25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog-warran: Maxaa ku qasbay Imaaraadka inay laba heshiis ku galaan saldhigga Berbera?

Dhawaan waxaa heshiis wada saxiixday maamulka Somailand iyo Imaaraadka Carabta, waxaana heshiiskaas loogu ogolaaday Imaaraadka inay Saldhig Militari oo ay ka duqeeyaan Xuutiyiinta ka sameystaan Berbera taasoo la filayo inay qatar weyn ku noqon doono Wadanka Soomaaliya iyo xiriirka labada dowladood.

Haddaba waxaan dhawaan soo baxday inuu heshiiskaas qeyb ka ahaa Ra’isulwasaarihii waqtigiisa dhamaaday Cumar Cabdirashiid kaasoo la sheegay inuu heshiiskaas ku qaatay lacag laaluush ah oo weliba xad dhaaf ah.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu warramay inay bixiyeen laaluush lacageed oo gaaraya 85 milyan oo dollar, oo la siiyey shaqsiyaad iyo kooxo si heshiiskaas uu u meel-maro.

50 Milyan waxaa la siiyey Xisbiga Kulmiye oo hadda maamulo Somaliland halka 35 Milyan la siiyey Cumar Cabdirashiid oo la sheegay inuu heshiiskaas ku matalay Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Haddaba waxaa la isa waydiinayaa maxaa keenay inay imaaraadka laba heshiis ku galaan saldhigga Berbera.

Dadka sharci yaqaanada ah ayaa ku doodayo in  maadaama sharciyan Somaliland ay ka tirsan tahay Somalia  ay sidaas Imaaraadka ku qasbanaatay inay inay saxiix ka helaan dowladda Soomaaliya, taasi oo ka hor-istaagi karta in mustaqbalka saldhigga ay ka horyimaadaan caqabado dhinaca sharciga.

Imaaraadka ayaa ku fakaray inaysan halkaas saldhig ka sameysan karin iyagoo aan fasax ka heysan Somaliland oo ku dhawaaqay inay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale, sidoo kalana mustaqbalka haddii maxkamad la geeyo heshiiskaas waxay ku fakartay inay caqabad ku noqon doonto saxiix La’anta dowladda dhexe.

Sidaas darteed Imaaraadka ayaa la xiriiray Ra’isulwasaarihii dowladdii waqtigeeda dhamaaday ee uu calanka u hayey Xasan Shiikh Maxamuud waxayna ka dhaadhacsiiyeen inuu heshiiskaas ugu dhuftay saxiixa dowladda, si dhaqso ah ayuuna Cumar ku aqbalay heshiiskaas maadaama miiska loo soo saaray adduunka lacageed oo uusan ka hor imaan karin.

Sharci yaqaanada ayaa kuu sheegayo inuusan heshiiskaas ansax ka noqon karin dhanka dowladda dhexe haddii aanan la helin ogolaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la og yahay inaan weli la hor geyn Heshiiskaas.

Dhanka kale waxay hadda Baarlamaanka Soomaaliya wadaan arrin caqabad weyn ku noqon karto heshiiskaas maadaama kulanka ugu horreeyo ee baarlamaanka la horkeenayo mooshin lagu diidan yahay heshiiskaas.

Haddii barlamaanka uu ansxiyo mooshinka laga keenay heshiiska Berbera Imaaraadka carabta ayaa ku qasbanaan doonto inay ka fakarto heshiiskaas oo sharci ahaan iyo marka loo fiiriyo heshiisyada caalamiga ah aan ansax aheyn.

Khilaafka labada dowladood Soomaliya iyo Imaaraadka ayaa cirka isku shareeray markii ay Imaraadka safiirkoodii kala baxeyn Soomaaliya iyagoo ka xanaaqay dacwadii uu Farmaajo u gudbiyey Sacuudiga kaasoo uu ku dalbaday inay Imaaraadka ka deyso faragelinta ay ku heyso Soomaaliya.

Inkastoo ay Imaaraadka ka dhawaajisay inaysan safiirkeeda kala bixin Soomaaliya oo uu ku maqan yahay arrimo khaas u ah isaga haddana waxaa jirto oo aan qarsooneyn inay imaaraadka ka xun tahay tallabada ay dowladda Soomaaliya uga hor imaatay heshiiskaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shaqsiyaad loo heysto qaraxyo dhacay xiligii Xasan Sheikh oo maxkamad lasoo taagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad loo heysto ilaa 7 ruux.

Shaqsiyaadka maanta dacwadooda la dhageystay ayaa loo heystaa inay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta kaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Qaraxaasi ayaa sababay dhimashada ilaa 30 ruux iyo dhaawac inka badan 40 ruux sida maanta maxkamada ay cadeysay.

Dadkaasi ayaa waxaa ku jiro ruuxii waday gaariga ku qarxay Suuqa Beerta ee magaalada Muqdisho, kaasi oo isla maalintii goobta lagu qabtay.

Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in maanta ay dhageysteen dacwada dadkaasi loo heysto.

Wuxuu sheegay in maxkamada la keeni doono cadeymo muujinaya waxyaabaha ay ku eedeysan yihiin, isagoo amray in dib xabsiga loogu celiyo,

Xiliga la qaadayo dacwadan go’aankana laga qaadanayo ayuu sheegay in maxkamada ay dib kasoo sheegi doonto.

Qaraxyada dadkaan loo heysto ayaa dhacay xiligii uu talada dalka hayay Xasan Sheikh Maxamuud, oo iminka kamid ah baarlamaanka sida dastuurka dalka uu qorayo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

R/W Kheyre oo ku wajahan mid kamid ah Gobolada dalka (Ujeedka)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta uu galo Safarkii ugu horeeyay ee gudaha dalka.

Kheyre ayaa ku wajahan Magaalada Baydhabo oo qeyb ka ah deegaanada ay saameynta ba’an ku yeesheen abaaraha.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa ku wehlin doona socdaalka Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Somalia iyo Guddiga abaaraha kuwaa oo u kuurgali doona xaalada dhabta ah.

Waxaa la adkeeyay amaanka Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana lasoo sheegayaa in waddooyinka ugu muhiimsan ay yihiin kuwo xiran oo ciidamo lagu daadiyay.

Dhinaca kale, Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa sheegay in U jeedka Safarka Ra’isul wasaaraha uu yahay wax ka ogaanshaha Abaaraha ka jira gobolka Baay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre oo xog ka bixiyay Hanaanka lagu qancinayo beelaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia oo la filaayo in goordhow uu u safro magaalada Baydhabo, ayaa ka hadlay halka ay marayaan dadaalada lagu magacaabaayo Golaha Wasiirada.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in wali uu ku guda jiro la tashiga Beelaha waxa uuna sheegay inay ka go’an tahay in marka hore uu beelaha ku qanciyo isbedelka iyo magacaabida Golihiisa.

Kheyre waxa uu tilmaamay in inta badan Beelaha ay isla arkeen hanaanka magacaabida waxa uuna sidoo kale sheegay in waxa u harsan ay yihiin wax yar.

Waxa uu tilmaamay in marka hore uu kasoo jeesan doono la tashiyada, si buu yiri looga hortago khilaaf iyo muran ka dhashay magacaabida.

Kheyre waxa uu cadeeyay in xulista Xubnaha uu yahay mid wakhti badan u baahan waxa uuna meesha ka saaray inay jiraan xubno gaara oo u diyaarsan Dowlada.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in Beelaha Soomaaliyeed ay ku sabraan hanaanka lagu magacaabaayo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Maxaa ka hirgalay codsigii Farmaajo uu hordhigay Sacuudiga ee arrinta Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhawaan Dowlada Sacuudiga ka dalbaday in Dowlada Imaaraadka Carabta ay joojiso saldhigga Milatari ee Berbera.

Madxaweynaha waxa uu Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasis oo ah ku xigeenka ninka sugaya dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, ka dalbaday in Dowlada Imaaraadka ay ku wargaliyaan in faraha ay kala baxdo Saldhigaasi isagoo dhinaca kale usoo jeediyay in Heshiiska ay la galeen Somaliland usoo weeciyaan dhanka DFS.

Qoraal kooban oo Dowlada Sacuudiga ay usoo dirtay Dowlada Somalia ayaa lagu sheegay in Sacuudiga uu si hordhac ah u guda galay dalabkii Madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka Sacuudiga oo u muuqday mid lagu kala badbaadinaayo labada dal ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Sacuudiga ay bilowday in Imaaraadka ay kala hadasho arrinta ku aadan Saldhiga Militery ee Berbera.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa ”Sacuudigu waxa uu ka shaqeynayaa maslaxada labad dal, waxaa bilowday dadaalada xalka loogu raadinaayo muranka”

Waxaa sidoo kale lagu yiri qoraalka ”Wax waliba waxa ay mari doonaan sharciga waxaan ku rajo weynahay in laga dhabeeyo xal u helida arrinta Saldhiga wax waliba waxa ay noqon doonaan sidii loogu tallo galay”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka didsan talaabooyinka Dowlada Imaaraadka Carabta, ayaa la sheegay in Dowladaasi uu u diray waraaq cabasho ka dhan ah safiirkooda Soomaaliya Mohamed Al-Osmani kaasoo lagu eedeeyey inuu ka shaqeenayo isku dirka Soomaalida.

Farmaajo ayaa qaba dareen ku aadan in Dowlada Sacuudiga qudheeda ay u xaglineyso Imaaraadka oo bah wadaag ku yihiin Isbaheysiga uu hogaaminaayo Sacuudiga kaa oo lagu tirtiraayo Xuutiyiinta Yemen.

Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta ayaa xiriirkooda gaabis ku yimid tan iyo markii la guda galay Doorashooyinkii kala danbeeyay ee Somalia, taasoo lagu sababeeyay khilaaf ba’an oo u dhaxeeyay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo dawladda Imaaraadka carabta, iyaddoo ay labadda dawladdood isku qabteen, kadib markii ay dawladda imaaraadku si toosa u taageertay Ra’isal wasaarihii hore ee Cumar Cabdirashiid.

Xiisaddan dublamaasiyaddeed ee u dhaxaysa Dawladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxay sii cakirrantay oo dabka ku sii shidday, kadib markii ay dawladda Imaaraadku uu bilaabay inuu Saldhig ka samaysto magaalada Berbera.

Madaxweynaha cusub ee dawladda fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ka soo horjeestay, isla markaanna ka biyo diidday Heshiiska Saldhiga Milatari ee dhex-maray Somaliland iyo dawladda Imaaraadka carabta, waanna sababta soo dedejisay in dawladda Imaaraadku u yeertay Safiirkii u fadhiyay magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo kaashanaaya aragtidiisa ku aadan saameynta uu yeelankaro Saldhigaasi ayaa si cad uga biya diiday in la hirgaliyo Saldhigaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Duuliyayaasha ka howlgali doona saldhiga Imaaraadka ee Bebera oo ka imanaya dal Afrikan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka ayaa bilowday diyaarinta howlaha Saldhiga ay dhawaan ka furan doonto magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.

Dowlada Imaaraadka ayaa diyaarineysa cadadka Diyaaradaha ee ka howlgali doona Saldhiga, waxaana la xaqiijinayaa in Diyaaradahaasi aysan ka xeyn doonin duuliyayaasha Imaaraadka cabsi laga qabo in lagu dilo Gantaalada ay adeegsan doonaan Xuutiyiinta.

Duuliyayaasha kaxeyn doona diyaaradaha dagaalka ee ka duuli doona Saldhiga Berbera ayaa laga soo kireynayaa Dowlada South Africa, iyadoo Heshiiska lagula soo wareegaayo duuliyayaasha uu iminka yahay mid socda.

Mashruucan lagu kireysanaayo duuliyayaasha ayaa waxaa dalaal ka ah Sargaal lagu magacaabo Erik Prince oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Mareykanka.

Erik Prince ayaa horay u ahaan jiray Agaasimaha Fulineed ee Shirkadda BlackWater ee xiligii dagaalka Ciraaq ay wasaaradda Difaaca Maraykanku u xilsaari jirtay qaar ka mid ah hawlgalada ciidan oo ay ka wadeen dalkaasi.

Sargaalka lagu magacaabo Erik Prince ee dalaalka ka ah mashruuca lagu kireynaayo duuliyayaasha ayaa sanadahan danbe ku noola magaalada Abu-Dhabi waxaana la sheegay inuu xiriir fiican la leeyahay Dowlada Imaaraatka taasoo u xilsaartay hawlo tababar ciidan oo ay ka wadaan Muqdisho iyo Puntland.

Erik Prince, ayaa Dowlada Imaaraadka kula heshiiyay dhaqaale xoogan oo loo kala qaaday Mushaarka iyo magta duuliyayaasha, iyadoo goobaha ay ka howlgali doonaan ay noqon doonto Gobolada ay ku badan yihiin Xuutiyiinta sida uu dhigaayo Heshiiska.

Diyaaradaha loo qorsheeyay howlgalka Saldhigaasi ayaa tirro ahaan lagu sheegay 9 diyaaradood oo isbedeli doona mudada ay socto duqeynta Xarumaha Xuutiyiinta.

Heshiiska lagu bixiyay Saldhiga Berbera ayaa sidoo kale saameyn muuqata ku yeelan doona Maamulka iyo Shacabka Somaliland oo iyagu wajiyo cusub kala kulmi doona Kooxaha Xuutiyiinta.

Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan Militeriga iyo Injineero kasoo jeeda Imaaraadka ayaa iminka ku sugan Xeebta Berbera gaar ahaan madaarka ku yaala magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

“Sidee adigoo midgaan ah Seylac madax uga noqon kartaa” (Soomaali arrin yaab leh ay ku haysato Norway)

Oslo (Caasimada Online) – Mahad Abiib Maxamed oo ah muwaadin Somali ah ayey wali ku socotaa dacwad la xiriirta inu ka been sheegay jinsayadiisa oo uusan Soomaali aheyn uuna yahay Jabuutiyaan, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Norway ee Utlendingsdirektoratet – UDI (The Norwegian Directorate of Immigration)

Wargeys dalkaas ka soo baxo oo lagu magacabo (Dagbldet), ayaa maata qoray in Abiib dacwad ay ku socoto oo ku saabsan sharciga (passport-kisa ) oo lagala laabtay, sababtu waa in uu ka yimid Jabouti oo uusan Soomaaliya ka imaan.

Hay’adda Socdaalka Norway ee Utlendingsdirektoratet – UDI (The Norwegian Directorate of Immigration) ayaa ku eedeyneysa Abiib inu isku dhiibay inu yahay Madhibaan.

Wuxuu Wargeysku sheegay isagoo xiganyey Hay’adda Socdaalka Norway ee Utlendingsdirektoratet – UDI (The Norwegian Directorate of Immigration) inu rabbay inuu madaxweyne ka noqodo maamul goboleed loo sameyn rabay Saylac.

Baarayaasha dowladda Norway aya ku heysata Abiib in uusan isago oo midgaan ah madaxweyne Seylac ka noqon karin

“Sideed madaxweyne ugu noqon kartaa Saylac illeen Ciise ma ahid beenta maxaad u sheegee oo qabiil aadan u aheyn u sheeganee” ayey maxkamada ka hor sheegeen saraakiisha Hay’adda Socdaalka Norway ee Utlendingsdirektoratet – UDI (The Norwegian Directorate of Immigration)

Dawadda Norway ayaa sameysay baritaano badan oo nuuc walba leh iyadoo lagu sameyay xitaa guurkiisa ah ku saabsan oo ah in midgaan aysan guursan karin qabiilada kale, sida warbixinta Wargeyska daabacay lagu sheegay.

Abiib Mobile-kiisa waxa laga helay telefonada Wasiirka gaashaandhiga Jabuuti iyo ka caafimaadka, Facebook dadka uu kula sheekeysto waa Jabuuti luuqadda faransiiska ku hadla, oo xitaa maxkamadda waxaa la keenay isagoo wiil Jabuuti jooga ku leh faransiis dambe ha iguana hadlin.

Si kastaba, jaaliyada Soomaalida Norway ayaa is bar bar taagay Abiib oo u muujiyey taageero.

Xigasho: Radio Dalsan

Muqdisho oo dib ugu laabtay xaal hore (Maxaa ugu wacan dilalka qorsheysan, maxaase dhacay caawa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay Caawa dil ka geysteen Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Buulada.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Cali Isxaaq, waxaana la sheegay in lagu dhex dilay Hooygiisa.

Marxuumka ayaa horay uga tirsanaan jiray Ciidamada Xooga, balse waxaa la xaqiijiyay in iminka uu ahaa Shacab isla markaana ka tagay shaqada ciidanimo.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa sidoo kale gelinkii dambe ee maanta dilay Hooyo lagu magacaabi jiray Shamsa Xaaji oo kamid aheyd Haweenka nadaafadda Gobolka Banaadir.

Hooyadaani ayaa waxa uu dilkeeda ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, xili ay ku guda jirtay shaqada ay u heysay Qaranka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmahaani dambe ka dhacaayay dilal loo geysanaayo dadka shacabka iyo Shaqaalaha Dowlada, mana jirto cid ka hadasha dilalka joogtada ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sidee ayey Puntland u isticmaashay dhaqaalihii ay DFS ku bixisay Abaaraha (Arrin cusub)

Garoowe (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka Somalia ayaa gudaha Asbuucaani dhaqaale xoogan ku wareejisay maamulka Puntland taa oo loogu tallo galay Abaaraha ka jira deegaanada maamulka.

Maamulka Puntland ayaa la cagahaani durba u adeegsaday qaabab aan loogu tallo galin waxaana la xaqiijiyay in lagu iibiyay gaadiid xili dadka ay saameeyen abaaruhu ay la liitaan Cuno la’aan iyo Xanuuno ka dhashay abaarta.

Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar ”Camay” oo goordhow saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in dhaqaalaha ay ka gudoomeen DFS ay tahay $150,000 oo dollar.

Cameey ayaa sheegay in dhaqaalaha ay ka gudoomeen DFS lagu iibiyay 6 gaari oo uu sheegay in loogu adeegi doono dadka ay lasoo daristay abaarta.

Cameey ayaa sidoo kale, sheegay in gaadiidkaasi 6-da ah dhawaan lagu xiri doono taarigada dowladda islamarkaana ay si deg deg ah uga howlgali doonaan deegaanada ay saameeyen abaaraha, isagoo tilmaamay in shaqadooda ay noqon doonto biyo dhaamin, sida uu hadalka u dhigay.

Dadka ku dhaqan deegaanada ay saameeyen abaaraha ayaa xiligaani u baahan helida raashiin iyo Caafimaad, waxa ayna tani mugdi galineysaa in maamulka uu ka dhabeynaayo axdigii ay wada galeen Dowlada kaa oo ahaa in lagu iibin doono Raashiin.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa dhaqaale kaa lamid ah u qeybisay maamul Goboleedyada dalka taa oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinaayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Trump oo saxiixay amar cusub oo ka dhan ah muslimiinta iyo hal dal oo laga reebay amarkii hore

Washington Dc (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar cusub oo ku saabsan socdaalka, kaasi oo dalka Mareykanka u diidaya inay yimaadaan dadka kasoo jeeda lix dal.

Amarka cusub ee madaxweynaha ayaa waxaa shaaca ka qaaday xoghayaha arrimaha dibedda Rex Tillerson, kan cadaaladda Jeff Sessions iyo kan amniga gudaha John Kelly, kuwaas oo shir jaraa’id ku qabtay Washington DC.

Waxay sheegeen in amarkan uu muhiim u yahay in laga hortago in weeraro argagixiso ay ka dhacaan Mareykanka.

Amarka oo dib u eegis lagu sameeyay ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii midkii hore ay hor istaagtay maxkamad federaal ah.

Amarkii hore ee Trump wuxuu mamnuucay in Mareykanka ay galaan dadka ka safraya todobo dal oo Muslimiin ah, Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria, iyo Yemen.

Amarka cusub muxuu kaga duwanyahay midkii hore?

Amarka cusub waxa uu kii hore kaga duwan yahay in laga reebay dalka Ciraq.

Balse lixda dal ee kale ee diiwaankii hore ku jiray ee kala ah Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Yaman, Suudaan iyo Iiraan ayaa markale lagu soo rogay xayiraad 90 maalmood ah.

Si kastaba, warqad uu qoray Congress-ka oo ay heshay wakaaladda wararka ee AP, waxaa lagu sheegay in amarka cusub uusan saameyn doonin dadka haysta dal ku galka saxda ah (Visa).

Dadka haysto green cardka, ee dalalka la xusay ka soo jeeda ma saameyn doono amarkan cusub.

Qaxootiga ayaa sidoo kale la mamnuucay120 maalmood,

Goormuu amarka cusub dhaqangalayaa?

Amarka cusub ayaa dhaqan gali doona 16-ka bishan Maarso.

Tabanka maaalmood ee hartay waxaa loogu talagalay digniin ahaan iyo in garoomada Mareykanka aysan buuxhdaafin ama aysan rabshado ka dhicin, si la mid ah bannaanbixii 27-kii january.

Amarkii hore markii uu soo baxayay qaar ka mid ah musaafuriinta haysta fiisaha waxay ku jireen hawada oo diyaarad ayey saarnaayeen, markii ay gaareen Mareykanka ayaana la xiray.

Xilligaasi, Mr Trump wuxuu difaacay in amarka la dhaqan geliyo ogeysiin la’aan.

Wuxuu bartiisa Twitterka ku qoray “Haddii mamnuucidda la siiyo hal isbuuc oo digniin ah, dadka ‘xun’ waxay ku degdegi karaan isbuucaasi gudihiisa”.

Amarka cusub ee Trump sharciga malala tiigsan karaa?

Haa waa suuragal. inaan si degdeg ah loo dhaqangelin waxay caawin kartaa in sharciga lala tiigsado.

Garsoore federaal ah oo diidayay inuu amarkii hore dib uu u soo celiyo, wuxuu ku dooday in dowladda aysan muujinin cadeynta sababta amarka loo soo rogay.

Sidoo kale maxkamadda waxay sheegtay in go’aanka uu xannibay awoodda shaqsiga uu ku safri karo.

Garsoorayaasha waxay sidookale ogaadeen in “qof ka mid ah qaxooti dalalka la magacaabay uusan dhibaato ka geystay gudaha Mareykanka”.

Hadaba, amarka cusub waa suuragal inuu la kulmo caqabado dhanka sharciga iyo maxkamadaha ah.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Caddeyn: Ma qiyaano la isla ogaa ayey aheyd misse xafiiska Gobolka Banaadir ayaa isku dhex yaacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan idinla wadaagnay inuu si casilay Agaasimihii Waaxda Dab-damiska dowlada hoose Xamar Cabdullaahi Maxamed Cabdulle ( Saney) kaasoo maamulka Gobolka Banaadir ku eedeeyey inay shaqaalaha mushaar sii waayen.

Waxaa haddana lasoo saaray qoraal uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale taasoo taariikh ahaan ku asteesneyd 4 Bishaan 2017, inkastoo ay tahay taariikh lasoo dhaafay haddana maanta ayaa si rasmi ah loo soo saaray  waxaana lagu caddeeyey waraaqdaan in xilkii laga qaaday   Agaasimihii Waaxda Dab-damiska dowlada hoose Xamar Cabdullaahi Maxamed Cabdulle Saney oo isna saxaafadda la wadaagay inuu is casilay.

Midda yaabka noqotay ayaa ah in isla waraaqda lagu sheegay in Saney loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Arrimaha dibada ee dowlada hoose sida kaaga muuqato waraaqda taasoo macnaheeda ilaa hadda la fahmi waayey.

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa arrintaan ku tilmaamay inay muujineyso isku dhex yaaca ka jiro xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir halka dadka qaar ay aaminsan yihiin in waraaqdaan loo qoray qaab deg deg ah oo aan laga fiirsan.

Labada arrin oo is keeni la’ ayaa ah inuu Saney Maamulka Gobolka Banaadir ku eedeeyo inuu mushaarka shaqaalaha bixin waayey  haddana uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir xil kale u magacaabo taasoo keentay wareero iyo jawi la fahmi waayey.

Waxaa la filayaa inuu arrintaan si deg deg ah uga hadlo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo isaga saxiixiisa ay waraaqdaan kusoo baxday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Muxuu Xasan Kheyre kala hadlay Maamulka Gobolka Banaadir kadib kulankii Maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan Qado Sharafeed ah la qaatay Maamulka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xasan Jimcaale , Haween iyo Xildhibaanada Haweenka ee ku jira labada aqal ee Baarlamaanka. Waxana jeedka kulankani ahaa mid looga hadlayay wada shaqayn dhex marta Dawladda iyo Haweenka Soomaaliyeed, isla markaana looga xaajoonayay sidii wadajir looga qeyb noqon lahaa gurmadka Shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, isagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka. Wuxuuna ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dadaalka ay muujiyeen, waxana ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dadaallada la doonayo in lagu samata-bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu ku dhufteen.

Mr Kheyre, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii muhiimadda koowaad loo siin lahaa dadka u dhimanaya gaajada iyo biyo la’aanta isla markaana Xukuumadda uu soo dhiso doono ay ka shaqayn doonto u adeeggidda baahiyada gaarka ah ee shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha ee had iyo jeer soo noq-noqda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo qaar kamid ah Haweenkii kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha dadaalkiisa ku aadan in il gaar ah lagu eego xaaladda daran ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Mareykanka oo soo saaray diyaarado aan horay loo arag oo lagula dagaalamaayo Xagjiriinta

Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa soo bandhigay diyaarado cusub oo la sheegay in lagula dagaalami doono Kooxaha Argagixisada.

Diyaaradahaani ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xarunta Wasaarada gaashaandhiga Mareeykanka, waxa ayna Saraakiisha Mareykanka sheegen in Diyaaradahaani ay ka awood badan yihiin kuwii hore.

Diyaaradahaani oo si ugu muuqaal dhow nooca loo yaqaan Helicopter-ka ayaa waxaa ku rakiban qalab basaasa goobaha ay duulaanka ku yihiin.

Qalabka ku xiran diyaaradahaani ayaa la sheegay inay ka hortagayaan Hubka culus ee loo adeegsado diyaaradaha dagaalka.

Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ayaa diyaaradahaani ugu tallo gashay in la geeyo xarumaha ay ku leeyihiin caalamka, iyadoo lagula dagaalami doono Kooxaha argagixisada.

Maxaa keenay inay Nigeria shacabkeeda uga digto inay u safraan dalka Mareekanka?

Abuja (caasimada Online) – Dowladda Nigeria ayaa jawaab cad ka bixisay xarigii loogu geystay mareekanka dad wadankeeda u dhashay oo watay dal ku gal sax ah.

Dadkaas kasoo jeeday Nigeria ayaa la sheegay in lagu xiray garoomada diyaaradaha xilli ay damacsanayeen inay gudaha u galaan dalka Mareekanka.

Abike Dabiri-Erewa wuxuu waxay madax ka tahay xafiiska la taliyaha madaxweynaha Nigeria u qaabilsan Arrimaha dibadda isaga ayaan digniintaan soo saaray.

“ Waxaa dalka dib loogu soo celiyey isbuucyadii lasoo dhaafay dad u dhashay Nigeria oo dalka mareekanka ku galay dal ku gal sax ah” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiskaas.

“ Dadkaas oo dhan waxaa lagala noqday dal ku galkii ay wateen waxaan lasoo saaray diyaaradihii ugu dhawaa ee Nigeria usoo socday” ayaa la raacsiiyey.

“ Ilaa hadda Mareekanka nooma sheegi sababta rasmiga ah oo ay sidaas ku dhacday oo dadkooda loogu diiday inay galaan USA”. Ayey tiri Dadbiri- Erewa.

“ Waxaan dadka kasoo jeedo Nigeria amreynaa inaysan u dhoofin dalka Mareekanka ilaa ay warbixin cad kasoo saaraan sababta ay arrintaan u sameeyeen” ayaa hadalka lagu soo gabagabeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Abuja
[email protected]

Ciidamada Ethiopia oo gudaha u galay Jabuuti iyo xiisad ka taagan dalkaas

Jabuut (Caasimada Online) – Ciidamada dalka Ethiopia ayaa ka gudbay xuduudda, islamarkaana gudaha u galay dalka Jabuuti saddexdii bishan, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan dalkaas ay u sheegeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan uu u yeertay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, xilli xiisad ay ka taagan tahay gudaha dalkaas.

Isaga oo ka cabsi qaba halis xasilooni darro oo ay abuuraan maleeshiyada jabhadda FRUD (Front pour la Restauration de l’Unité et de la Démocratie ), ayaa madaxweyne Geelle waxa uu gacan weydiistay ciidamada Ethiopia, sida ay sheegen xildhibaano magacooda qariyey oo Jabuutiyaan ah, kuwaasi oo la hadlay Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia oo ka buuxa sided baabuur oo kuwa waa weyn ee ciidanka ah ay habeenkii jimcaha ka gudbeen dhinaca xuduudda ee buurta Alayto-le-Boyna.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka jirta cabsi xooggan oo laga qabo in maleeshiyada jabhadda FRUD ay dagaal billaabi rabaan, kadib markii ay guul-darreysteen dadaallo la doonayo in dib loogu celiyo, waxaana ciidamada Ethiopia la sheegay inay gacan siin doonaan kuwa Jabuuti.

Kooxda FRUD ayaa ah dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo la aas-aasay bishii August ee sanaddii 1991-kii, waxayna ka abuurantay laba urur oo midoobay oo kala ahaa Union nationale pour l’indépendance (UNI) iyo Mouvement populaire de libération (MPL).

Inkasta oo kooxdan badankeed ay heshiis qaateeen sanaddii 2001, haddana wxaaa diiday qaar ka mid ah oo weli ah mucaarad hubeysan.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

Shaacin: Shaqsiga loo badinayo in Kheyre uu ka dhigo wasiirka A/Gudaha oo la ogaaday + Beeshiisa 

Muqdisho (caasimada Online) – Waxaa dhawaan la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cal Kheyre ku dhawaaqo golaha wasiiradiisa cusub oo la filayo inay noqon doonaa shaqsiyaad dalka wax ka badali karo.

Haddaba xog hoose oo la isku haleyn karo oo ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo shaqsiga uu Xasan Cali Kheyre ka dhigi doono wasiirka Arrimaha Gudaha oo ah mid kamid ah wasiirada loo yaqaan (A) oo ay ku hardamayaan beelaha ugu tunka weyn Soomaliya.

Xogtaan ayaa sheegeyso inuu Xasan Cali Kheyre wasiirka Arrimaha gudaha ka dhigi doono Thaabit Cabdi Maxamed oo horey u ahaa agaasimihii madaxtooyada Villa Soomaaliya xilligii uu Xasan Shiikh madaxweymaha ahaa inkastoo bilooyin kadib xilkaas laga qaaday.

Thabit oo ah shaqsi kasoo jeedo Beesha Abgaal ayaa markii dambe wuxuu Xasan Shiikh Maxamuud ku daray diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ka hor inta uusan si rasmi ah ugu biirin ololihii lagu soo saaray Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Thabit ayaa lagu sheegaa inuu yahay saaxiib aad ugu dhaw madaxweynaha sidoo kalana wuxuu kaalin weyn ka qaatay ololihii Xasan Shiikh Maxamuud looga tuuray xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Thabit waa aqoonyahan markiisii hore ka imaaday dalka Ingiriiska sanado badan oo uu halkaas ku noolaa kadib ayuu kusoo biiray siyaasadda Soomaaliya wuxuuna xilligaas garab weyn ka helay madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud oo ay qaraabo dhaw yihiin.

Dadka ku dhaw dhaw xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa xaqiijinayo inuu Thabit 95% u badan tahay in xilkaas loo dhiibo waxaana lagu sheegaa inuu yahay shaqsi firfircoon kana dambeeyo sharciga.

Faallo: Arbaco! bil sideed ah! Lama filaankii Farmaajo miyey noo xigi doontaa lama filaan Camp Nou ka hirgala?

Wax badan aqoon uma lihi Siyaasadda Iyo ka hadalkeeda, balse wuxuu qof walba la yaabi karaa sababta aan isugu lifaaqay Siyaasadda Iyo Kubadda Cagta, balse kaliya haka raacin labada is diidane ka fiiri dhanka (Lama Filaanka).

Maraan Baan Xasuusane Taariikhduu Waa Ma Guurtee Maskaxdii Fiyowbaa Ka Macaashta Waayaha Mahadhada Ku Reebee – Gabay

Waxaan ka heynaa Abwaan Cismaan Cabdullahi Guure oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ee waqtiga Casriga ah, Ujeedka xigashadeyda ayaa ah inaan xusuusuno wixii ka dhacay Arbaco Bil Sideed Ah Bishii labaad Ee Sanadkaan markaas oo Madaxweyne Mohamed Abdullaahi Farjaamo Loo Doortay Madaxweynaha 9-aad ee Dalka Soomaaliya.

Waxey aheyd Aheyd Lama Filaan uu qof walba si amakaag ah farxad u muujiyay, waxey aheyd maalin qurux badan oo qof walba uu iska dhaadhiciyay iney wax walba hagaageen. “Ma Aheyd Sidaas? Dabcan Iguma Diidi Doontid – Waxaana rajeynayaa oran doonitid sidaan filayo. “Saxiix”

Dabcan Hadaad Lama Filaankaas Igu Raacday – Horay usoo soco, Hadaadse Igu Diiday adigoo Liqi La’  horay usoo soco si aad u aqriso Qormadeyda Hoose.


Barcelona waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Dunida waqtigaan, waana koox heysta Shaxda ugu fiican ilaa iyo haatan marka kaliya la eego weerarka sadex aflaha ah ee sida holaca u muuqda markaad daawaneyso. Hana Iloobin in PSG ay tahay kooxdii soo rafaadsatay midda sidaan u weyn markii la isku arkay Paris.

Laga Yaabee In Maskaxaada Is Weydiiso – Halkey Jireen Kulankii Parc des Princess? Laakiin jawaabta kaliya aan kuu haayo waxey tahay Paris Saint Germain wiilasheeda ayey u aheyd habeenkii ugu wacnaa waayahooda sanadahii dambe, sidoo kalana (Maalin Walba Gariir Cade Geed Kuuma Saarna). Waase Laga yaabaa In Kulanka Camp Nou ay noqoto Habeenkii reer Catlonia, isla markaana ay dhigaan lama filaankii dalkeena ka hirgalay.

Qof Walba oo Catalonia ah war uma hayo xaaladda aan warka u heyno ee isbadalka Soomaaliya, balse kaliya waxey iyagu rajeynayaan iney taariikh cusub dhigaan, balse dadka ay qormadaan qaaska u tahay ee soomaalida ah ayaa fahmi kara halka aan ka hadlay.

ARBACO – 8-DA FEBRUARY 2017

Waa Maalin dadka u riyaaqay guusha Madaxda cusub ay ku asteeyeen: “Maalinta Shacabka Soomaaliyeed” Qofna maba filaneyn in Xassan Sheikh Maxamuud uu ka guuleysan doono ilaa ugu dambeynta uu isdhiibay madaxweynahii hore.

HALKEY ISKA SHABAHI KARAAN?

Hadiiba isbadalka halkaan uu ka dhacayo garoonka Camp Nou, Barcelona waxey noqon doonta (Farmaajo), halka Paris Saint Germain ay noqon doonto (Xasan Shiekh Maxamuud), laakiin qof kubadda cagta ah ma aamini karo iney dhici karaan.

Ku Darso in Farmaajo uu ku guuldareystay sanado ka hor inuu sii ahaado waqti badan Ra’isul Wasaaraha Dalka, balse markii dambe uu ku najaxay inuu helo kursiga madaxweynaha.

Soo macquul maahan sida Farmaajo usoo rogaal celiyay iney Barcelona usoo rogaal celiso? Waa su’aal adiga kugu qaameysan jawabteedana lagaaga fadhiyo.

Maxaa Ka Qeyb Qadan Kara Rumeynta Riyadaan Maalinta Ah:

TAAGEERAYAASHA BARCELONA:

Jamaahiirta Catalonia waa kuwa doonaya isbadal cusub, waana kuwa qeyb weyn ka qaadan kara in taariikh cusub laga dhigo dunida, in ka badan 90 Kun oo qof oo reer Catalonia ah ayaa imaan doona kuwaas oo jihada ka qasi doona wiilasha Paris Saint Germain.

Jahawareerka ay Jamaahiirta Balaugrana abuuri karaan waa kuwa niyad jabin kara ciyaartoyda, sidoo kalana is fahamka ciyaartoyda kooxda PSG dhexda ku dhufan kara madama sawaxanka oo saa’id ah aysan xitaa is maqli karin.

MSN – OO AY MAALINTOODII TAHAY:

Messi, Suarez Iyo Neymar oo a maalintoodii tahay, waa kuwa rumeyn kara riyada maalinta ah, qof walba ayaana aamini kara iney sameyn karaan wax walba, tan iyo isu imaatinkooda in ka badan 300 gool ayey dhaliyeen iyagoo isla jooga sadex xili ciyaareed oo aan buuxin.

ISKU DHEX-YAACA PSG:

Hadii xidigaha Paris Saint Germain ay isku dhex yaacaan daqiiqadaha hore ee ciyaarta, waxey noqon kartaa iney dhibaato baahsan kusoo gaarto Camp Nou sidii la yeelay Arsenal, Milan Iyo Bayern Munich sanadahii dambe.

UNAI EMERY OO HAFA:

Hafidda tababare Unai Emry, ama Ilduufka tababaraha Paris Saint Germain waa waxa ugu weyn ee Barca siin kara fursadda ugu fiican, waayo marka aad shaxdaada wareeriso, Barca waxey dareemi doontaa raaxo, hadey Barca dareento Raaxo waa waxa ugu xun ee qabsan kara kooxda kasoo horjeeda.

GO’AANNO GARSOORE:

Go’aanada garsoore ee u janjeera dhanka Barcelona waxey ciyaarta kadhigi kartaa mid qalaanqal ka dhex abuurta PSG iyo garsoorka, taasoo keeni karta in Barcelona ay ka faa’ideysato kalsoonida darada xidigaha kooxda kasoo horjeeda.

TER STEGEN OO NOQDA SPIDERMAN

Hadii aysan jahawareer baahsan galin Paris Saint Germain, waxaa la fili karaa iney dhawr jeer timaado goolka Barcelona, waxaase kooxdiisa badbaadin kara Ter Stegen hadii uu sameeyo badbaadooyin cajiib ah una diido iney gool helaan, hami weyn ayey galin kartaa Barcelona.

MAXAA BURBURIN KARA RIYADAN?

Kaliya waxaa burburin kara Paris Saint Germain oo u ciyaarta sidii Parc des Princess, Ter Stegen oo ay u noqoto habeen Murugo ah & Daafaca Paris oo ku guuleysta iney cagta-cagta u saaraan MSN.

GUNTII IYO GABGABADII:

Miyaan anigu u ololeynayaa Isbadalka Cusub? hahahaha Dabcan Maya!! haku fakarin taas, balse wax walba oo dhici kara in la cabiro waa loo baahan yahay, Barcelona iney soo baxdo waxaa ka dhaw iney PSG soo baxdo ayaan qabaa balse Mucjiso wey sameyn karaan Balaugrana.

Hadii Barcelona soo baxdo hal heeskii ahaa “Ar Farmaajo Ii Geeya” Waxaa Badali Doona “Ar Barcelona ii Geeya” laakiin markaan inaga iska hadalno cid loo geyn karo ma lahan.

 8-DA FEB IYO 8-DA MARCH – Ma Laba Maalin Oo Taariikhi Ah Bey Noqon Doonaan Sanadkaan?

 Waxaa Diyaariyay: Abdirashid Mohamud Shardinho – 

 

Arrin ceeb weyn ku ah Maamulka Gobolka Banaadir oo keentay inuu is casilo Agaasimihii Waaxda dab damiska ee Maamulkaas!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goor dhaw soo gaaray xafiiska war qabada Shabakadda Caasimadda Online ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinayo inuu is casilay Banaadir C/llaahi Maxamed Cabdulle (Saney) Agaasimihii Waaxda dab damiska, Solar-ka iyo Korontada Gobolka Banaadir.

Sababta ugu weyn ee keentay inuu is casilo ayaa lagu sheegay markii ay mushaar waayeen shaqaalihii ka shaqeenayey xafiiskiisa.

Wuxuu saxaafadda u sheegay inay muddo ku dhabar adeegeen adeegga bulshada iyagoo aan wax mushaar ah qaadan ayuu sheegay inay isaga iyo shaqaalihiisa go’aan ku qaateen inay shaqada isaga tagaan

Wuxuu maamulka Gobolka Banaadir ku eedeeyey inay iska indha tireyn sidoo kalana ay dhaga ka laabteen xuquuqdii shaqaalihiisa ay xaq u lahaayeen.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu eedeeyey inaysan shaqaalaha maamulkaas hooos imaado wax mushaar ah aysan siinin bilooyinkii ugu dambeeyey taasoo keentay inay shaqadooda gabaan shaqaala badan.

Howlihii adeegga ee laga rabay dowladda Hoose ee xamar ayaa waxaa qabto shirkadda si gaar ah loo leeyahay oo lagu wareejiyey, sidoo kalana maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku guul dareystay inay ka hor tagaan musiibooyinka Muqdisho ka dhaco oo ay ugu horeyso dab markasta kusoo noq noqday Suuqa Bakaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo iyadoo la jecel yahay miyaad aragtay mise waad ogtahay meesha uu jaceylkaas ka keenay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Dhawaan madaxweynaha Soomaaliya noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo muddaba ay ku fakrayeen shacabka Soomaaliya inay mar uun sidaas dhacdo waxayna riyadaas rumowday 08 February 2017.

Haddaba waxaa muuqato in madaxweynaha ay jecel yihiin 95% shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta intooda badan, waxaana is waydiin mudan sidee ku dhacday shaqsi 6 bil xil ka qabtay Soomaaliya inuu helo kalsoonidaan iyo taageerada intaan la leg.

Haddaba caasimadda Online ayaa u baaritaan kusoo sameysay jaceylka Farmaajo loo qabo halka uu asal ahaan ka imaaday waxayna hoos kusoo koobeysaa arrintiisa oo kooban iyo asal ahaan halka uu jaceylka ka keenay.

Maxamed aabihiis Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ah Zaciim naxariis badan dadkana aad ay u jecel yihiin wuxuuna dowladii Siyaad Barre kasoo qabtay shaqooyin.

Aabihiis ayaa usoo haajiray Muqdisho horaantii sanadki 1950 halkaas ayuuna ku nagaaday aabihiis ilaa uu dowladda uga qabto shaqooyin badan.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa heysta naaneysta (Farmaajo) oo asal ahaan ka timid ereyga (Fromaggio) oo ah kalimad Talyaani ah oo loo yaqaan waxyaabo macmacaan ah oo laga sameeyo Subagga caanaha lana soo marsiiyo warshad waxaana soomaaliya keeni jiray gumeystihii Talyaaniga.

Balse markii la sameenayey qaamuuska afka Soomaaliga ayaa ereygii loo badalay (Famaajo) oo macno ahaan ah (Mid la jecel yahay)  ama (Xalwo).

Waaya aragii hore ayaa isku khilaafay sababta keenta in Oday Cabdullahi oo ah aabaha madaxweynaha Soomaaliya loogu bixiyo naaneystaan, kuwa qaar ayaa sheegayo inuu Cabdulaahi Jeclaa (Fromaggio) oo ah sheygii macaanaa ee Talyaaniga dalka keeni jiray sidaasna loogu bixiyey magacaas.

Haddaba dadki hore ayaa kuu sheegayo inuu Farmaajo heysto awoodii iyo jaceylkii aabihiis loo qabay sidoo kalana midda caawisay ayaa lagu sheegay inay aheyd 6-dii bil ee uu ciidamada awooda saray.

Madaxweynaha ayaa hadda heysto jaanis 4 sano ah oo uu ku rumeyn karo riyada dadka u heelan shaqadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Arrin cusub oo ka dhalatay hadalkii ay Imaaraadka ku beeniyeen inay safiirkooda kala baxeyn Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u beenisay inay Soomaaliya kala baxday safiirkii u fadhiyey sababo xagga xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo xumaaday kadib markii ay arrintaas soo baxday.

Sidoo kale imaaraadka ayaa beeniyey inuu safiirkooda ka shaqeenayo isku dirka dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya ka kooban tahay kadib markii lagu eedeeyey inuu Maamula Goboleedyada heshiisyo aan sharci aheyn la galayo.

Mid kamid ah Saraakiisha Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin hadalada dhawaan la isla dhexmarayey ee ahaa inay Imaaraadka kala baxday safiirkii Soomaaliya ee Mohammed  Ahmed Othman Al Hammadi.

Qaar kamid ah warbaahinada Soomaalida iyo kuwa caalamka ayaa dhawaan shaaciyey inuu Al Hammadi dib ugu noqday Imaaraadka Carabta isla markaasna ay taas sabab u aheyd diidamadii ka timaaday dowladda ee heshiiskiis Berbera.

“ Safiirkeena wuxuu goob joog u ahaa xafladdii caleema saarka madaxweyne Farmaajo, waa been hadalada sheegayo inuu safiirka uga baxay Soomaaliya xiriir xumaaday awgiis, wuxuu u baxay arrimo shaqo gaar ah, dhawaan ayuu xafiiskiisa kusoo laaban doonaa, waxaana idiin xaqiijinayaa inuusan xumeyn xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka” ayuu saxaafadda u sheegay sarkaalkaan imaaraadka kasoo jeedo ee Muqdisho ku sugan.

Walaacaan iyo hadaladaan ayaa imaaday markii Bishii February ay Imaaraadka heshiis rasmi ah la gashay Maamulka Somaliland kaasoo ahaa inay saldhig military ka sameystaan Berbera, waxaana heshiiskaas ka hor imaaday madaxweyne Farmaajo oo Sacuudiga dacwad u gudbiyey.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, ayaa Imaaraadka ku tilmaamtay in shaki galineyso madaxbanaanida Qaranimada Soomaaliya, waxaana dowladda ay muujisay sida aysan ugu qanacsaneen saldhiga military, oo aysan ka warqanin dowladda.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah Saldhiga Milateri ee Imaaraadka carabta ka sameysaneyo magaaladda Berbera ee Somaliland.

Sidoo kale waxay ka dhawaajiyeen inuusan safiirkooda ka shaqeeneyn sidii uu soomaalida isugu diri lahaa balse uu halkaas u joogo sidii Imaaraadka iyo Soomaaliya isugu dhaafsan lahaayeen danooyin siyaasadeed.

Hadalka kasoo yeeray Imaaraadka Carabta ayaa muujinayo inay doonayaan sidii loo damin lahaa xasarada ka dhex bilaabatay labad dowladood midaana waxay u ogtahay inay tahay tallaabo ay ku dooneyso in khilaafka xal lo helo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]