25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

8 hab oo uu Farmaajo ula dagaalami karo musuqmaasuqa maamuleed

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaah Farmaajo ayaa ka ku sheegay ujeedkiisa koowaad ee dowladda inuu yahay la la dagaalanka musuqmaasuqa.

Haddaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa faalo ka hadleyso habka loola dagaalamo musuqmaasuqa:

Maanta dal iyo dadba waxaan la hitinaynaa wax aan gacmaheenna ku falkinno gabal dhacay iyo waabari kasta. Labo is kuma haysato in musuqu naafeeyay dhinac kasta oo ka mid ah dawladda iyo bulshadeenna Soomaaliyeed. Haddaba waxaan is ku dayaa in aan ku soo bandhiggo qormadaan qaababka looga hortagi karo musuqmaamsuqa, aniga oo kaashanaya dhiganayaal Cilmiyeed fara badan oo laga qoray mawduucaan. Waxaa lagama maarmaan ah in aan ku dhaqaaqno tillaabooyinka soo socoda, waa haddii ey naga go’antahay in aan cirib tirno musuqa, xididdadana u siibo, inta uusan noogu faafin sida dab xaabo la qabadsiiyay.

1- Is-xisaabin

Dhammaan shaqsiyaadka xilalka sare ka haaya dawladda ama xukuumadda waa in la hoos geeyaa weydiin qanuuni ah iyo mid anshaxba, taas oo la xariirta wax-qabkooda shaqo, micnaha shaqaalaha oo idil waa in lala xisaabtamo, iyada oo looga hibaysanayn xilka uu hayo iyo ina-ayihiisa. Arrin taas waxaa soo hoos galaya Wasiirro, xildhibaanno, saraakiil, ku xigeenno, iyo dhammaan qof kasta oo soo xil qaran haya.

2- Is- weydiin joogta ah.

In maamulayaasha hay’addaha dawladda ey weydiiyaan shaqaalaha guud sida ey hawsha u wadan, waxii qarashaad baxay, mirihii wax qabadkooda, isla maamulayaashaasna waa in ey jirtaa cid isha ku haysa oo ey ka baqanayaan, sida guddiyo daba-gala musuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha, kaas oo ka imaan kara golaha sharci dajinta ama golaha sharci fulinta, si loo helo wax is weydiin fool ka fool ah dhinac waliba, meeshana uga baxdo danaha shaqsiga ah ee xafiis kasta uu la ciirciirayo.

3- Hufnaan

Hufnaantu waa in hay’ad kasta oo ka mid ah dawladda shaaca ka qaaddo waxa ey u danleedahay, tillaabooyinka ey qaaddayso iyo yoolka ey u xusul-duubayso, micnaha haddii aan si kalo u dhigno in ey run ka sheegto wax kasta oo ey qabanayso, baahiso qaladkeeda oo ey qirato, mag iyo maamul wanaagna muujiso, niyad wanaagna ey tusto bulshada, waxba aan la qarin, dadkana xogta loo sheeggo, si bulshadu ugu qanacdo waxa loo qabanayo iyo waxa loogu maqanyahay, oo aan laga dhigin xafiisyada dawladda meel arrimo gaar ah lagu fuliyo, in ey meesha ka baxdo in xafiisyada hawlaha guud qabta iyo dadweynaha u dhexeeyaan dallaallo iyo laaluush qaatayaal sumacadda iyo muuqaalka dawladnimo dila, shacabkana qalin shubateeya.

4- Baraarug bulsho

Si loo helo talis qumman iyo maamul xalaal miirad ah, loona kobciyo garadka qofka u shaqeeya dawladda, waxaa lama huraan ah in la helo dhaqan iyo baraarujin ku saabsan xumaanta uu leeyahay musuqmaasuqu, arrintaasi waaxay laf dhabar u taahy qodobbada aan kor ku soo xusnay, waxay soo kabi kartaa kalsoonida muwaadiniinta ee burburtay, waxay horseeddi kartaa in uu soo af-jarmo musuqa iyo sed-bursiga buux dhaafiyay meel waliba. Haddii ey ahaan lahayd xafiisyada sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa guud, hay’addaha xukuumadda ama kuwa kale, ee aan dawliga ahayn, balse ey kala dhaxayso wada shaqayn toos ah dawladda.

5- Nidaam Dimuqoraadiya

Si ey u taabba-galaan dhammaan waxyaabihii aan soo sheegnay waxaa muhiim ah in la helo nidaam dimuqoraadiya, kaas oo kala saaraya awooddaha is ku dhex milqan, sida, sharci dajinta, fulinta iyo in la helo qanuun qayaxan oo qabanaya qof alle iyo qofkii lagu helo musuqmaasuq, oo si toos ah loola tiigsado gar-soorka, in qofkii ey ku caddaato arrinkaas shaqada laga eryo, in uu xil qaran qaban karin ilaa iyo in mudda ah, waa in uu jiraa hannaan nuucaas ah oo aan fasir iyo rogrogid kale aqbalayn, lama taabtaanna ah.

6- Hirgalinta Qawaaniinta

Waan in la dardar-galiyaa xeerarka ku saabsan musuqmaasuqa iyo ciqaabtooda, sida in la helo qaanuun caddeynaya in qofka xilka ka qabanaya Xukuumadda ama dawladda la ogyahay hantidiisa, kahor intuusan xil qaran qaban, in sanad kasta waxa soo gala la shaaciyo, in waasarad kasta boggeeda ku caddeyso waxa soo gala mas’uuliyiinteeda, in la helo qaanuun mamnuucaya laaluushka iyo in looga faa’iidaysto awoodda maamul si aan sharciga waafaqsanayn, taasna waxay ku imaan kartaa in awood buuxda la siiyo garsoorka sare, lagana daayo fara-qalinta siyaasadeed iyo midda beeleedba.

7- Anshax Guud

Si loo dhiso wacyiga qofka shaqaalaha ah ama mas’uulka ah, waxaa loo baahanyaahy in loo adeegsado wax kasta oo jilcin kara qalbigiisa, sida wacdiga diiniga ah, oo tusaya xumaanta waxa uu ku kacayo, taana waa in loo maraa xagga horjooggayaasha diinta, sida in khudbaddaha Jumcada lagu soo bandhigo todobaad kasta, in goobaha diiniga ah lagu faafiyo ololaha lagu la dagaalayo musuqmaasuqa.

8- War-baahin xor ah

Si loo helo war-bixinnada rasmiga ah iyo daba-gallo qoto dheer oo la xariira musuqmaasuqa ka dhex dhaca laamaha dawladda waxaa muhiim ah in aan helno saxaafad xor u ah helidda macluumaadka, waa in ey sharciyeysantahay saxafaddu misana heysato ilaalin qaanuuniya oo ka difaacaysa handadaadda iyo caga-juglaynta inta ey ku guda jirto shaqadooda. Taasi waxay u gogal xaaraysaa in la helo xog buuxda, oo ku saabsan qaabka wax u dhacayaan.

Gunaanad

Waxaan filaa in haddii aan qodobbadaas xil is ka saarno in wax uun is baddalayaan, waana wax maalin uun maal iyo maskax nooga baahan doona, laga yaabbo in ey qaarkeen dhag jalaq u siinayn hadda, balse waxaa imaan doonta maalin aan ka shallaynayno iyada oo la jooggin xilli la shallaayo.

W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane

CADDEYN: Mushaar la’aanta ciidamada oo xiisad dagaal abuurtay

Garoowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ugu saraysa ciidanka difaaca Puntland ayaa warqado Dacwad ah ka gudbiyay Wasiirka Maaliyadda Puntland oo la sheegay inuu u kala eexday Ciidamada Puntland.

Dacwadaani ayaa waxaa si wada jir ah u gudbiyay Taliye ku-xigeenka guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland General Dayr Xaaji Cabdi, Taliyaha ururka taliska Gaashaanle sarre Maxamed Ducaale Maxamuud ”Ayax” iyo Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Gaashaanle sarre Maxamuud Maxamed Axmed ”Gubadle”.

Taliye ku-xigeenka guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland General Dayr Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in Wasiirka Maaliyada maamulka uu ka beensheegay xuquuqda Ciidamada waxa uuna tilmaamay in xuquuqda ugu badan ay tahay mid ka maqan Ciidamada daraawiishta.

General Dayr, ayaa sheegay in marka laga soo tago Ciidamada daraawiishta, ay si gaara u xuquuq la’ yihiin ciidamada ku kala sugan Nugaal, Sool iyo Cayn, wuxuuna tilmaamay inaysan mushahaar qaadan 30 bilood.

General Dayr, waxa uu sidoo kale Dacwada ku xusay in ciidamada ku kala sugan Nugaal, Sool iyo Cayn ay intaa u dheertahay inaysan helin Adeeg iyo Raashin 32 bilood.

General Dayr ayaa ka dalbaday Baarlamanka , Hay,adda Xuquuqul Iinsaanka, iyo Gollaha Garsoorka inay soo kala saaraan Xukuumadda oo uu sheegay inay ku fashilantay bixinta mushahaarka iyo xuquuqda ciidanka.

Turkiga oo noqday wadankii ugu horeeyay ee dhaqaale ku tabaruca Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo lasoo dhigay barta  twitter-ka ee safaaradda Turkiga Muqdisho ayaa lagu sheegay in xukuumadda Ankara ay dowladda cusub ee Soomaaliya ugu deeqday malaayiin dollar oo ay u kaashaneyso miisaaniyada dhaqaale iyo mushaarka shaqaalaha.

Lacagta ay dowladda Turkiga ugu deeqday dowladda cusub ayaa dhan Lix milyan oo dollar, una adeegsan doonto kabka miisaaniyadda.

Qoraalka safaaradda ayaa lagu sheegay in taageerada ay siiyaan Somalia ay tahay mid dhiiri gelineysa horumarka ay dowladda dooneyso iyo inay horay u socoto.

Dowladda Turkiga ayaa qeyb ka bixin jirtay miisaaniyada dowladda federaalka, taasoo ay usia dheer tahay kaalmada shacabka ee dhinaca gargaarka iyo bini’aadanimada.

Turkiga sidoo kale waa dowladda kaliya ee mashaariic la taaban karo ka fulisa dalka Soomaaliya, ayada oo inta badan dowladaha reer galbeedka ay yihiin kuwa af un ku taageera Soomaaliya, oo wax la taaban karo aan qaban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Arrintii keentay inay Itoobiya taageerto Xasan Sheekh oo soo shaac baxday iyo sir ay laheyd Masar oo fakatay!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxay dowladda Itoobiya ka dhawaajiyey inay taageersan tahay madaxweynihii waqtigiisu dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud iyadoo dadaal badan ku bixisay sidii uu mar kale dib ugu soo laaban lahaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Arrintaas ay damacsaneyd Itoobiya ayaa kusoo dhamaatay guuldaro markii xildhibaanada dhallinyarada ah ee ku jiro baarlamaanka ay go’aansadeyn inuu dalka ka dhaco isbadal muuqdo.

Haddaba xog ay heshay Caasimadda Online ayaa muujineyso sababtii ka dambeysay inay itoobiya si kal iyo laab ah u taageeraan Xasan Shiikh Maxamuud oo xiriir fiican la lahaa Itoobiya.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wuxuu kulan qaas ah la yeeshay madax ka socotay dowladda Masar waxaana kulankaas Xasan Shiikh Maxamuud loogu sheegay sir ku saabsan in dowladda Masar ay dabada ka riixeyso xiisadda dagaal ee u dhaxeyso Itoobiya iyo oromada.

Masar ayaa Xasan si hoose uga codsatay inuu ku garab istaago dagaalkaas si meesha looga saaro maamulka hadda ka taliyo Itoobiya sidoo kalana uu wadanka galo xaalad siyaasadeed oo qasan.

Xasan ayaa xubnahaas u ballan qaaday inuu la garab istaagi doono balse waxaa dhacday mid taas ka duwan kadib markii uu banaanka usoo dhigay wixii sir ahaa ee lagu qarsaday.

Xasan Shiikh Maxamuud oo tagay Adis Ababa lana kulmay Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa kashifay sirtii lala wadaagay wuxuuna Itoobiya u sheegay inay Masar qiyaanadaas la damacsan tahay.

Wixii markaas ka dambeeyey waxaa xumaaday xiriirka dowladaha Masar iyo Itoobiya sidoo kalana waxaa Xasan Shikh Maxamuud ka aamin baxday dowladda Masar, taas badalkeeda wuxuu kalsooni buuxda ka helay  Hailemariam Desalegn

Tan iyo markaas Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa kalsooni u qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaana loo ballan qaaday inay Itoobiya ka caawin doonto sidii uu mar kale u noqon lahaa madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Shiikh ayaa ugu dambeyntii waayey kalsooniada Baarlamaanka Soomaaliya waxayna si cad hortiisa ugu doorteen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hal arrin oo lugu xamanayey Kheyre iyo Farmaajo oo meesha ka baxday iyo wasiirada oo…

Muqdisho (Caasimada Online)-  Waxaa la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliy Xasan Cali Kheyre soo gabagabeeyo caawa wadatashadiyada uu kula jiro  beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed si uu ugu qanciyo wasiirada uu soo magacaabo doono.

Haddaba waxaa si rasmi ah meesha uga baxday hal arrin oo lagu xamanayey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kaasoo dhawaan helay aqlabiyadda ugu badan ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa markii hore jireen hadal heyn ku aadan in liisaska Golaha Wasiirada ay yihiin kuwo diyaarsan, ayna suura gal tahay in waqtiyada soo socda lagu dhawaaqo balse hadda waxaa muuqato inaysan jirin wax horey loo diyaariyey ama qorshe ay madaxweynaha iyo Ra’isulwasaarha damacsan yihiin.

Arrintana ayaa waxaa ka muuqato inuu hadda Ra’isulwasaaraha raadinayo shaqsiyaadka ku haboon wasiirada taasina waxay meesha ka saartay inay jiraan shaqsiyaad xiriir dhaw la leh madaxwyenaha iyo Ra’isulwasaaraha oo qaadan doono wasiirada ugu muhiimsan.

Haddii wasiirada ay yihiin kuwa diyaar oo aan beelaha lagala tashaneyn waxaa dhici laheyd in mar hore lagu dhawaaqo wasiirada balse wuxuu Ra’isulwasaaraha waqti badan ku bixinayaa sidii uu beelaha soomaaliyeed ugala tashan lahaa magacaabista golihiisa wasiirada iyo shaqsiyaadka uu dhigi doono.

Arrintaan ayaa noqotay mid ay ku farxeyn dad badan oo markii hore aaminsanaa inay madaxwyenaha iyo Ra’isulwasaaraha horey u diyaarsadeyn shaqsiyaad ay la rabaan wasiirada.

Ra’isuwlasaaraha ayaa la filayaa inuu asbuuca soo socdo si rasmi ah ugu dhawaaqo golaha wasiirada waxaa xafiiska Xasan Cali Kheyre indhaha ku hayo qeybaha kala duwan ee bulshadada Soomaaliyeed oo ka warsugayo qaabka ay noqon doonaa wasiiradaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Sawirada: Khasaarihii ka dhashay Qaraxii goordhow lagu dhaawacay Xildhibaan ka tirsan PL

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa Qarax ku dhaawacmay Xildhibaan C/qaadir Bootaan oo kamid ah golaha wakiilada maamulka Puntland.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn Hotel Clasic ee magaalada Galkacyo oo uu degnaa Xidhibaanka sida laga soo xigtay Saraakiisha Amaanka Maamulka.

Dhaawaca Xildhibaanka ayaa iminka lagu dabiibayaa Isbitaalka guud ee magaalada Galkacyo, waxaana halkaasi ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in Qaraxa uu ka burburiyay qeybaha danbe ee jirkiisa, waxaana gaariga lagu dhex arkaayay qaar kamid ah Hilbihiisii.

Ciidamo ku hubeysan gaadiid dagaal oo caawa la wareegay qeybo ka mid ah Garowe

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamo aad u hubeysan ayaa Caawa si buuxda ula wareegay Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe.

Ciidamada la wareegay Kontoroolka ayaa la sheegay inay wataan Gaadiid Dagaal oo tirro ahaan lagu sheegay ilaa Lix gaari oo ay la socdaan Ciidamo aad u farabadan.

Ciidamadaani ayaa hakiyay dhammaan isu socodka Gaadiidka iyo Shacabka waxaana la sheegayaa in waddooyinka ay dhigeen biro waaweyn.

Ciidamadan ayaa la sheegay in sababta ay ula wareegeen halkaasi ay tahay Mushaar la’aan dhowr bil ah, waxa ayna Maamulka ka dalbanayaan inay bixiyaan xuquuqdooda.

Ciidamadaani ayaa waxaa ku jira kuwo horey ula wareegay xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland oo aan weli arrintooda la xalin.

Maamulka Puntland ayaan bixin Xuquuqda Ciidamada har iyo habeen usoo jeeda ilaalinta Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Farmaajo Maanta waa bil jirsaday waana Arbaco, waxa u qabsoomay iyo arrimo yaab leh oo la arkay

Muqdisho (Caasimada Online) – 08 February 2017 maalin Arbaco ah ayey aheyd markii uu Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku guuleystay doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Haddaba waxaa la arkay arrin yaab leh oo ah inu Farmaajo bil jirsaday sidoo kalana ay kusoo aaday maalin Arbaco 08 March 2017.

Maxaa u qabsoomay Farmaajo?

Madaxweynaha Soomaaliya tan iyo markii la doortay waxaa u qabsoomay dhawr arrin oo kala ah:

– Inuu la wareegay maamulka talada Villa Soomaaliya

– Inuu sameystay xaflad caleema saar heer sarre ah ayna kasoo qeyb galeyn madax ka kala socotay wadamada Africa.

– Wuxuu madaxweynaha xilka Ra’isulwasaaranimo u magacaabay Xasan Cali Kheyre waxayna aheyd tallaabadii ugu weyneyd ee uu sameeyey bishaan

– Madaxweynaha ayaa ku guuleystay inuu Ra’isulwasaraha uu magacaabay kalsooni buuxda uga helo Baarlamaanka Soomaaliya.

– Halkii bil ee Farmajo uu joogay waxaa magaalada ka dhacay dilal iyo qaraxyo qarosheysan

– Madaxweynaha ayaa saraakiisha ciidamada ku amray inay sugaan amniga ama ay xilka iska wareejiyaan.

– Madaxweynaha ayaa markii ugu horreysay hoggaamiyey shir caalami ah oo ka dhacay Muqdisho.

– Madaxweynaha ayaa la kulmay hey’adaha gargaarka bixiyo wuxuuna ka codsaday inay si deg deg ah dadka abaaraha saameysay wax ugu qabtaan.

iyo waxyaabo kale oo aan inta lagu soo koobi karin, waxayna intaan uu qabtay madaxweynaha muujineysaa dadaalkiisa iyo kartida uu u leeyahay inuu dalka hoggaamiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Golaha wasiirada Kheyre oo hal arrin kaga duwanaan doono kuwii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan la filayaa in lasoo magacaabo golaha wasiirada cusub maadaama uu Kheyre ku jiro la tashiyadii ugu dambeeyey ee beelaha Soomaaliyeed waxaana lagu wadaa inay noqdaan ilaa 25 wasiir.

Haddaba xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa xaqiijineyso inay golaha wasiirada Kheyr hal arrin uga duwanaan doonaan wasiiradii hore dalka usoo maray.

Wasiiradii hore ayaa lagu arki jiray hal shaqsi oo isku hayo laba xila sida Ra’isulwasaare ku xigeena ahna wasiir hebel balse xukuumadda cusub waxaa la filayaa inaysan wadaas marin.

Illo ku dhaw dhaw Ra’isulwasaaraha ayaa madaxweynaha ayaa tilmaamayo inay ka fiirsan doonaan in la arko hal qof oo laba shaqo haayo waxayna aaminsan yihiin inuu shaqsiga leeyahay hal maskax uuna qaban karo hal shaqo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ballan qaaday inuu soo magacaabi doono Ra’isulwasaare waxqabad leh dalkana wax badan kusoo kordhin karo wuxuuna keenay Xasan Cali Kheyre oo ah shaqsi firfircoon.

Taas mid lamid ah waxaa ballan qaaday Kheyre oo sheegay inuu isna keeni doono wasiiro waxqabadkooda uu noqon doono mid laga dareemo dalka waxaana la sheegayaa inuusan hal qof laba shaqo qaban ay kamid ah tahay istaraatiijada uu adeegsan doono Kheyre oo ah nin lasoo shaqeeyey hey’ado caalami ah.

Asbuuca soo socdo ayaa la sugayaa sida uu u hirgalo ballanqaadyada Ra’isulwasaaraha iyo sida ay noqdaan golaha wasiirada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Dilalka Muqdisho oo sii kordhaya iyo caawa oo la dilay guddoomiyihii…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Caawa la toogtay Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka Degmada yaaqshiid.

Dilka Guddoomiye waaxeedka ayaa la sheegay inuu ka dhacay xaafada Sanca ee Degmada yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macalin Shabeelow oo ka tirsanaa Guddoomiye waaxeedyada Degmadaasi.

Dilka ayaa waxaa geystay Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado kuwaa oo dilka kadib ka baxsaday goobta.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidanka ammaanka oo halkaasi ku qabqabtay ilaa 13 ruux oo ku sugnaa Goobta uu dilka ka dhacay.

Dilkaani ayaa barbar socda dilal dhowr ah oo ka dhacaayay magaalada Muqdisho tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

R/W Kheyre oo ku wareeray codsiyada beelaha iyo shuruudo adag oo uu hor dhigay!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa asbuuca soo socdo la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si rasmi ah ugu dhawaaqo golihiisa wasiirada waxaana jirto la tashiyo uu la sameenayo beelaha Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha ayaa la filayaa inuu caawa soo gebagabeeyo la tashiyadaas si uu asbuuca soo socdo ugu dhawaaqo golaha wasiirada, waxaana hadda soo baxday laba qodob oo xasaasi ah oo uu Ra’isulwasaaraha hor dhigay dhamman beelaha Soomaaliyeed oo uu kulamada la qaatay.

Dhibaatada ugu weyn ee keentay inuu Kheyr go’aankaan qaato ayaa lagu sheegay inay tahay maadaama dhammaan xildhibaanadii matalay beelaha oo uu la kulmay ay ka codsaneyn inay mid kasta isaga siiyo wasiirada ugu muhiimsan.

Qodobka ugu horreeyo oo uu Ra’isulwasaaraha hor dhigay xildhibaanadii matalay beelaha soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in yahay in beel kasta ay keenaan liiska shaqsiyaadka ay rabaan in loo magacaabo wasiiro.

Qodobka labaad ayaa lagu sheegay inuu Ra’isulwasaaraha beelaha Soomaaliyeed ka codsaday inay u madax banaaneeyaan inuu ciddii uu rabo kasoo xusho liiskaas ay beelaha soo gudbiyaan.

Qaar kamid ah beelihii uu la kulmay Ra’isulwasaaraha ayaa durba u sheegay inaysan dhici karin inay beelaha isku raacaan hal liis taasna ay noqon doonto caqabad weyn, balse wuxuu Ra’isulwasaaraha ka codsaday inay codka siiyaan qofkii uu isaga soo magacaabo.

Waxaa laga warsugayaa sida ay isku ad gartaan beelaha iyo go’aanka uu qaadan doono Ra’iuslwasaaraha waxayna u muuqataa arrintaan inay tahay loolankii ugu adkaa ee loo galo golaha wasiirada .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

R/W Kheyre oo seefta gasha kala baxay xayiraadna kusoo rogay akoonada wasaaradaha iyo Gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo gaaray Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inay maalintii seddexaad oo xiriir ah xiran tahay Labadii akoon ee gobolka Banaadir ku lahaa Bankiga dhexe Soomaaliya.

Amarka lagu xiray akoonadaan ayaa waxaa iska lahaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  wuxuuna si rasmi ah u xiray akoonkii ay dhaqaalaha gobolka ka heli jireyn dakadda ugu soo dhici jirtay waxaana lagu dhawaaqay inan gebi ahaanba wax lacag ah lagala bixi karin.

Sidoo kale wararka ayaa xaqiijinayo inay istaageyn dhammaan howlihii caadiga ahaa ee uu qaban jiray maamulka Gobolka Banaadir, waxayna midaan u muuqataa inay tahay mid gebi ahaanba ka duwan xayiraadihii ay madaxwyenayaashii hore kusoo rogi jireyn maaliyadda.

Dhanka kale Ra’isulwasaaraha ayaa si rasmi ah u xiray akoonadii ay lahaayeen dhammaan wasaaradihii waqtigooda dhamaaday mana jirto hal akoon oo ay laheyd wasaarad oo lacag lacaga bixin karo Bankiga Dhexe.

Arrintaan uu ku dhaqaaqay Ra’isulwasaaraha ayaa lagu macneeyey inay tahay sababo la xiriiro dowladda cusub ee uu dhawaan ku dhawaaqi doono waxaana la filayaa in dib loo furo marka golaha wasiirada lagu dhawaaqo.

Waxaa muuqato in  dowladda Farmaajo ay fulineyso ballan qaadkii ahaa inay la dagaali doonto musuq maasuqa iyo wax is daba marinta inta badan dhacdo xilliga kala guurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa looga hadlay kulankii dhex maray R/W Kheyre iyo Safiirka Jarmalka ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliy Xasan Cali Kheyre ayaa bartiisa Twitterka wuxuu soo dhigay qoraal sawiro iyo qoraal uu ku sheegay inuu maanta kulan la yeeshay Safiirka dowladda Germany u fadhiyo Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay inuu safiirka kala hadlay sidii ay dowladiisa uga qeyb qaadan laheyd gurmad soo sameenayo dadka ay abaarta ku dhufatay ee ku nool gobolada Soomaaliya.

Safiirka Germany oo ah haweeney  lagu magacaabo Jutta Frasch ayaa Kheyre u ballan qaaday inay dowladda Germany tallabo fiican u qaado doonto dhanka u gurmadka shacabka ku dhibaateysay Gobolada qaar.

Dhanka kale labadaan mas’uul ayaa iska wareystay xaaladda siyaasadeed oo ay gashay Soomaaliya waxayna safiirka sheegtay inay si weyn usoo dhaweeneyso dowladda cusub.

Sidoo kale labada dowladood ayaa ku heshiiyey in xiriirka u dhaxeeyo la kordhiyo isla markaasna Germany ay mashaariic ka fuliso Soomaaliya, waxaana arrintaas si weyn usoo dhaweeyey Ra’isulwasaaraha.

Qoraalkii uu madaxweynaha soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sidaan u qorneyd

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Khilaaf  ku saabsan wasiirada ugu muhiimsan DF oo ka dhex qarxay beelaha Habargidir iyo Abgaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in la-tashiyo dheeraad ah ay socdaan oo ku saabsan dhameystirka liiska Golaha Wasiisrada, waxaana la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha dhawaan soo gabagabeeyo wadatashiyada uu ku jiro beelaha Soomaaliyeed.

Magacaabista golaha wasiirada ayaa loogu baahday waqti dheeraad maadaama ay soo if baxeyn khilaaf xoogaan oo ka dhex bilawday beelaha Abgaal iyo Habargidir oo loolan adag ugu jiro sidii ay mid kasta ay u heli laheyd wasiirada ugu muhiimsan xukuumadda Kheyr ku dhawaaqayo.

Beelaha Abgaal iyo Habargidir ayaa la filayaa inay helaan wasiirada arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka waxayna isku heystaan sidii ay u kala qaadan lahaayeen.

Ilo wareed ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in la wado qorshe ah in mid ka mid ah beelaha Hawiye, Wasiir darajadiisa hoosey iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen la isugu daro, si loo qanciyo, halka Wasiirka muhiimka ee la siiyo Beel kale.

Arrintan ayaa la sheegay inay noqotay tan keentay in wada tashiyo dheeraad loogu baahdo, si beelaha loo qanciyo, waxaa lagu wadaa in caawa la dhameeyo waxyaabaha yar yar.

Xilalka wasiirada muhiimka ah iyo u qeybinta beelaha ayaa ah arrinta ugu weyn ee hortaalla Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku wareersan beelaha Soomaaliyed.

Magacaabista golaha wasiirada ayaa u dhacday asbuuca dambe waxaana la filayaa inay madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha qanciyaan dhammaan beelaha isku hardamayo xilalka ugu muhiimsan ee golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Booliska oo badbaadiyey gabar 14 jir ah oo loo soo xiray suunka qarxa

Maiduguri (Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska dalka Nigeria ayaa gacanta ku dhigay daqiiqado yar ka hor gabar 14 jir oo damacsaneyd inay isku qarxiso ciidamada dowladda markii ay soo xiratay jaakadda lagu rakibo qaraxyada magaalada Maiduguri.

Gabadhaan oo ay kusoo xireyn qaraxaan ururka dalkaas ka dagaalamo ee Boko Haram ayaa lasoo sheegay inay dooneyso inay is miidaamiso taasoo noqotay mid aad loola yaabay.

Sida ay sheegtay SKY News, gabadhaan kasoo jeedo dalka Nigeria ayaa booliska u sheegtay inay Boko Haram soo siisay lacag gaareyso 200 oo lacagta Nigeria ah kadib ay amreyn inay  xirato suunka qarxo  iskuna qarxiyo meel  ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda Nigeria.

Gabadhaan ayaa waxaa wehlisay gabar kale oo ay saaxibo ahaayeen waxayna labadooda booliska u sheegeyn inay arrintaan ku qasbeyn mintidiinta Boko Haram sidoo kalana ay siiyeen lacagtaas aadka u yar.

Hadal heynta ugu badan dalka Nigeria ayaa noqotay sida ay Boko Haram ugu dhiiradeyn inay gabadhaan 14 jirka ah usoo xiraan suunka qarxo.

Ururkaan ayaa dhawr jeer dalkaas ka geystay weeraro iyo qaraxyo sidoo kalana waxay mar afduubteen ardayda aad u yar yar oo ay heysteen muddo badan weliba ilaa hadda la la’yahay qaarkood.

 

Xog: Tirada Wasiirada oo la kordhinayo iyo beelo aan horay u muuqan oo ka dhex muuqan doona

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dib u dhaca ku imaaday magacaabida Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, oo lagu waday in maanta oo Arbaca ah uu ku dhawaaqo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaaraha uu dib ugu laabtay la kulanka Beelaha oo qabyo u ahaa, waxaana la sheegayaa in shaacinta Golaha ay gaari doonto ilaa dhammaadka Asbuuca soo socda.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Kheyre uu kordhinaayo cadadka Golaha Wasiirada, iyadoo kordhintaasi ay sabab u tahay dib u dhaca maanta ku imaaday shaacinta Golaha.

Ra’isul wasaaraha oo markii hore qorsheynaayay inuu magacaabo 20 Wasiir iyo ku-xigeen, ayaa waxaa iminka soo baxaaya in Kheyre uu iminka gaarsiinaayo Golaha 25-Wasiir, kuwaasi oo isugu jira Siyaasiyiin xilal hore ka soo qabtay Dowladihii hore iyo Wejiyo ku cusub Masraxa Siyaasadda.

Warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in Cadadka Golaha la gaarsiin doono ilaa 30, haddii Beelaha qaar ay kordhiyaan Cabashooyinkooda, waxaana arrintaasi sabab looga dhigayaa inay soo baxeen beelo dhowr ah oo ku qadsanaa Dowladihii hore.

Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre ayaa dhex maquuraaya xaalad Jahwareer waxaana laga cabsi qabaa inuu sii dheereyo xiliga magacaabida Golaha, waxaana soo baxaaya Caqabado dhowr ah.

Si kastaba ha ahaatee, Kheyre waxaa xilkaasi loo magacaabay bishii February 21-dii, iyadoo ay Xildhibaanadda ansixiyeen magacaabistaasi bishan March 1-dii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xogtii ugu dambeysay ee ku saabsan malaayiin Dollar oo laga dhacay garoonka diyaaradaha…

Johannesburg (Caasimada Online) – Ciidamo hubeysan oo ku labisa dareeska ciidamada Booliska Koonfur Africa ayaa  lasoo sheegay inay dhaco iyo boob u geysteen garoonka Caalamiga ah ee Johannesburg.

Ciidamadaan burcadda ahaa la garoonka ka dhacay lacag badan oo ku jirto konteenar yaalay garoonka dhexdiisa, waxaana la isku khilaafay cadadka lacagta ay ciidamadaas ka qaateenka garoonka.

Waxay wararka rasmiga ah sheegayaan inay gaareyso lacagta halkaas laga dhacay Malaayiin Dollar oo laga lahaa dalal ka duwan.

OR Tambo oo ah shirkadda maamusho garoonka ayaa xajiisay dhacdadaan ka dhacday garoonka ugu mashquulka badan guud ahaan dalka Koonfur Africa.

Bayaan ay soo saartay shirkaddaas ayey ku sheegtay inaysan jirin wax rasaas ah oo dhacday intii uu socday boobkaan, sidoo kalana waxay xaqiijisay inay ciidamadii dhaca geystay si nabadgelyo ah isaga baxsadeen goobta.

Ciidamadaan hubeysan ayaa si lama filaan ah gudaha ugu galay meelo aan garoonka laga ogoleyn in la galo taasoo ah meel lagu keediyo lacagaha iyo qalabka kale ee garoonka loo isticmaalo.

Ciidamadaan ayaa markii ay qaateen lacagta waxay garoonka ka wateen gaari yar oo ay ku baxsadeyn lacagtana isaga ayey saarteen.

Booliska Koonfur Africa ee la aaminsan yahay inay si gaar ah u tababaran yihiin ayaa ka gaabsaday inay saxaafadda uga warbixiyaan qaabka ay arrintaan u dhacday.

idaacada ENCA ayaa faafisay codka u hadashay booliiska, oo lagu magacaabo Athlenda Mathe taasoo ka dhawaajiyey inaysan hadda ka warbixin karin tirada ay la eg tahay lacagta la dhacay iyo qaabka ay u dhacday.

Ciidamadaan oo watay gaari yar ayaa waxaa istaajiyey ilaalada sida gaarka ah loo leeyahay ee ilaaliso garoonka waxayna ku wargeliyeen inay yihiin booliska oo arrimaha gaar ah garoonka ugu socdo sidaas ayaan loo fasaxay.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa hadda sheegayo inuu garoonka sidiisii caadiga aheyd kusoo noqday ma jirto wax dhibaato ah oo hadda ka jirto marka laga reebo lacagta tirada badan ee laga qaata.

Caasimada Online
Xafiiska Johannesburg
[email protected]

Xog-Warran: Maxaa ka jiro inay Puntland weerar ku tahay Gobollada Sool iyo Sanaag?

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo baxayo warar sheegayo in maamulka Puntaland ay isku diyaarinayaan weerar ay ku qaadaan Gobolada Sool iyo Sanaag sida ay illo wareedyo ku dhaw dhaw saraakiisha Puntland xaqiijinayaan.

Taliyaha ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay lagu wargeliyey inuu ciidamo badan u diyaariyo howlgalkaas lagu doonayo inay Puntalnd gacangteeda soo gelisay Soon iyo Sanaag.

Waxaa jiro siyaasiyiin badan oo kasoo jeedo Puntland kuwaas oo ka hor imaaday qorshaha lagu doonayo in lagu weeraro sool iyo Sanaag waxayna ku tilmaameyn arrintaas inay tahay mid qaldan oo ay dowladda kaligeed go’ankaas gaartay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa la sheegay inuu yahay shaqsiga go’aankaas qaatay wuxuuna rabaa inuu maalmaha soo socdo dagaalkaas qaado isagoo iska indha tirayop talada ay siinayaan qaar kamid ah sarakiisha ciidamada Puntland.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa horey u dagaalamay dhawr jeer waxaana halkaas ka dhashay khasaaro isugu jiro naf iyo maal waxaana dagaaladii ugu dambeeyey lagu kala qabsaday maxaabiis inkastoo markii dambe lagu heshiiyey in la is dhaafsado.

Wixi warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla soo socdosiin doonaa Inshaa

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Kheyre waa dhameystirka hal ku dhigii Xasan ee ahaa ‘Qabyo Ninkeedaa Dhamesytira’

In aad xil qabato, ama qof Xil haya aad talo ka bixiso, waa laba xaquuuq oo ay soomaali u siman tahay. waana laba mas,uuliyad oo aan kala miisaan yareyn. waliba Xaquuqda talo bixinta ayaa mudnaaan leh, waa haddii ay xaqiiq & niyad wanaag cuksan tahay.

Soomaaliya sida ay waayo ugu jirtay dagaal sokeeye, ayeey muddooyinkan dambe ula liiceysay Dowlad tabar daran, oo musuq-maasuq hoooy u ah. Intii Xukuumad soo martay, ilaa hadda lama hayo mid shacabka hoo tiri, oo reebtay wax qabad la taaban karo.

RW Kheyre waa la ansaxiyay, waliba cod buuuxa oo aqlabiyad leh. macnuhu waa in dhammaan Xildhibaanadu ay u arkeen in uu yahay wiilka marxalada maanta taagan, haddana fulin kara qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee Danta Dalk & Dadka. Laakiin taas mid ka duwan RW Kheyre waa waji cusub oo Siyaasada Soomaaliya u abuuraya hey,ad kulansata Dhaqaalaha Shidaaalka & awoodda Qaanuun ee Dalka.

Mudane Kheyre muuqa Siyaasadeed kuma cusba. si dadban ayuu Siyaaasada ugu jiray. Laaakin ma uusan heyn xil muuqda. Waxuu xariir dhaw la-lahaa Madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh. Xariirka Xasan Shiikh & Mudane Kheyr waa wajiyo badnaa. waxaase ubad dhexaad u ahaa hawlaha shaqo ee Shirkada SOM Oil & GAS.

Soomaaliya waa dal dihan. kheeyraadka Ilaaheey ku maneystay, inta muuqata waxaa ka badan inta qarsoon oo ayanaan xeelad & awood u heyn. hoogga Soomali gaaray waa mid xariir la leh awoodda qarsoon ee aan ku kor fadhino, Shidaalka, gaaska, Dahabka & Dheemanka intuba waa Kheyraaad magaca Soomaali ku qoran, laakin damacoodu waa mid u dhaxeeya aduunka oo dhan.

Shirkado badan oo shidaalka baara, ayaa daneynaya in ay helaan heshiis ogolaansho oo Soomaaliya ah. Loolanka waxuu xariiir la leeyahay wajiga Siyaasadeed ee Soomaaliya. waxuuna u dhaxeeya wadamo badan oo soomaaliya xariir dhaw la leh. haddii kol hore ay ugu cad-caddaayeen shirkadaha Mareykanka ee shidaalka, maanta waxaa suuqa Soomaaliya ku jira shirkado wadamada Yurubta ah. Xariirka dhow ee Dowladda Somaaliya & Britain waxaa laga dheehan karaa in armaha Shidaal baaridu ay qeyb ka tahay.

Shirkadda SOM Oil waxey xariir hoose la laheyd dowladdii Xasan Shiikh. Xariirkan waxaa udub dhexaad u ahaa mudane Kheyre, oo magaca Soomaali wata, marna ka mid ah xubnaha saamiga ku leh. Magacaabida Kheyre ee Boooska Wasiirka koowaad waa natiijo ka dhalatay xariirkaa & Doorka uu ka qaatay kana qaadan doono meel-marinta qorshaha shirakaddan.

Waxaan is weeydiyay Haddiba Madaxweyne Farmaajo uu goostay in Booska Wasiirka koowaad uu siiyo Beesha uu ka dhashay mudane Kheyre, maxaa loo heli waayay qof Qabiilkan ah, haddana ka fog tuhmada ganacsi ee la xariirta Shirkadaha Shidaalka & Xariirka dhaw ee Xasan Kheyre & Xasan Shiikh. magacaabida Xasan Kheyre waa is faham dhexmaray Madaxweyne Farmaajo & Mudane Xasan Shiikh, waana hal qeyb oo ka muuqata Qabyadii Xasan Shiikh dhameystirka ka rabtay (Qabyo Ninkeedaa dhamesytira)

Gef ma ahan in uu yimaado Shaki isku xiraya Magacaabida Xasan Kheyre & Danah Shirkadaha caalamigu ay ka leeyihiin Shidaalka Soomaaliya, waliba xilligan oo ay Soomaaliya laheyn Qaanuun & Xeer dhigan oo sugaya xaquuqda dhan walba. taa badalkeeda waxaa jira cabsi ah in si boobsiis ah loo bixiyo sharciyo shidaalka lagu baarayo, haddana ay qeyb ka yihiiin madaxda Dowladda u sareysa, taa oo abuuri karta Jabhado Maalka & Sharciga garab ka dhiganaya. tusaale waxaa noogu filan Dacwada Badda ee ay Kenya la soo taagan tahay in Soomaaliya & ayada la isku daayo, taa oo fasireysa in Kenya ay kalsooni buuxdo ka qabto madaxda Soomaalida, haddii kiiska Baddadhexdooda la soo dhigo.

Codka aqlabiyada uu Mudane Kheyre ka helay Baarlaamnka waxuu muujinayaa niyad wanaag ka yimid xubnaha Aqaalka hoose, laakin maalmaha soo socda ayaa feydi doona dhabta Mudane Kheyre & xaqiiqda Talo bixin ee Qalinka Qoraaga ku biiriyay diidmada Codka Mudane Kheyre.

Waxaa qoray: Mahdi Muse

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Kheyre oo kalsooni darro la kulmi doona haddii lagu helo 3 qodob oo daashada xukuumadihii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Khayre, ayaa lagu wadaa in Gudaha Asbuucaani uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada ee Xukuumada cusub.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhexda uga jira la tashiyada Beelaha Soomaaliyeed, waxaana walaac laga muujinayaa in Ra’isul wasaaraha uu dib usoo celsho Wasiiradii hore ee Xukuumada Cumar C/rashiid.

Xubnaha ololaha ugu jira kamid noqoshada Golaha Wasiirada ayaa waxaa kamid ah Wasiiro hore kuwaa oo garan muuqda ka helaaya Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu wato ilaa Seddex mas’uul oo ka tirsan Xukuumada sida KMG ah usii heysa xilka kuwaa oo qorshuhu yahay in lagu soo daro Golaha cusub ee uu dhawaan ku dhawaaqi doono Ra’isul wasaare Kheyre.

Ra’isul wasaare Kheyre oo culeysyo badan kala kulmaaya Madaxdii hore, ayaa waxaa la hadal hayaa inuu ku hingoobi doono mudnaanta lasiiyay haddii lagu helo qodobada soo socda:

1-Kheyre ayaa lumin doona Kalsoonida ay iminka ku qabaan Shacabka haddii Golaha la magacaabi doono ay kasoo dhexmuuqdan Wasiiradii horay ugu hingoobay shaqada qaran.

2-Xukuumada Kheyre waxa ay lamid noqon doontaa xukuumadihii hore haddii lagu soo biiriyo Wasiiro aan la socon halka ay iminka mareyso xaalada iyo Siyaasada Somalia.

3-Waxa uu kacdoon iyo mucaaridnimo kala kulmi doonaa shacbiga Soomaaliyeed haddii uu ka weecdo saami qeybsiga horay loo jideeyay.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa iminka beelaha Soomaaliyeed ku qancinaaya inay ka dhexmuuqan doonaan Golaha Wasiirada ee uu soo dhisaay taa oo u dhexeyn doonta ilaa 20 Wasiir iyo ku-xigeenadooda.

Caqabadaha ugu badan ee uu iminka la kulmaayo Kheyre ayaa ah in Wasaaradaha qaarkood ay ku dhagan yihiin qaar kamid ah Beelaha Soomaaliyeed, waxa ayna taa qarka ka tuureysaa rajadii laga qabay Xukuumada cusub, waa haddii Beelaha laga tira badan yahay aysan helin Wasaarado tayo leh, maadaama hal heeska Dowlada cusub uu noqday Isbedel lagu soo dabaalo dalka, si loo muujiyo sinaanta Beelaha Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa looga fadhiyaa in si siman uu u qanciyo Beelaha Soomaaliyeed ee dhowrkii sano ku hardamaayay awood qeybsiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]