29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Gedo – Yaa ku gacan sarreeya DF iyo Jubaland?

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah oo u dhexeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ay ka taagan tahay gobolkaasi, iyada oo ay labada dhinac isku hayaan maamulka.

Dowladda Federaalka ayaa haatan ku gacan sarreysa Gedo, waxayna isku fidisay inta badan degmooyinka gobolkaas, marka laga reebo Doolow, waxaana ka howl-gala ciidanka xoogga dalka.

Afhayeenka gobolka oo wareysi siiyay Radio Kulmiye ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay maamuleyso gobolka, isaga oo meesha ka saaray in wax Jubaland la yiraahdo ay ka jiraan Gedo.

“Garbahaarey iyo guud ahaan gobolka Gedo intaba wax ciidan Jubaland la yiraahdo oo ka amar qaato Axmed Madoobe ma joogaan cidda sheegtana waa cid been u bareertay. Gobolkan waxaa ku sugan ciidamada qalabka sida qaybahaooda kala duwan, sida Nab-sugidda, Booliska iyo Mialatariga, iyaga ayaana ammaanka gacanta ku haya,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa ka amar qaata Jubaland ay isku horfadhiyaan degmada Garbahaarey, arrintaas oo uu ku tilmaamay waxba kama jiraan iyo warar lasoo dhoo dhoobay.

“Wax ciidan iska hor iska soo horjeedo iyo ciidan is horfadhiyo oo jiro habayaraatee ma jiraan,”  ayuu mar kale yiri afhayeenka maamulka gobolka.

Waxaa kale oo uu farriin u diray reer Gedo, isaga oo ka digay in lasoo abaabulo falal liddi ku ah amniga, laguna qalqal-gelinayo gobolka.

“Ciddii qalqal iyo siyaasado is diidan abuureyso, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore Dowladda Soomaaliya ay xirtay odayaal dhaqameedyo ku sugnaa magaalada Garbahaarey, kuwaas oo taageeray maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, inkastoo markii dambe wada-hadal lagu sii daayay.

Xaaladda Gedo ayaa weli qasan, waxaana sii laba kacleysay, kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagageeyay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu go’aamiyay in loo baahan yahay in sharci loo wajaho xaaladda guud ee Jubbaland.

Xaaladda Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

Hogaamiyeyaal Daacish ah oo ka baxsaday Puntland iyo halka ay tageen – Xog

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Bari ayaa sheegaya in weli ciidamada Puntland ay sii wadaan howlgalladooda, isla markaana ay isku fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee ah gobolkaasi, taas oo sababtay inay firxadaan hoggaamiyeyaasha kooxda Daacish iyo maleeshiyaadkooda.

Firxadka kooxda ayaa laga war helay, kadib markii inta badan laga xoreeyay aagga buuraha Calmiskaad oo ay indhowaanahan howlgallo ka wadeen Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Saraakiil amni ayaa xaqiijiyay in mileeshiyaadka Daacish, oo ay ku jiraan hoggaamiyaal sar sare ay haatan ka carareen aagga togga Miraale, iyagoo u baxsaday halka lagu magacaabo Sadow iyo Yucurun oo ka tirsan togga Baalade, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Horjoogayaasha halkaasi tegay waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Faahiye oo saameyn ku dhex leh kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya, waxayna galeen godad ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxdu ay xubno kooban oo ay ku jiraan ajaaniib ku reebtay aagga togga Miraale, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada Puntland.

Baxsashada hogggaamiyeyaasha Daacish ayaa lasoo warinayaa inay bilow u tahay jabka kooxda kasoo gaaray howlgallo is daba jooga oo weli kasii socda buuraha gobolka Bari.

Howlgalka haatan socda ayaa sidoo kale ka duwan howlgalladii hore ee Calmiskaad, waxaana hada ku biiray ciidamada cirka Puntland oo diyaarado helay, kuwaas oo beegsanaya fariisimaha muhiimka ah ee kooxaha argagixisada.

Togga Miraale ayaa Daacish u ah saldhig muhiim ah oo ay muddo dheer ku sugnayd, waxaa haatan cagta mariyay ciidamada oo kusii siqaya buuraha hoostooda ee gobolka Bari.

Si kastaba ha ahaatee, Marka loo eego warbixinnada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa lasoo sheegayaa inuu marayo gebagabo, isla markaana ciidamadu ay ku xoreeyeen dhul ballaaran oo buuraley ah.

Xiisad ka dhex qaraxday JABUUTI iyo Itoobiya kadib tallaabo ay qaaday Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online) – Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Jabuuti ayaa xumaaday kaddib masaafurintii dhowaan dalka Jabuuti lagaga celiyay in ka badan 60,000 oo muwaadiniin Itoobiyaan ah oo aan haysan sharciyo sax ah.

Tallaabadan ayaa dhalisay caro ballaaran, waxayna sii hurisay xiisado ka taagan gobolka Geeska Afrika, iyadoo sidoo kale sababtay in Itoobiya dib u eegto istaraatijiyaddeeda ganacsi iyo ku tiirsanaanta dekadaha Jabuuti.

Masaafurinta oo socotay toddobaadyo is intii u dhaxeysay April iyo horraanta May 2025 ayaa daba socotay olole dowladeed oo Jabuuti ka wadday xakamaynta dadka aan sharciyeysnayn. Inkasta oo safaaradda Itoobiya ay hore ugu baaqday muwaadiniinta sharci la’aanta ku jooga Jabuuti inay si iskaa ah ugu laabtaan dalkooda, haddana dad badan ayaa la kulmay masaafurin deg-deg ah, taasoo keentay jahwareer iyo ciriiri ka dhacay xuduudaha Galafi iyo Dewale.

Kumannaan Itoobiyaan ah oo shaqooyin hooseeya ka hayay Jabuuti muddo sanado ah ayaa lagu qasbay inay isaga baxaan guryahooda iyaga oo aan wax diyaarin ah lahayn, taasoo sii kordhisay dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka taagan gudaha Itoobiya.

Sidoo kale, dhacdadan ayaa dhaawacday xiriirka dhow ee ganacsi iyo is-kaashi ee u dhexeeyay labada dal, gaar ahaan maadaama Jabuuti ay tahay marin-badeedka ugu weyn ee Itoobiya isticmaasho.

Itoobiya oo ka weecaneysa Jabuuti

Iyadoo ay xaaladdu cakiran tahay, dowladda Itoobiya ayaa dardar gelisay qorshayaal ay ku yaraynayso ku-tiirsanaanta dekedaha Jabuuti. Qorshahan cusub ee istaraatijiyadeed ayaa xooga saaraya dekedda Berbera ee maamulka Somaliland, halkaas oo Itoobiya dhawaan ka furtay xafiisyo kastamyada si loo fududeeyo howlaha dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha.

Waddada Berbera Corridor oo isku xirta dekedda Berbera iyo magaalada Addis Ababa ayaa loo arkaa mid istaraatiji ah, waxaana laga rajeynayaa inay noqoto marin kale oo muhiim ah oo suurtagelinaya in Itoobiya si fudud ula xiriirto suuqyada caalamiga ah. Dekedda Berbera, oo ay maamusho shirkadda caalamiga ah ee DP World, ayaa lagu sameeyay maalgashi ballaaran si loo kordhiyo awooddeeda iyo waxtarkeeda ganacsi.

Hase yeeshee, xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ayaa abuuray xiisado siyaasadeed oo hor leh. Heshiis is-afgarad ah oo labada dhinac kala saxiixdeen bishii Janaayo 2024, kaas oo Itoobiya u oggolaanaya inay hesho marin-badeed toos ah oo Somaliland ah, iyada oo loo beddelayo aqoonsi suurtagal ah oo ay siiso Somaliland, ayaa si weyn uga caraysiiyay dowladda Soomaaliya — oo wali u aragta Somaliland inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda.

Inkastoo Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood lagu xalliyo khilaafaadka, kadib heshiiskii Ankara ee la saxiixay December 2024, haddana kalsooni buuxda lama gaarin.

Sababta uu Trump u diiday inuu cabo qaxwada ay ku marti-sooreen Sacuudiga?

Riyadh (Caasimada Online) – Intii uu ku sugnaa booqasho rasmi ah oo uu ku tagay Sacuudi Carabiya Talaadadii, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si xushmad leh loogu soo dhaweeyay magaalada Riyadh. Hase yeeshee, diidmadiisa cabitaanka qaxwada dhaqanka Carabta – oo astaan muhiim ah u ah marti-soorka dhaqameed ee Boqortooyada – ayaa dhalisay hadal hayn baahsan oo baraha bulshada ah.

Trump ayaa markii uu kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Riyadh lagu soo dhaweeyay koob yar oo qaxwo Carbeed ah oo loo yaqaan finjan, taasoo dhaqanka Sacuudiga uga dhigan soo dhaweyn, sharaf iyo tixgelin. Laakiin iyadoo Dhaxal Sugaha Boqortooyada, Amiir Maxamed bin Salmaan, garabkiisa taagan yahay, Trump ayaa si deggan u dhigay koobkii isagoo aan cabin, isagoo sii wada wada-hadalkii uu la lahaa amiirka.

Muuqaal kale oo laga duubay qasriga Al-Yamamah ayaa mar kale muujiyay Trump oo qaxwo loo soo bandhigay. Inkasta oo uu markan koobka gacanta ku hayay intii uu hadlayay, haddana lama xaqiijin in uu wax ka cabay.

Diidista qaxwada, xitaa si edban, ayaa dadka qaar u arkeen mid ka hor imaanaysa dhaqanka qoto dheer ee sooryada Carabta, taasoo astaan u ah kalgacal, ixtiraam iyo xiriir saaxiibtinimo. Tallaabadaas ayaa isla markiiba qabsatay baraha bulshada.

“Trump ma doonayo qaxwo, wuxuu raba lacag!” ayuu qoray qof isticmaala baraha bulshada ee X (hore Twitter).

Si kastaba ha ahaatee, qaar kale ayaa u hiiliyay madaxweynaha Mareykanka, iyagoo baahiyay muuqaallo muujinaya in Trump ugu dambeyn si tartiib ah u sipsaday qaxwada.

“Qof aan koob qaxwo ah cabin looma adeegsan karo in lagu yaso sharafta ummad ama lagu xumeeyo marti-soorka Carabta. Kuwa qalbigooda uu buuxiyo nacayb ayaa keliya sidaas u fekeri kara,” ayaa lagu yiri qoraal si weyn loogu wadaagay X.

Trump ayaa horay u sheegay in uu si shakhsi ah uga fogaado cabitaannada sida qaxwada, khamriga iyo sigaarka, isagoo arrintaas ku sababeeyay geeridii walaalkiis Fred, oo la daalaa-dhacayay ka bixi la’aanta mukhaadaraadka.

Sidoo kale, cunto-doorashada gaarka ah ee Trump ayaa markale u muuqatay mid ay mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya tixgeliyeen. Gaari mobil ah oo McDonald’s ah ayaa lagu arkay gudaha magaalada Riyadh, waxaana la rumeysan yahay in loo diyaariyay si loogu daboolo doorashada cunnada ee Trump intii uu booqashada ku sugnaa.

Muuqaallo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujiyay gaarigaas, waxaana ilo rasmi ah oo Aqalka Cad ka tirsan ay u xaqiijiyeen Fox News in gaariga McDonald’s si gaar ah loogu diyaarshay Trump.

 

Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirka Jaamacada Carabta? + Sawirro

0

Baqdaad (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeybgalay Meertada 34-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda  Carabta oo ka qabsoomay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa ka jeediyay khudbad wax ku ool ah oo uu kaga hadlay xaaladda dalka, mowqifka dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka iyo Carabta.

Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaamiyeyaasha Carbeed la wadaagay dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib u dhiska hay’adaha dowladda, sugidda amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray in guulaha waawayn ee la gaaray ay suurta- geliyeen in horumar laga sameeyo dhismaha dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu xoogga saaray mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, isaga oo caddeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka reer Falastiin, gaar ahaan xilligan adag ee ay la kulmayaan duullaanka iyo gabood-fallada ka socda Marinka Qasa.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku taliyay in la dhiso dowlad madax banaan oo ay leeyihiin shacabka reer Falastiin, xarunteeduna ay tahay magaalada Qudus.

“Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna; Soomaali ahaan, waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna ay tahay magaalada Quddus” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey in cunqabataynta laga qaaday dalka Suuriya, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa dib u soo kabashada dalkaas walaalaha ah.

Gabagadii madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyey taageerada Soomaaliya ee midnimada, madax-bannaanida, iyo dowladnimada dalka Suudaan, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan wadajirka shacabka Suudaan iyo xasiloonida dalkaas.

 

QM oo gaartay go’aan aan u wanaagsaneyn Soomaaliya kadib markii Trump uu…

New York (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in la dhimayo bartilmaameedyadii gargaarka bani’aadannimo ee Yemen iyo Soomaaliya, kaddib hoos u dhac weyn oo ku yimid dhaqaalihii ay bixiyeen dowladaha xubnaha ka ah hay’adda, si gaar ahna makrii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu yareeyey gargaarka dibedda.

Hay’addu waxay sheegtay in go’aankaasi uu halis gelinayo nolosha malaayiin qof oo ku kala nool daafaha dunida, gaar ahaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Soomaaliya oo ay ka jirto rabshado iyo xasilooni darro, ayaa qorshe hore oo $1.4 bilyan lagu caawin lahaa 4.6 milyan oo qof, la dhimay hadda, waxaana hadda qorshuhu yahay in $367 milyan lagu caawiyo 1.3 milyan oo qof, ayay tiri afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stephanie Tremblay,

“Tani micnaheedu ma aha in baahiyaha bani’aadannimo ay yaraadeen,” ayay sheegtay Tremblay. “Laakiin hoos u dhaca weyn ee maalgelinta ayaa barnaamijyadii gargaarka ku qasbay in si weyn loo yareeyo, taasoo malaayiin qof halis gelinaysa.”

“Sida ay ka dhacdo xaaladaha kale ee degdegga ah, cawaaqibka wuxuu noqon doonaa mid aad u xun. Haddii aan gaarsiinin gargaar ku filan, malaayiin qof ayaa wajahaya gaajo daran, biyo la’aan, iyo helitaan la’aan adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada iyo ilaalinta,” ayay sii raacisay.

Bishii Janaayo, Qaramada Midoobay waxay bilowday ol’ole ay $2.4 bilyan ugu codsaneyso si loo caawiyo 10.5 milyan oo qof oo ku sugan Yemen, oo ay colaado ragaadiyeen — tiradan ayaa si weyn uga yar 19.5 milyan oo qof oo ay hay’addu sheegtay inay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Laakiin iyadoo maalgelinta ay hoos u dhacday, Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda gargaarka ayaa dejiyay mudnaanta cusub si ay u badbaadiyaan dadka ugu nugul.

Hay’addu waxay sidoo kale isbeddel la mid ah ku samaysay istaraatiijiyaddeeda dalalka Ukraine iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo toddobaadyadii la soo dhaafay.

Sida ay sheegtay afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stephanie Tremblay, dadaalka Yemen ayaa hadda diiradda lagu saarayaa 8.8 milyan oo qof, iyadoo miisaaniyadda la qorsheeyay ay hoos ugu dhacday $1.4 bilyan.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa dhimaya howlgaladooda iyo shaqaalaha caalamiga ah, iyagoo la daalaa-dhacaya hoos u dhaca ku yimid tabarucaadyadii ay ka heli jireen dowladaha xubnaha ka ah, gaar ahaan Mareykanka xilligii uu madaxweynaha ahaa Donald Trump.

Ciidamada DF oo dib ula wareegay deegaanno ku yaalla Shabeellaha Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay qaadeen howlgallo culus oo ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay weerareen deegaanno ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka argagixisada, oo u dhexeeya deegaannada Towfiiq iyo Geedi-xey,  kadibna ay gaarsiiyeen khasaare culus.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ayaa xalay weerar ku qaaday xubno Khawaarij ah oo isku uruursanayay inta u dhaxeysa deegaannada Towfiiq iyo Geedi-xeyr oo ka tirsan degmada Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladd ayaa sidoo kale sheegatay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay la wareegeen deegaannada howlgalka laga sameeyay, sidoo kalena ay dileen xubno badan Shabaab ahaa, kuwa kalena ay dhaawaceen.

“Ciidanka ayaa saacado ka hor Khawaarijta ka saaray deegaanka Geedi-xeyr halkaasi oo ay tan ilaa xalay ka wadeen baacsiga firxadkii Khawaarijta, waxa ayna gaarsiiyeen jab culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha fulisay howlgalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay qaadeen ciidamada, isla markaana ka dhacay aagga deegaanka Nuur Dugle, gaar ahaan halka loo yaqaano Ceelka Cali Salaad, waxaana lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ku socdaalayay halkaasi.

Ciidamada huwanta oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa u galay waddada, kadibna waxay la beegsadeen weerar dhabagal ah oo uu kooxdu kasoo gaaray khasaare culus.

“Gadabkooda ayaa lagu jaray meesha dhiigooda ayaana daadsan hadda waa nabad Nuur Dugle, Ceelka Cali Salaad iyo Huurwayne” ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay  “Khawaarijt halkan soo gashay annaga ayaa u dhignay siriq shabaqa waa soo galeen, waana ku baabi’inay”.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana goobaha uu howlgalladu ka dhaceen ku sugan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda oo haatan wada dadaallo dheeraad ah oo ay ku doonayaan inay isaga difacaan Shabaab.

Xog: Kulankii baarlamanka ee maanta oo baaqday kadib arrin aad looga cabsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii caadiga ahaa oo maanta oo Sabti ah ay lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, iyada oo xalay farriin wergelin ah loo diray dhammaan xildhibaannada.

Xoghayaha baarlamaanka, ayaa u sheegay xildhibaannada in kulankii maanta uu baaqday, isaga oo u sheegay in maalinta Isniinta ah uu qabsoomi doono kulanka xiga.

“Xildhibaannada sharafta leh; kulankii loo ballansanaa beri oo Sabti ah 17/05/2025 waa uu baaqday, Mahadsanidiin” ayaa lagu yiri fariinta xalay loo diray xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Fadhiyada baarlamaanka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana maanta la filayay in xildhibaannada ka doodaan ajendayaal muhiim ah.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in sababta ugu wayn ee keentay baaqashada kulanka baarlamaanka ay tahay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, isla markaana laga cabsi qabo in mooshinno ay keenaan xildhibaannada mucaaradka ee sida wayn u diidan qorshaha Villa Somalia.

Xaaladda guud ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana weli buuq uu ka taagan yahay baarlamaanka, iyada oo doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka weli la’isku hayo.

Fadhiyadii u dambeeyay ee Golaha Shacabka ayaa u baaqday kooram la’aan iyo buuq ay sameynayaan qaar kamid ah Xildhibaannada baarlamaanka, taas oo saameyn ku yeelatay habsami u socodka howlaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedeeraalka Soomaaliya.

Baaqashada kulamamadan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka, Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kalfadhigii kan ka horeeyay xildhibaannadu waxay ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

Daawo: Qarax culus oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Baraawe + Khasaaraha

0

Baraawe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay Parking-ka diyaaradaha ee garoonka Baraawe, kadib markii uu halkaasi ku qarxay gaari Noah ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale saraakiisha amniga garoonka ayaa sheegay in gaariga uu ahaa mid qaraxa lagu soo xiray, waxaana lahaa mid kamid ah ganacsatada qaadka magaalada Baraawe, wuxuuna baabuurku qarxay markii uu gaaray Parking-ka garoonka halkaas oo uu ka qaadi lahaa jaad.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan illaa 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, kuwaas oo loola cararay goobaha caafimaadka ee magaalada.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay gaariga oo gebi ahaan gubtay, isla markaana dhex-yaalla gudaha garoonka, maadaama uu qaraxa uu dhacay waxyar kahor.

Weerarkan qaraxa ah ayaa saameeyay shaqadii garoonka oo hakad gashay, waxaana soconayo baaris ay wadaan saraakiisha laamaha amniga, si loo ogaado cida ka dambeysay falkaasi.

Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa badanaa weeraro ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaanno hoostaga magaaladaasi.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana laga war dhowrayaa baaritaannada socda iyo natiijada kasoo baxda, maadaama weerarkan uu dhaliyay shaki xooggan iyo su’aallo ku aadan sida ay ku suuragashay in qaraxa uu gaaro gudaha garoonka magaalada Baraawe.

Al-Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo soo saartay bayaan culus ayaa ka hadashay qarax gelinkii dambe ee Jimcihii shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegtay inay ku beegsatay ciidamo la tirsan kuwa Boolis Milataaro oo ku sugnaa agga dalcadda degmada Kaxda, waxayna sheegtay in bartilmaameedka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Kooxda ayaa sheegatay in qaraxan ay ku dishay illaa 4 askari, ayna ku dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay ku shaacisay bayaankeeda.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaxda ayaa ka hadlay dhankooda qaraxa, waxayna xaqiijiyeen oo kaliya dhaawaca 7 askari, iyaga oo meesha ka saaray inay jirto dhimasho, sida ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana Kaxda howlgallo kooban oo baaritaanno ah ka sameeyay ciidamada ammaanka, kadibna waxaas si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa guud.

Inta badan waxaa degmadan oo ku taalla cirifka Muqdisho weeraro culus ka fuliya maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhashay khasaarooyin xoogan.

Si kastaba, weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya caasimada, kuwaas oo badan weeraro ay fuliso kooxda Al-Shabaab.

Weerarrada u badan ee dhacay maalmahan ayaa ahaa kuwo hoobiyeyaal ah oo bartimaameedyo muhiim ah ay ku garaacday kooxda, waxaana qaarkood ay khasaare kasoo gaareen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Go’aanka uu qaatay guddiga doorashada oo muujinaya fashilka diiwaan-gelinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa ku dhawaaqay in muddada diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee gobolka Banaadir la kordhinayo hal bil. Go’aankan ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan shaki dadweyne, carqalado farsamo, iyo muran siyaasadeed oo hareeyay qorshaha dalka looga hirgelinayo nidaamka hal qof, hal cod.

In kasta oo kordhinta si rasmi ah loogu fasiray in ay tahay tallaabo sixitaan ah oo lagu xallinayo dib-u-dhacyo lana doonayo in la xaqiijiyo ka-mid-noqoshada dhammaan bulshada, ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in tirada dadka is-diiwaan-geliyay illaa hadda ay aad u hooseyso—arrin muujinaysa in dhibaatadu ka weyn tahay arrimo jadwal ama howleed kaliya.

Dhayalsiga dadweynaha iyo ka-qaybgal xaddidan

Inkasta oo degmooyin badan oo Muqdisho ka tirsan ay leeyihiin cufnaan dadweyne oo aad u sarreysa—qaarkoodna ay degan yihiin boqollaal kun—tirada dadka is-diiwaan-geliyay ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah u hooseyso, iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka aysan gaarin xitaa 5,000 oo qof.

Tirooyinkaas liita waxay muujinayaan niyad-jab dadweyne iyo dhayalsi baahsan oo ku aaddan geeddi-socodka doorashada.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, oo la hadlay Caasimada Online, Guddiga Doorashooyinka ayaa la rumeysan yahay in uu mararka qaar adeegsaday xeelado khiyaameyn ah si kor loogu qaado tirada is-diiwaan-gelinta.

Tusaale ahaan, dad u tagay xarumaha degmooyinka si ay u helaan warqadaha dhalashada iyo sugnaanta ayaa la sheegay in ayagoo ogeyn ama fahamsaneyn loo diiwaan-geliyey codbixinta, iyadoo loo sheegay in ay qayb ka tahay habka helidda warqadaha dhalashada iyo sugnaanta. Si kastaba, ka-qaybgalka dadweynuhu wuxuu weli ahaa mid aad u hooseeya, taas oo iftiiminaysa kalsooni darro qoto dheer.

Ka-qaybgalka liita ma aha natiijo keliya oo ka dhalatay abaabul la’aan ama wacyigelin xumo. Sida ay tilmaamayaan ilo-wareedyo xog-ogaal ah, sababta ugu weyn ayaa ah in dad badan aysan rumeysnayn in doorasho dhab ah ay dhici doonto. Sanado badan oo lagu arkay doorashooyin dib u dhac ku yimid, lagu maamulay si xadgudub ah, ama si siyaasadaysan loo farageliyay, ayaa si weyn u wiiqay kalsoonidii shacabka ee geeddi-socod doorasho oo ay hoggaaminayso dowladda.

Aragtidan taban waxay si toos ah u wiiqaysaa kalsoonida geeddi-socodka hadda socda. Xitaa marka la qaado tallaabooyin ujeedadoodu tahay dardargelinta ka-qaybgalka, sida kordhinta waqti, waxay wax yar ka beddeli karaan aragtida shacabka ee ah in nidaamku yahay mid dhaawacmay ama u muuqda mid qafilan.

Siyaasadeynta geeddi-socodka iyo khilaafka sharciyadeed

Waxaa sii cakiraya xaaladda diidmada xoogan ee ka imaanaysa madax hore iyo kooxo mucaarad ah oo ku dooday in qaabka doorasho ee hadda socda uusan sal sharciyeed oo dastuuri ah lahayn isla markaana aan laga gaarin heshiis ballaaran. Kooxahan waxay ku eedeeyeen geeddi-socodka inuu yahay mid dhinac keli ah laga wado, aan daahfurneyn, sharciyad la’aan ah, isla markaana aan metelin dhammaan qaybaha bulshada.

Tani waa duruufta dhabtaa ee geeddi-socodka hareysay. Xitaa tallaabo kasta oo guddigu qaado, inkasta oo ay ujeedadeedu tahay hagaajinta farsamada, waxaa si toos ah loogu tarjumi karaa iyada oo loo marayo aragti siyaasadaysan. Kordhinta muddada isdiiwaangelintu waxay u muuqan kartaa mid caadi ah, balse waxay si degdeg ah ugu milantay muran ballaaran oo ku saabsan sharciyadda iyo kalsoonida geeddi-socodka.

Waxaa intaa dheer, dowlad-goboleedyo muhiim ah sida Puntland iyo Jubaland ayaa si cad uga horyimid geeddi-socodka, iyagoo diiday in ay la shaqeeyaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Waxay ku eedeeyeen dowladda dhexe in ay qaadatay hannaan doorasho oo kelitalis ah, oo ka turjumaya dano siyaasadeed oo gaar ah, isla markaana aan loo marinin hannaan dastuuri ah.

Puntland ayaa si gaar ah u sheegtay in aysan ka qayb qaadan doonin wax doorasho ah oo aan laga gaarin heshiis qaran oo loo dhan yahay, oo ay ka qaybqaataan dowlad-goboleedyada, mucaaradka, iyo bulshada rayidka ah. Jubaland-na waxay si la mid ah u dhaleeceysay dowladda dhexe, iyada oo ku eedeysay in ay hareer martay geeddi-socodka dastuuriga ah ayna baalmarayso codka iyo doorka dowlad-goboleedyada.

Diidmadan ma aha mid uun astaamaynaysa ismaandhaaf siyaasadeed — waxay si dhab ah u abuuraysaa farqi sharci iyo mid hawlgal oo aan la iska indho tiri karin. Iyadoo aan la helin iskaashi qaran oo dhameystiran, suurtagal ma noqonayso in la hirgeliyo hannaan doorasho oo mideysan, hufan, laguna kalsoonaan karo. Ka reebidda gobollo dhan waxay wiiqeysaa sharciyadda doorashada iyo aqoonsigeeda siyaasadeedba, taasoo dhalin karta su’aalo ku saabsan in natiijada doorashadu ay noqon doonto mid qaran ahaan la aqbali karo.

Waxaa intaas dheer in beesha caalamka gaar ahaan Mareykanka, ay ka hor-yimaadeen nidaam doorasho kasta oo aan heshiis lagu ahayn, taasi oo farriin culus u dirtay madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, kordhinta muddada diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee gobolka Banaadir waxay muujinaysaa caqabadda jirta ee dowladda Soomaaliya kala kulmeyso hirgelinta nidaam doorasho oo loo wada dhan yahay, lagu kalsoonaan karo, una adeegaya danaha shacabka. Waxa ahayd in xilligan uu noqdo mid shacabka awood lagu siinayo, balse waxay u muuqatay mid iftiiminaysa baaxadda kalsooni-darrada, ka-qaybgal la’aanta, iyo fashilka ku xeeran dhismaha midnimo siyaasadeed oo ku aaddan mustaqbalka dimuqraadiyada Soomaaliya.

Ilaa iyo inta arrimaha aasaasiga ah sida sharciyad cad, wadar-raac siyaasadeed, iyo kalsoonida dadweynaha aan la xallin, isbeddello farsamo sida kordhinta muddada diiwaan-gelintu waxay u muuqan doonaan kuwo aan micno weyn samayn, ama ugu yaraan, muujinaya inta uu hoos u dhacay rajo-gelinta shacabka ee nidaamka hal qof, hal cod.

 

Xasan Sheekh oo si caro leh uga jawaabay hadalkii Sheekh Shariif ee jabka ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hal sano kadib ka jawaabay hadal dowladda kululeeyey oo ku jiray khudbad uu jeediyey Madaxweynihii hore Shariif Sheekh, bishii July ee 2024.

Hadalkaas wuxuu ahaa in ciidamada qaranka aan maanta laga heli karin ‘hal Guuto oo toos ula dagaalami karta argagixisada, hadalkaas waa kululeeyey dowladda, waxaana marar badan siyaabo kala duwan uga jawaabay wasiirro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Xasan Sheekh ayaa sanadkaan jawaabta Sheekh Shariif ku soo daray khudbadiisii sanadlaha aheyd 15-ka May, taasi oo ku lamaanan maalinta dhalinyarada, Madaxweyne Xasan ayaa si adag uga jawaabay hadalkii Shariif-ka.

10 bilood kadib, Xasan Sheekh oo muujiyey sida uu uga carooday hadalkii Sheekh Shariif ayaa ku jawaabay in farriintaasi ay niyad jebisay ciidamada qaranka, dhiirigelina ay u aheyd kooxda Al-Shabaab, isagoo la hadlayey qaar kamid ah dhalinyarada Muqdisho oo munaasabadda 15-ka May uu kala qeyb galay.

“Dhallinyaro waxaan mar kale idin leeyahay dadka masuuliyadda loo dhiibi doono aad haloiga fiirsado, hal guuto oo dagaalanta majoogto iyo ciidan nooma dhisna kuwa dhahaya, war farriintaasi ma waxay dhiirigelineysaa oo taageero u tahay cadowga Khawaarijta ah, mise askariga furinta jooga ayey niyad jebineysaa?” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shariif iyo Xasan waxay kamid yihiin siyaasiyiinta ugu waaweyn dalka, sanado ka hor waxay ahaayeen saaxiib si wadajir ah u soo eedeyn jiray Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo – Xasan Sheekh ayaa isla khudbadiisa ku sheegay in hadaladii hore aysan muhiim aheyn oo siyaasad markaas jirtay looga jawaabayey, isla markaana ay tahay in laga gudbo.

Hadalladii ay Farmaajo u jeedi jireen waxaa kamid ahaa “doorashada dalka yaan laga dhigin shaati nin kaligiisa ah uu tolanayo” iyo “hal qof inuu doorashada dalka go’aan ka gaaro xaq uma lahan” balse maanta waxaa taagan arrin lamid ah tii Xasan Sheekh uu ku eedey jiray Farmaajo.

Xasan Sheekh intii uu ka hawaabay hadalkii Shariif Sheekh Axmed ma dhihin waa been ama run, laakiin wuxuu cuskaday in hadalkaas uu ahaa farriin dhiirigelineysa cadowga Al-Shabaab oo niyad jebisay ciidamada qaranka oo dagaal adag kula jira.

Madaxweynaha ayaa ku faanay in dhul baaxad badan ay dowladiisu ka xoreysay Al-Shabaab, ilaa 30 magaalo ayuu sheegay in laga saaray argagixisada, isla markaana uu dhisay ciidan qaran oo xoog badan.

Macawiisleyda iyo ciidanka DF oo jidka u galay Shabaab ku socday Nuur Dugle

0

Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay aagga Nuur Dugle, gaar ahaan halka loo yaqaano Ceelka Cali Salaad, waxaana lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ku socdaalayay halkaasi.

Ciidamada huwanta oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa u galay waddada, kadibna waxay la beegsadeen weerar dhabagal ah oo uu kooxdu kasoo gaaray khasaare culus.

Mid kamid ah saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay inay xogta marin cusub oo waddo ah oo ay Al-Shabaab ka sameysteen halkaas, kadibna ay sidaas ku weerareen.

“Gadabkooda ayaa lagu jaray meesha dhiigooda ayaana daadsan hadda waa nabad Nuur Dugle, Ceelka Cali Salaad iyo Huurwayne” ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in ay jab culus gaarsiiyeen argagixisada ayna ku baab’iyeen weerarka ay maanta ku qaadeen.

“Khawaarijt halkan soo gashay annaga ayaa u dhignay siriq shabaqa waa soo galeen, waana ku baabi’inay” ayuu sii raaciyay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana goobaha uu howlgalku ka dhacay ku sugan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Nuur Dugle oo ah magaallo Diimeed ayaa waxaa haatan si adag u difaacanaya xaq-u-dirirka deegaanka oo kaashana Xoogga dalka, waxaana hadda ka socda abaabul culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Kooxda ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay isku fidineysay Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaannadii horay looga qabsaday kadib culus ay soo saartay deegaannada maamulka HirShabelle.

DF oo soo saartay warbixin ka kooban 28 QODOB

Muqdisho (Caasimada Online) -Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin dheer oo ka kooban 28 odob, taas oo looga hadlay dhacdooyinka toodobaadkii lasoo dhaafay.

Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee la qaaday.

Hoos ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:-

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Jimco, 16-ka May 2025

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15ka May, kuna beegan 82 guuradii aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley salaadda Janaazadda ee Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo ka tirsanaa odayaasha dhaqanka ee dalka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ku-Simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Kareem Adebayo, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo doorka Midowga Afrika uga aaddan amniga iyo xasillinta dalka.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025) ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Midowga Yurub uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada, iyo dib-u-dhiska.

7- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiis is afgarad oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga,kaas oo khuseeya dhanka milatariga iyo amniga

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Jibriil Xaaji Cabdirashiid ayaa kormeer ku tagey qaar ka mid ah goobo ay saameyn ku yeesheen roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Muqdisho.

9- Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Aaxmed Macalin Xasan ayaa magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya uga qeyb-galay shir uu soo agaasimay Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Hawada ee loo yaqaano International Air Transport Association (IATA)

10- Hay’adda Dhowrista Xogta dadwaynaha Soomaaliya (DPA) iyo Guddiga Ilaalinta Xogta Nigeria (NDPC) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan arrimaha ilaalinta xogta iyo asturnaanta dijitaalka ah.

11- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya Alper Aktaş, si loo xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.
12- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa ka qeyb galay xaflada furitaanka bandhiga caalamiga ee Beeraha Caspian Agro 2025 ,oo ka qabsoomay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

13- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Turkiye , Danjire Alper Aktaş ,iyagoo ka wada hadlay la dagaalanka argagaxisadda iyo danaha labada dal ka dhaxeeya.

14- Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan ayaa gargaar isugu jira raashin, dhar iyo hoy gaarsiisay 564 qoys oo ku dhaqan degmada Dayniile, kuwaas oo ay dhibaato ka soo gaartay daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ee ka da’ay gobolka Banaadir.

15- Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire Stephen Mbundi.

16- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku dalka Azerbaijan ku saxiixay heshiis is afgarad (MoU) wada shaqeyn ah, isagoo la saxiixday Wasiirka Beeraha ee Azerbaijan, Mudane Majnun Mammadov.

17- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaan tartan furan oo loogu talagalay xulashada saraakiil ku biiraya barnaamij waxbarasho oo Layli Sarkaalnimo ah oo dalka dibaddiisa lagu soo tababarayo.

18- Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa guddoomiyay shir looga hadlaayay ka hortagga khataraha ka dhasha si xun u isticmaalka baraha bulshada ee faafinta been abuurka ,marin habaabinta, hadallada naceybka iyo muqaaladda ay argagaxisadda baraha ku faafiyaan,

19- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (Network of African Data Protection Authorities – NAPDA) ,kaddib, kulankii 8-aad ee Ururka oo lagu qabtay magaalada Abuja dalka Nigeria.

20- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley.

21- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer howleed ku tagay goobo dhowr ah oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

23- Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyey xaaladda horumarineed, nabadeed iyo dawlad-dhis ee Dawlad Goboleeedka SSC-Khaatumo.

24- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali ayaa furay kulanka dowladda iyo bulshadda rayidka, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay wadashaqaynta iyo iskaashiga bulshada rayidka iyo dowladda.
25- Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

26- Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Xasan Abshirow Maxamed ayaa daahfuray wajiga 2-aad ee tababarka guddi hoosaadyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee ku saabsan Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

27- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/ Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya Lionel Laurens.

28- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Danjire. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa qaabishay Safiirka Yemen ee Soomaaliya, Mudane Fadel Cali Axmed Al-Xanak.

Sawirro: Xasan Sheekh oo caawa ka degay Baqdaad – Maxaa ka socda halkaas?

Baqdaad (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq halkaas oo  uu uga qaybgali doono meertadaj 34-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.

Shirka ayaa lagu gorfayn doonaa arrimo la xiriira dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka aloosan qaybo badan oo ka tirsan mandiqadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkaas ku soo bandhigi doona warbixin ku saabsan halganka ka dhanka ah Khawaarijta ee ay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan.

Khudbadda Madaxweynaha ee shir-madaxeedka dalalka Carabta ayaa si weyn loo sugayaa, waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay mowqif cad oo dalal badan dhibaya ka qaadatay qadiyadaha Falastiin, Suudaan iyo dalal kale oo dagaalo ay ka socdaan.

Shirkaan waxaa ka horeeyey shirar farsamo oo ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta, halkaas oo Wasiirka Arrimaha Dibadda uu saacadihii lasoo dhaafay ka waday kulamo xasaasi ah.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa isku arkay Baqdaad, kuwaas oo si weyn u gorfeeyey arrimo muhiim u ah labada dal oo dhowaan kaal saxiixday heshiiyo xasaasi ah oo ku qotoma iskaashi difaaca.

Masar ayaa ciidamo keensa doonta Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, waxayna ku soo biirtay howlgalka cusub ee AUSSOM, taasi oo khatar ku ah Itoobiya, heshiiskaas ayaa ku yimid geesinimo ay sameysay Soomaaliya.

Sababta iyo siyaasadda ka dambeeya guul-darrooyinka ciidamada DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Todobaadyadii la soo dhaafay, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa ku guuldareystay inuu si buuxda ula wareego jiidaha dagaalka ee muhiimka ah. Guuldarradii Aadan Yabaal waxay si dhab ah u muujisay xaaladda adag ee ciidanka, inkastoo taageerayaal caalami ah ay si weyn u maalgelinayeen.

Hadda, iyadoo waqtigu xaddidan yahay, maal-geliyeyaasha waaweyn — oo Mareykanku hormuud u yahay — ay ka fiirsanayaan inay si weyn hoos ugu dhigaan miisaaniyadda lagu taageero ciidamada nabad ilaalinta iyo kuwa maxalliga ah, CXDS wuxuu wajahayaa cadaadis xooggan si uu ula wareego mas’uuliyadda amniga. Hase yeeshee, taas lagama filayo ilaa uu si dhab ah u muujiyo kartidiisa difaac iyo diyaar u ahaanshihiisa hawlgallo milateri.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in kharashaadka lagu bixiyo mushaharka ciidanku uu hoos u sii dhacayo, iyadoo aysan jirin wax dammaanad ah oo muujinaya in Mareykanka iyo maal-geliyeyaasha kale ay sii wadi doonaan taageeradooda. Wuxuu intaa ku daray in aysan jirin wax tilmaam ah oo muujinaya in xasillooni laga gaari karo Soomaaliya.

Dhawaan, waddamada ciidamadooda ku deeqay howlgalka ATMIS ayaa shir ku yeeshay Kampala, Uganda, halkaas oo ay ku heshiiyeen in ugu yaraan 8,000 oo askari oo dheeraad ah loo diro Soomaaliya. Tani waxay dhacday xilli Qaramada Midoobay ay qorsheynayso dhimista ciidanka ATMIS, ayna doonayso in diiradda la saaro maal-gelinta ciidanka gudaha kahor bixitaanka. Taasina waxay dhalisay su’aalo hor leh oo ku saabsan jihada mustaqbalka.

Samira Gaid, oo ah falanqeeye arrimaha amniga, ayaa sheegtay in dhibaatooyinka ciidanka ay salka ku hayaan siyaasado si khaldan loo hagey, iyadoo siyaasiyiintu aysan siin milatariga waqti ku filan oo uu si qorsheysan ugu abaabulo hawlgallo guuleysta.

“Dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee 2022, wuxuu si lama filaan ah uga bilowday shacabka, waxaana la filayay in hawlgalkaasi uu si dabiici ah ugu wareego hoggaan milateri,” ayay tiri Samira. “Nasiibdarro, taas ma dhicin. Milatarigu wuxuu noqday mid la hareer maray, waxaana dagaalka si toos ah u hagayay madaxda siyaasadeed, iyagoo dejinayay yoolal iyo bartilmaameedyo siyaasadeysan — la’aanteed qorshe dagaal oo xirfadeed ama xeelado istiraatijiyadeed.”

“Waxaa jiray caqabado kale sida: dhibaatooyin xagga sahayda ah, isbeddello lagu sameeyay hoggaanka amniga xilli xasaasi ah, iyo adeegsiga ciidamo si degdeg ah loo tababaray halkii laga isticmaali lahaa unugyo khibrad leh,” ayay raacisay.

Markii la weydiiyay haddii ay suuragal tahay in CXDS si buuxda ula wareego masuuliyadda amniga, Samira waxay tiri, “Ma hubo,” iyadoo tusaale u soo qaadatay guuldarrooyin isdaba joog ah oo ka dhacay jiiddooyin kala duwan. Waxay xustay in tayada iyo niyad-samida ciidanku ay hoos u dhacday marka la barbardhigo shan sano ka hor, xilligii uu jiray qorshe cad oo hagaya.

Isbeddelada hoggaanka milateriga ee ka dhacay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u saameeyay jihada istiraatijiyadeed iyo hirgelinta hawlgallada, taasoo sii wiiqday fursadda CXDS ee ah inuu door muuqda ka ciyaaro sugidda amniga. Bishii June 2023, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilka ka qaaday Taliyaha CXDS, General Odowaa Yuusuf Raage, balse November 2024 ayuu dib ayuu ugu magacaabay kadib culaysyo ka dhashay xaaladda jiidaha dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa sidoo kale dadaal ku bixisay sidii culimada diinta loogu biirin lahaa dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada, iyadoo xoogga saartay wacyigelin iyo ka hortag afkaaraha xagjirka ah. Waxa kale oo la jaray ilo dhaqaale oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, taasoo si weyn u wiiqday awooddooda dhaqaale. Intaa waxaa dheer, mareegaha internetka iyo baraha bulshada ee kooxdaasi u adeegsan jirtay borobogaando ayaa gebi ahaanba la xiray.

Caqabad kale ayaa ah istiraatijiyad cusub oo ay Al-Shabaab qaateen — kooxda waxay isku dayayaan inay kasbadaan kalsoonida shacabka iyagoo isu muujinaya inay yihiin hoggaan beddel u ah dowladda, taasoo si weyn u adkaynaysa in dowladda iyo ciidamada ay si buuxda u baabi’iyaan saameyntooda. Qaybo ka mid ah bulshada ayaa la sheegay inay si tartiib tartiib ah u aqbalayaan hoggaanka Al-Shabaab.

“Waxay muujiyeen inay ka yar yihiin fal-celis xumidii hore ee ay u muujin jireen dadka lagu tuhmayo inay la shaqeeyaan dowladda ama ciidamada amniga. Marka laga reebo Aadan Yabaal, meelaha kale waxay sameeyeen tanaasul si xisaabsan — waxay u oggolaadeen beelaha inay hubkooda haystaan, waxayna bixiyeen ‘canshuuro’ la dhimay,” ayay tiri Samira.

“Istiraatijiyaddan cusub waxay u muuqataa mid loogu talagalay in lagu kasbado kalsoonida bulshada — ama ugu yaraan lagu yareeyo iska caabbinta. Ma arkin muuqaalladii cabsi-gelinta lahaa ee ay hore u baahin jireen, sida madax-gooyada. Guud ahaan, waxay u muuqdaan kuwo siyaasaddooda beddelay, oo u leexday ku milmidda bulshada si ay dib ugu soo ceshadaan saameyntooda.”

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa si ballaaran loogu eedeeyay inay xoogga saartay xaaladaha siyaasadeed ee gudaha, halkii ay mudnaanta siin lahayd dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Su’aasha ah in dagaalku u baahanyahay hannaan ciidan ama mid siyaasadeed, waxa iska cad in istiraatijiyaddii guud la wiiqay, loona baahan yahay dib-u-habeyn degdeg ah oo istiraatijiyadeed.

Wasiir Fiqi oo eray yaab leh ugu yeeray mucaaradka Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka jawaabay diidmada madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee doorasho qof iyo cod ayaa ku tilmaamay kuwa “cuqdada qaba, oo xambaarsan afkaaro xagjir ah.”

Fiqi oo difaacay hab hoggaaminta madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in saddexdii sano ee dalka uu ka talinayay la gaaray guullo waaweyn, oo wax ku ool ah, kuwaas oo qeyb ka yihiin dagaalka Shabaab, dastuurka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalka.

“Waxaa dhab ah in saddexdii sano la qabtay wax kuwii dalka kala gaynayay ay dhibsadeen, in la qabtay wax gafanaayaashii sharafka iyo magaca Soomaaliya in ay dhaawacaan ku noolaa ay la harsan waayeen, wax ka cabaadiyey argagixisada dagaalka kula jirta dadka iyo dalkeena,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Kuwa badan oo cuqdad qaba waa soo hadli karaan, hawada waa soo marsiin karaan hadallo aan dowgal ahayn, mararka qaarna afkaar xagjirnimo iyo kala geyn umadeed xambaarsan waa ku hadaaqi karaan.

Waxaa dhab ah in saddexdii sano la qabtay wax kuwii dalka kala gaynayay ay dhibsadeen, in la qabtay wax gafanaayaashii sharafka iyo magaca Soomaaliya in ay dhaawacaan ku noolaa ay la harsan waayeen, wax ka cabaadiyey argagixisada dagaalka kula jirta dadka iyo dalkeena.

Daatuur, doorasho qof iyo cod ah, Soomaaliya bilaa Khawaarij ah iyo in kheyraadka dalkan leeyahay la soo saaro ama umaddu ka faa’idaysato iyo guulo kale oo waaweyn oo la soo hooyay waa tiirarka waxqabadka dawladda uu hogaamiyo Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaylada, orta iyo oohintu ha socdaan, mana ahan kuwo dawladda ka weecinaya dhabbahaas toosan.

Haddii sanad walba saaxada siyaasadda ay go’aan ka gaari jireen dad kooban oo musharixiin mar soo noqday ama kuwa xilal haya markaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa go’aanka wax ka leh.

Puntland oo weerar culus ku qaaday SSC-Khaatumo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa weerar afka ah ku qaaday hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, oo ay sheegtay inuu ka shaqeynayo in gobolka Sanaag lagu daro maamulka SSC-Khaatumo, taas oo Puntland u aragto mid liddi ku ah jiritaankeeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid laga soo abaabulay Muqdisho, laguna wado in lagu wiiqo midnimada Puntland.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in gobolka Sanaag laga gooyo Puntland, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid aan suurtagal noqon karin.

Sida uu sheegay Wasiir Caydiid, Madaxweyne Firdhiye waxa laga doonayaa inuu si cad uga laabto hadalladiisa iyo damaciisa siyaasadeed, isla markaana uu raalli-gelin siiyo shacabka reer Puntland. Wuxuu xusay in siyaasadda Puntland aysan aqbalayn in go’aan masiiri ah lagu gaaro si hal dhinac ah, balse ay muhiim tahay in wax walba ku yimaadaan wadatashi iyo is afgarad.

“Puntland waxay ka kooban tahay shan gobol iyo degmada Buuhoodle. Haddii cid ka go’aysa, waa inay ku timaadaa wadatashi iyo is afgarad. Hadduu SSC dhisayo, macnaheedu maaha inuu burburinayo Puntland,” ayuu yiri Wasiir Caydiid. Wuxuu intaa ku daray in hadalka Madaxweyne Firdhiye ee ku saabsan goosashada Sanaag uu yahay mid khatar ah oo aan la aqbali karin.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Firdhiye inuu qeyb ka yahay qorshayaal ballaaran oo lagu wiiqayo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, isagoo adeegsanaya xiriir uu la leeyahay Dowladda Federaalka, taasoo uu sheegay inay dano shaqsi ah ka dhex aragto.

Maamulka Puntland ayaa sida muuqata u arka dhismaha SSC mid lagu kala dhantaalayo midnimadeeda dhuleed, iyadoo khilaafka labada dhinac uu kasii daray kadib markii hoggaamiyaha SSC uu qeyb ka noqday shirka madasha ay Puntland qaadacday.

Xiisadda Imaaraadka Carabta iyo Turkey – Saraakiil la dilay, aargoosi iyo Boosaaso

Ankara (Caasimada Online) – Duqeymo dhowaan ka dhacay gudaha Suudaan oo ay fuliyeen diyaarado aan duuliye lahayn ayaa si cad u muujiyay loollan sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Turkiga, kuwaasoo taageeraya dhinacyada iska soo horjeeda ee dagaalka billowday April 2023.

Mas’uuliyiinta dowladda Suudaan ee ay garab taagan yihiin ciidamada milateriga ayaa bilooyinkii la soo dhaafay la socday dhaq-dhaqaaqa diyaaradaha xamuulka milatari ee ay adeegsadaan ciidamada RSF oo ku degaya una duulaya garoonka diyaaradaha Nayla ee koonfurta gobolka Darfuur.

Ciidanka Difaaca Suudaan (SAF) ayaa dhowr jeer beegsaday garoonka Nayla, iyagoo tuhunsanaa in Imaaraadku uu si dadban uga faa’iideysanayo shabakaddiisa saldhigyada cirka ee gobolka – kuwaas oo ay ka mid yihiin saldhig ku yaalla Uganda iyo mid kale oo ku yaalla Puntland, Soomaaliya – si uu ugu gudbiyo kooxda RSF hub casri ah, diyaarado aan duuliye lahayn oo hubeysan, iyo rasaas.

Tuhumkaasi waxaa xaqiijiyay hay’ado dibadda ah oo kormeeraya xaaladda, oo ay ka mid tahay Xarunta Cilmi-baarista Bini’aadannimo ee Jaamacadda Yale, taasoo sheegtay in diyaarado Shiinees ah oo la mid ah nooca FH-95, kuwaas oo Imaaraadku iibsaday, lagu dajiyay garoonka Nayla.

Toddobaadkii hore, Amnesty International ayaa caddeysay in Imaaraadku uu hub Shiinees ah, oo ay ka mid yihiin bambaanooyin hagayaal ah nooca GB50A iyo madaafiic AH-4 oo 155mm ah, u diray gobolka Darfuur – taasoo ka dhigan jabinta cunaqabatayn hub oo Qaramada Midoobay ku soo rogtay Suudaan.

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadku wuxuu si adag u beeniyay eedeymaha, iyadoo afhayeen u hadlay dowladda uu sheegay: “Imaaraadku wuxuu mar kale adkeynayaa mowqifkiisa cad iyo joogtada ah: ma bixiyo wax taageero milateri ama hub ah midkoodna dhinacyada isku haya Suudaan.”

Horraantii sannadkan, ciidanka SAF ayaa guulo istaraatiiji ah ka gaaray dagaalka, waxay dib ula wareegeen caasimadda Khartuum, jebiyeen go’doomintii magaalada istaraatiijiga ah ee El-Obeid, kana qabsadeen dhulal badan oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka – taasoo u suuragashay iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliye lahayn ee TB2 Bayraktar, kuwaasoo ay Turkigu siiyeen Suudaan sanadkii hore.

3-dii Maajo, diyaaradahaasi oo ay gacanta ku hayaan askar Turki ah oo la safan ciidanka Suudaan kuna sugan magaalada Bort Suudaan, ayaa duqeeyay diyaarad xamuul milatari ah oo ku sugnayd garoonka Nayla. Diyaaraddaasi ayaa lagu tuhunsanaa inay waday diyaarado is-qarxin ah, rasaas, iyo qalab radar milateri ah.

Iyadoo saraakiisha Suudaan ay u dabaaldegayeen guushaas, ma aysan ogeyn in weerarkaasi uu bilaabay loollan diblomaasiyadeed oo halis ah oo u dhexeeya Turkiga iyo Imaaraadka – mid aan la arag tan iyo sanadkii 2021.

Ilo maxalli ah oo si dhow ula socda dhacdada ayaa u sheegay Middle East Eye in weerarkii Nayla uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ka soo gaaray ciidamada RSF iyo dad ajnabi ah oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen muwaadiniin Imaaraad ah, kuwaasoo la geeyay isbitaalka Turkiga ee Nayla.

Warbixin maxalli ah ayaa sheegtay in ugu yaraan 70 dagaalyahan oo ka tirsan RSF oo u socday daawayn dibadeed la dilay, iyo 18 qof oo ajnabi ah oo ay ku jireen askar reer Yurub, Afrika iyo Carab ah. Sidoo kale, warbaahinta gudaha Kenya iyo Koonfurta Suudaan ayaa xaqiijiyay dhimashada duuliyayaal ka kala socday labadaasi dal.

Ilo amni oo ka tirsan gobolka ayaa u sheegay Middle East Eye in calooshood u shaqeystayaal dagaalka u jooga RSF laga duuliyo ama laga soo dejiyo dekedda Boosaaso ee Puntland, Soomaaliya.

Weerarkii Port Suudaan

Maalin un kadib weerarkii Nayla, waxaa bilowday duqeymo taxane ah oo si toos ah loogu qaaday magaalada Port Suudaan.

Muddo saddex maalmood ah, weerarro si xeeladaysan loo beegsaday ayaa lagu qaaday Port Suudaan – halkaasoo noqotay xarunta dowladda tan iyo markii dagaalku qabsaday Khartuum 2023. Duqeymuhu waxay socdeen muddo 10 maalmood ah ka hor inta aysan si tartiib tartiib ah u yaraanin.

Garoonka diyaaradaha ee kaliya ee caalamiga ah ee dalka, saldhig milatari, xarunta koonfureed ee dekedda – oo ah marin muhiim u ah gargaarka bini’aadantinimo – iyo hotel ay degganaayeen diblomaasiyiin Sucuudiyaan iyo Masar ah ayaa dhammaantood burbur soo gaaray.

Olol ka dhashay weerarka oo qabsaday kaydad shidaal ayaa socday maalmo, qiiq madow ayaana cirka ka qariyay magaalada. Koronto la’aan ayaa ka dhacday kadib markii xarun weyn oo koronto ah la beegsaday, iyadoo iskuullo, dubayaal iyo adeegyo kale ay xirmeen.

“Burburka ka gaaray kaabayaal muhiim ah sida garoomada aan milatariga ahayn iyo xarumaha korontada wuxuu caqabad ku noqday dadaallada mutadawiciinteennu ay ku doonayaan inay caawiyaan bulshadeenna, wuxuuna sii adkeeyay helitaanka cunto, biyo nadiif ah iyo daryeel caafimaad,” ayay tiri Aida Elsayed Abdallah, xoghayaha guud ee Ururka Bisha Cas ee Suudaan, oo la hadashay Middle East Eye.

Ilo diblomaasiyadeed oo Suudaani iyo Yurub ah ayaa sheegay in weerarrada ay si toos ah u qorsheysay oo u fulisay dowladda Imaaraadka, in kasta oo Abu Dhabi ay si xooggan u cambaareysay.

Labo ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Middle East Eye in weerarku uu dhaawacyo ka soo gaaray xubno ka tirsan koox farsamo oo Turkigu u diray Suudaan si ay u caawiyaan hawlgallada diyaaradaha aan duuliye lahayn ee SAF.

Axaddii, wax yar kadib weerarkii Port Suudaan, Turkiga ayaa diray diyaarad ambalaas ah si loo qaado dhaawacyadii.

RSF ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarka, Imaaraadkuna si degdeg ah ayuu u cambaareeyay. Dowladda Suudaan ayaa si rasmi ah xiriirka ugu jartay Imaaraadka weerarka kadib.

‘Dagaal goboleed’

Isniintii, shir ka dhacay baarlamaanka UK, safiirka Suudaan ee Britain, Babikir Elamin, ayaa ku eedeeyay RSF “iyo Imaaraadka oo ah taageerayaashooda dibadda” in ay “ku sii socdaan ajende sharci darro ah, iyagoo adeegsanaya rabshad xad dhaaf ah iyo argagixiso.”

“Dagaalkan markii hore wuxuu ahaa mid ay wakiillo ku dirirsan yihiin, balse hadda wuxuu isu beddelay dagaal goboleed, iyadoo faragelinta tooska ah ee Imaaraadka aan hadda la dabooli karin,” ayuu yiri Elamin.

Wuxuu xusay in Imaaraadku uu RSF siiyay “gaadiid gaashaaman oo Faransiis ah, madaafiic culus iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo laga keenay Serbia, Bulgaria iyo Shiinaha”, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyay in ciidanka Suudaan ay helayaan taageero dibadda ah oo ay Turkigu ku jiraan.

Ilo Suudaani iyo reer Galbeed ah ayaa u sheegay Middle East Eye in falcelinta xooggan ee Imaaraadku ka bixiyay weerarkii Nayla – iyo shaki la xiriira doorka Turkiga ku lahaa – ay sababtay inuu si toos ah u amro weerarrada Port Suudaan.

“Waxay u muuqataa in Imaaraadku fuliayay dhammaan wajiyada weerarradii Port Suudaan,” ayuu yiri Jalel Harchaoui oo ka tirsan machadka RUSI. “Waxaan aaminsanahay in Imaaraadku hadda si shaqsi ah uga aarayo.”

Waxaa jira laba tuhun oo ku saabsan halka laga soo duuliyay diyaaradaha aan duuliye lahayn.

Saddex ilo Suudaani ah ayaa sheegay in diyaaradaha is-qarxa ay ku shaqeynayeen Imaaraadka, isla markaana laga soo riday Boosaaso. Goobjoogayaal ku sugan Port Suudaan ayaa sheegay inay diyaaradaha kasoo galeen dhinaca Badda Cas.

Hase yeeshee, ilo kale oo Suudaani ah iyo falanqeeye milateri reer Galbeed ah ayaa aaminsan in diyaaradaha laga soo riday deegaanka al-Malha ee RSF maamusho, oo ku dhow xuduudda Libya.

Diyaaradaha Sunflower-200 ee Shiineeska ah – kuwaasoo loo yaqaanno “suicide drones” ama “kamikaze” – ayaa leh duulimaad gaara 2,000km, taasoo Boosaaso ka dhigeysa meel ku jirta xadka sare ee duulimaadkooda (1,800km).

Xiisadda Turkiga iyo Imaaraadka

Weerarkii lagu qaaday Port Suudaan – oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee dalka – iyo burburka hangarro milatari oo laga yaabo inay ku jireen diyaarado aan duuliye lahayn oo Turkigu lahaa ayaa sii kordhiyay xiisadda u dhexeysa Turkiga iyo Imaaraadka.

Imaaraadku wuxuu horay uga caraysnaa doorka Turkiga ee dagaalka. Ilo ku sugan Ankara ayaa rumeysan in xogtii weynayd ee bishii Maarso la geliyay Washington Post – taasoo si faahfaahsan u muujisay heshiiskii Turkiga ku siiyay Suudaan diyaaradaha aan duuliye lahayn – ay ahayd weerar dhinaca xogta ah oo ay fuliyeen Imaaraadka.

Warbixintaasi waxay xambaarsaneyd fariimo dhex maray madaxda shirkadda Turkiga ee Suudaan iyo xafiiskooda gudaha Turkiga, oo ay ka mid ahaayeen xog qarsoodi ah oo ku saabsan qandaraaska.

Tani ma ahayn markii ugu horreysay ee labada dal ay iska hor yimaadaan.

Faragelintii uu Turkigu ku sameeyay Liibiya 2020 ayaa sidoo kale horseedday dagaal hoose u dhexeeya labada dal. Ankara waxay taageertay dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee galbeedka, halka Imaaraadkuna uu taageeray Janaraal Khalifa Haftar ee bariga.

Ciidamada Haftar ayaa qeyb ka ah sahayda uu Imaaraadku u maro taageerada RSF ee Suudaan. Dhanka kale, Turkiga ayaa weerar kasoo horjeeday Haftar ku joojiyay iyadoo uu adeegsanayo isla diyaaradaha TB2 Bayraktar ee hadda Suudaan adeegsato.

Fidan oo la kulmay Mohammed bin Zayed

5-tii Maajo, iyadoo duqeymo aan kala joogsi lahayn ay ka socdeen Port Suudaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa booqday Abu Dhabi, halkaasoo uu kula kulmay Mohammed bin Zayed, madaxa Imaaraadka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in kulankaasi uu ujeedkiisu ahaa sidii loo dejin lahaa xiisadda.

Sarkaal Turki ah ayaa u sheegay Middle East Eye in Ankara markii hore go’aansatay in ay dhexdhexaad ka ahaato dagaalka Suudaan, kaasoo kumannaan lagu dilay, isla markaana sababay waxa Qaramada Midoobay ku tilmaantay musiibada bini’aadantinimo ee ugu weyn dunida.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa xitaa sannadkii hore u soo jeediyay Taliye Burhan in uu dhex-dhexaadiyo Turkiga iyo Bin Zayed.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaalkaasi wuxuu sheegay in markii Imaaraadku bilaabay inuu hub siiyo RSF, Turkiguna uu go’aansaday inuu taageero siiyo ciidanka Suudaan.

Labada dhinac ee dagaalka Suudaan ayaa lagu eedeeyay tacaddiyo. Dowladda Mareykanka iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa RSF ku eedeeyay xasuuq ka dhacay Darfuur, gaar ahaan beesha Masalit.

“Imaaraadku wuxuu hadda bixiyaa hubka ugu badan,” ayuu yiri sarkaalka Turkiga.

“Imaaraadku si buuxda ayuu u diidayaa tuhun kasta oo sheegaya in uu hub siiyo dhinac dagaalka ka mid ah,” ayuu qoraal uu ku daabacay X ku yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka, Salem Aljaberi.

Xasan Sheekh oo saxiixay afar sharci oo dhaqaale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u saxiixay afar sharci oo muhiim ah, kuwaas oo quseeya dhaqaalaha dalka.

Shuruucdan cusub ee uu madaxweynaha saxiixay ayaa kala ah: Sharciga Caymiska (Takaful), Sharciga Canshuurta Dakhliga, Sharciga Hay’adaha Maaliyadeed, iyo Sharciga Ka Hortagga Lacag Dhaqidda Sharci darrada ah iyo Maalgelinta Argagixisada. Mid walba waxa uu xambaarsan yahay ujeeddo cad oo ku aaddan dib-u-dhiska dhaqaalaha.

Xeerarkan ayaa lagu tilmaamay kuwo sare u qaadaya hufnaanta maamulka maaliyadeed, iyagoo abuuraya jawi kalsooni leh oo dhiirrigelinaya maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Sidoo kale, waxay gacan ka geysan doonaan kobaca dhaqaalaha iyo kor u qaadista fursadaha ganacsi ee dalka.

Sharciyadan ayaa waxaa hore u ansixiyay labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, taas oo muujinaysa wada-shaqeyn buuxda oo u dhaxeysa hay’adaha dowladda ee xeer dejinta iyo fulinta.

Dib-u-habayntan sharciyeed waxa ay xoojinaysaa awoodda iyo doorka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta nidaamka maaliyadeed iyo la dagaallanka dhaqaalaha sharci darrada ah. Tani waxay muhiim u tahay xasilloonida dhaqaale ee dalka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto horumarinta sharciga dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo sharciyo kor u qaada maalgashiga, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa la rumeysan yahay inay noqon doonto mid fure u ah marxalad cusub oo horumarineed, iyadoo Soomaaliya ay wajahday caqabado dhaqaale oo baaxad leh sanadihii la soo dhaafay. Dowladda ayaa u aragta in isbeddelkan sharciyeed uu yahay mid sal adag u noqonaya kobaca dhaqaale iyo maalgelin hufan.