25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sidee ayuu Farmaajo ka yeeli doonaa shaqaalaha DF ee lagu kala sooco qabiilka?

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa wada qorsho lagu dhaqan galinaayo Cadaalada, waxa uuna diirada saarayaa sida xuquuq ay ku heli lahaayen Shacba Soomaaliyeed ee lagu kala soocay Qabiilka.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu dib u daraaseeyo Hanaanka ay Muwaadiniinta uga shaqeeyaan Xarumaha Dowlada oo la sheegaaya inay ku badan yihiin Beelo gaar ah.

Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay inuu sameynaayo Guddiyo u kuurgala shaqooyinka ka socda Xarumaha Dowlada kuwaa oo diyaarin doona Xarumaha ugu badan oo ay ka howlgalaan Qabaa’ilo gaar ah.

Guddigaani ayaa si gaara u dhageysan doona Shaqaalaha ka howlgala Xarumaha Dowlada si ay u helaan macluumaad ku filan oo ay Dowlada ku howlgali karto, iyadoo aan dhaliil loo jeedin shaqsiyaad gaara.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu dhaliilsan yahay Hanaanka shaqo ee qaar kamid ah Xurumaha Dowlada, kadib markii uu dhinacyo badan ka dhageystay xogo ku aadan qaababka ay u shaqeeyaan Xarumaha Dowlada.

Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa horay u sheegay inuu la dagaalami doono Cadaalad darida oo ay ugu horeyso Qabaa’ilada qaar oo aan lasiin xuquuqaha ay ku leeyihiin dalka, waxa ayna taa dareen wanaagsan u abuurtay Umadda Soomaaliyeed kuwooda aan laheyn xuquuqda.

Xarumaha qaar ayaa waxaa ku badan shaqaale lagu soo xulay qaab qabiil, kuwaa oo isugu jira kuwo xirfad u leh shaqooyinka ay qabanayaan iyo kuwo aan laheyn Xirfad shaqo balse halkaa ka qaata Mushaaraad.

Dowlada Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waxaa horyaal caqabado dhowr ah kuwaa oo inta badan aan laga gudbi karin haddii aan loo yeelan fiiro gaar ah, waxaana xusid mudan in Mas’uuliyiinta qaar ay goob waliba oo awood ay ku leeyihiin ka shaqo galiya shaqsiyaad ay isku heebyihiin waxa ayna taa mugdi galisay Rajada Qaran.

Lama saadaalinkaro qaababka ay Dowlada Somalia u wajahi doonto dhibaatooyinka Shacabka Soomaaliyeed ka heysta shaqooyinka Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Keeba wanaagsan in wasiirada imanaya qorshe loo dhiibo iyo inay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dadaal dheeraad ah ugu jiro sidii uu usoo magacaabi lahaa wasiirada cusub ee xukuumadiisa ka mid noqonaya.

Wasiirada imaanaya ayaa waxaa horyaala howlo badan oo u baahan in wax laga qabto, waxaana la ogeyn inay waqtigooda dhameysan doonaan iyo inay noqon doonaan sida wasiiradii ka horeeyay.

Waxaa socdo la tashiyo kala duwan oo ku aadan wasiirada cusub iyo qaabka ay ku imaanayaan, iyadoo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay doonayaan inay ka fiirsadaan shaqsiyaadka ay kenayaan.

Balse waxaa meesha taala su’aal muhiim ah si wasiirada sanadkaan imaanaya ay kaga duwanaadaan wasiiradii soo maray dalka Soomaaliya, taasi oo ah:-

Wasiirada iman doona in ay ayagu qorshe la yimaadaan ama in qorshe diyaarsan loo dhiibo oo sanadka ugu horeeya lagula xisaabtamo midkee baa waxqabad sameyn kara ?

Qaar kamid ah dadka falanqeeya Siyaada Soomaaliya ayaa qaba aragti ah in wasiirada cusub maadaama howlo adag ay horyaalaan inay la yimaadaan qorshe cad.

Taasi oo sahli karta in wasiirada lagula xisaabtamo qorshaha ay marka hore dajiyeen, sida ay qabaan qaar kamid ah dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya.

Sidoo kale dadka qaar ayaa qaba aragti ah in wasiirada cusub la hordhigo qorshaha madaxda ugu sareyso dalka ay doonayaan inay ku wada shaqeeyan, taasina ay fududeyn doonto inay hal waddo ku wada socdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso liiska horudhaca ee golaha wasiirada iyo shaqsiyaadka kasoo muuqan doono + Beelaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Caasimadda Online soo gaaray liis ay ku qoran yihiin wasiirada cusub ee dowladda Xasan Cali Kheyre kuwaas oo loo badinayo in yihiin kuwa lasoo magacaabi doono inkastoo aan si rasmi ah loo hubin .

Caasimadda Online ayaa xogtaan ka heshay  illo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiska Ra’isul wasaaraha waxaana la rajenayaa in dhawaan lagu dhawaaqo inkastoo la saadaalinayo inay caawa dib u dhacday.

Wasiirada ay heshay caasimadda online maahan kuwa rasmiga ah ee uu Ra’isulwasaaraha magacaabayo waxaa laga yaabaa in qaar laga badalo qaarna lagu soo kordhiyo balse shaqsiyaadkaan waa kuwa loo badinayo inay kasoo muuqdaan liiska wasiirada.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso liiskaan oo u qoran qaab  4.5 oo ay ku dhisan tahay Dowladda Soomaaliya lana filayo in laga gudbo sanadka 2020

Beesha Daarod

Cali Xaji Warsame ( Majerten , Cumar Maxmuud , Reer Mahad )

Jaamac Ceeydid ( Dhulbahante)

Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane ( Ogaden , Cawlyahan)

Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ( Leelkase )

Beesha Digil & Mirifle

Cali Sicid Fiqi ( Digil / Tunni )

Cabdixakin Xaji Faqi ( Digil / Dabare)

Cabdifitax Geesey ( Mirifle / Leeysan )

Aadan Maxamed Nuur ( Mirifle / Hadame )

Beesha Hawiye

Cabdulqadir Cosoble Cali ( Abgaal , Harti , Warsangali )

Maxmuud Maxamed Culusow ( Habargidir , Ceyr )

Mohamed Mukhtar Ibrahim (Gaaljecel)

Dr Abdinur Sh Maxamed ( Xawadle )

Beesha Shanaad

Fahad Yaasin Xaji Dahir ( Reer Aw-Xasan / Reer Aw-Mahdi )

Siciid Xusen Ciid ( Carab-Salax)

Beesha Dir

Ridwaan Xirsi Maxamed ( Isaaq , Habar Yoonis )

Abdi Ismaaciil Samatar ( Godo-Biirse)

Cabdullahi Cabdi Carab ( Dir , Surre )

Axmed Gaboobe Ugaas bile ( Dir , Gaadsan

F.G: Xogtaan waa mid horudhac waxaan ka helnay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Waxaa macquul ah in wax badan iska bedelaan maalmaha soo socda, go’aanka kama dambeysta ahna wuxuu ka imaan doonaa Xasan Cali Kheyre

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuqaal: Wasiir ka dhawaajiyey hadal muujinayo inay Somaliland tahay gobol ka mid ah Somaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wasiir ka tirsan maamulka Somaliland ayaa ka dhaawaajiyey hadal muujinayo inay Somaliland t Gobolka ka mid ah Soomaaliya .Abdulaahi Maxamed Daahir Cakuse oo ah Wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland oo lagu tiriyo inuu yahay gacanta midig ee madaxweyne Siilaanyo ayaa ka dhawaajiyey inay dhawaan Somaliland ka baaqatay kulan ay dowladda  Sacuudiga ku qaban rabtay dalka Uganda.

Wasiirka ayaa ku sababeeyey arrintan ay uga baaqdeyn kulankaan inuu ahaa Sacuudiga oo go’aansatay inay kulankaan dib u dhigto maadaama ay mashquuleyn maamul Goboleedyada Soomaaliya sababo xagga doorashada ah.

“Shirkii Uganda Waxan U Tagi Waynay Waxa ka Mashquulay Maamul-Goboleedada Somaliya oo ka qeyb galayay doorashadii, marka anagana ma aanan tagin sidas ayaa dib loogu dhigay” ayuu yiri Wasiir Cakuse oo muujiyay in Somaliland ay tahay maamul goboleed hoostaga dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Si dhab ah loo ogo ujeedka uu hadalkaas ka lahaa balse wuxuu noqday mid si weyn looga hadal haayo gudaha Somaland  waxaana la filayaa inuu mar kale wasiirka fasiro hadalkii uu ku dhawaaqay.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka wasiirka uu hadalkaan uga dhawajiyey:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Miyey arrintaan Kheyre ka saacidi doontaa inuu Somaliland ku qanciyo inay soomaaliya kasii mid ahaato?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan soo magcaabi doono wasiirada cusub waxaana la filayaa inuu shaqo bilaabo marka ay Baarlamaanka u ansixiyaan wasiirada.

Xukuumadda cusub waxaa hor yaalo arrimo badan oo u baahan in la xaliyo waxaana ugu horreyso inay dowladda ka shaqeyso sidii uu xiriirka maamul Goboleedyada kala dhaxeeyo dowladda u noqon lahaa mid wanaagsan.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxaa hor taalo sidii ay maamulka Somaliland ugu qancin laheyd inay wadahadal la yeeshaan lagana dhaadhacsiiyo inay ka taanulaan mowqifkooda ah inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale.

Haddaba waxaa lsoo calaamadeeyey hal arrin oo Xasan Cali Kheyre u fududeyn karto inuu Somaliland la gaaro is afgarad ku dhamaado inay Somaliland wax ka qeybsato dowladda Soomaaliya oo ay noqoto maamul goboleed ka timid ah.

Madaxdii hore ee dalka ayaa waxaa ku adkaa in maamulka Somaliland ay kusoo biiriyaan maamulada kale ee dalka, waxaase muuqaneysa in Ra’isul wasaare Kheyre ay u sahlan tahay in Somaliland uu kasoo jilciyo mowqifka ay ku taagan tahay.

Arrintaan ayaa waxaa loo cuksanayaa maadaama uu Kheyre aad ay isugu dhaw yihiin madaxda iyo siyaasyiinta Maamulka Somaliland,   iyadoo ay intaa u dheertahay waajib ka saaran in Somaliland uu ku qanciyo Siyaasada iminka taagan ee lagu mideynaayo dhammaan maamulada dalka.

Ra’isulwasaaraha cusub Xasan Cali Kheyre ayaa imankaba bilaabay siyaasad furfuran oo uu kusoo jiidanayo maamulka Somaliland, waxayna illo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiskiisa caasimadda u xaqiijiyeen inuu markii xilka la wareegay kadib xiriir la sameeyey madaxda Somaliland.

Dadka siyaasadda indha indheeyo ayaa qabo inuu Kheyre  heysto fursad weyn oo uu Somaliland kula hadli karo sidoo kalana uu kasoo hoyn karo guul weyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Falaanqeyn: Dakhliga garoonka Cisaley iyo Dekedda Ceel-Macaan oo khatar ku noqon kara dhaqaalaha Dowladda federalka

Muqdisho (caasimada Online) – Maamul-gobaleedka HirShabelle iyo Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa dadaal ballaaran ugu jira sidii loo hawl-gelin lahaa Garoonka Cisaley iyo Dekedda Dabiiciga ee Deegaanka Ceel-macaan ee Gobalka Sh/dhexe, si Kharajka ugu soo xerooda loogu adeegsdo Adeegyadda Maamulka HirShabelle.

Dhaqdhaqaaqyo xooggan ayaa socda, iyadoo Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali la qorsheynayo inuu hawl-geliyo Dekedda Ceel-macaan, halka Xildhibaan Caddow Cali Gees maalgelin doono Garoonka Diyaaradaha ee Cisaley.

Xildhibaan Caddow Cali Gees ayaa ah Ganacsadaha haysta Qandaraaska Qaadka ugu badan ee Somalia la keeno, wuxuuna leeyahay Diyaarado yaryar oo Qaadka lagu soo daabulo.

Haddii la taaba-geliyo Labadaasi Mashruuc waxay horseedi kartaa inuu Maamulka HirShabelle helo ilo dhaqaale oo ku filnaan karta Dhaqaalaha lagu socodsiinayo Hawlaha Maamulka iyo Adeegyadda Bulshadda ku nool Goballadda Sh/Dhexe iyo Hiiraan.

Danjire Maxamed Cali Ameriko oo la hadlay Radio Dalsan ayaa soo dhaweeyey Tallabadda lagu hawl-gelinayo Dekedda Ceel-macaan iyo Garoonka Cisaley,wuxuuna xusay inay Kumnaan Dhallinyaro iyo Xoogsato ah shaqo ka heli doonaan Dekedda iyo Garoonka u gaarka ah Maamulka HirShbelle.

Dadaalka ay wadaan Xildhibaanadaasi oo mar isku soo taagay Xilka Madaxweynaha ayaa waxa uu culays ku noqon doonaa Dhaqaalaha Dowladda Federalka oo iyadu dareensan in Kala-bar Diyaaradaha Qaadka u wareegi doonaan Garoonka Cisaley.

Sidoo kale, Maraakiibta Badeecadaha Raashinka iyo Qalabka wada waxay rarkooda si fudud oo aan Canshuur badan lahayn uga soo dejin karaan Dekedda Ceel-macaan, taasina ay abuuri karto inay Badeecaddaha raqiis ka noqdaan Goballadda ku hareeraysan Dekedda Ceel-macaan.

Waxaana hubaal ah haddii Maamulka HirShabelle, Siyaasiyiinta iyo Dadka Deegaanka iska kaashadaan arrintaasi inay taasi wax u dhimi karto Dakhliga Dowladda Federalka uga soo xerooda Canshuurha Qaadka ee ka soo dega Garoonka Aadan Cadde iyo Maraakiibta ku soo xerta Dekedda Weyn ee Muqdisho.

Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in Fursad Dahabi u noqon karto haddii ay Maamulka hirShabelle taaba-geliyaan Mashaariicdaasi, iyadoo Dastuurka Federalka oggol yahay inay Maamul-gobaleedyadda abuurtaan Ilo-dhaqaale oo ay ku socodsiin karaa Adeegyadda Bulshadda, Ammaanka iyo Horumarinta.

Xigasho: Dalsan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Canaanta Farmaajo ee Taliyayaasha Hay’adaha amaanka oo 3 arrin loo sababeeyay (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha Jamhuuriyada FS Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa kullan khaas ah la qaatay Taliyayaasha Hay’adaha amaanka sida Nabad sugidda, Booliska iyo Millitariga.

Madaxweynaha Qaranka ayaa Taliyayaasha ku cadaadiyay inay is casilaan ama ay gutaan waajibaadka saaran waxa uuna ka dalbaday Taliyaha Militeriga inuu cadeeyo dilkii shalay Askari Militeri ah uu u geystay nin shacab ah oo watay gaari raaxo kaa oo maraayay Laami yaraha Zoobe ee Muqdisho.

Ujeedka Madaxweynaha ee kullanka ayaa lagu sheegay 3 qodob oo kala ah:

1- In Taliyayaasha Hay’adaha amaanka uu dareensiinaayo inuu la socdo xaalada amni ee magaalada Muqdisho.

2- Inuu jiri doono isla xisaabtan joogta ah oo ku aadan falalka amni darro sida Qaraxyada iyo Dilalka, taa oo aan horay looga baran Dowladihii hore ee ka horeeyay Farmaajo.

3- In Taliyayaasha la dareensiiyo misna waxlaga baro xilka ay hayaan iyo waxa uu shaqadooda yahay, waxaana horay u jiray in Taliyayaasha qaar ay ku caweynayaan Hoteelada iyadoo uu qasan yahay amniga magaalada Muqdisho.

Kullanka maanta dhexmaray Madaxweynaha iyo Taliyayaasha ayaa noqonaaya kii Seddexaad oo dhaca tan iyo markii la ansixiyay Ra’isul wasaaraha waxaana la xaqiijiyay in kulamadii dhacay uu ahaa mid u dhexeeyay muddo laba maalin ah.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynuhu uu Taliyayaasha ku amray in Askarigii dil geystaa durba loo gudbiyo Maxkamadaha khuseeya si aan loo dib dhigin fal danbiyeedka uu geystay isla markaana loo waafajiyo sharciga.

Dhinaca kale, Ciidamada Millatariga ah ayaa inta badan marka ay marayaan wadooyinka waa weyn ee Muqdisho u socda si mas’uuliyad daro ah, taasi oo sababta in ay si cad u jiiraan ama u toogtaan dadka shacabka ah ee wadada hareeraheeda maraya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Tallaabadii Farmaajo ee maanta oo muujisay sida uu shacabka Muqdisho uga damqado

Muqdisho (caasimada Online) – Madaxweyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qaaday tallaabo aad ay ugu farxeyn shacabka Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa isugu yeeray saraakiisha Ciidamada Dowladda isagoo ku amray inay si deg deg ah usoo qabtaan askari ka tirsanaa ciidamada Militariga Soomaaliyeed oo shalay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ku dilay qof shacab ahaa.

Askarigaan ayaa rasaas ku furay marxuumkaas oo saarnaa gaari waxaana loo qaaday isbitaal balse nadiib daro daqiiqado kadib waa uu geeriyooday.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa arrintaas ka danqaday wuxuuna shacabka Muqdisho u muujiyey dareen murugo ah waxayna saraakiisha ciidamada Dowladda ee amarkaas la siiyey bilaabeyn inay soo qabtaan askarigaa.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Aadan Axmed ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay askarigii uu madaxweyne Farmaajo amray in lasoo qabto mar uu saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa saxaafadda u sheegay hadalkaan: “ waxaan madaxweynaha u xaqiijinayaa in gacanta lagu soo dhigay askarigii uu amray in lasoo qabto, sidoo kalana waxaan heynaa askar kale oo magaalada ka geystay xad gudubyo, dhammaantoodna waxaana idiin xaqiijinayaa in lasoo hor istaajin doono sharciga sida ugu dhaqsiyaha badan”

Amarka uu bixiyey Farmaajo iyo sida ay Saraakiisha ciidamada uga jawaabeyn ayaa kuu muujineyso inay dowladda cusub diyaar u tahay inay ka shaqeyso horumarka shacabkeeda sidoo kalana ay diidan tahay inaan wax dhibaato ah loo geysan.

Shacabka Muqdisho ayaa caawa isugu hambalyeenayo tallaabada uu madaxweynaha qaaday waxaadna arkeysaa arrintaan oo looga hadlayo meel kasta haddii ay ahaan laheyd meelaha ganacsiga iyo goobaha lagu shaaho.

Guusha uu gaaray Farmaajo ayaa la filayaa inay ka saacido sii shaqeynta dowladiisa sidoo kalana wuxuu heli doonaa taageero intii uu heystay ka badan wuxuuna maanta muujiyey geesnimo ay yar tahay in la muujiyo.

Halkaan hoose ka aqriso waxyaabaha uu madaxweynaha Soomaaliya ka yiraahday amarkii uu bixiyey iyo sida loogu guuleystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo si adag uga hadlay Go’aanka xayiraadda ee Donald Trump

Muqdisho (Caasimada Online )-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa goordhow ka hadlay xayiraadda Donald Trump uu saaray 6 dal oo Muslimiin ah.

Farmaajo, ayaa sheegay inuu Cambaareynaayo go’aankaasi waxa uuna tilmaamay in 150 kun qof oo Somali ah inay gacan ka geysteen dhaqaalaha Mareykanka.

Waxa uu sheegay inaysan muhiin aheyn in lagu tacadiyo dalal gaar ah, waxa uuna carabka ku adkeeyay in Dowladiisu ay aad uga xun tahay go’aanka xayiraada ee uu qaatay Trump.

Qoraal gaaban oo ay daabacday Wakaaladda wararka ee AP oo xiganeysa Madaxweynaha, ayaa waxaa lagu sheegay in Farmaajo uu ku dadaali doono sida Somalia looga saari lahaa Liiska 6 dal.

Isagoo ka hadlaayay arrintaani ayaa waxa uu yiri “Waxaa mudan inaan ka hadalno waxtarka dadkeena Soomaalida ah ay ku leeyihiin Mareykanka, halkii aan ka hadli lahayn dhowr qof oo dhibaato sababay”

”Micno ma keeneyso in dhowr qof dartooda loo cadibo kumanaan qof waxaan ku dadaaleynaa xal u raadinta saameynta uu go’aankaasi ku yeelanaayo dadkeena”

Haddalkani ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Mareykanka Trump uu mar kale ku celiyay in xayiraada la saaro dalalka 6 ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Arrin cusub oo kusoo korortay wasiiradii lagu waday inuu Xasan Caawa ku dhawaaqo!

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda kusoo dhacay xafiiska warqabadka shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inuusan Ra’isulwasaraaha caawa ku dhawaaqi doonin golihiisa wasiirada.

Xasan Cali Kheyre ayaa la filayey inuu asbcaan gaar ahaan caawa oo Arbaco ah magaalada Muqdisho kaga dhawaaqo golihiisa wasiirada balse midaas ma aysan dhicin oo waxaa ku imaatay dib u dhac ilaa Arbcada soo socoto.

sida ay illo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa caasimadda u xaqiijiyey inuu Ra’isulwasaraaha weli ku jiro watashiyo ku aadan wasiirada isagoo saacad kasta ku jiro shirar kala duwan oo uu la yeelanayo beelaha Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha oo doonayo inuu qanciyo dhammaan Beelaha Soomaaliya ayaa go’aansaday inuu xoogaa dib u dhigo golihiisa si ay u noqoto mid loo dhan yahay isla markaasna ay ku qancaan Baarlamaanka.

Madaxwyenaha iyo Ra’isulwasaaraha oo qalbiga ku hayo go’aanka ay kala kulmi karaan Baarlamaanka Soomaliya ayaa ku fakarayo inay wasiirada ka dhigaan kuwa hela codka ugu badan ee xildhibaanada waxayna ku xirnaan doontaa codkaa hadba sida ay tayo u yeyshaan wasiirada cusub.

Shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa dhagta u taagayoXafiiska Ra’isuwasaaraha waxayna ka war sugayaan qaabka ay noqon doonaan wasiirada cusub iyo shaqsiyaadka kasoo muuqan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo mar kale ku celiyey hal arrin oo dowladiisa xoogga saareyso

Muqdisho (Caasimada Online)-  Madaxweyanaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliyeed Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka Warbixiyey Kulan uu  la qaatay Xogahayaha Guud ee Qaramada  Midoobay iyo Wafdi uu hogaaminayey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Kulankooda ay uga wada hadleen xaalada abaaraha ee ka jira Dalka Soomaaliya asaga oo xusay in ay xaalada abaaraha siinayaan Ahmiyada kowaad si loo badbaadiyo dadka ay abaaraha Saameeyeen.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay dowladiisa Muhiimada gaar ah siineyso caawinaad dadka ay aabaraha saameeyeen asaga oo xusay in Qaramada midoobayna ay ku gacan siineyso taakuleynta Dadka ay abaaraha Saameeyeen.

Dhanka kale Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa booqanayo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay iyadoo ay magaaladaas iminka ka socdaan diyaar garow lagu soo dhaweynayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo shaki weyn ka qaaday waraaqda Jawaabta ah oo ay Sacuudiga usoo dirtay

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa dhawaan safar ku tagay dalka Sacuudiga madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuuna la kulmay Boqorka Sacuudiga isagoo ka codsaday inuu dhex dhexaadiyo Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kadib markii uu ka dhex qarxay khilaaf weyn oo ka dhashay heshiiskii ay Somaliland ugu saxiixday Imaaraadka inay saldhig Militari ka sameystaan Berbera.

Haddaba waxaa si rasmi ah arrintaan uga soo jawaabtay dowladda Sacuudiga oo dowladda Soomaaliya uga warbixisay halka uu marayo heshiiskaas iyo dacwadii laga codsaday inay u gudbiso Imaaraadka.

Sida warar hoose ay sheegayaan Qoraal kasoo baxay Sucudiga ayaa soo gaaray Farmaajo , wuxuu ku saabsanaa arimaha u dhexeeya Labada dale ee Soomaaliya iyo Imaaraadka , iyo sida Boqortooyada Sucuudiga ay u wajahdsay Dacwadii kaga timid hogaanka Cusub ee Soomaaliya.

Qoraalka ay soo dirtay Sacuudiga ayaa muuqday inuusan aheyn mid damin karo Khilaafka u dhaxeeyo labada dowladood   waxaana lagu sheegay qoraalkaasi in Boqortooyada Sacuudiga ay bilowday in Imaaraadka ay kala hadasho arrinta ku aadan Saldhiga Malatari ee Berbera kaasoo uu ka dhashay muran badan.

Qoraalka ay soo dirtay dowladda Sacuudiga ayaa u qornaa sidaan:  “Sacuudigu waxa uu ka shaqeynayaa maslaxada labad dal, waxaa bilowday dadaalada xalka loogu raadinaayo muranka ,Wax waliba waxa ay mari doonaan sharciga waxaan ku rajo weynahay in laga dhabeeyo xal u helida arrinta Saldhiga wax waliba waxa ay noqon doonaan sidii loogu tallo galay” aya lagu yiri qoraalka Sucuudiga Soomaaliya uu usoo diray.

Warbixinta ay soo dirtay dowladda Sacuudiga ayaa waxay dowladda Soomaaliya ka muujisay shaki weyn oo ku aadan in Sacuudiga u taagersan yahay heshiiska ay Imaaraadka Berbera saldhigga uga sameesaneyso maadaama Sacuudiga ay kamid tahay dowladaha dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yeman.

Sacuudiga ayaa hoggaamiye ka ah dagaalka lagu jiro Shiicada Yeman waxayna midaas muujineysaa inaysan sacuudiga ka dhaadhacsiin karin Imaaraadka inuu iska dhaafo Bebera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Amin Arts oo sawir ka sameeyey xaaladda murugada leh  ee uu ku jiro Shariif Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbed ka soconayo mooshin weyn oo looga soo horjeedo madaxweynaha maamulka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Shariif Xasan ayaa baarlamaanka Koonfur Galbeed ku yeeshay mucaarad badan isago hadda damacsan inuu isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa wasiirada si uu meesha uga saaro shaqsiyaadka sida weyn uga soo horjeedo ee ku jiro wasiirada.

Shariif Xasan ayaa dhawan xilka ka qaaday wasiir ka tirsanaa golihiisa wasiirada kaasoo ahaa xildhibaan markii uu saxaafadda kula hadlay Muqdisho kana dhawaajiyey inay xilka ka qaadi doonaa Shariif Xasan Shiikh oo ay ku tilmaameyn inuu yahay shaqsi aan ka shaqeyneyn danaha Koonfur Galbeed.

Haddaba Amin Arts oo ah farshaxaniinto Soomaali ah ayaa hadda ka sameeyey  xaaladda Shariif Xasan uu ku jiro oo uu ku tilmaamay inay tahay siriq uu isaga awal dhigay.

Haddaba hoos ka arag sawirka uu Amin arts ka sameeyey Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Muxuu Antonnio Guterres maanta kusoo arkay Magaalada Baydhabo?

Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa maanta booqasho ku tagay magaalada Baydhabo Xoghayaha guud ee QM Antonnio Guterres oo ay weheliyaan mas’uuliyiin uu kamid ahaa Ergayga QM u qaabilsan Somalia Micheal Keating.

Xoghayaha guud ee QM Antonnio Guterres, ayaa soo dhaweyn kadib booqday Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo oo ay ku jiraan shacab farabadan oo halkaasi loo jiifiyay xanuuno ka dhashay Abaarta.

Antonnio Guterres iyo Micheal Keating oo uu wehliyo Madaxa arimaha gargaarka iyo bini’aadamnimada de Clercq ayaa hal hal u booqday bukaanada waxa ayna su’aaleen xanuunada haya.

Antonnio Guterres, oo booqashada Isbitaalka kadib la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in QM ay gargaar degdeg ah la gaari doonto dadka ay saameeyen Abaaraha waxa uuna tilmaamay in bukaanada qaarkood ay ka muuqato nafaqo dari.

Waxa uu sheegay in Bukaanada uu soo arkay ay u badan yihiin Carruur waxa uuna ku baaqay in lalaba jibaaro gargaarka Abaaraha Somalia.

Micheal Keating, ayaa sidoo kale sheegay in QM ay il gaara ku eegi doonto dadka uu saameeyay Abaaraha iyo Carruurta la jiifta shuban biyoodka ee ku dhaqan Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo.

Khilaaf ka dhashay qaabka ay Daarood u qeybsanayaan wasiirada iyo beesha Farmaajo oo arrin cusub keentay

Muqdisho (Caasimada Online)- War hoose oo heshay caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inuu khilaaf weyn ka bilawday qaabkii loo qeybsan lahaa xubnaha golaha wasiirada uu magacaabayo Xasan Cali Kheyre uga soo aadayo Beesha Daarood.

Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaraaha Soomaaliya ayaa labaduba isku raacay inay beelaha Daarood si siman u qeybsadaan xubanaha uga soo aado wasiirada waxaana arrintaan si weyn uga hor imaaday  qaar kamid ah beelaha ku abtirsado Darood.

Qaar kamid ah xildhibaanada beeshaas ayaa lasoo sheegayaa inay diideyn in beesha uu madaxweynaha ka dhashay ay xubin ka helaan golaha wasiirada ee xukuumadda cusub, waxayna xildhibaanadaas soo jeediyeen in la siiyo beelo kale wixii kusoo aadi lahaa beesha uu madaxweynaha kasoo jeedo.

Waxaa hadda xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha ka taagan dood aad u kulul oo ku aadan arrintaas waxaana hadda socdo wada xaajoodyo hoose oo ay leeyihiin qeybaha ay ka kooban tahay Daarood waxaana la sheegay inuu khilaafkaan sabab u yahay dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqista golaha wasiirada oo la filayey inuu Xasan shaaciyo saqda dhexe ee caawa .

Wararka ayaa sidoo kale sheegayo in la filayo in saacadaha soo socdo ay beeshaas ku heshiiso qaabka awood qeybsiga wasiirada haddii uu dhacana heshiiskaas waxaa la filayaa in isla caawaba lagu dhawaaqo golaha wasiirada .

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socod siin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Maxay yihiin ciidamada ay isku raaceyn Farmaajo iyo sarakiisha inay deg deg uga baxaan Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyey kulamo xasaasi ah lahaa saarkiisha ciidamada Dowladda iyo madaxweynha Soomaaliya waxaana hadda go’aan cad laga saaray in magaalada Muqdisho laga bixiyo qaar kamid ah ciidamada.

Waxaa hadda la go’aamiyey in ciidamada Militariga magaalada Muqdisho laga saaro sida ay isku raaceyn  Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee Milateriga, Booliska, iyo Nabadsugidda.

Saraakiisha ciidamada ayaa ku sababeeyey amni xumada ka jirto Muqdisho inay qeyb weyn ka tahay ciidamada badan ee ku sugan caasimadda kuwaas oo mararka qaar buux dhaafiyo wadooyinka iyo xafaadaha magaalada.

Amarkaan ayaa imaaday markii uu askari ka tirsan ciidamada Militariga shalay dil ugu geystay qof shacab ah isgooska Km5 ee magaalada Muqdisho wuxuuna dilkaas imaaday markii uu rasaas ula kac ah ku furay gaari uu watay marxuumkaas.

Madaxda ciidamada ayaa ku heshiiyey inuu amarkaan dhaqan galo maanta oo ay taariikhdu tahay 7 March, waxaana ciidamada Militariga lagu amray inay tagaan xerooyinka iyadoo la amray in maxkamad la hor keeno askarigii militariga ka tirsan oo la arko isagoo muqdisho hub ku wato.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha faray inay la imaadaan hab ay magaalada amnigeeda u sugaan waxayna tallabadaan u arkeyn inay tahay midda ugu horreyso ee amaanka lagu sugi karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo saraakiisha ciidamada ku amray inay 24 saac uga soo jawaabaan arrin xasaasi ah oo Muqdisho ka taagaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muddo asbuuc ah markii labaad isugu yeeray taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Nabadsugidda, Millitariga iyo Booliska si u wax uga waydiiyo arrimo la xiriiro la xagga amniga Muqdisho.

Kulanka uu madaxweynaha isugu yeeray saraakiisha ayuu ujeedkiisa ahaa inuu saraakiisha ka wareysto falal amni darro oo Muqdisho gilgilay tan iyo markii uu xilka la wareegay wuxuuna madaxweynaha waydiiyo saraakiisha qaabka ugu fudud ee arrintaan wax looga qaban karo.

Taliyayaasha ayaa madaxweynaha usoo gudbiyey warbixin ku saabsan falalkii amni darada ahaa ee ka dhacay Muqdisho si fiican ayuuna uga dhageystay waxaana falalkaas lagu dilay shacab iyo xubno ka tirsan dowladda.

Warar hoose oo ay heshay shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu madaxweynaha ka dalbadauy taliska ciidamada Militariga inay si deg deg usoo qabtaan askari shaqsi shacab ah oo watay gaari  shalay ku dilay agagaarka isgoyska Zoobe kaasoo markuu falka geysty meesha isaga baxsaday.

Madaxweynaha ayaa amar deg deg ah ku siiyey inay is kaashadaan booliska iyo Militariga isla markaasna ay sida ugu dhaqsiyaha gacanta ugu soo dhigaan arkarigaan muddo 24 saacadood ah.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha u sheegay inay markaan soo qabtaan too taagaan maxkamad si uu u maro caadaaladda, sidoo kalana madaxweynaha ayaa warbixin ka sugayo taliyaha Nabadsugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir si ay uga hadlaan arrimaha amni darada ah ee ka taagan Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hal arrin oo ay dowladda Farmaajo kaga dhigan tahay safarkii uu Muqdisho ku yimid Xoghayaha QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia soo gaaray Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres ayaa kulan Khaas ah la yeeshay Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo oo ay kaga hadleen arimo khaas ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres, ayaa kawada hadlay xaalada ka jira Somalia, Siyaasada, Amniga, Horumarka, Xukuumada cusub iyo Abaaraha.

Labada mas’uul ayaa ku dheeraaday arrimaha Amniga iyo Abaaraha, waxa ayna isla fahmeen in lagama maarmaan ay tahay in leyska garabsado xaalada taagan.

Haddaba safarkaan uu maanta Muqdisho ku yimid Antonio ayaa hal arrin oo muhiim ah kaga dhigan dowladda cusub ee Soomaaliya oo uu hoggaamiye Maxamed Cabdulalahi Farmaajo.

Waxaa la ogyahay inuu Farmaajo talada dalka hayo muddo 1 bil ah waxayna safarka heerkaan oo kale ah muujinayaa inay beesha caalamka ku kalsoonaato dowladda cusub ee Soomaaliya iyo in Muqdisho ay  weli amni tahay oo la imaan karo.

Midda ugu muhiimsan ayaa aheyd inaan maanta magaalada Muqdisho laga dareemin saasaan muujineyso inuu Mas’uul heerkaan oo kale ah imaanayo magaalada mana jirin wax jid ah oo la xiray waxayna caddeyn u tahay inay dowladda Farmaajo wax badan ka duwan tahay tii Xasan Shiikh inkastoo aan weli si fiican loo baran dowladda cusub oo la arki doono wajiga ay la timaado iyo waxqabadka ay soo muujiso.

Waxaa sidoo kale dhawaan dalka soo galay madax ay ka mid yihiin Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Kenya iyo Ismaaciil cumar Geele oo ah madaxweynaha Jabuuti oo dhammaantood ka qeybgalay xafladdii heerka sare aheyd ee lagu caleema saaray Madaxweyne Farmaajo

Madaxda Caalamka ayuu sidoo kale safarkaan tusaale u yahay waxaana la filayaa inay dhawaan soo gaaraan muqdisho madax kale oo ka imaanayo adduunyada qeybaheeda kala duwn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Waqtiga rasmiga ah ee la filayo inuu Xasan Cali Kheyre ku dhawaaqo golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wado wadatashiyadii ugu dambeeyey oo uu ku magacaabayo golihiisa wasiirada.

Haddaba xog hoose oo ay heshay caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inay dib u dhacday waqtigii la filayey inuu Xasan soo magacaabo oo aheyd berri oo Arbaco ah maadaama dowladda Farmajo looga bartay inay arrimaha saameynta leh ku aadiso Arbacooyinka .

Baaqashadaan kama dhigno inay dowladda Farmaajo badashay nashqadii aheyd inay Arbacada wax magacawdo balse waxaa la filayaa in loo badalay Arbacada soo socoto oo ay taariikhdu ku beegan tahay 15 March 2017 maadaama uu Ra’isulwasaaraha u baahday waqti dheeraad ah oo uu ku sameeyo la tashiyo.

Markii hore waxaa la filayey inuu Ra’isulwasaaraha berri oo 08 March ah ku dhawaaqo golihiisa wasiirada haddana wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo inay dib u dhacday inkastoo mar kasta uu go’aanka ku xiran yahay Ra’isulwasaaraha lagana yaabo inuu berriba isaga dhawaaqo haddii ay wax isugu toosaan.

Wixii warar ah ee arrintaas kusoo kordha waxaad kala socon doontaa shabakadda Caasimadda Online oo ah shabakad inta badan idiin soo gudbiso wararkii ugu dambeeyey dalka iyo xogaha qarsoon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Jawaari oo R/W Kheyre u dhiibay liiska shaqsiyaad loo rabo wasiirnimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu kaalin miisaan leh ka qaadanaayo dhismaha Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub.

Jawaari ayaa la sheegayaa in Ra’isul wasaare Kheyre uu ku wareejiyay magacyada dhowr Mas’uul kuwaa oo la filaayo in qaarkood ay kamid noqon doonaan Golaha Xukuumada cusub.

Jawaari ayaa shaqsiyaadka uu soo xulay ku doortay howlkarnimo, waxaana la xaqiijinayaa in Ra’isul wasaaraha uu ku wargaliyay in shaqsiyaadkaasi ay yihiin kuwo kasoo bixi kara howlaha ay mudan yihiin in loo dhiibo.

Shaqsiyaadka qaar ayaa la xaqiijiyay inay wada shaqeeyen mudadii uu dalka ka ariminaayay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, halka qaarna ay yihiin kuwo heysta dhaqaale ay ka maarmikara Hanyida Qaranka.

Xogtu waxa ay intaa ku dareysaa in Shaqsiyaadka uu soo xulay Jawaari ay tirro ahaan dhan yihiin ilaa Lix Mas’uul kuwaa oo laba kamid ah ay kasoo jeedan hal beel, halka afarta kale ay yihiin kuwo beel ahaan kala duwan.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa miisaan ku dhex leh Dowlada cusub ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay in kaalin muuqata uu ku lahaa soo bixitaankiisa.

Si dhab ah looma saadaalinkaro cadadka Mas’uuliyiintaasi ka mid noqon doona Golaha Wasiirada ee uu dhawaan ku dhawaaqi doono Ra’isul wasaare Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]