29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Mareykanka oo soo saaray digniintii ugu sarreysay oo ka dhan ah Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) — Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shalay soo saartay digniin safar heerka ugu sarreeya (Heer 4) oo ka dhan ah Soomaaliya, iyada oo sheegtay khataro isa soo taraya oo ay ka mid yihiin dambiyada hubeysan, argagixisada, qalalaasaha siyaasadeed, halista caafimaad, afduubka, burcad-badeedda, iyo adeegyada qunsuliyadeed ee aadka u xaddidan.

Digniinta oo ay cusbooneysiiyay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka 14-kii May waxay muujineysaa in dambiyada rabshadaha wata — oo ay ku jiraan afduubka iyo dilalka — ay si baahsan uga dhacaan guud ahaan Soomaaliya, iyadoo jidadka waaweyn laga helayo koontaroollo sharci-darro ah.

“Kooxaha argagixisada ayaa weli qorsheynaya weerarro ku wajahan garoomada diyaaradaha, dekedaha, dhismayaasha dowladda, hoteellada, makhaayadaha, goobaha ganacsiga, iyo meelaha dadku ku badan yahay, iyagoo adeegsanaya weerarro qaraxyo ah, weerarro ismiidaamin ah, rasaas toos ah, iyo gantaallo,” ayey tiri digniinta.

Shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu koobay gudaha xerada garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, halkaas oo ay ku taallo safaaradda Mareykanka. Inkastoo safaaraddu ay si caadi ah u shaqeyso, awoodda ay dowladda Mareykanku ugu caawiso muwaadiniinteeda gaarka ah gudaha Soomaaliya waa mid aad u xaddidan sababo la xiriira xaaladda amni, ayey tiri waaxda arrimaha dibedda.

Inkastoo deegaanno sida Somaliland ay mararka qaar ay ka jiraan xaalado ka deggan dhanka argagixisada, digniintu waxay caddeyneysaa in rabshado iyo weerarro ay ka dhici karaan meel kasta Soomaaliya waqti kasta.

Muwaadiniinta Mareykanka ayaa lagu dhiirrigeliyey inay si dhow ula socdaan warbaahinta maxalliga ah, cusbooneysiiyaan dukumentiyadooda safarka, isla markaana diyaar u ahaadaan qorshayaal degdeg ah oo aan ku tiirsaneyn gargaarka dowladda Mareykanka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ka digtay caqabadaha caafimaad ee Soomaaliya. Xarumo caafimaad oo tayo liidata iyo adeegyo caafimaad oo aad u kooban, ayey tiri, in ay ka jiraan Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn.

“Safrayaashu waa in ay wataan dawooyin ku filan, la socdaan tallaalka lagama maarmaanka ah — oo ay ku jiraan kuwa jadeecada, jadeecada cagaaran, cudurka xiiqda, cudurka shuban biyoodka, cudurka rabies-ka, iyo qaadashada daawooyinka kahortagga duumada,” ayey tiri

“Burcad-badeeddu wali waa halis weyn xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan nawaaxiga Puntland, halka afduubkuna uu si baahsan u faafay guud ahaan dalka. Waxaa sidoo kale jira warbixino isdaba joog ah oo sheegaya in muwaadiniinta Mareykanka lagu hayo xarumo loogu yeero “xarumaha dhaqan-celinta” oo aan la daadejin, ama in xigtadooda ay ka qaataan baasaboorrada, taasoo ka hor istaagaysa inay dib ugu laabtaan dalka.”

Iyadoo loo marayo khataraha ka imaanaya hawlaha kooxaha xagjirka ah, Hay’adda Duulista Hawada Mareykanka (FAA) waxay mamnuucday qaar ka mid ah duulimaadyada Mareykanka ee ku socda ama dul mara hawada Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay si xoog leh ugu boorisay dadka safar u qorsheynaya Soomaaliya inay qaataan taxadarrro dhammaystiran, oo ay ku jiraan samaynta wasiyadda, magacaabidda wakiil sharciyeed, la wadaagista dukumentiyada muhiimka ah qoysaska, ka diiwaangelinta safarkooda barnaamijka STEP (Smart Traveler Enrollment Program), iyo diyaarinta qorsheyaal amni iyo isgaarsiin oo dhameystiran ka hor safarka.

Faahfaahin dheeraad ah waxaa laga heli karaa Bogga Xogta Dalka Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Click here. 

Cabsida weerar ay DF ku qaado Jublanad oo korortay iyo digniin la soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah madaxdii hore ee Soomaaliya iyo hoggaamiyayaal xisbi oo miisaan leh ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee dalka ka taagan, si gaar ahna tan Jubaland.

Siyaasiyiintaan ayaa walaac ballaaran ka muujiyay jihada uu dalku u socdo iyo sida ay u arkaan in madaxweynuhu uga weecday doorkii laga sugayay. Madaxdaasi waxay shaaciyeen in gabi ahaanba ay dhimatay Madashii Wadatashiga Qaran, oo ahayd goobtii isku keenta dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Dhanka kalena, siyaasiyiintaan ayaa ka digay fidno iyo dagaallo hor leh oo laga hurinayo deegaanada maamulka Jubbaland, xilli ay dowladda Soomaaliya qorshaynayso inay weerar ku qaaddo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Jawaabta degdegga ah ee Jubbaland ayaa daba socota go’aan culus oo ay maamulkan kasoo saareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, waxayna soo jeediyeen in si sharci ah loo wajaho xaaladda maamulkaas oo meel xun gaartay, si loo soo afjaro.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa xaaladda Jubaland u xil-saaray inay ka soo talo-bixiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo la faray inay keento xal rasmi ah, si loo helo dowlad-goboleed sharci ah.

“Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad-goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad-goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

Horey, Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Mudane Cabdifitaax Mukhtaar, oo qoraal soo saaray ayaa wax aan socon karin ku tilmaamay qodobada laga soo saaray shirkaas, isagoo tilmaamay in madaxda hal xisbi oo kaliya ay yeesheen shirka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waan socon weyney ee aan orodno weeye waxa ka soo baxay madaxda hal xisbi shir-kooda, mana quseeyo Dowladda Jubbaland,” ayuu yiri Wasiir Cabdifitaax Mukhtaar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiddan doorashadii ka dhacday Kismaayo ee mar kale dib loogu doortay Axmed Madoobe, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo ka dhex-qarxay labada dhinac, isla markaana dhaliyay saameyn xooggan oo gudaha dalka ah.

Si kastaba, arrinta ayaa u muuqata in weli dawladda dhexe aanay ka tanaasulin mowqifkeeda ku aadan Jubbaland, iyada oo dooneyso in meesha laga saaro Axmed Madoobe, waxaase la ogeyn qaabka ay u wajihi doonto, maadaama dagaalkii hore lagu fashilmay.

Maxaa u qabsoomay Xasan Sheekh saddex sano kadib?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa maanta oo ah 15-ka May 2025 u buuxsantay saddex sano oo muddo xileedkiisa kamid ah, waxayna dib u doorashadiisu ahayd maanta oo kale 15-kii May ee sanadkii 2022-kii, xilligaas oo uu ka guuleystay madaxweynihii xilligaasi joogay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Warbixin soo koobeysa waxqabadka madaxweynaha saddex sano kadib oo ay daabacday warbaahinta dowladda ayaa lagu soo bandhigay 10 qodob oo uu wax ka qabtay Xasan Sheekh.

Sida lagu sheegay qoraalka wuxuu madaxweynaha ku guuleystay xoreynta deegaanno muhiim ah iyo xasilintooda, kadib guluf ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Waxaa kale oo lagu xusay dib u dhiska ciidamada iyo sidoo kale qalabeynta ciidamada cirka ee Xoogag dalka Soomaaliyeed, maadaama dowaddu ay soo iibsatay diyaarado dagaal oo cusub.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku faantay inay bilowday soo saarista khayraadka dabiiciga ah, maadaama haatan lagu howlan yahay soo saarista shidaalka.

Waxaa kale oo warbixinta lagu xusay in madaxweynuhu wax ka qabtay dhammeystirka qodobo kamid ah dastuurka dalka iyo daah-furnaanta doorashada dadweynaha, inkastoo uu weli ka taagan yahay muran xooggan iyo dood culus oo ay qabaan xubnaha mucaaradka dalka.

Sidoo kale waxa waxqabadka lagu soo qaaday guulaha ay dowladda federaalka ku tallaabsatay, sida qaadista cunaqabateynta hubka, dhammeystirka deyn cafinta dalka, ku guuleysiga kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo ku biirista urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika

Hoos ka akhriso 10 qodob oo lagu soo koobay waxqabadka madaxweynaha ee saddex sano kadib:-

1-Xoreynta iyo xasilinta dalka

2-bilowga soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee dalka

3-Dhammeystirka cutubyo ka tirsan dastuurka federaalka

4-Daahfurka hanaanka doorashooyinka dadweynaha

5-Qaadista cunaqabateynta hubka

6-Dhammeystirka deyn cafinta dalka

7-Xoojinta siyaasadda arrimaha dibadda iyo ku guuleysiga kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

8-Ku biirista urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika

9-Dib u dhiska ciidamada iyo qalabeynta ciidamada Cirka ee Xoogga dalka

10-Hormarinta tayada waxbarashada dalka iyo kordhinta macalimiinta qaranka.

Xogta duqeyn culus oo xalay ka dhacday Cowswayne

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga haleyaa khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xogta ayaa sheegeysa in duqeynta si gaar ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo lag diyaarinayay halkaas iyo gaadiid u yiilay xerada la duqeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in illaa saddex gantaal ay diyaaradaha dagaalka la heleen xerada Al-Shabaab ee la beegsaday, waxaana ku gubtay ku dhowaad 5 gaari oo nooca dagaalka ah.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa soo wariyay inay arkayeey maydad iyo dhaawacyo laga soo saarayo xerada, taas oo muujineyso in khasaare xoogleh uu kooxda kasoo gaaray weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana sidoo kale Al-Shabaab ay jareen Internet-ka iyo isgaarsiinta, si aan macluumaad badan looga helin deegaanka Cowswayne oo ah halka lagu duqeeyay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo saaxibada caalamiga ah oo ku aadan duqeynta xalay ka dhacday halkaas ee lala eegtay Al-Shabaab.

Cowswayne ayaa kamid ah deegaannadii ay dib ula wareegtay kooxda Al-Shabaab, waxaana sanadkii 2023-kii ay ka fulisay weerar ay ku leysay askar iyo saraakiil muhiim ahaa oo ka tirsaan Xoogga dalka, kuwaas oo illaa hadda hadal hayo, maadaama uu noqday mid kamid ah weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Al-Shabaab oo xilligaas sheegasho yaab leh kasoo saartay weerarkii Cowswayne waxa ay sheegtay inay ku dishay illaa 178 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Farmaajo oo ka digay arrin uu Xasan Sheekh u adeegsaday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa soo saaray war-saxaafadeed uu ku eedeeyey shaqaalaha iyo warbaahinta dowladda oo ku milmay siyaasadda, isla markaana uu isticmaalay Xasan Sheekh, sida uu hadalkiisa u dhigay

Farmaajo ayaa iskooxeysi khatar ku tilmaamay qorshaha lagu dhisay xisbiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh, isagoo nasiib darro ku tilmaamay “Waxaa nasiib darro ah in hantidii Dawladda loo isticmaalo olole siyaasadeed iyo urur gaar loo leeyahay, iyada oo si sharci darro ah looga faa’iidaystay ciidankii baanbayda, warbaahintii qaranka iyo xataa shaqaalihii rayidka ahaa ee dawladda,” ayuu yiri Farmaajo.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo:

Waxaan ka digayaa dhibaatada ay leedahay in kooxaysi ku salaysan dan gaar ah laga doorbido wadajirka iyo danta guud, lana geliyo dalka xaalad halis ah oo dhaawacaysa midnimada iyo xasilloonida.

Maxadaxwene Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si ula kac ah ugu tuntay dastuurka JFS ee lagu doortay, gaar ahaan qodobada 87-aad, qodobka 50aad, qodobka 92aad iyo qodobka 65aad oo si cad u qeexaya waajibaadka ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka, doorka Madasha Wadatashiga Qaran ee go’aammada masiiriga ah, hannaanka federaaleynta dalka iyo waajibaadka Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aan xubin ka noqon karin xisbi iyo urur siyaasadeed.

Sidaas darteed, waxaan markale Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqeynaa inuu ka dhabeeyo ballantii Shirka Wadatashiga Qaran ee laga sugayey, talada ballaariyo, kuna hoggaamiyo dalka midnimo iyo wadajir, una soo laabto sharciyadda iyo siyaasad loo dhan yahay oo dalka looga gudbin karo xaaladda uu ku jiro.

Si gaar ah, waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ah ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta Madasha Wadatashiga Qaran, arrinkaas oo abuuray darafyo siyaasadeed oo laga baaqsan karay.

Waxaa nasiib darro ah in hantidii Dawladda loo isticmaalo olole siyaasadeed iyo urur gaar loo leeyahay, iyada oo si sharci darro ah looga faa’iidaystay ciidankii baanbayda, warbaahintii qaranka iyo xataa shaqaalihii rayidka ahaa ee dawladda.

Madaxwweyne Xasan Sheekh waa in uu raadiyo dowlad-goboleedyada ka maqan shirarka Madasha Wadatashiga Qaranka, si loo xaqiijiyo talo loo dhan yahay, doorashada heer dowlad gooboleedna uu u fasaxo Madaxda Dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah ee uu hortaagan yahay.

United States issues highest-level travel warning for Somalia

Washington, D.C., — The U.S. State Department has issued a Level 4 “Do Not Travel” advisory for Somalia, citing heightened threats including crime, terrorism, civil unrest, health risks, kidnapping, piracy, and the near-total absence of routine consular services.

The updated advisory warns that violent crime, including kidnapping and murder, is widespread throughout Somalia, with illegal roadblocks common across major routes. Terrorist groups continue to plan and carry out attacks targeting airports, seaports, government buildings, hotels, restaurants, shopping centers, and public gathering places, often with little or no warning. Attack methods may include car bombs, suicide bombers, armed assaults, and rocket attacks.

U.S. government personnel are confined to the secure perimeter of the Mogadishu International Airport complex, where the U.S. Embassy is located. Although the embassy remains operational with normal staffing, the ability to provide consular services to private U.S. citizens is extremely limited due to persistent security risks.

While some areas, such as the Somaliland region, have seen relatively fewer terrorist incidents, the advisory stresses that violence and attacks can occur anywhere in Somalia at any time. U.S. citizens are urged to monitor local media, keep travel documents current, and maintain independent evacuation plans that do not rely on U.S. government assistance.

The advisory also highlights Somalia’s significant public health challenges. Medical facilities, particularly outside major cities, are limited and fall far short of U.S. standards. Travelers are advised to bring an ample supply of medications, update vaccinations — including cholera, hepatitis A and B, rabies, polio boosters — and take malaria prophylaxis.

Piracy remains a serious threat off Somalia’s coast, particularly near Puntland, and kidnapping remains a widespread concern. Additionally, there are frequent reports of U.S. citizens being detained against their will at unregulated “rehabilitation” centers or having their passports confiscated by relatives, preventing them from leaving the country.

Due to threats to civil aviation from extremist activity, the Federal Aviation Administration (FAA) has prohibited certain U.S. flights within and near Somali airspace.

The State Department strongly advises travelers to take comprehensive precautions, including drafting wills, designating a power of attorney, sharing critical documents with trusted contacts, enrolling in the Smart Traveler Enrollment Program (STEP), and developing detailed security and communication plans prior to any travel.

U.S. citizens are encouraged to review the Somalia Country Information Page and the latest security reports for more information.

Israel oo ay ka soo hartay aamusnaan iyo la-yaab kadib go’aanadii uu qaatay Trump

Tel Aviv (Caasimada Online) – Dowladda midigta fog ee Israa’iil ayaa toddobaadkan aamusnaan diblomaasiyadeed qaadatay, xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu soo saaray tiro hadallo ah oo si weyn u ruxay kalsoonidii Israa’iil ee ku aaddan xiriirka ay la leedahay xulafadeeda ugu dhow.

Go’aankii Trump ee uu kaga weecday Israa’iil booqashadiisa Bariga Dhexe ayaa durba loo fasiray calaamad muujinaysa sida xukuumaddiisu diiradda u saartay heshiisyada ganacsi ee lacagta badan leh oo uu la galayo dalalka Khaliijka hodanka ah, oo ay Qatar ku jirto – waddan Israa’iil ay muddo dheer ku eedeynaysay inuu taageero siiyo Xamaas.

Kahor safarka Trump, Israa’iil waxay dareemaysay walaac ku saabsan wadaxaajoodyada Mareykanka uu la leeyahay Iran – cadawgooda ugu weyn – iyo sidoo kale go’aankii Trump uu ku joojiyay duqeyntii Xuutiyiinta Yemen, xilli kooxdaasi, oo ay Iran taageerto, ay sii waday weerarada gantaallada ee ay ku qaadayso Israa’iil.

Saraakiisha Israa’iil waxay markii dambe ku khasbanaadeen inay si aamusnaan ah u daawadaan sida Mareykanku heshiis ula galayo kooxda Falastiiniyiinta hubeysan ee Xamaas si loo soo daayo Edan Alexander, oo ahaa muwaadinkii Mareykan ee ugu dambeeyay ee lagu haystay Gaza.

Intaas kadib, Israa’iil waxay dhegaysanaysay Trump oo ku dhawaaqaya in uu qaadayo dhammaan cunaqabateyntii saarnayd Suuriya, isla markaana ku baaqaya in la caadiyeeyo xiriirka dowladda cusub ee Dimishiq – xukuumad ay Israa’iil u aragto mid jihaadiyiin si qarsoodi ah ugu shaqeeya.

Xilli Trump Talaadadii hadal ka jeedinayay Riyadh, isagoo sheeganaya guusha heshiiska xabad-joojinta ee Xuutiyiinta, warbaahinta Israa’iil ayaa soo werisay in digniino weerar ay ka yeerheen magaalada Qudus iyo Tel Aviv, xilli gantaal ka yimid Yemen uu ku soo jeeday Israa’iil.

Trump ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil uu burburayo, isagoo saxaafadda la socotay u sheegay in booqashadiisu ugu dambayn faa’iido u noqon doonto Israa’iil oo weli u arkaysay mid ka mid ah taageerayaasheeda ugu dhow.

“Waxay Israa’iil u tahay fursad weyn, in la yeesho xiriir sida kan aan hadda la leeyahay dalalka Bariga Dhexe – dhammaanba,” ayuu yiri.

Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu weli si toos ah ugama hadlin arrimaha socda, marka laga reebo mahadcelinta uu u jeediyay Trump doorkii uu ku lahaa sii deynta Alexander.

Si kastaba, Israa’iil waxay la tacaalaysaa aragtida dadweynaha ee ah in laga hareer maray, iyada oo mar horeba cadaadis caalami ah kala kulmaysay dagaalka Gaza oo wiiqay dedaalladii ay ku doonaysay inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Sacuudi Carabiya.

“Bariga Dhexe waxa uu horteena kaga samaysmayaa qaab cusub oo ay wadaan heshiisyo iyo kulamo isdaba joog ah, halka Israa’iil ay (ugu yaraan) u muuqato daawade dibad joog ah,” ayuu qoray Yoav Limor, oo ka faallooda wargeyska midigta u janjeera ee Israel Hayom.

Mudnaanta kala duwan

Netanyahu, oo wajahaya maxkamad musuq-maasuq ah oo uu beeniyay eedeymaheeda, si cad ayuu u muujiyay in uu doorbidayo Trump marka loo eego Madaxweyne Joe Biden, kaasoo hakiyay dirista hub culus oo Israa’iil la siin lahaa isla markaana cunaqabateeyay xagjiriin Israa’iili ah.

Netanyahu wuxuu la kulmayaa cadaadis uga imanaya xulafadiisa xagjirka ah ee dowladda, kuwaasoo ku adkeysanaya in dagaalka Gaza la wado ilaa Xamaas gebi ahaanba la jebiyo, iyo sidoo kale dadweynaha Israa’iil oo aad ugu daalay dagaalka in ka badan 18 bilood socday. Ilaa hadda, wuxuu doortay inuu la safan xulafada xagjirka ah.

Si kastaba, dhacdooyinka todobaadyadii la soo dhaafay ayaa muujinaya “farqi cad oo ku yimid mudnaanta siyaasadeed,” taasoo keenaysa in daryeelka khaaska ah ee Israa’iil ay ka heli jirtay Mareykanka aysan hadda si toos ah ugu jirin, sida uu sheegay Jonathan Panikoff, oo hore u ahaa ku xigeenka Madaxa Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ee Bariga Dhexe.

“Trump si cad ayuu u go’aansaday inuu hore ugu socdo ajende ku saleysan ganacsi iyo maalgelin,” ayuu yiri Panikoff, oo ka tirsan xarunta fikirka Atlantic Council ee Washington.

“Haddii arrimaha amni ama siyaasadeed ee Mareykanka iyo Israa’iil ay caadi ahaan iskaashi ku lahaayeen aysan waafaqsaneyn mudnaanta Trump, wuu horay ugu socon doonaa qorshihiisa.”

Iyaga oo mar kale ku adkaysanaya in xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil uu weli xooggan yahay, saraakiisha xukuumadda Trump ayaa si hoose u muujiyay niyad-jab ay ka qabaan Netanyahu, xilli madaxweynaha uu doonayo inuu degdeg ugu dhammeeyo dagaallada Gaza iyo Ukraine.

Waxay Netanyahu ku cadaadinayaan inuu dadaal dheeraad ah geliyo sidii loo gaari lahaa heshiis xabad joojin ah iyo la soo celinta la haystayaasha, iyagoo sidoo kale muujiyay inaanay diyaar u ahayn inay taageeraan weerar Israa’iil ku qaaddo xarumaha nukliyeerka Iran inta Mareykanku uu wadaa dadaallada diblomaasiyadeed.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad James Hewitt ayaa sheegay in maamulka Trump uu sii wadaayo wada shaqeynta Israa’iil si loo xoreeyo 58-ka la hayste ee weli lagu hayo Gaza, iyo in la xoojiyo amniga gobolka Bariga Dhexe.

“Isra’iil weligeed saaxiib ka wanaagsan Trump ma aysan yeelan,” ayuu yiri Hewitt.

Xagjiriinta xukuumadda Israa’iil, oo horay ugu farxay qorshihii Trump ee ahaa in Gaza laga saaro dadka Falastiiniyiinta ah lagana dhiso goob dalxiis xeebeed, ayaa hadda u muuqda kuwo aamusan. Saraakiisha Israa’iil waxay si taxaddar leh uga fogaanayaan wax dhaleeceyn ah oo loo jeediyo xukuumadda Mareykanka.

“Dal kasta waa madax bannaan yahay,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil, markii la weydiiyay haddii la dareemayo in Israa’iil laga hareer maray arrinta Alexander. Wuxuu intaas ku daray in “wadahadalka dhow ee Israa’iil iyo Mareykanka” lagu qaban doono “si toos ah, ee aan loo marin warbaahinta.”

Koox Israa’iili ah ayaa loo diray Doha si ay uga qaybqaataan wadahadallada xabad joojinta oo uu dhexdhexaadinayo ergayga Trump, Steve Witkoff, hase yeeshee ciidamada Israa’iil ayaa kordhiyay weerarrada Gaza, iyadoo Arbacadii la dilay tobanaan Falastiiniyiin ah.

Netanyahu laftiisa ayaa caddeeyay in Israa’iil aysan beddelaynin himilooyinkii dagaalka Gaza, isagoo mar kale xaqiijiyay in hadafkoodu yahay in gebi ahaanba la burburiyo awooda ciidan iyo maamulka ee Xamaas.

“Isra’iil ma joogsanayso, mana is dhiibayso,” ayuu yiri Arbacadii.

Trump oo 5 qodob ka dalbaday Madaxweynaha Suuriya – “Waa nin soo jiidasho leh oo adag”

Riyadh (Caasimada Online) – “Waa nin soo jiidasho leh oo adag” waxaa sidaas yiri Madaxweynaha Trump u qeexay hogaamiyaha Suuriya, isla markaana la saxiixday Heshiisyada Abraham – Sharaa ayaa ahaa nin markii hore lagu sheegay inuu yahay argagixiso.

Intii uu Trump kula kulmay Madaxweynaha Kumeelgaarka ee Suuriya Axmed al-Sharaa, wuxuu hogaamiyahaasi siiyay shan tilmaam, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka White House Karoline Leavitt:

  • Inuu saxiixo Heshiisyada Abraham si loo hagaajiyo xiriirka Israa’iil
  • Inuu u sheego dhammaan “argagixisada ajnebiga ah” inay ka baxaan Suuriya
  • Si gaar ah, Trump wuxuu tilmaamay “argagixisada Falastiin” dalka laga saaro
  • Inay ka caawiyaan Mareykanka in la joojiyo soo laabashada kooxda loo yaqaan Daacish
  • Iyo isla mowqifkaas, inay qaataan mas’uuliyadda xarumaha xabsiga ee la xidhiidha kooxdaas ee ku yaal bariga iyo waqooyiga Suuriya.

Ka hor inta uusan Trump shaacin qorshihiisa ah inuu ka qaado cunaqabataynta Mareykanka ee Suuriya shalay, Suuriya waxay ahayd dowlad lagu calaamadiyay taageeridda argagixisada tan iyo 1979, markaas madaxweynayaasha isbedelka dalka ku qabsaday Bashar al-Assad, aabbihiis Hafez al-Assad, uu ahaa madaxweyne.

Waxaa xusid mudan in Israa’iil ay burburisay awooda difaaca Suuriya 48-kii saacadood ee ka dambeeyay xukunkii Bashaar Al Asad ee Diseembar, markii lagu soo waramay in in ka badan 400 duqeyn hawada ah la sameeyay.

Israa’iil waxay sii waday weerarada ka dhanka ah Suuriya, waxayna dhawaan duqeysay meel ku dhow madaxtooyada, iyadoo sheeganaysa inay rabto inay difaacdo xuquuqda dadka Druze – oo ah koox diimeed yar.

Madaxweynaha Sharaa ayaa marar badan sheegay in Suuriya ay rabto xidhiidh wanaagsan oo ay la yeelato deriskeeda – iyada oo aan la cayimin kuwaas. Dad badan ayaa soo jeedinaya inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Israa’iil.

Hogaamiyaha ayaa si aad ah u diiradda saaraya sidii uu dib cagaheeda ugu istaajin lahaa Suuriya iyo dhaqaalaheeda, si uu u sii hayo ballanqaadyadii uu u sameeyay shacabka.

Daawo: Odawaa oo shaaciyey arrin loo fasaxay iyo xisbiga Xasan oo tallaabo kale qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa oo xalay loo doortay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaankiisa loo doortay ayaa ka hadlay xaflad uu galabta isku diiwaan-geliyey xisbigaas.

Odawaa ayaa warbaahinta la hadlay markii uu qaatay shahaadada diiwaan-gelinta urur siyaasadeed JSP ayaa sheegay in hadda kadib ay bilaabayaan ololaha doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shahaadada guddoonsiiyey urur siyaasadeedkaan oo xalay xafladiisa daah-furka lagu qabtay magaalada Muqdisho.

“Shaqo dheer kadib, waxaan maanta qaadanay shahaadadii urur siyaasadeed rasmi ah, hadda kadib guddiga doorashooyinka wuxuu noo fasaxay inaan bilowno ololaheena doorashada,” ayuu yiri Odawaa.

Sidoo kale, Odawaa ayaa sheegay doorashadaan ay muhiim u tahay dalka, isagoo siyaasiyiinta kale ugu baaqay inay axsaab sameystaan.

“Madaxweynaha markii hore waxaa la doortay isagoo hoggaaminaya UPD, mar kale wuxuu hadda doorasho gelayaa isagoo hoggaaminaya xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, marka hadda kadib axsaabta ayaa lagu dagaalamayaa ee xisbiyo hala furto,” ayuu yiri Odawaa.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaaddada rasmiga ah ee ururnimo guddoonsiiyey urur-siyaasadeedyo cusub oo soo buuxiyay shuruudaha diiwaangelinta Ururrada.

Guddoomiyaha Guddiga Cabdikarim Axmed Xasan oo qudbad ka jeediyey Munaasabadda shahaadada lagu gudoonsiinaayey Ururrada cusub ayaa sheegay in Diiwaan-gelinta ururada ay ku eg tahay maanta oo ah 14-May balse ay jiraan ururro soo buuxiyey qaar ka mid ah shuruudihii looga baahnaa kuwaas oo wadada ku soo jira oo maalmaha soo socda ku soo dhamaystiridoona shuruudaha kale ee looga baahanyahay.

Madaxda Urur siyaasadeedyada maanta la guddoonsiiyay shahaaddooyinka ayaa dhankooda caddeeyay in ay diyaar u yihiin ka-qayb-galka doorashada Qof iyo Codka ah.

Hoos ka daawo Odawaa

DENI oo qaylo dhaan afka furtay, weerarna ku qaaday Xasan iyo xisbigiisa

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad jeediyay ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha soo kordhay ee la xiriira doorashooyinka dalka ee 2026.

Saciid Deni ayaa si gaar ah uga hadlay shirkii soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaran iyo xisbiga Xasan Sheekh ee xalay looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa si weyn uga horyimid xisbiga la dhisay ee Cadaaladda iyo Wadajirka, kaas oo ay ku mideysan yihiin madaxda maamullada iyo kuwa dowladda dhexe, isaga oo xusay in tallaabada la qaaday ay god-dheer kusii rideyso mustaqbalka dalka.

“Wixii xalay ka dhacay Muqdisho, marka eegto  xaalku wuxuu marayaa, islaanta indho la’aan hadaa ku ogeydeen dad cunimo ayeey ku darsatay“ ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, isaga oo sheegay in sababta uu diideen ay tahay burburinta Jubaland iyo kala qaybinta dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Shirkii NCC waxaan ku diidnay waa aragtaan maanta ma dadka leh Jubaland hala burburiyo baa wadajir ka shaqeynaya” ayuu mar kale yiri Saciid Deni.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay magaalada Muqdisho looga dhowaaqay Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), waxaana guddoomiyaha iyo musharraxa xisbiga ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xamza, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Sacdiya Yaasiin iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ay ka yihiin ku xigeenno, halka xoghayaha guud-na loo magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Waxaa kale oo xisbigan ku jiro madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Galmudug, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo xalay kasoo muuqday xafladda oo ka dhacday hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah oo uu muran ka taagan yahay, kadib markii ay diideen Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee dalka.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo kulan xasaasi ah la yeeshay guddiga sare…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya.

Sanduuqan oo ay hirgelintiisa Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga, ayaa wuxuu muhiim u yahay qorshaha horumarinta qaranka, kaas oo ay ka shaqeynayso xukuumadda Dan-Qaran.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid horumarineed oo ku saleysan qorshaha qaran ee dowladda, isla markaana uu wax weyn ka tari doono tayeynta adeegyada aas-aasiga ah iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.

Intii uu kulanka socday, waxa uu guddigu ansixiyay saddexdii mashruuc ee ugu horreyey ee hoos yimaada barnaamijka TPSS. Mashaariicdan ayaa dhammaantood diiradda saaraya xoojinta nidaamka caafimaadka aasaasiga ah ee Soomaaliya, lagana hirgelin doono deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.

Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya ee (TPSS), waxaa maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, waxaana hirgelinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shirkan uu guddigu maanta yeeshey ayaa waxaa ka qeyb-galay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya H.E. Pier Mario Daccò Coppi.

Si kastaba, barnaamijkan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu xoojiyo adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Muqdisho: Sarkaal sare oo si arxan darro ah loogu dhex-dilay gurigiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil argagax leh oo xalay sarkaal sare loogu gaystay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dhacdadan ayaa xaqiijiyay dilka sarkaalka oo Gaashaanle Sare ahaa, laguna magacaabi jiray Cabdulqaadir Xuseen Cigaal.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in marxuumka lagu dhex-dilay gurigiisa, isla-markaana loola dhaqmay si ka baxsan bani’aadanimada. Sidoo kale, afhayeenka ayaa xaqiijiyay in lasoo xiray 5 eedeysane oo lagu tuhmayo dilka arxan darrada ee loo gaystay marxuum Cabdulqaadir Xuseen Cigaal,

“Xalay 10:00 habeenimo waxaa si arxan darro ah oo bani’aadanimada ka baxsan gurigiisa dhexdiisa loogu dilay Gaashaanle Sare marxuum Cabdulqaadir Xuseen Cigaal, waxaana loo hayaa illaa 5 eedeysane oo 100% la tuhmaayo inay ku lug leeyihiin,” ayuu yiri afhaayeenku.

Dhanka kale, Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyay dhacdooyin kale oo ka dhacay Xamarjajab, wuxuuna sheegay in saaka rag burcad ah ay isku rasaaseeyeen degmada Xamarjab, ayna iska dileen mid kamid ah, halka uu dhaawac soo gaaray mid kale.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ragga dagaalamay ay isku qabteen taleefoono ay kasoo dhaceen dad shacab ah, kadibna iyaga dhexdooda ay isku gaysteen dil iyo dhaawac.

“Saaka aroortii marka saaladda subax laga soo baxay kadib waxaa saddex eedeysane oo lagu raadjoogay oo dhacay moobeello ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed iyo isla iyagii oo sarqaansan, iskuna khilaafsan wixii ay soo dhaceen kadibna is rasaaseyn ka dhex-bilaabatay waxaana halkaas lagu dilay mid kamid ah, halka uu dhaawacmay mid kale oo gacanta lagu hayo,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dil kale oo ka dhacay isla degmada Xamarjajab, kaas oo loo gaystay marxuum Mahad Cabdiraxmaan Axmed, wuxuuna sheegay in loo soo qabtay afar eedeysane. Dilkaas wuxuu tilmaamay inuu ka dhacay aagga iskuulka Raage Ugaas, uuna ka dhashay khilaaf soo kala dhex-galay 4 eedeysane, kadibna uu kusoo dhamaaday dilka marxuumka.

“Isla Xamarjajab sagaalka May abaare 1:00 habeen saq-dhexe waxaa eeriyada Raage Ugaas khilaaf ku bilowday afar eedeysane oo hubeysan qaarkood oo shacab ah muran dhex-maray wuxuu kusoo dhamaaday in uu ku geeriyoodo marxuum Mahad Cabdiraxmaan Axmed, gacan ku dhiiglihii iyo eedeysanayaashii kale waa lasoo xiray,” ayuu sii raaciyay.

Mucaaradka oo soo saaray go’aan 7 qodob ah, kadib tallaabadii Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo goordhow soo saaray bayaan culus ayaa ka hadlay tallaabadii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, gaar ahaan dhsimaha xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee xalay lagu dhowaaqay.

Mucaaradka oo mideysan, ayna ku jiraan madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore ayaa soo saaray go’aan ka kooban 7 qodob oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2026.

Ugu horreyn waxa ay sheegeen in la burburiyay Madashii wadatashiga qaran, kadib dhismaha xisbiga cusub ee Xasan Sheekh, waxayna tilmaameen in loo beddalay kooxeysi.

Sidoo kale waxa ay dalbadeen in la’isugu yimaado wadatashi deg-deg ah oo laga soo qayb-gelinayo bulshada, kaas oo ay ugu yeereen in lagu samata bixinayo dalka.

Madaxweynaha ayay sidoo kale ku booriyeen inuu ka waantoobo inuu dagal ku wajaho Jubaland, maadaama haatan ay soo kordheen xaalado cusub oo labada dhinac ah.

Waxaa kale oo ay xubnaha mucaaradku soo dhoweeyeen go’aankii Mareykanka uu ku diiday qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo sii huriyaya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Dhinaca kale, waxay farriin deg-deg ah u direen madaxda Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug oo ay ugu baaqeen inay xurmeeyaan shacabka, ayna qabtaan doorashada, maadaama uu ka dhamaaday muddo xileedka.

Ugu dambeyn waxay ka hadleen musuq ay sheegeen inuu ka dhex jiro hay’adaha dowladda iyo dhul boobka socda, iyaga oo QM ugu baaqay inay dabagal ku sameyso arrimahaasi.

“Kalitalisnimada, ku takrifal awoodda, musuqa iyo maamul-xumida baahsan, faquuqista siyaasadeed iyo caddaalad-darrada waxay shacabka ku ridday quus iyo rajo la’aan sababtay in ay lunto kalsoonidii ay ku qabeen dowladda, waxayna nuxuusisay taageeradii beesha caalamka, iyadoo fursad u abuurtay kooxaha argagixisada ah” ayaa lagu yiri bayaanka.



Xogta iska horimaad iyo dilal qorsheysan oo maanta ka dhacay Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo maanta shir saxaafadeed u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay dilal qorsheysan iyo iska imaad maanta ka dhacay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo faah-faahin dheeri ah ka bixiyay dhacdooyinkan ayaa sheegay in saaka rag burcad ah ay isku rasaaseeyeen degmada Xamarjajab, ayna iska dileen mid kamid ah, halka uu dhaawac soo gaaray mid kale.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ragga dagaalamay ay isku qabteen taleefoono ay kasoo dhaceen dad shacab ah, kadibna iyaga dhexdooda ay isku gaysteen dil iyo dhaawac.

“Saaka aroortii marka saaladda subax laga soo baxay kadib waxaa saddex eedeysane oo lagu raadjoogay oo dhacay moobeello ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed iyo isla iyagii oo sarqaansan, iskuna khilaafay wixii ay soo dhaceen kadibna is rasaaseyn ka dhex-bilaabatay waxaana halkaas lagu dilay mid kamid ah, halka uu dhaawacmay mid kale oo gacanta lagu hayo” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dil kale oo sagaalkii bishan ka dhacay isla degmada Xamarjajab, kaas oo loo gaystay marxuum Mahad Cabdiraxmaan Axmed, wuxuuna sheegay in loo soo qabtay afar eedeysane.

Dilkaas wuxuu tilmaamay inuu ka dhacay aagga iskuulka Raage Ugaas, uuna ka dhashay khilaaf soo kala dhex-galay 4 eedeysane, kadibna uu kusoo dhamaaday dilka marxuumka.

“Isla Xamarjajab sagaalka May abaare 1:00 habeen saq-dhexe waxaa eeriyada Raage Ugaas khilaaf ku bilowday afar eedeysane oo hubeysan qaarkood oo shacab ah muran dhex-maray wuxuu kusoo dhamaaday in uu ku geeriyoodo marxuum Mahad Cabdiraxmaan Axmed, gacan ku dhiiglihii iyo eedeysanayaashii kale waa lasoo xiray” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday dil kale oo ka dhacay degmada Heliwaa, gaar ahaan agagaarka Shaneemo Cabdi-waayeel, kaas oo oo loo gaystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Faysal Cabdullahi Takar, wuxuuna xaqiijiyay in lasoo qabtay ninkii dilay.

Afhayeenka booliska ayaa tilmaamay in inta badan ragga gaystay dilalkan iyo dhaca ay yihiin dambiilayaal horay loo xukumay, balse lagu soo daayay wada-hadallo iyo heshiis dhex-maray dhinacyda dacwadda, hadane ay markale ku laabteen isla falalkii hore.

DF oo war ka soo saartay guusha uu gaaray Erdogan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan soo saartay ayaa ka hadashay guusha ee uu Isniintii gaaray madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, taas oo la xiriira hubka dhigista uu sameeyay ururka PKK ee dalkaasi.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso go’aanka ururka PKK ee ay hubka ku dhigeen, taas oo meesha ka saareysa dagaalka ay muddada dheer kula jireen dowladda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibads Soomaaliya ayaa waxaa  lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid gacan ka geysaneysa xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee Turkiga iyo guud ahaan gobolka.

Sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa taageero waynu muujiyay madaxweyne Erdogan, gaar ahaan dadaalladiisa ku aadan xoojinta wada-hadallada nabadda eed dalkaasi.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay taageero buuxda u muujineysaa dadaallada lagu xoojinayo wadahadalka nabadeed, midnimada shacabka Turkiga, iyo xasilloonida guud ee gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa Isniintii todobaadkan ku dhawaaqay inuu is-burburiyey, isagoo sheegay inuu soo afjaray halgankii hubeysnaa ee uu kula jiray dowladda Turkiga, taasoo dhammaatay kadib afartan sano oo kacdoon dhiig badan ku daatay.

Ururka PKK, oo uu aasaasay Abdullah Ocalan dabayaaqadii 1970-meeyadii, ayaa qaatay hub sannadkii 1984, halkaas oo uu ka bilaabay weerarro ka dhan ah dowladda Turkiga kuwaas oo sababay in ka badan 40,000 oo dhimasho ah.

“Shirkii 12-aad ee PKK wuxuu go’aamiyey in la burburiyo qaab-dhismeedka ururka lana joojiyo halgankii hubeysnaa,” ayaa lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaaladda wararka ee u ololeysa Kurdish-ka, ANF.

Dhanka kale, tallaabadan ayaa si diirran waxaa u soo dhoweeyey xisbiga AKP ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah,” balse xusay in habraaca loo “kormeerayo si dhow” oo joogto ah.

Go’aanka taariikhiga ah ayaa yimid kadib baaq uu Ocalan bishii 27-ka Febraayo ka diray xabsiga Imrali ee magaalada Istanbul, halkaas oo uu ku xiran yahay tan iyo 1999, kuna booriyey dagaalyahanadiisa inay hubka dhigaan oo ay ururka kala diraan.

Puntland oo shaacisay halis ka dhalan karta xisbiga cusub ee madaxweyne Xasan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si adag uga hadlay ku dhowaaqista Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay ku mideysan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa Dowlad-goboleedyada dalka, kaas oo uu sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka nPuntlad oo ka hadlay dhismaha xisbigaan siyaasadeed ayaa tilmaamay inuu lamid yahay kii kacaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh in dalka uu dib u celiyay, isla markaana tallaabooyinka uu qaadayo ay yihiin kuwa halis ah oo mugdi galinaya Soomaaliya.

“Xsibiga Xasan Sheekh iyo 3 sano kadib: Xisbiga siyaasadeed la mid ah kii KACAANKA oo aan ilo lahayn waa xilli soo dhammaatay” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka dib ugu celiyay kumeergaarnimadii, isla markaana uu dib usoo celiyay caqabado horay looga soo gudbay.

“Tani waxa ay Soomaaliya ku hoggaamin doontaa xilligii kumeelgaarka. Maxaa xoog Doofaar lagu eryay?” ayuu mar kale yiri wasiir Juxa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay magaalada Muqdisho looga dhowaaqay Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), waxaana guddoomiyaha iyo musharraxa xisbiga ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xamza, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Sacdiya Yaasiin iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ay ka yihiin ku xigeenno, halka xoghayaha guud-na loo magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Waxaa kale oo xisbigan ku jiro madaxweynayaasha maamul goboleedyada HirShabelle, Galmudug, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo xalay kasoo muuqday xafladda oo ka dhacday hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah oo uu muran ka taagan yahay, kadib markii ay diideen Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee dalka.

Qaab dhismeedka xisbiga Xasan oo loo qeybsaday habka 4.5 + Liiska magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa xalay ka qabsoomay munaasabad si rasmi ah loogu daah-furay Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay ku mideysan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa Dowlad-goboleedyada dalka.

Xisbigan oo uu hoggaamin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sameeyay bandhig wayn, waxaana ka qayb-galay ergo ka badan 2700 oo ka kala timid daafaha dalka isla markaana ka mid ah Xubnaha Rasmiga ee Urur Siyaasadeedka JSP. Waxaa sidoo kale la shaaciyay hoggaanka saree ee xisbiga, iyada oo lagu kala qaybsaday 4.5.

Guddoomiyaha Xisbiga iyo musharraxa waa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka Ra’iisul wasaare Xamza, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Sacdiya Yaasiin iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ay ka yihiin ku xigeenno, halka xoghayaha guud-na loo magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Hoos ka akhriso bayaan laga soo saaray ku dhowaaqista Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Shirwaynaha oo ay ka soo qaybgaleen ergo ka badan 2700 oo ka kala timid daafaha dalka isla markaana ka mid ah Xubnaha Rasmiga ee Urur Siyaasadeedka JSP, ayaa lagu ansixiyay Dastuurka iyo Xeerhoosaadyada Ururka iyada oo sidoo kale la doortay Xubnaha Guddiga Fulinta iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Ururka.

Shirweynaha waxaa kale oo hadaljeedin ka sameeyay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka, Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Gunaanadkii, xubnaha uu Shirwaynaha u doortay Guddiga Fulinta ayaa kala ah:

  1. Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka ahna Musharraxa
  2. Md. Xamza Cabdi Barre, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda, Istaraatiijiyadda iyo Qorsheynta
  3. Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad Goboleedyada
  4. Md. Saalax Axmed Jamac, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhaqaalaha
  5. Marwo Sacdiyo Yasiin Samatar, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Horumarinta Bulshada iyo Wacyigalinta
  6. Md. Cabduraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Xoghayaha Guud ee Ururka JSP

Shirqool: Soomaaliya oo la rabo in la hoos geeyo Itoobiya

Istiraatiijiyadda Isdhexgalka IGAD ee 2021–2025 ee la sheegayo wax kale ma aha ee waa ajende khatar ah oo si qaldan loo diyaariyey, ujeedkiisuna yahay in lagu xayuubiyo madax-bannaanida dalkeena, lagu burburiyo midnimadiisa dhuleed, laguna hoosgeeyo shacabka Soomaaliyeed saameyn shisheeye — gaar ahaan tan Itoobiya.

Waa in la xasuusnaadaa: IGAD markii hore looma aasaasin sidii aalad siyaasadeed oo wax lagu cabburiyo. Ujeeddadeedii bilowga ahayd waxay ahayd mid sharaf leh oo fudud: in la mideeyo dadaallada wax lagaga qabanayo abaaraha, nabaad guurka, iyo caqabadaha deegaanka iyo beeraleyda ee Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, ujeeddadaasi mar hore ayaa la leexiyay.

Iyadoo uu si toos ah u saameeyey ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi, IGAD waxaa loo rogay aalad siyaasadeed iyo millatari oo lagu maamulo Soomaaliya. Halkii ay taageeri lahayd dib-u-dhiska dalka ee ka soo kabanaya tobannaan sano oo colaado ah, IGAD waxay isu beddeshay caqabad wiiqeysa nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya, horumarkana carqaladeysa, iyadoo dalka ku haysta xaalad degganaansho la’aan iyo ku-tiirsanaan shisheeye.

Ma la caawinayo Soomaaliya, waa la maamulayaa.

Maanta, Soomaaliya wax faa’iido ah kama hesho xubinimada IGAD—waxba. Taas waxaa ka sii daran, istiraatiijiyadda cusub ee la soo jeediyay waxay si toos ah u halis gelinaysaa jiritaanka Soomaaliya oo xor ah. Waxaa nalagu qasbaya in aan furno xuduudaheenna, ka tanaasulno maamulkeenna socdaalka, islamarkaana aan aqbalno malaayiin Itoobiyaan ah oo si xor ah uga dhex shaqeeya, uga guura, kuna noolaada gudaha Soomaaliya, iyaga oo leh xuquuq la mid ah tan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Tani ma aha isdhexgal — waa duullaan dadweyne oo si sharci ah loo qarinayo.

Istiraatiijiyaddan ma aha mid ujeedadeedu tahay nabad, mana aha mid u adeegaysa barwaaqo. Waa qorshe gumeysi oo si ula kac ah loogu talagalay in lagu:

  • Daciifiyo hay’adaha dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya;
  • Wiiqo amniga qaran iyo xuduudaha dalka;
  • Laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyadoo lagu dhuumanayo magaca iskaashi goboleed;
  • La caburiyo Soomaalinimada, gudaha Soomaaliya iyo deegaannada Soomaalida ee Itoobiya iyo Kenya.

Qorshahan waxa uu la mid yahay qaladkii laga galay markii Soomaaliya ay si degdeg ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC), halkaas oo aan bixinnay kharash fara badan iyo sumcad, balse aan helin wax faa’iido ah marka laga reebo ballanqaadyo been ah iyo faragelin shisheeye.

Maanta, waxaan sanad walba bixinaa $7 milyan oo dollar oo xubinimo ah — maxaase aan ka helnaa? Waxba.

Su’aashu waa: Yaa ka faa’iideysanaya ajandahan? Shaki kuma jiro in aysan shacabka Soomaaliyeed ka faa’iidaysanayn. Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u dagaalamaysa nolol dhaanta kama faa’iidaysanayaan. Waxaa si cad u muuqata in ajandahan ay riixayaan wakiillo shisheeye iyo mas’uuliyiin sahashanaya khatarta weyn ee ka dhalan karta dhiibista madax-bannaanideenna.

Waxaa layaab leh sababta wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Cali Cumar (Balcad), uu si xamaasad leh ugu ololeynayo istiraatiijiyaddan khatarta ah. Tani waxay dhaliyaan su’aalo culus oo ku saabsan daacadnimadiisa iyo ujeedooyinka uu leeyahay. Maxay tahay faa’iidada uu shakhsiyan ka helo haddii Soomaaliya laga dhigo dal hoos taga Itoobiya? Waxaa la ogyahay in IGAD ay mar walba hoostagayso Addis Ababa.

Waa in aysan jirin wax shaki ah: Soomaaliya uma baahna IGAD. Waxa aan u baahanahay waa in aan dib u dhis ku samayno hay’adaheena annagoo xor ka ah faragelinta shisheeye. Waa in aan gacanteenna ku maamulno xuduudaheenna, siyaasaddeenna, iyo dhaqaalaha dalka — si ay ugu adeegaan danaha dadka Soomaaliyeed.

Istiraatiijiyadda Isdhexgalka IGAD ee 2021–2025 waa in si buuxda loo diidaa. Looma baahna in wax laga beddelo. Looma baahna in laga doodo. Waa in la diido gabi ahaanba, si loo badbaadiyo madax-bannaanida, jiritaanka iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Tani waa khad casaan ah oo aan la gudbi karin.

SOOMAALIYA HA NOOLAATO!

Mukhtaar Caynaashe

DF oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xaaladda gobolka Gedo, kadibna soo xirtay…

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa tiro odayaal ah oo shalay lagu xiray gudaha magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaas oo taageero u muujiyay maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Odayaasha la xiray oo gaaray illaa 10 Oday dhaqameed ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada, waxayna kasoo horjeestay qorshaha dowladda ay ku wajaheyso xaaladda Jubaland, waxaana lasoo wariyay in ay soo xiraan ciidamada booliska Garbahaarey.

Arrintan ayaa dhalisay buuq xooggan iyo in durbo xaalad laga dareemo gobolka Gedo oo mar kale wajahaya xiisad u dhexeyso Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada oo ku aadan xarigga maanta loo gaystay qaar kamid ah odayaasha gobolka Gedo.

Dhinaca kale Jubaland oo ka hadashay arrintan ayaa si weyn u cambaareysay xarigga odayaasha, waxayna ku eedeysay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo intaasi ku dartay in ujeedadu tahay burburinta maamulka halkaas ka jiro.

“Tani ayaa waxa ay tilmaameysaa qorshaha xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa ay la damacsan yihiin in ay ku burburiyaan nidaamka dowliga ah ee ka jira deegaanada Jubbaland balse Bulshada ku nool deegaanada Jubbaland ayaa fahamsan qorshaha qar-iska tuurnimada ah ee Xasan Sheekh Maxamuud rabo taas oo marna aan oga suuragaleynin deegaanada Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Jubaland.

Waxaa kale oo jirtay in Jubaland ay maanta sheegtay in la afduubtayAxmed Xuseen Jaamac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ee degmadaasi, kaas oo ay sheegtay in lagala baxay gurigiisa.

“Axmed Xuseen Jaamac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ayay gordhow Ciidamo ka Amar qaata Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ka afduubteen gurigiisa oo ku yaalo degmada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Xiisadda Muqdisho iyo Kismaayo ayaa haatan u muuqata inay dib usoo laba kacleysay, waxaana huriyay bayaankii kasoo baxay shirkii u dambeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu sheegay in loo baahan yahay in sharci loo wajaho xaaladda Jubbaland.

Xaaladda Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

DONALD TRUMP oo qaatay go’aan farxad u ah reer Syria – Maxaa maanta dhacaya?

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu amri doono in la qaado cuna-qabataynta saaran Suuriya, kadib codsi uga yimid dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga, taas oo astaan u ah isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda Mareykanka xill la filayo inuu la kulmo madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharca.

Sida uu sheegay mas’uul ka tirsan Aqalka Cad, Trump ayaa la kulmi doona Sharaa maalinta Arbacada ee Sucuudiga, taas oo gogol xaaraysa kulan muhiim ah oo dhex mara Trump iyo Al-Sharca xilka la wareegay kadib ridistii Bashar al-Assad. Ilo madaxtooyo oo Suuriya ah ayaa u xaqiijiyay Reuters in kulanka uu dhici doono subaxnimada Arbacada.

“Waxaan amri doonaa in la joojiyo cunaqabataynta Suuriya si aan fursad ugu siino inay gaaraan heer sare,” ayuu Trump ka sheegay madal maalgashi oo ka dhacday Riyadh, xilli uu bilaabay safar uu ku marayo dalalka Khaliijka. “Waa waqtigooda inay iftiimaan. Waan ka qaadaynaa dhammaan cunaqabatayntii,” ayuu raaciyay, “Nasiib wacan Suuriya, noo muuji wax gaar ah.”

Trump wuxuu sheegay inuu go’aanka qaatay kadib wada-tashi uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kuwaas oo si xooggan ugu baaqay in cunaqabataynta la qaado.

Go’aankan lama filaanka ah ayaa yimid inkasta oo ay jiraan tuhunno xooggan oo Israa’iil ka qabto maamulka Sharca. Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa weli ku tilmaama Sharca inuu yahay jihaad-doon, inkasta oo uu xiriirkii Al-Qaacida uu gooyay sannadkii 2016.

Trump ayaa sheegay in dhammaan cunaqabatayntii laga qaaday Suuriya, isagoo xusay inay horey u lahayd ujeedooyin muhiim ah, balse hadda la joogo waqtigii Suuriya loo ogolaan lahaa inay hore u socoto.

Waxa uu intaas ku daray in dadaallo lagu soo celinayo xiriir caadi ah la bilaabay, isla markaana Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, uu toddobaadkan la kulmi doono wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya.

Cunaqabataynta Mareykanka, oo lagu soo rogay intii uu talada hayay Assad, ayaa Suuriya ka go’doomisay nidaamka maaliyadeed ee caalamka, iyadoo carqaladeysay maalgashiga iyo ganacsiga, taasoo dib u dhac weyn ku keentay dadaallada dib-u-dhiska dalka kadib dagaalkii sokeeye.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya, Asaad al-Shibani, ayaa warqad uu u diray Reuters ku sheegay in go’aanka Trump uu yahay isbeddel taariikhi ah oo u suurtagelinaya shacabka Suuriya inay dib u dhistaan dalkooda.

“Waxaan diyaar u nahay inaan dhisno xiriir ku saleysan is-ixtiraam, kalsooni iyo dan wadaag la leh Mareykanka,” ayuu yiri Shibani.

Sidoo kale wuxuu xusay in Trump uu heli karo “heshiis nabadeed oo taariikhi ah iyo guul u ah danaha Mareykanka ee Suuriya,” balse faahfaahin dheeraad ah ma bixin.

Intii uu talada hayay Assad, Suuriya waxay sii wadaysay xaalad dagaal oo rasmi ah oo kala dhaxaysay Israa’iil, xiriir dhow la lahayd Iiraan iyo Ruushka, halka xiriirkeeda reer Galbeedkuna uu ahaa mid mararka qaar kacsanaa.

Tan iyo bishii December, ciidanka Israa’iil ayaa maamula dhul ku dhow Buuraha Golan ee ay qabsadeen 1967, iyadoo sidoo kale si joogto ah duqeymo cirka ah uga fulinaysay gudaha Suuriya.

Mas’uuliyiinta Suuriya ayaa dhankooda muujiyay diyaar garow ay u qabaan hagaajinta xiriirka Israa’iil, xitaa suurtagalnimada heshiis nabadeed.

Sharca ayaa sanado badan ahaa hoggaamiyaha garabka rasmiga ah ee Al-Qaacida ee dagaalka Suuriya. Wuxuu markii ugu horreysay ku biiray Al-Qaacidada ee Ciraaq, halkaas oo uu ku qaatay shan sano oo xabsi Mareykanku ku hayay. Bishii December, Mareykanka ayaa ka qaaday abaalmarintii $10 milyan ee madaxiisa lagu doonayay.

Sharciyada cunaqabataynta ee ay ansixiyeen labada aqal ee Congress-ka Mareykanka, oo ay ku jirto xeerkii 2019 ee cunaqabataynta adag ee Suuriya, waxay siiyaan madaxweynaha awood uu ku joojin karo haddii uu u arko inay u adeegayso danaha amniga qaranka Mareykanka.

Magacaabista argagixisada

Qaramada Midoobay, oo muddo dheer ku dadaalayay in la qaado cunaqabataynta Suuriya, ayaa si diirran u soo dhoweysay go’aanka.

“Waxay ahayd arrin muhiim ah in la arko yareynta cunaqabataynta si loo taageero dib-u-dhiska Suuriya, loogana caawiyo shacabka Suuriya inay kasoo kabtaan dagaallo iyo maalgashi la’aan socday in ka badan toban sano,” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Hay’adda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), oo horey loogu yaqaanay Nusra Front, ayaa ahayd garabka rasmiga ah ee Al-Qaacida ee Suuriya ilaa ay xiriirka ka jartay 2016. HTS si rasmi ah ayaa loo kala diray Janaayo.

HTS waxay ku jirtaa liiska cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Al-Qaacida iyo Daacish, iyadoo saaran xayiraad caalami ah oo dhanka hantida iyo hubka ah. Si kastaba, Qaramada Midoobay wax cunaqabatayn ah kuma aysan soo rogin Suuriya la xiriirta dagaalka sokeeye.

Weli lama caddayn haddii Mareykanka uu qorsheynayo inuu Golaha Ammaanka ka codsado in laga qaado cunaqabataynta HTS.