24.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

DF oo garoonka Muqdisho ku qabatay 189 Kartoon oo lagu soo qariyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya laamaha amniga ayaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku qabtay 189 Kartoon oo lagu soo qariyay Daroogo noocyo kala duwan ah iyo kaniiniyaal isticmaalkooda laga mamnuucay Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in daroogada la qabtay ee laga soo dejiyey garoonka la doonayay in dalka lasoo galiyo, balse si buuxda loogu guuleystay in la fashilo qorshahaas.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ku wargelinayaa shacabka Soomaaliyeed in howlgal wadajir ah oo uu la kaashaday hay’adaha ammaanka lagu qabtay189 Baakadood (box) oo daroogo ah iyo Kaniini oo ka reeban isticmaal iyo ka ganacsiga oo si sharci-darro ah lagu soo gelinayay Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xeer Ilaalinta ayaa qoraalkaan ku sheegtay in Daroogada la qabtay ay halis ku tahay badqabka bulshada, taas oo laga soo dejiyey Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isla markaan lagu dhex qabtay intii aysan kabixin Garoonka.

“Xafiisku waxa uu wadaa baaritaano rasmi ah oo lagu ogaanayo shabakadaha ku lugta leh soo gelinta daroogadan, si gacan loogu soo dhigo, loona horkeeno cadaaladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa adkeeyey la dagaallanka dambiyada la xiriira daroogada.

“Waxaan digniin adag u dirayaa cid kasta oo ku hallan soo dejinta iyo ka ganacsiga sharci darrada ah, si loo ilaaliyo caafimaadka iyo amniga bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Dad badan oo ku dhintay diyaarad u socotay Hargeysa oo burburtay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Lix ruux ayaa ku geeriyooday Diyaarad yar oo sidday shaqaale caafimaad oo galabta ku dhacday xaafad ku taala duleedka magaalada Nairobi.

Diyaaraddu waxey ku sii jeeday magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Kenya ee ka warbixiyey shilkaan.

Dadka dhintay 4 kamid ah waxey ahaayeen dhakhaatiir diyaarada saarnaa, halka labada kalena ay ahaayeen dad ku sugnaa dhismaha ay diyaarada ku dhacday.

Shilalka ay ku lug leeyihiin diyaaradaha yar yar ayaa ah kuwo mararka qaar laga dareemo Bariga Afrika.

Bishii Abriil ee sanadkii hore, taliyihii guud ee ciidamada Kenya ayaa ka mid ahaa 10 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo dhacay Kenya, wax yar kadib markii ay duushay diyaarad milatari.

Shalay Wasiirradii Difaaca iyo Deegaanka dalka Ghana Edward Omane Boamah iyo Ibrahim Murtala Muhammed iyo Lix ruux oo kale ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Ashanti ee koonfurta dalkaasi, kadib markii ay la dhacday diyaarad Helikobter ah.

Dadka kale ee la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilkaas waxaa ka mid ahaa Alhaji Mohammad Muniru Limuna, oo ahaa ku-xigeenka isku-duwaha ammniga dalkaasi, horayna usoo noqday wasiirkii beeraha, iyo Samuel Sarpong, oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga National Democratic Congress (NDC) ee uu hoggaamiyo Mahama.

Dowladda Ghana ayaa ku dhawaaqday in calanka dalkaasi hoos loo dhigi doono, halka madaxweyne Mahama uu hakiyay dhammaan howlihiisii rasmiga ah si loo muujiyo murugada dhacdadan.

Wasiir difaacay shirkadda Hormuud si adagna ugu jawaabay xildhibaan Yaasiin Farey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa si adag ugu soo jawaabay Xildhibaan Yaasiin Farey oo shirkadda Hormuud ku eedeeyey inay ku lug leedahay barakicinta dadkii laga saaray Suuqa Siinaay, isagoo wacad ku maray in ganacsatada iibsatay dhulkaas aysan ku nacfi doonin.

Wasiirka oo ka jawaabayey eedeynta Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa qoraalkiisa ku bilaabay, “Jiingado sharci darro ah oo dhul dawladeed laga dhistay, isagoo  difaacaya inuu shirkad Soomaaliyeed jaa’ifeeyo, wax aysan ku lug lahayna ku eedeeyo lagama aqbalayo.”

Sidoo kale Wasiir Cumar, ayaa sheegay in Xildhibaan Yaasiin uu maleeshiyaad hubeysan dhaxkeenay Caasimadii Dalka ee Muqdisho, isla markaana uu galay dambi weyn oo lagu maxkamadayn karo.

“In isagoo Xildhibaan Qaran ah uu falal amniga dalka dhaawacaya ku lug yeesho waa ayaan darro,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi.

Sidoo kale, wuxuu gef aan la aqbali karin ku tilmaamay in Xildhibaan Yaasiin uu weli adeegsanayo hadallo kicin iyo fidno abuur ah oo bulshada lagu kala fogaynayo, “Inuu cararo inta fidno kiciyayna waa fulaynimo,” ayuu ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi.

Dhinaca kale, Shirkadda Hormuud Telecom oo tixraaceysa qoraalka Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa iska fogeysay eedeynta ah in dhulka Siinay ay iibsadeen.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hormuud ayaa lagu yiri, “Shirkadda Hormuud Telecom waxa ay si cad u beeninaysaa wararka been-abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo si khaldan shirkadda loogu tilmaamay in ay lug ku leedahay arrimo la xiriira dhul ku yaalla Suuqa Siinaay.”

Hurmuud oo qoraalkeeda soo raacisay sawirka ciwaanka Xildhibaanka ayaa soo bandhigtay afar qodob oo ay ku caddeyneyao in shirkaddu aysan ku lug laheyn arrimaha dhulkaas, qodobada ayaa kala:

1.⁠ ⁠Hormuud Telecom aanay maalgelin mashruucaas, lugna ku lahayn.

2.⁠ ⁠Shirkadaha ka faracmay (subsidiaries) shikradda Hormuud aysan wax maalgelin ah ku lahayn mashruucan, si toos ah ama si dadban.

3.⁠ ⁠Guddiga sare ee maamulka shirkaddu aysan wax xiriir ah la lahayn arrintaas, si shakhsi ah ama si rasmi ah.

4. Bankiguna uusan maalgelin mashruucan.

Halkaan ka eeg qoraalka Xildhibaan Yaasiin Farey ee Hormuud ay beenisay, Wasiir Cumar-na uu qaab siyaasadeysan uga soo jawaabay.

Puntland oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilowday gobolka Sanaag

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dhaq-dhaqaaq cusub ka bilaabay qeybo kamid ah gobolka Sanaag, kuwaas oo ay sheegtay in ay kula dagaalamayso maleeshiyaadka Shabaab ee ku sugan buuraha Calmadow.

Taliye ku-xigeenka ciidanka difaaca Puntland, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig) ayaa booqasho kormeer ah ku tagay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugan jiidda hore ee buuraha Calmadow. Waxaa safarkaasi ku wehliyay saraakiil sare oo ka tirsan taliska ciidanka.

Safarkan oo taliyaha ku wehlinayaan saraakiil sare oo ka tirsan taliska ciidanka ayaa intii uu socday kormeerka, wuxuu taliyuhu indha-indheyn ku sameeyay dhammaan saldhigyada ciidamada ee ku sugan difaaca hore.

Kormeerkan ayaa bar bilow u ah howl-galka la qorsheeyay ee Onkod, kaas oo loogu talagalay in lagaga sifeynayo buuraha Calmadow kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland.

Taliska ayaa sheegay in saraakiisha booqashada ku tagay jiidda hore ay la yeesheen kulamo dhiirrigelin iyo wacyigelin ah ciidanka, iyagoo ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo fulinta waajibaadka qaran.

Sidoo kale, waxay ciidamada ku booriyeen in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan wejiga cusub ee howlgalka Onkod, oo lagu beegsan doono kooxaha argagixisada ku dhuumaalaysanaya buurahaas.

Dhanka kale, Abbaan-duulaha guud ee ciidanka difaaca Puntland, S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere), ayaa socdaal shaqo ku tegay deegaanka Yubbe ee degamada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Halkaas ayuu ka bilaabay abaabul iyo qaramayn ciidan beeleedyo deegaanka ku sugan, kuwaasoo sida uu sheegay lagu darayo ciidanka rasmiga ah ee qeybta ka noqon doona howlgalka Calmadow.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan sheegay in lagu guuleystay howl-galkii Calmiskaad, isla markaana ay haatan u ruqaansanayaan dhanka Calmadow oo maleeshiyaadka Al-Shabaab u ah saldhig.

Munaasabadda daahfurka Madasha Somali Business oo ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho looga daahfuray Madasha Somali Business, oo ah madal bixineysa xog sugan oo isugu jirta: warbixinno lagu falanqeynayo fursadaha maalgashi ee dalka ka jira, saadaalinno ku saabsan isbeddellada suuqa iyo kobaca dhaqaalaha, daraasado la xiriira jihada ganacsiga iyo maalgashiga, iyo warbixinno lagu lafagurayo dhaqaalaha dalka.

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhanka dhaqaalaha ah, qeybaha waxbarashada, dhalinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaas oo daneeya horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Aasaasaha ahna Maamulaha Madasha Somali Business, Dr. Abdinor Dahir, ayaa ugu horreyn xafladda daahfurka kusoo dhoweeyay martida. Wuxuu xusay muhiimadda ay Somali Business u leedahay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sababaha keentay aasaasitaanka madasha, oo ugu horreyn ahayd sidii loo heli lahaa xog habaysan oo sugan oo lagu go’aan qaadan karo.

Waxaa sidoo kale xafladda laga jeediyay qudbadooyin kala duwan, kuwaas oo lagu bogaadiyay laguna soo dhoweeyay furitaanka Madasha Somali Business.

Martida ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, Hon. Mohamud Abdirahman Beenebeene; Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdiqafar Hange; Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha dhaqaalaha ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Hassan Adam Hosow; Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Dr. Ahmed Khadar A. Jama; Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Dhexe, Dr. Ali Yasin Sheikh; Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Abdirahman Yusuf Al-Adala; iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdullahi Aadan Galanbi, iyo marti sharaf kale.

Madashan ayaa la filayaa in ay noqoto isha koowaad ee laga helo xogaha maalgashi ee dalka, saadaasha suuqa, falanqaynta dhaqaalaha, iyo daraasadaha ganacsiga, iyadoo si gaar ah loogu tala galay in ay ka faa’iideystaan ganacsatada, dhalinyarada hal-abuurka leh, iyo hay’adaha dowladda.

Dhammaan ka qaybgalayaashii xafladda ayaa si weyn usoo dhaweeyay madashan cusub, iyagoo muujiyay baahida loo qabo in xogaha ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya la habeeyo, lana helo meel isku keenta xogtaas oo si joogto ah looga heli karo.

Maxaa ka jira in shirkadda Hormuud ay ku lug leedahay burburinta dhulka Siinaay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Hormuud Telecom ayaa iska fogeysay ku lug lahaanshaha barakicinta dhulka Siinaay, iyadoo beenisay in ay sinaba ugu lug leedahay arrimaha dhulkaasi, oo dowladdu ka bilowday burburin iyo barakacin hor leh.

“Shirkadda Hormuud waxa ay si cad u beeninaysaa wararka been-abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo si khaldan shirkadda loogu tilmaamay in ay lug ku leedahay arrimo la xiriira dhul ku yaalla Suuqa Siinaay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay shirkadda.

Hormuud ayaa caddeysay in xitaa guddiga sare ee maamulka shirkaddu aysan wax xiriir ah la lahayn arrintaas, si shakhsi ah ama si rasmi ah.

War-saxaafadeedka shirkadda Hormuud ayaa si toos ah u beeniyay hadal kasoo yeeray Xildhibaan Yaasiin Fareey, oo isagu si weyn uga soo horjeeda burburinta ay dowladda ka wado dhulka Siinaay.

Yaasiin Fareey oo uga digay ganacsatada Soomaaliyeed in ay hantidooda iska geliyaan dhulkaas, ayaa ku eedeeyay Hormuud iyo Salaam Bank inay si toos ah ugu lug yeesheen burburinta suuqa Siinay iyo barakicinta dadka ku ganacsada ama deegaansaday.

“Waxaa nasiib daro weyn ah in shiirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo Salaam Bank oo aan in mudo ah ka shaqeyneyey bedqabka sumcadooda una heysana hantida ummadda Soomaaliyeed ay si toos ah ugu lug yeeshaan burburinta dhulka Siinaay,” ayuu Yaasiin Fareey ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray “Marnaba ma aqbaleyno falka ay ku kaceen waxa ayna qeybtooda ka qaadan doonaan cawaaqib xumada ka dhalata musiibada loo geystay shacabka Siinaay. Ma jirto cid aan uga gambaneyno, ku ixtiraameyno, uga tanaasuleyno xuquuda dadkeena marasta ah ee la baa’iiyey. Kama sabri doono dhibaatada loo geystay dadka reer Siinay.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Hormuud oo dhameystiran:

WAR-SAXAAFADEED

Shirkadda Hormuud Telecom waxa ay si cad u beeninaysaa wararka been-abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo si khaldan shirkadda loogu tilmaamay in ay lug ku leedahay arrimo la xiriira dhul ku yaalla Suuqa Siinaay.

Haddaba, shirkaddu waxa ay si rasmi ah u caddeyneysaa in:

  1. ⁠Hormuud Telecom aanay maalgelin mashruucaas, lugna ku lahayn.
  2. Shirkadaha ka faracmay (subsidiaries) shikradda Hormuud aysan wax maalgelin ah ku lahayn mashruucan, si toos ah ama si dadban.
  3. Guddiga sare ee maamulka shirkaddu aysan wax xiriir ah la lahayn arrintaas, si shakhsi ah ama si rasmi ah.
  4. Bankiguna uusan maalgelin mashruucan.

Ugu dambayn, shirkaddu waxa ay mar labaad caddaynaysaa in aanay sinnaba ugu lug lahayn arrimaha la xiriira Suuqa Siinaay.

Jubaland oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh kana digtay qorshaha…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo muhiim u ah xasiloonida iyo horumarka Jubbaland, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay xaaladda gobolka Gedo iyo khilaafaadka halkaas ka sii daraya.

Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah u eegay qulqulatooyinka ka taagan gobolka Gedo, kuwaas oo ay sheegtay Jubaland in ay hurinayaan “Taliska Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.”

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Jubbaland, tan ayaa ujeedadoodu tahay in colaado daba dheeraada laga abuuro deegaanada xuduudka ku teedsan ee gobolka Gedo, taas oo saameyn ballaaran ku yeelan karta guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa Golaha uga warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga gobolka Gedo. Warbixintaas ayuu maamulka ku sheegay in qorshaha cusub ee Taliska Xasan Sheekh uu yahay mid ballaaran oo uu doonayo inuu fidiyo colaadaha gudaha Jubbaland, si gaar ah gobolka Gedo, una gudbiyo dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirrada ayaa tilmaamay in arrintan ay halis ku tahay nabadda guud ee gobolka Geeska Afrika. Waxaa laga digay in colaado cusub ay abuuri karaan barakac, burbur dhaqaale iyo is-aamin la’aan guud oo khatar ku ah danaha shacabka Soomaaliyeed iyo xiriirka dalalka deriska ah.

Dhinaca kale, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa Golaha la wadaagtay siyaasadda cusub ee maaraynta qashinka magaalooyinka. Siyaasaddan cusub ayaa lagu saleeyay ilaalinta deegaanka, kor u qaadista bilicda magaalooyinka, iyo xoojinta nadaafadda guud.

Ugu dambeyntiina, waxaa la isku raacay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada gobolka iyo daryeelka deegaanka.

Si kastaba, kulankaan iyo hadalka kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan in maamulka uu boqolaal kamid ah ciidamada Jubbaland oo wata gaadiid dagaal u ruqaansadeen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Magaaladan ayaa waxaa haatan ku sugan oo gacanta ku haya ciidamada Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, oo dhawaan dagaal uga saaray ciidamadii taabacsanaa Axmed Madoobe.

Cali Xoosh oo kusoo biiray is-weerarka Axmed Macallin Fiqi iyo Cabdi Faarax Juxa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Xoosh ayaa saacado kadib kusoo biiray is-weerarka u dhexeeya Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa, taasoo salka ku haysay baasaboorka Soomaaliga.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in baasaboorka uu wasiirka Puntland caayay uu leeyahay fiicnaan, isagoo Juxa ku dhaliilay sida uu ugu dhiirran yahay sumcad-dilka baasaboorka dalka, oo aysan keliya lahayn dowladda dhexe.

“Waxaan maqli jiray: ‘Facaa foolxumadana waa kugu caayaa, fiicnaantana kuuma oggola.’ Baasaboorkeenii foolxumadiina ma lagu caayay, fiicnaantiina ma loo diiday? Aduun faallo dambe buu leeyahay,” ayuu yiri Cali Xoosh oo u jawaabay Juxa.

Haddaba, sidee ku bilaabatay xiisadda is-weerarka?

Weerarka Wasiirrada Xukuumadda Federaalka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ka bilaabtay falcelin yaab leh oo Juxa uu ka bixiyay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee qasab ka dhigaya in qofka baasaboorka dalbanaya uu haysto kaarka aqoonsiga NIRA, halka sidoo kale laga rabo dadka u kala safra gobollada dalka wixii ka dambeeya Janaayo 2026.

Juxa ayaa sheegay in baasaboorka Soomaaliya uu marayo meeshii ugu liidatay sumcad ahaan, taasoo uu ku eedeeyay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in ay sabab u tahay.

Juxa ayaa yiri: “Baasaboorkii ugu liitay adduunka xagga socdaalka ayaa dadkiisa ciqaab iyo shar looga dhigay. Marka taladu gacan qura iyo meel qura gasho, waxay noqotaa shar ummadeed.”

Fiqi oo si weyn uga carooday hadalka Juxa, ayaa dhinaciisa maamulka Puntland ku tilmaamay “shufto”, isagoo mas’uuliyadda sumcad-xumada baasaboorka dusha uga tuuray ficillada qaldan ee hoggaanka Puntland.

“Waddan aad maraakiibtii badda maraysay ee si sharciga ah u socotay aad afduubanayso, weliba si xishood darro ah aad ku leedahay waa ‘qaniimo’, miyaa baasaboorkiisa dadaal kasta oo lagu bixiyo lagu hagaajin karaa ama kor loogu qaadi karaa!? Hashu ayadaa cunta oo caytamaysana!” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ma aha markii ugu horreysay ee mas’uul ka tirsan dowladda federaalka iyo mid kale oo ka tirsan Puntland ay xiisad ka dhex dhalato, ayna isugu jawaabaan baraha bulshada. Haddana, waxaa ceeb iyo quus ah in mas’uul Soomaaliyeed uu ku tunto sumcadda baasaboorka dalkiisa.

Sanadihii dambe, siyaasadda ku dhisan aflagaado iyo is-weerar ayaa caan ka noqotay gudaha Soomaaliya, iyadoo aysan jirin xeerar ama anshax celinaya mas’uuliyiinta dowladda. Taas oo muujinaysa in madaxda sare ee dalka ay raalli ka yihiin, ama iyagu rabaan in dartood loo shaqsi caayo mas’uul kale oo ay is hayaan.

Somalia executes 3 members of Al-Shabaab’s ‘Amniyat’ wing

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s military court on Thursday executed three members of the jihadist group Al-Shabaab who were convicted of carrying out assassinations for the organization’s feared intelligence wing, officials said.

The men were executed by firing squad at dawn in the capital, Mogadishu, at the General Kahiye Police Academy, a common site for state-sanctioned executions.

Military court officials, who were present at the execution, confirmed the identities of the condemned men as Qudama Hamze Yusuf Mohamed (aliasYahye”), Abdi Hassan Roble (aliasAfeey”), and Ibrahim Omar Shamcun (aliasHubka”).

“All three men were found guilty of belonging to the terrorist group Al-Shabaab and carrying out several planned assassinations in Mogadishu and the Lower Shabelle region,a military court official told reporters at the scene.The court’s sentence of death has been carried out this morning.”

The trio was part of the Amniyat, a highly secretive and disciplined unit that functions as Al-Shabaab’s intelligence and assassination squad, tasked with high-profile attacks and infiltrating government-held territory.

Al-Shabaab’s fearedAmniyat’ unit

The Amniyat is considered one of the most effective and ruthless branches of the Al-Qaeda-linked group. Its operatives are responsible for gathering intelligence, policing Al-Shabaab’s members, and planning and executing complex attacks, including suicide bombings and targeted killings of government officials, security personnel, and civilians accused of spying.

According to Somali security officials, the three executed militants were explicitly involved inmadax jabis,a Somali term meaninghead-breaking,used to describe the group’s assassination campaigns. Their convictions stemmed from a series of targeted killings that have contributed to the climate of fear in areas the government is struggling to secure fully.

The Lower Shabelle region, located just south of Mogadishu, has long been a flashpoint in the conflict. Its strategic importance and fertile lands have made it a key battleground, with swathes of the region frequently changing hands between Al-Shabaab and government forces, who are often backed by African Union troops.

The executions are part of the Somali government’s aggressive stance against the insurgency under President Hassan Sheikh Mohamud, who declared anall-out waron Al-Shabaab after taking office in 2022. The government frequently uses military courts to try terror suspects, handing down swift and harsh sentences, including the death penalty.

While the government defends the practice as a necessary deterrent, human rights organizations have repeatedly voiced concerns. Groups like Human Rights Watch have criticized Somalia’s military courts for failing to meet international fair trial standards, citing issues such as the denial of adequate legal representation and the trial of civilians in military tribunals.

Despite these criticisms, the Somali government maintains that the tribunals are a crucial component of its national security strategy to dismantle the jihadist network.

An unrelenting insurgency

Al-Shabaab has been waging a brutal insurgency against the Somali federal government for more than 15 years. The group seeks to topple the internationally-backed government in Mogadishu and impose its strict interpretation of Islamic law.

Although a major government offensive, supported by local clan militias, has driven the militants from significant territories since 2022, the group has proven to be resilient. It continues to control large parts of rural southern and central Somalia and remains capable of launching deadly attacks against military and civilian targets across the country and in neighboring nations like Kenya.

The ongoing executions underscore the Somali state’s determination to project strength, even as it battles to extend its authority and provide security for a population weary of decades of conflict.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay aamusnaanta DF ee faragelinta Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay war-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo looga hadlay xaaladda gobolka Gedo, kaas oo aan lagu soo hadal qaadin faragelinta ciidamada Itoobiya ee xaaladda gobolkaasi.

Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa kaliya loogu eedeeyay xubno ka tirsan maamul-goboleedka Jubbaland oo uu ugu horreeyao Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa qoraalka ku sheegtay in raggaasi ay faafinayaan warar been abuur iyo marin habaabin ah oo ay ku qarinayaan danbiyada ay faraha kula jiraan.

“Xubnahaas waxaa ka mid ah Maxamuud Sayid Aadan oo horay ugu lug lahaa tacadiyo badan oo ka dhacay oobalka Gedo, waxaana uu maalmahaan danbe ku lug lahaa xogo uu uga been sheegayo xiisadda gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Federaalka.

Haddaba dhaleeceyn ayaa ka dhalatay ka aamusitaanka dowladda ee dhaq-dhaqaaqyada ciidanka Itoobiya oo haatan saddex cisho uun u qabtay ciidamada dowladda ee ku sugan Beledxaawo, horayna u weeraray ciidamada NISA ee degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Qaar kamid ah dadeynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si caro leh uga falceliyay aamusnaanta dowladda ee xadgudubyada ay gaysaneyso dowladda Itoobiya.

Cabdifitaax Habane:  “Waxaan maqli jiray aabe ninka yar iga celi oo ninka wayn igu siidaa hadda Axmed Madoobe oo kaliya maxaad ka xag xaganeysaan?

Axmed Cabdi Maxamed: “War Ethiopia luuqad adag ma kula hadli wayseen horaa waxa loo yiri miskiin ayaa miskiin fuula maad dhehdeen?”.

Cabdiraxmaan Cumar: “Magaca xabashi maxaa looga ilaaaliyay warqadda?”.

Mahad Diiriye Maxamed: “Xisaabta dhiman maxaa waayey wixi aad tamar haydeen waad so bandhigteen bee?”.

Cabdiraxmaan Sheekh: “Abiy Axmed laga soo cararaa Axmed Madoobe lagu soo ordayaa miyaa?”

Axmed Cabdiwaaxid: “Kistoo yar xattaa xabashida ma u bootayn waydeen war imooda?”.

Kacdoon shacab oo ka bilowday Beledxaawo iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta kacdoon shacab oo wayn uu ka bilowday degmada Beledxaawo, kaas oo looga soo horjeedo farogelinta ay ciidamada Itoobiya ku hayaan xaaladda gobolkaasi.

Shacab careysan ayaa maanta isugu soo baxay gudaha magaaladaasi oo dhowaan ay la wareegeen ciidanka dowladda, waxayna ciidamada Itoobiya ku eedeeyeen in ay weerar ku yihiin madax bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, shacabka ayaa dalbaday in ciidanka Itoobiya ay joojiyaan dhaq-dhaaqyada ay haatan ka wadaan gobolka Gedo, isla markaasna ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Bannaanbaxan ayaa ka dhashay caro xooggan oo ka dhalatay hadal kasoo yeeray saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan gobolkaasi, kaasoo ay ciidamada Soomaaliya saddex cisho ugu qabteen in ay uga baxaan magaalada Beledxaawo oo haatan ay ku sugan yihiin.

Waxaa dibad-baxani ka horreeyay mid kale oo ay shalay dhigeen shacabka degmada Doolow, kaas oo isna looga soo horjeedyay farogelinta Itoobiya ee gobolka Gedo.

Ciidamada Itoobiya ayaa isku dayaya in ay la dagaalamaan ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Beledxaawo, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Gedo.

Cabdullaahi Shimbir, oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo isla markaana taabacsan dowladda Federaalka, ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amar la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, kuwaasoo dhawaan la wareegay Beledxaawo.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyagoo gebi ahaanba cagta mariyay, kadibna xirey taliyihii xeradaasi. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka, kuna saabsan xad-gudubkaasi ay Itoobiya geysatay.

Si kastaba, xaaladda gobolka Gedo ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay dhawaan si buuxda ula wareegeen magaalada Beledxaawo, taasoo muddo dheer ay gacanta ku hayeen ciidamo taabacsan maamulka Axmed Madoobe.

JANAN oo si yaab leh uga hadlay xad-gudubkii Itoobiya, una hanjabay A/Madoobe

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha NISA ee Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo haatan ku sugan degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay xaaladda gobolkaasi, isagoo soo hadal qaaday farogelinta ciidamada Itoobiya ee gobolka.

Janan ayaa marka hore shaaca ka qaaday in kaliya ay is hayaan Axmed Madoobe, ayna Itoobiya iyo Kenya u arkaan laba dal oo daris ah oo ay ka dhexeyso is ixtiraamid.

“Annagu isma hayno cadowgeenana ma’ahan Itoobiya iyo Kenya waa dowlado aan daris nahay, waxaana naga dhexeyso is xormeyn iyo wada shaqeyn,” ayuu yiri C/rashiid Janan.

Sidoo kale, wuxuu ku hanjabay inay ka hortagi doonaan cid kasta oo diidan qaranimada Soomaaliya, ayna difaaci doonaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Cid kasta oo qaranimada Soomaaliyeed diidan annagana waa diidanahay ma ogolin, waxaa rabno waxaa wayay shacabka oo nabad ku noolaado heybadda qaranimo ee dalkeenna oo taagnaato,” ayuu mar kale yiri taliyaha NISA ee maamulka Jubaland.

Waxaa kale oo uu farriin u diray ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka, isaga oo faray inay gutaan waajibaadka qaran ee saaran, isaga oo ballan qaaday inay ka war qabi doonto dowladdooda.

“Gobolkan waxaa rabnaa inuu kala dambeyn sax ah uu yeesho, ciidamada qalabka sidana ay waajib gutaan wax kastana waxaa diyaar ula ah dowladda Soomaaliyed,” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Itoobiya ay muddo saddex cisho ah u qabatay Janan iyo ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Beledxaawo, sida uu shalay xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir).

Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii ciidanka Itoobiya ay weerareen xerada taliska NISA ee Doolow, iyaga oo gebi ahaan cagta mariyay, kadibna soo xiray taliyihii xeradaasi, mana jiro illaa iyo war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo ku aadan xadgubka Itoobiya.

Afeey, Ibraahim Hubka iyo Yaxye oo lagu toogtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saak xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda, kadibna lagu xukumay dilka saaka lagu fuliyay.

Raggan ayaa saaka aroortii hore la geeyay tiirka toogashada ee Iskuul Buluusiya, halkaas oo ay ku toogteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Saddexda marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed oo magaciisa afgarashada uu ahaa (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble oo Al-Shabaab looga dhex yaqiinay (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun oo loo yaqaanay (Hubka), waxaana lagu wada fuliyay dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada oo goobta kula hadlay warbaahinta, isla markaana ka warbixiyay toogashada saddexdaasi nin ee horay uga tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah.

Dhammaan ragga la dilay ayaa si gaar ah uga tirsanaa amniyaatka kooxda Al-Shabaab, waxaana ay u qaabilsanaayeen madax jabiska iyo fulinta weerarada gaadmada ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha goobjoogga ahaa fulinta toogashada.

Cabdi Afey iyo Ibraahim hubka iyo Yaxye ayaa saddexduba lagu helay inay horay dilal qorsheysan uga gaysteen magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxkamadda Ciidamada ayaa marar badan tiirka gaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo sidaan oo kale loogu helay inay dilal iyo qaraxyo dilal ka fuliyeen caasimada.

Xogta kulan xasaasi ah oo dhexmaray Xasan Sheekh iyo saraakiisha sare ee AUSSOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxa cusub ee howlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo saraakiisha ugu sarreysa ee hoggaamisa howlgalkaasi.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma, Taliyaha Booliska AUSSOM Hillary Sao Kanu iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha ayaa ka dhageystay warbixinno la xiriira howlgallada AUSSOM ee gudaha dalka, iyadoo sidoo kale diiradda la saaray isbeddelka hogaamineed ee uu keenay Danjire Diene oo dhawaan la wareegay xilka Madaxa howlgalka.

Waxyaabaha si gaar ah looga hadlay waxaa kamid ahaa marxaladda kala guurka ee howlgalka AUSSOM iyo qorshaha lagu wareejinayo mas’uuliyadda amniga dalka, si buuxda loogu gacan geliyo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay ku jirto dagaal ba’an oo ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana uu muhiim yahay in howlgalka AUSSOM uu garab istaago dowladda, si gaar ah dhinacyada xog-wadaagga iyo isweydaarsiga khibradaha ciidamada.

Danjire Diene ayaa dhankiisa muujiyay in uu diyaar u yahay in uu si dhow ula shaqeeyo dowladda Federaalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhisidda awoodda ciidamada qaranka.

Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa dhowaan si rasmi ah ula wareegay xilka Madaxa howlgalka AUSSOM, isagoo hormuud u noqon doona dib-u-habeynta iyo hagaajinta taageerada uu howlgalkaasi siiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Si kastaba, kulankan ayaa imanaya xilli ay kooxda Al-Shabaab dib u qabsatay qaar kamid ah deegaannadii laga xoreeyay, isla markaana uu hoos u dhac weyn ku yimid dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo ay iska kaashanayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Ceebeyn iyo bahdil – Abiy Ahmed oo gool ka dhaliyey Soomaaliya, xilli DF ay hurudo

Muqdisho (Caasimada Online) – Markii danjiraha cusub ee Itoobiya, Suleiman Dedefo, uu warqadihiisa aqoonsiga gudbiyay magaalada Muqdisho 5-tii Agoosto, munaasabadda waxaa si rasmi ah loogu sifeeyay “dib-u-habeyn diblomaasiyadeed” oo lagu hagaajinayo xiriirka labada dhinac. Si kastaba ha ahaatee, indheer-garad badan, magacaabistan uma aysan arkin mid nabadeed, balse waxay u arkeen xeelad diblomaasiyadeed oo ku saleysan qasab iyo maquunin.

Tallaabadan, oo timid bilo kadib heshiis badeed oo gilgilay degganaanshaha gobolka lagana galay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, ayaa soo dirista ergey loo arko inuu taageersan yahay gooni-isu-taagga Somaliland si weyn loogu fasiray aflagaaddo si ula kac ah loo qorsheeyay — waa tallaabo si gaar ah loogu talagalay in lagu bahdilo Soomaaliya laguna qasbo inay aqbasho xaqiiqo cusub oo liidasho ku dhisan.

Aqbalaadda Soomaaliya ee danjiraha — go’aan la gaaray iyadoo aanay jirin culaysyo siyaasadeed iyo cadaadis qasbaya — waxay qaranka gelisay xaalad sharaf-dhac ah.

Xiisaddan oo qaraxday 1-dii Janaayo 2024, ayaa salka ku haysay heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding – MoU) oo uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, la saxiixday Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu Itoobiya, oo aan lahayn bad, siinayo kiro 50 sano ah oo ay ku yeelanayso saldhig milatari badeed oo ku yaal xeebta Badda Cas, taasoo ay ku beddelanayso saami ay Somaliland ka siiso shirkadda Ethiopian Airlines iyo — qodobka ugu muranka badan — “qiimeyn qoto dheer” oo ku saabsan aqoonsi rasmi ah oo loo siiyo madaxbannaanida Somaliland.

Muqdisho, oo u aragta Somaliland inay tahay qayb aan ka go’in dhulkeeda, ayaa si kulul uga jawaabtay, iyadoo ku tilmaantay heshiiskaas “fal gardarro ah” iyo ku xadgudub madaxbannaanideeda. Dowladda Soomaaliya waxay u yeertay danjirihii u fadhiyay Addis Ababa, waxay meel marisay sharci burinaya heshiiska is-afgaradka, waxayna billowday olole diblomaasiyadeed oo ay beesha caalamka kaga hortagayso arrintaasi.

Tani waxay gogol-xaar u noqotay is-horfadhi khatar leh, iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy uu helitaanka bad ku tilmaamay “xaq lama huraan u ah jiritaanka qarankiisa” oo ay ku nool yihiin 125 milyan oo qof.

Is-muujintan gardarrada ah waxay astaan u tahay waxa falanqeeyayaashu ugu yeeraan “Caqiidada Abiy”: siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan shakhsi-jeclaysi, dan gaar ah iyo shacbiyad raadis.

Hab-dhaqankani wuxuu meesha ka saarayaa hannaankii hay’adeed ee diblomaasiyadda, isagoo u adeegsanaya qalab looga leexiyo dhibaatooyinka gudaha ee ba’an — sida isku dhacyada qowmiyadeed iyo dhaqaale xumida — iyo hurinta dareenka qowmiyad-jacaylka. Heshiiska is-afgaradka, oo noqday “qarax diblomaasiyadeed,” ayaa si qumman ugu adeegay ujeeddadaas.

Dabin diblomaasiyadeed

Magacaabista Danjire Dedefo waxay ahayd sii wadid rasmi ah oo istiraatiijiyaddaas ah. Markii ay soo dirtay diblomaasi matalaya isla siyaasaddii ay Soomaaliya cambaareysay, Itoobiya waxay muujisay in heshiiska is-afgaradka uu yahay mid aan laga laaban karin. Tani ma ahan diblomaasiyad lagu doonayo heshiisiin; waa diblomaasiyad loo adeegsanayo hab qasab ah, si Soomaaliya loogu cadaadiyo inay si dadban u sharciyeyso heshiiska — iyadoo la macaamileysa wakiilka siyaasaddaasi.

Tallaabadan waxay dhamaystireysaa istiraatiijiyad si ula kac ah loogu talagalay bahdilaadda qaranka, waana aalad awood leh oo maamul-goboleedku adeegsado si uu u liido una hoos geeyo cidda kasoo horjeeda.

Ololahan wuxuu ku bilowday hadalladii Abiy, waxaana sii xoojiyay hadallo uu jeediyay danjire hore oo Soomaaliya ku tilmaamay qaran “ay abuureen gumeystayaal.” Waxaa u sii dheeraa hanjabaado kale oo uu Abiy sameeyay, sida ballanqaadkiisii ahaa inuu “bahdili doono” cid kasta oo ka hor timaada Itoobiya. Aqbalaadda Dedefo waxay Soomaaliya ku qasbeysaa inay si dadban uga qayb qaadato bahdilaaddeeda, taasoo ah tallaabo daxaleysa sharafta qaranka.

Go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku aqbashay danjiraha wuxuu ahaa qalad istiraatiiji ah oo weyn, mid aan waafaqsanayn danaha qaran ee Soomaaliya.

Sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Qodobka 4-aad ee Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed, wuxuu bixiyaa gaashaan sharciyeed oo u oggolaanaya dal martigelinaya inuu diido magacaabista danjire (agrément) isagoon bixin wax sabab ah. Tani waxay ahayd fursaddii ugu nadiifsanayd uguna awoodda badnayd ee ay Soomaaliya ku hor istaagi kartay daandaansiga Itoobiya — kahor inta aysan xaaladdu sii foorarsan.

Markii ay aqbashay ergey matalaya siyaasad si cad ugu xadgudbeysa madaxbannaanideeda, dowladda Soomaaliya waxay wiiqday ololihii diblomaasiyadeed ee socday bilooyin, waxayna muujisay nuglaansho u eg is-dhiibid. Tallaabadani waxay caadiyeysay bahdilaadda qaranka, waxayna abuurtay tusaale khatar leh oo muujinaya in xariiqyada cas ee madaxbannaanida Soomaaliya ay noqon karaan kuwo laga gorgortamo.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo la sameeyay khaladaadkan hore, sharciga caalamiga ah wuxuu weli bixinayaa xal sharciyeed oo xoog leh — inkastoo khatar lagu laray. Sida ku cad Qodobka 9-aad ee isla Axdiga Vienna, dal martigelinaya wuxuu waqti kasta, sabab la’aan ku magacaabi karaa diblomaasi “qof aan loo baahnayn” (persona non grata – PNG), taasoo keeni karta in si rasmi ah dib loogu yeero.

Xaqaasi waa mid aan xadidneyn, waana la adeegsan karaa xitaa kadib marka la aqbalo warqadaha aqoonsiga danjiraha. Soomaaliya horay ayay u adeegsatay isla awooddan, iyadoo bishii Abriil 2024 ay cayrisay danjirihii hore ee Itoobiya sababo la xiriiray “faragelin gudaha ah” oo ku saleysneyd heshiiska is-afgaradka.

Cayrinta Danjire Dedefo hadda waxay noqon lahayd tallaabo cad oo dib loogu adkaynayo madaxbannaanida Soomaaliya, laguna saxayo khaladkii hore ee siyaasadeed. Waxay fariin adag u diri lahayd Itoobiya iyo xulafada istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya — sida Turkiga iyo Masar — taasoo muujinaysa in xariiqyada cas ee madaxbannaanida Soomaaliyeed ay yihiin kuwo sugan, aan gorgortan geli karin.

Ciidanka Suudaan oo bur-buriyay diyaarad Imaaraadku leeyahay, kuna dilay 40 askari

Khartoum (Caasimada Online) – Ciidanka Cirka ee Suudaan ayaa burburiyay diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taasoo siday calooshood-u-shaqeystayaal u dhashay dalka Colombia, xilli ay ku degeysay garoon ay maamulaan Ciidamada Gurmadkaa Degdegga ah (RSF) oo ku yaalla gobolka Darfur. Ugu yaraan 40 qof ayaa halkaas ku dhintay, sida uu weriyay telefishinka dowladda ee taabacsan militariga, maalintii Arbacada.

Sarkaal ka tirsan militariga Suudaan, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in diyaaradda Imaaraadka “la duqeeyay oo gebi ahaanba la burburiyay” xilli ay ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee magaalada Nyala ee gobolka Darfur. Garoonkan ayaa muddooyinkii dambe si isdaba joog ah u bartilmaameedsanayay duqeymaha ciidanka cirka ee militariga Suudaan, kuwaasoo dagaal kula jira ciidamada RSF tan iyo bishii Abriil 2023.

Ilaa hadda, wax war ah oo degdeg ah kama soo bixin dhinaca RSF iyo dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha dalka Colombia, Gustavo Petro, ayaa sheegay in dowladdiisu ay isku dayayso in ay ogaato tirada muwaadiniinta Colombian-ka ah ee weerarkaas ku dhintay. “Waxaan eegi doonnaa haddii aan soo celin karno meydadkooda,” ayuu ku qoray bartiisa X (horey Twitter).

Telefishinka dowladda ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay kasoo duushay saldhig cirka oo ku yaalla gobolka Khaliijka, ayna siday tobannaan dagaalyahanno shisheeye ah iyo qalab militari oo loogu talagalay ciidamada RSF, kuwaasoo gacanta ku haya inta badan gobolka Darfur.

Militariga Suudaan, oo uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa muddo dheer ku eedeynayay Imaaraadka in uu siiyo RSF hub casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), isagoo u soo mariya garoonka diyaaradaha ee Nyala. Abu Dhabi waxay si adag u beenisay eedeymahan, inkasta oo ay jiraan warbixino kala duwan oo kasoo baxay khubaro Qaramada Midoobay ah, saraakiil Maraykan ah iyo hay’ado caalami ah.

Sawirro dayax-gacmeed ah oo uu soo saaray Shaybaarka Cilmi-baarista Bani’aadannimada ee Jaamacadda Yale (Yale University’s Humanitarian Research Lab) ayaa muujiyay dhowr diyaaradood oo nooca riddada dheer ah oo laga sameeyay dalka Shiinaha, kuwaasoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee caasimadda gobolka Koonfurta Darfur.

Bishii Juun, saddex goobjooge ayaa u sheegay wakaaladda AFP in diyaarad xamuul ah la duqeeyay wax yar kadib markii ay ka degtay garoonka Nyala.

Maalintii Isniinta, dowladda Suudaan ee ay militarigu gacanta ku hayaan ayaa ku eedeysay Imaaraadka inuu qoranayo oo uu maalgelinayo calooshood-u-shaqeystayaal Colombian ah si ay ula dagaallamaan ciidamada RSF, iyadoo sheegtay in ay hayso caddeymo qoraal ah oo muujinaya arrintaas.

Wararka ku saabsan joogitaanka dagaalyahannada Colombian-ka ah ee Darfur ayaa soo socday tan iyo dhammaadkii sannadkii 2024, waxaana xaqiijiyay khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay.

Toddobaadkan, Ciidamada Isbahaysiga (Joint Forces) — oo ah isbahaysi taageersan militariga oo ka howlgala gobolka ballaaran ee galbeedka Darfur — ayaa soo sheegay in in ka badan 80 calooshood-u-shaqeyste oo Colombian ah ay dhinaca RSF kaga dagaallamayeen magaalada El-Fasher, taasoo ah caasimaddii ugu dambeysay ee gobolka Darfur ee weli ku jirta gacanta militariga.

Qaar ka mid ah dagaalyahannadaas ayaa la sheegay in ay ku dhinteen hawlgallo ay isugu jireen duqeymo drones ah iyo madaafiic, kuwaasoo dhacay intii uu socday weerarkii ugu dambeeyay ee ay qaadayeen ciidamada RSF, sida uu sheegay isbahaysigaasi.

Militariga ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaallo fiidiyow ah oo ay sheegeen in ay muujinayaan “calooshood-u-shaqeystayaal shisheeye ah oo la rumeysan yahay inay kasoo jeedaan Colombia”. Wakaaladda AFP si madaxbannaan uma xaqiijin sax ahaanshaha muuqaalladaas.

Bishii Diseembar, dowladda Suudaan ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Colombia ay ka shallisay “ka qaybgalka qaar ka mid ah muwaadiniinteeda ee dagaalka Suudaan”.

Calooshood-u-shaqeystayaasha Colombian-ka ah, oo intooda badan ah askar iyo jabhado hore, ayaa horay uga qaybgalay colaado ka dhacay meelo kala duwan oo caalamka ah, waxaana horey u adeegsaday Imaaraadka si ay hawlgallo uga fuliyaan Yemen iyo dalalka Khaliijka.

Qoraalkiisii Arbacada, madaxweyne Petro wuxuu sheegay inuu ku hawlan yahay sidii uu u mamnuuci lahaa hawlaha calooshood-u-shaqeysi, isagoo ku tilmaamay “ka ganacsiga dadka oo loo beddelay badeecad dil geysata”.

Dagaalka Suudaan, oo haatan galay sannadkiisii saddexaad, ayaa sababay geerida tobannaan kun oo qof, barakaca 13 milyan oo qof, wuxuuna dalka geliyay xaaladdii ugu darneyd ee dhinacyada gaajada iyo barakaca dunida laga diiwaangeliyo.

DF oo shaacisay magacyada xubnaha Jubaland ee loo ciqaabi doono xiisadda Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa war culus ka soo saartay xaaladda gobolka Gedo, iyadoo eedeyn culus u jeedisay xubno ka tirsan Jubbaland oo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan uu ugu horeeyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in isha lagu hayo dhaqdhaqaaqa xubno “qaswadayaal ah oo ka amar qaata eedaysane Axmed Madoobe, kuwaas oo ku mashquulsan shirgoollo iyo falal ay colaad uga hurinayaan Gobalka Gedo,” sida lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa qoraalkaan ku sheegtay in ragaasi ay faafinayaan warar been abuur iyo marin habaabin ah oo ay ku qarinayaan danbiyada ay faraha kula jiraan.

“Xubnahaas waxaa ka mid ah Maxamuud Sayid Aadan oo horay ugu lug lahaa tacadiyo badan oo ka dhacay Gobalka Gedo, waxaana uu maalmahaan danbe ku lug lahaa xogo uu uga been sheegayo xiisadda Gobalka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda federaalka.

Dowladda ayaa sheegtay in Gobalka Gedo ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaranka oo halkaas ka hawlgelaya.

“15-kii sano ee lasoo dhaafay ayuu Ciidanka Qaranka joogaa Gobalka Gedo, iyagoo gudana waajibaadkooda Qaran ee uu dastuurku u xilsaaray,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka Gobalka Gedo ay sii wadi doonaan gudashada waajibaadka ka saaran difaaca dalka iyo adeegga bulshada deegaanka.

“Ciidamada ayaa u idman sugidda amniga, xasilinta gobolkaas iyo la dagaalanka argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya digniin u dirtay shaqsiyaadka yo kooxo ay sheegtay inay ku howlan yihiin xiisad abuurka, kuwaas oo lala socdo dhaqdhaqaaqooda, isla markaana lala xisaabtami doono haddii ay ka waantoobi waayaan ficiladooda gurracan, sida qoraalka lagu yiri.

“Dawladdu waxay u mahadcelinaysaa Shacabka Gobalka Gedo iyo maamulkooda, kuwaas oo muujiyay midnimo, dawlad-jacayl iyo waddaniyad, waxayna dawladda Federaalka garab taagan tahay shacabkeeda,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Cabdicasiis Faarax oo lagu xukumay xabsi 28 sano ah kadib xatooyadii $300 milyan

Minneapolis (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo degan gobolka Minnesota ayaa Arbacadii lagu xukumay 28 sano oo xabsi federaal ah, kadib markii lagu helay door muhiim ah oo uu ku lahaa qorshe ay xeer-ilaalintu ku tilmaantay inuu ahaa musuq-maasuqii ugu weynaa ee la xiriira masiibadii COVID-19 ee dalka Maraykanka – qorshe “si weyn loo habeeyay oo xeeladaysan,” kaasoo lagu lunsaday in ka badan $47 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta baahan.

Abdiaziz Shafii Farah, oo 36 jir ah, ayaa lagu tilmaamay maskaxdii ka dambeysay nidaamkan musuq-maasuqa, kaasoo si arxan darro ah looga faa’iideystay barnaamij ay dowladda dhexe maalgelinaysay si carruurta loogu quudiyo xilligii uu socday safmarkii COVID-19. Isaga iyo dadkii la shaqeynayay waxay si been abuur ah u sheegeen inay bixiyeen in ka badan 18 milyan oo cunto ah iyagoo adeegsanaya goobo aan jirin, si ay u lunsadaan lacago laga soo qaaday canshuur-bixiyeyaasha.

Marka laga reebo xukunka xabsiga, Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Degmada Minnesota, Nancy E. Brasel, ayaa sidoo kale ku amartay Farah inuu bixiyo magdhow lacageed oo gaaraya $47.9 milyan. Xukunkan ayaa yimid kadib dacwad socotay muddo toddoba toddobaad ah, halkaas oo xeer-beegti ay ku heshay Farah dambiyo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin khiyaano elektaroonig ah, laaluush, iyo lacag dhaqid.

“Halkan Maraykanka waxaad ka gaartay guulo, laakiin waxaad muujisay tixgelin la’aan iyo ku tumasho sharciyada dalka Maraykanka,” ayay tiri Garsoore Brasel xilligii xukunka la ridayay, iyadoo falkiisa ku tilmaantay mid ka dhashay “hunguri aan xad lahayn.”

Liisas been abuur ah iyo laaluush

Dacwaddan ayaa qayb ka ah baaritaan ballaaran oo lagu magacaabay Feeding Our Future, taasoo ku saabsan hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo fadhigeedu ahaa Minnesota, isla markaana xeer-ilaalintu sheegtay inay kormeeraysay musuq-maasuq baaxad weyn oo gaaraya $300 milyan. Dowladda Maraykanka ayaa si weyn u fududeysay shuruucdii Barnaamijkeeda Quudinta Carruurta ee Federaalka (Federal Child Nutrition Program) xilligii masiibada, si loo hubiyo in carruurtu aysan gaajoon – fursad uu Farah si xun uga faa’iideystay.

Laga bilaabo Abriil 2020, Farah wuxuu shirkaddiisa Empire Cuisine & Market u diiwaan geliyay inay tahay goob qaybisa cuntada. Wuxuu si degdeg ah u aasaasay in ka badan 30 xarumood oo la sheegay inay cunto qaybiyaan, kuwaasoo intooda badan ahaa dhulal bannaan ama xafiisyo maran oo aan marnaba cunto laga bixin.

Si ay u xoojiyaan sheegashadooda beenta ah, Farah iyo saaxiibbadiis waxay gudbiyeen qaansheegadyo iyo liisas tirakoob cunto oo la been abuuray. Waxay sidoo kale soo gudbiyeen liisas ay ku qoran yihiin carruur aan jirin, iyagoo adeegsanaya magacyo been abuur ah sida “Serious Problem” iyo “Britishy Melony,” sida ku cad dokumentiyada maxkamadda.

Si uu qorshuhu si habsami leh u socdo, Farah wuxuu bixiyay kumanaan doollar oo laaluush iyo gunnooyin sharci darro ah oo uu siiyay shaqaale ka tirsan hay’adaha kafaala qaada sida Feeding Our Future iyo Partners in Nutrition.

Farah wuxuu shakhsi ahaan jeebka ku shubtay in ka badan $8 milyan oo dollar muddo 18 bilood gudahood ah – lacago uu u adeegsaday inuu ku noolaado nolol raaxo iyo barwaaqo leh.

Xeer-ilaalintu waxay soo bandhigtay fariimo qoraaleed uu u diray mid ka mid ah eedeysaneyaasha la shaqeynayay, isagoo leh: “7 bilood gudahood, haddii ay arrimuhu sidaan ku sii socdaan, waxaad noqonaysaa multi-milyaneer aan wax deyn ah lagu lahayn.”

Wuxuu iibsaday gaadiid raaxo leh oo ay ka mid yihiin Porsche, Tesla, iyo GMC qiimihiisu kor u dhaafayo $300,000. Waxa uu sidoo kale dhaqay ku dhowaad $4.2 milyan isagoo ku iibsaday guryo iyo dhulal ku yaal Minnesota iyo Kentucky, oo ay ku jiraan laba dhul oo ku yaal agagaarka haro, halkaas oo uu qorsheynayay inuu ka dhiso guri casri ah.

Lacagta la lunsaday ayaa sidoo kale loo diray dibadda. Farah wuxuu hanti ka iibsaday dalka Kenya, oo ay ku jirto dhismo dabaqyo dhaadheer ah oo ku yaal Nairobi, sidoo kale wuxuu lacag ku dhaqay hay’ado ku yaal Shiinaha. Sida laga soo xigtay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, hantidan ayaa haatan ka baxsan gacanta hay’adaha sharci fulinta ee dalka.

Fadeexadda Feeding Our Future

Musuq-maasuqa uu Farah hormuudka ka ahaa wuxuu qeyb ka ahaa shirqool ballaaran oo salka ku hayay hay’adda aan faa’iido doonka ahayn Feeding Our Future, taasoo ahayd in ay noqoto kafaala-qaade iyo maamulaha barnaamijka cuntada ee federaalka. Taas beddelkeeda, waxay noqotay xarunta shabakad lunsatay boqollaal milyan oo dollar.

Wasaaradda Cadaaladda ee Maraykanka (U.S. Department of Justice) ayaa dacwado la xiriira fadeexaddan ku soo oogtay in ka badan 70 qof, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah kiisasii ugu waaweynaa ee la xiriira musuqmaasuq la xariira masiibada COVID-19 ee dalka ka dhacay. Kiiskan ayaa si qoto dheer u saameeyay jaaliyadda Soomaalida Maraykanka ee Minnesota, halkaas oo ay kasoo jeedaan qaar badan oo ka mid ah eedeysanayaasha iyo dhibanayaashooda.

“Cawaaqibka dambigaaga waxaa laga dareemi doonaa Minnesota iyo bulshadaada – bulshada qaxootiga – muddo dheer,” ayay tiri Garsoore Brasel.

Dambiyada Farah ma ahayn oo keliya musuqmaasuqa. Kadib markii wakiillo federaal ah ay ka qaadeen baasaboorkiisa intii lagu jiray baaritaan bishii Janaayo 2022, wuxuu si been abuur ah u sheegay in baasaboorku ka lumay si uu u helo mid cusub. Wax ka yar laba toddobaad kadib, waxaa lagu qabtay isagoo isku dayaya inuu raaco diyaarad hal jaho ah oo ku socotay dalka Kenya.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ayaa dhacay intii ay socotay maxkamadayntiisa bishii Juun 2024, markaas oo Farah iyo afar qof oo kale lagu eedeeyay inay isku dayeen inay laaluushaan xubin ka tirsan xeer-beegtida, iyagoo ula tagay boorso ay ku jirto $120,000 oo lacag caddaan ah si loogu beddelo go’aanka maxkamadda. Farah ayaa dambigaas qirtay, waxaana la filayaa in lagu xukumo goor dambe.

Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, Joseph H. Thompson, ayaa ku eedeeyay Farah inuu khiyaamay dalkii siiyay magangalyada iyo fursad nololeed. “Dalkan wuxuu Farah siiyay wax walba… waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah,” ayuu yiri Thompson. “Haddaba sidee buu ugu abaal-guday dalkan iyo gobolkan? Isagoo naga dhacay hantidii ummadda.”

Sargaalka sare ee Hay’adda Dambi-baarista Federaalka (FBI), Alvin M. Winston, Sr., ayaa ku tilmaamay dambigan “khiyaano lagu sameeyay aaminaaddii bulshada,” isagoo ballan qaaday in hay’adaha sharci fulinta ay “aan ka laaban doonin” dadaallada lagu la xisaabtamayo “kuwa dhibaateeya dadka ugu nugul bulshadeenna.”

Daawo: Muungaab oo daah-furay olole ay qayb ka yihiin wasiirro iyo xildhibaanno

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa saaka daah-furay olole wayn oo lagu nadiifinayo caasimada, kaas oo ay ka qayb-galeen xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Muungaab oo qaatay oo badiilka ayaa ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho ay ka dhigi doonaan magaalo nadiif ah, isla markaana ay soo celin doonaan bilicdii caasimada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kordhiyeen shaqaalaha waaxda nadaafadda, isla markaana hadda kadib si gaar ah looga war qabi doono, si ay u qabtaan shaqo muhiim ah.

“Halkan waxaan ka bilownay mashruuca ololaha nadaafadda maalmo dhaweyd markii aan xilka la waeegnay bil kadib waxaan waaxda nadaafadda ku biirinay illaa shaqaale gaaraya 300 oo mushaari ah” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Shaqaalaha nadaafadda waxa ay noqon doonaan kuwa ugu muhiimsan ee la siiyo dheerogelinta gaarka ah, waxaan dooneynaa magaaladaan inay nadiif ahaato”.

Duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ololahan uusan noqon doonin igu sawir, ayna ku dadaali doonaan in la gaarsiiyo caasimadda oo dhan.

Sidoo kale mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka shacabka ah ayuu ugu baaqay inay qaataan doorkooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta caasimada.

“Ololahaan igu sawir ma’ahan waa mid rasmi ah oo shaqo ah mas’uul kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan inuu ka qayb qaato ololaha nadaafadda ee Muqdisho” ayuu ku daray.

Muungaab ayaa tan iyo markii la magacaabay waday dadaallo horumarineed oo ku aadan caasimada, isaga oo sidoo kale isbeddal wayn ku sameeyay hoggaanka gobolka Banaadir.

Somali man gets 28 years in $300M US pandemic fraud

MINNEAPOLIS, United States – A Minnesota man was sentenced Wednesday to 28 years in federal prison for his central role in what prosecutors have called the largest COVID-19 pandemic fraud scheme in the United States, a “breathtakingly elaborate” plot that siphoned over $47 million intended to feed needy children.

Abdiaziz Shafii Farah, 36, was a principal architect of the fraud, which exploited a federally funded child nutrition program during the global health crisis. He and his co-conspirators falsely claimed to have served more than 18 million meals from shell locations to embezzle taxpayer funds.

In addition to the prison term, U.S. District Judge Nancy E. Brasel ordered Farah to pay $47.9 million in restitution. The sentencing comes after a seven-week trial where a jury convicted Farah on multiple counts, including wire fraud, bribery, and money laundering.

“You achieved successes here in the United States and yet you’ve shown utter and flagrant disregard for the laws of the United States,” Judge Brasel told Farah during sentencing, describing his actions as motivated by “pure unmitigated greed.”

Phony rosters and bribes

The case is part of the sprawling “Feeding Our Future” investigation, named after the Minnesota-based non-profit that prosecutors say oversaw a massive $300 million fraud. The U.S. government dramatically eased rules for its Federal Child Nutrition Program during the pandemic to ensure children would not go hungry, a change that Farah and others ruthlessly exploited.

Beginning in April 2020, Farah enrolled his company, Empire Cuisine & Market, as a food distribution site. He quickly established more than 30 purported distribution centers, many of which were merely vacant lots or empty offices where no food was ever served.

To support their fraudulent claims, Farah and his associates submitted falsified invoices and meal count sheets. They also created rosters of fictitious children, using absurd and fake names such as “Serious Problem” and “Britishy Melony,” according to court documents.

To ensure the scheme continued uninterrupted, Farah paid thousands of dollars in bribes and kickbacks to employees at the sponsoring organizations, Feeding Our Future and Partners in Nutrition.

Farah personally pocketed over $8 million from the scheme in just 18 months, which he used to fund a lavish lifestyle.

Prosecutors presented evidence of text messages where he boasted to a co-defendant, “In 7 months, if things stay the same, you are a multi-millionaire with 0 debt.”

He purchased a fleet of luxury vehicles, including a Porsche, a Tesla, and a GMC truck valued at over $300,000. He also laundered approximately $4.2 million through real estate purchases in Minnesota and Kentucky, including two lakefront lots where he planned to build a custom home.

The stolen funds were also moved overseas. Farah bought property in Kenya, including a high-rise apartment building in Nairobi, and laundered money through entities in China. According to the U.S. Attorney’s Office, these international assets are beyond the reach of American law enforcement.

‘Feeding Our Future’ scandal

The fraud orchestrated by Farah was part of a much larger conspiracy centered around the non-profit Feeding Our Future, which was supposed to act as a sponsor and administrator for the federal food program. Instead, it became the hub of a network that embezzled hundreds of millions of dollars.

The U.S. Department of Justice has charged over 70 individuals in connection with the scandal, making it the largest prosecution of pandemic-related fraud in the country. The case has deeply impacted Minnesota’s Somali-American community, from which many of the defendants and their victims were drawn.

“The repercussions of your crime will be felt in Minnesota and your community—the refugee community—for a long time,” Judge Brasel noted.

Farah’s criminal activity did not end with the fraud. After federal agents seized his passport during a raid in January 2022, he falsely claimed it was lost to obtain a new one. Less than two weeks later, he was arrested while attempting to board a one-way flight to Kenya.

In a stunning development during his trial in June 2024, Farah and four others were charged in a separate case for attempting to bribe a juror with a bag containing $120,000 in cash in exchange for a not-guilty verdict. Farah has since pleaded guilty to the bribery charge and will be sentenced for that crime at a later date.

Acting U.S. Attorney Joseph H. Thompson argued that Farah betrayed the nation that had offered him refuge and opportunity. “This country gave Farah everything… a free college education,” Thompson said. “And how did he repay this country and this state? By robbing us blind.”

FBI Special Agent in Charge Alvin M. Winston, Sr. called the crime “a betrayal of societal trust,” vowing that law enforcement would remain “unyielding” in holding accountable “those who prey on the most defenseless in our communities.”