25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Shaacin: Shaqsiga loo badinayo in Kheyre uu ka dhigo wasiirka A/Gudaha oo la ogaaday + Beeshiisa 

Muqdisho (caasimada Online) – Waxaa dhawaan la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cal Kheyre ku dhawaaqo golaha wasiiradiisa cusub oo la filayo inay noqon doonaa shaqsiyaad dalka wax ka badali karo.

Haddaba xog hoose oo la isku haleyn karo oo ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo shaqsiga uu Xasan Cali Kheyre ka dhigi doono wasiirka Arrimaha Gudaha oo ah mid kamid ah wasiirada loo yaqaan (A) oo ay ku hardamayaan beelaha ugu tunka weyn Soomaliya.

Xogtaan ayaa sheegeyso inuu Xasan Cali Kheyre wasiirka Arrimaha gudaha ka dhigi doono Thaabit Cabdi Maxamed oo horey u ahaa agaasimihii madaxtooyada Villa Soomaaliya xilligii uu Xasan Shiikh madaxweymaha ahaa inkastoo bilooyin kadib xilkaas laga qaaday.

Thabit oo ah shaqsi kasoo jeedo Beesha Abgaal ayaa markii dambe wuxuu Xasan Shiikh Maxamuud ku daray diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ka hor inta uusan si rasmi ah ugu biirin ololihii lagu soo saaray Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Thabit ayaa lagu sheegaa inuu yahay saaxiib aad ugu dhaw madaxweynaha sidoo kalana wuxuu kaalin weyn ka qaatay ololihii Xasan Shiikh Maxamuud looga tuuray xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Thabit waa aqoonyahan markiisii hore ka imaaday dalka Ingiriiska sanado badan oo uu halkaas ku noolaa kadib ayuu kusoo biiray siyaasadda Soomaaliya wuxuuna xilligaas garab weyn ka helay madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud oo ay qaraabo dhaw yihiin.

Dadka ku dhaw dhaw xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa xaqiijinayo inuu Thabit 95% u badan tahay in xilkaas loo dhiibo waxaana lagu sheegaa inuu yahay shaqsi firfircoon kana dambeeyo sharciga.

Faallo: Arbaco! bil sideed ah! Lama filaankii Farmaajo miyey noo xigi doontaa lama filaan Camp Nou ka hirgala?

Wax badan aqoon uma lihi Siyaasadda Iyo ka hadalkeeda, balse wuxuu qof walba la yaabi karaa sababta aan isugu lifaaqay Siyaasadda Iyo Kubadda Cagta, balse kaliya haka raacin labada is diidane ka fiiri dhanka (Lama Filaanka).

Maraan Baan Xasuusane Taariikhduu Waa Ma Guurtee Maskaxdii Fiyowbaa Ka Macaashta Waayaha Mahadhada Ku Reebee – Gabay

Waxaan ka heynaa Abwaan Cismaan Cabdullahi Guure oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ee waqtiga Casriga ah, Ujeedka xigashadeyda ayaa ah inaan xusuusuno wixii ka dhacay Arbaco Bil Sideed Ah Bishii labaad Ee Sanadkaan markaas oo Madaxweyne Mohamed Abdullaahi Farjaamo Loo Doortay Madaxweynaha 9-aad ee Dalka Soomaaliya.

Waxey aheyd Aheyd Lama Filaan uu qof walba si amakaag ah farxad u muujiyay, waxey aheyd maalin qurux badan oo qof walba uu iska dhaadhiciyay iney wax walba hagaageen. “Ma Aheyd Sidaas? Dabcan Iguma Diidi Doontid – Waxaana rajeynayaa oran doonitid sidaan filayo. “Saxiix”

Dabcan Hadaad Lama Filaankaas Igu Raacday – Horay usoo soco, Hadaadse Igu Diiday adigoo Liqi La’  horay usoo soco si aad u aqriso Qormadeyda Hoose.


Barcelona waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Dunida waqtigaan, waana koox heysta Shaxda ugu fiican ilaa iyo haatan marka kaliya la eego weerarka sadex aflaha ah ee sida holaca u muuqda markaad daawaneyso. Hana Iloobin in PSG ay tahay kooxdii soo rafaadsatay midda sidaan u weyn markii la isku arkay Paris.

Laga Yaabee In Maskaxaada Is Weydiiso – Halkey Jireen Kulankii Parc des Princess? Laakiin jawaabta kaliya aan kuu haayo waxey tahay Paris Saint Germain wiilasheeda ayey u aheyd habeenkii ugu wacnaa waayahooda sanadahii dambe, sidoo kalana (Maalin Walba Gariir Cade Geed Kuuma Saarna). Waase Laga yaabaa In Kulanka Camp Nou ay noqoto Habeenkii reer Catlonia, isla markaana ay dhigaan lama filaankii dalkeena ka hirgalay.

Qof Walba oo Catalonia ah war uma hayo xaaladda aan warka u heyno ee isbadalka Soomaaliya, balse kaliya waxey iyagu rajeynayaan iney taariikh cusub dhigaan, balse dadka ay qormadaan qaaska u tahay ee soomaalida ah ayaa fahmi kara halka aan ka hadlay.

ARBACO – 8-DA FEBRUARY 2017

Waa Maalin dadka u riyaaqay guusha Madaxda cusub ay ku asteeyeen: “Maalinta Shacabka Soomaaliyeed” Qofna maba filaneyn in Xassan Sheikh Maxamuud uu ka guuleysan doono ilaa ugu dambeynta uu isdhiibay madaxweynahii hore.

HALKEY ISKA SHABAHI KARAAN?

Hadiiba isbadalka halkaan uu ka dhacayo garoonka Camp Nou, Barcelona waxey noqon doonta (Farmaajo), halka Paris Saint Germain ay noqon doonto (Xasan Shiekh Maxamuud), laakiin qof kubadda cagta ah ma aamini karo iney dhici karaan.

Ku Darso in Farmaajo uu ku guuldareystay sanado ka hor inuu sii ahaado waqti badan Ra’isul Wasaaraha Dalka, balse markii dambe uu ku najaxay inuu helo kursiga madaxweynaha.

Soo macquul maahan sida Farmaajo usoo rogaal celiyay iney Barcelona usoo rogaal celiso? Waa su’aal adiga kugu qaameysan jawabteedana lagaaga fadhiyo.

Maxaa Ka Qeyb Qadan Kara Rumeynta Riyadaan Maalinta Ah:

TAAGEERAYAASHA BARCELONA:

Jamaahiirta Catalonia waa kuwa doonaya isbadal cusub, waana kuwa qeyb weyn ka qaadan kara in taariikh cusub laga dhigo dunida, in ka badan 90 Kun oo qof oo reer Catalonia ah ayaa imaan doona kuwaas oo jihada ka qasi doona wiilasha Paris Saint Germain.

Jahawareerka ay Jamaahiirta Balaugrana abuuri karaan waa kuwa niyad jabin kara ciyaartoyda, sidoo kalana is fahamka ciyaartoyda kooxda PSG dhexda ku dhufan kara madama sawaxanka oo saa’id ah aysan xitaa is maqli karin.

MSN – OO AY MAALINTOODII TAHAY:

Messi, Suarez Iyo Neymar oo a maalintoodii tahay, waa kuwa rumeyn kara riyada maalinta ah, qof walba ayaana aamini kara iney sameyn karaan wax walba, tan iyo isu imaatinkooda in ka badan 300 gool ayey dhaliyeen iyagoo isla jooga sadex xili ciyaareed oo aan buuxin.

ISKU DHEX-YAACA PSG:

Hadii xidigaha Paris Saint Germain ay isku dhex yaacaan daqiiqadaha hore ee ciyaarta, waxey noqon kartaa iney dhibaato baahsan kusoo gaarto Camp Nou sidii la yeelay Arsenal, Milan Iyo Bayern Munich sanadahii dambe.

UNAI EMERY OO HAFA:

Hafidda tababare Unai Emry, ama Ilduufka tababaraha Paris Saint Germain waa waxa ugu weyn ee Barca siin kara fursadda ugu fiican, waayo marka aad shaxdaada wareeriso, Barca waxey dareemi doontaa raaxo, hadey Barca dareento Raaxo waa waxa ugu xun ee qabsan kara kooxda kasoo horjeeda.

GO’AANNO GARSOORE:

Go’aanada garsoore ee u janjeera dhanka Barcelona waxey ciyaarta kadhigi kartaa mid qalaanqal ka dhex abuurta PSG iyo garsoorka, taasoo keeni karta in Barcelona ay ka faa’ideysato kalsoonida darada xidigaha kooxda kasoo horjeeda.

TER STEGEN OO NOQDA SPIDERMAN

Hadii aysan jahawareer baahsan galin Paris Saint Germain, waxaa la fili karaa iney dhawr jeer timaado goolka Barcelona, waxaase kooxdiisa badbaadin kara Ter Stegen hadii uu sameeyo badbaadooyin cajiib ah una diido iney gool helaan, hami weyn ayey galin kartaa Barcelona.

MAXAA BURBURIN KARA RIYADAN?

Kaliya waxaa burburin kara Paris Saint Germain oo u ciyaarta sidii Parc des Princess, Ter Stegen oo ay u noqoto habeen Murugo ah & Daafaca Paris oo ku guuleysta iney cagta-cagta u saaraan MSN.

GUNTII IYO GABGABADII:

Miyaan anigu u ololeynayaa Isbadalka Cusub? hahahaha Dabcan Maya!! haku fakarin taas, balse wax walba oo dhici kara in la cabiro waa loo baahan yahay, Barcelona iney soo baxdo waxaa ka dhaw iney PSG soo baxdo ayaan qabaa balse Mucjiso wey sameyn karaan Balaugrana.

Hadii Barcelona soo baxdo hal heeskii ahaa “Ar Farmaajo Ii Geeya” Waxaa Badali Doona “Ar Barcelona ii Geeya” laakiin markaan inaga iska hadalno cid loo geyn karo ma lahan.

 8-DA FEB IYO 8-DA MARCH – Ma Laba Maalin Oo Taariikhi Ah Bey Noqon Doonaan Sanadkaan?

 Waxaa Diyaariyay: Abdirashid Mohamud Shardinho – 

 

Arrin ceeb weyn ku ah Maamulka Gobolka Banaadir oo keentay inuu is casilo Agaasimihii Waaxda dab damiska ee Maamulkaas!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goor dhaw soo gaaray xafiiska war qabada Shabakadda Caasimadda Online ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinayo inuu is casilay Banaadir C/llaahi Maxamed Cabdulle (Saney) Agaasimihii Waaxda dab damiska, Solar-ka iyo Korontada Gobolka Banaadir.

Sababta ugu weyn ee keentay inuu is casilo ayaa lagu sheegay markii ay mushaar waayeen shaqaalihii ka shaqeenayey xafiiskiisa.

Wuxuu saxaafadda u sheegay inay muddo ku dhabar adeegeen adeegga bulshada iyagoo aan wax mushaar ah qaadan ayuu sheegay inay isaga iyo shaqaalihiisa go’aan ku qaateen inay shaqada isaga tagaan

Wuxuu maamulka Gobolka Banaadir ku eedeeyey inay iska indha tireyn sidoo kalana ay dhaga ka laabteen xuquuqdii shaqaalihiisa ay xaq u lahaayeen.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu eedeeyey inaysan shaqaalaha maamulkaas hooos imaado wax mushaar ah aysan siinin bilooyinkii ugu dambeeyey taasoo keentay inay shaqadooda gabaan shaqaala badan.

Howlihii adeegga ee laga rabay dowladda Hoose ee xamar ayaa waxaa qabto shirkadda si gaar ah loo leeyahay oo lagu wareejiyey, sidoo kalana maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku guul dareystay inay ka hor tagaan musiibooyinka Muqdisho ka dhaco oo ay ugu horeyso dab markasta kusoo noq noqday Suuqa Bakaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo iyadoo la jecel yahay miyaad aragtay mise waad ogtahay meesha uu jaceylkaas ka keenay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Dhawaan madaxweynaha Soomaaliya noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo muddaba ay ku fakrayeen shacabka Soomaaliya inay mar uun sidaas dhacdo waxayna riyadaas rumowday 08 February 2017.

Haddaba waxaa muuqato in madaxweynaha ay jecel yihiin 95% shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta intooda badan, waxaana is waydiin mudan sidee ku dhacday shaqsi 6 bil xil ka qabtay Soomaaliya inuu helo kalsoonidaan iyo taageerada intaan la leg.

Haddaba caasimadda Online ayaa u baaritaan kusoo sameysay jaceylka Farmaajo loo qabo halka uu asal ahaan ka imaaday waxayna hoos kusoo koobeysaa arrintiisa oo kooban iyo asal ahaan halka uu jaceylka ka keenay.

Maxamed aabihiis Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ah Zaciim naxariis badan dadkana aad ay u jecel yihiin wuxuuna dowladii Siyaad Barre kasoo qabtay shaqooyin.

Aabihiis ayaa usoo haajiray Muqdisho horaantii sanadki 1950 halkaas ayuuna ku nagaaday aabihiis ilaa uu dowladda uga qabto shaqooyin badan.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa heysta naaneysta (Farmaajo) oo asal ahaan ka timid ereyga (Fromaggio) oo ah kalimad Talyaani ah oo loo yaqaan waxyaabo macmacaan ah oo laga sameeyo Subagga caanaha lana soo marsiiyo warshad waxaana soomaaliya keeni jiray gumeystihii Talyaaniga.

Balse markii la sameenayey qaamuuska afka Soomaaliga ayaa ereygii loo badalay (Famaajo) oo macno ahaan ah (Mid la jecel yahay)  ama (Xalwo).

Waaya aragii hore ayaa isku khilaafay sababta keenta in Oday Cabdullahi oo ah aabaha madaxweynaha Soomaaliya loogu bixiyo naaneystaan, kuwa qaar ayaa sheegayo inuu Cabdulaahi Jeclaa (Fromaggio) oo ah sheygii macaanaa ee Talyaaniga dalka keeni jiray sidaasna loogu bixiyey magacaas.

Haddaba dadki hore ayaa kuu sheegayo inuu Farmaajo heysto awoodii iyo jaceylkii aabihiis loo qabay sidoo kalana midda caawisay ayaa lagu sheegay inay aheyd 6-dii bil ee uu ciidamada awooda saray.

Madaxweynaha ayaa hadda heysto jaanis 4 sano ah oo uu ku rumeyn karo riyada dadka u heelan shaqadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Arrin cusub oo ka dhalatay hadalkii ay Imaaraadka ku beeniyeen inay safiirkooda kala baxeyn Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u beenisay inay Soomaaliya kala baxday safiirkii u fadhiyey sababo xagga xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo xumaaday kadib markii ay arrintaas soo baxday.

Sidoo kale imaaraadka ayaa beeniyey inuu safiirkooda ka shaqeenayo isku dirka dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya ka kooban tahay kadib markii lagu eedeeyey inuu Maamula Goboleedyada heshiisyo aan sharci aheyn la galayo.

Mid kamid ah Saraakiisha Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin hadalada dhawaan la isla dhexmarayey ee ahaa inay Imaaraadka kala baxday safiirkii Soomaaliya ee Mohammed  Ahmed Othman Al Hammadi.

Qaar kamid ah warbaahinada Soomaalida iyo kuwa caalamka ayaa dhawaan shaaciyey inuu Al Hammadi dib ugu noqday Imaaraadka Carabta isla markaasna ay taas sabab u aheyd diidamadii ka timaaday dowladda ee heshiiskiis Berbera.

“ Safiirkeena wuxuu goob joog u ahaa xafladdii caleema saarka madaxweyne Farmaajo, waa been hadalada sheegayo inuu safiirka uga baxay Soomaaliya xiriir xumaaday awgiis, wuxuu u baxay arrimo shaqo gaar ah, dhawaan ayuu xafiiskiisa kusoo laaban doonaa, waxaana idiin xaqiijinayaa inuusan xumeyn xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka” ayuu saxaafadda u sheegay sarkaalkaan imaaraadka kasoo jeedo ee Muqdisho ku sugan.

Walaacaan iyo hadaladaan ayaa imaaday markii Bishii February ay Imaaraadka heshiis rasmi ah la gashay Maamulka Somaliland kaasoo ahaa inay saldhig military ka sameystaan Berbera, waxaana heshiiskaas ka hor imaaday madaxweyne Farmaajo oo Sacuudiga dacwad u gudbiyey.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, ayaa Imaaraadka ku tilmaamtay in shaki galineyso madaxbanaanida Qaranimada Soomaaliya, waxaana dowladda ay muujisay sida aysan ugu qanacsaneen saldhiga military, oo aysan ka warqanin dowladda.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah Saldhiga Milateri ee Imaaraadka carabta ka sameysaneyo magaaladda Berbera ee Somaliland.

Sidoo kale waxay ka dhawaajiyeen inuusan safiirkooda ka shaqeeneyn sidii uu soomaalida isugu diri lahaa balse uu halkaas u joogo sidii Imaaraadka iyo Soomaaliya isugu dhaafsan lahaayeen danooyin siyaasadeed.

Hadalka kasoo yeeray Imaaraadka Carabta ayaa muujinayo inay doonayaan sidii loo damin lahaa xasarada ka dhex bilaabatay labad dowladood midaana waxay u ogtahay inay tahay tallaabo ay ku dooneyso in khilaafka xal lo helo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Muxu ahaa hadalkii qiirada lahaa ee uu Jawaari maanta u sheegay dhallinyarada ku jirta BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta shacabka Soomaaliyeed u muujiyey sida ay uga go’an tahay in wadanka la gaarsiiyo horumar iyo kala dambeyn  kadib markii uu  kulan la qaatay Xildhibaanada Dhalinyarada ah ee ku jira Golaha shacabka.

Kulankaan oo uu ujeedkiisa ahaa sidii wadanka loo hagi lahaa mustaqbal fiicana loo gaarsiin lahaa sidoo kalana ay dhallinyarada baarlamaanka ku jiro kaalintooda u qaadan lahaa ayaa waxaa halkaas qudbad qiiro leh ka jeediyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan jawaari.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa intiisa badan uu ahaa dardaaran ayaa dhalinyarada ku dhiirageliyey inay ka shaqeeyaan horumarka wadankooda isagoo u sheegay inay yihiin hoggaanka beri ee Soomaaliya.

“ Waxaad tihiin awoodda iyo xoogga Baarlamanka, waxaad ka tihiin Mas’uul dhalinyaradeena badaha ku dhamaanayo, kuwa qoryaha wato, kuwa aan waxbarashada heysan, waad inaad raadisanaa xaqqa ka maqan dhallinyaradaas” ayuu jawaari u yiri.

“ Aniga dardaarankeyga ugu muhiimsan waa inaad iska ilowdaan qabiil oo aad aamintaan inaad wakiil ka tihiin dhallinyarada Soomaaliyeed noocyadeeda kala duwan, waa inaad halkaan ka diyaarisaan sidii dhallinyarada loo hoggaamin lahaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Jawaari.

Kulankaan ayaa imaanayo xilli dhawaan la filayo inuu Ra’isulwasaaraha soo magacaabo golohiisa wasiirada, waxaana la qiyaasayaa inay baarlamaanka Soomaaliya hadda kamid yihiin ilaa 75 Xildhibaan oo dhallinyaro ah kuwaas oo la aamisan yahay inay isbadalka dalka ka dhacay qeyb weyn ka qaateen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdishom
[email protected]

Xog: Kheyre oo Yusur Abraar ugu yeeray Villa Somalia + Xilka loo saadaalinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia soo gaaray Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Somalia, Yusur Aadan Abraar oo waayadan ku nooleyd dalka dibadiisa.

Yusur Aadan Abraar, ayaa la xaqiijiyay inuu u yeeray Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre, waxaana lagu wadaa inay kamid noqoto shaqsiyaadka xilalka loo dhiibi doono.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Yusur Aadan Abraar loo magacaabi doono xilka Wasiirka Maaliyadda ama Qorsheynta Qaranka, halka warar kaa ka duwan ay sheegayaan in dib loogu celin doono Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Somalia.

Xilalka la saadaalinaayo in loo dhiibi doono Yusur Aadan Abraar, ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Madaxa Guddiga Qaranka ee la-dagaalanka Musuqa.

Yusur Aadan Abraar, ayaa horay usoo noqotay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia, iyadoo xilkaasi loo magacaabay Bishii September 13-dii ee sannadkii 2013-kii.

Yusur ayaan ku nagaan xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe waxa ayna iska casishay bishii October 30-dii ee isla sannadkaasi.

Yusur ayaa sheegtay inaysan awoodin xilka Guddoomiyaha kadib markii ay sheegtay in shaqada Bankiga ay tahay mid aasaas u ah Musuq-maasuq xad dhaaf ah.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in Dowladiisa ay xilal ka qaban doonaan shaqsiyaadka ka dhowrsan Musuqa iyo Xatooyada Qaranka.

Dhinaca kale, waxaan si dhab ah loo ogeyn xilka uu Ra’isul wasaaraha Qaranka Xasan Kheyre u magacaabi doono Yusur Aadan Abraar oo iminka xaadir ku ah Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo joojiyey arrin sharci darro ah oo ay maamul goboleedyada sameyn jireyn isagoo la wareegi rabo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Intii ay jirtay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ee dhawaan waqtigeeda dhamaaday waxaa la kala aqoon waayey awoodda dowladda dhexe iyo tan maamul Goboleedyada taasoo keentay inaysan dowladda qaban shaqooyinkii looga baahna.

Haddaba dowladda uu hoggaanka u hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  daadaal iyo xusul duub ugu jirto sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd mashariicda horumarka dalka oo mararka qaar ay iska maamulan jireyn maamulada Goboleedyada.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu dhawaan qaado Talaalada ugu weyneyd ee lagu yareenayo awoodda maamulka Goboleedyada dalka, sidoo kalana wuxuu dowladaha deeq bixiyayaasha ah ku amri doonaa inay shaqo kata soo hor dhigaa dowladda Soomaaliya ka hor inta aan laga fullin maamul Goboleedyada.

Santuuda ugu weyn mashaariicda ay qaramada Midoobay ku bixiso Soomaaliya ee loo yaqaan JPLG ayaa la filayaa inay dowladda gacanta ku dhigto oo ay qaramada midoobay iska maamulan jireyn.

Dowladad cusub ayaa dhawaan Qaramada midoobay u gudbisay codsi qeexayo in gacanta loo geliyo maamulka mashaariicda Soomaaliya loogu talagalay oo ay iska maamulan jireyn hey’adaha Qaramada Midoobay.

Maamulada ay sida weyn arrintaan u saameyn doonto waxaa kamid ah Somaliland iyo Puntland waxaana dhawaana magaalada Muqdishi kasoo dagay wafdi ka socday wasaaradda arrimaha gudaha Puntland iyo Guddoomiyayaasha degmooyinka oo wadatashi kala sameyn doono dowladda dhexe tallabada ay dhawaan ka qaadan doonto mashaariicda dalka laga fuliyo.

Inkastoo arrintaan ay soo baxday haddana Maxamed Cali Nuur oo ah Agaasimaha mashaariicda ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa xog hoose oo laga sheegeysaa inuu ku sheegay sababta ay Muqdisho u tageyn sidii ay dowladda Soomaaliya uga heli lahaayeen caawimaad, wuxuuna meesha ka saaray inay u joogaan arrimo la xiriira tallabada ay dowladda ka qaadan rabto mashaariicda JPLG

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog- Warran: Akhriso magacyada siyaasiyiin Magac leh oo kasoo muuqan doono wasiirada Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo hadda soo gaartay caasimadda Online ayaa xaqiijinayo shaqsiyaad la filayo inay dhawaan kasoo muuqdaan golaha wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqayo asbuucaan Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Waxaa la sheegayaa inay halkaas kasoo muuqan doonaa shaqsiyaad caan ah oo weliba xilal kasoo qabtay xukuumadii Tayo ee uu hoggaanka u hayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aheyd halkii uu taageerada shacabka kasoo kasbaday.

Cabdixakiim Maxamuud Fiqi – Wasiirkii hore ee gaashaandhigga

Maxamed Muqtaar – Wasiir xukuumadii ugu danbeysay

Cabduqaadir Xaaji Maxamed (Dhaqane) – Wasiir dowladii KMG ahayd

Cabdinuur Xaaji Maxamed – Wasiirkii hore ee Waxbarashada

Yusra Abraar – Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe

Cabdiraxman Ducaale Beyle – Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda

Cali Xaaji Warsame – Musharax Madaxweyne

Maryan Qaasim – Wasiirkii hore ee Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada

Sidoo kale wararka ayaa xaqiijinayo in liiska lagu arki doono shaqsiyaad aan horey uga soo muuqan siyaasadda dalka kuwaas oo saaxiib dhaw la ah Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa ku qornaa waraaqdii xanaaqa aheyd ee uu Farmaajo u diray Imaaraadka Carabta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan Magaalada Muqdisho isaga tagay safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Imaaraadka Carabta Mohamed Al-Osmani kadib markii uu xumaaday xiriirka labada dowladood.

Inkasta oo sarkaal ka tirsan safaaradda uu maanta sheegay in safiirka uu arrimo shaqsi ugu laabtay Imaaraadka, haddana xogta Caasimada Online waxay sheegeysaa inuu ku baxay khilaaf ka dhex oogan labada dal, balse Imaraadkaa isku dayayaan inay qariyaan, si xiisadda loo qaboojiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Imaaraadka Carabta u diray waraaq lagu sheegay inay aheyd dacwad ka dhan aheyd safiirkooda u fadhiyey Soomaaliya kaasoo lagu eedeeyey inuu ka shaqeenayo isku dirka dhinacyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga codsaday Imaaraadka Carabta inay kasoo jawaabaan haddii ay iyaga usoo fasaxeyn safiirkaan inuu tallabadaan isku dirka qaado.

Wararka ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Imaaraadka ka doonayo inay soo kala caddeeyaan in Mohamed Al Osmani ay Soomaaliya ugu direyn inay la sameystaan xiriir wanaagsan iyo haddii ay usoo dirsaneyd inuu Soomaaliya isku diro.

Al- Osmani ayaa lagu eedeeyey inuu ahaa shaqsigii ka dambeeyey heshiiskii Imaaraadka loogu ogolaaday inay saldhig Military oo ay ka duqeeyaan Xuutiyiinta ka sameystaan magaalada Bebera oo ah meel istaraatiiji ah.

Warqaddaan dacwada ah ayaa imaaneyso Xilli Aysan weli Imaaraadka Carabta kala cadddeyn sababtii ka dambeysay inay Soomaaliya kala baxdo safiirkeeda.

Xiriirka labada dowladood ayaa aad usii xumaanayo tan iyo markii ay baarlamaanka Somaliland qalinka ku duugeyn heshiiska Berbera ee Imaaraadka Carabta loogu ogolaaday inay saldhig ka sameystaan Dakadda Berbera.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan dacwad ka dhan Imaaraadka u gudbiyey dowladda Sacuudiga mar uu halkaas kula kulmay boqorka Sacuudi Carabiya wuxuuna ka codsaday inuu soo kala dhexgalo khilaafka ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dib u milicso mustaqbalka Villa Somalia: Yuusuf Garaad oo kashifay waxyaabo qarsoon oo madaxtooyada ka jira

Laga soo billaabo Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, ku xiji Nuur-Cadde, Shiikh Shariif, Xasan Shiikh, Saacid Shirdoon, Cabdiweli Shiikh, Cumar Cabdirashiid iyo qaar kale oo Wasiirro u badan Madaxda Sare ee dalka soo martay intooda badan inta aanay xilka qaban waxay ahaayeen rag aan macriifo wanaagsan leennahay.  Qaar aan sheeko wadaag nahay.  Kuwo aan arday wada ahayn iyo qaar aan awal ku tilmaami jiray saaxiibbo  dhow oo aan guryaha iyo Hoteellada isku booqan jirnay inkasta oo markii dambe aan u beddelay in ay yihiin rag aan is naqaan.

Sidaas ay tahay, weligeey iskumaan deyin mas’uul la doortay sida Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan ama mid la magacaabay sida Ra’iisal Wasaare iyo Wasiir in aan madaxa ka qabsado.  In aan dad kale oo aan iyagu ogeyn uga been sheego.  Ama in aan isaga u caga jugleeyo si aan uga dhaliyo go’aan aan madaxiisa ka soo go’in.

Waxaanse mar walba arkaa dad mooggan in ay siyaasaddu tahay sida aan anigu u qabo nabadeynta iyo horumarinta dalka ee mooda been sheeg, cad gooso haddii ay kuu mari weydana ka tag xishoodka oo afkaaga maal iyo wakiillada shisheeye u jil musalsal.  Amaba ku dhaqaaq intaas oo dhan.

Dadka noocaas ahi badiyaa kama warqabaan xaaladda dalka iyo waxa qabasho u baahan. Iskuma mashquuliyaan baahida iyo dhibaatooyinka jira iyo sida ay u kala mudan yihiin.  Uma muuqdaan tabarteennu waxa ay tahay iyo inta ay baahideenna dabooli karto.  Ma goobaan dhibka aynaan annagu xalkiisa tabar u hayn sida loo maareyn karo.

Waxa keliya oo u cad xilka uu isagu doonayo, kan uu qof la doonayo ama uu qof kale ka hor istaagayo.  Waxaa u cad xilkaas la goobayo sida uu ribix shakhsi ah uga soo saari lahaa. Haddii aanuu xil raadineyn, waxaa uu goobayaa waa qandaraas irmaan oo uu ka nuugo dowladda.

Madax kasta marka ay cusub yihiin ama marka ugu horreysa ee uu la kulmo waa wuxuu ku dayaa in uu rabbeeyo si uu baqdin-gelin ugu maalo.   Amaba si ay isaga gacanta ugu galaan.  Mararka qaar waa ay u martaa.

Haddii ay u socon weydo inta badan warbaahinta ayaa laga maqlaa ama xanta siyaasadda ayay kordhiyaan ayaga oo dhaliil aan jirin ama markii hore ay iska indha tirayeen u marinaya madaxda ay ku ag hungoobeen.  Marmar waxay raaciyaan hanjabaad aanay awoodin in ay ka dhabeeyaan.

Dadkaasi marka ay madaxda dhaliilayaan marnaba kama run sheegaan waxa ay ugu careysan yihiin iyo hindisaha ay ula tageen ee u socon waayay.  Waxaa ay doontaan dhaliil kasta oo dhaawici karta siyaasiga iska caabbiyey taas oo aanay inta badan ka marneyn ka been sheegid iyo ku jiqsiin.

“Siyaasiyiinta” iyo mukhallisiinta ka shaqeysta ee aan u shaqeyn Dowladnimada Soomaaliya oo aan iyagu Xamar ku yarayn waxaa ku soo biiray qaar deggan caasimado Geeska Afrika ah.  Qaarkood ilaa ololihii doorashada ayay joogeen dalka.  Qaar kale waxay buraashadahooda soo dhaansadeen markii ay isbeddelka maqleen.  Aad ayay u xiiqsan yihiin.  Wakhtigu waa is gurayaa.  Midkii aan ka soo tegin shaqo ay tahay in uu dib ugu laabto waxaa tirsan maalmaha uu iska xajin karo nolosha qaaliga ah ee Muqdisho.

Hoggaamiyaha ay lafdharkiisu jilicsan tahay, midka xan-ku-noolka ah iyo ma-hubsadaha aan su’aalaha isweydiin waa uu u nugul yahay baqa-ku-maalka.  Sidaasna waxaa ku wiiqma danta Soomaaliyeed iyo kalsoonida lagu qabo hoggaamiyaha.

Waxaan rajeynayaa in Hoggaamiyayaasha cusub ee Soomaaliya ay iska caabbin doonaan dadka aan dalka u shaqeyn ee ka shaqeysta.  Kuwo awoodda cillanaadka ah ee aan la taaban karin ku hanjaba. Iyo kuwo ku xooma Hoggaan kasta, fahamsiiya in uu yahay Mahdigii la sugayay, u tusa in ay ayagu yihiin kuwii ka badbaadin lahaa khataro ay ayagu madaxiisa ku sawireen, marka ay sharafta ka dhaamaan, sida liinta u miirtaan, gufarka tuura si ay u helaan liin warmoog ah oo oo ay listaan.

In aan foolka indho ku leennahay si aan hore ugu soconno waa muhiim.  Sidoo kale waxaa Rabbi awood noo siiyay in qoorteennu ay labada dhinac u wareejin karto foolkeenna si aan hareeraheenna u aragno.  Iyo marka loo baahan yahay in aan lugaheenna adeegsan karno si aan socodkeenna u hakinno, dib ugu jeesanno oo aan uga cabbirqaadanno waddada aan soo marnay.

Aan dib u milicsanno waxa aan soo marnay si aan hore ugu soconno.

W/D: Yuusuf Garaad Cusub

Lacagta guud ee ku baxday doorashooyinkii Somalia oo la ogaaday (Ma aamini doontid)

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan waqti badan qaatay kadib waxaan akhristayaasha u soo gudbineynaa gunaanadka lacagtii ka soo xarootay doorashadii dalka ka dhacday shantii bil ee la soo dhaafay.

Inta aadan ogaan cadadka lacagta ka soo xarootay doorashada, marka hore aan ku xusuusinno qorshaha lacagta loo qoondeeyay doorashadii 2016/17 iyo halka ay ka imaaneysay lacagtaa.

Lacagta guud ahaan waxaa lagu sheegay Afar iyo Toban Milyan($14,000,000) oo loo rabo sidan in lagu helo: 60%=($8,400,000) Beesha Caalamka, 15%=($2,100,000) Dowladda Federaalka ah halka 25%=($3,500,000) la sheegay in ay tahay lacagta laga rabo murashaxiinta u tartamaya labada aqal, murashaxiinta guddoonka baarlamaanka federaalka ah iyo murashaxiinta madaxweynenimada Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Lacagihii Laga Helay Murashaxiinta ku Tartamay Doorashada 2016/2017

 Murashaxiinta Galay Tartanka  Baarlamaanka Federaalka Ah:

Shaxdan hoos ku qoran, waa dadkii tartanka baarlamaanka galay, ha guuleystaan ama ha laga guuleysta e, Lacagahan hoos ku qoran kuma jiraan murashaxiintii bixiyay lacagta balse loo diiday in ay tartamaan sababo la xiriira beel, jirro ama musharaxiin ay xannibtay qoondada dumarka.

Hannaankee ku timid Lacagta doorashada:

Ragga Murashaxiinta Baarlamaanka: Lacagta laga qaaday ragga u tartamay golaha shacabka waa $5,000. halka qofka ragga ah ee aqalka sare u tartamaya laga qaaday lacag dhan $10,000.

Haweenka Murashaxiinta Baarlamaanka: Haweenka waxaa laga qaaday aqalka hoose $2,500 oo ah 50% lacagta ragga laga qaado, halka aqalka sare laga qaadday  $5000 oo sidoo kale u dhiganta 50% inta ragga laga qaaday.

Lacagta Laga Qaaday Murashaxiintii U Tartamay Baarlamaanka Federaalka Ah:

Lacagta aan sheegeyno, waa lacagta maamul walba uu ka soo xareeyay tartamayaasha doorashada galay rag iyo dumar, iyaddoo la tixgelinayo in ay haweenka laga qaaday 50% inta ragga laga qaaday.

Puntland: Aqalka sare($205,000), Golaha Shacabka($505,000), wadarta guud waa $710,000

Galmudug: Aqalka sare($175,000), Golaha Shacabka ($497,500), wadarta guud waa $672,500

Hirshabeelle: Aqalka sare ($185,000), Golaha Shacabka($455,000), wadarta guud waa $640,000

Koonfur Galbeed: Aqalka sare($135,000), Golaha Shacabka($855,000), wadarta guud waa $990,000

Jubbaland: Aqalka sare($190,000), Golaha shacabka($582,500), wadarta guud waa $772500

Somaliland: Aqalka sare($ 270,000), Golaha Shacabka($395,000), wadarta guud waa $665,000

Banaadir: Golaha Shacabka($72,500).

Guud ahaan wadarta ka soo xarootay murashaxiinta galay tartanta doorashada baarlamaanka federaalka ah ee dhammaan dalka waa $452,2500.

Marka aan leennahay murashaxiinta galay tartanka, Goobjoog News oo baaritaankaan sameysay waxaa ay diiwaangelin ku sameysay inta tartanka gashay oo keli ah, waxaa xusid mudan in ay jireen dad lacag bixiyay oo loo diiday in ay tartamaan sida aan kor ku soo sheegnay.

Lacagta Murashaxiinta guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah:

Murashaxiinta Guddoonka  Aqalka sare: $170,000

Murashaxiinta Guddoonka Golaha Shacbka:  $ 220,000

Lacagta Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya:

Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya: $720,000

Lacagta laga qaaday murashaxiinta guddoobka baarlamaanka iyo murashaxiinta madaxweynaha=1110000

Guddiga Xallinta Khilaafaadka:

Illaa 1219 cabasho ayaa soo gaartay guddiga xallinta khilaafaadka, ilo ku dhaw guddiga waxaa ay sheegeen in cabasho badan ay qabteen, lana diiwaangeliyay .

Hadaba, sida ku cad baarintaanka Goobjoog News, Murshaxiinta waxaa ka soo xarootay lacag ka badan $ 5,632,500, taas oo labo u jibbaar ka badan lacagtii la rabay, waxaa kaloo baaritaanka aan ku ogaannay in lacag ka badan $1,219,000 ay ka soo xarootay guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashada, wadarta labada lacag waa: $6,851,500,

Lacagtaas marka lagu daro, lacagihii 60%-ka ahaa ee beesha caalamka(60%=($8,400,000)  iyo 15%-kii dowladda federaalka ah(15%=($2,100,000), waxaa ay lacagta noqoneysaa mid aad u badan, waxaa intaa dheer lacagta ay laaluush ahaan u qaateen ergada doorashada.

Lacagta Soomaalida laga helay wadarteeda guud waa: $8,951,500, mark lagu daro lacagta beesha caalamka(60%=($8,400,000) iyo dalka Turkiga oo Afar Milyan bixiyay wadarta guud waa: $21,351,500

Waxaa jirtay lacago la siiyay ergada doorasho, qaar 600$ qaatay, qaar 200$, kooxna waxba lama siin, laakin haddii aan ka soo qaadno in ergadii 14025 ay heleen 400$ midkiiba, lacagta ku baxday waa: 5,610,000, lacagtii doorashada inta badan waxaa ay ku baxday ergo doorasho, dadkan oo ay aheyd in ay lacag la’aan ku codeeyaan.

Lacagahaasi doorashada waxaa lagu shubay labo koonta xisaabeed oo kala duwan, murashaxiinta baarlamaanka waxaa ay lacagta ku shubeen Dahabshiil account ee 104104638, waxaa la sheegayaa in loo wareejin doono Akoon ay leedahay hey’adda UNDP halka lacagta murashaxiinta guddoonka iyo midda murashaxiinta madaxweynimada lagu shubay xisaabta socota ee golaha shacabka ku leeyahay bangiga dhexe.

Hadaba, waxaa jawaab u baahan dhowr su’aal:  sidee loo isticmaalay lacagahaas tirada badan?  waa imisa lacagta la isticmaalay? Waa imisa inta soo hartay?  yaa hayo lacagahaasi? Malaga soo bixiyay  Accontiyadii kala duwanaa? Ma jirtaa hey’ad u xil-saaran xisaabinta lacagta soo hartay? Yaa lacag siinaya dadka aan tartanka gelin ee weli lacagtooda laga heysto?

Mudadii ay baaritaanka uu socday waxaa xiriir lala sameeyay guddiga doorashada dadban ee heer federal, guddiga waxaa ay sheegeen in ay diyaarinayaan warbixin guud iyagga oo dhawaan qaban-doono shir jaraa’id, isla markaana faahfaahin doona lacagaha soo xarooday iyo halka ay ku baxeen?

Xigasho Idaacadda Goobjoog 

Villa Somalia oo gashay jawi saxmad leh iyo xulashada wasiirada oo la isku fahmi la’ yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somalia ayaa saacadihii ugu danbeeyay gashay jawi saxmad leh oo lagu soo xulaayo Golaha Wasiirada Xukuumada cusub.

Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa iminka ku sugan qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed kuwaa oo doonaaya in Golaha la magacaabi doono ay ka helaan Wasaaradaha u qalma.

Odayaasha qaar ayaa ku dhagan Wasaaradaha ugu tayada badan, halka Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaruhuba ay doonayaan in Odayaasha ay ku qanciyaan Wasaarado kala duwan.

Wasaaradaha ugu badan ee safka loogu jiro ayaa kala ah Wasaarada Arrimaha Gudaha, Amniga, Dibadda, Maaliyada iyo Dastuurka oo la rumeysan yahay inay ka tayo badan yihiin Wasaaradaha kale.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa wada dadaalo lagu xalinaayo Wasaaradaha leysku heysto, waxaana lasoo sheegayaa in muran uu ka taagan yahay hanaanka loo qeybinaayo Wasaaradahaasi.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, ayaa isna ku dadaalaaya in Odayaasha Beelaha uu ka dhaadhiciyo Wasaaradaha ay ugu tallo galeen ka hor inta aan lagu dhawaaqin Golaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdishom
[email protected]

Xog: Farmaajo oo baaraya qaar ka mid ah xubnaha ka mid noqonaya golaha Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa la xaqiijinayaa inuu bilaabay baaritaanada Codsiyada xubnaha doonaaya inay kamid noqdaan Golaha Wasiirada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Codsiyadaasi ka dhex baaraya Sifaadka laga doonaayo xubnaha loolanka ugu jira Xukuumada cusub.

Codsiyada ayaa la sheegay inay ku lifaaqan yihiin CV-yada Musharaxiinta dooneysa xilka waxaana la xaqiijinayaa inay aad u yartahay tirada Musharaxiinta ee ilaa iyo hadda laga helay Sifaadka.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Musharaxiinta laga helay sifaadka ay gaarayaan ilaa afar Musharax oo iyagu xitaa wata kalsoonida beeshooda kuwaa oo loo badinaayo inay kamid noqon doonaan Golaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in Golaha Wasiirada lagu soo xuli doono karti iyo Aqoon, waxa uuna meesha ka saaray in Golaha ay kamid noqon doonaan xubno laga waayay sifaadka looga baahnaa.

Maalinta Arbacada ee fooda nagu soo heysa ayaa loo badinayaa in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ku dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Axmed Siilaanyo oo waqti kordhin kale loo sameeyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markale loo sameeyay waqti kordhin dheeri ah.

Golaha guurtida maamulka Somaliland ayaa waqti kordhin u sameeyay Axmed Siilaanyo kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa.

Kulanka golaha Guurtida oo ay goobjoog ahaayeen xubno badan ayaa inta badan waxay isku raaceen in xiligan aysan dhici karin doorashada madaxweynaha maamulka Somaliland.

Waxay golaha isku raaceen in Bisha December ee sanadkaan 2017 ay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Somaliland.

Xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada Somaliland ayaa horey waqti kordhin loogu sameeyay maamulka Axmed Siilaanyo, waxaana muuqaneysa markale in arimahaasi dib loogu dhigay doorashada.

Somaliland ayaa culees kale wuxuu ka heystaa heshiiskii dhismaha saldhiga meletari ee Berbera oo golaha ay ansixiyeen iyo abaaraha ka jira deegaanada maamulkaasi.

Axmed Siilaanyo ayaa ka maqan magaalada Hargeysa, waxaana mar sii horeysay xisbiyada Somaliland ay u kordhiyeen muddo lix bilood ah in doorashada dib loo dhigo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Xildhibaanada BF oo diyaarinaya mooshinkii ugu horeeyay

Muqdishp (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa diyaarinaya mooshinkii ugu horeeyay tan iyo markii dhawaan ay doorteen madaxweynaha Soomaaliya.

Mooshinkaani ayaa ah mid ka dhan ah dhismaha dowladda Imaaraatka carabta dooneyso inay ku dhisato saldhig meletari oo ku yaala magaalada Berbera.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinkaasi uu yahay mid gabo gabo ah dhawaanna loo gudbin doono guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari ayaa kulankii sabtida ee xildhibaanada baarlamaanka u diiday in xildhibaanada ay ka hadlaan arinta Berbera, maadama uusan kamid aheyn ajandayaasha baarlamaanka.

Wuxuuna ka hor jeediyay xildhibaanada in haddii ay doonayaan arintaasi inay diyaariyaan mooshin arintaasi la xiriirta oo lagu soo daro ajandayaasha shirarka baarlamaanka.

Golayaasha Guurtida iyo wakiilada Somaliland ayaa bishii lasoo dhaafay si xoog ah ku ansixiyay heshiiska imaaraatka iyo maamulka Somaliland, waxaana meel gabo gabo ah maraya qorshaha dhismaha saldhigaasi.

Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku sii shareereysa, kaddib markii Imaaraadka Carabta u yeertay Safiirkii u joogay Somalia, sababo ku aadan muranka iyo cabashada dowladda Somalia ka keentay saldhiga Milateri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warqad sir ah: Sirdoonka Maraykanka iyo kacaankii Somalia ee October 1969

Warqad uu Henry Kissinger, la taliyihii ammaanka ee Aqalka Cad uu u qoray Madaxweynihii Maraykanka Richard Nixon October 21, 1969. Waa saacado ka hor intuu uusan ciidanka af gembiga ku qabsan Soomaaliya October 21, 1969.

Warqadda uu Kissinger qoray oo cinwaankeedu yahay “Xog Madaxweyne : Waxyaabaha Ka Dhalan Kara Qaarijinta/Dilka Madaxweynaha Soomaaliya” oo uu ula jeeday Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke (AUN) waxay muujinaysaa in ciidanka Kacaanka ay ahaayeen rag aan marna sir ka bixin. Kissinger, oo markii dambe noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka wuxuu qoray:

“Xog kama heyno dilka madaxweyne Sharmaarke laakiin waxaa jira:

– Qabaa’ilo diidan qaabka ay dowladdii Cabdirashiid iyo Cigaal ula heshiinayaan Itoobiya, sidoo kale waxaa jira beelo ka carooday doorashadii Maarso dhacday, laakiin ninka madaxweynaha dilay waa sarkaal boolis ah oo iskiisa isu abaabulay.

– Ma fileyno in Ciidamada Xoogga ee diidan xasiloonida lala gaarayo Itoobiya ay af gembi ku kacaan. Dagaalka la filan karo keliya waa mid qabiil haddii ay soo baxdo in Sharmarke loo dilay arrimo qabiil, ee aan loo dilin arrimo siyaasadeed.

– Baarlamaanka wuxuu dooran doonnaa madaxweyne muddo 30 maalmood ah, dhammaan musharixiinta safka hore waa dad taageersan reer Galbeedka, marka waxay sii wadi doonnaan xiriirka naga la dhaxeeya, sidoo kale waxay heshiis Itoobiya kala gaari doonnaan muranka xudduuda.

Ra’iisul Wasaare Cigaal, oo aad toddobaadkii la soo dhaafay la kulantay, wuxuu haatan ka sii duulayaa California, asagoo ku noqonaya dalka, taas oo abuuraysa xaalad xasilooni guud”

Warqaddaan waxay caddeynaysaa in saraakiishii Kacaanka aan wax sir ah ka fakan. Saacado kadib ayay dalka qabsadeen, Cigaalna markuu yimid waa la xiray.

W/D: Hassan Adam Hosow 

Caddeyn muujineysa in Ugaas Xasan uu Beeshiisa ka yahay sida Farmaajo oo kale 

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Xawaaadle oo kamid ah beelaha ugu tunka weyn Soomaaliya ayaa ah beesha la aaminsan yahay inay tahay midda ugu adeecitaanka badan Ugaasyada soo maray.

Min Carruur, Haweyne, Dhallinyaro, Odayaal, Siyaasiyiin Ilaa Xildhibaanada beesha Xawaadle waxay ka wada siman yihiin inay ka dambeeyaan sidoo kalana ay qaataan amarka Ugaaska xilligaas xilka u hayo.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble waa ugaaska ay dhawaan sida weyn u duubeyn beesha Xawaadle xaflad weyn oo ka dhacday Magaalada Beledweyne ee xarunta Hiiraan.

Haddaba Ugaaska ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho wuxuuna dagay mid kamid ah Hoteelada ku yaal caasimadda, waxaana halkaas ka cadaatay in Ugaas Xasan uu yahay Farmaajaha Beesha Xawaadle maadaama ay Hotelka buuxiyeen qeybaha kala duwan ee beeshiisa.

Dadka soo booqanayo Ugaas ayaa muujinayo jaceylka ay u qabaan iyo sida ay uga dambeeyaan waxaana mararka qaar arkeysaa inta badan shaqisyaadka u imaanayo Ugaaska oo jilbaha dhulka dhiganayo si ay u muujiyaan ixtiraamka ay u hayaan Ugaaskooda taasoo ah arrin mudan in lagu daydo.

Dadka yaqaan shaqsiyadda  Ugaas Xasan waxay kuu sheegayaan inuu yahay shaqsi jecel beeshiisa sidoo kalana aan la gamban hadalada isagoo weliba lagu yaqaan inuu yahay shaqsi ad adag oo aan si fudud uga laaban go’aanka uu gaaro.

Haddaba Beesha Xawaadle kaliya sidaan kuma ahan Ugaas Xasan oo waxay sidaan u ixtiraami jireyn dhammaan ugaasyadii soo maray Beeshaas.

Halkaan hoose waxaad ka aqrisan kartaa qaar kamid ah ugaasyadii soo maray Beesha Xawaadle:

  • Ugaas Ciise Weehaan
  • Ugaas Dhagadikane
  • Ugaas Orweyne
  • Ugaas Warfaa
  • Ugaas Maxamed
  • Ugaas Ciise
  • Ugaas Aamin
  • Ugaas Faarax
  • Ugaas Cumar
  • Ugaas Cabdi
  • UgaasMaxamed
  • Ugaas Guuleed
  • Ugaas Cumar
  • Ugaas Faarax
  • Ugaas Rooble
  • Ugaas Muumin
  • Ugaas Khaliif
  • Ugaas Cabdiraxmaan
  • Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ugaas Xasan oo go’aan aan la fileyn ka qaatay arrinta ku aadan wasiirada lasoo magacaabayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inuu la kulmi madaxweynaha Soomaaliya oo markii horeba ka dambeeyey inuu imaado.

Ugaas Xasan oo dagan mid kamid ah Hoteelada Muqdisho ayaa lasoo sheegayaa inay halkaas buuxiyeen siyaasiyiin, Odayaal iyo aqoonyahano kasoo jeedo Beesha Xawaadle oo Ugaaska ka doonayaan inuu madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha uga soo qaado xilka wasiir muhiim ah.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inuu Ugaas Xasan arrinta ku aadan wasiirada lasoo magacaabi rabo ka qaatay go’aan aan aheyn midkii laga filayey.

Ugaaska ayaa dhammaan siyaasiyiinta beeshii kasoo jeedo ee uu kula kulmay Hotelka uu muqdisho ka dagan yahay u sheegay inaan isaga laga sugeyn inuu madaxweynaha ka codsado inuu shaqsi ka tirsan beeshiisa ka dhigo wasiir taasoo uu ku tilmaamay inay tahay sharci darro iyo xadgudub.

Ugaaska ayaa shaqsiyaadkaas xil doonka ah u sheegay inuu soo dhaweyn doono sidoo kalana uu garab istaagi doono shaqsigii Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha kasoo dhameysto in loo magacaabo wasiir isagoo adeegsanayo kartidiisa iyo aqoontiisa.

Go’aanka ugaaska ayaa imaanayo xilli maalmihii ugu dambeeyey magaalad Muqdisho la isla dhexmarayey inuu Ugaaska wato shaqsiyaad uu doonayo inuu madaxweynaha ka dhigo Ra’isulwasaaraha waxaana hadda muuqato inaysan arrinta sidaas aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Madaxweyne Farmaajo iyo Hailemariam oo kulan yeelanaya

Muqdisho (Caasimada Online ) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in booqasho uu ku gaaro magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa halkaa uga qeybgali doona shir khaas ah oo ay yeelan doonaan Madaxda Urur Goboleedka IGAD kaa oo looga hadli doono arrinsanayaan xaalada qaxootiga Soomaaliya.

Madaxweynaha ayay halkaasi isku arki doonaan Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo isna qeyb ka noqon doona shirka, sida aan xogta ku helnay.

Madaxweyne Farmaajo oo waayadaani indhaha ka qabsanaayay dalabka Casuumaada ah oo ay u fidisay Ethiopia ayaa iminka u muuqda in ujeedka laga lahaa Casuumaadaasi ay magaalada Nairobi ku wada dhameysan doonaan Hailemariam Desalegn.

Waxyaabaha ay kawada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah xiriirka labada dal oo tan iyo markii la doortay Farmaajo sii galaayay mugdi, walow labada mas’uul si wada jir ah ay u muujin doonaan xiriir Diplumaasiyadeed.

Farmaajo waxa uu sidoo kale magaalada Nairobi kula kulmi doonaa dhammaan Madaxweynayaasha Africa, gaar ahaan kuwo qeybta ka ah Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynayaasha ay isku arki doonaan magaalada Nairobi ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Jabuuti, Labada Sudan, Ugandha iyo Madaxweynaha marti galiyay shirka Uhurro Kenyatta.

Labada Mas’uul ee sida weyn ugu hamuun-qaba is araga Madaxweyne Farmaajo ayaa kala ah Madxaweynaha Kenya Uhurro Kenyatta iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo walaac ka qaba isbedelka ku imaada Somalia.

Docda kale, waxaan la ogeyn isbedelka ku imaan doona go’aanka Madaxweyne Farmaajo haddii ay wada kulmaan Hailemariam Desalegn oo u hanqal-taagaya gacan ku dhigista Siyaasada Dowlada Cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]