26.3 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Ingiriiska oo Soomaaliya ku daray liis ay ku jiraan Ruushka, Pakistan iyo Waqooyi Kuuriya

0

London (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin cusub oo ku wajahan muwaadiniinteeda, taasoo uga digeysa in ay u safraan 31 dal oo ku kala yaalla qaaradaha Yurub, Afrika, Aasiya iyo Latin America.

Dalalka digniinta laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah: Ruushka, Belarus, Ukraine, Afghanistan, Soomaaliya, Haiti, Yemen, Venezuela, Mali, Koonfurta Suudaan, Myanmar, Libya, Syria, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Waqooyiga Kuuriya, Pakistan, Ciraaq, Nigeria iyo Iran.

Digniintan ayaa salka ku haysa xaalado amni darro iyo sababo kale oo aan la shaacin, balse u muuqda kuwa siyaasadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa qoraal rasmi ah ku sheegtay in muwaadiniinta dalkaasi laga doonayo in ay ka fogaadaan safarada ku wajahan dalalkan, si ay u ilaaliyaan badqabkooda.

Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah wadamada liiska ku jira ay yihiin kuwo awood iyo saameyn leh, sida Ruushka iyo Pakistan, taasoo keentay in dad badan is-weydiiyaan sababta rasmiga ah ee loogu daray wadamadan. Si kastaba, dowladda Ingiriiska faah-faahin dheeri ah kama bixin arrintaan.

Digniintan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Ingiriiska ku doonayso inay ku ilaaliso badqabka muwaadiniinteeda meel kasta oo ay adduunka ka joogaan. Xogtan ayaa sidoo kale lala wadaagay laamaha amniga iyo shirkadaha safarka.

Marar badan ayay dowladaha reer galbeedka, gaar ahaan Ingiriiska iyo Mareykanka u diraan muwaadiniintooda digniino amni oo la xiriira safarada caalamiga ah, si looga hortago khataraha ka iman kara xasaradaha siyaasadeed, argagixisada, ama dagaallada ka aloosan dalalka ay booqanayaan.

War cusub oo kasoo kordhay ninkii xabsiga ka baxsaday ka hor maalinta toogashadiisa

0

Qardho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Asluunta ee maamul-goboleedka Puntland ayaa war cusub kasoo saaray baxsashada maxabuus dil ku xukunaa oo maalin kahor ka baxsaday xabsi dhexe ee magaalada Qardho, waxaana ka dhashay tuhun aad u xooggan.

Saraal sare oo u hadlay ciidanka Asluubta ayaa sheegay in ninka baxsaday uu ku xukunaa dil, isla markaana qorshuhu ahaa in toogashada la fuliyo 24 bishaan, balse uu baxsaday 20-kii bishaan, taas oo uu ku tilmaamay arrin khalad ah oo ka dhacday ciidankii haayay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lasoo xiray askartii ka dambeysay falkan iyo guud aan intii uu ku sugneyd xabsiga uu ka baxsaday eedeysanaha oo haatan la baadi goobayo.

“Halkan dhacdo ayaa ka dhacday waxaa ku xirnaa nin gacan u dhiigle ah oo la toogan lahaa 24-ka bishaan, wax alaala wixii shaqadaas ku jiray iyo ciddii haysay kuli gacanta ayaan ku haynaa baaritaankoodana waa socdaa” ayuu yiri saraak sare oo ka hadlay dhacdadaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dadka lasoo xiray uu ku jiro taliy ku xigeenka qaybta ee gobolka Karkaar oo xilligaas shaqada waday, waxaana lala soo xiray dhammaan ciidamadii la shaqeynayay, kuwaas oo haatan loo soo gudbiyay magaalada Boosaaso.

“Shaqada waxaa waday taliye xigeenkii gobolka Karkaar iyo ciidankii la shaqeynayay meeshana ku wada sugnaa tallaabo ayaanu ka qaadnay meel fiican ayayna mareysaa” ayuu sii raaciyay.

Sarkaalka oo sii hadlaya ayaa farriin u diray labada beel ee ay dhibaatadu ka dhexeyso, maadaama ninka baxsaday uu yahay gacan ku dhiigle la rabay in tiirka la geeyay, isaga oo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan oo ay is xakameeyaan, lana shaqeeyaan dowladda.

“Wax kasta waa dhacaan laakiin waxaan rabnaa in labada reer ay is dajiyaan oo si deggan u xaliyaan arrintaan, ninkaana sidii dib gacanta loogu soo celi lahaa” ayuu mar kale yiri.

Horay ayay sidaan oo kale u dhacday, waxaana maxaabiis ku xukunaa dil oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish ay ka baxsadeen xabsiyada Boosaaso iyo Gaalkacyo ee maamul-goboleedka Puntland, inkastoo markii dambe dib loo soo qabtay maxaabiista baxsatay.

Maxaabiistaas waxaa kamid ahaa Cabdiqani Saleeban Jaamac (Sayloor) oo maalmo kahor laga qabtay aagga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, wuxuuna kamid ahaa shabakad ka tirsaneyd Al-Shabaab oo u qaabilsanaa madax jabiska waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

 

La-taliyihii amniga qaranka Xasan Sheekh oo is-casilay kadib fadeexaddii hubka

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin Maamuud Sheekh Cali ayaa lagu soo warramayaa ‘inuu is-casilay’.

Ilo wareedyo xilkas ayaa innoo sheegay in Xuseen Macallin uu Madaxweynaha u gudbiyay is-casilaadiisa, oo timid xilli ay fadeexo wayn ka dhalatay markabkii hubka ee ay qabsatay Puntland, kaas oo Jimcihii lasoo dhaafay lagu qabtay xeebaha bari ee maamulkaasi.

Lama oga sababta ka dambeysa is-casilaadda ninkan oo muddo dheer la shaqeeynayay Madaxweyne Xasan, waxaase lasoo wariyay inay la xiriirto xaaladaha taagan oo ay ugu horreeyaan amniga, siyaasadaha is-diidan ee sii laba kacleynayaa iyo fashilka hubka.

Wararka la helayo ayaa intaasi kusii daraya is-casilaada la-taliyaha amniga qaranka uu ka gows-adaygayo Xasan Sheekh, mana jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay Villa Somalia, kuna aadan is-casilaada la-taliye Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali.

Ninkan dhalinyarada ah aya sidoo kale horay la-taliye amni ugu soo noqday Madaxweyne Farmaajo, inkastoo markii dambe uu iska casilay xilkaas oo dabadeed loo magacaabay Fahad Yaasiin.

Xuseen Macallin waxa uu door wayn oo muuqdo ka qaatay howlaha qaran ee amniga, isaga oo dadaal badan galiyay qaadistii cuna-qabateynta hubka, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu ku garab istaagay dagaalkii cuslaa ee uu la galay Itoobiya oo gaaray heerkii ugu xumaa.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana la’isku hayaa arrimaha doorashooyinka, sidoo kale waxaa taagan doodo amni, waxaana hadda ugu daran hubka u gacan galay Puntland iyo xiisadda goboka Gedo oo mar kale soo rogaa celisay, kadib markii ay dowladdu ciidamo gaysay gobolkaasi, ayna u magacowday Cabdirashiid Janan oo noqonayo taliyaha Nabad-sugidda ee Jubaland, si uu u fuliyo qorshaha Villa Somalia.

Isaias reveals Ethiopia and UAE plot to cripple Djibouti

0

Asmara (Caasimada Online) – Eritrean President Isaias Afwerki has accused the United Arab Emirates of orchestrating Ethiopia’s “reckless” push for sea access, revealing that he personally rejected an Ethiopian proposal he says would have devastated the economy of neighboring Djibouti.

Speaking in a state media interview, Isaias offered a sweeping new perspective on the deepening regional crisis — portraying Ethiopia’s actions not as internal policy decisions but part of a broader geopolitical “fantasy” driven by the UAE’s president.

According to Isaias, Ethiopia once floated a proposal to completely abandon the Port of Djibouti — which handles over 95% of its trade — and reroute all imports through Eritrea’s Port of Assab. He claimed the plan, had it gone ahead, would have wrecked Djibouti’s economy, which he estimated earns $4 billion annually from Ethiopian cargo.

“We told them that we would not contemplate such a scheme to harm a neighboring country,” Isaias said, casting Eritrea as a stabilizing force in a region increasingly fraught with tension.

UAE’s ‘constellation of ports’

Isaias went further, accusing the UAE of being the true driver behind Ethiopia’s port ambitions, including the controversial deal with Somaliland.

“In reality, these are not the [Prosperity Party’s] agendas,” he said, referring to Ethiopia’s ruling party, “but the fantasy of the UAE President who wants to create a constellation of ports under his control all over the region.”

The UAE has dramatically expanded its economic and military presence in the Horn of Africa. Its global logistics giant, DP World, operates and is expanding the Port of Berbera in Somaliland — the very port at the heart of Ethiopia’s recent deal.

In January 2024, Ethiopia signed a Memorandum of Understanding with the self-declared republic of Somaliland to lease 20 kilometers (12 miles) of coastline for a naval base and commercial access. The agreement, which also hinted at possible recognition for Somaliland, drew immediate condemnation from Somalia, which denounced it as an attack on its sovereignty.

Isaias, who has ruled Eritrea with an iron grip since the country gained independence from Ethiopia in 1993, connected the current pressure campaign to Eritrea’s colonial-era struggles.

He argued that the idea of granting Ethiopia “sovereign access to the sea” echoed the rationale used after World War II to deny Eritrea independence. Instead, the United Nations federated the territory with Ethiopia in 1952 — a move that eventually led to decades of war.

“We must recall that our rights to decolonization were denied in the 1940s under similar pretexts,” he said.

By publicly rejecting Ethiopia’s alleged plan for Djibouti and exposing what he claims is foreign interference, Isaias is working to reframe Eritrea’s role in the region. He’s casting his country as a principled actor resisting destabilizing schemes — a sharp contrast to his reputation abroad as a secretive and authoritarian ruler.

His claims, aired as tensions with Addis Ababa continue to rise, suggest that the brewing conflict is about far more than sea access. It’s a power struggle over influence, alliances, and the future shape of the Horn of Africa.

Xog: Turkiga oo la saftay madaxweyne Xasan, cadaadis ku billaabay mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa la kulmeysa dhaleeceyn uga imaneysa hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya, kuwaasoo ku eedeeyay Ankara inay ka tagtay dhex-dhexaadnimadeedii muddada dheer ay ku caan ahayd oo ay si buuxda ula safatay dowladda, xilli uu jiro is-mari-waa siyaasadeed oo culus oo ku saabsan nidaamka doorashooyinka mustaqbalka ee dalka.

Eedeymahan ayaa soo shaac baxay kadib markii safiirka Turkiga ee Muqdisho uu Sabtidii qabtay kulan albaabadu u xiran yihiin, kaasoo uu isugu keenay diblomaasiyiin caalami ah iyo xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya. Kulankan ayaa yimid maalin keliya ka hor wareeggii saddexaad ee wadahadallada muhiimka ahaa ee u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ee Axaddii ka dhacay Villa Somalia.

Sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed iyo kuwa mucaaradka, ujeeddada ugu weyn ee danjiraha Turkiga waxay ahayd inuu ku qanciyo mucaaradka inay ka laabtaan diidmadooda ku aaddan nidaamka doorashada ee “hal qof, hal cod” ee ay soo jeedisay dowladda—hindise si weyn u kala qeybiyay siyaasiyiinta sare ee Soomaaliya.

Xubin ka tirsan mucaaradka oo kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in safiirka Turkiga uu si toos ah ugala hadlay mowqifkooda. “Wuu na soo eegay oo na weydiiyay, ‘Maxaad u diidan tihiin?’” ayuu sarkaalkaas u sheegay Caasimada Online—su’aal ay dad badani u fasirteen inay tahay taageero cad oo loo hayo mowqifka dowladda.

Cadaadiskaas loo arkay ayaa calaamad u ah waxa ay dadka qaar u arkaan isbeddel la taaban karo oo ku yimid doorka Turkiga ee Soomaaliya. In kasta oo Ankara ay in ka badan toban sano saaxiib weyn ka ahayd dhinacyada amniga iyo horumarka, waxay dhaqan ahaan iska ilaalin jirtay inay si toos ah ugu lug yeelato siyaasadda gudaha ee dalka ee cakiran.

Isbeddel ku yimid dhex-dhexaadnimadii Ankara?

Sannado badan, Turkiga waxaa loo arkayay saaxiib joogto ah balse aan dhinacna raacsanayn oo Soomaaliya ay leedahay. Kaalintiisu waxay ahayd mid la taaban karo: boqollaal milyan oo doollar oo lagu maalgaliyay kaabayaasha dhaqaalaha, oo ay ku jiraan dib-u-dhiska garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo dekedda weyn, dhismaha isbitaallo, iyo keenista gargaar ballaaran oo bini’aadannimo. Dhinaca militariga, Turkiga wuxuu saldhig weyn oo ku yaal caasimadda ku tababaraa ciidanka kumaandooska Gorgor ee sida gaarka ah u tababaran.

Laakiin xubnaha mucaaradka ayaa hadda ka walaacsan in aragtidaas ay isbeddeleyso.

“Dhinaca Turkiga uma muuqan inay si dhab ah u fahmeen xaaladda siyaasadeed ee adag ee dalka,” ayuu yiri xubin kale oo mucaaradka ka tirsan oo kulanka joogay. “Way ka duwan yihiin saaxiibbada kale ee caalamka; Turkigu khibrad ku filan uma laha siyaasadda gudaha iyo doorashooyinka Soomaaliya.”

Kulanka laftiisa ayaa la sheegay inuu isagu iskiis u abaabulay safiirka Turkiga, inkastoo aysan Ankara ka tirsanayn kooxda udub-dhexaadka ah ee “C6+” ee saaxiibbada caalamka—oo ay ku jiraan QM, Mareykanka, UK, iyo Midowga Yurub—kuwaasoo loo xilsaaray inay kormeeraan geeddi-socodka siyaasadeed ee rasmiga ah.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, danjiraha Turkiga wuxuu kulanka ku furay isagoo ku booriyay dhammaan dhinacyada inay dejiyaan xiisadihii u dambeeyay, oo ay ku jirto tan ka dhalatay qabashada markab hub siday oo laga qabtay meel ka baxsan xeebaha maamul-goboleedka Puntland.

Xiriirka siyaasadeed oo sii xoogeysanaya

Khilaafkan diblomaasiyadeed wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu jiro muran salka ku haya qaabka ay Soomaaliya u qabanayso doorashooyinkeeda soo socda. Maamulka Madaxweyne Maxamuud ayaa riixaya nidaam doorasho oo qof iyo cod ah—kii ugu horreeyay ee dalka ka dhaca tan iyo 1969-kii.

Si kastaba ha ahaatee, isbaheysiga mucaaradka, oo loo yaqaan Madasha Badbaado Qaran, ayaa walaac culus ka muujiyay. Waxay ku doodayaan in Soomaaliya aysan lahayn amniga, qaab-dhismeedka sharciyeed, iyo kaabayaasha saadka—sida tirokoob la isku halleyn karo iyo nidaam diiwaangelinta codbixiyeyaasha—ee looga baahan yahay si loo qabto doorasho qof iyo cod ah oo caddaalad ah oo daah-furan.

Dad badan ayaa ka cabsi qaba in geeddi-socodka la is-daba marin karo, taasoo dalka u horseedi karta xasilooni darro hor leh. Isku dayo hore oo lagu hirgelinayay doorashooyin toos ah ayaa meel la iska dhigay iyadoo lagu beddelay habab doorasho oo dadban, halkaasoo odayaasha dhaqanka iyo ergadu ay doortaan xildhibaannada.

Calaamadaha muujinaya isku soo dhowaansho siyaasadeed oo sii kordhaya oo u dhexeeya Ankara iyo Villa Soomaaliya ayaa noqonaya kuwo aad u muuqda. Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa dhowaan u safray Ankara si ay “khibrad is-dhaafsadaan” mas’uuliyiinta doorashooyinka Turkiga.

Intaa waxaa dheer, saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada ee Madaxweyne Maxamuud ayaa la kulmay dhiggooda oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Turkiga ee Caddaaladda iyo Horumarka (AKP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Goobjoogayaashu waxay xuseen isku ekaanshaha afkaarta iyo xitaa magacyada ee labada xisbi.

In kasta oo tallaabadan diblomaasiyadeed ee ugu dambeysay ee Turkigu ay walaac ku abuurtay safafka mucaaradka, haddana beesha caalamka intiisa kale waxay weli u aragtaa wadahadallada socda ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo mucaaradkeeda inay yihiin rajada ugu wanaagsan ee lagu gaari karo heshiis is-afgarad ah oo lagu xaqiijin karo xasiloonida jilicsan ee dalka.

Xukun lagu riday haween u basaasayay Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland ayaa xukuntay afar haween ah oo loo haystay inay xog sirdoon u gudbin jireen kooxaha argagixisada ee dagaalka kula jirto dowladda.

Haweenka la xukumay oo kala ah; Nasro Nuur Cusmaan, Xaawo Ibraahim Maxamed, Iqro Faarax Cabdinuur iyo Maryan Maxamed Aadan ayaa lagu helay dambiyo la xiriira la shaqeynta kooxda Al-Shabaab.

Haweenkan ayey maxkamaddu sheegtay in ay si gaar ah u gudbin jireen xogaha ku saabsan ciidamada iyo shacabka ku nool deegaanka Buuloxaaji.

Fadhiga maxkamadda oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim, ku-xigeennadiisa, Xeer-ilaaliyaha ciidamada, baarayaal, iyo qareennadii u doodayay eedeysanayaasha ayaa lagu dhageystay doodo muddo socday.

Maxkamaddu waxay xustay in qiimeyn dheer kadib ay soo baxday in qaar ka mid ah gabdhaha aysan qaan gaarin, taasoo saameyn ku yeelatay go’aanka kama dambaysta ah. Sidaas darteed, halkii laga qaadi lahaa xukun ciqaabeed culus, waxaa lagu amray in afarta haween ah loo gudbiyo barnaamij dhaqan-celin ah oo ay si dhow ula soconayaan hay’adaha amniga.

Xukunka maxkamadda ayaa lagu sheegay mid ka tarjumaya dadaallada Jubbaland ee ka dhanka ah xagjirnimada, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha gaarka ah ee eedeysanayaasha iyo doorka ay haweenku ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.

Si kastaba, xukunka maxkamadda ayaa muujinaya baahida loo qabo wacyi-gelin xooggan oo lagu beego dhalinyarada iyo haweenka, si looga hortago marin-habaabinta ay kooxaha xagjirka ahi adeegsadaan si ay ugu adeegsadaan dano argagixisanimo.

Askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya oo qarax lagu dilay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare kala duwan geystay oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula beegsaday qaybo ka mid ah magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay waddada aada garoonka diyaaradaha, waxaana lala eegtay kolonyo ay wateen ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid kamid ah kolonyada ciidamada Itoobiya oo xilligaas kusii jeeday dhanka garoonka oo ay dagan yihiin waxaana soo gaaray khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, iyada oo gebi ahaan uu burburay baabuurka la qarxiyay.

Ugu yaraan 3 askari oo ka trsanaa ciidamada Itoobiya ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Qaraxa kadib ciidamada ayaa furay rasaas kooban, waxayna sidoo kale xayireen dhaq-dhaqaaqa waddada, inkastoo saacado kadib ay isaga tageen goobta lagu weeraray.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan qaraxa loo dhigay kolonyada ciidamada Itoobiya, waxaana mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab, sida ay ku baahiyeen barahooda.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay weeraro isugu jiro, qaraxyo, kuwa toos ah iyo madaafiic ay Al-Shabaab ku qaadayeen fariisimaha ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaannada ay ka joogaan gobollada Baay iyo Bakool.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa si gaar ah weeraro gaadmo ah ku qaada qaybaha kala duwan ee ciidamada ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadkooda, waxayna sidoo kale go’doon ku hayaan degmooyinka waawayn.

Sawirro: Muungaab oo tegay suuqa Bakaaraha oo ay ka taagan tahay arrin laga…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Kormeerka Muungaab ayaa ujeedadiisu tahay sidii looga jawaabi lahaa cabasho maalmahaan kasoo yeereysay ganacsatada suuqa, taasoo ku aaddan shaqsiyaad dhul-boob ka waday qaybo kamid ah suuqa.

Guddoomiyaha oo dhegaystay cabashada shacabka ayaa xaqiijiyay in aysan jirin cid barakicin karta ganacsatada, sidoo kalena uusan jirin amar kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Muungaab ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu kula socdo arrintaan, isagoo tilmaamay in madaxda qaranka aysan haatan usoo socon dhulka suuqa Bakaaraha oo ay leedahay Dowladda Hoose ee Xamar.

“Waxaan kusoo baxay qeylo-dhaantiinna, waxaana isoo diray Madaxweynaha dalka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud; ma jiro qof sharciyad u haysta dhulkan, mana jiro qof ama dad idin barakicin kara ee nabad ku shaqaysta. Qofkii idin soo aado annaga ayaa idinka qaban doonno, dadka damaca uga jiro dhulkan waxaan leeyahay: Iimaanka Alle ha idin geliyo,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Duqa Muqdisho ayaa adkeeyay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta shacabka iyo hantidooda, isagoo caddeeyay in aysan jirin cid ku xad-gudbi karto suuqyada ganacsi ee Muqdisho, sida Bakaaraha, Suuq Bacaad, Suuqa Xamarweyne iyo dhammaan suuqyada kale. Wuxuu digniin u diray dadka soo samaystay dokumentiyo been-abuur ah oo raba in ay ku qaataan dhulka dowladda.

Kormeerka maanta ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxaa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Agaasimaha Waaxda iyo Guddoomiyaha Degmada Hawlwadaag.

NISA oo burburisay guri ay Al-Shabaab ku diyaariyeen qaraxyo waaweyn

0

Dhanaane (Caasimada Online) – Ciidanka Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fuliyeen deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose ku burburiyay guri ay Khawaarijtu u isticmaali jireen kaydinta waxyaabaha qarxa.

Gurigaas ayaa la beegsaday ka dib markii la dhammeystiray xog muujinaysay in Khawaarijtu halkaas dhagar uga soo maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Saddexdii bishii hore ee Juun, howlgal la mid ah oo ay Ciidanka Gaashaan ka fuliyeen isla deegaanka Dhanaane ayaa lagu dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaannada Dhanaane, Jilib Marka, iyo Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa guriga la burburiyey ku diyaarisay qaraxyo waayeen oo loo soo waday magaalada Muqdisho, balse waxaa la helay xogta, kadibna waxaa beegsaday ciidamada howlgallada u tababaran ee Gaashaan.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in xalay guriga la qarxiyey uu sameeyey qarax labaad, maadaama ay ku jireen waxyaabaha qarxa oo Al-Shabaab ay ku diyaarsadeen, iyagoo doonayey in gaari ay ku raraan, kadibna la soo aadaan bartilmaameedyadooda Muqdisho.

Sidoo kale, Ciidanka Gaashaan ee howlgalkaan fuliyey waxaa la sheegay in xalay ay deegaankaas ka soo wateen dhowr qof oo looga shakisan yahay in qaraxyada gurigaas lagu diyaariyey ay ku lug lahaayeen iyo in wadashaqeyn ay kala dhaxeyso kooxda Al-Shabaab.

Dhanaane waa deegaan muhiim ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana u dhow xeebta, halkaas oo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay tagaan, kana laabtaan.

Sidoo kale, Ciidamada dowladda ayaa halkaas ka ugaarsada kooxda Al-Shabaab, bishii hore waxay ku dileen ninkii ugu halista barnaa ee kooxda u qaabilsanaa Dhanaane, Gandarshe, ilaa Jilib Marka, sidoo kale dhowr mar ayaa kooxda lagu duqeeyey aaggaas.

Al-Shabaab ayaa khasaare kasta oo lagu garsiiyo ku mintida deegaanadaas dhaca xeebta, maadaama ay dhaqaale ka qaataan gaadiidka safarka ah ee mara Xeebta, kuwaas oo aada magaalooyinka koonfurta Soomaaliya ee Marka, Baraawe, ilaa Jilib.

Waa ayo Druze? – Dariiqada ka dagaalameysa Suuriya ee Israa’iil ay taageereyso?

Suwayda (Caasimada Online) – Qabaa’ilka Badawiyiinta hubeysan ee Suuriya ayaa maalintii Axadda ku dhawaaqay inay ka baxeen magaalada Suwayda oo ay u badan yihiin dadka dariiqada Druze-ka haysta ama Al-Muwaxidiinta, ee Israa’iil ay sheegtay in ay taageereyso si ay u bad-baadiso.

Ka bixitaankan ayaa yimid kaddib iska hor-imaadyo socday muddo toddobaad ah iyo xabbad-joojin uu Mareykanku garwadeen ka ahaa, xilli ay gawaarida gargaarka bini’aadannimo billaabeen inay galaan magaaladaas ku taal koonfurta ee ay colaaddu burburisay.

Iska hor-imaadyadii u dhexeeyay maleeshiyooyinka dariiqada diimeed ee laga tirada badan yahay ee Druze-ka iyo qabaa’ilka Muslimiinta Sunniga ah ayaa waxaa ku dhintay boqollaal qof, waxayna halis geliyeen inay carqaladeeyaan marxaladda kala-guurka ee Suuriya ee xilliga dagaalka kaddib oo markii horeba jilicsanayd.

Sidoo kale, Israel waxay tobanaan duqeyn oo dhinaca cirka ah ka fulisay gobolka Suwayda oo ay u badan yihiin Druze-ku, iyadoo beegsanaysay ciidamada dowladda oo lagu eedeeyey in ay la safan yihiin reer baadiyaha ama Badawiyiinta.

Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Axmad al-Sharca, oo loo arkayay inuu u janjeero dhanka reer baadiyaha, ayaa isku dayay inuu qanciyo bulshada Druze-ka, isagoo isla markaasna dhaleeceynayay maleeshiyooyinka. Wuxuu markii dambe ku boorriyay reer baadiyaha inay ka baxaan magaalada, isagoo sheegay “inaysan beddeli karin doorka dawladda ee ku aaddan maaraynta arrimaha dalka iyo soo celinta amniga.”

“Waxaan uga mahadcelineynaa Badawiyiinta mowqifyadooda geesinimada leh, laakiin waxaan ka dalbanaynaa inay si buuxda ugu hoggaansamaan xabbad-joojinta ayna u hoggaansamaan amarrada dawladda,” ayuu yiri khudbad laga sii daayay maalintii Sabtida.

Waa ayo Druze?

Dariiqada diimeed ee Druze ayaa unkatay qiyaastii 1,000 sano ka hor, iyagoo ka farcamay Ismaaciiliya, oo ah laan ka tirsan mad-habta Shiicada ee Islaamka.

Inta badan cibaadooyinka diimeed ee Druze waa kuwo qarsoon, iyadoo dadka aan ka tirsanayn aan loo oggolayn inay diintooda soo galaan, sidoo kalena si adag ayaa looga digaa guurka ay la yeeshaan dadka aan iyaga ahayn.

In ka badan kala bar tirada dadka Druze-ka ah ee adduunka oo lagu qiyaaso hal milyan ayaa ku nool dalka Suuriya. Inta soo hartay ee Druze-ka ah waxay u badan yihiin dalalka Lubnaan iyo Israel, oo ay ku jiraan deegaannada Buuraha Golan, oo ay Israel ka qabsatay Suuriya Dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, kuna darsatay dhulkeeda sanadkii 1981-kii.

Waa kuwan qaar ka mid ah xaqiiqooyinka ku saabsan dariiqada Druze:

Mabaadi’da Druze-ka

“Mabda’a asaasiga ah ee bulshada Druze-ku waa inay is-difaacaan, taasoo la micno ah inay midba midka kale difaaco,” ayuu yiri Makram Rabah, oo ah borofesar ku-xigeen ka dhiga taariikhda Jaamacadda Mareykanka ee Beirut (American University of Beirut).

“Haddii qof Druze ah oo jooga meel kasta oo adduunka ka mid ah uu u baahdo caawimaadda qof kale oo Druze ah, si toos ah ayuu u helayaa,” ayuu yiri Rabah. “Waxaad qayb ka tahay bulsho weyn.” Wuxuu carrabka ku adkeeyay sida dhaqamada bulsho iyo kuwa hidde ay bulshada isugu hayaan. “Waa qabiil weyn,” ayuu yiri.

Guurka lala yeesho dadka aan ka tirsanayn dariiqada lama dhiirrigeliyo. Rabah wuxuu sheegay in Druze-ka caadiga ah ay go’doominayaan dadka guursada qof aan iyaga ka mid ahayn. “Waxaad halis ugu jirtaa in lagugu takooro xagga bulshada iyo is-dhexgalka,” ayuu yiri.

Xiriirka dowladda Suuriya

Druze-ka Suuriya waxay leeyihiin taariikh dheer oo ay ku sameysanayeen waddo u gaar ah si ay ugu dhex noolaadaan awoodaha dalka. Waxay si weyn ugu lug lahaayeen kacdoonnadii ka dhanka ahaa Cusmaaniyiinta iyo gumeystihii Faransiiska si loo dhiso dawladda casriga ah ee Suuriya.

Inta badan Druze-ku waxay u dabaaldegeen ridistii kaligii-taliyihii Suuriya, Bashar Assad, bishii Diseembar, laakiin way ku kala qaybsanaayeen xukunka madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Axmad al-Sharca.

Rabshadihii ugu dambeeyay waxay bulshada ka dhigeen kuwo aad uga shakisan hoggaanka cusub ee Suuriya, kana walaacsan suurta-galnimada wada-noolaansho nabadeed.

Gudaha Israel, xubno ka tirsan bulshada Druze-ka ayaa ku baaqay in lasoo farageliyo si loo ilaaliyo Druze-ka Suuriya. Laakiin meelaha kale ee gobolka, hoggaamiyeyaasha Druze-ka ayaa diiday faragelinta Israel.

Maleeshiyooyinka Druze-ka

Maleeshiyooyin dhowr ah oo Druze-ku hubeeyaan ayaa jiray sanado badan, kuwaasoo markii hore loo aasaasay si ay bulshadooda uga difaacaan dagaalyahannada kooxda Dowladda Islaamiga ah (Daacish) iyo kuwa daroogada ka soo tahriibiya saxaraha bari.

Assad, isagoo caga-jiidaya, wuxuu Druze-ka siiyay heer ismaamul ah, maadaama ay doonayeen inay ka fogaadaan ka qaybgalka jiidda hore ee dagaalka. Druze-ka waxaa laga dhaafay qoritaanka qasabka ah ee ciidanka Suuriya, taas beddelkeedana, waxay aasaaseen kooxo hubeysan oo deegaanka ah, kana kooban shaqaale iyo beeraley, si ay u ilaaliyaan deegaannadooda.

Tan iyo markii xilka laga tuuray Assad, Druze-ku way ka caga jiideen inay hubka dhigaan. Natiijadu waa kalsooni darro is-jiitamaysa, halkaasoo taageerayaasha dowladda ay kooxaha Druze-ka ku tilmaamayaan gooni-u-goosato suurtagal ah ama qalab ay adeegsato Israel, halka cadaawadda dowladda ay sii qoto dheeraynayso walaaca Druze-ka.

Faah-faahinta dil naxtin leh oo xalay ka dhacay Hargeysa

0

Hageysa (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil naxtin leh oo xalay ka dhacay magaalada Hargeysa, kadib markii nin ku hubeysnaa bistoolad uu toogasho ka gaystay bartamaha magaaladaasi oo xarun u ah Maamulka Somaliland.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay boosteejo laga raaco basaska u kala goosha xaafadaha Haregysa, wuxuuna falka dhacay fiidkii hore, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in ninka hubeysan uu beegsaday dadkii ka shaqeynayay basaska ee ku sugnaa goobta, waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Khadra Cabdi Jaamac oo kamid ah dadkii goobjoogga ahaa ayaa la hadashay warbaahinta, waxayna ka sheekeysay sida ay wax u dhaceen, iyada oo tilmaamtay in ninka bistoolada watay uu goobta yimid, kadibna uu fuliyay toogashada, waxaana ku dhintay hal wiil, iyadoo mid kale uu dhaawacmay, kuwaas loola cararay isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

“Goorto waxay ahayd habeen abaare saaladdii Cishaha haadkaa koonfur xiga ayuu marayay ninka wuu cararaayay bistooladna wuu laaladsanayay dadka ay waxyeelladu soo gaartay waa laba inan mid wuu dhintay, midna waa dhaawac” ayay tiri Khadra Cabdi.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in ninka weerarka gaystay uu goobta isaga baxsaday, kahor, inta aysan soo gaarin ciidamada ammaanka ee Somaliland.

“Qofka dilka gaystay lama qaban dariiqa ayuu maray, waana baxsaday, ninkuna wuxuu ahaa nin jab yar oo dhuuban oo aad u cararaya” ayuu mar kale tiri Khadra.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Booliska Somaliland oo ku aadan dhacdadan, waxaase haatan soconayo baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan falkaasi.

Si kastaba, Lama oga sababta ka dambeysa dilka, wuxuuna argagax wayn ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan reer Hargeysa oo haatan dalbanaya in dambiilaha lasoo qabto

Sawirro: Wafdi culus oo ka socda DF oo gaaray K/Galbeed

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Fartaag ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga Wasiirka waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay wasiirka amniga dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed oo ay wehliyaan saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga, iyo sidoo kale guddoomiyaha degmada Baydhaba.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda federaalka maanta gaaray Baydhabo ayaa halkaas u tagay howlo shaqo iyo kormeer amni, xilli ay maamulkaasi ka bilaabatay is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada qof iyo cod.

Wafdiga Wasiirka Amniga Gudaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS, Isaaq Maxamuud Mursal iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta XFS, Maxamed Aadan Maxamed.

Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ayaa magaalada Baydhaba ka bilaabatay horraantii bishan, iyadoo sidoo kale ay dowladda dhexe qorshahan ka bilowday maamullada Galmudug, HirShabelle iyo SSC-Khaatumo oo heshiis la ah dowladda.

Tallaabooyinka ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli Jubaand, Puntland iyo mucaaradka ay tabasho ka qabaan hanaanka ay wax u waddo Villa Somalia ee la xiriira doorashooyinka.

Si kastaba, hanaankan doorasho ee dardar-gelinayso dowladda federaalka ayaa waxaa si adag uga soo horjeeda siyaasiyiinta mucaaradka, oo iyagu maalmihii dambe magaalada Muqdisho kula shirsanaa Madaxweyne Xasan Sheekh. Labada dhinac ayaa wajahaya cadaadis caalami ah, si aysan xiisadda gacanta uga sii bixin.

Madaxweyne Afwerki oo si cajiib ah uga hadlay dagaalka Itoobiya ay isku diyaarineyso

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa ku eedeeyay dalka ay jaarka yihiin ee Itoobiya inuu si firfircoon ugu jiro diyaar garow dagaal, isla markaana uu eedeymaha diblomaasiyadeed u adeegsanayo daah uu ku qarinayo ujeeddooyinkiisa, tallaabi si weyn sare ugu qaadaysa xiisadda, islamarkaana halis gelinaysaa inay iska hor imaad ku dhowaadaan labadan dal ee Geeska Afrika ku xifaaltama.

Wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta gudaha, ayuu hoggaamiyahan ruug-caddaaga ah ku gacan sayray warqad ay Addis Ababa u dirtay Qaramada Midoobay, taasoo Eritrea ku eedeynaysay gardarro, wuxuuna ku tilmaamay mid “layaab leh oo carruurnimo iyo been abuur ah.”

“Xaqiiqdii, tani waxay ahayd been rakhiis ah oo uu Xisbiga Barwaaqo (Prosperity Party) ku doonayay inuu ku daboolo diyaar garowgiisa dagaal,” ayuu yiri Isaias, isagoo ula jeeday xisbiga talada haya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Eedeyntan cad ayaa imaanaysa bilooyin kadib markii uu sii xumaanayay xiriirka labada dal, kaasoo bilaabay inuu muroogoodo dabayaaqadii 2023-kii, markaasoo uu Abiy ku adkeystay “xaqa dabiiciga ah” ee Itoobiya u leedahay inay hesho marin badeed. Waa hadal daandaansi ah oo ka dhex dhacay gobol ay arrimaha madax-bannaanida iyo helitaanka badda ay yihiin kuwo aad xasaasi u ah.

Itoobiya waxay ahayd waddan aan bad lahayn tan iyo sanadkii 1993-kii, markaasoo ay Eritrea xorriyaddeeda ka qaadatay kaddib dagaal qaraar oo socday 30 sano, iyadoo la wareegtay dhammaan xeebtii dalkaas ee Badda Cas.

Labada dal ayaa markii dambe galay dagaal kale oo xuduudeed oo ba’an intii u dhaxaysay 1998 iyo 2000, kaasoo galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof. Heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo la gaaray 2018-kii ayaa si ku-meel-gaar ah u soo yareeyay xiisaddii, xitaa wuxuu horseeday iskaashi xilligii uu socday dagaalkii Tigray. Laakiin is-afgaradkaas jilicsanaa ayaa tan iyo markaas bur-buray.

Xiisadaha gudaha oo la weecinayo

Madaxweyne Isaias wuxuu meesha soo dhigay in hoggaamiyeyaasha Itoobiya ay hurinayaan colaad dibadeed si ay dareenka dadweynaha uga weeciyaan dhibaatooyinka baahsan ee dalkooda ka jira.

“Qalalaasaha aan maanta ka aragno Itoobiya runtii waa mid aan horay loo arag,” ayuu yiri, isagoo farta ku fiiqay waxa uu ku tilmaamay guul-darrada dowladda ee ku aaddan fulinta buuxda ee Heshiiskii Nabadda ee Pretoria (Pretoria Peace Agreement) oo la saxiixay bishii Nofeembar 2022, kaasoo si rasmi ah u soo afjaray dagaalkii Tigray. Eritrea, inkastoo ay garab siisay ciidamada Itoobiya, haddana kama aysan mid ahayn dhinacyadii heshiiskaas saxiixay, waxaana tan iyo xilligaas Mareykanka iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen inay carqaladeynayso dhaqan-gelintiisa.

Sidoo kale, Isaias wuxuu shaki geliyay go’aanka ay dowladda Itoobiya “dagaal aan laga fiirsan kula gashay FANO,” oo ah maleeshiyo awood badan oo ka dhisantay gobolka Amxaarada. Iska horimaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maleeshiyadan oo horey xulafo u ahaa ayaa si xowli ah u socday tan iyo bartamihii 2023-kii, taasoo sii kordhisay xasilooni-darrada dalka.

Madaxweynaha Eritrea ayaa hadalkiisa sii wata, wuxuuna ku eedeeyay Itoobiya inay ka hormarisay xiisad abuur milatari wadahadalladii diblomaasiyadeed.

Wuxuu sheegay in Addis Ababa ay ku mashquulsan tahay “hanjabaado iyo gooddin maalinle ah,” ayna ku faanayso inay heshay “diyaarado aan duuliye lahayn (drones) iyo gantaallo ridada dheer, taankiyo iyo wixii la mid ah,” iyadoo ujeeddadu tahay “inay ku beegsato Eritrea.”

Inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin sheegashooyinkan gaarka ah ee ku saabsan iibsiga hubka, haddana Itoobiya waxay si fagaare ah u ballan-qaadday inay casriyeynayso ciidankeeda qalabka sida.

Si kastaba ha ahaatee, Isaias wuxuu adeegsaday hadal adag oo iska caabbin ah, isagoo ka digay in la dhayalsado adkaysiga Eritrea, kaasoo ay soo shiileen tobanaan sano oo colaadeed.

“Anagu ma jecelin dagaal. Laakiin waxaan galnay dagaallo nalagu soo qasbay,” ayuu yiri. “Sida taariikhdu marqaati ka tahay, si fiican ayaan u naqaannaa sida aan dalkeenna u difaacno mar haddii nalagu soo duulo.”

Wuxuu hadalkiisa kusoo xiray baaq toos ah oo uu ku doonayo in looga fogaado waxa ay falanqeeyayaashu ka cabsi qabaan inuu isu beddelo colaad goboleed oo baahda.

“Shacabka Itoobiya ha ku ridina dagaal aan waxba tarayn; diiradda saara xalinta dhibaatooyinkiina dhabta ah,” ayuu ku boorriyay Isaias, isagoo isla markaasna caddeeyay in Eritrea ay si feejigan ula socoto xaaladda. “Waa inaan qaadannaa taxaddarrada lagama maarmaanka ah, maxaa yeelay gebi ahaanba meesha lagama saari karo in la qaado tallaabooyin nacasnimo ah.”

Puntland: Seized Turkish ship posed serious security threat

Bosaso (Caasimada Online) – Somalia’s semi-autonomous state of Puntland has formally accused the crew of a seized Turkish-flagged vessel of violating international law and posing a direct threat to regional stability by illegally entering its waters with a sophisticated arms shipment and anchoring in a known ISIS conflict zone.

Following the interception of the MV Sea World, Puntland’s government intensified its rhetoric, detailing a list of grievances that frame the vessel’s presence as a deliberate and dangerous provocation. The federal government in Mogadishu, the alleged recipient of the cargo and a close ally of Turkey, remains silent.

“This ship lacked any legal permission for its presence in Puntland waters, which contravenes international agreements on protecting maritime sovereignty, specifically the UN Convention on the Law of the Sea,” Puntland’s Ministry of Information declared in a forceful statement.

Authorities claim the ship’s clandestine presence near the coastal town of Bareeda is especially alarming. “Its clandestine presence poses a great danger to the security of Puntland, especially as it was in an area where the government is fighting terrorist groups, the ministry said.

‘A very serious matter’

Puntland’s primary accusation centers on the vessel’s location and behavior. Officials allege the MV Sea World was anchored for two days in “an area of the war against the Daesh (ISIS) group, a move they said brings “additional danger to the peace and stability of the region.”

The government further accused the vessel of flouting maritime protocols. “This ship violated the international rules which state that a foreign ship cannot illegally enter the territorial sea of another state, especially when it carries visible weapons that can create a security risk, the statement added.

The cargo, allegedly destined for Somali federal forces in Mogadishu, is said to include heavy weaponry with Turkish markings. An independent source cited by local media claimed the shipment contains armored combat vehicles and advanced anti-aircraft systems not previously seen in the region.

Before the Puntland Maritime Police Force secured complete control of the ship, local sources reported that some lighter weapons—such as rifles and pistols—were looted by armed civilians in the Caluula district, where the vessel had initially anchored. According to Caasimada Online sources, the ship had suffered a mechanical failure and drifted toward Puntland’s coast, where it was later escorted to the port of Bosaso.

Puntland has asserted its right to act under international law and has launched a formal inquiry into the incident, which risks escalating political friction within Somalia and beyond.

“The government is now conducting a formal investigation to determine the ownership of this vessel, its true purpose, and what it is carrying, the information ministry announced, adding a stern warning. “Puntland will hold accountable anyone involved in the violation of maritime law and the security risk posed by this ship.”

The seizure was carried out by the Puntland Maritime Police Force (PMPF), a robust local security force that is largely equipped and trained by the United Arab Emirates. This backing places the incident at the crossroads of a wider geopolitical rivalry between the UAE and Turkey, which holds significant influence in Mogadishu.

Turkey is a key security partner for Somalia’s central government, having signed a broad defense pact to build and equip the Somali navy. It also runs a major military base in Mogadishu. This close relationship contrasts with the UAE’s long-standing support for semi-autonomous states, such as Puntland, creating a complex web of alliances.

Isaias accuses Ethiopia of war buildup in escalating rift

Asmara (Caasimada Online) – Eritrean President Isaias Afwerki has accused neighboring Ethiopia of actively preparing for war and using diplomatic accusations as a smokescreen — a sharp escalation in tensions that risks pushing the Horn of Africa rivals closer to confrontation.

In a recent interview with local media, the veteran leader dismissed a letter from Addis Ababa to the United Nations — which accused Eritrea of aggression — as an “astounding and infantile” fabrication.

“This was indeed a cheap lie by the Prosperity Party to cover-up its war preparations,” Isaias said, referring to the ruling party of Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed.

The blunt accusation comes after months of worsening relations, which began to fray in late 2023 when Abiy asserted Ethiopia’s “natural right” to a port — a provocative stance in a region where sovereignty and sea access remain deeply sensitive issues.

Ethiopia has been landlocked since 1993, when Eritrea gained independence after a brutal 30-year war, taking with it the country’s entire Red Sea coastline.

The two nations later fought another devastating border war between 1998 and 2000, costing tens of thousands of lives. A historic peace agreement in 2018 briefly thawed relations, even leading to cooperation during the Tigray conflict. But that fragile détente has since unraveled.

Internal turmoil as pretext

President Isaias suggested that Ethiopia’s leaders are stoking external conflict to deflect attention from deepening crises at home.

“The turmoil that we see in Ethiopia today is really unprecedented,” he said, pointing to what he called the government’s failure to fully implement the Pretoria Peace Agreement signed in November 2022, which formally ended the Tigray war. Eritrea, although it fought alongside Ethiopian forces, was not a party to the deal — and has since been accused by the U.S. and human rights groups of undermining its implementation.

Isaias also questioned the Ethiopian government’s decision to “unleash a reckless war against FANO,” a powerful militia in the Amhara region. The federal government’s conflict with its former allies has been raging since mid-2023, further destabilizing the country.

The Eritrean president went on to accuse Ethiopia of prioritizing military escalation over diplomacy.

He charged that Addis Ababa was engaged in “daily saber-rattling,” boasting about its acquisition of “drones and long-range missiles, tanks etc.” with the intent to “unleash [them] against Eritrea.”

While these specific military procurement claims could not be independently confirmed, Ethiopia has publicly committed to modernizing its armed forces.

Still, Isaias struck a defiant note — warning against underestimating Eritrea’s resolve, hardened by decades of conflict.

“We have no appetite for war. But we have fought imposed wars,” he said. “As history attests, we know how to defend our country when and if attacked.”

He closed with a direct plea aimed at avoiding what analysts fear could spiral into a wider regional conflict.

“Do not plunge the people of Ethiopia into a futile war; focus on solving your real problems,” Isaias urged, while making clear that Eritrea was watching closely. “We must take the necessary precautions, as one cannot totally rule out acts of folly.”

Puntland oo war cusub oo yaab leh ka soo saartay markabkii hubka ee ay qabsatay

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in markabka lagu magacaabo MV Sea World ee ay dhowaan qabteen uu si sharci-darro ah ugu sugnaa xeebaha magaalada Bareeda laba maalmood, isaga oo aan wax codsi caawimaad ah soo gudbin, sida waafaqsan sharciga caalamiga ah ee xuduudaha badda.

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xog hordhac ah ay muujinayso in markabkaasi uusan la socon wax sharciyad ah oo oggolaanaya joogitaankiisa biyaha Puntland, taas oo ka hor imaneysa heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta madax-bannaanida badeed ee dalalka, gaar ahaan Xeerka Qaramada Midoobay ee Badda (UNCLOS 1982), sida ay hadalka u dhigtay.

“Markabkan waxa uu jebiyay xeerarka caalamiga ah ee dhigaya in markab shisheeye uusan si sharci-darro ah ku geli karin biyaha xuduudda badeed ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu xambaarsan yahay hub muuqda oo halis amni abuuri kara,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida lagu xusay, MV Sea World waxa uu ku sugnaa meel kamid ah aagga dagaalka lagula jiro kooxda Daacish (ISIS), taasoo Puntland ku tilmaantay mid khatar dheeraad ah ku keenaysa nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.

Puntland waxay sheegtay inay haysato awood sharci ah oo ay ku baari karto maraakiibta soo gasha biyaha ay maamusho, iyadoo cuskaysa qodobbada 25(1) iyo 27(1) ee xeerka UNCLOS.

“Dowladdu waxay hadda ku guda jirtaa baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo cidda iska leh markabkan, ujeeddadiisa dhabta ah, iyo waxa uu sido,” ayay tiri wasaaraddu, iyadoo intaas ku dartay in baaritaanka kadib lala xisaabtami doono cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha xadgudubka.

Sidoo kale, bayaanku wuxuu xusay in markabkan uusan raacin nidaamka diblomaasiyadeed ee looga baahanyahay maraakiibta leh halista ciidan ama sharci-darrada ah, kuwaas oo waajib ku ah inay si rasmi ah u wargeliyaan dowladda ay gelayaan biyahaheeda.

Wasaaraddu waxay shacabka Puntland iyo beesha caalamka la wadaagtay in joogitaanka markabkaasi si dhuumasho ah uu khatar weyn ku yahay ammaanka Puntland, gaar ahaan maadaama uu ku sugnaa aag ay dowladda kula dagaallameyso kooxaha argagixisada.

“Waa meel muhiim ah oo ay dhowaan ka dhaceen howlgallo ka dhan ah argagixisada caalamiga ah, sidaa darteed joogitaanka markab shisheeye oo aan fasax haysan waa arrin aad u culus oo u baahan feejignaan dheeraad ah,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Puntland oo ka gaabsaday in la magacaabo.

Puntland ayaa sheegtay inay si buuxda ugu go’an tahay difaaca madax-bannaanideeda, ilaalinta biyaha xuduudaheeda iyo xaqiijinta ammaanka, iyadoo sheegtay in wixii ka dhasha baaritaanka markabkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

“Puntland waxay la xisaabtami doontaa cid kasta oo ku lug yeelata xadgudubka sharciga badda iyo halista amni ee markabkan wato,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka dowladda.

Sabtidii, Ciidanka Booliska Badda ee Puntland (PMPF), oo ah ciidan amniga gobolka ah oo ay inta badan tababareen isla markaana maalgeliyaan Imaaraadka, ayaa xaqiijiyay inay la wareegeen markabka sitay calanka Turkiga ee MV Sea World.

Markabka ayaa waxaa laga leeyahay dalka Turkiga, wuxuuna ku socday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu gayn rabay hubka iyo gaadiidka uu sido.

“Hubka oo dhan waxa uu xambaarsan yahay calaamado Turkish ah,” ayuu sarkaal ka tirsan Puntland u sheegay warbaahinta deegaanka, mana uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca iyo tirada hubka.

Si kastaba ha ahaatee, ilo madax-bannaan oo ku dhow kiiskan ayaa Caasimada Online siisay xog horudhac ah, inkastoo aan weli la xaqiijin. Sida ay sheegeen, xamuulka waxaa ka mid ah hub culus oo kala duwan, gaadiidka dagaalka ee gaashaaman, iyo qoryaha casriga ah ee lidka diyaaradaha oo lagu tilmaamay “kuwo aan horey loo keenin Geeska Afrika,” iyo sidoo kale qalab militari iyo rasaas noocyo badan leh.

Dowladda Federaalka Soomaaliya — oo si weyn ugu tiirsan Turkiga dhinacyada taageerada milatari, horumarinta kaabayaasha, iyo gargaarka bini’aadannimo — ayaan si fagaare ah uga hadlin qabashada markabka.

Xog: Xasan oo mucaaradka uga tanaasulay qodobkii ugu cuslaa, ku bedeshay arrin kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta, iyagoo sii wadaya wadahadalkooda. Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu tanaasul sameeyey.

Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Golaha Samatabixinta ka aqbalay in dib loogu noqdo cutubka 4-aad ee dastuurka oo ah cutubka siyaasadda oo wax walba ku dhan yihii, kaasi oo horey baarlamanka uu wax uga beddelay.

Arrintan ayaa ahayd mid ka mid ah qodobadii ugu xasaasisanaa ee doodda adag ay ka taagneyd, waxaana muuqata in madaxweynuhu markan uga tanaasulay mucaaradka.

Xubno ka tirsan mucaaradka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diyaar u yahay inuu ka laabto cutubka afaraad ee dastuurka, kaas oo uu khilaafku ka taagnaa. Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada ayaa xaqiijiyey in madaxweynuhu uusan weli go’aan kama dambeys ah gaarin, balse uu qorsheynayo inuu arrintaasi wadatashi kala yeesho hay’adaha ay khusayso.

Natiijada wadatashiyadaas ayaa la filayaa in dib loogu soo bandhigo kulanka soo socda oo lagu wado inuu dhaco 10-ka bisha Agoosto.

Mucaaradka oo ka niyad wanaagsan sidii hore ayaa galabta maqribkii ka dareeray Villa Somalia, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga tanaasulay arrinta dib-u-eegista ama wax-ka-bedelka dastuurka — taasoo uu Xasan Sheekh horey ugu bixiyey xoog, xoolo, xilal iyo waqti badan.

Inkasta oo aan faahfaahin rasmi ah laga soo saarin shirkii u dhexeeyey madaxweynaha iyo mucaaradka, haddana warar hoose ayaa sheegaya in tanaasulka Madaxweynaha ee dastuurka uu yahay mid uu wax uga bedelanayo mucaaradka, gaar ahaan arrinta doorashooyinka.

Qodobada ay mucaaradku kaga soo horjeedaan dowladda federaalka waxaa ka mid ah qaabka loo marayo doorashada iyo guddiga doorashooyinka, oo ay u yaqaannaan “guddi lagu muransan yahay.” Inkasta oo ay aqbaleen in la qabto doorasho qof iyo cod ah, ama ugu yaraan mid u dhow, haddana waxay dalbanayaan dadaal dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo arrintaas.

Sida la sheegay, madaxweynaha ayaa damacsan in mucaaradka looga dhaafo arrinta doorashooyinka, isagoo weli ku adkeysanaya in dowladdiisu qaban karto doorasho qof iyo cod ah — taasoo ay suuragal tahay in uu tanaasulka uu ka sameeyey dib-u-eegistii dastuurka uu uga bedelanayo taageero ama ogolaansho ku saabsan arrimaha doorashada.

Ka laabashada isbeddellada dastuurka ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayaa inuu mucaaradka uga beddesho in ay taageeraan hab-raaca doorashada ee dowladda uu hoggaamiyo.

“Isu-dheellitirka uu madaxweynuhu sameeyay ee ku saabsan dastuurka waxa uu u muuqdaa mid lagu doonayo in mucaaradku ay ka tanaasulaan diidmadooda la xiriira hannaanka doorashada,” ayuu yiri falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan Muqdisho. “Madaxweynuhu waxaa si buuxda ugu go’an in uu hirgeliyo doorasho hal-qof hal-cod ah, waxaana suurtagal ah in tani noqoto qiimaha uu ku bixinayo.”

Soomaaliya kama aysan dhicin doorasho hal-qof hal-cod ah tan iyo sanadkii 1969. Tobannaan sano, dalka waxa uu ku tiirsanaa hannaan dadban oo ku saleysan awood-qaybsiga beelaha, kaas oo odayaasha iyo ergooyinka beelaha ay doortaan xildhibaannada baarlamaanka, kuwaas oo markaas kadib dooranaya madaxweynaha.

Isbeddelka lagu tallaabsanayo ee dhanka cod-bixinta tooska ah waa tiir dhexe oo ka mid ah dadaallada beesha caalamka ee lagu dhisayo dowladnimo madax-bannaan oo ka hanaqaada Soomaaliya, halkaas oo wali ay ka jirto kacdoon hubeysan oo ay wadaan dagaalyahanada Al-Shabaab. Hase yeeshee waddadaas waxa ay weli wajahaysaa caqabado culus oo dhinacyada farsamada, siyaasadda, iyo ammaanka ah — taas oo sii hurisay shakiga laga qabo suurta-galnimada doorasho qaran oo toos ah.

Dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu qabto doorashooyin toos ah ayaa si is-daba joog ah dib ugu dhacay, taas oo keentay in ay dhacaan marar badan xaalado siyaasadeed oo qalafsan — gaar ahaan rabshadihii dhimashada dhaliyay ee ka dhacay Muqdisho ka hor doorashadii dib loo dhigay ee sanadkii 2022.

Inkasta oo aysan jirin war rasmi ah oo laga soo saaray kulankii ugu dambeeyay ee Villa Somalia, haddana hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa la arkay iyagoo si ka farxad badan sidii hore uga baxaya xarunta madaxtooyada — taasoo loo fasiray inay jirto rajo cusub.

Somali President backs down to resolve political deadlock

Mogadishu (Caasimada Online) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has made a significant concession to opposition leaders over controversial constitutional amendments, aiming to break a political deadlock and rally support for his ambitious election plans, sources familiar with the talks said on Sunday.

In ongoing discussions at the presidential palace in Mogadishu, President Mohamud has reportedly agreed to revisit recent changes to the country’s provisional constitution — a central sticking point with his political rivals.

The move is widely seen as a strategic trade-off, intended to build consensus on a path toward Somalia’s first direct “one-person, one-vote” election in more than 50 years — a long-cherished national goal fraught with political tension and security risks.

“The president has shown he is ready to retract the fourth chapter of the constitution, which has been the focus of the dispute,” said an opposition figure involved in the talks, speaking on condition of anonymity.

Still, a source close to the presidency urged caution, noting that no final decision has been made yet. The president, the source added, will first hold “consultations with the relevant institutions” ahead of the next round of negotiations, scheduled for August 10.

Constitutional compromise

At the heart of the impasse are amendments to several chapters of the 2012 Provisional Constitution, which were passed by parliament earlier this year in a controversial manner. The opposition — a coalition called the National Salvation Forum, which includes high-profile figures such as former presidents — argues that the changes were rushed through without broad political consensus.

The most hotly contested provision, Chapter 4, deals with the “Representation of the People”, outlining key aspects of Somalia’s political architecture — from elections to the operation of political parties. Critics, including several Federal Member States, say the amendments centralize power in Mogadishu at the expense of regional autonomy.

President Mohamud, currently serving his second non-consecutive term after being re-elected in 2022, had invested substantial political capital in implementing the reforms. His apparent willingness to now revisit them marks a significant shift in government strategy.

In return for backing down on the constitution, President Mohamud is seeking support from the opposition for his government’s electoral framework.

The opposition has long voiced deep mistrust of the process, especially criticizing the appointment of what they call a “disputed” national electoral commission. While they back the idea of universal suffrage in principle, they are demanding more transparency and a genuinely inclusive process to ensure the vote is credible.

“The president’s concession on the constitution is likely intended to get the opposition to drop its objections to the election process,” said a political analyst in Mogadishu. “He is determined to deliver a one-person, one-vote election, and this may be the price.”

Long road to universal suffrage

Somalia has not held a one-person, one-vote election since 1969. For decades, the country has relied on an indirect, clan-based system where elders and community representatives choose members of parliament, who then elect the president.

The transition to universal suffrage is a central pillar of the international community’s state-building efforts in the Horn of Africa nation, which continues to grapple with a prolonged insurgency by the Al-Shabaab jihadist group. But the path remains fraught with logistical, political, and security hurdles — fueling deep skepticism over whether a nationwide vote is realistic.

Previous attempts to hold direct elections have been repeatedly delayed, triggering recurring political crises — most notably the deadly clashes in Mogadishu ahead of the postponed 2022 vote.

Although no formal statement was released following the latest round of talks, opposition leaders were seen leaving the presidential compound, Villa Somalia, with noticeably more upbeat expressions — a sign that the president’s offer may have opened the door, however narrowly, to a fragile breakthrough in the high-stakes negotiations.

NISA oo soo saartay digniin ku socota reer Muqdisho xilli ay daba-gal iyo baaris ku hayso…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa haatan dabagal iyo baaris ku haysa hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab.

NISA oo si gaar ah isha ugu haysa aruurinta lacagaha ay kooxdu ugu yeerto Zakawaadka ayaa digniin culus u dirtay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, iyadoo uga digay la macaamilka Shabaab ama bixinta lacagaha kooxdu baadda uga rabto.

“Ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in ay qayb ka noqdaan ama ay ku lug yeeshaan arrinkaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.

Hay’adda ayaa sheegtay in qof kasta oo bixiya baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka uu ku dhacayo dembiyada maalgelinta argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada.

“Haddaba, ciddii lagu helo bixinta Baadda Argagixisada, waxaa laga qaadayaa tallaabo deg-deg ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo go’aannada maamul ee khuseeya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka NISA.

Ugu dambeyntiina, hay’adda ayaa waxay ka dalbatay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in hay’adaha amniga ee ay khusayso aad la soo wadaagto wax kasta oo la xiriira lacagaha ay kooxdu qaaddo iyo culays kasta oo argagixisada uga yimaada.

Dagaalka maaliyadeed ee haatan socda ayaa qeyb ka ah gulufka tooska ah ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo lasoo warinayo in hoos u dhac weyn uu ku yimid dhaqaalihii ay kooxdu ka heli jirtay ganacsatada Muqdisho kadib tallaabooyinka ay hay’adda NISA uga hor tageyso arrintaan.

Turkey accused of bias in Somalia’s electoral showdown

Mogadishu (Caasimada Online) – Turkey is facing criticism from Somali opposition leaders who accuse Ankara of abandoning its long-standing neutrality and throwing its weight behind the government in a high-stakes political standoff over the country’s future electoral system, adding a new layer of complexity to already fragile negotiations.

The accusations surfaced after Turkey’s ambassador in Mogadishu convened a closed-door meeting on Saturday, bringing together international diplomats and members of the Somali opposition. The gathering came just one day before a pivotal third round of talks between President Hassan Sheikh Mohamud and opposition leaders, held at Villa Somalia on Sunday.

According to diplomatic and opposition sources, the Turkish envoy’s primary aim was to convince the opposition to drop its objections to the government’s proposed “one person, one vote” (1P1V) electoral model—an initiative that has sharply divided Somalia’s political elite.

An opposition figure who attended the meeting said the Turkish ambassador directly confronted them on their position. “He looked at us and asked, ‘Why do you refuse?'” The source told Caasimada Online—a question that many interpreted as clear support for the government’s stance.

That perceived pressure marks what some see as a significant shift in Turkey’s role in Somalia. While Ankara has been a major partner in security and development for over a decade, it has traditionally steered clear of overt involvement in the country’s turbulent internal politics.

A shift from perceived neutrality?

For years, Turkey has been viewed as a steadfast but impartial ally to Somalia. Its contributions have been substantial: hundreds of millions of dollars invested in infrastructure, including the reconstruction of Mogadishu’s airport and main port, the building of hospitals, and the delivery of extensive humanitarian aid. On the military front, Turkey trains Somalia’s elite Gorgor commandos at a major base in the capital.

But opposition figures now worry that this posture is changing.

“The Turkish side did not seem to understand the country’s complex political situation genuinely,” said another opposition member who was present at the meeting. “They are different from other international partners; Turkey lacks sufficient experience in Somalia’s internal politics and elections.”

The meeting itself was reportedly initiated by Turkey’s ambassador, despite Ankara not being part of the core “C6+” group of international partners—which includes the UN, US, UK, and EU—tasked with overseeing the formal political process.

According to sources, the Turkish envoy began the meeting by urging all sides to de-escalate recent tensions, including those sparked by the seizure of a weapons-laden ship off the coast of Puntland state.

Deepening political ties

This diplomatic rift comes against the backdrop of a deeper dispute over how Somalia should conduct its next elections. President Mohamud’s administration is pushing for a universal suffrage model—the country’s first since 1969.

However, the opposition coalition, known as the Madal Badbaado Qaran (National Salvation Forum), has raised serious concerns. They argue Somalia lacks the security, legal framework, and logistical infrastructure—such as a credible census and voter registration system—needed to conduct a fair and transparent 1P1V election.

Many fear the process could be manipulated, potentially plunging the country into further instability. Previous attempts to implement direct elections have been shelved in favor of indirect models, where clan elders and delegates choose lawmakers.

Signs of a growing political closeness between Ankara and Villa Somalia are becoming more visible. Somalia’s electoral commission recently traveled to Ankara to “exchange experiences” with Turkish election authorities.

In addition, senior officials from President Mohamud’s Justice and Solidarity Party have met with counterparts from Turkish President Recep Tayyip Erdoğan’s ruling Justice and Development Party (AKP). Observers have taken note of the ideological and even nominal similarities between the two parties.

While Turkey’s latest diplomatic move has set off alarm bells among opposition ranks, the wider international community still views the ongoing dialogue between Villa Somalia and its opponents as the best hope for reaching a consensus that could secure the country’s fragile stability.