27.2 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Maxaa kasoo baxay kulankii mucaaradka iyo Beesha Caalamka? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya, kaas oo ka daray todobaadyadii ugu dambeeyay, kadib markii ay tallaabooyin ay qaadeen labada dhinac.

Xubnaha kala ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Cabdiraxmaan Caynte ayaa kulankan ku metalay mucaaradka, iyada oo labada dhinac ay isla meel dhigeen sidii xal degdeg ah loogu keeni lahaa khilaafka weli ka jira dalka, si aanay uga sii darin xaaladda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wakiilada kulanka ka qayb-galay iyo mucaaradka ayaa isla gartay in lama huraan ay tahay xalinta buuqa ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah oo muddo dheer khilaaf uu ka taagnaa.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay socdaan wada-hadallo jawi hoose ah oo uu garwadeen ka tahay dowladda Turkiga, kuwaas oo lagu dhex-dhexaadinayo Villa Soomaaliya iyo mucaaradka oo dhawaan ku dagaalamay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in haatan xubnaha mucaaradka ay sidii hore kasoo dhawaadeen, isla markaana ay aqbaleen ka qayb-qaadashada wada-hadallada uu hormuudka u yahay Turkiga oo haatan ah saaxibkaa 1-aad ee Soomaaliya.

Dadaalladan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay sii laba kacleyneyso xiisadda u dhexeysa labada dhinac oo dagaal ka dhalisay magaalada Muqdisho, kadib iska hor imaadyo hubeysan oo dhawaan ku dhex-maray degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo la gaaro xilliga kala guurka waxaa is qabta siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo marar badan qaaday tallaabooyin iska soo horjeeda oo halis gelin gaaray dowladnimada curdunka ee Soomaaliyeed.

Guddiga doorashada oo degdeg uga jawaabay cabashada musharaxiinta K/G, soona saaray 3 qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa degdeg uga soo jawaabay cabashada musharaxiinta qaar ka muujiyeen doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga oo soo saaray war-saxaafadeed uu cinwaan uga dhigay “jawaab celinta cabashada musharaxiinta” ayaa wuxuu ku sheegay inuu diyaariyay ciidamo gaar ah oo ka madax-bannaan dhamaan musharraxiinta u tartamaya xilka hoggaamiyaha maamulka.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inuu diyaariyay goob dhex-dhexaad ah oo ka madax-bannaan dhamaan musharraxiinta, ayna u wada siman yihiin imaanshaheeda, si waafaqsan qodobka 74-aad farqadiisa 2-aad ee sharciga doorashooyinka.

“Guddiga waxa uu ku wargelinayaa xildhibaannada in ay reeban tahay in ilo xirka codbixinta (voting booth) lala galo mobile iyo wixii la mid ah si loo ilaaliyo qarsoodiga codka si waafaqsan qodobada 3-aad iyo 56-aad ee sharciga doorashooyinka sharci Lr. 28-2024,” ayuu guddiga ku yiri war-saxaafadeedka.

Guddiga ayaa ku wargeliyay xildhibaannada codkooda dhiibanaya inay u hogaansamaan sharciga codkoodana u dhiibtaan si qarsoodi ah, kana fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara qarsoodi ahaanshaha codka.

Jawaabta guddiga doorashada ayaa imanaysa xilli musharraxiinta hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Prof. Jawaari) ay qaadaceen hanaanka wax u socdaan, xilli qorshuhu yahay inay doorashadu dhacdo maalinta berri ah.

Labada musharax ayaa sheegay in aysan ka qeyb-geli doonin doorashada maamulkaas illaa uu xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iska casilo musharrax Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Sidoo kale waxay sheegeen in tartanka doorashadu uu u baahan yahay jawi ku dhisan cadaalad iyo sinaan, iyagoo muujiyey walaac ku saabsan in musharrax xil qaran haya uu isla markaana u tartamayo hoggaanka Koonfur Galbeed.

Waxay sheegeen in aanay suurtagal ahayn in si siman loola tartamo musharrax haya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, maadaama uu weli ka tirsan yahay hay’adaha dowladda federaalka.

Shariif iyo musharax kale oo dalbaday inuu is-casilo Aadan Madoobe

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Musharraxiinta hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Prof. Jawaari) ayaa shaaciyey in aysan ka qeyb-geli doonin doorashada maamulkaas illaa uu xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iska casilo musharrax Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Labada musharrax ayaa sheegay in tartanka doorashadu uu u baahan yahay jawi ku dhisan cadaalad iyo sinaan, iyagoo muujiyey walaac ku saabsan in musharrax xil qaran haya uu isla markaana u tartamayo hoggaanka Koonfur Galbeed.

Waxay sheegeen in aanay suurtagal ahayn in si siman loola tartamo musharrax haya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, maadaama uu weli ka tirsan yahay hay’adaha dowladda federaalka.

“Waxaan u baahan nahay musharrax aan siman nahay. Qof xil qaran haya lama tartami karno,” ayay ku yiraahdeen hadal ay si wadajir ah u soo saareen.

Shariif Xasan iyo Prof. Jawaari ayaa sidoo kale tilmaamay inay aqbaleen nidaamka doorashada qof iyo cod, inkastoo ay sheegeen inay jiraan arrimo badan oo u baahan dib-u-habeyn.

Waxay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay si muuqata u taageereyso hal musharrax, iyagoo ugu baaqay dhinacyada ay khuseyso in la saxo qodobbada ay tabanayaan, si loo helo doorasho lagu wada kalsoonaan karo.

Dalabka musharraxiinta Shariif Xasan iyo Cabdicasiis Jawaari ayaa imanaya xilli guddiga doorashooyinka uu qorsheynayo inuu maalinta berri ah qabto doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashadan ayaa imaneysa kadib markii la soo dhisay baarlamaankii 3-aad ee Koonfur Galbeed, kaas oo ku yimid hannaanka doorashada qof iyo cod. Hannaankaas ayaa si weyn uga horyimid siyaasiyiinta mucaaradka ah, iyo sidoo kale maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Villa Somalia oo markii ugu horeysay ka hadashay dagaalladii ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii dhawaan magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsanaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay ku jiraan Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Aadan Cali Xadaana ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay ka xun tahay rabshadihii dhacay, isaga oo xusay in dowladda ay hore u oggolaatay in mucaaradku qabtaan dibadbaxyo nabadeed oo lagu asteeyay goobo cayiman, si loo ilaaliyo amniga shacabka iyo ka-qaybgalayaasha isu-soo-baxyada.

Afhayeenka ayaa ku eedeeyay mucaaradka inay ka baxeen qorshihii lagu heshiiyay, isla markaana ay goobaha dibadbaxyada la yimaadeen hub culus, arrintaas oo uu sheegay inay sababtay faragelinta hay’adaha amniga.

Sidoo kale wuxuu difaacay tallaabada ay qaadday dowladda, isaga oo sheegay in lagu dhaqmay xeerka xakamaynta hubka ee ay hore u ansixiyeen Golaha Wasiirradu. Sida uu sheegay, dowladda waxaa waajib ku ahaa inay ka hortagto hub lagu dhex wato magaalada Muqdisho.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u fasaxday inay dibadbaxyo ku qabtaan goobo loo cayimay, balse arrintaas waxay u rogeen in hub waaweyn loola soo baxo. Dowladdu gacmaha kama laabanayso arrintaas, waxaana la dhaqangelinayay xeerka xakamaynta hubka oo ay xukuumaddu ansixisay,” ayuu yiri Xadaana oo wareysi siiyay BBC-da.

Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa si cad u diidday eedeymaha uga yimid mucaaradka, kuwaas oo dowladda ku eedeeyay inay mas’uul ka ahayd iska horimaadyadii dhacay. Dowladda ayaa ku adkaysatay in tallaabooyinkii la qaaday ay ahaayeen kuwo lagu sugayay amniga caasimadda.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay toddobaadkan soo bandhigeen hub ay sheegeen inay ku qabteen howl-gallo hub uruurin ah oo laga fuliyay degmooyinka Cabdicasiis iyo Howl-wadaag, kuwaas oo ka mid ahaa goobihii ay ka dhaceen iska hor-imaadyada u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.

DF oo shaacisay inay fashilmeen dadaallo xal loogu raadinayay arrinta Garsoore Cartan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka hadashay caqabadihii uu la kulmay garsoore Cumar Cartan, oo qorshuhu ahaa inuu ka qeyb-galo garsoorka ciyaaraha koobka adduunka ayaa sheegtay inay fashilmeen dadaallo xal loogu raadinayay arrintan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay si weyn uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan uu ka baaqdo ka qeyb-galka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee hadda ka socda dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dadaallo ay sameysay wasaaradda oo kaashaneysa wasaaradda arrimaha dibadda iyo madaxtooyadda ay suurta-gelin in xal laga gaaro arrinta Garsooraha.

“Nasiib darro, inkastoo dadaalladaas xooggan la sameeyay, ma suuragelin in xal laga gaaro. Garsoore Cumar Cartan wuxuu tusaale muuqda u yahay kartida, adkeysiga, iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, waxayna sii wadi doontaa taageerada horumarintiisa xirfadeed iyo ka qeyb-galka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee hadda ka socda Dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico.

Kadib markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira
ogolaanshaha gelida dalka Mareykanka (Entry Denied), Wasaaraddu iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay sameysay dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood ballaaran oo lala yeeshay Dowladda Mareykanka iyo hay’adda FIFA si xal degdeg ah loogu helo arrintan.

Nasiib darro, inkastoo dadaalladaas xooggan la sameeyay, ma suuragelin in xal laga gaaro. Garsoore Cumar Cartan wuxuu tusaale muuqda u yahay kartida, adkeysiga, iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guulihiisa caalamiga ahaa waxay sharaf iyo sumcad u yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna caddeynaysaa in caqabadaha iyo duruufaha adag ee dalka ka jira aysan hor istaagin in dhalinyarada Soomaaliyeed ay gaaraan heerar sare oo caalami ah.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, waxayna sii wadi doontaa taageerada horumarintiisa xirfadeed iyo ka qeybgalka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay u mahadcelineysaa shacabka Soomaaliyeed, bahda ciyaaraha iyo dhammaan dadka muujiyay garab istaagga, dhiirrigelinta iyo taageerada ay u muujiyeen Garsoore Cumar Cartan.

Israel oo la sheegay in ay ku dhex milantay DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Zakaria Maxamuud Xaaji ayaa sheegay in Israa’iil ay “si qoto dheer” u dhexgashay hay’adaha iyo go’aannada siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo mas’uuliyadda koowaad dusha ka saaray Soomaalida laftooda iyo hoggaanka siyaasadeed ee dalka.

Zakaria, oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Egypt Independent, ayaa sheegay in kala qeybsanaanta gudaha, nidaamka siyaasadeed ee jilicsan iyo maqnaanshaha barnaamij qaran ay Soomaaliya ka dhigeen dal u nugul faragelin shisheeye.

“Israa’iil waxay si qoto dheer u dhexgashay hay’adaha Soomaaliya, waxayna saameyn ku yeelatay go’aanka siyaasadeed ee Soomaalida,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in arrintaas aysan ku imaan awood shisheeye oo keliya, balse ay sahleen khilaafaadka Soomaalida, tabar-darrida hay’adaha dowladda iyo hoggaan uu ku tilmaamay mid aan dalka u horseedin heshiis siyaasadeed oo qaran.

“Mas’uuliyadda koowaad waxay saaran tahay Soomaalida laftooda, taas ayaana sahashay kala dhantaalidda,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu noqday mid ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan siyaasadda Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Israa’iil ayaa 26-kii December 2025 si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, taas oo ka dhigtay dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay sheegatay inay ka go’day Soomaaliya 1991-kii.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tallaabadaas ku tilmaantay weerar ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka. Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku adkeystay inuusan aqoonsaneyn Somaliland, isagoo sheegay in midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin mabda’ aan laga leexan karin.

Aqoonsiga Israa’iil ayaa sidoo kale cambaareyn xooggan kala kulmay dalal Carab, Muslim iyo Afrikaan ah, kuwaas oo ka digay in tallaabadaas ay sii hurin karto xiisadaha Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Zakaria ayaa sheegay in arrinta Somaliland ay muujineyso sida Soomaaliya ugu baahan tahay dib-u-habeyn siyaasadeed oo qoto dheer, midnimo qaran iyo dowlad dhexe oo awood u leh inay ilaaliso dhulkeeda, baddeeda iyo go’aankeeda siyaasadeed.

Wuxuu si adag u dhaliilay nidaamka federaalka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay mid “si musiibo ah u fashilmay.” Sida uu sheegay, Soomaalidu waa dad mideysan dhaqan ahaan, diin ahaan iyo luqad ahaan, balse dhibaatadu waxay ka dhalatay hoggaan xumo iyo nidaam siyaasadeed oo aan lagu dhisin heshiis qaran oo dhab ah.

“Nidaamka federaalka si musiibo ah ayuu u fashilmay,” ayuu yiri. “Shacabka Soomaaliyeed waa mideysan yahay dhaqan ahaan, diin ahaan iyo luqad ahaan. Dhibaatadu kuma jirto shacabka, waxay ku jirtaa kuwa hadda talada haya.”

Zakaria ayaa sheegay in Soomaaliya muddo 36 sano ah aysan yeelan dowlad hay’adeed oo dhab ah, balse weli ay jiraan waxyaabo xooggan oo isku haya dadka Soomaaliyeed. Wuxuu ku baaqay in la sameeyo midnimo qaran oo degdeg ah, doorashooyin caddaalad ah iyo isbeddel siyaasadeed oo ka baxsan hoggaanka hadda jira.

“Shacabka Soomaaliyeed iyo xoogagga siyaasadeed ee qaranka waa inay qaataan mas’uuliyadda, iyagoo sameynaya midnimo qaran oo degdeg ah, doorashooyin caddaalad ah, kana gudbaya hoggaanka siyaasadeed ee hadda jira,” ayuu yiri.

Wuxuu ugu baaqay dalalka Carabta inay si firfircoon uga qeyb qaataan xallinta dhibaatada Soomaaliya, isagoo sheegay in maqnaanshahooda uu fursad siinayo dalal kale oo dano istiraatiiji ah ka leh Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Zakaria ayaa ka digay in haddii Soomaaliya aysan si degdeg ah u xoojin midnimadeeda gudaha, aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo xiriirrada ku xiga ay sii kordhin karaan khatarta kala go’a dalka iyo saameynta shisheeye ee siyaasadda Soomaaliya.

FIFA oo si quus leh uga hadashay soo celinta Garsoore Cartan ee Mareykanka

0

Ankara (Caasimada Online) – Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) oo ka fal-celiyay caqabadihii uu la kulmay garsoore Cumar Cartan, kaas oo qorshuhu ahaa inuu ka qeyb-galo garsoorka ciyaaraha koobka adduunka ayaa sheegay in uusan waxba u qaban karin Cartan.

FIFA ayaa si cad u sheegtay in arrinta Cartan aysan awoodin inay wax ka qabato, ama kala hadli karin dowladda Maraykanka, maaddama dowladaha martigelinaya dadka soo galaya dalalkooda ay mas’uul ka yihiin arrimaha socdaalka.

Cartan oo ku safrayay baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya ayaa laga soo celiyey garoonka diyaaradaha magaaalada Miami ee dalka Mareykanka.

Garsooraha ayaa waxaa shalay dib loogu celiyay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Dhacdadan ayaa dhalisay falcelin xooggan iyadoo bulshada Soomaaliyeed si weyn uga caroodeen in garsoore heer caalami ah loo diido gelitaanka Mareykanka, xilli uu u socday howl rasmi ah oo la xiriirta ciyaaraha adduunka.

Qaar kamid ah dadka falanqeeya arrimaha isboortiga iyo siyaasadda ayaa sidoo kale dhaliilo u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inay ka gaabisay taageerada iyo dabagalka arrinta Cartan, maadaama uu ku safrayay baasaboorka diblomaasiga ah.

Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa ku guulaystay garsooraha ugu fiican ee qaarada Afrika sannadkii 2025, waxaana billadaas guddoon siiyay xiriirka kubadda cagta ee Afrika (CAF).

Si kastaba, arrintan oo loo arkayay mid astaan u noqon karta horumarka garsoorka Soomaaliyeed ee ka qayb-galka tartamada heerka caalami, ayaa waxaa soo afmeeray qawaaniinta adag ee safarka ee Mareykanka.

Dhacdadan ayaa tusaale cad u ah qiimaha iyo halka qofka Soomaaliga ah ee sita baasaboorka Soomaaliya ah uu ka joogo caalamka iyo sida loogu arko in uu yahay qof qiimo, dawlad iyo damaanad midna aan lahayn.

Maamulka Donald Trump oo dhalashada kala laabanaya Soomaaligii ugu horreeyey

Minneapolis (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo degan gobolka Minnesota ayaa ka mid noqday 17 qof oo dowladda Mareykanka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Donald Trump ay dooneyso in lagala noqdo dhalashada Mareykanka, taas oo qeyb ka ah olole cusub oo Washington ay ku ballaarineyso kiisaska ka xayuubinta muwaadinimada dadka dhalashada qaatay.

Abdikadir Kadiye, oo 54 jir ah, ayaa wajahaya dacwad madani ah oo uu gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha federaalka ee gobolka Minnesota. Dacwadda ayaa ku eedeyneysa inuu si sharci-darro ah ku helay dhalashada Mareykanka, isla markaana uu qariyay xog muhiim ah markii uu ku jiray hannaanka jinsiyadda.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in Kadiye uu 1997-kii isku dayay inuu dalka ku soo galo aqoonsi kale, isagoo markii hore sheegay in magaciisu yahay Liban M. Degel. Sida ku cad dacwadda, wuxuu markaas sheegay inuu xaas leeyahay balse uusan carruur lahayn.

Codsigaas ayaa la sheegay in garsoore socdaal uu diiday. Dacwadda ayaa intaas ku dartay in Kadiye uu sanadkii xigay, 1998-kii, gudbiyay codsi kale oo uu ku isticmaalay magaca Abdikadir Kadiye.

Saraakiisha Waaxda Caddaaladda ayaa sidoo kale sheegay in Kadiye uu mar u sheegay sarkaal ka tirsan ilaalinta xuduudaha Mareykanka inuu isticmaalay laba aqoonsi intii uu ku jiray hannaanka lagu oggolaanayay inuu dalka galo.

Dacwaddan ma aha xukun dembi, Kadiye ayaana xaq u leh inuu maxkamadda iska difaaco. Hase yeeshee, haddii dowladda Mareykanka ay ku guuleysato kiiska, wuxuu waayi karaa dhalashada Mareykanka, taas oo dib ugu celin karta xaaladdii socdaal ee uu lahaa ka hor inta uusan muwaadin noqon.

Sharciga Mareykanka ayaa dowladda u oggolaanaya inay maxkamad ka dalbato in dhalashada lagala noqdo qof ku dhashay dal kale oo Mareykan noqday, haddii ay caddeyso inuu muwaadinimada ku helay khiyaano, xog qarin, ama been uu ka sheegay codsigiisa.

Kiisaska noocan ah ayaa muddo dheer ahaa kuwo aad u yar, sababtoo ah waxay u baahan yihiin dacwad dheer iyo caddeyn culus. Xog taariikhi ah ayaa muujineysa in intii u dhaxeysay 1990 iyo 2017 ay Waaxda Caddaaladda Mareykanka sanadkii celcelis ahaan gudbin jirtay 11 dacwadood oo keliya oo lagu dalbanayo in qof lagala noqdo dhalashada.

Laakiin dowladda Trump ayaa hadda si weyn u ballaarineysa ololahaas, iyadoo sheegtay inay beegsaneyso dadka ay ku eedeyneyso inay khiyaano ku heleen jinsiyadda ama ay qariyeen dembiyo culus.

Sii-hayaha xeer-ilaaliyaha qaranka Mareykanka Todd Blanche ayaa sheegay in Waaxda Caddaaladdu aysan u dulqaadan doonin ku xadgudubka hannaanka qaadashada dhalashada.

“Dambiilayaal ajaaniib ah ayaa ka been sheegaya dembiyadoodii hore, oo ay ku jiraan kuwa ka ganacsada daroogada, kuwa sameeyey xadgudub galmo iyo khiyaanooleyaal,” ayuu yiri Blanche.

Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka Markwayne Mullin ayaa isna sheegay in dowladda Trump ay adeegsan doonto waddo kasta oo sharci ah oo lagu baabi’in karo jinsiyadda dadka lagu helo inay been ku heleen dhalashada.

“Dhalashada Mareykanka waa mudnaan, waana in si daacad ah lagu kasbado,” ayuu yiri Mullin. “Haddii aad halkan timaaddo, sharcigayaga jebiso, kadibna aad been ka sheegto hannaanka socdaalka, waad luminaysaa mudnaantaas.”

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 16-ka qof ee kale ee lagu daray ololahan lagu eedeynayo falal kala duwan, oo ay ku jiraan xadgudubyo galmo oo ka dhan ah carruur, daroogo, dambiyo maaliyadeed iyo khiyaano socdaal.

Kiiska Kadiye ayaa si gaar ah u taabanaya bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, oo ah mid ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ugu waaweyn Mareykanka.

Waxaa sidoo kale uu kusoo beegmayaa xilli dowladda Trump ay adkeysay siyaasaddeeda socdaalka, iyadoo ballanqaadday inay si adag ula dagaallameyso dadka ay ku eedeyso inay si khaldan ku heleen sharci ama dhalasho.

Haddii maxkamaddu taageerto dacwadda dowladda, Kadiye wuxuu noqon karaa mid ka mid ah kiisaska ugu dambeeyay ee muwaadin Mareykan ah oo dhalashada lagala noqdo, iyadoo Washington ay sare u qaadeyso adeegsiga tallaabo sharci oo muddo dheer loo arkayay mid naadir ah.

Cabdullaahi Nuur oo go’aan yaab leh ka qaatay inuu sii shaqeeyo hoteelka Elite

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah mulkiilaha hoteelka Elite oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uusan furayn hoteelkiisa illaa xukunka ka banneynayo hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdullaahi Nuur ayaa sheegay in uu qaatay go’aanka inuu sii xirnaado hoteelkiisa, isagoo sabab uga dhigay in ciidanka dowladda ay si sharci darro ah u beegsadeen ganacsigiisa, keliya inuu ka aragti duwan yahay hoggaanka xukunka jooga.

“Waan ka xumahay, laakiin waan ku qasbanahay, waxaan qaatay go’aan ah inuu sii xirnaado, wuuna xirnaan doonaa. Sababaha uu u xirnaanayo waxaa kamid ah weligay kama dareemin goobtayda ganacsiga dhanka hay’adaha amniga iyo dowladda amni darro, marna ma fileyn dowladdii ayaa inta kusoo duusho goobtan ganacsiga ayaa dumin doonta,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxay kamid aheyd goobaha ay dhalinyarada Soomaaliyeed jecel yihiin inay tagaan. Dhalinyaro 150 ka badan ayaa ka shaqeynaysay oo mushaar ka qaadaneysay. Nasiib darro, dowladdii la rabay inay ganacsiga amnigiisa ilaaliyaan ayaa kusoo duushay, burburisay oo hantidii taallayna qaadatay.”

Wasiirkii hore ee amniga ayaa ku dooday in qof ganacsade ah oo Muqdisho degan uusan dowladda ka difaaci karin goob ganacsi, sidaas darteedna uusan diyaar u ahayn in uu sida cadowga ula dagaallamo dowladda si uu u ilaaliyo ganacsigiisa.

“Maadaama aan hubin in ganacsigayga ka amaan helayo dowladda, aniguna aan hadda diyaar u ahayn in dowladda sidii cadowga kale uga ilaalinayay ganacsiga uga ilaaliyo, waxaa ii fududaatay in Elite uu xirnaado, wuuna sii xirnaan doona illaa marxaladda dalka ka jirta isbedelayso, ama nidaamka dalka ka jirana isbeddelayo,” ayuu yiri.

Go’aankan mulkiilaha hoteelka Elite ayaa imanaya kadib markii booliska uu galabta hoteelka kusoo bandhigay hub fara badan oo isugu jira kuwa fudud iyo kuwa culus, ayna ka mid yihiin hub casri ah iyo agab kale oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Ciidanka booliska ayaa maalmihii dambe magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka waday howl-gallo hub ka dhigis ah oo lagu beegsanayo mucaaradka, kuwaas oo dhawaan dagaal culus la galay ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Si kastaba, xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa kasii dareysa, iyadoo gaartay heer dowladda iyo mucaaradka ku dagaalamaan gudaha caasimadda, waxaana si dhow isha loogu hayaa waan-waan iyo dhex-dhexaadin ay beesha caalamka ka dhex wado dhinacyada.

Cumar Cartan oo laga soo celiyay Mareykanka xilli uu ku safrayay baasaboorka Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Garsoore Cumar Cartan ayaa loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qayb-galayay dhex-dhexaadinta ciyaaraha koobka adduunka (World Cup).

Cumar Cartan ayaa la sheegay in laga soo celiyay magaalada Miami ee gobolka Florida, kadib markii lagu wargeliyay in uusan geli karin dalka Mareykanka, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Intaa kadib, waxaa Garsooraha dib loogu celiyay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Garsoorahan ayaa watay baasaboor Soomaali ah oo nooca diblomaasiga ah, waxaana magaalada Nairobi ee dalka Kenya si rasmi ah uga sagootiyay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ka hor safarkiisa.

Cumar Cartan ayaa sameyn lahaa taariikh cusub haddii uu si rasmi ah uga mid noqdo garsoorayaasha ka howl-galaya Koobka Adduunka.

Arrintan ayaa sidoo kale loo arkayay mid astaan u noqon karta horumarka garsoorka Soomaaliyeed ee ka qayb-galka tartamada heerka caalami, hase yeeshe waxaa muuqata inay soo afmeertay qawaaniinta adag ee safarka ee dowladda Mareykanka.

Dhacdadan ayaa tusaale cad u ah qiimaha iyo halka qofka Soomaaliga ah ee sita baasaboorka Soomaaliya ah uu ka joogo caalamka iyo sida loogu arko in uu yahay qof qiimo, dawlad iyo damaanad midna aan lahayn.

Si kastaba, arrintan ayaa si weyn looga fal-celiyay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay ka muujiyeen walaac iyo niyad-jab. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin arrinta qabsatay Garsoore Cartan, oo horey uu u maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Wasiir Fiqi oo ku jees-jeesay mucaaradka kadib dhacdadii maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay hubkii uu booliska sheegay in laga soo saaray hoteelka Elite, inkastoo uu arrintaas beeniyay mulkiilaha hoteelka, wasiirkii hore ee amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiir Fiqi ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid marqaati cad u ah dhagar uu sheegay inay maleegayeen mucaaradka iyo mashruuc ay kasoo qaateen shisheeye, kaas oo uu sheegay in lala damacsanaa dalka, gaar ahaan caasimadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa nasiib-darro weyn in dad mas’uuliyiin sheeganaya oo dalkan xilal muhiim ah ka soo qabtay ay isku dayaan dhagar intaa le’eg oo loo maleegayo dalkooda in ay qeyb ka noqdaan, waxaase Alle looga mahdinayaa in dawladdu ka hortagtay shirqoolkaas,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in cid kasta oo haweysanaysa in ay qandaraas ku soo qaadato dhiig daadinta dadkeeda iyo dibin-daabyaynta dowladnimada ay u dambaynayso in ay ku hor fadeexowdo umadda iyo sharciga hortiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Wasiir Fiqi oo u muuqday mid ugu jees-jeesayo mucaaradka ayaa imanaya saacado kadib markii booliska ay sheegeen in hoteelka Elite gudihiisa lagu qabtay hub fara badan oo isugu jira kuwa fudud iyo kuwa culus, ayna ka mid yihiin hub casri ah iyo agab kale oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Sidoo kale, maalmihii dambe ciidanka booliska ayaa magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka waday howl-gallo hub ka dhigis ah oo lagu beegsanayo mucaaradka, kuwaas oo dhawaan dagaal culus la galay ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Si kastaba, hubka uu soo bandhigay booliska waxaa beeniyay Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah mulkiilaha hoteelka Elite, kaas oo sheegay in ciidamada dowladda ay xoog uga haystaan hoteelkiisa.

Cabdullaahi Nuur ayaa sidoo kale ku tilmaamay been abuur in hoteelka gudihiisa lagu qabtay hubka uu soo bandhigay booliska, wuxuuna sheegay in hub culus lagu daabulay gudaha hoteelka si looga been abuurto, loona sumcad-dilo ganacsigiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Kiisaska cudur faafaya oo kusoo badanaya magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay koror ku yimid kiisaska dadka la ildaran xanuun sababa shuban iyo fuuqbax, kuwaas oo isugu jira da’ kala duwan, sida ay xaqiijiyeen ilo caafimaad oo la hadlay warbaahinta.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka uu haleelay xanuunkan loo qaaday xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada ku yaalla caasimadda, kadib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad oo u baahatay daryeel degdeg ah.

Dhaqaatiirta ka howlgasha isbitaallada Muqdisho ayaa baaritaanno ku sameeyay bukaannada la geeyay xarumaha caafimaadka, xilli ay sii kordhayaan kiisaska la xiriira xanuunkan oo si gaar ah looga dareemayo xaafado kala duwan oo magaalada ka tirsan.

Dr. Sahra Isaaq oo ku takhasustay cudurrada carruurta ayaa baraha bulshada ku baahisay muuqaal ay ku sharxeyso tallaabooyinka degdegga ah ee la qaadi karo marka la arko qof la ildaran xaaladdan, ka hor inta aan loo gudbin goob caafimaad.

Sida ay sheegayaan shaqaalaha caafimaadka, carruurta ayaa ka mid ah dadka ugu badan ee uu saameeyay xanuunkan, waxaana xarumaha caafimaadka lagu arkayaa carruur badan oo la siinayo faleembooyin iyo daawooyin looga hortagayo fuuqbaxa.

Mid ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha xarun caafimaad oo ku taalla Muqdisho ayaa sheegay in maalmihii dambe ay qabteen tiro badan oo bukaanno ah, kuwaas oo intooda badan xaaladdoodu soo hagaagtay kadib markii ay heleen daryeel caafimaad iyo daaweyn ku habboon.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kororka kiisaskan ama tallaabooyinka ay qorsheyneyso si looga hortago faafitaanka xanuunka iyo saameynta uu ku yeelan karo bulshada.

Xogtii u dambeysay ee dhex-dhexaadinta Turkiga ka dhex wado DF iyo mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dadaallada dhex-dhexaadin ee dowladda Turkiga ka waddo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Mas’uuliyiin ka socota dowladda Turkiga ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay labada dhinac, kuwaas oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo heli lahaa is-afgarad siyaasadeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda iyo mucaaradku ayaa ku qancay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya isu-soo dhoweynta aragtiyada kala duwan ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

Guddigan ayaa la filayaa inuu soo diyaariyo talooyin iyo qodobbo ay labada dhinac ka wada shaqeyn karaan, ka hor inta aan la qaban kulan toos ah oo ay yeeshaan madaxda Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Sidoo kale, xogta la helayo ayaa muujineysa in Dowladda Federaalka ay muujisay dabacsanaan ku aaddan doodda la xiriirta doorashada heer federaal, iyadoo la sheegay inay oggolaatay in arrintaas la guda galo kadib marka la qabto doorashooyinka tooska ah ee dowlad-goboleedyada.

Dhanka kale, qaar ka mid ah mucaaradka ayaa weli ku adkeysanaya in doorashooyinka heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada ay noqdaan kuwo isku xiran, isla markaana dhammaantood lagu qabto hannaan dadban oo ay ka qeyb-galayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dadaalladan dhex-dhexaadinta ah ayaa weli socda, iyadoo falanqeeyayaasha siyaasadda ay aaminsan yihiin in kulamada iyo doorka beesha caalamka ay siinayaan waqti dheeraad ah Villa Soomaaliya, xilli ay taagan yihiin doodaha ku saabsan jadwalka doorashooyinka iyo muddada hay’adaha dowladda.

Cabdullaahi Nuur oo sheegay in hub lagu daabulay hoteelkiisa, kuna eedeeyay DF bililiqo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sidoo kalena ah mulkiilaha hoteelka Elite ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay xoog uga haystaan hoteelkiisa.

Cabdullaahi Nuur ayaa marka hore beeniyay in hoteelka gudahiisa lagu qabtay hubka uu soo bandhigay booliska, isagoo sheegay in hub culus lagu daabulay gudaha hoteelka, si looga been abuurto, loona sumcad dilo ganacsigiisa.

“Waxaan la wadaagayaa bulshada Soomaaliyeed in maalintii saddexaad ay ciidamo hubeysan si sharci-darro ah ugu sugan yihiin gudaha Hoteelka Elite,” ayuu yiri Wasiirka hore ee amniga.

Sidoo kale waxa uu sheegaay in la burburiyay qaybo kamid ah hoteelka, isla markaana la bililiqeystay hanti taallay gudaha hoteelka, isagoo sheegay in hantida maqan uu dhawaan la wadaagi doono bulshada.

“Waxaan la soconaa in gudaha hoteelka lagu daabulay hub culus, iyadoo ujeeddadu tahay in gudaha Hotelka si been abuur ah la is kugu sawirro hubka ay soo geliyeen Hotel ka si loo sumcad xumeeyo goobtaas ganacsi,” ayuu yiri mulkiilaha hoteelka Elite.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan rabaa inaan bulshada u caddeeyo in hubka yaalla hoteelka uu yahay mid fudud oo keliya, laguna ilaaliyo amniga Hotel ka iyo badqabka shacabka soo booqda hoteelka.”

Hadalka mulkiilaha hoteelka Elite ayaa imanaya kadib markii galabta ay ciidanka booliska Soomaaliya kusoo bandhigeen gudaha hoteelka hub culus oo ay sheegeen inay ku qabteen gudaha hoteelka.

Hubka uu soo bandhigay booliska ayaa isugu jiray hub fudud iyo kuwa culus, waxaana ka mid ahaa hub casri ah iyo agab kale oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

“Hubkan waxaa laga soo qaaday hoteelka, wuxuuna ka mid yahay hubka sida sharci-darrada ah loo haystay. Ma jirto wax nagu kalifaya inaan ammaanka been ka sheegno. Hubkan waxaa lagu qabtay gudaha hoteelka,” ayuu yiri Taliyaha booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha hoteelka Elite.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli sii wada howl-galka hub ka dhigista ee lagu beegsanayo mucaaradka, kuwaas oo dhawaan dagaal culus la galay ciidamada ammaanka Soomaaliya.

DF oo hub culus kusoo bandhigtay gudaha hoteelka Elite + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub culus, kaas oo uu sheegay in lagu qabtay gudaha hoteelka.

Hubka uu soo bandhigay booliska ayaa isugu jiray hub fudud iyo kuwa culus, waxaana ka mid ahaa hub casri ah iyo agab kale oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi oo warbaahinta kula hadlay gudaha hoteelka Elite ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in shaqsi madax hore ahaa uu haysto hub culus oo waxyeello u geysan kara amniga caasimadda.

“Hubkan waxaa laga soo qaaday hoteelka, wuxuuna ka mid yahay hubka sida sharci-darrada ah loo haystay. Ma jirto wax nagu kalifaya inaan ammaanka been ka sheegno. Hubkan waxaa lagu qabtay gudaha hoteelka,” ayuu yiri Taliye Macallin Mahdi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli sii wada howl-galka hub ka dhigista ee lagu beegsanayo mucaaradka, kuwaas oo dhawaan dagaal culus la galay ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Horey ciidamada ayaa howl-gallo lagu soo qabtay hub uga sameeyay degmooyinka Howl-wadaag iyo Cabdicasiis, oo ka mid ahaa meelihii ay joogeen mucaaradka. Kadibna howl-galka wuxuu u wareegay dhinaca degmada Gubadley, halkaas oo la sheegay inay tageen ciidamo Macawiisley ah oo daacad u ah Wasiirkii hore ee Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur. Ciidamadaas ayaa ugu dambeyn aaday dhinaca gobolka Shabeellaha Dhexe, oo markii horeba kasoo kicitameen.

Si kastaba, tallaabooyinkan ayaa imanaya xilli ay socdaan shirar siyaasadeed iyo dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo ay qayb ka tahay dowladda Turkiga, si la isugu soo dhaweeyo labada dhinac.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, hase yeeshee waxaa laga war sugayaa natiijada ka soo baxda dadaallada haatan socda, kuwaas oo diiradda lagu saarayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, kana dhashay hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka ku-meel-gaarka ah.




António Guterres oo war culus kasoo saaray xaaladda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee QM ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan rabshadihii ugu dambeeyay ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

António Guterres oo walaac ka muujiyay dagaalkii ka dhacay caasimada ayaa si deg-deg ah farriin ugu diray dowladda iyo mucaaradka, isaga oo xasuusiyay baahida loo qabo in deg-deg dib loogu bilaabo wada-hadalladii labada dhinac.

“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu walaac xooggan ka muujiyey wararka ku saabsan rabshadaha ka dhacay Muqdisho. Waxa uu hoosta ka xariiqay baahida degdegga ah ee loo qabo in dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay dib u bilaabaan wadahaddalka si loo helo dariiq loo maro ka fogaanshaha in dib u dhac ku yimaado horumarkii ilaa hadda laga gaaray Soomaaliya, iyo sidoo kale in la xaqiijiyo badbaadada dadka rayidka ah iyo kaabayaasha bulshada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, wuxuu dhinacyada is haya ugu baaqay inay is-xakameeyaan, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara isku dhinacyo horleh oo ka dhaca dalka.

Hawlgalka Kaalmada Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa sidoo kale maanta xusay in hawlgalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ay marar badan uga digeen, bayaanadooda iyo wada-xaajoodyada ay la yeesheen dhinacyada ay khusayso, khatarta ah in dib loogu laabto qalalaasihii dhacay sannadkii 2021 ee ka dhashay khilaafaadka ku saabsan hannaanka doorashooyinka. Digniinahaas oo nasiib darro aan la tixgelin.

Qaramada Midooday ayaa mar kale ku adkeysay madaxda Soomaaliyeed inay tanaasul sameeyaan, isla markaana ay mudnaanta siiyaan horumarinta danaha qaranka, si looga gudbo caqabadaha hor gudban marxaladda kala guurka ah.

“Bahda QM waxay ku boorrinaysaa dhammaan madaxda Soomaalida inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, dibna u bilaabaan wadahaddalladii istaagay 15-kii May. Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay diyaar u yihiin inay fududeeyaan wadahaddalkaas,” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Walaaca kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi oo ay mar kale sii laba kacleysay xiisadda syaasadeed ee ka taagan gudaha dalka, kadib markii ay xaaladda isku rogtay gacan hadal uu dhiig ku daatay

Wararkii ugu dambeeyey dhex-dhexaadinta Turkigu ka dhex wado DF iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa wada-hadallo xasaasi ah oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga, kuwaas oo lagu dhex-dhexaadinayo dowladda iyo mucaaradka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wada-hadallada ayaa waxaa duur muuqdo ka qaadanayo diblumaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka Turkiga oo hadda ku sugan Muqdisho, kuwaas oo dadaal ku bixinaya in la qaboojiyo xiisadda.

Wararka ayaa sheegaya in haatan xubnaha mucaaradka ay sidii hore kasoo dhawaadeen, isla markaana ay aqbaleen ka qayb-qaadashada wada-hadallada uu hormuudka u yahay Turkiga oo haatan ah saaxibkaa 1-aad ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa haatan shir gaar ah la leh xubnaha ka socda dowladda Turkiga, iyaga oo kadib u diyaar garoobayo wada-hadallo ay la galayaan Villa Somalia, kuwaas oo ujeedkooda uu yahay in xal lagu gaaro, si soo afjaro khilaafka ka taagan doorashada oo gacan ka hadal isku beddelay.

Sidoo kale, waxaa dadaallada socda qayb ka ah madaxda Jubbaland iyo Puntland ee la safan mucaaradka, maadaama ay iskula jiraan Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo iyana laga war sugayo inay caddeeyaan mowqifkooda wada-hadallada socda ee uu garwadeenka ka yahay Turkiga.

Waxaa kale oo qorshuhu yahay in dhinacyadu ay ka heshiiyaan ajendaha guud ee wada-hadallada, iyada oo kadib la jadwaleyn doono, si looga miro dhaliyo wada-hadallada u bilaabanaya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Dadaalladan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay sii laba kacleyneyso xiisadda u dhexeysa labada dhinac oo dagaal ka dhalisay magaalada Muqdisho, kadib iska hor imaadyo hubeysan oo dhawaan ku dhex-maray degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo la gaaro xilliga kala guurka waxaa is qabta siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo marar badan qaaday tallaabooyin iska soo horjeeda oo halis gelin gaaray dowladnimada curdunka ee Soomaaliyeed.

Ciidamada Booliska oo gaari dagaal kala baxay hoyga uu dagan yahay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Abuukar Cali Boonoow oo kamid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya, isla markaana ah Taliyaya ururka 31-aad, Guutaad 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ay si kulul uga hadlay howlgal ay fuliyeen ciidamada Booliska oo u dhacay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Korneelka oo hadda ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga deegaanka Qalimow ayaa sheegay in Taliska Booliska Gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Macallin Mahdi uu gaari Cabdi Bile ah kala baxay gurigisa, isla markaana la geeyay talis Boolis, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay Shabelle Tv.

Boonoow ayaa tilmaamay in, iyada oo aan lagu soo wargelinin howlgalka, isla markaana aanu jirin jirin waaran maxkamadeed la weeraray gurigiisa, kadibna sidaas lagula baxay gaarigiisa.

Sidoo kale, wuxuu ku goodiyay in jawaab deg-deg ah uu ka bixin doono falka, maadaama isaga oo maqan loo daba maray gurigiisa, arrintaas oo ku tilmaamay mid sharci darro ah.

“Baaritaan ayaan ku jirnaa sababtoo sida ay wax ahaayeen inay taliskeyga kasoo baxday arrintaas iyo inay mu’aamaraad kale tahay oo dad gaar ah uu leeyahay marka aan ogaado sida ay tahay arrinta, maadaama gaariga la geeyay talis Boolis oo aan la gayn talis Milatari dib ayaan jawaab uga bixinayaa,” ayuu yiri Korneel Abuukar Cali Boonoow.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli sii wadda howlgalka hub ka dhigista ee lagu beegsanayo xaafadaha ay joogaan ciidanka mucaaradka oo dhawaan dagaalka la galay ciidamada ammaanka Soomaaliya, waxaa sidoo kale hub ka dhigis lagu sameeyay saraakiisha haysta hubka tirada badan.

“Hay’addaha amaanka wali waxa ay wadaan Howlgalkii sareynta sharciga iyo xakameyta hubka sharcidarada ah, muwaadin hadii aad xog ku soo gaarto la soo wadaag nambarada gaaban 991 amma 199,” ayuu yiri Macallin Mahdi.

Horay ciidamada ayaa howlgal hub badan lagu soo qabtay uga sameeyay degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis oo kamid ah meelihii ay joogeen mucaaradka, kadibna howlgalka waxa uu u wareegay dhanka Degmada Gubadley oo la sheegay inay tageen ciidamo Macawiisley ah oo daacad ah wasiirkii hore amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, kuwaas oo ugu dambeyn u baxsaday dhanka Gobolka Shabeellaha Dhexe oomarkii horeba lagu aas aasay.

Xilliga Cirro uu booqanayo Israa’iil oo la shaaciyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa la filayaa inuu toddobaadka soo socda booqasho ku tago Israel, halkaas oo lagu wado in lagu furo safaarad Somaliland ku yeelato magaalada Qudus, sida uu qoray wargeyska Israel ee Yedioth Ahronoth.

Warbixinta ayaa sheegtay in booqashadu dhici doonto inta u dhaxeysa 15-ka illaa 17-ka June, isla markaana Cabdiraxmaan Cirro uu la kulmi doono madaxweynaha Israel Isaac Herzog iyo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Yedioth ayaa sheegtay in qodobka ugu weyn ee booqashada uu noqon doono furitaanka safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus, oo Hargeysa ay u aqoonsatay caasimadda Israel.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Somaliland laba jeer oo hore la filayay inuu booqdo Israel, balse labada safarba dib loo dhigay sababo kala duwan awgood.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Somaliland ama Israel oo lagu xaqiijiyay booqashada la sheegay.

Booqashadan ayaa imaaneysa kadib markii Israel ay bishii December ee sanadkii hore noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga hortimid aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, waxayna ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Mowqifka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u cambaareeyay qorshaha Somaliland ee ah inay safaarad ka furato Qudus, isagoo ku tilmaamay “musiibo weyn” iyo “ceeb”.

“Ma dhici karto maanta in qeyb dalkeena ka mid ah ay tagto Israel,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo ka hadlayay Muqdisho kadib salaaddii Ciidda.

“Israel kuma duulin, dowladnimadeedana ma diidin. Waxaan niri dowlad noqda,” ayuu yiri.

“Laakiin waa musiibo weyn inoo ah inaan niraahno calan ay ku qoran tahay ‘Laa ilaaha illallah, Muxammad Rasuulullaah’ ayaan ka taagaynaa halkaas, kadibna aan niraahno Qudus Israel baa leh, waana caasimaddeeda,” ayuu sii raaciyay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalal badan oo aan Muslim ahayn ay ka gaabsadeen inay safaaradahooda u raraan Qudus, sababo la xiriira muranka siyaasadeed iyo diimeed ee ka taagan magaaladaas.

“Dunida aan Muslimka ahayn way ka xishootay inay sidaas tiraahdo oo safaaraddeeda u rarato Baytul Maqdis,” ayuu yiri.

“Maanta in nin Soomaali ah uu calan halkaas ka taago oo yiraahdo waxaan safaaraddeena ka fureynaa magaalada saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka, qibladii koowaad, waa ceeb,” ayuu yiri.

Soomaaliya ma aqoonsana Israel, waxaana dowladihii kala dambeeyay ee Muqdisho ay taageereen xuquuqda Falastiiniyiinta iyo in Bariga Qudus uu noqdo caasimadda dowlad Falastiin leedahay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Somaliland aan lagu eedeyn karin go’aannada ay qaataan hoggaankooda.

“Walaalaheenna waqooyi ku nool waxaan leenahay: arrintan nama qabaneyso, mana aqbaleyno ceebtan in magaciinna lagu galo,” ayuu yiri.

Cambaareynta OIC

Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa isna horey u cambaareeyay wararka sheegaya in Somaliland ay safaarad ka furaneyso Qudus.

OIC ayaa sheegtay inay ka muujineyso “walaac qoto dheer iyo cambaareyn xooggan” wararka sheegaya in Somaliland ay dooneyso inay “safaarad” ka furato “Al-Quds la haysto”.

Ururka ayaa sheegay in tallaabadaas ay tahay “jebin cad oo ka dhan ah rabitaanka bulshada caalamka”, isla markaana ay xadgudub ku tahay Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada caalamiga ah ee khuseeya Qudus.

OIC ayaa sidoo kale sheegtay in Israel aysan lahayn “madax-bannaani” ay ku sheegan karto Bariga Qudus, oo ay ku tilmaantay caasimadda dowladda Falastiin.

Waxay intaas ku dartay in tallaabo kasta oo lagu beddelayo xaaladda siyaasadeed, demografiyadeed ama juqraafiyeed ee magaalada ay tahay “waxba kama jiraan marka loo eego sharciga caalamiga ah”.

OIC ayaa sheegtay inay la taagan tahay “garab-istaag buuxa oo aan leexleexad lahayn” Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo taageertay madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo amniga Soomaaliya.

Qudus ayaa ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan colaadda Israel iyo Falastiin. Israel waxay magaalada oo dhan u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintu ay doonayaan in Bariga Qudus uu noqdo caasimadda dowladdooda mustaqbalka.

Inta badan dalalka caalamka ayaa safaaradahooda ku haya Tel Aviv ama hareeraheeda, maadaama xaaladda Qudus ay weli tahay arrin aan lagu heshiin.

Haddii ay dhacdo, booqashada la sheegay ayaa noqon doonta tii ugu horreysay ee Cabdiraxmaan Cirro ku tago Israel tan iyo markii labada dhinac ay xiriir diblomaasiyadeed yeesheen bishii December ee sanadkii hore.

DF oo kordhisay howlgallada hub ka dhigista ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli sii wadda howlgalka hub ka dhigista ee lagu beegsanayo xaafadaha ay joogaan ciidanka mucaaradka oo dhawaan dagaalka la galay ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Taliyaha Qaybta Guud Ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi oo qoraal soo saaray shaaca ka qaaday in weli ay sii wadaan howlgallada, isla markaana ujeedkooda uu yahay uruurinta hubka sharci darrada ah.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga, ayna soo sheegaan xogta haddii ay arkaan hub sharci darro ah, si ay dowladda ula wareegto.

“Hay’addaha amaanka wali waxa ay wadaan Howlgalkii sareynta sharciga iyo xakameyta hubka sharcidarada ah, muwaadin hadii aad xog ku soo gaarto la soo wadaag nambarada gaaban 991 amma 199,” ayuu yiri Macallin Mahdi.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalka uu gaaray degmooyin horleh oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo duleedka, gaar ahaan dhanka deegaanka Jaziira, halkaas oo laga dareemay dhaq-dhaqaaq ciidan.

Horay ciidamada ayaa howlgal hub lagu soo qabtay uga sameeyay degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis oo kamid ah meelihii ay joogeen mucaaradka, kadibna howlgalka waxa uu u wareegay dhanka Degmada Gubadley oo la sheegay inay tageen ciidamo Macawiisley ah oo daacad ah wasiirkii hore amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, kuwaas oo ugu dambeyn u baxsaday dhanka Gobolka Shabeellaha Dhexe oomarkii horeba lagu aas aasay.

Si kastaba, xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ayaa hadda deggan, waxaana soconayo shirar siyaasadeed iyo dadaallo lagu dhex dhexaadinayo mucaaradka iyo dowladda, kuwaas oo ay qayb ka tahay dowladda Turkiga, si la’isugu soo dhaweeyo labada dhinac.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda dadaallada haatan socda oo diiradda lagu saarayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, kana dhashay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah.