25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Hal arrin oo ay dowladda Farmaajo kaga dhigan tahay safarkii uu Muqdisho ku yimid Xoghayaha QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia soo gaaray Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres ayaa kulan Khaas ah la yeeshay Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo oo ay kaga hadleen arimo khaas ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres, ayaa kawada hadlay xaalada ka jira Somalia, Siyaasada, Amniga, Horumarka, Xukuumada cusub iyo Abaaraha.

Labada mas’uul ayaa ku dheeraaday arrimaha Amniga iyo Abaaraha, waxa ayna isla fahmeen in lagama maarmaan ay tahay in leyska garabsado xaalada taagan.

Haddaba safarkaan uu maanta Muqdisho ku yimid Antonio ayaa hal arrin oo muhiim ah kaga dhigan dowladda cusub ee Soomaaliya oo uu hoggaamiye Maxamed Cabdulalahi Farmaajo.

Waxaa la ogyahay inuu Farmaajo talada dalka hayo muddo 1 bil ah waxayna safarka heerkaan oo kale ah muujinayaa inay beesha caalamka ku kalsoonaato dowladda cusub ee Soomaaliya iyo in Muqdisho ay  weli amni tahay oo la imaan karo.

Midda ugu muhiimsan ayaa aheyd inaan maanta magaalada Muqdisho laga dareemin saasaan muujineyso inuu Mas’uul heerkaan oo kale ah imaanayo magaalada mana jirin wax jid ah oo la xiray waxayna caddeyn u tahay inay dowladda Farmaajo wax badan ka duwan tahay tii Xasan Shiikh inkastoo aan weli si fiican loo baran dowladda cusub oo la arki doono wajiga ay la timaado iyo waxqabadka ay soo muujiso.

Waxaa sidoo kale dhawaan dalka soo galay madax ay ka mid yihiin Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Kenya iyo Ismaaciil cumar Geele oo ah madaxweynaha Jabuuti oo dhammaantood ka qeybgalay xafladdii heerka sare aheyd ee lagu caleema saaray Madaxweyne Farmaajo

Madaxda Caalamka ayuu sidoo kale safarkaan tusaale u yahay waxaana la filayaa inay dhawaan soo gaaraan muqdisho madax kale oo ka imaanayo adduunyada qeybaheeda kala duwn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Waqtiga rasmiga ah ee la filayo inuu Xasan Cali Kheyre ku dhawaaqo golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wado wadatashiyadii ugu dambeeyey oo uu ku magacaabayo golihiisa wasiirada.

Haddaba xog hoose oo ay heshay caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inay dib u dhacday waqtigii la filayey inuu Xasan soo magacaabo oo aheyd berri oo Arbaco ah maadaama dowladda Farmajo looga bartay inay arrimaha saameynta leh ku aadiso Arbacooyinka .

Baaqashadaan kama dhigno inay dowladda Farmaajo badashay nashqadii aheyd inay Arbacada wax magacawdo balse waxaa la filayaa in loo badalay Arbacada soo socoto oo ay taariikhdu ku beegan tahay 15 March 2017 maadaama uu Ra’isulwasaaraha u baahday waqti dheeraad ah oo uu ku sameeyo la tashiyo.

Markii hore waxaa la filayey inuu Ra’isulwasaaraha berri oo 08 March ah ku dhawaaqo golihiisa wasiirada haddana wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo inay dib u dhacday inkastoo mar kasta uu go’aanka ku xiran yahay Ra’isulwasaaraha lagana yaabo inuu berriba isaga dhawaaqo haddii ay wax isugu toosaan.

Wixii warar ah ee arrintaas kusoo kordha waxaad kala socon doontaa shabakadda Caasimadda Online oo ah shabakad inta badan idiin soo gudbiso wararkii ugu dambeeyey dalka iyo xogaha qarsoon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Jawaari oo R/W Kheyre u dhiibay liiska shaqsiyaad loo rabo wasiirnimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu kaalin miisaan leh ka qaadanaayo dhismaha Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub.

Jawaari ayaa la sheegayaa in Ra’isul wasaare Kheyre uu ku wareejiyay magacyada dhowr Mas’uul kuwaa oo la filaayo in qaarkood ay kamid noqon doonaan Golaha Xukuumada cusub.

Jawaari ayaa shaqsiyaadka uu soo xulay ku doortay howlkarnimo, waxaana la xaqiijinayaa in Ra’isul wasaaraha uu ku wargaliyay in shaqsiyaadkaasi ay yihiin kuwo kasoo bixi kara howlaha ay mudan yihiin in loo dhiibo.

Shaqsiyaadka qaar ayaa la xaqiijiyay inay wada shaqeeyen mudadii uu dalka ka ariminaayay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, halka qaarna ay yihiin kuwo heysta dhaqaale ay ka maarmikara Hanyida Qaranka.

Xogtu waxa ay intaa ku dareysaa in Shaqsiyaadka uu soo xulay Jawaari ay tirro ahaan dhan yihiin ilaa Lix Mas’uul kuwaa oo laba kamid ah ay kasoo jeedan hal beel, halka afarta kale ay yihiin kuwo beel ahaan kala duwan.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa miisaan ku dhex leh Dowlada cusub ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay in kaalin muuqata uu ku lahaa soo bixitaankiisa.

Si dhab ah looma saadaalinkaro cadadka Mas’uuliyiintaasi ka mid noqon doona Golaha Wasiirada ee uu dhawaan ku dhawaaqi doono Ra’isul wasaare Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Waa kuwee Labada Magaalo ee la sheegay inuu dhawaan booqanayo madaxweyne Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online)-  Warar aan la hubin ayaa sheegayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhawaan safar KU tagi doono laba magaalo oo kamid ah Soomaaliya taasoo noqoneyso safarkii ugu horreeyey oo uu ku sameeyo gudaha Soomaaliya tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Soomaaliya.

Wararkaas ayaa sheegayo inuu madaxweyne 19 Bishaan booqan doono magaalada Gaalkacyo oo ay isku hor fadhiyaan muddo badan ciidamo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa isku furantay habeenkii uu madaxweynaha noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib markii ay magaaladaas ka bilawdeyn banaanbaxyo waaweyn oo lagu taagerayo waxayna keentay inuu furmo jidkii xirnaa, inkastoo markii dambe uu dib u xirmay.

Markay sidaas dhacday madaxweynaha Soomaaliya ayaa ballan qaaday inuu dib u heshiisiin rasmi ah ka sameyn doono magaalada Gaalkacyo waxaana la filayaa inuu safarkaan jawaab u yahay ballan-qaadkii uu sameeyay waxaana lagu wadaa inuu halkaas kula kulmo odayaal , siyaasiyiin iyo labada maamul si loo helo xal waaro.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu madaxeynaha booqdo Magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug oo lagu wado inay halkaas ka dhacdo doorashada wuxuuna mas’uuliyiinta maamulkaas kala hadli doonaa sidii ay doorashada ugu dhici laheyd qaab xalaal ah oo loo wada jeedo iyo sidii maamulka Ahlu Sunna looga qeyb gelin lahaa maamulka cusub ee la dhisayo.

Safaradaan ayaa la filayaa inay imaadaan marka uu Ra’isulwasaaraha soo magacaabo golihiisa wasiirada isla markaasna ay ansixiyaan xubnaha Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-warran: Qaab noocee ah ayuu Shariif Xasan ula shaqeyn doonaa madaxweyne Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shariif Xasan Shiikh Aadan waa siyaasi aan inta badan ku fashilmin waxyaabaha uu damco inuu sameeyo wuxuu siyaasadda dalka kasoo qabtay jagooyin kala duwan isagoo soo maray weliba marxalado kala ad adag.

Shariif Xasan waa nin caqli badan sidoo kalana yaqaan meesha siyaasadda ku dhamaaneyso, kuna darso xisaabta waa nin yaqaan guul iyo guuldaro, maalinta ay siyaasadda dhiniciisa usoo dhacdo si fiican ayuu u maamushaa markii laga guuleystana wuxuu raadiyaa wadooyin kale.

Sidee ayuu ula shaqeyn doonaa Farmaajo

Shariif Xasan midda ugu weyn oo uu siyaasyiinta ugu duwan yahay waa inuusan inta badan saxaafadda la wadaagin mowqifkiisa, waxa uu damacsan yahay iyo cidda uu la safan yahay.

Maadaama uusan Shariif siyaasadiisa saxaafadda la wadaagin waxaa aad u adag in la ogaado haddii uu si fiican ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo haddii kale.

Dadka falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa ku aragti duwanaaday qaabka uu noqon doono xiriirka dowladda dhexe ee uu Farmaajo hoggaaminayo iyo maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu horkacayo Shariif Xasan.

Qaar kamid ah fallanqeeyayaasha ayaa aamisan inuu Shariif Xasan siyaasadiisa wax badan ka badali doono maadaama uu dalka qabsaday hoggaamiye heysto taageerada shacabka sidoo kalana ay meesha ka baxeyn siyaasiyiintii uu xilfaaltanka siyaasadeed kala dhaxeeyey.

Halka kuwa kale ay aaminsan yihiin inuusan Shariif Xasan isbadali doonin oo uu sii wadi doono magacii uu ku can baxay ee ahaa Shariif Sakiin isla markaasna uu dowladda mucaaradi doono haddii uu ka waayo danihiisa siyaasadeed.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa isagoo difaac ku jiro wuxuu soo dhaweeyey doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Soomaaliya iyo Guushii Farmaajo waxaana soo dhaweyntaas lagu fasiray inay ku socotay guuldaradii weyneyd ee ku dhacday madaxweynihii hore Xasan Shiikh oo uu kala dhaxeeyey dagaal siyaasadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu si fiican ula shaqeyn doono maamula Goboleedyada dalka ka jiro waxaana laga yaabaa inuu Shariif Xasan isbadalo oo uu taageero Farmaajo haddii uu ka arko siyaasadda dabacsanaan ah iyo awood qeybsi.

Ugu dambeyntii waxaa laga war sugayaa sida uu noqon doono xiriirka dowladda iyo Maamul Goboleedyada koonfur Galbeed marka ay dowladda shaqeyso muddo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Farmaajo oo looga fadhiyo inuu go’aan ka gaaro takri falkan ay dowladdii Xasan ka sameysay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Iyo Ra’isulwaasaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa asbuuca soo socdo la filayaa inay ku dhawaaqaan golohooda wasiirada oo la filayo inay kasoo muuqdaan shaqsiyaad ka tirsanaan jiray xukuumadii uu Farmaajo Ra’isulwasaarha u ahaa .

Haddaba shacabka Muqdisho ayaa madaxweynaha iyo xukuumadda cusub ka filayo inay go’aan taariikhi ah ka qaataan qaladadaad iyo ku takrifal ay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ku sameysay dhul ay laheyd dowladda iyo mid hanta guud ah.

Dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu eedeeyey inay shaqsiyaad ku wareejiyey dhul badan oo ay leedahay dowladda kana mid ah hantida guud ee qaranka taasoo aheyd caqabadii ugu weyneyd ee qabsaday dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, sidoo kalana waxay dhul guud ku wareejisay shirkadda si gaar ah loo leeyahay.

Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ballan qaaday inay dowladiisa sixi doontaa qalaladaadkii ay gashay dowladii ka horeysay sidoo kalana wuxuu ballan qaaday in hantida qaranka aan la dhici doonin .

Iyadoo hadalkaas la raacayo  shacabka Muqdisho oo ay caasimadda Online la dhex qaatay makarafoonka ayaa dowladda cusub ka codsaday in dib loogu soo celiyo gacanta dowladda dulalkii ay sida sharciga darada ah u maamushay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.

Dhulkii ugu dambeeyey ee dowladda Xasan ay shaqsiyaad ku wareejisay ayaa waxa uu ku yaalaa agagaarka Isygoyska Ex Control Afgooye waxaana tallabadada shacabakii daganaa looga saaray ka dambeeyey wasiirkii Arrimaha gudaha dowladdii Xasan Cabdiraxmaan Odawaa oo dhulkaas ku amray Gobolka Banaadir inay u saxiixdo shaqsiyaad isugu jiro siyaasiyiin iyo dad wasiirka ay qaraabo yihiin.

Dhulkaas ayaa la rabay in la cabiro marka uu Xasan xilka kusoo noqdo balse midaas ma dhicin waxaana hadda meel fashil ah marayo arrintii uu Odawaa damacsanaa maadaama Xasan uu meesha ka baxay waxaana dowladda cusub laga rajeenayaa inay  dhulkaas kusoo celiso gacanta dowladda lana kansalo Documentigii Shaqsiyaadka loogu saxiixay.

Haddi ay dowladda Farmaajo ku guuleysato inay dib usoo celiso xantidii qarnaka laga boobay waxay midaas caddeyn doontaa inuu Farmaajo ka dhabeeyey hadalkiisa ahaa inuu ka shaqeyn doono  horumarka iyo Cadaaladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Isbadal ku yimid qorshaha wasiirada iyo wiil uu abti u yahay Xasan Sheekh oo loo dhiibayo gobolka

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa dhawaan idinla wadaagnay warbixin ku saabsaneyd inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyr uu wasiirka Arrimaha gudaha ka dhigi doono Thaabit Cabdi Maxamed oo ahaa agaasimihii  Madaxtooyada Xilligii Xasan Shiikh Maxamuud sidoo kale markii dambe loo magacaabay ku xigeenka safaaradda Somalia ee Mareekanka iyo qunsulka guud ee safaaradda.

Haddaba illo wareedyo rasmi ah ayaa muujinayo inay arrintaas isbadashay waxaana Thabit loo qorsheeyey xil kale oo muhiim ah iyadoo wasiirka arrimaha gudaha laga dhigi doono shaqsi aan weli la carabaabin balse ay Caasimadda Online baaritaan kusoo sameyn doonto.

Sida ay sheegayaan warbixindii ugu dambeeyey sido kalana ay xaqiijnayaan illo wareedyo lagu kalsoonaan karo Thabit Cabdi Maxamed ayaa laga dhigi doonaa Gudoomiyaha gobalka iyo Duqa magaaladda Muqdisho oo markii hore la hadal hayey in la kala qaadi doono balse midaas xaaladda way iska badashay sidaas ayeyna xaaladda sii ahaan doontaa.

Qorshahaan ayaa dhibaato weyn ku ah Yuusuf Jimcaale oo la filayo in bisha soo socot xilkaan laga qaado waxaana horey ugu magacaabay Madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud.

Thaabit Cabdi Maxamed waxa ay aad isugu dhaw yihiin Xasan Shiikh Maxamuud balse khilaaf soo kala dhex galay awgiis ayaa Thabit looga qaaday xilkii uu madaxtooyada ka haayey oo ahaa agaasime.

Inkastoo Thabit iyo Xasan ay isku dhaceyn haddana midaas ma keenin inuu xiriirkooda toos u kala go’ maadaama uu Thaabit qabo gabar ay dhashay Nuurto Shiikh oo ah haweeney la dhalatay Xasan Shiikh Maxamuud waxaana markii dambe loo magacaabay ku xigeenka safaaradda Mareekanka.

Aqbaartaan iyo xogtaan ayaa kusoo aadeyso xilli la filayey in Thabit laga dhigi doono wasiirka Arrimaha Gudaha oo la siin doono Beesha Abgaal oo uu Thabit kasoo jeedo balse lama ogo halka ay arrintan iska badashay iyo waxa uu ku yimaaday qorshahaan cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaan ka tirsanaa BFS oo goordhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii 8aad ee Dowlada Somalia.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana magaciisa lagu sheegay Cali Axmed Maxamed Bood-boode loona yaqiinay Cali-faanto.

Xildhibaanka ayaa magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyay isagoo xanuunsan waxaana laga keenay Gobolka shabeelaha Hoose gaar ahaan degmada Wala-weyn.

Mid kamid ah ehelada Xildhibaanka ayaa sheegay inuu ahaa mid xanuunsan oo maalinba maalinta xigta kasii daraayay waxa uuna intaa raaciyay in ugu danbeyntii uu goordhow geeriyooday.

Dhinaca kale, geerida xildhibaanka ayaa waxaa ka tacsiyadeyey Xildhibaano dhowr ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda Farmaajo oo isku dayday inay inkirto arrin uu Xasan Sheekh sameeyey 2014!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray António Guterres oo ah xoghayaha guud ee qaramada Midoobay kaasoo Soomaaliya u imaaday sidii uu dowladda  wax ugala qaban lahaa arrimaha Abaaraha oo ay u dhimanayaan Soomaali badan.

Haddaba dowladda cusub ee Soomaaliya oo uu madaxweynaha u yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bilawday inay inkirto isla markaasna ay wax kama jiraan kasoo qaato tallaabo uu horey u sameeyey madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud sanadkii 2014.

Dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud aya magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay xoghayihii hore ee qaramada Midoobay Ban Ki-Moon markaas oo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Wasiirkii Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee xiligaas Ridwaan Xirsi Maxamed.
Haddaba sidoo kala maanta ayaa waxaa dhacday in xoghayaha cusub ee qaramada midoobay António Guterres si heer sare ah loogu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho waxaana soo dhaweeyey guddi heer wasiiro ah sida uu yahay nidaamka.

Xoghayaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey C/Salaan Hadliye oo ah sida sharciga ah wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxaana arrintaan ku tilmaamay inay tahay mid cusub oo aan weli Soomaaliya laga arag xubno ka tirsan dowladda Farmaajo.

Arrintaan ayaa waxaa loo arkay buun buunin iyo in la inkirayo tallaabadii uu Xasan Shiikh Maxamuud horey u qaaday  sanadkii 2014 markaas oo uu xoghayihii hore ee qaramada Midoobay Ban Kin Moon u diray wasiirkii arrima diinta iyo awqaafta ee xilligaas .

Waxaa ay shaqaalaha madaxweyne Farmaajo sheegeen in ay tahay markii ugu horeeyay ee qof wasiir ah uu garoonka kusoo dhoweeyo xogaye qaramada midoobey leedahay, Laakiin arintaas ayaa ah buun buunin iyo been siyaadeed oo waliba wadata dhaqan xaqiraad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hawiye iyo Daarood Beeshee qaadan doonto wasaaradaha ugu muhiimsan dowladda Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa Dhawaan la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku dhawaaqo golihiisa wasiirada oo ay shacabka Soomaaliyeed u hanqal taagayaan inay mar arkaan waxqabadka dowladda cusub oo uu majaraha u hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba waxaa jiro loolan adag oo u dhaxeeyo beelaha  Soomaaliya kuwaas oo mid kasta ay dooneyso inay hesho boosaska ugu muhiimsa golaha wasiirada gaar ahaan wasaaradaha loo yaqaan (A iyo B).

Marka aad fiiriso beesha Hawiye waxaad dareemeysaa inuu loolan adag dhexdooda ka socdo kuwaas oo isku heystaan sidii ay beel kasta u heli laheyd wasiirada ugu muhiimsa ee Hawiye kusoo aadayo.

Sid qorshaha yahay haddii aysan wax iska badalin beelaha Abgaal iyo Habargidir ayaa la filayaa inay helaan wasiirada ugu muhiimsan ee loogu talagalay Hawiye, Halka beesha Murusade la filayo inaysan helin wax wasiir ah maadaama ay qaateen booska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo uu u matalayo Xasan Cali Kheuyre.

Dhanka kale beelaha Duduble, Gaaljecel iyo Xawaadle ayaa iyaguna dagaal culus ugu jiraan sidii ay  golaha wasiirada wax la taaban karo kasoo hooyaan.

Marka loo fiiriyo nidaamka ay dowladda ku dhisan tahay ee 4.5 beelaha ugu tunka weyn ayaa la filayaa inay helaan wasiirada ugu muhiimsa ee uu Xasan Cali Kheyre ku dhawaaqi doono.

Xog ay heshay caasimadda Online ayaa tibaaxeyso inay beelaha Soomaaliyeed sidaan u qeybsan doonaan wasaaradaha ugu muhiimsan ee xukuumadda dhawaan la filayo in lagu dhawaaqo:

Beesha Hawiye ayaa heli doonto wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka.

Beesha Daarood ayaa la filayaa inay hesho wasaaradda Gaashandhigga iyo waxyabarshada.

Halka beesha Digir iyo Mirifle la filayo inay qaataan wasaaradda Maaliyadda.

Qaabkaan aan u xusnay golaha wasiirada waa sidii ay beelaha Soomaaliyeed u qeybsan jireyn goalaha wasiirada iyadoo la fiirinayo qaabka 4.5 balse xogtaan ayaa ah mid lagu kalsoonaan karo oo laga helay illo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiska Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Dalka ma fashilmin ee taliyayaasha ciidamada si degdeg ah ha isku casilaan” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Goodax Barre ayaa ka hadlay go’aanka Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu Taliyayaasha Ciidamada ugu baaqay inay is casilaan ama ay wax ka qabtaan xaalada Amni ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS uu ku amaanaayo talaabadaasi geesinimada leh, waxa uuna qudhiisa ku baaqay inay is casilaan Taliyayaasha Hay’adaha Amaanka DFS.

”Haddii aysan waxba ka qabankarin amniga waan u duceyneynaa ha is casilaan, suuragal maaha in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan falal amni darro iyaguna ay yihiin kuwo aan ka warqabin dhibka taagan”

Isagoo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in Amniga magaalada Muqdisho uu yahay mid taagan heerkii ugu xumaa waxa uuna ku baaqay inay Is casilaan Taliyayaasha Hay’adaha amaanka, ka hor inta aan xilka laga qaadin.

”Waxaa raacsanahay go’aanka uu Madaxweynuhu ku dalbaday Is casilaada Taliyayaasha aan howshooda ka adkaan karin, waxaan qabaa inay Is casilaan ka hor inta aan xilka laga qaadan waayo waxaan u baahanahay isbedel muuqda oo dhanka Amniga ah”

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in Xildhibaanada BFS ay la imaan doonaan xisaabtan dhanka Amaanka ah, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Shacabka ay u baahan yihiin Amni iyo Cadaalad.

Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo mudooyinkii dambe ay magaalada Muqdisho marti galineysay Qaraxyo lagu xira Gaadiidka iyo Dilalka fool-ka-foolka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Masar oo ku howlan istaraatiijiyad qarsoodi iyo halis ah oo ka dhan ah Ethiopia

Wakaaladda wararka ee Koonfurta Suudaan (South Sudan News Agency)  ayaa baahisay waraysi khaas ah oo ay la yeelatay jaajuus hore oo ka tirsaanaa sirdoonka dalka Uganda, waxayna wakaaladdu sheegtay in dowladda dalka Masar ay si firfircoon raad ugu leedahay istaraatiijiyad milatari oo qarsoon oo ka dhan ah biyo xireenka ay Ethiopia ka dhisayso Webiga-Nile.
Waxay kaloo dowladda Masar caawimaad milatari oo dhinac walba leh siisaa dowladda Koonfurta-Suudaan oo dagaal kula jirta mucaaradka uu hoggaamiyo Riek Machar oo ahaa madaxweyne kuxigeenkii hore ee Koonfurta-Suudaan oo hadda madax u ah jabhadda lagu magacaabo (South-Sudan Liberation Movement/Army “SPLM/A).
James Moises oo horey uga tirsanaa sirdoonka dalka Uganda ayaa sheegay in labada dowladood ee Uganda & Masar ay ku heshiiyeen sanadkii hore laba arrimood oo kala ah biyo xireenka Ethiopia ay dhisayso sidii laga yeeli lahaa iyo burburinta jabhadda dagaalka kula jirta dowladda Koonfurta-Suudaan.
“Marka hore, Masar waxay ku guuldaraysatay olole diblomaasiyadeed oo ay si joogto ah ku baadi goobaysay waddadii ay ku joojin lahayd dowladda Ethiopia biyo-xireenka korontada dhaliya ee ay ka dhisayso Wabiga-Nile, marka labaad Ugadna, iyaduna waxay taag iyo tabarba u weyday inay burburiso mucaaradka ku kacsan dowladda Koofurta-Suudaa ee  SPLM, waana labadaas arrimood waxa mideeyay Kampala iyo Qaahira,” ayuu yiri James Moises.
Wuxuu kaloo intaa ku daray, “Ethiopia way rumaysan la’dahay in Qaahira iyo Kampala ay ka wadahadlayaan wax la xiriira biyo xireenka ay ka dhisaysanayso Wabiga-Nile”.
“Tani waa istaraatiijiyad qarsoon oo ka dhan ah dowladda Ethiopia” ayuu yiri.
Moises wuxuu wakaaladda wararka Koonfurta-Suudaan u sheegay in qorshe uu soo dajiyay madaxweynaha Uganda una soo bandhigay dhiggiisa Qaahira Cabdulfatah Al-Sisi bishii December 2016, wuxuuna qorshuhu ahaa “Haddii Qaahira ay ogolaato inay hub iyo rasaas ugu deeqdo dowladda Juba oo ay Kampala  ku doonayso in lagu jabiyo mucaaradka SPLM, Kampala waxay fulin doontaa tallaabo walba oo ay ku taageerayso Masar oo lagu burburiyo biyo xireenka ay Addis-Ababa ku howlan tahay, wuxuu kaloo Museveni waa madaxweynaha Uganda’e uu Al-Sisi u ballan qaaday inuu keeni doono taageerayaal kale oo arrinkaas biyo xireenka diidan oo madaxda waddamada Bariga-Afrika ah oo taageeri doona Masar”.
Masar waxay hub iyo rasaas siisaa Koonfurta-Suudaan.
Ninkaasi jaajuuska Uganda ahaan jiray wuxuu kaloo shaaca ka qaaday in Masar ay  hub casri ah ugu deeqday dowladda Juba iyo qalab milatari oo casri ah, isagoo intaa ku daray in Kampala ay u gudbiso hubkaas dowladda Koonfurta-Suudaan.
Arrintan shaac ka qaadista ah maaha markii ugu horreysay ee uu James Moises ka dhaawaajiyo waxaa jira waqtiyo kale oo uu wax kashifay.
Bishii Julay 2013, in ku dhow 4 bilood oo  Koonfurta-Suudaan dagaal sokooye ka socday ayuu qoray maqaal uu ku sheegay in madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu faraha kula jiro arrimaha Koonfurta-Suudaan, taasoo sababtay ammaan-darro ku baahda dalalka Bariga-Afrika iyo Adduunkoo idil, ayna sabab u yihiin ciidamada Uganda ee farakutirska ah ee ku sugnaa Koonfurta-Suudaan kahor dagaalka ka qarxay dalkaas.
Moises wuxuu ka digay bishii November 2015 in heshiiskii nabadaynta Juba ee la gaaray bishii ka horreysay August 2015 uusan miro-dhal noqonayn wuxuuna dusha u saaray arrintaas in labada madaxweyne Salva Kiir & Moseveni ay horey usoo qorshaysteen dabin looga hortago hirgalinta heshiiskaas,  wuxuuna dabinku ahaa in mucaaradka uu hoggaanka u hayo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfurta-Suudaan Riek Machar ay caasimadda Juba u yimaadaan hirgalinta heshiiskii IGAD kaddibna abaabulaan dagaal.
Bishii lasoo dhaafay February 2017 taliyaha milatariga mucaaradka ayaa ku eedeeyay Masar inay duqayn xagga cirka ah ka gaysatay goobaha ay fariisimada ku leeyihiin jabhaddooda SPLM ee magaalada Kaka ee ku taala Nile-ka-sare, laakiin Qaahira waa diiday eedeyntaas.
Mucaaradku waxay kaloo sheegeen in bishii January 2017 ay Masar iyo Koonfurta-Suudaan ay gaareen heshiis qaab-daran oo ahaa inay labada waddan heshiis kuwada gaareen sidii lagu burburin lahaa biyo xireenka korontada ee Ethiopia ka dhisayso Wabiga-Nile.
Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.

Sawirro: Sidee, yaase soo dhaweeyay xoghayaha Guud ee QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbadal weyn oo dhanka soo dhaweynta ah ayaa ka muuqday qaabka loosoo dhaweeyay xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Antonio Guterres ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay ku simaha wasiirka arimaha dibada xukuumada Soomaaliya.

Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa soo dhaweeyay wafdiga uu hogaaminayo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaana kadib hoolka shirarka ee garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankaasi socday muddo kooban ayaa looga hadlay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya iyo xaaladaha dhanka amaanka.

Balse soo dhaweynta maanta ayaa ka duwaneyd soo dhaweyntii hore loogu sameeyay Ban Ki Moon oo xirnaa jaakada xabada aysan karin.

Waxaa xiligaasi sanadkii 2012 soo dhaweeyay Ra’iisul wasaarihii xiligaasi C/Welli Maxamed Cali gaas.

Marka xubno ajaaniib ah imaanayaan Soomaaliya waxaa sanadihii ugu dambeeyay dhacayay in madaxweynaha uu kaga hortago qeybta soo dhaweynta.

Wararkii ugu dambeeyey magacaabista golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre ayaa wali ku guda jira xulashada xubnaha Golaha Wasiirada xukuumada Somalia.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inta badan kasoo jeestay la kulanka dhinacyada uu khuseeyo wax ka dhisida Xukuumada Somalia, walow ay jiraan kulamo yar yar oo wali harsan.

Ilo ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha ayaa sheegaya in Kheyre uu dedejinayo soo magacaabista wasiirada si ay dhaqso u shaqo billaabaan,iyagoo wajahaya marxadaha adag ee u dalka ku dhex jiro.

Kheyre waxa uu sheegay inay muhiim tahay in si dhaqsi ah lagu magacaabo Golaha Wasiirada, isagoo sababta ugu weyn ku sheegay inay u guda galayaan xalinta dhibaatooyinka muuqda sida Abaaraha ka taagan Gobolada dalka.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in kulamo gaar ay oo ay wada qaateen madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha inay isku afgarteen muhiimada ay leedahay in xilli hore la soo magacaabo golaha wasiirrada, taaso sahlaysa dowladda cusub inay si rasmi ah u shaqo bilowdo.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in liiska golaha wasiirada qaarkood ay diyaarsan yihiin, waxaana durbaba soo shaac baxaya shaqsiyaad loolan ugu jira xilalka darajada sare ee wasaaraddaha.

SIdoo kale, Ra’isul wasaaraha ayaa sida dastuurku qabo waxaa laga sugayaa muddo 30 cisho gudaheeda inuu Golaha Shacabka ugu soo gudbiyo Xukuumaddiisa cusub si loogu qaado codka kalsoonida.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha ayaa la sheegayaa in Golihiisa uu ku dhawaaqi doono ilaa iyo maalinta Arbaca ee fooda nagu soo heysa, sida aan xogta ku heleyno.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Shariif Xasan oo ku dhawaaqay inuu qaadi doono laba tallaabo oo deg deg ah

Baydhabo (Caasimada Online) – Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka dhawaajiyey laba tallaabo oo uu si deg deg ah u qaadi doono  maalmaha soo socdo.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyey inuu dhawaan isku shaandeyn ku sameyn doono golihiisa wasiirada si uu yiri looga shaqeeyo horumarka maamulka koonfur Galbeed oo ay lagama maarmaan tahay inuu dhaco is badal la taaban karo.

Shariif Xasan ayaa wasiirada maamul koonfur Galbeed ku amaanay shaqada wanaagsan oo ay qabteyn isla markaasna ay kusoo shaqeeyeen duruuf kala duwan oo xagga Ammaanka iyo dhaqaalaha ah.

“ Hadduu Alle idmo waxaan rajeenayaa inaan dhawaan isku shaandheyn ku sameeyo wasiirada koonfur Galbeed oo kusoo shaqeeyey duruufo kala duwan oo dhanka amaanka iyo dhaqaalaha ay ugu horreyso, gabdho iyo ragga intaba way ka kooban yihiin, waxaana rabaa inaan u mahadceliyo ka hor inta aysan dhicin isku shaandheyntaas” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

Wasiirada koonfur Galbeed ayaa lagu eedeeyey inay yihiin kuwa aan waxtar laheyn waxaana ilaa hadda ka arko shaqada ay qabtaan wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo midda Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka.

Dhanka kale Shariif Xasan ayaa sheegay in maamulkiisa uu qorsheynayo inuu dib u soo celiyo kaabayaashii dhaqaalaha ee uu lahaa, sida in la furo garoomada diyaadaha iyo isu socodka deegaanada maamulkiisa.

“Waxaa ku tala jirnaa inaan dhowaan dib u furno garoonka diyaaradaha Nambar 50, waxaa hada dayactir ku socda garoonka diyaaradaha Baraawe”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlayay telefishinka Universal.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in dhowaan ay u guuri doonaan magaalada Baraawe oo ah xarunta Maamulka Koofur Galbeed, isagoo tilmaamay in meel gabo gabo uu marayo dayactirka garoonka diyaaradaha magaaladaas.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Xoghayaha Guud ee QM oo soo gaaray Muqdisho + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho goordhow soo gaaray xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wafdiga Antonio Guterres ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kulan gaar ah ayaa wuxuu dhexmaray xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo.

Kulankaasi ayaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin abaaraha ka jira dalka Soomaaliya iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jiro.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in kulankaasi uu ku saabsanaa amaanka iyo abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in wafdiga Antonio Guterres ay aadi doonaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, oo kamid ah meelaha sida weyn ay u saameysay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Xoghaya Guud wuxuu sheegay in abaaraha ka jira dalka Soomaaliya uu u yimid gudaha dalka, wuxuuna sheegay inay gacan ka geysan doonaan, sidii dadka loo samata bixin lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Falanqeyn: Sidee Gabadha 7 sano jirka ah Cadaado loogu gowracay yaase ka dambeeyay

Cadaado (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaabka loo dilay gabar aad u yar oo lagu gowracay deegaan ku yaala duleedka magaalada Cadaado.

Gabadha la gowracay oo sanad ahaan jirtay 7 sano ayaa meydkeeda laga helay magaalada Cadaado, waxaana arintaasi ay amakaag ku reebtay shacabka magaalada.

Masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa sheegay inay baaritaan dheer sameeyeen ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliska ee maamulkooda,

Waxaana baaritaankaasi lagu soo qabtay labo ruux oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen falka lagu gowracay gabadha yar, sida madaxda ay sheegeen.

Cumar Xuseen Muumin, taliyaha saldhiga magaalada Cadaado ayaa sheegay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen ciidamada ay kusoo qabteen labada ruux ee arintaasi looga shakisan yahay.

Tuhunka ugu badan ayaa la saaray haweeney ay caruurteeda la ciyaari jirtay gabadha la gowracay, waxaana loo malaynayaa inay falkaasi ka dambeysay.

Gabadha Yar ayaa markii ciddeeda ugu wardambeysay waxay aheyd saacado uun ka hor inta aan meydkeeda la helin, waxaana kadib laga war helay iyaga oo gowracay.

Haweneyda falka lagu tuhmayo ayaan la ogeyn sababta ku qasabtay inay arintaasi sameyso, balse laamaha amaanka ayaa baaritaano wado.

Taliyaha saldhiga magaalada Cadaado waxaa uu sheegay in ay sharciga horkeeni doonaan dadkaasi, islamarkaana ay baaritaan dheer ay ku sameyn doonaan sababta keenay dilka gabadhaasi yar ee todobo sano jirka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda madaxweyne Farmaajo oo ay ku loolamayaan laba koox

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu buuxiyo kuraasta faaruqa ah ee Dowladiisa.

Madaxweynaha ayaa Villa Somalia uga yeeray mas’uuliyiin dhowr ah oo horay ay usoo wada shaqeeyeen kuwaa oo waayadii danbe ku noolaa dalka dibadiisa.

Ujeedka uu shaqsiyaadkaasi ugu yeeray Farmaajo ayaa la sheegay inay tahay kamid noqoshada Dowlada cusub oo iminka ay ka banaanyihiin kuraas aad u farabadan.

Farmaajo ayaa doonaaya in kuraasta faaruqa ah uu ku buuxiyo shaqsiyaad aqoon durugsan u leh Siyaasada kuwaa oo aqoon fiican uu kala dhexeeyo.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa doonaaya in Kooxda labaad ee buuxin doonta kuraasta ay noqdaan Siyaasiyiin gaara oo uu wato Xasan Sheekh.

Dowlada Farmaajo ayaa ilaa iyo hadda waxaa ku jira Siyaasiyiin ku dhow dhow Xasan Sheekh kuwaa oo dhawaan loo magacaabay xilal muhiim ah.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa kamid ah shaqsiyaadka uu Xasan Sheekh ku dhex leeyahay Dowlada cusub, kaa oo sahlay in Xasan Sheekh uu xubno farabadan ku dhexyeesho Dowlada Farmaajo.

Dadka qaar ayaa is weydiinaaya waxa ay ku kala duwan yihiin Dowlada cusub iyo Dowladii hore ee uu hogaaminaayay Xasan Sheekh, waxa ayna shaki lixaad leh galinayaan in Dowlada cusub ay ka gudbi doonto caqabado lamid ah kuwii heysan jiray Dowlada Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, dadka ku xeel-dheer Siyaasada ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uga digay in Dowladiisa ay wax xil ah ka qabtaan shaqsiyaadkii kusoo fashilmay xilalkii ay ka hayeen Dowladii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Soo noqoshada Yusur Abraar oo muujineyso hal arrin oo laga arko Farmaajo!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho soo gaartay Yusur Abraar oo caan ka noqotay Soomaaliya markii ay qaaday tallaabo geesinimo leh oo ay kaga dhawaajisay inay ka tagtay shaqadii Guddoomiye ee Bankiga dhexe oo uu u magacaabay Xasan Shiikh Maxamuud kadib markii ay sheegtay inay jirto musuq maasuq baahsan.

Haddaba Yusur Abraar ayaa la sheegayaa inay kamid ah noqon doonto xubnaha wasiirada oo uu soo magacaabi doono Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Haddaba soo noqoshada Yusur ayaa muujineyso hal arrin ku saabsan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalah Farmaajo iyo qaabka ay hadda ku socoto dowladiisa cusub.

Waxaan warbixintaan uga hadli doonaa waxyaabaha keenay inay Yusur kaga tanaasusho shaqadii Bankiga dhexe iyo waxa uu hadda ka dhigan yahay soo noqoshadeeda Muqdisho.

Sababihii keenay Inay Yusur ka tagto Bankiga dhexe

Waxaa dhacdey in Yusur rag madaxtooyda dowlada federaalka ah ay ugu hanjabeen in la dili doono hadii aysan lacagta oo dhan ku shubin account loo qoray ee first Rand bank orn Nedbank accounts.

Waxaa kaloo jirtey in waqtigii uu joogay Gudoomiyahii iska Casiley Bangiga Dhaxe Cabdisalan Hadliye lagula heshiiyey in lacagta uu Muuse ganjab ku yeesho 10% , Shulman, Rogers, Gandal, Pordy & Ecker 30% , shaqsiyaad kale 30% percent . Dowlada soomaliyeed wax ka yar 4%

Hadaba iyadoo xaalada ay halkaas mareyso ayaa Waxaa Yusur Abraar ay xiriir hoose la sameeysay saaxiibadeed ka yimid waqooyiga somaliya oo ay ugu horeeyso Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan oo aheyd Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya waxaana dhacdey in foosiya ay ku amartay in Yusur ay howsha fuliso. Maadaama ay magacaabideeda wax ku lahayd.

laakiin Rag Mucaarad ahaa kana soo horjeeday siyaasada Xasan Sh. iyo Damu Jadiid ayaa waxeey Yusur Abraar kula taliyeen inaanay ogolaan dhaca xoolaha ummada Soomaaliyeed waxaase Gudoomiye Yusur aysan marna ka fikirin in gabadha xamar lagu dili karo waqti kasta. Waxaa ay markaa la xiiirtay safaardaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dubai kadib markii ay u dhaarteen willasha aan wax u taliya la aqoon ee xasan sh Maxamuud uga shaqeeya Madaxtoyadiisa.

Waxaa lagu waaniyey inaay sida ugu dhaqsaha badan xamar uga dhoofto Saacado ka dibna dalka waa ay ka carartey Yusur iyadoo Banaanka soo dhigtey Fadeexada ay la kulantey si gaar ahna ugu wajahneyd Madaxweynaha . waxaaana dhacdey in lagu qalqaalinayey in dib loogu caro celiyo xamar si looga fushado howlaha dhaca iyo boobka madaxtooyda laga abaabulay, waana iska diiday.

Maxay ka dhigan tahay soo noqoshadeeda:

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan in soo noqshada Yusur Abraar ay ka dhigan tahay in dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga dhadhasan karo inaysan diyaar u aheyn musuq maasuq waxayna midaas kamid aheyd ballan-qaadyadii uu sameeyey Farmaajo intii uu ku jiray loolankii doorashada.

Inta hadda muuqato ayaa tilmaameyso in dowladda Farmaajo ay ilaa hadda iska ilaalineyso waxyaabo lug ku yeelan karo musuq maasuq waxaana la filayaa in haddii Yusur lagu soo daro dowladda weliba loo dhiibo xagga amaanada Maaliyadda ay keeni karto inaysan dowladda ka dhex dhicin wax musuq maasuq ah.

Soo noqoshada Abraar waa astaan muujineyso inuu Farmaajo yahay madaxweyne ka dhabeyn doono ballanqaadyadii uu sameeyey ee ahaa inuu ka shaqeyn doono horumarka dalka sidoo kalana uu dowladiisa kala xisaabtami doono musuq maasuqa.

Waxaa laga war sugayaa sida ay noqon doonto dowladda Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo  Xasan Cal Kheyre markii ay xoogaa shaqeeyaan waxaana la ogaan doonaa haddii ay iska ilaaliyaan qaladaadkii keenay inay fashilmaan dowladihii hore.

Shan Qodob oo lagu sifeeyey Yusar Abraar is casilaadeedii kadib:

Ummadda Soomaaliyeed meel ay joogto guud ahaan, waxay ka dheregsan yihiin shantaan qodob ee soo socda inay sifaheeda yeelatay Yusur Abraar oo ah gabar Soomaaliyeed oo kasbatay sharaf iyo cizzi, kulansatay dadnimo iyo damiir, isla markaana kartideeda kula adkeysatay xalaal-quutennimo iyo inaan hunguri ka-gelin xoolaha dadweynaha. Haddaba, waa in la caddeeyaa oo lagu celceliyaa:

1) In Yusur Abraar ay la mid tahay Xaawo Taako oo ay noqotay qof u halgamay qarannimada ummadda Soomaaliyeed iyo jiritaankeeda qarnigaan kow iyo labaatanaad.

2) In Yusur Abraar ay tahay qof astaan u ah Soomaalinnimada suubban, damiirka wanaagsan iyo dadnimada toosan oo ay ku dayan doonaan jiilasha Soomaaliyeed iyo hoggaannada dambe ee Soomaaliya.

3) In Yusur Abraar ay caddeyn iyo tusaale u tahay in ummadda Soomaaliyeed ay ku dhex jiraan dad hungurigoodu kala weyn yahay wanaagga iyo wax-u-qabadka ummaddooda.

4) In Yusur Abraar ay tahay qof aan kula doodno ajnabiga daneeya Soomaaliya marka ay na yiraahdaan ‘Soomaalidu waa wada tuugo’. Runtii, Yusur Abraar waxay noqotay qof aan caddeyn ka dhiganno oo aan ku niraahno adduunyada ‘waxaa naga buuxa boqolaal Yusur Abraar ah, balse Xasan Sheekh ayaa neceb Yusur Abraarada oo jecel Cabdisalaam Hadliyeyaasha wax u musuqmaasuqa ee jiifkiisa ugu geeya lacagta iyo laaluushka iyo Cabdiraxmaan Odowaayaasha wax shirqoola oo dadka u dila, una sameeya kaaba-qabiillo been ah’.

5) In Yusur Abraar ay taariikhda ummadda Soomaaliyeed ka gashay baal dahab ah, laguna qori doono buugaagta taariikhda ee ardayda Soomaaliyeed loogu dhigo iskuullada, si ay cashar uga bartaan damiirkeedii iyo dadnimadii ay ku diiday laaluushka, boobka iyo dhaca hantida ummadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-warran: Maxaa ku qasbay Imaaraadka inay laba heshiis ku galaan saldhigga Berbera?

Dhawaan waxaa heshiis wada saxiixday maamulka Somailand iyo Imaaraadka Carabta, waxaana heshiiskaas loogu ogolaaday Imaaraadka inay Saldhig Militari oo ay ka duqeeyaan Xuutiyiinta ka sameystaan Berbera taasoo la filayo inay qatar weyn ku noqon doono Wadanka Soomaaliya iyo xiriirka labada dowladood.

Haddaba waxaan dhawaan soo baxday inuu heshiiskaas qeyb ka ahaa Ra’isulwasaarihii waqtigiisa dhamaaday Cumar Cabdirashiid kaasoo la sheegay inuu heshiiskaas ku qaatay lacag laaluush ah oo weliba xad dhaaf ah.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu warramay inay bixiyeen laaluush lacageed oo gaaraya 85 milyan oo dollar, oo la siiyey shaqsiyaad iyo kooxo si heshiiskaas uu u meel-maro.

50 Milyan waxaa la siiyey Xisbiga Kulmiye oo hadda maamulo Somaliland halka 35 Milyan la siiyey Cumar Cabdirashiid oo la sheegay inuu heshiiskaas ku matalay Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Haddaba waxaa la isa waydiinayaa maxaa keenay inay imaaraadka laba heshiis ku galaan saldhigga Berbera.

Dadka sharci yaqaanada ah ayaa ku doodayo in  maadaama sharciyan Somaliland ay ka tirsan tahay Somalia  ay sidaas Imaaraadka ku qasbanaatay inay inay saxiix ka helaan dowladda Soomaaliya, taasi oo ka hor-istaagi karta in mustaqbalka saldhigga ay ka horyimaadaan caqabado dhinaca sharciga.

Imaaraadka ayaa ku fakaray inaysan halkaas saldhig ka sameysan karin iyagoo aan fasax ka heysan Somaliland oo ku dhawaaqay inay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale, sidoo kalana mustaqbalka haddii maxkamad la geeyo heshiiskaas waxay ku fakartay inay caqabad ku noqon doonto saxiix La’anta dowladda dhexe.

Sidaas darteed Imaaraadka ayaa la xiriiray Ra’isulwasaarihii dowladdii waqtigeeda dhamaaday ee uu calanka u hayey Xasan Shiikh Maxamuud waxayna ka dhaadhacsiiyeen inuu heshiiskaas ugu dhuftay saxiixa dowladda, si dhaqso ah ayuuna Cumar ku aqbalay heshiiskaas maadaama miiska loo soo saaray adduunka lacageed oo uusan ka hor imaan karin.

Sharci yaqaanada ayaa kuu sheegayo inuusan heshiiskaas ansax ka noqon karin dhanka dowladda dhexe haddii aanan la helin ogolaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la og yahay inaan weli la hor geyn Heshiiskaas.

Dhanka kale waxay hadda Baarlamaanka Soomaaliya wadaan arrin caqabad weyn ku noqon karto heshiiskaas maadaama kulanka ugu horreeyo ee baarlamaanka la horkeenayo mooshin lagu diidan yahay heshiiskaas.

Haddii barlamaanka uu ansxiyo mooshinka laga keenay heshiiska Berbera Imaaraadka carabta ayaa ku qasbanaan doonto inay ka fakarto heshiiskaas oo sharci ahaan iyo marka loo fiiriyo heshiisyada caalamiga ah aan ansax aheyn.

Khilaafka labada dowladood Soomaliya iyo Imaaraadka ayaa cirka isku shareeray markii ay Imaraadka safiirkoodii kala baxeyn Soomaaliya iyagoo ka xanaaqay dacwadii uu Farmaajo u gudbiyey Sacuudiga kaasoo uu ku dalbaday inay Imaaraadka ka deyso faragelinta ay ku heyso Soomaaliya.

Inkastoo ay Imaaraadka ka dhawaajisay inaysan safiirkeeda kala bixin Soomaaliya oo uu ku maqan yahay arrimo khaas u ah isaga haddana waxaa jirto oo aan qarsooneyn inay imaaraadka ka xun tahay tallabada ay dowladda Soomaaliya uga hor imaatay heshiiskaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]