29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Maxay tahay arrinta IMF ay ka digeyso ee Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa si weyn uga digtay saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay IMF ayaa waxaa lagu sheegay in arrintaan keeni karto korodhka saboolnimada, cunno-yarida, hoos u dhac ku yimaada horumarka bulshada, iyo carqalad ku timaadda dhismaha hay’adaha dowladda.

Bayaanka IMF ayaa si cad u muujiyay in taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamiga ah ay tahay mid muhiim u ah hirgelinta siyaasadaha dowladda Soomaaliya, xilli uu sareeyo halista dhaqaale iyo hubanti la’aanta dalka ka jirta. Hay’addu waxay sheegtay in taageeradaasi ay fure u tahay xasilloonida iyo horumarinta nidaamka dhaqaale ee dalka.

Warbixin cusub oo ay IMF soo saartay ayaa lagu sheegay in saadaasha dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadka 2025 ay weli ku jirto mugdi, sababo la xiriira hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah, xaaladaha cimilo ee aan degganayn, iyo duruufo kale oo gudaha ah. Hay’addu waxay tilmaamtay in arrimahan ay caqabad ku noqon karaan dadaallada horumarineed.

Dhinaca kale, IMF waxay shaacisay in ay Soomaaliya la gaartay heshiis heer shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegistii saddexaad ee barnaamijka Kaalmada Deyn-bixinta Dheer (Extended Credit Facility – ECF), taasoo qayb ka ah qorshaha guud ee lagu taageerayo dhaqaalaha dalka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu gogol xaar u yahay in Soomaaliya loo sii daayo lacag dhan $10 milyan oo doollar, inkastoo tallaabadaas ay weli sugayso ansixinta Guddiga Sare ee IMF. Lacagtan ayaa lagu talagalay in ay gacan ka geysato xoojinta miisaaniyadda dowladda iyo mashaariicda horumarineed.

IMF ayaa sidoo kale sheegtay in inkastoo dib-u-habeynta maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah u socoto, haddana ay tahay arrin mudan in la dardargeliyo, si loo helo nidaam maaliyadeed oo hufan, kalsooni leh, una adeegaya baahida shacabka.

Hay’addu waxay ugu dambeyn ku boorisay beesha caalamka in ay sii joogteeyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyadoo la eegayo duruufaha adag ee dalka ka jira iyo baahida loo qabo in la helo dhaqaale lagu horumariyo adeegyada bulshada, lana taageero xasilloonida iyo horumarka dalka.

Xasan oo Ciraaq u gudbiyey codsi ku saabsan warshad shidaal oo ku taalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday dowladda Ciraaq in ay gacan ka geysato dib-u-howlgelinta warshaddii sifeynta shidaalka ee Muqdisho oo ay dhistay dowladda Ciraaq bartamihii 1970-meeyadii, balse haatan burbursan oo shaqada ka baxay.

Codsigan ayaa lagu soo bandhigay shirkii dhawaan lagu qabtay magaalada Baghdad ee Jaamacadda Carabta, halkaasi oo Xasan Sheekh oo kulan doceed kula yeeshay madaxda Ciraaq, wuxuuna ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay si xooggan u horumarinayso qorshaheeda ku aaddan tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Warshaddan oo la dhisay sanadkii 1974, waxaa hirgelisay Shirkadda Mashruuca Shidaalka ee Dowladda Ciraaq (State Company for Oil Projects), waxaana sannadkii ay sifeyn kartay ilaa 500,000 tan oo shidaal ah.

Sida uu dhigayo heshiiskii hore ee labada dowladood, Ciraaq ayaa maalgelisay dhammaan kharashka dhismaha iyadoo adeegsaneysa lacag qalaad, halka Soomaaliya looga baahnaa in ay dib u bixiso 50% kharashkaas muddo saddex sano ah kadib marka warshaddu shaqo bilowdo — iyadoo dulsaarka lagu saleynayo heer astaan u ah iskaashi walaaltinimo.

“Dhab ahaantii waa arrin la yaab leh,” ayuu yiri dhaqaaleyahan caan ah oo reer Ciraaq ah, Dr. Nabil Al-Marsoumi, oo la hadlay Shafaq News. “Ciraaq waxay warshad sifeyn shidaal ku leedahay dal kale — weliba dad badan ma ogayn!” Mashruucan la iloobay muddo ku dhow nus qarni ayaa hadda dib usoo baxay, iyadoo Soomaaliya ay u hanqal taagayso inay sare u qaaddo madax-bannaanideeda dhanka tamarta iyo horumarka dhaqaale.

Soomaaliya oo xoogga saaraysa kheyraadkeeda tamarta

Soomaaliya waxay si firfircoon u horumarinaysaa barnaamijkeeda kheyraadka shidaalka iyo gaaska, iyadoo diiradda saaraysa sahaminta iyo ka faa’iidaysiga dhabta ah ee khayraadka dabiiciga ah ee dalka. Sanadihii u dambeeyay, dowladda Soomaaliya waxay saxiixday heshiisyo muhiim ah oo lala galay shirkado shisheeye si loo horumariyo sahminta shidaalka dalka.

Mid ka mid ah heshiisyadaas muhiimka ah waxaa lala galay Shirkadda Shidaalka Qaranka Turkiga (TPAO), taasoo hadda wada sahanno 3D seismic ah oo lagu sameynayo xeebaha Soomaaliya. Markabka cilmi-baarista ah ee Oruç Reis ayaa lagu wadaa in uu dhamaystiro sahanka dhulka badda dhamaadka sannadka 2025, taasoo la filayo inay horseedo qodis ceelal shidaal sanadka 2026.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan la sheegay in ay ka heshay Soomaaliya illaa 20 bilyan oo foosto oo shidaal cayriin ah (crude oil) — taasoo haddii la xaqiijiyo ay noqon karto guul taariikhi ah oo u horseedi karta isbedel ballaaran dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay heshiisyo la saxiixatay shirkadda Mareykanka ee Liberty Petroleum Corporation si ay uga sahmiso xeebaha dalka, gaar ahaan blocks-ka 131, 190, iyo 206. Heshiisyadani waxay caddeynayaan xiisaha sii kordhaya ee caalamka uu u qabo kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya.

Fursadda istiraatiijiga ah ee dib-u-howlgelinta warshadda

Dib u hawlgelinta warshaddii sifeynta shidaalka ee Muqdisho waxay noqon kartaa tiir muhiim ah oo kaabaya istaraatiijiyadda cusub ee Soomaaliya ee dhanka tamarta. Haddii sahannada shidaalka ay horseedaan soo saar wax-soo-saar gudaha ah, helitaanka warshad sifeyn oo dalka ku taalla waxay yareyn doontaa baahida loo qabo shidaalka la keeno dibadda, hoos bayna u dhigi kartaa qiimaha tamarta, iyadoo sidoo kale abuuraysa shaqooyin badan oo gudaha ah.

Intaa waxaa dheer, warshaddan dib u howlgelinteedu waxay sare u qaadi doontaa sumcadda Soomaaliya marka ay la macaamileyso shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka, maadaama ay muujinayso in dalka uu leeyahay qorshe fog oo ku saleysan kaabeyaasha tamarta.

Mashruucani wuxuu sidoo kale noqon karaa fursad lagu cusboonaysiinayo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq — laba dowladood oo horey ugu midoobay iskaashi walaaltinimo iyo himilooyin horumarineed.

Maaddaama Soomaaliya ay isu diyaarineyso in ay ka mid noqoto dalalka ugu waaweyn ee Geeska Afrika ee tamarta ku tiirsan, dib u hawlgelinta warshaddii Ciraaq dhistay waxay noqon doontaa mid aan oo keliya taariikhda dib u xasuusisa, balse sidoo kale fure u noqon karta kobac dhaqaale oo waara iyo istaraatiijiyad tamareed oo lagu faani karo.

Diplomatic deadlock clouds Somalia-Ethiopia accord

MOGADISHU, Somalia—Growing uncertainty surrounds the future of the Ankara Declaration, a diplomatic framework signed on December 12, 2024, and brokered by Turkey to reach a comprehensive agreement between Somalia and Ethiopia by June 2025.

Despite this timeline’s urgency and regional significance, both governments have remained notably silent on the status of the talks, fueling speculation of a stalled process.

The Ankara Declaration was initially hailed as a breakthrough in easing tensions between the two nations after Ethiopia signed a controversial Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland on January 1, 2024.

The MoU, which grants Ethiopia access to the Red Sea via the port of Berbera, was denounced by Somalia as a clear violation of its sovereignty. However, the Ankara agreement made no reference to this MoU—an omission that now appears to be one of the major faults undermining the process.

Red Sea dispute remains core obstacle

According to sources familiar with the negotiations, a key sticking point remains unresolved: Somalia’s firm opposition to granting Ethiopia direct access to the Red Sea. Somali officials have instead proposed offering Ethiopia limited access to an Indian Ocean port, such as Hobyo or Kismayo, which they argue would address Ethiopia’s logistical needs without compromising Somalia’s territorial integrity.

Even this offer has proven problematic. Ethiopia is reportedly seeking sovereign control or long-term operational rights, while Somalia insists that any arrangement must preserve Somali sovereignty. Under Somalia’s proposal, Ethiopia would be permitted to use or rent port facilities under Somali regulation, rather than obtaining complete control.

“There’s no political space in Somalia for handing over a strategic port or strip of coastline to Ethiopia,” a senior Somali official told Caasimada Online on condition of anonymity. “Public sentiment is overwhelmingly against it. At most, we are talking about a time-limited access agreement, tightly regulated, and fully under Somali jurisdiction.”

Negotiations losing momentum amid silence

Sources close to the talks describe the negotiations as increasingly stagnant. Despite multiple rounds of high-level meetings in Ankara and elsewhere, no significant progress has been made.

“The discussions have become more ceremonial than substantive,” one diplomatic source told Caasimada Online. “The parties appear more interested in managing appearances than addressing the core issues.”

Adding to the opacity is Turkey’s silence, which has not issued any recent updates on the talks it helped initiate. Analysts suggest Ankara’s quietness may signal growing frustration with the lack of meaningful movement or possibly a recalibration of its role as mediator.

Regional experts warn that failure to reach a deal could have serious consequences for the already fragile Horn of Africa. “Somalia and Ethiopia are central to the region’s stability,” said Dr. Ahmed Ismail, a political analyst in Mogadishu.

“If this process collapses, it risks triggering renewed tensions, undermining security, and creating opportunities for foreign powers to assert influence,” Dr. Ahmed said.

Ethiopia, the most populous landlocked country in the world, has long sought diversified access to maritime trade routes. Its current dependence on Djibouti has pushed it to explore alternatives, including the controversial MoU with Somaliland. Somalia, however, views Ethiopia’s maritime ambitions, particularly through unauthorized deals, as an existential threat to its sovereignty and unity.

With the June 2025 deadline approaching and little to show for months of diplomatic engagement, many observers now doubt whether the Ankara communiqué will achieve its intended outcome. Without transparency, trust-building, and genuine compromise, the ambitious roadmap could soon be added to the long list of failed peace efforts in the Horn of Africa.

Dagaal culus oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Macwiisleyda HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo laba maalmood socday, kaasi oo maanta xooggiisa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu cuslaa ee muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhaca xadka labada gobol. Iska horimaadkan oo qaatay in ka badan lix saacadood ayaa dhex-maray ciidamada dowladda federaalka, kuwa deegaanka ee Macawiisleyda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si toos ah u socday gelinkii hore ee maanta, waxaana la sheegaya in rasaasta iyo qaraxyada laga maqlayay tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla agagaarka goobta lagu dagaallamay.

Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan. Wararka la helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku waayeen tiro askar ah, inkastoo aan weli la helin tirakoob rasmi ah oo madax-bannaan. Si kastaba, dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in maydad iyo dhaawacyo badan la arkayay kaddib dagaalka.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dagaalka maanta lagu dilay Cabdi Yuusuf Salaad, oo loo yaqaanay Cabdi Goomey, kaasoo ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee ciidanka deegaanka Macawiisleyda ee beesha Xawaadle. Geerida sarkaalka ayaa si weyn looga dareemay gudaha ciidamada deegaanka iyo bulshada taageerta.

Cabdi Goomey ayaa ahaa sarkaal muhiim ah oo si weyn uga dhex muuqday dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Goomey ayaa horey loogu abaalmariyay qadar lacageed oo badan, kadib markii uu madaxa kasoo jaray xubno sare oo kooxda ka tirsanaa, gaar ahaan madaxii Maaliyadda ee kooxda u qaabilsanaa degmada Moqokori.

Al-Shabaab ayaa si cad u sheegatay masuuliyadda dilka Cabdi Goomey, iyagoo tilmaamay in muddo dheer ay ku raad joogeen una arkayeen cadow muhiim ah.

Kooxda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in “weerarka maanta guul weyn u yahay,” taasoo muujinaysa sida uu u weynaa doorka uu sarkaalkani ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda, oo haatan wajaheysa dagaal culus oo iska kaashanayaan geesiyaashada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Somalia urges Iraq to revive abandoned 1970s oil refinery

BAGHDAD, Iraq — Somali President Hassan Sheikh Mohamud has appealed to Iraq for support in restoring a decades-old oil refinery in Mogadishu. Iraq built the refinery in the 1970s, but it has long since fallen into disrepair. 

The request, made during the recent Arab League Summit in Baghdad, coincides with Somalia’s bold efforts to reassert itself as a rising player in Africa’s energy sector.

The refinery, constructed in 1974 by Iraq’s State Company for Oil Projects, had an annual refining capacity of 500,000 tons. Under the terms of the original agreement, Iraq financed the construction in foreign currency, while Somalia was to repay 50% of the cost over three years after operations commenced, at a symbolic interest rate, reflecting the spirit of regional solidarity at the time.

“This is quite the surprise,” said Iraqi economist Dr. Nabil Al-Marsoumi in remarks to Shafaq News. “Iraq has a refinery abroad—and nobody even knew!” The project, largely forgotten for decades, now reemerges as a potentially valuable asset amid Somalia’s search for energy independence and economic recovery.

A new energy frontier

Somalia is undergoing a dramatic transformation in its ambitions for oil and gas. In recent years, the country has signed key exploration deals aimed at tapping into vast, previously unexplored hydrocarbon reserves.

One of the most high-profile agreements is with Turkey’s state-owned Turkish Petroleum Corporation (TPAO). The company is conducting 3D seismic surveys off Somalia’s coastline, using the Oruç Reis research vessel. The survey is expected to be completed by the end of 2025, paving the way for potential drilling operations by 2026.

In a significant development, Turkey recently discovered up to 20 billion barrels of crude oil in Somali offshore territory—a find that could significantly shift Somalia’s economic trajectory if proven viable and commercially extractable.

Somalia has also entered into agreements with U.S.-based Liberty Petroleum Corporation for offshore exploration in several blocks, including 131, 190, and 206, underscoring growing international interest in the country’s resource potential.

Strategic value of refinery revival

Reviving the Mogadishu refinery could be critical in complementing Somalia’s oil ambitions. With large-scale oil production on the horizon, domestic refining capacity would reduce dependency on fuel imports, lower energy costs, and create thousands of local jobs.

It could also strengthen Somalia’s negotiating position with international oil companies by demonstrating a long-term infrastructure vision backed by regional partnerships.

Furthermore, the refinery’s revival could mark a symbolic renewal of Iraq-Somalia ties—reconnecting two nations that once shared a development vision and mutual support during the 1970s.

As Somalia positions itself to become a key player in the Horn of Africa’s energy landscape, reactivating this forgotten Iraqi-built refinery would serve as a practical step forward and a powerful reminder of what strategic cooperation across regions can achieve.

Daawo: Qarax culus oo ka dhacay xero ciidan oo ku taal Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo goordhow ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, taas oo lagu magacaabo Damaanyo, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Qaraxa oo ismiidaamin ahaa, isla markaana uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha ayaa lagu soo warramayaa in lala beesaday dhalinyaro qoraneysay ciidamada oo safaf dhaadheer ugu jiray ilinka xeradaas, si ay ugu biiraan ciidanka Xoogga dalka.

Wararka aya intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhalinyaradii ku sugneyd goobta, sida ay muujinayaan muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada.

Ku dhowaad 20 qof oo dhimasho ah iyo dhaawac intaasi ka badan ayaa lasoo wariyay, waxayna u badan yihiin dhalinyaradii isku diiwaangelinayay inay noqdaan ciidan cusub.

Xaaladda ayaa cakiran, waxaana kooban macluumaadka laga helayo goobta, maadaama meesha ay wax ka dhaceen ay tahay xero ciidan.

Sidoo kale, waxaa goobta deg deg u tegay saraakiil ka tirsan ciidamda Xoogga dalka, kuwaas oo haatan wada baaris ku aadan sida ay wax u dhaceen, si loo ogaado cidda fududeysay iyo kuwa fuliyay weerarka

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah  ee ka dhacay xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah uga fulisay xeryo ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana kamid ah oo ay horay u beegsaday xerada Warshadda Nacnaca, kuliyadda Jaalle Siyaad ee xarumo kale oo muhiim ah.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay ahayd mid deggan, isla markaana ka caaganeyd, weerarada qaraxyada iyo kuwa tooska ee Al-Shabaab, waxaana howlgallo joogta ah ka waday ciidamada dowladda.

IMAARAADKA CARABTA oo qaaday tallaabo si weyn uga careysiisay dowladda…

Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo milatariga ayaa Sabtidii si kulul ugu eedeysay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) in ay musaafurisay shaqaalaha qunsuliyadda guud ee Suudaan ee magaalada Dubai, muddo ku dhowaad laba toddobaad kadib markii ay Suudaan si rasmi ah u jartay xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Imaaraadka.

Xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa si weyn u cirka isku shareertay tan iyo horraantii bishii May, xilligaas oo duqeymo nooca drone-ka ah lagu qaaday goobo muhiim ah oo ku yaalla Port Sudan—oo ah xarunta kumeel-gaarka ah ee dowladda militariga—taas oo ahayd markii ugu horreysay ee weerarro noocan ah lagu qaado magaalada tan iyo markii uu dagaalku qarxay.

Dowladda Khartoum ayaa ku eedeysay Imaaraadka in uu hub siiyay maleeshiyada RSF, kuwaas oo ay dagaal culus kula jiraan tan iyo bishii April 2023, isla markaana weerarro ku qaaday xarunta ay u asteeyeen inay tahay caasimadda dagaalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in maalmihii la soo dhaafay ay dowladda Imaaraadku “musaafurisay inta badan shaqaalihii ka tirsanaa qunsuliyadda guud ee Suudaan ee Dubai iyada oo aan wax sabab ah loo caddaynin.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diblomaasiyiintaas “lagu hayey muddo siddeed saacadood ah” gudaha garoonka diyaaradaha ee Dubai, kadib markii ay dhammeeyeen dhammaan habraacyadii bixitaankooda.

Intii lagu guda jiray waqtigaas, wasaaraddu waxay sheegtay in la su’aalay, lana baaray qalabkooda shaqo sida telefoonno iyo kombiyuutarro. Tallaabadan ayay Khartoum ku tilmaantay “xadgudub weyn oo si toos ah uga hor imaanaya xeerarka caalamiga ah ee diblomaasiyadda.”

“Dhacdadan aan horay loo arag waxay muujinaysaa dayacaad culus oo ay muujisay dowladda Imaaraadku xagga waajibaadka ay ka saaran yihiin ilaalinta diblomaasiyiinta, sida ku cad shuruucda caalamiga ah oo u dammaanad qaada xasaanadooda iyo mudnaantooda,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Bayaanka ayaa intaa ku daray: “Falkan wuxuu sidoo kale caddeynayaa niyad xumo loo qabo muwaadiniinta Suudaan ee ku nool gudaha Imaaraadka.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaan si degdeg ah uga jawaabin eedeymahan.

Inkasta oo Imaaraadku si joogto ah u beeniyay in uu taageero siiyo RSF, haddana warbixino laga helay khubaro Qaramada Midoobay, siyaasiyiin Mareykan ah iyo hay’ado caalami ah ayaa si cad u sheegay in uu jiro xiriir taageero ah oo u dhexeeya labada dhinac.

Horraantii bishan, duqeymo drone ah ayaa lala beegsaday kaabeyaasha muhiimka ah ee magaalada Port Sudan, oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee kaliya ee shaqeynaya, keydka shidaalka ugu weyn ee magaalada, iyo xarunta ugu muhiimsan ee korontada.

Ciidamada milatariga Suudaan ayaa si toos ah farta ugu fiiqay RSF, iyagoo ku eedeeyay in ay yihiin “wakiillo si toos ah ugu adeega” dowladda Imaaraadka.

Dagaalka Suudaan oo hadda galay sannadkii saddexaad ayaa sababay geerida tobannaan kun oo qof, barakaca in ka badan 13 milyan oo ruux, wuxuuna sababay xaaladda bini’aadantinimo ee ugu liidatay dunida maanta.

Axmed Madoobe oo safar dibadeed u galay qorshe ka dhan ah dowladda Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho qaadan doonta dhowr cisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Axmed Madoobe ayaa Nairobi ka bilaabi doono qorshe culus oo ka dhan ah dowladda federaalka oo haatan ay si wayn isku hayaan, isaga oo dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ka sameynaya magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ujeedka ugu wayn ee Axmed Madoobe uu yahay la kulanka xubnaha beesha caalamka ee ku sugan halkaasi, isaga oo kala hadli doono xiisadda sii kululaaneyso ee kala dhexeyso madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo haatan kasii dartay, kadib Shirkii Golaha Wadatashiga ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu la kulmi doonaa madax ka tirsan dowladda Kenya iyo Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi, isaga oo kala hadli doono xaaladda cakiran ee Jubaland.

Khilaafka u dhexeeya Kismaayo iyo Muqdisho ayaa haatan yeeshay waji cusub, waxaana hadda si wayn looga dareemayaa gobolka Gedo oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen labada dhinac.

Gedo ayaa waxaa haatan ku gacan sarreysa dowladda dhexe, waxayna isku fidisay inta badan degmooyinka gobolkaas, marka laga reebo Doolow, waxaana ka howl-gala ciidanka xoogga dalka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay maamul ugu dhiseyso Jubaland, arrintaas oo sii xoogeystay kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu soo qaaday xiisadda taagan, waxaana lagu go’aamiyay in loo baahan yahay in sharci loo wajaho xaaladda Jubbaland.

Sidoo kale arrinka Jubaland ayaa waxaa loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

Dagaalka xooggan ee u dhexeeya labada dhinac ayaa muddo dheer soo socday, waxaana la xasuustaa fadeexaddii ka dhacday Raaskambooni oo lagu soo jabiyay ciidamada dowladda.

Al-Shabaab oo u weecatay diblomaasiyad iyo qorshe ay ku soo jiidaneyso shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib sannado ay awoodda ku hayeen cabsi gelin iyo rabshado, kooxda jihaad-doonka ah ee Al-Shabaab ayaa hadda u muuqata inay beddeshay istaraatijiyaddeeda, iyada oo isku dayaysa inay dib ugu soo ceshato saameynta ay ku lahayd Soomaaliya —iyadoo kasbaneysa qalbiyada iyo maskaxda shacabka.

Kooxdan oo horey loogu yaqiinay arxan darro iyo xagjirnimo, ayaa maamulkeedii deegaanada ay gacanta ku haysay lagu xasuustaa dilal dadweyne, gacmo-goyn, madax-jarid, iyo ciqaabo kale oo adag oo lagu fulin jiray iyadoo loo marayo fasiraad daran oo ka mid ah shareecada Islaamka.

Al-Shabaab waxay si joogto ah u baahin jirtay muuqaallo naxdin leh oo muujinaya madax-jarid iyo askar la tooganayo, si ay ugu cabsi geliso shacabka iyo ciidamada ammaanka. Ku lug yeelashada dowladda ama ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah waxa ay ka dhignayd dil sugan — ma aha oo kaliya shaqsiyaadka, balse mararka qaar guud ahaan bulshooyin dhan.

Hase yeeshee, kooxda ayaa lagu warramayaa in ay qaadaneyso qaab dhaqan cusub oo u eg mid dadweyne loo daneynayo, si ay ugu fidiso saameynteeda guud ahaan dalka. Sida ay sheegayaan falanqeeyayaal amni iyo ilo-wareedyo gudaha ah, Al-Shabaab waxay isku dayaysaa inay isu muujiso in ay tahay door kale oo suurtagal ah oo ka duwan dowladda federaalka, iyada oo soo rogeysa canshuuro hooseeya, nidaamyo maamul deegaaneed, iyo kala dambeyn muuqata meelaha aysan dowladda ka jirin ama aan ka shaqeynin si hufan.

“Way yareeyeen muuqaalladii xagjirka ahaa ee naxdinta lahaa ee aan horey u arki jirnay,” ayay tiri Samira Gaid, oo ah falanqeeye amni oo caan ah. “Meelo badan ayay isku dayayaan inay bulshada dhexgalaan, iyagoo adeegsanaya tanaasul xisaabsan iyo xakameyn istiraatijiyadeed si ay kalsooni u dhisaan.”

Halkii hore beel dhan loogu ciqaabi jiray eedeyn la xiriirta la-shaqeynta dowladda ama ciidamada, kooxda hadda waxay u oggolaaneysaa qaar ka mid ah beelaha inay hubkooda haystaan. Sidoo kale, waxay hoos u dhigtay heerka zakada ay qaaddo, waxayna u muuqatay mid dulqaad badan u leh dadka lagu tuhmay inay hore ula shaqeyn jireen dowladda.

“Marka laga reebo goobo dagaal sida Aadan Yabaal, waxay si xeeladaysan u qaateen tanaasul, si ay uga hortagaan iska caabin ballaaran oo ay dib ugu cusbooneysiiyaan sumcaddooda,” ayay tiri Gaid.

Isbeddelkan cusub wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay jirto firaaq amni oo sii fidaya. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wajahaya guul-darrooyin isdaba joog ah, gaar ahaan jiidaha dagaalka sida Aadan Yabaal. Inkasta oo maalgelin weyn laga helay beesha caalamka — gaar ahaan Mareykanka — haddana CXDS ayaa ku dhibtoonaya inuu xasiliyo guulaha la gaaray ama uu si buuxda u maamulo deegaannada lagu muransan yahay. Taageerayaashii caalamka ayaa hadda dib u eegaya ballanqaadyadooda, maadaama Soomaaliya ay u sii dhowaaneyso inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa dhawaan ka digay hoos u dhac ku yimid mushaarka ciidanka Soomaaliya, taasoo la xiriirta yaraanta taageerada dhaqaale ee ay haystaan. Wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ah in aysan jirin calaamado muujinaya xasillooni dhaw.

Dhanka kale, shir dhawaan ka dhacay Kampala oo ay isugu yimaadeen waddamada ciidamada u dira howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu soo jeediyay in la geeyo 8,000 oo askari oo dheeraad ah — xilli Qaramada Midoobay ay qorsheyneyso in la dhimo tirada ciidamada ATMIS, lana kordhiyo tababarka iyo qalabeynta CXDS.

“Hawlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee 2022 waxaa huriyay kacdoon dadweyne, balse weligiis uma uusan wareegin mid ciidan oo xirfadeysan,” ayay tiri Gaid. “Hoggaamiyeyaasha siyaasadda ayaa la wareegay, iyagoo dejiyay yoolal siyaasadeed oo ballaaran, balse aan la socon istiraatijiyad milatari oo dhab ah.”

Waxay intaas ku dartay in dhibaatooyin gudaha ah — sida saadka aan la isku halleyn karin, saraakiil aan waayo-aragnimo lahayn oo xilal muhiim ah loo dhiibay, iyo ciidamo tababar cusub ka baxay oo si deg-deg ah loo diray — ay wiiqeen hufnaanta hawlgallada.

Isbeddelka joogtada ah ee hoggaanka ciidanka ayaa sidoo kale carqaladeeyay sii wadidda qorshayaasha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidanka bishii Juun 2023, balse dib ugu soo celiyay xilkii bishii November 2024, iyadoo laga jawaabayay guuldarrooyin soo noqnoqday oo laga soo hooyay dagaallada.

In kasta oo dowladda federaalka ay qaaday tallaabooyin lagu bartilmaameedsanayo maalgelinta Al-Shabaab iyo joojinta marinada warbaahineed ee kooxda, haddana khubaradu waxay ka digayaan in dadaalladaas aysan ku filnaan doonin haddii istiraatijiyadda cusub ee kooxda ay kasbato taageerada bulshada.

“Tani ma aha isbeddel ku wajahan dhexdhexaadnimo,” ayay Gaid ku adkeysatay. “Waa xeelad istiraatijiyadeed oo ay kooxda doonayso inay si qoto dheer ugu dhex milmaan bulshada Soomaaliyeed. Iyagoo yareynaya cabsi gelinta, waxay isku muujinayaan inay yihiin hay’ad kale oo maamul — si ay dib ugu hantaan saameyntoodii hore.”

Iyadoo dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha, dhaliilayaal ayaa ka digaya in dowladda ay indhaha ka laabato halista weyn. “Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab laguma guuleysan karo siyaasadda oo keliya,” ayay tiri Gaid. “Waxa uu u baahan yahay istiraatijiyad ciidan oo la isku halleyn karo iyo qorshe mideysan oo lagu kasbado kalsoonida shacabka — kahor inta aysan Al-Shabaab helin.”

Xog: Mugdi hareeyey fulinta Heshiiskii Ankara iyo qodobo weli la isku mari la’yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Mugdi sii xoogeysanaya ayaa hareeyay mustaqbalka Heshiiskii Ankara, kaasoo ah hindise diblomaasiyadeed oo ay Turkigu garwadeen ka ahaayeen, lana saxiixay 12-kii December 2024, si loo gaaro heshiis dhammaystiran oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ka hor Juun 2025.

Inkastoo muddadaasi ay ahayd mid degdeg ah oo muhiim u ah gobolka, haddana labada dowladood midkoodna si cad ugama hadlin halka ay marayaan wadahadalladu, taasoo dhalisay tuhun xooggan oo muujinaya in geeddi-socodku hakad galay.

Heshiiska Ankara markii hore waxaa loo arkayay guul diblomaasiyadeed oo lagu qaboojiyay xiisaddii cirka isku shareertay ee u dhexeysay labada dal, kadib markii Itoobiya ay 1-dii Janaayo 2024 la saxiixatay Somaliland heshiis muran dhaliyay (MoU), kaasoo Itoobiya u oggolaanaya inay si toos ah uga faa’iidaysato dekedda Berbera.

Soomaaliya waxay heshiiskaas ku tilmaantay xadgudub cad oo lagu sameeyay madax-bannaanideeda. Si kastaba ha ahaatee, heshiiska Ankara waxba kama uu xusin MoU-gaasi — arrin hadda loo arko inay ka mid tahay khaladaadka weyn ee curyaamiyay hannaanka wadahadallada.

Khilaafka Badda Cas oo ah caqabadda ugu weyn

Ilo-wareedyo xog ogaal u ah wada-hadallada ayaa sheegay in qodobka ugu adag ee aan weli xal laga gaarin uu yahay diidmada cad ee Soomaaliya ee ku aaddan in Itoobiya si toos ah loogu oggolaado marin badeed oo Badda Cas ah.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa taa beddelkeeda soo jeediyay in Itoobiya loo oggolaado marin xaddidan oo ah deked ku taalla Badweynta Hindiya sida Hobyo ama Kismaayo — iyagoo ku dooday in taas lagu dabooli karo baahida Itoobiya ee saadka, iyada oo aan la waxyeelleyn madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Hase yeeshee, xitaa dalabkan ayaa la sheegay inuu yahay mid muran dhaliyay. Itoobiya waxay dooneysaa inay hesho xukun buuxa ama xuquuq hawlgal muddo dheer ah, halka Soomaaliya si adag u diiddan tahay in heshiis kasta lagu bixiyo wax ka dhan ah madax-bannaanideeda. Qorshaha Soomaaliya wuxuu dhigayaa in Itoobiya loo oggolaado inay isticmaasho ama kireysato dekedaha iyadoo si buuxda u hoos imaanaysa sharciyada iyo maamulada Soomaaliyeed.

“Ma jiro meel siyaasadeed oo Soomaaliya ka bannaan in Itoobiya lagu wareejiyo deked istiraatiiji ah ama dhul xeebeed muhiim ah,” ayuu yiri sarkaal sare oo Soomaali ah oo codsaday inaan la magacaabin, lana hadlay Caasimada Online.

“Shacabka si wayn ayay uga soo horjeedaan arrintaas. Haddii wax laga hadli karo, waa heshiis marin xaddidan ah oo muddo kooban soconaya, si buuxda uga hoos shaqeynaya dowladda Soomaaliya.”

Wadahadallada oo hakad galay iyo Turkiga oo aamusan

Ilo-wareedyo u dhow geeddi-socodka wada-hadallada ayaa tilmaamaya in hanaanku uu si tartiib ah u istaagayo. Inkastoo kulammo heer sare ah lagu qabtay Ankara iyo meelo kale, lama gaarin wax horumar la taaban karo.

“Wadahadalladu waxay u muuqdaan kuwo u badan dhinaca muuqaalka iyo xafladaha halkii laga filayay wax ka qabashada arrimaha dhabtaa,” ayuu yiri ilo-diblomaasiyadeed oo la hadlay Caasimada Online.

Aamusnaanta Turkiga — oo ah dalka martigeliyay wada-hadallada — ayaa sii kordhisay shakiyaasha, iyadoo Ankara aysan dhawaanahan bixin wax war ah oo ku saabsan halka ay marayaan wadahadalladu. Falanqeeyayaal ayaa rumeysan in aamusnaantaasi ay muujin karto niyad-jab ku yimid doorkii dhexdhexaadinta, ama in Turkigu uu dib u eegayo kaalintiisa dhexdhexaadnimo.

Khabiirro arrimaha gobolka ayaa uga digaya in fashilka wadahadalladani uu keeni karo cawaaqib halis ah oo saameyn ku yeesha Geeska Afrika oo durba ah mid xasillooni darro ka jirto. “Soomaaliya iyo Itoobiya waxay laf-dhabar u yihiin amniga gobolka,” ayuu yiri Dr. Axmed Ismaaciil, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan Muqdisho.

“Haddii geeddi-socodkani burburo, waxaa laga yaabaa inuu kiciyo xiisado hor leh, wiiqo amniga, isla markaana uu abuuro fursad cusub oo ay quwadaha shisheeye si toos ah saameyn ugu yeeshaan gobolka.”

Itoobiya, oo ah waddanka ugu dadka badan ee aan bad lahayn caalamka, ayaa muddo dheer raadineysay marinno badeed oo kala duwan. Ku tiirsanaanteeda Dekedda Jabuuti ayaa ku kalliftay inay baarto ikhtiyaarro kale, oo ay ka mid tahay heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay la gashay Somaliland. Soomaaliya dhankeeda, waxay u aragtaa damacyada Itoobiya ee badeedka — gaar ahaan kuwa aan sharciyeysnayn — inay khatar toos ah ku yihiin jiritaanka iyo midnimada qaran ee Soomaaliya.

Iyadoo mudda-xileedka Juun 2025 uu si dhakhso ah usoo dhowaanayo, isla markaana aysan jirin wax natiijooyin muuqda ah oo kasoo baxay bilo wadahadallo ah, ayaa la rumeysan yahay in rajadii laga qabay heshiiska Ankara ay sii yaraaneyso.

Cirro oo shaaciyay arrin ay ka caawinayaan DF haddii la aqoonsado Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro oo maanta khudbad ka jeediyay sannad-guurada 34-aad ee xuska 18-ka May ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaas iyo xaaladda Soomaaliya.

Ugu horreyn madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro ayaa ku faanay in Somaliland ay gaartay isku filnaan buuxda, isla markaana ay filayaan inay noqdaan qaran madax-banaan.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay guulaha waawayn ee ay gaareen, isaga oo xusay inay qabsadeen afti qaran iyo 8 doorasho oo ugu dhacday si nabad-gelyo ah.

“Maanta Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay buuxisay halbeeg kasta oo laga filayo Qaran madax-bannaan.  Waxa ay Jamhuuriyadda Somaliland qabsatay Afti Qaran, iyo 8 Doorasho, oo dhammaantood xukunka si aan turxaan lahayn oo qori isu-dhiib ah la isugu wareejiyey” ayuu khdubadiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, wuxuu soo hadal qaaday xaaladda dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in marka la aqoonsado ay Dowladda Federaalka ka caawinayaan sidii ay xal ugu heli lahayd dhibaatada haysata, ayna u noqon laheyd dowlad ka maran dhibaayooyinka.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale tilmaamay inay xog ogaal u yihiin wax ka khaldan Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin inay ka saxaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ku kalsoonahay Jamhuuriyadda Somaliland oo qaran madax banaan ahi inay wax badan ka qaban karto xal u helidda dhibaatada Soomaaliya haysata, waxa aan xog ogaal u nahay waxa ka khaldan dowladnimada Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Cirro.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay sii laba kacleysay xiisadda u dhexeysa Hargeysa iyo Muqdisho, kadib markii ay labada dhinac isku qabteen xaaladaha kasoo kordhay ee la xiriira deegaannada maamulka SSC oo ay aqoonsatay dowladda Soomaaliya.

Xog: Midowga Afrika oo ka fikiraya arrin xasaasi ah oo ku saabsan Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa si weyn ula daala dhacaya saameynta ka dhalatay dhaqaale yaraan soo wajahday howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, kaas oo illaa iyo hadda aan helin taageeradii loo baahnaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Midowga Afrika uu hadda ka fekerayo inuu yareeyo howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), haddii aan si degdeg ah loo helin maalgelin lagu taageero sii socoshada howlgalkan muhiimka u ah dalka Soomaaliya.

Warbixin lagu daabacay Crisis Group ayaa lagu sheegay in maalgelin la’aanta AUSSOM ay saameyn xooggan ku yeelatay howlgalkan cusub, islamarkaana ay si taban u saamaysay waddamada ay ciidamadoodu ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Ururka ayaa sidoo kale qorsheynaya in shirweyne weyn la qabto, kaas oo ka dhici doona Dooxa ama London, si dhaqaale loogu raadiyo howlgalka Soomaaliya, loogana hortago in kooxaha argagixisada — ee muddada dheer ay la dagaalamayeen — ay helaan fursado ay dib ugu xoogsadaan.

Sida la ogsoon yahay, howlgalka AUSSOM wuxuu beddel u yahay howlgalka ATMIS, kaas oo la filayo in si rasmi ah loo soo gebogabeeyo ka hor 30-ka bisha Juun ee sanadkan 2025.

Si kastaba ha ahaatee, tirada ciidamada AUSSOM ayaa la kordhiyay, balse weli waxaa jira caqabado la xiriira maalgelin oo hor taagan hirgelinta qorshahaas.

Qaraar horay uu u meel mariyay Golaha Ammaanka oo tirsigiisu yahay 2767 ayaa dhigaya in la sameeyo saddex ikhtiyaar oo lagu maalgelin karo AUSSOM, kuwaas oo midkood yahay in mas’uuliyadda si istiraatijiyadeysan loo wadaago, iyadoo u dhexeysa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Dhankiisa, Mareykanka oo weli ka caga jiidaya taageerada Midowga Afrika iyo saaxiibadiisaba ayaan weli soo bandhigin xalal dhaqaale oo wax ku ool ah, oo ka baxsan Qaraarka 2719.

Haddii xaaladdan ay sidaas ku sii socoto, waxa ay dhaawac weyn gaarsiin doontaa sumcadda iyo howlmaalmeedka AUSSOM, sida uu horay u sheegay madaxa howlgalka Taageerada Amniga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Sivuyile Bam, oo walaac xooggan ka muujiyay mustaqbalka howlgalka.

Fagaare ku yaalla Baydhaba oo maanta lagu toogtay…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Axmed Cabdullaahi Maxamuud ayaa maanta lagu fuliyay xukun toogasho ah fagaare ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, kaddib markii uu horay u dilay Abshir Xasan Cabdiraxmaan, oo ahaa wiil dhallinyaro ah.

Fulinta xukunka ayaa timid kaddib markii Maxkamadda Gobolka Baay ay ku riday xukun qisaas ah. Goobta lagu fuliyay xukunka ayaa ahayd meel fagaare ah oo si weyn loo ilaalinayay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka, maamulka degmada Baydhabo iyo dadweyne aad u fara badan.

Ehellada marxuumka la dilay ee Abshir Xasan Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa toogashada, iyaga oo muujiyay sida ay ugu qanacsan yihiin xukunka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in tani tahay tusaale caddaalad ah oo la tijaabinayo.

Xukunka lagu fuliyay Axmed Cabdullaahi Maxamuud ayaa yimid kaddib markii la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Baay, taasoo si buuxda u dhageysatay kiiska eedeysanaha. Maxkamaddu waxay sheegtay in uu dhacay dil ula kac ah, sidaas darteedna lagu xukumay qisaas toogasho ah.

Dilkii Abshir Xasan Cabdiraxmaan ayaa ka dhacay xafiis uu ka shaqeynayay gudaha magaalada Baydhabo, halkaas oo la sheegay in Axmed Cabdullaahi uu si toos ah ugu dilay marxuumka sababo aan si faah-faahsan loo shaacin.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa marar badan sheegay in ay la dagaallamayaan falalka dilalka ah iyo dambiyada culus, isla markaana cid kasta oo lagu helo dambiyo noocan oo kale ah lagu qaadi doono tallaabo sharci ah oo deg-deg ah.

Baydhabo ayaa dhowr jeer horay loogu fuliyay xukuno dil ah oo maxkamaddu ridday, kuwaasoo badankood ah qisaas la xiriira dad lagu helay dilal ula kac ah. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo caddaaladda iyo xasilloonida magaalada.

Sawirro: Somaliland oo si cajiib ah looga xusay 18 May – Maxaa ku cusub sanadkan?

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan deegaannada Somaliland ayaa waxaa maanta si weyn looga xusay sannad-guurada 34-aad ee munaasabadda 18-ka May, oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Munaasabadda dabaal-dega oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa magaalada Hargeysa uga qeyb-galay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, Madaxweynihii hore ee Muuse Biixi Cabdi, Madax hore, mas’uuliyiin kala duwan, diblumaasiyiin iyo wafuud ka kala socotay dalalka saaxiibka la’ah Somaliland.

Waxaa fagaaraha lagu soo bandhigay mahrajaanno xiiso leh oo lagu muujinayo xuska maalinta 18-ka May, ayada oo halkaas ay bandhig cajiib ah ka sameeyen ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Sidoo kale, waxay sanadkaan Somaliland kusoo bandhigtay xuskan cudud ciidan iyo saanad militeri oo Somaliland leedahay, iyada oo hay’adaha wax soo saar ee gudaha iyo degmooyinka caasimadduna soo bandhigeen wax soo saarkooda iyo horumarka ay sameeyeen.

Ciidamada kala duwan ee Somaliland sida militeriga, kamaandoosta, asluubta, ilaalada xeebaha, laanta socdaalka iyo booliska ayaa gaardis iyo gaaddo ka ciyaar farsamooyin ciidan ku dheehan yihiin fagaaraha kusoo bandhigay, kuwaasi oo uu halkaas salaan kaga qaatay madaxweynaha, iyada oo sidoo kalena ay ciidamada kala duwani soo bandhigeen gaadiid dagaal oo casri ah iyo saanad kale.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo halkaasi khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey ayaa wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada kala duwan iyo shacabka reer Somaliland, ee xuska maalinta 18-ka May, oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

“Maanta Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay buuxisay halbeeg kasta oo laga filayo qaran madax-bannaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay u qalanto inay hesho aqoonsi caalami ah.

Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirrada

Maxaa kasoo baxay kulanka dhex-maray FIQI iyo Thaabit Al-Cabaasi? + Sawirro

0

Baqdaad (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan magaalada Baqdaad ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq Thaabit Al-Cabaasi oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa saraakiil sare oo Ciraaqi ah, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga milatariga iyo wada-shaqeynta istaraatijiyadeed.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen arrimaha difaaca iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, si la isku dhaafsado khibradaha la dagaalanka argagixisada.

Thaabit Al-Cabaasi oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday in khibradooda militeriga la wadaagi doonaan Soomaaliya, isaga oo xusay in labada dal ay soo mareen dagaallo duruufo isku mid ah oo ka dhashay dagaallo sokeeye oo ay ku dhex jireen muddo dheer.

Dhiniciisa wasiirka difaaca Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hadalka qaatay ayaa uga mahadceliyay dowladda Ciraaq martigelinta iyo soo dhaweynta heerka sare ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay danaynayso dhisidda iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah oo u dhexeeya labada wadan.

Fiqi ayaa qayb ka ah wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo dalkaas uga qayb-galay Meertada 34-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda  Carabta oo ka qabsoomay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, halkaas oo uu madaxweynuhu ka jeediyay khudbad wax ku ool ah oo uu kaga hadlay xaaladda dalka, mowqifka Soomaaliya ee arrimaha gobolka iyo Carabta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xoogga saaray mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, isaga oo caddeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka reer Falastiin, gaar ahaan xilligan adag ee ay la kulmayaan duullaanka iyo gabood-fallada ka socda Marinka Qasa.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in la dhiso dowlad madax banaan oo ay leeyihiin shacabka reer Falastiin, xarunteeduna ay tahay magaalada Qudus.

“Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna; Soomaali ahaan, waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna ay tahay magaalada Quddus” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Si kastaba ha’ahaatee, Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa haatan daneynaya in ay sare u qaadaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo tababarka Ciidanka milatariga, waxaana dhowaan arrimahaas Muqdishi u yimid wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Al-Shabaab pivots to soft power in bid to regain influence

MOGADISHU, Somalia — After years of ruling through fear and violence, the jihadist group Al-Shabaab appears to be adopting a new strategy aimed at regaining influence in Somalia—not through terror, but by winning hearts and minds.

Once infamous for its brutal enforcement of extremist ideology, Al-Shabaab’s reign in areas under its control was marked by public executions, amputations, beheadings, and harsh punishments meted out under a rigid interpretation of Islamic law.

The group regularly broadcast gruesome propaganda videos depicting beheaded captives and executions of soldiers to terrorize both civilians and security forces. Cooperation with the government or international peacekeepers often meant death, not just for individuals, but for entire communities.

But in a notable shift, the group is now pursuing a more subtle, populist approach to expanding its foothold across Somalia. According to security analysts and local sources, Al-Shabaab is increasingly presenting itself as a viable alternative to the federal government, offering reduced taxes, local governance, and a semblance of order in regions where state institutions are absent or ineffective.

“They’ve significantly reduced the kind of graphic propaganda we used to see,” said Samira Gaid, a prominent Somali security analyst. “In many areas, they are now attempting to blend into local communities, using measured concessions and strategic restraint to build trust.”

Instead of punishing entire clans for alleged collaboration with security forces, the group is now allowing some communities to retain their weapons. It has also lowered its ‘zakat’ taxation levels and shown leniency toward individuals previously suspected of working with government entities.

“Except in flashpoints like Aadan Yabaal, they’re making deliberate compromises—aimed at reducing resistance and rebranding their image,” Gaid said.

This change in posture coincides with a broader security vacuum. The Somali National Army (SNA) has suffered repeated setbacks on key frontlines, most notably in Aadan Yabaal. Despite significant international investment—led by the United States—the SNA has struggled to sustain gains or assert lasting control in contested areas. International donors are now reassessing their funding commitments, especially as Somalia inches closer to taking full responsibility for its security.

UN Secretary-General António Guterres recently warned of declining salaries for Somali troops amid shrinking financial support. He also expressed concern that there is no clear indication of stability on the horizon.

Meanwhile, a recent summit in Kampala between African Union troop-contributing countries proposed deploying 8,000 additional peacekeepers, even as the UN plans to scale down ATMIS forces and shift focus to training and equipping Somali troops.

“The initial anti-Al-Shabaab offensive in 2022 was sparked by civilian resistance, but it never transitioned into a professional, military-led operation,” said Gaid. “Instead, political leaders took control, setting broad political goals without backing them up with a coherent battlefield strategy.”

She noted that internal issues—such as unreliable supply lines, the appointment of inexperienced commanders, and the rushed deployment of newly trained troops—have undermined operational effectiveness. Leadership reshuffles have also disrupted continuity. President Hassan Sheikh Mohamud dismissed the army chief in June 2023, only to reappoint him in November 2024 amid mounting battlefield losses.

While the federal government has taken steps to counter Al-Shabaab’s financing and block its online propaganda channels, analysts warn that these efforts may fall short if the group’s new strategy gains traction with local populations.

“This isn’t a move toward moderation,” Gaid cautioned. “It’s a tactical pivot designed to embed the group more deeply within Somali society. By reducing fear and presenting themselves as an alternative authority, Al-Shabaab is attempting to reclaim its influence from the inside out.”

With political attention increasingly focused on internal power struggles, critics say the government risks losing sight of the bigger picture. “The war against Al-Shabaab can’t be fought with politics alone,” Gaid said. “It requires a credible military strategy and a coordinated plan to win public support—before Al-Shabaab does.”

Xog: Xasan iyo Xamza oo dhisaya R/Wasaare ku-xigeen 3-aad + Cidda la siinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynaya in uu magacaabo Ra’iisul Wasaare ku xigeen 3-aad, kaas oo la siinayo Daarood, gaar ahaan beesha Majeerteen.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay in hadda uu aqbalay qorshe lagu balaarinayo xukuumadda oo markii ugu horeysay yeela doonta seddax Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo 28 Wasiir.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh loo balan qaaday in laga dhigayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 3-aad ee xukuumadda Soomaaliya.

Kursiga Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hadda uu Cali Xoosh ku fadhiyo waxaa la qorsheynayaa in lagu qanciyo Xildhibaan Cabdilafiid Sanyare oo Majeerteen, Cumar Maxamuud ka ah, maalmahaana mucaarad ku ahaa xukuumadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tallaabadan u aqbalay si uu u qanciyo saaxibada Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka carooday inuu waayo xilka Guddoomiyaha Xisbiga cusub ee Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Qorshihii markii hore lagu dhisay Xisbiga JSP ayaa ahaa in Ra’iisul Wasaare Xamse uu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga, balse doodo siyaasadeed oo gadaal ka yimid ayaa sababay in guddoomiyaha xisbiga loo daayo Madaxweynaha, lana sameeyo ku xigeenno afar ah oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Xamsa.

In Ra’iisul Wasare ku xigeenka 3-aad lagu soo kordhiyo xukuumadda ayaa ka dhigan isbeddel weyn oo ku dhacaya qaab-dhismeedka xukuumadda oo sannadihii la soo dhaafay lahayd hal Ra’iisul Wasaare ku xigeen.

Waxaa la xusuustaa in markii ugu dambeysay oo sidaan oo kale tirada ku xigeenada loo badiyey xiligii xukuumadihii ku meelgaarka oo illaa saddex Ra’iisul Wasaare ku xigeen la gaarsiiyey.

Qorshahaan cusub ayay dadka siyaasadda falanqeeya u arkaan inuu qeyb ka yahay jaha-wareerka iyo dookh-xumada Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo dhammaan xubnihii la isku shaandheeyey dhowrkii bilood ee kasoo dhaafay xubnihii xukuumadda horay ugu jira oo fikrado cusub aan keeni karin.

Xogta askari xabad dhashiike ku dilay taliyihii guutadiisa – Maxaa ka dhacay Hiiraan?

Moqokori (Caasimada Online) – Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa galabta toogtay taliyihii guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga G/Sare Cabdiraxmaan Xujaale, dilkaas ayaa ka dhacay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, wax yar ka hor salaadii Maqrib.

Mabaax waa deegaan u dhaxeeya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan iyo Degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas waxay ciidanku kula dagaalameen kooxda Al-Shabaab, kadibna waxaa dhacay dilka Taliyaha.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabkii loo dilay Taliyaha, waxaana xubno goobjoogayaal u sheegeen Caasimada Online inuu dilay askari ka tirsan ciidanka, kaas oo ku dhuftay xabad Dhashiike.

Sababta Taliyaha loogu dhuftay xabadaas waxay dadka qaar ku sheegeen in askarigu uu ku mashquulsanaa cilad-bixinta qorigaas, isla markaana ay ka fakatay xabadda ku dhacday Taliyaha.

Dagaal soo bilowday maanta duhurkii ayey ciidanku ka soo baxeen wax yar ka hor markii la dilay Taliye Cabdiraxmaan Xujaale, waxaana ciidanka la isugu goob banaanka ka ah deegaanka Mabaax, halkaas ayaa lagu toogtay Taliyaha.

Askarigii dilka geystay ayaa lasoo xiray, wuxuuna sheegay in xabadu uga fakatay Taliyaha oo ku talagal uusan u toogan, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo ka tirsan ciidanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dagaalkaas ka sheegatay guul, balse wararka aan helnay waxay sheegayaan in maanta lagu jebiyey dagaalka, kadib markii looga hor tegay meel aysan ka filaneyn ciidanka.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer isku soo abaabulay inay qabsadaan Mabaax, Moqokori iyo deegaano kale oo muhiim ah, balse waxaa jilibka dhigtay oo taas ka hor istaagay macawiisleyda deegaanka iyo ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Hiiraan.

Kooxda oo qabsatay qeybo badan oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa hadda u jeesatay sidii ay u qabsan laheyd Hiiraan, balse waxay jab culus kala kulmeen dadka reer Hiiraan oo diiday inay fursad siiyaan cadowga.

Ilo wareedyo noo waramay waxay sheegeen in Shabaab ay hadda quusteen oo qarka u saaran yihiin inay iska dhaafaan Hiiraan oo fooda ay geli waayeen, kuna dhamaadeen weerarro ay isku dayeen inay ku qabsadaan deegaano ka tirsan gobolkaas.

Quus: Xaalka dhalinyarada ee 2025 – Qeyb tahriibeysa iyo kuwo qoranaya ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ah xaaladda ayaa ku sii adkaaneysa, waxayna u qeybsameen labo garab oo kala ah, qeyb dalka ka Tahriibeysa iyo qeyb ciidanka qoraneysa.

Hadii aan ku hormarno kuwa ciidamada qaranka qoranaya, maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada lasoo dhigay muuqaal laga dhuubay dhalinyaro aad u badan oo feyl ugu jirta inay ciidanka xoogga dalka qortaan.

Boqolaal wiil oo 20 jirro ah ayaa feylal dhaadheer maalin kasta u gala xeryaha dowladda Soomaaliya ay ku qorato ciidamada, halkaas waxaan ogaanay in dhalinyarada iska xaadirisa ay u badan yihiin kuwo soo dhameystay waxbarashada, kadibna waayey shaqooyin kale.

Inta badan dhalinyaradaan waxay cadeeyeen inay shaqo ka soo waayeen shirkadaha iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, hey’adaha kale ee dowladana sidoo kale, taasi oo ku kaliftay inay ciidamada qaranka qortaan.

Dhalinyarada ciidamada qoraneysa waxay subax kasta feylo u galaan xeryo aysan uga horeyn qof ay garanayaan, wax macluumaad ahna aysan ka oolin, marar badan waxaa dhacday in kooxda Al-Shabaab ay ku qarxisay banaanka hore ee xeryaha laga qorto ciidanka, iyagoo feyl ku jira.

Waa kuwa ugu nasiibka badan dhalinyarada qaadatay go’aanka ay ku qoranayaan ciidamada qaranka oo dalkooda ayey u shaqeynayaan, balse dhinaca kale dhalinyaro asaagood ah ayaa maalin kasta ka tahriibeysa dalkooda Soomaaliya.

Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey Soomaaliya waxay kamid noqotay wadamada ugu tahriibka badan, qulqulka dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibeysa ayaa is heysta Yurub, Afrika, badaha waaweyn ee halista badan iyo qaarado kale.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa lasoo duubay muuqaalo quus ah, dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalkooda ka tahriibay, qaarkood waxay ku dhinteen saxaraha, qaarba ku dhintay badaha, halka kuwo kalena ay galeen xabsiyo iyo gacmaha kooxo magefayaal ah.

2025 oo la aaminsanaa in laga soo kabtay xaaladihii adkaa ee Soomaaliya ay soo martay waxaa ka sii dareysa rajo xumada ay qabto dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ah, intaas waxaa dheer, in dhalinyarada qaar ay ka barbar dagaalamayaan kooxaha argagixisada ah ee ka soo horjeeda dowladda.

Afar sano oo kasta waxaa lasoo dhisaa dowlad cusub, waxaana dhexda looga jiraa musuq, khilaaf, adeeg xumo, boob, eex iyo xaalado liita oo ka soo bilowda doorashooyinka boobka ah, taasina waxay keentay isla xisaabtan la’aan iyo fashil dowladnimo oo dalkaan uu dhexda uga jiro, taasi oo rajo beel dhigtay dhalinyarada.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Gedo – Yaa ku gacan sarreeya DF iyo Jubaland?

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah oo u dhexeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ay ka taagan tahay gobolkaasi, iyada oo ay labada dhinac isku hayaan maamulka.

Dowladda Federaalka ayaa haatan ku gacan sarreysa Gedo, waxayna isku fidisay inta badan degmooyinka gobolkaas, marka laga reebo Doolow, waxaana ka howl-gala ciidanka xoogga dalka.

Afhayeenka gobolka oo wareysi siiyay Radio Kulmiye ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay maamuleyso gobolka, isaga oo meesha ka saaray in wax Jubaland la yiraahdo ay ka jiraan Gedo.

“Garbahaarey iyo guud ahaan gobolka Gedo intaba wax ciidan Jubaland la yiraahdo oo ka amar qaato Axmed Madoobe ma joogaan cidda sheegtana waa cid been u bareertay. Gobolkan waxaa ku sugan ciidamada qalabka sida qaybahaooda kala duwan, sida Nab-sugidda, Booliska iyo Mialatariga, iyaga ayaana ammaanka gacanta ku haya,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa ka amar qaata Jubaland ay isku horfadhiyaan degmada Garbahaarey, arrintaas oo uu ku tilmaamay waxba kama jiraan iyo warar lasoo dhoo dhoobay.

“Wax ciidan iska hor iska soo horjeedo iyo ciidan is horfadhiyo oo jiro habayaraatee ma jiraan,”  ayuu mar kale yiri afhayeenka maamulka gobolka.

Waxaa kale oo uu farriin u diray reer Gedo, isaga oo ka digay in lasoo abaabulo falal liddi ku ah amniga, laguna qalqal-gelinayo gobolka.

“Ciddii qalqal iyo siyaasado is diidan abuureyso, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore Dowladda Soomaaliya ay xirtay odayaal dhaqameedyo ku sugnaa magaalada Garbahaarey, kuwaas oo taageeray maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, inkastoo markii dambe wada-hadal lagu sii daayay.

Xaaladda Gedo ayaa weli qasan, waxaana sii laba kacleysay, kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagageeyay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu go’aamiyay in loo baahan yahay in sharci loo wajaho xaaladda guud ee Jubbaland.

Xaaladda Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.