28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Qorshe xasaasi ah oo ay damacsaneyd Eritrea oo guul-darreystay + Sababta

Geneva (Caasimada Online) – Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa diiday isku day ay Eritrea ku doonaysay inay ku joojiso baaritaan madax bannaan oo lagu hayay tacaddiyo loo geystay xuquuqda aadanaha, tallaabadaas oo lagu ammaanay inay muhiim u tahay ka hortagga isla-xisaabtan la’aanta.

Codsi naadir ah oo ay Eritrea ku doonaysay in meesha laga saaro waajibaadka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan diiwaanka xuquuqda aadanaha ee dalkeeda ayaa lagu guuldarraystay maalintii Jimcaha, waxaana oggolaaday afar cod oo kaliya, halka 25 ay diideen, 18 kalena ay ka aamuseen.

Tallaabada ay qaadday Eritrea ayaa la yaab ku noqotay goobjoogayaal badan, waxayna noqotay mid ka mid ah marar dhif ah oo dal baaritaan firfircoon lagu hayo uu isku dayo inuu cod rasmi ah ku joojiyo dabagalkaas.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa soo dhoweysay natiijada, iyadoo ku tilmaantay “farriin muhiim ah oo muujinaysa in beesha caalamka aysan ku kadsoomin dadaallada Eritrea ay ku doonayso inay kaga weeciso dareenka ama ku sumcad dilayso warbixinnada madaxa bannaan ee xuquuqda aadanaha ee laga diyaariyo xaaladda adag ee dalkaas.”

Hindisaha Eritrea ayaa ku dooday in xadgudubyada lagu eedeeyay aysan ahayn kuwo nidaamsan, waxayna ku sababeysay “caqabado dhinaca awoodda ah” oo ay la wadaagaan dalalka kale ee soo koraya. Balse dalalka Yurub ayaa kaga jawaabay qaraar kale oo lagu kordhinayo muddada xilhaynta wakiilka muddo sannad ah, kaasoo si fudud ku meel maray.

Warbixintii ugu dambaysay ee uu soo saaray bishii Juun, Maxamed Cabdelsalaam Baabikir, oo ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u magacawday ahna qareen u dhashay Suudaan oo ku takhasusay xuquuqda aadanaha, ayaa sheegay in Eritrea aysan muujin “wax horumar ah oo la taaban karo” oo ku aaddan la xisaabtanka.

Wuxuu tixraacay baaritaankii Qaramada Midoobay ee 2016-kii oo lagu ogaaday in “xadgudubyo nidaamsan, baahsan oo waaweyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha… oo ka dhacay Eritrea iyadoo ay mas’uul ka tahay Dowladda… ay gaarsiisnaan karaan dembiyo ka dhan ah aadanaha.”

Warbixintii 2016-kii, Guddiga Baarista Qaramada Midoobay (COI) ee Eritrea ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Isaias Afwerki ay gashay dembiyo fool xun tan iyo markii ay xornimada qaadatay rubuc qarni ka hor, oo ay ku jirto “addoonsiga” 400,000 oo qof.

Qaar badan oo ka mid ah xadgudubyadaas ayaa la sheegay inay la xiriiraan barnaamij adag oo qasab ah oo adeeg qaran ah oo ka jira dalkaas ku yaalla Geeska Afrika ee aadka u qarsoon, kaasoo dad badan ay u arkaan wax aan suurtagal ahayn in laga baxsado, uuna guddigu (COI) barbar dhigay addoonsi cimri dherer ah.

Joojinta baaritaanka oo horseedi karta ‘isla-xisaabtan la’aan’

Hay’adda DefendDefenders, oo ah urur u dooda xuquuqda aadanaha oo ka dhisan Afrika, ayaa sheegtay in doorka Baabikir uu weli muhiimad weyn u leeyahay dhibbanayaasha iyo qurba-joogta Ereteriyaanka ah.

“Khabiirku wuxuu door lama huraan ah u ciyaarayaa, maahan oo kaliya dhibbanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubyada Eritrea, laakiin sidoo kale qurba-joogta Eritrea,” ayuu yiri ururku qoraal uu soo saaray.

Midowga Yurub ayaa ka digay in joojinta waajibaadka wakiilka ay horseedi doonto “in isla-xisaabtan la’aanta iyo caburintu ay si aamusnaan ah u sii qoto dheeraadaan.”

Wakiilka Eritrea, Habtom Zerai Ghirmai, ayaa si kulul u weeraray go’aanka, isagoo ku eedeeyay Midowga Yurub inay muujinayaan “maskax gumaysi cusub oo iska dhigaya badbaadiye.”

Wuxuu intaas ku daray, “Kordhinta joogtada ah ee waajibaadka Wakiilka Gaarka ah waa gef ka dhan ah caqliga iyo caddaaladda.”

Iiraan, Suudaan iyo Ruushka – oo dhammaantood ay Qaramada Midoobay ku hayso baaritaanno u gaar ah – ayaa taageeray hindisaha Eritrea. Shiinaha ayaa sidoo kale taageeray tallaabadaas, isagoo ku dooday in waajibaadyada noocaan ah ay yihiin ku takrifal lagu hayo kheyraadka caalamiga ah.

 

Xogta dagaal ciidamada Itoobiya ku qabsaday BAAY

0

Diinsoor (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkan waxa ay sheegtay in dishay askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, sidoo kalena ay gubtay qaar kamid kolonyada gaadiidka ee ay wateen.

Dhankooda  ciidamada Itoobiya ayaa adeegsaday madaafiic, iyaga oo duqeeyay goobaha laga soo weeraray, waxaana ay sheegeen inay iska difaaceen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa sidoo kale saaka ka baxay saldhiggooda, iyaga oo kadib howlgallo ka sameeyay aagga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ee dagaalkan, marka laga tego sheegashada labada dhinac ee ku aadan weerarka iyo iska horimaadka xigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamadaItoobiya iyo kuwa Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Diinsoor ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Al-Shabaab oo todobaadyadii lasoo dhaafay beegsatay saldhigyo ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah AUSOOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee jooga halkaasi.

Inta badan gobollo Baay iyo Bakool ayaa waxaa ka dhaca dagaallo iyo weeraro toos ah oo ay gaystaan maleeshiyada Khawaarijta oo go’doomin ku haya degaannada Koonfur Galbeed

Sawirro: Musiibo dad badan ay ku dhinteen oo ku habsatay gobolka Texas ee Mareykanka

San Antonio (Caasimada Online) – Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay daadad mahiigaan ah oo Jimcihii aroortii hore ku dhuftay koonfurta-bartamaha gobolka Texas ee Mareykanka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta iyadoo weli la la’yahay in ka badan 20 gabdhood oo ku jiray xero xagaaga loo aado.

“Waxaan xaqiijinnay dhimashada 13 qof,” ayuu yiri Guddoomiyaha Booliska Degmada Kerr, Larry Leitha, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada, kaddib markii daadad ba’an ay ku dhufteen gobolka oo ku yaal waqooyi-galbeed ee San Antonio, isagoo ka digay in khasaaraha uu intaas ka badan karo. Qaar ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen carruur, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Texas, Dan Patrick.

“Qiyaastii 23 gabdhood” ayaa la la’yahay oo ka tirsanaa xerada Camp Mystic oo ku taalla hareeraha Webiga Guadalupe, kaasoo biyihiisu ay habeen qura kor u kaceen 26 fiit (sideed mitir) muddo 45 daqiiqo gudahood ah, ayuu raaciyay Patrick.

“Taasi macnaheedu maaha in ay lumeen, waxaa laga yaabaa inay geed saaran yihiin, ama ay go’doon ka yihiin isgaarsiinta,” ayuu yiri.

Patrick wuxuu akhriyay farriin ka timid agaasimaha xerada xagaaga, oo ay ku sugnaayeen ilaa 750 qof oo u joogay fasaxa dheer ee maalinta xorriyadda ee 4-ta Luuliyo, taasoo sheegaysay in xerada ay soo gaartay “heer musiibo ah oo daadad ah.”

“Ma haysanno koronto, biyo iyo Wi-Fi,” ayaa lagu yiri farriinta.

Saraakiisha gobolka iyo kuwa deegaanka ayaa uga digay dadka deegaanka inay u safraan aaggaas oo ay ku yaallaan goobo dalxiis oo ku teedsan webiga, iyadoo daraasiin waddooyin ahna ay yihiin “kuwo aan la mari karin.”

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay guryo iyo geedo ay qaadayaan daadadkii habeenkii ku dhuftay deegaanka, kuwaasoo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo gaarayay 12 inji oo hal habeen da’ay — taasoo u dhiganta saddex meelood meel roobka celcelis ahaan ka da’a degmada Kerr sannadkii.

Guddoomiyaha Gobolka Texas, Greg Abbott, ayaa bartiisa X ku wadaagay muuqaal muujinaya mid ka mid ah dhibanayaasha oo samatabixiye uu diyaarad helikobtar ah kasoo laadlaadiyay uu kasoo badbaadinayo geed dushiis, xilli ay biyaha daadadku si xowli ah hoostiisa uga socdeen.

‘Waji kale oo soo socda’

“Hawlgallada samatabixinta cirka ee sidan oo kale ah ayaa socda habeen iyo maalin. Ma joogsan doonno ilaa qof walba la helo,” ayuu yiri.

Freeman Martin, oo ah agaasimaha waaxda badbaadada dadweynaha ee gobolka, ayaa sheegay in daadadkani ay yihiin “dhacdo khasaare ballaaran leh.”

Ilaa 500 oo shaqaale samatabixin ah iyo 14 diyaaradood oo helikobtarro ah ayaa la geeyay goobta, iyadoo Ciidanka Qaranka Texas (Texas National Guard) ay direen kooxo gurmad ah, waxaana sidoo kale hawlgalka ku biiray Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Maraykanka (US Coast Guard).

“Roobkii wuu yara joogsaday, laakiin waxaan ognahay inay jirto waji kale oo soo socota,” ayuu ka digay Martin, isagoo sheegay in roobab kale ay ku dhufan doonaan deegaannada ku xeeran San Antonio iyo Austin.

“Kama war qabin daadadkan inay imaanayaan,” ayuu yiri garsooraha degmada Kerr, Rob Kelly, subaxnimadii Jimcaha, isagoo intaa ku daray in gobolka ay “daadadku si joogto ah uga dhacaan.”

“Kani waa dooxada webi ee ugu khatarta badan dalka Mareykanka,” ayuu raaciyay, isagoo ula jeeday Webiga Guadalupe ee dhex mara gobolka.

Sadaaliyeyaasha cimilada ayaa digniin daadad ah u diray degmada Kerr, iyagoo ku boorriyay dadka ku nool agagaarka webiga Guadalupe inay “u guuraan meelaha sarsare.”

Bartamihii bishii Juun, ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay daadad la mid ah oo ku dhuftay magaalada San Antonio kaddib roobab mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay.

Eritrea oo diyaarisay qorshe halis badan iyo Itoobiya oo uga dacwootay Mareykanka

Addis Ababa (Caasimada Online) –Dowladda Itoobiya ayaa cabasho ka dhan ah Eritrea u dirtay dowladda Mareykanka, iyadoo ku eedeysay Eritrea inay diyaarinayso dagaal weyn oo ka dhaca gudaha Itoobiya, kaas oo la qorsheeyey inuu qarxo saddexda bilood ee soo socda.

Warbixin cusub oo ay baahisay Addis Standard ayaa sheegaysa in Itoobiya cabasho rasmi ah u dirtay Mareykanka, taas oo ku saabsan in Eritrea ay wado diyaar-garow dagaal oo ballaaran oo laga fulin doono gudaha Itoobiya.

Sida lagu sheegay warbixinta, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa qoraal arrintan la xiriira u diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio.

Sidoo kale, Dowladda Itoobiya waxay u aragtaa tallaabooyinka ka imaanaya dhanka Eritrea, kuwo keeni kara xasilooni darro weyn oo ka dhalata gudaha dalkeeda, sida ku cad cabashada ay u gudbiyeen Mareykanka.

Inkastoo dhanka Eritrea aan la helin wax war ah oo rasmi ah, haddana xiriirka labada dal ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii Tigray, kaas oo iyagoo xulufo ah ay galeen.

Dowladda Itoobiya waxay sidoo kale ka codsatay Mareykanka inuu arrintan si dhab ah u eego, isla markaana uu Eritrea ku cadaadiyo inay joojiso wax kasta oo keeni kara colaad cusub.

26 June 2025, Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa eedeymaha Itoobiya ku tilmaamtay marin habaabin ay wado Itoobiya, ayna ku dabooleyso qorshe duulaan ah iyo in Itoobiya ay aad u raadineyso marinka biyood iyo deked, iyada oo caddeysay in hadii awoodo militari loo baahdo ay isticmaali doonto.

Daawo: Fiqi oo u hanjabay ganacsatada qaar kadib markii la ogaaday in ay si hoose…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo galabta Muqdisho uga qeyb galay kulan loogu duceeyey halyeeyadii u shahiiday halganka xoreynta Soomaaliya ayaa farriin adag u diray ganacsatada weli dhaqaalaha siisa Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan bilowday cadaadis ay ku dabageleyso ganacsatada, si kooxda Al-Shabaab looga hor istaago inay dadka ka aruursadaan lacagaha ay u yaqaanaan Zakawaadka oo xiliyadaan oo kale ay aad u uruuriyaan.

“Inkasta oo dowladdu Akoomo badan xirtay oo dad maxkamadeysay, haddana Ganacsato ayaa u dhuumanaya Al-Shabaan oo ugu taga goobaha ay joogaan, iyagoo siinaya lacago lagu gado hubka iyo qaraxyada dadkeenna iyo askarteena lagu dilayo,” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Wasiirka Gaashaandhigga oo sii hadlayey ayaa yiri “Ganacsadow lacagtaada haku bixin dhibaateenta shacabka, ogowna in falkasta oo khawaarijta ku gaysato wixii aad siisay aad adigana danbigaas qeyb ka tahay.”

Wasiir Fiqi ayaa aad ugu mahadceliyey dhallinyaradii soo abaabushay kulankaan loogu duceeyey halyeeyadii u dhintay xornimo raadintii Soomaaliya iyo kuwa hadda la dagaalamaya Khawaarijta ee u dhimanaya in mar kale ay Soomaaliya ka xorowdo argagixisada.

“Waxaan soo wadnaa barnaamij la yiraan da’yarta iyo difaaca, waxaan dooneynaa in da’yarta, wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska xoogga ay saaxiib noqdaan, wax badan ayaan ka faa’iideysa doonaa dhalinyarada,” ayuu yiri Fiqi.

Masuuliyiin kale oo Wasiir Al-Cadaala uu ka mid yahay ayaa ka hadlay kulankaas, isagoo yiri, “Dhallinyarada Soomaaliyeed hadii aan la kicin dhibka aan ku jirno marnaba kama bixi doono, sidoo kale Culimada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in Masaajida ay ka sheegaan kuwa dalkeena iyo diinteena suuban weerarka ku ah.”

Hoos ka daawo Wasiir Fiqi

Saciid Deni oo Imaaraadka ku wareejinaya dekedda…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dekedda Garacad ee gobolka Mudug ku wareejinaya shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta, taasoo qorsheyneysa maalgelin ballaaran oo dekeddaasi lagu sameeyo.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xaqiijiyay arrintaan ayaa sheegay in muddo ay socdeen wada-hadallo farsamo oo la xiriiray wareejinta maamulka dekedda.

“Dekedda Garacad oo muhiim ahayd waxa muddaba socday wada-hadal dhinaca farsamada ah oo shirkadda Wadaagsin iyo shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo doonaysa in ay la wareegto dekedda Garacad, si ay maalgelin ugu samayso dekedda,” ayuu yiri Saciid Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Hadda waxa la dhammeystiray dhamaan arrimihii farsamada, waxaana rajeynayaa in hirgelinta heshiiskaasi ay si deg-deg ah u bilaabato.”

Dekedda Garacad aya waxaa haatan gacanta ku haysa shirkad Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Wadaagsan.

Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu sheegay in uu jiro qorshe lagu dhisayo waddo muhiim ah oo isku xiri doonta dekedda Garacad iyo kastamka Tuury-dibi ee degmada Galdogob, taasoo sahli doonta badeecadaha ganacsi ee loo raro Itoobiya.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa hore gacanta ugu hayay dekedda magaalada Boosaaso, taas oo weli aysan dhammeystiran dhismaheeda.

Somalia oo fulisay tallaabo looga saarayo liiska uu ku daray madaxweyne Trump

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa daah-furtay nidaam casri ah oo ku shaqeeya biyometrigga oo lagu maareeyo xuduudaha, kaasoo ay taageereyso dowladda Maraykanku, wuxuuna awood u siinayaa mas’uuliyiinta inay si toos ah (real-time) ula socdaan socotada iyagoo is-barbardhigaya liisaska caalamiga ah ee dadka laga digtoonaado.

Dalka Soomaaliya oo Maraykanku u aqoonsaday inuu yahay ‘goob ay argagixisadu gabbaad ka dhigato’ kaddib markii ay si weyn u kordheen dhimashada ka dhalanaysa weerarada Al-Shabaab, ayaa ka mid ah waddamada ay saameysay xayiraaddii fiisaha ee uu soo rogay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Nidaamkan oo lagu magacaabo Nidaamka Amniga ee Isbarbardhigga iyo Qiimeynta Aqoonsiga Shaqsiyeed (PISCES), oo helaya taageero farsamo oo ka socota Maraykanka, ayaa lagu rakibay dhammaan garoomada diyaaradaha ee waaweyn ee Soomaaliya si dib-u-habeyn loogu sameeyo nidaamka socdaalka ee dalka oo muddo dheer la daalaa-dhacayay.

Rajada Soomaaliya ee ah laga qaado xayiraadda fiisaha

Nidaamkani wuxuu si degdeg ah u aqoonsanayaa aqoonsiyada been abuurka ah iyo dhaq-dhaqaaqyada safarrada ee shaki gelin kara, isagoo gacan ka geysanaya in la fududeeyo isu-socodka rakaabka sharciga ah, isla markaana kor u qaadaya amniga qaranka.

“Waxaan rajeynayaa in habkan cusub uu Soomaaliya ka saari doono liiska xayiraadda socdaalka ee Trump waqti dhow, marka uu nidaamku si buuxda u shaqo galo,” ayuu Mustaf Duhulow, agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo xuduudaha Soomaaliya, u sheegay The Africa Report waraysi gaar ah oo uu siiyay.

Nidaamku wuxuu leeyahay teknoolajiyad casri ah oo lagu hubinayo socotada si toos ah, taasoo ay ka mid yihiin aqoonsiga wajiga, aqrinta faraha, iyo iskaanka baasaboorka oo ku xiran liisaska dadka laga digtoonaado ee heer qaran iyo heer caalamiba.

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa kormeeraysay hirgelinta mashruucan, iyadoo tababarro xirfado farsamo ah siisay saraakiisha socdaalka Soomaaliya, sidoo kalena ka taageertay horumarinta kaabeyaasha. Waxay kaloo ka qaadatay kaalin la-talin ah.

Daah-furkan ayaa ku soo beegmay xilli ay xukuumaddii Trump ay soo rogtay xayiraado dhanka socdaalka ah oo saameeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed, taasoo ah dib-u-dhac muujinaya baahida ay Soomaaliya u qabto inay si weyn u casriyeyso nidaamkeeda maareynta socdaalka.

“Tani waa bilowga wax runtii gaar u ah xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka. Waxaa na horyaalla shaqo badan, waxaana diiradda saaraynaa inaan kala shaqayno Soomaaliya sidii loo xaqiijin lahaa dal deggan oo ammaan u ah muwaadiniintiisa,” ayuu yiri Bob Flannery, la-taliyaha barnaamijka la-dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya ee safaaradda Maraykanka.

Shaqo waqtigeeda ku socota

Wargeyska The Africa Report wuxuu fursad u helay inuu goob joog ka noqdo sida uu nidaamkani u shaqeeyo intii lagu guda jiray booqasho lagu tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Saraakiisha socdaalka ayaa isticmaalayay xogta biyometrigga si toos ah, iyagoo u barbardhigayay keydka xogta caalamiga ah.

Shamsa Cali, oo haysata dhalashada Finland, ayaa sheegtay inay markii ugu horreysay fiisaha elegtarooniga ah (e-visa) ka codsatay iyadoo joogta gurigeeda. “Fiisaheyga si degdeg ah ayaan ku helay, haddana waxaan joogaa garoonka diyaaradaha iyadoo aan wax dhibaato ah la kulmin,” ayay tiri.

Shamso oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, waxay ka mid tahay kumannaankii qof ee dalka uga cararay dagaallada sokeeye. “Waa markii iigu horreysay ee aan Soomaaliya soo booqdo tan iyo markii aan ka qaxay 2010-kii, balse weli waxaa jira raadadkii xanuunka lahaa ee maalmahaas,” ayay tiri Shamsa.

“Inkastoo ay wax badan isbeddeleen oo horumar la sameeyay, oo ay ku jiraan nidaamyadan casriga ah ee garoonka yaalla, haddana weli waxaan xoogaa ka walwalsanahay amniga dibadda, maadaama aan u imid inaan soo booqdo hooyaday oo halkan ku nool,” ayay raacisay.

Sugidda amniga xuduudaha oo weli caqabad ah

Walwalkeedu ma ahan mid aan sal lahayn. Sannado badan, xuduudaha Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo u nugul in si xun looga faa’iidaysto. Hubinta liidata ee dokumiintiyada, laaluushka iyo kontorool la’aanta ka jirtay goobaha muhiimka ah ee laga soo galo dalka ayaa fursad siisay Al-Shabaab.

Arrimahani waxay awood u siiyeen kooxda, oo uu Maraykanku u aqoonsaday argagixiso tan iyo 2008-dii, inay si sharci-darro ah ku soo geliyaan hub iyo badeecooyin, ayna dalka soo galaan iyagoon wax hubin ah marin.

Kaabahan dhijitaalka ah ee cusub waxaa loogu talagalay inuu taas wax ka beddelo, sida uu sheegay Ilyaas Maxamed, oo ah falanqeeye dhinaca amniga ah oo Soomaali ah. “Inkastoo Soomaaliya ay weli si weyn ugu dhex jirto waddamada dhibaatooyinku ka jiraan, heerka la oggolaado socdaalkeeda ayaa si tartiib ah u soo hagaagaya,” ayuu yiri.

Nidaamkan cusub ee biyometrigga ah wuxuu hiigsanayaa in lagu xakameeyo tahriibka iyo ka ganacsiga dadka ee ka dhaca xuduudaha muhiimka ah, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, dekedaha, iyo goobaha kontorool ee dhulka—waana qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo lagu soo celinayo amniga socdaalka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda.

In kasta oo nidaamkan cusub uu tusaale u yahay horumar la gaaray, haddana waxaa weli jira caqabado. Al-Shabaab waxay weli gacanta ku haysaa deegaanno badan oo miyi ah, sidoo kale musuq-maasuqa ka jira hay’adaha dowladda ayaa weli ah mid jira.

Si kastaba ha ahaatee, Mustaf Duxulow wuxuu muujiyay rajo wanaagsan. “Waa inuu sii jiraa iskaashiga ilaa aan ka gaarayno isku-filnaansho. Waxaan ku kalsoonahay inaan gaari doonno awooddaas annagoo kaashanayna saaxiibadeenna caalamka, oo uu ku jiro Maraykanku,” ayuu yiri.

Fiqi oo sheegay inay burburtay rejadii mucaaradka ee teendhada Xalane kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in sii socoshada hanaanka doorasho qof iyo cod iyo diiwaan-gelinta ka socota maamullada ay god dheer ku rideyso rejadii mucaaradka ee ku laabashada teendhadii Afisyoone.

Is-diiwaangelinta codbixiyaasha ayaa shalay si rasmi ah uga bilaabatay maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, taasoo ay daah-fureen hoggaamiyayaasha labada maamul, Axmed Qoor-Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen.

Fiqi ayaa sheegay in tallaabadan ay soo xirayso albaabkii kuwii Shakiga gelinayay dhabnimada qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.

“Tallaabadani waxay duufaan burburisay ku furtay rajadii siyaasiyiinta qaarkood ay ku xirayeen teendhadii Xalane in dib loogu noqonayo, waxayna shacabka siisay rajo ay cidda matalaysa ku soo doortaan ayagoo sharfan,” ayuu yiri Wasiir Axmed Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Bogaadin iyo mahadcelin ballaaran Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Soohdimaha.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay bilowdeen wada-hadallo u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka, isla markaana ay dhinacyadu isku mari la’yihiin wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorasho.

Xubnaha mucaaradka ayaa soo doonaya in cutubka afaraad ee wax ka bedelka dastuurka laga laabto oo sidii hore lagu celiyo. Qodobkan ayaa shalay noqday mid dood culus dhaliyay, oo sababi gaaray in shirka lagu kala tago, hase ahaatee waxaa markii dambe la isla gartay in dib la isugu soo laabto laabatanka bisha oo dhinacyadu ay soo wada tashtaan.

Itoobiya oo ku dhowaaqay dhameystirka biyo-xireenka Nile iyo Abiy oo Masar u sheegay…

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Khamiistii sheegay in biyo-xireenka koronto oo muranka dhaliyay ee laga dhisay Webiga Nile uu hadda dhammaaday, taasoo guul weyn u ah dalkiisa, xilli uu khilaaf kala dhexeeyo dalka Masar oo ku saabsan qaybsi caddaalad ah oo biyaha ah.

Masar ayaa muddo dheer ka soo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn doono saamigeeda biyaha Webiga Nile. Dowladda Masar ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka, oo loo yaqaano Biyo-xireenka weyn ee dib-u-curashada Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam), mid khatar ku ah jiritaankeeda, sababtoo ah dalkan oo ah kan ugu dadka badan dunida Carabta ayaa si buuxda ugu tiirsan Webiga Nile si uu biyo u siiyo beeraha iyo dadkiisa oo ka badan 100 milyan oo qof.

Wadahadallo sannado badan dhex marayay Itoobiya iyo Masar ayaan weli horseedin heshiis, waxaana weli taagan su’aalo ku saabsan inta biyo ah ee ay Itoobiya usii deyn doonto dhanka hoose haddii ay abaari dhacdo.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo khudbad u jeedinayay xildhibaannada maalintii Khamiista, ayaa sheegay in dowladdu ay “isu diyaarinayso caleema-saarkiisa rasmiga ah” bisha Sebteembar.

“In kasta oo ay jiraan kuwa aaminsan in la carqaladeeyo inta ka horreysa xilligaas, waxaan mar kale xaqiijinaynaa ballanqaadkeenna: biyo-xireenka waa la caleema-saari doonaa,” ayuu yiri.

Abiy wuxuu sheegay in dalkiisu “ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa in horumarkeena uusan ku imaanin khasaaraha walaalaheenna Masar iyo Suudaan.”

“Waxaan aaminsannahay horumar la wadaago, tamar la wadaago, iyo biyo la wadaago,” ayuu yiri. “Barwaaqada mid ka mid ah waa inay ka dhigan tahay barwaaqo loo wada siman yahay.”

Itoobiya iyo Masar ayaa sannado badan isku dayayay inay heshiis ka gaaraan biyo-xireenkan oo ku kacay $4 bilyan, kaasoo Itoobiya ay bilowday dhismihiisa sannadkii 2011. Xiisadda ka dhalatay biyo-xireenka, oo ah kan ugu weyn Afrika, ayaa mar gaartay heerkii ugu sarreeyay, taasoo keentay in qaar ka mid ah falanqeeyayaashu ay ka baqdaan in labada dal ay ku dagaallamaan.

Laakiin Itoobiya waxay heshay taageero diblomaasiyadeed oo ay ka heshay waddamada webigu ka soo bilowdo sida Uganda, oo xarun u ah iskaashi goboleed oo ka kooban 10 waddan, kuwaasoo sannadkii hore saxiixay heshiis ku saabsan isticmaal caddaalad ku dhisan oo loo adeegsado kheyraadka biyaha ee Dooxada Webiga Nile.

Heshiiska iskaashigan, oo loo yaqaano Hindisaha Dalalka Dooxada Nile (Nile Basin Initiative), ayaa dhaqan galay bishii Oktoobar iyadoo aysan ansixin Masar iyo Suudaan.

Biyo-xireenkan oo ku yaal Webiga Niilka Buluugga ah (Blue Nile) meel u dhow xudduudda Suudaan, wuxuu billaabay inuu koronto dhaliyo sannadkii 2022. Mashruucan ayaa la filayaa inuu ugu dambeyn soo saaro in ka badan 6,000 oo megawatt oo koronto ah, taasoo laba jibaar ka badan wax-soo-saarka hadda ee Itoobiya, ayna ku filan tahay inay dalkan Bariga Afrika ee ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof ka dhigto mid dhoofiya tamar saa’id ah.

Biyo-xireenku wuxuu ku yaal qiyaastii 500 oo kilomitir (311 mayl) waqooyi-galbeed ee caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Dhererkiisu waa 1,800 mitir, jooggiisuna waa 175 mitir, waxaana ku xiran keyd-biyood qaadi kara ilaa 74 bilyan oo mitir kuyuubik oo biyo ah, sida uu sheegay qandaraaslaha ugu weyn ee dhisayay.

Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa in biyo-xireenku yahay horumar muhiim ah oo ka caawin doona in malaayiin muwaadiniinteeda ah laga saaro saboolnimada, isla markaana uu ka dhigi doono dalka mid weyn oo dhoofiya tamarta.

Ma aysan suurtagelin in si degdeg ah looga helo faallo dalka Masar, oo muddo dheer ku doodaysay xuquuqdeeda biyaha Nile iyadoo cuskanaysa shuruudaha heshiis laga dhaxlay xilligii gumeysiga.

Heshiiskan oo dhex maray Masar iyo Boqortooyadii Ingiriiska ayaa siinayay dalalka dhanka hoose ee Masar iyo Suudaan xuquuqda biyaha Nile, iyadoo Masar ay qaadanaysay saamiga ugu badan.

Heshiiskaas, oo markii hore la saxiixay 1929-kii, laguma xisaabtamin dalalkii kale ee ku teedsanaa dooxada webiga, kuwaasoo dalbanayay heshiis ka caddaalad badan.

Masar oo walaac ka muujisay xaaladda Soomaaliya – Maxaa soo kordhay?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty ayaa muujiyay walaaca dowladda Masar ka qabto xaaladda amni ee weli ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan khatarta amni ee ka imaanaysa kooxaha argagixisada, sida Al-Shabaab.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in si nidaamsan oo deg-deg ah loogu guuro AUSSOM, si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray amniga loogana hortago firaaq amni oo ay kooxuhu ka faa’iideystaan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa adkeeyay in howl-galka cusub ee AUSSOM uu u baahan yahay maalgelin joogto ah si uu u fuli karo waajibaadkiisa, loona xaqiijiyo in guulaha laga gaaray amniga aysan dib u dhicin.

Wuxuu sheegay in haddii aan la helin taageerada dhaqaale ee loo baahan yahay, ay taasi curyaamin doonto awoodda AUSSOM, taasoo saameyn xun ku yeelan karta nabadda gobolka Geeska Afrika iyo caalamkaba.

Wasiirka ayaa si gaar ah u tilmaamay in xaaladdu ay halis gelin karto ganacsiga badda ee caalamiga ah, isla markaana ay kor u qaadi karto khatarta argagixisada haddii aan si buuxda loo taageerin qorshaha amni ee cusub.

Wasiirka oo ka qeyb-galayay kulanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee heer wasiir oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga ayuu Wasiirka wuxuu muujiyay taageerada buuxda ee Masar ay u hayso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, midnimada, xasilloonida, iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Wuxuu sidoo kale uga mahad-celiyay Dowladda Federaalka dadaalka ay ku bixisay sugidda amniga iyo dhisidda hay’adaha dowliga ah, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo lagu xaqiijinayo xasiloonida iyo dowlad wanaagga.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa ku cel-celiyay in Masar ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato xoojinta awoodda hay’adaha amniga si mas’uuliyadda amni loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed si tartiib tartiib ah.

Beesha Isaaq oo sheegtay in lagu takooro Kenya, dalabna u dirtay madaxweyne Ruto

Nairobi (Caasimada Online) – Beesha Isaaq ayaa si weyn uga cabatay takoor ay sheegtay in ay kala kulmeyso dowladda Kenya, iyagoo sheegay in aan beeshaasi wax metelaad ah ku lahayn hay’adaha dowladda.

Beesha ayaa arrintan ku soo bandhigtay shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi, halkaas oo ay kaga codsadeen dowladda Madaxweyne William Ruto in ay wax ka qabato cabashadooda.

Qaar ka mid ah masuuliyiintii shirka ka hadlay ayaa sheegay in beesha Isaaq muddo dheer ka mid ahayd bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya, balse aanay helin wax metelaad ah oo muuqda.

Sidoo kale waxay codsadeen in dowladda Kenya ay ku darto liiska beelaha la aqoonsan yahay ee fursadaha helaya, si loola simo beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Dhowr qabiil oo Soomaaliyeed ayaa si joogto ah xilal sare uga hela dowladda Kenya, halka beesha Isaaq aanay weligeed wax xil ah ka qaban dowladda Kenya.

Beesha Isaaq waxay ku baaqday in la siiyo aqoonsiga iyo xuquuqaha kale ee ay beelaha kale heleen, si loo helo cadaalad bulsho iyo mid siyaasadeedba.

Si kastaba, arrintan ayay beeshu ku tilmaantay mid xaq-darro ah oo u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto si beesha loo siiyo xuquuq la mid ah mida beelaha kale.

Xogta laba heshiis oo DF Soomaaliya ay ansixisay iyo dalalka lala soo galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey laba heshiis oo muhiim ah, kuwaas oo lala soo galay dowladaha Masar iyo Turkiga.

Heshiiska is-afgarad ee koowaad ayaa u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Masar, wuxuuna ku saabsan yahay iskaashiga arrimaha caddaaladda iyo siyaasadda qaran ee socdaalka shaqada.

Heshiiska labaad ayaa ah is-afgarad dhexmaray Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Turkiga iyo wasaaradaha u xilsaaran gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka xeebaha leh ee Afrika.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga xiriirka gaadiidka, waxaana Soomaaliya u saxiixday Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Heshiisyadan oo lagu ansixiyey shirkii Golaha Wasiirrada ee shalay qabsoomay, ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale, shirka waxaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta.

Golaha ayaa bogaadiyey wada-hadalladan iyo shirarkii hore ee lala yeeshay siyaasiyiinta iyo ururrada diiwaangashan, kuwaas oo looga tashanayey arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa dhageystay warbixinno la xiriira amniga iyo munaasabadihii dabaaldegga maalmaha xorriyadda, kuwaas oo ay soo jeediyeen Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga iyo Guddigii u xilsaarnaa diyaarinta todobaadka xorriyadda, taas oo si weyn looga maamuusay dalka.

Milkiilaha Manchester City: Dagaal-oogaha Imaaraadka u qaabilsan colaad hurinta Afrika

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Sheikh Mansour bin Zayed al-Nahyan, oo ah xubin sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada Imaaraadka Carabta, ayaa lagu eedeeyay inuu si qarsoodi ah u taageerayo hoggaamiye kooxeedka Suudaan, Gaashaanle Sare Maxamed Xamdaan (Xameti), oo ah hoggaamiyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee sumcadda xun, xilli uu sii xoogaysanayo dagaalka sokeeye ee Suudaan, sida lagu sheegay warbixinno baaritaanno ah oo uu dhawaan daabacay wargayska The New York Times.

Warbixinta oo faahfaahsan ayaa waxay qeexaysaa sida Sheikh Mansour, oo la dhashay hoggaamiyaha awoodda badan ee Imaaraadka, uu si cad ugu martiqaaday Jeneraal Xamdaan bishii Febraayo 2023, toddobaadyo uun ka hor inta uusan qarxin iskahorimaadka Suudaan. Kulan kaas ayaa la sheegay inuusan aheyn kii ugu horreeyay; xiriirkoodu wuxuu soo taxnaa sanado ka hor, markaasoo Sheikh Mansour uu ku martiqaaday taliyaha reer Suudaan bandhig hub oo ka dhacay Imaaraadka, halkaas oo ay si wada jir ah ugu soo wareegeen goobaha lagu soo bandhigay gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Kaddib markii uu dagaalka sokeeye ee Suudaan sii xoogaystay bishii Abriil 2023, Sheikh Mansour ayaa la sheegay inuu gacan dheeraad ah siiyay dadaallada dagaal ee Jeneraal Xamdaan. In kasta oo hay’ado samafal oo hoos yimaada maamulka Sheikh Mansour la sheegay inay dhiseen isbitaal, oo loogu muujinayay inuu yahay gargaar bini’aadannimo oo loo fidinayo dadka rayidka ah, ayaa saraakiil Maraykan ah iyo kuwa Qaramada Midoobay waxay ku adkaysanayaan in hawlgalkani uu ahaa mid qarsoodi ah oo lagu daboolayay arrimo kale.

Sirdoonkoodu wuxuu tilmaamayaa inuu fududeeyay qorshe qarsoodi ah oo Imaaraadku ku doonayay inuu hub casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si dhuumasho ah ugu gudbiyo ciidamada RSF ee Jeneraal Xamdaan.

Xadgudubyo baahsan

Maqaalka The New York Times wuxuu iftiiminayaa caddeymo isa soo taraya oo muujinaya xadgudubyo baahsan oo ay geysteen ciidamada Jeneraal Xamdaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin xasuuq, kufsi wadareed, iyo tirtirid qowmiyadeed.

Tallaabooyinkan ayaa horseeday cambaarayn caalami ah, haddana socodka hubka ee loo dhoofiyo RSF wuu sii socdaa. In kasta oo Imaaraadku uu si rasmi ah u beeniyay inuu hubaynayo mid ka mid ah dhinacyada isku haya colaadda, haddana Maraykanka ayaa la sheegay inuu duubay wada-hadallo telefoon oo tiro badan oo dhex maray Jeneraal Xamdaan iyo madax sare oo Imaaraati ah, oo uu ku jiro Sheikh Mansour.

Duubitaannadaas ayaa waxay saraakiisha Maraykanka ku hoggaamiyeen inay ku qancaan in Sheikh Mansour uu door muhiim ah ka qaatay bixinta taageerada milatari ee ciidamada Jeneraal Xamdaan, taasoo sii hurisay colaad Suudaan ku ridday abaar iyo macaluul, isla markaana sababtay dhibaatadii bini’aadannimo ee ugu weyneyd adduunka, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 150,000 oo qof ayna ku barakaceen in ka badan 12 milyan oo kale.

Sheikh Mansour, Jeneraal Xamdaan, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka midkoodna kama uusan jawaabin su’aalaha faahfaahsan ee la xiriira eedeymaha ku saabsan xiriirkooda iyo doorka ay ku leeyihiin dagaalka, sida uu xusay wargayska The New York Times.

Marka laga soo tago eedeymaha la xiriira Suudaan, maqaalku wuxuu Sheikh Mansour, oo 54 jir ah, ku tilmaamayaa inuu yahay “fududeeye” iyo “hogaamiye” muhiim u ah ballaarinta saamaynta Imaaraadka ee sii kordheysa ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Saraakiil lagu waraystay maqaalka ayaa ku sifeeyay inuu yahay “hormuudka” dadaalkaas istiraatiijiga ah, kaas oo ay ka mid yihiin sugidda dekedaha muhiimka ah iyo macdanta istiraatiijiga ah, la-dagaallanka dhaq-dhaqaaqyada Islaamiga ah, iyo adkaynta mowqifka Imaaraadka ee ah awood goboleed.

Dalal ay ka mid tahay Liibiya, Sheikh Mansour ayaa la sheegay inuu xiriir la yeeshay hoggaamiye kooxeedyo iyo kaligood-taliyeyaal saameyn leh, isagoo inta badan u muuqday inuu jebinayo cunaqabateynta caalamiga ah ee hubka.

Tusaale ahaan, saraakiisha Maraykanka waxay arkeen xiriir joogto ah oo dhex marayay Sheikh Mansour iyo hoggaamiyaha awoodda badan ee Liibiya, Khalifa Haftar, waxayna xuseen in hubka Imaaraadka, oo qaar ka mid ah uu markii hore Maraykanku siiyay, uu si sharci-darro ah uga soo muuqday goobaha dagaalka ee Liibiya. Habkan uu wax u wado ayaa muujinaya istiraatiijiyad ballaaran oo si taxaddar leh loo dejiyay oo lagu xoojinayo kooxaha xulafada la ah ee ka jira gobollada aan xasilloonayn.

Ganacsiyo fadeexad leh

Wargayska The New York Times wuxuu kaloo xusayaa in ganacsiga ballaaran ee Sheikh Mansour uu wajahayo baaritaanno aan hore loo arag. Dhowaan, sannadkii 2022, dacwad-oogayaasha Maraykanka waxay isaga ku magacaabeen “ka-qaybqaate dembi” fadeexaddii caanka ahayd ee 1MDB, oo ah mid ka mid ah musuq-maasuqyadii maaliyadeed ee ugu weynaa adduunka.

In kasta oo aan waligiis shakhsi ahaan loogu soo oogin dacwad la xiriirta 1MDB, laba ka mid ah shirkadihiisa ayaa oggolaaday inay dib ugu celiyaan lacag dhan $1.8 bilyan dalka Malaysia sannadkii 2023, kaddib markii lagu eedeeyay inay fududeeyeen musuq-maasuqaas baaxadda leh. Heshiiskaas maaliyadeed, in kasta oo uusan ahayn qirasho dembi, wuxuu hoosta ka xariiqayaa culayska eedeymaha jira.

Warbixintu waxay soo jeedinaysaa in “xasaanaddii dahabiga ahayd” ee Sheikh Mansour uu muddo dheer ku naaloonayay — oo ah mudnaan inta badan lala xiriiriyo hantida baaxadda leh — ay suuragal tahay inay ugu dambayn meesha ka sii baxayso. Dabayaaqadii 2023, sharci cusub oo Ingiriiska laga soo saaray ayaa si wax-ku-ool ah u hor istaagay isku daygiisii ahaa inuu iibsado wargayska faca weyn ee Daily Telegraph, iyadoo laga walaacsan yahay saameynta ay ku yeelan karto xorriyadda saxaafadda iyo madaxbannaanida warbaahinta.

Intaa waxaa dheer, hantidiisa ugu weyn ee dhinaca isboortiga, kooxda Manchester City, waxay hadda ku jirtaa dacwad sharciyeed oo culus. Horyaalka Ingiriiska (English Premier League) ayaa ku eedeeyay kooxda inay jabisay qawaaniinta maaliyadeed 130 jeer, oo ay ku jiraan eedeymo sheegaya inay boqollaal milyan oo doollar oo ka timid shirkado Imaaraati ah kusoo shubtay khasnadda kooxda, iyadoo lacagahaas loo ekeysiiyay heshiisyo kafaala-qaad ah.

Haddii dembiga lagu helo, kooxda waxay wajihi kartaa ciqaabo adag, oo u dhexeeya ganaaxyo lacageed oo culus ilaa in laga saaro horyaalka ama xitaa in laga qaado koobabkii badnaa ee ay ku guuleysatay, taasoo dhaawici karta sumcadda isboorti ee caalamiga ah ee Sheikh Mansour.

Magaalada Washington, walaac sii kordhaya oo ka imaanaya labada xisbi ee Maraykanka oo ku saabsan doorka lagu eedeeyay Imaaraadka ee dagaalka Suudaan ayaa kiciyay baaqyo lagu doonayo isla-xisaabtan. Xildhibaanno caan ah oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku cadaadinaya in la mamnuuco iibka hubka Maraykanka ee Imaaraadka ilaa ay ka joojinayaan hubeynta Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Jeneraal Xamdaan.

Cadaadiskani wuxuu sii xoogeystay bishii May kaddib markii la sheegay in ciidamada RSF ay adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn oo awood badan, kuwaas oo laba sarkaal oo hore oo Maraykan ah ay aaminsan yihiin inuu Imaaraadku siiyay, si ay u duqeeyaan kaabayaasha muhiimka ah ee Suudaan, oo ay ku jiraan keydadka shidaalka, warshadaha korontada, iyo garoonkii diyaaradaha caalamiga ahaa ee ugu dambeeyay dalka.

Kormeerkan sii kordhaya ayaa calaamad u ah marxalad muhiim ah oo soo wajahday Sheikh Mansour, oo falalkiisu ay hadda ku jiraan iftiin aan loo baahnayn oo uu muddo dheer isku dayayay inuu ka fogaado.

Magacyada madax ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Laba ka mid ah horjoogeyaasha kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howl-gal qorsheysan oo ciidamada Macawiisleyda gobolka Shabeellaha Dhexe ay fuliyeen deegaanka Guulane.

Horjoogayaashan oo sidoo kale lala dilay xubno ka tirsanaa ilaaladooda ayaa la beegsadau galinkii dambe ee shalay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan hoggaanka ciidamada deegaanka.

Horjoogayaasha ayaa lagu kala magacaabay Cali Abuukar Maxamed Saaqle oo loo yaqaanay Cali Xabad iyo Maxamed Caddow Ciise.

Taliyaha Macawiisleyda ee aagga Guulane, Axmed Dhagey Xuurshow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howl-galka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu guuleystay in la dilo xubno muhiim u ahaa kooxda.

“Labadan horjooge waxay door weyn ku lahaayeen hagista weerarada Khawaarijta ee ka dhaca gobolka. Dhagartoodii maanta ayaan soo afjarney,” ayuu yiri Taliye Axmed Dhagey.

Sidoo kale wuxuu xusay in howl-gallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogeyaasha Al-Shabaab ay sii socon doonaan, ilaa laga ciribtiro kooxda guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Geesiyaasha is-garabsanaya ee ku jira dagaalka ayaa howl-gallo culus ka wada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, sid ay sheegtay dowladda.

Inta ay socdeen howl-galladan waxaa lagu dilay horjoogayaal sar sare oo uu kamid yahay Nuur Cabdi Rooble Nuunuule oo sidoo kale ahaa nin halis badan oo ka qayb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle, wuxuuna qayb weyn ku lahaa abaabulka kooxda ka waddo Shabeellaha Dhexe oo kooxda ka qabsatay deegaanno dhowr ah.

Dalkii ugu horreeyey oo si rasmi u aqoonsaday Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan

Kabul (Caasimada Online) – Ruushka ayaa Khamiistii noqday dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada xukuumadda Taalibaan inay tahay awoodda sharciga ah ee ka talisa Afghanistan. Tallaabadan ayaa guul weyn u ah dadaallada kooxdaas ay ku doonaysay inay kula macaamisho caalamka, ku dhowaad afar sano kaddib markii ay awoodda la wareegtay ayna ku dhawaaqday inay ka guulaysatay dagaalkii ay kula jirtay Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Afghanistan ayaa barta X ku sheegtay in safiirka Ruushka u fadhiya Afghanistan, Dmitry Zhirnov, uu si rasmi ah u soo gaarsiiyay go’aanka xukuumaddiisa ee aqoonsiga Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan kaddib kulan uu magaalada Kabul kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas, Amir Khan Muttaqi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in aqoonsiga rasmiga ah ee Moscow ay siinayso xukuumadda Afghanistan uu dhiirigelin doono horumarinta iskaashi wax-soo-saar leh oo labada dal ka yeeshaan dhinacyo kala duwan, oo ay ku jiraan ganacsiga iyo tamarta.

Tallaabada Ruushka ayaa guul muhiim ah u ah Taalibaan, kuwaasoo xayiraadaha adag ee ay ku soo rogeen haweenka—oo ay ka mid yihiin mamnuucidda waxbarashada heerka lixaad ka sarraysa iyo tababarrada caafimaadka—ay Afghanistan ka dhigeen dal go’doon ka ah dunida inteeda badan.

Wadamada Reer Galbeedka iyo kuwa Islaamka ayaa labaduba cambaareeyay Taalibaan ayna ka fogaadeen, inkastoo kooxdu ay samaysay dadaallo ballaaran oo ay isugu soo dhoweynayso. Taalibaan ayaa qaaday tallaabooyin ay ku ciribtirayso soo saarista daroogada opium-ka iyo kuwo kale oo ay isugu muujinaysay waji ka duwan kii hore, laakiin inta badan saaxiibadooda caalamiga ah kama aysan dhaqaaqin mowqifkoodii.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaas ayaa billowday inay isbeddesho sannadkii hore, kaddib markii ay soo ifbaxday xaqiiqo ah in xukuumadda Taalibaan aysan meelna u socon, isla markaana aysan jirin cadaadis caalami ah oo ku qasbi kara inay ka laabato go’aannadeeda ku aaddan xuquuqda haweenka.

Dhaqdhaqaaqa diblomaasiyadeed ayaa dardar galay qeybtii dambe ee 2024-kii, iyadoo wafuud kala duwan ay Taalibaan kala hadleen heshiisyo ganacsi iyo maalgashi, waxaana calaamadaha iskaashiga ay sii socdeen sannadkan. Shiinaha ayaa ballanqaaday inuu marinka dhaqaalaha ee Shiinaha iyo Bakistaan uu gaarsiin doono Afghanistan, halka Hindiya ay dib u bilowday bixinta dal-ku-galka ee muwaadiniinta Afghanistan.

Mareykanka, oo dagaalkii 20-ka sano qaatay ee uu kula jiray Taalibaan uu ku dhammaaday ka bixitaan fowdo ah bishii Agoosto 2021, ayaan muujin wax calaamad ah oo uu ku doonayo inuu ku aqoonsado Taalibaan. Xukuumadda Washington ayaa weli khad cas ku haysa Taalibaan arrimaha la xiriira sida loola dhaqmo haweenka, xilli wadamada xafiiltanka la ah Mareykanka ay ka faa’iideysanayaan fursadaha ka jira Afghanistan.

Xukuumadaha kale ee Reer Galbeedka ayaa iyaguna Taalibaan ka fogaynaya, laakiin wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka ayaa Arbacadii sheegay in xukuumadda Jarmalku ay u baahan tahay inay heshiis la gasho Taalibaan si loo fududeeyo masaafurinta muwaadiniinta Afghanistan ee ku sugan dalka Jarmalka.

Aqoonsiga Ruushka ee xukuumadda Taalibaan ayaa yimid kaddib bilooyin ay sii xoogeysanayeen xiriirka labada dowladood, kaasoo ku saabsanaa gargaarka bini’aadantinimo iyo la-dagaallanka argagixisada.

Bishii Abriil, maxkamadda ugu sarraysa Ruushka ayaa Taalibaan ka saartay liiskeeda ururrada argagixisada, in ka badan 20 sano kaddib markii markii hore lagu daray. Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in ka saaristaas ay suurtagelin doonto iskaashi amni oo dhow oo lala yeesho kooxda Dowladda Islaamiga ah ee Khurasan, oo ah farac ka tirsan Dowladda Islaamiga ah oo ka howlgasha Afgaanistaan.

Kooxdan oo loo yaqaan ISIS-K, ayaa sannadkii hore dishay in ka badan 130 qof weerar ay ka geysatay hool lagu qabto riwaayadaha oo ku yaalla duleedka Moscow. Weerarkaas wuxuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee argagixiso ee ka dhaca Ruushka tan iyo markii Madaxweyne Vladimir V. Putin uu xukunka la wareegay rubuc qarni ka hor. ISIS-K waxay sidoo kale weerartay safaaradda Ruushka ee Kabul sannadkii 2022-kii.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay inay raadin doonto sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada tamarta, gaadiidka, beeraha iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Wadamada Iran, Imaaraadka Carabta, Shiinaha iyo Pakistan ayaa ah saaxiibada ganacsi ee ugu waaweyn Afghanistan.

Ruushka wuxuu leeyahay taariikh isku-dhafan oo uu la wadaago Afghanistan. Ciidamadii Midowgii Soofiyeeti ayaa dalkaas ku duulay sannadkii 1979-kii si ay u dhisaan xukuumad Shuuci ah, waxayna ku lug yeesheen dagaal 10 sano socday oo ay la galeen dagaalyahannadii Mujaahidiinta ee uu hubeynayay Mareykanka. Ku dhowaad 15,000 oo askari oo Soofiyeeti ah ayaa ku dhintay dagaalkaas.

Mudane Muttaqi, wasiirka arrimaha dibadda ee Afghanistan, ayaa isagoo ka hadlaya aqoonsiga Ruushka ee Taalibaan yiri, “Waxaan rajaynaynaa in wadamada kalena ay ka faa’iideysan doonaan fursaddan ayna aqoonsan doonaan Imaarada Islaamiga ah.”

 

Faah-faahinta dil laba qof loogu geystay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Hargeysa, taasoo sababtay dilka laba qof oo rayid ah.

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa toogtay labada ruux kadib markii uu ismaan-dhaaf ka dhashay goob macdan laga qodayey oo ku taalla deegaanka Agabar ee gobolka Maroodijeex.

Isku dhaca ayaa yimid kadib markii dad deegaanka ah ay ka mudaaharaadeen shirkad muddo khilaaf kala dhexeeyey oo halkaas ka waday hawlo macdan qodis ah. Rabshadahan ayaa sababay in ciidamada booliisku rasaas furaan taasoo keentay dhimashada labada qof.

Xukuumadda Somaliland ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay hawlaha shirkadda, iyadoo Madaxweyne ku-xigeenku bixiyey amar lagu joojinayo shaqada ilaa amar dambe laga soo saaro.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi u diray ehellada dadkii dhintay, isagoo sidoo kale ku dhawaaqay in guddi loo saaray xalinta shaqaaqadan.

“Alle ha u naxariisto labada marxuum, qoysaskii ay ka geeriyoodeenna samir iyo iimaan ha ka siiyo. Waxaan ugu baaqayaa dadka deegaanka in ay nabadda ilaaliyaan. Sidoo kale, xukuumaddu waxay arrintan u saartay guddi xal waara keena, insha’Allaahna nabad ayay ku dhammaan doontaa,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Dilka labada qof ayaa sababay bannaanbaxyo ka dhacay magaalada Hargeysa, halkaas oo dadku uga dalbadeen dowladda in ay wax ka qabato dhibaatooyinka booliiska iyo in la joojiyo adeegsiga awooda muddada ay mudaharaadyadu socdaan.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Cirro iyo xisbigiisa Waddani ay hore si adag u cambaareyn jireen adeegsiga xoogga booliiska intii ay mucaaradka ahaayeen. Hase yeeshee, tan iyo markii ay xukunka la wareegeen, afar qof ayaa booliisku toogasho ku dilay.

Dadka u ololeeya dib-u-habaynta ciidamada booliiska ayaa ku baaqaya in la siiyo tababarro gaar ah oo la xiriira maaraynta mudaharaadyada iyo ilaalinta muwaadiniinta. Waxay sidoo kale dalbanayaan in hoggaanka ciidamada booliiska loo dhiibo saraakiil leh xirfado milatari.

Mareykanka: Maxkamadda Sare oo go’aan ka gaartay muhaajiriin ku xayiran Jabuuti

Washington (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa Khamiistii ogolaatay in maamulka Trump uu koox muhaajiriin ah oo ku xayiran saldhig militari oo Maraykanku ku leeyahay Jabuuti u masaafuriyo dalka ay dagaalladu la degeen ee Koonfur Suudaan.

Go’aankan ka soo baxay maxkamadda sare oo ay aqlabiyad ku leeyihiin garsoorayaal muxaafid ah ayaa yimid 10 maalmood kaddib markii ay ogolaatay in maamulka Trump uu muhaajiriinta u masaafuriyo waddamo aan ahayn kuwooda hooyo.

Sideedda muhaajir ayaa bishii Maajo diyaarad lagaga qaaday Maraykanka iyadoo la doonayay in la geeyo Koonfur Suudaan, balse waxay ku dambeeyeen Jabuuti kaddib markii maxkamad degmo ay soo saartay amar ku-meel gaar ah oo lagu hakiyay masaafurinta loo dirayo dal saddexaad.

Maxkamaddu waxay sheegtay in aan muhaajiriinta la siin “fursad macno leh” oo ay kaga horyimaadaan masaafurintooda.

Bishii Juun 23-keedii, Maxkamadda Sare waxay laashay amarkii hakinta ahaa ee uu soo rogay Garsoore Brian Murphy, taasoo fasaxday in muhaajiriinta loo masaafurin karo waddan saddexaad.

Balse Murphy, oo uu soo magacaabay madaxweynihii hore Joe Biden, ayaa sheegay in kiiska sideedda muhaajir ee ku xayiran Jabuuti uu quseeyo amar kale oo hakis ah oo uu isagu soo saaray, kaasoo aysan Maxkamadda Sare waxba ka qaban.

Khamiistii, Maxkamadda Sare waxay caddeysay in go’aankeedii Juun 23-keedii uu khuseeyay labada amar ee uu garsooruhu soo saaray.

Garsoorayaasha liberaaliga ah ee Sonia Sotomayor iyo Ketanji Brown Jackson ayaa ka horyimid go’aankaas.

“Waxa ay Dowladda si dhab ah u doonayso waa in ay sideedda qof ee aan muwaadiniinta ahayn, ee ay si sharci darro ah uga soo saartay Maraykanka, ay ka qaaddo Jabuuti una dirto Koonfur Suudaan, halkaas oo loogu gacan gelin doono maamulka maxalliga ah iyadoo aan loo eegeyn suurta-galnimada ah inay la kulmaan jirdil ama dil,” ayay tiri Sotomayor.

“Amarka maanta wuxuu caddeynayaa hal shay oo kaliya: Dowlado kale waa inay sharciga raacaan, laakiin maamulkan wuxuu si toos ah ula xiriiri karaa Maxkamadda Sare,” ayay raacisay.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in sideedda nin—oo labo ka mid ah ay ka soo jeedaan Myanmar, labo Cuba, inta kaelna midba uu ka yimid Vietnam, Laos, Mexico iyo Koonfur Suudaan—ay yihiin dembiilayaal lagu helay falal rabshado wata.

Maamulka Trump ayaa ku dooday in masaafurinta loo dirayo dal saddexaad ay lagama maarmaan tahay, maadaama waddamada hooyo ee dadka qaarkood la beegsanayo ay mararka qaar diidaan inay dib u qaabilaan.

Donald Trump ayaa ololihiisii doorashada ku ballan-qaaday inuu Maraykanka ka saari doono malaayiin muhaajiriin ah oo aan sharci haysan, wuxuuna qaaday tallaabooyin dhowr ah oo uu ku doonayo inuu ku dardargeliyo masaafurinta tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo. 

Duulimaadyo toos ah oo ka dhex-bilaabanaya Muqdisho iyo Dar es Salaam, Tanzania

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Tanzania ay si rasmi ah ugu heshiiyey in dib loo billaabo duulimaadyadii tooska ahaa ee ganacsiga ee isaga kala gooshi jirey caasimadahooda Muqdisho iyo Dar es Salaam, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo xiriirka labada dal iyo fududeynta isku xirnaanta gobolka.

Heshiiskan ayaa lagu shaaciyey xilli lagu guda jirey dabaaldegga munaasabadda 65-guurada ka soo wareegtay xorriyadda Soomaaliya, oo lagu qabtay magaalada Dar es Salaam. Munaasabadda ayaa sidoo kale goob joog u ahayd dib u furitaanka safaaradda Soomaaliya, kaddib dayactir ballaaran oo lagu sameeyay — taasoo ah tallaabo astaan u ah dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika ee Tanzania, Mbarouk Nassor Mbarouk (oo wakiil ka ahaa wasiir Maxamuud Thaabit Kombo), ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay ka wada shaqeynayaan sidii loo casriyeyn lahaa heshiiskooda adeegga hawada (Bilateral Air Services Agreement), si loo suurtageliyo duulimaadyo toos ah oo aan sii marin magaalooyin kale sida Nairobi iyo Addis Ababa. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in xiriirka dhanka hawada ee la cusbooneysiiyay uu sare u qaadi doono ganacsiga, dalxiiska, iyo isku socodka xamuulka, isla markaana uu kobcin doono iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka dadweynaha labada dal.

Wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ballaarinta joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee gobolka, wuxuuna iftiimiyay horumarka laga gaaray dhismaha hay’adaha qaranka iyo dib-u-heshiisiinta gudaha.

Waxay sidoo kale shaaciyeen qorsheyaal lagu aasaasayo guddi wasiiro oo wadajir ah iyo guddi saaxiibtinimo oo baarlamaani ah si ay u kormeeraan una dardargeliyaan horumarka laga gaarayo dhinacyo badan oo iskaashiga ah. Wasiirka Soomaaliya ayaa ammaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Tanzania, isagoo ku tilmaamay inay yihiin isku xire muhiim ah iyo buundo dhaqameed oo u dhexeysa labada waddan.

Wadahadallada laba geesoodka ah ayaa sidoo kale lagu lafa guray qabyo-qoraallo heshiisyo cusub ah oo ku saabsan qeybaha muhiimka ah sida socdaalka, waxbarashada, duulista rayidka, kalluumeysiga, iyo beeraha. Labada dowladood waxay ballan qaadeen inay dejiyaan qaab-dhismeed iskaashi oo nidaamsan si loo xaqiijiyo wada-shaqeyn iyo isku-duwid joogto ah oo ku aaddan dhinacyadan muhiimka ah.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay ku biiritaankii dhowaa ee Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC). Labada dhinacba waxay soo dhoweeyeen tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid taariikhi ah oo muhiim u ah is-dhexgalka Soomaaliya ee gobolka, taasoo la filayo inay horseeddo fursado cusub oo iskaashi dhaqaale iyo wada-shaqeyn xuduudaha ah.

Dib u furitaanka safaaradda iyo dib u bilaabidda duulimaadyada tooska ah, Soomaaliya iyo Tanzania waxay galayaan marxalad cusub oo iskaashi istiraatiiji ah, kaasoo ku dhisan is-ixtiraam iyo dano gez ah.

Xusuusta dilkii halyey Gen. Salaad Gabeyre, Ceynaanshe iyo Dheel ee 53 sano ka hor

Luulyo 3, 1972, abbaarihii 08:00 subaxnimo, waxaa ka soo wareegatay 53 sano, dil murugo leh, si wuxuushnimo ahna loogu fuliyay Jeneraal Salaad Gabeyre Kadiye, Jeneraal Maxamed Caynaanshe Guuleed iyo Gashaanle Cabdulqaadir Dheyl Cabdulle.

Dabcan, gacan-ku-dhiiglayaashii dilka geystay waxaa ugu weynaa kaligii-taliyihii dowladdii Kacaanka, Maxamed Siyaad Barre, laakiin dhagar-qabayaashii kale ee iyaguna, sida firfircoon ugu lug yeeshay, ayaa laga xusi karaa Maxamed Cali Samatar, Ismaaciil Cali Abokor, Cabdalla Maxamed Faadil, Axmed Saleebaan Dafle, Maxamuud Geele Yuusuf iyo Cabdulqaadir Xaaji Masaale.

53 sano kaddib, weli waxaa cad in ragga la laayay dhiiggoodu uu ku dhex qoyan yahay quluubta iyo xusuusta malaayiin Soomaaliyeed. Siyaad Barre uguma harin raggaasi dil keliya, wuxuuse ku sii daray inuu dhaco maal iyo xoolo wixii ay lahaayeen, iyada oo loola jeeday in xitaa la hanti tiro agoontii iyo xaasaskii ay ka tageen, isla markaana diiwaannada dowladda laga saaro magac, xushmad, taariikh iyo xusuus wixii ay ku kasbadeen shaqooyinkii siyaasadda iyo howlaha difaaca qaranka oo loogu aqoonsanaa inay ku lahaayeen door geesinimo iyo kaalin wax-ku-ool ah.

Taariikhdu waxay xusaysaa in raggaas loo laayay shaki laga qabay, kaddib markii ay soo ifbaxeen khilaafyo iyo ballan-ka-baxyo si bareer ah loo sameeyay. Arrintaas oo ay si weyn ugu lug lahaayeen koox uu Afweyne ka dhex sameystay qaar ka mid ahaa kuwii wax ka ogaa afgembigii lagu riday dowladdii rayidka ee dastuuriga ahayd iyo kuwii gadaal magacyadooda lagu daray liiska xubinnimada GSK. Siyaad Barre wuxuu ka cabsi qabay saddexda nin oo uusan u arkeyn waddaniyadooda iyo Soomaalinimadooda, balse keliya ka fikirayay isirka ay ka soo jeedaan oo ahaa beelo waaweyn, isagoo ka xigsanayay in midkood qabto xilka Taliyenimada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS).

Wuxuu markiisii hore doonayay inuu isagu isku noqdo Madaxweynaha GSK iyo Taliyaha XDS, balse haddii ay u socon weysayna, uu xilkaas u doorto, sida markii dambe dhacday, Maxamed Cali Samatar iyo Cabdalla Faadil oo Taliye iyo Taliye Kuxigeen kala noqday.

Samatar iyo Faadil waxay saaxiib dhow la ahaayeen Salaad Gabeyre, laakiin ka hor iyo kaddib markii xilalkaas loo dhiibay, waxay bilaabeen inay si dhagar ku jirto ula socdaan. Shaqada ugu muhiimsan ee ay qabanayeen ayaa ahayd inay saacadba saacadda ka dambaysa ka war keenaan dareenkiisa iyo tallaabooyinka uu qaadi karo iyo inaysan marna ka ag fogaan si ay tallaabooyinkiisa xog-ogaal uga noqdaan.

Siyaad Barre wuxuu wajihi jiray welwel badan oo uga imanayay ka-gabbasho la’aanta Salaad ee ku aaddan sida uu u danaynayo inuu qaato xilka Taliyenimada XDS iyo inuusan dooneyn xilka loo magacaabay ee Wasiirka Gaashaandhigga. Diidmadiisa ayaa loo qaatay inay ku dahsoon tahay qorshe damac afgembi ah oo uu soo wado.

Ka hor la wareegistii xukunka, waxaa jiray shuruudo lagu heshiiyay, kuna aaddanaa shax awood-qaybsi ah. Waxaa ka mid ahaa, in Afweyne maadaama uu ahaa qof waayeel ah, xagga da’da iyo darajadana ugu weynaa raggii tashaday, loo tixgeliyo xilka Madaxweynenimada, halka Taliyaha XDS uu noqdo Salaad Gabeyre.

Markii la guuleystay, Siyaad Barre oo ahaa qof lagu yaqaannay shaki iyo inuusan lahayn mowqif sal leh, ayaa lagu qanciyay in Salaad Gabeyre uu damacsan yahay qorshe la mid ah kii Kacaankii Masar ee Jamaal Cabdinaasir u maray xilka Madaxweynenimada, kaasoo uu kagala wareegay Jeneraal Maxamed Najiib, kaddib markii uu labo sano ku siman xilkaas hayay da’diisa awgeed.

Sida ay caddeynayaan saraakiil xogogaal ah, oo la socday wixii ka dhacayay xaruntii Aviazione, saraakiil waaweyn oo saaxiibbo iyo isku koox ay ahaayeen Salaad Gabeyre ayaa aad uga carooday kaddib markii uu Salaad aqbalay in Afweyne noqdo Madaxweynaha GSK. Saraakiishaas aadka u xanaaqay, oo qaarkood billado geesinimo ku kasbaday dagaalkii 1964, waxaa ka mid ahaa Gashaanle Ibraahim Rooble Warfaa “Doonyaale”, Gashaanle Cilmi Nuur Tarambi, Gashaanle Maxamed Nuur Barqab, Gashaanle Axmed Ismaaciil Boqor iyo kuwo kale oo badan.

Arrimaha kale ee ay isku qabteen Jeneraal Salaad Gabeyre iyo Maxamed Siyaad waxaa ka mid ahaa:

  1. In go’aamada GSK ee taabanaya dhinacyada xukuumadda, sharci-dejinta, siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca si wadajir ah loo wada gaaro, iyadoo loo marayo cod-qaadis hab dimuqraadi ah ku saleysan, mustaqbalkana la tixgeliyo waqti cayiman oo munaasib ah iyo sidii xukunka loogu celin lahaa shacabka.
  2. Subaxdii koowaad ee maalintii afgembiigu dhacay, waxaa la soo xirxiray dhammaan xubnihii xukuumadda iyo ra’iisul wasaarahoodii Maxamed Ibraahim Cigaal. Afweyne ayaa isna maalintii labaad, iyada oo aan la isku raacin, soo xiray siyaasiyiin waaweyn oo uu ka mid yahay Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan. Waxaa kale oo ragga la xiray ka mid ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Xaaji Muuse Boqor, halka Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen iyo Jeneraal Maxamed Abshir Haamaan uu xabsi guri ku hayay muddo dheer. Qabqabashadaas waxaa loo adeegsaday ciidan uu watay Axmed Saleebaan Dafle oo Afweyne soddog u ahaa.
  3. Liiska Xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka oo uu Siyaad Barre ku soo darsaday xubno isaga taageersan.

Maxamed Cali Samatar, wuxuu ahaa ninka naqshadda u hayay tabaha uu Siyaad Barre ku noqon lahaa kaligii-taliye inta uu nool yahay xukunka ku waara. Axdigii Labaad ee GSK waxaa lagu qeexay in Soomaaliya ay dooratay dhabaha Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan ee Marxism-Leninism. Nidaamkani wuxuu jideynayaa inay xaaraan tahay habka awoodaha u kala soocan yihiin hay’adaha dimuqraadiga ah (Checks and Balances), lala wareego hantida gaarka ah ee shirkadaha shisheeye iyo kuwa waddaniga ah, inuusan dalka ka jiri karin nidaam dhaqaale oo furan, xorna ah sida ganacsiga iyo suuqyada, lana baabi’iyo sharci kasta oo u adeegaya sharafta aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xuquuqul insaanka, sida inuu ka qaybqaato wacyigelinta bulshada, hal-abuurka, xorriyatul-qowlka, abaabulada xisbiyada iyo bannaanbaxyada shacabka.

Xubnihii GSK, xitaa Siyaad Barre, kuma jirin qof si dhab ah u yaqaannay falsafadda Marxism-Leninism, balse waxay uga ahayd oo keliya in loogu sii dhowaado xiriirka Ruushka iyo in xukunka la isku waarriyo. Afweyne wuxuu ka jeclaa Marxism-Leninism aragtida Machiavelli ee oranaysa, “Wax kasta samee, una mar si aad danahaaga u gaarto, mana jiro caqli iyo maskax kale oo aan ahayn midda uu ku fikiro hoggaamiyuhu.”

Salaad Gabeyre iyo Afweyne arrimahaas aan kor ku soo sheegnay ayaa ugu muhiimsanaa wixii ay dhab ahaan isku hayeen. Mana jirin afgembi uu waday, ee isagaa la shirqoolay, lala dilay saaxiibbadiisii kale. Saraakiishii hore iyo siyaasiyiin dhowr ah, waxay qabaan in Jeneraal Caynaanshe marka la barbar dhigo Afweyne ay ahaayeen labo qof oo waxyaabo badan ku kala duwan. Jeneraal Maxamed Caynaanshe, xagga aqoonta, waddaniyadda, hufnaanta iyo sumcaddaba wax badan ayuu kaga horreeyay Afweyne. Waxaa loo tiriyaa in Caynaanshe uu dhinac walba ugu dhawaa wanaaggii Jeneraal Daa’uud looga hayay XDS iyo shacabka dhexdiisa. Sidoo kale, Gashaanle Cabdulqaadir Dheyl Cabdulle, wuxuu ahaa sarkaal is-uruursan, tababbar sare qaba, aadna isugu kalsoon. Wuxuu ahaa geesi aad u firfircoon oo ay saraakiisha iyo askartuba aad u jeclaayeen.

Raggaas sida arxan-darrada ah loo laayay, waxay maanta joogtaa inay yihiin kuwo mudan in qof iyo qaran ahaanba la xusuusto, xushmaddoodii iyo taariikhdoodii la aasayna dib loo soo nooleeyo, iyada oo loo samaynayo tacsi qaran iyo maalin lagu xusuusto. Waa in lagu sharfo magacyadooda meelo muhiim ah oo ummadda u dhaxeeya, sida waddooyinka, iskuullada iyo xarumaha ciidamada iwm. Waa in 12-ka Abriil, Maalinta Xuska XDS, magacyadooda iyo taariikhda ay leeyihiin lagu weyneeyo, iyo in dhammaan wixii hanti ah ee laga dhacay dib loogu soo celiyo dhaxaltooyadooda si sharci ah oo aan shuruud iyo gorgortan ku jirin.

Cali Muxiyaddiin
[email protected]

Daawo: Mucaaradka oo DF u gudbiyey codsigii Axmed Madoobe – Maxaa laga yiri?

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee siyaasiyiinta mucaaradka ah Daahir Maxamuud Geelle ayaa qabtay shir jaraa’id, isagoo faahfaahin ka bixiyey shirkii ay maanta la yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh, soona bandhigay qodobada ay isla meel dhigeen iyo kuwa ay isku mari waayeen.

Daahir Geelle ayaa sheegay in kulankii maanta ay hormar badan ka sameeyeen, inkastoo ay isku mari waayeen qodobka dastuurka oo dowladda federaalka ay rabto inay dhameystirtu, halka mucaaradku ay rabaan in halkiisa looga leexdo.

“Arrimaha dastuurka aad ayaan uga doodnay, laakiin waan isla meel dhigi weynay, waxti dheer ayuu qodobkaasi naga qaatay, ugu dambeyntiina dowladdu waxay codsatay in qodobkaas ay ka soo tashato oo dib loogu dhigo, ilaa 20-ka bishaan intii ka horeysa,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Daahir Geelle ayaa xusay in dooda dowlad goboleedyada maqan ee Jubaland iyo Puntland ay miiska geeyeen, gaar ahaan Jubbaland oo codsatay in lagu casuumo shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka iyo in laga qaado cunaqabateynta ay saartay dowladda federaalka.

Afhayeen Daahir Geelle ayaa sheegay in codsiga Jubbaland aysan u helin wax jawaab ah, isla markaana shirarka dambe ay gey doonaa ilaa jawaab rasmi ah laga helo dowladda federaalka.

Wuxuu sheegay in aragtida dowladda ee dagaalka argagixisada ay ku qanceen, isla markaana go’aan dowladda ay la qaateen, kuna garab taagan yihiin dagaalka Khawaarijta, sida uu ku cadeeyey shirkiisa jaraa’id.

“Hadii aan nahay madasha Samatabixinta, waxaan nahay xal doon u taagan in talo lagu mideysan yahay dalka lagu hoggaamiyo, oo go’aan wadar ogol ah lagu wajaho arrimaha masiiriga ah, horumarka, wadajirka iyo midnimada dalka ayaan u taaganahay,” ayuu yiri Danjire Daahir Geelle.

Madaxweynaha iyo Mucaaradka ayaa galabta isla gartay in 20-ka bishaan la isku soo laabto, si wadahadallada loo sii ambaqaado, iyadoo horay Madaxweynuhu bartamaha bishan u iclaamiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Hoos ka daawo