Soomaaliya in ay dhibaateeyaan shacabka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada loogu talo galay inay sugaan amniga, balse aan loogu tallo galin inay dilaan shacabka ama ay ku xadgudbaan.

Tani waxa ay imaaneysaa xili ciidamada dowladda Soomaaliya ay intooda badan dhibaato ugeystan dadka Shacabka ee ku nool gudaha magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DFS oo digniin culus u dirtay Ilaalada Hoteelada ku yaalla Muqdisho (Ujeedka)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Somalia, ayaa digniin kasoo saartay in Ilaalada Hoteelada Muqdisho ay qaataan misna ku labistaan Dareeska Ciidamada Xooga.

Maxamed Aadan Axmed Taliyaha Ciidamada Xoogga DFS ayaa sheegay in talaabo adag ay ka qaadi doonaan Ilaalada Hoteelada ee ku labisan Dareeska Ciidamada.

Waxa uu sheegay in Ilaaladii lagu arkaa Dareeska Ciidamada Xooga ay muteysan doonaan Ciqaab, waxa uuna ku baaqay in taa bedelkeeda ay qaatan Dareeska loogu tallo galay.

Ilaalada Hoteelada Muqdisho ayuu sheegay in badankooda ay qaatan Dareeska Ciidamada kuwaa oo aan ka mid aheyn Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Xooga, balse ay yihiin kuwo ku labista oo kaliya.

”Diidnay in Ilaalada Hoteelada ay ku labistaan Dareeska Ciidamada Xooga waxaan ku ciqaabi doonaa waxa uu muteystay haddii aan gacanta ku dhigno Ilaalo ka tirsan Hoteelada oo ku labisan Dareeska Militeriga”

Waxaa uu sheegay cidii lagu arko iyadoo dareeska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ku ilaalinaysa Hoteel in laga qaadi doono tilaabo sharciga waafaqsan.

Waxaa uu xusay in ciidamada dowladda Soomaaliya in aysan ka tirsaney ciidamada Ilaalada Hoteelada iyo sidoo kale Hay’addaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Haddalka Taliyaha Ciidamada Xooga, ayaa imaanaya kadib markii Taliyayaasha Ciidamada lagu amray inay jawaab ka keenaan dilalka ka dhaca Muqdisho, iyadoo sidoo kale amar lagu bixiyay in magaalada Muqdisho laga saaro Ciidamada Militeriga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sidee ayay Ahlu-Suna u aragtaa wararka sheegaya in diyaarad hub sida ay uga timid Ethiopia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Kooxda Ahlusunna ee Balanbal Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Dowlada Ethiopia ay Hub kusoo daabuleyso deegaanka Balanbal.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay inay jiraan warar leysla dhexmaraayo oo ku aadan in Ahlusuna lagu wareejiyay Hub farabadan, balse waxa uu tilmaamay in haddalkaasi uu yahay mid aan fadhin.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in deegaanka Balanbal muddo ku dhow 5 Sanno aysan imaan Ethiopianka waxa uuna arrin mala awaal ah ku sheegay wararka sheegaaya in Balanbal laga soo dajiyay Diyaarado sida Hub.

”Ma jiro Ethiopian imaaday Balanbal oo Hub dajiyay waxaan cadeynayaa in Ahlusuna aysan Hub ka helin Ethiopia waxaan oran lahaa hala xaqiijiyo wararka sida ka fiirsasho la’aanta ah loo baahinaayo”

Guddoomiyaha ayaa cadeeyay inaanu jirin xiriir sidaa usii fog oo gaarsiisan heer Ethiopia ay Hub usoo daabusho Ahlusunna.

Dowlada Ethiopia oo aan la dhacsaneyn Siyaasada Dowlada cusub ayaa dooneysa inay colaad u abuurto maamulada Ahlusunna iyo Galmudug.

Dhinaca kale, Dowlada Ethiopia ayaa si xad dhaaf ah u hubeysa Kooxda Ahlusuna, iyadoo qorshaha hubeynta uu yahay mid leysaga horkeenaayo Dowlada iyo Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaad kala socotaa qorshaha mooshinka saldhigga Berbera?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Imaaraatka Carabta uu ku xoogeystay arimaha siyaada Soomaaliya ayaa waxaa kordhayay qorshaha iyo damaca uu ka leeyahay Soomaaliya.

Isaga oo daneynaya inuu qorshihiisa ka fuliyo Soomaaliya ayuu bilaabay inuu maamul goboleed kastaa si gooni ah ula macaamiilaa, isaga oo siinayay dhaqaalo iyo hub.

Imaaraatka wuxuu hubka ugu deeqay dhamaan maamulada ka jira Soomaaliya oo Somaliland ay ku jirto, marka laga reebo HirShabeele oo dib laga dhisay.

Wuxuu heshiis gaar ah la galay maamulka gobolada waqooyi ee Somaliland oo sheegta inay Somalia ka go’een balse aan wali helin rabitaankiisa.

Heshiiskaasi ayaa dhaliyay murun badan, maadaama dowladda Soomaaliya oo aan waxba kala socon shaqsiyaad gaar ah si hoose ay u saxiixeen, iyaga oo dhaqaalo dhaafsanaya.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay dhawaan baarlamaanka horgeynayaan mooshin ka dhan ah heshiiskaasi.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabaha ku dhaliyay inay diyaariyaan mooshinka dhan ah heshiiskaasi, oo ay sheegeen inuu gabo gabo yahay.

Xildhibaan Cabdulaahi Sheikh  Ismaaciil oo kamid ah xildhibaanad abaarlamaanka ayaa sheegay inay u dhaarteen inay difaacaan danta dalka iyo dadka.

“Dalkeena midnimadiisa qarameed ilaalinteeda wixii taabanaya inaan u feejignaano ayaa naloo dhaaray, taas ayay ka mid tahay, waxa aan ula socday Saldhiga Imaaraadka Carabta ee Berbera.

C/llaahi Sh. Ismaaciil ayaa sheegay in Heshiiskii Saldhiga Berbera uu ahaa mid aysan ka war qabin dowladda dhexe, isagoo xusay in aanay aheyn mid la sahlan karo.

“Berbera ayaa heshiis lagula galay Imaaraadka Carabta, dowladda Dhexe aysan war u heyn, arrintaas ma ahan arrin la sahlan karo, heshiiskaas ma hirgeli karo, sharcina ma ahan”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Sheekh Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo: Xaaji Muuse Suudi oo hadal qosol badan ka jeediyay xafladii Kheyre

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia ayaa khudbad qosol badan waxa uu ka jeediyay xaflad lagu taageerayay Ra’iisul wasaaraha cusub Xasan Cali Khayre, taasoo ka dhacday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dadweynihii xafladda kazoo qeybglay ayaa sacab iyo sawaxan kusoo dhoweeyay xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo khudbadiisa fadhiga ka kicisay dadweynihii kasoo qeybgalay xafladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sidee ayuu Farmaajo ka yeeli doonaa shaqaalaha DF ee lagu kala sooco qabiilka?

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa wada qorsho lagu dhaqan galinaayo Cadaalada, waxa uuna diirada saarayaa sida xuquuq ay ku heli lahaayen Shacba Soomaaliyeed ee lagu kala soocay Qabiilka.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu dib u daraaseeyo Hanaanka ay Muwaadiniinta uga shaqeeyaan Xarumaha Dowlada oo la sheegaaya inay ku badan yihiin Beelo gaar ah.

Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay inuu sameynaayo Guddiyo u kuurgala shaqooyinka ka socda Xarumaha Dowlada kuwaa oo diyaarin doona Xarumaha ugu badan oo ay ka howlgalaan Qabaa’ilo gaar ah.

Guddigaani ayaa si gaara u dhageysan doona Shaqaalaha ka howlgala Xarumaha Dowlada si ay u helaan macluumaad ku filan oo ay Dowlada ku howlgali karto, iyadoo aan dhaliil loo jeedin shaqsiyaad gaara.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu dhaliilsan yahay Hanaanka shaqo ee qaar kamid ah Xurumaha Dowlada, kadib markii uu dhinacyo badan ka dhageystay xogo ku aadan qaababka ay u shaqeeyaan Xarumaha Dowlada.

Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa horay u sheegay inuu la dagaalami doono Cadaalad darida oo ay ugu horeyso Qabaa’ilada qaar oo aan lasiin xuquuqaha ay ku leeyihiin dalka, waxa ayna taa dareen wanaagsan u abuurtay Umadda Soomaaliyeed kuwooda aan laheyn xuquuqda.

Xarumaha qaar ayaa waxaa ku badan shaqaale lagu soo xulay qaab qabiil, kuwaa oo isugu jira kuwo xirfad u leh shaqooyinka ay qabanayaan iyo kuwo aan laheyn Xirfad shaqo balse halkaa ka qaata Mushaaraad.

Dowlada Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waxaa horyaal caqabado dhowr ah kuwaa oo inta badan aan laga gudbi karin haddii aan loo yeelan fiiro gaar ah, waxaana xusid mudan in Mas’uuliyiinta qaar ay goob waliba oo awood ay ku leeyihiin ka shaqo galiya shaqsiyaad ay isku heebyihiin waxa ayna taa mugdi galisay Rajada Qaran.

Lama saadaalinkaro qaababka ay Dowlada Somalia u wajahi doonto dhibaatooyinka Shacabka Soomaaliyeed ka heysta shaqooyinka Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Keeba wanaagsan in wasiirada imanaya qorshe loo dhiibo iyo inay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dadaal dheeraad ah ugu jiro sidii uu usoo magacaabi lahaa wasiirada cusub ee xukuumadiisa ka mid noqonaya.

Wasiirada imaanaya ayaa waxaa horyaala howlo badan oo u baahan in wax laga qabto, waxaana la ogeyn inay waqtigooda dhameysan doonaan iyo inay noqon doonaan sida wasiiradii ka horeeyay.

Waxaa socdo la tashiyo kala duwan oo ku aadan wasiirada cusub iyo qaabka ay ku imaanayaan, iyadoo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay doonayaan inay ka fiirsadaan shaqsiyaadka ay kenayaan.

Balse waxaa meesha taala su’aal muhiim ah si wasiirada sanadkaan imaanaya ay kaga duwanaadaan wasiiradii soo maray dalka Soomaaliya, taasi oo ah:-

Wasiirada iman doona in ay ayagu qorshe la yimaadaan ama in qorshe diyaarsan loo dhiibo oo sanadka ugu horeeya lagula xisaabtamo midkee baa waxqabad sameyn kara ?

Qaar kamid ah dadka falanqeeya Siyaada Soomaaliya ayaa qaba aragti ah in wasiirada cusub maadaama howlo adag ay horyaalaan inay la yimaadaan qorshe cad.

Taasi oo sahli karta in wasiirada lagula xisaabtamo qorshaha ay marka hore dajiyeen, sida ay qabaan qaar kamid ah dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya.

Sidoo kale dadka qaar ayaa qaba aragti ah in wasiirada cusub la hordhigo qorshaha madaxda ugu sareyso dalka ay doonayaan inay ku wada shaqeeyan, taasina ay fududeyn doonto inay hal waddo ku wada socdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso liiska horudhaca ee golaha wasiirada iyo shaqsiyaadka kasoo muuqan doono + Beelaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Caasimadda Online soo gaaray liis ay ku qoran yihiin wasiirada cusub ee dowladda Xasan Cali Kheyre kuwaas oo loo badinayo in yihiin kuwa lasoo magacaabi doono inkastoo aan si rasmi ah loo hubin .

Caasimadda Online ayaa xogtaan ka heshay  illo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiska Ra’isul wasaaraha waxaana la rajenayaa in dhawaan lagu dhawaaqo inkastoo la saadaalinayo inay caawa dib u dhacday.

Wasiirada ay heshay caasimadda online maahan kuwa rasmiga ah ee uu Ra’isulwasaaraha magacaabayo waxaa laga yaabaa in qaar laga badalo qaarna lagu soo kordhiyo balse shaqsiyaadkaan waa kuwa loo badinayo inay kasoo muuqdaan liiska wasiirada.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso liiskaan oo u qoran qaab  4.5 oo ay ku dhisan tahay Dowladda Soomaaliya lana filayo in laga gudbo sanadka 2020

Beesha Daarod

Cali Xaji Warsame ( Majerten , Cumar Maxmuud , Reer Mahad )

Jaamac Ceeydid ( Dhulbahante)

Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane ( Ogaden , Cawlyahan)

Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ( Leelkase )

Beesha Digil & Mirifle

Cali Sicid Fiqi ( Digil / Tunni )

Cabdixakin Xaji Faqi ( Digil / Dabare)

Cabdifitax Geesey ( Mirifle / Leeysan )

Aadan Maxamed Nuur ( Mirifle / Hadame )

Beesha Hawiye

Cabdulqadir Cosoble Cali ( Abgaal , Harti , Warsangali )

Maxmuud Maxamed Culusow ( Habargidir , Ceyr )

Mohamed Mukhtar Ibrahim (Gaaljecel)

Dr Abdinur Sh Maxamed ( Xawadle )

Beesha Shanaad

Fahad Yaasin Xaji Dahir ( Reer Aw-Xasan / Reer Aw-Mahdi )

Siciid Xusen Ciid ( Carab-Salax)

Beesha Dir

Ridwaan Xirsi Maxamed ( Isaaq , Habar Yoonis )

Abdi Ismaaciil Samatar ( Godo-Biirse)

Cabdullahi Cabdi Carab ( Dir , Surre )

Axmed Gaboobe Ugaas bile ( Dir , Gaadsan

F.G: Xogtaan waa mid horudhac waxaan ka helnay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Waxaa macquul ah in wax badan iska bedelaan maalmaha soo socda, go’aanka kama dambeysta ahna wuxuu ka imaan doonaa Xasan Cali Kheyre

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuqaal: Wasiir ka dhawaajiyey hadal muujinayo inay Somaliland tahay gobol ka mid ah Somaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wasiir ka tirsan maamulka Somaliland ayaa ka dhaawaajiyey hadal muujinayo inay Somaliland t Gobolka ka mid ah Soomaaliya .Abdulaahi Maxamed Daahir Cakuse oo ah Wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland oo lagu tiriyo inuu yahay gacanta midig ee madaxweyne Siilaanyo ayaa ka dhawaajiyey inay dhawaan Somaliland ka baaqatay kulan ay dowladda  Sacuudiga ku qaban rabtay dalka Uganda.

Wasiirka ayaa ku sababeeyey arrintan ay uga baaqdeyn kulankaan inuu ahaa Sacuudiga oo go’aansatay inay kulankaan dib u dhigto maadaama ay mashquuleyn maamul Goboleedyada Soomaaliya sababo xagga doorashada ah.

“Shirkii Uganda Waxan U Tagi Waynay Waxa ka Mashquulay Maamul-Goboleedada Somaliya oo ka qeyb galayay doorashadii, marka anagana ma aanan tagin sidas ayaa dib loogu dhigay” ayuu yiri Wasiir Cakuse oo muujiyay in Somaliland ay tahay maamul goboleed hoostaga dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Si dhab ah loo ogo ujeedka uu hadalkaas ka lahaa balse wuxuu noqday mid si weyn looga hadal haayo gudaha Somaland  waxaana la filayaa inuu mar kale wasiirka fasiro hadalkii uu ku dhawaaqay.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka wasiirka uu hadalkaan uga dhawajiyey:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]