25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Benitez oo u tacsiyeeyey Chelsea ka dib markii ay ka hartay UCL.

Tababaraha KMG ah ee Chelsea  Rafael Benitez ayaa ka hadlay wixii dhacay ka dib markii ay Blues 6-1 ku dardartay Nordsjaelland, inkastoo ay noqotay kooxdii ugu horeysay ee iyadoo Champions League difaacaneysa ku harta wareega Group-yada.

Iyagoo isha ku haayey inay Shakhtar Donetsk guul ka gaarto Juventus si ay ugu soo baxaan wareega 16ka, taas bedelkeeda ayaa noqotay inay dhanka kale isku rogtay wixii ay filayeen ka dib  markii kooxda heysata Serie A, ay 1-0 ku quusisay kooxda Ukraine.

Balse Benitez ayaa amaanay guushii kooxdiisa, iyadoo kooxda ka dhisan Galbeedka London ay si aan caadi aheyn xasuuqday kooxda Denmark, halka ay sanada cusub iska xaadiri doonto koobka labaad ee Europa League.

“Waxaan u maleynayaa markii aad guuleysato waa fiican tahay. Markii ay gurigaada tahay wayba kasii wanaagsan tahay,” ayuu tababaraha reer Spain u shgeegay Sky Sports.

“Wadadii aan ku guuleysanay, 32 mar ayaan goolka tagnay inagoo 18 mar tooganay goosha, run ahaantii waa wax fiican.

“Markii aad guul gaarto waad ku faraxsan tahay laakiin si la mid ah waan niyad jabnay sidii inagoo aan horumar sameyn. Ugu yaraan waxan soo bandhignay heerka iyo tayadeena nalooga baahnaa.

“Hada waa inaan ka fikirmaa kulanka sabtida ee Sunderland iyo Europa League. laakiin kulanku aad ayuu u fiicnaa waxaan arki karnaa wax wanaagsan oo mustaqbalka ah. Si wanaagsan ayaan u ciyaarnay, fursado ayaan abuurnay iyo goolal badan oo aan dhalinay.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.

 

Mourinho: Nasiino ma qaadan doono hadii aan ka tago Real.

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan qorsheyneyn inuu ka nasto kubada cagta marka uu ka tago kooxdiisa Real Madrid.

Warar la isla dhex maraayey ayaa sheegaya inuu macalinka reer Portugal kooxda heysata Horyaalka La Liga ka tegaayo dhamaadka xilli ciyaareedka laakiin waxay u muuqataa mid soo dhowaatay, iyadoo lala xiriirinaayo midkood kooxaha Manchester City ama Paris Saint-Germain.

Laakiin tababarihii hore ee Porto,Chelsea iyo Inter ayaa sheegay markii uu ka tago Santiago Bernabeu, inuu si toos ah ugu laaban doono shaqada tababarenimo.

“Hadii aan tago, hal sano nasiino ma qaadan doono,” ayuu Mourinho u sheegay saxaafada.

“Hadii aanan halkaan [Madrid] ka shaqeyn, markaas waxaan ka shaqeyn doonaa meel kale. Miyaan tababare ka noqon doonaaEngland? Meel kasta ayaan tababare ka noqon doonaa, waxaa macquul ah xittaa inaan ka noqdo  Netherlands.”

Madrid ayaa hugaanka La Liga, waxay 11 dhibcood ka dambeysaa kooxda Barcelona, iyadoo sidoo kale shan dhibcood u qada kooxda ay isku magaalada yihiin Atletico Madrid.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu

Messi oo maanta baaritaan mari doona ka dib dhaawicii xalay.

Lionel Messi ayaa mari doona tijaabo caafimaad ka dib markii dhaawac jilibka ah looga saaray kulankii goolal la’aata ku idlaaday oo ay kooxdiisa Barcelona xalay la ciyaartay Benfica.kooxda ka dhisan Catalan ayaana xaqiijisay inuusan dhaawac daran soo gaarin.

Tababare Tito Vilanova ayaan ciyaarta kusoo bilaabin kabtanka Argentine kulankii kama dambeysta Group-ka ee Champions League, balse waxaa bedel lagu keenay ciyaarta oo ay ka harsan tahay 13 daqiiqo markii lagu bedelay Rafinha,xilli ay Blaugrana  guul doon aheyd.

Laakiin ciyaarta oo ay ka harsan tahay shan daqiiqo, welina aan gool la iska dhalin, ayuu ciyaaryahanka ugu cadcad Ballon d’Or ka dhaawacmay jilibka lugtiisa bidix, ka dib markii ay isku dheceen goolhayaha Eagles Artur.

“Ma ahan wax fiican in la arko Lionel Messi oo ku baxaya Bareelo,” ayuu agaasimaha kooxda Barca Andoni Zubizarette u sheegay Canal Plus.

“Waa inaan sugnaa oo aan aragnaa waxa ay dhaqaatiirtu yiraahdaan.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.

Rag ku labisan dareeska Ciidanka DF oo dhacda xun ka gaystay Muqdisho.

Burcad hubaysan oo ku labisan dareeska ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa xalay dil iyo dhac waxa ay ka geesteen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in marqura lagu baraarugay Ciidamadani oo galay guryaha iyo goobaha ganacsi islamarkaana baaranaya dadka maraya wadooyinka.

Mid kamid ah dadka degmadaas oo lagu magacaabo Maxamed ismaciil waxa uu inoo sheegay inuu indhihiisa ku arkay isaga Ciidamadaani oo uu sheegay inay Ahaayeen kuwo dhax lugeynayey Wadooyinka.

Waxaa uu intaa ku daray inay dil u geesteen mid kamid ah haweenka ku dhaqan Dagmadaasi kadib markii ay isku dayeen inay ka qaataan moobil iyana ay ka dhago adeegtay sidaana uu Dilkeedu uu u dhacay.

Kooxaha ku labisan dareeska Ciidanka dowlada ayaa ku badanaya Muqdisho inay iyaga yihiina laga yaabee.

Maandhow hays dilin anna hay dilin!

Tusmo iyo tusaale tixmaal baa lehe, Abwaan Guure oo dilalka Soomaaliya ka dhex dhacayay u soo kuur galay, si qota dheerna uga soo baaraan degay, ayaa su’aal  adag iska weydiiyay da’yartii dalka oo dabka ku hoobaneysa fal dhaqankooduna uu  noqday is moog ah ” iney is dilaan iyo iney wax dilaan un ” wuxuuna taa ka yiri:-

Wiilashan is dilaayee

Dilayaashu diraane

Wedka dila ku rarane

U dilaaya naftooda

Dad iney ku dilaan

Dilka maxey ka helaan?.

Daarihii jannada iyo

Haddii darajo aakhiro

Duulkani ku helayaan

Amiirradu mey is dilaan

Duhur mey is qarxiyaan

Ajir miyaanay dooneyn

Ilmaha xey u dagaayaan?.

Maandhow gacaliye wiilkan is dilaayow, waxa kula hadlaaya ee habeen iyo maalinba waanada iyo caqli celinta kula dul taagan, waa waalidkaa iyo walaalahaa, waa adeerradaa iyo abtiyaashaa, sukeeya iyo soomaalida oo dhan iyo guud ahaan inta islaamnimada ku abtirsata ee maandhow aan kuu duceynee ha is dilin annagana ha na dilin, ee qaado duruus waxbarasho si aad berrito dalkaada, dadkaada iyo diintaadaba u anfacdo!.

Madaxda sare ee dowladda iyo hey’adaha amniga iyo garsoorka waxaan ku boorrinayaa aadanuhu xeerar kala duwan buu ku dhaqmaa gundhigga kala saarkooduna waa sharciga oo qof walba ka sarreeya, sidaa darteed haddii qofkii qof dila  inta la soo qabto qisaas la marsiiyo, waa hubaal in ay nolol iyo nabadba ka soo baxayaan, waayo allaah ( SWT )ayaaba qur’aanka kariimka ah noogu sheegay oo leh “qisaasta nolol baa idiin kugu jirta” waana xalka kaliya ah ee lagu kala badbaadi karo laguna wada noolaan karo dowladnimaduna sidaa ayey ku jiri kartaa ee taasi si ay u fusho la imaada miisaan caddaaladeed iyo awood wax qabad oo karti iyo hufnaan leh.

Suura gal maaha had iyo jeer, iyada oo ay ciidamadii amniga meel walba taagan yihiin in la yiraahdo gacan ku dhiiglayaashii wax dilay wey baxsadeen!!. Macquul maaha xabsiga dhexe iyo maxkamadda dhexdooda in ay ka dhashaan dullaaliin denbiilayaasha fikiya iyaga oo xil qaran dusha ku wata!.

Abwaan Maxamed Warsame ( Taban taabo ) oo farta ku fiiqaya dhibaatada ka iman karta haddii aanan qisaasta la fulin, ayaa wuxuu leeyahay:-

Nin wax dilay haddii aan

La dilinoo leyska sii daayo

Waa inuu dilka sii wataa

Saa la dili waaye.

Wasaaradda arrimaha gudaha, Garsoorka iyo caddaaladda, xabsiga dhexe iyo maxkamadaha iyo dhammaan inta ku howlan amniga guud idil ahaantoodba, waxaa la gudboon ” in ay yeeshaan feejignaan dheeri ah iyo xuuraansi war gal ah oo xumaha looga hor tagi karo inta uusan falka dhicin iyo qaabilaadda sharciga oo aan laga meer meerin.

Haddaba shaci dhowrayaashow ogaada qof wax dilay haddii aad sii deysaan dilku wuu sii badanayaa ugu danbeystana dilka iyo amni xumada abuurmeysa idinka ayey idin saameyneysaa ee dadka iyo dalka u hiilliya!!!.

Qofkii ruux kale dila

Haddaan la soo qabanin

Oon qisaas la marsiinin

Ma dhamaato qur gooyo

Qaranka wow luggooyo

Dadkana waw khasaaree

Hirgeliya qaanuunka. 

W/Q: Bashiir  Cali  Xuseen.

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Ciidamada jooga Kismaayo oo heegan la geliyay + Xaalka magaalada.

Wararka ka Imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in heegan la geliyay Ciidamada jooga magaaladaas.

Dhaq dhaqaaqii Dakada magaalada Kismaayo ayaa saakay hakad galay waxaana la dhoobay ciidamo badan oo gudaha iyo Banaanka la dhigay

Wararka lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in hakadka shaqada ay ka dambeyso kadib markii la sheegay wafdi caalami ah maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada kismaayo.

Ciidamada jabhada Raaskambooni ayaa guud ahaan lagu arkayaa magaalada kuwaas oo amaanka sugaya.

Saraakiil katirsan maamulka Kmg ee kusugan magaalada Kismaayo xiriir aan lasameynay ayaa inoo taaba-geli waysay inan qadka taleefoonka ku haleelno xilli dad badan ay hadal hayaan waxa ka socda saaka Dekada Kismaayo iyo wafdiga halkaasi kormeerka ku tagaya sida qorshaha uu yahay.

Kismaayo Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa gaarayay Wafdi heer Caalami ah oo u kur galaya xaalada magaaladaas oo lagu qabanayo shirka maamul u samaynta Gobolada Jubooyinka.

JAWAAB: Bashiir Cali Xuseen waad ka xishootay xildhibaanada!

Baadi ayaa naga maqan oo aan goobeeynaa, waxaana la,nahay  meesha ay naga xigto, waa dhibanahay waxaan garan la,nahay halka uu nooga yimid dhibka, asaageen waan ka harnay waxaan garan la,nahay waxa naga reebay, mar walba rajaa nasoo gasha waxaan garan la,nahay waxa lumiya rajooyinkeena.

Hadaba waxaa muhiim ah in aan tooshka ku ifino anagoon u aaba yeelin cudurka iyo aafada na saameeysay halka ay naga haleeshay, hadaan aragtida Bashiir cali xusseen iyo maqaalkuu qalinka u qaatay ee (Hag-bad siyaasadeedka baarlamaanka!) oo aan aqriyay runtiina aan u arkay maqaal run sheeg ah oo aad uga damqanaaya waayaha culus eey ummada soomaaliyeed maanta ku suganyihiin iyo dantood eegyada xildhibaanada soomaaliyeed, waxeey dalbadeen mushaar aad u badan oo aan ka gu,in umad faqri, dagaal, qax, gaajo iyo dhaawac u wehel noqday oo u baahan cidii samata bixin lahayd, iyo waliba ayadoo ay u sii dheertahay xil gudasho la,aan iyo meeraysi. Runtii aad iyo aad ayaan ugu raacsanahay bashiir aragtidiisa wanaagsan ee wadan jacaylka ah, hadana waxaan aaminsanay in uu xildhibaanada ka xishooday, Waxaana is weeydiinayaa su,aalo badan.

Mushaarka xad dhaafka ah! 

Mushaarka xad dhaafka ay oo ay dalbadeen, waa mid aan ka gu,in waqtiga xaadirka ah soomaaliya, waayo waa wadan ay dagaalo ka jiraan oo aan lahayn wax soo saar, waxaan hubaa hadeey wadaniyiin u naxaaya dalka iyo dadka ay yihiin in ay ku shaqeyn lahaayeen cunto sadexda waqti meel loogu bisleeyo, gaar ahaan qurba jooga oo ay qoysaskoodu aanay qataneeyn, waxeeyna aad ugu dadaali lahaayeen, in qarashka intiisa badan la marsiiyo dhanka ciidamada qalabka sida oo ah dalada ugu mihiimsan uguna miisaan culus ee waxtarka u leh bulshada soomaaliyeed ee aan la,aantood sal nastaa Jiri karin.

Maxaa lagu qaban karaa lacagta intaas la’ eg?

Lacagta intaas la,eg waxaa mushaar ahaan loo siin karaa, 2750 ciidamo ah oo wax wayn ka qaban kara nabad galyada, kana shaqeeyn kara in ay hor istaag buuxa ku sameeyaan cid walba oo dhib ku ah, dalka iyo dadka soomaaliyeed, lacagtaas oo ay qiimaheedu noqonayso sanadkiiba (6,600,000), waxaa lagu sameeyn karaa mashaariic horu marineed oo ay  shaqo ka heli karaan dhaliyaro badan oo soomaali ah oo ay shaqo la,aan baday in meeshii la doono loo duufsado, ma oranaayo mushaar dhan iska ilooba laakiin waxaan kula talin lahaa in ay dhuunta qooystaan uun si aan ugu gudubno dhibaatooyinka aan maanta maganta u nahay, waxaana usoo jeedin lahaa in ay ka guuraan hoteelada oo ay sameeystaan, dhismo ay sariiraha isa saartaan, hadaad taas sameeysaan maanta, waxaad bari gaari kartaan, si ka wanaagsan sida aad maanta wax u dalbaneeysaan, waxaa kaloo intaas dheer oo aan kula talin lahaa in ay si qurux badan ula shaqeeyaan dawlada, una fududeeyaan howl alla howshii ay horu mar ku abuuri karaan isla markaana mar walba ay isku soo dhoweeyaan.

Qurba jooga Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa:-

Hadaan nahay qurba jooga soomaaliyeed, waxaa nahay kuwa ugu baahi badan in uu hagaago dalkeena, waayo waxaan ku dhaqan ceshan lahayn ubadkeena, si ay taasi u dhacdo waxaan talo ahaan aan soo bandhigi lahaa, in aanu u midoowno gacmahana isu qabsano sidaan u taageeri lahayn dalkeena, dadkeena iyo dawladeena, anagoo aan isu kala saarin mucaarid iyo muxaafid, waayo waxaa naga dhaxeeya waa wadankeena horumar waloo uu gaarana anaga ayaa leh dhaxalkiisa, taas waxeey noqoneeysaa difaac dal, dad iyo diin, waxaan soo jeedinaayaa in aan sameeyno kayd lacag ururin ah oo aan shaqsi wax ka dhibeeyn markeey kulantana wax weeyn loogu qaban karo dalka iyo dadka.

Waxaan ka codasanaayaa dhamaan umada soomaaliyeed in ay iga cafiyaan wixii qalad ah ee iga dhacay, waxaadna ogaataan in aan ahay wanaag doon iyo soomaali oo mideeysan in aan mar uun indhaha saaro.

W/Q: Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa uu ku gaar yahay qoraaga ku saxiixan

Aroos Soomaaliyeed oo 84 sano ka hor ka dhacay Jarmalka! + Sawir.

Inteenii aqrisatay asbuucii hore waxa aan soo qaadanay dhacdo qabsatay Soomaali degeneed magaalada Berlin ee Jarmalka sanadii 1910-kii oo aynu haatan ka joogno in kabadan 100 sano.

Dulucda sheekadu waxa ay eheyd in Sooomaali badan ku noolaayeen halkaas oo weliba shukaansi ay samaynayeen dhallinyaro Soomaaliyeed ay sababtay in xaafaddii Soomaalidu ka deganaayeen Berlin hal maalin ay xireen boolisku si loo hakiyo buuqa iyo falceliska Soomaalida ay ka samayn lahaayeen arrinkaa qabsaday.

Haddaba asbuucaan waxa aynu ku madalsanayn in aynu wada aqrisano aroos ka dhacay isla Berlin sanadii 05-09- 1928.

Sheekada arooska waxa boggiisa 4aad ku daabacay joornaalka “Amersfoortsch Dagblad” oo ka soo bixi jiray xilligaas magaalada Amersfoort ee waddanka Holland isagoo cinwaan uga dhigay “ Aroos Soomalaiyeed oo ka dhacay Berlin”.

Wargeysku waxaa uu sheegay sida uu ka soo xigtay madaxii xadiiqada xayawaanka( Dierentuin) ee magaalada Berlin in arooska lagu soo bandhigay , oo uu weliba ka dhacay xadiiqada gudaheeda isla markaana ay joogeen dad badan oo soomali ah oo weliba ku lebisan dharkii hidaha iyo dhaqanka soomalidu ab iyo isir u lahaan jirtay sidaba uu wargaysu ku soo bandhigay sawir laga soo qaaday arooska. Joornaalku waxa uu intaa raaciyey in caruusaddii oo gebi ahaanba asturan oo qarsoon ay soo aaday meeshii uu ku sugnaa caruusku.

Runtii markii si dhab ah u fiirisid muuqaalka laga soo qaaday arooskaas waxa kuu muuqanaya faras, dumar Soomaliyeed oo mid ka mid ah u egtahay hooyada, mid ka mid ah 2-da is aroostay iyo weliba qof ay iila ekaatay in uu ahaa caruuskii oo ay ka muuqatay kalsooni iyo dhiiranaan inkastoo la iiga fiicanyahay sawir aqrinta haddana aqristayaasha ayaan u daynayaa wixii ay kala soo dhex bixi karaan sawirka iyo muuqaalka wargeyska lagu soo bandhigay 1928-dii oo aynu haatan ka joogno 84 sano, laga yaabee caruurtii ay kala heleen in qaarkood noolyihiin oo ay daaha nooga qaadaan qaabka wax u dheceen iyo sida waalidkood meesha ku soo gaareen iyo weliba soomaalidii kale oo halkaa kula nooleed. Waa inoo asbuuca danbe iyo salaadiintii reer Luuq waraaq ay u qoreen talyaaniga hal qarni ka hor in shaa allah.

C/llaahi Khadar, Amersfoort, Nederland

War Deg Deg ah: Qarax Sababay Qasaaro Xoogan oo ka Dhacay Islii.

0

Inta la xaqiijiyay siddeed qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay bakhaar biraha duugoobay lagu keydiyo oo ku yaallay xaafadda Eastleigh oo Soomaalida ku badantahay.

Qaraxa ayaa dhacay qiyaastii 7-dii fiidnimo ee caawa.

Madaxa booliska Nairobi, Moses Ombati, ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka dhaawaca gaaray ay xaaladdiisa liidato, balse toddobada qof kale dhaawacooda uu fudud yahay. Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay cusbitalka Mother and Child Hospital oo xaafadda Eastleigh ku yaallo.

Lama oga waxa sababay qaraxa, balse Mr. Ombati, ayaa sheegay in loo maleynaayo in uu ka dhashay waxyaabaha Gaaska lagu keydiyo, hase yeeshee baaritaan ay wadaan.

Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, Xaaladda ayaana caadi kusoo laabatay daqiiqado kadib.

By Ibrahim Gedow Awale (Biibbo),
Nairobi_Kenya,
[email protected]

Shalay & Maanta Maxaa Iska Badalay Magaalada Kismaayo. “Daawo Video”

0

Muuqaalka Maanta ee aan idiin soo gudbineeyno Aqristayaasheena Qiimaha Badanoow waxuu ku saabsan yahay Magaalo Xeebeedka Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose waana Muuqaal aad wax badan kuu ifin doono tan iyo markii ay Ciidamda Huwanta la wareegeeyn Magaaladaasi.

Aqristoow Muuqaalkaan aan ka soo xiganeeyno Shabakadeena Dhanka Muuqaalka ah ee WWW.DAAWO24.COM ayaa waxuu yahay mid aad ku daawan doonto Shalay iyo Maanta wax iska badalay Magaalada Kismaayo waxaadna arkeeysaa Jawiga iyo Madax ka hadleeyso Amaanka Kismaayo iyo Jawiga Guud ee Magaalada.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA OO VIDEO AH

Madaxwaynaha Soomaaliya oo la shiray dhiggiisa Turkiga.

Madaxwaynayaasha Soomnaaliya iyo turkiga ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Ankara ee dalkaas.

Labada Madadxwayne ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Turkiga ayaa waxaa ay kulankooda kulafa gureen Arimo badan oo ay ku kamid tahay Siyaasada.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa uu Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud  uu  soo hadal qaaday gacan gar gaar in dowladiisa ay ugu baahatahay dowlada Turkiga.

Waxaa uu Madaxwaynaha ka codsaday dhigiisa inay ka garab siiyaan soo noolaynta hay’adihi Amniga ee bur buray.

Madaxwaynaha dalkeena ayaa lagu wadaa in maalmo kadib uu dib uga soo laabto socdaalka uu ku joogo dalka Turkiga.

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda hada wuu xiran yahay, balse wararka xanta ah ma dhamaadaan, halkaan ka aqriso wararkii ugu dambeeyey ee maanta la isla dhexmaraayey.

Xanta tooska ah ee maanta la isla dhex maraayo:

Mustaqbalka Pepe Reina ee kooxda Liverpool ayaa shaki ku jiraa, iyadoo uu tababare Brendan Rodgers ka fikirayo inuu Janaayo lasoo wareego 19-jirka goolka u qabta Birmingham Jack Butland ama 23-jirka goolka u ilaaliya xulka Jarmalka Ron-Robert Zieler (Daily Mail)

Weeraryahanka kooxda Swansea Michu, oo 26-jir ah ayaa diirada u saaran kooxaha Talyaaniga ka dhisan for Napoli iyoGenoaka dib markii uu si wanaagsan ku bilowday xilli ciyaareedka (Daily Mirror)

27-jirka weerarka ka ciyaara ee u dhashay dalka Spain Fernando Llorente, ayaa wadada ugu jira inuu sanadka soo aadan u dhaqaaqo Manchester City, Arsenal, Chelsea, Tottenham ama Liverpool isagoo cadeeyey inuu ka tegaayo Athletic Bilbao marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga (Metro)

Chelseaiyo Liverpool ayaa bilowday wadahadalo 15 milyan ka bilaabanaya oo weeraryahanka Blues Daniel Sturridge uu ugu biirayo kooxda Anfield (London’s Evening Standard)

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa lasoo werinayaa inuu xiiseynayo 28-jirka qadka dhexe uga ciyaara Inter Milan Wesley Sneijder kasoo six or ah kooxdiisa uga tegaya,ManchesterCityayaa dooneysa saxiixa xidiga heerka caalami ee dalkaHolland(Daily Star)

Tababaraha Newcastle Alan Pardew ayaa doonaya inuu 5 milyan ku dalbo 24-jirka qadka dhexe uga ciyaara Southampton Adam Lallana (Daily Mirror)

Kooxda ciyaarta Horyaalka Brazilian Serie A Sao Paulo ayaa dooneysa inay Janaayo la wareegto daafaca bidix ee kooxda Arsenal Andre Santos (Metro)

Arsenal iyo Chelsea ayaa dagaal weji-ka-weji ah ku dhex mari karaa 20-jirka qadka dhexe uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain Marco Verratti, ka dib markii ay Juventus sheegtay inaysan saxiixiisa rabin (talkSPORT )

Xanta aan tooska aheyn ee maanta la isla dhex maraayo:

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa loo sheegay inuu wicitaanka ka yareeyo tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola kaasoo haatan nasasho ka qaadanaya kubada cagta, balse uu doonayo inuu noqdo tababarihiisa waqtiga dheer ee kooxda Stamford Bridge waxaana loo sheegay inuu tartan adag geli doono (The Sun)

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa aaminsan inuu tababaraha Real Madrid Jose Mourinho yahay ninka guulo ahaan ka bedeli kara Old Trafford (Manchester Evening News)

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.

 

Benitez: Mucjiso uma baahni si ay Chelsea ugu soo baxdo UCL.

Tababaraha KMG ah ee Chelsea Rafael Benitez ayaan aaminsaneyn inuu u baahan yahay mucjiso kale si ay kooxdiisa Blues ugu soo baxdo Champions League.

Kooxda Stamford Bridge ayaa Arbacada [Maanta] kulankoodii ugu dambeeyey ee Group-ka u baahan inay garaacdo Nordsjaelland, halka ay Shakhtar Donetsk ka rajeynayaan inay natiijo la mid ah ka garaan kooxda Talyaaniga ee Juventus.

Benitez ayaana sheegay inuusan mar kale u baahneyn ‘Mucjisadii Istanbul’ oo kale taasoo ay kasoo wareegtay todobo sano iyo bar markaasoo ay Liverpool sameysay soo kabsashadii ugu weyneyd ee abil ka dhacda Final koobka kooxaha Yurub, markaasoo ay garaaceen AC Milan.

Benitez ayaa yiri: “Ma u maleynaayo inay mucjiso noqoneyso.

“Waxaan sameyneynaa shaqadeena waxaana u sugeynaa kooxaha kale.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu

Man United oo dooneysa inay Arsenal kaga adkaato Bargain.

Manchester United ayaa lala xiriirinayaa inay 6.5 milyan kula soo wareegto ciyaaryahanka qadka dhexe ee xulka Argentina Bargain.

Wargeyska Inside Futbol  ayaa daaha ka qaaday inuu ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Anderlecht Lucas Biglia uu doonayo inuu Janaayo ka tago kooxdiisa Brussels.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa rajo ka qaba inuu ka tagoAnderlechtiyadoo la furaayo wadahadalo ku kacaya 6.5 milyan oo ginni oo ah qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Man United iyo Arsenal ayaa hugaanka u haya kooxaha doonaya saxiixiisa Sir Alex Ferguson ayaana u baahan inuu kooxdiisa kusoo daro dhiig cusub oo qadka dhexe ahl.

26-jirkaan ayaa lix sano la joogayAnderlecht, wuxuuna kooxda ka caawiyey inay ku guuleysato sedax horyaal.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.

 

Juventus oo dooneysa inay Janaayo la wareegto Gareth Bale.

Gareth Bale ayaan saaxiibkiis Luka Modric bisha Janaayo kula midoobi Karin Real Madrid, iyadoo ay Juventus dooneyso inay afduubato xidigaan, sida uu qoray wargeyska Express.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Wales ayaa bandhig fiican sameeyey sanadihii u dambeeyey waxaana laga yabaa inuu Spurs kaga soo biiro kooxda Talyaaniga.

Andre Villas-Boas ayaa ka welwelsan inuu heysto Bale, laakiin lama diidi doono hadii uu yimaado qiimaha saxda ah ee lagu iibin karo.

Bale ayaa xiiso u qaba inuu ciyaaro tartanka Champions League, waxaana laga yaabaa inuu taas fursad u helo hadii uu u dhaqaaqo Juve.

Bale ayaa u sheegay wargeyska Talyaaniga kasoo baxa ee Tuttosport.com: “Way fiicanaan laheyd hadii aan horyaalo kale iyo cimilo kale la qabsado. Mar walba taas waan ku riyoon jiray kama cabsanayo inaan ka tagoEngland.

“Hadii uu waqtigu diyaar soo noqdo kooxdeyduna ay ogolaato inaan ka tago, dalabka si tartiib ah ayaan uga fikiri doonaa.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu

Andre Santos oo doonaya inuu lasii joogo kooxdiisa Arsenal.

Arsenal ayaa dooneysa inay ka dirto Andre Santos, inkastoo uu daafacani qirtay inuu doonayo inuu kooxda lasii joogo, sida uu qoray Wargeyska Daily Mail.

Ciyaaryahanka xulka Brazil ayaa kooxda waqooyiga London kusoo biiray 2011, waxaana lagu soo iibsaday 6 milyan oo ginni laakiin wuxuu xilli ciyaareedkaan intiisa badan ahaa mid aan bandhig fiican sameyn, iyadoo uu xidiga reer Brazil cadaadis kale ku marayo markii uu xidigii hore ee Gunners Robin van Persie funaanada weydiistay kulankii guul darro 2-1 ah ay kasoo gaartay Manchester United.

Isagoo la hadlaayey Globo Esporte, 29-jirkaan ayaa yiri: “Waxaab helay wicitaano iiga yimid kooxo ka dhisanBraziloo I xiiseynaya,TurkeyiyoItaly, balse keliya waa xan. Qofna wax gacanta igama saarin.

“Tababaraha, oo ah maamulaha kooxda, waxba iima sheegin. Waan ogahay inuu aad iiga niyad xun yahay aniguna waxaan diirada saarayaa inaan sii joogo Arsenal, kula guuleysto horyaal, wax fiican ka sameeyo Champions League, waxaana heystaa qandaraas ka badan sedax sano. Halkaan waan ku faraxsanahay.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu

Reina oo ka tegaya Liverpool, xilli ay Reds dooneyso dhiig cusub.

Mustaqbalka Pepe Reina ee kooxda Liverpool ayaa shaki ku jiraa, iyadoo uu tababare Brendan Rodgers ku fikiraayo inuu bisha Janaayo lasoo wareego gool hayaha kooxda Birmingham Jack Butland ama da’yarka Xulka Jarmalka Ron-Robert Zieler.

Keliya ma ahaan doonto in lagu tiirsanaado ciyaartoyda uu macalinku keeno Reds, iyadoo ay kooxdu ku dhowdahay inay 12  milyan oo ginni kula soo saxiixato weeraryaahnka Chelsea Daniel Sturridge, halka ay 6 milyan kusoo qaadaneyso ciyaaryahankoodii hore Thomas Ince.

Rodgers ayaan hubin mustaqbalka 30-jirka reer  Spain Reina, wuxuuna sheegay horaantii xagaaga inuu doonayo bedelkiisa.

19-jirka goolka qabta ee u dhashay England Butland ayaa inta badan waxaa lasoo saxiixday macalinka Reds, wuxuuna haatan diyaar u yahay inuu mar kale u jeesto xiisihiisa marka uu Janaayo suuqu furmo.

Zieler, waa mid ka mid ah gool hayeyaasha ugu fiican Horyaalka Jarmalka waxaana qandaraaskiisaHannoverlagu burburin karaa 12.2 milyan oo ginni.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu

Video: Hulk oo ku murugsan Zenit xilli ay isha ku heyso Chelsea.

Tababaraha kooxda Zenit St Petersburg Luciano Spalletti ayaa intii lagu guda jiray kulankii ay wajaheen Milan ee Champions League, wuxuu ka careysiiyey xidiga garabka ka ciyaara Hulk.

Weeraryahanka xooga badan ayaa bedel lagu sameeyey ciyaarta oo ay ka dhiman tahay Toban daqiiqo laakiin waxay Kaamirooyinku qabteen isagoo si xanaaq ku jiro ula hadlaya Spalletti.

Ka dib waa intii uusan iska indho tiring inuu gacan qaado, Hulk ayaa ka dib sameeyey inuu gacmaha is dhaafsado wuuna ku celcelshay, waxaana lasoo jeedinayaa inuusan kooxda ku faraxsaneyn.

Ka dib ciyaaryahanka ayaa yiri: “Hadii uu xaalku la jiray Spalletti lama xalin, inta lagu jiro bisha Janaayo waan tegi doonaa.”

Hulk ayaa kooxda Zenit kula biiray 39.5 milyan oo ginni wuxuuna kasoo dhaqaaqay Porto bishii September.

Chelsea ayuu ciyaaryahankaani diirada u saarnaa waxaana laga yaabaa inay mar kale ku celshaan xiisihii ay u qabeen.

Halkaan hoose ka daawo Hulk oo markii la bedelay ka carooday:
[youtube http://www.youtube.com/watch?v=oXivRV_IRM4]

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu

 

Wenger oo sheegay inuusan Arsenal ka aadi doonin PSG.

Tababare Arsene Wenger ayaa qirtay inuusan kooxdiisa Arsenal kaga biiri doono kooxda Faransiiska ah ee Paris Saint Germain.

Tababaraha Emirates ayaa lala xiriirinaayey PSG balse gaashaanka ayuu ku dhuftay isagoo sheegay inuu weli qandaraas ku heysto Gunners kaasoo ku eg xagaaga 2014.

Saxaafada Faransiiska ayaa soo jeedinaayey inuu macalinkaani u dhaqaaqi doono kooxda ka dhisan Paris Wenger ayaase yiri: “Waa akhbaar qaldan, I aamina. Had iyo jeer waxaan ku faraxsanahay qandaraaskeyga.

Tababarihii hore ee Chelsea Carlo Ancelotti ayaa hada cadaadis ku saaran yahay PSG oo kaalinta afaraad kaga jirta Horyaalka Ligue 1.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu

Sawirada Amin Arts ee “Isma lahayn” iyo Lix arrin oo qosol badan.

Farshaxamiistaha Soomaaliyeed ee caanka ah Amin Camir, ayaa soo saaray qeybihii labaad iyo saddexaad ee sawirradiisa taxanaha ee Isma Lahayn.

Amin ayaa sawirradaas uga hadlaya waxyaabihii lama filaanka ahaa ee aan marnaba la maleysaneyn ee ka dhacay dalka Somalia ama qabsaday Soomaalida joogto caalamka intiisa kale.

Haddaba lix arrin oo ka yaabiyay Amin iyo Sawirradiisa Isma lahayn nala arka.

Sidoo kale aqri qeybtii hore ee Isma lahayn