24.9 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Somalia demands Puntland release seized arms ship

Mogadishu, Somalia – Somalia’s federal government on Wednesday sharply condemned the seizure of a Comoros-flagged vessel by security forces from the semi-autonomous Puntland state, calling for the ship and its military cargo—destined for a Turkish-run training base in Mogadishu—to be released without delay.

Describing the interception as “piracy” and a blatant violation of national sovereignty, Mogadishu’s response has intensified an already tense standoff, exposing the country’s deep internal rifts and the influence of competing foreign interests.

The vessel, the MV Sea World, was reportedly en route to the Somali capital carrying military equipment for the TÜRKSOM military training center when it was intercepted last Friday by the Puntland Maritime Police Force (PMPF) and redirected to the port city of Bosaso.

In a strongly worded statement, the Federal Government of Somalia (FGS) insisted the shipment was entirely legal and part of a broader defense agreement with Turkey.

“The Federal Republic of Somalia condemns the kidnapping and violation of the SEA WORLD vessel,” the government said. “The shipment was proceeding legally and in full compliance with national and international laws.”

The government further accused Puntland of undermining national security and overstepping its constitutional limits. According to the FGS, federal law grants the central government exclusive authority over defense and maritime matters.

“The seizure of this vessel by groups belonging to the Puntland State is a direct violation of the Provisional Constitution and harms the sovereignty, unity, and independence of the nation,” the statement added, warning that Somalia would take “legal and security measures” to safeguard its waters.

Citing international law, particularly the 1982 United Nations Convention on the Law of the Sea (UNCLOS), the government described the seizure as a criminal act.

“Any act of abducting a commercial vessel or one lawfully authorized by a state falls under the definition of piracy,” it said. “This is a criminal offense punishable under Somali and international law.”

“As the custodian of the Constitution of the Federal Republic of Somalia, the federal government will never accept any action that threatens national sovereignty or maritime security.”

Competing claims

Puntland authorities, however, have pushed back with a markedly different narrative. They say the MV Sea World entered their territorial waters unlawfully and dropped anchor near the coastal town of Bareeda, an area long associated with ISIS-linked militant activity.

“This ship lacked any legal permission for its presence in Puntland waters, which contravenes international agreements on protecting maritime sovereignty,” Puntland’s Ministry of Information previously stated.

Officials described the vessel’s presence as a “significant security threat” and said a full investigation was underway to determine the ship’s ownership, purpose, and cargo.

“Puntland will hold accountable anyone involved in the violation of maritime law and the security risk posed by this ship,” the ministry warned.

The incident reflects longstanding tensions between Somalia’s central government and its federal member states. Puntland, located in the northeast, operates with considerable autonomy and has frequently clashed with Mogadishu over control of resources and security policy.

According to local sources, some light weapons—such as rifles and pistols—were reportedly looted by armed civilians in the Caluula district, where the ship initially came ashore before being towed to Bosaso. Sources told Caasimada Online the vessel may have experienced mechanical failure and drifted toward Puntland’s coast.

Turkey vs. UAE

This maritime dispute is further complicated by broader geopolitical rivalries—particularly between Turkey and the United Arab Emirates (UAE), both of whom have forged powerful but competing alliances within Somalia.

Turkey is a key strategic ally of the federal government and runs Camp TÜRKSOM, a major military base and academy that trains Somali National Army forces. In February 2024, Somalia and Turkey signed a comprehensive defense and economic cooperation agreement, granting Ankara a leading role in safeguarding Somalia’s coastline.

The UAE, on the other hand, has been a long-time supporter of Puntland. It has provided significant funding and training for the PMPF, the same force that detained the MV Sea World. Although originally formed to combat piracy, the PMPF has evolved into a de facto regional military arm of the Puntland administration.

Both sides have invoked international maritime law to justify their actions. Mogadishu cited the UN Convention on the Law of the Sea (UNCLOS), arguing that forcibly seizing a vessel authorized by a sovereign state qualifies as piracy.

Puntland countered that it acted within its rights to protect its coastal waters, particularly against unauthorized foreign vessels carrying arms. Local reports support the claim that the ship suffered technical issues and may have unintentionally drifted into Puntland’s territory.

The federal government has rejected this explanation outright, reiterating its demand for the “immediate and unconditional release of the ship” and calling on Puntland to halt all “illegal operations” off its shores.

As the MV Sea World remains docked under Puntland’s control and an official investigation into its contents continues, the standoff threatens to destabilize Somalia’s already fragile political landscape further—and could drag its international allies deeper into a widening domestic power struggle.

DF oo shaacisay cidda leh hubka markabka, digniin culusna u dirtay Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo mar kale warsaaxafadeed kasoo saartay markabka hubka siday ee Sea World oo Jimcihii u gacan galay Puntland ayaa faah-faahin ka bixisay markabka iyo shixnadda uu siday oo u badneyd hub iyo qalab ciidan.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in hubka uu siday markabka loo waday xerada tababarka TurkSom, uuna kusoo socday dekadda wayn ee Muqdisho.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in markabka uu siday shixnad ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, isla markaana uu ku socday nidaam sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD. Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo qoraalkan looga dalbaday Puntland inay si deg-deg ah usii dayso markabka iyo qalabka uu sido, iyada oo sidoo kale looga digay dhaq-dhaqaaqa ciidan ee ay haatan ka waddo xeebaha bari ee Puntland.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka dowladda:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros

Muqdisho, 23 July 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD. Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM.

Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnaddu waxay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Marka laga soo tago qalabka ciidan, markabku waxuu sidoo kale siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.

Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya:

1. Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.
2. Waxay uga digeysaa Puntland sii socoshada dhammaan hawlgallada sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha ku aaddan maamulkeeda, isla markaana ugu baaqaysaa in ay kala shaqeeyso Dowladda Federaalka, xaqiijinta marin ammaan ah oo fududeeya Isku socodka maraakiibta ku shaqeysa oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.
3. Waxay caddeyneysaa in ay ka go’antahay ka hortaga falalka burcad badeednimo iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh burcad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda.

Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah. Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka.

-DHAMMAAD-

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo uga sii dareysa dagaalka Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda dagaal ee ka taagan gobolka Gedo, wuxuuna ciidamo dheeraad ah geeyay degmada Beledxaawo.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saaka in ciidamo gurmad ah oo ka yimid deegaannada kale ee Jubaland ay gudaha u galeen magaalada, isla markaana ay ku biireen ciidamadii horay u joogay halkaas ee shalay dagaalka la galay kuwa dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada Jubaland ay joogaan gudaha Beledxaawo, halka kuwa dowladda ay ku sugan yihiin xerada ciidamada UK ee oo ku taalla bannaanka magaalada, halkaas oo ay iyaguna ka wadaan abaabul culus.

Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinayo xiisadda ka taagan halkaasi, waxaana qaarkood ay bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaartay dagaalka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Jubaland.

Dagalka ayaa yimid kaddib markii shalay labo diyaarad oo Helicopter ay ka dageen xerada ciidamada UK, waxaana halkaasi ay geeyeen Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhowaan uun loo magacaabay taliyaha NISA ee Jubaland, kaas oo ka howlgali doono Gedo.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkii shalay ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, waxaana ku dhaawacay tiro intaas ka badana, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xalkas ah.

Dadka dhintay ayaa u badan ciidamada dhinacyadii dagaalamay, sidoo kale waxaa jira dad shacab ah oo wax yeelo ay ka soo gaartay dagaalka, iyadoo ciidamada taabacsan Jubbaland ay ku guuleysteen inay la wareegaan magaalada.

Dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa mar kale ku hardamaya gobolka Gedo, maadaama ay soo dhowaatay doorashadii, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee gobolkan horkacayo Cabdirashiid Janan oo maalin kahor loo magacaaba taliyaha NISA ee maamulka Jubaland.

Si kastaba, Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

Booliska oo qaaday tallaabo si weyn loo bogaadiyay kadib markii uu soo qabtay ninkii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo tallaabo aad loo bogaadiyay qaaday ayaa xalay soo xiray nin ku eedeysan inuu si xun u jirdilay xaaskiisa oo dhowaan uun qurbaha uga timid, wuxuuna kula kacay tacaddi si weyn looga dhiidhiyay.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo baahiyay sawirka eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullahi Cali ayaa sheegay in lasoo xiray, isla markaana la horgeyn doono cadaalada.

Booliska ayaa ninkan ku eedeeyay inuu gaystay fal xadgudub ah oo uu kula kacay xaaskiisa, kadib markii uu garaacay si xun, waxaana soo gaaray dhaawac aad u daran

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan, Saldhigga Boliiska Dagmada Deyniile ayaa soo xiray eedeysane Maxamed Cabdullahi Cali oo si xun ujirdilay xaaskiisa, Khadro Cabdullahi Maxamud. Waxaa la horgeydoonaa Maxkammada awooda u leh” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Booliska.

Sawiradda gabadha oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo in si xun uu ugu tacadiyay eedeysanaha, wuxuuna waxyeelo ka gaarsiiyay wejiga iyo qaybaha kale ee jirka.

Falcelin xooggan ayaa sidoo kale ka dhalatay falkan iyo talaabada deg-degga ah ee ay qaadeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed, maadaama ay soo xireen eedeysanaha.

Dad badan oo ka hadlay arrintan ayaa soo dhoweeyay tallaabada Booliska, waxayna ugu baaqeen in ninkan la horgeeyay Maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Bashiir Cabdi Cumar: “Ninkan sharciga waxa uu ka helo hala marsiiyo Booliska gobolka Banaadir waa ku mahadsanyihin soO qabashada eedeysanaha”.

Shariifo Deggan: “Shaqo wacan walasheen cadaalad ha hesho kan waa dad cun wayn”

Xasan Cili: “Jirdil maahan ee waa jarjarid googooyn daldaloolin dumin qof nool oo la qalqashay”.

Maxamed Saciid Ibraahim: “Dumarka ma mudna in lagu xadgudbo waxay mudanyihin in la dhowro”.

Xasan Ismaaciin Haadi: “Shaqo wacan Booliiska Soomaaliyee , cidna yaanan looga tagin tacaddi uu dumar, carruur, waayeel iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba u geystay”.

 

MASAR iyo SOOMAALIDA – Socdaalka silaca iyo bahdilka

Soomaali badan ayaa sannad kasta u safra dalka Masar iyagoo rajo ka qaba inay helaan adeeg caafimaad, waxbarasho ama fursado ganacsi. Qayb ka mid ah Soomaalida ayaa sidoo kale u taga dalkaas majabaxsi ama dalxiis. Hase yeeshee, safarradan, halkii ay noqon lahaayeen kuwo sahlan oo qofku xor u yahay socdaalkiisa, waxay isu beddelaan waayo-aragnimo niyad-jab leh, oo ay la socdaan caqabado sharci, hab-maamuus iyo daryeel la’aan bini’aadamnimo.

Warbixintan waxa ay u dul istaagaysaa tallaabo-tallaabo caqabadaha horyaalla muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Masar u socdaala, iyadoo si gaar ah diiradda u saaraysa duruufaha ay maraan laga bilaabo codsiga fiisaha ilaa imaatinka garoonka Qaahira.

Caqabada koowaad: Fiisaha

Helitaanka fiisaha dalka Masar waxa uu noqday mid si gaar ah ugu adag dadka wata baasaboorka Soomaaliyeed. Ka dib marka aad buuxisid shuruudaha dal-ku-galka Masar, qofka waxaa lagu khasbaa inuu tigidh diyaaradeed goosto – iyadoo aanay jirin dammaanad ah in qofka fiisaha la siinayo. Shardigan wuxuu qofka gelinayaa halis dhaqaale, maadaama tigidhkaasi aan dib loo dhigi karin haddii fiisaha u daaho ama loo diido.

Dhibaatada dal-ku-galka waxaa qayb ka ah waqtiga uu qaato oo mararka qaar gaara bil dhan, taasoo muwaadinka Soomaaliyeed ka daahisa qorshayaal muhiim ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa ka sii daran in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wata baasaboorka dalka Soomaaliya ay maraan baaritaan amni oo ay sameeyaan hay’adaha ammaanka ee Masar.

Caqabadda labaad: Hal bil isku dabar

Inkasta oo fiisaha laga sugo muddo dhan bil, haddana marka ugu dambaysa ee aad hesho waxaa lagu siinayaa hal bil keliya inaad joogto gudaha dalka Masar. Qofka safarka u galaya caafimaad ama waxbarasho ma awoodo inuu howl muhiim ah ku qabsado muddo 30 maalmood ah. Dadka u baahan waqti dheeraad ah oo ay danahooda dalkaas kaga soo qabsadaan waxay ku khasban yihiin inay mar kale maraan caqabado hor leh si ay fiisaha ugu darsadaan.

Garoonka Qaahira: Xabsiga Soomaalida

Haddii aadan weliga xabsi gelin balse aad safar ku tahay Masar, Soomaalina aad tahay, waxaad diiwaankaaga ku darsanaysaa in lagugu la dhaqmay sida maxbuus. Tani waa xaqiiqada dhabta ah ee sugaysa muwaadinka Soomaaliyeed ee booqda garoonka Qaahira.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa la kulma xaalado adag marka ay ka soo dagaan garoonka diyaaradaha ee Qaahira. Waxaa dhacda in la xannibo saacado badan, laga bilaabo habeenkii ilaa waaberiga. Tusaale ahaan, waxaa dhacda in muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu hayo garoonka laga bilaabo 1:00 habeenimo ilaa 7:00 subaxnimo, iyadoo aan la siinin cunto, biyo ama adeeg caafimaad — maadaama diyaaradaha Masar iyo Soomaaliya intooda badani ay habeennimo safraan.

Waxaa ugu daran inaad arki karto waayeel xanuunsan, haween iyo carruur u socdaalayey si ay daawayn u helaan, balse waqti dheer ku sugan gudaha garoonka. Arrintan waxay si toos ah u dhaawacaysaa karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuna tusaysaa hab-dhaqan ka fog maamuuska caalamiga ah ee loo hayo dadka safarka ah.

Itoobiya vs. Soomaaliya: Kala sarayn xanuun badan

Muwaadinka Itoobiyaanka ee Qaahira ka dega, waxaa markiiba loo fidiyaa adeeg toos ah, waxaana loo fududeeyaa safarkiisa, iyadoo hay’adaha socdaalka ee dalkaasi siiyaan muddada uu codsado inuu dalka joogo. Taas beddelkeeda, qofka Soomaaliga ah wuxuu dhibbane u yahay haybtiisa Soomaalinimo. Soomaaliga sita baasaboorka Itoobiya ayaana ka xuquuq badan kan wata baasaboorka Soomaaliyeed. Tani waa kala sarayn xanuun badan oo ay tahay in madaxda Soomaaliyeed wax ka qabtaan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Masar: Iskaashi warqad ku eg

In kasta oo la sheegayo in xiriirka labada dal uu kobcayo, arrimaha ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Masar u socdaala ma muujinayaan wax horumar ah oo la taaban karo. Ma jirto saameyn togan oo xiriirkaasi ku yeeshay fududeynta socdaalka, kor u qaadista karaamada dadka, ama xitaa helidda taageero diblomaasiyadeed oo degdeg ah.

Waxaa muuqata in isdhexgalka labada dal uu ku egyahay ka hadalka xaaladda gobolka iyo danaha Masar ka leedahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee ku safra baasaboorka xasaanadda leh ee gaduudka ah waxay moogan yihiin dhibta Soomaalida ku haysta garoonka Qaahira — oo ay mararka qaar si fudud uga gudbaan goobaha sugitaanka.

Dowladda Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay si dhab ah u difaacdo muwaadiniinteeda meel kasta oo ay joogaan, halka dowladda Masarna laga doonayo inay ula macaamisho dadka Soomaaliyeed si la mid ah sida ay ula dhaqanto muwaadiniinta dalalka kale ee dariska ah.

Waxaa la joogaa waqtigii laga tallaabsan lahaa siyaasadda kala sooca ee u dhexeysa dublumaasiyiinta iyo danyarta, loona gudbi lahaa iskaashi dhab ah oo diiradda saara dadka Soomaaliyeed iyo karaamadooda.

DF Soomaaliya oo ka qayb-gashay shir looga hadlayay go’doominta Marinka Gaza

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar uga qayb-gashay shir deg-deg ah oo looga hadlaayay go’doonka Gaza, kaas oo uga sii daray xaaladda bini’aadanimo ay wajahayaan shacabka reer Falastiin.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ku mtelay Danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar, ahna wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, Mudane Cali Cabdi Awaare, waxaana shira guddoomisay dowladda Urdun.

Inta badan waxaa shirkan muhiimka ah oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira diiradda saaray arrimaha bini’aadanimo ee aadka u daran ee ka taagan marinka Gaza, gaar ahaan go’doonka iyo gaajada ka jirta halkaasi.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday ka hortegga weerarrada joogtada ah ee ay weli Israel ku hayso shacabka Falastiin, kuwaa soo lagu beegsanayo goobaha cunto qaybinta iyo dadka masaakiinta ah ee u baahan gargaarka deg-degga ah.

Waxaa kale oo kulanka deg-degga ah ee Ururka Jaamacadda Carabta ee heerka wakiillada joogtada ah lagu falanqeeyay qorshaha Israel ee ku aadan dhismaha waxa ay ugu yeereen ‘magaallo bini’aadanimo’ oo laga hirgelinayo dhinaca koonfurta Gaza, taas oo ay dalalka xubnaha ka ah golaha ku sifeeyeen inay tahay xabsi weyn oo cunsuriyad ku dhisan.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa madashan ku xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan garab istaagga shacabka reer Falastiin iyo taageerada buuxda ee xuquuqdooda sharciyaysan, sida uu kulanka ka dhex sheegay Danjire Cali Cabdi Awaare,

Danjiraha ayaa sidoo kale si weyn u cambaareeyay falalka gar-darrada ah ee ka dhanka ah bani’aadannimada ee ay weli Israel ku hayso shacabka reer Falastiin.

Xaaladda bini’aadanimo ee magaaada Gaza ayaa gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana xaaladda uga sii daray weeraradii ugu dambeeyay oo lagu beegsaday goobaha cunto qaybinta & meelaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ee u baahan gargaarka degdegga ah.

Trump oo ‘khiyaano qaran’ ku eedeeyey Obama, sheegay in uu tallaabo ka qaadayo

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa Talaadadii ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Barack Obama “khiyaano qaran”, isagoo aan wax caddayn ah soo bandhigin, kuna tilmaamay inuu hoggaaminayay dadaal si been abuur ah isaga loogu xiriiriyey Ruushka si loo wiiqo ololihiisii madaxtinimo ee 2016-kii.

Afhayeen u hadlay Obama ayaa eedeymaha Trump ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn, isagoo yiri “eedeymahan la-yaabka leh waa kuwo nacasnimo ah, waana isku day liita oo lagu doonayo in dareenka lagu jeediyo.”

In kasta oo Trump uu marar badan magaca Obama si toos ah u weeraray, haddana madaxweynaha Jamhuuriga ah, tan iyo markii uu xafiiska ku soo noqday bishii Janaayo, waligiis sidan oo kale uguma fogaan inuu si toos ah farta ugu fiiqo madaxweynihii ka horreeyay ee Dimoqraadiga ahaa, isagoo u jeedinaya eedeymo dambiyeed.

Isagoo ka hadlayay Xafiiska Oval-ka, Trump wuxuu ka faa’iideystay hadal ay sheegtay madaxa sirdoonkiisa, Tulsi Gabbard, Jimcihii, kaasoo ay ugu hanjabtay inay saraakiishii maamulkii Obama u gudbin doonto Wasaaradda Caddaaladda si loogu maxkamadeeyo qiimeyn sirdoon oo ku saabsanayd faragelinta Ruushka ee doorashadii 2016-kii.

Waxay sirta ka qaadday dokumiintiyo waxayna sheegtay in macluumaadka ay soo bandhigtay ay muujinayaan “shirqool khiyaano qaran ah” oo ay 2016-kii maleegeen saraakiil sare oo ka tirsan maamulkii Obama si loo wiiqo Trump, eedeymahaas oo Dimoqraadiyiintu ku tilmaameen kuwo been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay.

“Waa iska caddahay, isagaa dambiile ah. Tani waxay ahayd khiyaano qaran,” ayuu yiri Trump Talaadadii, in kasta oo uusan wax caddayn ah u soo bandhigin eedeymihiisa. “Waxay isku dayeen inay xadaan doorashada, waxay isku dayeen inay mugdi geliyaan doorashada. Waxay sameeyeen waxyaabo aan cidina waligeed malayn, xitaa waddamada kale.”

Qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha sirdoonka Maraykanka oo la daabacay Janaayo 2017 ayaa lagu soo gaba-gabeeyay in Ruushku, isagoo adeegsanaya warar been abuur ah oo baraha bulshada ah, jabsasho, iyo akoonno been abuur ah oo otomaatik u shaqeeya (bot farms), uu doonayay inuu waxyeelleeyo ololaha musharaxii Dimoqraadiga ee Hillary Clinton uuna xoojiyo kan Trump. Qiimeynta ayaa lagu ogaaday in saameynta dhabta ah ay u badneyd mid xaddidan mana aysan muujin wax caddayn ah oo sheegaya in dadaallada Moscow ay dhab ahaan beddeleen natiijada cod-bixinta.

Warbixin ay sanadkii 2020-kii si wadajir ah u soo saareen guddiga sirdoonka Senate-ka oo ay labada xisbi isku raaceen ayaa lagu ogaaday in Ruushku uu adeegsaday hawlwadeenkii siyaasadeed ee Jamhuuriga, Paul Manafort, website-ka WikiLeaks iyo kuwo kale si uu isugu dayo inuu saameyn ku yeesho doorashadii 2016 si uu u caawiyo ololaha Trump.

“Wax ka mid ah dokumiintigii toddobaadkii hore (ay soo saartay Gabbard) ma wiiqayo gabagabadii la wada aqbalay ee ahayd in Ruushku uu ka shaqeeyay inuu saameyn ku yeesho doorashadii madaxtinimo ee 2016 laakiin uusan si guul leh wax uga beddelin natiijadii codbixinta,” ayuu yiri afhayeenka Obama, Patrick Rodenbush, oo qoraal soo saaray.

Trump oo cadaadis la kulmaya

Trump, oo taariikh u leh faafinta aragtiyaha shirqoolka ee beenta ah, ayaa marar badan qiimeynta sirdoonka ku tilmaamay “buunbuunin been ah.” Maalmihii la soo dhaafay, Trump wuxuu bartiisa Truth Social ku baahiyay muuqaal been abuur ah oo muujinaya Obama oo katiinadaysan oo lagu xirayo Xafiiska Oval-ka.

Trump wuxuu doonayay inuu dareenka u weeciyo arrimo kale ka dib markii uu cadaadis kala kulmay taageerayaashiisa muxaafidka ah si uu u soo saaro macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Jeffrey Epstein, kaasoo is-dilay 2019-kii isagoo sugayay maxkamadeyn ku saabsan eedeymo ka ganacsiga dadka ee dhanka galmada ah.

Dadka taageera aragtiyaha shirqoolka ee ku saabsan Epstein ayaa ku boorriyay Trump, oo xiriir la lahaa maalqabeenkaas fadeexadoobay intii u dhaxeysay 1990-meeyadii iyo horraantii 2000-meeyadii, inuu soo saaro faylasha baaritaanka ee la xiriira kiiskaas.

Trump, oo isagoo ku sugan Xafiiska Oval-ka wax laga weydiiyay Epstein, ayaa si degdeg ah weerarka ugu weeciyay Obama iyo Clinton. “Ugaarsiga inaad ka hadashaan waa inay si toos ah u qabteen Madaxweyne Obama,” ayuu yiri Trump.

Trump wuxuu soo jeediyay in tallaabo laga qaadi doono Obama iyo saraakiishiisii hore, isagoo baaritaankii Ruushka ku tilmaamay fal khiyaano qaran ah, madaxweynihii horena ku eedeeyay inuu “isku dayayay inuu hoggaamiyo afgambi.”

“Waa waqtigii la bilaabi lahaa, wixii ay igu sameeyeen ka dib, haddii ay sax tahay iyo haddii ay khalad tahayba, waa waqtigii dadka la dabo-geli lahaa. Obama si toos ah ayaa loo qabtay,” ayuu yiri.

Xildhibaanka Dimoqraadiga Jim Himes ayaa bartiisa X (Twitter) kaga jawaabay: “Tani waa been. Haddii uu wareersan yahayna, Madaxweynuhu waa inuu weydiiyaa Rubio, oo ka caawiyay hoggaaminta baaritaankii labada xisbi ee Senate-ka kaasoo si aqlabiyad ah loogu soo gabagabeeyay inaysan jirin wax caddayn ah oo muujinaya siyaasadeyn lagu sameeyay hab-dhaqanka hay’adaha sirdoonka ee ku saabsanaa doorashadii 2016.”

Weerarrada madaxweynayaashii ka horreeyay

Obama wuxuu muddo dheer bartilmaameed u ah Trump. Sanadkii 2011 wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Obama oo xilligaas xilka hayay inuusan ku dhalan dalka Maraykanka, taasoo keentay in Obama uu soo saaro nuqul ka mid ah shahaadadiisa dhalashada.

Bilihii la soo dhaafay, Trump marar dhif ah ayuu iska celiyay weerarrada afka ah ee uu ku qaaday labadii madaxweyne ee Dimoqraadiga ahaa ee ka horreeyay, taasoo ah qaab aan hore loo arag waayadan casriga ah.

Wuxuu bilaabay baaritaan ka dib markii uu Madaxweynihii hore Joe Biden iyo shaqaalihiisa, isagoon wax caddayn ah hayn, ku eedeeyay “shirqool” ay ku doonayeen inay adeegsadaan aaladda autopen, oo ah qalab si otomaatik ah u sawira saxiixa qofka, si ay ugu saxiixaan dokumiintiyo xasaasi ah iyagoo ku matalaya madaxweynaha. Biden wuu diiday sheegashadaas isagoo ku tilmaamay mid been ah oo “wax lagu qoslo ah.”

Eedeynta Gabbard ee ah in Obama uu maleegay shirqool lagu wiiqayo doorashadii Trump ee 2016-kii isagoo abuuraya sirdoon ku saabsan faragelinta Ruushka, waxaa ka hor imanaya dib-u-eegis ay CIA-du samaysay oo uu amray agaasime John Ratcliffe oo la daabacay Luulyo 2, warbixin ay labada xisbi soo saareen sanadkii 2018, iyo dokumiintiyo sirta laga qaaday oo ay Gabbard qudheedu soo saartay toddobaadkii hore.

Dokumiintiyadu waxay muujinayaan in Gabbard ay isku khadday laba natiijo oo sirdoon oo kala duwan markii ay ku andacoonaysay in Obama iyo la-taliyeyaashiisa amniga qaranku ay beddeleen qiimeyn ahayd in Ruushku uusan malaha isku dayeyn inuu saameyn ku yeesho doorashada isagoo adeegsanaya hababka internetka.

Mid ka mid ah natiijooyinka waxay ahayd in Ruushku uusan isku dayin inuu jabsado kaabayaasha doorashada Maraykanka si uu u beddelo tirinta codadka, tan labaadna waxay ahayd in Moscow ay u badneyd inay adeegsanaysay hababka internetka si ay saameyn ugu yeelato jawiga siyaasadeed ee Maraykanka iyadoo adeegsanaysa hawlgallo macluumaad iyo borobogaando ah, oo ay ku jirto xatooyo iyo faafin xog laga helay server-rada Xisbiga Dimoqraadiga.

Qiimeyntii sirdoonka Maraykanka ee Janaayo 2017 ee uu amray Obama waxay ku dhisneyd natiijadaas labaad: in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu oggolaaday hawlgallo saameyn ku yeelasho ah si loogu leexiyo codadkii doorashadii 2016 dhanka Trump.

Dib-u-eegista uu amray Ratcliffe waxay heshay cillado ku jiray soo saarista qiimeyntaas. Laakiin kama aysan hor iman gabagabadeedii, waxayna taageertay “tayada iyo kalsoonida” warbixin sirteedu aad u sarreyso oo ay soo saartay CIA-du oo ay ku tiirsanaayeen qorayaasha qiimeyntu.

Xamza oo Soomaalida ugu baaqay in laga hortago qorshe ay wadaan xildhibaano UK ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay xubno ka tirsan Baarlamaanka Britain oo taageeray dalabka madax-bannaanida Somaliland, iyadoo uga digtay in faragelinta shisheeye ee arrimaha gudaha dalka ay halis gelinayso madax-bannaanida qaranka ayna carqaladayn karto dadaallada dowlad-dhisidda ee socda.

War-saxaafadeed uu soo saaray Talaadadii, ayuu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ku tilmaamay taageerada xildhibaannada UK ee gobolka gooni-isu-taagga ah mid “aad looga walaaco,” wuxuuna ku boorriyay Soomaalida gudaha iyo dibadda inay diidaan dadaal kasta oo lagu kala qaybinayo dalka. Wuxuu hadalkiisa u dhigay qayb ka mid ah baaq ballaaran oo midnimo loogu yeerayo, xilli ay jiraan caqabado caalami ah iyo kuwo gudaha ah.

“Waa wax lala yaabo oo aan la aqbali karin in bulshada Soomaaliyeed aysan si xoog leh u diidin dadaalladan,” ayuu yiri Barre. “Waa inaan u midownaa—gudaha iyo dibadda Soomaaliyaba—difaaca midnimada dhulkeenna.”

Xamza wuxuu si toos ah ula hadlay aamusnaanta qurba-joogta Soomaaliyeed ee arrintan ku saabsan, isagoo weydiiyay, “Xageed jirtaan marka xildhibaannadu maalin walba istaagaan si ay u sheegaan in Soomaaliya la kala qaybiyo? Maxaad ka qabanaysaan?”

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa daba socda warar sheegaya in dhowr xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka UK ay si fagaare ah u muujiyeen taageerada ay u hayaan ololaha Somaliland ee aqoonsi caalami ah. Wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa walaaca sii kordhaya ee Muqdisho ka qabto doorka ay jilayaasha shisheeye ku leeyihiin dhiirigelinta ajandayaasha gooni-goosadka ah.

“Waxaa jira dhinacyo daaha gadaashiisa ka shaqeynaya si ay dadkeenna u kala qaybiyaan,” ayuu yiri Xamza. “Waa inaan diidnaa fikirrada halista ku ah midnimadeenna iyo jiritaanka dowladnimadeenna.”

Wuxuu ku dhiirigeliyay qurba-joogta inay adeegsadaan codkooda siyaasadeed iyo awooddooda doorasho si ay ula xisaabtamaan xildhibaannada British-ka ah ee taageersan madax-bannaanida Somaliland. “Waxaad ku nooshihiin bulshooyin sharci iyo dimoqraadiyad ka jirto, oo codkiinna iyo gacantiinnuba ay muhiim yihiin,” ayuu yiri. “Waxaan rabnaa inaad awooddaas u isticmaashaan difaaca dalkiinna hooyo iyo midnimadiisa.”

Xamza wuxuu intaa ku daray in mucaaradnimadiisa ku aaddan gooni-isu-taagga Somaliland ay salka ku hayso walaaltinimo, ee aysan ahayn colaad. “Waan jecelnahay walaalaheenna reer Somaliland. Jaceylkaas dartiis ayaan uga soo horjeednaa kala tagga,” ayuu yiri. “Kama xishooneyno mana ka gambanno inaan sheegno in kuwa ku baaqaya kala qaybsanaantu ay khaldan yihiin.”

Ra’iisul wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in xitaa hal bayaan oo midaysan oo ka soo baxa jaaliyadaha qurba-joogta—kaasoo si fagaare ah u diidaya baaqa lagu kala qaybinayo Soomaaliya—uu xildhibaannada ka hor istaagi karo inay sii wadaan arrintan. “Haddii aad hal mar soo baxdaan oo aad tiraahdaan ‘ma aqbalayno tan,’ xildhibaankaas mar kale ma soo hadal qaadi doono,” ayuu yiri.

Somaliland, oo ah jamhuuriyad iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaani kuna taalla gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya, ayaa madax-bannaani sheegatay sannadkii 1991-kii kaddib burburkii dowladdii dhexe, balse ma aysan helin aqoonsi uga yimid hal dal oo xubin ka ah Qaramada Midoobay. Dowladda federaalka Soomaaliya waxay weli u aragtaa gobolkaas inuu yahay qayb ka mid ah dhulkeeda.

Dhowr xildhibaan oo UK u dhashay ayaa Baarlamaanka ka gudbiyay mooshinno lagu taageerayo aqoonsiga Somaliland. Gavin Williamson, wasiirkii hore ee gaashaandhigga UK, ayaa hormuud ka ahaa dadaallo doodaha arrintan loogu soo bandhigayo Aqalka Hoose (House of Commons). Fadhiyada baarlamaanka, Williamson wuxuu ku sababeeyay aqoonsiga rasmiga ah xasiloonida la taaban karo ee Somaliland, maamulkeeda dimoqraadiga ah, iyo horumarka dhanka amniga.

Aqalka Sare (House of Lords), Stuart Polak oo ah xubin ka tirsan xisbiga Conservative-ka ayaa isna doodaha siyaasadda arrimaha dibadda kusoo qaaday qaddiyadda Somaliland. “Adduunku wuu isbeddelay,” ayuu yiri Polak. “Tan iyo markii aan taageernay Soomaaliya midaysan 1961-kii, duruufuhu way is beddeleen. Waa xilligii aan dib u eegi lahayn mowqifkeenna.”

Cambaaraynta Xamza ee taageerada shisheeye ee gooni-goosadka waxaa barbar socday baaq ballaaran oo uu u diray qurba-joogta Soomaaliyeed, kaasoo ahaa inay door firfircoon ka qaataan ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

“Qurba-joogteenna ma ahan daawadayaal oo keliya, waa daniilayaal mustaqbalka Soomaaliya,” ayuu yiri. “Waxaan ku boorrinaynaa inay si adag u garab istaagaan ciidammadeenna qalabka sida ee difaacaya dadkeenna, ayna ka qayb qaataan hirgelinta guulaysata ee doorashooyin ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.”

Xamza wuxuu hoosta ka xarriiqay in awoodda dhaqaale, khibradda farsamo, iyo saamaynta caalamiga ah ee qurba-joogta ay lagama maarmaan u yihiin difaaca madax-bannaanida Soomaaliya iyo horumarinta himilooyinkeeda dimuqraadiyadeed. Soomaalida qurbaha ku nool ayaa lagu qiyaasaa inay dalka usoo diraan $1.3 bilyan oo doollar sannadkii, taasoo lagu masruufo malaayiin qoys ayna taageerto dhaqaalaha maxalliga ah.

“Waxaan uga baahannahay qurba-joogta ma aha oo kaliya inay maalgashadaan kaabayaasha, laakiin inay si firfircoon uga qayb qaataan wacyigelinta madaniga ah, kormeerka doorashooyinka, iyo dadaallada nabadeynta,” ayuu yiri Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu ku boorriyay Soomaalida dhammaan qeybaha siyaasadda inay wax walba ka horumariyaan midnimada qaranka.

“Awoodda qaranimadeennu waxay ku jirtaa midnimadeenna,” ayuu yiri. “Tani waa mas’uuliyad qaran oo ka sarreysa siyaasadda, qabiilka, iyo juqraafiga.”

Xog: Ahlu-Sunna oo Axmed Madoobe gacan ka siiyey dagaalkii shalay ee Beledxaawo

Beledxaawo (Caasimada Online) – Xoogagga Ahlu Sunna ee Gobollada Koonfureed (Gobolka Gedo) ayaa gacan ka siiyay Ciidamada Jubbaland sidii ay shalay ula wareegi lahaayeen gacan ku haynta degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo kadib dagaalkii cuslaa ee halkaas ka dhacay.

Ciidamadan ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka kala wareegay xarunta socdaalka (Immigration-ka), dhismaha xarunta maamulka degmada Beledxaawo iyo baro ciidan oo kale oo ay ciidamadaasi horey ugu sugnaayeen gudaha degmada. Dagaalka waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof.

Xoogaggan ayaa ka amar qaata Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi), oo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu 17-kii bishii December u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gedo.

Al-Qaadi waxa uu hore uga tirsanaa saraakiishii Ahlu Sunna Waljamaaca ee hoggaamin jiray dagaalyahanadii Ahlu Sunna ee maleeshiyada Al-Shabaab kula dagaalami jiray qaybo ka mid ah gobolkaas. Magacaabistiisa waxay timid kadib markii Dowladda Federaalka si adag uga hortimid doorashadii 25-kii November ee magaalada Kismaayo, taasoo markii saddexaad xilka madaxtinimada Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe waxa uu cashar ka bartay dhacdadii 2020, markaasoo maamulka Jubbaland laga saaray gobolka Gedo, kadib markii dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay sharci-darro ku tilmaantay doorashadii August 2019 ee Axmed Madoobe dib loogu doortay. Tani waxay dhalisay in Dowladda Federaalka ciidamo u dirto gobolkaasi, isla markaana la burburiyo maamulka degmooyinka Gedo ee taageersanaa Jubbaland, iyadoo gobolkaas si toos ah hoos loogu keenay Villa Somalia.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2023 maamulka gobolka Gedo dib ugu celisay gacanta Jubbaland. Haddaba Villa Somalia ayaa hadda u muuqata mid markale isku dayaysa inay gobolkaasi hoos keento dowladda dhexe, iyadoo sheegaysa in doorashadii Kismaayo ee Axmed Madoobe lagu doortay aysan sharciyad haysan.

Axmed Madoobe ayaa u arkay in Al-Qaadi ku wanaagsan yahay abaabulka, isla markaana dib u soo noolayn karo xertii Ahlu Sunna ee sanado kahor la kala diray, isagoo rumeysan in ay gacan weyn ka gaysan karaan sidii aan Jubbaland looga fara maroojin maamulka gobolka Gedo.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo ay bilihii u dambeeyay hubeysay qaar ka mid ah xerta Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan degmooyinka Doolow, Luuq, Beledxaawo iyo Ceelwaaq, waxaana la siiyay dareyska Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Xoogaggan oo hadda u muuqda kuwo si beeleed loo abaabulay waxaa sidoo kale dib u soo celintooda gacan ka gaystay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gedo. Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu horey u ogaa in ay dagaalka ku wanaagsan yihiin.

Xoogaggan ayaa la xusuustaa in sanadkii 2011 ay gacan weyn ka gaysteen howlgaladii Ciidamada Dowladda ku xoreeyeen degmooyinka Luuq, Beledxaawo iyo Garbahaarey, oo ah xarunta gobolka Gedo. Waxa kale oo ay ka qayb qaateen howlgal lagu furayay waddooyinka isku xira degmooyinka gobolka.

Saameynta Ahlu Sunna ee gobolka Gedo ayaa hoos u dhacday kadib markii la dhisay maamulka Jubbaland sanadkii 2013. Kaalintoodii gobolka ayaa gebi ahaanba meesha ka baxday kadib geeridii hoggaamiyihii Ahlu Sunna ee Gobollada Koonfureed, Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw Libaax), oo bishii June 2017 ku geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay saldhigga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Markii ugu dambeysay ee la arkay hawlgal ay ka qayb qaadanayaan xoogagga Ahlu Sunna ee gobolka Gedo wuxuu ahaa kii bishii July 2015, markaasoo Ciidamada Xoogga Dalka iyo AMISOM ay maleeshiyada Al-Shabaab ka saareen degmada Baardheere. Tan iyo xilligaas, xoogaggani laguma arkin jiidaha hore ee gobolka, sababo la xiriira Jubbaland oo ka shaqeysay in la kala diro, inkastoo kuwo yar lagu daray ciidamada rasmiga ah.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee gobolka Gedo ayaa horey u sheegay in Jubbaland ay u muuqato mid ka faa’iideysaneysa arrin aan Dowladda Federaalka si buuxda u ogayn — taasoo ah dib-u-soo-celinta awooddii xerta Ahlu Sunna.

Guddoomiye Al-Qaadi oo la hadlay warbaahinta, kadib markii ay ciidamada ay qayb ka yihiin xertu qabsadeen degmada Beledxaawo, ayaa sheegay in ay dagaalka kusoo qabteen askar la khalday, balse ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan.

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Dowladda Federaalka ay ka xun tahay, isla markaana si adag u cambaareyneyso “fal-dambiyeed” ay sheegtay in Axmed Madoobe ka gaystay Beledxaawo, isagoo adeegsanaya maleeshiyaad la khalday.

Wasaaraddu waxay digniin u dirtay maleeshiyaadkaasi, iyadoo sheegtay in qof kasta oo qayb ka ah dambiyada abaabulan lala tiigsan doono sharciga:

“Waxay dowladdu digniin adag u diraysaa maleeshiyaadka uu si khaldan u adeegsaday eedeysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo qayb ka noqda dambiyadaas abaabulan sharciga la marsiin doono,” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Amniga.

Wasaaraddu faahfaahin kama bixin cidda ay yihiin maleeshiyaadkaasi, balse waxa muuqata in ay ula jeeddo xerta hubeysan ee markan kasoo horjeeda Dowladda Federaalka.

Xertan oo kutub-raac ah ayaa markii ugu horreysay hubka qaaday sanadkii 2008, markaasoo Al-Shabaab ay bilowday burburinta xarumihii waxbarashada iyo siyaarada dariiqada Suufiyada ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe. Xilligaas ayay Al-Shabaab ku jebiyeen dagaallo ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Xoogaggani oo sidoo kale kasoo farcamay gobollada Hiiraan, Banaadir iyo Gedo ayaa door weyn ka qaatay howlgaladii Al-Shabaab looga saaray Beledweyne, Muqdisho iyo degmooyin kale oo gobolka Gedo ka tirsan sanadkii 2011.

 

Somalia’s Gedo crisis: Power, clan grievances, and war

Beled Hawo (Caasimada Online) – A deadly clash on Tuesday, July 22, between federal forces and Jubaland state troops in the contested border town of Balad Hawo has reignited one of Somalia’s most dangerous political rivalries. The fighting is the latest flare-up in a long-running standoff between Somalia’s central government in Mogadishu and the semi-autonomous Jubaland state.

Beneath the surface lies a more profound crisis over power-sharing, territorial control, and the unfinished federal constitution—an unresolved conflict that threatens to shatter the country’s fragile political progress and embolden the al-Shabaab insurgency.

The immediate flashpoint was the appointment of Abdirashid Janan—a deeply divisive figure—as head of the National Intelligence and Security Agency (NISA) in the region.

Janan, a former Jubaland security minister, has been accused of serious human rights abuses by both the UN and Amnesty International. The federal government once arrested him, escaped from detention, and later led armed clashes against federal troops before his dramatic surrender in 2021.

His return to public office, now under the federal flag, was widely interpreted as a calculated move by President Hassan Sheikh Mohamud to assert direct control over the Gedo region and weaken Jubaland’s grip.

For Jubaland President Ahmed Madobe, the move was an unmistakable challenge—an attempt to undermine his authority in a region that has long been politically contentious. The town of Balad Hawo, located near the Kenyan border, has frequently served as the frontline in the broader struggle between federal ambitions and regional resistance.

Both sides issued contradictory narratives about Tuesday’s events. Jubaland officials accused the federal government of waging an “unjust war” on the town’s residents, claiming that their forces were acting in self-defense and had retaken control. Conversely, the federal Ministry of Internal Security blamed Madobe’s loyalists for a “blatant attack” on government barracks and public institutions, resulting in civilian and military casualties.

Who owns Gedo?

The battle for Balad Hawo reflects a much broader power struggle: Who truly governs Gedo?

Gedo has long been more than a geographic prize. Its location—at the tri-border intersection of Somalia, Kenya, and Ethiopia—gives it immense strategic value. But its political importance peaks during election cycles. The region holds a critical bloc of parliamentary seats, making it a decisive player in Somalia’s clan-based electoral system. Control over Gedo is not just about local dominance—it shapes who holds power in Mogadishu.

Former President Mohamed Abdullahi “Farmaajo” understood this well. His administration spent years attempting to sideline Madobe by installing loyalist officials in Gedo, which triggered a political and security standoff that nearly derailed the 2020–2021 national elections.

Now, under President Hassan Sheikh Mohamud, the federal government appears to be pursuing a similar path—using more institutional levers, but with the same end goal: to break Jubaland’s hold on the region.

However, the costs of this strategy are growing.

Clan grievances

What complicates the power struggle further is the deep resentment many Gedo clans hold toward Ahmed Madobe, despite his leadership of Jubaland.

Madobe’s base of support lies in Kismayo and the Lower Jubba region, where his allied clans dominate. In contrast, the Marehan clan, which is predominant in Gedo, has long viewed his administration with suspicion, accusing it of marginalization and neglect. Many in Gedo see Madobe as a distant ruler imposed from Kismayo—not a legitimate representative of their local interests.

This discontent intensified in 2024 when Jubaland’s parliament—widely seen as loyal to Madobe—extended his term for a third time. The move was declared illegal by the federal government and rejected by many in Gedo, where local elites saw it as another example of top-down rule.

Paradoxically, this has allowed Mogadishu’s efforts to gain some traction in Gedo, despite growing distrust of federal overreach. While Janan’s appointment sparked controversy, some residents welcomed the federal challenge to Madobe’s authority—not out of loyalty to the central government, but as a rejection of regional domination.

The divide between Gedo and Kismayo underscores a critical reality: Somalia’s federalism is fractured not only vertically—between Mogadishu and the states—but horizontally, within the member states.

A militarized constitution  

At the heart of this political turmoil is Somalia’s unfinished 2012 provisional constitution. It fails to clearly define the roles and powers of the federal government versus the Federal Member States (FMS), creating a legal vacuum that both sides exploit. With no agreed-upon framework for resolving disputes over territory or elections, Somalia’s politics increasingly default to armed confrontation.

Elite federal units such as the Gorgor and Haram’ad brigades, trained and equipped by international partners, were intended for national defense and counterterrorism. But in practice, they’ve been deployed in political hotspots like Gedo, where their actions are seen as part of Mogadishu’s campaign to control regional territory.

Jubaland has responded with its own Darawish forces, whose loyalty to Madobe runs deep—especially in Lower Jubba and Kismayo.

This parallel security buildup has created a zero-sum environment: each side’s preparations are viewed as existential threats by the other, making clashes like the one in Balad Hawo almost inevitable.

Meanwhile, al-Shabaab remains the biggest winner. The more time and energy federal and regional leaders spend fighting each other, the less capacity they have to combat the insurgency. Al-Shabaab exploits these governance vacuums, recruits from disillusioned communities, and reasserts itself in areas where state forces are absent—or preoccupied with internal rivalries.

Somalia cannot afford to keep handing the militants these opportunities.

A path forward

The Balad Hawo clash is not just another security incident—it is a warning. Without a clear constitutional settlement, genuine political dialogue, and trust-building between the center and the states, Somalia risks further deepening its fragmentation.

Finalizing the constitution must become a national priority. It should establish clear boundaries of authority, guarantee power-sharing mechanisms, and provide legal channels for dispute resolution. Somali leaders must also acknowledge and address the internal divisions within member states, like those between Gedo and Kismayo.

Military victories in towns like Balad Hawo will not determine Somalia’s future. It will be shaped by whether the country’s political class chooses to settle its disputes at the negotiating table—or continue to risk the nation’s unity on the battlefield.

Somali PM slams UK MPs backing Somaliland secession

Mogadishu, Somalia – Somalia’s federal government has issued a sharp rebuke to several British parliamentarians who have voiced support for Somaliland’s independence ambitions, warning that such “foreign interference” threatens national sovereignty and undermines the country’s efforts to build its state.

In a strongly-worded statement on Tuesday, Prime Minister Hamza Abdi Barre described the advocacy by UK lawmakers as “deeply concerning,” urging Somalis to stand united against what he described as attempts to “divide the country.” His comments come amid rising geopolitical tensions in the Horn of Africa, particularly after a controversial port deal between Somaliland and Ethiopia.

“It is astonishing and unacceptable that the Somali people are not vehemently rejecting these efforts,” said Prime Minister Barre. “We must unite—both inside and outside Somalia—to defend the unity of our territory.”

He specifically called on the Somali diaspora, especially those living in the UK, to use their political clout to push back against lawmakers supporting Somaliland’s push for secession.

“Where are you when parliamentarians stand up every day to say Somalia should be divided? What are you doing about it?” he asked. “You live in societies governed by law and democracy, where your voice and your hand are significant. We want you to use that power to defend your motherland and its unity.”

Advocacy sparks ire

The Prime Minister’s remarks follow persistent efforts by several British MPs to champion Somaliland’s quest for international recognition. Somaliland, a former British protectorate, declared independence from Somalia in 1991 after the fall of the Siad Barre regime. Although it has operated with its own government, currency, and security forces for more than 30 years, no country has formally recognized its independence.

Among the most vocal advocates in the UK Parliament is Sir Gavin Williamson, a former Defence Secretary, who has repeatedly called for recognition of Somaliland, highlighting its relative stability, democratic practices, and strategic value. In the House of Lords, Conservative peer Lord Stuart Polak has echoed that stance, saying, “The world has changed… It is time to review our position.”

Still, the UK government’s official position remains unchanged: it does not recognize Somaliland and continues to support Somalia’s territorial integrity. The UK maintains that any resolution must be negotiated between Hargeisa and Mogadishu—an approach clearly stated on the UK Parliament’s official website.

The latest diplomatic tensions are further inflamed by a controversial Memorandum of Understanding signed in January between Ethiopia and Somaliland. The agreement grants landlocked Ethiopia a 50-year lease on a 20-kilometer stretch of Somaliland’s coastline to build a naval base. In return, Ethiopia would reportedly consider recognizing Somaliland as an independent state.

The deal sent shockwaves through the region. Mogadishu labeled it an act of “aggression” and a clear violation of Somali sovereignty. The fallout has drawn in other regional actors and threatens to destabilize the already fragile Horn of Africa further. Prime Minister Barre’s government sees foreign political endorsements as only worsening the situation.

“There are forces working behind the scenes to divide our people,” Barre warned. “We must reject the dangerous ideas that threaten our unity and our existence as a state.”

An appeal to brotherhood

Yet, despite the firm tone, Prime Minister Barre presented his stance against secession as a message of solidarity.

“We love our brothers and sisters in Somaliland. It is because of that love that we oppose separation,” he said. “We are not shy or hesitant to say that those calling for division are wrong.”

He also stressed the pivotal role of Somalia’s far-reaching diaspora. Annual remittances from Somalis abroad are estimated at over $1.3 billion—more than international aid—providing a critical lifeline to the country’s economy, according to Oxfam.

The Prime Minister encouraged the diaspora to go beyond financial contributions and take an active political role in shaping the nation’s future.

“Our diaspora is not just spectators; they are stakeholders in Somalia’s future,” he said. Barre urged them to support the national armed forces and to participate in building a democratic process that reflects the will of the Somali people.

“Our national strength lies in our unity,” he concluded. “This is a national responsibility that transcends politics, clan, and geography.”

Egypt and the Somalis: A Journey of humiliation

CAIRO, Egypt – Each year, thousands of Somalis travel to Egypt in search of better healthcare, education, or business opportunities. For others, it is a destination for leisure and tourism. However, for many, these trips devolve into a demoralizing experience — one marked not by opportunity, but by legal hurdles, bureaucratic indifference, and a troubling lack of humanitarian consideration.

This report follows, step by step, the emotional and practical ordeal Somali citizens face when traveling to Egypt — from the frustrating visa process to the disheartening reception that often awaits them at Cairo International Airport.

The visa gauntlet

Obtaining an Egyptian visa has become a tough challenge for holders of a Somali passport. Applicants are required to purchase a non-refundable flight ticket before their visa is even guaranteed, placing them in immediate financial peril should the visa be delayed or denied — a gamble few can afford to lose.

The process is often fraught with delays, sometimes lasting an entire month, which can derail urgent plans for medical care or academic enrollment. On top of this, Somali applicants face additional security screenings by Egyptian authorities, casting suspicion on travelers whose only intent is healing, learning, or building a better future.

One-month countdown

After enduring long waits, those lucky enough to secure a visa are granted only a 30-day stay. For patients seeking long-term treatment or students trying to settle into new academic routines, this time limit is painfully short. Travelers in need of more time must brave another exhausting round of bureaucracy to seek an extension — with no guarantees.

Cairo airport: An unofficial detention

For many Somali travelers, the first experience in Egypt isn’t a welcoming handshake — it’s a long, silent wait in airport detention.

Upon arrival in Cairo, Somalis are frequently held for hours, often from midnight until sunrise — the time when most flights from Somalia land. Detainees include the sick and elderly, women and children — people who have traveled far in search of care or comfort. Instead, they’re held from 1:00 AM to 7:00 AM without food, water, or medical attention.

The treatment is not only inhumane, but also humiliating. It strips people of their dignity at the very first point of contact. It falls far short of international standards for the treatment of travelers.

A painful disparity: Ethiopia vs. Somalia

The contrast with travelers from neighboring Ethiopia is glaring. Ethiopian citizens arriving in Cairo are often processed quickly and granted visas that meet their specific needs. Somalis, by comparison, face delays, suspicion, and restriction — all seemingly due to their nationality.

Even more painful is the irony that a Somali citizen carrying an Ethiopian passport is treated better than one holding a Somali one. This quiet hierarchy — where identity determines dignity — is a reality Somali leaders are being called upon to address.

A relationship on paper only

Despite official statements celebrating close ties between Somalia and Egypt, the lived experience of Somali travelers tells a different story. The diplomatic bond has yet to bring about fundamental changes in how ordinary Somalis are treated — whether at the border or beyond it.

Much of the bilateral engagement appears to be focused on political strategy, while the human cost — the pain and frustration of everyday people — remains largely ignored. Somali officials, often traveling on red diplomatic passports, glide past the lines and obstacles their fellow citizens are forced to endure. Many remain unaware — or untouched — by the daily indignities Somalis face at Cairo Airport.

The case for change

The Somali government has a fundamental responsibility to protect its citizens abroad — not only in words, but through action. Egypt, too, must uphold the dignity of Somali travelers and treat them with the fairness and respect shown to citizens of other nations.

It’s time to move beyond symbolic gestures and empty promises. The distinction between diplomat and ordinary traveler must end. What’s needed now is a genuine partnership — one centered on justice, dignity, and the shared humanity of the Somali people.

Tirada dhimashada dagaalkii Beledxaawo ku dhexmaray ciidamada DF iyo Jubaland

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland, tiro intaas ka badana waa ku dhaawacmeen dagaalka.

Dadka dhintay ayaa u badan ciidamada dhinacyadii dagaalamay, sidoo kale waxaa jira dad shacab ah oo wax yeelo ay ka soo gaartay dagaalka, iyadoo ciidamada taabacsan Jubbaland ay ku guuleysteen inay la wareegaan magaalada.

Cabdirashiid Janan oo dowladda federaalka Soomaaliya ay u diray gobolka Gedo oo hadlay ayaa sheegay in dagaalkii maanta uu soo abaabulay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isla markaana ciidanka dowladda uu ku amray in aysan gelin dagaal sokeeye oo sida uu sheegay Axmed Madoobe uu ka hurinayo gobolka Gado, gaar ahaan degmada Beledxaawo, isagoo tacsi u diray dadkii maanta ku dhintay dagaalka.

“Waxaan aad uga xumahay in eedeysane Axmed Madoobe uu dadkeyga isku diro, maanta waxaa dhacday nasiib darro uu muddo ka shaqeynayey ninkaasi, dhaqaale ayuu ku bixiyey in reer Gedo ay is laayaan, maanta ayuu ku guuleystay, waana ka xumahay waxa dhacay,” ayuu yiri Janan.

Wuxuu sheegay in Beledxaawo uu u tegay in ciidamada dowladda ee halkaas jooga uu xuquuqda u soo saxo, kadib markii loo diiday inay halkaas ka degaan saraakiil ay dowladdu u dirtay.

“Waxaan is weydiinayaa sababta ay dadka u leynayaan wiilasha uu afduubka u heysto Axmed Madoobe, wax uu siiyo malahan, baahi kasta oo qof dareemo ayaa heysata ciidanka Jubbaland, maanta wuxuu ciidankii weerarka soo qaaday u soo diray lacag uu ugu talagalay in dadkeygu ay isku laayaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdirashiid Janan.

Dhankooda, siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku midoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in colaada uu Xasan Sheekh ka hurinayo Gobolka Gedo ay khatar galinayso dadaalada Dowlad dhiska Soomaaliya ee xiliga fog soo bilowday, sida ay hadalkooda u dhigeen.

“Shirkii 25-kii Juun 2025 Muqdisho ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxaa qodobbadii shirka ka soo baxay ka mid ahaa adkeynta midnimada dalka iyo dadka, xoojinta amniga, iyo la dagaalanka argagaxisada,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

Madasha Samatabixinta waxay ayaan darro ku tilmaameen in balantii ay la galeen Madaxweynaha beddelkeedii ay Dowladda Federaalku colaado iyo dagaallo sokeeye ka hurineyso gobolka Gedo, kuwaas oo halis-galinaya amniga, nabadda, iyo xasilloonida dadka iyo deegaanka, waxna u dhimaya dadaallada nabadeed ee dowlad-dhiska iyo dib-u-heshisiinta bulshada Soomaaliyeed, sida lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray, “Madashu waxay ka xuntahay in ciidamadii Qaranku ay maanta isku laynayaan dagaal siyaasadeed oo ay huriyeen madaxda Dowladda Federaalka, oo fursad hor leh siinaysa cadawga ummadda Soomaaliyeed, halkii laga sugayay in ay ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed u abaabusho sidii dalka looga xorayn lahaa argagixisada arxanka daran ee ku soo duushay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Wararkii ugu dambeeyey ee Beledxaawo aan ka heleyno waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Federaalka ay isugu tageen xerada UK oo duleedka degmadaas ay markii horaba ka deganaayeen, halka Cabdirashiid Janan oo diyaaradii keentay ku laabtay markii uu dagaalku bilowday.

Daawo: Cabdirashiid Janan oo xog xasaasi ah ka bixiyey dagaalkii Beledxaawo

Beledxaawo (Caasimada Online) – Cabdirashiid Janan oo dowladda federaalka Soomaaliya ay u diray gobolka Gedo ayaa qabtay shir jaraa’id oo dagaalkii maanta ka dhacay Beledxaawo uu ku faahfaahiyey, isagoo eedda wixii dhacay dusha ka saaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Janan ayaa sheegay in ciidanka dowladda uu ku amray in aysan gelin dagaal sokeeye oo sida uu sheegay Axmed Madoobe uu ka hurinayo gobolka Gado, gaar ahaan degmada Beledxaawo, isagoo tacsi u diray dadkii maanta ku dhintay dagaalka.

“Waxaan aad uga xumahay in eedeysane Axmed Madoobe uu dadkeyga isku diro, maanta waxaa dhacday nasiib darro uu muddo ka shaqeynayey ninkaasi, dhaqaale ayuu ku bixiyey in reer Gedo ay is laayaan, maanta ayuu ku guuleystay, waana ka xumahay waxa dhacay,” ayuu yiri Janan.

Wuxuu sheegay in Beledxaawo uu u tegay in ciidamada dowladda ee halkaas jooga uu xuquuqda u soo saxo, kadib markii loo diiday inay halkaas ka degaan saraakiil ay dowladdu u dirtay.

“Waxaan is weydiinayaa sababta ay dadka u leynayaan wiilasha uu afduubka u heysto Axmed Madoobe, wax uu siiyo malahan, baahi kasta oo qof dareemo ayaa heysata ciidanka Jubbaland, maanta wuxuu ciidankii weerarka soo qaaday u soo diray lacag uu ugu talagalay in dadkeygu ay isku laayaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidankii deganaa goobtii uu ka soo degay uu amar ku siiyey in aysan dagaalamin, “Dhankooda waa diideen inay dagaalka joojiyaan, ilaa diyaaradii aan la socday ay hawada gashayna xabaddu waa dhaceysay, laakiin anigu waxaan ku dadaalay inaan dagaalkaas xakameeyo,” ayuu yiri.

Janan ayaa sheegay in ciidanka dowladda federaalka halkaas laga soo saaray, si ciidamada aan la isugu leynin, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyey ciidan iyo saraakiil uu sheegay inay diideen inay ka qeyb qaataan weerarkii ciidamada taabacsan Axmed Madoobe ay ku soo qaadeen ciidamada Qaranka.

“Waxaa xusid mudan in saraakiisha qaar ee Axmed Madoobe soo diray ay diideen inay la dagaalamaan ciidamada dowladda ee isku cadowga ay yihiin, Waxaan u mahadcelinayaa sarkaal lagu magacaabon Deeq Cabdi oo diiday inuu dagaalamo oo isagoo ciidan badan wata soo galay xerada ciidamada qaranka ee UK,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan Cabdirashiid Janan u magacowday Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Gedo, ahna madaxa guud ee hey’adaha amniga ee gobolkaas, safarkii ugu horeeyey ayuu maanta ku tegay Beledxaawo, isagoo wata diyaaradda ciidamada cirka, waxaana dagaal kala hor yimid ciidamo ka amar qaata Axmed Madoobe oo la waregay inta badan magaalada.

Hoos ka daawo

Mucaaradka oo sheegay in Xasan uu ‘balantii uga baxay’ kadib dagaalkii Beledxaawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si adag u cadaysay in colaada uu Xassan Sheekh ka hurinayo Gobolka Gedo ay khatar galinayso dadaalada Dowlad dhiska Soomaaliyeed ee xiliga fog soo bilowday, sida ay hadalkooda u dhigeen.

Madasha ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay aad ugu xuntahay, isla markaana cambaareynayso dagaalka ka aloolsan Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Jubbaland.

“Shirkii 25-kii Juun 2025 Muqdisho ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxaa qodobbadii shirka ka soo baxay ka mid ahaa adkeynta midnimada dalka iyo dadka, xoojinta amniga, iyo la dagaalanka argagaxisada,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

Madasha Samatabixinta waxay ayaan darro ku tilmaameen in balantii ay la galeen Madaxweynaha beddelkeedii ay Dowladda Federaalku colaado iyo dagaallo sokeeye ka hurineyso gobolka Gedo, kuwaas oo halis-galinaya amniga, nabadda, iyo xasilloonida dadka iyo deegaanka, waxna u dhimaya dadaallada nabadeed ee dowlad-dhiska iyo dib-u-heshisiinta bulshada Soomaaliyeed, sida lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray, “Madashu waxay ka xuntahay in ciidamadii Qaranku ay maanta isku laynayaan dagaal siyaasadeed oo ay huriyeen madaxda Dowladda Federaalka, oo fursad hor leh siinaysa cadawga ummadda Soomaaliyeed, halkii laga sugayay in ay ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed u abaabusho sidii dalka looga xorayn lahaa argagixisada arxanka daran ee ku soo duushay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Ugu dambayntii, Madasha ayaa baaq u dirtay madaxda dowladda federaalka, iyagoo kula taliyey in la joojiyo hurinta colaadda sokeeye, loona soo jeesto dagaalka Khawaarijta.

“Waxaan madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqaynaa in ay si degdeg ah u joojiyaan galalaasaha dagaal ee ay ka wadaan dowlad-goboleedka Jubbaland, ciidamada dalkana aanu u adeegsan dano siyaasadeed, xooggana la saaro sidii dalka looga xoreyn lahaa argagaxisada iyo sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo siyaasiyiinta mucaaradka ah ay ku bahoobeen.

Maxay PUNTLAND ka tiri dagaalkii Beledxaawo ee DF Soomaaliya iyo Jubaland?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Puntland oo qoraal deg-deg ah soo saaray ayaa si kulul uga hadlay dagaalka maanta ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland.

Wasiiru dowladaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Cabdinuur oo qoraalka soo saaray ayaa dagaalkan ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaarihiisa, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay dhiigga haatan ku daadanayo degmada Beledxaawo.

“Ra’iisal Wasaare Hamse iyo Madaxweyne HSM Dagaalka ay saaka ku qaadeen Balad-Hawo waa nasiibdaro . Waxaan xasuusinayaa in wali uu socdo Dagaalkii Shabaab halisna ku yihiin jiritaanka Dowladdninada” ayuu yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalkan uu halis ku yahay dowladnimada, isla markaana laga haboon yahay in ciidamada Soomaaliyeed ay iyaga dhexdooda wada dagaalamaan.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ay habooneed in dowladdu u jeesato dagaalka lagula jiro argagaxisada, ayna garab siiyo ciidamada deegaanka ee ku sugan gobolka Hiiraan.

“Ciidanka saaka isku nafbaxaya waxaa looga baahnaa in ay reer Hiiraan ka difaacan Cadowga Shabaab” ayuu mar kale yiri Wasiir Cabdifitaax Cabdinuur.

Dagalka maanta ka qarxay Beledxaawo ayaa yimid kaddib markii saaka labo diyaarad oo Helicopter ay ka dageen xerada ciidamada UK, waxaana halkaasi ay geeyeen Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhowaan uun loo magacaabay taliyaha NISA ee Jubaland.

Dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa mar kale ku hardamaya gobolka Gedo, maadaama ay soo dhowaatay doorashadii, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee gobolkan horkacayo Cabdirashiid Janan oo maalin kahor loo magacaabay taliyaha NISA ee maamulka Jubaland.

Somalia: Jubaland, Federal troops battle for Beled Hawo

Beled Haawo (Caasimada Online) – Heavy fighting erupted Tuesday in the strategic Somali border town of Beled Hawo, pitting federal government forces against troops aligned with the semi-autonomous Jubaland state. Each side has accused the other of initiating the violence, which reportedly resulted in casualties and has inflamed an already volatile political landscape.

The clashes underscore a deepening rift over control of the Gedo region, a persistent flashpoint in the fragile relationship between the central government in Mogadishu and the Jubaland administration based in Kismayo.

The immediate trigger appears to be the recent arrival and deployment of Abdirashid Hassan Nur, better known as Abdirashid Janan. A controversial former Jubaland security minister, Janan has a long history of both cooperation and confrontation with Somali political factions.

He previously escaped federal custody in 2020 while facing serious allegations of human rights abuses, including extrajudicial killings and torture, during his time as regional security chief. He was later aligned with the Farmajo administration during its campaign to assert federal control over Gedo.

Janan’s latest appointment by the federal government as commander of the National Intelligence and Security Agency (NISA) in Gedo has reignited tensions. His deployment to Beled Hawo, reportedly accompanied by new federal troop reinforcements, is viewed by the Jubaland authorities as a direct provocation and an attempt to sideline the regional administration.

Trading blame

In a strongly worded statement, the Jubaland administration placed full responsibility for the fighting on Somali President Hassan Sheikh Mohamud and his government.

“Hassan Sheikh Mohamud and his team today launched an unjust war against the peace-loving people of Beled Hawo District,” the statement said.

Jubaland claimed that its Daraawiish forces successfully repelled the offensive and were now in complete control of the town.“The Jubaland forces… defended against the militias taking orders from Hassan Sheikh Mohamud,” the statement continued.

The entire town of Beled Hawo is now under the control of Jubaland forces. Some of the militias who destabilized the security of the city have been captured, and our forces are pursuing the rest, including Abdirashid Janan, who arrived this morning on a military aircraft.”

The Federal Government of Somalia, in turn, condemned the violence as a “criminal act” orchestrated by Jubaland’s leader, Ahmed Madobe. The Ministry of Internal Security accused “militias taking orders from Ahmed Madobe” of launching a deliberate attack on government facilities, including the immigration office and army barracks.

“The Federal Government of Somalia is saddened by and strongly condemns the criminal act that the defendant Ahmed Mohamed Islam [Madobe] committed in Beled Hawo,” the statement declared.

The statement further alleged that key installations—including the immigration office and army encampments—were specifically targeted: “This act, which is part of a pattern of repeated violations, included an intentional attack on facilities such as the Immigration and Nationality Office and military bases.”

The government offered condolences to the families of soldiers and civilians killed in the clashes and vowed to bring those responsible to justice. It also warned Jubaland forces against allowing themselves to be “misused” for political ends.

A persistent flashpoint

Beled Hawo lies within Jubaland’s constitutionally defined territory, but the Gedo region has long been a contested zone. Under former President Mohamed Abdullahi “Farmajo”, the federal government established a parallel administration in Gedo, thereby bypassing Jubaland’s authority and creating competing local structures. That move sparked repeated armed confrontations and entrenched political mistrust.

Janan’s re-emergence, now under the current administration, has deepened concerns that the federal government is doubling down on its bid to reassert control over Gedo. Reports suggest that additional federal forces have been mobilized to other key towns in the region, including Doolow, further escalating the risk of widespread conflict.

The struggle for Gedo frequently intensifies around national elections. Control of the region directly affects who selects its representatives in the federal parliament, making it a strategic prize in Somalia’s intricate power-sharing system. With 2026 national elections on the horizon, both federal and Jubaland leaders appear to be positioning themselves to secure influence over the process.

Observers say the return of Janan to a prominent role in Gedo is emblematic of broader political calculations by Villa Somalia, which has been reshuffling regional security leadership to consolidate control ahead of the vote.

The latest clashes also highlight the historically tense relationship between President Hassan Sheikh Mohamud and Jubaland President Ahmed Madobe. While the two leaders have at times engaged in cooperation, their rivalry remains a defining feature of the Somali political landscape—fueled by disputes over constitutional authority, control of territory, and resource allocation.

Despite periodic attempts at reconciliation, the events in Beled Hawo suggest that the fundamental disagreements over the governance of Gedo remain unresolved—and continue to pose a serious threat to Somalia’s stability.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qaar mucaaradka ka mid ah ‘oo isfahmay’ + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo indhowaanahan wada-hadallo kula jiray xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo ayaa waxaa haatan lasoo warinayaa in qaar kamid ah ragga ay is hayaan ay is-fahmeen.

Jaylaani Abshir oo si dhow ula socda dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee gudaha dalka ayaa wareysi uu siiyay Somali Cable Tv wuxuu uga hadlay halka ay kala marayaan labada dhinac, maadaama kulamo is daba joog ah ay ka dhaceen Villa Somalia, kuwa kalena loo ballansan yahay, isaga oo sheegay in qaar kamid ah mucaaradka ay is fahmeen Xasan.

Jaylaani ma shaacin magacyada xubnaha mucaaradka ee la jaan-qaaday Madaxweynaha, waxaase uu tilmaamay inay jiraan rag hoggaamiyo ururro waawayn oo haddane ay is-fahmeen Madaxweyne Xasan Sheekh, isla-markaana ay toos ula safteen Villa Somalia.

“Mucaaradka meesha tegay qayb kamid ah ayaa waxa ay is fahmeen Madaxweynaha oo waxaad arkeysaa rag hoggaaminayo ururro oo u jadboonayo Madaxweynaha” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Maalin dhoweyd waxaa la’ii sheegayaa guddiyadaan la dhahaayay ha is-diiwaangalshaano ayaa waxaa maalin dhacday in Madaxweynaha meel tago kadib nin odaya oo xisbi dhan hoggaaminayo ayaa wuxuu yiri Madaxweyne inaan kula kulmaa rabay, farxad ayay ii tahay inaan ku arko, waan la yaabay, siduu ugu jadboobaday”

Ninkan dhalinyarada ah ayaa dhinaca kale ka digay in xaaladda ay gaarto gacan ka hadal, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha inuu ka shaqeeyo in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda oo ah marka la gaarao 15-ka bishan May ee sanadka soo socda ee 2026-ka.

Waxaa kale oo uu farriin u diray mucaaradka fadhiya Hoteel Jasiira oo uu ugu baaqay inay iyaguna ka shaqeeyaan danta shacabka, ayna door wanaagsan ka qaataan dowlad dhiska.

“Farriinta aan diraayo waxaa waayey horta mucaaradka inay ka tarjumaan danta shacabka, waa inaad ka shaqeysaan shacabka waxa ay daneynaayaan iyo dhibaatada haysa inay ka saartaan” ayuu mar kale yiri Jaylaani Abshir.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxaad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana is haya mucaaradka iyo Villa Somalia, iyada oo dooda ay ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka iyadoo Madaxweynuhu rabo inuu qabto doorasho toos ah oo qof iyo cod ah.

Dowladda oo digniin culus u dirtay ciidamada Jubaland kadib dagaalkii maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si kulul uga hadashay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubaland, iyadoo digniin u dirtay ciidanka ka amar qaata Axmed Madoobe ee qaybta ka ah dagaalka.

Wasaaradda amniga gudaha oo qoraalkan soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in marka hore ay cambaareyneyso fal-dambiyeed ay sheegtay in maanta Axmed Madoobe uu ka gaystay degmada Beledxaawo, iyada oo dhabarka u saartay mas’uuliyadda dagaalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamo maleeshiyaad ah oo ka amar qaata Axmed Madoobe ay weerareen xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada ee degmadaas, uuna jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac intaba.

“Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ka xuntahay, si adagna u cambaaraynaysaa fal dambiyeedka uu eedaysane Axmed Maxamed Islaam ka gaystay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo duhurnimadii maanta, halkaas oo maleeshiyaad isaga ka amar qaata ay weerar bareer ah ku qaadeen xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada qaranka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kae waxaa lasii raaciyay “Falkaan oo qayb ka ah dambiyada joogta ah ee uu ku kacayo Axmed Madoobe ayuu si ku talo gal ah ugu weeraray xarumo ay ka mid yihiin xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xeryo ay dagan yihiin ciidamada amniga”.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale tacsi u dirtay ehellada dadkii dhintay dagaalkii maanta oo isugu jiro askar iyo shacab, iyada oo ballan qaaday in lala xisaabtami doonto ciddii ka dambeysay falkaasi, isla markaana si deg-deg ah loo horgeyn doono cadaaladda.

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay ciidamada Jubaland ee ka amar qaata Madaxweyne Axmed Madoobe, waxayna sheegtay in loo isticmaalayo si khadlan, ayna uga digeyso inay sii dagaalamaan, maadaama uu ka dhalanayo dambi aad u culus.

“Waxay dowladdu digniin adag u diraysaa maleeshiyaadka uu sida qaldan u isticmaalo eedaysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo qayb ka noqda dambiyadaas abaabulan sharciga la marsiin doono” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinkeeda Jubaland oo goor sii horreysay ka hadashay dagaalka ayaa iana ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna sidoo kale guul ka sheegatay dagaalkii maanta.

“Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa Maanta dagaal Xaq-daro ah kusoo qaday Shacabka nabada jecel ee Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo. Ciidamada Dowladda Jubbaland ee ku sugan Degmada Baladxaawo ayaa iska difaacay Maleyshiyaadka ka Amar qaadanayay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Waxaa kale oo ay Jubalanad sii raacisay “”Guud ahaan Magaalada Baladxaawo ayaa Waxaa haatan gacanta ku haya Ciidamada Jubbaland halka gacanta lagu dhigay qaar kamid ah Maleyshiyaadkii khal-khalka galiyay Amaanka Magaalada iyadoo Ciidamada Jubbaland ay ku daba jiraan firxadka inta kale ee baxsatay oo uu qeyb ka yahay Cabdirashiid Janan Oo saaka diyaarad Ciidan ku yimid Dagmada”.

Jubaland oo guul wayn ka sheegatay dagaalkii maanta ee Beledxaawo + Sawirro

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dagaalka maanta ka qarxay gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo daraawiishta aamulkaasi.

Jubaland ayaa dagaalkan toos ugu eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo tilmaamtay in duulaan cad lagu soo qaaday shacabka degmada Beledxaawo.

Sidoo kale Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeeda ay iska difaaceen weerarka uyimid dhanka ciidamada dowladda, haatana xaaladda ay dagan tahay.

“Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa Maanta dagaal Xaq-daro ah kusoo qaday Shacabka nabada jecel ee Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo. Ciidamada Dowladda Jubbaland ee ku sugan Degmada Baladxaawo ayaa iska difaacay Maleyshiyaadka ka Amar qaadanayay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Jubaland ay guul wayn ka gaareen dagaalkii maanta, isla markaana ay haatan gacanta ku hayaan guud ahaan magaalada, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah ciidankii weerarka qaaday.

“Guud ahaan Magaalada Baladxaawo ayaa Waxaa haatan gacanta ku haya Ciidamada Jubbaland halka gacanta lagu dhigay qaar kamid ah Maleyshiyaadkii khal-khalka galiyay Amaanka Magaalada iyadoo Ciidamada Jubbaland ay ku daba jiraan firxadka inta kale ee baxsatay oo uu qeyb ka yahay Cabdirashiid Janan Oo saaka diyaarad Ciidan ku yimid Dagmada” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dowlad-goboleedka Jubaland.

Dagalka ayaa yimid kaddib markii saaka labo diyaarad oo Helicopter ay ka dageen xerada ciidamada UK, waxaana halkaasi ay geeyeen Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhowaan uun loo magacaabay taliyaha NISA ee Jubaland, kaas oo ka howlgali doono Gedo.

Dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa mar kale ku hardamaya gobolka Gedo, maadaama ay soo dhowaatay doorashadii, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee gobolkan horkacayo Cabdirashiid Janan oo maalin kahor loo magacaaba taliyaha NISA ee maamulka Jubaland.

Si kastaba, Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.