29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Xasan Sheekh oo saxiixay afar sharci oo dhaqaale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u saxiixay afar sharci oo muhiim ah, kuwaas oo quseeya dhaqaalaha dalka.

Shuruucdan cusub ee uu madaxweynaha saxiixay ayaa kala ah: Sharciga Caymiska (Takaful), Sharciga Canshuurta Dakhliga, Sharciga Hay’adaha Maaliyadeed, iyo Sharciga Ka Hortagga Lacag Dhaqidda Sharci darrada ah iyo Maalgelinta Argagixisada. Mid walba waxa uu xambaarsan yahay ujeeddo cad oo ku aaddan dib-u-dhiska dhaqaalaha.

Xeerarkan ayaa lagu tilmaamay kuwo sare u qaadaya hufnaanta maamulka maaliyadeed, iyagoo abuuraya jawi kalsooni leh oo dhiirrigelinaya maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Sidoo kale, waxay gacan ka geysan doonaan kobaca dhaqaalaha iyo kor u qaadista fursadaha ganacsi ee dalka.

Sharciyadan ayaa waxaa hore u ansixiyay labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, taas oo muujinaysa wada-shaqeyn buuxda oo u dhaxeysa hay’adaha dowladda ee xeer dejinta iyo fulinta.

Dib-u-habayntan sharciyeed waxa ay xoojinaysaa awoodda iyo doorka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta nidaamka maaliyadeed iyo la dagaallanka dhaqaalaha sharci darrada ah. Tani waxay muhiim u tahay xasilloonida dhaqaale ee dalka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto horumarinta sharciga dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo sharciyo kor u qaada maalgashiga, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa la rumeysan yahay inay noqon doonto mid fure u ah marxalad cusub oo horumarineed, iyadoo Soomaaliya ay wajahday caqabado dhaqaale oo baaxad leh sanadihii la soo dhaafay. Dowladda ayaa u aragta in isbeddelkan sharciyeed uu yahay mid sal adag u noqonaya kobaca dhaqaale iyo maalgelin hufan.

AL-SHABAAB oo cashir loo dhigay – Maxaa dhacay xalay?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal qorsheysan oo xalay saqdii dhexe ciidamada difaaca deegaanka, gaar ahaan kuwa Macawiisleyda Hiiraan, ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Howl-galka ayaa lagu bartilmaameedsaday tuulooyin dhowr ah oo ay ku sugnayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidamada Macawiisleyda ayaa weerar culus ku qaaday tuulooyinka Ceel Dheer iyo Xalaalaay, kuwaas oo si dhow ugu dhow degmada Halgan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in weerarkaasi uu sababay khasaare xooggan oo gaarey kooxda Al-Shabaab, iyadoona la xaqiijiyay in lagu dilay illaa afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda.

Sarkaal u hadlay ciidanka Macawiisleyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howl-galka lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku sheegay in ay ahaayeen horjoogayaal. Si kastaba, sarkaalka ma uusan faah-faahin magacyada ama xilalka ay kooxdaasi u hayeen ragga la dilay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in inta badan maleeshiyaadkii kale ee weerarka ka badbaaday ay ka gudbeen wabiga Shabeelle, iyagoo u baxsaday dhanka Galbeedka, taasoo muujinaysa in ciidamada difaaca deegaanka ay cashir u dhigeen maleeshiyaadka kooxda.

Howl-galka ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u dambeeyay ay isa soo tarayeen wararka sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan deegaanka, gaar ahaan markii ay wabiga Shabeelle dhanka Bariga uga soo gudbeen. Tani ayaa keentay cabsi soo korodhay oo ku aaddan weeraro kaga yimaada dhankaas.

Deegaanada hoostaga degmooyinka Buulaburde iyo Halgan ayaa si gaar ah u saameeyay dhaq-dhaqaaqyada kooxda, waxaana la dareemayaa in ciidamada deegaanka ay qaadayaan tallaabooyin deg-deg ah oo lagu hor istaagayo isku day kasta oo ay kooxdaasi ku doonayso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka Hiiraan.

Somalia’s universal vote bid hits wall of distrust, boycotts

MOGADISHU, Somalia — Somalia’s National Electoral Commission chair, Abdikarim Ahmed Hassan, announced that voter registration in the Banaadir region will be extended by one month. This announcement comes amid mounting skepticism, technical setbacks, and intense political dispute over the country’s planned shift to a one-person, one-vote system.

While the extension is officially framed as a corrective measure to address delays and ensure inclusivity, credible sources told Caasimada Online that the actual voter registration numbers have been dismal—a sign that the problem goes far beyond timing or logistics.

Public apathy and low turnout

Despite the high population density in many Mogadishu districts—some home to hundreds of thousands of residents—registration numbers have reportedly been shockingly low, with fewer than 5,000 people registering in entire districts. These figures paint a grim picture of public disengagement and widespread apathy.

According to the source, the Electoral Commission has even resorted to questionable tactics in an attempt to inflate registration numbers. In some cases, citizens who visited district headquarters seeking birth certificates were misled into registering to vote, being told it was simply part of the birth certificate process. Even so, turnout remains severely underwhelming, underscoring a deeper crisis of confidence.

The low participation is not simply due to disorganization or lack of awareness. The core issue, sources say, is that many Somalis do not believe the election will happen. After years of delayed or manipulated electoral processes, often marred by political interference and insecurity, public trust in government-led initiatives has eroded.

This sentiment seriously undermines the credibility of the current process. Even when procedural mechanisms—such as deadline extensions—are implemented to promote inclusivity, they do little to counter the perception that the entire system is fundamentally flawed or performative.

Politicization and legitimacy crisis

Adding to this is the strong opposition from former leaders and political factions, who argue the current electoral model lacks a constitutional foundation and has been developed without adequate consultation. These groups have labeled the ongoing process illegitimate and unilateral, claiming it lacks transparency, legal grounding, and inclusivity.

This context is crucial. Any move by the commission, even one aimed at logistical fairness, is immediately interpreted through a highly politicized lens. The voter registration extension, seemingly reasonable on the surface, is therefore tainted by a broader legitimacy crisis.

Adding to the complexity is the open rejection of the electoral process by key federal member states, most notably Puntland and Jubaland. These regional governments have refused to cooperate with the National Electoral Commission, arguing that the federal government’s approach to the one-person, one-vote model has been unilateral, unconstitutional, and politically motivated.

Puntland, in particular, has stated that it will not participate in any electoral process that is not the result of an inclusive political agreement involving all stakeholders, including the federal member states, opposition parties, and civil society. Jubaland has echoed similar concerns, accusing the federal authorities in Mogadishu of bypassing constitutional processes and marginalizing regional voices.

This rejection is not merely symbolic—it creates operational and legitimacy gaps that are impossible to ignore. Without nationwide cooperation, a uniform, credible electoral process becomes unfeasible. The exclusion of entire regions undermines both the legal validity and political inclusiveness of the vote, raising serious questions about whether the outcome of such an election would be nationally recognized or accepted.

Moreover, the standoff reflects deeper tensions within Somalia’s federal system, where distrust between Mogadishu and federal member states continues to stall progress on key national priorities—including constitutional reform, security coordination, and electoral integrity. The impasse highlights how state-building efforts remain fragile and incomplete, even as the federal government pushes forward with its ambitious democratic agenda.

Symbolic gesture or systemic breakdown?

The commission’s decision to add 30 days to the registration period may help smooth out some technical issues. However, it does little to address the systemic dysfunction and trust deficit that plague Somalia’s transition to universal suffrage.

Instead, it risks being viewed as a symbolic gesture—a procedural adjustment made to mask the reality that most Somalis are either uninterested, unaware, or outright disillusioned with the process. Without genuine belief in the electoral system, such interventions are unlikely to alter participation rates meaningfully.

The extension of voter registration in the Banaadir region highlights the Somali government’s ongoing struggle to implement a credible and inclusive electoral process. What should have been a moment to empower citizens is instead revealing the depth of public mistrust, poor turnout, and the failure to build a consensus around Somalia’s democratic future.

Until these deeper issues—legal clarity, political inclusiveness, and public confidence—are addressed, procedural changes like deadline extensions will continue to fall flat. Worse, they may inadvertently expose how little faith remains in the promise of one-person, one-vote elections.

Guddiga doorashooyinka oo waqti dheeri ah ku daray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay in hal bil oo dheeri ah lagu daray diiwaan-galinta cod-bixiyeyaasha ee ka socota degmooyinka gobolka Banaadir.

Muddo kordhintan ayuu guddoomiyuhu ku shaaciyay shir jaraa’id uu ku qabtay xarunta dhexe ee guddiga, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda tallaabadan loogu sameeyay bulshada aan weli helin fursadda isdiiwaan-galinta.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in mudda kordhintan cusub ee 30-ka cisho ah la sameeyay kadib markii ololaha diiwaan-galinta uusan si isku mid ah uga bilaaban dhammaan degmooyinka gobolka.

Wuxuu xusay in arrintaas ay horseedday baahi loo qabo in dad badan oo aan fursad helin lagu daro waqtiga, si loo xaqiijiyo in dhammaan shacabka gobolka Banaadir ay helaan fursad ay ku diiwaan gashan karaan.

“Ololaha diiwaan galinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir ayaan ku darnay muddo hal bil ah, si shacabka fursad dheeri ah loogu siiyo inay codkooda iska diiwaan geliyaan,” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariin.

Wuxuu intaas ku daray in dib u dhacyo ka yimid arrimo farsamo ay saameyn ku yeesheen bilowgii shaqada ee qaar ka mid ah degmooyinka.

Muddo kordhinta cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli ay diiwaan-galinta codbixiyeyaasha ka socoto inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen hanaanka doorasho ee socda, oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.

Xogta kulamo uu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ka wado magaalada Baqdad

0

Baqdaad (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa halkaasi ka wada kulamo muhiim ah.

Kulamadan oo ah kulan doceedyo ayaa waxa uu Wasiir Cabdisalaam Cabdi la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Maanta, Wasiir Cabdisalaam waxa uu kulammo miro-dhal ah la qaatay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Aljeeriya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Kulamadan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa kulamada lagu xoojiyqy taageerada labada dal ay u hayaan dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka dalka.

Kulammadan ayaa waxay ka tarjumayaan sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyada oo la sii amba-qaadayo wada-shaqeynta dhow ee ku saleysan danaha wadajirka ah ee gobolka iyo dunida Carabta.

Xildhibaanadii ugu badnaa oo madaxweyne Xasan Sheekh usoo jeediyay inuu is-casilo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannadii ugu badnaa oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka ka dago.

Xildhibaannadan oo tiradoodu gaareyso illaa 103, ayaa waxay baaqan ku shaaciyeen war-saxaafadeed ay soo saareen, iyaga oo ku eedeeyay madaxweynaha in uu si cad ugu xad-gudbay dastuurka dalka iyo inuu ku guul-dareystay inuu kasoo baxo masuuliyadaha saaran xilligan adag ee dalku marayo.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dayacay waajibaadkiisa dastuuriga ah, xilli uu dalku wajahayo caqabado aad u culus oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo xaaladda bini’aadantinimo ah, ayna sidaas darteed tahay inuu is-casilo.

Sida ay tilmaameen, madaxweynaha ma uusan muujin dadaal dhab ah oo wax looga qabanayo xaaladaha taagan, taas beddelkeedana wuxuu doortay in uu raaco siyaasad dhinac u janjeedha.

War-saxaafadeedka xildhibaanada ayaa sidoo kale lagu xusay in Madaxweynaha uu ka baxay ballan-qaadkiisii 29-kii Maarso 2025 ee ahaa in uu isugu keeno hoggaanka siyaasadeed iyo dhaqanka si loo helo wadahadal qaran. Waxay ku eedeeyeen in uu si cad uga leexday wadadii xasilloonida iyo isu keenidda ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo xildhibaanadu madaxweynaha ku eedeeyeen in uu meesha ka saaray kala madax-bannaanidii hay’adaha dowladda. Waxay sheegeen in uu ku kacay tacaddi awoodeed, musuq iyo maamul xumo baahsan, taas oo keentay in uu sii fogaado xiriirka ka dhexeeya madaxda dalka iyo shacabka.

Sidoo kale, xildhibaanadu waxay sheegeen in heshiisyo badan oo qarsoodi ah lagu saxiixay magaca dowladda, iyada oo aan Baarlamaanka laga talo-gelin ama shacabka lala wadaagin. Waxay arrintan ku tilmaameen jebin toos ah oo lagu sameeyay dastuurka, taas oo sida ay sheegeen, sal u noqon karta in la qaado tallaabooyin sharci ah sida xil ka qaadis.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu burburiyay Madashii Wadatashiga Qaran, taasoo ahayd madal muhiim ah oo lagu xallin jiray khilaafaadka siyaasadeed ee dalka. Waxay sidoo kale sheegeen in madaxweynuhu cadaadis siyaasadeed saaray dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.

Xildhibaannadan ayaa ugu dambeyntiina war-sadaafadeedkooda ku caddeeyay in ay waajib dastuuri ah u arkaan inay u istaagaan difaaca qaranimada iyo habraaca dowladnimada, iyaga oo codsaday in madaxweynuhu is-casilo, si loo badbaadiyo dalka loona dhiso hoggaan cusub oo dalka ka saara xaaladda cakiran.

Magacyada ku dhowaad 30 qof oo sanado badan si sharci darro ah ugu xiran Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ugu yaraan 29 qof oo loo haysto eedeymo kala duwan ayaa muddo dheer si aan sharciyad ahayn ugu xiran saldhigyo iyo xabsiyo ku yaalla magaalada Garoowe, taas oo si toos ah u khilaafsan xeerarka iyo dastuurka Puntland.

Xadhiggan muddada dheer ah ayaa iftiiminaya dhibaato baahsan oo ka jirta nidaamka cadaaladda ee maamulka. Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab ayaa si cad u shaaciyay arrintan dabayaaqadii sanadkii hore.

Wasiirka ayaa xusay in ay jiraan dad sannado badan ku xiran saldhigyada booliska iyadoo aan la horgeyn wax maxkamad ah, taas oo uu ku tilmaamay ku tumasho xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka.

Warbixin gaar ah oo aan helnay ayaa daaha ka rogaysa magacyada 29 qof oo muddo dheer si aan sharciyad ahayn loogu hayo xabsiga dhexe ee Garoowe. Dadkan ayaan helin wax fursad maxkamadeed ah, iyadoo aan la marsiin habraacyada sharciga ah ee uu dhigayo dastuurka Puntland. Tani waxay fadeexad weyn ku tahay waaxda danbi-baarista (CID) iyo hay’adaha garsoorka ee maamulka.

Qoysaska maxaabiistan iyo qareenno madax-bannaan ayaa si kulul u dhaliilay hay’adaha garsoorka iyo kuwa amniga, iyagoo ku eedeeyay in ay dayaceen masuuliyaddii ka saarnayd ilaalinta xuquuqda dadka la tuhunsan yahay. Waxay sheegeen in dadkani ay yihiin muwaadiniin ay ka maqan tahay caddaaladdii ay xaqa u lahaayeen.

“Waxaan ogaanay in dadkaasi lagu hayo hab xadgudub ku ah dastuurka iyo xeerarka dalka,” ayuu yiri mid ka mid ah qareennada u dooda xuquuqda maxaabiista. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in si deg-deg ah loo bilaabo dhageysiga dacwadaha dadkaas, lana hubiyo in ay helaan caddaalad iyo difaac sharci ah oo madax bannaan.

Arrintan ayaa dhalisay walaac iyo su’aalo badan oo ku saabsan hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha garsoorka maamulka Puntland, iyadoo dad badan oo u dooda xuquuqda aadanaha ay dalbanayaan baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo habka ay u shaqeeyaan xabsiyada iyo saldhigyada booliska ee maamulka.

Xog: Maxaa shalay dib loogu dhigay magacaabista Mahad Salaad iyo xubno kale?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Khamiistii qorshaha ugu jirtay xukuumadda inay dib u soo magacowdo Mahad Maxamed Salaad oo mar kale loo dhibayo Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, waxaana ku yimid dib u dhac aan la shaacin, balse Caasimada Online ayaa heshay xogo arrintaas ku saabsan oo ilo wareedyo kala duwan ay la wadaageen.

Magacaabista Mahad Salaad waxaa qorshaha kula jirtay in lasoo kordhiyo wasaarado cusub, lana magacaabo wasiirro cusub.

Wasaaradaha lasoo kordhinayo waxaa kamid ah wasaaraddii horay loo burburiyey ee Gargaarka iyo Mareynta Musiibooyinka, taas oo loo bedalay Hay’ad, balse mar kale ayaa dib loo dhisayaa, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah.

Sidoo kale, Wasiirro uu ku jiro taliyaha hadda hoggaamiya NISA, Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa lasoo magacaabayaa, waxaana ka jira culeys dhanka isku shaandheynta ah, taasi oo sababtay in magacaabistii Khamiistii dib loo dhigo.

Arrinta kale ee muhiimka ka dhigtay in dib loo dhigo magacaabista xubno uu ku jiro Mahad Salaad ayaa aheyd khudbadii Madaxweynaha, taasi oo lagu fekeray in bulshada aan laga mashquulin.

Madaxweynaha oo shalay dhalinyarada kala qeyb galay maalintooda 15-ka May ayaa jeediyey khudbad xasaasi ah oo arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka uu uga hadlay, waxaa la sheegayaa in xukuumadda ay ku fekertay in bulshada aan laga mashquulin hadalka Madaxweynaha.

Khudbadii Xasan Sheekh waxaa muhiim ka dhigeysay in seddax sano ay u buuxsantay markii dib loo soo doortay 15-kii May 2022, wuxuuna jeediyey khudbad dulucdeedu aheyd difaaca siyaasadda uu ku sii hoggaaminayo dalka mudada uga hartay xil-heyntiisa.

Caasimada Online waxay ogaatay in xitaa shalay la diyaariyey sawirka lagu muujiyo magacaabista masuulka (Poster), kaas oo loo sameeyey xubno uu ugu horeeyo Mahad Salaad, balse dib ayaa loo dhigay, waxaana lagu balamay waqti kale.

Maalinta Isniinta ah ayey ilo wareedyada noo waramay noo sheegeen in golaha wasiirrada ay dib igu soo laabanayaan si loo ansixiyo magacaabista masuuliyiinta cusub.

Wasaaradaha Maaliyadda, Madaxtooyada, NISA iyo hay’ado kale ayaa la sheegay in isbedelka cusub uu saameyn doono, kaas oo hir-gelintiisa lagu balamay Isniinta.

QM oo go’aan ka gaareysa howl-galka cusub ee Somalia

0

Washington (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in uu go’aan ka gaaro hirgelinta qaab maalgelineed cusub oo loogu talagalay Hawl-galka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo la wareegay kaalintii hore ee ATMIS.

Qaabkan cusub oo ah mid isku dhaf ah (hybrid) ayaa lagu qeexay Qaraarka 2719 ee la meel-mariyay bishii Diseembar 2023. Qaabka “hybrid” ee la soo jeediyay ayaa dhigaya in Qaramada Midoobay ay bixiso 75% kharashka hawl-galka AUSSOM, halka 25% ay bixiyaan Midowga Afrika iyo deeq-bixiyeyaasha kale.

Habkan ayaa loogu tala-galay in uu suurtageliyo maalgelin waarta oo lagu taageero dadaallada xasilinta Soomaaliya, iyadoo hawl-galkan la filayo in si rasmi ah u bilowdo bisha Luulyo ee sannadka 2025.

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay in haddii qaabka maal-gelinta si deg-deg ah loo hirgeliyo, ay suurtagal noqon karto in Qaramada Midoobay ay bixiso in ka badan 90% kharashka hawlgalka, taasoo ka baxsan xadka la isla meel dhigay. Mareykanka ayaa sheegay in tani ay dhaawici karto hufnaanta iyo waxtarka nidaamka cusub.

Sidaa darteed, Mareykanka wuxuu soo jeediyay in la sameeyo nidaam KMG ah oo loo yaqaan “bridging mechanism” oo soconaya muddo laba sano ah. Ujeeddada nidaamkan ayaa ah in la dhameystiro qaab-dhismeedka hawl-galka AUSSOM iyo in xal waara loo helo caqabadaha dhaqaale ee jira, ka hor inta aan la bilaabin maalgelin buuxda oo joogto ah.

Dhanka kale, Midowga Yurub iyo waddamada A3 plus (Algeria, Mozambique, Sierra Leone, Guyana) ayaa si buuxda u taageersan hirgelinta degdegga ah ee qaabka hybrid. Waxay sheegeen in dib u dhaca go’aanka uu carqaladeyn karo howlaha xasilinta Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

Go’aanka Golaha Ammaanka ee la filayo ayaa la ogyahay inuu si weyn u saameyn doono mustaqbalka hawl-galka AUSSOM iyo dadaallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya. Haddii maalgelinta la ansixiyo, waxaa la heli doonaa taageero dhaqaale oo joogto ah, balse haddii dib loo dhigo ama la diido, waxaa laga baqayaa in howl-galku wajaho caqabado dhaqaale oo wiiqi kara xasilloonida dalka.

Maxaa ka jira in Somaliland ay sii deynayso maxaabiistii dagaal ee Laascaanood?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay warar sheegaya in ay sii daynayso maxaabiistii ay ku qabatay dagaalkii Laascaanood.

Wararkan oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, waxay sababeen banaanbaxyo rabashado wato oo ka dhacay magaalada Burco, waxayna xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro meesha ka saartay jiritaan qorshe noocaan ah waqti dhow.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale caddeysay in kaliya maxaabiista dembiyada fudud galay uun la sii dayn doono munaasibadda 18-ka May awgeed. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Sandheere ayaa sheegay in maxaabiista dagaalku aysan ku jirin liiska la sii daynayo.

Wasiir Sandheere ayaa tilmaamay in banaanbaxyada ka dhacay Burco ay ahaayeen kuwo lagu kiciyay warar aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo meesha ka saaray inuu jiro ama socdo qorshe lagu sii deynayo maxaabiis dagaal.

“Fawdo ka dhigay Burco dad ayaa ku dhex jiray. Fawdadaasi inooma qurux badna 18-ka May,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay in dadka fidinta wararka beenta ah ay leeyihiin ujeedooyin qaldan, kuwaas oo doonaya in ay bulshada dhexdeeda khilaaf ka dhex abuuraan. Waxaa uu faray laamaha ammaanka in tallaabo adag laga qaado cid kasta oo lagu helo in ay warar been abuur ah faafiso.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli ay bulshada reer Somaliland ku kala qeybsan yihiin in lasii daayo maxaabiista dagaalka, iyadoo saraakiil sare ay weli ku xiran yihiin magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

From republic to JSP: Somalia’s shift toward centralized power

Introduction

Somalia’s experiment with federalism is under intense scrutiny amid signs that power is gravitating back to Mogadishu. Nominally a federal republic, the country is showing symptoms of de facto centralization that betray the promises of its constitution.  

Recent developments amplify this concern: the Puntland State has openly withdrawn cooperation with the Federal Government, even refusing to recognize Mogadishu’s authority until a constitutional settlement is reached. Other regional leaders are equally wary. Jubaland’s President, for instance, accuses Villa Somalia (the Somali presidency) of undermining his administration’s autonomy and security for political ends.

These rifts reflect growing suspicions that the federal model is being subverted. This article offers a sober diagnosis of Somalia’s political trajectory – questioning whether Somalia is truly governed as a federal republic or sliding into a centralized “capital-state” – and issues a strategic warning against the dangers of this trend.

Fragile federalism

Somalia’s federal system was conceived in the mid-2000s as a grand bargain to end decades of civil strife. The 2004 Transitional Federal Government (TFG), born out of reconciliation conferences in Kenya, was built on a 4.5 power-sharing formula to distribute power among clans and warlords.  

It laid the groundwork for a decentralized order, including an Independent Constitutional Committee tasked with drafting a federal constitution. By 2012, Somalia had a Provisional Federal Constitution and a new Federal Government, and in the ensuing years federal member states like Jubaland and Puntland were formed. The vision was clear: a nation reunited through autonomy and power-sharing after years of fragmentation. 

Yet that vision remains painfully fragile. Over a decade since the federal project began, the balance of power between Mogadishu and the regions is still bitterly contested. Far from ushering in harmony, the federal framework has often been reduced to a symbolic façade.  

Today, Mogadishu’s actions increasingly sideline federal member states instead of empowering them. Puntland – once a staunch proponent of federalism – has repeatedly protested what it sees as unilateral overreach by the center. It first pulled out of federal-state collaboration forums in 2021 and 2022, and by 2024 it fully suspended ties, accusing President Hassan Sheikh Mohamud of derailing the federal project with unconstitutional maneuvers.

Jubaland, for its part, has bristled at interference in its local affairs; its leader Ahmed Madobe even pursued independent diplomatic contacts and security arrangements when relations with Villa Somalia soured. In late 2024, Jubaland openly boycotted federal meetings after Mogadishu attempted to influence the extension of state administrations’ mandates without local consent.

Such episodes underscore that Somalia’s “federalism” often operates in name only. Instead of genuine shared governance, power has tilted toward the center, raising fears that federalism is being treated merely as a box to tick. The historical promise of reconciliation and autonomy is at risk, as central authorities tighten their grip and regional actors grow increasingly defiant. This tug-of-war between center and periphery keeps Somalia’s statehood precarious and its federal ideals fragile. 

Constitutional reforms and power centralization

The flashpoint of Somalia’s current political crisis is the ambitious constitutional reform agenda pursued by President Hassan Sheikh Mohamud’s administration. In 2023–2024, Villa Somalia championed a raft of constitutional amendments billed as overdue updates to Somalia’s governance charter – but which critics say were designed to concentrate power at the center.  

These amendments, pushed through Somalia’s bicameral parliament in March 2024, made sweeping changes: the president now has explicit power to appoint and dismiss the prime minister at will, removing the previous requirement of parliamentary confidence for a PM.  

The term of all elected bodies was standardized to five years, and the door was opened for a streamlined party system, ostensibly to pave the way for universal “one person, one vote” elections. Proponents argued these steps would strengthen national institutions and end the era of indirect clan-based politics. 

However, the process and content of the reforms raised alarms about a creeping centralization of authority. President Mohamud’s push for amendments was widely seen as unilateral and rushed – “a bid to centralize authority” in the words of observers.  

The changes initially even contemplated abolishing the prime minister’s post entirely in favor of a presidential system with a vice-president, until that notion was dropped under pressure. Puntland’s leadership vehemently objected to the amendment drive from the outset. Puntland’s President, Said Abdullahi Deni, refused to sign onto the reform process, warning that Mogadishu was overriding the consensus-based approach that federalism requires.

When parliament proceeded to approve the new chapters regardless, Puntland declared the outcome illegitimate and suspended its cooperation with the Federal Government, effectively withdrawing from the federation until a “mutually agreed constitutional process” could be established. This marked an unprecedented showdown: a federal member state openly rejecting the federal government’s constitutional authority.  

Puntland officials argued that the hurried amendments – notably the introduction of universal suffrage and reconfiguration of executive powers – were less about democratization and more about consolidating Villa Somalia’s control.

Their fears were echoed by a coalition of Somali political heavyweights (including two former prime ministers and ex-presidents) who issued a joint statement condemning President Mohamud for leading the nation “down a dark path” and jeopardizing state-building by forcing through controversial constitutional changes without broad buy-in.

Dismissing these concerns, the federal government insists the reforms aim to strengthen national governance and accountability. Yet the question remains: are these changes truly in service of a stronger Somalia, or simply a means for the central government to tighten its hold over the country’s political system? The opaque manner of their adoption – with minimal consultation of federal member states or civil society – suggests the latter to many.

Indeed, opposition voices warn that lofty initiatives like “one person, one vote” have been used as a pretext for power entrenchment; what should be a democratic milestone is seen instead as “a façade for extending the president’s term” and sidelining rivals.  

The constitutional overhaul, rather than renewing a social contract, risks deepening the trust deficit between Mogadishu and the regions, fueling the narrative that central authorities are rewriting the rules to serve themselves. 

The international factor 

Somalia’s internal power struggle does not occur in a vacuum – it is enmeshed in a web of regional and global influences that often amplify the centralization trend. Mogadishu today is courted by multiple foreign powers whose strategic agendas sometimes encourage a stronger central government (to be their primary interlocutor) at the expense of the federal balance.

Chief among these actors is Turkey, which over the past decade has become Somalia’s closest military and economic patron. Turkey established a major military training base in Mogadishu in 2017 and has trained elite Somali units (Gorgor commandos) since then.

In 2024, Ankara doubled down with two high-profile agreements: a maritime security pact granting Turkey a role in rebuilding Somalia’s navy and a share of 30% of revenue from Somalia’s maritime resources, and an oil exploration deal positioning Turkish state companies to help exploit Somalia’s hydrocarbon reserves.

These deals deepen Somalia’s dependence on Turkey and solidify Ankara’s influence over Somali policy. Turkey portrays its involvement as mutually beneficial – enhancing Somalia’s security and prosperity – but it undeniably boosts Ankara’s leverage in Villa Somalia. Indeed, when Somalia’s parliament passed the controversial constitutional amendments in 2024, Turkey was quick to expand support, even deploying 500 troops to Mogadishu in early 2025 to bolster Somali forces against Al-Shabaab.  

This unprecedented deployment, done at Somalia’s request, underscores how entwined Somalia’s security has become with foreign guardianship. Qatar, an ally of Turkey, has likewise offered unwavering support to Somalia’s federal government, pledging aid and investment while backing Mogadishu’s sovereignty and unity.

Counterbalancing this Turkish-Qatari axis is a rival bloc centered on the United Arab Emirates and its partners. The UAE historically regarded Somalia (and the wider Horn of Africa) as critical to its Red Sea interests and engaged by building influence with autonomous regions when relations with Mogadishu turned sour.  

Notably, the UAE cultivated ties with Somaliland and Puntland – financing port projects and training local security forces – which some viewed as undercutting Somalia’s unity. Tensions spiked in the late 2010s when Mogadishu tilted toward Qatar; the UAE responded by scaling back direct aid and instead bolstering breakaway Somaliland with investments in Berbera port and even discussing recognition.  

In early 2023, Abu Dhabi seemingly encouraged Ethiopia to strike a controversial bargain with Somaliland: exchanging Ethiopian diplomatic recognition of Somaliland for access to Somaliland’s Red Sea ports and a military base lease.  

This maneuver, effectively bypassing Somalia’s federal authority, highlights how external powers can play Somalia’s regions against the center in pursuit of their own interests. After Mogadishu’s 2024 pivot toward Turkey (with the oil and security MOUs), the UAE reacted sharply – drastically cutting its support for the Somali National Army, including a halt to stipends it had been paying to thousands of Somali soldiers.

UAE officials viewed Somalia’s Turkish deals as a threat to their influence, and they doubled down on backing Somalia’s peripheral actors. Analysts note that Abu Dhabi is likely to “reinforce its position” by investing further in Puntland, Somaliland, and even Ethiopia, rather than channel support through Villa Somalia.  

This great-power rivalry has effectively turned Somalia into a proxy arena: Mogadishu’s policies are often swayed by whichever foreign partner is ascendant. While President Mohamud’s government welcomes foreign assistance as vital for state-building, there is a fine line between partnership and patronage.  

Ethiopia’s role is a case in point. Long a dominant player in Somali affairs, Ethiopia under Prime Minister Abiy Ahmed has its own ambitions – notably securing Red Sea access. Addis Ababa officially supports Somalia’s federal government, contributing troops to the African Union mission, but it has also not hesitated to pursue unilateral interests.

The reported Ethiopia-Somaliland understanding for port access in exchange for tacit recognition was a wake-up call: it signaled Ethiopia’s willingness to reshape Somalia’s territorial integrity to serve Ethiopian strategic needs.  

Furthermore, Ethiopian forces have occasionally intervened in Somali regions (like Gedo) without clear coordination with Mogadishu, reflecting a mindset that treats Somalia as a sphere of influence. All these external entanglements raise the question: Is Somalia’s current centralization drive partly a product of foreign designs? To some extent, yes. A strong Villa Somalia can be advantageous for allies like Turkey and Qatar who prefer dealing with one central authority, whereas rivals like the UAE might then empower dissenting regions.

The danger Is that Somalia becomes a mere platform for others’ geostrategic contests – its governance molded less by the needs of its people and more by the calculus of Ankara, Abu Dhabi, or Addis Ababa. The critique here is not a call for isolationism; Somalia benefits from international support.

Rather, it is a call for pro-sovereignty engagement: partnerships that bolster Somali institutions without usurping them. Without careful management, external influence can further distort Somalia’s federal project, as deals are struck and troops deployed in ways that recentralize power or aggravate regional divides.

Somalia’s leaders must avoid letting the country devolve into a patchwork of foreign spheres of influence, and insist that international help strengthens an inclusive national framework instead of undermining it. 

Governance and institutional integrity

The health of Somalia’s nascent institutions is another barometer of its political direction – and the readings are troubling. Under the current administration, key pillars of governance that should undergird a federal republic have been bent toward serving a central agenda. The Federal Parliament, for instance, has largely ceased to function as an independent legislative check.

The speaker of the Lower House proudly announced that the constitutional amendments passed in 2024 did so unanimously, with not a single dissent. Such unanimity, in a polarized polity, is less a sign of consensus than of acquiescence. Indeed, Somali MPs themselves (a dissident caucus of them) lament that Parliament has been reduced to a rubber stamp for Villa Somalia’s decisions. Instead of robust debate and accountability, lawmakers are accused of prioritizing personal gain and presidential favor over the national interest.

The result has been the passage of questionable laws and the approval of major initiatives without proper procedure or inclusive deliberation. This erosion of parliamentary independence hollows out one of federalism’s core guarantees – that all communities have a genuine voice in central governance. 

A similar pattern is visible in the judiciary and other institutions. Somalia still lacks a Constitutional Court, meaning constitutional disputes (such as the legality of Mogadishu’s recent reforms) have no neutral arbiter. Yet instead of building an impartial judiciary, the federal leadership has been accused of exploiting courts for political ends.  

In the Jubaland standoff, for example, courts and security agencies were reportedly used to harass opponents and lend a veneer of legality to what were nakedly political moves. “Politicizing the judiciary undermines its independence, eroding public confidence in state institutions,” a group of Somali parliamentarians warned in late 2024. Rule of law suffers when judges toe the line of the executive, and citizens come to see justice as an arm of Villa Somalia. Likewise, the security forces have seen their integrity compromised by political capture.  

The National Intelligence and Security Agency (NISA) and segments of the army have frequently been led by figures with close personal loyalty to the president of the day, a trend that continues. Reports indicate that national forces have been selectively deployed not just against Al-Shabaab, but against domestic rivals or restive regions.

In one striking allegation, troops and resources meant to fight terrorists were diverted to “destabilize peaceful areas” like Jubaland’s Gedo region for political agendas. Such actions fracture the army along clan lines and regions, exactly what a federal system aims to avoid. When soldiers from one clan or state are ordered to meddle in another state’s affairs, it breeds resentment and undermines the concept of a unified national force.

Perhaps the most telling symptom of institutional decay is the climate of fear and mistrust that pervades Somali politics today. Instead of a confident federation debating its future openly, there is a “fear culture” setting in. Opposition politicians and regional leaders operate under constant threat of intimidation or coercion.

Former President Sharif Sheikh Ahmed recently sounded the alarm about the safety of opposition figures, warning that the government’s heavy-handed disarmament campaigns – ostensibly aimed at security – are actually leaving political rivals defenseless and silencing dissent. “All voices must be able to participate… without fear,” Sharif urged, highlighting the need to protect political freedoms even as the government pursues security objectives.

His plea hints at an atmosphere where critics of Villa Somalia feel unsafe, and where voicing disagreement can carry risks. Such fear is anathema to healthy federalism, which requires trust and open dialogue between center and states. Instead, the prevailing model incentivizes loyalty to the center and punishes divergence – federal member state presidents who fall out with Mogadishu face financial cuts, political isolation, or worse.

The net effect is a steady loss of institutional integrity. Parliament’s subservience, judiciary’s compromise, and a muzzled opposition all combine to undermine the legitimacy of the federal government. A government that cannot tolerate scrutiny or alternate viewpoints quickly loses credibility in the eyes of its people. 

If federalism’s promise was a government of national unity in diversity, the reality is looking more like one-party or one-clique rule in much of the country. Without urgent reforms to strengthen checks and balances – empowering parliamentary committees, establishing a constitutional court, professionalizing the civil service and army – Somalia’s institutions will remain brittle.  

This brittleness is dangerous: it means that when crises arise, people may place their loyalties in clans or militias rather than in national bodies that they see as captured. The current trajectory, if not corrected, points toward a collapse of public faith in the very institutions that Somalia has labored to build over the past decade. 

Security and Al-Shabaab 

One of the most devastating consequences of Somalia’s political dysfunction has been its impact on national security, specifically the fight against Al-Shabaab. After some progress in the previous two years, Somalia’s campaign against the Al-Shabaab insurgency has faltered, and the group is resurging in 2024–2025. In the summer and fall of 2022, President Mohamud declared a “total war” on Al-Shabaab and initially, local clan militias (Ma’awisley) and the Somali National Army (SNA) scored notable victories, pushing the militants out of parts of central Somalia.

But those gains have proven difficult to sustain. By late 2024, Al-Shabaab demonstrated a chilling resurgence: it launched a series of counteroffensives that reclaimed lost ground and more. In one instance, Al-Shabaab forces overran a major army base at Adan Yabal in Middle Shabelle region, a former stronghold that government troops had liberated just a year earlier. 

This assault was not an isolated incident – it came after the militants methodically advanced through dozens of towns and villages in the Hiran and Shabelle areas, rolling back the government’s short-lived territorial gains. The development sent shockwaves through the country, heightening fears that Al-Shabaab was not defeated at all but merely biding its time.

Indeed, despite heavy casualties inflicted on the group by U.S. airstrikes and Somali operations, Al-Shabaab retains the ability to mass forces and strike hard where the national forces are overstretched.

That word – overstretched – encapsulates the plight of Somalia’s security forces. The SNA and police are attempting to do it all: hold liberated areas in the south, continue offensive operations in the center, secure major urban centers, and also respond to clan conflicts or political flare-ups instigated by the center-periphery dispute.  

With the drawdown of the African Union’s ATMIS peacekeepers (scheduled to fully exit by end of 2024), Somali forces face even greater pressure to fill security gaps. Yet the Somali military, for all its bravery, remains a patchwork rather than a cohesive national army.

Endemic clan loyalties and political rifts have prevented the emergence of a unified command; instead, the SNA is composed of regional militia integrations and elite units trained by different foreign patrons. While special forces like Danab (trained by the U.S.) and Gorgor (trained by Turkey) are relatively effective, they are small in number and “heavily dependent on external funding and expertise.”

Basic infantry units often lack equipment, regular pay, and even clarity of mission – problems exacerbated when federal and state leaders squabble. International donors have poured resources into Somalia’s security sector (the U.S., EU, Turkey, UAE, and others collectively finance salaries, training, and logistics), yet the return on investment is questionable.

Morale among Somali troops has been tested by high casualties and the sense that they are fighting an endless war with insufficient support. It does not help morale when soldiers perceive that their sacrifices are undermined by political games. For example, troops from one federal state are reluctant to risk their lives in another region if they believe it’s to prop up Mogadishu’s influence rather than purely to defeat Al-Shabaab.  

The stagnation of the anti-Shabaab offensive in 2024 is partially attributed to such issues: the frontlines stalled as some local clan fighters refused to advance further without greater federal-local coordination, and as the army got bogged down guarding territory while dealing with political distractions.

Critics point out that even as the international community funnels weapons and funds to fight Al-Shabaab, Mogadishu’s leadership has been diverting attention to sidelining domestic rivals. A blunt assessment by Somali MPs at the end of 2024 noted that the war effort “stagnated” because national forces were being misused – divided along clan lines and sent to stabilize or destabilize political arenas rather than focusing on the common enemy.

This is a dangerous predicament. A demoralized, divided security force gives Al-Shabaab exactly the opening it seeks. Already, the militants have been quick to exploit Somali clan grievances, portraying themselves as an alternative source of justice and order in areas where the government appears absent or biased.  

They continue to run shadow administrations in large swathes of the countryside, collecting taxes and dispensing harsh but accepted judgments, thereby maintaining a support base or at least acquiescence from segments of the population. If the federal government cannot dramatically improve both the unity and the effectiveness of its security approach, Al-Shabaab stands to gain further in 2025. Somalia’s international partners are alarmed at this prospect – the prospect that, after almost two decades of support, Somalia could slide backward in its fight against terrorism.

There are even whispers among analysts of worst-case scenarios: a fragmented Somali state where Al-Shabaab controls much of the south and the internationally recognized government is reduced to a city-state in Mogadishu protected by foreign troops.

That outcome must be averted at all costs, but it is not impossible if current trends continue. Saving Somalia from such a fate will require depoliticizing the security forces, reconciling with disenfranchised communities that Al-Shabaab preys upon, and restoring confidence that the federal government is prioritizing the war over its own power intrigues.

Conclusion and strategic warning

Somalia today stands perilously at a crossroads. The noble vision of a federal republic – where power is shared to unite a diverse nation – is slipping away, replaced by a narrow focus on Mogadishu’s dominance.

Increasingly, Somalis warn that the country is evolving into “Xamar Koofureed,” a term of foreboding that implies Somalia becoming little more than “Mogadishu and its southern environs,” in effect a centralized capital-state ruling over a fragmented periphery.  

All evidence in 2024–2025 points to this trajectory: unilateral constitutional changes, estranged federal member states, foreign deals struck without consensus, and a weakening of any institution that could check the center. If this path continues, Somalia risks a return to the bad old days – not necessarily of all-out civil war, but of de facto partition and chronic instability.

Puntland’s flirtation with independence and Jubaland’s armed standoffs with federal troops are early warning signs of what further fragmentation could look like. In the face of an emboldened Al-Shabaab insurgency, such political disunity is nothing short of an existential threat.

The strategic warning is clear. Somalia’s leaders, especially in Villa Somalia, must pull back from the brink of centralist overreach. Rebalancing the federal arrangement is not a luxury or a foreign-imposed nicety; it is the only formula by which Somalia can endure as a unified nation. The country’s own recent history shows that attempts to impose centralized rule (in the 2010s or under past dictators) inevitably met fierce resistance and collapse. 

To avoid repeating that cycle, Mogadishu should immediately seek an inclusive dialogue with all federal member states and political stakeholders – a national reconciliation and reform conference akin to those that birthed the federal system two decades ago. The goal should be to address grievances and revise the constitutional framework in an inclusive manner, recommitting to genuine power-sharing.  

Somalia needs to rediscover a national vision that goes beyond clan and personal interests, a vision that brings Puntland, Jubaland, Southwest, Galmudug, Hirshabelle, and Somaliland (should it choose to re-engage) into a shared project of state-building. Without such a course correction, the current approach will lead to irreversible damage: the collapse of what little trust remains in the federal government, the emboldening of secessionist sentiments, and potentially the loss of vast territories to insurgents.  

As one group of Somali parliamentarians starkly put it, *“Somalia is at a crossroads. Wisdom and national interest must prevail before irreversible damage is done.” Now is the time to heed that warning. Somalia’s international partners, too, should condition their support on steps toward inclusive governance, lest their aid inadvertently bankroll a march toward authoritarianism or state failure. In conclusion, the trend toward a centralized “Xamar” statelet can and must be halted.  

With inclusive reform and a renewed commitment to the federal balance, Somalia can still revive the promise of unity in diversity that federalism offered. The alternative is a dismembered republic – something Somalis and their friends around the world must work tirelessly to prevent. The hour is late, but not too late for Somalia to choose a different path.

By: Joocaar A. ”Galaayuus” is a Somali political analyst and former Ministry of Defence official (1980–1986).

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members.

Xildhibaanno 7 qodob oo xasaasi ah ka soo saaray qorshaha uu wato Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) –Xildhibaanadii ugu badnaa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay uga horyimaadeen qorshaha ay wadaan xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka oo dhistay hal xisbi.

Xildhibaanada ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh uga digay in dalka uu geliyo xaalad halis ah, iyagoo ugu baaqay in uu dib ugu soo laabto sharciga.

Xildhibaannadu ayaa sheegay inay arkayaan dalka oo galay xaalad halis ah, waxayna Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyeen in uu garaawsan waayay marxaladda adag ee dalku ku jiro, uuna ka baxay ballan qaadkiisii 29-kii Maarso 2025 ee ahaa in uu isu keenayo Madaxda kala aragtida duwan iyo hoggaanka dhaqanka, uuna martigelin doono gogol qaran.

Sidoo kale waxay sheegeen in Madaxweynuhu uu ku guuldaraystay in uu muujiyo xilkasnimo hoggaamineed oo uu ku wajaho xaaladda degdegga ah ee uu dalku ku jiro.

“Taas beddelkeed Madaxweynuhu wuxuu doorbiday dan shakhsi ah, kooxaysi siyaasadeed iyo tillaabooyin sii kala fogeynaya dadka, iyo isku day in dalka uu dib ugu celiyo nidaamkii halka Xisbi oo horay loogu soo khasaaray,” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa soo saaray toddoba qodob oo kala ah:

  1. Waxaan madaxweynaha kula talineynaa in uu si degdeg ah ugu soo laabto dariiqa sharciga ah, una guda-galo wadatashi siyaasadeed oo ay isugu imaanayaan saamileyda siyaasadeed ee ay quseyso talada dalka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si dalka looga samatabixiyo burbur dowladeed, kana laabto qalalaasaha uu geliyay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, nidaamkii federaalka iyo awood qaybsigii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa xasilloonnida dalka, loona abuuro cudud midaysan oo looga hortagayo kooxaha argagexisada.
  2. Waxaan u soo jeedineynaa Madaxweynahu in uu ka waantoobo ficillada lidka ku ah dastuurka ee ah kala qaybinta iyo colaadda uu ugu durbaan tumanayo maamulka Jubbaland, joojiyana xorriyad ka qaadista iyo afduubka siyaasadeed ee uu u adeegsanayo hantida qaranka iyo xilalka dowladda.
  3. Waxaan caddeyneynaa in madaxweynuhu si bareer ah u burburiyay Madashii Wadatashiga Qaran, kadib markii uu horay ula dagaalay Puntland iyo Jubaland intii soo hartayna uu ku gasbay in ay xisbigiisu xubno ka noqdaan, sidaa daraadeed, waxaan usoo jeedineynaa inuu ku laabto hannaankii heshiisha lagu ahaa ee saldhigga u ahayd dowlad dhiska Soomaaliya.
  4. Waxaan sidoo kale caddeynaa go’aannadii siyuasadeed ee quarka mid GWQ ay gaareen in ay dhammaan yihiin go’aano hal urur siyaasadeed gaaray,
  5. Waxaan ugu baaqeynaa in la joojiyo boobka iyo barakicinta lagu hayo shacabka Soomaaliyeed, haddii dhul dowlad loo baahdana la maro hannaanka sharciga tilmaamay.
  6. Haddii Madaxweynuhu uusan soojeedintan qaadanin si deg deg ahna dariiqa sharciga ah ugu soo nogonin, waxaan usoo jeedinaynaa in uu Xilka
    Madaxweynennimo iska casilo si dalka u badbaado.
  7. Waxaan soo dhaweyneynaa doorka garab istaagga shacabka iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed ee ay qaadatay dowladda Mareeykanka ee ah in ay si cad u didday talada aan loo dhammeyn ee Madaxweynaha, waxaana ku boorineynaa saaxibada kale ee beesha calamka in ay sidoo kale ka soo horjeestaan talo siyaasadeed kasta oo aan loo dhammayn oo horseedi karta dib u nogosho.

Ugu dambayn, “waxaan u mahad celinaynaa Beesha Calamka kaalinta taageero ee ay la garab taagan yihiin dolwad dhiska Soomaaliya, waxaana usoo jeedinaynaa haddii soo jeedinnada Xildhibaannada uu iska dhagatiro Madaxweynuhu in ay ku garab siiyaan inta u taagan badbaadinta dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Masar oo kulan xasaasi ah ku yeeshay…

Baqdaad (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar, Dr. Badr Abdel-Atty, kulankaasi ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Carabta ayaa isugu tegay dalka Ciraaq, wasiirrada ayaa maanta isugu yimid shir hordhac u ah shir-madaxeedka waddamada Carabta.

Wasiir Abdel-Atty ayaa ugu horrayn ugu hambalyey dhigiisa Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Masar in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa xusay in xiriirka labada dal la gaarsiiyey heer istiraatiiji ah bishii Janaayo 2025, xilligii uu Madaxweynaha Soomaaliya booqday Masar.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar doorka muuqda ee ay ka qaadanayso xasilloonida Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo berri safraya dalka Ciraaq ayaa ka qeyb gelaya shirka ay sida hordhaca ah isugu yimaadeen wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Jaamacadda Carabta.

Masar iyo Soomaaliya ayaa sameystay iskaashi difaac iyo amni oo weli aan u dhaqan gelin sidii loo qorsheeyey, waxaana bilihii u dambeeyey soo baxayey warar sheegaya in khilaaf uu jiro, inkastoo aysan jirin wax ilaa hadda soo shaac baxay.

 

 

Madaxweyne XASAN oo weerar uga jawaabay diidmada siyaasiyiinta mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayaa si adag uga jawaabay diidmada ka imaanaysa madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee doorashada qof iyo cod.

Madaxweynaha ayaa marka hore sii adkeeyay in ay ka go’an tahay in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, isagoo xusay in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ay caasimadda uga socoto si habsami leh.

Mucaaradka ayuu ku eedeeyay inay diidan yihiin hore u socdka dalka, isla markaana la aado nidaamka axsaabta, si dib loogu celiyo bulshada waxa ay xaqa u leeyihiin ee ah inay soo doortaan hoggaankooda.

“Xildhibaannadii labada saacadood jeebka lagu soo ridanayey kuwii soo xushay kama faa’iidin, bal maxay mar kale ku falayaan! Waa laysku dilayaa markaan, dadkii la boobay mar kale lama boobi karo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay in la isku dilayo haddii doorasha dadban la aado markale, uuna xalku ku jiro doorasho qof iyo cod.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ay soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo aragtiyahooda ku aaddan qarannimada iyo dowlad-dhiska, halka ay ku mashquulsan yihiin dhaliisha guulaha dowladda iyo barnaamijyada hortabinta u leh dalka, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay iyagu leeyihiin talada, lagana gudbay xilligii kooxo gaar ah ay isku jaangooyn jireen masiirka iyo mustaqbalka dalka.

“Siyaasiga dhahaya hal guuto oo ciidan dagaalami karto majirto ma Al-Shabaab ayuu taageerayaa, wuxuuse sii leeyahay Shabaab ayaa Muqdisho qabsan rabto, balaayo ayaa soo socota, anaga ma fahmin ula jeedkiisa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha.

Hadalka madaxweynaha ayaa jawaab u ah bayaan ay shalay soo saareen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ka biyo diiday sida uu madaxweynaha wax u wado iyo hanaanka doorasho ee aan loo dhameyn.

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa iyagu ku baaqay in la isugu yimaado wadatashi deg-deg ah oo laga soo qayb-gelinayo bulshada, kaas oo ay sheegeen in lagu samata-bixinayo dalka.

Puntland: Maxaa ka cusub kiiska kufsiga labada gabdhood ee walaalaha?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska ee gobolka Nugaal ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu kufsi u gaystay laba gabdhood oo walaalo ah, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaalada Garoowe.

Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Sharmaake Xuseen Yuusuf, oo ah 31 jir ayaa haatan lagu xiray saldhigga galbeed ee Garoowe, waxaana ku socda baaritaanno dheeraad ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in kufsiga uu dhacay habeenkii 11-ka May 2025, isla markaana labada gabdhood oo lagu xadgudbay laga helay bannaanka agagaarka xaafadda Booray ee magaaladaasi.

“Falka kufsiga ayaa dhacay habeenkii 11-ka May 2025, abaare 4:00 habeenimo, agagaarka xaafadda Booray ee magaalada Garoowe. Labada gabdhood ee dhibbanayaasha ah ayaa laga helay bannaanka xaafaddaas iyadoo lagu xadgudbay, waxaana markiiba bilaabmay baaritaanno ay fuliyeen Qeybta Baarista Dembiyadda ee CID-da Gobolka Nugaal” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay gaari uu watay eedeysanahayoo lagu raad-jooga, maadaama la tuhunsanaa in falka lagu gaystay..

Waxaa sidoo kale la qabtay labo gaari oo kale oo la tuhunsan yahay inay qayb ka ahaayeen falkaas isla markaasna uu adeegsaday.

Puntland ayaa sidoo kale si adag u cambaareysay falkan kufsiga ah ee lagula kacay labada gabdhood oo kasoo jeedo qoys dan-yar ah, waxayna sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono dambiilayaasha.

“Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareyneysaa falalka arxan darrada ah ee lagu beegsado carruurta iyo dadka nugul, waxayna caddeyneysaa in eedaysanayaashu ay wajihi doonaan caddaalada iyadoo loo marayo nidaamka garsoorka ee dalka” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Horay deegaannada Puntland, waxaa sidaan oo kale uga dhacay falal kufsi iyo dil isugu jiro, waxaana qaarkood go’aanno kasoo saaray maxkamadaha maamulkaasi, iyada oo weli ay muuqato in dhibaatada iyo tacaddiyada loo gaysanayo dumarka ay kasii socoto Puntland.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis amni oo Soomaaliya lasoo gashay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga iyo amniga.

Heshiiskan ayaa waxay horey dowladda Soomaaliya ula gashay Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana maanta heshiiskan golaha usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira xaaladda guud ee amniga dalka.

Sidoo kale waxaa golaha looga warbixiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, arrimaha la xiriira xajka, iyo sidoo kale warbixin la xiriirta hawlaha Guddiga Taakuleynta Dagaalka Khawaarijta.

Si kastaba, heshiiskan uu maanta ansixiyay Golaha Wasiirrada ayaa xoogga saaraya horumarinta iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga, wax ka qabashada dhinacyada muhiimka ah sida la dagaalanka argagixisada, wadaagga sirdoonka iyo tayeynta ciidamada Soomaalida.

Heshiiskan ayey ujeedadiisu tahay in la xoojiyo qaab dhismeedka amniga labada dal, taasoo u ogolaanaysa habab isku xiran oo wax looga qabanayo caqabadaha amniga ee gobolka.

Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa leh xiriir saaxiibtinimo oo wanaagsan, iyadoo xukuumadda Riyad ay dhinacyo badan ka taageerto xukuumadda Muqdisho, oo haatan dagaal adag kula jirta kooxaha argagixisada.

Xog: Xasan Sheekh oo u baxaya safar dibadeed + Qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay u ambabaxaan magaalada Baqdaad ee caasimada Ciraaq, halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaas, isla markaana uu dhowaan u duulayo Baqdaad.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa sidoo kale la xiriira ka qayb-galka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo dalkaasi ka furmi doona bilowga todobaadka soo socda, isla markaana ay martigelineyso dowladda Ciraaq.

Sidoo kale waxaa haatan wafdi u hordhac u ah booqashada madaxweynaha ay gaareen dalka Ciraaq, waxaana hoggaaminayo wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo kulamo ka bilaabaya halkaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale kasii qayb-galaya shirka heer wasiir ee Jaamacadda Carabta ee loogu gogol-xaarayo shir-madaxeedka Carbeed ee loo tegayo dalka Ciraaq, kaas oo furmi doono May 17, 2025.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxda Carbeed ay ka wada-hadli doonaan arrimo xasaasi oo qeyb ka ah arrinta Qasa iyo xaaladaha kasoo kordhay gobolka.

Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa sidoo kale qorshuhu yahay inuu khudbad ka jeediyo shirka, taas oo uu uga hadli doono xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha Carabta.

Waxaa kale oo uu kulamo duceedyo la yeelan doonaa madaxda dowladda Ciraaq iyo kuwa Jaamacadda Carabta ee ka qayb-galaya shirka ka dhacaya Baqdaad oo ah, kalkiisa 34-aad.

Soomaaliya ayaa xubin firfircoon ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, iyada oo door wayn ka qaadato go’aannada xasaasiga ah ee uu ururka ka gaarayo gobolka iyo xaaladaha taagan.

Banaanbaxyo rabshado wata oo ka bilowday Burco – Maxay diidan yihiin?

Burco (Caasimada Online) – Banaanbaxa ballaaran oo lagaga soo horjeedo maxaabiis la sheegay inay sii deynayso xukuumadda Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa la sheegay inay si weyn uga caroodeen wararka sheegaya in Somaliland sii deynayso maxaabiis, iyadoo weli SSC ay gacanta ugu jiraan saraakiil iyo askar reer Somaliland ah.

Banaanbaxayaasha ayaa codkooda si cad u muujiyay iyaga oo dalbanaya in marka hore la soo daayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood, ka hor inta aan wax maxaabiis ah laga sii daynin dhinaca kale.

Waxay sheegeen in tallaabo kasta oo lagu sii daayo maxaabiista SSC-Khaatumo aanay caddaalad ku fadhiyin haddii aan la helin isla tallaabo lamid ah oo maxaabiista Somaliland loogu soo celinayo.

Banaanbaxan ayaa sababay in la xiro waddooyin muhiim ah oo magaalada Burco ah, iyadoo dadku ay gubeen taayirro, kana hor yimaadeen ciidamada ammaanka oo isku dayay in ay kala dareeriyaan dadka.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin wararka sheegaya in maxaabiista la sii daynayo, haddana baraha bulshada ayaa si ballaaran loogu baahiyay arrimahaasi. Wararkaasi waxay ahaayeen kuwo ka yimid dad madax-bannaan, mana jiraan wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda, taas oo su’aalo badan ka dhalisay saxnimada iyo ujeedada wararkaasi.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dhawaan soo jeediyay in xukuumaddu ay sii dayso dhammaan maxaabiista ay hayso, isagoo caddeeyay in aan la aqbali karin wada-hadal lagu saleeyo maxaabiista, kuna dooday in taasi ay wax u dhimayso jiritaanka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale ku taliyay in salaadiin ka socda Deegaanka Soomaalida loo adeegsado sidii loo heli lahaa xal lagu soo daayo maxaabiista Somaliland ee ku jira gacanta SSC Khaatumo.

Si kastaba, maamulka SSC Khaatumo ayaa dhankooda ku cel-celiyay in xal kasta oo ku saabsan maxaabiista uu ku iman karo oo keliya iyada oo labada dhinac ay u arkaan is-dhaafsi rasmi ah oo u dhexeeya laba maamul oo siman. Waxa kale oo ay shuruud uga dhigeen in Somaliland ay ka tanaasusho dhulka lagu muransan yahay, taas oo xoojinaysa xiisadda taagan.

Sawirro: Muxuu madaxweyne Xasan maanta ka sameeyay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xuska munasaabadda halgankii gobanimodoonka ee SYL awgeed ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay dhallinyarada Soomaaliyeed kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarinta dalka iyo halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Xasan Sheekh ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka.

Sidoo kale wuxuu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada, wadajirkooda iyo dowladnimada taasi oo ahayd mabaadi’dii saldhigga u ahaa halganka SYL.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha ayaa iyada oo lagu gudajiro munaasabadda xuska Maalinka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, waxa uu dhagax-dhigay dhismaha cusub ee ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS.

Dhagax-dhigga waxaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ku wehliyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqdishu, Maxamed Axmed Amiir iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Jubaland oo war culus kasoo saartay tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, kadib dhismaha xisbigiisa Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Ugu horreyn Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Xasan uu muujiyay xilkasnimio darro wayn, isla markaana uu ku fashilmay hoggaaminta dalka.

Jubbaland ayaa sidoo kale sheegtay in dalka uu galay xaalad halis ah, isla markaana madaxweynaha uu qaaday dhabihii kalitalisnimada, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh ayay Jubaland ku tilmaamtay mid liddi ku ah dastuurka, ayna dhaawacweyso midnimada dalka.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa intaasi kusii daray in la maroorsaday awooddii baarlamaanka, isla markaana ay fadhiid noqdeen xildhibaannada labada gole.

“Waxaa si cad loo baalmaray doorkii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, oo markii la maroorsaday dhammaan awoodihii uu lahaa, noqday fadhiid aan sidii la rabay u gudan waajibaadka ka saaran ilaalinta Dastuurka iyo korjoogtaynta Xukuumadda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Jubaland.

Waxaa kale oo ay Jubbaland ku baaqday in la qabto shir deg-deg ah oo wadatashi ah, iyada oo ka dalbatay saamileyda siyaasadda iyo bulshada rayidka inay u istaagaan badbaadinta dalka.

“Dowladda Jubbaland waxay ugu baaqeysaa dhammaan saamileyda siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in loo istaago bad-baadinta dowladnimada curdunka ah ee aan haysano” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Jubaland.

Ugu dambeyn waxa ay farriin culus u dirtay beesha caalamka oo ay ugu baaqday in ay qaado tallaabo deg-deg ah, si wax looga qabto xaaladda murugsan ee Soomaaliya.