25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xogtii ugu dambeysay ee ku saabsan malaayiin Dollar oo laga dhacay garoonka diyaaradaha…

Johannesburg (Caasimada Online) – Ciidamo hubeysan oo ku labisa dareeska ciidamada Booliska Koonfur Africa ayaa  lasoo sheegay inay dhaco iyo boob u geysteen garoonka Caalamiga ah ee Johannesburg.

Ciidamadaan burcadda ahaa la garoonka ka dhacay lacag badan oo ku jirto konteenar yaalay garoonka dhexdiisa, waxaana la isku khilaafay cadadka lacagta ay ciidamadaas ka qaateenka garoonka.

Waxay wararka rasmiga ah sheegayaan inay gaareyso lacagta halkaas laga dhacay Malaayiin Dollar oo laga lahaa dalal ka duwan.

OR Tambo oo ah shirkadda maamusho garoonka ayaa xajiisay dhacdadaan ka dhacday garoonka ugu mashquulka badan guud ahaan dalka Koonfur Africa.

Bayaan ay soo saartay shirkaddaas ayey ku sheegtay inaysan jirin wax rasaas ah oo dhacday intii uu socday boobkaan, sidoo kalana waxay xaqiijisay inay ciidamadii dhaca geystay si nabadgelyo ah isaga baxsadeen goobta.

Ciidamadaan hubeysan ayaa si lama filaan ah gudaha ugu galay meelo aan garoonka laga ogoleyn in la galo taasoo ah meel lagu keediyo lacagaha iyo qalabka kale ee garoonka loo isticmaalo.

Ciidamadaan ayaa markii ay qaateen lacagta waxay garoonka ka wateen gaari yar oo ay ku baxsadeyn lacagtana isaga ayey saarteen.

Booliska Koonfur Africa ee la aaminsan yahay inay si gaar ah u tababaran yihiin ayaa ka gaabsaday inay saxaafadda uga warbixiyaan qaabka ay arrintaan u dhacday.

idaacada ENCA ayaa faafisay codka u hadashay booliiska, oo lagu magacaabo Athlenda Mathe taasoo ka dhawaajiyey inaysan hadda ka warbixin karin tirada ay la eg tahay lacagta la dhacay iyo qaabka ay u dhacday.

Ciidamadaan oo watay gaari yar ayaa waxaa istaajiyey ilaalada sida gaarka ah loo leeyahay ee ilaaliso garoonka waxayna ku wargeliyeen inay yihiin booliska oo arrimaha gaar ah garoonka ugu socdo sidaas ayaan loo fasaxay.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa hadda sheegayo inuu garoonka sidiisii caadiga aheyd kusoo noqday ma jirto wax dhibaato ah oo hadda ka jirto marka laga reebo lacagta tirada badan ee laga qaata.

Caasimada Online
Xafiiska Johannesburg
[email protected]

Xog-Warran: Maxaa ka jiro inay Puntland weerar ku tahay Gobollada Sool iyo Sanaag?

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo baxayo warar sheegayo in maamulka Puntaland ay isku diyaarinayaan weerar ay ku qaadaan Gobolada Sool iyo Sanaag sida ay illo wareedyo ku dhaw dhaw saraakiisha Puntland xaqiijinayaan.

Taliyaha ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay lagu wargeliyey inuu ciidamo badan u diyaariyo howlgalkaas lagu doonayo inay Puntalnd gacangteeda soo gelisay Soon iyo Sanaag.

Waxaa jiro siyaasiyiin badan oo kasoo jeedo Puntland kuwaas oo ka hor imaaday qorshaha lagu doonayo in lagu weeraro sool iyo Sanaag waxayna ku tilmaameyn arrintaas inay tahay mid qaldan oo ay dowladda kaligeed go’ankaas gaartay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa la sheegay inuu yahay shaqsiga go’aankaas qaatay wuxuuna rabaa inuu maalmaha soo socdo dagaalkaas qaado isagoo iska indha tirayop talada ay siinayaan qaar kamid ah sarakiisha ciidamada Puntland.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa horey u dagaalamay dhawr jeer waxaana halkaas ka dhashay khasaaro isugu jiro naf iyo maal waxaana dagaaladii ugu dambeeyey lagu kala qabsaday maxaabiis inkastoo markii dambe lagu heshiiyey in la is dhaafsado.

Wixi warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla soo socdosiin doonaa Inshaa

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Kheyre waa dhameystirka hal ku dhigii Xasan ee ahaa ‘Qabyo Ninkeedaa Dhamesytira’

In aad xil qabato, ama qof Xil haya aad talo ka bixiso, waa laba xaquuuq oo ay soomaali u siman tahay. waana laba mas,uuliyad oo aan kala miisaan yareyn. waliba Xaquuqda talo bixinta ayaa mudnaaan leh, waa haddii ay xaqiiq & niyad wanaag cuksan tahay.

Soomaaliya sida ay waayo ugu jirtay dagaal sokeeye, ayeey muddooyinkan dambe ula liiceysay Dowlad tabar daran, oo musuq-maasuq hoooy u ah. Intii Xukuumad soo martay, ilaa hadda lama hayo mid shacabka hoo tiri, oo reebtay wax qabad la taaban karo.

RW Kheyre waa la ansaxiyay, waliba cod buuuxa oo aqlabiyad leh. macnuhu waa in dhammaan Xildhibaanadu ay u arkeen in uu yahay wiilka marxalada maanta taagan, haddana fulin kara qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee Danta Dalk & Dadka. Laakiin taas mid ka duwan RW Kheyre waa waji cusub oo Siyaasada Soomaaliya u abuuraya hey,ad kulansata Dhaqaalaha Shidaaalka & awoodda Qaanuun ee Dalka.

Mudane Kheyre muuqa Siyaasadeed kuma cusba. si dadban ayuu Siyaaasada ugu jiray. Laaakin ma uusan heyn xil muuqda. Waxuu xariir dhaw la-lahaa Madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh. Xariirka Xasan Shiikh & Mudane Kheyr waa wajiyo badnaa. waxaase ubad dhexaad u ahaa hawlaha shaqo ee Shirkada SOM Oil & GAS.

Soomaaliya waa dal dihan. kheeyraadka Ilaaheey ku maneystay, inta muuqata waxaa ka badan inta qarsoon oo ayanaan xeelad & awood u heyn. hoogga Soomali gaaray waa mid xariir la leh awoodda qarsoon ee aan ku kor fadhino, Shidaalka, gaaska, Dahabka & Dheemanka intuba waa Kheyraaad magaca Soomaali ku qoran, laakin damacoodu waa mid u dhaxeeya aduunka oo dhan.

Shirkado badan oo shidaalka baara, ayaa daneynaya in ay helaan heshiis ogolaansho oo Soomaaliya ah. Loolanka waxuu xariiir la leeyahay wajiga Siyaasadeed ee Soomaaliya. waxuuna u dhaxeeya wadamo badan oo soomaaliya xariir dhaw la leh. haddii kol hore ay ugu cad-caddaayeen shirkadaha Mareykanka ee shidaalka, maanta waxaa suuqa Soomaaliya ku jira shirkado wadamada Yurubta ah. Xariirka dhow ee Dowladda Somaaliya & Britain waxaa laga dheehan karaa in armaha Shidaal baaridu ay qeyb ka tahay.

Shirkadda SOM Oil waxey xariir hoose la laheyd dowladdii Xasan Shiikh. Xariirkan waxaa udub dhexaad u ahaa mudane Kheyre, oo magaca Soomaali wata, marna ka mid ah xubnaha saamiga ku leh. Magacaabida Kheyre ee Boooska Wasiirka koowaad waa natiijo ka dhalatay xariirkaa & Doorka uu ka qaatay kana qaadan doono meel-marinta qorshaha shirakaddan.

Waxaan is weeydiyay Haddiba Madaxweyne Farmaajo uu goostay in Booska Wasiirka koowaad uu siiyo Beesha uu ka dhashay mudane Kheyre, maxaa loo heli waayay qof Qabiilkan ah, haddana ka fog tuhmada ganacsi ee la xariirta Shirkadaha Shidaalka & Xariirka dhaw ee Xasan Kheyre & Xasan Shiikh. magacaabida Xasan Kheyre waa is faham dhexmaray Madaxweyne Farmaajo & Mudane Xasan Shiikh, waana hal qeyb oo ka muuqata Qabyadii Xasan Shiikh dhameystirka ka rabtay (Qabyo Ninkeedaa dhamesytira)

Gef ma ahan in uu yimaado Shaki isku xiraya Magacaabida Xasan Kheyre & Danah Shirkadaha caalamigu ay ka leeyihiin Shidaalka Soomaaliya, waliba xilligan oo ay Soomaaliya laheyn Qaanuun & Xeer dhigan oo sugaya xaquuqda dhan walba. taa badalkeeda waxaa jira cabsi ah in si boobsiis ah loo bixiyo sharciyo shidaalka lagu baarayo, haddana ay qeyb ka yihiiin madaxda Dowladda u sareysa, taa oo abuuri karta Jabhado Maalka & Sharciga garab ka dhiganaya. tusaale waxaa noogu filan Dacwada Badda ee ay Kenya la soo taagan tahay in Soomaaliya & ayada la isku daayo, taa oo fasireysa in Kenya ay kalsooni buuxdo ka qabto madaxda Soomaalida, haddii kiiska Baddadhexdooda la soo dhigo.

Codka aqlabiyada uu Mudane Kheyre ka helay Baarlaamnka waxuu muujinayaa niyad wanaag ka yimid xubnaha Aqaalka hoose, laakin maalmaha soo socda ayaa feydi doona dhabta Mudane Kheyre & xaqiiqda Talo bixin ee Qalinka Qoraaga ku biiriyay diidmada Codka Mudane Kheyre.

Waxaa qoray: Mahdi Muse

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Kheyre oo kalsooni darro la kulmi doona haddii lagu helo 3 qodob oo daashada xukuumadihii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Khayre, ayaa lagu wadaa in Gudaha Asbuucaani uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada ee Xukuumada cusub.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhexda uga jira la tashiyada Beelaha Soomaaliyeed, waxaana walaac laga muujinayaa in Ra’isul wasaaraha uu dib usoo celsho Wasiiradii hore ee Xukuumada Cumar C/rashiid.

Xubnaha ololaha ugu jira kamid noqoshada Golaha Wasiirada ayaa waxaa kamid ah Wasiiro hore kuwaa oo garan muuqda ka helaaya Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu wato ilaa Seddex mas’uul oo ka tirsan Xukuumada sida KMG ah usii heysa xilka kuwaa oo qorshuhu yahay in lagu soo daro Golaha cusub ee uu dhawaan ku dhawaaqi doono Ra’isul wasaare Kheyre.

Ra’isul wasaare Kheyre oo culeysyo badan kala kulmaaya Madaxdii hore, ayaa waxaa la hadal hayaa inuu ku hingoobi doono mudnaanta lasiiyay haddii lagu helo qodobada soo socda:

1-Kheyre ayaa lumin doona Kalsoonida ay iminka ku qabaan Shacabka haddii Golaha la magacaabi doono ay kasoo dhexmuuqdan Wasiiradii horay ugu hingoobay shaqada qaran.

2-Xukuumada Kheyre waxa ay lamid noqon doontaa xukuumadihii hore haddii lagu soo biiriyo Wasiiro aan la socon halka ay iminka mareyso xaalada iyo Siyaasada Somalia.

3-Waxa uu kacdoon iyo mucaaridnimo kala kulmi doonaa shacbiga Soomaaliyeed haddii uu ka weecdo saami qeybsiga horay loo jideeyay.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa iminka beelaha Soomaaliyeed ku qancinaaya inay ka dhexmuuqan doonaan Golaha Wasiirada ee uu soo dhisaay taa oo u dhexeyn doonta ilaa 20 Wasiir iyo ku-xigeenadooda.

Caqabadaha ugu badan ee uu iminka la kulmaayo Kheyre ayaa ah in Wasaaradaha qaarkood ay ku dhagan yihiin qaar kamid ah Beelaha Soomaaliyeed, waxa ayna taa qarka ka tuureysaa rajadii laga qabay Xukuumada cusub, waa haddii Beelaha laga tira badan yahay aysan helin Wasaarado tayo leh, maadaama hal heeska Dowlada cusub uu noqday Isbedel lagu soo dabaalo dalka, si loo muujiyo sinaanta Beelaha Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa looga fadhiyaa in si siman uu u qanciyo Beelaha Soomaaliyeed ee dhowrkii sano ku hardamaayay awood qeybsiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Maxay yihiin ciidamada maanta kasoo dagay garoonka Adan Adde?

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo ay leedahay dowladda Soomaaliya kuwaas oo tababar caalami ah kusoo qaatay dalka Jabuuti.

Ciidamadaan oo ahaa Leyli Saraakiil ayaa waxay tababar ilaa shan bil ah kusoo qaateen dalka Jabuuti oo ah wadan ay Soomaaliya walaalo yihiin sidoo kalana ku fakara inay mar uun aragto Soomaaliya oo cagaheeda isku  taagtay.

Gen. Axmed Dayib Axmed oo loo yaqaan Dhegacaleen iyo saraakiil ka kale oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa garoonka Aadan Cadde International si weyn ugu soo dhaweeyey ciidanka waxaana  markii dambe loo gudbiyey taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamadaan ayaa kusoo aadayo xilli dowladda Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday inay ciidamada Militariga xoogga isaga baxaan magaalada Muqdisho iyo beelaha ay shacabka dagan yihiin waxaaxna booliska iyo nabad suggidda lagu amray inay sugaan amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Eedeyn ku aadan heshiiska Imaaradka oo xildhibanada ay usoo jeediyeen dowladda Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay eedeyn u jeediyey dowladda cusub ee uu hoggaanka u hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa dowladda cusub ku eedeeyey sababta keentay inaysan ilaa hadda war cad kasoo saarin heshiiska ay Imaaraadka Carabta kula wareegtay Berbera oo ay dhawaan saldhig Militari ka sameysan rabto.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibanada hormuudka u ah mooshinkaan ayaa sheegay inay tahay sababta ku kaliftay inay mooshin keenaan maadaama aysan jirin xukuumadii arrintaan ka hadli laheyd sida uu hadalka u dhigay wuxuna xusay inay lagama maarmaan tahay inay xildhibaanada tallaabo qaadaan.

Jeesow ayaa heshiiska Berbera ku tilmaamay inuu yahay mid aan weli lagu kala bixin oo ay su’aal saaran tahay isla markaasna ay ku howlan yihiin sidii ay mooshin lagu diidayo baarlamaanka u hor geyn lahaayeen.

Sidoo kale Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa wax la yaab leh ku tilmaamay inaysa dowladda Soomaliya weli war rasmi ah kasoo saarin arrintan ku saabsan heshiiska Berbera iyo saldhigga Imaaraadka Carabta ay halkaas ka sameysan rabto.

Heshiiska Imaaraadka iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa ansixyey baarlamaanka Somaliland kadib markii uu yeeshay kulan muran badan ka dhashay gacantana la isugula tagay.

Lama saadaalin karo sida uu saameyn ugu yeelan doono mooshinkaan go’aanka ay imaaraadka ku gaartay inay Berbera Saldhig ka sameysato balse sida sharciga ah ansax ma noqon doono heshiis uusan Baarlamaanka Soomaaliya ansixin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar culus kasoo saaray Suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ah Guddoomiyaha iyo duqa Muqdisho ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay suuqa Bakaaraha oo uu dhawaan qabsaday dab xoog leh oo keenay inay baaba’do hanta lagu qiyaasay ilaa 5 Milyan oo Dollar.

Guddoomiyaha ayaa soo indha indheeyey xaaladda Suuqa Bakaaraha kadib gubashadaas wuxuuna halkaas kaga dhawaaqay amar cusub oo ku aadan shirkadaha korontada geliyo suuqa.

Madaale ayaa shirkaddaha Korontada gaar ahaan kuwa ay korontadooda ku jirto Suuqa Bakaaraha ku amray inay si deg deg ah koronta suuqa u mariyaan dhulka isla markaasna ay meesha ka saaraan baalayaasha ay adeegsadaan iyo fiilooyinka suuqa dhex maro.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay sababta u weyn oo uu suuqa inta badan ugu faafo dabka ku macneeyey fiilooyinka korontada ee meel kasta ku xiran.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay inaan la ogolaan doonin inay shirkadaha korontada isticmlaan fiilooyin dhismooyinka kor maro taasoo uu ku tilmaamay inay suuqa halis weyn ku tahay.

Hadalka Guddoomiyaha iyo safarka uu suuqa Bakaaraha ku tagay ayaa imaaneyso xilli dhawaan uu dab qabsaday suuqa xilli ay Muqdisho u aheyd saq dhexe  waxaana saacado badan kadib lagu guuleystay in dabkaas la damiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Dhageyso: Marwada madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay la hadashay saxaafadda

Magaalada Muqdisho iyo qaybo kale oo ka mid ah dalka ayaa maanta waxaa lagu wadaa in laga xuso maalinta Haweenka Aduunka oo ku began 8-da Maarso.

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Marwo Seynab Cabdi Macalim oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay inay Hambalyo u dirayso dhamaanba Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan dunida.

Marwada Dalka ayaa sidoo kale Haweenka Soomaaliyeed ugu baaqday inay isku duubnaadaan oo ay u midoobaan hormarka dalkeena.

Sanad kasta maanta oo kale ayaa Haweenka Soomaaliyeed waxay xusaan Maalinta 8-da Maarso oo ku asteesan maalinta Haweenka Aduunka.

Weerar ku bilawday Qaraxyo iyo Rasaas oo ay dabley hubeysan ku qabsadeyn Isbitaalka Millateriga ee…

Kabul (Caasimadda Online) – TV-ga Al-jazeera ayaa hadda baahiyey inay ciidamo hubeysan ay weerar ku bilawday qaraxyo iyo rasaas xooggan ku qabsadeyn Isbitaalka Sardar Daud Khan oo ay leeyihiin ciidamada Militariga Afgaanistaan.

Isbitaalkaan ayaa ku yaal magaalada Kabul ee dalka Afghanistan waxaana arrintaas xaqiijiyey Wasiirka Gaashaandhiga dalka Afghanistan oo la hadlay Al-Jazeera.

Qarax xooggaan ayaa lala beegsaday albaabka isbitaalka kadibna waxaa gudaha isbitaalka galay dableydii hubeysneyd waxaana hadda gudaha isbitaalka laga maqlayaa rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Dowladda iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Wasiirka Gaashaandhigga Afgaanistaan ayaa ka dhawaajiyey inay ciidamadooda ka fiirsan doonaan  weerarka ka socdo Ibsitaalka si looga feejignaado inay badato waxyeelada soo gaari karto dhaawacyada yaal isbitaalka iyo sidoo kale ciidamada Dowladda.

Meesha uu ku yaal isbitaalka la weeraray ayaa la sheegay inay ku yaalaan xarumo ay dowladda leedahaya iyo safaarado ay leeyihiin dowlado shisheeye waxayna aheyd goob aad loo ilaaliyo.

Weerarkaan lagu qaaday isbitaalka ayaa imaanayo kadib markii asbuuc ka hor weerar khasaaro badan geystay oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada Militariga ku leeyihiin isla magaalada Kabul waxaana weerarkaas sheegatay ururka Taliban ee halkaas ka dagaalamo.

Ilaa hadda lama ogaan khasaaraha rasmiga ah ee ilaa hadda ka dhashay weerarkaas balse wixii warar ah ee kuso kordha waan idinla soo socod siin doonaa maadaama ay weli socoto rasaas xoogga.

Caasimada Online
Xafiiska Kabul
[email protected]

Michael Keating oo war kasoo saaray dhismaha golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ee XGQM ee Arrimaha Somalia, Danjire Micheal Keating, ayaa ka hadlay dadaalada uu Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre kusoo dhisaayo Golaha Wasiirada cusub.

Micheal Keating, ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay ka duwan tahay Dowladihii hore waxa uuna carab dhabay in Umadda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ku qancaan qaabka lagu soo magacaabi doono Golaha.

Micheal Keating, waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha Somalia ay isla arkeen hanaanka lagu soo xulaayo Golaha Wasiirada, waxa uuna meesha ka saaray in hanaankaasi uu yahay mid cilad u keeni kara Dowlada cusub.

”Waa jid fiican hanaanka lagu soo xulaayo Golaha Wasiirada, waxaan cadeynayaa inaan ku qanacsanahay qaabka loo wado xulista Golaha”

Keating waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somalia uu xooga saaraayo sida lagu qancin lahaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed, waxa uuna dhankiisa ku baaqay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay garab istaagan Dowlada Somalia.

”Waxaa dooneynaa in Shacabka Soomaaliyeed ay ka dhabeeyaan taageerida Dowlada, Dowlad waliba waxaa dhista shacabkeeda waxaan ku baaqayaa in loo midoobo garab istaaga Dowlada”

Micheal Keating, ayaa dhinaca kale Odayaasha dhaqanka ugu baaqay in si dhow ay ula shaqeeyaan Dowlada waxa uuna meesha ka saaray inay dhicikarto Odayaal ka hor imaada Dowlada taageerada badan.

Si kastaba ha ahaatee, Danjire Keating ayaa Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha ku amaanay dhexgalka Bulshada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada @live.com

 

Kheyr oo afka gacanta saartay markii ay wasiirada soo codsadeyn tiradii ugu badneyd ebed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku jiro wada tashiyadii ugu dambeeyey ee ku saabsanaa magacaabista golaha wasiirada cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo asbuuca soo socdo.

Ra’isulwasaaraha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanayo beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed si uu ugala tashto magacaabista golaha wasiirada.

Haddaba Kheyre ayaa gacanta afka saartay markii loo soo gudbiyey codsiyo lagu doonayo wasiiro oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwii ugu badnaa ee ebed soo codsato golaha wasiirada.

Illo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey in xafiiska Ra’isulwasaaraha ay soo gaareyn codsiyo lagu sheegay tiradooda inay kor u dhaafeyso 350 cod oo lagu doonayo wasiiro.

Ra’isulwasaaraha ayaa la yaabay tiradaan halahaan la eg soo codsatay golaha wasiirada waxayna midaas keentay inay dib u dhacdo qorshihii lagu doonayey in golaha lagu shaaciyo asbuucaan dhamaadka ah.

Golaha wasiirada ayaa la filayaa  in laga dhigo ilaa 30 wasiir, 30 ku xigeyn iyo 10 wasiiru dowle waxaana hadda muuqaneyso inay codsiyada soo dhiibteyn shaqsiyaad 5 jeer ku  jibaarmayo tirada la doonayo inay wasiirada noqdaan.

Waxaa laga war sugayaa go’aanka uu Ra’isulwasaaraha ka qaato codsiyada tirada badan ee kusoo dhacday gacanta xogheynta Ra’isulwasaaraha waxaana lasoo sheegayaa inuusan Kheyre fiirin qaar badan oo kamid ah codsiyadaas maadaama ay dhaafeyn xadkii loogu talagalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Wax ka ogow sababta keentay inay haweenka ka tirsan AMISOM banaanbax ka sameeyaan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweenka ka tirsan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ayaa bannaanbax nooc cusub ah ka dhigay magaalada Muqdisho.

Haweenka ka tirsan Ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sameyey banaanbax aad loola yaabay.

Hawenkaan askarta ahaa ayaa isugu soo baxay banaanbax ay ku weeneynayeen maalinta haweenka adduunka oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 08 March 2017.

Waxaa la banaan baxay haween kale oo Soomaali ah kuwaas oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka waana markii ugu horreysay oo ay haweyn ajaanib ah isugu soo baxaan Muqdisho iyagoo u banaanbaxayo maalinta Haweenka Adduunka.

Judy Lamet oo ah Haweeney kasoo jeedo dalka Kenya ahna Kaaliyaha ciidamada Booliska Midowga Africa ee ku sugan Muqdisho ayaa ka dhawaajisay inaan nabad ilaalin la sameyn karin haddii aanan garab laga helin haweyna maadaama ay ku sheegtay inay yihiin xiriir dhaw la leh dadka.

“ waxaan idiin xaqiijinayaa inaan nabad ilaalin la sameyn karin haddii aanan garab buuxa laga helin haweynka oo lagu tiriyo inay yihiin kuwa xiriirka ugu dhaw la leh dadweynaha” ayey tiri kaaliyahaan.

“haweenku waxay leeyihiin il qarsoon oo ay xaaladda ku qiyaasi karaan kuna fahmi karaan waxa socda” ayey sii raacisay hadalkeeda.

Sidoo kale Lydia Wanyoto oo ah ku xigeenka madax Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay taageereyso haddii la kordhinayo tirada Haweenka ka tirsan ciidamada MIdowga Africa ee Soomaaliya kuwaas oo kamid ah booliska iyo Militariga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu ahaa hadalkii ugu dambeeyey oo uu Farmaajo kusoo qoro bartiisa Twitterka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bartiisa Twitter soo dhigay qoraal cusub oo uu uga hadlayey maalinta 08 March oo ku beegan maalinta haweynka adduunka.

Madaxweynaha ayaa hambalyo ku aadan maalintaan u diray haweynka Adduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa mudan in la raaco wadadooda.

Madaxweynaha ayaa haweynka Soomaaliyeed ku tilmaamay inay yiihiin sida dayaxa oo kale waxayna midaas muujineysaa inuu madaxweynaha qirayo dadaalka ay haweynka soo maaliyeed kasoo mareyn badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa qoraalka aad hoos uga jeedo kusoo daabacay boggiisa rasmiga ah ee Twitterka waxaana hadalkaas falcelin ka sameeyey kumanaan kun oo Soomaali ah kuwaas oo madaxweynaha saaxiib kula ah Twitterka.

Sidoo kale waxaa hambalyo midaan la mid ah diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta ku tilmaamay inay tahay maalin ku weyn haweynka Soomaaliyeed ayna mudan yihiin in looga mahad celiyo dadaalkii ay kasoo mareyn samata bixinta umadda Soomaaliyeed.

08 March ayaa ah maalin ay caalamka uga asteysan tahay in loo dabaaldago maalinta haweynka Adduunka Soomaaliyana waxay kamid tahay dalalka dabaadalagaas ka qeyb qaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jawaari oo ka dhawaajiyey waxa dhici doono haddii aan 2020 la sameyn doorasho qof cod iyo cod

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa loo qabtay ilaa sanadkan dhamaadkiisa inay la yimaadaan Warbiin buuxda oo ku adan howshooda shaqo .

Gudiga arimaha laga sugayo waxaa ka mid ah inay kala cadeeyaan in Afarsano kadib dalkaan ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka inay ka soo tala bixiyaan in dalkan ay doorasho hal cod iyo hal qof ka dhaceyso iyo inkale ka hor sanadka 2020.

Prof. Jawaari oo ay ka muuqatay kul kuleel ayaa xusay in loo baahan yahay in inta uusan dhammaan sanadkaan 2017 guddiga doorashada ka dhawaajiyaan haddii ay macquul tahay in sanadka 2020 la qabto doorashada qof iyo cod.

Jawaari ayaa guddiga doorashada ku yiri “ waxaan idiin sheegayaa labada aqal ee Baarlamaanka macquul maahan inay sugaan inta laga gaarayo 2019, kadibna la dhaho waxaa la fiirinayaa suurtagalnimada inay wadanka ka dhici karto doorasho qof iyo cod, waxaa la idinka rabaa inaad hadda bilawdaan sanadkaan 2017 howsha ku aadan doorashada 2020, ma idinka yeeleeno inaad gadaal gadaal u shaqeysaan”

“ Haddii aysan macquul aheyn in 2020 la qabto doorasho qof iyo cod ah walaalayaalow yaan been loo sheegin shacabka, hala dhaho lama qaban karo inta aan la gaarin 2020 anagana sanadkan ayaa Baarlamaanka geynaya, waqtiga xil heynta baarlamanaka ayaa dheereynayaa illaa ay ka suurta gasho doorasho hal qof iyo hal cod” ayuu Jawaari hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyntii Jawaari ayaa ka codsaday guddiga doorashada inay ka dhawaajiyaan waqtiga rasmiga ah oo ay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod haddii aysan macquul aheyn wuxu sheegay inuu dalka ku noqon doono doorasho dadban.

“ Haddii shan sano ama lix sano macquul tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah noo sheega, haddii aysan macquul aheyn waxaan isaga laaban doonaa doorashadii hadda dhacday oo kale (Doorasho dadban)” ayuu yiri mar kale jawaari.

Dowladda Farmaajo ayaa looga fadhiyaa inay dalka ka suurtageliso inuu ka dhaco doorasho ay shacabka codkooda dhiibtaan, haddii ay ku guuleysatana waxay baal dahab ah ka geli doontaa taariikhda umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Tani miyey caddeyn rasmi ah u tahay inuu Farmaajo la wareegay qalbiga shacabka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo Markii uu  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo noqoday madaxweynaha Soomaaliya waxaa la dareemayaa sida ay shacabka ugu han weyn yihiin maamulka iyo dowladda Farmaajo.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayey dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho u arkaan inuu yahay shaqsigii ku haboonaa inuu hoggaamiyo waana midda keentay inay dalka oo dhan is qabsadaan banaanbaxyo lagu taageerayey.

Hadddaba waxaa magaalada Muqdisho ka bilaabatay arrin cusub oo muujineyso meesha uu Farmaajo ka joogo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda Muqdisho.

Hooyooyina iyo aabayaasha ay ilmaha u dhasheen doorashadii Farmaajo kadib ayaa bilaabay inay ilmahooda u bixiyaan magaca Farmaajo waxaana xadka kasii baxayo ilmaha ilaa hadda loo bixiyey magacaas.

Faadumo Xasan Hilowle oo hooyo ku nool magaalada Muqdisho waxaana dhawaan isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ugu dhashay wiil waxayna ugu magac dartay Farmaajo.

Caasimadda Online oo ay u suurta gashay inay la kulanto hooyadaas ayaa waxaa waydiinay sababta ku kaliftay inay cunugeeda u bixiso magaca Farmaajo.

Hooyo Faadumo ayaa ka dhawaajisay inuu Farmaajo yahay madaxweyne dagay qalbiga ummadda Soomaaliyeed sidoo kalana uu yahay shaqsi wadani ah sidaasna ay ku go’aansatay inay wiilkeeda u bixiso magacaas.

Kaliya Hooyo Faadumo ma’ahan hooyooyinka magacaas ilamahooda u bixiyey sidoo kalana waxaa la kulanay hooyo kale oo magaceeda kusoo koobtay Safiyo taasoo iyadana wiilkeeda u bixisay magaca Farmaajo.

Arrintaan ayaa muujineyso sida aadka ah ee shacabka Muqdisho ay u jecel yihiin madaxweynahooda Farmaajo waxaana lagu tilmaamay inay midaan noqon doonto taariikh sidoo kalana waa madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey oo intaan oo cunug loogu magac daro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Weerar lagu dili rabay boqorka sacuudiga oo fashilmay, yaase ka dambeeyey?

Kuala Kampur (Caasimada Online) – Boqorka Sacuudiga ayaa maalmahaan wuxuu safar booqasho ah ku marayaa dalal ka mid ah qaaradda Asia isagoo doonayo inuu booqdo wadamo badan oo ka tirsan qaaradaan.

Haddaba booliska dalka Malaysia ayaa ka dhawaajiyey inay fashiliyeen weerar lagu dili rabay boqorka Sacuudiga Salmaan xilli uu ku sugnaa magaalada Kuala Kampur.

Kooxdaan weerarka soo qaaday ayaa ka koobneyd afar qof oo Yemeniyiinta xuutiyiinta ah iyo seddex shaqsi oo kasoo jeedo dalka Malaysia waxaana arrintaas soo abaabushay kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanto dalka Yeman iyagoo Sacuudiga ka aargudan rabay duqeymaha ay ku heyso xarumahooda Yeman.

Boqorka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyo ilaa 25 Amiir oo ka tirsan boqortooyada Sacuudi Carabiya wuxuuna markaas ku sigtay inuu ku baxo gacanta Xuutiyiinta.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijisay inay shaqsiyaadkaan xiriir dhaw la leeyihiin ururka Xuutiyiinta Yeman inkastoo warar kale ay sheegayaan inay kooxahaan ka tirsan yihiin ururka la baxay dowladda Islaamiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kuala Kampur
[email protected]

Abgaaal: Nabadda Boorama ku seexato ayey Jig jiga iyo Jabuuti ku seexdaan, ma doonayno in go’doon labaad galno

Hargeysa (Caasimadda Online) – Maxamed Jaamac Abgaal oo ahaa  wasiirkii hore ee Boosta iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiikii Berbera lagu siiyey Imaaraadka si ay halkaas saldhig Militari uga sameysato.

Abgaal oo ka dhawaajiyey inuu weli mushaar ka qaato Maamulka Somaliland aya haddana sheegay inuusan xaqiiqda ka gambaneyn isagoo ka dhawaajiyey inaysan Somaliland wax dan ah ugu jirin heshiiskaas.

“ waxaan rabaa inaan caddeeyo in heshiiskii Berbera lagu siiyey Imaaraadka Carabta aysan dan ugu jirin Somaliland, waan kasoo horjeednaa arrintaas, maanta diyaar uma nihin in saldhig Militari laga sameysto Somaliland sababtoo ah wuxuu halis ku yahay jiritaanka Somaliland, wadamada dariska ah maxaa yeelay   nabadda Boorama ku seexato ayey Jig jiga iyo Jabuuti ku seexdaan, ma doonayno in go’doon labaad galno oo jabuuti iyo Itoobiya go’doon ma labaad ka galno diyaar uma nihin”ayuu saxaafadda u sheegay Abgaal.

Abgaal ayaa Madaxda Somaliland ka codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qanciyaan shacabkooda sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey inaysan dowladda marmarsiiyo ka dhigin in Jabuutiba ay ku taal shan Saldhig oo Military.

Ugu dambeyntii Abgaal ayaa ka dhawaajiyey inaan marnaba laga sugeyn isaga inuu taageero heshiiskaas maadaama uusan uga dhex jeedin wax dan ah oo Somaliland ugu jirto sida uu sida hadalka u dhigay.

Siyaasiyiinta iyo madaxda Somaliland ayaa isku khilaafay heshiiskii Imaaraadka Carabta loogu saxiixay inay Saldhig Militari ka sameysato magaalada Istaraatiijiga ah ee Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-warran: Farmaajoow inaad i fogeynayso ayaan filayey..!!

Arintan waayahan hadalheynteedda magaalalda aad ayuu ugu badan yahay, taasoo noqotay in sadexdii qof ee taaganba uu mid ka mid ah afka ku hayo.
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay isbadal 8-dii bishii febraayo ee sanadkan 2017, taasoo aheyd in Maxamed C/llaahi Farmaajo uu noqday madaxweynaha Dalka Soomaaliya.
Horey waxaa u jirtay marka madaxweyne uu la wareego Madaxtooyada Dalka in shaqalaaha ku xareeysan madxtooyada ay isaga soo huleeli jireen, illeyn madaxweynihii  ay u qidmeeynayeen xilka waa uu ka dagaye iyagana waxay aamin san yihiin hadiiba taasi ay dhacday in aysan waxba u oolin.
Hadaba arintaasi caadada aheyd ayaa waxaa badalay Farmaajo oo la yimid siyaasad ka duwan taasi oo ah mid ay si aad usoo dhoweeyeen shaqaalaha madaxtooyada. Waxaan ku keenay qormadan laba nin oo ka tirsan shaqallaha madaxtooyada oo u khidmeyn jirtay madaxweynihii hore ee waqtigiisu dhamaaday, shaqaalahan ayaa isku diyaarinayay baagamuundo nimo & howle kale balse waxaa niyadda u dhisay Madaxweyne Farmaajo oo habeenkii uu ku hoyday madaxtiooyada subixi shir la qaatay dhamaan shaqaallihii horey u joogay.
Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal u dhow xafiiska madaxweynaha ayaa sheegaya in dhamaan uu shaqaalaha u ugu baaqay madaxweynaha in ay shaqdoodi sidii hore u gutaan, oo aysan jirin cid raacdeysaneysay ama daba taagan, hadalkaasi aad beey usoo dhoweeyeen shaqalihii madaxtooyada.
Waxaa marag ah in hada lagu arko qaar ka mid ah shaqaalihii hore ee madaxtoooyada in ay weli u joogaan goobahoodi, waxaana ka mid ah shaqaalaha kushiinka, kuwa electric, Tubiiste yaasha, shaqaalaha caadiga ah ee xafiisyada jooga. IWM.
Mid ka mid ah shaqaalaha wada gaadiidka usoo addeega madaxtooyada ayaa yiri “FARMAAJOOW INAAD NA FOGEEYNASAAN FILEYNAY, WAASE FARAXSANAHAY HADAAD FARAHA NAGA QAADAY”
Hadii aan wax yar dib u laabano kasoo bilow AUN Madaxweyne Abdullaahi Yusuf, markii uu xlka ka dagay ee uu Sheekh Shariif la wareegay waxaa habeenkii la doortay subixi isaga soo huleeyay dhamaan shaqaalihii madaxtooyada, sidoo kale Markii la Doortay Xasan Sheekh mid la mid ah, balse waxaa taa mid ka duwan sameeyay Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale waxaa weli iyagana shaqoodda wata shaqaalihii Ra’iisul wasaarihii hore Cumar C/rashiid oo iyagana horey sidaa ahaan jiray.
W/Q Asad Dhayow
Mogadishu-Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Qaar ka mid kooxdii Damjadii oo galay takoor siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guul darradii lama filaan ku noqtay kooxdii Damjadii ee 8-dii bishii Febraayo ee la soo dhaafay looga adkaaday xilka madaxtinimada dalka ayaa qaar ka mid ah Kooxda, waxaa la soo gudboonaatay xaalad jahwareer ah oo gaarsiiyey inay qaar dalka ka cararaan qaar kalana ay guryahooda gabaad ka dhigtaan ka dib markii ay wajiga sii kari waayeen siyaasiyiinta iyo dadka magaca ku leh bulshada Soomaaliyeed.

Raggaan xaaladaan kali ahaanshaha ah ay la soo gudboonaatay ayaa ahaa wasiiro ka tirsanaa Xukuumaddii ugu dambeeysay ee Cumar Cabdirashiid kuwaasi oo ka qeyb qaatay iska horkeenka beelo Soomaaliyeed oo walal ah iyo daandaasni ay ku sameeyeen siyaasiyiin qaarkood kuraas Xildhibannimo ay ka hor istaageen iyo kuwa ciriir ay ku geliyeen kuraas xildhibaanimada xiligii ay socdeen doorashooyinkii xildhibaanimo ee ka dhacay magaalooyin ka mid ah gobollada dalka.

Marka laga yimaado awood sheegashooyinkaas ayaa haddana waxaa jira bahdil iyo hadallo aqlaaq darro ah ay u geeysteen siyaasiyiin, waxgarad iyo madax dhaqmeedyo Soomaaliyeed.

Inkastoo ay jireen wasiiradaasi dhallinyarada ah ee ficilada meel ka dhaca ah u geeystay siyaasiyiinta islmarkaana colaad ka dhax abuuray beelo Soomaaliyeed intii ay masuuliyada hayeen ayaa haddana waxaa jira rag badan oo ka tirsan Kooxda Damjadiid kuwaasi oo wali sumacad iyo karaamo ku dhex leh siyaasada iyo bulshada Soomaaliyeed walina aan looga maarmin garab istaagida dowladda Farmaajo sida Faraax Sheekh Cabdulqaadir, Cabdikariim Xuseen Guulleed iyo kuwa kale.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in raggaan Damjadiid ka ah ee qaarkood firaxadka dalka uga maqan iyo kuwa baholyoowga daashaday ee ku ku takri falalay masuuliyadii wasiirnimo ee uu u dhiibay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa lunsaday olalahii doorashada lacago badan oo loogu dhiibay xildhibaano iyo inay howl ku qabtaan taasi oo qeyb ka noqotay guuldaradii madaxweyne Xasan Sheekh oo sannado badan u sirnaa dhallinyaradaas Damjadiidka ee wasiirada ka ahaa xukuumadii ugu dambeysay ee Cumar Cabdirashiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Shirkadda NIKE oo soo bandhigtay xijaab dumarka ciyaartooyda muslimka loogu talagalay

Oslo (Caasimada Online) – Shirkadda caanka ku ah soo saarista dharka iyo kabaha ciyaaraha ee NIKE ayaa soo bandhigtay qorshe ay ku howlanayd sanado badan oo ay ugu talagashay haweenka Muslimka ah ee ka qayb qaata ciyaaraha caalamiga ah ee adduunka, waxayna haatan suuqyada soo dhigtay xijaab ay ugu talagashay haweenka Muslimka ah ee ka qayb qaadan doona tartammada orodka iyo wixii lamid ah.

Xijaabkan cusub oo ah nooc xirashadiisu fudddahay waxaa laga sameeyay maro qafiif ah oo sidii laastiigga u kala baxaysa lehna dulduleello yaryar oo hawo kasoo gali karto, wuxuuna soo shabahaa marada qammaarka.
Dadka xayaysiinta xijaabkaas ka qaby qaadanaya waxaa kamid ah gabar u dhalatay  Dubai oo la yiraahdo Zahra Lari oo ka qayb qaadan doonta ciyaaraha Winter Olympics ee ka dhacaya 2018 Pyeongchang, dalka South Korea, Imaaraadka Carabta (UAE.) ayay Zahra u tartamaysaa.
Zahra ayaa kusoo bandhigtay barta ay ku leedahay Instagram  sawirro ay ku labisan tahay xijaabkaas waxayna qoraal kooban ku tiri, “Ma rumaysan kartaa inuu xajiibkaas Dubai yaallo”.
Xagaaggii lasoo dhaafay gabadha la yiraahdo Ibtihaj Muhammad oo ah Muslim American  kana qayb qaadatay ciyaarihii Olympic-kada ee caasimadda Rio De Janeiro ayaa la arkay iyadoo xiran xijaab waxayna waqtigaas ku guulaysatay biladda maarta.
Sanadkii tagay bishii October ciyaaraha dumarka adduunka FIFA oo da’doodu ka yartahay 17-sano ee kana dhacay dalka Jordan ayaa soo jiitay indhaha caalamka markii gabdho muslimiin ah oo xiran qamaar la arkay intii lagu guda jiray tartanka.
Hay’adda la socodka anshaxa ciyaartoyda ayaa sanadkii 2014 ogolaaday in ciyaartoyda dumarka Muslimka madaxa daboolan karaan.
Laakiin guddiga anshaxa ciyaarhaa kubadda kolayga FIBA ayaa diiday in dumarku madaxa daboolan karaan inta lagu guda jiro ciyaarta kubadda kolayga.
 
Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.