26.3 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

“Nin Xamar ka yimid shir kuma qaban karo Puntland” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne…

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxda Puntland ayaa xiligaan ku baraarugay qorshe lid ku ah maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ah hoggaamiyaha sare ee maamulka Puntland, dhaq-dhaqaaqyo lid ku ah  hoggaanka Saciid Deni ayaa si xowli ah looga dareemayaa deegaanada Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka dhawaajiyay amar ku socda guddoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka Puntland kaasoo farayay in laga mamnuucay qabashada shirarka lagu taageerayo dowladda federaalka iyo qorista ciidamada loo diiwaangelinayo Dowladda Soomaaliya.

Qorshahaan ayaa Madaxda sare ee maamulka Puntland kusoo baraarugtay kadib mudo sanad ah oo uu socday in ciiddamo taabacsan dowladda Soomaaliya laga qoro deegaanada Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen guddoomiyeyaasha gobolada iyo laamaha amniga Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay wado qalqal gelin amnig iyo kicin bulsho, isagoo sheegay in ay mamnuuceen in deegaanada Puntland lagu ku qaban karin isu imaatin iyo shirar lagu taageerayo dowladda federaalka.

“Hala ogaado guddoomiyayaashii degmooyinka iyo gobolada sow ma joogaan, nin Xamar ka yimid Puntland shirar kuma qaban karo, maanta oo ay 28 sano tahay Puntland yeelimayno in dusheena lagu dhibaateeyo” ayuu yiri wasiir Lugatoor.

Dadka Puntland ayaa arintan u arka mid lagu cuuryaaminayo horumarka bulsho iyo dhaqdhaqaaqyada kala dhaxeeya gobolada kale ee dalka Soomaaliya, waxayna hadalka madaxda u arkaan arin aan waxba laga qaban karin.

Madaxda Puntland oo ku mashquulsanaa arrimo kale waxay xiligaan kusoo baraarugeen kacdoon bulsho iyo mid lid ku ah maamulka xiligaan hoggaanka u haayo ee uu hoggaamiye Saciid Cabdullahi Deni oo ay u arkaan siyaasi damac siyaasadeeed ka leh hoggaanka sare ee Federaalka.

Waxaa sidoo kale sii kordhaya dhaqdhaqaaqyada abuuraya ciidamo u habeysan qaab qabiil oo ku abaabulsan oo hadba deegaano looga dhawaaqayo.

Madaxweynaha Puntaland ayaa ku maqan dalka isu-taga Imaaraadka Carabta (UAE) xili Imaaraadka aaney ka saacidi karin doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo ay horay ugu cudur daarteen sababo la xiriira culeysyo dhaqaale oo ka dhashay colaada bariga dhexe.

Beelaha gobolka Bari ayaa horay godood ay sameeyeen ku soo bandhigay awoodooda ay ku saluugsn yahiin maamulka Saciid Deni, taasoo dhalisay shirar ay maamulka ku qanacsaneyn oo sababtay isku dhacdacyo laga baaqsaday.

Xiligaan Puntland waxay wajaheysaa culeysyo siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhashay diidmada maamulka Saciid Deni oo hoos u dhigay inay Puntland hesho kab-kii miisaaniyadeed ee Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ay ka heli jirtay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan magaalada…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad-goboleedka HirShabelle.

Wafdi hordhac ah oo ka socda Villa Somalia ayaa horey u gaaray magaalada Jowhar, kuwaas oo diyaarinaya qaban-qaabada booqashada madaxweynaha iyo sugidda amniga.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u daah-furo mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dhismaha waddooyin muhiim ah iyo qaar ka mid ah xarumaha dowlad-goboleedka HirShabelle.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay kordhiyeen howl-gallada sugidda nabad-gelyada si loo xaqiijiyo ammaan buuxa inta uu socdo safarka madaxweynaha.

Inta uu madaxweynaha ku sugan yahay Jowhar, waxaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta dowlad-goboleedka HirShabelle, kuwaas oo looga hadli doono xaaladda guud ee amniga, horumarinta, adeegyada bulshada iyo sidoo kale doorashooyinka.

Safarka madaxweynaha ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo xiriirka kala dhexeeya dowlad-goboleedyada, isla markaana lagu dardar-gelinayo mashaariicda horumarineed ee dalka.

Si kastaba, safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Jowhar ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka ay maamulka HirShabelle ka wado qabashada doorashooyinka qof iyo cod, iyadoo guddiga doorashada uu muddeeyay in 9-ka July 2026 ay qabsoomi doonto doorashada hoggaamiyaha HirShabelle.

Muqdisho oo caawa galeysa xaalad aan caadi ahayn oo koronto iyo internet la’aan ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa caawa geli doonta saacado koronto iyo internet la’aan ah, xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa hoggaanka dowladda iyo mucaaradka.

Sida ay shaaciyeen shirkadaha korontada ee BECO iyo isgaarsiinta Hormuud, waxaa caawa la sameyn doonaa hawlo farsamo oo saameyn doona adeegyada korontada iyo internet-ka.

Shirkadaha Hormuud iyo BECO ayaa ogeysiisyo ay soo saareen ku wargeliyey shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho arrintan.

Labada shirkadood ayaa sheegay in hawlaha cillad-saarista iyo dayactirka farsamo ay bilaaban doonaan 1:00 habeenimo, waxaana la filayaa inay socdaan illaa 4:00 AM.

Sida ku xusan ogeysiisyada, shaqooyinka la qabanayo ayaa la xiriira hagaajinta iyo hubinta habsami-u-socodka adeegyada ay bixiyaan shirkadaha, si loo yareeyo cilladaha iman kara mustaqbalka.

BECO iyo Hormuud ayaa shacabka ka dalbaday inay u dulqaataan hakadka ku-meelgaarka ah ee ku iman doona korontada iyo internet-ka, iyagoo xusay in tallaabadan ay muhiim u tahay tayeynta adeegyada.

“WARGELIN: Macmiilkeenna sharafta leh, waxaan si xushmad leh kuugu wargelinaynaa in aan hawlo horumarin ah ka qaban doonno adeegga internet-ka laga bilaabo 11/06/2026 saacadda 1:00 AM ilaa 4:30 AM habeenimo. Waxaan kaa codsanaynaa in aad noo dulqaadato haddii aad muddadaas culeys dareento. Mahadsanid,” ayaa lagu yiri farriinta Hormuud.

Sidoo kale, farriinta shirkadda korontada ee BECO ayaa lagu yiri: “Mudane Macmiil, waxaa ka maqnaan doona adeegga korontada 11/06/2026 saacadda 01:00 AM ilaa 03:00 AM, sabab la xiriirta dayactir.”

Hakadka adeegyada ayaa saameyn kara kumannaan qof oo ku tiirsan korontada iyo internet-ka ee magaalada Muqdisho, iyo sidoo kale qaar ka mid ah adeegyada muhiimka ah ee caasimadda, maadaama labada adeeg ay laf-dhabar u yihiin howlaha maalinlaha ah.

Si kastaba, arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah mucaaradka, kuwaas oo toddobaadkii lasoo dhaafay uu dhexmaray dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay arrinta Cartan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn uga xun tahay go’aanka ay dowladda Mareykanku ugu diidday gelitaanka garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dadaallo diblomaasiyadeed la yeelatay hay’adaha ay khusayso si loo fududeeyo safarka Garsoore Cumar, balse nasiib darro dadaalladaasi ma aysan dhalin natiijadii la rajeynayay.

“Garsoore Cumar Cartan, oo loo aqoonsaday Garsooraha sanadka ee xiriirka kubadda cagta Afrika (CAF) ee 2025, waa shakhsiga ugu guulaha badan dhinaca ciyaaraha ee Soomaaliya, isla markaana astaan qaran oo ay ku faanaan shacabka Soomaaliyeed. Guulihiisa iyo waxqabadkiisa ayaa sare u qaaday magaca Soomaaliya, isaga oo dhiirrigelin u noqday kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda.

Sidoo kale waxay sheegtay in dowladda si buuxda ugu faanto guulaha iyo waxqabadka Cumar Cartan, iyadpo guushiisu ay mar kale caddeyneyso in kartida, dadaalka iyo adkaysigu ay horseedi karaan heerar oo guulo caalami ah.

“Garsoore Cumar wuxuu si nabad ah ugu soo laabtay dalkiisa, wuxuuna sii wadi doonaa gudashada waajibaadkiisa qaran iyo kuwa caalami ah isaga oo leh isla hufnaanta, daacadnimada iyo xirfadda sare ee lagu yaqaanay muddadii uu ku jiray garsoorka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay dowladdu sii wadi doonto wada xaajoodyada iyo xiriirka ay la leedahay dhinacyada ay khusayso si loo helo faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan, loona ilaaliyo karaamada, xuquuqda iyo danaha muwaadiniinteeda.

Garsoore Cartan ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, kadib markii laga soo celiyay dalka Mareykanka oo uu uga qayb-geli lahaa ciyaaraha koobka adduunka.

Cumar ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiilo ka socday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, garsoorayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soo laabashada Cartan ayaa timid kadib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, iyadoo Cartan lagu waday in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda final-ka loobka adduunka ayaa Isniintii laga saaray liiska, kaddib markii laga diiday inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Miami.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ku jira liiska mamnuucista socdaalka ee uu soo saaray maamulka madaxweyne Donald Trump, taas oo saameyn ku yeelatay socdaalka Garsoore Cartan.

Laba maamul-goboleed oo war kasoo saaray doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamul-goboleedyada Galmudug iyo Waqooyi Bari ayaa noqday maamulladii ugu horreeyay ee ka hadla doorashada hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo, taas oo la sheegay inuu ku guuleystay Sheekh Aadan Madoobe.

Labada maamul ayaa dhambaal hambalyo ah u diray hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed. Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale ku ammaanay xubnaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed habsami-u-socodka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ay ku doorteen hoggaanka cusub ee maamulka.

“Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan goleyaasha dowladda, waxa uu hambalyo u dirayaa hoggaamiyaha cusub ee loo doortay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa hoggaamiyaha la doortay u rajeeyay in Alle SWT u fududeeyo gudashada waajibaadka iyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, isla markaana uu shacabka Koonfur Galbeed ku hoggaamiyo nabad, horumar, midnimo iyo barwaaqo.

Sidoo kale, ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari ahna Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray hoggaamiyaha cusub ee loo doortay Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa hoggaamiyaha la doortay ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashada, isaga oo Alle uga baryay inuu ku asturo xilka culus ee loo igmaday, kana dhigo mid dalkiisa iyo dadkiisa ku hoggaamiya caddaalad, sinaan, horumar iyo midnimo.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa shacabka iyo hay’adaha Koonfur Galbeed ku bogaadiyay habsami-u-socodka doorashada, isaga oo u rajeeyay nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Si kastaba, waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), uusan weli ka hadlin ama hambalyo rasmi ah u dirin hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed, xilli madaxweyne ku-xigeenkiisu uu tahniyadeeyay.

Arrintan ayaa bannaanka keeneysa kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo markii ugu horreysay si muuqata looga dareemayo hoggaanka ugu sarreeya maamulka Galmudug.

Xasan Sheekh oo degdeg u ayiday doorashada Aadan Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey bisayl uu sheegay inay muujiyeen xildhibaannada, guddoonka iyo musharraxiinta madaxtinimada ee ku loollamay doorashooyinkii ka dhacay dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo Alle uga rajeeyey hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay deegaanka, aniga oo u rajeynayaa in uu xoogga saaro mideynta bulshada Koonfur Galbeed, islamarkaana ka shaqeeyo nabadda, horumarka iyo dowladnimada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee ay shacabka Koonfur Galbeed sida tooska ah uga qayb-galeen ay bog cusub u fureen taariikhda dimuqraadiyadeed ee dalka, isla markaana ay muujiyeen biseyl siyaasadeed, wacyi bulsho iyo sida ay uga go’an tahay shacabka Soomaaliyeed hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale wuxuu ku ammaanay boqolaalkii kun ee shacabka ahaa ee ka qayb-galay doorashooyinka dhacay adkeysigii, dulqaadkii iyo sidii ilbaxnimada lahayd ee ay uga qayb qaateen geeddi-socodka doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa xusay in ka qaybgalka ballaaran ee shacabka uu yahay tusaale muujinaya kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada, nabadda iyo mustaqbalka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Aadan Madoobe ayaa la sheegay inuu kusoo baxay cod aqlabiyad leh, wuxuuna helay 88 cod, halka musharraxa kalena uu helay 1 cod oo kaliya, sidaas wuxuu ku noqday Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ee beddalaya Cabdicasiis Lafta-gareen.

Natiijada doorashadan ayaa lasii ogaa, maadaama uu Aadan Madoobe taageero xooggan ka haystay Villa Somalia, oo iyadu galaangal xoogan ku leh arrimaha Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu fursad kale ka helay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loo arkay musharraxa keliya ee awood ahaan iyo saameyn ahaan si dhab ah ula tartami karay Aadan Madoobe, kaas oo gebi ahaanba isaga baxay doorashada, kadib markii uu qaadacay hannaanka loo wado.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay xiisad culus oo ku aadan sida ay Villa Somalia u wajahayso doorashooyinka heer feederaal iyo heer dowlad-goboleed oo ay diidan yihiin mucaaradka.

Aadan Madoobe oo loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Baydhaba (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa goordhow kusoo baxay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo, isaga oo si rasmi ah loogu doortay Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa isaga oo aan iska casilin xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya la tartamay musharrax Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo uu kaga guuleystay tartanka doorashada.

Aadan Madoobe ayaa kusoo baxay cod aqlabiyad leh, wuxuuna helay 88 cod, halka musharraxa kalena uu helay 1 cod oo kaliya, sidaas wuxuu ku noqday Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ee beddalaya Cabdicasiis Lafta-gareen.

Natiijada doorashadan ayaa lasii ogaa, maadaama uu Aadan Madoobe taageero xooggan ka haystay Villa Somalia, oo iyadu galaangal xoogan ku leh arrimaha Koonfur Galbeed. Sidoo kale wuxuu fursad kale ka helay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loo arkay musharraxa keliya ee awood ahaan iyo saameyn ahaan si dhab ah ula tartami karay Aadan Madoobe, kaas oo gebi ahaanba isaga baxay doorashada, kadib markii uu qaadacay hannaanka loo wado.

Kala baxa doorashada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, iyadoo mucaaradka ay horay u diideen qaabka loo mareeyay doorashadaas.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay xiisad culus oo ku aadan sida ay Villa Somalia u wajahayso doorashooyinka heer feederaal iyo heer dowlad-goboleed oo ay diidan yihiin mucaaradka.

Cartan oo shaaciyay qorshiisa kadib diidmada Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo saaka dib ugu soo laabtay gudaha magaalada Muqdisho oo loogu sameeyay soo dhaweyn heer sare ah ayaa ka hadlay qorshihiisa xiga kadib diidmada Mareykanka oo looga hor istaagay inuu dalkaas uga qayb-galo koobka Adduunka.

Cartan oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa ka codsaday shacabka inay difaacaan magaca Soomaaliya, isla markaana ay laba jibaaraan dadaalkooda, si loo xaqiijiyo himilooyinka muhiimka u ah dalkeenna.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in uusan rajo dhigin, isla markaana uu qorsheynayo inuu ka qayb-gao Koobka Adduunka ee soo socda.

“Waxaan idiin ballan qaadayaa in haddii Alle yiraahdo midda xigta aan aadi doono… shacabka Soomaaliyeedna ay ku farxaan, waana inaan dhammaanteen difaacno magaca Soomaaliya,” ayuu yiri Cumar Cartan

Garsoore Cumar oo lagu waday in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda fiinaal-ka Koobka Adduunka, ayaa Isniintii laga saaray liiska mas’uuliyiinta, kaddib markii laga hor istaagay inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha ee Miami ee Mareykanka, taas oo dhalisay hadal-heyn xoogan oo qabsatay fagaareyaasha waa wayn ee caalamka.

Cartan ayaa weli ah garsooraha kaliya ee Soomaaliyeed ee taariikhda loo doortay in uu dhex dhexaadiyo Koobka Adduunka ee FIFA, waxaana maanta siyaabo kala duwan u qaabilay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo garab istaag u muujiyay.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in munaasabad kale oo wayn galabta loogu qabto garoonka Muqdisho Stadium, halkaas oo ay isugu tegi doonaan madax iyo shacab ka xun, sida loola dhaqmay garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan.

Cumar Cartan oo ah nin dhalinyaro oo sameeyay adaal xirfadeed oo wayn ayaa horay u sheegay in lala yeeshay waraysi dhanka socdaalka ah oo qaatay 11 saacadood ka hor inta aan loo diidin in uu ka qeyb galo koobka adduunka ee Mareykanka inkastoo uu heystay “warqadaha saxda ah” iyo “fiisaha saxda ah” sida uu sheegay.

Mucaaradka oo dalab ka dhan ah Xasan Sheekh u gudbiyay Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka oo maalmahan wada-hadallo xasaasi ah kula jiray dowladda Turkiga ayaa ugu dambeyn u gudbiyay dalab culus oo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la xiriira ciidamada iyo amniga dalka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u hadlay mucaaradka ayaa marka hore ka warbixiyay kulamada ay la galeen wafdiga ka socda xukuumadda Ankara ee ku howlan dhex-dhexaadinta madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka oo isku haya hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah.

Warsame ayaa shaaca ka qaaday in wada-hadallada oo hordhac ah ay marayaan meel wanaagsan, isla markaana ay isla meel dhigeen iyaga iyo dowladda Turkiga qaabka ay noqonayaan wada-hadallada bilaabanaya, si xal loogu gaaro.

“Wada-hadalladii hordhaca ahaa ee aan la yeelanay dowladda Turkiga oo wafdi heer sare ah soo dirtay oo dhinacyada siyaasadda oo dhan ay is arkayeen waxaan isla soo dhaweynay ajendaha uu wada-hadalka noqonayo meel fiican ayay ku dhammaadeen doodahaas,” ayuu yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Turkiga ay kala hadleen arrimaha ammaanka iyo ciidamada, ayna ka dalbadeen in la joojiyo howlgallada lagu beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka iyo guryahooda, maadaama haatan dowladdu ay wato howlgal hub ka dhigis oo ka socda gudaha caasimada.

“Waxa kale oo ugu muhiimsan ee Turkiga kala hadalnay waxa ay ahayd si wada-hadal siyaasadeed loo bilaabo in taag taaga xagga amniga iyo ciidamadan gaaf wareegaayo xaafadaha ee dadka siyaasiyiinta baacsanaayo ee guryahooda fatashaayo la joojiyo, si loo helo qaab wada-hadal lagu geli karo,” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay “Dhalinyarada ciidamada iyo saraakiisha waxaan u sheegeynaa in sharciga iyo dowladnimada iyo qofka idin amraayo aad kala saartaan”.

Wada-hadalladan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay sii laba kacleyneyso xiisadda u dhexeysa labada dhinac oo dagaal ka dhalisay magaalada Muqdisho, kadib iska hor imaadyo hubeysan oo dhawaan ku dhex-maray degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo la gaaro xilliga kala guurka waxaa is qabta siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo marar badan qaaday tallaabooyin iska soo horjeeda oo halis gelin gaaray dowladnimada curdunka ee Soomaaliyeed

Cumar Cartan oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, kadib markii laga soo celiyay dalka Mareykanka oo uu uga qayb-geli lahaa ciyaaraha koobka adduunka.

Cumar ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiilo ka socday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, garsoorayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Muuqdaallo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinayo Garsoore Cartan oo si toos ah u gacan qaadaya boqolaalka qof ee safka u galay soo dhaweyntiisa, si ay ugu muujiyaan garab istaag dhab ah, xiligaan adag.

Sidoo kale waxaa la filayaa in munaasabad kale oo wayn galabta loogu qabto garoonka Muqdisho Stadium, halkaas oo ay isugu tegi doonaan madax iyo shacab ka xun, sida loola dhaqmay garsoore Cartan.

Soo laabashada Cartan ayaa timid kadib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, iyadoo Cartan loo doortay inuu dhex dhexaadiyo ciyaaraha Koobka Adduunka. Cartan ayaa weli ah garsooraha kaliya ee Soomaaliyeed ee taariikhda loo doortay in uu dhex dhexaadiyo Koobka Adduunka ee FIFA.

Cumar Cabdulqaadir Cartan oo lagu waday in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda Final-ka Koobka Adduunka, ayaa Isniintii laga saaray liiska, kaddib markii laga diiday inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Miami. Ma jirto sabab dib u celinta Cartan ku saabsan oo ka soo baxday laanta socdaalka Mareykanka, balse Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ku jira liiska mamnuucista socdaalka ee uu soo saaray maamulka madaxweyne Donald Trump.

Si kastaba, Cumar Cartan oo ah nin dhalinyaro oo sameeyay adaal xirfadeed oo wayn ayaa sheegay in lala yeeshay waraysi dhanka socdaalka ah oo qaatay 11 saacadood ka hor inta aan loo diidin in uu ka qeyb galo koobka adduunka ee Mareykanka inkastoo uu heystay “warqadaha saxda ah” iyo “fiisaha saxda ah” sida uu sheegay.

Dhacdadan ayaa noqotay mid dhalisay hadal-heyn xooggan oo qabsatay fagaareyaasha caalamka, iyada oo madax kala duwan iyo hay’ado caalami ah ay si weyn uga xumaadeen is hortaagga garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan.

Muran la xiriira Farmaajo oo dib u dhigay wada-hadalladii dowladda iyo mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadahadalladii la filayay in ay ka furmaan magaalada Muqdisho ee lagu doonayay in lagu qaboojiyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa dib u dhacay muddo toddobaad ah, kadib markii uu muran ka dhashay qaabka uu shirka uga qeyb-galayo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow qaban-qaabada wada-hadallada ayaa Caasimada Online u sheegay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu diiday in Farmaajo uu wada-hadallada uga qeyb-galo isagoo ah dhinac siyaasadeed oo gaar u taagan, islamarkaana la yimaada ajende madax-bannaan oo ka baxsan qaab-dhismeedka mucaaradka.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Golaha Mustaqbalka ayaa qaba in Farmaajo uu xubno kusoo darsado Guddiga Farsamada ee mucaaradka, halkii uu noqon lahaa dhinac saddexaad oo gaar ah. Arrintan ayaa keentay in wada-hadalladii la qorsheeyay dib loogu riixo toddobaad kale, si mucaaradka loogu siiyo waqti ay ku mideeyaan mowqifkooda siyaasadeed iyo qaabka ay shirka ku galayaan.

Farmaajo ayaa tan iyo markii uu dalka ku soo laabtay ka madax-banaanaa isbaheysiga mucaaradka, wuxuuna inta badan mowqifyadiisa siyaasadeed ku cabirayey bayaano ka baxsan kuwa mucvaaradka, halka arrimaha qaarna uu si ka duwan Golaha Mustaqbalka ka aamusayey.

Dib-u-dhaca ayaa muujinaya in khilaafka gudaha mucaaradka uu weli yahay caqabad ka horreysa wada-hadal kasta oo lala yeesho dowladda federaalka, xilli Villa Somalia iyo mucaaradka ay wajahayaan cadaadis xooggan oo gudaha iyo dibadda ah si loo helo xal siyaasadeed oo degdeg ah.

Khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan ayaa salka ku haya muranka ka dhashay muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka doorasho ee dalka.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo-xileedkii afarta sano ahaa ee madaxweynaha uu dhammaaday 15-kii May, islamarkaana aan dalka lagu sii hoggaamin karin hannaan aan lagu heshiin. Dowladda federaalka ayaa dhankeeda difaacaysa qorshaha ay ku dooneyso in dalka loogu gudbiyo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ku doodaysa in wax ka beddelka dastuurka uu saldhig u yahay hannaankaas.

Xiisadda ayaa si weyn u qaraxday toddobaadkii hore, kadib markii ciidamo dowladda ka tirsan iyo maleeshiyaad lala xiriiriyay mucaaradka ay ku dagaallameen qeybo ka mid ah Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis.

Dagaalkaas ayaa sababay cabsi xooggan, barakac kooban iyo burbur soo gaaray hanti rayid, iyadoo dhinacyadu ay isku eedeeyeen inay iyagu billaabeen rabshadaha.

Mucaaradka, oo ay ku jiraan madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, ayaa dowladda ku eedeeyay inay weerartay xarumo iyo guryo ay joogeen siyaasiyiin mucaarad ah. Dowladda ayaa iska fogeysay eedeymahaas, waxayna ku adkeysatay in ciidamadeedu ay ka hortageen kooxo hubeysan oo amniga caasimadda halis gelinayay.

Beesha caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay si xooggan ugu cadaadisay madaxda Soomaalida inay miiska wada-hadalka kusoo laabtaan, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda.

Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo saaxiibbo kale oo caalami ah ayaa dhammaan ku baaqay in dhinacyadu ay muujiyaan is-xakameyn, islamarkaana ay khilaafka siyaasadeed ku xalliyaan wada-hadal iyo tanaasul.

Dadaalladaas waxaa barbar socda dhaq-dhaqaaq ay Turkey ku dooneyso inay ku dhex-dhexaadiso dowladda federaalka iyo mucaaradka, kadib markii ay Muqdisho gaareen mas’uuliyiin sare oo Turkish ah. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Ankara ay kulamo gooni-gooni ah la yeelatay dhinacyada, balse weli lama shaacin wax natiijo ah oo rasmi ah.

Turkey ayaa ka mid ah dalalka saameynta ugu weyn ku leh Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, tababarka ciidamada, gargaarka iyo mashaariicda horumarineed. Hase yeeshee, doorkeeda dhex-dhexaadinta ayaa noqday mid xasaasi ah, maadaama qaar ka mid ah mucaaradka ay hore uga muujiyeen walaac ku saabsan in Ankara ay aad ugu dhowdahay dowladda federaalka.

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in dib-u-dhaca cusub loo arko fursad lagu mideynayo codka mucaaradka ka hor inta aan la gelin wejiga xiga ee kulamada.

“Waxaa la doonayaa in dhinaca mucaaradka uu la yimaado qorshe cad, hal mowqif iyo guddi farsamo oo wada matala,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka la socda dadaallada socda.

Arrinta Farmaajo ayaa hadda noqotay mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee u baahan in la xalliyo ka hor inta aan la gaarin wada-hadal rasmi ah oo dhinacyada oo dhan miiska isugu keena.

Dadka la socda geeddi-socodka ayaa sheegaya in haddii mucaaradka uu ku guuldareysto inuu mideeyo qaabkiisa iyo ajendihiisa, ay adkaan karto in wada-hadalladu keenaan natiijo siyaasadeed oo degdeg ah.

Dowladda federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dib-u-dhaca cusub, balse ilo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in madaxtooyadu ay weli diyaar u tahay wada-hadal, haddii mucaaradka uu la yimaado wakiillo iyo ajende cad.

Toddobaadka soo socda ayaa hadda loo arkaa imtixaan muhiim ah oo lagu ogaan doono in xiisadda Muqdisho loo beddeli karo wada-hadal siyaasadeed, iyo in kala aragti duwanaanta mucaaradka ay sii adkeyn doonto dadaallada lagu raadinayo xal qaran.

Maxay Hillary Clinton ka tiri go’aanka maamulka Trump ee ka dhanka ahaa Cumar Cartan?

Washington (Caasimada Online) — Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa si adag u dhaleeceysay go’aanka maamulka Donald Trump uu garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cabdulkadir Cartan uga hor istaagay inuu galo Mareykanka, inkastoo uu watay dal-ku-gal sharci ah.

Cumar Cartan, oo ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay Koobka Adduunka 2026, ayaa laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Miami, xilli uu u socday tababar iyo hawlo la xiriira tartankaas oo ay si wadajir ah u martigelinayaan Mareykanka, Canada iyo Mexico.

Go’aankaas ayaa ka careysiiyay dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan taageerayaasha kubadda cagta, maadaama Cartan loo arkayay inuu ahaa garsoore taariikh u sameyn lahaa Soomaaliya.

Hillary Clinton ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay in Mareykanka, oo martigelinaya Koobka Adduunka, uusan si fudud uga hor istaagin mas’uuliyiinta ciyaaraha inay dalka galaan si ay shaqadooda u qabsadaan.

“Maadaama Mareykanku martigelinayo Koobka Adduunka, ma ahan inuu si sahlan uga hor istaago mas’uuliyiinta inay dalka soo galaan si ay shaqadooda u qabtaan,” ayay tiri Clinton.

“Waa arrin aad dib-u-dhac u ah. Sidoo kale waa mid aan wax faa’iido ah lahayn,” ayay raacisay.

Waxay intaas ku dartay in tartamada caalamiga ah ee ciyaaraha loogu talagalay inay xoojiyaan is-dhaafsiga iyo xiriirka caalamiga ah, balse aysan noqon sabab sii kala fogeysa dalalka iyo bulshooyinka.

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa xaqiijiyay in Cumar Cartan uusan awoodi doonin inuu tababar qaato ama garsoore ka noqdo Koobka Adduunka 2026, kadib markii mas’uuliyiinta Mareykanka ay diideen in loo oggolaado inuu dalka galo.

FIFA waxay sheegtay in aysan ku lug lahayn go’aannada la xiriira socdaalka iyo bixinta ama diidmada dal-ku-galka, isla markaana dowladda martida loo yahay ay ugu dambeyn go’aamiso cidda dalka geli karta.

“FIFA kuma lug laha howlaha socdaalka ee dalka martida loo yahay, oo ay ku jiraan go’aannada visa-ha,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay FIFA.

FIFA waxay intaas ku dartay in lagu wargeliyay in xaaladda Cartan aan hadda wax laga beddeli doonin.

Mas’uuliyiinta socdaalka Mareykanka ayaa sheegay in qof Soomaaliyeed oo ka yimid Istanbul laguna baaray garoonka Miami loo diiday inuu dalka galo sababo ay ku tilmaameen “walaacyo la xiriira baaritaanka amniga,” balse faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin.

Cumar Cartan ayaa isna qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu niyad wanaagsan ku jiro, inkastoo uu wajahay go’aan meesha ka saaray rajadii uu ka qabay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha Koobka Adduunka.

“Inkastoo duruufahan ay jiraan, waxaan ku jiraa niyad wanaagsan, waxaana diiradda saarayaa fursadaha xiga ee xirfadeyda garsoor,” ayuu yiri Cartan.

Wuxuu u mahadceliyay FIFA, Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF iyo dhammaan dadka farriimaha taageerada u soo diray.

“Waxaan ballan qaadayaa inaan sii joogteeyo heerkeyga garsoor, anigoo diiradda saaraya mustaqbalka,” ayuu yiri.

Kiiska Cartan ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo, maadaama uu ku soo beegmay xilli Mareykanka uu isu diyaarinayo martigelinta mid ka mid ah tartamada ugu waaweyn dunida, isla markaana ay sii kordhayso doodda ku saabsan siyaasadda socdaalka ee maamulka Trump.

Dadka dhaliilaya go’aanka ayaa ku doodaya in haddii Mareykanku martigelinayo tartan caalami ah, ay tahay inuu fududeeyo ka qeybgalka ciyaartoyda, garsoorayaasha iyo mas’uuliyiinta ka kala imaanaya dalalka dunida, halkii ay caqabado siyaasadeed ama amni oo aan si buuxda loo sharxin hor istaagi lahaayeen.

Doorasho natiijadeeda lasii ogyahay oo ka socota Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada hoggaanka Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo ay ku loolamayaan illaa laba musharrax, waxaana jiray musharrax saddexaad oo aan hoolka xaadirin.

Doorashadan ayaa goordhow ka bilaabatay hoolka doorashada ee magaalada Baydhaba, halkaas oo ay diyaar ku yihiin xidhibaannada Golaha Wakiilada Saddexaad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Labaa musharrax ee tartamaya ayaa kala ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), halka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo cabasho muujiyay uu gebi ahaanba ka baaqday doorashada.

Shariif oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ballantii looga baxay, isla markaana wixii ay ka digayeyna ay dhaceen, sidaasna ku qaadacay.

Sida ay dad badan saadaalinayaan doorashadan waxaa ugu cad Sheekh Aadan Madoobe oo ay u badan tahay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, kaas oo haddii uu guuleysto beddali doono madaxweynihii hore Cabdicasiis Lafta-gareen oo hadda dibad joog ah.

Aadan Madoobe ayaa haysta taageerada Villa Somalia iyo tan Xisbiga JSP oo xildhibaannada ugu badan ku leh Baarlamaanka cusub ee Koonfur Galbeed, taas oo doorashada ka dhigtay mid lasii ogyahay natiijadeeda.

Dhanka kale, Mucaaradka Soomaaliya ayaa dhankooda saluug ka muujinayo habka loo maamulay doorashadan, iyaga oo horay farogelin ku eedeeyay Villa Soomaaliya, maadaama ay galaangal xooggan ku leedahay arrimaha Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Doorashadan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xiisad culus oo ku aadan sida ay Villa Somalia u wajahayso doorashooyinka heer feederaal iyo heer dowlad-goboleed intaba

Pakistan oo Somalia ka dalbatay inay ka caawiso arrin xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalka Soomaaliya iyo Pakistan oo yeeshay wada-hadallo khadka taleefoonka ah ayaa ka arrinsaday xaaladda muwaadiniinta Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25 oo burcadbadeedda ugu afduuban xeebaha dowlad-goboleedka Puntland.

Wasiir Cabdisalaan Cali iyo dhiggiisa wasiirka arrimaha dibadda, ahan ra’iisul wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar ayaa si gaar ah uga arrinsaday dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo sii deynta muwaadiniinta Pakistan ee ay haystaan burcadbadeeda.

Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay taageeridda dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo badqabka iyo sii deynta degdegga ah ee dadka la haysto.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa isku raacay in la sii wado wada shaqeyn iyo xiriir dhow oo laga yeesho ilaa arrintan xal laga gaarayo.

Dhanka kale, intii uu socday wada-hadalka, labada dhinac waxay muujiyeen qanacsanaanta ay ka qabaan horumarka wanaagsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan, iyagoo carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo ka shaqeynta danaha wadaagga ah ee labada dal.

Bishii April ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay gacanta burcadbadeeda galeen ilaa seddax markab oo labo ka mid ah oo kala ah Honour 25 oo laga leeyahay dalka Palau iyo Eureka oo laga leeyahay dalka Togo, kuwaas shidaal siday kadibna la qabsaday, waxaana loo jiheeyay dhanka xeebaha Puntland.

Sidoo kale 26-ka April, kooxo hubeysan ayaa meel dhowr mayl uun u jirta xeebta Soomaaliya ka afduubtay markabka ganacsi oo laga leeyahay dalka Masar, laguna magacaabo Sward. Waxaa loola cararay xeebta dekadda Garacad ee Puntland oo xudun u ah kooxaha burcad badeeda afduubanaya maraakiibta ganacsi.

Si kastaba, Waxaa xilligaan muuqata inay dib usoo laba kacleeyeen kooxaha burcadbadeeda iyagoo ka faa’iideysanaya qalalaasaha dagaal ee ka jira bariga dhexe, taasoo fursad u siisay inay howlgaladooda fushadaan.

Cumar Cartan oo xog cusub ka bixiyay safarkiisii Maraykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garsoore Cumar Cartan ayaa sheegay in lala yeeshay waraysi dhanka socdaalka ah oo qaatay 11 saacadood ka hor inta aan loo diidin in uu ka qeyb galo koobka adduunka ee Mareykanka inkastoo uu heystay “warqadaha saxda ah” iyo “fiisaha saxda ah” sida uu sheegay.

Cartan oo lagu waday in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda Final-ka Koobka Adduunka, ayaa Isniintii laga saaray liiska, kaddib markii laga diiday inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Miami.

Ma jirto sabab dib u celinta Cartan ku saabsan oo ka soo baxday laanta socdaalka Mareykanka, balse Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ku jira liiska mamnuucista socdaalka ee uu soo saaray maamulka madaxweyne Donald Trump.

Ka dib markii uu la hadlay madaxda Mareykanka, xiriirka adduunka ee Fifa wuxuu sheegay in Cartan uu ka maqnaan doono tartanka.

“Aad iyo aad ayaan u niyad jabsanahay,” Cartan ayaa u sheegay New York Times. “Kaliya waxaan ahay garsoore isku dayaya inuu ku noolaado riyadiisa – riyadii ugu weyneyd ee nolosheyda, inaan imaado koobka aduunka.”

Bayaan ka soo baxay Fifa oo ku saabsan go’aanka ayaa lagu yiri: “Fifa waxay xaqiijin kartaa in garsooraha ciyaarta Cumar Cabdulqaadir Cartan uusan awoodin inuu tababarto sidoo kalana uu dhexdhexaadiyo Koobka Adduunka ee Fifa 2026 ka dib markii loo diiday inuu galo Mareykanka.

“Fifa kuma lug laha hababka socdaalka dalka martida loo yahay, oo ay ku jiraan go’aan ka gaarista fiisaha, waxayna ku wargeliyeen mas’uuliyiintu in Mr Cartan xaaladiisa aan wax laga bedeli doonin hadda.”

La-taliye sare oo ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay BBC-da in loo diiday in uu gudaha galo, waxaana uu sheegay in Cartan uu ku safrayay warqado sax ah.

Mareykanka oo dalab xasaasi ah hordhigay Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo u gudbiyay dalab xasaasi ah oo ku aadan inuu yimaado magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan dadaallo dhex-dhexaadin ah.

Kulanka labada dhinac oo ay goobjoog ahaayeen saraakiil ciidan oo labada dhinac ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo arrimaha mudnaanta u leh amniga, xasilloonida iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, sida lagu sheeay qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa kulankooda kusoo qaaday arrimo ku aadan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo sidii xal waara looga gaari lahaa, maadaama dalku galay marxalad xasaasi ah oo haddane kaa guur ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Danjire Justin Davis uu Axmed Madoobe hordhigay dalab culs oo ku aadan inuu yimaado magaalada Muqdusho, si uu qeyb ugu noqdo dadaallada dhex-dhexaadinta ah ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda u dhexeysa Dowladd Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka

Ilo wareedyo xilkas a ayaa innoo xaqiijiyay in dalabka Mareykanka uu durbo aqbalay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, isla markaana uu ogolaaday inuu yimaado magaalada Muqdisho, si uu ugu biiro wada-hadallada ay garwadeenka ka tahay Beesha Caalamka ee lagu dhex-dhexaadinayo labada dhinac.

Dhaq-dhaqaaqyan ayaa qayb ka ah kuwa ay horkaceyo Beesha Caalamka oo labada maalin ee lasoo dhaafay xoojisay cadaadiska ay ku hayso dowladda iyo mucaaradka, si mar kale looga hortago in dagaal uu ka dhaco gudaha caasimada.

Si kastaba, Dadaalladan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay sii laba kacleyneyso xiisadda dowladda iyo mucaaradka oo dagaal ka dhalisay magaalada Muqdisho, kadib iska hor imaadyo hubeysan oo dhawaan ku dhex-maray degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo la gaaro xilliga kala guurka waxaa is qabta siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo marar badan qaaday tallaabooyin iska soo horjeeda oo halis gelin gaaray dowladnimada curdunka ee Soomaaliyeed.

Musharaxiintii ka baxay doorashada Koonfur Galbeed oo la qanciyay kadibna…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay waxaa goordhow ka bilowday hadal-jeedinta musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo la qanciyay musharaxiintii horey u diiday ka qayb-galka doorashada, kadib dadaallo la sameeyay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Dr Cabdicasiis Maxamed Jawaari ayaa ugu dambeyn ogolaaday doorashada Koonfur Galbeed, kaddib markii ay isfahmeen wakiillo kasocda Madaxtooyada Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhaba.

Xubnaha hormuudka u ahaa dadaallada la sameeyay waxaa kamid ah musharaxa JSP ee Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo kulan la yeeshay Shariif Xasan, isaga oo ku qanciyay inuu ka qeybgalo doorashada Koonfur Galbeed.

Munaasabadda oo ka socota hoolka doorashada ee Baydhaba, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah mas’uuliyiin ka kala socota heerarka Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, xildhibaanno, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Musharraxiinta ayaa soo bandhigay barnaamijyadooda siyaasadeed iyo aragtidooda hoggaamineed ee ku aaddan mustaqbalka Koonfur Galbeed Soomaaliya, haddii loo doorto xilka Madaxweynaha.

Doorashada oo lagu wado berri inay dhacdo ayaa waxaa aad loogu saadaalinayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo taageero wayn ka helaya Villa Somalia iyo xisbiga wayn ee JSP.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dambeeyay, waxaana sidoo kale aad loo adkeeyay ammaanka guud ee Baydhaba.

Sidoo kale, guddiga oo jawaab ka bixiyay cabashooyinka qaar ee musharaxiinta ayaa goor sii horreysay sheegay inuu diyaariyay ciidamo gaar ah oo ka madax-bannaan dhamaan musharraxiinta u tartamaya xilka hoggaamiyaha maamulka, si ay u qaataan doorkooda ku aadan amniga.

Doorashadan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xiisad culus oo ku aadan sida ay Villa Somalia u wajahayso doorashooyinka.

Turkiga oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo wareegto soo saartay ayaa maanta Danjire Ferhat Alkan usoo magaocwday inuu noqdo safiirka cusub ee u fadhin doono Soomaaliya, isaga oo beddalayo safiirkii hore ee Turkiga ee Muqdisho, Alper Aktaş oo isna loo wareejiyay xilka safiirka Turkiga ee waqooyiga Macedonia, sida lagu caddeeyay wareegtada.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isbeddel diblomaasiyadeed oo cusub oo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, kaas oo ku wajahan Soomaaliya oo haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Safiirka cusub ayaa ah diblomaasi khibrad dheer leh oo ku biiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga sanadkii 2001. Intii uu ku jiray shaqada diblomaasiyadda, wuxuu kasoo shaqeeyay safaaradaha Turkiga ee Kabul iyo Washington, sidoo kale wuxuu soo noqday Qunsulka Guud ee Turkiga ee Houston iyo la-taliye sare oo ka tirsan safaaradda Turkiga ee magaalada Beijing.

Ferhat Alkan kahor magacaabistiisa Soomaaliya, wuxuu ahaa safiirka Turkiga ee Mozambique, isaga oo xilkaas hayay tan iyo bishii Febraayo 2025.

Danjiraha cusub ayaa shahaadada koowaad ka qaatay xiriirka caalamiga ah ee Jaamacadda Middle East Technical University, halka shahaadada Master-ka (MA) ee daraasaadka Yurub uu ka qaatay Jaamacadda Nottingham ee Boqortooyada Ingiriiska.

Si kastaba, Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli Turkiga uu sii xoojinayo xiriirka istiraatiijiyadeed iyo iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Turkiga waa saaxibka koowaad ee Soomaaliya, isaga oo haatan dadaal ku bixinayo soo saarista shidaalka dabiiciga ee dalka iyo xal u helidda arrimaha murugsan ee siyaasadda, gaar ahaan khilaafka dowladda iyo mucaaradka.

Isbeddelkan cusub ayaa sidoo kale xukuumadda Ankara waxay ku dooneysaa inay dib ugu qaabeeyo siyaasaddeeda gudaha Soomaaliya, si ay u hesho kalsoonida madaxda sare ee dalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Maxaa kasoo baxay kulankii mucaaradka iyo Beesha Caalamka? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya, kaas oo ka daray todobaadyadii ugu dambeeyay, kadib markii ay tallaabooyin ay qaadeen labada dhinac.

Xubnaha kala ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Cabdiraxmaan Caynte ayaa kulankan ku metalay mucaaradka, iyada oo labada dhinac ay isla meel dhigeen sidii xal degdeg ah loogu keeni lahaa khilaafka weli ka jira dalka, si aanay uga sii darin xaaladda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wakiilada kulanka ka qayb-galay iyo mucaaradka ayaa isla gartay in lama huraan ay tahay xalinta buuqa ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah oo muddo dheer khilaaf uu ka taagnaa.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay socdaan wada-hadallo jawi hoose ah oo uu garwadeen ka tahay dowladda Turkiga, kuwaas oo lagu dhex-dhexaadinayo Villa Soomaaliya iyo mucaaradka oo dhawaan ku dagaalamay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in haatan xubnaha mucaaradka ay sidii hore kasoo dhawaadeen, isla markaana ay aqbaleen ka qayb-qaadashada wada-hadallada uu hormuudka u yahay Turkiga oo haatan ah saaxibkaa 1-aad ee Soomaaliya.

Dadaalladan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay sii laba kacleyneyso xiisadda u dhexeysa labada dhinac oo dagaal ka dhalisay magaalada Muqdisho, kadib iska hor imaadyo hubeysan oo dhawaan ku dhex-maray degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo la gaaro xilliga kala guurka waxaa is qabta siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo marar badan qaaday tallaabooyin iska soo horjeeda oo halis gelin gaaray dowladnimada curdunka ee Soomaaliyeed.

Guddiga doorashada oo degdeg uga jawaabay cabashada musharaxiinta K/G, soona saaray 3 qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa degdeg uga soo jawaabay cabashada musharaxiinta qaar ka muujiyeen doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga oo soo saaray war-saxaafadeed uu cinwaan uga dhigay “jawaab celinta cabashada musharaxiinta” ayaa wuxuu ku sheegay inuu diyaariyay ciidamo gaar ah oo ka madax-bannaan dhamaan musharraxiinta u tartamaya xilka hoggaamiyaha maamulka.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inuu diyaariyay goob dhex-dhexaad ah oo ka madax-bannaan dhamaan musharraxiinta, ayna u wada siman yihiin imaanshaheeda, si waafaqsan qodobka 74-aad farqadiisa 2-aad ee sharciga doorashooyinka.

“Guddiga waxa uu ku wargelinayaa xildhibaannada in ay reeban tahay in ilo xirka codbixinta (voting booth) lala galo mobile iyo wixii la mid ah si loo ilaaliyo qarsoodiga codka si waafaqsan qodobada 3-aad iyo 56-aad ee sharciga doorashooyinka sharci Lr. 28-2024,” ayuu guddiga ku yiri war-saxaafadeedka.

Guddiga ayaa ku wargeliyay xildhibaannada codkooda dhiibanaya inay u hogaansamaan sharciga codkoodana u dhiibtaan si qarsoodi ah, kana fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara qarsoodi ahaanshaha codka.

Jawaabta guddiga doorashada ayaa imanaysa xilli musharraxiinta hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Prof. Jawaari) ay qaadaceen hanaanka wax u socdaan, xilli qorshuhu yahay inay doorashadu dhacdo maalinta berri ah.

Labada musharax ayaa sheegay in aysan ka qeyb-geli doonin doorashada maamulkaas illaa uu xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iska casilo musharrax Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Sidoo kale waxay sheegeen in tartanka doorashadu uu u baahan yahay jawi ku dhisan cadaalad iyo sinaan, iyagoo muujiyey walaac ku saabsan in musharrax xil qaran haya uu isla markaana u tartamayo hoggaanka Koonfur Galbeed.

Waxay sheegeen in aanay suurtagal ahayn in si siman loola tartamo musharrax haya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, maadaama uu weli ka tirsan yahay hay’adaha dowladda federaalka.