25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Daawo Video: Warbixin naxdin leh oo laga diyaariyay Shaqalaha Shabelle

Caasimada Online:  Warbixin nexdin leh oo laga diyaariyay nolasha iyo shaqada Idaacada Shabelle oo ka mid ah Idaacadaha Madaxa banaan ee ka howl gala Magaalada Muqdisho waxaadna ku arkeysaa Muuqaalkani arimo badna oo naxdin leh.

Qaar ka mid ah Wariyayaasha Idaacada Shabelle ayaa ku nool nolol tan ugu cabsida badan ayagoo qaarkood anan banaanka idaacada u bixin muddo bilo ah halka qaar kalana markii ay baxayaan la baarayo markii ay idaacada dib ugu soo noqonayaana la baarayo waxeeyna ka war bixinayaan Nolasha ay ku nool yihiin.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Khilaaf soo kala dhex galay Ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (Warbixin)

Dhuusomareeb (Caasimada online) Ururka ahlu sunn, ayaa  waxaa iminka soo wajahay qilaaf xoogan oo ku aadan maamulka cusub ee dowlada Soomaaliya ay usoo magacaawday , kaasi qaar kamid ah uriurka  ay soo dhaweynayaan halka qaarka kalana ay ka biyo diidan yihiin Joogistiisa Galgaduud.

Magaalada Dhuusomareeb Waxaa ka soconaya kulan gaar u ah mas’uuliyiinta ururkaas Ahlu sunna , kaasi oo ku qotoma kala fikir duwanaanshiyaha Soo kala dhexgalay ururka iyo sidii ay wax meel iskula dhigi lahaayeen .

Xubno uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolaha Fulinta ururkaas Sheekh Cabdi Cali Fiidow , ayaa si weyn waxay usoo dhaweeyeen Gudoomiyaha cusub  ee gobolka Galgaduud ay usoo magacaawday dowlada Soomaaliya , halka xubno kale ay ka biyo diidan yihiin.

Sidoo kale shacabka degan gobolka Galgaduud ,ayaa dhankooda ku kala qeybsan arintan iyadoona qaar ka mid ah Shacabka dega deegaanada gobolkaas ay soo dhaweeyeen gudoomiyaha cusub ee gobolkaas halka qaarna ay ka biyo diidan yihiin .

Xuseen Wehliye Cifro, Gudoomiyaha gobolka galgaduud oo dhawaan xilkaas ay umagacaawday dowlada Soomaaliya ayaa Mucaarado wuxuu kala kulmay Maamulka Ahlu sunna ee gobolkaas qeybo ka mid ah maamulka .

Waxaa la muujinayay ififaalo u muuqday mid ku aadan inay is fahmaan Maamulka Cusub iyo Kan ahlu sunna ka dib markii Gudoomiyaha Cusub ee gobolkaas uu gaaray degmooyin ka mid ah gobolka iminkana uu ku sugan yahay Xarunta gobolkaas , hayeeshee waxaa muuqabnaya inuu wali jiro qilaaf arintaas ku aadan .

Caasimada online

Xafiiska Dhuusomareeb

[email protected]

MUQDISHO: DF Somalia iclaamisay shir weyna dib u heshiisiineed

Muqdosho (Caasimada online) Dowlada Soomaaliya, ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho weyne qaran oo ay ka soo qeyb galayaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed , kaasi oo ku qotoma sidii Siyaasadda dalka looga qeyb galin lahaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Cusmaan Yariisoow, Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa sheegay in Shirkaas uu labada Bisha Soo socota uu Muqdisho ka furmayo isla -markaana uu Socon doono ilaa Lixda Bishaas , iyadoona ay ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulada dalka.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya  Wuxuu sheegay in shirweynahaas uu yahay mid dib u heshiisiin ah , kaasi oo diirada lagu saarayo arimaha Amniga , Siyaasadda iyo waliba sidii loo meel marinlahaa waxyaabihii lagu balamay oo ah in dalka ay ka dhacdo 2017 doorasho Xur iyo xalaal ah.

C/naasir Badal Khaliif, Isu duwaha Wasaarada warfaafinta maamulka Puntland ee Gobalka Mudug,oo warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in shirka Dowladda Soomaaliya iclaamisay uusan waxba soo kordhineyn.Siyaasiyiin badan ayaa aaminsan muujinayana in 2017 aan doorasho xur ah lagu qaban karin Soomaaliya , inkastoo ay jiraan kuwo iyana dhankooda aamin san inay dhici karto in xilligaas doorasho xur ah ay ka dhacdo Soomaaliya .Dowlada Soomaaliya oo uu Baarlamaankeedu sanad Jirsaday, ayaa waxaa ku horgudban  caqabado badan oo ay qeyb ka yihiin  sidii ay gacanta dowlada usoo gali laheyd deegaanada ka maqan iyo inay xaliso Maamulo dhaliilsan siyaasada dowlada Soomaaliya oo  uu maamulka Puntland qeyb ka yahay.
Caasimada onlineXafiiska Muqdisho

[email protected]

R/W Saacid oo ballan qaad sameeeyey

Muqdisho (Caasimada online) Ra’isul wasaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa maanta wuxuu kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah isagoona kala hadlay arimo ay ka mid yihiin Xuquuqul insaanka .

Ra’isul Wasaare Saacid, ayaa si gaar ah wuxuu uga hadlay tacadiya ay qeybta ka yihiin kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed, iyo dilalka loo geysto wariyaasha , isagoo sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay arimhasi oo dhan ay wax ka qaban doonaan .

Wuxuu sheegay in arimaha Xuquuqul insaanka ay xukuumada Soomaaliya u diyaarisay qorshe cad oo wax looga badalo sida ay iminka wax u socdaan , isagoo sheegay in xukuumada uu hogaanhka u yahay ay wado dadaalo looga hortagayo dhibaatooyinkaas.

Dhawaan Muqdisho waxaa Kufsi loogu geystay haweeney Soomaaliyeed taas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen ciidamada AMISOM iyadoona arintaas baaritaankeeda ay Xukuumada Guddi heer wasiir ah ay u xilsaartay inkastoo AMISOM ay Sicad ubeenisay arintaas.

Sidoo kale dhawaan Muqdisho Waxaa dil loogu geystay Allaha u naxariistee Axmed Shariif Xuseen oo ahaa Farsamo yaqaan ku xeel dheeraa Sameynta Idaacadaha ,mkaas oo kahowlgalayay warbaahinta qaranka Soomaaliya.

Caasimada online

Xafiiska Mauqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye: In Xasan Daahir xirnaado, Axmed Madoobena la tuugo waa ceeb Hawiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye, Malaaq Cali Malaaq Showri, ayaa dowladda Somalia ku dhaliilay xariga Xasan Daahir Aweys, oo uu ku sheegay mid xaq darro ah oo ceebna ku ah Dowladda Federaalka.

Malaaq Cali oo kasoo jeeda beesha Mataan Cabdulle ee Abgaal oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in Xasan Daahir Aweys uu yahay ni si nabad ah isku soo dhiibay sidaa darteedna uu mudnaa ixtiraam.

“In Xasan Daahir Aweys uu xirnaado, islamarkaana Dowladda Somalia ay tuugto Axmed Madoobe, oo dowladda kasoo ceyriyey Kismaayo waxa ay ceeb ku tahay beelaha Hawiye” ayuu yiri Malaaqa.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay xaaladaha amniga Muqdisho, arrinta Kismaayo iyo cidda xaq u leh deegaan ahaan iyo arrimo kale.

“Dowladda waxa ay sheegeysaa caddaalad, laakiin aniga dhulkeyga Muqdisho ayey xoogtay, oo ay guddoomiye uga dhigtay Tarsan oo ka yimid Jawiil iyo Khalaafe, markaas ayey sheegeysaa caddaalad” ayuu yiri Malaaq Cali.

Halkan ka dhageyso shirka jaraa’id ee Malaaq Cali Malaaq Showri

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

JAWAARI oo shaaca ka qaaday arrimo ku saabsan dasturka oo aan horey loo ogeyn & xaqii banaanka usoo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, ayaa looga jawaabey eedeymo ku saabsanaa in wax laga badaley dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, eedeymahaas ayaa ka soo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Warkan qoraalka ah ayaa lagu sheegey in mudanayaasha baarlamanka iyo hogaankiisaba ay ka war hayaan in qodobada qaar ee dastuurka ay is burinayaan ama iska hor imaanayaan sidaas aawadeedna ay u saareen guddi dib u eegis ku sameeya, guddigan ayaa la sheegay in la magacaabay bishii June 6 deedii, guddigaas ayaa dadweynaha u soo bandhigi doona marka ay howshooda soo gabgabeeyaan.

Waxaa kale oo waxba kama jiraan uu ku tilmaamey war saxafadeedkan in nuqulkii ugu danbeeyey ee dastuurka KMG ah lagu ansixiyey kulankii Addis Ababa ka dhacay bishii May ee sanadkii 2012ka, iyadoo uu qoraalkani sheegayo in shirkaas uu ka danbeeyey mid kale oo bishii June ka dhacay magaalada Nairobi oo ay dowladdii xiligaas jirtay iyo maamulka Puntlandba ay wakiilo ku lahaayeen guddigaas farsamo, guddigaas ayaa lagu sheegey war saxaafadeedkan in lagu magacaabay xeer madaxweyne iyagana ay u gudbiyeen guddigii ansixinta dastuurka.

Waxaa qoraalkaas lagu sheegay in maamulada dalka ka jira heer walba oo ay yihiin aysan wax howl ah ku laheyn dastuurka federaalka Soomaaliya, iyadoo marka ugu danbeysa dastuurkan afti dadweyne loo qaadi doono, isla-markaana ay dadweynahu yihiin kuwa iska leh go’aanka ugu danbeeya ee dastuurkan.

Jawaari ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ahaa oo ku saabsan dastuurka, kuwaasi oo aysan dad badan ka warheyn, sida inta saxiix ee uu soo maray dastuurka iyo dhacdooyin kale oo badan.

Halkan ka aqriso Warsaxaafdeed

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland iyo Puntland oo ay ka dhex tafan tahay iyo Hargeysa oo hanjabtay

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa digniin adag u dirtay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, xili Madaxweyne Kuxigeenka Puntland uu booqasho ku joogo deegaankaTaleex ee gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo howlo nabadeed u jooga deegaanka God Heeli ee ka tirsan degmada Oog ayaa shir jaraa,id uu ku qabtay halkaasi wuxuu ugu hadlay booqashada uu Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku joogo Taleex, isagoo sheegay in ay arintaasi ay tahay xadgudub qayru sharci ah oo uu ku soo xad gudbay xuduuda Somaliland.

“Waa xadgudub qayru sharci ah oo uu ku soo xad gudbay xuduuda Somaliland ninka sheeganaya Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, arintaas waxaanu u aragnaa mid khatar ku ah nabad galyada u dhaxaysa dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland” ayuu yiri Cali Waran cadde.

 “Waxaanu u sheegaynaa Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland arintaasi inay tahay mid khatar ah, caalamkana waxaanu ugu baaqaynaa in wixii halkaas ka yimaada ay dusha ku qaadan doonaan ninkaas soo xad gudbay iyo ciidamada uu wato”ayuu yiri sii raaciyay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Cali Waran Cadde ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay heegan buuxa geliyaan si ay ugu hortagaan xadgudub uu sheegay iney ku sameyneyso maamulka Puntland.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ku murunsan gacan ku haynta iyo lahaanshaha deegaano ka tirsan Gobolka Sool, Iyadoo la xasuusto in sanadkii 2007-kii maamulka Somaliland uu dagaal kagala wareegay Puntland magaalada Laascaanood, wixii xiligaasi ka danbeeyayna ay maamuleysay Somaliland.

Isha: Warfaafiye.com

Japan iyo Jabuuti oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya [Warbixin]

Djibouti (Caasimada Online) Raysal Wasaaraha dalka Japan Shinso Abe oo maanta gaaray dalka Djibouti, waxaana garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga caalamiga Axmed Cali Shiilay, waxaana markii dambe uu Aqalka Madaxtooyada  kula kumay madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

Labada nin ayaa ka hadlay arrimo dhowr oo ay ku jirto xiriirka labada iyo arrimaha Soomaaliya.

Mr. Abe ayaa ku ammaanay dowladda Djibouti dedaalkeeda ku saabsan siddii Soomaliya ay u xasulli lahayd, waxaana uu sheegay ra’iisal wasaaraha Japan in Djiboui ti ay ugu horreyso waddamada gobalka ee sida weyn u doonaya in nabad iyo kala dambeen ay ka dhalato dalka Soomaaliya.

Wuxuu ku cel-celiyay Mr. Abe in Japan ay diyaar la tahay siddii ay gacan uga geesan lahayd xasillinta dalka ku yaalla geeska Afrika.

Sidoo kale, ra’iisal wasaaraha Japan oo intii booqashada ku joogay dalka Djibouti wuxuu booqday saldhig ciidamada Japan ay ku lee yihiin meel ku dhow garoonka diyaaradaha.

Ciidamada Japan ayaa qayb ka ah howgalka caalamiga ee la dagaalanka burcad-badeeda Soomaalida.

Waa booqashadii ugu horreysay oo uu ra’iisal wasaaraha Japan Shinso Abe uu ku booqdo dalka Djibouti tan iyo markii uu xafiiska qabtay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Djibouti

Daawo Video: Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo lagu dhagan yahay, Sabab?

Nairobi (Caasimada Online) –  Waxaa Waqtiyadaan dambe Shacabka Soomaaliyeed ay Hadal Hayeen in Xarumo lagu Faafiyo Mad-Habta Shiicada laga furey Magaalada Muqdisho waxaana Warkaan uu ka soo yeerey Mid ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo lagu Magacaabo Shiikh Maxamed Cabdi Umal, islamrkaana Sheegey in Ardey fara badan loo Diro Xarumahaasi si ay u Bartaan Mad-Habta Shiicada.

Umal ayaa farta ku fiiqey in arrintaan uu Hormuud u yahay mid ka mid Culimada Casharada Diiniga ah ka Bixiya Talefishinka Qaranka Soomaaliya waxaana uu Shiikh Umal Sheegey in arrintani ay Cawaaqib keeni hadaan loo Guntan in laga hortago .

Shiikh Cabdulaahi Sagal oo ah Shiikha lagu Sheegey in uu Hormuud uu ka yahay dadka qaatey Mad-Habta Shiicada oo isaga Naf Ahaantiisa nagala Soo Xiirey Magaalada London ee Dalka Ingiriiska oo uu haatan ku sugan yahay ayaa si Kulul u beeniyey Warka soo yeerey Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mida ah Culimada Soomaaliyeed kaasoo sheegey in Muqdisho ay ku yaalaan Xarumo lagu faafiyo Mad-Habta Shiicada waxaana uu Shiikh Sagal uu sheegey in uusan weligiis noqon kana mid Noqon doonin Dadka qaata ama ku Qanaca Mad-Habta Shiicada oo ay haystaan Dad Badan oo ku Nool qaar ka mid ah Dunida Muslimka,

Hadaba Daawo labada sheekh sida ay hawada isugu mariyeeyn Su’aalaha iyo Jawaabaha  ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA LABADA SHEEKHA:

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Kadib Puntland, maamul kale oo isna ka fiirsanaya xiriirka DF Somalia

Muqdisho (Caasimada online) Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa , shaaca ka qaaday inuu ka fiirsanayo xiriirka uu la leeyahay dowlada Soomaaaliya , waxaana uu sheegay in hadii dowladu ay la imaan wayso qorshe caad ay kula shaqeyneyso maamulkaas ay tilaabo cad ka qaadan doonaan.

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb, C/laahi Maxamuud Baarleex, ayaa sheegay in dowlada Soomaaaliya aysanba maamulkaas u aqoonsaneyn inuu yahay maamul jira , isla-markaana ay uga baxday heshiis ay wada gaareen labada dhinac .

Adeegyada Waxbarashada , Caaafimadka iyo waliba Amniga oo uu sheegay in dowladu ay u balanqaaday inay wax kala qabaneyso ayuu sheegay in wali aaney waxba ka qaban oo ay isha uu ka daawaneyso .

Barnaaminka New Deal, ayuu sheegay inaysandowladu ka qeyb galin maamulka Ximan iyo Xeeb , isagoo sheegay in dowlada Soomaaaliya ay cidda ay doonto ay garab qabaneyso  ciddaay doontana ay balse taas ay sii muqjineyso Wada shaqeynta Ximan iyo Xeeb iyo dowlada Soomaaliya.

Wuxuu shegay inaysan jirin wax dheeri ah oo ay ka doonaayaan dowlada Soomaaliya waxaase uu sheegaay inay rabaan oo kaliya inay helaan xaqaii ay dowlada Ku lahayeen ,waxaaana uu sheegaay in hadii ay dhacd in xaqooqa la doodsiiyo ay ka fiirsan doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin dowlada soomaaliya.

dowlada Soomaaliya , ayaa waja heysa cadaadis uga imaanaya maamul goboleedyada dalka iyadoo dhawaana Maamulka Puntalnd uu xiriirkii wada sheqeynta ay u jartay dowlada Soomaaliya.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

China oo Safaarad ka furanaya Xamar

Muqdisho (Caasimada online) Sida lagu qoray Wakaalada wararka ee dalka Shiinaha (Xinhua),Magaalada Beejiin  waxaa si wada jir ah ugu kulmay Rai’’sal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji iyo dhigeeda Shiinaha Mr Wang Yi,waxayna Labadani Mas’uul ugu horeyn ka wada hadleen Xiriirka labada dal Soomaaliya iyo shiinaha ka dhaxeeyo.

Waxay sidoo kale isala soo hadal qaadeen inta kulankooda uu soconayay Soomaaliya iyo shiinaha Mudnaanta ay isku kala leeyihiin iyo in si gaar ah shacabka Soomaaliyeed ay ugu baahan yihiin sidii looga taageeri lahaay hormarka iyo Nabada ay ku talaabsaneyso,sida Mar Fowziyo ay sheegtay.

Labadani Mas’uul ayaa shalay gelinkii danbe ku kulmay Magaalada Beijin,Wasiirka arimaha dibada Shiinaha Mar Wan Yi oo ka hadlay kulanka uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar  u yihiin garab istaaga Soomaaliya,isagoona xawaare ku socosho ku tilmaamay kaalmada kala duwan ay siinayaan Soomaaliya.

Wuxuu si gaar ah u tilmaamay in Soomaaliya ay ka xoojin doonaan Amaanka iyo xasiloonida,isagoona hoosta ka xariiqay Mr Yi inay wax badan ku taageeri doonaan Soomaaliya.

Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji ayaa ugu danbeyntii sheegtay in Shiinaha ay yihiin Saaxiib dhow ayna kala shaqeyn doonaan,Tamarta,Beeraha iyo amaanka Qaranka.

Fowziyo ayaa Mudooyinkii ugu danbeeyay Booqosho caalami ah ku kala bixineysay Magaaloyinka Shiinaha.

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dukaamo ganacsato Soomaali ay lee yihiin ayaa lagu boobay Koonfur Afrika

Pretoria (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in kooxo burcad madow ah in ay boobeen dukaamo ay lee yihiin ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan dalkaas.

Ilaa 12-dukaan ayaa la sheegay in la boobay kuwaasoo ku yaallay tuulooyinka hoostaga magaalooyinka dalka Koonfur Afrika.

Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee la boobay dukaamadooda ayaa saxaafadda u sheegay in dhammaan wixii yaalay dukaamada la qaatay.

Wuxuu kaloo sheeegay markii ay soo galayeen burcada madowga ah in ka carareen maadama ay ka cabsadeen in ay nafsadooda wax yeelo ugeestaaan.

Ganacsadahan ayaa sheegay in markii dukaamada la boobay ay soo gaareen ciidamada ammaanka, kuwaasoo sheegay in ay billaabayaan baaritaan.

Wuxuu kaloo sheegay in ay la kulmeen guddoomiyaha gobalka dhacdada ka dacday, kaasoona u sheegay in maanta Talaado ay kulan yeelan doonaan maalinta berri ah in ay ganacsatada Soomaalida la kulmi doonaan.

Dhacdooyinka noocan oo kale ee lagu boobo goobaha ganacsiga ee Soomaalida waa kuwa weli taagan, waxaana aan jirin cid wax ka qababata.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Johannesburg

 

Warar cusub oo kasoo kordhay wada-hadallada Addis-Ababa (Warbixin)

Addis Ababa (Caasimada Online) Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegaya in weli labad dhinac ee halkaas ku shiraya uu ka muuqdo kala sii fogaansho, taasoo laga cabsi qabo in aakhirka ay keento in uu burburo shirka.

Sida qorshaha uu ahaa xaley ayaa lagu waday in shirka uu soo dhammaado, balse waxaa soo baxay kala fikir duwanaansho labada dhinac ah, kaasoo mid kasta ku dhaggan qoddomo muhiim uu arkay.

Ilo xog-gaal oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in xubnaha ka socda IGAD, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo diplomaasiyiinta kale ee shirka ku sugan saakay ay u imaan wafdiga labada dhinac, waxaana ay aadeen shirka kale oo looga hadlaayay arrimaha ammaanka gobalka.

Saakay iyo ilaa galabta wax kulan ah oo dhacay ma jirin, waxaana caawa la sheegayaa in labada dhinac ay ku jiraan kulamo gaar-gaar ah, waxaana arrimahan dadada ka riixaya dowladdaha Ethiopia iyo Kenya.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay lee yihiin qoddobo kal hore heshiis laga gaaray ayaa hadda lagu kala booday, waxaana ka mid ah sida loo maaluyo dhaqaalaha dekedda iyo garoonka Kismaayo. Qodobkan ayaa ah kan ugu weyn ee hadda heshiiska uu u xayiran yahay.

Sida ballanta ahayd waxaa maamulka dekedda iyo garoonka lagu wareejiyay dowladda fedaraalka Soomaaliya, balse waxaa muuqda in maamulka Axmed Madoobe uu weli ka meer meerayo.

Si kastaba, shirka wuxuu u xayiran yahay in la sixiixo qoddobada la isku raacay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

QM oo war kasoo saartay shirka la isku mari la’ yahay ee DF iyo J/Land

Addis Ababa (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay rajo fiican ka qabto shirka maalintii lixaad uga socda magaalada Addis Ababa dowladda Soomaaliya iyo mid ka mid ah garabyada isku haya Kismaayo.

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicholas Key oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa saxaafadda u sheegay in labada dhinac ay ka muuqato biseel iyo tanaasul, taasoo ka dhigeysa in maanta ama caawa ay ku dhawaaqaan qoddobada ay ku heshiisyeen ilaa hadda.

Mr. Key ayaa sheegay in heshiis ay gaaraan labadan dhinac uu horseedi karo in gobaladda Jubbooyinka iyo Gedo ay helaan maamul loo dhan yahay.

Si kastaba, ilaa hadda waxaa la sugayaa in la saxiixo qoddobada lagu heshiiyay, waxaana socda kulamo looga hadlaayo siddii loo gunnaadi lahaa shirka muddada toddobaadka ku dhow ka socda Addis Ababa.

Shirkan waxaa dabada ka riixaya IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub , Qaramada Midoobay iyo diplomaasiyiin kale kuwaasoo ku dedaalay in labada dhinac ay isku soo dhawadaan maadama dhowr lagu kala booday qoddobada la gaaray.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Waqtiga ay howl billaabi doonto Somali Airlines oo shaaca laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in Seddexda Bilood ee ugu dambeeysa sanadkan dib loo howlgelin doono Shirkaddii Duulimaadyada ee aynu laheyn ee Somali Airline ayadoo markalena ay Xukuumaddu ku celisay baaqii ku aadana in dadka deggan xarumaha Shirkadda Somali Airline ay banneeyaan si loogu shaqeeyo.

Wasiirka warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa ku dhawaaqay in shirkaddii duulimaadyada Somali Airline dib loo howlgelindoono dabayaaqada Sanadkan,  isagoo intaa ku daray in hadda ay diyaar yihiin ilaa iyo Afar diyaaradood  iyo qeyb ka mid ah shaqaalihii ka howlgeli lahaa isagoo hoosta ka xariiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo dhameystiri doono.

‘’Dadaalkaasi meel fiicanbuu ino marahayaa haddaan ku hormaro Somali Airlines ilaa iyo Afar diyaaradood ayaan hadda balanqaad u heysanaa in ay howlgalaan,  waxaan rajeyneynaa sanadkan oon dhamaan inaan howlgelino Somali Airlines sida hadda uu qorshuhu yahay idanka ilaaheey duuliyayaalna wey noo joogaan wadanka oo liiskoodaan helnay’’ Ayuu yiri mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi.

Wasiirka ayaa markale ugu baaqay dadka deggan xarumaha shirkadda Somali Airlines ee Muqdisho iney isaga guuraan si loogu shaqeeyo,  isagoo xusay in wasaarada ay ka go’antahay sidii xarumahaasi dib loogu howlgelin lahaa.

Sidoo kale wasiir Ciilmooge ayaa tilmaamay in dib u howlgelinta shirkadda duulimaadyada ee Somali Airlines ay soo celindoonto heybadii iyo karaamadii ay Soomaaliya ku laheyd duulimaadyada caalamiga ah,  wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadaalka ugu badan ay ku bixindoonaan dib u howlgelinta shirkadii Somali Airlinens 22 sano kadib.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faroole oo 2 qorshe oo ka dhan ah DF u aaday Nairobi iyo waqtiga oo ku yar

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiraxman Farole ayaa maanta 26 Aug, 2013 u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxana wehelinayay wasiirka arrimaha gudaha Gen.Ilkajiir, Amniga Khaliif Ciise Mudan, Caafimaadka Dr.Cali Cabdulahi iyo saraakiil ka tirsan maamulkiisa.

Socdaalka Faroole ayaa ku saabsan laba qorshe oo labada la xiriir ama ka dhan ah dowladda Somalia.

Faorole oo garoonka diyaaradaha Garowe kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay u tagayaan Kenya sidii ay ula kulmi lahaayeen Midowga Yurub.

Waxaa la filayaa in uu Midowga Yurub u gudbiyo dacwad ka dhan ah dowladda Somalia, oo uu xiriirka u jaray iyo sidii Puntland loogu ogolaan lahaa inay si madax banaan uga qeyb gasho shirka New Deal ee ka dhacaya Brussels.

Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay dhammaan dhinacyada Soomaalida ee ka qeyb galaya shirkaasi, ayaa loo sheegay inay ku daba feelaan dowladda Somalia, oo Somalia oo idil wakiil ka, taasi oo uu Faroole kasoo horjeedo.

Faroole oo horey u macaaraday dowladda Somalia, ayaan illaa iyo hadda wax jawaab ah ka helin DF, taasi oo keentay inuu u amba baxo Nairobi, ayada oo waqtiga uu gabaabsi ku yahay, shirka New Deal-na uu dhacayo bisha september bartamaheeda, sidaa darteedna uu isku dayayo ka hor shirka inuu qal qaalsado EU-da.

Dhinaca kale Faroole ayaa lagu wadaa inuu Nairobi kula kulmo siyaasiyiinta qas-wadayaasha Somalia, ee xubinta a yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Madaxweynaha oo la kulmay USA iyo EU iyo DF oo qorsheeneysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamadaan maanta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud la qaatay safiirrada Maraykanka iyo Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, ayaa diirada lagu saaray, qorshaha siyaasaddeed ee dowladda, waxqabadkii sannadkan iyo arrimo  kale oo muhiim ah.

Kulamadaan kadib ayaa Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Egn. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, waxa uu la hadlay Warbaahinta Qaranka, isagoo sheegay in Madaxweynaha kulanka hore uu la qaatay James McNulty Safiirka cusub ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, waxaana uu intaa raaciyey in Madaxweyna uu ergayga faah faahin ka siiyey howlihii dowladda u qabsoomay mudadii la soo dhaafay iyo arrima kale.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxweynaha ayaa tilmaamay in laga wada hadlay sidii uu taabbagali lahaa shir looga hadli doonno ka hortagidda Xagjirnimada, kaasi oo lagu martiqaadi doono Bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.

Dhinaca kale Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya James McNulty waxa uu ballan qaaday in uu dardargelin doono taageerada Maraykanka ee Soomaaliya,.

“Waxaa jiri doono shir looga hadlayo arrimaha xagjirnimada oo lagu marti qaadi doono culumaa’udiin, iyadoo safiirku uu balan qaaday in dowladda Maraykanka ay gacan ka geysan doonto fulinta shirka, waxaa kaloo ay ka wada hadleen booqashada Madaxweynaha Soomaaliya la filayo in dalka Maraykanka uu tego bisha September” ayuu hadalkiisa ku daray Eng, Yariisoow.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu mar kale Muqdisho ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone, islamarkaana ay ka wada hadleen shirka bisha soo socota ka dhici doona magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium.

Dowladda Soomaaliya oo sannad jirsaneysa 10-ka bisha soo socota ayaa horey ugu guuleysatay sidii ay taageero dhab ah uga heli lahayd adduunka, si Soomaaliya dib u dhiskeeda dhinacyada kala duwan loogu guuleysto, waxaana dowladda ay dadaal badan ku bixineysaa sidii shirarka calaamiga ah ee  looga arrinsanayo taageerada tooska ah ee Soomaaliya uga soo bixi lahaayeen natiijooyinkii loo baahnaa.

Sawirrada Kullanka

madax 1madax 2madax 3madax 4

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]