26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Soomaali laga masaafuriyay USA.

Muhaajir Somali ah oo dacwad oogayaasha federal-ka Mareykanka ay ku eedeeyeen inuu shirqoolay weerar ka dhan suuq laga dukaameysto oo ku yaalla gobolka Ohio ayaa loo masaafuriyay Somalia.

Nuradin Cabdi ayaa waqti xabsigiisii dhameystay bishii August, waxaana lagu hayay gobolka Louisiana, inta laga diyaarinayo safarkiisa Somalia.

Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadah Mareykanka ayaa shalay oo ahayd Isniin xaqiijiysay in Nuradin la masaafuriyay.

Nuradin walaashiis oo lagu magacaabo Kaltun Karani ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in Nuradin iminka uu xor yahay.

Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa Nuradin ku eedeyay inuu soo jeediyay in weerar toogasho ah laga fuliyo suuqa laga dukaameysto oo ku yaala magaalada Columbus, Ohio, sanaddii 2002.

Kagawa oo qarka u saaran inuu bil kale garoomada ka maqnaado.

Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in ciyaaryahanka dhowaan galka ah ee kooxda Manchester United Shinji Kagawa uu ugu yaraan garoomada ka maqnaanayo afar isbuuc ka dib dhaawaciisa.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Red Devils ayaa dhawaac soo gaaray kulankii ay bishii lasoo dhaafay Manchester United gurigeeda Old Trafford kula ciyaartay Braga.

Ferguson ayaana sheegay inuu rajeynaayo in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Japan uu garoomada kusoo laabto ka dib afar ama shan isbuuc. Si kataba, isagoo hadlaayey ka hor kulanka ay Istanbul kula ciyaarayaan Galatasaray, wuxuu yiri Alex: “Horumarka uu sameynaayo waa inaan si tartiib ah u sugnaa xaqiiqdii. Ma uusan bilaabin shaqo banaanka ah, hada ayaanse fiirineynaa, wuxuu garoomada ka maqnaan karaa afar isbuuc oo kale.”

Kagawa ayaa laba gool u dhaliyey United sideediisii kulan ee ugu horeysay, wuxuuna tababaruhu weydiisay inuu ka qeyb qaato qorshihiisa weerarka.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Torres oo laga yaabo in kulanka Juventus laga doorto Sturridge.

Tababaraha Chelsea Roberto Di Matteo ayaa doonaya inuu go’aansado weeraryahankii uu kusoo bilaabi lahaa kulanka ay kooxdiisu caawa wajaheyso Juventus.

Kooxda Di Matteo ayaa hada keliya hal kulan guul gaartay afartoodii kulan ee ugu dambeeyey waxaana la ogyahay guul darro kasoo gaarta Turin inay sii adkeyneyso in kooxda heysata koobaakan ay sii difaacato.

Chelsea ayaa noqon doonta kooxdii ugu horeysay ee Champions League ku guuleysta misna ku harta wareega Group, waase hadii ay dhacdo in lagu raabo, Di Matteo ayaana doonaya inuu isbedel muuqda ku sameeyo kooxdii ay guul darradu kasoo gaartay West Bromwich Albion, waxaana taas loo micneeyey in Fernando Torres Keydka la cabsiiyo markiisii ugu horeysay xilli ciyaareedkaan.

“Had iyo jeer waan sheegayey inaan laba weeraryahan ku heysano kooxda, Fernando iyo Daniel Sturridge,” ayuu qirtay Di Matteo.

“Labadoodu wey caafimaad qabaan waan arki doonaa sida ay noqoto. Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan rumeysanahay inay yihiin waxa u fiican kulanka.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Liverpool iyo Arsenal oo isku heysta weeraryahan Eder.

Liverpool iyo Arsenal ayaa isku heysta weeraryahanka reer Portuguese Eder, kaasoo wacdaro ka dhigaaya kooxdiisa Sporting Clube de Braga, sida uu qoray wargeyska fanatix.

24 jirkaan, ayaa lix gool dhaliyey todobo kulan oo uu kooxdiisa Braga u ciyaaray Primeira Liga, waxaana dhowaan loogu yeeray xulkiisa Portuguese.

Eder ayaa hada xulkiisa u saftay afar kulan, wuxuuna dhamaantood kusoo galay si bedel ah, shaqadiisa ku wanaagsan goolka hortiisa ayaana laga yaabaa inuu ku noqdo hugaamiyaha mustaqbalka Portugal.

Taas ayaana keentay inay Liverpool xidigaan u dirto wakiilada soo indha-indheeya.

Luis Suarez ayaa ahaa weeraryahanka keliya oo ay Reds xilli ciyaareedkaan goolasha uga tashato. Waxayna Eder u arkaan mid wax ka bedeli kara baahidooda weerarka maadaama uu yahay nin joog dheer misna xawaare badan.

Dhanka kale, Arsenal oo dooneysa inay iska dirto weeraryahanka fadhiidka noqday Marouane Chamakh ayna lasoo saxiixato weeraryahan kale ayaa soo dhaqaajin karta Eder xagaaga.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

AC Milan oo Janaayo lasoo wareegeysa Granit Xhaka.

AC Milan ayaa lasoo saxiixan karta bisha Janaayo da’yarka kooxda Borussia Monchengladbach Granit Xhaka, sida ay tebinayaan saxaafada dalka Talyaanigu.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Basel ayaa xaagaga heshiis ay lasoo saxiixatay kooxda Jarmalka ka dhisan, laakiin Tutto Mercato Web ayaa rumeysan in Rossoneri ay 20 jirkaan keensaneyso marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Switzerland, ayaa saftay sideed kulan oo Bundesliga ah wuxuuna dhaliyey hal gool.

Dalabka ayaa laga yaabaa inuu ku dhowaad ahaado 15 milyan oo euro oo ay Monchengladbach xiiseyneyso, laakiin kooxda Massimiliano Allegri waxay wa xoogaa loolan ah kala kulmeysaa Lazio oo iyana rabta saxiixa xidigaan qadka dhexe.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Beckham oo bisha soo aadan ka tegaaya kooxdiisa LA Galaxy.

Kabtankii hore ee xulka England David Beckham ayaa ka tegi doona kooxda ka dhisan Mareynkanka ee LA Galaxy ka dib Finalka MLS Cup laakiin wuxuu ka dhawaajiyey inuu sii wadan doono xirfadiisa ciyaareed.

37 jirkaan ayaa yiri: “Waxaan LA Galaxy usoo ciyaaray waqti ii gaar ah, si kastaba, waxaan doonayaa inaan khibrad usoo yeesho hal horyaal oo kale ka hor inta aanan soo afjarin xirfadeyda kubada cagta.

“Ma u arko tani inay tahay dhamaadka xiriirkii aan la lahaa Horyaalka (MLS) iyadoo uu dareenkeygu yahay inaan ka mid noqdo mustaqbalka milkiilayaasha maamula.”

Wararka xanta ah ayaa waayadaan dhow sheegayey in Beckham uu kusii jeedo horyaalka dalka Australia ee loo yaqaan A-League.

Ciyaaryahankii hore Manchester United iyo Real Madrid ayaa ciyaari doona kulankiisa kama dambeysta ah 1da December Finalka koobka MLS Cup, oo ay kooxdiisa LA Galaxy gurigeeda Depot Center kula ciyaari doonto Houston Dynamo.

Beckham ayaa 115 kulan u saftay xulkiisa England, wuxuuna lix horyaal la qaaday Manchester United intii uu ciyaarayey Premier League-ga halka uu Real guulo kula gaaray Spain.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

 

Maxay Kenya ka yeeleysaa askarigii laayay Soomaalida? (Aqri Jawaabta)

Dowlada Kenya ayaa wacad kumartay inay talaabo ka qaadi doonto Ciidamadooda oo xad gudub ka gaystay magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyin bari.

Ciidamada Kenya ayaa si ula kac ah waxaa ay beegsadeen dadka Soomaalida ee dagan Gaarisa kuwaa oo iska celiyay dad Kenya ah oo ku soo duulay si ay u dilaan.

Kadib markii Shalay Gaarisa lagu beegsaday Sadax Askari oo Kenya ah ayaa gadood ay sameeyeen dadka Kenya waxaa ay dagaal ku qaadeen Soomaalida halkaas kunool kaas oo ka dhashay dhaawac 50 kor u dhaafaya.

Ciidamada Kenya oo rabay inay kala qaadan dhinacyada dagaalaya ayaa waxaa ay jirdileen kaliya dadka Soomaalida ah.

Yuusf Xaaji oo kamid ah Baarlamanka Kenya ayaa  daboolka ka qaaday inay talaabo ka qaadi doonaan Ciidamada Xasuuqa gaystay maadama ay jibiyeen Sharciga u yaalay Dowlada.

Tarsan oo dacwad ka gudbiyay idaacada Shabelle (Arag Warqadda)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dacwad ka dhan ah Idaacadda Shabelle u gudbiyay xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka.

Tarsan ayaa Shabelle ku eedeeyay arrimo ay ka mid yihiin, faafinta warar been abuur ah oo horseedi kara colaad, dhaleeceyn joogto oo ka dhan ah madaxda qaranka iyo iska horkeyn madaxad Soomaalida.

Caasimada Online ayaa heshay nuqul ka mid ah dacwadda Tarsan oo ka kooban laba bog.

Xulka K/ Cagta Somalia oo loo magacaabay tababare ajnabi ah.

Tababaraha naadiga heerka koowaad ee dalka Uganda SC Victoria, Sam Ssimbwa ayaa loo magacaabay macallinka xulka Somalia ee ka qeyb galaya koobka Bariga iyo Bartamaha Africa ee Cecafa Tusker Challenge Cup.

Sida lagu qoray website-ka kooxdaas, Sam Ssimbwa ayaa qanadaraas laba toddobaad ah la galay Xiriirka kubadda cagta Somalia, si uu u leeliyo xulka inta uu socda Koobka oo billaabanaya dhammaadka toddobaadkan socon doonana illaa 8-da December.

“Waxaan ku faraxsanahay in kooxdeyda ay ii ogolaatay inaan helo fursaddan” ayuu yiri Ssimbwa, waxaana uu intaas ku daray “Waxa ay tani muujineysa sida ay kooxda u taageersan tahay kororka aqoonteeda”.

“Waa sharaf ii soo hoyatay inaan tababaro xul qaran markii ugu horeysay. Somalia waxaa laga yaabaa inaysan heysan fursad ay ku hanato koobka, laakiin waxa ay heysataa fursad ay ku muujiso kubbad wanaagsan”.

“Waxaa bartilmaameedkeegu uu yahay inaan gaarno sideed dambeedka (Quarter Final” ayuu sii raaciyay.

Xulka Somalia oo lagu naaneeso xiddiga badweynta (The Ocean Stars) ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee gaaray dalka Uganda, oo uu koobka ka furmi doono, waxaana ay degan yihiin hotelka Namboole Sports Hotel ee magaalada Kampala.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa loola jeedo tallaabada xiriirka uu qaaday, waayo waxaa horey xulka Somalia ula socda macalin Cabdi Farax Cali Geelle iyo kaaliyihiisa Cabdi Isak Maxamed.

Xulka Somalia ayaa waxa ay isku group yihiin dalalka Tanzania, Sudan iyo Burundi, waxaana kullanka ugu horeeya ay 25-ka bishan la cayaari doonaan Burundi.

Sidee ayay kula tahay aqriste in xulka Somalia loo magacaabo tababare ajnabi ah, mase is leedahay wax uusan keeni karin Macallin Gelle ayuu kusoo kordhin karaa. Ka dhiibo fikirkaaga.

W/Q: Axmed Cali Sheikh

Tifaftiraha Caasimada Online

www.facebook.com/alaxmed  

KASHIFAAD: Maxaa keena is-qab Qabsiga siyaasadeed ee Puntland ?

Is qab qabsiga Puntland waa mid waqti ku astaysan iyadoo mudadii Puntland ay jirtay is qabsigu uu ahaa xiliga doorashada sida uu ka markhaati kacayo Madexweyne ku xigeen kii horey ee Puntland Mr gaagaab: (waxaa la joogaa xiligii wareerka marka ninkasta gurigiisa haku wareero) wuxuuna ula  jeeday “xiliga doorashada la isma fahmo cid walbaana iyadaa isla quman marka hala kala nasto”.

Waxaa markhaati  loo ahaa  C/laahi Yuusuf Axmed alle ha u naxariistee oo markii la gaaray wakhtigii doorashada koror siimo la yimid halkii laga sugayey doorasho waxay dadku xasuusan yihiin hala qabto doorasho iyo waqtigeeda lama joogo taasi oo keentay dagaalkii Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac oo salka ku hayey xil kororsi hab muquunis u muuqday , si kastaba ha ahaatee dagaalkaasi  waxa uu sababay inuu meesha uu ka baxo C/laahi Yuusuf inkastoo uu mar dambe soo rogaal celiyey C/laahi yuusuf wuxuuna siyaasad ahaan adeegsanayey qabaa’il iyo siyaasiyiin badan kuwaas oo uu taageero gaar ah ka helay. Qabiilada ugu taageerada badnaa waxaa kamid ahaa:- Beelaha Dhulbahante iyo Reer Biciid yahan oo kamid ah jifi ka tirsan Beesha Majeerteen.

Wuxuu ku jiray C/laahi dagaal isagoo adeegsanaya awood wuxuuna khasab ku muquuriyey qabaa’ilkii shafka u tumayey ee inta badan mucaaradka ku ahaa sida Beelaha Cismaan Maxamuud iyo Cali Saleebaan inkastoo guusha ay ku hor martay xagii mucaaradka hasa yeeshee waxaa C/laahi u suurta gashay inuu kusoo noqdo madax tinimada Puntland. C/laahi Yuusuf wakhtigaasi kadib waxaa u hirgalay hadafkiisii ahaa inuu Puntland uga sii godbo Soomaaliya.

Puntland markaas kadib xaalad cusub ayey gashay Maxamed Cabdi Xaashi ayaa isna sanad hayey inkastoo ay ka hor yimaadeen mucaarad aan sidaa u xoog badnayn waxaa kasoo horjeestay Faroole oo markaa ahaa wasiirkii qorsheynta iyo xiriirka caalimiga iskagaana meesha ka baxay.

Sanad kadib ina Cabdi Xaashi waxaa kala wareegay xilka doorasho kadib Jeneral Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde), jenanku inkastoo isku dayey inuu xilka kororsado uma aysan suurta galin waxaana ka diiday wakhtiga iyo waayaha kuna khasbay inuu qabto doorasho.

General Cadde oo jeclaa nabadda siyaasadiisuna ay ahayd mid qabow qosol iyo shactiro wadatay waxaana Puntland looga yaqaanay (Ajex), hasa yeeshee waxaa khasbay mucaarad ama musharixiin xiligaasi u tar tamayey jagada madaxtinimo, Maamul xumo iyo musuq  baahsan ayaana hareeyey xafiisyada dowladda taasna way gayeysiin waysay in Cadde uu ku dhiirado xil kororsi oo golaha wasiirada horyaaley.

Intaa kadib waxaa la doortay mid kamid ah mucaaradkii is bedel doonka ahaa kana faa’iidaystay dal duleeladii Cadde Muuse. Dr.C/raxman Sh.Maxaed Faroole oo markii ugu horaysaba daboolay labo kamid ah saddexdii qodob ee uu Cadde ku dhiiran waayey xil kororsiga midi waa maamul xumo oo ay ugu wayneyd wasiiradiisii oo ku biiray mucaaradka.

Faroolase wuxuu u sheegay golaha in ay isaga shaqaalo u yihiin marna uu san ogolaanayn in ay is bar bar yaacaan, taasna waxay fududaysay inuu meesha atoore ka ahaado Madaxweyne Faroole. Tan kale musuqa xafiisyada dowladda ka jiray oo uu la dagaalamay kuna khasbay inay lacagta hal meel ku dhacdo hal meelna laga xukumo baddalka taasna mushaharaad bixiyo si uusan u imaan musuq maasuq oo dilooday dowladdii ka horaysay.

Runtii waa labo qodob oo muhiim ah dadka buun buuniya wax qabadka Faroole intaa ayey ku cel celiyaan,balse qodabkii saddexaad ee Cadde ka hor yimid inuu ka hadlo dib u dhegista doorasho waa tan mucaaradka inkastoo Faroole uu isku dayayey inuu ku qariyo wax qabadkiisa qodabkan balse way ku adkaan doontaa mar hore ayey ahayd in uu ka gaashanto. Sababt oo ah Madaxweyne  C/raxmaan Faroole wuxuu kas baday siyaasiyiinta kala duwan mucaaraddo qaarkood, waxaana taa sababtay markii uu Ina Cali Ciid ciidda cunsiiyey oo ahaa ninka kaliya ay isugu dhawaayeen Garaad C/laahi Cali Ciid wuxuu ahaa shakhsiyaadka guul wadayaasha Faroole aad uga ag dhawaa hadana la isma maqashiin karo sidaas iyo sika daran ayey uga firxanayeen oo malaheen awood siyaasadeed uu dadka ku kasbado. Sidoo kale waxaa caqabadku noqon doonta dad wax la weydiin jiray ayuu san wax weydiin soomaalidu waxay ku maah maahdaa (Nin aan talin jirin haduu taliyo ninaan tagi jirin ayaa taga) maah maahdaan laftirkeeda waxaa isticmaalay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka hadlay ciidii soonfur barxadda Garoowe Faroolena waa uu fadhiyey Islaanku wuxuu yiri isagoo dadka niyadda u qaboojinaya (Nin aan wax xukumi jirin haduu wax xukumo nin aan tagi jirin ayaa taga, nin aan wax qaybin jirin haduu wax qaybiyada nin wax qaybin jiray ayaa taga)………………..

Faroole inkastoo uu isku dayey qodobkan inuu wax ka qabto balse waa uu kordhiyey mucaaradada masalan sanad ka hor taageerada uu haystay hoose ayey u dhacday 50%, si kastaba ha ahaate talaabooyinka uu isku dayayo Faroole:- Qaaciddo waxaa jirto ah “qaybiyoo xukun” hadii aad fahan san tihiin mucaaradka ugu muhiimsan waa kan laamiga saaran marka  Puntland la eegayo,hada isku qiima noqon maayaan isku sina looma wajihidoono  Ufayn, Casayr, Badhan oo laamiga ka baxsan iyo Carmo, Qardho,iyo Gaalkacyo  oo laamiga saaran waa kala xoog badan tahay mucaaradada waana juqaarifi ahaan, taasi waa mid oo miisaanka mucaaradka Faroole maha Casayr mana aha Isku shuban, Garacad iyo Jariiban oo dhamaan laamiga ka baxsan waxaa ugu muhiimsan Boosaaso oo dhaqaalaha kasoo baxayo, Qardho oo ah meesha Garowe wax u maraan iyo Gaalkacyo oo isku xirta koonfurta soomaaliya iyo Puntland.

Magaalada muhiimadeeda waxaa sii carinaya dadka daga hadii ay noqdaan dad xoogoodo muuqdo magaalada muhiimadeedu way kasii kordhaysaa oo dadka dagaa saamayn bay ku leedahay, hadii ay noqdaan kuwa carabka laalaadsha iyana waa lagu tumanayaa muhiimada magaaladuna wey ka baxaysaa meesha waana  lagala wareegayaa.

Dadka iyo magaalada hadii ay mucaarad noqdaan strategy-ga magaaladu hadii ay kaa hiiliso iyo dadka oo dhabarka kuu jeedaya waa laba hawl oo adag sidii aad uga baxdaana ay adag tahay, ma talan Al-Qaacida waxay galeen buuro waa weyn oo aan gaadiidku gaarayn iyo qarar marka caalamkii waa ku adkaatay inay si dhakhsi leh kaga takhalusaan, C/raxmaan Faroolena Qardho haddii ay mucaaradka u soo raacdo oo ah magaalo kala bar ku taal hadana ah waa meesha gaadiidka, lacagta, iyo sahaydubu ay u marayeen waa wax aad u adag haduusan dhexdooda kala jabin ka adkaantooduna ay fududaan. Si uu uga booda jarkaas wuxuu sameeyey Faroole:- Qardho waxay is fiirsi ka dhaxaysaa Carmo, Carmana Qardho waaka sii muhiimsan tahay oo Garoowe  sida Qardho ay mariin ugu tahay ayey Qardhana Carmo mariin ugu tahay, sidaas awgeed ayuu faroole uga faa’iidaystay oo wuxuu isticmaalay oraahdii ahayd (Cadowkaaga cadowkiisa waa saaxiibka) Carmo iyo Qardho waa isu deegaan marka la eego juquraafi ahaan oo waa tii waligood colaadu ay ka dhaxaysay waxaa la xasuusta dilkii C/rashiid Cali Sharmaarke allaha ha u naxariistee madexweynihii hore ee Soomaaliya (1967-1969) oo ahaa reer Qardhood waxaana dilay sida la sheegay wiil reer Qandalo ahaa ileen markaa Carmo ma aysan jirin.

Wuxuuna soo dhawaystay Faroole Beesha Carmo (Cali Saleebaan) si uu ugu duqeeyo Beesha Qardho (Cismaan Maxamuud), waxaana fursadahaas ka sokow uu Faroole soo dhawaystay mid kamid ah ilmo Faroole oo maamulka awood ku leh waxaana abti u ah Cali Saleebaan halkaana fursad ayaa ka jirta. C/raxmaan Faroole wuxuu wasiir ka dhigay wasiirka ugu muhiimsan marka Puntland la eego Beesha Cali Saleebaan wasiirka maaliyada Faarax Cali Dhalac, tusaale ahaan wasiirkii hore maaliyada Puntland Mr.Gaagaab iyo ku xigeenkiisii Mr.Alxaaji Bakiin labadoodaba waa niman Puntland madax kasoo ahaa weliba meel sare ka gaaray sida Gaagaab oo mar ahaa madaxweyne ku xigeen xaq buu ku leeyahay marka la eegayo nidaamka dowliga, Mr. Bakiin waa qab qablaha kaliya Boosaaso cid eegi kartaana majirto bil welibana mushahar ayuu u xaadiraa isaga iyo ilaaladiisa dadka ayuu dhuunta u galay waxaana ku dhaqaaleeya meesha Ilma Faroole sababto ah waa abti waana xulufo Faroole lana hadli karo, waxaa ka cawday dadka deeganka iyo qabiilo badan. Waxaana lagu amray in aan lala hadli karin halka Gaagaab cagta afka laga galiyey oo loo muujiyey cadaawad maha oo kaliya in laga jiray xuquuqda uu lahaa bal ka fakar sababtu maxay tahay?

Gunaanadkii waxaa fiican in caqliga laga shaqaysiiyo Puntland iyo Soomaaliya intuba waxay u baahan yihiin waa Leader (Maamule) ka dan qanaya dhibaysana dhibta dalka iyo dadkana kana fakara sidii uu u maarayn lahaa baahiyaha dalka ka Jira.

W/ Qoray Axmed Cabdi Gaare. 
Tell:- 0025224166248 
Email [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Culimada Soomaalida Kenya iyo rabshadaha ka socda Islii, Nairobi.

Wixii ka dambeeyay markii gaari dad Shacab ah ay saarnaayeen lagu qarxiyay Kenya ayaa waxaa ka soconaya dalkaas aargoosi ay wadaan dhalinyaro Kenya ah kuwaas oo la soo warinayo inay kufsadeen Ilaa Tobon gabdhood.

Culumaa’udiinka Soomaalida ee Kenya ayaa falkaas cambaareeyay ee lagu dhibaataynayo Soomaalida laguna kufsanayo gabdhahahooda.

Kulan ay yeesheen Culimadan ayaa waxaa ay ugu hadleen labo arin oo kala ah qaraxii gaariga dadka shacabka ay saarnaayeen iyo dhibaatada Soomaalida ay wajahayaan.

Sheekh Abuukar Jimcaale oo kamid ah Culumada kulanka yeeshay ayaa wax kabaxsan diinta Islaamka ku sheegay in la beegsado dad aan wax galabsan oo lagu qarxiyo gaari halka reer Kenya uu dhankooda ku cambaareeyay dhibaataynta dadka Soonaalida ah.

Ugu dambayn Culimadan ayaa waxaa ay dowlada Kenya ka codsadeen inay wax ka qabtaan joojin tacdiyada dadka Soomaalida lagu hayo.

Frimpong oo si amaah ah Arsenal kaga biiraya Charlton Athletic.

Charlton Athletic ayaa la saxiixatay ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Arsenal Emmanuel Frimpong, waxayna ku qaadatay heshiis amaah ah oo ay ku heysaneyso ilaa 1ada Janaayo, sida uu qoray Wabsite-ka Euro Sport.

Frimpong, oo 20 jir ah, ayaa kasoo kabsaday dhaawac muddo dheer ah isagoo kasoo muuqday koobka Capital One Cup bishii September laakiin wuxuu ku guul darreystay inuu kasoo dhex iftiimo Premier League ama Champions League.

Hada wuxuu ku biiri doonaa Addicks waana markiisii labaad ee uu amaah uga baxo Arsenal, isagoo shan kulan usoo ciyaaray Wolverhampton Wanderers xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uusan dhaawac jilibka ah soo gaarin bishii February.

“Xaqiiqdii aad ayaan ugu faraxsanahay inuu kusoo biiro kooxdeena, waana kusoo dhoweyneynaa kooxda,” ayuu yiri tababaraha kooxda Charlton Athletic Chris Powell.

“Mudo ayaan indhaha ku heynay, wuxuuna nagu soo fool leh mashquulka Ciidda Kirishtanka, waxaan dareemayaa inay wax saxan aheyd inaan lasoo wareegno dabool ayaase naga saarnaa.

“Waxaan u heysanaa inuu saxiixiisu wax fiican noo qaban doono waxaana fileynaa inuu xaalada Qatarta ah ama madow ka badbaadiyo Charlton.”

Frimpong ayaa kasoo baxay Akadeemiyada Gunners waxayna isku mar soo dalaceen Jack Wilshere 16 kulan ayuuna kooxda u saftay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Dagaal Sooomaali iyo Kenyan ku dhexmaray magaalada Nairobi.

Iska hor Imaad u dhaxeeya Dad Soomaali ah iyo Kenya ayaa waxaa uu maanta ka dhacay Xaafada Islii ee ay dagaan Soomaalida.

Dhalinyaro reer Kenya oo ku hubaysan Baangada,Ulal iyo Waxyaabo kale ayaa waxaa ay weerar lama filaan ah waxaa ay ku qaadeen dad Soomaali ah kuwaas oo dhaawacyo halis uu soo gaaray.

Meelah ay weerareen Kenayaatiha waxaa kamid ah Xaafad Islii oo dad badan oo soomaali lagu galo iyadoo Soomaalida ay iska cabin Sameeyeen.

Goobaha Ganacsiga Xaafadaas ayaa albaabada loo laabay maanta Waxaana dalka meelkasta oo ay joogaan Soomaali iyo Kenya ay ku dagaalaan.

Cisbitaalada ku yaala dalkaas ayaa la sheegayaa in la dhigay dhaawacyada waxaana dhexgalay labada dhinac Ciidamada Kenya.

Arinta ayaa ka dambaysay kadib markii gaari ay saarnaayeen dad rayid ah uu qarax ka dhacay.

Mancini oo aan weli ka quusan inay Man City usoo baxdo ECL.

Roberto Mancini ayaa u sheegay ciyartoydiisa Manchester City inay si fiican u ciyaaraan marka ay wajahaan Real Madrid oo arbacada kusoo booqan doonta Etihad Stadium.

City uma muuqato koox usoo bixi karta wareega 16ka Champions League, laakiin ma doonayaan inay niyad xumo muujiyaan ka hor kulan los Blancos.

Mancini ayaa arkay kooxdiisa oo 5-0 ku garaaceysa Aston Villa sabtidii laakiin wuxuu u sheegay ciyaartoydiisa inay diirada saaraan kulanka kooxda heysata Horyaalka Spain.

“Run ahaantii si fiican ayey u ciyaareen natiijo fiicana wey keeneen laakiin taas waa inaan waxba loo tirin doonin marka aan wajahno Real [Madrid],” ayuu u sheegay The Daily Mail.

“Ma garanaayo hadii ay nagu filaan karto marka aan wajahno. Waa koox ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan caalamka, hadii aan garaacnana waxay na siin doontaa bandhig dhab ah.

“Waxaan ku dhoweyn kulankii hore ee Madrid inaan 2-1 ku garaacno ka hor afar daqiiqo, laakiin tani ma ahan mid sahlan.

“Waa kulan ka duwan, hadii aan garaacno iyaga, waxaan isku caabin doonaa si fiican. Waxay heystaan sedax ama afar ciyaaryahan oo waqti walba ciyaarta go’aan ka gaari kara, waana inaan koox ahaan si adag u shaqeyno.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Fowsiya Yuusuf Xaaji oo dhaaratay.

Xarunta Golaha Shacabka waxaa maanta lagu dhaariyay Wasiiro Cusub iyadoo kuwa kalana ay xilka ka sii dagayaan.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa dhaariyay wasiirka arimaha dibada iyadoo lagu dhaariyay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirada ayaa ku dhaaratay in dalkeeda iyo dadkeeda ay wax uqaban doonto islamarkaana xilka loo dhiibay aysan si gaar ah ugu tagri faleyn iyadoo ilaalinaysa Diinta islaamka iyo Dastuurka Dowladda.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shalay kasoo noqotay dalka Jabuuti halkaasi oo ay kaga soo qeyb gashay shirka wasiirada arimaha dibada dalalka islaamka kaasi oo ka dhacay dalka Jabuuti.

Maalmo kahor ayeey aheyd markii wasiirada cusub ee Xukuumadda dalka Soomaaliya xarunta Golaha shacabka si toos ah halkaasi loogu dhaariyay iyadoo iminkaba qaarkood ay la wareegeen xilalka wasaaradahooda.

Labada maalin ee soo socotana waaxaa lagu wadaa in wasiiro kale oo xilka wareejin ay wareejiyaan.

Gudoomiyaha Liverpool Tom Werner: Luis Suarez iib ma ahan.

Gudoomiyaha kooxda Liverpool Tom Werner ayaa amaanay weeraryahanka kooxdiisa Luis Suarez wuxuuna sheegay inaan la iibin doonin, xilli uu intaa raaciyey in kooxda lagu soo dari doono ciyaartooy hor leh.

Suarez ayaa xilli ciyaareedaakan 2012-13 wuxuu ku bilowday si wanaagsan isagoo gool dhalinta Premier League ku hor boodaya 10 gool.

Ka dib bandhigiisa qurxoon ee uu hugaamiyo Reds, Manchester City ayaa dooneysay inay sanadka cusub dalbadaan, laakiin Werner wuxuu qirtay inuusan ninka reer Uruguay meelna uga socon Anfield.

“Waa ciyaryahan ay aad u qurux badan tahay inaad daawato marka aad tahay taageere Liverpool ah waxaan rajo ka qabaa inaan sanado badan oo soo aadan daawado,” ayuu Werner u sheegay saxaafada.

“Ma aan ku fikireyno inaan iibino, marnaba maya.

“Waxaan la galnay qandaraas waqti dheer ah xagaagii waxaan dooneynaa inaan ciyaaryahano cusub kula soo biirino kooxda.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Rio Ferdinand oo Janaayo ku wajahan Horyaalka Shiinaha.

Waxaa jira fursad uu Rio Ferdinand uga tegaayo kooxdiisa Manchester United inta lagu jiro xagaaga marka uu dhamaado qandaraaskiisu, 34 jirkaan ayaana ka fikiraaya inuu ka tago gegeda Old Trafford. Sida uu qoray wargeyska The Guardian.

Daafacaan ayaa u sheegay saaxiibadiis inuusan dooneyn inuu ciyaaraha ka fariisto, waxaana muuqata inuusan mustaqbal dheer kusii laheyn United, isagoo Leeds uga soo biiray 2002dii markaasoo lacag Rikoor ah oo 30 milyan oo ginni ah lagula soo wareegay, waxaana laga yaabaa inuu xidigaani u jiheysto dalka Shiinaha oo waayadaann dambe hooy u noqday ciyaartoyda kasii gaoobaba kubada cagta.

Tabare Sir Alex Ferguson ayaa dhowaan sheegay inuu rumeysan yahay inuu Ferdinand xoogaa sanado ah usii ciyaari karo United. “Waxaan filayaa inuu Rio kooxda usii ciyaari karo wax ka badan laba ama sedax sano,” ayuu yiri Tababaruhu.

Isagoona sheegay inuu yahay daafac muhim ah oo qibrad leh, xilli uu carabka ku dhuftay inaan dhaqso la isaga diri Karin.

Ferdinand lafsad ahaantiisa ayaa mar qirtay in waxa ugu fiican oo uu ka fikiraayo ay tahay sida ay kooxda noqoto ka dib sanada cusub.

Balse wararka xanta ah ayaa sheegaya in Mushaar badan daafacaan looga sheegaayo dalka Shiinaha waana ku dhowaad 130 kun oo ginni isbuucii xilli aan kooxda magaceeda la shaacin.

Nicolas Anelka ayaa ka tegay Chelsea xilli uu Janaayo ku biiray kooxda Shiinaha Shanghai Shenhua wuxuuna ka qaataa 175 kun oo ginni isbuucii, Didier Drogba oo xagaagii isna kooxdaas kula biiray ayaa isna qaata 195 kun oo ginni isbuucii, waana waxa hamiga gelshay Ferdinand.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

 

Dhacdo xanuun badan: 11 qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay qarax.

Xasuuqii ciidamada Yuhuuda ay ka wadeen marinka Gaza ayaa weli sii socda, ayada oo dad badan oo falastiiniyiin ah lagu dilay weerarooda.
In ka badan 70 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa illaa iyo hadda la dilay, waxaana dhaawac ah dad kor u dhaafaya 600.

Dhibanayaasha badankood waa dad rayid ah oo aan waxba galabsan una badan carruur iyo haween.

Dhacdadii ugu xanuunka badneyd ayaa dhacday markii 11 qof oo hal qoys ah lagu dilay qarax ay fuliyeen diyaardaaha Yahuudda.

Jamal Dalu oo ah nin dukaan ku leh Gaza ayaa u baxay deriska, hase yeeshee markii uu soo laabtay waxa uu u yimid ayada oo qarax uu baa bi’iyay dhammaan qoyskiisa.

Waxaa halkaasi ku geeriyooday walaashiis, xaaskiisa, labadiisa gabdhood, gabar uu sodog u ahaa, afar caruur ah oo uu awoowe u ahaa, oo da’doodu u dhaxeysay 2 illaa 6 sano iyo laba qof oo deriska ah.

Illaa iyo hadda caalamka iyo dalalka carbeed ayaa ka aamusan xasuuqa yahuuda ku hayaan shacabka reer Falastiin.

Jack Wilshere: Santi Cazorla waa Lionel Messi-geena Arsenal.

Santi Cazorla ayaa isku muujiyey qiimihiisa kulankii ay Arsenal 5-2 guusha uga gaartay Tottenham sabtidii, wuxuuna ahaa mid kubada marna jiida marna ka qeyb qaata kooxda baasaskeeda, xilli uu goolna dhaliyey, goolba dhiibay.

Jack Wilshere ayaa amaan kala dul dhacay xidigaan wuxuuna ku kaftamay inuu u ciyaaro sida Lionel Messi.

“Wuxuu ciyaarayey heerar kala gedisan,” ayuu yiri Wilshere. “Waad dareemeysaa inuu isagu kula ciyaarayo. Kubada xittaa meel qalad ah ma u baasayo. Xitta meel sax ah ayuu ku dhiibayaa hadii ay sedax ciyaaryahan ku hareereysan yihiin kubadahana wuu gedinayaa. Taasi waa mida uu ku fiican yahay.

“Mar kale ayaan dib u daawan doonaa kulankaas si aan wax uga barto Santi. Waa ciyaaryahan ka gedisan Cesc (Fabregas). Cesc wuu baasas badan yahay. Halka uu Santi kubada gambin karo, uuna ciyaartoyda garaaci karo. Wuxuuna leeyahay shuut xoogan.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Marchisio: Juve waa inay Chelsea ula ciyaartaa sidii kulankii hore.

Claudio Marchisio ayaa uga digay Chelsea inay wajaheyso koox dhalin yaro Juventus ah kulanka habeenka talaadada ay kooxda Turin soo dhaweyneyso kooxda difaacaneysa koobka.

Labada koox ayaa doonaya inay u gudbaan wareega 16ka Champions League, iyadoo haatan ay ku jiraan marxalad adag, kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donetsk ayaana u muuqata mid banaanka taal hadii ay garaacdo wiilasha Nordsjaelland.

Juventus ayaa laba isbuuc ka hor guul darro kasoo gaartay Inter Milan waana guul darradoodii ugu horeysay ee muddo 17 bilood ah kasoo gaarta Horyaalka, xilli aan 49 kulan dhinacooda dhulka la dhigin, Marchisio ayaana qirtay guul darradaas xanuunka badan inaysan kooxdiisa dib u dhac u keeni doonin.

“Guul darradii Inter waxay usoo cusboonaaneysaa mid fudud, wax micno ah ma sameyneyso, guul darradaasi waxay ka dhigeysaa ciyaaro kala duwan,” ayuu yiri Marchisio.

Juve, ayaa kasoo kabsatay xilli ay Chelsea 2-0 ku hugaamineysay Stamford Bridge, waxayna la galeen barbaro 2-2 ah, xilli kulankoodii ugu dambeeyey ee Champions league ay 4-0 ku qaarajiyeen Nordsjaelland.

“Kulankii Nordsjaelland waxaan muujinay inaan nahay Juve-dii sanadii hore, xanaaqaas, kalsooniadaas. Marka aan ka hor imaano Chelsea waa inaan u ciyaarnaa sidii kulankii hore ee London ka dhacay.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.