24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Cabdicasiis Faarax oo lagu xukumay xabsi 28 sano ah kadib xatooyadii $300 milyan

Minneapolis (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo degan gobolka Minnesota ayaa Arbacadii lagu xukumay 28 sano oo xabsi federaal ah, kadib markii lagu helay door muhiim ah oo uu ku lahaa qorshe ay xeer-ilaalintu ku tilmaantay inuu ahaa musuq-maasuqii ugu weynaa ee la xiriira masiibadii COVID-19 ee dalka Maraykanka – qorshe “si weyn loo habeeyay oo xeeladaysan,” kaasoo lagu lunsaday in ka badan $47 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta baahan.

Abdiaziz Shafii Farah, oo 36 jir ah, ayaa lagu tilmaamay maskaxdii ka dambeysay nidaamkan musuq-maasuqa, kaasoo si arxan darro ah looga faa’iideystay barnaamij ay dowladda dhexe maalgelinaysay si carruurta loogu quudiyo xilligii uu socday safmarkii COVID-19. Isaga iyo dadkii la shaqeynayay waxay si been abuur ah u sheegeen inay bixiyeen in ka badan 18 milyan oo cunto ah iyagoo adeegsanaya goobo aan jirin, si ay u lunsadaan lacago laga soo qaaday canshuur-bixiyeyaasha.

Marka laga reebo xukunka xabsiga, Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Degmada Minnesota, Nancy E. Brasel, ayaa sidoo kale ku amartay Farah inuu bixiyo magdhow lacageed oo gaaraya $47.9 milyan. Xukunkan ayaa yimid kadib dacwad socotay muddo toddoba toddobaad ah, halkaas oo xeer-beegti ay ku heshay Farah dambiyo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin khiyaano elektaroonig ah, laaluush, iyo lacag dhaqid.

“Halkan Maraykanka waxaad ka gaartay guulo, laakiin waxaad muujisay tixgelin la’aan iyo ku tumasho sharciyada dalka Maraykanka,” ayay tiri Garsoore Brasel xilligii xukunka la ridayay, iyadoo falkiisa ku tilmaantay mid ka dhashay “hunguri aan xad lahayn.”

Liisas been abuur ah iyo laaluush

Dacwaddan ayaa qayb ka ah baaritaan ballaaran oo lagu magacaabay Feeding Our Future, taasoo ku saabsan hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo fadhigeedu ahaa Minnesota, isla markaana xeer-ilaalintu sheegtay inay kormeeraysay musuq-maasuq baaxad weyn oo gaaraya $300 milyan. Dowladda Maraykanka ayaa si weyn u fududeysay shuruucdii Barnaamijkeeda Quudinta Carruurta ee Federaalka (Federal Child Nutrition Program) xilligii masiibada, si loo hubiyo in carruurtu aysan gaajoon – fursad uu Farah si xun uga faa’iideystay.

Laga bilaabo Abriil 2020, Farah wuxuu shirkaddiisa Empire Cuisine & Market u diiwaan geliyay inay tahay goob qaybisa cuntada. Wuxuu si degdeg ah u aasaasay in ka badan 30 xarumood oo la sheegay inay cunto qaybiyaan, kuwaasoo intooda badan ahaa dhulal bannaan ama xafiisyo maran oo aan marnaba cunto laga bixin.

Si ay u xoojiyaan sheegashadooda beenta ah, Farah iyo saaxiibbadiis waxay gudbiyeen qaansheegadyo iyo liisas tirakoob cunto oo la been abuuray. Waxay sidoo kale soo gudbiyeen liisas ay ku qoran yihiin carruur aan jirin, iyagoo adeegsanaya magacyo been abuur ah sida “Serious Problem” iyo “Britishy Melony,” sida ku cad dokumentiyada maxkamadda.

Si uu qorshuhu si habsami leh u socdo, Farah wuxuu bixiyay kumanaan doollar oo laaluush iyo gunnooyin sharci darro ah oo uu siiyay shaqaale ka tirsan hay’adaha kafaala qaada sida Feeding Our Future iyo Partners in Nutrition.

Farah wuxuu shakhsi ahaan jeebka ku shubtay in ka badan $8 milyan oo dollar muddo 18 bilood gudahood ah – lacago uu u adeegsaday inuu ku noolaado nolol raaxo iyo barwaaqo leh.

Xeer-ilaalintu waxay soo bandhigtay fariimo qoraaleed uu u diray mid ka mid ah eedeysaneyaasha la shaqeynayay, isagoo leh: “7 bilood gudahood, haddii ay arrimuhu sidaan ku sii socdaan, waxaad noqonaysaa multi-milyaneer aan wax deyn ah lagu lahayn.”

Wuxuu iibsaday gaadiid raaxo leh oo ay ka mid yihiin Porsche, Tesla, iyo GMC qiimihiisu kor u dhaafayo $300,000. Waxa uu sidoo kale dhaqay ku dhowaad $4.2 milyan isagoo ku iibsaday guryo iyo dhulal ku yaal Minnesota iyo Kentucky, oo ay ku jiraan laba dhul oo ku yaal agagaarka haro, halkaas oo uu qorsheynayay inuu ka dhiso guri casri ah.

Lacagta la lunsaday ayaa sidoo kale loo diray dibadda. Farah wuxuu hanti ka iibsaday dalka Kenya, oo ay ku jirto dhismo dabaqyo dhaadheer ah oo ku yaal Nairobi, sidoo kale wuxuu lacag ku dhaqay hay’ado ku yaal Shiinaha. Sida laga soo xigtay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, hantidan ayaa haatan ka baxsan gacanta hay’adaha sharci fulinta ee dalka.

Fadeexadda Feeding Our Future

Musuq-maasuqa uu Farah hormuudka ka ahaa wuxuu qeyb ka ahaa shirqool ballaaran oo salka ku hayay hay’adda aan faa’iido doonka ahayn Feeding Our Future, taasoo ahayd in ay noqoto kafaala-qaade iyo maamulaha barnaamijka cuntada ee federaalka. Taas beddelkeeda, waxay noqotay xarunta shabakad lunsatay boqollaal milyan oo dollar.

Wasaaradda Cadaaladda ee Maraykanka (U.S. Department of Justice) ayaa dacwado la xiriira fadeexaddan ku soo oogtay in ka badan 70 qof, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah kiisasii ugu waaweynaa ee la xiriira musuqmaasuq la xariira masiibada COVID-19 ee dalka ka dhacay. Kiiskan ayaa si qoto dheer u saameeyay jaaliyadda Soomaalida Maraykanka ee Minnesota, halkaas oo ay kasoo jeedaan qaar badan oo ka mid ah eedeysanayaasha iyo dhibanayaashooda.

“Cawaaqibka dambigaaga waxaa laga dareemi doonaa Minnesota iyo bulshadaada – bulshada qaxootiga – muddo dheer,” ayay tiri Garsoore Brasel.

Dambiyada Farah ma ahayn oo keliya musuqmaasuqa. Kadib markii wakiillo federaal ah ay ka qaadeen baasaboorkiisa intii lagu jiray baaritaan bishii Janaayo 2022, wuxuu si been abuur ah u sheegay in baasaboorku ka lumay si uu u helo mid cusub. Wax ka yar laba toddobaad kadib, waxaa lagu qabtay isagoo isku dayaya inuu raaco diyaarad hal jaho ah oo ku socotay dalka Kenya.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ayaa dhacay intii ay socotay maxkamadayntiisa bishii Juun 2024, markaas oo Farah iyo afar qof oo kale lagu eedeeyay inay isku dayeen inay laaluushaan xubin ka tirsan xeer-beegtida, iyagoo ula tagay boorso ay ku jirto $120,000 oo lacag caddaan ah si loogu beddelo go’aanka maxkamadda. Farah ayaa dambigaas qirtay, waxaana la filayaa in lagu xukumo goor dambe.

Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, Joseph H. Thompson, ayaa ku eedeeyay Farah inuu khiyaamay dalkii siiyay magangalyada iyo fursad nololeed. “Dalkan wuxuu Farah siiyay wax walba… waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah,” ayuu yiri Thompson. “Haddaba sidee buu ugu abaal-guday dalkan iyo gobolkan? Isagoo naga dhacay hantidii ummadda.”

Sargaalka sare ee Hay’adda Dambi-baarista Federaalka (FBI), Alvin M. Winston, Sr., ayaa ku tilmaamay dambigan “khiyaano lagu sameeyay aaminaaddii bulshada,” isagoo ballan qaaday in hay’adaha sharci fulinta ay “aan ka laaban doonin” dadaallada lagu la xisaabtamayo “kuwa dhibaateeya dadka ugu nugul bulshadeenna.”

Daawo: Muungaab oo daah-furay olole ay qayb ka yihiin wasiirro iyo xildhibaanno

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa saaka daah-furay olole wayn oo lagu nadiifinayo caasimada, kaas oo ay ka qayb-galeen xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Muungaab oo qaatay oo badiilka ayaa ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho ay ka dhigi doonaan magaalo nadiif ah, isla markaana ay soo celin doonaan bilicdii caasimada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kordhiyeen shaqaalaha waaxda nadaafadda, isla markaana hadda kadib si gaar ah looga war qabi doono, si ay u qabtaan shaqo muhiim ah.

“Halkan waxaan ka bilownay mashruuca ololaha nadaafadda maalmo dhaweyd markii aan xilka la waeegnay bil kadib waxaan waaxda nadaafadda ku biirinay illaa shaqaale gaaraya 300 oo mushaari ah” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Shaqaalaha nadaafadda waxa ay noqon doonaan kuwa ugu muhiimsan ee la siiyo dheerogelinta gaarka ah, waxaan dooneynaa magaaladaan inay nadiif ahaato”.

Duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ololahan uusan noqon doonin igu sawir, ayna ku dadaali doonaan in la gaarsiiyo caasimadda oo dhan.

Sidoo kale mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka shacabka ah ayuu ugu baaqay inay qaataan doorkooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta caasimada.

“Ololahaan igu sawir ma’ahan waa mid rasmi ah oo shaqo ah mas’uul kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan inuu ka qayb qaato ololaha nadaafadda ee Muqdisho” ayuu ku daray.

Muungaab ayaa tan iyo markii la magacaabay waday dadaallo horumarineed oo ku aadan caasimada, isaga oo sidoo kale isbeddal wayn ku sameeyay hoggaanka gobolka Banaadir.

Somali man gets 28 years in $300M US pandemic fraud

MINNEAPOLIS, United States – A Minnesota man was sentenced Wednesday to 28 years in federal prison for his central role in what prosecutors have called the largest COVID-19 pandemic fraud scheme in the United States, a “breathtakingly elaborate” plot that siphoned over $47 million intended to feed needy children.

Abdiaziz Shafii Farah, 36, was a principal architect of the fraud, which exploited a federally funded child nutrition program during the global health crisis. He and his co-conspirators falsely claimed to have served more than 18 million meals from shell locations to embezzle taxpayer funds.

In addition to the prison term, U.S. District Judge Nancy E. Brasel ordered Farah to pay $47.9 million in restitution. The sentencing comes after a seven-week trial where a jury convicted Farah on multiple counts, including wire fraud, bribery, and money laundering.

“You achieved successes here in the United States and yet you’ve shown utter and flagrant disregard for the laws of the United States,” Judge Brasel told Farah during sentencing, describing his actions as motivated by “pure unmitigated greed.”

Phony rosters and bribes

The case is part of the sprawling “Feeding Our Future” investigation, named after the Minnesota-based non-profit that prosecutors say oversaw a massive $300 million fraud. The U.S. government dramatically eased rules for its Federal Child Nutrition Program during the pandemic to ensure children would not go hungry, a change that Farah and others ruthlessly exploited.

Beginning in April 2020, Farah enrolled his company, Empire Cuisine & Market, as a food distribution site. He quickly established more than 30 purported distribution centers, many of which were merely vacant lots or empty offices where no food was ever served.

To support their fraudulent claims, Farah and his associates submitted falsified invoices and meal count sheets. They also created rosters of fictitious children, using absurd and fake names such as “Serious Problem” and “Britishy Melony,” according to court documents.

To ensure the scheme continued uninterrupted, Farah paid thousands of dollars in bribes and kickbacks to employees at the sponsoring organizations, Feeding Our Future and Partners in Nutrition.

Farah personally pocketed over $8 million from the scheme in just 18 months, which he used to fund a lavish lifestyle.

Prosecutors presented evidence of text messages where he boasted to a co-defendant, “In 7 months, if things stay the same, you are a multi-millionaire with 0 debt.”

He purchased a fleet of luxury vehicles, including a Porsche, a Tesla, and a GMC truck valued at over $300,000. He also laundered approximately $4.2 million through real estate purchases in Minnesota and Kentucky, including two lakefront lots where he planned to build a custom home.

The stolen funds were also moved overseas. Farah bought property in Kenya, including a high-rise apartment building in Nairobi, and laundered money through entities in China. According to the U.S. Attorney’s Office, these international assets are beyond the reach of American law enforcement.

‘Feeding Our Future’ scandal

The fraud orchestrated by Farah was part of a much larger conspiracy centered around the non-profit Feeding Our Future, which was supposed to act as a sponsor and administrator for the federal food program. Instead, it became the hub of a network that embezzled hundreds of millions of dollars.

The U.S. Department of Justice has charged over 70 individuals in connection with the scandal, making it the largest prosecution of pandemic-related fraud in the country. The case has deeply impacted Minnesota’s Somali-American community, from which many of the defendants and their victims were drawn.

“The repercussions of your crime will be felt in Minnesota and your community—the refugee community—for a long time,” Judge Brasel noted.

Farah’s criminal activity did not end with the fraud. After federal agents seized his passport during a raid in January 2022, he falsely claimed it was lost to obtain a new one. Less than two weeks later, he was arrested while attempting to board a one-way flight to Kenya.

In a stunning development during his trial in June 2024, Farah and four others were charged in a separate case for attempting to bribe a juror with a bag containing $120,000 in cash in exchange for a not-guilty verdict. Farah has since pleaded guilty to the bribery charge and will be sentenced for that crime at a later date.

Acting U.S. Attorney Joseph H. Thompson argued that Farah betrayed the nation that had offered him refuge and opportunity. “This country gave Farah everything… a free college education,” Thompson said. “And how did he repay this country and this state? By robbing us blind.”

FBI Special Agent in Charge Alvin M. Winston, Sr. called the crime “a betrayal of societal trust,” vowing that law enforcement would remain “unyielding” in holding accountable “those who prey on the most defenseless in our communities.”

Kenya oo 24 saac u qabatay ciidamada Jubaland ee ka soo gudbay xuduudda

0

Mandheera (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa saacado kooban u qabatay in ciidamada Jubbaland ee ka baxsaday dagaalkii ay ku Jabeen ee ka dhacay Beledxaawo ay uga baxaan xuduudda Kenya, isla markaana ay aadaan dalkooda Soomaaliya.

Saraakiisha Soomaalida ah ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ee xuduudda ka talaabay ee jooga aagga Mandheera ay ku wargeliyeen in 24 saac ay uga baxaan deegaanka.

Ciidamada Jubbaland ee saacadaha kooban loo qabtay ayaa maalmo ka hor ku jabay dagaalkii ay ciidamada dowladda federaalka kula galeen degmada Beledxaawo oo lagala wareegay, halkaas oo ay uga carareen dhaawacyadooda.

Ciidamadaas oo wax gurmad ah ka waayey Axmed Madoobe oo markii hore dagaalka geliyey ayaa u baxsaday dhanka xuduud-beenaadka Kenya, waxayna isku dhiibeen ismaamulka Mandheera.

Cadaadis ay Kenya kala kulantay dowladda federaalka ayaa la sheegay inuu sababay in ciidanka Jubbaland ay dul dhigaan amarkaan, lamana oga halka ay ku dambey doonaan ciidankaas.

Hadii Dowladda Kenya, ay ku adkeysato in ciidamadaas ay ka baxaan dalkeeda quburrada ammaanka waxay saadaalinayaan in ciidankaas ay u furan tahay oo kaliya inay isku dhiibaan ciidanka dowladda federaalka ee qabsaday Beledxaawo.

Dowladda Soomaaliya, ayaa huray u cadeysay in ciidankaas ay kuweeda ku dareyso oo xuquuq siineyso hadii ay isku soo dhiibaan, waxaana xusid mudan in ciidankii isku dhiibay ay bishaan helayaan mushaar uga imaanaya dowladda, sida uu xaqiijiyey Cabdirashiid Janan oo ugu sareeya saraakiisha ay dowladdu Gedo u dirtay.

Dhinaca kale, Saraakiisha Dolwadda Itoobiya ee Doolow ku sugan ayaa Cabdirashiid Janan iyo Ciidanka DF ee ku sugan Beledxaawo ka dalbaday in seddax maalmood ay uga baxaan magaaladaas, taasi oo gefweyn ku ah dowladnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin amarka ay bixiyeen saraakiisha Itoobiya ee Gedo ku sugan, gobolka Gedo ayaa dhexda uga jira loolan adag oo xilli kasta isku bedeli kara gacan ka hadal.

Wasiir Fiqi iyo Juxa oo ay ka dhex tafatay, iskuna qaaday weerar xun kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa weerar afka ah isku qaaday.

Labada wasiir oo mid walba difaacaya dowladdiisa, ayaa waxaa weerarka ku horreeyay Juxa oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inay sabab u tahay sumcad xumada liidata ee baasaboorka Soomaaliya.

Juxa ayaa si yaab leh u yiri: “Baasaboorkii ugu liitay adduunka xagga socdaalka ayaa dadkiisa ciqaab iyo shar looga dhigay. Marka taladu gacan qura iyo meel qura gasho, waxay noqotaa shar ummadeed.”

Fiqi oo si weyn uga carooday hadalka Juxa, ayaa isna dhiniciisa maamulka Puntland ku tilmaamay “shufto”, isagoo mas’uuliyadda sumcada xumada baasaboorka dusha uga tuuray ficilada qaldan ee hoggaanka Puntland.

“Waddan aad maraakiibtii badda maraysay ee si sharciga ah u socotay aad afduubanayso, weliba si xishood darro ah aad ku leedahay waa ‘qaniimo’, miyaa baasaboorkiisa dadaal kasta oo lagu bixiyo lagu hagaajin karaa ama kor u kici karaa!? Hashu ayadaa cunta oo caytamaysana!” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ma aha markii ugu horreysay ee mas’uul ka tirsan dowladda federaalka iyo mid kale oo ka tirsan Puntland ay xiisad ka dhex dhalato, ayna isugu jawaabaan baraha bulshada. Haddana waxaa ceeb iyo murugo leh in mas’uul Soomaaliyeed uu ku tunto sumcadda baasaboorka dalkiisa.

Sanadihii dambe, siyaasadda ku dhisan aflagaado iyo is-weerar ayaa caan ka noqotay gudaha Soomaaliya, iyadoo aysan jirin xeerar ama anshax celinaya mas’uuliyiinta dowladda. Taas oo muujinaysaa in madaxda sare ee dalka ay raali ka yihiin, ama iyagu rabaan in dartood loo shaqsi caayo mas’uul kale oo ay is-hayaan.

Bilo ka hor ayey ahayd markii Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, si shaqsi ah u aflagaadeeyay, isagoo su’aal geliyay dhalashadiisa, kuna tilmaamay “qof marxuum ah” iyo mid ka mid ah dadkii lagaga qaxay magaalada Muqdisho 1991-kii, sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo Puntland ay markaas la kulantay dhaleeceyn xooggan, isla markaana eedeymo culus loo jeediyay xukuumadda Puntland ee uu ka tirsan yahay Wasiirka, iyada oo dad badan ay ka caroodeen gef-ka uu ku kacay, haddana illaa maanta wuu ka tirsan yahay xukuumadda Saciid Deni.

Wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo maanta ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay…

Accra (Caasimada Online) – Wasiirada Difaaca iyo Deegaanka dalka Ghana Edward Omane Boamah iyo Ibrahim Murtala Muhammed iyo Lix ruux oo kale ayaa ku geeriyooday diyaarad Helikobter ah oo shil ku gashay gobolka Ashanti ee koonfurta dalkaasi.

Dowladda Ghana, ayaa goordhow ku dhawaaqday in shilkaasi uu dhacay oo wasiirkii gaashaandhigga iyo xubno kale oo muhiim ah ay ku dhinteen.

Dadka kale ee la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilkan waxaa ka mid ah Alhaji Mohammad Muniru Limuna, oo ahaa ku-xigeenka isku-duwaha ammniga dalkaasi, horayna usoo noqday wasiirkii beeraha, iyo Samuel Sarpong, oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga National Democratic Congress (NDC) ee uu hoggaamiyo Mahama.

Ciidamada cirka Ghana ayaa horey u sheegay in diyaarad militari ah oo ahayd helicopter ay ka luntay raadaarka wax yar kadib markii ay ka duushay magaalada Accra.

Diyaaradda ayaa kusii jeeday magaalada Obuasi oo ku taalla waqooyiga galbeed ee caasimaddan dalkaasi Ghana, sida lagu sheegay warbixinta dowladda.

Dowladda Ghana ayaa ku dhawaaqday in calanka dalkaasi hoos loo dhigi doono muddo dhowr maalmood ah, taasi oo ah baroordiiq loo sameynayo masuuliyiinta ku geeriyootay Shilka.

Madaxweynaha dalka Ghana, John Dramani Mahama, ayaa hakiyay dhammaan howlihiisii rasmiga ah, si loo muujiyo murugada dhacdadaan galaafatay masuuliyiintaas muhiimka ahaa.

Isbeddel weyn oo September ku imanaya qaadashada baasaboor Soomaaliga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbeddelada lagu sameynayo qaadashada baasaboorka Soomaaliya ayaa lagu sameynaya isbeddelkii ugu weynaa, kadib toddobaadyo isbeddelo dhowr ah lagu sameeyay hanaanka qaadashada baasaboorka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta ku dhawaaqday in kaarka aqoonsiga qaranka lagu codsan doono baasaboorka Soomaaliga ah. Tan ayaa ka dhigan in qofka aan haysan kaarka aqoonsiga uusan qaadan karin baasaboorka.

Isbeddelkan weyn ee ku yimid hanaanka qaadashada baasaboorka ayaa waxa uu si rasmi ah u dhaqan-galayaa 1-da September 2025, sida lagu iclaamiyay shir heer sare ah oo maanta ka dhacay xarunta dhexe ee hay’adda socdaalka.

Sidoo kale, dhammaan dadka ku safraya dalka gudihiisa waxa looga baahan yahay in ay safarkooda u haystaan kaarka aqoonsiga qaranka, laga bilaabo 1-da January 2026.

Shirkan oo diirada lagu saarayay sare u qaadista sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed ayaa waxa shir-guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Fartaag, waxana qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Balcad, Agaasimaha Guud ee hay’adda socdaalka, MustafeDhuxulow, Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde, La-taliyayaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada hay’adood.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxa ka mid ahaa:

  • Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka
  • Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga
  • Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed
  • Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga HSJ iyo NIRA
  • Dhisidda hannaan joogto ah oo ay si wadajir ah u fuliyaan labada hay’adood

Go’aannada lagu gaaray shirka

  • 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝟏-𝐝𝐚 𝐒𝐞𝐩𝐭𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓, Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa lagu codsan doonaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.
  • 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝟏-𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐧𝐮𝐚𝐫𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔, dhammaan dadka ku safraya dalka gudihiisa waxa looga baahanyahay in ay safarkooda u haystaan kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogtooda shaqsiga ah.
  • 𝐌𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚𝐚𝐬, labada hay’adood waxay si buuxda uga wada shaqeyn doonaan isku dubaridka nidaamyada, tababarka saraakiisha, iyo wacyigelinta bulshada.

Tani waxay ka mid tahay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu xoojinayo hannaanka maamulka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta, iyadoo lagu saleynayo istiraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hay’ad casri ah iyo adeegyo la jaanqaadaya baahida shacabka.

Si kastaba, labada hay’adood ayaa ku hawlan dhameystirka hannaan wada-shaqeyn buuxda, si codsiga baasaboorku u noqdo mid la isku halleyn karo, daahfuran, oo si degdeg ah u shaqeeya.

Wasaarada caafimaadka oo magacawday golaha anshaxa cilmi-baarista qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku shaacisay magacaabista xubnaha cusub ee Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka Soomaaliyeed (SNREB).

Sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda, magacaabista xubnaha golahan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo cilmi-baaris caafimaad oo ku dhisan hufnaan, anshax sare iyo nidaam sharciyeed cad, iyadoo la raacayo qorshaha isbedelka qaran (National Transformation Plan).

Golahan cusub ee SNREB ayaa loo xil-saaray inay dib u eegis ku sameeyaan, qorsheeyaan, isku xiraan isla markaana kormeeraan dhammaan cilmi-baarisyada caafimaadka ee dalka laga hirgeliyo, sida lagu caddeeyay bayaanka wasaaradda. Mas’uuliyadda golahan ayaa sidoo kale dabooli doonta cilmi-baarisyada la xiriira nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka (WASH), deegaanka iyo dhaqamada bulshada.

Bayaanka wasaaradda ayaa intaas ku daray in ujeedka ugu weyn ee golahan yahay in cilmi-baarisyada lagu hago xeerarka anshaxa cilmi-baarista ee heer qaran iyo go’aanka Golaha Wasiirrada Summadiisu tahay SHGW.00.84.10.19 ee la ansixiyay 10 October 2019, kaas oo qeexaya nidaamyada Machadka Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa bayaanka ku sheegay in dhismaha golahan uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhiirigelinta cilmi-baarista caafimaad ee dalka, iyadoo ilaalinaysa xuquuqda aadanaha kuna dhisan mas’uuliyad iyo isla xisaabtan.

Sidoo kale, xubnaha cusub ee Golaha SNREB ayaa lagu tilmaamay inay yihiin khubaro sare oo leh aqoon iyo khibrad dheer oo ku saabsan caafimaadka, anshaxa bio-etikada, cilmi-baarista caafimaadka, sharciga iyo siyaasadda guud ee caafimaadka Soomaaliya. Waxaa la filayaa inay gutaan waajibaadkooda si waafaqsan heerarka anshaxa gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, jaamacadaha, xarumaha caafimaadka iyo daneeyayaasha kale inay si dhow ula shaqeeyaan golahan cusub, loona hoggaansamo xeerarka iyo nidaamyada Golaha SNREB si loo gaaro cilmi-baaris caafimaad oo lagu kalsoonaan karo.

Somalia taps veteran diplomat as new national security chief

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has appointed a veteran diplomat as his new national security advisor, a move that comes as his administration grapples with significant security challenges, internal policy disagreements, and a damaging scandal over the alleged misappropriation of military aid.

Ambassador Aweys Haji Yusuf was named to the crucial post, replacing Hussein Sheikh-Ali, whose recent departure was precipitated by months of mounting pressure and strategic rifts within the government, according to a statement from the presidential palace, known as Villa Somalia.

The change in leadership of the nation’s security apparatus occurs at a pivotal moment for Somalia, which is engaged in a long-running and brutal offensive against the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab insurgency while navigating complex internal politics and its relationships with key international partners.

In an official statement, President Mohamud praised the incoming advisor’s “deep experience and leadership” and expressed hope that he would “play a significant role in strengthening national security and implementing the government’s counter-terrorism strategy.”

The presidency also formally thanked the outgoing advisor, Hussein Sheikh-Ali, for his service. However, his exit on July 25 followed a period of intense political strain, rooted in accusations of corruption within the security sector and fundamental disagreements over military strategy.

The new National Security Advisor, Aweys Haji Yusuf, brings extensive diplomatic and policy experience to the role. He previously served as Somalia’s ambassador to Saudi Arabia from 2023 to 2025, a period focused on bolstering strategic and security cooperation between Mogadishu and Riyadh.

Between 2012 and 2016, during President Mohamud’s first term, Yusuf led the Presidency’s Political Planning Office, where he was instrumental in shaping national policies on security, economic reform, and governance.

He was also a key figure in high-level negotiations with international partners concerning security and economic cooperation. Observers see his appointment as an effort by President Mohamud to install a trusted and experienced hand to steady the nation’s security policy.

The departure of Hussein Sheikh-Ali was not abrupt, according to Caasimada Online sources. He reportedly tendered his resignation as early as May 2025 but remained in his post under pressure from Villa Somalia until late July.

The core of the dispute appears linked to a scandal that erupted in the spring of 2024. A U.S.-led investigation in April of that year uncovered the misappropriation of food aid and other essential supplies intended for the “Danab” (Lightning) Brigade, an elite, U.S.-trained commando force that serves as the spearhead for counter-terrorism operations.

The revelations led to the temporary suspension of U.S. food aid to the unit, prompting significant concern among Somalia’s international partners. According to government sources, senior officials at the Ministry of Defense and military commanders accused Sheikh-Ali’s office of failing to adequately respond to the corruption allegations, creating a significant point of friction.

Further complicating his tenure were stark strategic disagreements. Sheikh-Ali reportedly opposed a planned government military offensive in the southern state of Jubaland, cautioning that it could provoke dangerous divisions within the Somali National Army.

The final catalyst for his exit was reportedly the diversion of a ship carrying weapons destined for TURKSOM, a major Turkish military base and training academy in Mogadishu. The vessel was rerouted to the semi-autonomous state of Puntland, a move that stoked fresh political suspicions and tensions between the federal government and the regional state.

Concerns within the presidency were also reportedly heightened by news that Sheikh-Ali has authored a forthcoming book. Villa Somalia officials are said to be worried the book could disclose sensitive details about the inner workings of Somalia’s security agencies and their relationships with foreign powers.

The leadership change comes as Somali forces, with the support of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) and U.S. air support, continue a grinding war against Al-Shabaab. While the government has had success in liberating some territories, the insurgent group has proven resilient, recently retaking ground in central Somalia and continuing to launch deadly attacks.

 The appointment of Ambassador Yusuf is a clear signal of President Mohamud’s intent to reset his security agenda and reinforce trust with crucial international allies like the United States and Turkey.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay la-taliyaha cusub ee amniga qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Danjire Aweys Xaaji Yuusuf u magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha. Magacaabistan ayaa ku timid xilli uu dalka wajahayo caqabado dhanka amniga ah, iyadoo Villa Somalia ay dooneyso inay xoojiso dadaallada istiraatiijiyadeed ee la-dagaallanka argagixisada.

Danjire Aweys waa siyaasi iyo diblomaasi khibrad dheer u leh maamulka iyo amniga qaranka. Intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2016, wuxuu hogaaminayay Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu door muuqda ka qaatay dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta dowladda.

Waxa uu sidoo kale hormuud ka ahaa wada-hadallada heerka sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee dowladda Federaalka iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah.

Danjire Aweys wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga intii u dhaxeysay 2023 ilaa 2025, isagoo door muhiim ah ka ciyaaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed iyo amni ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Danjire Aweys waayo-aragnimadiisa qotada dheer iyo hogaamintiisa, wuxuuna ka rajeeyay in uu door muuqda ka qaato xoojinta amniga qaranka iyo hirgelinta istiraatiijiyadda dowladda ee la-dagaallanka argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka, Mudane Xuseen Macallin Maxamuud, dadaalkii uu geliyay horumarinta amniga qaranka muddadii uu xilka hayay, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Xuseen Macallin Maxamuud, ayaa xilka ka tegay dhammaadka bishii hore ka dib cadaadis siyaasadeed oo baahsan, fadeexad la xiriirta gargaar militari oo la lunsaday, iyo khilaafyo istiraatiijiyadeed oo ku saabsan arrimaha gudaha iyo dibedda.

Inkasta oo uu si rasmi ah u gudbiyay is-casilaad horraantii bishii Maajo 2025, haddana warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Villa Somalia ay cadaadis ku saartay in uu xilka ka dego 25-kii Luulyo. Khilaafyada ugu waaweyn ee horseeday go’aankaasi waxaa ka mid ahaa:

Khilaafka ayaa la sheegay inuu sii xoogeystay horraantii 2024-kii, kaddib markii ay soo baxday fadeexad ku saabsan lunsashada gargaar uu Mareykanku siin jiray Guutada Danab, oo ah ciidan khaas ah oo Kumaandoos ah oo uu Mareykanku tababaray si ay u hoggaamiyaan hawlgallada la-dagaallanka argagixisada.

Baaritaan ay hoggaaminayeen Mareykanku bishii Abriil 2024, ayaa lagu ogaaday in la lunsaday raashin gargaar ah iyo agab kale oo loogu talagalay ciidanka Danab. Sida ay sheegeen ilo-wareedyada Caasimada Online, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliyeyaal sare oo militari ayaa ku eedeeyay xafiiska Xuseen Macallin inuu ku guuldarreystay inuu si ku filan uga jawaabo eedeymahaas.

Xuseen wuxuu la soo baxay mowqif ka dhan ah weerarro laga qorsheeyay Jubaland, isagoo ka digay in tallaabo militari ay keeni karto kala qaybsanaan ka dhex dhalata Ciidanka Xoogga Dalka.

Waxaa sidoo kale lagu warramay in Xuseen Macallin uu qoray buug dhowaan soo bixi doona, kaasoo faahfaahinaya habka shaqo ee hay’adaha amniga Soomaaliya, xiriirka ay la leeyihiin quwado shisheeye, iyo go’aan qaadashada Villa Somalia. Warbixintaasi ayaa la sheegay in ay walaac weyn ku keentay madaxtooyada, iyadoo laga baqayo in xog xasaasi ah oo dawladda ah ay banaanka timaaddo.

Dhacdadii ugu dambeysay ee dhabbaha u xaartay is-casilaadda ayaa ahayd markii markab siday hub loogu talagalay saldhigga Turkiga ee TURKSOM loo leexiyay Puntland, taasoo dhalisay shakiyo cusub oo siyaasadeed.

Sidee ayey Soomaaliya uga aqbashay Itoobiya diblomaasi u gefay midnimada dalka?

0

Aqbalaadda warqadda aqoonsiga ee safiirnimo: Waxaa jira habraac la yiraa “Agrément Process” oo ah nidaam diblomaasiyadeed oo dowlad kasta raacdo ka hor inta aan la aqbalin safiir cusub. Nidaamkan waxaa hagaya Vienna Convention on Diplomatic Relations (1961), gaar ahaan Article 4 (1 and 2). Tusaale;

Agrément Process – waa maxay?

  1. Agrément waa oggolaansho horudhac ah oo ay dowladda marti-gelinaysa safiirka cusub ay siiso safiirka dowlad kale ka hor inta aysan aqbalin.
  2. Haddii dowladda martida loo yahay aysan aqbalin qofka loo soo magacaabay (without giving reasons), waa xaq sharci ah in ay iska diido.

Maxay tahay sababta loo sameeyo taas..? Sababta ugu wayn waa:

  1. In la hubiyo qofka lasoo magacaabay uusan khatar ku ahayn amniga, siyaasadda ama xiriirka labada dal.
  2. In laga hortago Persona non-grata (PNG), xaalad ku timaadda ka dib marka safiirka la aqbalo.
  3. Waa habraac lagu ilaaliyo madax-bannaanida iyo amniga dalka martida loo yahay.

Baaritaanka iyo ogaanshaha xogta qofka (Diplomacy-ga):

Dowladda martida loo yahay waxa ay samaysaa (background check) la xiriira:

  1. Amni: xiriirkiisa hore, xiriir siyaasadeed, waxyaabo lid ku ah dalka (Qaranka).
  2. Diblomaasiyadeed: khibradiisa, akhlaaqda, sumcaddiisui hore
  3. Xiriir siyaasadeed: in uu ka tirsan yahay kooxaha mucaaradka ku ah dalkaas ama taageera argagixisada.
  4. Hay’adaha amniga iyo sirdoonka: dalka martida loo yahay waxa ay sameeyaan baaritaan buuxa oo (vetting ama Full Profilling) ah.

F.G: Nidaamkan hubinta ah mararka qaar waxa uu qaadan karaa 3–6 bilood ama ka badan, haddii loo baahdo.

Go’aanku waa (confidential), lama sheego sababta loo diiday Diplomacy-ga haddii la diido.

Go’aan

  • Haddii lagu qanco (agrément) waa la bixiyaa oo la aqbalaa safiirka, haddii aan lagu qancin, waa la diidi karaa “without giving reasons” sida uu dhigayo (Vienna Convention).

Ujeedada qormadaan waxaa waaye, shalay Madaxwaynaha JFS Md. Xasan Sheekh ayaa warqadda magacaabista safiirnimo ka guddoomay safiirro uu kamid yahay safiirka cusub Ee dowladda Ethiopia Suleiman Dedefo. Waxaa xusid mudan in ninkaasu aanu horay u xitiraamin dowladnimada iyo wadajirka Qaranimo Ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa leh masuuliyadda hubinta safiirka lasoo magacaabay. ma ninkaan ayaan background check-up lagu samayn mise waxaan uu qorayay ayaa wax caadi ah loo arkaa..? Ama aan dan laga lahayn..? Sidee qof sidaan u hadlaya loogu ogolaanayaa inuu ka howl-galo isla dalkii uu aflagaadaynayay..?

WQ: Musharaf Maxamed 

Dibadbax ka bilowday Doolow kadib go’aankii Itoobiya

0

Doolow (Caasimada Online) – Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan ayaa maanta ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Bannaanbaxan oo ay dhigeen dadka shacabka ah, ayaa ka dhashay caro xooggan oo ka dhalatay hadal kasoo yeeray saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan gobolkaasi, kaasoo ay ciidamada Soomaaliya saddex cisho ugu qabteen in ay uga baxaan magaalada Beledxaawo oo haatan ay ku sugan yihiin.

Shacabka mudaharaadayay ayaa si cad uga hor yimid hadalkaasi, iyagoo ku tilmaamay xad-gudub ka dhan ah qarannimada iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed, kuna qeexay mid aan marnaba la aqbali karin.

Ciidamada Itoobiya ayaa isku dayaya in ay la dagaalamaan ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Beledxaawo, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Gedo.

Cabdullaahi Shimbir, oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo isla markaana taabacsan dowladda Federaalka, ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amar la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, kuwaasoo dhawaan la wareegay Beledxaawo.

Guddoomiyuhu waxa uu caddeeyay in arrintan ay u arkaan gar-darro cad, isla markaana aysan aqbali doonin maamul ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in tallaabada Itoobiya ay dhaawaceyso xiriirka darisnimo iyo is-aaminaadda haatan soo hagaagaysa ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyagoo gebi ahaanba cagta mariyay, kadibna xirey taliyihii xeradaasi. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka, kuna saabsan xad-gudubkaasi ay Itoobiya geysatay.

Si kastaba, xaaladda gobolka Gedo ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay dhawaan si buuxda ula wareegeen magaalada Beledxaawo, taasoo muddo dheer ay gacanta ku hayeen ciidamo taabacsan maamulka Axmed Madoobe.

Jubaland oo si yaab leh ula safatay Itoobiya, eedeyn u jeedisay Masar iyo Eritrea

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay xaaladda gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda ka taagan gobolka ay ku lug leeyihiin dalal shisheeye.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ay Gedo usoo rartay aragtida dalalka Masar iyo Eritrea, ayna ka digayaan arrintaas, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan ogoleyn in dowlado shisheeye ay ku hardamaan gobolka Gedo, isla markaana loo soo wareejiyo khilaafaad ka dhexeeya dalal kale oo waawayn, maadaama ay is hayaan saddexda dal ee kala ah Itoobiya, Eritrea iyo Masar.

”Gobolka Gedo waxaa loo soo wareejiyay aragtida Masar iyo Eritrea annagu marabno in deegaankeenna la keeno khilaafaadka dalal kale” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Eedeytan culus ee ka timid Jubaland, loona jeediyay Masar iyo Eritrea ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan xiisadda gobolka Gedo ay farogelin ku hayo dowladda Itoobiya, waxaana maanta ciidamadeeda ku sugan Doolow ay soo saareen amar culus oo ay dul-dhigeen Cabdirashiid Janan iyo ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Beledxaawo, iyaga oo u qabtay in magaaladaas ay uga baxaan muddo saddex cisho gudahood ah.

Cabdullahi Shimbir oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo, isla markaana taabacsan dowladda federaalka ah oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amarka ay soo saareen ee la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, isla markaana dhowaan qabsaday Beledxaawo.

“Ciidamada Itoobiya amaro ayay bixiyeen oo ku aadan ciidamada dowladda oo xerada UK deggan iyo madaxda dowladda ee halkaas joogta qaasatan Cabdirashiid Janan waqti ayay qabteen oo saddex berri ah” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hadda ogow meesha ay waqtiga ku qabanayaan oo ay joogaan waa gobol Soomaali ah meesha ay leeyihiina halaga baxo waa Beledxaawo waddan Itoobiyo ma’ahan”.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyaga oo gebi ahaan cagta mariyay, kadibna soo xiray taliyihii xeradaasi, mana jiro illaa iyo war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka, kuna aadan xadgubka Itoobiya.

Yaasiin Fareey oo hanjabaad culus kasoo saaray burburinta ay DF ka waddo Siinaay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Fareey) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga haday burburinta saaka laga bilaabay xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho oo ay haatan howlgal ka wadaan ciidamada dowladda Somalia, si cagta loo mariyo dhismaha dhulkaasi.

Yaasiin Fareey oo hanjabaad culus kasoo saaray burburinta dhulkan oo xiisad xooggan ay ka taagan taagan tahay ayaa sheegay in wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha ay qaadi doonaan dadka ku howlan oo uu tilmaamay inay garanayaan, balse ma carab baabin.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in dhulkaasi aysan dagi doonin cid kale, ayna difaaci doonaan dadka metalaan ee ku dhaqan suuqyada Siinaay iyo Suuq-bacaad, isaga oo sidoo kale tuhun ka muujiyay dabkii habeen hore baabi’iyay suuqa labaad ee ugu wayn dalka.

“Wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doono dhammaan dadka ku Hoowlan oo aan dhammaantood wada naqaano. Ma aqbali doono in la baa’bi’yo Suuqyada Suuqbacaad iyo Siinaay, mana dhici doonto in la dego inta aan nool nahay” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Fareey).

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

Waxaan la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed in wixii aan ka digeynay ku dhacayaan subaxan 6da August, 2025 Dadka aan matalo oo labadii suuq ee noloshoodu ku tiirsaneyd midna gubtay, midna la burburinayo.

Suuqa gubtay waxaan tuhun ka qabnaa xogo horudhacana ka heleynaa in uu yahay faldambiyeed abaabulan, Suuqa la burburinayana dhammaan waa wada naqaanaa cidda sida gaarkaa ugu howlan.

Waxaan u taaganahay lana dareen ahay dadka Soomaaliyeed ee la dulminaayo guud ahaan gaar ahaan dadka Labada Suuq ee Siinaay iyo Suuqbacaad oo loo adeegsanaayo awood dowladeed laguna kacaayo fal ka baxsan xuquuqda aadanaha iyo shuruucda u taala Dalka.

Wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doono dhammaan dadka ku Hoowlan  oo aan dhammaantood wada naqaano. Ma aqbali doono in la baa’bi’yo Suuqyada Suuqbacaad iyo Siinaay, mana dhici doonto in la dego inta aan nool nahay.

Waxaan u sheegayaa dadkeyga in aan murugada la qeybsanaayo, geed dheer iyo geed gaabana u kori doono in aan danaha guracan diidnay dhahno si wadajir ah. Waxaan ugu baaqayaa in ay is garabsadaan waqtigan xasaasiga ah dal iyo dibad, midnimadooda iyo cududooda mideeyaan, qof kastana kaalintiisa qaato.

Muxuu Safiirka Turkiga ee Soomaaliya hoos ugu dhigay booqashadiisii Boosaaso?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Alper Aktas oo maalin ka hor booqasho ku tegay magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kula soo kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa hoos u dhigay booqashadiisa.

Alper Aktas oo haatan kusoo laabtay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa illaa iyo hadda ka hadlin booqashadiisii Boosaaso, sidoo Kalena wax faah-faahin kama uusan bixin kulankii uu la yeeshay Saciid Deni, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.

Caadiyan haddii safiirku uu kulan la yeesho madaxda kala duwan ee Soomaaliyeed waxa uu ka shaacin jiray kulankaas baraha bulshada ee safaaradda, balse illaa iyo hadda sooma hadal qaadin booqashadiisii Boosaaso iyo wada-hadalladii dhexmaray isaga iyo Saciid Deni.

Sababta ka dambeysa arrintan ayaa waxaa loo aaaneynayaa xiriirka hooseeya ee ka dhexeeya labada dhinac, waxaana sidoo kale Turkiga uu horay uga carooday tallaabada ay qaaday Puntland oo iyadu markabkan ka qabsatay xeebta degmada Bareeda ee u dhow Ras Xaafun.

Arrintan waxay kusoo aadeysaa, iyada oo haatan Puntland ay Turkiga ku wareejisay markabkii hubka siday ee kusoo socday xerada TurkSom ee ku taalla magaalada Muqdisho. Wareejinta markabka MV Sea World ayaa looga dhawaaqay kulankii dhexmaray Saciid Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga ee Isniintii booqday magaalada Boosaaso.

Madaxtooyada Puntland oo bayaan soo saartay ayaa shegtay in Turkiga uu la wadaagay caddeymo muujinayo in hubkaas ay iyagu leeyihiin, kadibna ay sidaas ugu wareejiyeen.

“Dowladda Puntland oo ka duulaysa cadeymaha ay soo gudbisay dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay markabka iyo shixnada uu sido ayaa go’aansatay in masuuliyada Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madaxtooyadda maamul-goboleedka Soomaaliyeed e Puntland.

Si kastaba, sii-deynta markabkan ayaa ku timid dadaal diblumaasiyadeed heer sare ah oo Imaaraadka u sameeyay Turkiga, maadaama uu si weyn ugu dhow yahay Saciid Deni, taas oo ugu dambeyntiina keentay in markabka iyo hubka uu siday lagu wareejiyo Turkida.

Clan divisions and power struggles cloud Gedo’s future

MOGADISHU, Somalia – A new research paper sheds light on the political instability and identity-based fragmentation gripping Somalia’s Gedo region, highlighting how clan dynamics, cross-border influences, and elite rivalries continue to shape the region’s uncertain future within the federal structure of Jubbaland.

Published by PeaceRep at the University of Edinburgh, the report explores how Gedo — a key region bordering Ethiopia and Kenya — has been caught in a tug-of-war between local clan factions, the federal government in Mogadishu, and the Jubbaland administration based in Kismayo. At the center of this struggle is the Marehan clan, which dominates Gedo but is deeply divided by internal sub-clan rivalries and elite disunity.

The authors, Dr. Nisar Majid and Khalif Abdirahman, trace the Marehan’s historical roots and territorial migrations, linking them to the clan’s evolving political identity and its complex role in shaping and resisting Jubbaland’s formation.

While Jubbaland was formally established in 2013, Gedo’s integration into the regional state has remained partial and contested — with Marehan elites often bypassing Gedo to seek influence in national power centers like Mogadishu and Kismayo.

A key turning point came during the presidency of Mohamed Abdullahi “Farmajo” (2017–2022), himself a Marehan, whose government clashed with Jubbaland President Ahmed Madobe over control of Gedo.

Farmajo’s efforts to assert federal control saw temporary gains, including the deployment of Turkish-trained forces and the marginalization of influential local figures like Abdirashid “Janaan,” a controversial strongman previously aligned with Madobe. However, Farmajo’s tactics also fueled internal divisions among the Marehan and failed to produce a lasting political settlement.

The study notes that Gedo’s security further deteriorated after the fall of Janaan, with rival sub-clans competing for local power and influence. Violent clashes, particularly in towns like Luuq, Baardheere, and Dolo, have increased in frequency, reflecting the absence of coherent regional authority.

Since the election of President Hassan Sheikh Mohamud in 2022, Gedo’s political status has remained ambiguous. Mohamud initially pulled back from the Jubbaland conflict to focus on countering Al-Shabaab. However, renewed tensions with Madobe have since erupted — most notably in the Ras Kamboni standoff of late 2024.

Meanwhile, local conflicts have escalated, with district-level violence in Baardheere, Luuq, and Dolo pointing to a breakdown of governance and growing clan militarization.

The report underscores how Marehan elites, particularly those from the influential Reer Diini sub-clan, have become politically dislocated from Gedo, prioritizing influence in the capital over grassroots reconciliation. This disconnection, the authors argue, has created a leadership vacuum and empowered rival sub-clans, fueling instability across the region.

Historical divisions between Marehan sub-clans — especially the divide between “Reer Guri” (long-established inhabitants) and “Galti” (newcomers) — continue to shape internal political contestation, weakening efforts to build a united front.

Regional dynamics further complicate the picture. Ethiopia and Kenya, both with military and political stakes in Jubbaland, have played shifting roles in Gedo’s affairs. Ethiopia’s once-strong influence has diminished, leaving no clear patron or stabilizing force in the region. At the same time, Kenya remains a key backer of Madobe.

The report also highlights how Marehan leaders’ closer historic ties with Hawiye elites in Mogadishu — compared to the Ogadeen — have enabled them to exert greater narrative influence at the federal level, though not enough to shift the power balance in Jubbaland decisively.

Despite their dominance in Gedo, the Marehan currently find themselves politically marginalized in both Mogadishu and Jubbaland, according to the report. The authors warn that without serious reconciliation efforts—both within the Marehan clan and with other local communities—Gedo is likely to remain unstable and contested.

“Only when Marehan political elites embark on a serious dialogue process concerning Gedo… will Gedo itself become a more coherent political entity,” the report concludes.

The findings offer a sobering reflection on Somalia’s wider state-building challenges, where federalism continues to be shaped as much by clan loyalties and external allegiances as by constitutional frameworks.

Ciidanka Itoobiya oo 3 cisho u qabtay in ciidanka Janan ay uga baxaan Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow ayaa amar culus dul-dhigay Cabdirashiid Janan iyo ciidamada dowladda ee haatan ku sugan magaalada Beledxaawo, waxayna u qabteen in muddo saddex cisho ah ay uga baxaan halkaasi, sida uu shaaciyay guddoomiyaha gobolka Gedo.

Cabdullahi Shimbir oo ah guddoomiyaha gobolka, isla markaana taabacsan dowladda federaalka oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amarka ay soo saareen ee la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, isla markaana dhowaan qabsaday Beledxaawo.

“Ciidamada Itoobiya amaro ayay bixiyeen oo ku aadan ciidamada dowladda oo xerada UK deggan iyo madaxda dowladda ee halkaas joogta qaasatan Cabdirashiid Janan waqti ayay qabteen oo saddex berri ah,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hadda ogow meesha ay waqtiga ku qabanayaan oo ay joogaan waa gobol Soomaali ah meesha ay leeyihiina halaga baxo waa Beledxaawo waddan Itoobiyo ma’ahan”.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusan in arrintan ay u arkaan gar-darro cad, isla markaana aysan aqbali doonin ka maamul ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in arrintan ay dhaawaceyso darisnimada iyo xiriirka haatan soo hagaagayo ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Arrintaas waxaa u arkaa arrin darisnimada iyo deegaanka wax u dhimeyso weeye,annagu ma rabno dagaa Itoobiyo, gar-darrana ma yeeleyno,” ayuu mar kale yiri.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyaga oo gebi ahaan cagta mariyay, kadibna soo xiray taliyihii xeradaasi, mana jiro illaa iyo war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka, kuna aadan xadgubka Itoobiya.

Xarunta Turkigu ka dhisayo Soomaaliya oo la ogaaday in uu ku jiro qorshe la qariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga ayaa Dardar geliyey qorshaha uu deked hawada sare ah uga dhisayo Soomaaliya, tallaabadaas oo loo arko inay si weyn ugu adeegayso himilooyinkiisa ku aaddan horumarinta teknoolojiyadda hawada sare iyo xoojinta awoodda difaaceed, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda.

Xaruntan, oo ay hoggaaminayso Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga (TUA), ayaa noqon doonta goob laga rido gantaallada dayax-gacmeedyada iyo meel lagu tijaabiyo gantaallada riddada dheer, iyadoo la filayo in dhismaheedu si rasmi ah u billowdo dhawaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishii Diseembar 2024 mashruucan kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah u muujiyay inuu yahay mid ku yimid iskaashi buuxa oo lala yeeshay dowladda Turkiga.

Sida uu qoray wargayska Türkiye Daily, Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga ayaa masuul ka noqon doonta kormeerka iyo hirgelinta dekedda hawada sare, taasoo la rumeysan yahay inay noqon doonto xaruntii ugu horreysay ee noocan ah oo laga dhiso qaaradda Afrika.

Mashruucan ayaa lagu fulin doonaa dhul ballaaran oo gaaraya 900 kiiloomitir oo isku wareeg ah, kuna yaalla xeebta Badweynta Hindiya, meel ku dhow dhulbaraha — taasoo la sheegay inay tahay goob si gaar ah ugu habboon in gantaallo si hufan looga rido.

Dhismaha dekedda hawada sare ayaa lagu wadaa inuu billowdo kaddib marka la qabto tartan qandaraas oo dhowaan la qorsheeyay. Mas’uuliyiintu waxay saadaalinayaan in dhismaha lagu dhammeystiri doono muddo laba sano gudahood ah, iyada oo kharashka ku bixi doona lagu qiyaasay $350 milyan oo doollar, taasoo loo qeybin doono wejiyo kala duwan.

Goobta istiraatiijiga ah ee mashruucu ka dhacayo, oo ah meel u dhow dhulbaraha, ayaa u oggolaanaysa in gantaallada lagu rido shidaal yar, iyadoo xamuul weynna la qaadi karo — sida ay sheegeen saraakiisha mashruuca.

Tijaabinta gantaallada riddada dheer

Dekeddan hawada sare ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doonta dadaallada Turkiga ee dhinaca difaaca, gaar ahaan tijaabinta gantaallada riddada dheer. Goobta lagu tijaabin doono, oo u jeedda Badweynta Hindiya, ayaa hoos u dhigi doonta khataraha suurtagalka ah, maadaama burburka gantaallada aanu halis ku noqon doonin deegaanada la deggan yahay ama waddamada deriska ah.

Waxaa la qorsheynayaa in lagu tijaabiyo gantaallo riddadoodu ka badan tahay 1,000 kiiloomitir, kuwaas oo lagu ridayo dhanka badweynta.

Gantaalka ugu riddada dheer ee hadda Turkigu leeyahay, oo lagu magacaabo TAYFUN, ayaa leh awood gaaraysa masaafo dhan 800 kiiloomitir. Tijaabadiisii ugu horreysay, oo laga sameeyay magaalada Rize, ayuu ku gaaray masaafo dhan 561 kiiloomitir, sida uu sheegay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

“Waxaan kordhin doonnaa kaydkayaga gantaallada 800-ka kiiloomitir gaara, waxaana dardargelin doonnaa horumarinta gantaallada 2,000-ka kiiloomitir gaara,” ayuu yiri Erdoğan. Dekedda hawada sare ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaarto tijaabinta hababkan casriga ah.

Turkigu wuxuu dhismaha dekedda hawada sare ee Soomaaliya u arkaa fursad uu ku kobcin karo doorkiisa caalamiga ah ee dhinaca hawada sare, isla markaana uu si weyn ugu xoojiyo awooddiisa istiraatiijiyadeed ee dhanka difaaca iyo cilmi-baarista teknoolojiyadeed.

Soomaaliya oo sharaxday ka qeyb-galkeeda shirka dalalka aan badda lahayn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay shir caalami ah oo ay qaybgashay magaalada Awaza ee dalka Turkmenistan, kaas oo diiradda lagu saarayey dardargelinta iskaashiga u dhexeeya wadamada leh iyo kuwa aan lahayn xeebaha, gaar ahaan dhinaca ganacsiga, horumarinta kaabeyaasha iyo fududeynta isu socodka badeecadaha.

Shirkan oo ah kii 3-aad oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa ujeedadiisu waxa ay ahayd in la xoojiyo fursadaha kobaca dhaqaale iyo horumarka waara iyadoo la adeegsanayo iskaashi ballaaran iyo istiraatiijiyad cusub oo lagu hirgelinayo Barnaamijka Awaza ee 2024–2034.

Soomaaliya waxaa shirkan ku metelay wafdi uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay shirka uga qayb gashay sidii ay u xoojin lahayd doorkeeda ku aaddan taageeridda wadamada xeebaha la’ ee soo koraya, isla markaana ay u raadiso maalgashi ku wajahan dekedaha iyo jidadka istaraatiijiga ah ee kobcin kara isku socodka gobolka.

“Soomaaliya waxay ka go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato dadaallada lagu taageerayo wadamada aan badaha lahayn, si kor loogu qaado iskaashiga gobolka iyo horumarka wadaagga ah,” ayuu yiri  wasiir Isaaq Maxamuu Mursal.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Soomaaliya ay ka go’an tahay in kaalin muuqata ka qaadato iskaashi horumarineed oo dhexmara dalalka deriska ah.

“Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan wuxuu fure u yahay raadinta maalgashi ku wajahan dekedaha iyo kaabeyaasha isku xira dalalka gobolka, si badeecaduhu si fudud oo qiimo jaban ah ugu gudbaan.” ayuu raaciyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda.

Arrintay ayaa dhalisay fal-celin xoogan, iyada oo su’aallo laga keenay ka qeyb-galka Soomaaliya ee shirka wadamada aan badaha lahayn ee dhacay dalka Turkmenistan.

Dowladda Federaalka ayaa dhowaan iska diiday in dhoolatus badeed la sameyso dalal aan bad laheyn. Qorshahan oo ay fahmeen madaxda Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay qeyb ka noqoto dhoolatuska badeed, maadaama ay si weyn u daneynayso gaarista badda.

“Waxaan diidnay in dhoollatus badeed aan la samayno dalal aan bad lahayn, dalkayagana kama dhacayso taas. Waxay doonayeen in naloo hoos geliyo dalal muranno ay naga dhexeeyaan” ayaa horay looga soo xigtay wasiirka gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi.

Mucaaradka ‘oo ku dhacaya shirqoolka’ Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu eedeeyay inuu mar kale isku dayayo inuu waqti dheeri ah ku darsado muddada xilkiisa, iyadoo ay jirto mucaaradad uga imaneysa Madasha Samatabixinta oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Qorshaha Madaxweyne Xasan, sida ay sheegayaan ilo siyaasadeed, ayaa ah inuu muujiyo niyad-wanaag saddexaad, isaga oo si caadi ah usii wada qorshihiisa doorashada, una muuqda mid dhegaha ka fureysanaya baaqyada isdaba-joogga ah ee ku aaddan in uu wadahadal la furo madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland — oo uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka digay waxa ay ku tilmaameen qorshe cusub oo uu madaxweynuhu doonayo inuu ku wiiqo doorka Madasha, iyagoo uga digaya mucaaradka inuu noqdo mid la marin habaabiyo.

Siyaasiga Maxamed Yuusuf Axmed, oo la hadlay Caasimadda Online, ayaa sheegay in tallaabada Madaxweyne Xasan ay tahay mid aan la aqbali karin, kuna sifeeyay in Madasha Samatabixinta ay tahay inay ka feejignaato wax uu ugu yeeray shirqoolka Xasan Sheekh.

“Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu muddo laba sano ah ku darsado, isagoo qorsheynaya in dowladdiisu noqoto mid ku tiirsan dhaqaalaha shidaalka isla markaana muddadaas horumar sameysa,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Wuxuu sidoo kale sheegay in aysan ahayn wax qarsoon in madaxweynaha uu doonayo in lacagahaasi u adeegsado si uu u aamusiiyo mucaaradka aan dhabta ahayn, halka kuwa kale uu la gali doono is-qabqabsi siyaasadeed.

“Waxaan ugu baaqayaa Madasha iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed in aysan aqbalin ballan cusub oo waqti dil ah. Taa beddelkeedana waa inay ku khasbaan Madaxweynaha inuu hannaanka doorashada keeno miiska, la fariisto madaxda Puntland iyo Jubaland, si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu wada qanacsan yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Dood xooggan ayaa haatan ka taagan qorshaha dowladda Federaalka ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro dhammaadka xilliga xil-heynta ee hadda socda.

Xukuumadda Madaxweyne Xasan ayaa ku adkeysaneysa in dalka uu u diyaarsan yahay in markii ugu horreysay la qabto doorasho dadweyne oo toos ah, hase yeeshee arrintan ayaa si weyn looga biyo diiddan yahay, iyadoo dowlad goboleedyada qaarkood iyo mucaaradku ay ku doodayaan in aan la helin shuruudo buuxa oo suurtagelinaya doorasho noocaas ah.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee la isku haysto waxaa ka mid ah: Jadwal cad oo doorasho lagu qaban karo, wadahadal dhab ah oo la isku raacsan yahay, xasilooni amni iyo sharci oo sal adag u noqon karta hannaanka iyo in laga fogaado in doorashada loo adeegsado muddo-kororsi siyaasadeed.

Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan waxaa u harsan siddeed bilood oo ka dhimman muddo xileedkeeda rasmiga ah, iyadoo aan weli la caddeyn nooca doorasho ee dalka uu geli doono marka la gaaro dhammaadka muddadaas.