24.9 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Dowladda oo digniin culus u dirtay ciidamada Jubaland kadib dagaalkii maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si kulul uga hadashay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubaland, iyadoo digniin u dirtay ciidanka ka amar qaata Axmed Madoobe ee qaybta ka ah dagaalka.

Wasaaradda amniga gudaha oo qoraalkan soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in marka hore ay cambaareyneyso fal-dambiyeed ay sheegtay in maanta Axmed Madoobe uu ka gaystay degmada Beledxaawo, iyada oo dhabarka u saartay mas’uuliyadda dagaalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamo maleeshiyaad ah oo ka amar qaata Axmed Madoobe ay weerareen xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada ee degmadaas, uuna jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac intaba.

“Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ka xuntahay, si adagna u cambaaraynaysaa fal dambiyeedka uu eedaysane Axmed Maxamed Islaam ka gaystay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo duhurnimadii maanta, halkaas oo maleeshiyaad isaga ka amar qaata ay weerar bareer ah ku qaadeen xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada qaranka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kae waxaa lasii raaciyay “Falkaan oo qayb ka ah dambiyada joogta ah ee uu ku kacayo Axmed Madoobe ayuu si ku talo gal ah ugu weeraray xarumo ay ka mid yihiin xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xeryo ay dagan yihiin ciidamada amniga”.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale tacsi u dirtay ehellada dadkii dhintay dagaalkii maanta oo isugu jiro askar iyo shacab, iyada oo ballan qaaday in lala xisaabtami doonto ciddii ka dambeysay falkaasi, isla markaana si deg-deg ah loo horgeyn doono cadaaladda.

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay ciidamada Jubaland ee ka amar qaata Madaxweyne Axmed Madoobe, waxayna sheegtay in loo isticmaalayo si khadlan, ayna uga digeyso inay sii dagaalamaan, maadaama uu ka dhalanayo dambi aad u culus.

“Waxay dowladdu digniin adag u diraysaa maleeshiyaadka uu sida qaldan u isticmaalo eedaysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo qayb ka noqda dambiyadaas abaabulan sharciga la marsiin doono” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinkeeda Jubaland oo goor sii horreysay ka hadashay dagaalka ayaa iana ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna sidoo kale guul ka sheegatay dagaalkii maanta.

“Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa Maanta dagaal Xaq-daro ah kusoo qaday Shacabka nabada jecel ee Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo. Ciidamada Dowladda Jubbaland ee ku sugan Degmada Baladxaawo ayaa iska difaacay Maleyshiyaadka ka Amar qaadanayay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Waxaa kale oo ay Jubalanad sii raacisay “”Guud ahaan Magaalada Baladxaawo ayaa Waxaa haatan gacanta ku haya Ciidamada Jubbaland halka gacanta lagu dhigay qaar kamid ah Maleyshiyaadkii khal-khalka galiyay Amaanka Magaalada iyadoo Ciidamada Jubbaland ay ku daba jiraan firxadka inta kale ee baxsatay oo uu qeyb ka yahay Cabdirashiid Janan Oo saaka diyaarad Ciidan ku yimid Dagmada”.

Jubaland oo guul wayn ka sheegatay dagaalkii maanta ee Beledxaawo + Sawirro

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dagaalka maanta ka qarxay gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo daraawiishta aamulkaasi.

Jubaland ayaa dagaalkan toos ugu eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo tilmaamtay in duulaan cad lagu soo qaaday shacabka degmada Beledxaawo.

Sidoo kale Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeeda ay iska difaaceen weerarka uyimid dhanka ciidamada dowladda, haatana xaaladda ay dagan tahay.

“Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa Maanta dagaal Xaq-daro ah kusoo qaday Shacabka nabada jecel ee Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo. Ciidamada Dowladda Jubbaland ee ku sugan Degmada Baladxaawo ayaa iska difaacay Maleyshiyaadka ka Amar qaadanayay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Jubaland ay guul wayn ka gaareen dagaalkii maanta, isla markaana ay haatan gacanta ku hayaan guud ahaan magaalada, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah ciidankii weerarka qaaday.

“Guud ahaan Magaalada Baladxaawo ayaa Waxaa haatan gacanta ku haya Ciidamada Jubbaland halka gacanta lagu dhigay qaar kamid ah Maleyshiyaadkii khal-khalka galiyay Amaanka Magaalada iyadoo Ciidamada Jubbaland ay ku daba jiraan firxadka inta kale ee baxsatay oo uu qeyb ka yahay Cabdirashiid Janan Oo saaka diyaarad Ciidan ku yimid Dagmada” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dowlad-goboleedka Jubaland.

Dagalka ayaa yimid kaddib markii saaka labo diyaarad oo Helicopter ay ka dageen xerada ciidamada UK, waxaana halkaasi ay geeyeen Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhowaan uun loo magacaabay taliyaha NISA ee Jubaland, kaas oo ka howlgali doono Gedo.

Dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa mar kale ku hardamaya gobolka Gedo, maadaama ay soo dhowaatay doorashadii, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee gobolkan horkacayo Cabdirashiid Janan oo maalin kahor loo magacaaba taliyaha NISA ee maamulka Jubaland.

Si kastaba, Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

Ra’iisul Wasaare Xamza: Puntland ha soo wada baxdo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay ka qeyb-galay munaasabad ku aaddan doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ee garab istaagga dowladda iyo taakuleynta ciidanka qalabka sida ayaa weerar duur xul ah ku qaaday maamulka Puntland.

Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland oo muddooyinkii dambe go’naa, ayuu Ra’iisul Wasaare Xamza si maldahan ugu baaqay in Puntland ay soo wada baxdo, taas oo la micno ah in ay sida maamul-goboleedyada kale u dhaqanto ama caddeyso mowqifkeeda, sida Somaliland.

“Goonni u goosad marka la soo hadal qaado Somaliland baa la fiirinaya, balse Somaliland warkeedu waa cad yahay waa Libaax ciyaay, waxase jira Libaaxyo aamusan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo u duur xulay Puntland.

Maamulka Puntland ayaa kal hore sheegay in ay u dhaqmeyso sidii “dowlad madax-banaan” kadib markii ay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka. Inkastoo ay taageersan tahay nidaamka federaalka, haddana xiriirka Xamar ayey meesha ka saartay, iyadoo madaxda dowladda dhexe ku eedeysay arrimo horseedi kara qalalaase gudaha ah.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xalay xoojiyay doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed, oo uu sheegaay inay udub dhexaad u yihiin horumarka dalka, isla markaana looga fadhiyo in ay sii xoojiyaan doorka kaga aaddan garab istaagga ciidanka qalabka-sida iyo hirgelinta doorashooyinka awoodda loogu celinayo bulshada.

“Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya, oo ah qorshe diirradda saaraya horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo casriyeynta hey’adaha dowladda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la idinka rabaa in aad xoogga saartaan midnimada dalkeenna oo marar badan halis gashay. Waxaa la idinka doonayaa in aad isku xirnaataan, oo aad qeyb ka noqotaan dhismaha dowladnimada, doorashada iyo difaaca.”

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda Dan-Qaran ay door wayn ku leeyihiin qurbajoogto, taas oo muujinaysa kaalintooda lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin dalka.

Xog: Musharaxa Villa Somalia ay la rabto madaxweynaha cusub ee SSC-Khaatumo

Laascaanood (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay taageerayso in Cabdulqaadir Axmed Cali (Firdhiye) inuu hoggaamiyo maamul goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo, sida ay sheegayaan xogo aan ka heleyno shirka ka socda magaalada Laascaanood.

Shirkan ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu dhameystiro maamul goboleed matala gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC) — deegaanno ay ku loollamaan Dowladda Federaalka, Puntland, iyo Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Jibriil, oo ka soo jeeda gobolka Sanaag, ayaa la sheegay inuu yahay musharaxa ay dowladda federaalku u xulatay jagada madaxweyne ku -xigeenka maamulka Firdhiye.

Ilo wareedyo ku dhow shirka ayaa shaaca ka qaaday in Jibriil uu Laascaanood ku yimid isagoo hoggaaminaya wafdi matalaya Sanaag iyo Haylaan.

Su’aalo ka taagan habka loo xulay ergooyinka

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in Dowladda Federaalka ay saamayn ku yeelatay xulista ergooyinka si ay u garab siiso Firdhiye iyo Jibriil, iyadoo meesha ka saartay musharrixiintii kale, isla markaana xaddiday loollan siyaasadeed oo dhab ah.

Sida ay ilo wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Danjire Jamaal Xasan — oo ka soo jeeda Haylaan isla markaana damac ka qabay xilka madaxweynaha maamulka Khaatumo — ayaa la filayaa inuu isaga baxo tartanka ka dib markii laga reebay xulista ergooyinka. Wararku waxay intaa ku darayaan in Jamaal uu matalayo aragti siyaasadeed oo ka duwan tan musharrixiinta ay dowladda federaalku wadato, uuna haysan taageerada aqlabiyadda bulshada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Dhaqdhaqaaqa Maamulka Khaatumo ayaa ka dhashay murannada dhuleed ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ee ku aaddan deegaannada SSC. Puntland, oo ka talisa waqooyi-bari Soomaaliya, ayaa sheegata qaybo ka mid ah Sool iyo Sanaag iyadoo ku salaynaysa xiriirka beelaha, halka Somaliland ay ku andacoonayso lahaanshaha deegaannadaas iyadoo cuskanaysa xuduudihii xilligii gumeysiga ee maxmiyaddii Ingiriiska.

Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, ayaa muddo dheer xudun u ahayd isku dhacyo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo beelaha deegaanka. Sannadkii 2023, ciidamada Somaliland ayaa ka baxay magaalada ka dib iska hor-imaadyo rabshado watay oo dhexmaray iyaga iyo maleeshiyooyin deegaanka ah, taasoo abuurtay maamulka Khaatumo.

Horumarradan ayaa kiciyay falcelinno adag oo ka yimid guud ahaan gobolka.

Dowladda Puntland, oo taariikh ahaan maamuli jirtay gobolka Sool, ayaa si adag u cambaaraysay geeddi-socodka ka socda Laascaanood, iyadoo ku eedaysay Dowladda Federaalka “faragelin aan dastuurka waafaqsanayn” iyo inay ku xadgudubtay dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyadoo fara-gelinaysa Puntland.

Dhanka kale, Somaliland — oo sheegata dhammaan dhulka SSC — ayaa gebi ahaanba iska diidday shirka Laascaanood iyo maamul kasta oo xiriir la leh Muqdisho. Waxay u aragtaa shirka tallaabo sharci-darro ah oo lagu wiiqayo midnimada dhulkeeda, iyadoo ku tilmaantay qorshe gooni-goosad ah oo ay soo abaabuleen mas’uuliyiinta federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu u arko dhismaha maamulka Khaatumo iyo magacaabista hoggaamiyeyaashiisa tallaabooyin istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo saamaynta dowladda dhexe ka hor geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya ee muranka badan dhaliyay.

Weeraradii ay qaaday Israa’iil oo guul aysan ugu talo-gelin u horseeday Axmed al-Sharca

Dimishiq (Caasimada Online) – Iska-hor-imaadyadii u dambeeyay ee ka dhacay Suweyda iyo faragelinta militari ee ay ku xigsatay ee Israa’iil, ayaa mar kale dalka Suuriya kusoo celiyay masraxa siyaasadda gobolka.

Tan iyo ridistii nidaamkii madaxweynihii hore Bashaar Al-Asad ee bishii Diseembar ee la soo dhaafay, mid ka mid ah su’aalaha ugu waaweyn ee taagnaa waxay ahayd in maamulka cusub ee Suuriya uu awood u yeelan doono inuu isku-duubo taageerayaashiisa, iyada oo ay jirto kala qaybsanaan qoto dheer oo xagga fikirka iyo siyaasadda ah oo dalka ka jirta.

Si loo fahmo marxaladda kala-guurka siyaasadeed ee hadda ka jirta Suuriya, waxaa muhiim ah in la darso sida colaadda xudunteedu tahay Suweyda iyo faragelinta Israa’iil ay u saameyn doonto isku-xirnaanta taageerayaasha maamulka cusub.

Xiisadda ka soo cusboonaatay koonfurta Suuriya waxay ku bilaabatay iska-hor-imaad dhex maray maleeshiyooyinka Duruuska iyo kuwa Badawiyiinta, taas oo keentay in ciidanka Suuriya ay soo farageliyaan. Kaddib Israa’iil waxay duqeymo cirka ah ka fulisay Dimishiq, iyada oo beegsatay xarumo militari oo muhiim ah, oo ay ku jirto xarunta-dhexe ee ciidanka, waxaana sidoo kale la soo sheegay in duqeymo ay ka dhaceen meel u dhow aqalka madaxtooyada.

Kaddib ka bixitaankii ciidamada Suuriya ee Suweyda, waxaa sii socday iska-hor-imaadyadii u dhexeeyay kooxaha Duruuska iyo reer baadiyaha, taas oo sii kordhisay kala-qaybsanaanta, isla markaana dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan badqabka shacabka ee gobolka.

Ciidanka cusub ee Suuriya iyo xulafadiisa ugu muhiimsan ee Turkiga, ayaa khibrad dagaal oo ballaaran ka helay sanado badan oo colaad ah. Waxay si wadajir ah door muhiim ah uga ciyaareen ridistii nidaamkii Asad iyo yareynta saameynta ay Iiraan iyo Ruushku ku lahaayeen gobolka.

Israa’iil, oo muddo laba sano ku dhow ku haysay xasuuq wadareed magaalada Gaza, ayaa si dhow ula socota horumarradan, waxayna u muuqataa inay doonayso inay u adeegsato hoggaamiyeyaasha Duruuska si ay usii waddo xasilooni darrida Suuriya. Hadafkeeda ugu weyn waa in ay ka hortagto isku-duubnida maamulka cusub ee Suuriya, oo ay u aragto mid halis ku ah, gaar ahaan marka la eego iskaashiga dhow ee uu nidaamku la leeyahay Turkiga.

Beddelidda xeeladaha

Iyaga oo ka jawaabaya duqeymaha Israa’iil ee Dimishiq, isla markaana muujinaya daacadnimadooda dawladda, kooxaha qabaa’ilka ayaa si dhab ah ugu noqday jiid cusub oo dagaal maamulka madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Axmed al-Sharca. Qabaa’ilku waxay adeegsadeen istaraatiijiyado cusub, sida inay gabbaad ka dhigtaan magaalooyinka iyo inay gubaan taayarro si ay u carqaladeeyaan kormeerka cirka, taas oo u sahashay inay u gudbaan bartamaha magaalada Suweyda maalintii Jimcaha.

Ilaa hadda Israa’iil awood uma yeelan inay fuliso faragelin wax-ku-ool ah, maadaama duqeymaha cirka aysan ahayn hab ficil ahaan suurtagal u ah in lagu beegsado kooxaha qabaa’ilka ee ku sugan dhul buuraley ah.

Maamulka cusub ee Suuriya waxaa hareeyay su’aalo la xiriira sida lagu gaari karo isku-duubni siyaasadeed iyada oo la isku xirayo kala duwanaanshaha gudaha ee taageerayaashiisa.

Caqabaddani waxay ka ballaaran tahay hawsha is-dhexgalka kooxaha sida Kurdida – Xisbiga Midowga Dimoqraadiga (PYD) iyo Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya (SDF) – iyo Duruuska. Maamulka cusub ee Suuriya waxaa ku jira aragtiyo kala duwan oo feker iyo siyaasadeed oo ay qasab tahay in si wax-ku-ool ah loola macaamilo, xag militari iyo xag siyaasadeedba.

Beegsiga Israa’iil ee Dimishiq wuxuu walaac ku abuuray dhammaan taageerayaasha maamulka cusub ee Suuriya, iyada oo isla markaas fududaysay iskaashi ballaaran oo heer deegaan ah, sida ay muujiyeen hawlgalladii u dambeeyay ee qabaa’ilka. Dhaqdhaqaaqan wuxuu gacan ka geysanayaa fududeynta is-dhexgalka gudaha ee taageerayaasha nidaamka.

Kooxaha Duruusku waxay sidoo kale dhexdhexaadin ka raadsadeen Dimishiq, iyadoo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashoodu ay ku baaqayaan hub ka dhigis iyo in lagu biiro maamulka cusub ee Suuriya. Marka la eego dhacdooyinkii u dambeeyay, hoggaamiyeyaashan waxay u muuqdaan inay saameyn ku yeelanayaan shakhsiyaadka la safan Israa’iil sida Xikmat al-Xajri. Haddii ay Duruusku ku guuleystaan inay is-dhexgalaan Suuriya inteeda kale, tani waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa hab-raaca hub ka dhigista ciidamada Kurdida.

Sidaas darteed, beegsiga Israa’iil ee Dimishiq wuxuu keenay in taageerayaal badan oo maamulka cusub ee Suuriya ay mudnaanta siiyaan ka jawaabista khataraha dibadda. Is-dhexgalka kooxaha Duruuska iyo maamulka dhexe ee Dimishiq waxay gacan ka geysan doontaa midnimada qaranka ee dalka, iyadoo isla markaas dib u qaabeynaysa loollanka awoodda ee guud ahaan Suuriya.

Isaias’ revelations show UAE-Ethiopia plot against Somalia

Asmara (Caasimada Online) – In a rare and candid moment, Eritrean President Isaias Afwerki has pulled back the curtain on what may be the most destabilizing geopolitical maneuver the Horn of Africa has seen in decades: an alleged plan by Ethiopia—reportedly backed by the United Arab Emirates—to reroute its trade through Eritrea and Somaliland, sidelining Djibouti and challenging Somalia’s sovereignty.

In a striking interview, Afwerki accused the UAE of driving Ethiopia’s efforts to bypass Djibouti and dominate the Red Sea trade corridor, exploiting Somaliland’s lack of international recognition as a strategic loophole.

He revealed that he turned down an Ethiopian proposal to channel all of its maritime trade through Eritrea’s Port of Assab—a move he said would have dealt a crushing blow to Djibouti’s economy, which relies heavily on Ethiopian cargo.

The plan, according to Afwerki, was not only reckless but driven by what he called a “fantasy” promoted by UAE President Mohammed bin Zayed, who he claimed aims to establish a “constellation of ports” across the region.

His remarks offer crucial insight into the high-stakes strategy of Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed—one that has plunged the region into one of its most serious crises in recent years. A secret maritime access deal intended to ease Ethiopia’s economic woes has instead inflamed nationalist sentiment in Somalia, rallied a coalition of regional powers to counter Addis Ababa, and pushed the fragile Horn closer to confrontation.

A secret deal and a firestorm

The storm broke on January 1, 2024, when Ethiopia signed a Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland, the self-declared independent region in northern Somalia. The agreement was explosive: Ethiopia would lease 20 kilometers of Red Sea coastline for a naval base and commercial port. In exchange, Addis Ababa offered Somaliland a stake in Ethiopian Airlines—and more controversially, hinted that it could be the first country to recognize Somaliland’s independence officially.

This MoU was more than just a legal document—it sent geopolitical shockwaves across the region.

It symbolized what observers have dubbed the “Abiy Doctrine”: a foreign policy approach marked by secrecy, personalization, and high-risk maneuvers. Facing internal insurgencies, a faltering economy, and growing diplomatic isolation, Abiy cast access to the sea as an “existential issue” for Ethiopia’s 120 million people. He invoked historical claims to ancient Ethiopian ports as justification—but to his neighbors, the rhetoric echoed the colonial era’s playbook of expansion.

Somalia responded swiftly and unequivocally. President Hassan Sheikh Mohamud condemned the MoU as a direct violation of Somalia’s sovereignty, declaring it “null and void,” and rushed through emergency legislation that criminalizes the deal. Mogadishu expelled the Ethiopian ambassador, recalled its own, and launched an aggressive diplomatic campaign that drew support from the African Union, Arab League, European Union, United States, and China. Ethiopia found itself unusually isolated on the international stage.

A new coalition takes shape

The fallout didn’t end there. The MoU ignited a surge of Somali nationalism, which President Mohamud harnessed to unite a divided nation behind a shared cause. In a dramatic geopolitical shift, Somalia has aligned itself with two of Ethiopia’s historical adversaries: Egypt, which has long sparred with Addis Ababa over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), and Eritrea, Abiy’s former ally that has become a rival.

Today, Somalia receives military assistance from Cairo and diplomatic support from Asmara—forming what regional analysts are calling a “containment coalition” aimed squarely at curbing Ethiopia’s ambitions.

Djibouti also finds itself at the center of the crisis. The tiny nation handles more than 95% of Ethiopia’s imports and earns around $2 billion annually from its port services. Had Ethiopia followed through with plans to abandon Djibouti in favor of Eritrea’s Port of Assab—as Afwerki revealed—it could have devastated Djibouti’s economy. Eritrea’s rejection of the proposal, then, wasn’t just a diplomatic slap; it was a crucial intervention that may have prevented economic upheaval across the region.

Meanwhile, the UAE’s role adds yet another layer of complexity. Through its logistics giant DP World, the Emirates already manages Berbera Port in Somaliland and is expanding its military and commercial footprint around the Red Sea. Afwerki’s warning—that the UAE is seeking to dominate a chain of ports from Berbera to Assab and into southern Yemen—suggests a broader realignment of power in the region, one that could prove deeply destabilizing.

And in this shifting landscape, a desperate and isolated Abiy Ahmed has become a willing partner.

A fragile pause, not a resolution

The most alarming consequence of Ethiopia’s port gambit has been the resurgence of Al-Shabaab. The extremist group has seized on the nationalist backlash in Somalia, recasting itself as a defender of Somali territory. The crisis has helped the group attract recruits, tap fresh sources of funding, and regain ground lost to Somali and international counterterrorism operations.

It has also threatened to unravel regional security efforts. At the height of the crisis, Somalia considered expelling thousands of Ethiopian troops deployed as part of the African Union mission.

After months of rising tension, a diplomatic opening finally emerged. In December 2024, Turkish President Recep Tayyip Erdoğan brokered the Ankara Declaration, a de-escalation agreement between Ethiopia and Somalia. As a key partner to Somalia and a growing competitor to the UAE, Turkey was uniquely positioned to mediate the conflict.

But while the agreement was hailed as a breakthrough, it left many questions unanswered. It reaffirmed Somalia’s territorial integrity—but made no mention of the Ethiopia-Somaliland MoU. That ambiguity has allowed all sides to claim victory: Mogadishu insists the deal is dead, Somaliland maintains it is still valid, and Ethiopia has remained silent—buying time.

In truth, the MoU has not been revoked. It remains in limbo—a dormant geopolitical time bomb.

While the Ankara Declaration helped avert immediate conflict, it did not resolve any of the deeper tensions. Ethiopia’s quest for a port continues. Somalia’s defense of its borders remains firm. Djibouti is still vulnerable. And the UAE’s ambitions in the region remain unchecked.

The Horn of Africa, for now, is quiet—but dangerously on edge.

If negotiations stall or internal pressures escalate, Prime Minister Abiy Ahmed may once again reach for the most volatile tools in his arsenal: a disputed port deal, a bold promise, and a move that could reignite the region’s next great crisis.

Afwerki oo kashifay shirqool halis ah oo Imaraaadka iyo Itoobiya u maleegeen Jabuuti

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa ku eedeeyay Imaaraatka Carabta inuu ka dambeeyo loolanka “gacan-ka-hadalka ah” ee Itoobiya ugu jirto helitaanka bad, isagoo kashifay inuu shakhsiyan u diiday dalab uga yimid Itoobiya oo uu sheegay inuu burburin lahaa dhaqaalaha dalka ay deriska yihiin ee Jabuuti.

Isagoo ka hadlayay waraysi uu siiyay warbaahinta dawladda, ayuu Isaias soo bandhigay aragti cusub oo ballaaran oo ku saabsan xiisadda gobolka ee sii kordheysa — isagoo tallaabooyinka Itoobiya ku sifeeyay inaysan ahayn go’aanno siyaasad gudaha ah, balse ay yihiin qayb ka mid ah “riyo-maalmeed” juquraafi-siyaasadeed oo ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Imaaraatka.

Sida uu sheegay Isaias, Itoobiya ayaa mar soo jeedisay hindise ah in gebi ahaanba laga guuro Dekedda Jabuuti — oo ay u marto in ka badan 95% ganacsigeeda — iyo in dhammaan badeecadaha la soo dejiyo loo weeciyo Dekedda Casab ee Eritrea.

Wuxuu sheegay in qorshahaas, haddii uu hirgeli lahaa, uu baabi’in lahaa dhaqaalaha Jabuuti, kaasoo uu ku qiyaasay inuu sanadkii ka helo $4 bilyan oo dollar oo ka yimaada xamuulka Itoobiya.

“Waxaan u sheegnay inaanan marnaba ka fiirsan doonin qorshe noocan oo kale ah oo lagu waxyeeleynayo dal deris ah,” ayuu yiri Isaias, isagoo Eritrea ka dhigaya quwad ka shaqeysa xasilloonida gobol ay xiisado is-biirsanaya ka jiraan.

Mororsiga dekadaha ee Imaaraatka  

Isaias wuxuu intaas ku daray, isagoo ku eedeeyay Imaaraatka Carabta inuu yahay dhiirrigeliyaha dhabta ah ee ka dambeeya himilooyinka dekedaha ee Itoobiya, oo ay ku jirto heshiiskii muranka dhaliyay ee lala galay Somaliland.

 “Xaqiiqda, ajandayaashani ma aha kuwa Xisbiga Barwaaqo,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya xisbiga talada haya ee Itoobiya, “balse waa riyo-maalmeedka Madaxweynaha Imaaraatka oo doonaya inuu gobolka oo dhan ka abuuro xidigis dekedo ah oo isaga hoos yimaada.”

Imaaraatka Carabta wuxuu si weyn u ballaariyay saamayntiisa dhaqaale iyo midda militari ee Geeska Afrika. Shirkaddiisa caalamiga ah ee saadka, DP World, ayaa maamusha kuna wadda ballaarin Dekedda Berbera ee Somaliland — dekeddaas oo ah xudunta heshiiskii dhowaan ay gashay Itoobiya.

Bishii Jannaayo 2024, Itoobiya waxay heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding) la saxiixatay jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland si ay uga kireysato 20 kiilomitir (12 mayl) oo xeeb ah oo ay u isticmaasho saldhig ciidan badeed iyo adeeg ganacsi. Heshiiska, oo sidoo kale muujinayay suurta-galnimada in la aqoonsado Somaliland, ayaa cambaareyn degdeg ah kala kulmay Soomaaliya, oo ku tilmaantay weerar ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Isaias, oo Eritrea gacan bir ah ku xukumayay tan iyo markii uu dalku madax-bannaanida ka qaatay Itoobiya sanadkii 1993, ayaa cadaadiska hadda jira la xiriiriyay halgankii Eritrea ee xilligii gumeysiga.

Wuxuu ku dooday in fikirka ah in Itoobiya la siiyo “helitaan bad oo madax-bannaan” ay la mid tahay sababtii loo adeegsaday Dagaalkii Labaad ee Adduunka kaddib si Eritrea loogu diido madax-bannaanideeda. Taas beddelkeeda, Qaramada Midoobay waxay dhulkaas ku dartay nidaam federaal ah oo ay la gashay Itoobiya sanadkii 1952-kii — tallaabadaas oo ugu dambayn horseeday dagaallo socday tobanaan sano.

“Waa inaan xasuusannaa in xuquuqdeennii gobonimo-doonka naloo diiday 1940-meeyadii, iyadoo la adeegsanayo marmarsiiyo tan la mid ah,” ayuu yiri.

Isagoo si fagaare ah u diidaya qorshaha lagu eedeeyay Itoobiya ee ku wajahan Jabuuti, isla markaana kashifaya waxa uu ku tilmaamay faragelin shisheeye, wuxuu Isaias isku dayayaa inuu dib u qaabeeyo doorka Eritrea ee gobolka.

Wuxuu dalkiisa u muujinayaa inuu yahay dhinac mabda’ leh oo ka soo horjeeda shirqoollada xasilooni-darrada ah — taasoo aad uga duwan sumcaddiisa dibadda ee ah hoggaamiye qarsoodi badan oo keli-taliye ah.

Hadalladiisa, oo la baahiyay xilli ay xiisaddu sii kordheyso ee kala dhaxaysa Addis Ababa, waxay muujinayaan in iskahorimaadka soo koraya uu aad uga weyn yahay helitaanka badda. Waa loolan awoodeed oo ku saabsan saamaynta, isbahaysiga, iyo qaabka mustaqbalka ee Geeska Afrika. 

Dhulka la siinayo safaaradda Soomaaliya oo dood culus ka dhaliyey gudaha Tukriga

Ankara (Caasimada Online) – Dood kulul oo ka dhex qaraxday Baarlamaanka Turkiga oo ku saabsan heshiis dhul is-weydaarsi ah oo lala galay Soomaaliya, ayaa si weyn u ifisay kharashaadka iyo hadafyada istiraatiijiyadeed ee ku lammaanan siyaasadda arrimaha dibedda ee ballaaran ee Ankara ee ku aaddan dalka Geeska Afrika ku yaal.

Udub-dhexaadka doodda fadhigga baarlamaanka ee bisha Luulyo 2025 waxaa ah heshiis lagu dhisayo safaarad cusub oo Soomaaliya ku yeelanayso magaalada Ankara—tallaabadan oo astaan u ah xiriirka sii kordhaya ee Turkiga, balse kicisay su’aalo adag oo uga yimid xildhibaannada, kuwaas oo ku saabsan daah-furnaanta, kharashka, iyo faa’iidada ugu dambaysa ee ay u leedahay shacabka Turkiga.

Heshiiska, oo cinwaankiisu rasmi ahaan yahay “Hab-raaca Isku-qoondeynta Dhulalka ee Ergooyinka Diblomaasiyadeed,” ayaa markii hore la saxiixay sanadkii 2019, balse hadda uun ayaa la hor keenay Guddiga Arrimaha Dibedda si loo ansixiyo.

Sida ku cad qodobada heshiiska, Turkigu wuxuu ballan-qaaday inuusan bixinayn oo keliya dhul baaxaddiisu tahay 4,918 mitir oo isku wareeg ah oo ku yaal aagga diblomaasiyadeed ee magac-weyn ee Incek ee Ankara, balse sidoo kale inuu maalgelinayo oo kormeerayo dhismaha xarunta cusub ee safaaradda.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid ka jawaab celinaysa dhul ka badan 61,000 oo mitir oo isku wareeg ah oo ay Soomaaliya hore ugu deeqday Turkiga magaalada Muqdisho, halkaas oo hadda ay ku taallo xarunta safaaradda ugu weyn ee Turkiga adduunka ku leeyahay—tasoo ay mas’uuliyiintu ku tilmaameen “xarunta diblomaasiyadeed iyo hawlfulineed ee gobolka” ee Ankara.

Intii uu socday kulanka guddiga, xildhibaannada mucaaradka ayaa heshiiska galiyay dabagal adag, gaar ahaan marka la eego baaqyadii dowladda ee ahaa in la sameeyo kharash yareyn qaran. “Kaliya ma bixinayno dhulka, balse sidoo kale waxaan dhisaynaa dhismaha,” ayuu ku dooday xubin guddiga ka tirsan oo lagu magacaabo Utku Çakırözer. “Ma naqaanno kharashka, mana naqaanno cida dhisi doonta. Miyaanay ahayn in arrintan la marsiiyo dabagal adag?”

Walaacyadu waxay sidoo kale gaareen dammaanad-qaadyada sharciyeed. Xildhibaan kale oo lagu magacaabo Yunus Emre ayaa su’aal ka keenay tallaabada uu Turkigu qaadi lahaa haddii ay Soomaaliya ka baxdo heshiiska. Iyagoo ka jawaabaya, mas’uuliyiin ka socday wasaaradda arrimaha dibedda ayaa guddiga u xaqiijiyay in wixii khilaaf ah lagu xallin doono “si is-afgarad ah,” taasoo ah qodob caadi ka ah heshiisyada noocan oo kale ah ee laba geesoodka ah.

Refik Ali Onaner, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibedda u qaabilsan Waqooyiga iyo Bariga Afrika, ayaa sii caddeeyay in Turkigu uu si sharci ah u maamulayo wixii iibin ama wareejin mustaqbalka ah ee hantidaas, isagoo si cad u xaddiday in loo isticmaalo oo keliya hawlo diblomaasiyadeed.

Maal-gashiga isbaheysi istiraatiiji ah

Saraakiisha dowladda oo difaacayay hindisahan, waxay ku tilmaameen inuusan ahayn kharash iska caadi ah, balse uu yahay maalgashi muhiim ah oo lagu samaynayo isbahaysi istiraatiiji ah oo muddada-dheer ah.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda, Nuh Yılmaz, ayaa adkeeyay “nooca gaarka ah” ee xiriirka, isagoo ku nuuxnuuxsaday in heshiiskani uu muhiim u yahay adkaynta doorka Turkiga ee ah awood xasillooni ka abuurta Geeska Afrika oo leh muhiimad istiraatiiji-juquraafiyeed oo weyn, isla markaana ilaaliya marinka Baab al-Mandab iyo marinnada maraakiibta ee Badda Cas.

Ballan-qaadkan ayaa udub-dhexaad u ah aragtida ballaaran ee Turkiga ee Afrika, taasoo isku darsanaysa awoodda jilicsan, maalgashiga dhaqaale, iyo iskaashiga amniga si loo dhiso saameyn loogana hortago waddamada kula tartama gobolka, sida Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya. Yılmaz wuxuu si toos ah isbarbar dhig ugu sameeyay istiraatiijiyadda muddada-dheer ee Turkiga ee Suuriya, isagoo xusay in marka nabadgelyada la sugo, “garoonku wuxuu si dabiici ah ugu furmayaa ganacsatada Turkiga.”

Habkan amniga la siiyo mudnaanta koowaad ayaa durba si wanaagsan u hirgalay. Turkigu wuxuu Muqdisho ku leeyahay saldhiggiisa milatari ee ugu weyn ee dibedda, Saldhigga Anatolia, kaasoo tababaray in ka badan 15,000 oo askari oo Soomaali ah si ay ula dagaallamaan ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Iskaashigan ayaa si weyn loo ballaariyay bishii Febraayo 2024 markii la saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha oo 10 sano ah.

Heshiiskan taariikhiga ah wuxuu ciidamada badda ee Turkiga siinayaa awood ay kaga qayb qaataan sugidda amniga xeebta ballaaran ee Soomaaliya oo dhererkeedu yahay 3,333 kiiloomitir, taasoo awoodda badeed ee Turkiga gaarsiinaysa Badweynta Hindiya, isla markaana Ankara siinaysa saldhig istiraatiiji ah oo muhiim ah.

Dhinacyada dhaqaalaha iyo bini’aadannimada ayaa iyaguna la mid ah oo aad u ballaaran. Wadarta guud ee gargaarka iyo kaalmada uu Turkigu siiyay Soomaaliya tan iyo 2011 waxay kor u dhaaftay $1 bilyan oo doollar, oo ay ku jirto $3.5 milyan oo doollar oo lagu bixiyay deyntii Soomaaliya lagu lahaa ee hay’adda IMF.

Shirkadaha Turkiga, sida Albayrak Group iyo Favori LLC, ayaa maamula dekedda istiraatiijiga ah ee Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah. Inkastoo ganacsiga labada dal uu hoos uga dhacay $426 milyan sanadkii 2023 ilaa $384 milyan sanadkii 2024, haddana dadka taageersan waxay ku doodayaan in qiimaha istiraatiijiyadeed ee muddada-dheer uu ka miisaan culus yahay isbedbeddelka dhaqaale ee muddada-gaaban.

Dadka taageersan arrintan, xiriirku wuxuu ka sarreeyaa siyaasadda juquraafiga oo kaliya. “Sababta ay Soomaaliya ugu kalsoon tahay Turkiga marka loo eego waddamada kale way caddahay,” ayay tiri Derya Bakbak oo ah xildhibaanad ka tirsan xisbiga talada haya. “Turkigu wuxuu leeyahay taariikh nadiif ah, oo ka maran ceebtii iyo wasakhdii gumaysiga. Meel kasta oo uu Turkigu tago, wuxuu geeyaa caddaalad, horumar, iyo daacadnimo.”

Dagaal culus oo maanta ka dhex-qarxay ciidanka DF iyo Jubaland kadib markii Janan…

Belexaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu dagaal culus ka dhex-qarxay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Jubaland ee ku sugan aagga degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu ka dhacay qaybo kamid ah magaalada oo maalmihii lasoo dhaafay ay isku horfadhiyeen labada ciidan, waxaana jiro khasaara kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagalka ayaa yimid kaddib markii saaka labo diyaarad oo Helicopter ay ka dageen xerada ciidamada UK, waxaana halkaasi ay geeyeen Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhowaan uun loo magacaabay taliyaha NISA ee Jubaland, kaas oo ka howlgali doono Gedo.

Ugu yaraan illaa 6 askari ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalkam kuwaas oo labada dhinac ah waxaana sidoo kale dhaawacmay ku dhowaad 8 kale iyo dad shacab ah.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana weli rasaas xooggan laga maqayaa gudaha magaalada, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goojoogayaal ah oo ku sugan Beledxaawo.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa helayo gurmadyo ciidan, waxayna uga sii dareysaa xiisadda dagaal ee haatan ka taagan halkaasi, taas oo horay looga digay.

Dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa mar kale ku hardamaya gobolka Gedo, maadaama ay soo dhowaatay doorashadii, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee gobolkan horkacayo Cabdirashiid Janan oo maalin kahor loo magacaaba taliyaha NISA ee maamulka Jubaland.

Qorshaha magacaabista Janan ayaa billow ah dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay damacsan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka billowdo gobolka Gedo, isaga oo durbo ka dagay magaalada Beledxaawo taas oo dhalisay dagaalka culus ee maanta qarxay.

Todobaadkii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo badan u daabushay qeybo kamid ah Gedo, si ay usii xoojiyaan kuwii horay u joogay gobollaasi, loogana hortago dhaq-dhaqaaq ay dhankooda halkaas ka bilaabeen ciidamada Daraawiishta maamulka Jubaland.

Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

Maxay Puntland ku sameysay markab labaad ee ay qabsatay?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in howl-gal amni kadib ay fasaxeen markabkii labaad ee laga shakisnaa, kaasi oo ku sugnaa xeebta degmada Bareeda ee gobolka Raascasyr.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska booliska ayaa lagu sheegay in markabka si buuxda loo baaray, waxaana la xaqiijiyey in uusan wadin wax sharci-darro ah. Sidaas darteed, markabka ayaa loo oggolaaday inuu si nabad ah uga sii shiraacdo xeebta.

Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in weli uu socdo baaritaanka markabkii hubka siday ee dhawaan lagu qabtay xeebaha isla gobolka Raascasayr. Taliska ayaa ka gaabsaday bixinta faah-faahin dheeraad ah ilaa la soo dhammeeyo baaritaankaas.

Taliyaha Booliska gobolka Raas-Caseyr, Mahad Cali Carcar ayaa shacabka uga digay inay ka feejignaadaan wararka been-abuurka ah ee lagu baahinayo baraha bulshada, kuwaas oo uu sheegay inay faafinayaan kooxo leh dano gaar ah.

“Waxaa jiraan dad rabaan inay abuuraan burcad si ay dadka badda ugu diraan, taasna waa in aan si mideysan uga hortagnaa,” ayuu yiri Taliye Mahad Carcar

Sidoo kale, Booliska Puntland ayaa sheegay inay wadaan hawl-gallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo badqabka xeebaha Puntland, si looga hortago falalka sharci-darrada ah sida tahriibka, ganacsiga hubka iyo in kooxaha argagixisada sida Daacish ay helaan marin ay kaga faa’iideystaan xaaladaha amni-darro.

Ugu dambeyntiina, taliska booliska ayaa adkeeyay “in aysan marnaba oggolaan doonin in xeebaha Puntland loo adeegsado ujeeddooyin wax u dhimaya amniga.”

Si kastaba, Puntland ayaa ku andacoonaysa inay xaq u leedahay difaaca madax-bannaanideeda, ilaalinta biyaha xuduudaheeda iyo xaqiijinta ammaanka, iyadoo caddeysay in wixii ka dhasha baaritaanka markabka hubka siday laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Somaliland iyo Taiwan oo saxiixanaya heshiis badda ah

0

Taipei (Caasimada Online) – Somaliland iyo Taiwan ayaa dhawaan saxiixan doona heshiis iskaashi oo dhanka badda ah, iyadoo caasimadda Taiwan uu haatan gaaray wafdi culus oo ka socda xukuumadda Somaliland.

Wafdigan oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa waxaa ku wehliya Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen Cabdi, Taliyaha Ilaalada Xeebaha, Axmed Hurre iyo La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Dibadda, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud.

Wasiirka ayaa markii uu ka degay Taipei kula hadlay saxaafadda garoonka, isagoo si diirran ugu mahad-celiyay dowladda Taiwan martiqaadka ay u fidisay. Wuxuu tilmaamay in safarka uu yahay mid muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac, isagoo Taiwan ku sifeeyay saaxiib dhow oo Somaliland kala wadaagta qiyamka dimuqraadiyadda, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo dhowrista sharciga.

Inta ay joogaan Taiwan, wafdiga Somaliland ayaa kulammo la yeelan doona madaxda ugu sarreysa ee dalkaasi, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Taiwan Lai Ching-te, Xoghayaha Amniga Qaranka Joseph Wu, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Lin Chia-lung.

Waxaa sidoo kale loogu tala-galay in lagu maamuuso casho sharaf uu martigelinayo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, Wu Chih-chung.

Mid ka mid ah ujeeddooyinka muhiimka ah ee safarka ayaa ah in labada dhinac kala saxiixdaan heshiis iskaashi oo la xiriira ilaalinta xeebaha, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan.

Wafdigu sidoo kale waxay booqan doonaan xarunta Hay’adda TaiwanICDF, si ay ugala tashadaan mashaariic horumarineed oo socda iyo kuwa mustaqbalka ee iskaashiga labada dal.

Safarkani wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee Wasiir Cabdiraxmaan uu ku tago Taiwan tan iyo markii loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda bishii December 2024, taasoo sare u qaadaysa muhiimadda booqashadan.

Somaliland iyo Taiwan ayaa tan iyo 2020-kii xiriir rasmi ah yeeshay, iyagoo iswaydaarsaday xafiisyo matalaad diblomaasiyadeed. Iskaashiga labada dhinac wuxuu ku fiday arrimo badan sida waxbarashada, caafimaadka, tiknoolajiyadda, beeraha iyo maareynta khayraadka dabiiciga ah.

Taiwan ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay sii wadista iyo xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Somaliland, xilli ay wajaheyso caqabado dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ayadu saaxiib dhow la ah Shiinaha, oo isagu si adag uga soo horjeeda gooni u goosadka Taiwan.

Dowladda Soomaaliya oo weli ku howlan dhismaha maamulka SSC-Khaatumo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdiga heer sare ah ee ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wali ku sugan magaalada Laascaanood, iyaga oo ka shaqeynaya dhameystirka geeddi-socodka dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Xoosh oo faah-faahin ka bixiyay halka ay marayaan howlaha dhismaha maamulka, ayaa sheegay in dowladda ka go’an tahay in la dhamaystiro maamulka SSC Khaatumo. Wuxuu xusay in ergada dhismaha maamulka looga baahan yahay inay dardar-geliyaan xulista xubnaha baarlamaanka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in wafdi sare oo dheeraad ah la filayo inay booqdaan Laascaanood maalmaha soo socda, si ay uga qeyb qaataan wejiyada ugu dambeeya ee dhismaha maamulka iyo caleema-saarka madaxda.

Ergada hadda ku sugan Laascaanood ayaa ka kooban wakiillo ka kala socda beelaha dega gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, kuwaas oo hadda ku howlan soo xulista xubnaha baarlamaanka maamulka.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa imaanaya iyadoo la qorsheeyay in 5-ta Agoosto la qabto doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka SSC Khaatumo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay taageerayso in Cabdulqaadir Axmed Cali (Firdhiye) inuu hoggaamiyo maamul goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo, sida ay sheegayaan xogo aan ka heleyno shirka ka socda magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Jibriil, oo ka soo jeeda gobolka Sanaag, ayaa la sheegay inuu yahay musharaxa ay dowladda federaalku u xulatay jagada madaxweyne ku -xigeenka maamulka Firdhiye.

Turkey-Somalia embassy land swap triggers fierce debate

Ankara (Caasimada Online) – A heated debate in the Turkish Parliament over a land-swap agreement with Somalia has thrown a sharp spotlight on the costs and strategic ambitions of Ankara’s expansive foreign policy in the Horn of African country. 

At the heart of the July 2025 parliamentary session is a deal to construct a new Somali embassy in Ankara—a move emblematic of Turkey’s deepening ties but one that has triggered pointed questions from lawmakers about transparency, cost, and the ultimate benefit to the Turkish people.

The agreement, formally titled the “Protocol on the Mutual Allocation of Plots for Diplomatic Missions,” was initially signed in 2019 but has only now come before the Foreign Affairs Committee for ratification. 

Under its terms, Turkey commits not only to providing a 4,918-square-meter plot in Ankara’s prestigious Incek diplomatic enclave but also to funding and overseeing the construction of the new chancery. This gesture is framed as reciprocal to Somalia’s earlier grant of over 61,000 square meters in Mogadishu, now the site of Turkey’s largest embassy compound in the world—a facility officials describe as Ankara’s “regional diplomatic and operational hub.”

During the committee meeting, opposition lawmakers subjected the deal to intense scrutiny, particularly given the government’s recent calls for national austerity. “We are not only giving the land but also constructing the building, argued committee member Utku Çakırözer. “We don’t know the cost, nor do we know who will build it. Shouldn’t this be subject to stricter scrutiny?”

Concerns extended to legal safeguards. Fellow lawmaker Yunus Emre questioned what recourse Turkey would have if Somalia were to default on the agreement. In response, ministry officials assured the committee that any disputes would be resolved “amicably, a standard clause in such bilateral pacts. 

Refik Ali Onaner, the Foreign Ministry’s director general for North and East Africa, further clarified that Turkey retains legal control over any future sale or transfer of the property, explicitly limiting its use to diplomatic functions.

A strategic gamble  

Defending the initiative, government officials portrayed it not as a simple expenditure but as a crucial investment in a long-term strategic alliance. Deputy Foreign Minister Nuh Yılmaz emphasized the “special nature of the relationship, highlighting the deal as essential in solidifying Turkey’s role as a stabilizing power in the geostrategically critical Horn of Africa, which guards the approach to the Bab el-Mandeb Strait and the Red Sea shipping lanes.

This engagement is the centerpiece of Turkey’s broader doctrine in Africa, which combines soft power, economic investment, and security cooperation to build influence and counter regional rivals, such as the UAE and Saudi Arabia. Yılmaz drew a direct parallel to Turkey’s long-term strategy in Syria, noting that once security is established, “the field naturally opens up to Turkish businesspeople.”

This security-first model is already well-established. Turkey operates its largest overseas military facility, the Anatolia Barracks in Mogadishu, which has trained over 15,000 Somali soldiers to combat the al-Qaeda-affiliated al-Shabab insurgency. This partnership was significantly expanded in February 2024 with the signing of a landmark 10-year Defense and Economic Cooperation Framework Agreement. 

The pact grants the Turkish navy authority to help secure Somalia’s vast 3,333-kilometer coastline, projecting Turkish maritime power into the Indian Ocean and providing Ankara with a significant strategic foothold.

The economic and humanitarian dimensions are equally vast. Turkey’s total aid and assistance to Somalia since 2011 has surpassed $1 billion, including a $3.5 million payment to clear Somalia’s IMF debt.

Turkish firms, such as the Albayrak Group and Favori LLC, manage Mogadishu’s strategic port and international airport, respectively. Although bilateral trade decreased from $426 million in 2023 to $384 million in 2024, proponents argue that the long-term strategic value outweighs short-term economic fluctuations.

For supporters, the relationship transcends mere geopolitics. “The reason Somalia trusts Turkey more than other countries is clear, declared ruling party lawmaker Derya Bakbak. “Turkey has a clean record, free from the stain of colonialism. Wherever Turkey goes, it brings justice, development, and sincerity.”  

Villa Somalia backs Firdhiye for SSC-Khaatumo presidency

Las Anod (Caasimada Online) — The Federal Government of Somalia is reportedly backing Abdulqadir Ahmed Ali Firdhiye to lead the new regional administration of SSC-Khatumo, according to reports from a recent political conference in Las Anod.

This conference aims to create a regional government representing Sool, Sanaag, and Cayn (SSC) areas — a region contested by the Federal Government, Puntland, and the self-declared Republic of Somaliland. Former Puntland Parliament Speaker Abdirashid Jibril, who hails from Sanaag, is reportedly the federal government’s preferred candidate for vice president under Firdhiye’s leadership.

Sources close to the conference reveal that Jibril arrived in Las Anod with a delegation representing the Sanaag and Haylaan districts. 

Questions around delegate selection

Observers suggest that the Federal Government, operating from Mogadishu’s Villa Somalia, influenced the selection of delegates to favor Firdhiye and Jibril, sidelining other candidates and limiting genuine political competition.

According to sources speaking to Caasimada Online, Ambassador Jamaal Hassan — a Haylaan native with presidential ambitions for the Khatumo administration — is likely to withdraw after being excluded from the delegate selection. Hassan reportedly represents a political vision that differs from that of the federal-backed candidates and does not enjoy majority support in the Sool and Cayn communities.

The Khatumo State movement emerged as a response to ongoing territorial disputes between Puntland and Somaliland over the SSC regions. Puntland, which governs northeastern Somalia, claims parts of Sool and Sanaag based on clan ties, while Somaliland asserts its authority based on colonial-era borders from the former British Somaliland protectorate.

Las Anod, the capital of the Sool region, has long been a hotspot for clashes between Somaliland forces and local clans. In 2023, Somaliland troops withdrew from the city after violent confrontations with local militias, creating SSC-Khatumo administration, supported by the federal government.

These developments have sparked strong reactions across the region.

Puntland’s government, which has historically administered the Sool region has strongly condemned the ongoing process in Las Anod, accusing the Federal Government of unconstitutional interference and violating Somalia’s provisional constitution by unilaterally intervening in the creation of a Federal Member State.

Meanwhile, Somaliland — which claims the entire SSC territory — has outright rejected the Las Anod conference and any administration aligned with Mogadishu. It views the conference as an illegal move to undermine its territorial integrity, labeling it a secessionist scheme orchestrated by federal authorities.

President Hassan Sheikh Mohamud is reportedly viewing the formation of the Khatumo administration and the appointment of its leaders as strategic steps to strengthen federal influence ahead of Somalia’s contentious electoral process.

Xog: Puntland oo qabsatay markab kale oo Muqdisho u socday – Muxuu sidaa?

Bareeda (Caasimada Online) – Ciidanka Puntland ayaa maanta mar kale weeraray markab shidaal oo marayay xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Bari, kaas oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho kana yimid Khaliijka.

Markabka ayaa waday shidaal, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo ganacsatada shidaalka ee Muqdisho, waxaana la sheegay inay baaritaan ku bilaabeen, si la mid ah markabkii hore ee ay haysteen ee siday hubka iyo gaadiidka dagaalka.

Dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidanka PMPF ee ay Imaaraadku maalgeliyo ayaa kordhinaya walaaca iyo cabsida ay qabaan markableyda, kuwaas oo horey ula kulmay weerarro ka dhan ah oo uga yimid Xuutiyiinta Yemen.

Markabka shidaalka sida ee maanta ay qabatay Puntland, waxaa la sheegay in uu halkaas taagnaa habeen iyo maalin lasoo dhaafay, isagoo u soo dhawaanayay dhanka xeebta kana joogsaday mowjadaha kacsan ee badda.

Mowjadaha hakiyay markabkan ayaa sidoo kale ah kuwa ku kalifay markabkii hore ee hubka siday inuu u dhawaado dhanka xeebta — halkaas oo ay ciidamada Puntland ka qabteen — inkastoo uusan samaynin wax xiriir ah, sida ay Puntland sheegtay.

Dowladda Soomaaliya oo mas’uul ka ah amniga badda iyo cirka ayaa ka aamusan dhacdooyinkan, kuwaas oo carqaladayn kara isku socodka caalamka.

Sidoo kale, wararka laga helayo markabkan dambe waxay sheegayaan in uu xiriir la sameeyay maamulka Puntland. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas ayaa xaqiijiyay in markabku sido shidaal ka yimid Khaliijka, isla markaana uu u socdo magaalada Muqdisho.

Markabkii hubka siday ee Sea World ayaa maalinkii labaad ku xiran dekedda magaalada Boosaaso, iyadoo Puntland ay sheegtay inay baaritaan ku waddo. Balse xogaha hoose ayaa muujinaya in Puntland loo hayo hubkii ay horey u sheegtay in la boobay.

Puntland ayaa guddi gaar ah u xilsaartay kiiska markabka Sea World ee hubka siday, kaas oo ilaa hadda — marka laga reebo wararka hoose — aysan jirin cid sheegatay lahaanshihiisa, sidoo kalena aysan si faahfaahsan uga hadlin Turkiga iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Somalia fires top security advisor over seized arms scandal

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s influential National Security Advisor, Hussein Sheikh Ali, has been dismissed from his post, sources said Monday — a move that threatens to destabilize the government amid a burgeoning scandal over a seized weapons shipment and deepening political rifts.

The removal, reportedly conveyed directly to President Hassan Sheikh Mohamud, has not been officially announced. Sources close to the presidency, who requested anonymity to discuss sensitive matters, confirmed that Ali was relieved of his duties after Puntland authorities intercepted a vessel carrying undeclared military hardware, details of which remain opaque.

Ali’s sacking follows growing scrutiny over the arms seizure last Friday by maritime forces from Puntland, a semi-autonomous member state. The incident has triggered a political firestorm in Mogadishu, undermining the federal government’s authority.

The departure of a key architect of Somalia’s national security policy would deal a significant blow to an administration already navigating a multi-front crisis, including a diplomatic standoff with Ethiopia and a brutal offensive against Islamist militants.

Embarrassment after embargo triumph

The arms controversy is a major embarrassment for the government and Ali personally. He was widely credited as the driving force behind the United Nations Security Council’s decision in December 2023 to lift the 31-year-old arms embargo on Somalia fully.

That diplomatic victory was intended to bolster the Somali National Army’s (SNA) capabilities in its fight against the al-Qaeda-allied al-Shabaab group. However, the discovery of this undeclared shipment now fuels international concerns about weapons management and could strain relations with security partners.

Puntland, which has a fraught relationship with Mogadishu over issues of autonomy and power, has not disclosed the origins of the vessel or the intended recipient of its cargo.

Ali’s dismissal comes against a backdrop of mounting internal and external pressures.

For months, his office has managed the diplomatic fallout from a contentious port access deal signed between Ethiopia and Somaliland, a breakaway region that Mogadishu still claims as its own.

Simultaneously, the administration is struggling with domestic political fractures. Tensions have reignited in the strategic Gedo region, a persistent flashpoint in the power struggle between the federal government and the leadership of Jubaland state.

Mogadishu’s recent deployment of federal forces to Gedo, coupled with the controversial appointment of Abdirashid Janan, a commander once designated a fugitive, as a regional intelligence chief, is viewed by opponents as an aggressive move to centralize power and has dangerously heightened local tensions.

A veteran strategist, Hussein Sheikh Ali has been a central figure in Somali security policy for years, serving as a close confidant to President Mohamud. He also briefly held the same advisory role under the previous administration before resigning.

His dismissal comes at a time when nearly all of the security initiatives under his leadership had stalled, with little progress made — compounding the challenges now facing the federal government.

His departure strips the administration of its chief security strategist at a moment of extreme vulnerability. It creates a leadership vacuum as Somalia confronts the persistent threat from al-Shabaab and navigates a volatile regional political environment.

Somali opposition declares talks with president a ‘failure’

Mogadishu (Caasimada Online) – A powerful bloc of Somali opposition lawmakers has declared that months-long political negotiations with President Hassan Sheikh Mohamud have collapsed, warning that the country is spiraling deeper into crisis amid political fragmentation, rising insecurity, and a breakdown in trust between federal and regional authorities.

In a strongly worded press release issued on July 21, 2025, the Somali National Salvation Council (SNSC)—a coalition of opposition parliamentarians—stated that the most recent round of talks had ended in a stalemate.

“It is unfortunate that the last meeting yesterday, 20/07/2025, ended without results, in circles, and with hopelessness,” the Council stated, lamenting that two months of engagement had failed to yield “meaningful decisions that could unite the fragmented Somali people.”

The statement paints a grim picture of the Horn of Africa nation, citing what it calls growing authoritarianism, an influx of illegal arms, and mounting clan tensions. “All these developments have collectively thrown the Somali people’s fate, state-building process, and hopes for a better future into a deep pit,” the lawmakers warned.

Presidential concession

The breakdown comes just as sources told Caasimada Online that President Hassan Sheikh Mohamud had offered a significant concession to opposition leaders over controversial constitutional amendments, in an effort to break the impasse and rally support for his plan to hold Somalia’s first direct presidential election in more than 50 years.

According to those familiar with the negotiations, the president agreed to revisit recent changes to the provisional constitution—particularly the contested fourth chapter, which had become a key point of contention in the talks.

“The president has shown he is ready to retract the fourth chapter of the constitution, which has been the focus of the dispute,” said an opposition figure involved in the talks, speaking on condition of anonymity.

The move was widely seen as a strategic trade-off to win broader consensus for Somalia’s transition to a “one-person, one-vote” electoral system, a landmark reform long sought after but fraught with political and security risks.

However, a source close to Villa Somalia urged caution, saying no final decisions have been made. “The president will hold consultations with the relevant institutions before the next round of talks,” the source said, referring to negotiations tentatively scheduled for August 10.

Constitutional crisis

At the center of the political gridlock lies a bitter disagreement over the future of Somalia’s governance model. President Mohamud, now serving his second non-consecutive term, has prioritized replacing the clan-based, indirect electoral system with direct voting. But federal member states such as Puntland and Jubaland have accused the central government of attempting a power grab.

Puntland has already suspended its recognition of the federal government and vowed to operate independently until constitutional issues are resolved through a referendum. The SNSC echoed these concerns, warning that “the hope that this government can be brought back within the constitutional framework is dim.”

Beyond the political stalemate, the SNSC warned of broader instability, citing a surge in illegal arms shipments, escalating inter-clan violence, and what it described as the misuse of state power.

“These challenges are placing the Somali people’s future and hope in darkness,” the Council stated. It called for broader societal leadership from scholars, youth, women, civil society, and political figures to “rescue the unity and sovereignty of Somalia.”

“Every Somali citizen must take a stand against this dangerous and authoritarian approach of the federal government,” the lawmakers declared.

The opposition coalition also appealed to international partners, thanking them for long-standing support and urging continued assistance. “We call on the international community to remain committed to the Somali people and support the path toward stable state-building,” the Council said.

The collapse in dialogue—despite recent signs of compromise—marks a volatile chapter in Somalia’s political transition. With the country still fighting the Al-Shabaab insurgency and struggling to build enduring institutions, the growing disconnect between political leaders threatens to derail hopes for lasting peace and democratic reform.

Mucaaradka oo soo saaray qoraal xasaasi ah oo la xiriira wada-hadalladii Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada mucaaradka ee ku mideysan Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa rejo xumo ka muujiyay isfaham ay gaaraan hoggaanka dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo shalay mar kale ku shiray magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadan ayaa muujiyay sida ay uga walaacsan yihiin marxalada adag ee dalku marayo, hubanti la’aanta siyaasadeed, kala taga dowladda dhexe iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo soo jeediyay in gacanta la qabto Xasan Sheekh ka hor inta uusan dalka burburin.

“Xldhibaanadu waxay ka welwelsan yihiin in iyadoo umadda Soomaaliyeed ka war sugaysay mudo laba bilood ah, shirarkii u dhexeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka, naawilayeen in ay soo baxaan go’aanno wax tar leh oo isu keeni kara umadda Soomaaliyeed ee kala irdhowday, ay nasiib daro tahay in shirkii u dambeeyey ee shalay uu kusoo dhamaaday, natiijo la’aan, iska daba wareeg iyo rajo-beel,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen xildhibaannada mucaaradka ee ku mideysan Golaha Samatabixinta Qaran.

Sidoo kale waxay sheegeen in rajadii laga qabay in xukuumadda talada haysa lagu soo dabaalo xayndaabka dowladnimada ay mugdi ku jirto, isla markaana loona baahan yahay in xildhibaanada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan u istaagaan badbaadinta wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed.

“Waa in aan qaadno talaabo kasta oo lagaga hortegayo, laguna xakamaynayo damacyada guracan ee xukuumada talada haysa ku talaabsanayso,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayey sidoo kale ugu baaqeen inay si deg-deg ah usoo fara-geliyaan xaaladda ka taagan dalka, isla markaana ay garab istaagaan dadaallada lagu xasilinayo siyaasadda iyo dhismaha dowladnimo dhab ah oo loo dhan yahay.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Golaha Samatabixinta Qaranka waxay ka walaacsanyihiin, marxalada adag ee wadanku jiro, hubanti la’aanta siyaasadeed, kala taga xukuumada iyo dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, hubka sharci darada ah ee kusoo qulqulaya wadanka, abaaraha, isku dirka beelaha iyo dagaalada lagu qaadayo dagaano nabdoon, argagixisada, cadaalad darada, ku tarsifalka awoodyeed ee xukuumada talada haysa ku talaabsanayso, oo dhammaanod taabanaya maasirika iyo dowlad dhiska, mustaqbalkii iyo rajadii bulshada Soomaaliyeedna god dheer ku ridaya.

Waxa kale oo xildhibaanadu ka welwel-sanyihiin in iyadoo umadda Soomaaliyeed ka war-sugaysay mudo laba bilood ah, shirarkii u dhexeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka, naawilayeen in ay soo baxaan go’aanno wax tar leh oo isu keeni kara umadda Soomaaliyeed ee kala irdhowday, ay nasiib daro tahay in shirkii u dambeeyey ee shalay 20/07/2025 uu kusoo dhamaaday, natiijo la’aan, iska daba wareeg iyo rajo-beel.

Haddaba, Xildhibaanada Samatabixintu markay qiimeeyeen, mowqifka dowlada iyo miisaanka madasha mucaaradka waxay bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaan, in rajadii laga qabay in xukuumada talada haysa lagu soo dabaalo xayndaabka dowladnimada ay mugdi ku jirto, loona baahan yahay in Xildhibaanada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, culimada, dhalinyarada, haweenka, wax garadka iyo ururada bulshada u istaagaan hormoodna u noqdaan badbaadinta wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed.

Waa inay qaadanaa talaabo kasta oo lagaga hortegayo, laguna xakamaynayo damacyada guracan ee xukuumada talada haysa ku talaabsanayso.

Sidoo kale, Xildhibaanadu oo dareensan isgoyska ayada ee soomaliya marayso waxay u mahad-celinayaan dhamaan beesha caalamka ee mudo dheer taageero garab istaag ah la barbar taagnaayd dowlad dhiska Soomaaliyeed, waxaanan ku boorinaynaa in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan kobcinta xasiloonida iyo horumarka dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

Puntland oo sheegtay in ay ku hawlan tahay qabashada markab labaad oo hub sida

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in markab kale oo wata calanka waddanka Comoros, uu haatan taagan yahay meel qiyaastii 15 mayl u jirta xeebta degmada Bareeda ee gobolka Raascasyr, oo ah isla goobtii lagu qabtay markabkii hubka siday.

Xildhibaan Cumar Qariib oo ka tirsan Golaha Deegaanka Bareeda ayaa u sheegay warbaahinta in markabkan cusub uu leeyahay astaamo la mid ah kuwii lagu arkay markabkii hore, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogaanin waxa saaran.

“Markab kale oo laga shakiyay ayaa taagan xeebaha degmada Bareeda, waa markab xamuul ah oo ay isku nooc yihiin markabkii hore loo qabtay, waxaana uu ku gooshayaa calankii uu sitay kii hubka lagu qabtay,” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Qariib.

Sidoo kale wuxuu sheegay in la qorsheynayo in saacadaha soo aadan halkaas loo diro ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland, si ay u gaaraan markabkaas, una sameeyaan baaritaan ku saabsan ujeeddada uu u joogo iyo waxa uu sido.

Warbixintan cusub ayaa imanaysa iyadoo wali ay socdaan baaritaanno ku aaddan markabkii hore ee Sea World, oo dhawaan lagu qabtay xeebaha gobolka Raascasyr, iyadoo laga helay hub kala duwan, gaadiid dagaal iyo agabyo kale oo ciidan.

Markabkan oo illaa iyo hadda aysan jirin cid sheegatay, ayaa waxaa la sheegay in uu ku socday magaalada Muqdisho, isla markaana uu hubka u siday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Markabkan ayaa kasoo shiraacday xeebaha dalka Turkiga, oo la rumeysan yahay in hubka looga soo raray.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in markabkan ay ku qabatay meel kamid ah aagga halista ah ee dagaalka lagula jiro kooxda Daacish, taasoo ay ku tilmaantay mid khatar dheeraad ah ku keenaysa nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale markabka ayey sheegtay inuu si sharci-darro ah ugu sugnaa biyaha Puntland, isagoo aan wax codsi caawimaad ah soo gudbin, sida waafaqsan sharciga caalamiga ah ee xuduudaha badda.

Markabka ayuu maamulku sheegay in uusan la socon wax sharciyad ah oo oggolaanaya joogitaankiisa biyaha Puntland, taas oo ka hor imaneysa heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta madax-bannaanida badeed ee dalalka, gaar ahaan xeerka QM ee Badda. Puntland waxay sheegtay inay haysato awood sharci ah oo ay ku baari karto maraakiibta soo gasha biyaha ay maamusho, iyadoo cuskaneysa qodobbada 25(1) iyo 27(1) ee xeerka UNCLOS.

Maamulka ayaa sidoo kale waxa uu shacabka Puntland iyo beesha caalamka la wadaagtay in joogitaanka markabkaasi si dhuumasho ah uu khatar weyn ku yahay ammaanka Puntland, gaar ahaan maadaama uu ku sugnaa aag ay dowladda kula dagaallameyso kooxaha nabad-diidka.

Si kastaba, Puntland ayaa ku andacoonaysa inay xaq u leedahay difaaca madax-bannaanideeda, ilaalinta biyaha xuduudaheeda iyo xaqiijinta ammaanka, iyadoo caddeysay in wixii ka dhasha baaritaanka markabkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Ingiriiska oo Soomaaliya ku daray liis ay ku jiraan Ruushka, Pakistan iyo Waqooyi Kuuriya

0

London (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin cusub oo ku wajahan muwaadiniinteeda, taasoo uga digeysa in ay u safraan 31 dal oo ku kala yaalla qaaradaha Yurub, Afrika, Aasiya iyo Latin America.

Dalalka digniinta laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah: Ruushka, Belarus, Ukraine, Afghanistan, Soomaaliya, Haiti, Yemen, Venezuela, Mali, Koonfurta Suudaan, Myanmar, Libya, Syria, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Waqooyiga Kuuriya, Pakistan, Ciraaq, Nigeria iyo Iran.

Digniintan ayaa salka ku haysa xaalado amni darro iyo sababo kale oo aan la shaacin, balse u muuqda kuwa siyaasadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa qoraal rasmi ah ku sheegtay in muwaadiniinta dalkaasi laga doonayo in ay ka fogaadaan safarada ku wajahan dalalkan, si ay u ilaaliyaan badqabkooda.

Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah wadamada liiska ku jira ay yihiin kuwo awood iyo saameyn leh, sida Ruushka iyo Pakistan, taasoo keentay in dad badan is-weydiiyaan sababta rasmiga ah ee loogu daray wadamadan. Si kastaba, dowladda Ingiriiska faah-faahin dheeri ah kama bixin arrintaan.

Digniintan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Ingiriiska ku doonayso inay ku ilaaliso badqabka muwaadiniinteeda meel kasta oo ay adduunka ka joogaan. Xogtan ayaa sidoo kale lala wadaagay laamaha amniga iyo shirkadaha safarka.

Marar badan ayay dowladaha reer galbeedka, gaar ahaan Ingiriiska iyo Mareykanka u diraan muwaadiniintooda digniino amni oo la xiriira safarada caalamiga ah, si looga hortago khataraha ka iman kara xasaradaha siyaasadeed, argagixisada, ama dagaallada ka aloosan dalalka ay booqanayaan.