27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Daawo Muuqaalkii u Dambeeyay ee laga soo duubay Magaalada Muqdisho.

Muuqaalka Maanta waa Muqaalka Guud ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho waxaan idiinla wadaageeynaa Amaanka iyo isbadalka ka dhacay dalka Maanta.

Hadaba Aqristoow ku daawo muuqaalkan goobo kala duwan oo Magaalada Muqdisho ah waana Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GAN:

Puntland oo ay ku soo badanayaan ururada siyaasadda (Falanqayn)

Garowe (Caasimada Online) Iyadoo weli maamulka Puntland uusan shaacin xilliga la qabanaayo doorashada maamulkaas, oo ku beegan 8-da bisha January 2013-ka, ayaa haddana waxa sii kordhaya ururada siyaasadda eek u han weyn in ay qabtaan xilka ugu sareeya maamulkaas.

Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Faroole oo hadda xilliga loogu talagalay in uu joogo xafiiska uu dhammaaday, waxa uu rabaa in hal sano oo hor leh loogu daro xilka uu hadda hayo, taasoo ay si wayn uga soo horjeedaan siyaasiyiinta iyo odayaasha ku dhaqan deegannada maamulka Puntland.

Maamulka madaxwaynaha wuxuu bilaabay in uu u caga jugleeyo siyaasiyiinta, sidoo kale waxa uu xarig iyo wax uu kala raacdeeyay ka dhigay odayaashii dhaqanka iyo wax-garadkii ku dhaqankaa deegannada Puntland.

Muxuu ku dooddayaa madaxweyne Faroole?

Sida ay lee yihiin dadka u dhuundaloola siyaasadda maamulka Puntland, waxa uu madaxweynaha doonaya in uu xilka uu hayo ku darsado hal sano oo dheeri ah, isagoo taasoo u cuskanaya dastuurka Puntland oo dhigaya in madaxwaynaha uu xilka heyn karo illaa shan sano.

Laakin dad badan ayaa qaba in dastuurka cusub ee Puntland markii la sameenayay uusan sidaas ahayn, oo loo oggolaa madaxwaynaha in uu xafiiska heyn karo muddo afar sano, sidaas ay ku soo shaqeeyeen seddax madaxweyne oo horrey u soo maray Puntland.

Si kastaba, waxa laga cabsi qabaa in haddii aan doorasho la qaban bisha January ee sannadka soo socda, ay ka dhici karaan deegannada Puntaland khalaaso iyo rabshado xooggan, taasoo keeni karta in nabad dari ay ka dhiliso halkaas.

Madaxweyne Faroole wuxuu bilaabay in uu kulamo la yeesho wax-garadka iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Puntland, kuwaasoo oo u ka dhaadhicinaayo in maamulkiisa haddii hal –sano oo dheeri loogu daro ay ku qaban karaan waxyaabo horrumar leh, sidaas waxa qaba qaar badan oo ah dadka deegganka Puntland ka soo jeeda.

Maamulka Puntland waxa uu horrey u bilaabay in uu afka qabto saxaafadda, iyadoo idaacadaha ku yaalla deegannada Puntland ay in-dhaha ka qabsadeen xiisadda siyaasadeed ee ka taagan halkaas, waxana arrintaas sabab u ah iyagoo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo.

Sidaas oo wax kasta yihiin, haddana waxa ku soo qulqulaya Puntland siyaasiyiin caan ah iyo ganacsato waaweyn kuwaasoo damac uu ugu jiro maamulka Puntland, waxana intooda badan ay lee yihiin waa in doorashada Puntland la qabtaa xilligii lagu balamay oo ah 8-da bisha January 2013-ka, haddii arrintaas isbadal ay ku timaadana ay ka dhalan karto wax yeelo aad u xun.

Isku soo duub, waxa hadda ka dhisan Puntland ku dhawaad 10-urur siyaasadeed, kuwaasoo la sheegayo in badankood ay taageersan yihiin madaxweyne Faroole ama uu isaga lee yahay sida ay lee yihiin ilo madax-bannaan.

Shaley oo taarikhda ku beegneed, waxa magaalada Garoowe looga dhawaaqay Urur-siyaasadeed cusub oo la yiraahdo WADAJIR.

Ururkan oo dadka madaxda ka ah ay u badan yihiin dhallinyaro waxaa guddoomiye u ah Cabdilaahi Xasan Maxmuud oo ku magac dheer (Spaanish).

Waa nin hadda ku sugan waddanka Spain isagoo taleefonka kula hadlaayay ka qaybgalayaashii xaflada in ururka uu yahay siddii bulsahda Puntland loo gaarsiin lahaa himilooyinka ay lee yihiin oo in ah in ay helaan maamul wanaagsan.

Bishii November ee sannadkan sii dhammanaya maanta, ayaa madaxweyne Faroole wuxuu ku dhawaaqay ururkii ugu horreyey ee siyaasadeed kaasoo lagu magacaabo {HORSEED}.

Isagoo ka hadlaayay ururkaas wuxuu yiri “Astaanta Ururkeenu Waa Geedka Gobta ah, waayo Geedkaas, Waligiis ma qalalin, waa Cayaar, Xoolaha iyo Dadku waa cunaan, Har ama Hoos fiican ayuu leeyahay, sidaas ayaa Gob loogu bixiyey”.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Daawo Sawirada dadkii ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay Liibiya

Halka ka Daawo dadkii Tahriibka ahaa ee ku dhintay ShiLKA gaari oo ka dhacay dalka Liibiya.

1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

4

 

 

 

 

 

 

 

 

 

6

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

8

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

9

 

 

 

 

 

 

 

 

 

r

 

 

 

 

 

 

 

 

 

l

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

o

 

 

 

 

 

 

 

 

 

dhaaw

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waa dhaawac kamid ahaa dadki Tahriibka ahaa ee Shamiintada ay kudaatay

 

 

Jabhada Raaskambooni oo beenisay dilka Nabadoon Qalinle

Ururka Raaskambooni ayaa beeniyay inay ka dambeeyeen Nabadoon lagu dilay magaalada kismaayo oo ciidankooda iyo kuwa AMisom ay joogaan.

Afhayeenka Ururkaas Cabdinaasir Seeraar oo warbaahinta lahadlay ayaa beeniyay jiritaanka warkaas ku aadan dilka Nabadoon Qalinle oo lagu dilay Kismaayo.

Dilka kadib ayaa waxaa warar soo baxay ay sheegayeen in Ciidamada Raaskambooni ay ka dambeeyeen dilkiisa.

Balse war ka soo baxay Raaskambooni ayaa lagu beeniyay eedaytaan maanta.

Kismaayo waxaa lagu dilaa mararka qaar dad shacab ah oo aan waxba galabsan  iyadoo maagaalada ay joogaan Ciidamada Dowlada iyo Amisom

Hillary Clinton oo cusbitalka la dhigay

Xoghayaha Arimaha dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton ayaa la dhigay cusbitalka, ka dib markii, madaxeeda laga helay, gunud dhiig ah ama xinjireysatay, taasoo loo maleynayo inay ka dhalatay jug dhawaan madaxa ka gaartay.

Wasaarada Arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in dhaqaatiirta daweyneysa Mrs. Clinton ay ka heleen xinjirtaasi, baaris jugta madaxa ka soo gaartay lagu eegayay oo ay ku sameeyeen axadii shalay.

Waxey sheegeen in xinjirta ama gunudka dhiigga ah ay xiriir la leedahay jug madaxa ka gaartay, ka dib markii ay dhacday dhowr todobaad ka hor.

Clinton ayaa lagu daweynayaa dawooyinka xinjiraha la dagaalama cusbital ku yaala magaalada New York, waxana la filayaa in halkaasi ay ku sii jirto oo lagu baxnaaniyo labada maalmood ee soo socota.

Warka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka waxaa lagu sheegay in dhaqaatiirta Clinton ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay xaaladeeda sii qiimeeyaan, si ey go’aan uga gaaraan hadii talaabo dheeri ah loo baahanyahay.

Mrs. Clinton ayaa xanuunsaneyd todobaadyadii dhawaa, iyadoo la tacaaleysay virus kaga dhacay caloosha, oo ku qasabay inay baajiso kulamo ay ka qeybgali laheyd iyo safaro ay u bixi laheyd.

21kii December, waxaa ku dhacay fuuq-bax ay u suuxday, iyadoo la il dareyd jug madaxa ka soo gaartay, ka dib markii ay dhacday.

Ilaa iyo axadii shalay, ka hor inta aan la geyn cusbitalka waxey ku baxnaananeysay gurigeeda.

Isha: VOA

Baarlamanka oo amar culus siiyay wasaaradda maaliyadda Dowladda

Baarlamanka Soomaaliya ayaa mudo u qabtay Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya inay soo bandhigto gunada ku baxda ciidamada dowlada Soomaaliya ee ka dagaalaya Gobolada dalka.

Kadib markii maalintii shalay Baarlamanka Soomaaliya uu ogalaaday Ansixinta Miisaaniyada ay ku shaqaynayso Xukuumada Soomaaliya ayaa baarlamanka waxaa uu baadi goob ku bilaabay lacagta Ciidanka ay qaataan in la soo ogaado.

Mahad Cabdala Cawad Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu galayo fasax islamarkaana Bisha March 03-deeda Xukuuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada maaliyada looga fadhiyo inay keento dhaqaalaha ku baxo ciidanka.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku doodaya in gunada ay ciidamada Dowlada qaataan ay tahay mid aad u hoosaysa waxaana ay rabaan in loo kordhiyo ciidamada gunada ay qaataan Islamarkaana waxaa ay ka horyimaadeen mudanayaasha baarlamanka in ciidanka Amisom ay ka  guno badnaadaan Kuwa dowlada.

XOG: Dowladda iyo Raaskambooni oo mar kale ku kala tagay arrin cusub oo Dowladda ay soo bandhigtay

Kismaayo (Caasimada Online) – Warbixino hor leh oo soo baxay, ayaa sheegaya in kullamadii dhowaan ku dhex maray Kismaayo madaxda ururka Raaskambooni iyo waftigii Dowladda ay hakaasi booqday ay ku dhammaadeen is marin waa.

Horey ayaa inta badan warbaahintu oo Caasimada Online ay ku jirto waxa ay u weriyeen in is afagard uu ka dhex dhacay labada dinac, hase yeeshee xog aan ka helnay sarkaal ka tirsan Raaskamabooni oo doonaya inaan magaciisa la adeegsan, ayaa muujineysa in labada dhinac ay weli aad u kala fog yihiin.

“Waxaa jira in weli la isku khilaafsan yahay arrinta Jubbaland” ayuu yiri sarkaalka.

Waxa uu intaas ku daray “Wasiirada dowladda waxa ay soo bandhigeen arrin ay doonayee oo ah in Dowladda ay Kismaayo usoo magacowdo maamul KMG ah oo waqtigiisu ku eg yahay 3 bil, ka hor inta aan maamul rasmi ah loo dhisin.

Waxa uu sheegay in madaxda Raaskambooni ay ku gacan seereen soo jeedinta Dowladda, islamarkaana taasi ay hor seeday murran siyaasadeed hor leh oo labada dhinac ka dhex dilaacay, ayna kula tageen ayaga oo aan heshiin.   Sarkaalka, ayaa dhinaca kalena sheegay in kooxaha siyaasadeed ee Kismaayo ay weli ku taagan yihiin mowqifkooda ah dhismaha maamul dadka deegaanka ay soo dhisaan oo dowladda aysan wax shaqo ah ku lahayn.

Hadalladiisa ayaa khilaafaya kuwa uu dhowr maalmood ka hor jeediyay hogaamiyaha Raaskamabooni Axmed Madoobe oo u sheegay waftigii Dowladda in dhisamaha maamulka Jubbaland uu ku jiro gacanta dowladda, inkasta oo hadalkiisa lagu macneeyay mid diblomaasiyadeed, oo aan ka tarjumeyn mowqifkiisa dhabta ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]     

Guriceel: Kooxo hubeysan oo weeraray sarkaal la shaqeeya hay’adaha

Guriceel (Caasimada Online) Sida ay Shabakada Caasimada Online u  sheegeen wariyaal ku sugan magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud,  waxa maanta halkaas lagu dhaawacay nin la shaqeenaayay hey’addaha  gargaarka, kaasoo lagu magacaabo Saleebaan Maxamed Saalax.

Nin la weerraray ayaa la socday gaari ay lahaayeen hey’addaha  gargaarka , gaar ahaan kuwa caafimaadka iyo xaananada xoolaha, waxana  la sheegay in uu ka badbaday weerrarkaas.

Illaa hadda ma cadda sababta loo weerraray sarkaal kan ka tirsan  hey’addaha gargaarka ee ka shaqeeya Gobalka Galgaduud.

Maamulka Ahlu Sunna oo ka arrimiya Guriceel ayaa saxaafadda u sheegay  in weerrarkaas loo qabtay nin la sheegay in uu ahaa ninka rasaasta ku  furay gaariga.

Ma ahan markii ugu horreysay oo magaalada Guriceel lagu weerraro  shaqaalaha hey’addaha gargaarka, Soomaaliya wax caadi ka ah in la  weerraro shaqaalaha samafalka, mararka qaar waaba la dilaa, cidna  looma soo qabto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Wenger: Theo Walcott Arsenal way jeceshahay iibna maahan.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa ku celceliyey go’aankiisa ah inuu ceshto Theo Walcott ka dib markii uu xidiga dalka England Sedaxleey shabaqa huwiyey kulankii ay 7-3 guusha kaga gaareen Newcastle ciyaar ka dhacday Fly Emirates Stadium.

Wenger ayaa mar kale qirtay ka dib kulankaan inuusan Walcott meelna u socon inta lagu jiro Janaayo wuxuuna rajo weyn ka qabaa inuu qandaraaska u dheereeyo Gunners, kaasoo dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Kooxdu wey jeceshahay Theo, Theo isna waa jecelyahay kooxda, I rumeysta aniga jaceylka ay is dhaafsadeen waa wax adag in la sameeyo,” ayuu yiri Wenger.

“Wuxuu ahaa ciyaaryahankii ciyaarta, laakiin awooda rajadeydu waa la mid sidii ay aheydba wuxuuna ahaa kulan dhib badan: Waxaan ka doonayaa inuu qandaraaska dheereeyo waxaana rajo ka qabaa inuu dheereyn doono.

“Theo wuxuu muujiyey waxa uu sameyn karayo; laakiin waxaa jiray xalal kale oo isaga ku saabsan rajaduna waa inuu ka ciyaaraa weerarka.

“Waa ogahay inuusan xoog badneyn. Waase ciyaaryahan xariif ah sababtoo ah wuxuuba ka xariifsan yahay xarfaanta kale, wuxuuna sii wadan doonaa inuu kor isku soo qaado.”

Walcott ayaa afar gool dhaliyey wuxuuna ku guuleystay in goolku laad uu kooxda u keeno sedaxdii kualn ee u dambeysay ee uu ka ciyaarayey Weerarka, waana booska uu weydiistay inuu ka dheelo, si kastaba, 14 gool ayuu dhaliyey xilli ciyaareedkaan.

CASUUMADII ABOORKA

Soomaalidu tan iyo markii ay gacmahooda ku riday Dowldii loo arkayay in ay ku fadhido sadbursiiyo ay heli lahaayeen saraakiil iyo ganacsato midba maalintiisa gadooday qabyaaladina aaneey ka marneyn, dibna looga qoomameeyay waxa ay dhex maquurteen colaado kala calamo duwan oo mid waliba car-carteeda iyo ceynad gaara laheyd.

Mudadaa 21-ka sano ah,Roobabku waxa ay da,yeen iyadoo difaac la isugu jiro,qoraxda Soomaaliya u dhalataana  ma aaneey dhicin iyadoo aaneey dhicin wixii dhici lahaa, oo ah dagaalo sokeeye,mid Siyaasadeed,mid dhul Dowladeed oo la isku heysto,mid aana qabiil,gaadiid lakala dhacayo,mid Isbaaro,Mid Diimeed,mid ganacsato,mid Dowlad lagu taageerayo,mid Qaad ka bilowda,maalin walbana waxaa la soo ahaa umad is wada dileysa,oo kala qaxeysa oo aan isku soo galin,mar walbana waxaa loo sacabo tumayay fikrad kooxi keentay oo aan la is weydiin halka ay ku dhamaaneyso,aakhirkana waxaa laga haraa oo mid kale looga diga rogtaa iyadoo kii hore laga dhaxlay dhimasho iyo dhaawac.

Ma aheyn wixii la soo maray iyo dhawaqyadii la maqli jiray cayaar sharax ah ama wilisiqo rag xoogani garaacayeen,ee waxa ay ahaayeen rasaas iyo madaafiic lagu ridayay dad iyo daaro wixii markaa noolaa,marka aadse u fiirsato si miyir qab ahna u eegto   hadii aad ka soo samata baxday  wixii si maalayacni ah rag isugu soo dileen ama ay u soo galaafteen kuwa aan waxba galabsan,sow lama oran karo waxa ay Soomaalidu u ekeyd Umad taariikhda iyo mustaqbalku u yihiin qadar iyo nasiib iska yimaada oo iska taga,ee aaneey u aheyn natiijo ka dhalata waxa ay sameynayaa,marnana aan xiligaa is weydiin su,aalo ay jawaabahooda hadda hayaan,waxa ay u ekyihiin dad dunida u arka in la isku soo jujuubay oo ka firxanaya oo sida ugu dhaqsiyaha badan u dhimanaya,waa dad rubuc Qarni deegta ku sita Ak-47 oo ah darka wadku u soo maro xaqna uma laha ineey noloshooda  canaantaan maadaama ay iyagu doorteen.

Sidoo kale waayadaan danbe waxaa Soomaaliya ku soo batay Qaraxyo ismiidaamin ah oo dad badan oo masaakiin ah u taxaabay Aakhiro,markase aad maqasho gaari qarxay oo qofkii waday kaligii ku dhintay ama ruux meel cidlaa isku  qarxiyay waa suurta gal in aad su,aalo badan is weydiiso,sidoo kale marka aad maqasho dagaal socda oo salka ku haya muran Isbaaro,guri dowladeed oo la isku heysto,ruux kun shilin loo dilay iyo waa ka shakiyay,ama Qaad lakala dhacayo,oo sababa dhimashada in ka badan 20 ruux iyo dhaawaca Sodomeeyo kale,iyana waa suurta gal in mar qura ay maskaxdaada ku dagaalamaan su,aalo badan oo ay ka mid tahay waxa dhacay iyo waxa la isku heysto sida ay u kala fogyihiin,aaway noloshii qiimaha laheyd,maxaa dadkan nabad iney dunida ugu noolaadaan u diiday!!!

Bal u fiirso Tahriibka badda waxaa 7-aad walba soo yeeraya soomaali badan baa badda ku dhimatay maalin walbana doomuhu waa sii raran yihiin oo waxaa lagu soo daadinayaa biyaha , weliba waa lagu kala tartamayaa geeridaa naxdinta leh.

Dhanka kale hadii aad maqasho askari askari kale dilay ama nin ciidana oo qof rayida dilay oo maalmo dabadeed Maxkamad la soo taagay, ina heblaayo hebel dabadeedna lagu xukumay dil toogasho ah,waxa aad is weydiineysaa bal waxa uu ka faa,iday falkiisii hore iyo in uu dilkani ka fiican yahay dilalkii hore ee aan la isku daba gali jirin.

Markase la isku xooriyo inkastoo geeridu xaq tahay,dhimashadan soomaaliya laga wada caashaqay mar qurana aan la is weydiineyn waxa lagu dhimanayo waxa ay yihiin,welina  Qorigii hebelo badan lagu dilay la sito,la iskuna tag taagayo  si dhimashadu u sii socoto iyadoo la og yahay ruuxii dhintaa in aanuu dib ifka ugu soo laabaneyn,sow waxa loo wada dag dagayo lama oran karo Soomaalida ABOOR BAA CASUUMAD U DHIGAY !!!!

DH A M A A D  

C/qaadir Maxamed Faarax (Dulyar)

[email protected] Muqdisho/Somaliya.

Chelsea oo dooneysa inay meel dhexe ka afduubato Demba Ba.

Ilo uu soo xiganayo wargeyska Sky Sports ayaa fahamsan in wakiilka Demba Ba uu la kulmi doono Chelsea habeenka Axada ah (Caawa).

Ba, waxaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 7 milyan oo ginni kaasoo diyaar noqon doona inta lagu jiro Janaayo marka uu suuqu dib u furmo.

Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Senegal ayaa waayo fiican ku riyaaqay xilli ciyaareedkaan wuxuuna dhaliyey 13 gool sanadkaan 2012-13.

Waxay u muuqataa inuu kooxda sida macquulka ah ka dhaqaaqo, marka lagu daro Arsenal iyo Tottenham, QPR iyo kooxda Faransiiska ah Paris Saint Germain ayaa xiiseynaya.

Hada waxaa lasoo werinayaa inay Chelsea kusoo biirtay loolanka loogu jiro, ka dib markii Ilo ku dhow kooxda Blues ay Sky Sports u sheegeen in la isla meel dhigay wadahalada Ba iyo kooxda heysata Horyaalka Yurub.

Tababaraha Chelsea Rafa Benitez ayaa diiday inuu beeniyo warka ay sheegayaan saxaafadu ee ah inuu 27-jirka reer Senegal u dhaqaaqo London.

Isagoo hadlaayey ka dib kulankii ay 2-1 ku garaaceen Everton, wuxuu yiri: “Kama hadalno ganacsiga, kulan muhim ah ayaan laheyn maanta.”

 

Shir weyne looga hadlayay dhismaha Jubbaland oo lagu qabtay Doolow

Waxaa Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ka dhacay Shir Balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Siyaasiyiinta Gobolka Gedo lagana hadlayay  Mustaqbalka Maamul usameynta Jubbaland State.

Shirkaan oo labo maalmoood oo xiriir ah ka socday Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa waxaa ka qayb galayay dhinacyo kala duwaan oo ay ka mid yihiin Wafdi Balaaran  oo dhawaan soo garay Gobolka Gedo kuwaas oo markoodi hore ka yimid Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose iyo Siyaasiyiinta iyo saraakisha Ciidamada Gedo  kuwaas oo ka kala yimid  Dagmoyinka xorta ah ee gobolka gedo marka laga reebo Dagmada Ceelwaaq oo aan so xaadirin.

Shirkaan ayaa waxaa loga hadlayay sida ugu macquulsan ee lo dhisi karo maamul ay yeeshaan Jubboyinka iyo Gedo iyo kaalinta ay qaadan karto Dowlada Fadaralka Somalia.

Dood badan oo  dhinacyadi  Shirka ka qayb galayay  ay is wadarsadeen ka dib  Siyaasiyiinta  Saraakiisha  iyo waxgaradka gobolka gedo waxay isku raceen in  si buuxda lo taageero dhismaha maamul mideeya Jubboyinka iyo Gedo.

Sido kale Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha iyo Waxgaradka Gobolka Gedo waxaay isku raceen in Kaalin mugleh  howlaha maamul usameynta jubboyinka iyo gedo laga siiyo Dowlada Fadaraalka Somalia oo ay sheegen in ay tahay Dowlada Rasmiga ah ee ka talisa Wadanka Somalia.

Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax  oo hogaaminayay Wafdigii Kismaayo ka yimid ayaa waxaa uu shegay in uu soo dhamaday madmadowgi Dowlada Somalia iyo Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ku dhex jiray waxana uu si weyn ugu mahad celiyay Raisulwasaaraha Somalia oo uu shegay in uu kalin weyn ka qatay isfahanka dhexmaray dhinacyadi is diidana.

“Hadi ay jirtay waqti la oran jiraay Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo Dowlada Somalia way is haystaan  hada  taasi wa laga gudbay shacabka reer Jubbaland wa in ay u diyaargarooban  dhismaha Maamul ay si wada jir ah iskaga kaashadan Dowlada Somalia  Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ayu yiri Gudomiye Aw-libaax.

Kulankaas ayaa waxaa sido kale  ka hadlay Masuliyiin ay ka mid yihiin  Ex Xildhibaan Maxamuud Sayiid Adaan, Gudomiyaha Doolow  Cabdirashiid Janan, Gudomiyaha Dagmada BaladXaawo Mudane Beerxaani, iyo Masuuliyiin kale oo ka kala socotay Dagmoyinka Luuq iyo Garbahareey, Odayaal dhaqameed iyo waxgarad kale kuwaas oo guud ahaan mujiyay sida ay u garab taagan yihiin Dhismaha Maamul mideeya Gobolada Jubboyinka iyo Gedo oo ay Dowlada Somalia ku yeelato kaalin muuqata.

Ugu  danbeyn Shirkaan ayaa waxaa uu ku soo dhamaday  guul iyo isfahan ayado wafdigii ka socday Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ay dib ugu labteen Magaalada Balad Xaawo ee Gobolkas Gedo  halkaas oo ay uga sii gudbidoonan Dagmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo  oo ayadana ay ku qaban doonan kulan la mid ah midka ka dhacay Doolow kadib na waxaay uga sii gudbi doonan Magaalada Dhobleey ee Gobolka Jubbada hoose .

Daawo Muuqaal Qurux Badan oo laga soo duubay Wadooyinka Muqdisho.

0

Muuqaalka Maanta waa Amaanka Wadooyinka Muqdisho Iyo Bilicda Magaalada oo dib u soo noqoneyso, Aqristoow Daawo Muuqaalkani waxaa dareemeeysaa Amaanka Magaalada iyo Wadooyinka sida ay gawaarida isku dhex marayaan.

Hadaba ma is lee dahay Sanadka 2012 waa sanadkii Nabada iyo horumarka ee Dowladnimo waa kanaa Saansaan Dowladeed oo soo ifaya iyo dadkii oo nidaamka dowladnimo u diyaar ah.

HALKAAN RIIS SI AAD U DAAWATO VIDEO-GAN.

Sawirada bilicda magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa kazoo kabaneysa dagaaladii ka dhacay, ayada oo sidoo kalena xaaladda magaalada ay caadi kuso noqotay.

Warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ayaa sawirro kazoo qaaday magaalada oo aan jecleysanay inaad nala aragtaan.

kismayo 1kismayo 2kismayo 3kismayo 4kismayo 5kismayo 6kismayo 7kismayo 8kismayo 9

Gareth Bale: Waxaan ku daysadaa Cristiano Ronaldo.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Tottenham Gareth Bale ayaa sheegay inuu ku daysado xidiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo, ka dib markii uu labadii sano ee dambeysay la yaab ka dhigay goolka hortiisa.

Bale ayaa sagaal gool ka dhaliyey Premier League isagoo ka ciyaaraya garabka xilli ciyaareedkaan wuxuuna ahaa mid weerarka ku fiican. Ninka uu isla meel dhigay, Ronaldo ayaa 14 gool isna ka dhaliyey La Liga intii lagu jiray 2012-13, xidiga heerka caalami ee dalka Wales ayaana la dhacsan 27-jirkaas, wuxuuna ka dhigtay midka uu ku daysado.

“Maalmihii dhowaa wax walba waa kala duwanaayeen, waa inaad sameeysaa wax yaabo cusub, ama aad wax raali gelin ah ka sameysaa garoonka dhexdiisa,” ayuu Bale u sheegay ESPN.

“Sida Cristiano Ronaldo – maba waayo fursad u timaada waqtiyada dhowaa wixii uu sameynaayey. Wixii uu sameeyo ayaan ana sameeyaa. Waa qofka aan ku daysado.”

Real Madrid iyo PSG oo wadahal la furay Ashley Cole.

Kooxaha Real Madrid iyo Paris ­Saint-Germain ayaa Isbuucaan wadahadalo la furi doona Ashley Cole sidii uu xagaaga ugu soo dhaqaaqi lahaa.

Balse Cole ayaa ilaashan kara inuu heysto qorshihiisa furan, iyadoo qandaraaskiisa Chelsea ay qasab tahay inuu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedka Manchester City iyo Manchester ­United ayaana la socda xaaladiisa.

Cole ayaa loo ogolaaday inuu la hadlo kooxda Ajnabi ah wixii ka bilowda Talaadadii Real iyo PSG ayaanan beer-dareyn doonin fursad ay kula hadlaan xidiga. Daafaca bidix Cole ayaana awooda inuu qandaraas hor dhac ah la galo kooxahaas ama uu sugo ilaa xagaaga isagoo markaas si xor ah ugu biiraya kooxaha la xafiiltama Chelsea.

Balse Cole weli kama dhawaajin inuu ka tegaayo Stamford Bridge wuxuuna qiimeynayaa inay Chelsea ka dalbato wax ka badan hal sano oo qandaraas ah xilli uu horaanba diiday halka sano kaftiisa.

Real iyo PSG ayaa labadooduba 32-jirkaan u ogol qandaraas sedax sano Jose Mourinho iyo Carlo ­Ancelotti ayaana ah tababareyaal oo kaga soo hoos shaqeeyey Blues.

Dhanka kale, Chelsea ayaa kalsooni ku qabta inay ku guuleysato hardanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka dalka Colombia Radamel Falcao, sida uu qoray Daily Mirror.

Mo Farah oo Al-Qacidanimo loo xayiray

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa magaalada London ayaa baahiyay wareysi uu la yeeshay orodyahanka Mo Farah, kaasi  oo uu ku xaqiijiyey in mudo saacado ah lagu haystey garoonka diyaaradaha magaalada Portland ee gobolka Oregon ee dalka Mareykanka.

Mo Farah waxa uu sheegay in laga shakiyay babasaboorkiisa oo lagu arkay Soomaali taana sababtay in la xayiro muddo.

Orod yahanka caanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda soomaaliya balse heysta dhalashada Britian ayaa sheegay in isaga uusan walwal ka qabin shakiga la xariira in xariir uu la leeyahay kooxaha al-qaa’ida,maadaama uu sheegay inuu yahay nin caan ah oo aduunka laga wada yaqaano.Mo Farah wuxuu u sheegay saraakiishii su’aalaha waydiinaysay ee uga shakisay argagixisnimada in hadii ay isaga shaki ka qabaan in uu yahay Mo Farah ay eegaana cadeymaha uu haysto,“Ma Rumeysan karin in dhalashada aan ku dhashay Soomaaliya in la ii xiro ama tuhun la iga qaado, mar kasta oo aan imaado wadanka Mareykanka, laakiin markan waxaan watey cadeymihii biladihii aan ku guuleystey inkasoo aanay qaadan ama rumaysan{Kooxaha baarayaasha}” ayuu yiri Mo Farah oo 29 sano jir ah.Mo Farah wuxuu sheegay in xiligii uu loo qabtey shakiga argagaxisnimada in uu ka yimid magaalada Toronto ee wadanka Canada, isagoo xusey inuu doonayey in uu ka qaato wadanka Mareykanka deganaansho ay u diyaarisay shirkada Nike oo uu kula jiro heshiis, uuna ku tababarto xarunteeda,

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Mo Farah markii la weydiiyay su’aalo badan islamarkaan la aqoonsaday ayaa waxa uu sheegay in loo ogalaaday in u dhaqaaqo halkii uu doonayay.

Real Madrid oo bedelka Casillas u aragta David De Gea.

Real Madrid ayaa 22 milyan oo ginni ku dalban doonta goolhayaha kooxda Manchester United David De Gea xagaaga soo aadan, sida uu qoray wargeyska The Sun on Sunday.

Kooxda ka dhisan Isbaanishka ayaa soo dhaqaaqjin doonta 22-jirka goolka u qabta Manchester United, kaasoo 18 bilood ka hor deriskooda Atletico Madrid kaga dhaqaaqay 18.9 milyan oo ginni.

Tababaraha Real Madrid Jose Mourinho iyo goolhayaha 31-jirka ah Iker Casillas ayaa dagaal dhex maray xilli ciyaareedkaan. Waxaana la ogyahay inuu goolhayaha xulka Spain ee da’doodu ka yartahay 21-jirada De Gea uu diirada u saaran yahay.

Ilo ku dhow Real ayaa u sheegay The Sun: “De Gea sida muuqata waxaa doonaya Mourinho laakiin waa wax inta badan ku tiirsan mustaqbalkiisa.

“Laakiin wax ayuu baray De Gea sida ugu dhow aad ayuuna u xiiseynayaa.”

Barlamanka oo ansixiyay miisaaniyada

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay miisaaniyada sanadka 2013 ay ku shaqeynayso Xukuumadda Soomaaliya.

kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha Baarlamanka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Wasiirka maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayay Xildhibaanada ay ku meel mariyeen miisaaniyada sanadka ee Xukuumadda.

Fadhiga baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray Xildhibaano gaaraya 177-waxaana ansixiyay Miisaaniyada Xukuumadda 176-iyadoo hal xildhibaan kaliya uu ka aamusay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa ku dhawaaqay natiijada ansixinta miisaaniyada sanadka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa horay u diiday ansixinta Miisaaniyada ay xukuumada ku shaqaynayso waloow maanta ay ogalaadeen.

Liverpool oo ku biirtay loolanka loogu jiro saxiixa Sneijder.

Sida ay qorayaan wargeysyada kasoo baxa dalka Italy Wesley Sneijder ayaa diirada u saaran kooxda Liverpool oo dooneysa inay lasoo saxiixato.

Warkaan xanta ah ayaa bogga hore kaga daabacnaa wargeysla La Gazzetta dello Sport kaasoo cadeeyey inay Reds horaanba heshiis la gaartay Inter Milan oo ay sida macquulka ah ugu kaxeysaneyso Sneijder.

Liverpool ayaa la dareensan yahay inay soo dhaqaajin karti 28-jirkaan kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 9.5 milyan oo ginni Inter ayaana door bidi karta inay iska iibiso Sneijder kaasoo Isbuucii mushaar ahaan kooxda kaga qaata 200 kun oo  ginni diidayna inuu dhimo.

Si kastaba, mushaarkiisa faraha badan ayaa laga yaabaa inuu hor istaago Liverpool, xilli laga yaabo in lagu garaaco Sneijder iyadoo uu Gazzetta cadeeyey in milkiilayaasha u dhashay America ay isha ku hayaan inay kooxda kusoo celshaan waayaheedii guulaha.

Sneijder ayaa la aaminsan yahay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Manchester United, halka uu Sir Alex Ferguson xidigaan si dhab ah u doonayo balse tababaraha Scottish-ka ah ayaa sheegay inuusan qorsheyneyn inuu Janaayo lasoo wareego wax ciyaartoy ah.

Kooxo kale ayaa lala xiriirinayaa Sneijder marka lagu daro Tottenham, Schalke, PSG iyo Anzhi laakiin sida muuqata laba koox oo keliya ayaa awood mushaarkiisa.

Sneijder ayaa u sheegay wargeyska Holland kasoo baxa ee De Telegraaf ka hor feystada Kirishtaanka: “Sida iska cad qof walba waa ay u fiican tahay hadii aan tegaayo inta lagu jiro bisha Janaayo.

“Hadii aysan midaasi dhicin, markaas waan joogi doonaa. Waxaan Inter kula jiraa qandaraas ilaa June 2015ka ah.”