27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Jose Mourinho: Meelna ugama socda Real Madrid.

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa meesha ka saaray inuu waqti dhow ka tago kooxdiisa wuxuuna qirtay inuu doonayo inuu ku guuleysto markiisii sedaxaad Uefa Champions League, uuna Rikoor u dhigo Koobka.

Macalinka u dhashay dalka Portugal ayaa noqon kara tababarihii u horeeyey ee Koobkaan kula guuleysta sedax kooxood oo ka dhisan dalal kala duwan hadii uu kooxda Spain ku hugaamiyo, halka ay sidoo kale guushaasi noqoto Koobkii Tobnaad ee Los Blancos.

Mourinho ayaa La Liga ku hugaamiyey Madrid sanadkii hore, laakiin hada waxay ku jiraan kaalinta sedaxaad, iyagoo 16 dhibcood ka dambeeya hugaamiyeyaasha Barcelona.

Tababarihii hore ee Porto, Chelsea iyo Inter Milan ayaa sidoo kale dhowaanahaan eedo loo jeedinaayey markii uu keydka cabsiiyey goolhaye Iker Cassilas.

Laakiin wuxuu sheegay inuusan meelna uga dhaqaaqeyn kooxda Bernabeu. Isagoo gaashaanka ku dhuftay wararka xanta ah ee la isla dhex maraayo.

“Ka dib guul darradii Sabtida ee Malaga, wax badan ayaan fikiraayey si taxadar leh ayaana xaaladeyda Real Madrid u qiimeynaayey,” ayuu yiri.

“Waa inay timaadaa hal wado oo dhamaad ah. Isbedelada Kubada cagta. Inta badan waa iska maalin kasta, daqiiqad kasta iyo inta badan Il-biriqsi kasta. Laakiin waxaa jira hal shey oo aan isbedelin, taasna waa fududahay waa macalinka kooxdu ay mar walba heysato.”

Arsenal, Liverpool iyo Tottenham oo isku heysta Lewis Holtby.

Kabtanka Xulka Jarmalka ee da’doodu ka yartahay 21-jirada Lewis Holtby ayaa wadahadalo la furi doona sedaxda kooxood eek ala ah Liverpool, Arsenal iyo Tottenham inta lagu jiro bisha Janaayo si uu ugu soo dhaqaaqo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Holtby ayaa u sheegay kooxdiisa Schalke inuusan qandaraas cusub u saxiixi doonin wuxuuna u dhego taagayaa inuu si xor ah ugu dhaqaaqo Barclays Premier League.

22-jirkaan qadka dhexe ka ciyaara ayaa wadahadalo sanadka cusub la bilaabi kara kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Spurs wuxuuna quud dareyanayaa inuu wadahal is-af-garad ah u saxiixo.

Aabaha dhalay Holtby ayaa ah nin u dhashay dalka Ingiriiska wuxuuna fursad u heli karaa inuu u ciyaaro xulka England ka hor inta uusan xirfadiisa caalamiga ah ka bilaabin xulka Germany, halkaas oo uu ku dhashay.

Holtby saaxiibki ayaa yiri: “Waxaa jira kooxo badan oo Ingiriis ah oo xiiseynaya hamigiisuna waa inuu u dhaqaaqo Premier League.”

Arsenal ayaa horaan wakiil daawada u dirtay Schalke xilli ciyaareedkaan oo ah kooxda uu u ciyaaro Holtby waana intii ay kooxda Jarmalku ciyaareysay marxada Group-yada ee Champions League.

Balse Gunners ayaa loolan adag kala kulmeysa kooxaha Liverpool iyo Tottenham.

Guddigii Baarlamaanka u xil saaray heshiiskii Somalia iyo Turkiga oo ku baaqay in la ansixiyo (Aqri qodobada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi Baarlamanka Somalia u xil saaray dib u eegista heshiis Somalia iyo Turkey-ga ku dhex maray Ankara, ayaa soo jeediyay in la ansixiyo heshiiskaasi oo ah mid milatari.

Heshiiska, ayaa waxaa kala saxiixday wasaaradaha difaaca ee labada dal, intii lagu guda jiray socdaal madaxweynaha Somalia iyo wafti uu horkacayay ay ku tageen dalka Turkiga.

Qodobada Heshiiska ee la soo jeediyay in la ansixiyo ayaa waxaa ka mid ah:-

– Wadashaqeynta tababarka ciidamada,
– Tababarka saraakiisha oo loo dirayo kulliyada abaanduulka,
– Tababarka saraakiisha loo dirayo kulliyada caafimaadka,
– Tababarka saraakiisha loo dirayo kulliyada dhanka jiheynta iyo dhulka [topography],
– Tababarka saraakiisha loo dirayo dugsiyada sare ee militariga,
– Tababarka ciidamada iyo saraakiisha heeganka ee dugsiga sare,
– Isweydaarsiga wufuuda saraakiisha militari,
– Ka qeybgalka carbisyada wadajirka ah,
– Iskaashiga dhanka tababarka Saadka ciidamada (logistics)
– Xoojinta nabadda,
– Gargaarka aadamiga,
– Ka hortagga burcad badeeda.

Xubnaha guddigaasi ayaa waxaa ay kala yihiin:-

1- Jen Muuse Xasan Cabdulle (Gudoomiye)
2- Admiral Maxamed Maxamuud Xayd (xubin)
3-Jen Axmed Geedi Jimcaale  (xubin)
4- Xuseen Carab Ciise
5- Jen Bashiir Goobe
6- Col. Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush)

Haddaba xubnahaasi ayaa u sheegay Baarlamanka in heshiisku yahay mid u wanaagsan Somalia, sidaa darteedna ay ku talinayaan in baarlamanku ansixiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wasiirka arr. gudaha oo faah-faahiyay qorshaha sugida amniga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/Kariin Xuseen Guuleed, ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia iyo qorshaha dowladda ee ku aadan sugida amnigeeda.

Cabdi Kariim, ayaa wacad ku maray in Ammaanka maagaalada Muqdisho ay wax badan ka qaban doonaan.

Qorshaha Xukuumada Soomaaliya ee ku aadan howlaha Amaanka Muqdisho, ayaa wasiirku waxa uu sheegay inuu yahay mid la dejiyay oo is-beddel weyn sameyn doona.

C/Kariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in Muqdisho loo samaynayo Ciidamo gaar ah oo amaankeeda suga, soona celiya nabad galyadii hore oo ay la hayd caasimada.

Wasiirka waxaa uu u digay dadka Sharciga aan hubka ku wadin inaan lagu arki karin gudaha magaalada ama aan ahayn qof  ka madax banaan dowlada.

Amaanka Caasimada Soomaaliya, ayaa soo hagaagayay dhowaanahan, laakiin waxaa jiro kooxo maleeshiyaad ah oo hub isaga dhex wata magalaada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Faroole oo beeniyay arrin lagu heystay muddooyinkii dhowaa

Garowe (Caasimada Online) –Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamad Faroole ayaa ka hadlay wararka sheegayay inuu sii dheeraysanayo Waqtigiisa Madaxwaynaha Puntland.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole  mar uu ka hadlay Xasaradaha siyaasadeed ee ka jira Puntland, waxaa uu sheegay inaysa jirin Mudo kororsiga la sheegay.

Wuxuu sheegay inuu dhamaysanayo Shanta Sano ee ku qoran dastuurka Maamul Goboleedka Puntland.

Faroole ayaa ku faanay in Musharaxiinta Xilkiisa u tar tamaya ay isaga ka baqayaan in markale uu  doorashada ku soo baxo.

Ma lahan buu yiri Wax kalsooni ah ah dadka dhan ee doonaya in Umad dhan ay hogaan u qabtaan ayna ka fidinayaan dacayado raqiis ah.

Madaxwaynaha Puntland hadalkiisa ayaa waxaa uu yimid xili ay dibad baxyo balaaran oo isaga looga soo horjeeday ay ka dhaceen  Magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe

[email protected]

Kooxda madaxweyne Shariif ee Ala Sheikh oo Muqdisho ku shiray soona saaray war murtiyeed (Aqri)

Ururka Aala Shiikh oo uu ka tirsan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed ka tirsan yahay oo Muqdisho kulan ku yeeshay, waxaana ay kazoo saareen warmurtiyeedkan.

XARAKADA TAJAMUCA ISLAAMIGA SOOMAALIYEED

SHIRKA AFARAAD EE TAJAMUCA

BAAQA SHIRWEYNAHA:

MUQDISHO SOOMAALIA, 28.12,2012

kulan muhiim ah oo ay yeelatay Xarakada Tajamuc Al Islaami oo ay ka soo qayb galeen Aqoonyahano, Culimo, Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo Haween,. Falan-qayn dheer ka dib shirka waxaa ka soo baxay Baaqa soo socda:

Xarakadu waxa ay ugu baaqaysaa  dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay Allaah u toobadkeenaan, Xariga Allaah lawada qabsado, wax alaale wixii xuquuq iyo hanti ah la isku celiyo, lagana fogaado isdilka iyo nacaybka.

Xarakadu waxa ay aaminsantahay  in Shareecada Islaamku tahay Dastuurka Dalka ee lama-taabtaanka ah.

Ururada Ismaaliga ah ee dalka Soomaaliya waxa ay Xarakadu ugu baaqaysaa in ay horsed u noqdaan dhaqanka Wadahadalka, dacwada islaamkana shacabka loo gaarsiiyo si xikmad ku jirto.

In la dhwro xurmada ruuxa Muslimka ah, lana ilaaliyo: Diintiisa, Naftiisa, Maalkiisa, Sharafkiisa iyo wixii kale ee Diinta Islaamku ay fartay in la dhawro, lana ilaaliyo.

Waxa aan ugu baaqaynaa dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan midnimadooda kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaasho iyo kala qaybinta dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Xarakadu waxa ay cadaynaysaa in Madaxbaanida, iyo Midnimada Shacabka Soomaaliyeed, Dal iyo dad ahaanba in ay tahay lama taabtaan.

Culimada Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqaynaa in ay qaataan Masuuliyadda ka saraan Tarbiyada iyo towjiihinta dadka Soomaaliyeed.

Waxa aan rumaysannahay in Culimada Soomaaliyeed  ay Marjic  aasaasiya u yihiin dhammaan arimaha muhiimka ah ee taabanaya Masaalixda Shacabka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqaynaa in ay qaadato masuuliyadda ka saaaran u adeegidda Shacabka Soomaaliyeed, gudaha Dalka iyo dibaddiisa, ayna difaacdo xuquuqda dadka Soomaaliyeed iyo qiyamkooda Islaamiga ah.

Xarakadu waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka  gaar ahaan dawladaha dariska la ah Soomaaliya in dhawraan Madaxbanaanida iyo Midnimada shacabka Soomaaliya.

Waxaan kale oo aan  ugu baaqaynaa dadka Soomaaliyeed ee xoolaha haysta ee ku nool gudaha dalka iyo dibadiisa inay gargaar iyo taakulayn la garab-istaagaan walaalahoodadhibaataysan.

WABILLAAHI ATTOWFIIQ 

SHIRWEYNAHA 4 AAD EE XARAKADA TAJAMUCA ISLAAMIGA SOOMAALIYEED.

MUQDISHO SOOMAALIYA.

Magacyada dad Soomaali ah oo ku geeriyooday Libya ayaa la helay

Tripoli (Caasimada Online) Safaarada Soomaaliya ee waddanka Libya ayaa shaacisay qaar badan oo ah tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday meel ku dhow magaalada Tripoli ee xarunta waddanka Libya.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Libya Cabdi Xasan Waceys oo la hadlaayay VOA-da ayaa sheegay in qaar ka mid dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay la helay magacyadooda.

Magacyada la helay waa illaa 16-qof oo isugu jira rag iyo dumar.

“Waxan heynaa illaa hadda 16-magac, qaar kood ma dhameestirna magacyadooda oo magaca koobaad oo kale ayaan heynaa waxa ka mid ah:-

1-Cali Cabdule Xirsi 2-Xasan Cusmaan Jeylaani 3-Maxamed Deeq Barqad Cali 4-Cabdi Raxiim 5-Askar 6-Muuse 7-Saciid 8-Axmed 9-Axmed Khadar 1o-Sugaal Intaas waa wiilasha.

Gabdhaha waxa ka mid ah 1-Sacdiyo Maxamuud Xasan 2-Saamiyo 3- Yaasmiin 4-Saamiyo kale. 5-Aasiya Cusmaan 6-Xaawo

Wuxuu kaloo sheegay in xaalada qaar badan oo ah dhallinyaradii dhaawaca uu soogaray ay heleen daweyn oo hadda xaaladooda ay soo hagaageyso, qaar koodna ay isbitaalka ka baxeen, marka laga reebo 10-wiil iyo hal gabar oo xaamilo ah iyadana.

Wiilasha qaar bowdada ay ka jabeen, laakin qaar badan waa ay caafimaad qabanaa ayuu yiri Cabdi Qani Xasan Waceys.

Dadka dhintay ayaa ku geeriyooday shil kaasoo ah markii ay ku dumtay shamiito ay saarnaayeen baabuur ay la socdeen oo ku soo jeeday Libya.

Ma ahan markii ugu horreysay ee tahriibayaal Soomaali ah ay ku dhintaan waddanka Libya, iyagoo raba in ay aadaan Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tripoli

Baarlamanka oo mar kale maanta ka shiraya miisaaniyaddii la diiday

Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan ku yeeshaan Xarunta Golaha shacabka waxaana  la sheegayaan in labo arina ay shirkooda ugu hadli doonaan.

Mida hore waa arinta Miisaaniyada oo dib u eegis lagu samayn doono loona saari doono Mudanayaal ku jira Baarlamanka waxaana lagayabaa inay maantaba dhacdo Sidaas waxaa laga soo xigtay Xildhibaan Maxamed Cumar oo lahadlay Warbaahinta Dowlada

Maalin ka hor ayay ahayd Markii Mudanaayaasha Baarlamanka ay ka soo horjeesteen Ansixinta Miisaaniyada,waxaana dhanka kale laga yabaa in Kulanka dhinac kale loo rogo.

Qarax lala beegsaday ciidamada DF

Faah faahin dheeraad ayaa ka soo baxay qarax qasaaro gaystay oo ka dhacay deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha hoose.

Qaraxan oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay fadhiyeen Tiro Askar ah oo dowlada ka tirsan waxaana loo adeegsaday qaraxaas remout control.

Gudoomiyaha degmada Marka Axmad Macalin cukaash ayaa ka hadlay qaraxa oo la ogyahay qasaara uu dhaliyay laakiin waa uu ka gaabsaday in Askarta dowlada ay waxyeelo ka soo gaartay.

Wuxuu sheegay in tiro shacab ay waxyeelo ka soo gaartay walow xaqiiqda ay intaa ka fogtahay oo la sheegayo in labo askari oo dowlada ay ku dhinteen shan kala ay ku dhaawacmeen.

Sharciyada la isaga qaato carruurta ee dalalka reer galbeedka

Qaadista Caruurta iyo sharciyada la xariiro.

Wadamada Reer Galbeedka, haddii aad isha wada mariso, sharciyada la xariiro caruur qaadista, waa ay isu wada dhawyihiin dhamaantood, runtii waxaa la oran karaa, waa ay kala amaahdeen, meelo yar yar ma ahane oo waddan walba si gaar ah xeerka ugu dhuujiyay ama ugu dabciyay.

Haddii aan tusaale u soo qaadano waddanka Denmark oo dadka ku nool ay yihiin 5.500000, waxaa jiro qiyaastii caruur tiradooda ay gaareyso 14.000 afar iyo toban kun, oo ku nool meelo ka baxsan hooyga waalidiintood, 10 % boqolkiiba, waa ilmo guriga waalidkood, xoog looga kaxiiyay, haddii aan qaab kale u dhigno, 1.400 kun iyo afar boqol oo ka mid ah, ayaa waalidiintood xoog looga kaxeystay, markii ay dowladdu ( dowladda hoose) ku qiimeysay, in ilmaha dhib weyn soo gaarayo, xag jir ahaaneed, maskax ahaaneed iyo guud ahaan caafimaadka ilmaha, haddii waalidkiisa la sii noolaado.

Hadaba maxaa keena in waalid ilmahii uu dhalay laga qaado?

Waxaa keeno, asbbaabo badan, tusaale ahaan, waxaa ugu badan, marka aad dib u raacdo, kiisaska la xariiro ilmo qaadista, in waalidka ilmaha garaaco, khamriga iyo guud ahaan wax-yaabaha maanka dooriyo isticmaalo, in dhimir xanuun heleelo, sida waalida iyo xanuunada la xariiro iyo in ilmaha laftiisa la yimaado dhaqan xumo, sidoo kale qabo xanuun xagga jirka ah ama dhimirka oo markaa waalidka buuxin karin baahida ilmaha.

Ilmo in waalid laga qaado shirciga xaggiisa, ma ahan wax sahlan, waana jidka ugu dambeeyo ee ay dowladda hoose isticmaasho, taa waxaa ay ka dhigantahay, in marka hore la raadiyo qaabkii qooyska iyo ilmaha lagu caawin lahaay, hadba ayada oo la qaadayo wadiiqo walba oo xal ah.

Hadaba haddii ay dhacdo in waalid Somaliyeed ay la soo xariiraan, qeybta caruurta ee degmada uu deganyahay, dhib ku saabsan qoyska iyo caruurta darteed, waxaa muhiim ah in qofka waalidka ah muujiyo wadashaqeyn fakta horaba, sidoo kalana qarsan dhibka haysto, lana xariiro, dadka Somalida ah ee nidaamka iyo dhaqanka waddanka garanayo iyo looyaradaba, si loo siiyo talooyin uu uga gudbo dhibka markaa taagan oo loo helo xal ay ku wada shaqeyaan, qoyska iyo qeybta caruurta, inta kiiska furanyahay.

Waa muhiim, in waalidka dadaal walba sameeyo inta ay ilmaha gacantiisa ku jiraan, mar haddii ay ilmaha gacanta ka baxaan, wali rajo weyn ayaa jirto in ilmaha waalidka dib u hanto, waa haddii asbaabtii keentay qaadista, meesha ka baxaan, hadana ma ahan wax sahlan, waa dariiq dheer.

Ilmahii la qaaday xaalkiisu maxuu noqon dhaqan ahaan?

Xuquuq ayuu leeyahay, ilmaha ka soo jeedo dadyoowga laga tiro badan yahay, ee ku nool Reer galbeedka, sida Somalida oo kale, xuquuqdaa waxaa ka mid ah in aan ilmihii loo diidi karin, la nalooshaha dadka ay isku diin iyo dhaqan wadaagga yihiin, si uu diintiisa iyo afkiisa hooye u dhumin ilmahii, arrinkaan asaga ah, waa mid ku xussan heshiiska UN ee la xariiro, xuquuqda caruurta qodobkiisa 30aad.

Isticmaalka qodobkaan, waalidiin badan iyo ehelka guud ee caruurta kuma baraarugsano in ay cuskadaan, marka aad ayeey muhiim u tahay in waalidka iyo ehelka caruurtaba, dalbadaan in ilmaha loo geeyo qoys ay isku dhaqan yihiin, haddii la waayo dad nocaa ahna, in ay ilmaha helaan dad dhaqankooda iyo afkooda baro.

Ugu dambeyntii, ka sharci yaqaan ahaan, waxaan bulshadda Somaliyeed kula talin, in dhibka keenayo caruur qaadashada inta uusan imaan laga wada hortago, oo waalidkii xanuunsan, la wado caawiyo daris iyo ka jaaliyad ahaanba.

Haddiisa ay dhacdo in ilmihii qooyska la qaato, yaan la isku mashquulin banaan baxyo, banaan bax, waxuu wax ka badali karaa, arimaha la xariiro siyaasad iyo waxii hindisa ah ee soo food leh, ilmo la qaaday, waxaa lagu qaaday sharci dagsan iyo maxkamad, marka maxkamad haddii aad banaan baxdo iyo haddii kale dhag jalaq uma siineyso, marka laga hadlayo go’aan qaadashada.

Ahmed-haadi Muhumad Ahmed   [email protected]

R/W Saacid : Waxaa bilaabbi doonaa wada hadalladii annaga & Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan wadahaddaladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliand.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayay munaasabad lagu dhaarinaayay wasiir-ku-xigeeno iyo wasiiro dowlayaal cusub oo ka tirsan xukuumaddiisa.

“Waxa dhawaan bilaaban doonaa wadahaddaladii u dhexeeyay annaga iyo Somaliland, waxana rajeeneynaa in ay noqdaan kuwa horrey u socda oo ka soo baxa wax natiijo ah” ayuu yiri ra’iisal wasaare Saacid.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan la dhisi doono maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan madaxwayne Xasaan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dib loo bilaabi doono wadahaddaladii u dhexeyay maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya.

Horrey ayaa dowladdii ugu dambeesay ee ku-meel-gaarka ee uu hoggaaminaayay Shariif Sheekh Axmed madaxwaynihii hore, waxa ay bilaabeen wadahaddal ay lagaleen maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een sannadkii 1991-dii, waxana tan iyo xilligaas ay raadinaayeen ic-tictiraaf ama aqoonsi, laakin weli ma helin.

Dowladda hadda uu hoggaamiyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ku jira dad ka soo jeeda gobalada waqooyi-galbeed oo hadda la baxay Somaliland, waxa ka mid ah ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Markii xilkaas loo magacaabay waxa ay sheegtay in Somaliland ay iyada wakiil u tahay isla markaana ay ka soo jeedo, laakin madaxda maamulka Somaliland waxa ay sheegtay in aysan matali karin Wasiiradda Somaliland isla markaana aysan ictiraafsaneen.

Ma cadda sida labada dhinac oo horrey wadahaddalo tiro ka labo jeer yeeshay ay kalkan kulankooda uu noqon doono, laakin labada dhinaca waxa ay sheegayaan in ay diyaar la yihiin in meesha laga siiwado wadahaddalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Wareysi: Madaxweynaha oo ka hadlay xiriirka Somalia ee Kenya iyo Ethiopia + Muxuu ka yiri hay’adaha gar gaarka?

Nairobi (Caasimada Online) Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu dhawaan ku siiyay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya Jariirada Al-Xayaat ee ka soo baxday waddanka Ingiriiska, waxa uu kaga hadlay arrmo badan.

Muxuu ka sheegay hey’addaha gargaarka?

Madaxwaynaha ayaa ku eedeeyay hey’addaha gargaarka in siddii la rabay aysan ula dhaqmin dowladda Soomaaliya, oo hadda ka baxday marxaladii ku-meel-gaarka ahayd.

Wuxuu sheegay in siddii dowlad rasami oo kale aysan ula dhaqmin xukuumadda hadda jirta, waxana uu sheegay arrintaas in ay dhalin karto wax yeelo aad u xun sida uu hadalka u dhigay.

madaxweyne-xasan-sh-maxamuud-kambalaMadaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in deeqaha ay keenaan hey’addaha gargaarka in dowladda la siiyo illaa 17%, iyadoo ka hor inta aan lagu soo wareejinina 4% ay qaataan hey’addo kale oo ah gacan seddaxaad.

Madaxwaynaha ayaa yiri “Dowladeeda waa mid sharci ah oo laga aqoonsan yahay aduunyada oo dhan sida geeska Africa”

Wareesigan oo madaxwaynaha uu ku siiyay Al-Xayaat intii uu ku sugnaa toddobaadkii hore waddanaka Kenya, ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadiisa aysan ka warqabin wax-yaabaha ay ka hayaan dalka hey’addaha gargaarka bixiya, kuwaasoo iyagoo tira badan waddanka jooga.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in sannadka soo socda ee 2013-ka uu noqon doono sannadkii ugu fiicnaa arrimaha gargaarka oo laga baxaayo dhibaatooyinka lagu soo jiray.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan mashaariic laga hirgalinaayo waddamada dariska.

Muxuu ka yiri madaxwaynaha Xiriirka dowladiisa ay la lee dahay Kenya iyo Ethiopia?

Madaxwaynaha ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeysa dowladiisa iyo waddamada Kenya iyo Ethiopia uu yahay mid aad u wanaagsan, isla markaa uu ka jiro xiriir wadashaqeyn sida uu hadalka u dhigay, isla markaana uu la kulmay madaxda waddamadaas.

Wuxu sheegay in uu ka xunyahay rabshadaha iyo qaraxyada ka dhaca waddanka Kenya, kuwaasoo oo lagu dhibaateeyo dadka rayidka iyo ciidamada ammaanka.

Si kastaba, hey’addaha gargaarka ayaa lagu eedeeyaa in ay dhibaatooyin ay ku hayaan dalka, waayo gargaar fiican ma keenaan waddanka, waxana gargaarka inta badan ay kusoo began xilliyada roobabka ay da’aan si dadka wax tacbanaya ay joojiyaan beeraha ay falanayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Daawo Video-gan: Waa arin lagu farxo oo Soomaalida Minnesota sameeyen.

Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota waxaa daga Dadyoow badan oo Soomaali ah oo lagu tiro in ay ka mid yihiin Soomaalida Qowmiyadaha ugu badan ee daga Gobolkaasi Minnesota, Daraasaad la sameeyay ayaa lagu sheegay in Soomaalida Gobolkaasi in ay horumar ganacsiyo iyo dhaqaalabo ka sameeyeen Gobalkaasi Minnesota.

Hadaba Warbixin lagu farxo oo Video ah ayaan idiin soo gudbineynaa nala daawo waa wax yaabaha u wanaagsan indhaha iyo dhagaha in aad maqasho Soomaali baa horumar ka sameeyay wadan hebal waana wax lagu farxo xaqiiqdii ee nala wadaag muuqaalka hoose ee Video-ga.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GA.

 

Booskii Xildhibaannimo ee C/weli Gaas oo loo dhaariyay xildhibaan cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa iska casilay xilka xildhibaannimo ee baarlamaanka Soomaaliya, waxa la sheegay in xilkaas loo dhiibay nin kale oo ay soo magacabeen beesha uu ka soo jeedo.

Si kastaba, waxa xilkaas maanta loo dhaariyay Yaasiin Cabdi Seed, kaddib xaflad ka dhacday xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Lama shaacin sababta uu Cadbiwali Gaas uu isaga casilay kursiga xildhibaannimo, laakin waxa la sheegayaa in uu doonayo in uu xil ka qabto maamulka Puntland haddii la qabto doorashada maamulkaas oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha January ee sannadka 2013. Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in uu dib ugu noqonayo waddanka Maraykanka iyo shaqadii uu horey uga hayay halkaas ee ahaydn bare jaamacadeed.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa lagu dhaariyay labo xildhibaan, waxana xildhibaanka badalay Gaas ka sakow, isna la dhaariyay Cabdirashiid Muuse Nuur oo beddelay Xuseen Khaliif kaasoo isna iska casilay xilkii uu ka hayay baarlamaanka Soomaaliya.

Ma cadda illaa hadda sababaha ay isku casileen labadan xildhibaan oo horrey xilkan loogu dhaariyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia oo booqaneysa London + Sawirro

Raysal Wasaare ku xigeenka anha Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Foosiya Yusuf Xaaji Aadan ayaa booqasho ku joogta London, oo ay soo gaadhay xalay.

Foosiya iyo waftiga la socday ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Airportka Caalamiga ah ee Heathrow International, halkaasi oo ay  soo buux dhaafiyeen dadweyne kasoo baqoolay daafaha magaaladda London.

Waxa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey madax sare oo ka tirsan dawlada UK iyo qaar ma mid ah hogaamiyayaasha jaaliyada Soomaalida ee dalkan Ingiriiska.

Raysal Wasaare ku xigeenka anha Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Foosiya Yusuf Xaaji Adan oo saxaafada hadalo kooban siisay, waxa ay ugu horeyn aad ugu mahad-naqday  jaaliyadda Soomaalida ee dalkan Ingiriiska  sida quruxda badan ee losoo dhaweeyey. Waxa kale oo ay sheegtay in safarkeedu uu ku saabsan yahay kulamo ay la qaadanayso madaxda Dalkan Ingiriiska dhawaan iyo safaro ay ku kalo bixinayso meelo la mid ah Yurub oo ay usii dhaafi doonto.

Sawirro

Fowsiya (1)Fowsiya (2)Fowsiya (3)

Wixii War ah ee kasoo kordha la socda  iyo videowba insha allah

Xamse Axmed Salaan

London

[email protected]

Daawo Sawirada Booqashadii Wafdigii dowladda ay ku tageen Kismaayo

Waxaa dhowaan booqasho laba maamood qaadatay magaalada Kismaayo ku tagay wafti ka socda Dowladda Somalia, oo manta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

Xubnaha Wasiirada oo uu ku jiray Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka iyo Waliba wasiirka gaashaandhiga ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku dhooweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowlada.

Hadal kooban waxaa warbaahinta kiu siiyay Garoonka Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Fiqi waxaa uu sheegay inay soo gaba gabeeyeen socdalkii kismaayo.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wuxuu sheegay in kismaayo ay kula soo shireen masuuliyiinta maamulka KMG ah ee kismaayo ayna kala soo hadleen arimaha maamul usamaynta Jubooyinka.

Waxuu u mahad celiyay maamulka Kismaayo ee si wanaagsan u soo dhaweeyay Wafdiga Wasiiro ee dowlada.

Daawo Sawirrada booqashadii waftiga

1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

5

 

 

 

 

 

 

 

 

 

6

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

7

 

 

 

 

 

 

 

 

 

9

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

11

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

wu

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

wiii

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

huu

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

giii

Ciidamada Amisom oo dabin u dhigay caruur kadibna dilay mid ka mid ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Gawaarida gaashaaman ee Ciidamada Amisom ayaa dar daray mid kamid ah caruurta yar yar ee ku nool magaalada Muqdisho, shalay.

Hase yeeshee warar laga naxolagana yaabo, ayaa kazoo baxaya qaabka uu shilka u dhacay, oo lagu macneeyay shirqool.

Shilkan ayaa ka dhacay wadada Curubo ee degmada Shangaani oo ay marayeen gawaarida Xawliga ku socda ee Amisom, waxaana ay dhacdada timid kadib markii Askarta Amisom ay buskud iyo biyo ay u tuureen caruurta kadib iyagana ay u kala carareen.

Waxaana Intaa kadib goobta soo maray gaari xowli ku socda oo ay leeyihiin ciidamada Amisom oo jiiray mid kamid caruurta, sida ay sheegeen dad goob joog ahaa, oo la yaabay ficillada ciidanka Amisom.

Ehelada Canuga uu gaariga jiiray, ayaa warbaahinta u sheegay inay la hadleen ciidamada Amisom marka uu wiilka goobta kunaf baxay, waxaana ay noo sheegeen ayay yiraahdeen “diyo, laaakin ma cadda inay bixin doonaan iyo in kale”.

Taliyahii Ciidankaas Amisom ee gaariga la socday, ayaa u dagay dadka goobta joogay waxaana uu sameeyay balanqaad ah inay diyo dhiibiyaan.

Gawaarida Amisom ee Xawliga ku mara waddooyinka Muqdisho ayaa dad badan kulayay magaalada casimada ah, dhow goor oo hore

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Ra’iisul Wasaare SAACID oo looga yeeray Baarlamanka, kadib markii uu jebiyay dastuurka (Aqri qodobada)

Muqdisho ( Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdulqaadir Faarax Shirdoon, ayaa lagu eedeeyay jabinta qodobo ka mid ah dastuurka dalka, sidaa darteedna ay tahay inuu hor yimaado Baarlamanka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia, ayaa shaaca ka qaaday in markii uu Saacid magacabaayay wasiir ku xigeenada xukuumaddiisa uu jebiyay qodob dastruuri ah, oo dhigaya in wasiirada ay noqdaan kuwa aqoontoodu gaarsiisan tahay heer Jaamacadeed.

Xildhibaan Dr. Ibraahim Suleymaan Nuur, oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa ku warramay inay jiraan  oo uu ka war hayo dhowr wasiir ku xigeen, oo aan heysan Shahaado Jaamacadeed.

Sida ku cad dastuurka dalka, shuruudaha laga doonaya qofka noqonaya Wasiir ama wasiir ku xigeen waa sidan:-qodobka 98-adDr. Ibraahim waxa uu ka dalbada ra’iisul wasaaraha dalka inuu horyimaado xildhibaanada baarlamanka, si su’aalo looga weydiiyo dastuur jebintii uu sameeyay.

Waxaa sidoo kale dood ay ka taagan tahay shraci ahaansha ansixintii wasiir ku xigeenada iyo shaqada ay u hayaan qaranka, maadaama markii horeba lagu magacaabay si aan waafaqsaneyn dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha weli kama uusan jawaabin qodobadan lagu qabtay

Halkan ka arag qodobka 98-aad ee dastuurka, oo ku dhex jira datuurka oo dhameystiran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Wasiir hore oo loo magacaabi doono gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka soo baxdo xafiiska Madaxweyne Xasan sheikh Wareegto Xilka looga qaadayo Maxamud Axmed Nuur (Tarzan) oo labadii sano ee ugu danbeysey ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banadir & Duqa Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in xilkaas loo magacaabi Doono C/Raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), waxaana ilo Wareedyo laga helay Xarunta Madaxtooyada ay sheegayaan in Tarsan  dhawaan Xilkaas laga qaadi Doono.

Tarsan ayaa la sheegay in ay iska hor imaadeen Ganacsatada magaalada Muqdisho taasi oo keentay in Madaxweyne Xasan Sheikh ay si toos ah u gaarto cabashadaas ka timid Ganacasatada.

YarisowC/Raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow)  in uu uu Noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banadir & Duqa Magaalada Muqdisho ayaa dad badan waxay u arkaan horumar uu Gobolka banaadir ku Talaabsaday, maadaama Xiligii uu ahaa Wasiirkii Warfaafinta waxd badan uu ka qabtay xaalada saxaafada iyo hanaanka bulshada ay ula shaqeeyaan Warfaafinta.

Eng. Yarisow ayaa ah aqoon yahan wax badan ka qaban kara xaalada amaan ee Gobolka banaadir iyo isku socod la aanta Xiliyada habeenkii ah, taasi oo ay u dheer tahay in Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay u baahan yihiin dhismooyin oo xiliga Roobka dadka Muqdisho aysan isku socon Karin gaadiidka.

C/raxmaan Cumar ayaa 10 sano madax ka soo ahaa Dowladda Hoose ee London, UK oo uu Agaasime ka ahaa Waaxda Guryeynta oo runtii leh aqoon ku aadan sida Dowladaha Hoose ay u shaqeeyaan.

Shaqsiyada Eng. Yarisow ayaa  lagu tilmaamaa in uu yahay shaqsi aad u fur furan aqoona u leh, arimaha bulshada, Walow Qilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay Gudoomiyaha Xilkiisa dhamaaday Tarsan iyo Ganacsatada oo ay barbar socoto dagaalka uu saxaafada kula Jiro Tarasan.

Afhayeenkii Hore ee Xukuumadii Soomaaliya iyo Wasiirkii Warfaafinta ayuu soo qabtay C/Raxmaan Cumar Yarisow  taasi oo ay u dheer tahay aqoonta maamul ee Dowlada Hoose uu u leeyahay, maadaama dalka Ingiriiska uu in badan ku Noolaa uu ka soo shaqeeyay Dowlada hoose ee dalkaas.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

[email protected]

Tabeelayaal socda oo aan is ogeyn!! (Faallo xaalad ka jirta Muqdisho)

Dunidaan casriga ah ee aan ku dul noolnahay xiligaan waxa ay dhankii laga eegaba u dheereyneysaa sida shey cirka laga soo tuuray oo kale.waxaana la oran karaa rubuc qarnigii ugu danbeeyay waxaa Aduunka lagu soo kordhiyay adeegya tira beel ah iyo  wax  aan la qaban Qarniyadii tagay, taasina waxa ay keentay in la hindiso malaayiin Campany oo soo saara wax kastoo Dad iyo Duunyaba aas aas u noqon kara hurumarka noloshooda haba lagu sii kala horeeyee.

Waa hubanti in Campaniyada wax soo saara ay tartan ugu jiraan hanashada quluubta bulsha weynta caalamka si ay alaabahooda ugu qanciyaan una helaan macaamiil joogta ah,si ay guushaa u  gaaraana waxa ay  adeegsadaan farsamooyin kala duwan oo lagu kala tagsan yahay,haba ugu sii mudnaato dacaayadaha ay u sameeyaan alaabahooda iyo hurumarinta magacyadoodee.

Hadaba quburada qarnigan ganacsiga wadaahi waxa ay ogaadeen in dacaayadaha ama xeyeysiinadu ay door muhiima kaga jiraan horumarka ganacsiga,waxa ayna had walba jaangooyaan wax soo saarkooda,iibinta magaca Campaniga iyo cidda ay rabaan in ay gaarsiiyaan fariintooda,iyadoo halka ugu badan ee lagu dagaalamayana ay tahay da,da ka hooseysa 40 tan jirka oo 75% ah bulshada.

Tusaale ruuxa ka weyn da,da 50-ka ama ku dhow weli waxa uu xasuustaa noloshii hore oo aan la aqoon waxa hada la yaqaano,lamana qabsan karo casrigaan ciir ciiraya,bal u fiirso dhanka teleefoonada hadii ay isku dayaan qaadashadooda inta badan waxa ka fadhiistaan boosaska kuwa raqiiska ah, dantooduna waa ineey ku hadlaan oo qudha,balse jiilka maanta waa ay ka xanaaqaan ama ka xishoodaan qaadashada telefoon aan qaali aheyn,waayoo waxa ay ku jiraan halgan kale  oo la yiraahdo Facaa iska dhici,tan kalena waxa ay awood u leeyihiin adeegsiga macluumaadka tirada  badan ee ku jira.

Sidoo kale Campaniyada soo saara,Cumputarada,Gaadiidkaa noocyadiisa kala duwan,Softweerada,waxyaabaha la isku qurxiyo ama la isku carfiyo, qalabka digitalka oo malaayiin nooc ah,dharka, kabaha, saacadaha,Cabitaanada iyo dhamaan waxa kasta oo hadda la adeegsado, ninba taagtii waxa uu wax soo saarkiisa u sameeeyaa dacaayado maadaama uu tuhmayo in tartan lagula jiro.

Dhamaan Campaniyadani waxa ay u kala xusul duubayaan waxa ay tahay sidii ay shucuubta caalamka u isticmaali lahaayeen adeegyadooda,waxaana iibinta magacyadooda kaga baxa Malaayiin dollar, ma aha macnuhu in lacagahaa faraha badan aanuu Campanigu u baahneyn balse waxa uu maanka ku hayaa tartanka yaala suuqyada dunida.

Waxaa sidoo kale lagu kala hormarayaa shaqsiyaadka iyo goobaha caanka ah,sida Cayaartoyda, Fanaaniinta,Actarada,Naadiyada iyo meelaha kale ee ilqabadka  leh,ujeedkuna waxa uu yahay in la kasbada taageerayaasha ay ku leeyihiin aduunka,iyo barashada magaca Campaniga ee shanta Qaaradood si isku mid ah looga arkayo.

Campaniyada Nike,Adi-das,Buuma,Kabo Fly Emarites,Ithihaad Airweys, Toyota,Samsung opec,iyo kuwa kaloo aan qoraal lagu soo koobi Karin waa kuwa dacaayadahooda si weyn uga faa,ideysta dhanka Sportiga noocyadiisa kala duwan,maadaama Sportigu uu yahay aalad xoog badan oo ay xiiseeyaan bulshadu ,waxa ayna iyaga oo bixinaya xuquuqda lagu yeesho sameeyaan Funaanado, koofiyado, iyo shey yaal kale oo magacyadoodu ay ku yaalaan,sidoo kale waxa ay boorar il qabad leh ku dhajiyaan garoomada cayaaraha iyo magaalooyinka dhexdooda, balse ogoow meel kasta oo ay isticmaalayaan waa hishiis laba geesood ah ama canshuur baa ku socota.

Soomaaliya hadaan u soo noqdo, tan iyo bur-burkii waxa ay ka mid aheyd dalalka dadkooda looga faa,ideystay sida tabeelayaasha oo kale,waayoo hadaad dhex marto suuqyada ama magaalada waxaad arkeysaa oo kaa hor imaanaya dad ku labisan Campaniyo isticmaalka magacyadooda ku bixiya lacago ama ay aheyd in ay ku bixiyaan lacago sida, Nike,Adi-das,Samsung,Cookacolla,Pepsi, Nokia,Sportsman,Toyota Fly Emarites, Boss, Cofee, Omega,Turkish Airweys,,National,Yahoo,  Pansonic,Google,Facebook,Barcless,Shell,Vadafone iyo kuwa kaloo badan.

Sidoo kale waxaad arkeysaa magacyo shirkado Isgaarsiin  Xawaalado,Carwooyin,Warbaahino,kuwa Duulimaad,Hotelo,magacyo Caano, Cabitaan iyo Sigaar,goobo la isku qurxiyo,iyo shirkado  kale oo ganacsi oo dhamaantood si ay uga faa,ideystaan Tabeelayaashaan socda ee aan is ogeyn,si fudud ugu sameeyay Funaanado,koofiyayaal,Qalmaan,Dalado,Saacado iyo waxyaabo kale, dabadeedna u qeybiyay  weliba bulshada intooda jilicsan ee duruuftu ku qasbeyso qaadashadooda,sidoo kale waxaad arkeysaa gaadiid muraayadaha looga dhajiyay calaamado shirkado ganacsi,oo laga yaabo in aaneey aqoon halka ay ku yaalaan,koofiyayaal,Qalimaan,Dalado,Saacado iyo waxyaabo kale, dabadeedna u qeybiyay  weliba bulshada intooda jilicsan ee duruuftu ku qasbeyso qaadashadooda,sidoo kale waxaad arkeysaa gaadiid muraayadaha looga dhajiyay calaamado shirkado ganacsi,oo laga yaabo in aaneey aqoon halka ay ku yaalaan.

Mana jiro wax hishiis ah oo ka dhexeeya iyaga iyo Campaniyada  ay magacyadooda ku wareejinayaan magaalada, halka ay Campaniyadani hishiisyo iyo lacago badan ku bixiyeen Tabeelayaasha aan socon ee ay hareeraha wadooyinka ku xardheen balse waa marag ma doonto in Campanigu  uu ku helayo  faa,ido badan xeyeysiinta lugeyneysa, marka sow lama oran karo dadka noocaas ah waa TABEELAYAAL SOCDA OO AAN IS OGEYN.      Dhamaad

W/Q/ Wariye :C/qaadir Maxa,med Faarax Dulyar

[email protected]  Mogdisho-Somalia.