27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

50 Sano iyo Nolosha qurbaha! (Qiso iyo qeexid cajiib ah)

Xaaji Maxamuud Muuse Xirsi oo ku magac dheer Kabtan, waxa uu ku dhashay degaanka loo yaqaano Dooxo Gurayo ee hoos tago baadiyaha dhulka Hoowd ee Waqooyiga Somaliya, qiyaastii 1941 ee qarnigii hore 19-aad.

Waxuu Xaaji Maxamuud asaga oo dhalinyaro ah soo galay magaalada Hargeysa, asaga oo halkaa ku soo dhaafay noloshii Reer miyinimo, waxuuna isla markiiba uga sii gudbay Hargeysa, magaalada Jabuuti markaa uu Xaajiga da’diisu aheyd 19 jir, waxuuna sidoo kale uga sii talaabay dhanka wadanka Yemen, gaar ahaan magalada Cadan oo ay Somali badan xiligaa ku nooleyd.

Xaajiga waxuu sheegay in ujeedkiisu ahaa in uu soo shaqeysto, ka dibna dalka dib ugu soo laabto dalka, laakin maalinba maalin ayaa ay u isu dhiibtay, sidoo kale dhulna dhul kale.

Markii Xaajiga Yemen soo galay, ayuu arkay in aysan nolol wacan ka jirin iyo shaqaba, waxuuna go’aansaday inuu u gudbo dhanka Dubay 3 sano ka dib, waxuuna galay safar kale oo badda ah oo aanan sahlaneyn.Dubay markii uu soo galay, ayuu waxuu la kulmay dad dhibaato badan ka muuqato oo buulal cows ka sameysan ku jiro, waxaa la oran karay Sheekha ayaa guri fiican ku jiray isna aqal dhoobo ka sameysan ayuu degenaay.

Waxuu sheegay in magaalada Dubay uu xiligaa joogay nin somali ah oo la oran jiray Cali Caamiri oo dadka Somalida ah aad u saacidi jiray kana ilbaxsanaay carabta waagaa joogtay Dubay, ninkii ayaa la sameeyay asaga iyo raggii ay saaxiibada ahaayeen ee la socday warqadahii ay Dubay uga dhoofi lahaayeen, waxaa ayna qabteen ama galeen safar dhanka badda ah, ayaga oo markaa sheeganayo in ay yihiin dadka loo yaqaan Meheri ee dega intooda badan Cuman, markii ay Kuweyt gaareen, ayaa loo diiday in ay galaan waddanka, waxaa aakhirkii ogolaasha siiyay sargaalkii haystay dakadda, markii uu ogaaday in ay sheeganayaaan qabiilka Meheri oo markaa ahaay dad aamin ah, shaqana badan, Kuweyt ayaan sidii ku galnay, waagaa Kuweyt oo dhan waxaa deganaay Somali aanan ka badneyn 200 oo qof oo 40 ka mid ah ay yihiin darawaliin, ka shaqeeyso ciraaq iyo kuweyt dhaxdooda, 40-kaa nin ayaa biisha inta kale ee aanan shaqada haysan.

50 sanoXaajiga waxuu helay shaqo, waxuu yiri shaqada aad ayaa u dhib badneyd, maalin maalmaha ka mid ah, ayaa nin injineer oo u dhashay Denmark, ayaa waxuu igula taliyay in aan Yurub aado, waayo waxuu igu yiri, waxaad heli xuquuq ka wanaagsan midda aad hadda haysato ee nin dhalinyaro ah ayaa tahay ee halkaa iyo Yurub qabo gaar ahaan Denmark.

Ninkii warkiisii wax weyn ayaa iiga baxay, waxaana bilaabay qorshahii aan yurub ku imaan lahaay, waan ka soo tagay Kuweyt waxaan iamaaday Ciraaq, ka dib waxaan soo galay Urdun, Beyruut oo Lubnaan, Dimishiq, Xalab oo Suuriya ah, ka dib Istanbuul ilaa Giriiga oo aan ka imaado Denmark.

Sanadka waxuu ahaay marka aan imaanayo Denmark 1969, waagaa waxaan Denmarka ku joognay 47 ay labo yihiin dumar, Sweden waxaa joogay 7 qof, Filand waxaa joogay hal qof, Norway waxaa joogay 7 qof.

Waxaan shaqo ka bilaabay shirkad dhisto maraakiibta, waxaa helay shaqo ka wanaagsan kana dhib yar sida uu ninkii ii sheegayba, laakin waxaan soo galay waddan wax badan ka gadisan dhaqankii aan ka imaaday, waxaa nasoo maray wax yaalo badan oo aanan soo koobi karin, waxaa inoogo darney markii uu naga geeriyay nin dhalinyar ah waayo dadka Muslimiinta ah waa ay yaraayeen, marka aakhirkii waxaan helnay nin Carab ah, ninkii ayaa noo geeyay nin dheenish ah oo muslim ah, markaa ayada ah muslimiinta asalkooda dheenishka yahay waxaa ay aheeyn labo nin, marka Cumar ayaa noo dhaqay, anigana biyaha ayaan u hayay raggii kale waa ay baqdeen.

Raggaaynii soo galay xiligaa ma aynu keeni jirin dumarka halkaan, sidoo kale ma aysan guursan jirin dumarka dheenishka ah, laakin waxaa jiro rag aanan badneyn oo guursaday dheenish iyo kuwa keenay dumar Somali ah, raggii guursaday dheenisha iyo kuwii keenay dumar Somaali ah, waxaa la oran karaa waxaa wanaagsanaaday kuwii dheenishka guursaday kuwii soomalida guursaday qoys burbur ayaa ku dhacay, halka la helayo raggii waagaa guursada dheenish in ay wali la noolyihiin dumarkii dheenishka ahaay.

Waxaan aad u naxnay markii ay nasoo galeen soomaali badan oo magangalya doon ah, waxuu arrinkaa nagu abuuray welwel iyo dal tabyo dheeri ah.

Maraan weydiiyay dadkii qaxoota ahaay ee idiin imaaday, wax ma idin ku kordhiyeen, waxuu yiri hal sheey ayaa ay nagu soo kordhiyeen oo ah cibaado, wax kale oo aan ka kororsanay ma jiraan.

Waxuu Xaaji Maxamuud ii sheegay maraan weydiiyay, haddii maanta dib nolosho loo celin lahaay, qurba ma imaan laheyd, waxuu yiri xitaa Hargeysa ma imaadeen, oo waxaan joogi lahaay miyigeygii aan ku soo koray, nolosha waxaa ay xaraga iyo qiimo ku leedahay dhulkaada hooyo.

Maraan weydiiyay, haddii dib laguu celiyo maanta yurub waddankee ayaad degi laheyd halka aad Denmark ka timid, waxuu yiri waxaan dooran lahaay England waayo waa waddan aqoon u leh ajnabiga wax badan naga og.

Xaaji Maxamuud waxuu intaa ku daray, war raggiina jooga oo ka shaqeysta laakin dumarka iyo ciyaalka inta ay goori goortahay ka wata dhulkaan, waa haddii aysan suuragal idiin wada aheyn in aad noqotaan.

Marka aan arko dadkaan aan la joogno sida ay dhulkooda u jecelyihiin ayna u dhisteen iyo midkeenii sida aan u galnay waan xanuunsadaa, waagii hore ma aynu ogeleyn in aan qaadano jinsiyadda waddanka haddana waxaad arki soomali ku faaneyso waxaan haystaa jinsiyada waddanka marka waxaa inoo dhaxeeyo wax badan, aaway soomalidii aan naqiinay, dadnimadii xagee ayaa ay martay, duulkaan maxuu yahay, maxaa adeer dadkii ku dhacay iyo dalkii?

waa su’aal u baahan jawaab .

Ahmed-haadi Muhumad

[email protected]

Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo shaqadiisa billaabaya

Beledwayne (Caasimada Online) Xaflad lagu furaayay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa halkaas lagu qabtay.

Garoonka ayaa la sheegay in lagu sameeyay dayactir  taasoo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu ka socday.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaa waxyeello ay ka soo gaartay roobab xoog leh oo bishii September ee sanadkii hore ka da’ay gobolka Hiiraan.

Ugu horreen munaasabada waxaa ka hadlay taliyaha ciidamada AMISOM Kornayl Cismaan Dubbad oo sheegay in  ay soo gabagabeeyeen dayactirka ay ku sameynayeen garoonka Ugaas Khaliif  isla markaana ay ku saa’idiyeen dhismaha garoonka dhismo kale.

Mareeyaha guud ee garoonka Ugaas Khaliif ayaa sheegay in garoonka howasha lagu dayactiray ay ku baxday lagu ku dhow 5,00 oo dollar.

Wuxuu u mahadceliyay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti.

Injineerrada dayactirka ku sameeyay garoonka ayaa sheegay in ay suurta geliyeen in garoonku uu si wanaagsan u shaqeeyo isla markaaan ay ku soo degaan noocyo kala duwan oo diyaarado ah.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaa la sheegayaa in hadda uu ku billowday duulimaad maalintii ka yimaada magaalada Muqidsho, kaasoo ay keento diyaarad yer oo ka shaqeeysa gobalada dalka.

Ammaanka garoonka waxa si wayn u sugan  ciidamada AMISOM oo halkaas ku sugan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baladweyne

Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Brussels

Brussels (Caasimada Online) Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxwene Xasan Shiikh ayaa lagu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay gaareen xarunta midowga yurub  ee Brussels.

Caasimada Online ayaa ahayd warbaahintii ugu horeysay ee shaacisay booqahsada madaxweynaha shalay. Halkan aqri.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ka helay casuumaad rasmi ah ururka Midowga Yurub. Madaxweynaha ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa Madax kala duwan ee ka tirsan Midowga Yurub.

Safaradda Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu qeyb ka yahay Lixda Tiir Siyaasadeed ee dowlladda oo ku aadan in sare loo qaado xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka.

Waxaa mudan in hoosta laga xariiqo in dhamaan Madaxda Dowladdaha Afrika, Xoghaya Guud ee Qaramadda Middobay, iyo Midowga Yurub in dhamaan ay aad u soo dhaweeyeen safarkii uu Madaxweynaha ku tagay dalka Maraykanka iyo aqoonsigii dhawaan dalkaas uu aqoonsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib muddo kor u dhaafaysa 20sanno.

Madaxweynaha iyo wafdigga la socda ayaa ka qaybgalay shir madaxeedka Midowga Africa oo ka dhacay Addia Ababa.

Wafdigga madaxweynaha waxaa ka mid ah ra’iisal wasaarwe ahna wasiirka arrimaha dibadda Marwo Fawziyo Yusuf Adam, wasiirul dowlaha madaxtooyadda Faarax Sheekh Cabdul-Qaadir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiyo Mudane Siciid Yusuf Nuur, iyo qaar ka mid ah la-taliyayayaasha Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Addis Ababa waxa uu  la kulmay madaxa labaad ee Bankiga aduunka mudane Makhtar Diap iyo wafdi uu hogaaminayay,waxaana ay ka hadleen qaabkii Bankiga Aduunka uga kaalmeyn lahaay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumar ka gaarto dhinaca hab- maamuleedka dakhliga iyo canshuuraha.

Si kastaba shirka midowga oo ah kii 20-aad ayaa lasoo gabagabeeyay, waxana uu Soomaaliya u noqonayaa mid taarikhi ah maadaama Madaxweynaha lagu casuumay in uu khudbad dheer oo ka hadlayso arimo badan oo muhiim ah ka jeediyo oo ay ka mid yihiin Amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa deris-wanaag iyo horumar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Warar dheeri ah: Qaraxii ka dhacay albaabka xafiiska R/W Saacid

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo xoog badan ayaa goor dhow waxaa laga maqlay Madaxtooyada Soomaaliya sida ay sheegeen goobjooga ayaal ku sugan.

Warar aan helnay sheegaya in ruux naftiisa haliga ah uu isku qarxiyay inta u dhaxaysa safaarada Itoobiya iyo guriga Raysal wasaaraha oo ku yaala Afafaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Nin kamid ah Shaqaalaha Madaxtooyada uu isku dayay inuu gudaha u galo xarunta taliska nabadsugida, kadibnah ay soo celiyeen Ciidamda. Ninkaan ayaa kadib isku hor Qarxiyay Albaabka hore ee Madaxtooyada.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 1 askari 5 kalena wey ku dhaawacmeen oo dhamaantood ahaa ilaalada Ra’isul wasaare Saacid, iydoo aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarxaasi hadana waxaa jira warar is dabajoog ah oo ka imaanaya gobta uu qaraxa ka dhacay

Daawo Video qosol badan: In sidaan wax loo biiyana way inoo dhinneyd!!

Adduunka inta aad joogto wax walba iska sug, mar unbaad arki doontaa. Haddii dadka qaar ay ku dhib qabaan inay shaqeeyaan, koox meeshan ah waxa ayba shaqadii oo idil ka dhigteen baashaal iyo qosol.

Waxa ay ka shaqeeyaan dukaan lagu iibiyo kabaha, waxyna lasoo baxeen farsamo iyo hab isku diib cajiib ah oo shaqadii oo idil uga dhigay mid fudud.

Haddaba Daawo Video-gan la yaabka leh

Daawo Video: Khudbadi Madaxweyne Xasan ee shirka Midowga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriadda Federaalka Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa khudbad qiimo badneyd ka jeediyay shir madaxeedka ururka Midowga Africa ee magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, 27-kii bishan January.

Inkasta oo aan horey idin kugu soo gudbinay warbixintii khudbaddaas, waxaan iminka idiin soo gudbineynaa Khudbaddii madaxweynaha umadda oo Video ah.

Haddaba Play dheh video-ga, kadibna gey daqiiqadda 14-aad, waa halka ay ka billaabaneyso khudbadda madaxweynaha. Mahadsanid

SOOMAALIYA IYO DOLLARAYN !!!

Hordhac

Maadama kahadalka maqaalkan uu yahay mid ku badan dhagaha bulshada Soomaaliyeed maalmahan, waxaan go,aansaday inaan si kooban oga hadlo sababaha keenay inay lacagteena qiimaheeda lumiso, iyo waxa nagu qasbay inaan isticmaalno lacago shisheeye, iyo waxa ka imaanaya hadaan isticmaalno lacagaha qalaad.

Dollarayn micnaheedu waa marka dal ama gobol uu si rasmi ah ama aan rasmi ahayn u adeegsado istcimaaalka lacag aan mida dalkaas ama gobolkaas ahayn.

Kalmada Dollarization waa eray cimiyeedka loo yaqaano, laakiin dollar kaliya ma,ahee waa lacag kasta oo ajnabi ah dadkii  isticmaala ama qaata lacag aan ahayn tii qarankooda ayaa loo isticmaali karaa Dollarization.

Waxaa loo baahdaa isticmaalka lacag ajnabi marka lacag wadan ama gobol ay daciifto qiimaheeda wax gadasho, sidoo kale qiimaha ay ku leedahay gobolka iyo caalamkuba uu rasmi noqon waayo.

Qiima dhaca lacagta:  waxaa keena sababo badan waxaa ka mid ah:-

  1. Dowlad la,aan, ama awood la,aan: dowlada aan awood lahaydn ama dowlad la,aan waxay keenaysaa in lacagtaas lagu kalsoonaaan waayo oo qiimaheedu uu la tartami waayo kuwa gobolka.
  2. wax soo saarka oo yaraado ama baaba,a: sababtan  waxaa yaraanaya qiimaha lacagta wadakeedu iyo dadkeeduba wax soo saar yeelan waayaan. wadankasta haddii waxa loo soo dhoofiyo ay ka bataan wuxuu dhoofinaayo waxaa aad u yaraanaya qiimaha lacagtiisa.
  3. Nabadda: daganaanshaha wadanka, haddii dhanka siyaasada daganaansho la,aan ka jirto qalalaasaha wadanka wuxu keenaya in qiimaha lacagta hoos u dhacdo waayo la dhaankeeda gobolka iyo caalmak ayaa meesha ka baxaaya.
  4. Bangiga dhexe oo meesha ka baxa: bangiga dhexe wa lafadhabarka lacag kasta,  haddii uusan jirina laguma kalsoonaan karo lacagtaas.
  5. Soo daabicid lacag:  haddii ay suuqa soo galaan lacago la iska soo daaabacday oo aysan jirin ilaalin sax ah, waxay keenaysaa qiima dhac ku yimaada lacagtaas.
  6. Sicir barar: sababtan si aan toos ahayn ayay u saamaysaa wiima dhaca lacagta waayo qiima dhaca lacagt ayuu ka yimaadaa sicir baraku markiisa hore kadibna dib ayuu isu saameeyaan.
  7. xaalada suuqa, kalsooni la,aanta, rate lacagta oo laga faaiido, iyo kuwo kale oo badana waxay keeni karaan qiima dhac ku yimaada lacagta.

Taariikhda Dollaraynta:

Dagaalkii labaad ee aduunka kadib, markii aduunku inta badan lagu kala adkaaday dagaalki foolka foolka ahaa ayaa loo soo jeestay mid dhaqaale.

waxaa dowladaha laga awood badanyahay lagu qasbay in ay biixyaan lacago dulsaar ah markay rabaan inay u badalaan lacagtooda lacagaha  wadamada waaweyn, faa,iidada kasoo baxda dhoofinta khayraadkooda ayaa yaraaatay, sidaaa daraadeed waxay ku qanceen inay qaataan lacagaha wadamada waaweyn sida Dollar oo kale.

Siyaasada ay ku dhaqmen waxay ahayd inay si aan rasmi ahayn u isticmaalaan lacagaha waaweyn si ay u sahlanaato inay wax dhoofiyaan faaiido fiicana helaan.

wadama Latin America iyo qaar Asia kamid ah ayaa inta badan qaatay si aan rasmi ahayn dollarayn, wixi ka danbeeyay 1990 waxay noqotay siyaaasad ka mid ah siyaasadaha dowladaha wax soo saara inay wixii banaanka u baxaaya iyo mahsaariicda waweynba lagu kala gato lacagaha waweyn.

Dollaraynta Rasmi ama rasmi la,aan ah:

lacagta gudaha markay qiima beesho waxaa badanaya sicir barar, kalsooni darro, iyo bulshada oo doorbida lacagaha qalaad ee qiimahoodu uu adagyahay.

Dowladaha qaar oo,ay Somalia ku jirto ayaa si an rasmi ahayn u isticmaala lacago qalaad, dowlado kalena si rasmi ah ayay u isticmaalaan lacago ajnabi ah, waxayna heshiis is afgarad ah lagalaan wadamadaas, sida USA oo ah dowladda ugu fudu ee laqaadan karo lacagteeda loo yaqaano UniteState dollar ama USD.

Dowladaha qaatay lacago Ajnabi si rasmi ah oo ku badalay toodi qiimaha beeshay waxaa ka mid ah Ecuador, Salvador, panama iyo kuwa kale

Somalia iyo lacag ajanbi

Soomaaliya waxaa laga isticmaalaa lacago ajnabi oo fara badan haba ugu badnaato lacagta maraykanka ee USD, dollar-ku waa udub dhexaadka ganacsiga Soomaaliya, asaga la,aantiisna dadku makala gataan wax qiimo fiican leh, sida dhulalka, gawaarida, xoolaha, dahabka, iyo kuwo kaloo badan.

Somalia muddo kabadan 22 sano malahayn dowlad awood buuxda leh oo hanata dhamaan xuduudaha iyo lacagaha dalka, sidaa daraadeed ganacsato somaliyeed iyo kuwo ajanbi ah ayaa dhowr mar soo sameeyay lacago ay ku magic dileen shillin Soomaaligii qiimaha ka dhex lahaa bulshada gobolkan bariga Africa.

Ganacsato ku sheegtaas waxay soo daabaceen lacago aan sharci ahayn, ayakoo kaashanaya warshado si suuq madow ah ku sameeya lacagaha been abuurka ah, ayakoo aan u fiirsanaynin astaamaha saxda ah ee ay leedahay lacagt ay been abuuraayaa, lacagta soomaaliga ah ee hadda la isticmaalo waxaa ka maqan tayadii ay lahayd lacagtii hore ee dowladihii hore samayn jireen.

Marka lacag la samaynaayo ama lasoo daabacaayo waxaa loo fiiriyaa dhowr qadob oo dowlad kasta ay usaarto gudi qaran oo aqoonyahano iyo dhaqaalyahanno ah, kuwaasoo kasoo tala bixiya inta lacag ee loo baahanyahy, iyo waqtiga loo baahanyahay, lacag kastana waxay leedahay lambar gaar ah oo aysan wadanin warqad kale oo ay isku lacag yihiin.

Dollar-ka maraykanka iyi Soomaalliya

Haday Somalia si toos ah u qadato lacagta USD, waxaa ka dhalanaya faaiidooyin iyo khasaaro intaba.

Faaiido darada ama khasaaraha ka imaanaya isticmaalka Dollar-ka

  1. Dowladdu waxay luminaysaa Astaan ka mid ah astaamaha qaranka Soomaaliyeed, maadama wadan kasta lacagtiisu ay ka mid tahay waxyaabaha lagu aqoonsado wadanka.
  2. Waxay dowladdu sido kale dhumanaysaa faaidooyinka ay ka heli lahayd marka ay lacag soo samayso iyo marka ay lacagtaas adeegsato, tusaale ahaan samaynta 1000SOS waxaa ku baxday 100SOS, oo lamid ah 1000-100=900. Marka 900SOS waa farqu-sicirka ay Dowladdu ka heshay 1000SOS ee ay soo samaysatay, haday lacag shisheeye qaadatana waxay dhuminaysaa faaiidooyinkaas oo balaayiin noqon kara.
  3. Waxaa meesha kabaxaaya awooda ilaalinta sicirka iyo isticmaalka lacagta, maadama ay dowladdu si rasmi ah yadu u lahayn lacagtaas.
  4. Kala duwanaashaha labada dal daraadeed, waxaa dhacda in ay kala duwanaadaan danaha siyaadeed, waxkasta oo ku saabsan siyaasad dhaqaaleedka dalka wuxuu hoos tagayaa dowladda maraykanka haddii aan loo samaynin xuduud marka hore lakala qorto.
  5. dowladda Somalia haday qaadato lacag ajnabi ama dollar waxay weynaysaa inay ka hadasho danaheeda dhaqaale ee ku aadan xakamaynta inta lacag ee,ay galinayso ama ka bixinayso suuqa, maadaama aysan ahayan isha kaliya ee kaliya ee laga heli karo lacagtaas.
  6. Banngiga dhexe ee wadanka waxaa ka yaraanaya awooda ay ahayd inuu lahaado.

Faaiidooyinka isticmaalka Dollarka maraykanka

  1. waxaa laga helaayaa isticmaalka dollarka-maraykanka kalsooni buuxda maadaama ay tahay lacag adag oo kasoo jeeda wadan dhisan.
  2. Waxaa badanaya maalgalinta ay samaynaayaan dibad jooga iyo ajaanibta kale ee faaiido dooonka ah, maadama aysan ka cabsanaynin wax  khasaaro dhanka lafaha lagtooda ah.
  3. Waxaa joogsanaya ama yaraanaya isbadbadlka dhanka sicirka badeeecada maadama banaanka looga soo gadayo dollar gudahana lagu gadayo dollar.
  4. Waxaa isku soo dhawaanaya ganacsiga labada dale e maraykanka iyo soomaalida, kaasoo ka dhigaya dhaqaalaha mid ka xoogan wadama aan xiriirka ganacsi ee dhow an lalahayn lacag adag sida tan maraykanka.

Ahmed Mohamed Hussein Ismail

BSC in Economics

MBA in Accounting and Finance

    E-mail: [email protected]
    Skype: Ahmedzaky101
   twitter: Ahmedzakiyuddin
    tell:    +211 920 557 57

Somaliland iyo USA oo ka hadlay aqoonsiga la siiyay Dowlada Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar oo ka hadlaayay shir uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Hargaysa ayaa wuxuu sheegay  in arrintaas uusan saamen ku yeelan doonin xiriirka Somaliland iyo xukuumada Washington.

Wasiirka ayaa sheegay in uu magaalada Addis Ababa uu kula kulmay danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya isla markaana ay ka hadleen aqoonsiga la siiyay Soomaaliya.

Wuxuu yiri “ Intii aan joogay magaalada Addis Ababa shirkii midowga Africa, waxaanu kulan la yeelanay safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland James Swan, waxa aan ka wadahadlanay arrintii aqoosiga ee dhawaan dhexmaray Maraykanka iyo Soomaaliya, waxan uu wafdiga Maraykanka uu noo xaqiijiyay in arrintaasi aanay ahayn mid saameeneysa xiriirkii iyo wadashaqeyntii iyo cilaaqaadkii horrey uga dhexeeyay dowladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Maraykanka”

Wuxuu sheegay wasiirka in aqoonsigaas uu gaar u yahay xukuumada Muqdisho, isla markaana dowladda Soomaaliya lagu wargaliyay inta uusan Maraykanka go’aanka qaada, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, dowladda Maraykanka oo dhawaan markii ugu horreysay aqoonsi siiyay dowladda Soomaaliya muddo 21-sano kaddib ayaa sheegtay in Soomaaliya loola dhaqmi doono sida dal madax banaan isla markaana aysan jirin doonin siyaasadii labo geesoodka ee (Dual Track Policy ).

Mar la waydiiyay sida uu arko shirka ka dhacay bisha May 7-deeda magaalada London, kaasoo ay sida wadajir ah u guddoominayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Britain wuxuu ku jawaabay?

“ Illaa hadda shirkaas wax casuumad ah nooga imaanin, xittaa ma ogin sida uu u dhacayo, marka annaga waxan ka sheegno ma aqaano, wax illaa hadda laga dido meesha ma yaala aan sugno xilligiisa.” Ayuu yiri Maxamed Cabdulaahi Cumar.

Somaliland ayaa 21-kii sano ee la soo dhaafay waxa ay raadineysay ictiraaf rasmi ah, laakin arrintaas wax uga hirgalay ma jirto.

Waxa ay sheegtaa in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’aday laakin adduunyada wax aqoonsi ah ma siiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Daawo Video: Arrin Mucjiso ah oo aad uga yaabisay Caalamka Islaamka

0

Arin Mucjiso ah ayaa waxeey ka dhacday Wadanka Sacuudi Carabiya waxaana la arkay Malaay Dawaafaya xajka oo maqlaya Codka Xujaayda Dawaafaya. Arintani  waxa ay dhacday Xajkii hore waana arin mucjiso ah.

Hada Aqristoow Muuqaalkani waxaan idiin kugu soo gudbinay ku cibro  qaadasho ee nala daawada.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO: