25 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Sharmarke demands Puntland free seized Turkish arms ship

Mogadishu (Caasimada Online) – Former Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke has called on the Puntland administration to promptly release the MV Sea World, a Comoros-flagged cargo vessel detained off Somalia’s northeastern coast while reportedly carrying military equipment for Turkey’s defense mission in Mogadishu.

In a statement, Sharmarke said he met with Turkey’s ambassador to Somalia, who confirmed that the weapons onboard the vessel seized by Puntland on July 18 were property of the Turkish government.

“I was informed that the MV Sea World was transporting military equipment for the TÜRKSOM training mission,” Sharmarke noted. “The ambassador told me he attempted to contact Puntland authorities but received no response. In light of this, Puntland has a legal responsibility to release the ship without delay.”

“Act of piracy”

The federal government in Mogadishu has strongly condemned the interception, describing it as an “unlawful hijacking” and a serious breach of Somalia’s sovereignty. Authorities said the ship was operating under a bilateral defense agreement between Somalia and the Republic of Türkiye, and that the cargo was fully authorized.

According to officials, the MV Sea World was bound for the TÜRKSOM military base in Mogadishu when Puntland’s maritime police intercepted it near the coastal town of Bareeda.

“The cargo was fully authorized and in compliance with both national and international law,” the government said. “This seizure violates Article 54 of Somalia’s Provisional Constitution, which gives the federal government sole authority over defense and maritime security.”

Officials further invoked the United Nations Convention on the Law of the Sea (UNCLOS), warning that the incident could be classified as piracy under Somali law.

Puntland’s response

In response, Puntland authorities confirmed the vessel’s detention but rejected accusations of misconduct. The regional government said the ship entered its territorial waters without prior notice and remained there for over two days, in an area considered high-risk due to ongoing counterterrorism operations.

According to Puntland, it was local fishermen who first boarded the ship, prompting security forces to step in and escort it to the port of Bosaso for inspection. Initial checks revealed the cargo consisted solely of military supplies bearing Turkish markings—contrary to claims from Mogadishu that the vessel was carrying commercial goods.

“We are conducting a thorough investigation into the cargo and its documentation,” Puntland’s presidency said. “We invite the Federal Government and the Republic of Türkiye to take part in this process.”

A growing rift

The standoff has further strained already tense relations between Somalia’s federal government and the semi-autonomous Puntland region, which suspended cooperation with Mogadishu in March 2024. The dispute has once again spotlighted unresolved issues surrounding the division of powers—especially in the areas of defense and maritime control.

Somalia’s provisional constitution grants regional states limited autonomy, but it designates defense and national security responsibilities to the federal government.

The TÜRKSOM training mission, established in 2017, plays a critical role in Somalia–Turkey defense ties. It trains the elite “Gorgor” special forces and has expanded into logistics and maritime operations.

While Turkey has not issued a formal statement, Somali officials claim that Ankara has privately confirmed the cargo was part of an official shipment for the TÜRKSOM mission. Mogadishu is now demanding the vessel’s “immediate and unconditional release,” warning that legal and security measures could follow if Puntland fails to comply.

Puntland, for its part, states that it will proceed with the investigation and insists that the legality and ownership of the shipment must be verified.

Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri markabka hubka sida ee ay qabsatay Puntland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay maamul goboleedka Puntland in ay si degdeg ah u sii daayaan markabka MV Sea World, oo siday qalab ciidan oo loogu talagalay hawlgalka tababarka ciidanka ee TÜRKSOM, oo ay Turkigu taageeraan.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu la kumay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, kaasi oo u xaqiijiyey in ay leeyihiin hubka saaran markabka oo ay Puntland afduubatay 18-kii July.

“Kulan aan maanta la yeeshay safiirka Turkiga, waxaa la igu wargeliyey in markabka MV Sea World uu siday qalab ciidan oo loogu talagalay TÜRKSOM,” ayuu yiri Sharmaarke. “Safiirku wuxuu xusay inuu la xiriiray Puntland balse uusan wax guul ah ka gaarin. Sidaas darteed, waxaa Puntland sharci ahaan ku waajib ah inay markabka si degdeg ah oo dib u dhac la’aan ah u sii deyso.”

Cambaareynta dowladda federaalka 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay celinta markabka, iyadoo ku tilmaantay “afduub sharci-darro ah” iyo ku xadgudub toos ah oo lagu sameeyay dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, markabka MV Sea World wuxuu ku sii jeeday magaalada Muqdisho isagoo siday shixnad milatari oo lagu oggolaaday heshiisyo iskaashi oo dhinaca difaaca ah oo dhex maray Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in shixnadda markabku ay waafaqsanayd shuruucda Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah, ayna ku jireen qalab loogu talagalay xarunta tababarka ee TÜRKSOM ee Muqdisho. Dowladda ayaa intaa ku dartay in markabka ay sidoo kale saarnaayeen badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

“Qabashada sharci-darrada ah ee lagu hayo markabka MV Sea World waxay ku khasbaysaa Dowladda Federaalka inay qaaddo tallaabooyin amni oo sharci ah si loo xaqiijiyo badqabka maraakiibta si sharci ah ugu dhex socda biyaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Puntland oo difaacday afduubka

War-saxaafadeed gooni ah oo ay soo saartay, ayay Puntland ku xaqiijisay qabashada markabka, balse waxay iska fogeysay eedeymaha burcad-badeednimada. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in markabku uu soo galay biyaha Puntland isagoon is ogeysiin, uuna laba maalmood ku hakaday aag ay ka socdeen howlgalo amni, taasoo keentay shaki.

Wararku waxay sheegayaan in kalluumeysato deegaanka ah ay markii hore koreen markabka ka hor inta aysan soo faragelinin Ciidanka Badda Puntland. Maamulka Puntland ayaa tan iyo markaas bilaabay baaritaan ku aaddan shixnadda iyo dokumentiyada saaran, waxayna sheegeen inaysan markabka ka helin wax badeeco ganacsi ah — balse kaliya qalab ciidan.

Maamulka goboleedka ayaa sidoo kale xusay inay heleen su’aalo uga yimid ganacsato fadhigoodu yahay Muqdisho iyo safaaradda Turkiga, taasoo sii kordhisay shakiga ku saabsan halka ay shixnaddu ka timid iyo ujeeddadeeda.

“Puntland waxay soo dhaweynaysaa ka qaybgalka Dowladda Federaalka iyo Turkiga ee soo gabagabeynta baaritaankan,” ayaa lagu yiri bayaankooda.

Khilaafka ka dhashay markabka MV Sea World ayaa isku beddelay is-mari-waa dastuuri ah iyo mid diblomaasiyadeed oo ballaaran. Dowladda Federaalku waxay soo xiganaysaa Qodobka 54-aad ee Dastuurka KMG ah, kaas oo siinaya Muqdisho awoodda gaarka ah ee difaaca qaranka iyo amniga badaha. Waxay ku doodaysaa in Puntland aysan xaq sharci ah u lahayn inay qabato ama baarto shixnad milatari oo ay fasaxday dowladda dhexe.

Muqdisho ayaa sidoo kale cuskatay sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS), si ay qabashada markabka ugu sifayso fal burcad-badeednimo ah.

Dhanka kale, Puntland waxay ku adkaysanaysaa in tallaabooyinkeedu ay ku jiraan xuduuddeeda awoodeed, marka la eego joogitaanka markabka ee aag xasaasi ah oo xeebta ka tirsan iyadoon wax ogeysiin ah la bixin.

Iyadoo ay xiisaddu sii kordheyso, faragelinta Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Sharmaarke waxay cadaadis dheeri ah saaraysaa Puntland si ay uga fogaato iska hor-imaad dheeraad ah ayna u dhowrto waajibaadka caalamiga ah ee Soomaaliya saaran.

Xaaladda Beledxaawo oo ka sii dartay iyo JANAN oo…

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Beledxaawo oo maalin kahor ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa maamul-goboleedka Jubaland.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay maanta dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan halkaasi, iyaga oo wada is uruursi ciidan, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan Beledxaawo.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda bilaabay inay barakacaan, si ay uga fogaadaan in mar kale lagu kor dagaalamo, isla markaana ay waxyeello kasoo gaarto.

Taliyaha NISA ee Jubaland ee Cabdirashiid Janan oo ay dowladda Soomaaliya ka dirtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay in dagaalka ay hurinayaan mas’uuliyiinta Jubaland ee ku sugan degmada, gaar ahaan waxa uu carab-baabay Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdiga la socda, isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan arrimahaas, una fasaxaan shacabka isgaarsiinta.

Janan ayaa sidoo kale farriin u diray ciidamada Jubaland ee dagaalka ku jira, wuxuuna ugu baaqay inay isaga soo tagaan oo ay kusoo biiraan dowladda, si ay u helaan xuquuqda ka maqan.

“Waxaan in shacabka iyaga u xaqiijiyo dowladda iyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed uma dhisno in shacabkooda ay dhibaateeyaan qodobka kale ee saaxibadey leeyahay waxaa waayay war horaan u iri Axmed afduubayaal iyo dhibanayaal ay u ahaayeen wiilasha Soomaaliyeed oo ciidamada ah waxaan idin leeyahay arrintaan idin ma qabato” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Wiilashaan waxay rabaan darjo, xuquuq iyo dalacaad, waxay rabaan inay kamid noqdaan ciidanka qaranka oo ay galaan laamaha ciidamada”.

Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisaddaan loo dareemaa mar kasta oo la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

Askar ka tirsan ciidanka Puntland oo lagu dhex-dilay Garoowe kadib markii..

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahinnoo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa askar ka tirsanaa ciidamada Puntland oo maanta dil iyo dhaawac loogu gaystay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kadib shaqaaqo ka dhacday gudaha magaaladaasi.

Falkan oo sababay dhimashada laba askari iyo dhaawaca laba kale oo ka tirsan ciidamada dowladda hoose ee degmada Garoowe ayaa la sheegay inuu gaystay askari kale oo kamid ah ciidanka ilaalada nabad-gelyada waddooyinka, kaas oo ay is qabteen ciidamada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in askariga dilka gaystay uu ka carooday mooto Bajaaj ay ka xareeyeen ciidanka dowladda hoose, kadibna uu rasaas ku furay gaari ay wateen ciidamadaasi, taas oo sababtay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in askariga dilka geystey uu horay usii qaatay qorayga mid kamid ah “askarta uu dilay” isla markaana uu ka baxsaday goobta uu falka gaystay.

Ciidamo ka tirsan booliska ayaa si deg-deg ah goobta u gaaray, waxaana haatan socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu baadi goobayo eedeysanaha, si cadaaladda loo horkeeno.

Falkan ayaa argagax ku reebay dadka deegaanka, maadaama dilka uu ka dhacay bannaanka hoe ee xarunta Taraafikada gobolka Nugaal, halkaas oo ay ku sugnaayeen shacab badan, isla markaana la kulmay dhacdadaan sababtay dhimashada iyo dhaawac.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Puntland oo ku aadan falkan, waxaase weli soconayo baaritaano oo marka ay soo dhammaadaan kadib la faah-faahin doono.

Garoowe ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal iyo isku dhacyo ciidamada dhexdooda ah, kuwaas oo sababa khasaare kala duwan, waana arrimo marar badan soo laa laabtay.

Yurub iyo Mareykanka oo ka sii niyad-jabaya dowladda madaxweyne Xasan Sheekh

Nairobi (Caasimada Online) – In kasta oo balaayiin doollar oo taageero caalami ah la siiyey, haddana ciidanka Soomaaliya ayaa ku fashilmay wajihidda weerarro isdaba-joog ah oo bilooyin socday oo ay soo qaadeen kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaeda, waxaana sii yaraanaya samirka deeq-bixiyeyaasha, sida ay qortay wakaaladda wararka AFP.

Iyagoo adeegsanaya boqollaal dagaalyahan iyo gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo loo adeegsaday weerar ismiidaamin ah, ayay Al-Shabaab dib ula wareegeen magaalada Moqokori 7-dii Luulyo, taasoo ahayd tii ugu dambaysay ee guuldarrooyin isdaba-joog ah oo dowladda soo gaaray sannadkan.

Tani waxay siisay boos istiraatiiji ah oo dhanka juquraafiga ah oo ay weerarro uga soo qaadi karaan gobolka Hiiraan, laakiin sidoo kale waxay ahayd guul astaan weyn u ahayd oo ay ka gaareen maleeshiyo beeleed deegaanka ah oo ahayd “cududdii ugu fiicnayd ee dowladda” ee la dagaallamaysay Al-Shabaab, sida uu sheegay Cumar Maxamuud oo ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah (International Crisis Group).

Dowladda Soomaaliya waxay la dagaallamaysay kooxda Islaamiga ah tan iyo bartamihii 2000-meeyadii, waxaana awoodeedu ay ahayd mid is bedbeddelaysay, laakiin hadda waxay wajaheysaa xaalado is-biirsaday oo adag oo isugu jira taageeradii caalamiga ahayd oo sii yaraanaysa, ciidan niyad-jabsan iyo is-qabqabsi siyaasadeed oo gudaha ah.

Dowladda waxay ku tiirsanayd maleeshiyooyinka deegaanka, ee loo yaqaan “Macawisley,” olole guuleystay oo ay qaadday sannadihii 2022-23, kaasoo ay Al-Shabaab kaga qabsatay ilaa 200 oo magaalo iyo tuulo.

Laakiin weerar celiskii kooxda ee sannadkan ayaa horseeday inay dib u qabsadaan ilaa 90 boqolkiiba dhulkii ay lumiyeen, sida uu qiyaasay Rashiid Cabdi oo ka tirsan Sahan Research, oo ah xarun cilmi-baaris.

Magaalooyin loo malaynayey inay tusaale u noqdaan xasilinta, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Aadan Yabaal, ayaa gacanta ka baxay. Saddex buundo oo ku yaal Webiga Shabeelle, oo muhiim u ahaa saadka ciidanka, ayaa la burburiyey.

“Dhammaan dhulka ka soo bilaabma waqooyi-galbeed ilaa koonfur-galbeed ee Muqdisho, hadda waxaa si weyn u maamula Al-Shabaab,” ayuu Rashiid u sheegay AFP.

Ololihii Macawisleyda wuu burburay, ayuu yiri, sababtoo ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, “waxay ahayd mid aad ugu fashilantay la shaqaynta beelaha,” iyadoo beelo awood siisay kuwana aysan siin, taasoo ku salaysnayd eex siyaasadeed halkii ay ka ahayd baahida militariga.

“abaabulku si fiican ayuu u socday markii madaxweynuhu uu ka yimid Muqdisho si uu u bilaabo wejiga koowaad ee weerarka (sanadkii 2022). Qof walba si weyn ayuu uga qayb qaatay dagaalka… isagoo ka caawinayay ciidanka qaranka,” ayuu Maxamed Xasan, oo ah xubin ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee Hiiraan, u sheegay AFP.

“Hadda sidii hore ma aha sababtoo ah hoggaanku mar dambe kuma lug laha, waxaana u muuqda nidaam darro ku timid sida loo abaabulo maleeshiyooyinka bulshada,” ayuu raaciyay.

Ciidanka Qaranka Soomaaliya wax yar ayay ka qabteen sidii ay u joojin lahaayeen kooxda, taasoo aan la yaab ku ahayn ciidan “weli ku jira marxalad dhismo isagoo isla markaas isku dayaya inuu dagaal galo,” ayuu yiri Maxamuud, oo ah falanqeeyaha.

Qaybtooda ugu waxtarka badan oo ah cutubka kommandooska ee “Danab” ee Maraykanku tababaray, ayaa ku fiican dilidda mintidiinta laakiin kuma wanaagsana haysashada dhulka, waxayna la kulmeen khasaare niyad-jabiyey oo soo gaaray saraakiishooda, ayuu raaciyay Rashiid.

“Waxaan bilownay inaan aragno ciidan aan kaliya shaqeynayn, laakiin sidoo kale luminaya rabitaankii dagaalka,” ayuu yiri.

Dhibaatooyinkan waxay salka ku hayaan fowdada ballaaran ee siyaasadda Soomaaliya, taasoo dalabaadka is-bedbeddelaya ee beeluhu aysan weligood horseedin wax u dhow is-afgarad qaran.

Dowladda waxay ballan-qaadday riixitaan cusub oo militari, laakiin Madaxweyne Xasan diiraddiisu waxay saarnayd qabashada doorashadii ugu horreysay ee qof-iyo-cod ah ee dalka ka dhacda sannadka soo socda.

Taasi “ma dhici doonto,” ayuu yiri diblomaasi reer Galbeed ah, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. Xitaa Muqdisho, oo amnigeedu yahay kan ugu adag, “goob kasta oo codbixin waa la qarxin doonaa,” ayuu yiri.

“Waa nasiib darro in dareenka loo weeciyey arrimo siyaasadeed oo aan muhiimad lahayn oo aan amniga waxba u tarayn, halkii diiradda la saari lahaa xoojinta ciidamada qalabka sida,” ayuu madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed dhowaan u sheegay saxafiyiinta.

Al-Shabaab ma aysan qaadin weerar buuxa oo ay ku qaaddo caasimadda, laakiin si isdaba-joog ah ayay u muujisay joogitaankeeda.

Rasaasta goos-gooska ah ee lagu beegsado garoonka diyaaradaha ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid, ayuu yiri diblomaasiga, Madaxweyne Maxamuudna wuxuu si dirqi ah uga badbaaday weerar lagu qaaday kolonyadiisii meel ka baxsan madaxtooyada bishii Maarso.

Kooxda waxay sidoo kale maamushaa inta badan dhaqaalaha.

“Waxay ka canshuur badan qaaddaa dowladda. Gacmaheeda ganacsi waxay gaareen meel kasta,” ayuu yiri Rashiid. “Waa mid ka mid ah kooxaha kacdoonka wada ee ugu qanisan Afrika.”

Dhanka kale, taageerayaasha shisheeye ee dowladda ayaa ka samir-baxaya.

Midowga Yurub iyo Maraykanka waxay ku bixiyeen in ka badan $7 bilyan amniga Soomaaliya — gaar ahaan hawlgallo kala duwan oo uu hoggaaminayey Midowga Afrika — tan iyo 2007, sida lagu sheegay daraasad ay samaysay Hay’adda Daraasaadka Amniga ee Midowga Yurub.

Hawlgalkii hore ee Midowga Afrika wuxuu dhammaaday bishii Diseembar, laakiin isla markiiba waxaa qasab noqotay in lagu beddelo mid cusub — oo leh magac la soo gaabiyey oo ah AUSSOM — sababtoo ah ciidamada Soomaalida weli diyaar uma ahayn inay la wareegaan mas’uuliyadda.

“Waxa jira daal iyo niyad-jab badan oo dhanka deeq-bixiyeyaasha ah. Dadku waxay is weydiinayaan: ‘Maxaan ku iibsannay (lacagtii aan bixinnay) 10-kii sano ee la soo dhaafay?’ In la arko ciidankii oo cararaya iyo in qasab ay noqoto (in la sameeyo) AUSSOM waxay ahayd arrin aad ugu adag dadka,” ayuu yiri diblomaasiga.

Deeq-bixiyeyaasha, gaar ahaan Washington, ayaa ka caga-jiidaya inay sii wadaan maalgelinta hawlgalka Midowga Afrika.

Cumar Maxamuud wuxuu qiyaasayaa inay isku keeni doonto saddex meelood labo meelood maalgelinteeda sanadka 2025: “Ku filan in arrimuhu ay sii socdaan… laakiin waxaa iska cad inuu jiro hoos u dhac joogto ah oo xagga dhaqaalaha ah.”

Soomaaliya waxay heshiisyo la gashay saaxiibbo cusub sida Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Masar. Turkiga ayaa geeyey ilaa 500 oo askari, oo ay taageerayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), si ay u xoojiyaan amniga Muqdisho.

Laakiin waxay danaynayaan inay ilaashadaan maalgashiyadooda sida qorshaha xarun dayax-gacmeed oo Turkigu ka hirgelinayo, ayuu yiri Cumar Maxamuud, halkii ay ka hoggaamin lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Waxaan wajahaynaa xaalad aad u madow,” ayuu yiri Rashiid Cabdi.

© Agence France-Presse

Sawirro: Taliyaha ciidanka dhulka DF oo la soo tusay hubkii ugu casrisanaa dunida

0

Istanbul (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa ka mid ah saraakiisha sare ee ka qayb galaysa Bandhigga Caalamiga ah ee Hubka iyo Tignoolajiyada Milatariga ee IDEF 2025-ka.

Bandhiggaas ayaa ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo lagu soo bandhigay hub culus iyo gaadiid dagaal.

Bandhiggan oo ah mid sannadle ah oo lagu soo bandhigo tignoolajiyada ugu dambeysa ee dhanka difaaca iyo qalabka milatariga, ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya.

Saraakiishaan ka socda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay fursad muhiim ah u tahay Ciidanka Xoogga Dalka oo u baahan in ay helaan aqoon iyo agab kor u qaada awoodda iyo tayada ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya ayaa sheegay in ka qeybgalka Soomaaliya ee bandhiggaan uu yahay mid astaan u ah dib u dhiska ciidanka qaranka.

Wuxuu sheegay in iskaashi lala sameeyo dowladaha iyo shirkadaha horumaray ay muhiim u tahay sugidda amniga iyo difaaca qaranimada, isla markaana ay Soomaaliya muhiimad gaar ah siineyso taas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa ku hawlan dadaallo lagu horumarinayo ciidamada, si ay uga jawaabaan khataraha amni ee dalka ka jira.

Ciidamada Qaranka ayaa xiligaan dagaal socda ku dhowaad 20 sano kula jira kooxaha argagixisada ah, sidoo kale waxaa mar kasta la filan karaa in Soomaaliya uu soo wajaho duulaan dowlado kale uga yimaada.

Taliye ka badbaaday isku-day dil oo ay la rabeen Shabaab

0

Maxaas (Caasimada Online) – Taliye Xasan Faarax Guuleed oo kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee haatan howlgallada ka wada gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa ka bad-baaday isku day dil oo ay la damacsaneyd kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa la qarxiyay xilli uu ku sugnaa deegaanka Ceelgorof oo u dhow degmada Baxda ee gobolka Galgaduud, waxaana qaraxa uu haleelay gariigiisa, balse waa uu ka badbaaday.

Taliye Xasan Faarax Guuleed oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa sheegay in gabi ahaan uu  burburay gaarigiisa, balse isaga iyo askartii la socotay aysan waxyeelo ku gaarin.

“Aniga wax isoo gaaray ma jiraan Alle dilo ayaa dhinto qaraxa way i dhigeen gaariga waa la kacay, ilaaheyna waa iga badbaadiyay marka been waayay waxa ay sheegayaan” ayuu yiri Taliye Xasan Faarax Guuleed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Gaariga waa baaba’ay waxay ogaanaayaan in iyagu aysan wax dili karin, gaariga illaa 7 qofood ayaa saarneyd hal qof oo uu dhaawac ku gaaray ma jirto dabeyl ayaa ilaahey nooga dhigay” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ay sii wadi doonaan howlgalka, ujeedkana uu yahay in Al-Shabaab laga saaro dhulkaasi, si looga dulqaado dhibaatada ay ku hayaan shacabka.

Qaraxa oo uu ka badbaaday taliyaha ayaa dhacay, xilli ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ay howlgal culus ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Ceelgorof, halkaas oo khasaare lagu gaarsiiyay argagixisada.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

“Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa xiligaan ka socda deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aaggaas. Howlgalkaan ayaa khasaare culus lagu gaarsiiyey cadowga, iyadoo la burburiyey gaadiidkii ay wateen iyo goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, howlgalladan ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii lasoo dhaafay ay abaabullo culus ka socdeen deegaannada Galmudug iyo HirShabelle, kuwaas oo ka dhan ah Shabaab.

Catherine Shakdam – Waa tuma ‘gabadha Mossad-ka ah’ ee ku milantay madaxda Iran?

Tehran (Caasimada Online) – Catherine Shakdam ayaa qabsatay warbaahinta Iiraan kaddib markii musharraxii hore ee madaxtinnimada ee isbeddel-doonka ahaa, Mostafa Kavakebian, uu ku eedeeyay inay si qarsoodi ah ugu dhex milantay hay’adaha xasaasiga ah ee dalkaas, iyadoo xiriirro jinsi la yeelatay 120 mas’uul oo sarsare.

Kavakebian ayaa eedaymahan culus ku sheegay waraysi telefishan laga sii daayay 10-kii Luulyo, 2025. Warbaahinta dawladda Iiraan ayaa ku tilmaantay eedaymahaas “kuwo anshax-xumo ah oo been abuur ah,” halka Xafiiska Xeer-ilaalinta Tehran uu kaga jawaabay inuu dacwad uga gudbiyay “kicinta dareenka dadweynaha,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Mizan oo hoostagta awoodda garsoorka.

Qoraa iyo falanqeeye

Catherine Perez-Shakdam waxay ku dhalatay dalka Faransiiska sanadkii 1982, waxayna ka soo jeeddaa qoys Yuhuudi ah oo cilmaani ah. Waxay haysataa shahaadada koowaad ee jaamacadda (bachelor’s degree) ee cilmi-nafsiga iyo labo shahaado oo heerka labaad ah (master’s degrees)—mid waa maaliyadda oo ay ka qaadatay Jaamacadda London, tan kalena waa isgaarsiinta. Waxay xiisaysaa siyaasadda iyo arrimaha Bariga Dhexe, waxayna ku hadashaa shan luqadood.

Intii ay wax ka baranaysay Jaamacadda London, waxay la kulantay ninkii ay mustaqbalka is guursadeen, kaasoo ahaa Muslim Sunni ah oo ka soo jeeda Sanca, Yemen. Lix bilood kaddib ayay is guursadeen, iyadoo markaas da’deedu ahayd 18 jir. Waxay isu dhaleen labo carruur ah, balse markii dambe way kala tageen sanadkii 2014, iyadoo la wareegtay xannaanada carruurteeda.

Mar ay ka hadlaysay waayo-aragnimadan, Catherine waxay sheegtay in guurkeeda nin Muslim ah oo Yamani ah uu geliyay qalbiga dunida Islaamka. Shaqadeeda Bariga Dhexe iyo kaalinteeda falanqeeye siyaasadeed waxay siiyeen aragti gaar ah, xitaa naadir ah—gaar ahaan sida qofku u lumin karo haybtiisa marka uu la kulmo Yuhuud-naceyb nidaamsan.

Bogga ay ku leedahay wargeyska The Times of Israel ee afka Cibraaniga ku qoran, waxay ku sheegtay inay ka go’an tahay inay la wadaagto waayo-aragnimadeeda iyo aragtideeda ku aaddan mowduucyada adag sida xagjirnimada Islaamiga ah, argagixisada, iyo Yuhuud-naceybka.

Marka laga soo tago qoraallada ay u qorto wargeyska Israa’iil, waxay sidoo kale agaasime ka tahay Horumarinta Istiraatiijiyadda iyo agaasimaha fulinta ee Madasha Siyaasadda Israel (Israeli Policy Forum). Waagii hore, waxay cilmi-baare ka ahayd hay’adda Henry Jackson Society, la-taliye u ahayd Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay arrimaha Yemen, iyo khabiir ku takhasustay Iiraan, argagixisada, iyo xagjirnimada Islaamiga ah.

Wargeyska Israa’iil wuxuu ku tilmaamaa inay tahay falanqeeye siyaasadeed oo caan ah oo si weyn uga hadashay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Waxay ka mid ahayd codadkii ku baaqayay in Boqortooyada Midowday (UK) ay u aqoonsato Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan urur argagixiso.

Sanadkii 2024, Shakdam waxaa loo doortay agaasimaha ururka “We Believe in Israel,” oo ah koox fadhigeedu yahay UK oo ka shaqaysa xoojinta taageerada siyaasadeed, tan warbaahineed, iyo tan bulsho ee loo hayo “Israa’iil,” iyadoo dhisaysa isku xir ballaaran oo ka kooban taageerayaal Yuhuud iyo kuwa aan Yuhuud ahayn.

Shiico muslimad ahayd

Hadalka ku saabsan in Shakdam ay u shaqaynaysay “Israa’iil” wuxuu billowday kaddib markii ay ka tagtay Iiraan. Markii ay ka soo tagtay, waxay beddeshay mowqifkeedii, waxayna si furan u billowday inay dhaleecayso xukuumadda Iiraan iyadoo adeegsanaysa maqaallo ay ku daabacday The Times of Israel—waana mowqif ay ilaa maanta ku taagan tahay.

Sanadkii 2021, waxay dhalisay dood weyn kaddib markii ay wargeyska Israa’iil ku daabacday maqaal ra’yi ah, kaasoo ay ku qeexday waayo-aragnimadeedii Iiraan. Maqaalka, waxay kaga digtay Yuhuud-naceybka iyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan. Waxay xustay in ilo-wareedyo qaar ay ku tilmaameen “basaasad Israa’iili ah,” laakiin way beenisay eedaymahaas.

Intii ay joogtay Iiraan—inta u dhaxaysay 2015 iyo 2018—Shakdam waxay isku muujin jirtay inay tahay haweeney Muslimad ah oo aaminsan mabaadi’da Shiicada. Sawirro badan ayaa muujinaya iyadoo ka qaybgalaysa munaasabado diimeed sida Arbaciiin, oo ay ku jirto sawir ay la gashay Zaynab, oo ah gabadhii taliyihii hore ee ciidanka Qudus, Qassem Soleimani.

27-kii Maarso, 2018, kanaalka “Thuluth” ee barta Telegram—oo xiriir la leh dad ku dhow madaxweynihii hore ee Iiraan, Mahmoud Ahmadinejad—ayaa soo dhigay sawirka Shakdam. Qoraalka la socday wuxuu sheegayay inay qoraa ka ahayd website-ka rasmiga ah ee Ayatollah Khamenei iyo inay tahay qof saameyn ku leh nidaamka Israa’iil, wuxuuna intaas ku daray inay saameynteeda Iiraan ku kashiftay maqaal ay u qortay The Times of Israel.

Intaas kaddib, isla kanaalkaas wuxuu soo dhigay qoraal kale: “Isla markii uu warkani faafay, qaar badan oo ka mid ah wakaaladaha wararka Iiraan waxay billaabeen inay tirtiraan maqaalladii ay qortay Shakdam. Warbaahinta iyo shakhsiyaadka qaar—oo ay ku jiraan dad ka tirsan Ilaalada Kacaanka oo hore u waraystay—waxay isku dayeen inay iska fogeeyaan oo ay beeniyaan xiriir kasta oo ay la lahaayeen.”

Intaanay taasi dhicin, warbaahinta Iiraan waxay dhowr jeer u waraysatay sidii falanqeeye siyaasadeed. Waxaa ka mid ahaa Press TV, oo ah kanaalka afka Ingiriisiga ku hadla ee warbaahinta rasmiga ah ee dawladda Iiraan.

Waxay sidoo kale waraysi u qaadday kanaalka rasmiga ah ee Ruushka ee RT, madaxweynihii hore ee Iiraan Ebrahim Raisi, xilligii uu u tartamayay xilka sanadkii 2017, isagoo markaas ahaa madaxa hay’adda Astan Quds Razavi.

Shakdam waxay sidoo kale maqaallo ku daabacday warbaahinta muxaafidka ah ee Iiraan sida wargeyska Kayhan, iyo wakaaladaha wararka ee Tasnim iyo Mehr. Waxaa loo soo bandhigay inay tahay saxafiyad taageersan “Isbahaysiga Muqaawamada.” Muddo, waxay la-taliye dhanka warbaahinta ah u ahayd qaar ka mid ah hay’adaha rasmiga ah ee Iiraan, waxayna ka qaybgashay kulamo diimeed.

Intaas kuma ekaan—waxay xitaa maqaallo ku daabacday website-ka rasmiga ah ee Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei. Si kastaba ha ahaatee, maqaalladaas waa la tirtiray kaddib markii ay The Times of Israel ku qortay safarkeedii Tehran.

‘Basaasad Mossad ah’

Iyadoo ka jawaabaysa eedaymaha basaasnimada ee soo baxay kaddib markii ay beddeshay mowqifkeedii ku aaddanaa Iiraan, Shakdam way beenisay eedaymahaas intii lagu guda jiray waraysi ay siisay barnaamijka 60 Daqiiqo ee BBC Persian 28-kii Maarso, 2022. Waxay tiri, “Anigu ma ihi basaasad u shaqaysa dawladna—Iiraan waxaan u aaday anigoo falanqeeye ah.”

Waxay kaloo sheegtay in wakhtigaas aysan weligeed tagin “Israa’iil,” aysanna waligeed la xiriirin mas’uuliyiinta Iiraan. Taas beddelkeeda, iyagaa la soo xiriiray “danahooda dacaayadeed awgood” oo ku casuumay inay ka soo qaybgasho Shirka Falastiin. “Anigu cidna ma eryan—iyagaa i eryaday,” ayay tiri.

“Weligeey iskumana dayin inaan si dhuumasho ah ku galo warbaahinta Iiraan ama aan helo marin aan awoodda ugu dhowaado. Iyaga ayaa i weydiistay inaan qoro falanqeynno oo aan waraysiyo bixiyo. Shirka Falastiin way igu casuumeen, waanan aaday. Iiraan mar walba anigay ila soo xiriirtay. Anigana fursad ayay ii ahayd. Ma doonayo in dadku u maleeyaan inaan ka faa’iidaystay.”

Markii la weydiiyay inay ka warqabtay khatarta ay leedahay u safarka Iiraan, Shakdam waxay sheegtay inay dalka ku gashay baasaboorkeeda Faransiiska. Waxay tiri mas’uuliyiinta Iiraan way ogaayeen inay Yuhuudiyad tahay, laakiin ninkeeda Muslimka ahaa iyo shaqadeeda awgood, cidina kama shakin. “Waxay ii arkayeen qalab dacaayad ah oo ay danahooda ku fushanayaan,” ayay tiri.

Shakdam, oo lagu arkayay iyadoo xijaaban Iiraan, kuna xiratay waraysiyada telefishannada Iiraan iyo meelo kale, ayaa isbeddelka labiskeeda ku sharraxday: “Markaad u safrayso Iiraan, waa qasab inaad xirato xijaabka.”

Waxay intaas ku dartay in ninkeedu ahaa Muslim Yamani ah, ayna xijaabka u xiratay ixtiraamka qoyskiisa awgiis. Wayna iska dhigtay kaddib markii ay kala tageen. Waxay sidoo kale beenisay in ninkeedii hore uu xiriir la lahaa xukuumadda Iiraan, iyadoo tiri, “Waa Sunni oo si weyn uma xiiseeyo Iiraan. Xaqiiqdii, qoraalladii aan u qoray warbaahinta Iiraan waxay abuureen khilaaf dhexdeena ah.”

Markii la weydiiyay sababta ay ugu adkaysatay inay si dhow ula socoto xukuumadda Iiraan, waxay sheegtay inay doonaysay inay ogaato inay ka soo horjeeddo dhammaan Yuhuudda ku nool Israa’iil, ama kaliya xukuumadda Israa’iil. “Nasiib darro,” ayay tiri, “waxaan ogaaday inay dhibaato ku qabaan guud ahaan Yuhuudda—kaliya ma ahan xukuumadda Israa’iil.”

Maqaal ay u qortay The Times of Israel, Shakdam waxay ku andacootay in Tehran “ay doonayso inay hesho bambo nukliyeer ah.” Hase yeeshee, waxay ku nuuxnuuxsatay inaysan haynin wax macluumaad sir ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan, taasina ay tahay aragtideeda shakhsiga ah iyo sida ay u aragto xukuumadda Iiraan.

Waxay sidoo kale beenisay inay xiriir dhow la lahayd mas’uuliyiinta Iiraan, waxayna tiri weligood wax sir ah lama aysan wadaagin. Waxay intaas ku dartay, “Hadalladan waxay u adeegsanayaan kaliya inay aniga igu dhaleeceeyaan. Dhib kuma qabo taas—laakiin markay sidaas samaynayaan, waxay dhab ahaantii kashifayaan shakiga iyaga laftooda ku jira.”

“Way iska caddahay in Shakdam ay tahay basaasad Mossad ah, Mossad lafteedana ay soo agaasintay waraysigeeda BBC Persian,” ayuu khabiirka amniga ee Iiraan, Fouad Sadeghi, ku daabacay Ensaf News 28-kii Nofeembar, 2022.

“Ficil-celinta ugu horreysa ee sirdoonka Iiraan marka ay la kulmaan fal dhex-gal ah,” ayuu yiri, “waa inay inkiraan dhacdada oo dhan oo ay aasaan arrinta”—jawaabtaas oo uu ku andacooday inay kashifayso ceebo qoto dheer oo ku jira hay’adaha amniga ee dalka.

Sadeghi wuxuu si kulul u dhaleeceeyay sirdoonka Iiraan, isagoo yiri “hal hay’ad oo keliya kama aysan digtoonaan wixii dhacay.” Wuxuu ku dooday, daciifnimo nidaamsan iyo awood la’aan lagu aqoonsado dembiilayaasha dhabta ah awgeed, mas’uuliyiintu waxay inta badan ku dhaqaaqaan inay eedda dusha u saaraan shakhsiyaad aan waxba galabsan ama kuwa heerka hoose ah iyadoo la adeegsanayo handadaad iyo qasab, xitaa haddii aysan wax lug ah ku lahayn kiiska.

“Waraysiga Shakdam ee BBC wuxuu kaliya u adeegay danaha dadka ay xiriirka la leedahay, waxayna si cad u sheegtay inaysan kashifi doonin aqoonsigooda.”

Kaddib weerarkii ugu dambeeyay ee “Israa’iil” ay ku qaadday Iiraan, kaasoo socday 12 maalmood laga billaabo 13-kii Juun, 2025, Shakdam waxay qortay maqaal cinwaankiisu ahaa Caqiidada Kamikaze ee Iiraan: Ismiidaamin Istiraatiiji ah oo looga Hortagayo kaasoo ay ku andacootay in Jamhuuriyadda Islaamiga ahi aysan amnigeeda ku dhisin badbaado, balse ay ku dhisto shahiidnimo iyo burbur.

“Kaliya marka la kashifo, la carqaladeeyo, lana hub ka dhigo mashiinka is-burburinta ee Iiraan ayaan ka hortagi karnaa masiibada ugu weyn: nidaam, oo daacad u ah aragtidiisa qiyaameed, oo guriga oo dhan gubaya intii uu arki lahaa cid kale oo qabsanaysa.”

Maxaa ku hoos jira dhaqaaqa Puntland ee Badda Cas?

Maamul Goboleedka Puntland ee Bariga Soomaaliya, ee la dhisay 1998-kii ka dib burburkii Dowladdii Kacaanka Soomaaliya, ayaa siyaasiyiinta maamulkaasi ku faanaan in Puntland tahay hooyada Federaalka Soomaaliya. Hadda waxaa jira khilaaf soo noqnoqda oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo ku dhow 20 sano, iyadoo xilka madaxweynaha Soomaaliya ay isku bedeleen ilaa 4 madaxweyne.

Iyadoo ay jiraan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo DFS oo soo jiitamayay muddo dheer, ilaa laga soo gaaro dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, khilaafaadkaas oo u badan fasiraadda nidaamka federaalka iyo qodobo dastuuriga ah oo la xiriira awoodaha maamulada federaalka xubinta ka ah iyo kuwa dowladda dhexe, kuwaasi oo ah wax dabiici ah isla markaana aan kicin dareen cadownimo ama mid qaran lid ku ah. Balse khilaafka labada dhinac ayaa yeeshay waji cusub oo u muuqda mid cunaqabateyn dhanka badda ah oo Puntland ay kula dagaallameyso Dowladda Federaalka, ka dib markii Puntland ay Badda Cas kasoo qabatay markab sida hub casri ah oo ku socday Dowladda Federaalka Soomaaliya kuna sii jeeday Dekedda Muqdisho.

Haddaba, si loo fahmo sababaha khilaafka, waxaan u baahanahay inaan dib ugu noqono sanadkii 2022, xilligii doorashada. Bishii May, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu xulafo la ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh si loo jabiyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khilaaf soo jiitamayay dhowr sano uu kala dhaxeeyay Saciid Deni, taasi oo ugu dambeyn hirgalay ka dib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleystay madaxtinimada isagoo garab weyn oo siyaasadeed iyo mid maaliyadeed ka helay Madaxweynaha Puntland, oo ujeedkiisu ahaa inuu xilka Ra’iisal Wasaaraha u keensado qof isaga soo xusho. Balse Madaxweyne Xasan Sheekh oo ogaa in Dowladda Federaalka ay la kulmeyso culeys siyaasadeed oo uga yimaada labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland, ayaa u weecday dhanka Jubbaland inuu xilka Ra’iisal Wasaaraha ku qanciyo, isagoo magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ah saaxiibkiisa siyaasadeed kana tirsanaa xisbigiisii UPD. Halkaas ayuuna ka bilowday khilaafka labada hoggaamiye ee Saciid Deni iyo Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo aan dhaafsaneyn dano shakhsiyeed iyo siyaasadeed isku dhex jira.

Isku dayo fara badan oo guul daraystay kadib, dowladda Federaalka ayaa ciyaartay qorshe cusub waxayna aqoonsi siisay Maamulka SSC Khaatumo, kaasoo dagaal la galay Somaliland kana saaray ciidamada SL dhulal fara badan oo gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn ka tirsan, iyadoo uu tagay magaalada Laascaanood Ra’iisal Wasaaraha Xamse Cabdi Barre. Qorshahaas oo ujeedkiisu yahay in laga maarmo maamulka Puntland sidoo kalena la saaro culeys siyaasadeed oo uu waayo dhulal hore uga tirsanaa dhulka uu ka taliyo. Markii hore Puntland ay taageereysay SSC Khaatumo dagaalka ay kula jirtay Somaliland, iyadoo ujeeddada Puntland ahayd in maamulka SSC Khaatumo uu noqdo mid ay Puntland dhisato oo kusoo biira xulafadooda siyaasadeed ee Federaalka. Balse DFS ayaa uga awood badatay ugana guuleysatay damacaasi, taas oo keentay Puntland inay isu rogtay dhanka kale oo ay ku dhawaaqdo inaysan aqoonsaneyn SSC Khaatumo, isla markaana caqabad ku noqoto dhismaha maamulkaasi.

Cunaqabateynta badeed

Maamulka Puntland ayaa dhawaan Badda Cas kasoo qabtay markab sita calanka Comoros, kaasoo sidday hub casri ah oo ay ku jiraan gaadiidka gaashaaman ee ciidanka, dab-damisyo iyo qalab kale oo milatari, kuwaasi oo dowladda Turkiga ay u soo waday Soomaaliya si ay sare ugu qaaddo awoodda dhanka hubka ee ciidamada Soomaaliya oo Turkigu aad u taageero. Warar kala duwan ayaa kasoo baxayay sababaha keenay in ciidamada PMPF ee difaaca xeebaha Puntland ay markabkaasi kasoo kaxeeyaan xeebta deegaanka Bareeda ee gobolka Bari, ayna kusoo xiraan Dekedda Boosaaso. Wararka qaar ayaa sheegay inay cilad soo wajahday markabka, taasoo keentay in lasoo badbaadiyo sida hadalka loo dhigay, balse taas waxaa diiday in isla markabku uu yimid Boosaaso isla maalintii xigtay, ayna jirin in lasoo jiiday, sidoo kalena aysan Puntland laheyn inta la ogyahay markab soo jiidi kara maraakiibta noocaas ah oo culeyska fara badan qaada, laftiisuna ah mid culus, bedkiisuna yahay 80 mitir dheer, balaciisuna yahay 13 mitir, kaasi oo maamusho shirkadda General Cargo oo fadhigeedu yahay UK.

Falcelinta dowladda federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya illaa hadda wax jawaab ah kama bixin arrinta la xiriirta markabka Sea World ee Puntland ay gacanta ku dhigtay. Wasiirka difaaca Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo si kedis ah loo weydiiyay inuu ka warbixiyo markabkaasi ayaa wax jawaab ah bixin, isaga oo dhaqaaqay wariyaha, taasoo muujineysa in DFS aysan diyaar u ahayn xiligan inay ka hadasho arrinta markabka, ayna ka fekereyso sida ay u wajihi laheyd arrintan oo u muuqata mid ay kala kulmeyso culeys xooggan oo isugu jira mid caalami ah iyo mid maxalli ah.

Doorka dowladaha shisheeye

Falkan qabsashada markab xamuul oo marayay biyaha caalamiga ah ee Badda Cas ee xeebaha Soomaaliya ayaa u muuqda mid aad loo qorsheeyay, ayna ku lug leeyihiin dowlado shisheeye oo doonaya inay fashiliyaan horumarka Soomaaliya dhinaca difaaca, siyaasadda, iyo dhaqaalaha intaba, sidoo kalena ka shaqeynaya iska horkeenidda saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya si ay iyagu uga faa’iideystaan kala qeybsanaanta dalka. Dowladda lagu tuhunsan yahay inay maleegtay qorshahan marka loo eego sooyaalkeed fara-gelinta Soomaaliya waa Imaaraadka Carabta (UAE), oo xulafo siyaasadeed la ah Maamulka Puntland, sidoo kalena ka sameysatay Puntland mashaariic dhaqaale oo ay kamid tahay shirkadda DP World ee maamusha Dekedda Boosaaso. Heshiiskaas oo UAE ku bixisay malaayiin doolar, taa bedelkeedana ay ka macaashato boqolaal milyan oo doolar, heshiiskaasi sharci ahaan mugdi ku jiro maadaama aan ogolaansho iyo tali gelin looga helin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo awood gaara u leh gelidda heshiisyada noocaan ah oo lagu wareejinayo maamulka dekedaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya marka ay timaado maamulid shisheeye oo deked ka mid ah dekedaha Soomaaliya la wareegaysa, taasoo Imaaraadka iyo Puntland ay si ula kac ah uga aamusaan.

Muxuu yahay ujeedka?

Sida aan wada ognahay, dowladaha Soomaaliya waxay gaareen sanadihii u dambeeyay guulo siyaasadeed oo waaweyn, kuwaasi oo dalka Soomaaliya kusoo celiyay saaxadda siyaasadda caalamiga ah. Guulahaas ugu weyn waxaa ka mid ah qaadidda cunaqabateynta hubka, cafinta deymaha, ku biirista ururka dhaqaalaha Galbeedka Afrika, iyo ku fadhiisashada kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Guulahaas ayaa horseedaya in Soomaaliya ay gasho xaalad deganaan siyaasadeed iyo mid dhaqaale, sidoo kalena ay awood u yeelato inay hub soo iibsato si ay uga adkaato kooxaha nabad diidka ah ee al-Shabaab, isla markaana ay ilaaliso xuduudaha dalka ayna yeelato ciidan awood leh. Sidoo kale, ay sameyso horumar dhaqaale iyadoo heleysa mashaariic maalgashi caalami ah oo lagu sameeyo kheyraadka dalka ee dhanka beeraha, xoolaha, kalluunka, macdanta, saliidda, iyo gaaska oo hadda howlahaasi bilowdeen, iyadoo dowladda Turkiga ay sahminta shidaalka iyo saliidda ka waddo xeebaha Soomaaliya, taasoo abuurtay sida dabiiciga ah tartan dowladaha shisheeye ee ka faa’iideysiga kheyraadka Soomaaliya kaasi oo u dhaxeeya dowladaha Imaaraadka iyo Turkiga, kanaasi oo saameyn togan ku yeeshay siyaasadda Soomaaliya, isla markaana abuuray xiisad hor leh.

Dowladda Imaaraadku waxay maal-gashatay Puntland maadaama Turkigu uga hormaray dowladda dhexe ee Muqdisho, isla markaana yahay taageeraha ugu weyn ee Soomaaliya. Waxayna Imaaraadku ka shaqeynaysaa in Turkigu uusan soo gaarin gobollada kale oo uusan ballaaran, sidoo kalena waa dal ka mid ah kuwa Khaliijka ugu soo saarita badan shidaalka. Waxayna ka cabsi qabtaa in Soomaaliya suuqa shidaalka ku ciriiriso, iyadoo dadaalkeeda ugu badan ku bixineysa fashilinta horumarinta Soomaaliya. Hadafkeeda ugu weyn waa in dib-u-eegis lagu sameeyo lagana laabto qaadidda cunaqabateynta hubka Soomaaliya, taasoo u muuqata mid ku dhow inay u hirgasho haddii Dowladda Federaalka aysan la imaan qorshe ka hortagi kara, waliba si degdeg ah.

Maxaa la gudboon DFS?

Dowladda Soomaaliya waxay leedahay hawl adag oo ah inay maareyso xasaradda taagan, sidoo kalena ay joojiso fara-gelinta Imaaraadka taasoo haddii ay ku guuleysato ay Imaaraadku weynaanayo galaangalka uu ku leeyahay Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waa inay qaadataa tallaabo geesinimo leh, isla markaana ay dalka ka ceyrisaa dowladda Imaaraadka gabi ahaanba, haddii ay noqoto hay’adaha dalkaasi ka socda iyo safaaradooda, iyadoo loo marayo habraacyada diblomaasiyadeed ee ku habboon. Sidoo kale, Dowladda Federaalka waa inay raadisaa wadiiqooyin siyaasadeed oo ay wada hadal kula gasho Puntland, maadaama tabashooyinkoodu siyaasad ku saleysan yihiin, ayna u sameyso tanaasul intii macquul ahayd, maadaama shisheeyuhu ka faa’iideysto markii la xiro wadiiqooyinka siyaasadeed ee wada-hadalka.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka waa inay war ka soo saartaa arrinta markabka hubka, ayna kala caddeysaa qaabka socdaalkiisa, cidda soo dirtay, iyo ujeedka socdaalkiisa. Aamusnaanta Dowladda Federaalka waxay abuureysaa shaki la xiriira sharci ahaanta socdaalka markabka, taasina waxay dhaawac gaarsiineysaa sumcadda Soomaaliya, sidoo kalena waxay abuureysaa kalsooni darro caalamka ka qaado Dowladda Soomaaliya la macaamilkeeda, taasina waxay dhabar jab ku tahay horumarka Soomaaliya ee curdunka ah.

Si Dowladda Federaalka u ilaaliso shuruucda dalka waa inay dhameystirtaa nidaamka garsoorka dalka, isla markaana xayiraadda ka qaaddo dhismaha Maxkamadda Dastuuriga oo ah tiirka garsoorka dalka isku hayaaya oo madax banaan, kaasoo cidna aysan siyaasadeyn karin. Maqnaanshaha Maxkamadda Dastuuriga oo eedeeda ay leeyihiin hoggaanka sare ee DFS maadaama ay jireen haddana jiraan fursado badan oo lagu dhisi karo, balse mar kasta dib loo dhigo!

Maamulka Puntland haddii uu diido xalka wada-hadalka, dhowrista madax banaanida JFS, iyo shuruucda dalka, waa in laga qaado tallaabo sharci oo mideysan, haddii kale waxaa calaamad su’aal gelinaysa jiritaanka qaranka Soomaaliya, mas’uuliyaddana waxaa leh Dowladda Dhexe.

W/Q. Bashiir Sheekh Maxamed Malin
Muqdisho, Soomaaliya

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Dagaal culus oo ka dhacay Ceelgorof + Khasaaraha

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacat deegaanka Ceelgorof oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo dhex-maray ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay howlgal ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

“Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa xiligaan ka socda deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aaggaas” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaaday in jab culus la gaarsiiyay Khawaarijta, isla markaana la burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen xubnaha la weeraray ee ku sugnaa aagga deegaanka lagu magacaabo Ceelgorof ee gobolka Galgaduud.

“Howlgalkaan ayaa khasaare culus lagu gaarsiiyey cadowga, iyadoo la burburiyey gaadiidkii ay wateen iyo goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadedka.

Dhinaca kale, howlgal kale oo ka dhacay koonfurta Mudug, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Cadaley ayaa waxaa lagu dilay illaa 10 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, waxaana howlgalkaas qaaday ciidamo deegaan ah oo is abaabulay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan haatan laga dareemayaa gobollada dhexe ee dalka oo ay ka socdaan guluf ka dhan ah argagixisada, waxaana sidoo kale qayb ah ciidamada Ahlu Sunna Wajamaaca oo dhankooda dhowaan ku biira dagaalka.

Si kastaba, howlgalladan ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii lasoo dhaafay ay abaabullo culus ka socdeen deegaannada Galmudug iyo HiShabelle, kuwaas oo ka dhan ah Shabaab.

Deni’s defiance: Hijack gambit must not go unpunished

Muqdisho (Caasimada Online) – In a brazen act of defiance that has plunged Somalia into its most severe constitutional crisis in years, Puntland President Said Abdullahi Deni has orchestrated the seizure of a vessel carrying critical military equipment for the national army.

The move is being widely condemned as a reckless and calculated power play, escalating a political dispute into a direct challenge to the Somali state and threatening to unravel years of fragile progress toward stability.

The interception of the M/V SEA WORLD on July 18 is far more than a simple maritime incident; it is a physical manifestation of President Deni’s long-standing opposition to the federal government — a dangerous gambit that advances his regional ambitions at the expense of national security and constitutional order.

A flagrant constitutional breach

The Federal Government of Somalia (FGS) has unequivocally denounced the seizure as an illegal “hijacking” and an act of “piracy”. The government’s position is anchored in the supreme law of the land. Article 54 of Somalia’s 2012 Provisional Constitution explicitly states that the allocation of powers for “Foreign Affairs” and “National Defense” rests exclusively with the federal government. The shipment aboard the SEA WORLD, part of a bilateral defense agreement with Türkiye, falls squarely under this mandate.  

By ordering his forces to seize a vessel carrying a legitimate, internationally-backed military shipment for the Somali National Army, President Deni has flagrantly violated the nation’s constitution and usurped powers that are not his to claim. This is not a matter of legal ambiguity — it is a direct and deliberate assault on the foundational principles of the Somali federal system.  

This provocative act is the culmination of a consistent pattern of defiance from Deni’s administration. The crisis was set in motion in March 2024, when President Deni, having boycotted national constitutional talks, led Puntland to withdraw its recognition of all federal institutions.

The withdrawal was a reaction to constitutional amendments passed by the federal parliament, which Puntland claimed were illegitimate. In its declaration, Puntland announced it would “exercise the powers of an independent State” — a threat it has now made good on with military force.

Critics point to Deni’s history of political maneuvering as evidence of a broader authoritarian streak. In 2023, his attempts to unilaterally change Puntland’s own electoral system were widely perceived as a “power grab” designed to extend his rule, sparking deadly clashes in the state capital, Garowe.

His administration has also engaged in its own foreign policy, holding meetings with Ethiopian officials without the federal government’s knowledge or consent — further cementing the impression of a leader determined to operate outside the national framework.  

Sabotaging the nation

While Deni’s administration attempts to justify the seizure under the guise of regional security, his actions have directly sabotaged the national fight against the al-Shabaab insurgency. The intercepted cargo was destined for the Turkish-run TÜRKSOM base in Mogadishu, a cornerstone of the international effort to build a professional Somali National Army.

Camp TÜRKSOM is Türkiye’s largest overseas military facility and is responsible for training the elite, Turkish-trained “Gorgor” (Eagle) commando battalions — among the most effective units fighting al-Shabaab. By halting this critical shipment of armored personnel carriers and anti-aircraft guns, Deni is actively impeding the strengthening of the very forces on the front lines of the war against terrorism.  

The chaotic nature of the seizure has further undermined security. In the immediate aftermath of the interception, reports confirmed that local civilians had looted some of the light weapons from the vessel, spreading illicit arms into a volatile region. This dangerous outcome directly contradicts Puntland’s stated goal of enhancing security and highlights the reckless consequences of Deni’s actions.

Even more alarmingly, Puntland’s presidential spokesperson has claimed that some of the weapons on board belonged not to the government, but to private arms dealers in Mogadishu who had contacted them to request the vessel’s release. This assertion — if true — suggests a murky affair that goes beyond a simple state-to-state transfer, and raises serious questions about arms proliferation that Deni’s administration has now inserted itself into.

A dangerous precedent

President Deni’s decision to hijack a national security asset for political leverage represents a grave miscalculation with potentially catastrophic consequences. It is an attack on the constitutional order, a betrayal of the national effort against terrorism, and a destabilizing action that threatens to plunge Somalia back into the widespread conflict it has fought so hard to escape.

The incident sets a hazardous precedent for other federal member states. If Puntland’s challenge succeeds without significant consequence, it could embolden other regional leaders — such as those in Jubaland, who have also had tense standoffs with Mogadishu — to follow suit.

This could lead to the progressive fragmentation of the Somali state, with each coastal region asserting its own authority and potentially creating a patchwork of competing fiefdoms.

As the M/V SEA WORLD sits under guard in Bosaso, it stands as a stark symbol of how the political ambitions of a single regional leader can jeopardize an entire nation’s security and unity.

The international community and the Somali people are now watching to see if this act of constitutional defiance will be allowed to stand — or if the rule of law will prevail over the politics of fragmentation.

Daawo: Puntland oo faah-faahin yaab leh ka soo saartay baaritaanka markabka hubka

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxtooyada Puntland ayaa si rasmi ah uga jawaabtay hadalkii kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku eedeysay in Puntland burcad-badeednimo kula kacday markabka MV Sea World, iyadoo sheegtay in eedeyntaasi tahay mid “degdeg ah oo aan sal lahayn” maadaama baaritaanku weli socdo.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani, ayaa akhriyey war-saxaafadeedka oo lagu caddeeyey in Puntland ay la xiriirtay Dowladda Turkiga si markabkan loo marsiiyo hannaan sharci ah kadib marka baaritaanka la dhammeeyo.

“Puntland waxay si rasmi ah ula xiriirtay Dowladda Turkiga, waxayna ku dadaaleysa in markabkan la mariyo waddo sharci ah marka baaritaanku soo gabagaboobo,” ayuu yiri Dabaraani.

Markabkan oo ay ciidamada Puntland qabteen 18-kii Luulyo 2025, ayaa la sheegay inuu siday hub ciidan oo aanay la socon wax badeeco ganacsi ah — taasoo Puntland ku tilmaantay mid ka duwan war-saxaafadeedkii Dowladda Federaalka ee sheegay in shixnada ay ganacsi iyo hub isugu jireen.

“Waxaan caddeyneynaa in dhammaan shixnadda saaran markabka MV Sea World ay tahay agab ciidan (Military equipment), mana jirto wax ganacsi ah oo saaran,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Puntland sidoo kale waxay meesha ka saartay wararka sheegaya in hubka markabka ay bililiqeysteen dad rayid ah oo deggan xeebta Bareeda, waxayna sheegtay:

“Markabka waxaa markii hore arkay kalluumeysato dhallinyaro ah, balse ciidamada Dowladda ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan, ayna sugaan amniga iyo hantidii saarnayd.”

Madaxtooyada Puntland waxay si adag u cambaareysay war-saxaafadeedkii kasoo baxay Dowladda Federaalka 23-kii Luulyo, iyadoo tiri:

“Ilaa hadda Dowladda Federaalka ma aysan caddeynin cidda iska leh markabka, halkii laga rabay in baaritaanka la sugo ayey si degdeg ah u soo saartay warar aan sal lahayn.”

War-saxaafadeedka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay la xiriirtay ganacsato reer Muqdisho ah oo sheegtay inay leeyihiin hubka, taasoo Puntland ku tilmaantay mid dhalin karta shaki weyn iyo khatar amni.

“Ilaa laga helo caddayn buuxda oo ku saabsan milkiyadda shixnadda, lama fasixi karo, waana inaan ka hortagnaa in hubku sii huriyo khilaafaadka dalka ka jira,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland waxay hoosta ka xarriiqday inay tahay maamul ka tirsan dowladda federaalka oo waajibaadkiisa u gudanaya si waafaqsan dastuurka.

“Puntland waa maamul-goboleed dastuuri ah, mana jebinayso sharciga. Ficilkeenna wuxuu ku saleysan yahay masuuliyad qaran, ee ma ahan mucaaradnimo siyaasadeed.”

Ugu dambeyntii, Puntland waxay soo dhoweysay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ay ka qeyb qaataan baaritaanka markabka:

“Puntland waxay soo dhoweyneysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ay si wadajir ah uga qeyb qaataan dhammeystirka baaritaanka.”

Hoos ka daawo

Macawiisleyda Xawaadle oo fashilisay qorshe halis ah iyo Shabaab lagu laayey…

0

Maxaas (Caasimada Online) – Ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadle ee gobolka Hiiraan ayaa galabta weerar culus ku qaaday koox Al-Shabaab ah oo loo diyaariyey inay Maxaas weeraraan.

Wuxuu ahaa weerar ka hor tag ah, waxaana lagu fashiliyey duulaan ay kooxda Al-Shabaab ay qorsheysay inay ku qabsato degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in ciidanka deegaanka ay gaareen guul weyn.

Inta u dhaxeysa Maxaas iyo Wabxo, gaar ahaan goob lagu magacaabo Birtamudan ayaa lagu weeraray kooxda.

Khasaare lixaad leh ayaa kooxda loogu geystay goobtii lagu weeraray, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan Macawiisleyda weerarka qaaday.

“Guul weyn ayaan ka gaarnay dagaalkii galabta ka dhacay meel u dhexeyso deegaanka Wabxo iyo Maxaas, waxana gebi ahaan macwiisleydu cagta mariyeen fariisimihii aan ku weerarnay UGUS, firxadka khawaarijta ayaana caawa u raacdeysanay dhanka Wabxo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan macawiisleyda oo noo waramay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa u jabtay dhanka Wabxo, ciidamada deegaanka oo sii raacdeysanaya ayuu gabalku dhacay, sida ay noo sheegeen saraakiisha macawiisleyda.

Dhinaca kale, Howlgal lagu laayay horjogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, iskana kaa shadeen Ciidamada Deegaanka magaalooyinka Baxdo iyo Wisil ayaa si gaar ah uga dhacay galabtay saldhig ay Khawaarijta ku laheed deegaanka Cadaleey ee duleedka magaalada Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalkaan ayaa lagu dilay ku dhawaad, 10 xubnood oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira, waxaana howlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyey, sida ay noo sheegeen saraakiisha ciidamadii fuliyey howlgalka.

Fahad oo weerar ku qaaday Deni iyo mucaaradka Xasan kadib markabkii la qabsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay arrinta markabka hubka ee dabka kusii shiday xiisadda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in laga gardaran yahay dowladda dhexe.

Fahad ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni aysan u kala saarnayn khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo awoodda sharci ee dowladda dhexe.

“Madaxweynaha Puntland Saciid Deni wuxuu musharax u yahay xilka madaxtinimada heer federaal, haddana wax qadarin uma hayo Dowladda Federaalka, isagoo Puntland kaliya xukuma haddii uu sidaas sharciga ugu tumanaayo maxaa laga filan karaa mustaqbalka?,” ayuu Fahad ku yiri qoraal cusub uu maanta soo saaray.

Dhinaca kale, Agaasimihii hore ee NISA waxa uu siyaasiyiinta mucaaradka ku dhaliilay sida ay uga aamuseen arrintaan xasaasiga ah. “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, si sahal ah waraaqo wey u soo saari karaan marka ay kasbanayaan dareenka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, laakiin wey ka aamusayaan marka Dowladda Federaalka laga gardaran yahay,” ayuu yiri.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad oo dhameystiran:

LABO FARRIIMOOD OO LA XIRIIRA MARKABKA HUBKA

Fariinta Koowaad: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni wuxuu musharax u yahay xilka madaxtinimada heer federaal, haddana wax qadarin uma hayo Dowladda Federaalka, isagoo Puntland kaliya xukuma haddii uu sidaas sharciga ugu tumanaayo maxaa laga filan karaa mustaqbalka?.

Waa nasiib darro inaysan u kala saarnayn khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo awoodda sharci ee dowladda dhexe.

Fariinta Labaad: Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, si sahal ah waraaqo wey u soo saari karaan marka ay kasbanayaan dareenka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, laakiin, wey ka aamusayaan marka Dowladda Federaalka laga gardaran yahay.

Waa muhiim inay muujiyaan dareen qarannimo, ayna Dowladda Federaalka garab istaagaan marka la afduubanayo hanti ay Dowladda Federaalka si sharci ah ku fasaxday.

Soomaaliya oo halis ugu jirta in mar kale lagu soo rogo cuna-qabateynta hubka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Daba-yaqaadii 2023, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu si rasmi ah u qaaday cuna-qabateentii hubka ee saarneyd Soomaaliya tan iyo 1992-kii, taas oo dowladda federaalka u suurta-gelisay inay si toos ah u soo dhoofsan karto hub iyo qalab milatari, si ay ugu adeegato dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Hase yeeshee, tan iyo markii cuna-qabataynta la qaaday, waxaa soo kordhay walaac xooggan oo la xiriira sida hubkaas ku soo galaya dalka uu mararka qaar ugu gacan galo dad aan matalin dowladda, taasoo khatar ku ah ammaanka gudaha.

Tusaale ahaan, toddobaadkii hore ciidamada badda ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay markab lagu magacaabo SEA WORLD oo kusoo xirtay xeebta Bareeda ee gobolka Bari.

Markabkan oo ka yimid dalka Turkiga ayaa siday gaadiid dagaal, hub culus iyo agab milatari. Sida la sheegay, hubkaasi wuxuu ku socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada TÜRKSOM oo ay maamusho dowladda Turkiga.

Maamulka Puntland wuxuu sheegay inuu baarayo hubka saaran markabka, halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay si cad uga hadashay arrintaas, waxayna markabka ku tilmaantay “mid la afduubay”, iyada oo ku baaqday in si deg-deg ah loo fasaxo.

Falanqeeyayaal badan waxay dhacdadan u arkaan tusaale kale oo muujinaya kala-jajabka ka jira xiriirka dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada marka ay timaado la wareegidda iyo xakameynta amniga qaranka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan iyadna, dhacdo kale oo walaac dhalisay oo bartamihii sanadkii hore ka dhacday magaalada Caabudwaaq ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo dadka deegaanka ay qabteen laba gaari oo siday hub culus. Lama caddeyn markaas cidda iska leh hubkaasi, mana cadda halka loo waday.

Muuqaallo markaas lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay hubkii oo gacanta u galay dad rayid ah, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo hub aan la xakameyn oo gudaha dalka ku faafaya.

Maxaa ka dhalan kara dhacdooyinka is-biirsaday ee halista ku ah ammaanka hubka?

Inkastoo nidaamka caalamiga ah ee xakameynta hubka uu aqoonsan yahay dowladda federaalka, haddana maamul-goboleedyada iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa weli haysta awood ay ku hor istaagi karaan hirgelinta siyaasadda amni ee dowladda dhexe.

Meelaha lagu qabtay hubkaasi intooda badan ma jiraan ciidamo dowladda dhexe ka tirsan oo ka taliya, taasoo sii adkeyneysa isku dubbaridka dowladda iyo maamul-goboleedyada.

Sida ay tilmaamayaan falanqeeyayaasha, nidaamka federaalka ee Soomaaliya wuxuu xaddiday awoodda dowladda dhexe, taasoo ka hortageysa in tallaabooyin amni oo qaran ah la qaado.

Hubka si aan sharci ahayn ku soo gala dalka, kuna dhaca gacanta dad aan dawli ahayn, wuxuu noqon karaa sabab dib u fura wada-hadalada ku saabsan in mar kale la saaro cuna-qabatayn hubka ah oo Soomaaliya lagu soo rogo.

SACIID DENI iyo CIRRO oo bilaabay qorshaha Ceerigaabo – Maxaa dhacay maanta?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu diyaar u yahay in magaalada Ceerigaabo lagu wada noolaado si nabad ah, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xasilinayo gobolka Sanaag.

Puntland waxay si toos ah u taageertay gogol nabadeed uu dhawaan fidiyay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, iyadoo maanta oday dhaqameed u dirtay gogoshaasi.

Go’aankan ayaa muujinaya isbeddel ku yimid mowqifka Puntland, iyadoo horey khilaaf uga jiray lahaanshaha magaalada Ceerigaabo oo ay labaduba sheeganayaan.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland, Saciid Axmed Jaamac Badmaax ayaa si cad u sheegay in ay doonayaan Ceerigaabo ay wada leeyihiin dadka deegaanka, isla markaana qof walba xor u yahay fikirkiisa iyo deganaanshihiisa. Wuxuu sheegay in haddii nabad lagu heli karo taas, ay diyaar u yihiin.

“Waxaan rabnaa Ceerigaabo lawada leeyahay oo cid walba xor u tahay deegaankeeda iyo aragtideeda,” ayuu yiri guddoomiye Badmaax. “Haddii taas aan nabad ku helno, waan ku gaaraynaa, haddii kalena Alle ayaa iskeen baday,” ayuu sii raaciyay.

Si ay uga qeyb qaataan gogosha nabadda, Puntland waxay u dirtay waxgarad reer Puntland ah magaalada Ceerigaabo. Badmaax wuxuu sheegay in xubnahaas ay matalayaan rabitaanka maamulka iyo shacabka gobolka.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Badmaax ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada socda, isagoo yiri: “Waxaan u maleynayaa wixii ay noo soo qaadaan in aysan noqonayn wax aan ku dulmanahay.” Hadalkan ayaa muujinaya in Puntland ay diyaar u tahay wada-hadal dhab ah oo ku saleysan is-qaddarin iyo nabad.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli uu dhawaan magaalada Hargeysa tegay la-taliye sare oo u dhow Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Ujeedka safarkaas oo ahaa mid diblomaasiyadeed ayaa qaatay maalmo, iyadoo La-taliyaha Deni iyo Cabdiraxmaan Cirro wada-hadallo qarsoodi ah ku yeesheen Madaxtooyadda Somaliland.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray horumarinta heshiis nabadeed oo ku saabsan magaalada muranka badan ee Ceerigaabo iyo xoojinta iskaashiga ay wadaagaan oo ka dhan ah maamulka SSC-Khatumo.

Socdaalkaas ayaa yimid kadib markii Somaliland shaacisay inay diyaar u tahay martigelinta wada-hadallo nabadeed oo looga golleeyahay xallinta khilaafka muddada dheer soo jiitamayay. Qayb muhiim ah oo ka mid ah wada-hadallada ayaa ah mowqifka ay Puntland iyo Somaliland labaduba ka qabaan dadaalka SSC-Khatumo ee ku aaddan aqoonsiga dowlad goboleed federaal ah.

Puntland ahaan, beesha Dhulbahante ee hoggaamineysa SSC ayaa loo arkayay inay qayb ka ahayd qaab dhismeedka maamulkeeda tan iyo markii la aas-aasay 1998-kii.

Somaliland, dhanka kale, waxay sheegataa gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn iyadoo ku salaynaysa xuduudihii gumeysiga, ka hor madax-bannaanida Soomaaliya ee 1960-kii.

Sirtii uu kashifay Afwerki oo muujineysa halista Itoobiya iyo Imaaraadka ee Soomaaliya

Asmara (Caasimada Online) – Tallaabo dhif iyo naadir ah oo daah-furnaan leh, ayuu Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki wuxuu daaha kaga rogay waxa laga yaabo inay tahay dhaqdhaqaaqii juqraafi-siyaasadeed ee ugu xasilooni-darrada badnaa ee Geeska Afrika uu arko muddo tobanaan sano ah: qorshe la sheegay in Itoobiya—oo taageero ka helayso Imaaraadka Carabta—ay ku doonayso inay ganacsigeeda usoo weeciso Eritrea iyo Somaliland, iyadoo meesha ka saaraysa Jabuuti, isla markaana caqabad ku ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Waraysi layaab leh oo uu bixiyey, ayuu Afwerki ku eedeeyay Imaaraadka Carabta inay horseed ka yihiin dedaallada ay Itoobiya ku doonayso inay kaga baaqsato Jabuuti, kuna maamusho marinka ganacsiga ee Badda Cas, iyagoo ka faa’iidaysanaya aqoonsi la’aanta caalamiga ah ee Somaliland oo ay u arkaan fursad istiraatiiji ah.

Wuxuu kashifay inuu diiday hindise ay Itoobiya usoo bandhigtay oo ahaa in dhammaan ganacsigeeda baddu usoo maro dekedda Casab ee Eritrea—tallaabadaas oo uu sheegay inay dharbaaxo weyn ku noqon lahayd dhaqaalaha Jabuuti, oo si weyn ugu tiirsan xamuulka Itoobiya.

Qorshahan, sida uu sheegay Afwerki, ma ahayn oo kaliya mid halis ah, balse waxaa hagayey wax uu ugu yeeray “khiyaali” uu ka shaqeeyey Madaxweynaha Imaaraadka, Maxamed Bin Zayed, kaasoo uu ku andacooday inuu hiigsanayo inuu samaysto “silsilad dekado ah” oo ku baahsan gobolka.

Hadalladiisu waxay bixinayaan aragti muhiim ah oo ku saabsan istiraatiijiyadda halista badan ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed—mid gobolka ku ridday mid ka mid ah dhibaatooyinkii ugu cuslaa ee soo mara sannadihii u dambeeyey. Heshiis sir ah oo bad lagu helayo oo loogu talagalay in lagu fududeeyo dhibaatooyinka dhaqaale ee Itoobiya ayaa taa beddelkeeda huriyey dareenka waddaniyadeed oo ka kacay Soomaaliya, isu keenay isbahaysi awoodo gobol ah oo ka horjeeda Addis Ababa, wuxuuna Geeska Afrika oo markii horeba jilicsanaa ku sii riixay iska-hor-imaad.

Heshiis qarsoodi ah iyo dab shiday

Xiisaddu waxay qaraxday 1-dii Jannaayo, 2024, markii ay Itoobiya la saxiixatay Heshiis Isfaham (MoU) Somaliland, oo ah gobolka iskiis madax-bannaanida ugu dhawaaqay ee waqooyiga Soomaaliya. Heshiisku wuxuu ahaa mid qarax weyn dhaliyey: Itoobiya waxay kiraysanaysaa 20 kiiloomitir oo xeebta Badda Cas ah si ay uga dhisto saldhig ciidan badeed iyo deked ganacsi. Beddelkeeda, Addis Ababa waxay Somaliland u ballanqaadday saami ay ku yeelato shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines—waxaana kasii muran badnaa, inay si dadban u sheegtay inay noqon karto dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Somaliland.

Heshiiskan Isfahamku wuxuu ahaa wax ka badan dokumenti sharci ah—wuxuu gobolka oo dhan ka abuuray gilgilasho juqraafi-siyaasadeed.

Wuxuu astaan u noqday wax ay indha-indheeyayaashu ugu magac dareen “Caqiidada Abiy”: hab siyaasad dibadeed oo ku suntan qarsoodi, shakhsiyeyn, iyo dhaqdhaqaaqyo halis sare leh. Isagoo wajahaya kacdoonno gudaha ah, dhaqaale sii liicaya, iyo go’doon diblomaasiyadeed oo sii kordhaya, ayuu Abiy helitaanka baddu u sifeeyey “arrin jiritaan” u ah 120-ka milyan ee qof ee Itoobiya.

Wuxuu cuskaday sheegashooyin taariikhi ah oo ku saabsan dekedo qadiimi ah oo Itoobiya lahayd si uu marmarsiiyo uga dhigto—laakiin deriskiisa, hadalladani waxay u ekaayeen kuwo soo min-guuriyey xeeladihii xilligii gumaysiga ee ballaarsiga.

Soomaaliya waxay uga jawaabtay si degdeg ah oo aan leexleexad lahayn. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku cambaareeyey Heshiiska Isfahamka inuu yahay ku xadgudub toos ah oo lagu sameeyey madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo ku dhawaaqay inuu yahay “waxba kama jiraan,” wuxuuna si degdeg ah u meelmariyey sharci degdeg ah oo dembi ka dhigaya heshiiskaas.

Muqdisho waxay eryiday safiirkii Itoobiya, midkeediina way u yeeratay, waxayna bilowday olole diblomaasiyadeed oo xooggan oo ay taageero uga heshay Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Maraykanka, iyo Shiinaha. Itoobiya waxay isku aragtay iyadoo si aan caadi ahayn ugu go’doonsan masraxa caalamka.

Isbahaysi cusub oo samaysmay

Saamaynta arrintani intaas kuma ekaan. Heshiiska Isfahamku wuxuu kiciyey dareen waddaniyadeed oo Soomaaliyeed, kaasoo uu Madaxweyne Maxamuud uga faa’iidaystay inuu ku mideeyo qaran kala qaybsanaa oo hal qaddiyadood isugu yimid. Isbeddel juqraafi-siyaasadeed oo weyn, ayay Soomaaliya isbahaysi la samaysatay laba ka mid ah dalalkii taariikh ahaan ay Itoobiya is-hayeen: Masar, oo muddo dheer khilaaf kala dhexeeyey Addis Ababa oo ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Itoobiya (GERD), iyo Eritrea, oo ahayd xulafadii hore ee Abiy ee hadda u noqotay xifaaltan.

Maanta, Soomaaliya waxay kaalmo milatari ka heshaa Qaahira iyo taageero diblomaasiyadeed oo ay ka hesho Asmara—iyagoo samaynaya wax ay falanqeeyayaasha gobolku ugu yeerayaan “isbahaysi xakamayn ah” oo si toos ah uga gol leh in lagu cabburiyo damaca Itoobiya.

Jabuuti sidoo kale waxay isku aragtay inay dhexda uga jirto xiisadda. Dalkan yar wuxuu maamulaa in ka badan 95% badeecadaha Itoobiya kasoo dega, wuxuuna ka helaa qiyaastii $2 bilyan oo dollar sannadkii adeegyada dekeddiisa. Haddii Itoobiya ay fulin lahayd qorshihii ahaa inay ka guurto Jabuuti oo ay doorbido Dekedda Casab ee Eritrea—sida uu kashifay Afwerki— waxay taasi burburin lahayd dhaqaalaha Jabuuti. Diidmada Eritrea ee hindisahaas, markaa, ma ahayn oo kaliya dharbaaxo diblomaasiyadeed; waxay ahayd faragelin muhiim ahayd oo laga yaabo inay ka hortagtay qalalaase dhaqaale oo gobolka ka dhaca.

Dhanka kale, doorka Imaaraadka Carabta ayaa arrinta ku kordhinaya lakab kale oo isku-cakirnaan ah. Shirkaddeeda weyn ee saadka ee DP World ayaa horey u maamulaysay Dekedda Berbera ee Somaliland, wuxuuna ballaarinayaa saamayntiisa milatari iyo tan ganacsi ee agagaarka Badda Cas. Digniinta Afwerki—ee ah in Imaaraadku uu doonayo inuu maamulo silsilad dekado ah oo ka bilaabma Berbera ilaa Casab iyo koonfurta Yemen—waxay muujinaysaa dib-u-habayn awoodeed oo baaxad weyn oo gobolka ka socota, taasoo noqon karta mid si weyn u horseedda xasilooni-darro.

Waxaana dhexda kaga jira jawigan isbeddelaya Abiy Axmed oo quus taagan oo go’doonsan, oo noqday saaxiib u heellan fulinta qorshahaas.

Xabbad-joojin jilicsan, balse aan xal ahayn

Cawaaqibka ugu walaaca badan ee ka dhashay tallaabadii halista ahayd ee Itoobiya ee dekadda ayaa ah soo rogaal-celinta Al-Shabaab. Kooxda xagjirka ah ayaa ka faa’iidaysatay kacdoonka waddaniyadeed ee Soomaaliya, iyagoo isaga dhigaya difaacayaal dhulka Soomaaliyeed. Xiisaddani waxay ka caawisay kooxda inay soo jiitaan xubno cusub, helaan ilo dhaqaale oo cusub, ayna dib ula wareegaan dhul ay horay uga baxeen hawlgalladii la-dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Waxay sidoo kale halis gelisay inay wiiqdo dedaallada amniga gobolka. Markii ay xiisaddu meesha ugu sarraysay maraysay, waxay Soomaaliya ka fikirtay inay dalkeeda ka saarto kumanaan askari oo Itoobiyaan ah oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika.

Bilooyin xiisaddu ay sii kordhaysay ka dib, waxaa aakhirkii soo baxday fursad diblomaasiyadeed. Bishii Diseembar 2024, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan wuxuu dhex-dhexaadiyey Baaqa Ankara, oo ahaa heshiis xiisad-dajin ah oo dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya. Maaddaama uu yahay saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya la leh, isla markaana uu yahay tartan sii kordhaya oo Imaaraadka la geliya, Turkigu wuxuu ku jiray meel u gaar ah oo uu ku dhexdhexaadin karo khilaafka.

Laakiin inkastoo heshiiska lagu ammaanay inuu yahay horumar weyn, wuxuu ka tagay su’aalo badan oo aan laga jawaabin. Wuxuu dib u adkeeyey midnimada dhuleed ee Soomaaliya—laakiin ma uusan xusin Heshiiskii Isfahamka ee Itoobiya iyo Somaliland. Madmadowgaas wuxuu u oggolaaday dhammaan dhinacyada inay guul sheegtaan: Muqdisho waxay ku adkaysanaysaa in heshiisku dhintay, Somaliland waxay sheegaysaa inuu weli shaqeynayo, Itoobiyana way ka aamustay—iyadoo waqti ku iibsanaysa.

Xaqiiqadu waxay tahay in Heshiiska Isfahamka aan la burin. Weli wuxuu ku jiraa xaalad aan la hubin—waana bam juqraafi-siyaasadeed oo hurda.

In kasta oo Baaqa Ankara uu ka hortagay iska-hor-imaad degdeg ah, haddana ma uusan xallin midna kamid ah xiisadihii salka ku hayey. Raadinta dekedda ee Itoobiya way sii socotaa. Difaaca Soomaaliya ee xuduudaheedu wuxuu weli yahay mid adag. Jabuuti weli way nugushahay. Damaca Imaaraadka ee gobolkuna weli waa mid aan la xakamayn.

Geeska Afrika, hadda, wuu deggan yahay—laakiin wuxuu saaran yahay xaalad khatar ah oo heegan sare ah.Haddii wada-hadalladu istaagaan ama cadaadiska guduhu uu sii kordho, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxaa laga yaabaa inuu mar kale adeegsado qalabka ugu halista badan ee uu haysto: heshiis deked oo lagu muransan yahay, ballanqaad geesinimo leh, iyo tallaabo dib u hurin karta xiisadda weyn ee xigta ee gobolka.

Puntland oo xalaaleysatay markabka hubka kadib hadalki kasoo baxay DF Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo si deg-deg ah uga fal-celiyay bayaanka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ee looga hadlay arrinta markabka hubka “ayaa xalaaleystay hubka u gacan galay” Jimcihii lasoo dhaafay.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur oo erayo kooban uga fal-celiyay tallaabada dowladda ayaa tilmaamay in haatan uu xalaal u noqday hubka ay hayaan ee uu xambaarsan yahay markabka Sea World oo hadda ku sugan dekedda Boosaaso.

“Hadduu Xalaal Noqoday!!!” ayuu yiri wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland oo ka falceliyay go’aanka maanta kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo saaka warsaaxafadeed cusub kasoo saartay markabka hubka ee u gacan galay Dowlad-goboleedka Puntland ayaa iyaduna sheegtay in hubkaas loo waday xerada tababarka TurkSom, uuna kusoo socday dekadda wayn ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in markabka uu siday shixnad ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, isla markaana uu ku socday nidaam sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Waxaa kale oo qoraalka looga dalbaday Puntland inay si deg-deg ah usii dayso markabka iyo qalabka uu sido, iyada oo sidoo kale looga digay dhaq-dhaqaaqa ciidan ee ay haatan ka waddo xeebaha bari ee Puntland.

“DFS Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland” ayaa lagu yiri bayaan goor sii horreysay oo maanta ah kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa sii hurineyso xiisadda dhex-taalla Muqdisho iyo Garoowe oo horay ugu kala tegay arrimaha siyaasadda, kadib markii ay isku fahmi waayeen hannaanka loo wajahayo doorashooyinka soo socda dalka iyo wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

Somalia demands Puntland release seized arms ship

Mogadishu, Somalia – Somalia’s federal government on Wednesday sharply condemned the seizure of a Comoros-flagged vessel by security forces from the semi-autonomous Puntland state, calling for the ship and its military cargo—destined for a Turkish-run training base in Mogadishu—to be released without delay.

Describing the interception as “piracy” and a blatant violation of national sovereignty, Mogadishu’s response has intensified an already tense standoff, exposing the country’s deep internal rifts and the influence of competing foreign interests.

The vessel, the MV Sea World, was reportedly en route to the Somali capital carrying military equipment for the TÜRKSOM military training center when it was intercepted last Friday by the Puntland Maritime Police Force (PMPF) and redirected to the port city of Bosaso.

In a strongly worded statement, the Federal Government of Somalia (FGS) insisted the shipment was entirely legal and part of a broader defense agreement with Turkey.

“The Federal Republic of Somalia condemns the kidnapping and violation of the SEA WORLD vessel,” the government said. “The shipment was proceeding legally and in full compliance with national and international laws.”

The government further accused Puntland of undermining national security and overstepping its constitutional limits. According to the FGS, federal law grants the central government exclusive authority over defense and maritime matters.

“The seizure of this vessel by groups belonging to the Puntland State is a direct violation of the Provisional Constitution and harms the sovereignty, unity, and independence of the nation,” the statement added, warning that Somalia would take “legal and security measures” to safeguard its waters.

Citing international law, particularly the 1982 United Nations Convention on the Law of the Sea (UNCLOS), the government described the seizure as a criminal act.

“Any act of abducting a commercial vessel or one lawfully authorized by a state falls under the definition of piracy,” it said. “This is a criminal offense punishable under Somali and international law.”

“As the custodian of the Constitution of the Federal Republic of Somalia, the federal government will never accept any action that threatens national sovereignty or maritime security.”

Competing claims

Puntland authorities, however, have pushed back with a markedly different narrative. They say the MV Sea World entered their territorial waters unlawfully and dropped anchor near the coastal town of Bareeda, an area long associated with ISIS-linked militant activity.

“This ship lacked any legal permission for its presence in Puntland waters, which contravenes international agreements on protecting maritime sovereignty,” Puntland’s Ministry of Information previously stated.

Officials described the vessel’s presence as a “significant security threat” and said a full investigation was underway to determine the ship’s ownership, purpose, and cargo.

“Puntland will hold accountable anyone involved in the violation of maritime law and the security risk posed by this ship,” the ministry warned.

The incident reflects longstanding tensions between Somalia’s central government and its federal member states. Puntland, located in the northeast, operates with considerable autonomy and has frequently clashed with Mogadishu over control of resources and security policy.

According to local sources, some light weapons—such as rifles and pistols—were reportedly looted by armed civilians in the Caluula district, where the ship initially came ashore before being towed to Bosaso. Sources told Caasimada Online the vessel may have experienced mechanical failure and drifted toward Puntland’s coast.

Turkey vs. UAE

This maritime dispute is further complicated by broader geopolitical rivalries—particularly between Turkey and the United Arab Emirates (UAE), both of whom have forged powerful but competing alliances within Somalia.

Turkey is a key strategic ally of the federal government and runs Camp TÜRKSOM, a major military base and academy that trains Somali National Army forces. In February 2024, Somalia and Turkey signed a comprehensive defense and economic cooperation agreement, granting Ankara a leading role in safeguarding Somalia’s coastline.

The UAE, on the other hand, has been a long-time supporter of Puntland. It has provided significant funding and training for the PMPF, the same force that detained the MV Sea World. Although originally formed to combat piracy, the PMPF has evolved into a de facto regional military arm of the Puntland administration.

Both sides have invoked international maritime law to justify their actions. Mogadishu cited the UN Convention on the Law of the Sea (UNCLOS), arguing that forcibly seizing a vessel authorized by a sovereign state qualifies as piracy.

Puntland countered that it acted within its rights to protect its coastal waters, particularly against unauthorized foreign vessels carrying arms. Local reports support the claim that the ship suffered technical issues and may have unintentionally drifted into Puntland’s territory.

The federal government has rejected this explanation outright, reiterating its demand for the “immediate and unconditional release of the ship” and calling on Puntland to halt all “illegal operations” off its shores.

As the MV Sea World remains docked under Puntland’s control and an official investigation into its contents continues, the standoff threatens to destabilize Somalia’s already fragile political landscape further—and could drag its international allies deeper into a widening domestic power struggle.

DF oo shaacisay cidda leh hubka markabka, digniin culusna u dirtay Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo mar kale warsaaxafadeed kasoo saartay markabka hubka siday ee Sea World oo Jimcihii u gacan galay Puntland ayaa faah-faahin ka bixisay markabka iyo shixnadda uu siday oo u badneyd hub iyo qalab ciidan.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in hubka uu siday markabka loo waday xerada tababarka TurkSom, uuna kusoo socday dekadda wayn ee Muqdisho.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in markabka uu siday shixnad ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, isla markaana uu ku socday nidaam sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD. Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo qoraalkan looga dalbaday Puntland inay si deg-deg ah usii dayso markabka iyo qalabka uu sido, iyada oo sidoo kale looga digay dhaq-dhaqaaqa ciidan ee ay haatan ka waddo xeebaha bari ee Puntland.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka dowladda:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros

Muqdisho, 23 July 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD. Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM.

Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnaddu waxay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Marka laga soo tago qalabka ciidan, markabku waxuu sidoo kale siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.

Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya:

1. Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.
2. Waxay uga digeysaa Puntland sii socoshada dhammaan hawlgallada sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha ku aaddan maamulkeeda, isla markaana ugu baaqaysaa in ay kala shaqeeyso Dowladda Federaalka, xaqiijinta marin ammaan ah oo fududeeya Isku socodka maraakiibta ku shaqeysa oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.
3. Waxay caddeyneysaa in ay ka go’antahay ka hortaga falalka burcad badeednimo iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh burcad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda.

Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah. Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka.

-DHAMMAAD-