28.1 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Daawo: Qeybdiid oo si yaab leh dowladda ugu eedeeyey dabbaal-deggii maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdiqeybdiid oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa sheegay in qalbigu xanuunay markii uu arkay qaabka ay dowladda Soomaaliya u xustay toddobaadka xorriyadda, si gaar ah, wuxuu ka carooday in aan la xusin halyeeyadii u soo halgamay xornimada.

Cabdiqeybdiid oo ka hadlay goob lagu xusaayey halgamaa Cabdullaahi Ciise ayaa galabta sheegay inuu ka xumaaday in hal meel aan  dabbaal-deggii toddobaadkaan looga xusin halgankii ra’iisul wasaare hore Cabdullahi Ciise Maxamuud.

“Dadka Soomaaliyeed maysan gudan waajibkii ka saarnaa xuska Cabdullaahi Ciise oo sabab u ahaa inaan Calan yeelano, qalbigaa I xanuunaya, wax aan sheegana ma aqaan, waa nasiib darro wixii maanta dhacay,” ayuu yiri Senator Cabdi Cawaale Qeybdiid.

Wuxuu si adag u sheegay in dadkii Cabdullahi Ciise uu xornimadooda u soo dagaalamay aysan gudin abaalkiisa oo ay dayaceen taariikhdiisa, xuskiisa iyo xusuustii uu ka mudnaa dadkiisa.

“In maanta feystooyinkii 1-da Luulyo caasimadda Muqdisho laga dhigo, laakiin ciddii gobanimada dhalisay aan la xusin runtii waa nasiib darro, qalbigaan ka xanuunsanayaa,” ayuu yiri Qeybdiid.

Wuxuu intaas ku sii daray in mudnaantii ay halgamayaasha qaar la haayeen dad gaar ah la siiyey, taasina ay qalbi xanuun ku riday, sida uu hadalkiisa u dhigay Cabdiqeybdiid.

“Midda aan maanta arkayo waa nasiib darro, mudnaanta in dad gaar ah la siiyo, fiiri Calankii Jamhuuriyadda ayaa meel kasta la suray, ciddii keentana lama xusayo, wax rabana malaha, waa wax lala yaabo,” ayuu yiri Senator Cabdi Cawaale Qeybdiid.

Halgamaa Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuu door weyn ka ciyaaray keenistii xornimada, madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliyeed, wuxuu kale oo uu ahaa ra’iisul wasaarahii ugu horeeyey ee Soomaaliya ay yeelato.

Hoos ka daawo Senator Cabdi Qeybdiid.

Al-Shabaab oo la timid xeelad dagaalka oo cusub – Maxaa ka cusub Moqokori?

Moqokori (Caasimada Online) – Gurmad ciidan oo xoog leh ayaa ku sii qulqulaya aaggaga ku dhaw degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo deegaanada ku dhaw ay soo galeen maleeshiyaad badan oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Tan iyo markii Al-shabaab ay qabsadeen degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, bishii April waxay bilaabeen weerarro ay ku qaadayaan macawiisleyda beesha Xawaadle oo iyagu jilibka dhigtay, kuna dagaalamaya dhulkooda, si cadowgu aysan uga qabsan.

Deegaanada Ceel-Hareeri, Gayacad, Mubaax iyo tuulooyin kale oo hoosta Moqokori, ayey Al-Shabaab ku qaadeen weerarro is dabajoog ah oo ayagana lagu laayey ciidanka iska difaacayana ay ku dhib muteen.

Axadii toddobaadkaan Al-Shabaab waxaa u suurtagashay inay qabsadaan deegaanka Ceel-Qooxle oo ku dhaw maagalada Moqokori, kaas oo ah deegaan istiraatiiji ah, waxaana looga baxay xeelad dagaal, sida ay saraakiishu sheegeen.

Saraakiisha ciidamada dawladda iyo kuwa macawiisleyda beesha Xawaadle ayaa wada abaabul looga hortagayo duulaanka Al-Shabaab, Saraakiishaas waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Owbakar oo ka tirsan barlamaanka Hirshabeelle, kuna sugan difaacyada hore ee degmada Moqokori.

“Meel la dhaho Gayacad ayaan kula dagaallameynay, maalmo dhow ayey soo wareegteen, deegaanka Ceelqooxle oo Gumaraha hadda aan joogo u jira saddex ilaa iyo afar KM ayey soo galeen, marka dagaalkaas ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdulqaadir oo la hadlay Idaacadda BBC.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weerarrada ku garab wado dacaayad ay adeegsanayaan, iyagoo ujeedkoodu yahay in dadka ay deegaanadooda ka qaxinayaan.

Kooxda ayaa baraha bulshada ku baahineysa in magaalooyin ay dadkoodii difaacanayaan laga baxay cabsi darteed, xalay oo ugu dambeysay waxay barahooda ku baahiyeen in shacabkii deganaa ay ka qaxeen Moqokori, taasi oo ciidamada iyo shacabka degmadaas ay beeniyeen.

Inkastoo dagaalka ay ku dhiig baxeen macawiisleyda beesha Xawaadle ayaa wacad ku maray in dhulkooda aysan uga bixi doonin cabsi ay ka qabaan Al-Shabaab, isla markaana ay difaaca doonaan ilaa ay ka guuleystaan ama ay ka dhamaadaan.

Ciidamada Macawiisleyda Xawaadle waxay garab ka helayaan ciidamo aan badneyn oo militeriga iyo nabad sugidda Soomaaliya ka tirsan, si geesinimo leh ayey dhulkooda uga difaacdeen kooxda, balse hadda waxaa moodaa inay sii jilcayaan, maadaama dagaalku ku dheeraaday.

 

Xamza Faracadde iyo rag la socday oo maanta lagu dilay…

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo ay maanta ciidamada deegaanka ka sameeyeen aagga deegaanka Daarunimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalka oo si aad ah loo qorsheeyay ayaa waxaa lagu qaaday horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab iyo maleeshiyaad la socday oo ku sugnaa halkaasi, sida lagu sheegay qoraal ay daabacday Warbaahinta Codka Ciidamada.

Sida lagu sheegay qoraalka waxaa howlgalka lagu dilay horjooge lagu magacaabi jiray Xamza Faracadde iyo maleeshiyaadkii kale ee la socday, uuna weerarka u dhacay sidii qorsheeyay.

Xamza Faracadde ayaa ahaa sarkaal muhiim oo argagixisada u qaabilsanaa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo haatan ay culus soo saartay kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalkan oo si taxaddar leh loo diyaariyay ayaa si gaar ah loogu beegsaday horjooge Xamza Faracadde, oo ka mid ahaa horjoogayaasha Khawaarijta u qaabilsanaa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxaa la sheegay in sarkaalkan uu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxyada iyo dhagarta kale ee lagu beegsaday shacabka ku dhaqan gobolladaasi.

Dhankooda saraakiisha deegaanka ee hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in qorshahooda uu kusoo dhammaaday guul, kadib markii la dilay horjoogaha iyo tiro kale oo maleeshiyaad ah oo la socday.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo isla maanta dhacay, laguna dilay horjooge kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Jaabir, kaas oo ay ciidamada Danab ku dileen howlgal qorsheysan oo ka dhacay aagga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magaabi jiray Jaabir iyo sideed dhaqagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay howlgal aad loo qorsheeyay oo ay ka sameeyeen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay dowladda.

Howlgalladan guuleystay ayaa qayb ka ah guluf culus oo haatan ay wadaan ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaano ku yaal labada Shabelle.

U.S. vows deeper ties with Somalia on key challenges

WASHINGTON D.C. — The United States has reaffirmed its commitment to expanding cooperation with Somalia in key areas like security and economic development, as Secretary of State Marco Rubio outlined a forward-looking agenda in a statement marking Somalia’s 65th Independence Day.

While offering congratulations to the Somali people, Rubio highlighted Washington’s long-term interest in deepening ties amid shared regional and global challenges.

“The United States looks forward to strengthening our shared bonds as we work together on economic growth and combatting extremism,” Rubio said.

U.S. support has included targeted airstrikes, training for Somali forces, and backing international stabilization efforts through the African Union and the United Nations.

Rubio praised the Somali people for their resilience in confronting extremism and rebuilding national institutions. “We commend the Somali people for their efforts in the fight against terrorism and building a more prosperous future,” he said, reaffirming U.S. support for Somalia’s state-building efforts.

He added that the U.S. looks forward to “working together on issues of mutual national interest,” signaling potential collaboration in areas such as development aid, infrastructure, trade, and governance reforms.

Somalia has become a growing focus of U.S. foreign policy in East Africa, seen as both a partner in counterterrorism efforts and a fragile state whose stabilization is crucial to regional peace and maritime security.

Under both the Biden and Rubio-led State Departments, the U.S. has stepped up coordination with Somali authorities alongside development programs targeting agriculture, education, and job creation.

Rubio’s message emphasized Washington’s intent to remain a strong partner in Somalia’s pursuit of peace, democracy, and economic growth while also recognizing the strategic value of the bilateral relationship.

“The year ahead offers new opportunities for cooperation,” Rubio said, underscoring U.S. interest in Somalia’s long-term stability and prosperity.

The statement comes at a pivotal time in U.S.-Somalia relations, marked by close security cooperation and recent uncertainty in development funding.

In 2025, the U.S. Africa Command (AFRICOM) conducted at least 43 airstrikes targeting al-Shabaab and ISIS-Somalia, often in support of the U.S.-trained Danab Brigade.

Despite this pressure, al-Shabaab remains active and has regained territory in parts of the country. The African Union’s follow-on mission, AUSSOM, also faces unresolved funding challenges.

On the economic front, Somalia has shown modest growth. The World Bank projects GDP growth of 3–4% in the medium term. The country’s extensive coastline presents opportunities in fishing, offshore energy, and other sectors of the blue economy.

Yet Rubio’s optimism is tempered by policy shifts in Washington. In January 2025, a White House executive order prompted a comprehensive review of aid, resulting in a stop-work order at USAID that suspended several projects.

This includes a $68.5 million development grant signed in October 2024 to expand education and economic opportunity—now facing an uncertain future.

Maxaa ku qoran warqadaha ay daadiyeen diyaaradaha maanta lagu arkay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo maanta ay ku beegan tahay xuska munaasabadda 65-aad ee Kowda Luulyo oo ah marka ay xoroobeen gobollada koonfureed ee dalka, sidoo kalena ay midoobeen waqooyi iyo koonfur, ayaa waxaa dabaal-degga kasoo muuqday diyaaradaha cusub ee ay soo iibsatay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyay dhuulatus aad u wayn.

Diyaaradahan oo ah kuwa dagaalka ayaa isugu jiray kuwo ay soo iibsatay dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo uu Turkiga ugu deeqay dalka, kuwaas oo haatan ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Inta ay duulimaadyada dabaal-degga ku jireen diyaaradaha ayaa soo daadiyay waraaqado lagu wacyigelinayo bulshada, kuwaas oo muujinayo in lagu jiro todobaadka xorriyadda Soomaaliya iyo sidoo kalena in dalka uu ka socdo howlgal xoreyn ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.

“Xuska 1da Luulyo 65 guurada, xoreynta dalka iyo xuska xoriyadda” ayaa ku qorneyd warqadaha ay maanta Muqdisho ku diyaadiyeen diyaaradaha Soomaaliya.

Sidoo kale, inta uu socday bandhigga waxaa qayb ka ahaa gaadiidka ciidamada, fardo iyo geel kuwaas oo socod ku marayay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda.

Ujeedka ayaa ahaa maamuus iyo xasuus loo sameynayo halyeeyadii nafta u huray gobanimada iyo midnimada dadkeenna ee doorka wayn ka soo qaatay xorriyadda dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhankooda si weyn ula dhacay bandhigga ay maanta sameysay dowladda, isla markaana uu goobjoogga u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo si weyn xuska sanadkan ee Kowda Luulyo looga dareemay guud ahaan dalka.

Xuska sanadkan ayaa kusoo aaday, xilli Dowladda Soomaaliya ay isbeddal wayn ku sameysay qaab dhismeedka ciidamada iyo qalabkooda, waxaana markii ugu horreysay burburka kadib diyaarado helay ciidanka cirka ee haatan loo soo tababaray Soomaaliya.

Saciid Deni oo shaaciyay in Villa Somalia ay ciidamo qarsoodi ah ku diyaarinayso…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka qeyb-galay munaasabadda xuska maalinta Xornimada iyo Midowga Soomaaliyeed ee 1-da Luuliyo, taas oo lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay Villa Somalia inay ka shaqeynayso qorshe halis ku ah amniga maamulka.

Madaxweyne Deni ayaa khudbad dheer oo uu halkaas ka jeediyay wuxuu ugu horeyn diiradda ku saaray dhowrista gobannimada dalka, muhiimadda ay leedahay dib u soo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyo daruufaha adag ee ka taagan guud ahaan dalka.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dhismaha hay’adaha dowladeed uu u baahan yahay hannaan daahfuran iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Intii uu hadalka jeedinayay, Madaxweyne Deni wuxuu si gaar ah uga digay fara-gelinta siyaasadeed ee uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hayso degaannada Puntland. Wuxuu xusay in ay jiraan qorshayaal qarsoodi ah oo lagu qorayo ciidamo aan sharciyeysnayn, kuwaasoo lagu biirinayo liis mushaar qaateyaal ah oo la xiriira Villa Somalia.

“Waxaa nasiib-darro ah in maalin walba wiilal laabtoobyo wata ay leeyihiin ‘Puntland baan ciidamo ka qoraynaa’, kuwaas oo si qarsoodi ah u socda, marba meel ka bilaabaya,” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu intaas kusii daray: “Arrimahaas waa fool-xumo. Qofna intii uu dastuurka iyo qawaaniinta ku xad-gudbo in uu dhaho xasaanad baan lee yahay wax is qabta maaha.”

Khudbadda Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqatay digniin ku socota Dowladda Federaalka, oo uu sheegay inay fara-gelin khatar ku hayso maamulka, gaar , xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo hoggaanka Villa Somalia.

Xog: Qiimaha ku kacaya dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ka dhiseyso duleedka Muqdisho ayaa la qiyaasayaa in ay ku kici doonto ku dhowaad hal bilyan oo dollar, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Garoonkan cusub, oo laga dhisayo deegaanka Haabaay ee Shabeellaha Dhexe ayaa loogu talagalay inuu yareeyo culeyska ka jira garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, islamarkaana uu kor u qaado isku xirka dalka iyo koboca dhaqaale ee guud ahaan Soomaaliya.

Munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca ayaa qabtay Axaddii deegaanka laga dhisayo, iyadoo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo mas’uuliyiin ka tirsan heer federaal iyo dowlad-goboleed.

Dowladda waxay qiyaastay in garoonka ay ku bixi doonto $800 milyan, balse waxaa suurta-gal ah inuu gaari karo hal bilyan, sababo la xiriira sare u kaca qalabka dhismaha ee la filayo sanadaha soo socda.

Dowladda weli ma bixin faah-faahin ku saabsan habka loo maal-gelinayo mashruucan.

Garoonka ayaa la qorsheynayaa in lagu dhameystiro muddo shan sano gudahood ah, wuxuuna qeyb ka yahay istaraatijiyad ballaaran oo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in dib u dhis loogu sameeyo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale qorshuhu yahay in la hirgeliyo dekad cusub, waddooyin casri ah, xarumo caafimaad iyo xarunta sayniska hawada ee ugu horreysa Soomaaliya.

“Garoonkani waa albaabka u furmaya mustaqbalka Soomaaliya. Ma aha oo keliya arrin safar, waa arrin dhaqaalaha lagu horumarinayo, shaqooyin lagu abuurayo, lana horumarinayo awoodaha qaranka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mashruucan oo markii ugu horreysay lagu dhawaaqay dabayaaqadii 2024, ayaa ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku wajahday dib-u-dhiska dalka, iyadoo diiradda la saarayo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Garoonka cusub ayaa la filayaa inuu la jaanqaado heerarka caalamiga ah, isla markaana uu Muqdisho ka dhigo xarun muhiim u ah isu socodka gobollada Bariga Afrika.

Mashruucan ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan dadaallo ay dalalka deriska ah wadaan oo ay ku casriyeynayaan kaabeyaashooda duulista – Kenya ayaa dayactiraya garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi, halka Rwanda iyo Itoobiya ay dhisayaan garoomo cusub oo waaweyn si ay u daboolaan baahida sii kordheysa ee gudaha iyo dibedda.

Iyadoo Soomaaliya ay weli ka soo kabaneyso dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday, qaybta gaadiidka waddooyinka ayaa ka mid ah kuwa ugu liita gobolka, taas oo sababtay in dad badani ay u xushaan safarka diyaaradaha – in kasta oo uu qaali yahay – maadaama uu u muuqdo mid ammaan iyo xawaare leh.

Daawo: Wasiir Fartaag oo si weyn uga xanaaqay su’aal laga weydiiyay amniga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo maanta ka qeyb-galay dabaaldegga munaasabadda 1-da Luulyo, ayaa si weyn uga xanaaqay su’aal laga weydiiyay amniga dalka.

Intii ay socotay munaasabadda, Wariye ka mid ah warbaahintii goobta joogtay ayaa Wasiir Fartaag weydiiyay su’aal la xiriirta amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda, xilli uu socdo dagaal.

Wasiirka ayaa si caro leh ugu jawaabay: “Adiga Shabaabka miyaa ka shaqeysaa?” Isagoo hadalkiisa sii raaciyay: “Amniga wax badan ayaan ka qabanay, ee beenta yaa la faafin.”

Wasiir Fartaag ayaa sidoo kale yiri: “Amniga waxa uu marayaa ilaa 800KM, wax is dagaalaya ma jiraan, maanta waxaan soo bandhignay cudud ciidan.”

Dhinaca kale, Wasiir Fartaag ayaa ku faanay in kooxda Al-Shabaab laga saaray 90% dhulkii ay horey u haysteen, isla markaana howl-gallada ka dhanka ah kooxdaasi ay si wanaagsan u socdaan.

“Ciidamada qalabka sida nooc walba yihiin iyo kuwa Macawiisleyda waxay ku guuleysteen in ay hantaan 90% dhulka uu cadowgu deganaa; tobanka kalena waan dhameystiri doonaa haddii Eebbe idmo,” ayuu yiri Wasiirku.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo bilowgiisii hore laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayaa markii dambe waxaa ku yimid gaabis, taasoo keentay in kooxdu dib u qabsato deegaano laga saaray.

Hoos ka daawo muuqaalka

Bayaankii dowladda Qatar ee dharbaaxada ku dhuftay Somaliland

Doha (Caasimada Online) – Kulan heer sare ah oo dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Qatar iyo madaxweynaha Somaliland ayaa laga yaabaa inuu u muuqday mid dusha sare ka ah guul diblomaasiyadeed, balse marka la eego halgankii tobannaanka sano ee Somaliland ugu jirtay raadinta aqoonsi caalami ah, war-saxaafadeedka Qatar oo erayadiisa si taxaddar leh loo miisaamay ayaa keenay dhaawac ka badan sharciyeyn.

Isniintii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar waxay xaqiijisay in Ra’iisul Wasaare Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan bin Jaasim Al Thani uu la kulmay “Mudane Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).” In kasta oo adeegsiga magaca “Madaxweynaha Somaliland” ay u muuqan karto arrin xusid mudan, haddana marka si hoose loo dhuuxo nuxurka qoraalka, wuxuu daaha ka rogayaa dedaal ula kac ah oo looga fogaanayo in la gudbo xariiqyo cas oo diblomaasiyadeed—iyo weliba dib u xaqiijin cad oo ku aaddan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Qodobka ugu xanuunka badnaa wuxuu ahaa faqrada ugu dambaysa ee bayaanka, taasoo si aan leexleexad lahayn u caddaysay mowqifka Qatar:

“Mudane Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda wuxuu adkeeyay sida Dowladda Qatar ay u aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhiso furfurnaan iyo wada-xiriir wax-ku-ool ah oo dhex mara dhammaan dhinacyadeeda, si loo damaanad qaado ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Arrintan ayaa dharbaaxo toos ah ku ah Somaliland, oo sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991, tan iyo xilligaasna yeelatay dowlad, lacag iyo ciidamo u gaar ah. Hadalkani ma aha oo kaliya mid iska indha tiraya sheegashada Somaliland ee dowladnimada, balse wuxuu si firfircoon u sii adkeynayaa mowqifka ah in Somaliland ay weli ka mid tahay Soomaaliya—farriintan oo xanuunkeeda ay sii kordhinayso marka lagu soo beego kulan lala yeeshay madaxweynaheeda.

Intaa waxaa dheer, Qatar waxay ka fogaatay adeegsiga magaca rasmiga ah ee “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,” kaasoo ay xukuumadda Somaliland iyo taageerayaasheedu si joogto ah ugu adeegsadaan xiriirka caalamiga ah. Markii ay Dooxa ku ekaatay oo kaliya “Madaxweynaha Somaliland,” waxay jagada Cirro hoos ugu dhigtay mid hoggaamiye goboleed—oo aan dhanka diblomaasiyadda kaga duwanayn guddoomiye gobol.

Bayaanka sidoo kale laguma soo hadal qaadin maqaamka siyaasadeed ee gaarka ah ee Somaliland, taariikhdeeda is-maamul, doorashooyinka nabdoon ee ay qabatay, ama dadaalka ay ugu jirto aqoonsi caalami ah. Taas beddelkeeda, war-saxaafadeedku wuxuu horumarka Somaliland ku hoos daray cinwaan guud oo ah “horumarka Soomaaliya,” isagoo sii tiraya kala-sooc kasta oo la fahmi karay.

Diblomaasiyan, kulankani wuxuu dirayaa farriin isku dhex jirta: Qatar waxay hoggaamiyaha Somaliland u aqoonsan tahay shakhsi siyaasadeed oo mudan in lala macaamilo, laakiin kaliya iyadoo lagu saleynayo qaab-dhismeedka midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Somaliland, tani waa caado soo noqnoqotay oo ay la kulanto—xiriir aan rasmi ahayn oo aan lahayn aqoonsi rasmi ah, iyo kulan summadaysan oo aan nuxur lahayn.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa aaminsan in kulanku uu ku saabsanaa sawir siyaasadeed oo gobolka ah in ka badan intii uu ku saabsanaa horumar diblomaasiyadeed. Waxaa laga yaabaa in Qatar ay doonayso inay isku muujiso dhex-dhexaadiye aan dhinacna la jirin oo ku aaddan arrimaha Soomaaliya, iyadoo isla markaasna ilaashanaysa xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay dowladda federaalka ah ee Muqdisho.

Laakiin Somaliland, casharka u soo baxay waa mid cad: inkastoo kulanku dhacay, Dooxa waxay si adag uga soo horjeeddaa fikradda ah in Somaliland ay noqoto dal madaxbannaan. Aqoonsigu weli waa mid aan la gaari karin—waxaana xitaa guulihii calaamada ahaa wiiqaya erayada xoojinaya midnimada ay Somaliland doonayso inay ka go’do.

Gebagebadii, tallaabadan ayaa laga yaabaa inay bixisay fursad sawirro lagu galo iyo cinwaanno warbaahineed, laakiin nuxurkeedu ma uusan dhaafsiisnayn bahdilaad diblomaasiyadeed oo qarsoon. 

Sawirro: Muqdisho oo si wayn looga xusay 1-da Luulyo iyo diyaarado ka qeyb-galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maanta si aan horay loo arag looga xusay munaasabadda Kowda Luulyo oo ah markii ay xornimada qaateen gobollada koonfureed ee dalka, sidoo kalena ay midoobeen waqooyi iyo koonfur, iyada oo hadda laga joogo muddo 65 sano ah, taas oo kasoo bilaabaneysa 1960-kii.

Dowladda Soomaaliya oo si wayn usoo agaasintay munaasabadda maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa kusoo bandhigtay awood ciidan iyo diyaarado casri ah, kuwaas oo ka qayb-qaatay dabaal-degga xuska Kowda Luulyo oo sanadkan si weyn uga duwan sanadihii hore.

Dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ayaa ka qayb-qaatay dabaaldegga, kuwaas oo fantasiyo waawaayn kusoo bandhigay Taalada Daljiska Daahoon ee degmada Boondheere.

Sidoo kale, gaadiidka ciidamada, fardo iyo geel ayaa munaasabadda qayb ka ahaa, kuwaas oo socod ku marayay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla gudaha caasimadda.

Waxaa kale oo ay Dowladda Soomaaliya maanta soo bandhigtay diyaarado casri ah oo ay leeyihiin ciidamad cirka Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ahaa munaasabadda, iyaga oo dul heehaabayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Diyaaaradaha ayaa sidoo kale hawada sare kasoo daadiyay waraaqado lagu wacyigelinayo bulshada, kuwaas oo muujinayo in lagu jiro todobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, madaxda dalka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goobjoog ahaa dabaal-degga, isaga oo sheedda sare kala socday bandhigga wayn ee ay maanta sameeyeen ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyay ka qaybgalka munaasabadda.

Inta ay socotay munaasabadda Madaxweynaha ayaa sidoo kale u Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon, waxaana ku weheliyey Taliyaha Booliska Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cismaan oo salaan uga qaadayey cutubyo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Ujeedka ayaa ahaa maamuus iyo xasuus loo sameynayo halyeeyadii nafta u huray gobanimada iyo midnimada dadkeenna ee doorka wayn ka soo qaatay xorriyadda dalka.

Xuska sanadkan ayaa kusoo aaday, xilli Dowladda Soomaaliya ay isbeddal wayn ku sameysay qaab dhismeedka ciidamada iyo qalabkooda, waxaana markii ugu horreysay burburka kadib diyaarado helay ciidanka cirka ee haatan loo soo tababaray Soomaaliya.

 

Trump oo ku dhowaaqay go’aan guul weyn u ah Syria

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa meesha ka saaray cunaqabatayno dhaqaale oo culays ku hayay Suuriya, isagoo ku doonaya inuu taageero xukuumadda curdanka ah ee Dimishiq, xilli ay ka fiirsanayso soo afjaridda colaadda kala dhaxaysa Israa’iil.

Madaxweyne Trump ayaa Isniintii saxiixay amar fulineed oo si rasmi ah u burburinaya qaybo badan oo ka mid ah barnaamijka cunaqabataynta ee Maraykanku tobannaan sano ku hayay Suuriya, isagoo meesha ka saaraya xayiraado dhaqaale iyo maaliyadeed oo ballaaran oo dalkaas saarnaa.

Amarkan ayaa sidoo kale ilaalinaya cunaqabatayno gaar ah oo lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyihii la riday ee Suuriya, Bashar al-Assad, dadka ku dhow dhow, iyo kooxaha loo aqoonsaday argagixisada. Qaar ka mid ah cunaqabataynta ayaa la khafiifiyay bishii hore, ka dib markii uu Trump ballan qaaday intii lagu guda jiray safar uu ku tagay Bariga Dhexe inuu dalka siin doono “fursad uu ku gaaro horumar weyn.”

Tallaabooyinkan ayaa imaanaya xilli ay Israa’iil iyo Suuriya muddo bilo ah wadeen wadahadallo ku saabsan soo afjaridda colaadda u dhaxaysa labada dal, sida ay sheegeen dad lagu wargeliyay wada xaajoodyada.

Ron Dermer, oo ah la-taliyaha sare ee Netanyahu, ayaa ku sugan Washington si uu ugala hadlo heshiis xiriir rasmi ah ka dhex abuuraya Suuriya iyo Israa’iil iyo arrimo kale, sida ay sheegeen dad lagu wargeliyay safarkiisa.

Suuriya iyo Israa’iil ayaa ahaa cadow iska soo horjeeda tobannaan sano, waxaana dhex maray saddex dagaal oo waaweyn. Netanyahu ayaa qorsheynaya inuu Trump ku booqdo Aqalka Cad 7-da Luulyo, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka.

Madaxweyne Trump ayaa Axaddii soo jeediyay in dalal kale ay ku biiri karaan Heshiisyada Ibraahim (Abraham Accords), oo ahaa heshiisyo la gaaray sannadkii 2020-kii xilligii uu xilka hayay, kuwaasoo lagu caadiyeeyay xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo dalal Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraatka Carabta, Baxreyn iyo kuwo kale. Netanyahu ayaa toddobaadkii hore sheegay in dagaalka Iiraan uu u furay fursado ay Israa’iil ku caadiyeyn karto xiriirka dalal kale.

Amarka fulineed ee Trump ayaa sidoo kale u xil saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, inuu dib u eegis ku sameeyo magacaabista Suuriya ee ah “Dal argagixisada kafaala qaada.”

Brad Smith, oo ah ku-xigeenka Xoghayaha ee la-dagaallanka Argagixisada iyo Sirdoonka Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka (U.S. Treasury), ayaa yiri, “Tallaabooyinka maanta la qaaday waxay soo afjari doonaan go’doominta dalka ee nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah, iyagoo u gogol xaaraya ganacsi caalami ah iyo dhiirigelinta maalgashi uga yimaada dalalka deriska la ah ee gobolka, iyo sidoo kale Maraykanka.”

Bishii hore, Midowga Yurub ayaa si la mid ah u qaaday cunaqabatayno kala duwan oo saarnaa Suuriya.

Gaas oo faah-faahiyey xilka sare ee looga magacaabay Midowga Afrika (Wareysi)

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, inuu noqdo ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Suudaanta Koofureed iyo madaxa xafiiska xiriirka Midowga Afrika ee Jubba.

Magacaabiddiisa ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo dalka Suudaanta Koofureed uu muddooyinkii u dambeeyay ka dhex taagnaa khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyada kala duwan.

Suudaanta Koofureed waxay noqotay waddan madax-bannaan 9-kii Luulyo, 2011, ka dib afti dadweyne oo ku dhowaad 99% codbixiyayaashu ay doorteen madax-bannaani. Tani waxay daba socotay tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah oo u dhexeeyay dowladda Suudaan iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Suudaan (SPLA).

Sidee ku timid magacaabista?

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya June 2011 ilaa October 2012, xilligaas oo uu dalku marayay marxalad xasaasi ah oo kala-guur ah. Kadibna, waxa uu noqday Madaxweynaha Puntland 2014 ilaa 2019.

Dr. Gaas oo la hadlay BBC ayaa sheegay in magacaabiddan ay ku timid ka dib markii uu taageero ka helay dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu Guddoomiyaha Midowga Afrika u arkay inuu xilkaasi u qalmo.

“Waxay ku timid ninka odeyga ah ee i magacaabay iyo dowladda Soomaaliya oo i taageertay oo si dhow oo wanaagsan iila shaqeysay. Marka shaqooyinka sida la isugu magacaabo sidaa weeye,” ayuu yiri Dr. Gaas.

Gaas ayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika uga mahadceliyay taageerada iyo sida ay uga gacan siiyeen helidda xilkan.

“Waxaan rabaa inaan u mahadnaqo Maxamuud Cali Yuusuf oo ah odeyga Midowga Afrika oo xilkan ii magacaabay. Sidoo kale waxaan rabaa inaan u mahadnaqo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamze, oo iyaguna barnaamijkaa igu taageeray oo runtii si fiican iila shaqeeyay. Iyagana aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin,” ayuu intaa ku daray.

Maxay noqon doontaa shaqadiisa?

Xilka cusub ee loo magacaabay Dr. Gaas ayaa ah inuu hoggaamiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee Midowga Afrika ee Koonfurta Suudaan, isku xirka urur-goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, iyo hay’adaha kale ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale taageeri doonaa hirgelinta heshiiskii 2018 ee xalinta colaadaha South Sudan.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay shaqada loo dhiibay inay tahay mid adag balse uu rajeynayo inuu guul ka keeno.

“Xilkani waa shaqo u baahan dhisidda nabadda Suudaanta Koofureed. Ilaahay ha ii fududeeyo, laakiin arrin runtii imtixaan ah oo dhib badan ayay noqon doontaa sida ii muuqata. Laakiin insha Allah, waxaan rajeynayaa haddii aan dadaalo Ilaahay-na ila garab galo, in wax isbeddel ah aan ka sameyn karo,” ayuu yiri Dr. Gaas.

Waxaa uu farta ku fiiqay in shaqadiisa ay noqon doonto sidii uu dib u heshiisiin ugu sameyn lahaa dhinacyada isku haya dalkaas.

“Waddankaas dhib baa ka jirta — is-haysi kooxo kala duwan ah oo dalkaasi ka jira, sida Soomaaliya dhibta uga jirto oo kale. Marka heshiisiin dadka uun meeshaas jooga siyaasad ahaan, oo dhisidda nabadda iyo dhisidda dalkaba isugu jirta, dhanna in laga taageero — oo dhisidda nabadda, isu soo dhowaanshaha iyo dib u dhiska dowladnimada,” ayuu intaa ku daray.

Waa kuma Dr. Cabdiweli Gaas?

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 2-dii Luulyo 1967 ku dhashay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.

Gaas ayaa markii hore wax ku bartay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu sanadkii 1984 ka qaatay shahaadada BA ee dhaqaalaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Kadibna wuxuu u guuray dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada MA ee dhaqaalaha Jaamacadda Vanderbilt sanadkii 1988.

Dr. Gaas waxa uu agaasime ka soo noqday Waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Dakhliga ee dowladda dhexe ee Soomaaliya bartamihii ilaa dabayaaqadii 1980-meeyadii. Intii u dhaxaysay 1988 ilaa 1991, wuxuu ahaa Kaaliyaha Agaasimaha Cilmi-baarista iyo Tirakoobka ee isla wasaaraddaas.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya June 2011 ilaa October 2012, wax yar kadibna wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee la dhisay waqtigaas.

Kahor intii uusan noqon Ra’iisul Wasaaraha, wuxuu soo noqday Wasiirka Qorsheynta iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo — xiligaas oo uu khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynihii waqtigaas, Shariif Sheekh Axmed.

Dr. Gaas ayaa 8-dii January 2014 loo doortay madaxweynihii shanaad ee Dowlad-goboleedka Puntland.

IRAN oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta nukliyeerka kadib weerarkii Mareykanka

0

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa dib u bilowday howl-gelinta xarunta nukliyeerka Fardow, iyadoo sawirro dayax-gacmeed la qaaday maalin kahor ay muujinayaan in qalab iyo mishiino culus la geeyay xaruntaas.

Sawirradu waxay muujinayaan cagaf-cagafyo iyo wiishyo saaran waddo cusub oo dhowaan laga dhisay goobta, taasoo u dhow halka ay yaalleen bartilmaameedyadii Mareykanka u adeegsaday bambooyinka awoodda leh ee GBU-57. Waxaa sidoo kale muuqda gaadiid xamuul ah iyo qalab dhismo oo yaalla dhanka hoosteeda buurta.

Waxaa la arkayaa mashiino dhismo oo ku sugan albaabka laga galo xarunta, iyo dhismo burburay oo ku yaalla dhanka bari, kaasoo la sheegay in uu waxyeello ka soo gaaray duqeyn ay Israel fulisay maalin kadib weerarkii Mareykanka.

David Albright, oo ah khabiir ku takhasusay hubka nukliyeerka, ayaa falanqeeyay sawirrada la helay, wuxuuna sheegay in goobta ay ka socdaan howlaha buuxinta godadka iyo qiimeynta khasaaraha dhismaha soo gaaray.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerarradaas lagu burburiyay xarumo muhiim ah oo Iran u isticmaali jirtay horumarinta barnaamijkeeda nukliyeerka. Si kastaba, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA), Rafael Grossi, ayaa sheegay in Iran ay awood u leedahay in ay dib u bilowdo kobcinta uranium-ka muddo dhowr bilood gudahood ah.

Wareysi uu siiyay warbaahinta CBS, Grossi wuxuu ku tilmaamay in qaar kamid ah xarumaha nukliyeerka Iran ay weli taagan yihiin, isla markaana Iiraan ay dib uga howl-gali karto si degdeg ah.

Dhanka Iran, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay sheegtay in weerarradu ay sababeen burbur halis ah, inkastoo faahfaahinta dhabta ah aan weli la shaacin. Dowladda Mareykanka ayaa dhinaceeda ku adkeysatay in barnaamijka nukliyeerka Iran uu dib uga dhacay ugu yaraan toban sano.

Waxaa sidoo kale su’aalo laga keenay halka uu ku dambeeyay kaydka 408 kiiloogaraam ee Yuraaniyaam tayo sare leh ee lagu sheegay inuu ku jiray xarunta Fordow. Iran, warqad ay u dirtay IAEA isla maalintii ay Israel weerartay, waxay ku sheegtay inay qaaday tallaabooyin gaar ah oo lagu ilaaliyo walxahaasi.

Rafael Grossi ayaa sheegay in aan la ogeyn meelaha saxda ah ee ay walxahaasi ku yaallaan. “Qaar waa laga yaabaa in la burburiyay, qaarna waa suuragal in meel kale loo raray,” ayuu yiri Grossi.

Wuxuu intaas ku daray in Tehran ay diiday codsi uu u gudbiyay oo ku saabsanaa booqasho uu ku tagayo goobaha waxyeelladu gaartay, gaar ahaan Fordow, taasoo uu ku tilmaamay caqabad hor leh oo ku wajahan fahamka xaaladda dhabta ah.

Donald Trump dhankiisa wuxuu sheegay in xarumaha muhiimka ah la burburiyay, ayna adag tahay in Iran ay si fudud u dhaqaaqdo ama dib u howlgeliso walxaha nukliyeerka, maadaama aysan haysan waqti ku filan.

Sawirro: Xasan Sheekh oo sameeyay calan saar iyo Farmaajo oo farriin soo direy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, xuska 65-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyadda iyo midnimada heshay awgeed.

Munaasabadda calan-saarka ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, iyadoo Madaxweynaha uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xuskan taariikhiga ah ayaa ah mid milgo iyo xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna muujinayaa halgankii geesinimada lahaa ee ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen xornimada iyo midnimada dalka.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qoraal soo saaray ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda 65-guurada ka soo wareegtay maalinta xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed oo ku beegan 1-da Luulyo.

“Toddobaadka xorriyaddu waa dharaaro qiimi badan oo ku timid halgan dheer oo ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryadii gumaystaha, una hanan lahaayeen dowladnimo sal adag oo ay iyagu leeyihiin,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu dadka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay mar walba xusuustaan halgankaas iyo taariikhdaas qiimaha badan, una duceeyaan halyeeyadii naftooda iyo dhiiggooda u huray xorriyadda, gobannimada iyo dowladnimada aan maanta haysanno.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan u dabaal-degayay maalmaha taariikhiga ah ee xornimada, oo kala ah 26-ka Juun, 27-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Horjooge Shabaab ah iyo ilaaladiisa oo la khaarajiyey

0

Afgooye (Caasimada Onlin) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal culus oo maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ay ka sameeyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal aad loo qorsheeyay lagu khaarijiyay horjooge sare oo lagu magacaabi jiray Jaabir iyo siddeed xubnood oo kale oo ilaalo u ahaa, kana mid ahaa maleeshiyaadka kooxda.

“Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magaabi jiray Jaabir iyo sideed dhaqagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay howlgal aad loo qorsheeyay oo ay ka sameeyeen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay in horjoogaha la dilay uu khatar ku ahaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ciidamada oo helay xogtiisa ay xalay soo khaarijiyeen.

Horjoogahaan ayaa ka mid ahaa horjoogyaasha qatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed, kaas oo xogtiisa si wayn ay ula socdeen ciidamada Qaranka, ugu danbayna xalay ayey ku guulayteen inay nafta naafiyaan” ayaa mar kale lagi yiri warka qoraalka ah.

Dhinaca kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda deegaanka Bariiri oo ah halka uu howlgalka ka dhacay ayaa weli kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqtyo u dhexeeya labada dhinac.

Howlgalkan guuleystay ayaa qayb ka ah guluf culus oo haatan gobolka ay ka wadaan ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo deegaanno horleh ka xoreeyay argagixisada.\

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay Khawaarijta, waxaana badanaa ay kasoo abaabushaa weerarada iyo qaraxyada ka dhaca magaalada uqdisho.

 

Dab si xawli ah u fidaya oo ka kacay buuraleyda Sanaag

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa ka kacay kaymaha buuraleyda gobolka Sanaag, kaasoo sababay dhaawacyo badan iyo burburka dhul beereedyo iyo deegaano dabiici ah. Dabka oo si deg-deg ah ku fidaya ayaa noqday mid si weyn u saameeyay bulshada deegaanka.

Xukuumadda Somaliland ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii dabkaas loo xakamayn lahaa. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdirashiid Maxamed Magaalo, oo booqday goobta uu dabku ka kacay, ayaa sheegay in tani tahay masiibadii ugu darnayd ee abid ka dhacda buuraleyda gobolka Sanaag.

“Waa masiibo qaran. Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu dabkan bakhtiiyo. Dad badan ayaa gurmaday, waxaan ugu baaqeynaa inay is ilaaliyaan,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiiru-dawlaha ayaa xusay in qalab caafimaad oo dhammaystiran la geeyay halka uu dabku ka kacay, isla markaana ay ka howl-galayaan kooxo caafimaad iyo ciidamo.

Waxa uu sheegay in inkastoo dhimasho aanay jirin, ay jiraan dhaawacyo badan. Wuxuu intaas ku daray in xilliga xagaaga oo dadku buuraha usoo daadsamaan uu sii xoojiyay halista dabka.

Ciidamada dab-damiska ee ka kala yimid magaalooyin dhowr ah sida Berbera, Burco, iyo Hargeysa ayaa gaaray gobolka, balse goobta buuraleyda ah iyo baaxadda uu dabku leeyahay ayaa caqabad ku noqotay hawl-gallada daminta.

Taliyaha Ciidanka Dab-damiska, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa sheegay in ay wadaan gurmad ballaaran, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin dhinaca gaadiidka ah.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse (Axmed Isdabar), ayaa bulshada Ceerigaabo ugu baaqay inay si degdeg ah u gurmadaan, isagoo xusay in dabkaasi aanu ahayn mid si fudud loo xakameyn karo. “Beerihii way dhammaadeen, waxaannu doonaynaa inaan ka hortagno in dadkuna waxyeello la kulmaan,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa la sheegay inuu hadlay masuuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta si loo helo kaalmo deg-deg ah, oo ay ku jirto diyaarad dab-damis ah, si loola tacaalo baaxadda weyn ee uu dabkani leeyahay.

Inkasta oo dabab hore uga dhaceen buuraleyda Sanaag, haddana kan ayaa lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee abid ka qarxa halkaas, wuxuuna halis weyn ku yahay deegaanka dabiiciga ah ee cagaaran ee gobolka. Dabka ayaa gubay dalagyo badan oo beereed, waxaana jira cabsi ah inuu sababo nabaad-guur ballaaran.

Somaliland left empty-handed after Doha meeting

DOHA, Qatar – A high-level meeting between Qatar’s Prime Minister and the leader of Somaliland may have appeared on the surface as a diplomatic breakthrough — but for Somaliland’s decades-long quest for international recognition, the carefully worded Qatari statement delivered more damage than validation.

On Monday, Qatar’s Ministry of Foreign Affairs confirmed that Prime Minister Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani met with “HE President of Somaliland Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro.” While the inclusion of the title “President of Somaliland” may seem notable, a closer reading reveals a deliberate effort to avoid crossing any diplomatic red lines — and a clear reaffirmation of Somalia’s territorial unity.

What struck hardest was the final paragraph of the statement, which unequivocally asserted Qatar’s stance:

“HE Prime Minister and Minister of Foreign Affairs affirmed the State of Qatar’s belief that Somalia’s future is built through openness and constructive communication among all its components, to ensure respect for the sovereignty and national unity of the Federal Republic of Somalia.”

For Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 and has since operated with its own government, currency, and security forces, such language is a direct blow. It not only ignores Somaliland’s claim to statehood but actively reaffirms the position that Somaliland remains part of Somalia — a message that stings all the more when issued in the context of a meeting with its president.

Moreover, Qatar avoided the use of the formal title “President of the Republic of Somaliland,” which Somaliland’s government and supporters consistently use in international communications. By simply referring to “President of Somaliland,” Doha reduced Irro’s position to that of a regional leader — no different, diplomatically, than a provincial governor.

The statement also made no mention of Somaliland’s unique political status, nor of its history of self-rule, peaceful elections, or pursuit of international recognition. Instead, the press release folded developments in Somaliland under the broader heading of “developments in Somalia,” further erasing any implied distinction.

Diplomatically, this meeting sends a mixed signal: Qatar acknowledges the leader of Somaliland as a political figure worth engaging, but only within the framework of Somalia’s territorial unity. For Somaliland, this is a familiar pattern — informal contact without formal recognition, symbolic engagement without substance.

Some analysts believe the meeting was more about regional optics than diplomatic progress. Qatar may be seeking to position itself as a neutral broker in Somali affairs while maintaining good relations with the federal government in Mogadishu.

But for Somaliland, the takeaway is clear: despite the meeting, Doha stands firmly against the idea of Somaliland as a separate state. Recognition remains elusive — and even symbolic wins are being diluted by language that reinforces the very unity Somaliland seeks to break from.

In the end, the gesture may have offered a photo-op and headlines, but the substance delivered little more than a subtle diplomatic snub.

Somalia breaks ground on $1B new Mogadishu airport

MOGADISHU, Somalia – Somalia launched its most ambitious infrastructure project in decades on Sunday, breaking ground on a new one-billion-dollar international airport intended to transform the nation into a key aviation hub and anchor its economic resurgence after years of conflict.

President Hassan Sheikh Mohamud presided over a ceremony in the Haabaay area, north of Mogadishu, marking the start of a five-year plan to construct a sprawling facility that aims to relieve the capital’s overburdened airport and rival modern hubs across East Africa.

“This airport is the gateway to Somalia’s future,” President Mohamud announced at the launch. “This is not merely about transportation; it is about economic development, job creation, and enhancing our national capacity.”

The project is the centerpiece of the president’s “Somali Century” (Soomaali Hiigsanaysa 2060) vision, a long-term development strategy focused on rebuilding the fragile state’s infrastructure, which includes plans for a new seaport and modern road networks.

A test of financial resolve

The Somali government estimates that the project will initially cost US $800 million. However, officials acknowledge that the figure could rise to $1 billion due to anticipated increases in construction material costs over the coming years. The project is slated for completion within five years, though details regarding financing have yet to be disclosed.

Crucially, the government has not yet detailed a financing model for the project. This silence on funding raises significant questions, especially as international partners, such as the World Bank, have emphasized the urgent need for Somalia to enhance its domestic revenue collection to ensure fiscal stability.

While the nation recently achieved a historic milestone with the completion of the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) initiative, which canceled a significant portion of its external debt, securing the capital for a project of this scale will pose a formidable challenge.

Sources indicate that the government is exploring a combination of public funds, concessional loans, and private-sector investment; however, no formal framework has been presented.

The practical need for a new airport is undisputed. Mogadishu’s Aden Adde International Airport (AAIA), once a symbol of the devastation caused by the civil war, is now overwhelmed. Passenger traffic has surged to 1.5 million annually, with over 40 international and domestic flights daily—a dramatic increase from just a handful a decade ago.

In a country where travel between cities is often perilous due to the persistent threat from the Al-Shabaab insurgency, air transport has become an essential, if expensive, lifeline. Poor road infrastructure and security risks have made flying the only viable option for many, driving demand that the current airport struggles to meet.

The construction of state infrastructure in areas like Haabaay is also a key part of the government’s strategy to extend its authority and provide tangible evidence of stability.

Somalia’s airport initiative enters a fiercely competitive regional landscape, with neighboring countries pouring billions into their aviation projects:

  • Kenya: The government is advancing plans for a new $2 billion international airport in Nairobi to replace the aging Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) and accommodate future growth.
  • Ethiopia: A dominant force in African aviation, Ethiopia is planning the colossal $7.8 billion Abura International Airport, envisioned to serve over 60 million passengers annually.
  • Rwanda: Also aiming for hub status, Rwanda is constructing a major new international airport with Qatari investment outside its capital, Kigali.

Building a major airport in Somalia poses significant challenges, particularly in terms of security. The designated site in Haabaay lies roughly 60 kilometers from Mogadishu, in an area that has seen activity by al-Shabaab, the al-Qaeda-linked militant group.

The government has announced plans to establish a secure corridor between the capital and the construction site; however, implementation details remain unclear.

For Somalia, a nation still consolidating peace, this landmark project is both a profound statement of intent and a monumental gamble on its economic future as it seeks to take its place in a dynamic and rapidly developing region.

Fiqi oo si weyn uga carooday eray ay BBC u adeegsatay….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa soo saaray qoraal uu ku eedeynayo BBC Somali, isagoo ka falcelinaya qormo ay ku daabaceen bartooda website-ka, taasoo ay kaga hadlayeen arrimaha Al-Shabaab.

BBC-da ayaa soo daabacday qoraal ay ciwaan uga dhigeen “Al-Shabaab oo ku sii siqaya deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Hiiraan,” ciwaankaas ayaana si weyn uga caraysiiyeyw wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

“Ku sii siqaya waa oraah ka fog xirfadda saxaafadda, gef ku ah sharafka iyo dhiigga ku baxaya difaaca dalka, gaar ahaan gobolka Hiiraan, isla markaana aysan ku jirin wax xikmad ah dhihideedda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay in hay’adda BBC ay arrintan sumcad-dil ku tahay, isla markaana ay ka fogeyneyso dadka reer Hiiraan ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

“Hay’addan BBC-da oo ah hay’ad fac weyn oo dadka Soomaalidu muddo ku xirnaayeen, waxay qormooyinka noocaan ah ku luminaysaa kalsoonida dadka Soomaaliyeed ee halganka xaqa ah kula jira khawaarijta,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Fiqi oo talo siinayey BBC-da ayaa yiri: “Waa waajib inay ilaaliyaan dareenka dadka Soomaaliyeed, ayna iska jiraan inay kooxaha argagixisada buunbuuniyaan, weliba si been ah.”

Haddaba, maxaa ka socda gobolka Hiiraan?

Waxaa sii kordheysa dhiillada colaadeed ee ka jirta deegaanada bari ee gobolkaas. Kooxda Al-Shabaab ayaa dib u soo abaabushay weerarradii ay ku hayeen dadka reer Hiiraan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee gobolka Hiiraan ayaa dhankooda xirtay difaacyo adag, waxaana ciidamadii ugu badnaa caawa la isugu geeyey degmada Moqokori oo ah goobta ugu muhiimsan, si looga difaaco cadowga.

Hoos ka eeg ciwaanka BBC-da ay qortay ee Wasiir Fiqi ka falceliyey.

 

Suuriya iyo Israa’iil oo wada qorshe lama filaan ah oo uu ka dambeeyo Trump

Washington (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa ku dhow inay ku fidiso heshiisyada nabadda ee gobolka dalalka Suuriya iyo Lubnaan, sida uu sheegay wasiirkeeda arrimaha dibadda maalintii Isniinta, taasoo daba socota hadallo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeeray Madaxweyne Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo tilmaamayay in Israa’iil ay xiriir caadi ah la yeelan karto dalal kale oo Carbeed ama Muslimiin ah kaddib dagaalkii ay la gashay Iiraan.

Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli ay Israa’iil iyo Suuriya muddo bilooyin ah wadeen wada-hadallo ku saabsan soo afjaridda colaadda labada dal, sida ay sheegeen dad lagu wargeliyay wadahadalladaas. Dadkaas ayaa intaa ku daray in hadda aysan jirin wada-hadallo toos ah oo u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil, ayna yar tahay suurtagalnimada heshiis laga gaaro.

La-taliyaha sare ee Netanyahu, Ron Dermer, ayaa hadda ku sugan magaalada Washington si uu ugala hadlo heshiis horseedi kara xiriir rasmi ah oo dhexmara Suuriya iyo Israa’iil, iyo arrimo kale, sida ay sheegeen dad looga warramay safarkiisa. Suuriya iyo Israa’iil ayaa ahaa cadow aad isu neceb tobanaan sano, waxaana dhex maray saddex dagaal oo waaweyn.

Madaxweyne Trump ayaa Axaddii soo jeediyay in dalal kale ay ku biiri karaan Heshiisyada Ibraahim (Abraham Accords), oo ahaa heshiisyo la gaaray sannadkii 2020-kii xilligii uu xilka hayay, kuwaasoo lagu caadiyeeyay xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo dalal Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraatka Carabta, Baxreyn iyo kuwo kale. Netanyahu ayaa toddobaadkii hore sheegay in dagaalka Iiraan uu u furay fursado ay Israa’iil ku caadiyeyn karto xiriirka dalal kale.

Ballaarinta heshiisyada lala galo dalal Carbeed ama Muslimiin ah waxay sii beddeli kartaa awoodda Bariga Dhexe, iyadoo ka soo horjeesanaysa Iiraan ayna u janjeerinaysa dhanka Israa’iil. Fursaddan lagu horumarinayo xiriirka ayaa timid kaddib dhicitaankii madaxweynihii Suuriya, Bashaar al-Asad, oo xulufo la ahaa Iiraan. Israa’iil ayaa weerartay oo wiiqday Iiraan iyo xulafadeeda gobolka kaddib weerarkii ay Xamaas hoggaaminaysay ee Oktoobar 7, 2023. Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca, ayaa mowqif adag ka qaatay Iiraan, isagoo dalka ka saaray ciidamadii Iiraan kana mamnuucay muwaadiniinta Iiraaniyiinta ah inay soo galaan Suuriya.

Laakiin heshiis kasta oo la gaaro waa inuu xal u helaa muran socday in ka badan 50 sano oo ku saabsan Buuraha Golan (Golan Heights), oo labada dalba ay sheegtaan inay leeyihiin, iyo sidoo kale caqabadaha soo wajaha Al-Sharca, oo weli ku hawllan adkaynta awooddiisa.

“Israa’iil waxay danaynaysaa inay ballaariso goobada nabadda iyo caadiyaynta ee Heshiisyada Ibraahim,” ayuu yiri Gideon Sa’ar, wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii. “Waxaan danaynaynaa inaan ku darno dalal ay ka mid yihiin Suuriya iyo Lubnaan, oo ah deriskeenna, goobada nabadda iyo caadiyaynta—iyadoo la dhowrayo danaha muhiimka ah iyo kuwa amniga ee Israa’iil.”

Wuxuu sidoo kale dejiyay xariiq cas oo Israa’iil leedahay: in la ilaaliyo madaxbannaanida Israa’iil ee Buuraha Golan, oo qayb ka mid ah ay Israa’iil la wareegtay 1981-kii, tallaabadaas oo Mareykanku aqoonsaday 2019-kii xilligii Madaxweyne Trump. Inta badan dunidu waxay u aragtaa dhul la haysto. Israa’iil waxay qabsatay dhul dheeraad ah oo Suuriya gudaheeda ah, kana baxsan aag hore oo ka caagganaa militariga oo ay Qaramada Midoobay maamuli jirtay, kaddib dhicitaankii xukuumaddii Asad bishii Disembar.

Heshiis kasta oo lala galo Israa’iil wuxuu halis u keeni karaa Al-Sharca, oo Dimishiq la wareegay lix bilood uun ka hor, isagoo jooga waddan ay dadka badankiisu u arkaan Israa’iil inay tahay awood qabsatay. Al-Sharca wuxuu taageero ka haystaa Suuriyaan badan doorkii uu ku lahaa eryidda Asad, laakiin wuxuu sidoo kale la kulmayaa shaki ku saabsan sida ay dowladdu ula dhaqanto dadka laga tirada badan yahay iyo gaabiska dib-u-dhiska iyo isbeddelka.

Al-Sharca wuxuu sidoo kale wajahayaa caqabado kala duwan oo xukunkiisa ka dhan ah, oo ay ka mid yihiin kooxo daacad u ah nidaamkii hore. Wuxuu sidoo kale u baahan yahay inuu dhammaystiro hirgelinta heshiis la saxiixay bishii Maarso kaasoo loogu talagalay in maleeshiyaadka Kurdida lagu daro ciidanka milatariga.

Haddii heshiis lala gaaro Suuriya iyo Lubnaan, waxay ka dhigan tahay in Israa’iil ay nabad la yeelan doonto dhammaan dalalka Carabta ah ee ay deriska yihiin, inkastoo colaadda kala dhexeysa Falastiiniyiinta aan weli xal loo helin. Hadda waxay heshiisyo nabadeed la leedahay Urdun iyo Masar. Israa’iil waxay dagaallo waaweyn la gashay dhammaan afartan dal. Waxay muddo dheer ahayd mowqifka dalalka Carabta inaan wax xiriir caadi ah lala yeelan doonin Israa’iil ilaa xal loo helo colaadda Israa’iil iyo Falastiin.

Sacuudi Carabiya, oo qarka u saarnayd inay xiriirka la caadiyayso Israa’iil ka hor inta uusan weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023 carqaladayn dadaalladaas, waxay ku adkaysanaysaa in la helo waddo horseedda dawlad Falastiini ah ka hor inta aysan oggolaan heshiis nabadeed.

Bayaanka wasiirka arrimaha dibadda ee Isniintii ayaa daba socday hadallo isdaba joog ah oo ka soo yeerayay Trump iyo Netanyahu oo sheegayay in dagaalka Iiraan uu abuuray fursado lagu ballaariyo caadiyaynta xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta.

Wada-xiriirro qarsoodi ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Suuriya ayaa la sameeyay dhowr bilood ka hor iyadoo ay dhiirigeliyeen Qadar iyo Sacuudi Carabiya, sida ay sheegeen saraakiil Carbeed. Heshiiska Suuriya iyo Israa’iil laguma xirayo xabbad-joojin ka dhacda Gaza, sida ay yiraahdeen saraakiishaas.

Saraakiisha Suuriya ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyada faallo bixinta. Xafiiska Dermer ayaa xaqiijiyay inuu joogo Washington laakiin faahfaahin kama bixin ujeeddada kulammadiisa.

Saraakiisha Israa’iil ayaa horay u muujiyay shaki weyn oo ay ka qabaan Al-Sharca sababo la xiriira xiriirkii uu la soo lahaa al-Qaacida, kaasoo uu ka tanaasulay 2016-kii. Sa’ar wuxuu ka mid ahaa dadka ugu dhaleeceynta badan Al-Sharca, isagoo si fagaare ah ugu yeeray “hoggaamiyaha Islaamka xagjirka ah” oo aan la aamini karin.

“Waxay ahaayeen Jihaadiyiin, wayna sii yihiin Jihaadiyiin, xitaa haddii qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashoodu ay xirteen suudad,” ayuu yiri Sa’ar Maarso 10-keedii.

Kaddib dhicitaankii Asad, Israa’iil waxay bilowday weerarro isdaba joog ah oo gardarro ah oo ka dhan ah Suuriya, iyadoo beegsanaysay kaabayaasha iyo qalabka milatariga si looga hortago inay gacanta u galaan kooxaha xagjirka ah, sida ay sheegeen saraakiil Israa’iili ah. Ololaha duqeynta ayaa hadda istaagay. Joogitaanka ciidamada Israa’iil ee aagagga koonfurta Suuriya ayaa mararka qaarkood horseeday dibadbaxyo, waxayna ka careysiisay inta badan dadka deegaanka, kuwaasoo milatariga Israa’iil ay sheegeen inay ujeedadoodu ahayd inay hubka ka dhigaan.

Isbeddelka ku yimid codka ayaa u muuqda inuu salka ku hayo sida uu Trump u soo dhoweeyay Al-Sharca iyo rabitaankiisa ah inuu la shaqeeyo, sida ay sheegeen saraakiil loo warramay wadahadallada. Trump wuxuu Al-Sharca ku tilmaamay “nin dhallinyaro ah oo soo jiidasho leh” kaddib markii uu la kulmay hoggaamiyaha Suuriya horraantii bishii Maajo, wuxuuna sheegay in Mareykanku uu cunaqabataynta ka qaadi doono Suuriya. Kaddib Washington waxay soo saartay lix bilood oo ka-dhaafitaan ah oo fududeynaya qaar ka mid ah cunaqabateynta saaran Suuriya.