28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

XOG: QM oo u digtay afar ka mid ah ra’iisul wasaareyaashi hore ee Somalia

Addi-Ababa (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia, ayaa uga baaqay ra’iisul wasaareyaashii hore ee Somalia inay joojiyaan qaska iyo fowdada ka dhanka ah Dowladda Somalia oo ay wadaan, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Diblomaasiyiin ku sugan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa Caasimada Online u sheegay in Nicholas Kay uu magaaladaas kula kumay Cmar Cabdirashiid, Cali Khaliif Galar, Cabdi Weli Gaas iyo Cali Maxamed Geedi.

Raggaasi ayaa magaalada Addis-Ababa looga yeeray maalintii ay is-afgaradka gaareen dowladda Somalia iyo maamulka Jubba ee Axmed Madoobe.

Sida ilaha diblomaasiyadeed ay u sheegeen Caasimada Online, Kay ayaa u sheegay ra’iisul wasaareyaashii hore in heshiiska DF iyo Jubba uu doonayo inaan la carqaladeyn, islamarkaana laga shaqeeyo horumarka dalka.

Xubnahaasi ayaa ku mideysan isbaheysiga qas-wadayaasha Somalia ee fadhigeedu yahay Nairobi.

Kay ayaa sidoo kale u sheegay ra’iisul wasaareyaashi hore in waxyaabaihii ugu weynaa oo ay dowladda ku dhaliileen ay ahayd arrinta Jubaland, taasna iminka lasoo afjaray.

Kay ayaa sida la sheegay ugu digay madaxdaas hore in beesha caalamka aysan ogolaan doonin qalalaase hor leh, cid kasta oo la dareemo inay ku leedahayana tallaabo laga qaadi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

DAAWO VIDEO: Shacab su’aalo adag weydiinaya madaxweyne Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka kulanka todobaadka oo maalin kasta oo jimco ah ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa shalay marti ku ahaa Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Barnaamijka ayaa waxaa ka qeyb galay shacabka Soomaaliyeed ee jooga gudaha dalka iyo dibedda, kuwaasi oo su’aalo adag weydiiyey madaxweynaha.

Su’aalaha la weydiiyey madaxweynaha ayaa ku saabsanaa arrimo badan oo dalka ka taagaan iyo sida madaxweynaha uu u wajahay ama uu u wajihi doono.

Hadaba Halkan ka daawo Barnaamijka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Kenya oo sheegtay inay dib u dhigtay shir qorshihiisu ahaa in Somalia ay….!

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhac uu ku yimid shir ay si wada jir ah u qaban lahaayeen iyada iyo dowlada federaalka Somalia kaasoo diirada lagu saari lahaa qaabka ugu haboon qaxootiga Somalia ee ku nool xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab dib loog helin karo dalkooda.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibada iyo ganacsiga caalamiga ah ayaa lagu sheegay in shirkaasi oo lagu madalsanaa bishan August 28-keeda iyo 29-keeda kaaso ka dhici lahaa magaalada Nairobi dib loo dhigay si fursad loo siiyo dowlada Somalia oo haatan wado la tashiyo iyo baarandagis.

Shirkaasi ayaa sidoo kale qayb ka noqon doono hey’adaha gargaar iyo dalalka caawiyo Somalia.

“Waxa sidoo kale la sheegay in shirka uu ku soo beegmaya shirkale oo looga hadlayo kaabayaasha dhaqaalaha kaasoo ka dhicacay magaalada Mombasa August 27-28” warka qoraaka ayaa intaasi ku daray.

Kenya ayaa sheegtay in shirkaasi ay iyadu soo agaasintay islamarkaana ay ka qayb gali doonaan Hey’ada Qaxootiga UNHCR iyo hey’ado kale.

Ula jeedka shirka ayaa ah in looga shaqeeyo qaababka, qiimaha iyo waqtiga ugu haboon ay qaxootiga Somalia ay dalkooda dib ugu laaban karaan, sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibada ee dalkaasi.

Nus milyuun qof oo Somalia qaxooti ah ayaa ku nool dalka Kenya iyadoo tirada dadka ay sii kordhayaan sababo la xeriira colaadaha iyo abaaraha.

Dowlada Kenya ayaa dhawaan ku dhawaajisay in 80,000 qof dad ka badan oo Somali ah ay dalkooda ku laabteen bartamihi bishan.

Lama sheegin xilliga la qabano shirkaan oo dowlada Somalia ay sheegtay in uu leeyahay mudnaan gaar ah.

Isha: Hadaf News Network

VIDEO: Xeeb loo dalxiis tago oo mar qura isku badashay kala carar

Caasimada Online:  Goob Xeeb ah oo loo soo dalxiis tago ayaa mar qura lagu kala caray kadib markii halmar arin aysan filaneynin ay ka war helyn dadkii halka ku damaashadayay ee isaga kala yimid Qaarado kala duwan.

Dalxiisayaasha ayaa si jawi dagan iyo qorax ku heestay Xeebta balse arintu sidaa ma sii ahaan waxaa mar qura is badalay goobto oo uu soo galay hir ama daad xoogan oo ay ka war qabin waxaana halkaa ka dhacay kala carar oo qof walba nagtiisa halkaa kala baxsaday.

HALKAAN KA DAAWO:

Dad la soo qabtay dilkii taliyihii nabad sugida ee Kaxda, Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka degmada Kaxda ayaa ka warbixinyay howgal seddaxdii cisho ee la soo dhaafay ee ka socday degmadaas, kuwaasoo lagu soo qabqabtay dad badan oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay dilka Taliyihii nabad sugida degmada Kaxda.

Cabdiweli Yuusuf Cumar oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee Muqdisho ayaa sheegay in howlgalada ay ka wadeen degmada Kaxda looga gun lee yahay siddii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilka Khaliif oo ahaa taliyihii nabad sugida ee Kaxda.

Taliyaha ayaa isaga iyo ciidamo kale waxa ay ku dhinteen weerar kooxo hubeysan ay ku soo qaadeen degmada Kaxda seddax habeen ka hor.

“Maalmahan degmada waxaa ka socday howlgalo aan ku dooneyno in ammaanka ku xoojino iyo in aan ku soo qabano dadkii ka dambeeyay dilka taliyihii nabad sugida” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Kaxda.

Wuxuu kaloo uu sheegay guddoomiyaha in dadka la soo qabtay ay hadda ku socdaan baaritaan, isagoo intaas ku daray in cidkii lagu helo weerarkaas in loo wareejin doono hey’addaha ammaanka ee dalka si sharciga loo horgeeso sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay in la deen doono cid kasta oo dambi lagu waayo.

Degmada Kaxda ayaa dadka ku dhaqan waxa ay lee yihiin maalmihii dambe waxaa lagu soo daadiyay ciidamo fara badan kuwaasoo baara dadka iyo gawaarida.

Degmada Kaxda ayaa dhawaan ku soo biirtay degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana degmo ahaan u aqoonsatay dowladdii kumeel gaarka ee uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Sawirro: Ciidamadii ugu tirada badnaa oo maanta kusoo biiray DF Somalia

Dhuusa-mareeb-30-08-2013-War-saxaafadeed….Munaasabad ballaaran oo dib loogu furayay Xerada Ciidamada Xoogga dalka ee 21-aad ee Magaalada dhuusa-mareeb ayaa Gelinkii dambe ee Maanta lagu qabtay Dhismaha xaruntaas oo ku taalla magaalada dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud iyadoo si rasmi ah xarigga uu uga jaray dib u furitaanka Xerada Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi ,waxaana munaasabaddaasi goobjoog ka ahaa,Saraakiisha Taliska Xoogga dalka ee 21-aad,Saraakiisha sarsare ee Ahlusunna Waljamaaca ,Odayaasha Dhaqanka,siyaasiyiin iyo martisharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha saddexda Gole ee Ahlusunna Waljamaacad Sh.Ibraahim Sh.Xasan Guureeye, waxa uuna xusay in maanta wixii ka dambeeya Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ay ku biireen Ciidamada Xoogga dalka islamarkaana ay ka qeybqaadan doonaan hirgelinta Nidaamka Dowladnimo ee Gobollada Dhexe ee dalka.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka General c/risaaq Khaliif Cilmi oo maanta ka hadlay Munaasabadda ayaa ugu horreyn waxa uu salaam sharaf uu ka siday madaxda Qaranka Somalia guddoonsiiyay Ciidamada Ahlusunna ee maanta si rasmi ah ugu biiray Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Somalia,isagoo ballanqaadey in Taliska Xoogga dalka uu dammaannad qaadayo bixinta Xuquuqda ay leeyihiin Ciidamada Ahlusunna ee maanta la midoobay Xoogga dalka, waxa uu intaasi sii raaciyay abaanduuluhu in Labo neef oo Geel ah loo qalayo Ciidamada Ahlusunna ee kamid noqonaya Xoogga dalka.

Generaalku waxa uu tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya ay Ciidamada lagu xareynayo Xerada ay kala mid noqonayaan Ciidanka Xoogga dalka dhinacyada Xanaaneynta,Qalabeynta,Taakuleynta,Xuquuqda iyo waajib siinta Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somalia. Generaal C/Risaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Xoogga dalka Somalia ayaa maanta munaasabadda ka xusay in Ciidamada lagu xareynayo Xerada 21-aad loogu magac daray ( Cali Boobaaye 2- ) magacaas oo ah Ciidamadii ugu horreeyay ee lagu aas-aasay Xoogga dalka ,isagoo farta ku fiiqay in Dowladda Soomaaliya ay dib u dhiseyso Xeradan islamarkaana tababar dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa loogu qaadi doono Ciidamada Ahlu-sunna ee ay qarameynayso Dowladda Soomaaliya si ay u helaan Xuquuq lamid ah kuwa Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Somalia.

Saraakiisha Ahlusunna ayaa Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka ku wareejiyay Gaadiid dagaal iyo Ciidamo aad u farabadan oo loogu talagalay in lagu daro Ciidanka Xoogga dalka si loo qalabeeyo. Dib u furitaanka Xeradan ayaa qeyb ka ah hirgelinta Heshiiskii ay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya la gashay Maamulka Ahlu-sunna waljamaaca Bishii March 2013,waxaana ay noqonaysa Xero laga maamulo Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobollada Dhexe gaar ahaa Mudug ,Galgaduud iyo Hiiraan,iyadoo Talis cusub loo soo magacaabay Xeradan oo aan shaqeynayn muddo ka badan 20 Sano.

DSC00589 DSC00590 DSC00601 DSC00602 DSC00622 DSC00628 DSC00636 DSC00640 DSC00663 DSC00664 DSC00666 DSC00667 DSC00681 DSC00687 DSC00690 DSC00695 DSC00746 DSC00751 DSC00589 DSC00640

Cabdiweli Gaas oo ka hadlay heshiiskii Addis Ababa sheegayna in…..

Addis Ababab (Caasimada Online) Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumaddii KMG ahayd ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali oo saxaafadda kula hadlayay maagalada Nairobi ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay magaalada Addis Ababa dhawaantan ku kala saxiixdeen DF Somalia iyo Maamulka Axmed Madoobe.

Cabdiweli Gaas ayaa heshiiska ku tilmaamay mid dhabaha u xaaraya in dalka meelaha gacanta dowladda ku jirta laga hirgiliyo nidaamka fedaraalka.

Wuxuu ka dhawaajiyay in heshiiskaas uu billow u yahay siddii maamullada kale ee dalka ugu dayan lahaayeen

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay labada dhinac ee ku heshiiyay Addis

Ugu dambeen, Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in dowladda fedaraalka Soomaaliya looga baahan yahay in dalka ay ka hirgeliso nabadgelyo, dib-u-heshiisiin iyo xasillooni

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in uu yahay musharrax doorashada maamulka Puntland oo sannadka soo socda lagu wado in ay dhacdo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi .

 

Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka jawaabay go’aankii Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha DF Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aankii ay Puntland xiriirka ugu jartay dowladda dhexe.

Xasan Shiikh ayaa hadalkan ku sheegay warbixin uu shacabka Muqdisho uga jeediyay Warbaahinta DF, isagoo sheegay inay ka xun yihiin Puntland ay mar keliya ku dhawaaqdo inay xiriirka u jarto DF.

“Puntland waxaan xusuusanaa inay tiir u tahay dhismaha Dowlada Federalka Somalia, dhaqaale badan iyo waqtina ay ku bixisay, dhowr jeerna shirar lagu qabtay Puntland, kuwaasoo looga tashanayay dowladnimada Somalia, balse waxaan garan la’ahay sababta keentay in Puntland ay xiriirka u jarto DF,”  ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku yiri.

Dhageyso hadalka madaxwyenaha

Madaxwayne-Xasan-Sheekh-oo-Faroole-u-Jawaabay (2)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Muxuu Madaxweyne Xasan ka yiri Heshiiskii Adis-Ababa?

Muqdisho (Caasimada online) Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay Shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethiopia , kaas oo lagu soo dhisay Maamulka KMG ah ee Jubba ee hogaamiyo Axmed Madoobe.

Wuxuu guul taariikhi ah ku tilmaamay Heshiiskaas , isagoo sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka xuntahay dagaalkii dhawan ka dhacay Kismaayo , waxaana uu shaciyay in dowlada ay mar waliba u taagan tahay nabadeynta BulshadaSoomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu tilmaamay in mar hadiiba la xaliyay arintii muranka badan dhalisay loo baahan yahay in xal laga gaaro caqabadaha kale ee ku hor gudban dowlada Soomaaliya isla-markaana keeeni kara inuu khilaaf yimaado.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay Go’aankii dhawaan Maamulka Puntland uu ka qaatay dowlada Soomaaliya , isagoo sheegay in uusan u muuqan Khilaaf heerkaas gaarsiisan oo keeni kara inay go’aan heerkan ah ay qaadato Puntland.

Wuxuu sheegay inuu ka xunyahay go’aankaas ay qaadatay Puntland isla-markaana uu sii horseeday kala fogaanshiyaha bulshada Soomaaliyeed wxaana uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in gacmaha la is qabsado.

Madaxweynah Soomaaliya ayaa ugudambeyn wuxuu shacaka Soomaaliyeed ka dalbaday inay caawiyaan isla -markaana ay muujiyaantaageeridda dowladda Soomaaliya si dowladu ay horu socod u sameyso .

Halkaan ka dhageyso Madaxweyne Xasan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhgayeso: Xasan Sh. oo ka warbixiyay waxqabadka DF ee sanadkii tagay

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa maanta wuxuu ka warbixiyay waxqabadka Mudadii sanadka aha oo ay jiratay dowladiisa , iyadoona su’aalo ay ka weydiinayeen Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadiisa kuwaas oo ku qotmay dhamaantood waxqabadka dowlada uu hogaamiyo.

Xasan Sheekh oo Marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee Talafashinka qaranka Soomaaliya iyo Raadiyaha dowlada ayaa faah faahin buuxda wuxuu ka bixi waxyaabihii u suura galay dowlada iyo waxa ka dhimacn halka sano oo ay jirto dowladiisa.

ugu horeyn Madaxweyne Xasan ayaa Qudbad Soconeysay Muddo ka badan 37 -Daqiiqo wuxuu uga waramay is bad badalka Siyaasadda waxa u qabsamoonay iyo waxa ka dhiman inta uusan xilka qaban sida xaalku uu ahaa iyo kadib markii uu xilka uu qabtay sida ay wax noqdeen , iyadoo intaasi ka dibna ay si toos ah u bilaawdeen weydiimah dadweynaha Soomaaliyeed ee kunool dal iyo dibad.

Dhanka siyaasadda

Madaxweynuhu wuxuu sheegay mudadii koobneyd oo ay jirtay dowladiisu inay horumar ka gaartay dhanka siyaasadda , waxaana uu sheegay inay higsanayaan in 2016-ka ay dhacdo doorasho xur ah oo ay dadku safaf dhaa dheer u galaan .

Dhaqaalaha iyo bixinta Mushaaraadka

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya markii ay xilka la waregeysay qasnada dowladu inay aheyd mid faaruq ah , hayeeshee dadal dheer ka dib caalamka ay ka heshay caawinaad iyi garab qabasho buuxda .

Shaqaalaha rayidka dowlada iyo waliba ciidamada dowlada Soomaaliya ayuu sheegay inay bilaabeen Mushaaraadkooda , iyagoona bil wabila si toos ah oo aan wax is daba marin aysan ku jirin ay u helayaan .

Dhanka amaanka

Xasan sheekh wuxuu sheegay in dhanka amniga ay wax badan ka qabatay , waxaana uu shaaca ka qaaday inay jiraan qorshayaal balaaran oo ku aadan sugidda dhanka amniga ah si falalka amni ee xilliyada qaar dhaca looga hortago.

Shirarka iyo dib u heshiisiinta

Wuxuu sheegay inay Dowladu qabay shirara la isugu keenayo bulshada isagoona tusaale usoo qaatay shirkii,  garsoorka, iyo shirkale oo markii ugu horreysay looga hadlay siyaasada tacliinta dalka, sidoo kale bishan soo socota ayuu tilmaamay in Muqdisho lagu qabandoono  shirweyne Qaran oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasada dalka,  kaas oo ay ka qeybgalayaan ilaa 200 ergo ah sida uu sheegay.

Dowladda Sooomaaliya ayuu sheegay inay wado dadaalo ku aadan sidii lagu hormarin lahaa tacliinta iyo nidaamka waxbarasho ee dalka , si loo helo bulsho aqoon leh , waxaana shacabka Soomaaliyeed uu ka dalbaday inay barbar istaagaan dowlada Soomaaliya .

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in dowladiisu ay guuleysan doonto , isagoo guusha dowladiisu ku xiray sida shacabka soomaaliyeed ay uga qeyb qaataan dib u dhiska iyo taaageedara dowlada Soomaaliya .

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay su’aalo ay soo weydiiyeen dhageystayaal ku sugan dalka iyo dibada, wuxuuna ka jawaabay su’aal ku aadaneyd sababta ay ciidamadu u xoreyn la’yihiin deegaano hor leh ayaa yiri’’ Ciidamadeenu ma dagaalami karaan ilaa ay doonto AMISOM iney dagaasho taasnina waxaa sabab u ahaa cunaqabateyntii dhinaca hubka aheyd oo na saarnaa inkastoo an ku guuleysanay in la qaado cunaqabateynta,  hadana waxaan suurtagalinay inaan  gaadiid iyo hub u iibino,  hoggaan cusubna u magacaawno iyo dhismaha cidamanka oon hagaajino’’

Madaxweynaha ayaa ka hadlay in dowladu ay dadaal badan ugu jirto hirgelinta nidaamka Federaaliisimka ah,  isagoo tilmaamay in aysan jirin qawaaniinta hageysa Federaalka isagoo xusay in dowladu ay dadaal ugu jirto sidii loo diyaarin lahaa qawaaniinta federaalka,  wuxuuna dhinaca kalena xusay iney gobolada usii magacaabeen maamulo KMG ah.

‘’Heshiiska  adis’ababa wuxuu ahaa mid meel dhexe la isugu yimid iyadoo dowladu wax badan ka tanasushay maamulkaasina uu sidoo kale ka tanasulay wax badan uu jeclaan lahaa, heshiiskaasina wa bilow waana sii dhaneystiridoona dowladuna waxey diyaar u tahay iney ka hortagto wax kastoo keenaya colaad ku so laabata deeganadaasi’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa su’aalo kala duwan uga jawaabay dhageystayaasha ku dhaqan gudaha dalka iyo daafaha caalamka.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xxasam Sheekh ayaa ka jawabay Su’aalo badan oo ku qoromay waxqabadka dowlada Soomaaliya e madadii Sanadka aheyd oo ay jirtay , isagoona si toos ah shacabka uga jawabayay su’aalaha ay soo weydiiyaan.

Halkaan ka dhegeyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Damaashaadka Xeebta LIIDO

Caasimada Online:  Shacabka Muqdisho iyo Qurba Joogta Soomaalida ayaa maalin walba oo jimco ah waxeey u soo damaashaad tagaan Xeebta weyn ee Liido ayagoo halka afarxada maalinta jimcaha kula qeyb sada Familkooda iyo asxaabtooda.

Amaanka Goobta Xeebta ee Liido waxaa aad u sugaya Ciidamada Dowlada oo ilaalinaya in ay halkaa ka dhacaan falal wax u dhimaya amaanka goobta iyo in wax yeelo ay soo gaaraan Shacabka tirada badan ee u soo damaashaad taga Maalinta Jimcada Xeebta Liido.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Puntland oo ku dhowaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland iyo xiisad kacsan

Garowe (Caasimada Online) – Xili Booqasho afar maalin qaadatay uu ku joogo deegaanka Taleex Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa iminka waxaa soo baxaya in Maamulka Puntland qorshaynayo weerar ka dhan ah Maamulka Somaliland kaas oo la rabo in lagula wareego Gobalka Sool.

TaliyahaCiidamada Daraawiishta Degmada Taleex ayaa si cad u sheegay in Ciidamada daraawiishta ee deegaanka heegan buuxa la galiyay islamarkaana loo diyaariyay dagaal ay ku qaadan Ciidamada Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Taliye  Cali Baale oo ah Madaxa Ciidamada deegaanka waxa uu sheegay in Ciidamada yahiin kuwa qalabaysan waxa uuna sheegay in dagaal ka dan ah ku qaadi doonaan deegaanada ay ka joogaan Gobalka Sool Ciidamada Somaliland.

Cali Baale waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe la doonayo in Gobalka Sool looga xureeyo Maamulka Somaliland sida uu sheegay waxa uuna xusay in deegaanada Gobalka Sool Somaliland si xoog ah ku haysato muda sanooyin ah.

Mr Baale waxa uu sheegay in qorshahaan uu qayb ka noqon doono Maamulka Khaatumo waxa uuna tilmaamay in labada dhinac iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah Maamulka Somaliland ee a qorshaynayo in dhawaan lagu qaado Laascaanood si gacanta Puntland ugu soo nqoqoto.

Xilidhibaan Saadaq Garaad oo ka mid ah Golaha Baarlamanka Puntland ayaa sheegay dhawaan in Puntland diyaar u tahay in ay xurayso Gobalka Sool iyo deeganada kale ee Somaliland xooga ku qabsatay waxa uuna xildhibaanka sheegay in dhawaan tilaabadaa la qaadi doono.

Madaxwayne Ku xigeenka Puntland Cabdi SamadCali Shire wali kama uusan hadlin arintaa laakiin dhinaca kale waxa ay walaac ku haysaa booqashada Cabdi samad Maamulka Somaliland waxa ayna booqashadaa ku macneeyeen mid khal khal lagu galinayo amniga Somalialnd iyo wada noolashaha dadka deegaanka ku dhaqan.

isha: Wehelmedia

Dhageyso: Beelo DF kalsoonida kala laabtay una yeertay xildhibaanadooda

Beydhabo (Caasimada online) – Waxgaradka iyo odayaasha kasoo jeeda deegaanada gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxay sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen dowlada Soomaaliya ka dib heshiiskii kasoo baxay Shirkii Adis Ababa ee Maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya.

Suldaan Shariif Cali Xasan , oo kamid ah salaadiinta ka soo jeeda gobolka Baay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay aqoonsi sii say Shaqsi aan u qalmin hogaaminta dalka gaar ahan deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayay odayaashaas waxay shjaaca ka qaadeen inay kalsoonidii kala laabteen dowlada Soomaaliya marba hadii dowlada Soomaaliya ay aqoonsatay Maamulka Axmed Madoobe.

Suldaan Shariif Cali Xasan, wuxuu warbahinta usheegay kadib kulankaas in heshiiskii Adis-Ababa uu horseedayo kala qeybinta Shacabka , Waxaana uu sheegay in Kulankii Adis-abab iyo go’aankii kasoo baxay aan laga sameyn la tashi balse Shaqsiyaad uu sheegay inay dano gaar ah leeyihiin ay ujeedooyihkoodii ka gaareen.

Wuxuu sheegay inay u yeerayaan Mudanayashooda ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya inay sida ugu dhaw ay yimaadaan Beydhabo , waxana uu shaaciyay in kalsooni kala noqoshada dowlada ee kasoo yeertay aaney aheyn go’aan afka ah balse ay ku adkeysan doonaan.

Halkaan ka dhageyso Suldaan Shariif Cali Xasan

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan waxay heshiis kula soo saxiixatay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethiopia Maamulka Jubba ee uu majaraha u hayo Axmed Mdoobe.

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

Kashifaad: Xasan & xaq darrada Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxyaabaha ugu weyn ee madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh uu ku heystay Axmed Madoobe, ayaa waxaa ka mid ahaa in maamulkiisa aan loo dhameyn, oo dad ka mid ah kuwii deegaanka laga qadiyey xaqooda.

Sidaa oo ay tahay wixii uu ku eedeeyey Axmed Madoobe, ayuu Xasan Sheikh kaga dhaqmaa magaalada Muqdisho, sida ay ku eedeeysay mid ka mid ah beelaha beesha uu kasoo jeedo isaga ee Abgaal.

Beesha Mataan Cabdulle ee Wacbudhan Abgaal, ayaa ku dhaleeceysay Xasan Sheikh inuu duudsiiyey xaqooda.

Kullan ayaa Muqdisho ku yeelatay ayaa beesha Mataan waxa ay madaxweynaha ku eedeysay inuu u diiday xaqooqda, kana door biday nin jecleysi iyo qabiileysi.

Beesha Mataan Cabdulle oo ah dadka deegaan ahaan u leh Muqdisho, ayaa sheegtay in madaxweynaha ay ka doonayaan xaqooda, maadaama Somalia ay tahay Federal iyo nin kasta iyo deegaankiisa.

Afhayeen u hadlay Mataan Cabdulle, ayaa wuxuu sheegay in lagu haayo dhibaato seddex qaybood isugu jirta, wuxuuna ku kala sheegay Deegaanka, dadka iyo dalka.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha uu ixtiraamay Axmed Madoobe iyo dadkiisa markii ay la dagaaleen, sidaa darteedna haddii uusan nabad ku qiimeyn ay ayagana dagaal ku dhacsan doonaan xuquuqdooda.

Sidoo kale dadka Deegaanka, ayuu sheegay inay dhibaato ku qabaan Ciidamada Militariga ee Dowladda, xilli ay dadku doonayaan inay booqdaan qoysaskooda, iyadoo uu sheegay in la soo adeegsado askarta Dowladda.

Dhageyso codka Afhayeenka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: AXMED Madoobe oo la hadlaya Col. Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba, oo dhowaan heshiis la galay dowladda federaalka ah ee Somalia, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay wada-hadal la geli doonaan Col. Barre Aadan Shire Hiiraale, oo sheegta madaxweynaha Jubaland.

Xildhibaan horey uga tirsanaa baarlamanka Somalia, imikana ka mid ah saraakiisha maamulka Jubba, ayaa shaaca ka qaaday in dadaallada nabadeed aysan ku ekaan doonin hehsiiska dhex maray Jubba iyo DF oo kaliya.

Waxa uu caddeeyey in maamulka Jubba oo uu ugu horeeyo hogaamiye Axmed Madoobe ay isku dayi doonaan inay heshiis la gaaraan dhammaan dhinacyada kaoso horjeeda maamulkaasi oo uu ku jiro Barre Hiiraale oo jooga duleedka Kismaayo.

Col. Hiiraale ayaa in mudda ahba ku hanjabayey inuu weerar dib ugu qaadi doono Kismaayo, islamarkaana ka qabsan doono kooxda Axmed Madoobe.

Si kastaba Hilowle oo wareysi siiyay warbaahinta Kismaayo24 ayaa sheegay inay sameyn doonaan wax kasta oo ay kaga hortagi karaan dagaal dib uga dhaca magaalada Kismaayo.

Halka ka dhagyeso hadalladiisa

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

5 qalad oo ay DF SOMALIA ku gashay wada-hadalladii Addis-Ababa (Aqri)

Sida aan Lawada Socono Dowlada Soomaaliya & Maamulka uu Hogaaminaayo Axmed Madoobe Waxaa Madal & gogol loo dhigay Magaalada Adis – Ababa taas oo ugu danbayntii Heshiis ay labada dhinac ku kala Saxiixdeen , Hadaba Markaad si Qota dheer u eegtid Qodobada Heshiiska Wuxuu Noqonayaa Mid Ka Tarjumaayo Daciifnimada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Si dadban Axmed Madoobe ugu Gacan galisay Deegaanada Jubboyinka oo Qilaaf Xoogan u Kataagnaa dhiig badana kudaatay , Aragtidayda Magacii Jubbaland oo la badalay Micno Ma lahan Mana Keenaayo Isbadal Kusalaysan Higsasho Siyaasad Cusub & Himilo Xanbarsan Soo Afjarida Wadiiqadii Dagaal & Ismaandhaafkii dhaliyay Daadashada dhiig badan Sababayna Qalalaaso Ku Salaysan Hayb Sooc beeleed .

Cidna Kama Qarsoona Wixii Ka dhacay Kismaanyo & dhibaatadii ugu danbaysay ee Galaaftay Nolosha Boqolaal qof oo Soomaali ah, hadaanse inyar dib u Milicsado Jaangoyntii Siyaasadii Sababtay Dagaaladii Kismaanyo Waxaa Qayb libaax leh Ka Qaatay Dowlada Soomaaliya oo hifanaysay Hanashada Dakada & Airport- ka Kismaanyo & Jabhada Raaskanbooni oo Fulinayso Dano daahsoon & Damaaci Muuqdo oo Kenya ay ka lahayd Deegaanka Hodanka ah ee Jubbaland Waxaase Musiibadaas Ku Waxyeeloobay Dadkii Asalka & Jirida u ahaa Deegaanada Jubbooyinka Kuwaas oo Taangiyada & Maraakiibta dagaal ee Kenya Lagu baacsaday laguna Xasuuqay , Waxaana Xaqiiq ah Beelo Badan oo Asal u ahaa Fidinta Nidaamka Siyaasada Dowlada madaxweyne Xasan Sheekh in Lagu Bahdilay Shirkii Adis – Ababa Balse inta aanan Gorfayn oo aanan Cadayn dhaliisha uu leeyahay Heshiiskii Adis – Ababa & Qaladaadka ay Dowlada ay gaysatay intuu Socday Shirka Adis-Ababa , aan dib u Milicsado Daraasad kooban oo La Xiriirto Dagaaladii Kadhacay Kismaaynyo & ujeedadii ay ku Qotameen.

Tiro laba Jeer Dagalo Xoogan ayaa Ka dhacay Magaalada Kismaanyo Dagaaladaasi oo Lahaa ujeedooyin Siyaasadeed & Ismuujin Beeleed ayaa Waxaa Si weyn ugu Lug Lahaa Dowlada Soomaaliya , Maamulka C/raxmaan Faroole , Dowlada Kenya oo dano aan daahsooneen ka Leh Gobolka & beelaha Deegaanka oo intooda badan Waday Xifaaltan & ismuujin Ku Salaysan Deegaanka & Waliba Muruqa ay Beel kasto Kuleedahay Deegaanka .

Soomaali badan oo aan aniga Ka Mid ahay arrinta Jubooyinka Waxaan u Arkaynay , Hadaf Ku Salaysan Hirgalinta Aragtida Dowlada Soomaaliya & Fidinta Maamulkeeda oo ay Wadeen Beelaha Sade Daarood , Gaaljecel , Cowr-Male , Shiiqaal & Kuwa Kale oo ay isku Xulufa ahaayeen Waxayna Marwalbo Talada Deegaanka Ka dhigaayeen Mid u Taal Umada Soomaaliyeed & Dowlada Dhexe ee Soomaaliya Waxaana dhanka Kale Ka Soo Horjeeday Beesha Absame oo Taageero Militiri & Mid dhaqaalo ka helayso Dowlada Kenya & Maamulka Puntland ee uu Hogaamiyo C/raxmaan Faroole Kuwaasi oo Lahaa Dano ka dhan ah Jiritaaanka Dowlada Xasan Sheekh Haba kala Duwanaadaan Danahaase , Waxaan ayaduna Meesha Siyaasad Muuqato Kulahaa Dowlada Soomaaliya oo Raadinayso in Siyaasadeeda & Hanaanka Maamulkeeda Ka Tilaabsado Magaalada Muqdisho , Waana Hubaal Rabitaankii Dowlada Soomaaliya inay u Nafwaayeen Dad badan Sidoo Kalana Taageerida Dowlada Soomaaliya Waxaa lagu Colaadiyay laguna Barakiciyay SHacab Taag daran oo eersaday Siyaasada Dowlada oo ay u dhaga Raaricyeen Maxaase dhacay.

Dowlada Soomaaliya ayaa Magaalada Adis – Ababa Mudo Kula Gorgortamaayay Axmed Madoobo oo Ku Shaqaynaayo danaha C/Raxmaan Faroole & Raga Ku Kacsan Dowlada ee Jalaafooyinka Ka dhanka ah Wado oo ay ugu Horeeyaan C/Wali Gaas , Cali Khaliif Galayr & Geedi oo Mansab doon ah dantoodana ka dhex arkay inay Jilbaha dhulka ugu dhuftaan Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh , Maba Xumee Dowlada Waxay Ogolaatay in ergada Jubbaland uu Hogaamiyo Cumar C/rashiid oo deegaan ahaan Ka Soo jeedo Maamulka Puntland kaas oo La aaminsanyahay inuu Si toos ah u Matalaayo C/faroole , ayada oo aanba Madasha Lagu Soo hadal qaadin Umada Soomaaliyeed ee dagto Jubbaland kuwaas oo u dhintay u dhaawacmay loona Barakicayay Taageeradii ay u Muujiyee Dowlada Soomaaliya Taas oo ah Godob & eex laga galay Bulshada Jubooyinka Mana Muuqato Saamaxaad ay Fidisay Bulsha weynta Reer Jubbalan Sidoo kalana wali Lama hayo Raali garayn & Qancin Ka timaado dhanka Dowlada si ugu Yaraan Loo dhiso Mooralka & Niyada dadkii Aragtida Dowlada Xamar joogto kuwaayay Naftooda hantidoodana Lagu banaystay .

Qaladaadka Dowlada Ay Gashay Shirkii Adis – Ababa.

Wadarta Qodobadii Lagu Heshiiyay waxay ahaayeen dhowr & labaatan Qodob Kumana Jiro Hal Qodob oo Xal u ah Arimaha Qalafsan ee Beelaha & Bulshada Jubooyinka inta badana waa kuwo u faa’iidaynaayo Axmed Madoobe oo aanan Wadan Xulufo Deegaan oo ka Baxsan in Yar oo Hayb ahaan ku Raacday Kuna Taageertay Waxaana Lagu Xaqiray Umad Farabadan oo Isku Bahaystay dan Qaran & Mid deegaan hadaanse Muujiyo inta aan Ka gaaro Xusuusta Maskaxdana ay ii ogolaato Xusidooda Waaa Kuwaan hoos Ku Tixan :

1. Dowlada Soomaaliya Waxay gashay Qalad La Xiriiro Nidaamka Wada Xaajoodka Waayo Beelihii wada Dagay Jubbaland waxay Kala Kulantay Axmed Madoobe oo Beeshiisa Mooyee Cid kale Taageero Ka haysan .

2. Dowlada waxay Qalad Kugashay inay u Ogolaatay Cumar C.rashiid inuu Qayb ka ahaado Wada Xaajoodka Halka dadkii Deegaanka u dhashay dhibaatada ugu darana ay Kala dhexaysay Axmed Madoobe aanba Magacooda La Xusin oo ay Noqdeen suul Fara Kama tirsano .

3. Dowlada waxay Markale Ogolaatay Arinkii Gacan Ka hadalka Sababay dhiiga Badadana Ku daatay oo ahayd Ismagacaabidii Axmed madoobe .

4. Dowlada waxay Qalad ku gashay Heshiiskii La Saxiixay Marnaba laguma Xusin Mudnaanta ay leeyihiin & Masiirka Danbe ee Ciidamadii Mabda’a Dowlada Ku dagaalamaayay Duurkana ilaa hada Ugu jiro .

5. Dowlada Waxay Qalad ku gashay in Shirka Xamar Ka dhacaayo ay Axmed Madoobe uu Oga Qayb Galo Maqaam Hogaamiye taas oo Shaki Galisay in Ergada Ka Qaybgalaysana uu Asaga Soo Xulanaayo , taas oo arinta Ka Dhigayso Cunaqabatayn Ka Daran Madficii Kenya kulaysay dad badan oo Ka Soo Horjeeday Axmed Madoobe Kana Dhigayso Shacabka Jubbaland nin Hal Guran Qaraacay dhana uma Fiyooba .

Gabagabadii Waxaan Qoraalkayga Ku Soo Afmeeraya inaan Xusuusiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Arin uu Hilmaamay kaas oo asagana dhabar Jab ku ah Bulshada Reer Jubbaland aydin & een aan harin ku ah Waxaana Xusuusinayaa Madaxweynaha in Reer Jubbaland aysan Mudnayn inuu Meel Cidla ah dhigo Waayo Waa dadkii aragtida dowlada Xambaarsana ahaana in Laga Talagaliyo , Fikir Buuxana Kama haysto Sababta Dowlada Soomaaliya u doorbiday inay Gorgortan Siyaasadeed la gasho Axmed Madoobe Mana garan Karo in Madaxweyne Xasan uu dan biday inuu Wadiiqadaan Ku Yareeyo Cadaadiska Siyaasadeed ee haysto asagoo ka iishay iskana Indha tiraayo dhibanayaashii Dartiis u waxyeeloobay , hadaysa Jirto Fikirkaan Waxaa Xaqiiq ah in laga eexday Bulshada Jubbaland oo hadii ay Taageeri lahaayeen Aragtidii Kismaayo Lagu waday ayba Suuragal ahaan Lahayd in dhidibada Loosiibo Dowlada Xasan Sheekh .

W/Q Maxamed Xasan Haliil

Cellphone : +27735918316

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online.

 

James McAnulty oo noqday qofkii ugu horeeyey ee runta u sheega Faroole

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa halkaasi kulamo kula leh safiirada beesha caalamka ee fadhiya magaaladaaas, oo uu ugu tagayo xarumahooda.

Shalay waxa uu Faroole la kulmay wakiilka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Somalia James P. McAnulty oo uu kala hadlay arrimaha Somalia islamarkaana uu u gudbiyey dacwo ka dhan ah ah dowladda federaalka Somalia.

Faroole ayaa u sheegay James P. McAnulty in dowladda Somalia ay beddeshay dastuurkii sida uu sheegay ay ku heshiisheen Soomaalida, sida adarteedna uu doonayo in wax laga qabto.

McAnulty ayaa Faroole u sheegay in Mareykanka uusan caddeyn karin in Dowladda Somalia ay beddeshay dastuurka.

Waxa kale oo uu Faroole u sheegay inay haddiiba sida uu wax u sheegay ay u jiraan in xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Puntland ay ku jiraan dowladda Somalia, sidaa darteedna, haddii ay jiraan qaladaad ay tahay in ayaga ay ka hadlaan.

“Sababta ay Puntland xildhibaano iyo wasiiro ugu leedahay Dowladda waa inay matalayaan dadkooda, sidaa darteedna haddii ay jiraan qaladaad deegaankooda laga galay ayagaa wakiil ka ah, ayagana wax cabasho ah kama soo yeerin”.

Wakiilka Mareykanka ayaa dhinaca kale u sheegay Faroole, in Mareykanka uu taageersan yahay heshiiskii ay dowladda la gashay maamulka KMG ah ee Jubba, ayana u riyaaqsan yihiin dadaallada ay waddoo dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Faroole “Puntland waxa ay wadaa sidii ay uga maarmi lahayd DF Somalia”

Nairobi (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi-Raxmaan Maxamed Faroole, oo Wareysi dheer siiyay Wakaalada Wararka Reuters ayaa ka ha hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay in maamulkiisa uu hakiyay xiriirka uu la lahaa dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay wadaan qorshe ay ismaamul ka go’ay Soomaaliya u sameesan lahaayeen.

Faroole muxuu ka sheegay in ay hakiyaan xiriirka DF Somalia iyo Puntland?

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in sababta ka dambeesa in ay joojiyaan xiriirka kala dhexeeyay iyaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya uu yahay markii dowladda ay ka gaabisay hirgalinta nidaamka fedaraalka, kaasoo la rabay in ay billowdo muddada sannadka ah ee u dhammaaday hadda.

Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe uu ku xoojinaayo siddii ay uga go’i lahaayeen dowladda Soomaaliya oo ay u sameesan lahaayeen maamul iyaga u gaar ah.

Faroole ayaa sheegay in Puntland ay ka faa’ideesan doonto Kheyraadka dhinaca shidaalka ee ku jirra deegannada ay maamulaan, kuwaasoo uu sheegay in hadda la billaabay siddii loo baari lahaa.

Faroole Muxu ugu yeeray dowladda dhexe?

Madaxweyne Faroole ayaa Wareysiga uu siiyay wakaalada wararka Reuters wuxuu ku sheegay in dowladda dhexe ay la mid noqotay dowladii Maxamed Siyaad Barre ee Millitariga ahayd, taasoo awoodeeda inta badan laga maamuli jiray caasimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in marnaba arrintaas aysan dooneynin isla markaana sheekadaas ay maanta soconeynin, wuxuu ku hanjabay in dhammaan heshiisyadii ay la lahaayeen dowladda dhexe in la joojiyay.

Faroole ayaa sheegay in dowladda aysan hadda diyaar u ahayn hirgalinta nidaamka fedaraalka maadama halka ay jirto ayuu yiri dowlad fedaraal ah.

Shidaal baaris ayaan billownay

Madaxweynaha Puntland ayaa shaaciyay in maamulkiisa uu hadda billaabay in uu qandaraas uu madax bannaaan yahay la galo shirkado laga lee yahay waddamada Canada iyo Australia, kuwaasoo uu sheegay in shidaal baaris ay ka wadaan  deegannada uu maamulka Puntland uu ka arrimiyo.

Si kastaba, dadka siyaasadaha rogroga waxa ay lee yihiin hadalka Faroole waa mid uu dadka reer Puntland uga jeedinaayo qorshihiisa ku saaban doorashada maamulkaas oo lagu wado in ay dhacdo bisha January  sannadka na soo aadan 2014-ka.

Faroole ayaa dhawaan muddo sannad ah iskiis ugu korarsaday xafiiska markii ay u dhammaatay xilliga loogu talagalay in uu sii hayo maamulkiisa, waxaana arrintaas si weyn u cambaareyay siyaasiyiinta iyo wax-garadka reer Puntland.

Faroole waa nin caan ku ah in uu jahwareer galiyo dowladdaha Soomaaliya soo maray, wuxuuna arrintaas u sameeyaa markii uu ka waayo danihiisa sidaas waxaa leh dadka ku xeel dheer arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

Dhageyso: Muxuu Tarsan ku tilmaamay Dhibaatada ugu weyn ee Somalia?

Muqdisho (Caasimada online) Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa dhibaatada uguweyn ee xilligan Soomaalliya heysata inay tahay Waxbarasho la’aan.

Wuxuu sheegay in dhalinta Soomaaliyeed aaney Nasiib u yeelan 20-kii sano ee ugu dambeysay iyna ku koreen nabad la’aan taasina ay keentay in la fahmi waayo waxa ay noloshu tahay sida uu tilmaamay.

Tarsan, wuxuu sheegay in loo baahan yahayin la xoojiyo sare u qaadista waxbarashada Soomaaliya , waxaana dhalinta Soomaaliyeed uu ugu baaqay inay xoogga Saaraan horumarinta dhanka waxbarasha.

Si loo helo arday tayo leh oo saameyn ku yeeshaa Bulshada ayuu sheegay in Jaamacadaha Soomaaliya laga doonayo inay xoogga Saaraan tayeenta ardaydooda , isagoo sheegay in hadii la helo arday aqoon leh ay taasi fududeyneyso in Soomaaliya Mustaqbalka dhaw ay hiigsato horumar.

Halkaan hoose ka dhageyso codka gumoomiye tarsan

Halkan ka dhageyso Gudoomiye Tarsan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Diyaaraddii ugu weyneyd oo 20 sano kadib kasoo degtay Muqdisho

Diyaaradii ugu Weyneyd oo Xamuul Sida ayaa mudo 20 Sano ka dib Maanta ka Soo Degatay Garoonka Magaalada Muqdisho.

Diyaaradan oo nuuceedu ahaa Boeing 747 ayaa waxa y kireeysneeyd shirkad laga leeyahay dalka turkiga taasoo dhawaan la rajeeynayo inay si buuxdo ula wareegto gacan ku heynta iyo maareeynta howlaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada muqdisho.

Diyaaradan ayaa waxaa saarnaa tan dhan 70 mitirig tan oo ah qalabkii ay ku shaqeyn lahayd shirkada la wareegeeyso howlaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Mareeyaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Inj Cali Maxamuud Ibraahim oo soo cagadhigashada diyaarada ee garoonka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ku soo dagista diyaaradan xamuulka ah ee garoonka ay ahmiyad gaar ah ugu fadhiso dowlada soomaaliyaa,maadaama ay tahay markii u horeeysay mudo 20 sano ka badan oo diyaarad xamuul ah oo nuucaan oo kale ah ay ku soo degato garoonka magaalada muqdisho.

Inj Cali Maxamuud  Ibraahim ayaa sheegay in ay walwal ka qabeen sida ay diyaaradan ku soo cagadhigan karto garoonka Aadan cadde,isagoo sheegay in si looga gaashaanto qatarro lagala kulmi karay Runweyga garoonka ay sameeyeen dadaalo iyo khibrado looga hor tagi karo hadii uu qaladaad dhaco.

Inj Cali Maxamuud ayaa intaasi ku daray In mudo aan dayactir lagu sameeyn laamiga ay ka haadaan ama ku soo degtaan diyaaradaha,iyadoo  marka la eego culeyska soo degashada iyo kicitaanka diyaaradana uu yahay mid aad u balaaran.

Inj Cali ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dayactir garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde looga sameeyo dhinacyo badan oo ay ka mid tahay baaxada Parkingka diyaaradaha,isagoo xusay in garoonka uu maalin kasta sameeyo duulimaadyo u dhaxeeya 50 ilaa 70 duulimaad.

diy 1diy 2diy 3diy 4diy 5diy 6

 

Isha: Radio Muqdisho