25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Ahlu Sunna oo farriin cad u dirtay Kheyre kana dalbaday qaabka ay rabaan inay noqdaan wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Shiikh Maxamed Shaakir oo ah Madaxweynaha Dowlada Gobolada Dhexe ee Ahlu Suna ayaa markii ugu horreysay ka hadlay golaha wasiirada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqo doono iyo sida ay Ahlu Sunna u aragto.

Madaxweynaha Ahlu Sunna ayaa ka hadlay waxyaabaha loo baahan yahay in laga dhex arko golaha wasiirada cusub wuxuuna soo jeediyey fikir ku aadan arrintaas.

Sh. Shaakir ayaa  ka dhawaajiyey in xukuumadda cusub laga doonayo inay qabato howlo badan oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto wuxuuna ku taliyey in lasoo magacaabo shaqsiyaad waxtar u leh ummadda Soomaaliyeed.

Shiikh ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya in meesha laga saaro  nin jecleysi, wuxuuna kula taliyey in shaqsiyaadka xilka loo dhiibayo lagu doorto aqoontooda iyo kartida ay u lahaan karaan inay maamulaan shacabka Soomaaliyeed.

Ahlu Sunna oo la ogaa inay si weyn uga hor timaaday siyaasadii Xasan Shiikh Maxamuud iyo dowladdiisa ayaa wuxuu hadalkaan muujinayaan inay si weyn u taagersan yihiin xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’isulwasaaraha ayaa ku dheeraaday la tashiyada uu la sameenayo beelaha Soomaaliyeed si uu usoo magacaabo wasiiro la imaado waxtar iyo isbadal rasmi ah oo ku dhaco siyaasadda Soomaaliya iyo maamulkeeda.

Hadalka Ahlu Sunna ayaa imaanayo Xilli la filayo inuu Ra’isulwasaaraha dhawan ku dhawaaqo golihiisa wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Deg deg: Maxaa soo kordhay oo keenay inuu RW Kheyre saxaafadda ugu yeero Xafiiskiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ay caasimadda hadda ka heleyso xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa sheegayo in halkaas looga yeeray saxaafadda kala duwan ee Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu saxaafadda kula hadlo xafiiskiisa isla markaasna uu shir jaraa’id qabto, waxayna arrintaan imaaneysaa xilli saacdihii ugu dambeeyey laga filayey inuu soo magacaabo golihiisa wasiirada.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxayo sababta uu Ra’isulwasaaraha ugu yeeray saxaafadda waxayna warar qaar sheegayaan inuu ka hadli doono waxyaabo kasoo kordha arrimaha abaaraha isla markaasna uu halkaas kulan kula leeyahay guddi ka socdo ganacsatada Soomaaliya.

Warar kale oo aan la hubin ayaa sheegayo inay macquul tahay inuu Ra’isulwasaaraha ku dhawaaqo golihiisa wasiirada cusub, balse midda ugu dhaw  xaqiiqda ayaa ah inuu ka hadli doono arirmaha abaaraha.

Mr Kheyre ayaa wajahaya caqabado kala duwan oo ay ugu weyn tahay qaabka Xukuumaddiisa ula tacaali doonto xaaladaha bani’aadanimo ee dalka ka jira, iyadoo horay uu uga soo shaqeeyay arrimaha bani’aadanimada.

Dhinaca kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in wali socoto wada tashiyadii Ra’iisul Wasaaraha waday ee ku aadan howlaha magacaabista Golaha Wasiirada, waxaana la filayaa in todobaadka soo socda lagu dhawaaqo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faallo: Barcelona waa Farmaajeysay!! Arbaco iyo bil sideed ah waa nasiibka sanadkan (Lama Filaan )

Markaad dib u gocato Maqaalkii aan qoray Maalin Lix (6) ah bisha Sadexaad, Ammintuna tahay 16:05 Xilliga Geeska Afrika, wuxuu ahaa mid abuuray kala duwanaasho fikradeed oo aad u baahsan, waase wax aan filayay in hal maqaal aan la deeqsiin karin bulsho dhan oo kala maskax, caqli iyo dareen duwan.

Aniggu ma aheyn mid ka turjumaya cid gaar ah, balse waxey ila tahay in 60% dadku ay fahmeen ujeedka qormadeyda oo aan ku cabirayay in lama filaanka uu suuragal yahay waqti walba balse kooxda Paris Saint Germain ay heysatay fursadda ugu fiican.

Waa Hubanti in qof walba uu garwaaqsan doono – in cabirkii aan ku saleeyay isbadalkii ka dhacay Somaliya inuu ka dhici karo Camp Nou aan ku saxnaa, balse hubaal waxey aheyd wax aada u adag inuu qof aamino iney xitaa waxaan dhici karaan.

AAN DIB KUGU CELIYO MAQAALKII HORE:

Maqaalkii hore wuxuu noqday mid saameyn xoog leh, wuxuu noqday mid ay qof walba dib u jecleysan karto iney aqrisato – inkastoo qudheyda aan wax eed ah ku lahaan laheyn xitaa hadii ay ku fashilmi laheyd madama aan carabka ku adkeeyay in PSG fursad waafi ah heysato.

Waxaa Jirtay inaan qoray dhawr qodob oo rumeyn kara Lama filaankii iyo Riyadii xalay ka dhacday Camp Nou Dib U Aqriso.

TAAGEERAYAASHA BARCELONA:

Jamaahiirta Barcelona aad bey uga qeyb qaateen hanaanka kooxda waayo waxey ku taageereen codkooda waana wax laga sugayay Catalonia.

MSN – OO AY MAALINTOODII TAHAY:

Waxey aheyd maalintooda? MSN aad bey u dadaleen waxey sameeyeen 4-gool iyo 1-caawinaad, waxeyna ka caawiyeen kooxdooda iney soo baxdo.

ISKU DHEX-YAACA PSG:

Haa! Waa isku dhex yaaceen, waana waxyaabaha ugu badan ee siiyay fursadda ugu fiican kooxda Balaugrana.

UNAI EMERY OO HAFA:

Cidna dood kama keeni karto in Unai Emery uu hafay (Qalad galay), waayo wuxuu qaatay go’aamo aan u qurux badneyn kooxda (Di Maria inusan kusoo bilaabin iyo inuu Adrien Rabiot) garoonka ku hayay ayaana ugu weyn.

GO’AANNO GARSOORE:

Qof walba waa inuu qiyaasto go’aanno garsoore iney dhici karaan, waliba waxaan carabaabay in go’aanno garsoore oo wanaag u ah Barcelona iney gacan weyn siin karto, waxaana garsooraha Jarmalka ah uu dhigay laba rigoore sidoo kalana wuxuu indhaha ka dabooshay qaladaad kale oo Barca dhib ku ahaa, balse waa aragitidiisa garsoore – waana beni’aadam maahan Robbot.

TER STEGEN OO NOQDA SPIDERMAN

Inkastoo uusan noqon Spiderman, hadana goolkii uu ka badbaadiyay Cavani, waa mid nooleyay rajada kooxdiisa, wuxuuna sameeyay wax wanaagsan.

Hagaag!! Aan isla imanno gunta maqaalka, Barcelona waxey sidii aan inyar filayay sameeyeen lama filaan, waxeyna muujiyeen iney yahiin kooxda ugu weyn kubadda cagta sidoo kalana waxey sameeyen taariikhdii ugu weyneed ee kubadda cagta.

Qodobaadii Aan Qiyaasay Iney Barcelona Siin Karaan Lama Filaanka Ma Dhaceen? Ma Ila Qabtaa Iney Qodobadaas Saacideen? Su’aal Jawaabteeda laga doonayo

BARCELONA WAA FARMAAJEYSAY?

Hubanti Barcelona waa Farmaajeysay [Markaan ku leeyahay maahan inaan isbarbardhig ku sameynayo koox iyo shaqsi, balse kaliya ka eeg dhanka lama filaanka, cidna ma fileynin in Barca soo bixi doonto xitaa Dadka Catalonia.

Balse inaad fisho wax lama filaan ah waa geesinimo dhankeeda leh, igumana ahan amaan balse wax walba oo dhici kara haka baaqsan inaad tusmeyso.

BIL SIDEED AH IYO ARBACO WAA NASIIBKA SANADKA:

Sidaan isugu lifaaqay labada lama filaan ee dalka Soomaaliya iyo kan Barcelona ee Champions League-ga, ayaan wali ku taaganahay waxeyna labaduba dhaceen Bil Sideed ah, laba bil oo xiriir ah iyo maalin Arbaco ah.

Ma Dhihi Karnaa Arbaco IYo Bil Sideed Ah Sanadkaan Waa U Nasiib? Si fudud haa markaan aragno wixii dhacay, inkastoo ay jiraan dhacdooyin badan oo naga qarsoon hadana intaan ognahay waxaan ku qasbanahay inaan dhahno waa sidaas.

GUNTII IYO GABAGABADII:

Qof walba fahamkiisa waa gooni, waxaana suuragal ah inaad u aragto inaan ahay qof maqaalkisa ku saleeyay taageero – cidna ma badali karto fikirka aad qormadeyda ka qaadato, balse waxaan rajeynaa in ugu yaraan u qaadato in qormadaan aysan ka imaan maskax waaya arrag fog u ah kubadda catga.

Waxaa Diyaariyay: Abdirashid Mohamud Nor “SHardinHo”

Xog-warran: Maxaa ka jiro in R/W Kheyre uu Farmaajo u gudbiyey liiska wasiirada cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegayo inuu Ra’isulwasaraha ugu dambeyn dhameystiray liiska golihiisa wasiirada.

Ra’isulwasaaraha ayaa lasoo sheegayaa inuu madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyey liiska golaha wasiirada oo dhameystiran si uu isaga u saxiixo fikirkiisana ugu darsado inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegayo in weli ay jiraan beelo Soomaaliyeed oo aan weli ku qancin golaha wasiirada.

Ra’isul wasaaraha oo inta badan xubnaha Golahaasi diyaariyay ayaa la sheegayaa in caqabad uu kala kulmaayo Beesha Xawaadle oo ku dhagan Wasaarad gaar ah.

Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa la sheegay  inuu yahay sababta ugu weyn ee hor taagan in golaha wasiirad lagu dhawaaqo kadib markii uu ku gacan seyray wasaarad loo qorsheeyey beeshiisa.

Ugaaska ayaa dalbaday in Beeshiisa lasiiyo Wasaarada Arrimaha Gudaha ama Amniga, waxa ayna arrintaasi sababtay in Ra’isul wasaaraha uu dib u bilaabo qancinta Beesha Xawaadle.

Haddii Uu Ra’isulwasaaraha ku guuleysto qancinta beeshaan waxaaa la filayaa inuu dhameystiro golihiisa wasiirada sidaasna uu madaxweynaha ku saxiixo liiskaas oo ay rajeenayaan inuu yahay midkii ugu haboonaa ee lasoo magacaabo.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre “Ceybtii aan ku xaman jirnay kuwii naga horeeyay leyguma xaman doono”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa mar kale ku adkeystay in Xukuumadiisu ay laali doonto dhammaan dhaqanadii xumaa ee laga bartay Xukuumadihii hore.

Mr Kheyre waxa uu sheegay in Xukuumadiisu ay cuuryaamin doonto shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa iyo Khilaafka waxa uuna tilmaamay inaan lagu xaman doonin wixii ay ku xaman jireen kuwii isaga ka horeeyay.

Waxa uu sheegay inaan laga raali noqon doonin shaqsiyaad ka tirsan Dowlada oo ku mashquula Hantida Qaranka kuwaasi oo uu sheegay inay ka sifeyn doonaan Xarumaha Dowlada.

”Waxaan ka dhabeynayaa inaan ciribtiro dhammaan shaqsiyaadka ku sifoobay musuqa ee ka dhex shaqeeya Xarumaha Dowlada hadda ayaan sheegayaa inaan isla shaqeyn doonin kuwa noocaasi ah”

Waxa uu sheegay Xukuumada uu soo magacaabayo maalmaha soo aadan in ay ka shaqeyn doonto ilaalinta Hantida guud ee Qaranka, isagoo dhanka kale shacabka ugu baaqay in ay la socdaan Hantida Qaranka, si looga hortago ku takri fal.

Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadihii hore ay ku xaman jireen Musuqa iyo ku tagrifalka Hantida Qaran waxa uu taa bedelkeeda sheegay inaan Xukuumadiisa lagu xaman doonin waxyaabihii lagu xantay kuwii hore.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo dhawaan sheegay inaysan fiirsan doonin musuq iyo ku tagrifal Hanti Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Taliyaha xogga dalka oo shaaciyey shaqsiyaad si been ah u dalacay iyo tallabo uu ka qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xagga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa ka hadlay dalacsiin badan oo ka dhacday gudaha ciidamada Xoogga Soomaaliya isago ka dhawaajiyey inaan arrintaas la iska yeeli doonin lana xisaabtami doono.

Maxamed Aadan ayaa ka dhawaajiyey inay maalmihii ugu dambeysay maqlayey inay dhaceyn dalacsiin aan wadadii saxda ah loo marin taasna aysan xaq aheyn wuxuna yiri:

“ Imtixaan ayaan idin marin doonaa idinkama yeelayo in si been ah la isku dalacsiiyo, qofkii kasoo baxo imtixaanka ayaa noqon doono xidigle”

“ Waxaa jirto 250 dibadda kusoo qaadatay Leeli Sarkaa soona maray wadadii saxda aheyd sidaasna waxay ku noqdeyn Saraakiil, marka ilaahaa idinku dhaariyaya macquul miyaa inuu qof 3, 4 ilaa 6 sano ku qaadato inuu xidigle noqdo qofna uu hal habeyn ku qaato”.

“ Waan Idin Imtixaani doonaa, diyaar noqda markii la idiin yeero, waa inaad soo martaan wadada saxda ah ee la isku dalacsiiyo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Taliyaha.

Taliyaha ayaa hadalkaan kasoo jeediyey kulan looga tashanayey sidii loo dardar gelin lahaa ciidamada Xoogga Dalka waxaana kasoo qeyb galay saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada Xooggaa Dalka.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalkii uu taliyaha ka jeediyey kulankaas isagoo ay ka muuqatay xanuun

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Maxaad ka taqaanaa safiirka cusub ee Itoobiya usoo magacawday Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa xaqiijinayo inay dowladda Itoobiya usoo magacawday Sagiir iyo ergey gaar ah oo u matali doono Soomaaliya xilli dhawaan la filayo in laga raro safaaradeeda gudaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa is badal ku sameysay safirkii Soomaaliya u fadhin jiray waxayna si rasmi ah Soomaaliya ugu soo magacawday Jamaaludiin Mustafa Cumar oo ah shaqsi kasoo jeedo deegaanada Soomaalida ee Itoobiya.

Sidoo kale Jamaaludiin ayaa ahaa safiir ku xigeynkii Itoobiya ee safaaradda Soomaaliya wuxuuna markii sameeyey sare u kac iyadoo laga dhigay safiirka iyo ergeyga gaarka ah ee Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya.

Sidoo kale ninkaan ayaa asal ahaan ah Soomaali Itoobiyaan waxayna kusoo aadeysaa magacaabistaan xilli ay Soomaaliya ka dhacday isbadal siyaasadeed oo weyn iyadoo meesha laga saaray Xasan Shiikh Maxamuud oo ay Itoobiya aad isugu dhawaayeen.

Soomaaliya hadda waxaa madaxweyne ka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah shaqsi aysan isku fiicneyn Itoobiya sidoo kalana ay ka go’an tahay inuu dhiso ciidamo ay leedahay Soomaaliya oo awood leh taasina waa midda ay sida weyn uga soo horjeedo dowladda Itoobiya oo aan marnaba rabin inay aragto Soomaaliya oo cagaheed isku taagtay.

Weli lama xaqiijin haddii uu madaxweynaha Soomaaliya waraaqaha ka guddoomay safiirkaan cusub iyo haddii kale wixii warar ah ee kusoo kordhana Inshaa Allah waan idinla soo socodsiin doonaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuqaal: Barasho Wanaagsan: “Magaceyga waa Seynab Cabdi Macalin, waxaan ahay Marwada koowaad”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu madaxweynaha Soomaaliya bil jirsaday Shalay oo ay taariikhdu aheyd 08 March ayaa markii ugu horreysay bil kadib waxaa muuqaal saxaafadda la wadaagtay marwada koowaad ee madaxweynaha.

Marwada koowaad ee dalka ayaa muuqaalkeeda kuso bilawday (Magaceyga waa Seynab Cabdi Macalin, waxaana ahay marwada koowaad dalka”.

Muuqaalkaan ayey marwada madaxweynaha uga gol aheyd inay haweynka Soomaaliyeed u dirto halmbalyo ku aadan 08 March oo ku beegan maalinta Haweenka Adduunka oo laga xusay daafaha kala duwan ee caalamka.

Seynab ayaa is bartay dad badan oo aan aqoon muuqaalkeeda inkastoo ay lasoo daahday oo ay muuqaalkaan soo duubtay hal bil kadib haddana maanta waxaa jaanis badan helay shacabka Soomaaliyeed oo bartay xaaska madaxweynaha ay jecel yihiin ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka ay soo duubtay Seynab Cabdi Macalin oo ah Marwada koowaad ee dalka:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey golaha wasiirada iyo waxyaabo aan laga fileyn Kheyre oo soo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxay dhagaha shacabka intooda badan u taagan yihiin waxa kasoo yeeri doono xafiiska Ra’isulwasaraha waxaana mar kasta soo baxayo warar kala duwan oo haddana is khilaafsan.

Wararkii ugu dambeeyey ee golaha wasiirada ayaa sheegayo inuu Xasan Cali Kheyre ku jiro la tashiyadii ugu dambeeyey ee golaha wasiirada oo la  filayo inuu ku dhawaaqo asbuuca soo socdo gaar ahaan maalinta Arbacada.

Xogta soo baxeyso ayaa sheegeyso in golaha wasiirada ay noqon doonaa ilaa 25 Wasiir oo aan wax farqi ah u dhaxeyn xukuumadii Cumar Cabdirashiid inkastoo ay is badali doonaan shaqsiyaadka.

Markii ugu horreysay waxaa dhici doonto inay golaha wasiirada kasoo muuqdaan haweyn tiro badan waxaana lasoo sheegayaa inay ugu yaraan 5 wasiir ka heli doonaan xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale wararka ugu dambeeyey ayaa sheegaya inay wasiirada cusub kasoo muuqan doonaan tiro badan oo kamid ah wasiirada Cumar Cabdirashiid ee waqtigeeda dhamaaday taasoo ah waxaan laga fileyn Kheyre.

Beelaha Soomaaliyeed ayaa loolan xoogan ugu jiraan helista wasiirada ugu muhiimsan, waana dhibaatada ugu weyn ee heysata Kheyre maadaama uu ku wareeray codsiyada kala duwan ee ka imaanayo beelaha.

Xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa la geeyey ilaa 350 codsi oo lagu doonayo wasiirada cusub waana tiradii ugu badneyd ee ebed codsato golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Hal beel darteed oo loo magacaabi la’yahay golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali soo baxaaya warar kala duwan oo laga helaayo dib u dhacyada is xigxiga ee ku imaanaya ku dhawaaqida Golaha Wasiirada xukuumada cusub.

Ra’isul wasaaraha oo inta badan xubnaha Golahaasi diyaariyay ayaa la sheegayaa in caqabad uu kala kulmaayo Beesha Xawaadle oo ku dhagan Wasaarad gaar ah.

Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa la sheegay inuu sabab u noqday dib u dhaca Golaha, kadib markii uu ka hor imaaday Wasaarad loo qoondeeyay Beeshiisa.

Ugaaska ayaa dalbaday in Beeshiisa lasiiyo Wasaarada Arrimaha Gudaha ama Amniga, waxa ayna arrintaasi sababtay in Ra’isul wasaaraha uu dib u bilaabo qancinta Beesha Xawaadle.

Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo qoondo ahaan lasiiyay Beelaha Abgaal iyo Habar-gidir, ayaa waxaa hadana soo baxaaya in Ra’isul wasaaraha shaki laga galiyay in labadaasi beel uu kala siiyo.

Beesha Xawaadle waxa ay Farmaajo iyo Kheyre ka dalbatay in lasiiyo kursi muhiim ah oo u qalma Beesha oo waayadaani danbe ku xuquuq la’ eed Dowlada.

Lama oga sida uu isku bedeli doono Jadwalka horay loo diyaariyay waxaana suuragal ah in Beesha Xawaadle lagu qanciyo Kursiga ay dalbatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Farmaajo oo laalay shaqsiyaad olole ugu jiray wasiirnimo oo sifo fool xun lagu helay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo uu ka hor imaaday Shaqsiyaad gaara oo la doonaayo inay kamid noqdaan Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in Ra’isul wasaaraha uu ka dalbaday in Xubnahaasi laga saaro liiska kadib markii ay ku sifooben Musuq iyo Shaqo xumi muddooyinkii ay lasoo shaqeynaayen Dowladii hore.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’isul wasaaraha ka codsaday in liiska Golaha laga fogeeyo dhammaan shaqsiyaadka galay danbiyo Qaran, waxa uuna ugu baaqay in lasoo mariyo dhammaan shaqsiyaadka loo arko inay kamid noqon karaan Golaha.

Farmaajo waxa uu si cad u laalay liiska shaqsiyaad gaara oo loolan ugu jiray kamid noqoshada Golaha, kuwaa oo la sheegay in magacaabidooda ay sababi karto kalsooni darro ka dhex dhalata Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dhexda u fadhiya liiska shaqsiyaadka ay Beelaha u garteen inuu matali karo, waxa uuna kala sifeynayaa kuwa daacada ah iyo kuwa dhaqaale uruursiga u diyaar garoobay.

Farmaajo waxa uu dhowr jeer ku celceliyay in Dowladiisa uusan boos uga banaaneyn shaqsiyaadka galay danbiyada Qaran.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa axdi kuwada galay in Golaha Wasiirada laga ilaaliyo shaqsiyaadka danbiyada ka geystay Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre oo soo saaray digniin culus oo ka dhan ah hay’adaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa digniin kasoo saaray isqab qabsi soo kala dhexgala Hay’adda sharci dajinta iyo xukuumada xili uu kawaramayey shaqooyinka horyaala dowladda cusub.

Kheyre waxa uu sheegay in Dowlada cusub ay nasiib darro u noqon doonto haddii ay dhacdo isqabqabsi dhexmara isla Dowlada waxa uuna ka digay in la maqlo dhibaatooyin ka dhextaagan Hay’adaha iyo Xukuumada.

Kheyre waxa uu sheegay in Dowlada Somalia aysan u dulqaadan doonin khilaaf iyo is qabqabsi waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inay fududaha in shaqsiyaadkaasi ay shaqadooda ka tagaan inta aysan carqalad iyo sumcad xumi u abuuri lahaayen Dowlada.

Ra’isul wasaaraha waxa uu sheegay in Isqabqabsiga iyo Musuqaba uusan waxba is dhaamin waxa uuna cadeeyay inay aaminsan yihiin labaduba ay ragaadiyeen Dowladnimada.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay inaan loo baahneen hada waxyaabaha qaar sida muran yimaada inta ay socoto shaqada,si loo gaaro halka la’hiigsanayo.

Kheyre ayaa ku baaqay inuu yimaado la xisaabtan dhab ah si loo fuliyo shaqooyinka horyaala xukuumadiisa oo uu tilmaamay inuu wax badan qaban doono oo ay ugu horeyso wax ka qabashada Abaarta.

Dhinaca kale, Xukuumada imaan doonta ayuu sheegay in sababta loo doortay ay tahay inay ka fogaadan khilaaf waxa uuna sheegay inaan looga aamusi doonin khaladaadkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqoonyahanno shaaciyey saddex halis oo Soomaaliya uga soo wajahan heshiiska saldhigga Berbera

Aqoon-yahanno ku taqasusay sharciyada iyo qawaaniinta caalamiga ah ayaa idaacadad Goobjoog ee Muqdisho uga waramay heshiiska Imaaraadka ay kula wareegeen dekadda iyo Airportiga magaalada Berbera, iyaga oo dolwadda federaalka ah kula taliyay in ay ka hadasho heshiiska oo iska bari yeesho ama qirato in saraakiil ka tirsan wax ka ogaayeen oo ay ka laabato.

Imaaraadka Carabta ayaa maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland la galay heshiisyo hal dhinac arrintaas oo aqoon-yanno iyo Xildhibaanno ku tilmaameen mid daan-daansi ah oo meel uga dhaceysa madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Maamulka Abuu-Dhabi oo iska indho-tiray sharciyada caalamiga iyo walaaltinimada kala dhaxeysa Soomaaliya ayaa malaayiin dollar siiyay dad aan matalin masiirka umadda Soomaaliyeed, isla markaana aan xaq u laheyn in ay bixiyaan dhul aan loo marin waddadii sharciga aheyd, sidaa waxaa sheegay aqoon-yahannada.

Dr. Axmed Cali Khayre oo PhD ka diyaariyay qaanuunka caalamiga ah ayaa  sheegay in heshiiska Imaaraadka ay la galeen Somaliland aanu sharci aheyn, isla markaana ay adag tahay in uu dhaqan galo.

Dr. Axmed waxaa uu qabaa in Imaaraadka ay meel uga dhaceen qawaaniinta caalamiga kadib markii ay heshiis la galeen gobol Soomaaliyeed isaga oo intaa raaciyay in federaalsim-ka Soomaaliya hadda u yaallo uu dhigayo in siyaasadda arrimaha dibadda ay ka mid tahay waxyaabaha ay xaqa u leedahay dowladda federaalka ah.

Dr. Axmed Cali waxaa uu soo jeediyay in xataa haddii ay wax ka ogaayeen heshiiskaas saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah laga bixi karo, iyagoo heshiiska loo yeelayo ceebo ay ka mid yihiin mid dalka lagu khiyaamay, musuq ku jiro iyo arrimo dastuurka ka hor imaanaya.

Dr. Khayre mar uu ka hadlay dhibaatooyinka ka dhalan-kara heshiiska saldhigga Militari ee Imaaraadka ka dhisayo Berbera waxaa uu sheegay:

“Dagaallo ayaa ka dhalan kara oo cid kasta oo Imaaraadka cadaw ku ah halkan ayey soo weerarayaan, waxaa ka dhalan karta dhaqan xumo, oo ciidamada halkaasi degaya waxaa ay dhibaato ku yihiin dhaqan-ka, waxaa intaa dheer waxyeellada hubka iyo Kimikada u geysnayaan deegaanka, dhici kartana in dadka goobtaas degan la raro ”.

Dr. Axmed Cali Khayre waxaa kaloo uu qabaa in xaruntaas loo isticmaali karo goobo dalal sadexaad adeegsadaan oo dadka lagu jir dilo isaga oo Imaaraadka ku sheegay dowlad tabar daran oo xataa aan difaaci Karin haddii goobtaas la soo weeraro, taasi oo ka duwan saldhigyada Mareykanka iyo reer Yurub ku leeyihiin meelo badan oo dunida ah, waxaa uu shaki geliyay in Imaaraadka ay keligood goosteen saldhiggan Militari oo waxaa uu qabaa in ay jiraan dowlado kale oo isticmaalaya dalka Imaaraadka.

AVV Cabdulahi  Faarax Qaarey oo isna sharci yaqaan ah ayaa dhankiisa wax lala yaabo ku tilmaamay sida Imaaraadka ugu dhiiradeen in ay heshiis la galaan gobol ka tirsan Soomaaliya.

Abuukaate Qaarey waxaa uu Imaaraadka ku dhaliilay in iyaga oo ka maseyraya dal kale ay doonayaan in ay jabiyaan xeerarka caalamiga ah isla markaana meel uga dhacaan madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Haddii ay jiraan madaxda dowladda federaalka ah oo arrintan ku lug leh, waxaa uu Abuukaate Qaarey qabaa in ay tahay khiyaano qaran laakin waxaa uu Dr. Axmed Khayre la qabaa in laga laaban karo heshiiska, waa haddii saraakiil dowladda federaalka ah ku lug lahaadaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa dhankiisa ka soo horjeestay heshiiskan, isagoo intaa raaciyay in dowladda federaalka ah jawaab looga fadhiyo, Dhalxa waxaa uu sidoo kale soo qaatey in bishii hore shir ay yeeshaan baarlamaanka carabta war murtiyeed ka soo baxay looga digay dalalka xubnaha ka ah oo Imaaraadka ku jiro in ay farageliyaan midnimada, madaxbanaanida iyo dhulka Soomaaliya.

Xildhibaanno golaha shacabka ka tirsan ayaa sheegay in ay wadaan mooshin ka dhan ah heshiiskaan iyaga oo dowladda federaalka ah su’aalo ka weydiin doona waxa ay ka og yihiin heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland.

Xog: Yaa lahaa amarkii lagu eryay shaqaalahii safaarada Imaaraadka ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka Carabta ay kala dirtay qaar kamid ah Shaqaalaha Soomaalida ee ka howlgala Safaarada Somalia.

Amarka lagu kala diray Shaqaalaha ayaa la sheegay inuu lahaa Safiir Mohamed Al-Othmani oo dhawaan dib ugu laabtay magaalada Abu Dabai ee dalka Imaaraadka.

Mohamed Al-Othmani, ayaa la sheegay in maalin un ka hor tagitaankiisa uu qoraal ku kala diray Shaqaalaha, kadib markii uu mugdi galay xiriirka labada dal.

Qoraalka Mohamed Al-Othmani, ayaa sidoo kale la sheegay in lagu cadeeyay sababta loo kala diray Shaqaalaha Soomaalida ee Safaaradaasi taa oo uu ku micneeyay in Safaarada ay gali doonto muddo shaqo joojin ah.

Shaqaalaha la eryay ayaan Mushaar lasiin Seddex bil ka hor inta aan lagu eryin amarka Mohamed Al-Othmani oo soo baxay March 2, 2017.

Shaqaalaha la eryay ayaa sidoo kale la sheegay inay kamid ahaayen cadadka u diiwaan gishan oo ahaa 500 oo shaqaale oo hayay shaqooyin kala duwan oo qaarkood lid ku ahaa Dowlada Somalia.

Maamulka sida KMG usii haya Safaarada ayaa la sheegay in qaab dhaqan xun kula dhaqmeen Shaqaalaha, waxaana xusid mudan in loo adeegsaday Ciidamada Qaranka ee ka howlgala Safaarada.

Dhinaca kale, Mohamed Al-Othmani ayaa mudada uu ka howlgalaayay Safaarada is ticmaalaayay awoodo lid ku ah Shaqaalaha Soomaalida, isagoo u adeegsan jiray sida shaqaale aan laheyn cid ka danbeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

War ka cusub mooshinkii ay diyaarinayeen xildhibaanada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha ay wadaan ee ka dhanka ah heshiiska Imaaraadka ay kula wareegeen Dekadda iyo Airportiga magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya.

Qaar ka tirsan Xildhibaannada golaha shacabka ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiisyadaas iyaga oo sidoo kale dhaliilay sida dowladda federaalka ah aan looga heyn wax jawaab ah uu ku saabsan heshiisyadaas.

Hadallada Xildhibaannada Golaha Shacabka Waxaa Ka Mid Ahaa:

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah golaha shacabka waxaa uu sheegay in uu jiro qorshe Mooshin ah oo Xildhibaannada ku doonayaan jawaabo in ay u helaan arrimaha heshiiska Imaaraadka iyo maamulka Somaliland.

“Heshiisyada Berbera ee Imaaraadka ee Somaliland, waa su’aal taagan, hadda xukuumad la weydiiyo ma jirto laakin waxaan wadnaa qorshe in xukuumadda soo socota ay heshiiskaan ka jawaabto”.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa isna sheegay in dowladda looga fadhiyo in ay ka hadasho heshiiska Imaaraadka waxa ay ka ogtahay, isaga oo la yaabay waxa aamusiyay.

“ Waxaan u baahannahay in xukuumada ay baarlamaanka uga jawaabto su’aalaha ku saabsan heshiiska Berbera waxa ay ka ogtahay, xukuumaddan ama midda iman doonta, waa in aan helo jawaabo”.

Cismaan Cilmi Boqorre waxaa uu sheegayaa in waajibkooda aanu aheyn in ay daba galaan heshiisyo balse ay ka hadli doonaan haddii loo keeno baarlamaanka gudahiisa.

“ Aniga waajibkeyga ayaan suganayaa, oo ah in heshiiskaas ay xukuumadda nah or keento, kadibna aan jawaab ka bixiyo, oo aan sheego waxa iiga aadan

Qaar ka tirsan Xildhibaannada Golaha shacabka waxa ay diideen in ay arrinkaas ka hadlaan, in kale waxaa ay ku jawaabeen meeshaas  wax ka socda lama soconno, sidaa darted, ma naqaanno cid aan weydiiyo, ee iga daa adeer….iyo hadallo ku tusinaya in Xildhibaannada qaar aanay aqoon fiican ula hayn sababta loo doortay, mas’uuliyadda saaraan iyo shaqadooda intaba.

Dowladda federaalka ah, weli kama hadlin heshiiska Imaaraadkan ay la galeen Somaliland, heshiiskaan waxaa muuqata in Imaaraadka ay ku tunteen xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah halka dowladda federaalka ah oo shacabka mas’uul uga ah ilaalinta dhulka, dadka iyo diinta ka aamusan tahay waxa socda….Laakin Xildhibaannada golaha shacabka qaarkood ayaa ku doodaya in aanay arrintaas ka aamusi doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Qaar kamid ah waddooyinka Baydhaba oo isku bedelay Isbitaalo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka jirto deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Deegaanada Awdiinle iyo Goofgaduud Buurey ee duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin ugu badan ee saameynta adag ku yeeshay nolosha.

Dadka deegaanka ayaa waxaa saameeyay Abaaraha iyo Xanuuno ka dhashay abaarta, iyadoo isbitaalada qaar ay buux dhaafiyeen dad waaweyn iyo carruur ay soo riteen xanuunada.

Dadka ayaa Isbitaalo ka dhigtay hareeraha waddooyinka waxaana arkeysaa waddooyin dhowr ah oo la xiray isla markaana laga dhigayo Isbitaalo KMG ah.

Dadka ayaa ah kuwo la nool caafimaad darro, daawo la’aan iyo biyo yari, waxaana aad u yar gargaarka dadkaasi kaga imaanaya dhanka Dowlada, Maamulka iyo Hay’adaha.

Xanuunada ka dhashay abaarta ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay carruur iyo dad waaweyn kuwaa oo waayay gurmad.

Cabashooyin buuxiyey xafiiska Farmaajo iyo Isbedel ku yimid qorshe la rabay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku heleyno waxaa cabashooyin buux dhaafiyay Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Cabashooyinka ayaa la sheegay inay ka imaaday qaar kamid ah Howlwadeenada Villa Somalia oo dhawaan la sheegay in la kala yareynaayo sababo la xiriira xad dhaafka shaqaalaha ka howlgala Madaxtooyada.

Cabashooyinka Shaqaalaha Villa Somalia ayaa la sheegay inay salka ku heyso sii wadashada Howlahooda, kadib markii ay sheegen in shaqada aysan ku helin garabsi.

Cabashooyinka qaar ayaa la sheegay inay ka turjumeyso baahida shaqaalahaasi ay u qabaan inay gutaan waajibaadkooda Qaran, maadaama Mushaaraadkooda ay ku bixiyaan nolosha qoysaskooda.

Waxa ay Cabashada ku dalbadeen inaan la eegin tiradooda balse laga fekero howlaha ay u hayaan Qaranka oo muddaba mudada xigta sii kordheysa.

Waxa ay dalbadeen inta la howlgalin lahaa shaqaale cusub in iyaga lagu shaqeeyo maadaama ay yihiin kuwo aqoon durugsan u leh shaqooyinka ay iminka hayaan.

Cabashooyinkaani ayaa sidoo kale la sheegay inay ka danbeysay kadib markii Agaasinka Guud ee Villa Somalia uu soo bandhigay in la kala yareeyo shaqaalaha ka howlgala Madaxtooyada.

Geesta kale, Nolosha Boqolaal qoys ayaa ku tiirsan Mushaaraadka ay Shaqaalahaasi ka qaatan Villa Somalia, waxa uuna go’aankaasi sababi karaa in qoysaskaasi ay ku noolaadan nolol ka duwan tan ay iminka heystaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daad gureyn xoogan oo ka socta qeybo kamid ah madaxtooyada K/galbeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Baydhabo ka socda daadgureynta Agabka Xafiisyada Madaxtooyada maamulka Koonfur-galbeed.

Madaxtooyada ayaa la sheegay in si hordhac ah looga raraayo Agabka, iyadoo la geynaayo Madaxtooyada cusub ee magaalada Baraawe.

Agabka loo raraayo Madaxtooyada cusub ayaa waxaa u badan kuwa laga maarmikaro maalmaha soo socda, iyadoo uu u jeedku yahay si loo sii hagaajiyo xafiisyada Madaxtooyada cusub ee magaalada Baraawe.

Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed, Shariif Xasan, ayaa sheegay in maamulka uusan ku filneyn Madaxtooyada Baydhabo ee sida KMG ah loo degan yahay waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in loo wada guuro Madaxtooyada cusub.

Booqasho uu dhawaan ku tagay madaxweyne Shariif magaalada Bawaare ayuu sidoo kale sheegay in dayactir lagu hayo garoonka magaalada iyo goobihii kale ee maamulka degi lahaa.

Maamulka ayaa ku shaqeynayay muddada uu jiray magaalada Baydhabo,waxaana qorshahan uu soo bandhigay madaxweynaha Koonfurgalbeed xilli siyaasadiisa laga diidan-yahay magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Shirkadii ugu yaabka badneyd oo laga furay Muqdisho (Meydka ayey ka ganacsataa)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho laga furay Shirkad si gaara uga shaqeysa qodista Qabuuraha iyo Aaska Meydadka taa oo ay ka howlgalaan shaqaale aad u farabadan oo cadadooda lagu sheegay ilaa 50 shaqaale.

Shirkadaani ayaa maamusha Qabuuraha Barakaat ee Degmadda Yaaqshiid, oo ah halka ugu badan ee lagu aaso dadka ku geeriyooda magaalada Muqdisho.

Shirkadaani ayaa Xafiisyo lagala xiriiro ku leh dhulka baaxada weyn ee loogu magacdaray Qabuuraha Barakaat, iyadoo qoysaska ay asiibto musiibada gaara Xafiiskaasi ka hor inta aan la aasin Marxuumka si ay u bixiyaan dhaqaale lagu sheegay $100 oo isugu jirta dhaqida iyo Aaska.

Xafiisyada ayaa sidoo kale la sheegay inay kala qaabilsan yihiin qeybo kala duwan waxaana ku jira Xafiis qaabilsan Diiwaan-gelinta sababaha uu u geeriyooday Marxuumka.

Xafiiska Labaad ee ugu shaqada badan ayaa isna la sheegay in lagu bixiyo Kharaj dhan 100-Dollar si loo aaso maydka la diiwaan-geliyey.

Maamulka Shirkada ayaa sheegay in faa’iidooyinka ay u fureen shirkada ay tahay inay fududeynayso dhinacyada qodista godadka maydka, Xararka, Fuustadda iyo Biyaha loo isticmaalayo Aaska.

Waxaa kale oo ay sheegen inay jiraan Baalayaal loogu talagalay qodista godadka iyo ciidda lagu rogayo marka maydka la dhigo iilka qabriga.

Sidoo kale, dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aad ula yaabay Hindisaha Mashruucan lagu asaasay Shirkad u qaabilsan Hawlihii Aaska Maydadka.

Dhinaca kale, Shirkadaani ayaa noqoneysa shirkadii ugu yaabka badneyd ee abid laga furo Somalia, maadaama ay ka macaasheyso Meydka mudan in la xawaalo shuruud la’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

8 hab oo uu Farmaajo ula dagaalami karo musuqmaasuqa maamuleed

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaah Farmaajo ayaa ka ku sheegay ujeedkiisa koowaad ee dowladda inuu yahay la la dagaalanka musuqmaasuqa.

Haddaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa faalo ka hadleyso habka loola dagaalamo musuqmaasuqa:

Maanta dal iyo dadba waxaan la hitinaynaa wax aan gacmaheenna ku falkinno gabal dhacay iyo waabari kasta. Labo is kuma haysato in musuqu naafeeyay dhinac kasta oo ka mid ah dawladda iyo bulshadeenna Soomaaliyeed. Haddaba waxaan is ku dayaa in aan ku soo bandhiggo qormadaan qaababka looga hortagi karo musuqmaamsuqa, aniga oo kaashanaya dhiganayaal Cilmiyeed fara badan oo laga qoray mawduucaan. Waxaa lagama maarmaan ah in aan ku dhaqaaqno tillaabooyinka soo socoda, waa haddii ey naga go’antahay in aan cirib tirno musuqa, xididdadana u siibo, inta uusan noogu faafin sida dab xaabo la qabadsiiyay.

1- Is-xisaabin

Dhammaan shaqsiyaadka xilalka sare ka haaya dawladda ama xukuumadda waa in la hoos geeyaa weydiin qanuuni ah iyo mid anshaxba, taas oo la xariirta wax-qabkooda shaqo, micnaha shaqaalaha oo idil waa in lala xisaabtamo, iyada oo looga hibaysanayn xilka uu hayo iyo ina-ayihiisa. Arrin taas waxaa soo hoos galaya Wasiirro, xildhibaanno, saraakiil, ku xigeenno, iyo dhammaan qof kasta oo soo xil qaran haya.

2- Is- weydiin joogta ah.

In maamulayaasha hay’addaha dawladda ey weydiiyaan shaqaalaha guud sida ey hawsha u wadan, waxii qarashaad baxay, mirihii wax qabadkooda, isla maamulayaashaasna waa in ey jirtaa cid isha ku haysa oo ey ka baqanayaan, sida guddiyo daba-gala musuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha, kaas oo ka imaan kara golaha sharci dajinta ama golaha sharci fulinta, si loo helo wax is weydiin fool ka fool ah dhinac waliba, meeshana uga baxdo danaha shaqsiga ah ee xafiis kasta uu la ciirciirayo.

3- Hufnaan

Hufnaantu waa in hay’ad kasta oo ka mid ah dawladda shaaca ka qaaddo waxa ey u danleedahay, tillaabooyinka ey qaaddayso iyo yoolka ey u xusul-duubayso, micnaha haddii aan si kalo u dhigno in ey run ka sheegto wax kasta oo ey qabanayso, baahiso qaladkeeda oo ey qirato, mag iyo maamul wanaagna muujiso, niyad wanaagna ey tusto bulshada, waxba aan la qarin, dadkana xogta loo sheeggo, si bulshadu ugu qanacdo waxa loo qabanayo iyo waxa loogu maqanyahay, oo aan laga dhigin xafiisyada dawladda meel arrimo gaar ah lagu fuliyo, in ey meesha ka baxdo in xafiisyada hawlaha guud qabta iyo dadweynaha u dhexeeyaan dallaallo iyo laaluush qaatayaal sumacadda iyo muuqaalka dawladnimo dila, shacabkana qalin shubateeya.

4- Baraarug bulsho

Si loo helo talis qumman iyo maamul xalaal miirad ah, loona kobciyo garadka qofka u shaqeeya dawladda, waxaa lama huraan ah in la helo dhaqan iyo baraarujin ku saabsan xumaanta uu leeyahay musuqmaasuqu, arrintaasi waaxay laf dhabar u taahy qodobbada aan kor ku soo xusnay, waxay soo kabi kartaa kalsoonida muwaadiniinta ee burburtay, waxay horseeddi kartaa in uu soo af-jarmo musuqa iyo sed-bursiga buux dhaafiyay meel waliba. Haddii ey ahaan lahayd xafiisyada sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa guud, hay’addaha xukuumadda ama kuwa kale, ee aan dawliga ahayn, balse ey kala dhaxayso wada shaqayn toos ah dawladda.

5- Nidaam Dimuqoraadiya

Si ey u taabba-galaan dhammaan waxyaabihii aan soo sheegnay waxaa muhiim ah in la helo nidaam dimuqoraadiya, kaas oo kala saaraya awooddaha is ku dhex milqan, sida, sharci dajinta, fulinta iyo in la helo qanuun qayaxan oo qabanaya qof alle iyo qofkii lagu helo musuqmaasuq, oo si toos ah loola tiigsado gar-soorka, in qofkii ey ku caddaato arrinkaas shaqada laga eryo, in uu xil qaran qaban karin ilaa iyo in mudda ah, waa in uu jiraa hannaan nuucaas ah oo aan fasir iyo rogrogid kale aqbalayn, lama taabtaanna ah.

6- Hirgalinta Qawaaniinta

Waan in la dardar-galiyaa xeerarka ku saabsan musuqmaasuqa iyo ciqaabtooda, sida in la helo qaanuun caddeynaya in qofka xilka ka qabanaya Xukuumadda ama dawladda la ogyahay hantidiisa, kahor intuusan xil qaran qaban, in sanad kasta waxa soo gala la shaaciyo, in waasarad kasta boggeeda ku caddeyso waxa soo gala mas’uuliyiinteeda, in la helo qaanuun mamnuucaya laaluushka iyo in looga faa’iidaysto awoodda maamul si aan sharciga waafaqsanayn, taasna waxay ku imaan kartaa in awood buuxda la siiyo garsoorka sare, lagana daayo fara-qalinta siyaasadeed iyo midda beeleedba.

7- Anshax Guud

Si loo dhiso wacyiga qofka shaqaalaha ah ama mas’uulka ah, waxaa loo baahanyaahy in loo adeegsado wax kasta oo jilcin kara qalbigiisa, sida wacdiga diiniga ah, oo tusaya xumaanta waxa uu ku kacayo, taana waa in loo maraa xagga horjooggayaasha diinta, sida in khudbaddaha Jumcada lagu soo bandhigo todobaad kasta, in goobaha diiniga ah lagu faafiyo ololaha lagu la dagaalayo musuqmaasuqa.

8- War-baahin xor ah

Si loo helo war-bixinnada rasmiga ah iyo daba-gallo qoto dheer oo la xariira musuqmaasuqa ka dhex dhaca laamaha dawladda waxaa muhiim ah in aan helno saxaafad xor u ah helidda macluumaadka, waa in ey sharciyeysantahay saxafaddu misana heysato ilaalin qaanuuniya oo ka difaacaysa handadaadda iyo caga-juglaynta inta ey ku guda jirto shaqadooda. Taasi waxay u gogal xaaraysaa in la helo xog buuxda, oo ku saabsan qaabka wax u dhacayaan.

Gunaanad

Waxaan filaa in haddii aan qodobbadaas xil is ka saarno in wax uun is baddalayaan, waana wax maalin uun maal iyo maskax nooga baahan doona, laga yaabbo in ey qaarkeen dhag jalaq u siinayn hadda, balse waxaa imaan doonta maalin aan ka shallaynayno iyada oo la jooggin xilli la shallaayo.

W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane