Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ballaaran oo u dhaxeeya ururrada siyaasadda ee diiwaan-gashan iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.
Shirweynahan ayaa waxaa ka qeyb-galay madax sare oo ka socoto hay’adaha kala duwan ee dowladda oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Cadaaladda, Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiin kale.
Shirka ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay guddiga isku dabaridka gogosha qaran, ee uu guddoomiyaha u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xassan Macallin Maxamuud.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha amniga, dastuurka iyo doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shirweynaha uu Madaxweynaha JFS, Dr Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo qaran.
Wasiirka Cadaaladda, Xasan Macallin Maxamuud oo furay kulanka wadatashiga ayaa sheegay in muddo dheer dalku tabayay nidaamka ururrada siyaasadda, balse xukuumadda Dan-Qaran ay si dhab ah ugu hawlan tahay dib u soo celinta nidaamkaas, iyadoo tallaabada ugu horreysa ka dhigatay dib-u-eegista dastuurka.
“Xukuumadda Dan-Qaran ee hadda jirta waxay si daacad ah ugu hawlan tahay sidii dib loogu soo celin lahaa nidaamka ku saleysan ururrada siyaasadeed. Maanta waxaan kusoo laabannay waddadii saxda ahayd oo muddo dheer aan ka maqneen.” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.
Prof. Cabdullahi Daacad oo isna ku hadlayay afka ururrada xisbiyada siyaasadeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay kulanka wadashiga ee xukuumadda iyo ururrada siyaasadda.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay taageersan yihiin gogosha qaran ee madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo masiiri ah oo xoojinaysa midnimada iyo wada-tashiga siyaasadeed ee dalka.