25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Juventus oo dooneysa inay Janaayo lasoo wareegto xidiga Schalke 04 Julian Draxler.

Juventus ayaa lasoo werinayaa inay Janaayo xiiseyneyso xasiixa ciyaaryahaka kooxda Schalke Julian Draxler, sida ay tebineyso jariirada Italian Press.

19 jirkaan kubad qaabeeyaha ah ayaa xilli ciyaareedkaan ku dhowaa inuu ciyaaro kulan kasta ee Die Knappen. Wuxuuna saftay lix kulan sideedii kulan ee ugu horeysay, isagoo kooxda Huub Stevens ka caawiyey inay xirato booska sedaxaad ee Bundesliga.

Bianconeri ayaa isha ku heysay ciyaaryahanka qadka dhexe, laakiin waxay tartan la geli doonaan Bayern Munich, sida uu tebinaayo Calcio Mercatio.

Xidigaan ayaa loo qiimeeyaa, ciyaaryahankii labaad ee taariikhda ugu fiicnaa eek a mid noqda kooxaha sar sare ee Jarmalka, tan iyo markii uu si aad ah uga soo dhex dhalaalay kooxda Gelsenkirchen, wuxuuna xulkiisa Germany u ciyaaray laba kulan.

Schalke ayaa xidigaan ku qiimeyn doonta aduun lacageeda gaaraya 12 milyan oo euro.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

AC Milan oo bedelka Allegri u aragtay Frank Rijkaard, xilli wadahadalada la isku afgartay.

Waxaa soo baxaaya warar sheegay in horay la isugu afgartay in Frank Rijkaard uu xilka tababarenimo ee AC Milan ka bedelo Massimiliano Allegri.

Rossoneri ayaa ku jirta xaaladii ugu xumeyd ka dib markii ay xalay guul darro kasoo gaartay Malaga kulan ka tirsan Champions League, taas micnaheeda ayaana ah inay soo xareyso guul darradeedii lixaad 11 kulan oo caalami ah xilli ciyaareedkaan.

Tababaraha ayaa qirtay inuu doonayo inuu kooxda baaqi kusii ahaado kooxda markii wax laga weydiiyey hadii uu kulanka Sabtida wajihi doono Genoa, wuxuu ku jawaabay: “Waa inaad kooxda weydiisaa. “Isma casili doono, taasna ma ahan hanaankeyga.”

Madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani oo saxaafada la hadlay ka dib guul darradii kasoo gaartay Malaga ayaan waxba ka dhihin arinka: “Waan ogahay in had iyo jeer la I weydiinaayo hal shey. Anigu ma bedelaayo.”

Waxaa lasoo sheegayaa inay sidoo kale macquul tahay in shaqadaan uu qabto ku xigeenka tababaraha Mauro Tassotti waase hadii shaqada laga raacdeeyo Allegri.

Si kastaba, 7Gold ayaa tebinaaya in qandaraaska tababarihii hore ee Holland Rijkaard la isku afgartay.

Frank ayaa usoo ciyaaray Milan, xiligii uu tababaraha u ahaa Arrigo Sacchi 1980-meeyadii, markaasoo ay Milan aduunka wacdaro ka dhigtay.

Si kataba ha ahaatee, Rijkaard ayaa qandaraas kula jira xulka Sucuudiga wuxuuna u yahay tababare.

Wuxuu soo leyliyey Holland, Sparta Rotterdam, Barcelona iyo Galatasaray.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Rio Ferdinand oo sheegay inuu gacan qaadi doono Terry iyo Cole kulanka: Chelsea vs Man Utd.

Ciyaaryahanka la dhashay daafaca QPR Aston ee Rio Ferdinand ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu gacan qaado daafacyada kooxda Chelsea John Terry iyo Ashley Cole ka hor kulankooda Barclays Premier League. Sida uu qoray wargeyska The Sun.

Daafaca Manchester United Rio iyo daacafa QPR Anton ayaa dagaal qabow kala dhexeeyaa Terry iyo Cole.

Kulanka dhacaaya axada ayaa laga yaabaa inuu ku bilowdo Rio kaasoo wajahaya Cole xilli ay United Stamford Bridge kula ciyaareyso Chelsea. Waxaana dagaalkoodu circa isku shareeray ka dib markii u Terru hadalo cunsuri ah u adeegsaday Aston tiiyo uu Cole taageeray kabtanka Chelsea.

Terry ayaana ganaax kala kulmay FA-ga, halka Rio laftiisa lagu ganaaxay 45 kun oo ginni ka dib markii uu diiday inuu xirto maaliyado lagu muujinaayey sida loga soo horjeedo cunsuriyada ka dhex jirta kubada cagta.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

 

Roberto Mancini oo dhabarka saartay eeda guul darradii xalay soo gaartay Man City.

Roberto Mancini ayaa nafsadiisa eeda dusha ka saaray ka dib markii kooxdisa Manchester City ay guul darro kasoo gaartay kulankoodii Champions League.

Tababaraha City ayaa qirtay inuu Farsamo ahaan qalday kulankii ay guul darro 3-1 ah kasoo gaartay kooxda Ajax, wuxuuna daaha ka qaaday inay noqoto wax mucjisa ah hadii ay kooxdiisu gaarto wareega 16ka ee Koobka Kooxaha Yurub.

Richards ayaana ku eedeeyey inuu Mancini ciyaarta wax ka bedelay, macalinka ayaase iska indho tiray midaas.

“Waxay aheyd qalad aan sameeyey,” ayuu yiri Mancini. “Si fiican isuguma soo diyaarin kulanka waana qaadanayaa eeda.

“Ma aqaano waxa uu sheegay Micah laakiin ma doonayo inay sii dhacdo tan oo kale. Waxaan isku bedelnay shan daqiiqo iyadoo sedax dhibcood nagal soo celshay, laakiin had iyo jeer waxaan heysanay 11 ciyaaryahan.

“Waxaan filayaan inay muhim tahay – sedax, afar, shan, lix, ama todobo daafac – hadii uu xitaa qof cusur daarto waxaad ahaaneysaa mid fiican, laakiin ma ahan sababtaas.

“Wey adag tahay inaan gaarno 16ka. Waxay noqon kartaa mucjiso.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Valencia oo dooneysa inay bisha Janaayo la wareego Kabtanka Chelsea John Terry.

Kooxda ka dhisan dalka Spain ee Valencia ayaa dooneysa inay bisha Janaayo marka uu suuqu furmo iibsadaan daafaca kooxda Chelsea John Terry. Sida uu qoray Wargeyska Daily Mirror.

Kabtankii hore ee xulka England ayaa ciyaar wanaagsan kusoo bandhigaayey Chelsea, iyadoo afar kulan la ganaaxay ka dib markii uu hadalo isir naceyb ah u adeegsaday Anton Ferdinand.

Hadaba, wakiilka FIFA Francois Gallardo ayaa daaha ka qaaday in Terry uu dalab ka helay kooxda ciyaarta Primera Liga.

Valencia ayaa diyaar u ah inay gacanta ku dhigto 31 jirkaan kaasoo qandaraaskiisa Blues ay ka harsan tahay 18 bilood – halka uu qorshaha Chelsea yahay keliya in loogu darro sano kale.

Gallardo ayaa u sheegay Radio Intereconomia: “Valencia ayaa soo dalbatay, aniguna shaqsi ahaan waan ku xirayaa, saxiixu wuxuu dhacayaa marka uu furmo suuqa kala iibsigu.

“Dalabku waa mid miiska u saraan. Qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa bisha June mana loo cusbooneysiin doono sababo badan oo Chelsea ah awgeed wuxuuna doonayaa inuu aado Spain.

Gallardo ayaa intaas ku daray: “Terry waxaa heysta dhibaatooyin. Wey aflagaadeynayaan kamana uusan haldlin. Wuxuu weydiistay inuu tago, anaga ma ahan.

“Waa xaqiiq. Waxay wadahadaladu socdaan 15 maalmod laba kulan ayeyna horey u qaateen. Heshiisku wuxuuba u saran yahay miiska waa sanad iyo bar oo loogu daraayo sano kale.

“Waxaan u maleynayaa inuu aqbali doono.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Liverpool oo dalabkeedii sedaxaad u dirtay daafaca FC Tokyo Jang Hyun-Soo.

Liverpool ayaa dalabkeedii sedaxaad u dirtay daafaca xulka Korea Hyun-Soo kaasoo ay u aragto inay kusoo dhaqaajiso hal milyan oo ginni.

21 jirkaan daafaca uga ciyaara xulka South Korea iyo kooxda FC Tokyo  Jang Hyun-Soo  ayey Reds laba mar dalab u direen intii lagu jiray bishii December.

Hyun-Soo ayaa lix kulan u saftay kooxdiisa waxayna Liverpool u argtaa inuusan u qalmin qiimo ka badan 1 milyan oo ginni.

Soo ayaa lagu qiimeeyaa daafaca dhexe isagoo kabtan u ah xulka Dalkiisa ee Koonfur Kuuriya.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Paul Scholes oo sheegay inuusan aqoon hadii uu macalin u noqonaayo Oldham Athletic.

Paul Scholes ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu maalin uun macalin kooxda Oldham Athletic.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Manchester United ayaa waqtigiisa oo dhan u hibeeyey Red Devils wuxuuna doonayey inuu u ciyaaro Oldham ka hor inta uusan 2011dii ka fariisan kubada cagta.

Scholes ayaase kusoo laabtay United markii dib loogu yeeray 2012kii laakiin markii la weydiiyey inuu mar uun macalin u noqon doono Oldham Athletic, ma uusan qarsan jaceylka uu u hayo.

“Inaan meesha ka saaro wey igu adag tahay. Ma garanaayo waxa dhici doona markaan soo afjaro ciyaarta kubada cagta Oldham-na wey heysataa macalin ,” ayuu yiri Xidigaani.

“Laakiin waan jeclahay Oldham waana kooxda aan isbuuc walba natiijadeeda ciyaaraha eego. Waan jeclahay inaan daawado mar walba oo awoodo.”

W/Q: Ahmed  Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

 

Xidiga kooxda Shakhtar Donetsk Willian oo sheegay inuu jecelyahay inuu ku biiro Chelsea.

Ka dib markii uu door fure ah ka ciyaaray kulankii Chelsea ay guul darradu kasoo gaartay kooxda ka dhisan dalka Ukraine, Willian ayaa daaha ka qaaday inuu markaan ku jiheysan yahay mid ka mid ah Horyaalada ugu waa weyn Yurub.

Xidiga reer Brazil ayaa saameyn ku lahaa musiibada kula dhacday Donbass Arena kooxda difaacaneysa Horyaalka, mana uusan sireysan inuu ka tegaayo Shakhtar Donetsk, Chelsea ayaana u diyaarisay inuu xirto maaliyadeeda. Sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Wuxuu qandaraaskiisu dhacayaa 2014ka Chelsea iyo Tottenham ayaana si aad ah loola xiriirinayaa 24 jirkaan ka ciyaara garabka, kaasoo laba kulan u saftay wadankiisa.

Willian ayaa yiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan ka tago Shakhtar, shaqadeydii halkaan aheyd waa dhameeyey. Waxaan jeclaan lahaa inaan u ciyaaro koox weyn oo ciyaarta horyaal weyn, sida Premier League ama Serie A. waan jeclahay Chelsea, AC Milan iyo Inter.

“Waxaan u baahanahay inaan isku muujiyo horyaal weyn si la ii Waco xulka qaranka. Waa riyadeyda inaan gool ka dhaliyo koobka aduunka ee lagu qabanaayo Brazil taasn waxay dhici kartaa markaa aan halkaan ka tago.

Willian ayaa sheegay inuu sidoo kale ogyahay inay Chelsea dooneysay waayadii dhoweyd wuxuuna sheegay inuu la socdo in qiimaha la isku mari waayey.

Shakhtar, ayaa 2007dii xidigaan 12 milyan oo ginni uga soo dhaqaajisay kooxda ka dhisan Brazil ee Corinthians, waxaana la ogyahay inay keliya ku dooneyso 30 milyan oo ginni ama wax ku dhow.

W/Q: Ahmed  Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Manchester United oo xod-xodaneysa xidig 16 jir ah oo u dhashay Dalka Brazil.

Manchester United ayaa casuumtay 16 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Desportivo Brasil Bruno Gomes, iyadoo aabihiisna uu safarka ku wehliyey.

Gomes ayaa tababar la qaatay kooxda inteeda kale laakiin wuxuu doonayey inay marti geliyaan koox ka dhisan Yurub.

Wuxuu dareenkiisa uga waramay tababaraha kooxda United Sir Alex Ferguson.

“Rajadeydu waa inaan noqdaa gool dhaliyaha ugu sareeya Yurub, anigoo midaas markii horaba kasoo bilaabay Brazil, halka aan sidoo kale doonaya inaan Noqdo Horyaalka England aana doonayo inaan ku guuleysto the Champions League,” ayuu yiri da’yarkaani.

“[Ferguson] waa halyeey Mancheter ah, qof walba wuxuu doonayaa inuu la mid noqdo ama uu ku dhowaado. Xaqiiqdii, keliya wuxuu I weydiiyey booska aan ka ciyaaro markii aan kula hadlay Ingiriisna wuxuu la hadlay wakiilka kooxda kaasoo isoo waday Manchester.

Gomes ayaa akoonkiisa Twitter ku daabacay isagoo xiran maaliayada Manchester United.

W/Q: Ahmed  Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Daawo Sawirrada: Habka Ciidamada Somalia loogu tababaro Uganda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ayaa muddo waxa uu tababar uga socdaa dalka Uganda. Waxaa tababarkaasi inta badan bixiya saraakiil ka socda dalalka Germany, UK  iyo France oo dowladda Somalia ka caawinaya sidii ay u heli lahayd ciidan tababar wanaagsan heysta.

Haddaba halkan waxaan idin kugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah sawirrada Ciidamadaasi tababarka uu u socdo.

Daawo Sawirro cajiib ah oo aan shalay kasoo qaadnay Muqdisho.

Akhristayaal waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa sawirradii ugu dambeeyay ee aan kasoo qaadnay shalay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, oo ah kuwa meelo badan aad ka arki kartaan. Waxaa sawirrada ku jira goobo caan ah sida SYL iyo Masjidka Isbaheysiga Islaamka. Waxaan ka cudur daaraneynaa haddii muuqaalada qaar aysan ahayn kuwa aadan jecleysan.

Sanad ka dib dilkii Qadaafi, aaway qoyskiisii ? (Sawirro iyo Warbixin ku saabsan noloshooda iminka.)

Sadex ka mid ah wiilashiisa waxaa lagu dilay kacdoonka. Waxaa kamid aha la taliyihii hore ee amniga qaranka Mu’tasim Qaddaafi, oo ku dhintay gacanta fallaagada isla maalintii aabihii la dilay 20-ka October 2011.

Xubanihii soo haray ee qooyska Qaddaafi waxaa soo wajahay marxalada kala gedisan tan iyo October 2011-kii.

Safiya Qaddaafi

Safiya Farqash, waxa ay dhashay toddoba ka mid ah siddedda caruur ee uu dhalay Qaddaafi. Mudda sanad ah, waxa ay hadda ku sugantahay wadanka Algeria halkasoo ay ku joogto qaxootinimo.

Maxamad Qaddaafi

Waa wilkii ugu weeynaa carruruta Qaddaafi. Waxaa uu ahaa madaxa guddiga Olympikada Libiya. Balse cayaarihii Olympikada London ee 2012 kama uusan qeyb galin. Taasi badalkeeda waxaa uu muddo sanad ah ku suganyahay wadanka Algeria.

Maxkamadda ICC wax dambiya ah kuma aysan soo oogin, waxaana la aaminsanyahay in uusan dadaal weyn u gelin daminta kacdoonkii rabshadaha watay ee sandkii hore lagu afgambiyay aabihii.

Saif al-Islam Qaddaafi

Saif al-Islam waxaa la qabtay bil ka dib dhimashada aabihii, waxaana tan iyo markaasi lagu haayey magaalada buuralayda ee Zintan.

Maxkamada dambiyada caalamiga ee ICC ayaa ku soo eedaysay dambiyo dhan ka ah bani’adanimada. Hasa ahaatee, mas’uuliyiinta Libya ayaa doonaya in Saif al-Islam gudaha dalka lagu maxkamadeeyo.

Saacadi Qaddaafi

Waa wiilkii shanaad ee Qaddaafi. Waxa la aaminsanyahay in uu u baxsaday wadanka Algeria bishii August ee sanadkii hore. Waxaa uu halkaasi la joogaa hooyadii Safiya Farqash iyo walaashii Caasha Qaddaafi.

Hannibal Qaddaafi

Waa wiilkii shanaad ee Qaddaafi. Waxa la aaminsanyahay in uu u baxsaday wadanka Algeria bishii August ee sanadkii hore. Waxaa uu halkaasi la joogaa hooyadii Safiya Farqash iyo walaashii Caasha Qaddaafi.

Caasha Qaddaafi

Waa gabadha kaliye ah ee uu dhalay Colonel Qaddaafi. Waxaa qaxootinimo looga aqbalay wadanka Algeria. Waxeey la jirtaa hooyadeed iyo walaalkeed. Waxay qabsatay qareen u dhashay dalka Israel si ay uga dacwoodda sida aabaheed loo dilay.

Hanaa Qaddaafi

Col. Gaddaafi waxa uu mar kasta ku doodi jiray in gabdhan uu soo korsaday lagu dilay weerar xaga cirka ah oo uu Mareeykanka geeystay sanadii 1986, iyadoo Hanaa markaasi jirtay 18 bilood.

Si kastaba ha ahaatee, waqtigii kacdoonka waxa jiray caddeeymo soo xoogeeysanayay oo muujinayo in Hanaa ay weli nooshahay, inakstoo aan hadda laga warami karin halka ay ku dambaysay.

Muuqaallo laga helay gurriga Qaddaafi kadib kacdoonkii sanadki hore, ayaa lagu arkay Hanaa oo aabaheed Qaddaafi la cayaareeyso sanado kadib duqeeyntaasi uu abaaheed ku dooday in ay ku dhimatay.

Ilo wareedyo laga helay warbaahinta gudaha ee Libya ayaa sheegayo in Hanaa ay tahay dhaqtar ka shaqeenaysay Tripoli mudda sanada ah.

Mussa Ibraahim

Waa afhayeenkii hore ee dawladii Qaddaafi. Waxaa jira warar sheegaya in 20-ka October, hal sana kadib dhimashadii Qaddaafi, lagu qabtay magaalo u dhaw Tripoli, sida uu sheegay xafiiska ra’isilwasaaraha Liibiya. Balse wararka qaar ayaa shaki ka muujinya arintaasi.

Dhowr jeer oo hore ayaa la sheegay in la xiray, balse markii dambe waa ay beenoowday.

Waxaa uu ahaa wejiga xukumadda Qaddaafi, waxaana uu aad uga muuqday warbaahinta caalamka.

Cabdallah al-Sanussi

Waxa uu ahaa madaxa sirdoonka xukumadii Qaddaafi. Waxaa lagu hayaa magaaalada Tripoli kadib markii laga soo tarxiilay dalka Mauritania bishii Sebtember 2012. Waxa uu ka baxsaday Libya kadib kacdoonkii sanadkii hore.

Bartamihii sanadkii 2011-ka, ayaa maxkamadda ICC-da u dirtay warqad xiritaan. Waxa uu ku eedeeysanyahay dambiya dhan ka ah aadanaha in uu ka gaystay magaalda Benghazi.

Musa Kusa

Waxa uu ka mid ahaa saraakiisha ugu awooda badnaa xukumadii Qaddaafi. Iyadoo hal bil un uu socda kacoodnka ayuu ku biiray kooxaha mucaaradka, kadibna waxa uu u dullay dalka Britain. Warbixin ay BBC soo saartay ayaa lagu sheegay in Musa Kusa uu ku lug lahaa garaacidda maxaabiista, oo shakhsi ahaan uu u cadibi jiray dadka ka soo hor jeeday xukunkii Qaddafi.

Khamri iyo daroogo lagu qabtay Sool iyo Nugaal oo la gubay + Sawirro

Ciidamada amaanka ee magalada Garowe oo mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalo kala duwan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Nugaal iyo Sool ayaa waxay gacanta ku soo dhigey gaari siday khamri gaaraya 197 dhalo iyo xashiishad,kaasoo la horkeenay maxkamada darakada kowaad ee gobalka Nugaal.
Maxkamada ayaa ku xukuntay khamriga in la gubo iyadoona sidoo kale xukun lagu riday dadkii watay qaarkood halka kuwo kalena ay ka baxsadeen ciidanka.

Goobta khamriga iyo xashiishada lagu gubayay oo ahayd duleedka galbeed ee Garoowe ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmad Muuse .

Taliye Muxyadiin ayaa sheegay sidaan oo kale inay gacanta kusoo dhigeen khamri faro badan oo la soo galiyay Gobalada Mudug iyo Bari,wuxuuna wacad ku maray inaysan har iyo habeentoona aysan ka hari doonin dadka khamriga soo galiya Puntland iyo kuwo ka ganacsadaba.
In wax laga badalo sharciga L5 oo ka hadlaya khamriga iyo waxyaabaha maanka dooriya ayuu ku baaqay Muxyadiin Muuse,wuxuna  sheegay inay waajib tahay in la xukumo ninka khamriga ka ganacsada amase lagu tuhmo.

“Run ahaantii sharciga lagu xukumayo khamriga iyo waxyaabaha maanka dooriya waxan codsanayaa in wax laga badallo” ayuu yiri Taliyuhu isaga oo u jeedey golaha xeer-dejinta.

Dhanka kale waxaa ka war bixiyay qaabkii loo xukumay khamriga iyo cidii wadatay Gudoomiyaha maxkamada Darajada kowaad ee Gobalka Nugaal Shiikh Cabdinuur Jaamac Xusseen oo tilmaamey in maanta maxkamada la hor keenay khamrigaan intaasi ka dibna ay ku xukumeen in la gubo gaarigii lagu soo qabtayna ay la wareegto Dowlada Puntland.
Ugu danbayntii Taliyaha saldhiga Garoowe Dhame Aadan Muuse Jaamac ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga  sidii mar kasta gacanta loogu soo dhigi lahaa dadka ka ganacsada khamriga iyo xashiishada,wuxuna ku dhaliilay shacabka inay garab siiyaan dadka dulmiga iyo xumaanta ka shaqayeena.
Waa tiradii ugu badnayn oo khamriya isla markasina ay gubaan ciidanka amaanka Puntland,waxaana magaalooyinka waa wayn ee Puntland ka socda Howlgallo lagu baacsanayo dadka soo galiya magalooyinka khamriga oo badi dhinaca Ethiopia laga keeno.
Isha: GO

Muqdisho: Barlamanka oo ansixiyay Miisaaniyada 3 bilood ee soo aadan.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa Kulankooda Afar Tobanaad waxaa ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaana ay Xildhibaanada ay kaga doodayeen Arinta Miisaaniyada.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Proff Jawaari iyo labdiisa ku xigeen ayaa maanta shir gudoominayay kulankan waxaana hadalo kooban uu gudoomiyaha u jeediyay Baarlamanka kaas oo ahaa inay ka soo talabixiyaan Miisaaniyada ay ku shaqayn doonto Dowlada Sadaxda bilood ee soo aadan.

Inta uu socday kulanka Baarlamanka ayaa gudoomiyaha waxaa uu la kulmay siihayaha xilka Wasaarada Maaliyada Iyo Agaasimaha Wasaaradaasi,waxaana intaa ka dib cod loo qaaday  Ansixinta Miisaaniyada ay ku shaqaynayso dowlada sadaxda bilood ee soo  aadan.

Baarlamanka ayaa cod kadib waxaa ay ogaaladeen Barnaamijka Miisaaniyada waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan jawaari ayaa ku dhawaaqay in xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay ogolaadeen miisaaniyada muddada saddexda bilood ee soo socota Dowladda.

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho kulan adag ku leh

Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay fadhi ku yeeshaan magaalada Muqdisho oo ah Xarunta dalka oo dhan.

Kulanka ay yeelanayaan Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in lagu lafa guro arimaha miisaaniyada,iyadoo kulankaan uu ka dhacayo Xarunta Golaha Shacabka.

Maxamed Cumar Maxamuud  oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka ayaa Raadiyaha Afka dowlada ku hadla ka sheegay in fadhigaan uu qabsoomayo maanta ayna uga hadli  doonaan Miisaaniyada.

Xildhibaanka ayaa hadalka waxaa uu intaa ku daray in dood adag ay jiri doonto taas qayb ka ah Miisaaniyda sadaxda bilood ee soo aadan.

Inta uu socdo kulanka Baarlamanka ayaa warbixin kooban looga dhagaysan doonaa gudi Shan xubnood ah oo loo xilsaaray Arimaha Miisaaniyada waqtiga soo socda lagu shaqayn doono.

Florent Malouda oo Janaayo lala xiriirinaayo inuu u dhaqaaqo kooxda Santos ee dalka Brazil.

Ciyaaryahanka kooxda Chelsea Florent Malouda ayaa bisha Janaayo diirada u saaran kooxda ka dhisan dalka Brazil ee Santos, sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

32 jirkaan garabka ka ciyaara ayaa waayadaan dambe laga deyrinaayey mustaqbalkiisa Stamford Bridge, ka dib markii loo sheegay inuu tababarka la qaato kooxda Juunyarka ah ee Chelsea, wuxuuna laf ahaantiisu isku howlay sidii uu ku heli lahaa koox cusub.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France ayaa soo jiitay Vasco Da Gama iyo kooxdiisii hore Lyon laakiin wuxuu door bidi karaa inuu u dhaqaaqo Koonfur Ameerica iyadoo gabadha u dhaxda ay kasoo jeedo dalka Brazil.

Madaxweynaha kooxda Santos Luis Alvaro de Oliveira Ribeiro ayaa rumeysan inay Chelsea kala soo wareegi karaa xidigaan loona ogolaan doono inay qaataan bisha Janaayo.

Laakiin halka dhibaatadu ka imaan doonto waa mushaarkiisa oo isbuuclaha ah ee 80 kun oo ginni ah, hadii ayna kooxda reer Brtazil bixin karto, Chelsea ayaan biyo u kaban doonin inay ka iibiso xidiga.

Malouda , xiriir wanaagsan kalama dhexeeyo kooxdiisa Chelsea ka dib markii uu aalada bulshada ee Twitter-ka ku baahiyey sawirada isagoo tababar la qaadanaayo uunyarka Blues. Waxayna u muuqataa inuu daneynaayo inuu ka tago Galbeedka London.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Man United oo ay dhaawacyo kasoo gaareen Anders Lindegaard iyo Shinji Kagawa.

Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa daaha ka qaaday in Anders Lindegaard uu dhaawac u seegi doono kulanka ay wajahayaan Chelsea, halka uu sidoo kale xaqiijiyey in dhaawaca Shinji Kagawa laga warbixin doono Arbacada [Maanta].

Goolhayaha dalka Denmark ayaan ka mid aheyn kooxdii Red Devils ee Champions League la ciyaartay Braga Ferguson ayaana ciyaarta ka dib xaqiijiyey inuu dhaawac qabo, uuna sidoo kale seegi doono kulanka ay axada wajahayaan kooxda ugu sareysa Horyaalka ee Chelsea.

“Anders wuxuu seegi doonaa kulanka axada,” ayuu SAF u sheegay saxaafada.

“Wuu soo hagaagi doonaa ilaa isbuuc laakiin diyaar uma noqon doono kulanka Axada.”

Tababaraha Old Trafford ayaa sidoo kale sheegay inuu shaki ku jiro Shinji Kagawa safarka ay ku tegayaan Stamford Bridge. Ciyaaryahanka reer Japan ayaana qeybtii labaad lagu bedelay Nani ka dib markii uu soo gaaray dhaawac jilibka ah.

“Shinji laba mar ayaa jilibka jug ka gaartay,” ayuu yiri mar kale Ferguson

“Waxay aheyd inaan bedelnay. Wuxuu ku dhibaatoonaayey dhaawacaan ilaa 20 daqiiqo. Waxaan sheegi doonaa subaxdii sida ay xaaladiisu tahay.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

John Obi Mikel oo qandaraas cusub oo shan sano ah la geli doona kooxdiisa Chelsea.

Chelsea ayaa qandaraas cusub oo shan sano ah gacanta u gelin doonta xidigooda John Obi Mikel, sida ay qortay majalada The Sun.

25 jirkaan qadka dhexe ee reer Nigeria, ayaa kooxda ka caawiyey guulaheedii FA Cup iyo Champions League ee sanadii lasoo dhaafay.

Heshiiska Mikel ayaa haatan dhacaaya xilli ciyaareedka soo aadan, laakiin wakiilkiisa John Shittu ayaa daaha ka qaaday: “Mikel wuxuu sida ugu dhaqsaha badan saxiixi doonaa shan sano oo qandaraas ah waxaana kor loogu qaadi doonaa mushaarka waxaana hada ka wada hadleynayaa arinkaas.

“Mikel waa mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda ugu wanaagsan waxayna kooxdu nala afgaratay inuu u qalmo heshiis cusub loona kordhiyo qandaraaska.

“Waxaa u haray hal sano waxayna Chelsea go’aansaneysaa inay ugu darto wax ka badan afar sano.”

Chelsea ayaa Mikel 2006dii kala soo wareegtay kooxda ka dhisan dalkiisa ee Lyn Oslo, ka dib markii ay saxiixiisa uga adkaatay Manchester United.

Wuxuu hugaamiye ka ahaa qadka dhex ee burburinta Blues iyadoo kooxdiisu ay afar dhibcood oo nadiif ah ku hugaamineyso Horyaalka Barclays Premier League.
W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo aan xog ka helnay.

Warar xog ogaal ah oo aan helnay ayaa sheegaya inuu socdo qorshe guddoomiyenimada gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqisho looga qaadayo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, islamarkaana loogu magacaabayo shaqsi kale.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho ayaa loo magacaabi doonaa aqoonyahan lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Beel ahaan waxa uu kasoo jeeda beesha Daa’uud, Isaaq Daa’uud, gaar ahaan jufada Qubeys, waxayna aad isugu dhow yihiin Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow.

Ninkan ayaa ah Xubin muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Madaxweynaha ee PDP, waana Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga Nabadda iyo horumarka

Yuusuf oo lagu naaneeso Yuusuf Boorsaani, ayaa la sheegay inuu wax kusoo bartay dalka Masar, halkaasi oo uu kasoo qaatay shahaadada Master-ka, waxaana sida aan xogta ku helnay uu wax ku bartay deeq waxbarasho oo uu ka helay ururka Al-Islaax oo uu ka tirsanaan jiray, ka hor inta uusan u xuub siiban Damul Jadiid.

Waa 50 jir la sheegay inuu waagi dowladii dhexe u shaqeyn jiray wasaarada howlaha guud iyo guriyeenta oo uu ka ahaa Darawal ama Wade gaar.

Waxa uu si aad ah ugala shaqeeyay madaxweynaha olelihii doorashada ee lagu sod doortay.

Ogow wax badan oodan ogeyn!!

Ma ogtahay in asxaabiga qur ee qur’aanka lagu sheegay uu yahay (Zeyd Bin Xaarith RC).

Ma ogtahay in haweenaydii ugu horaysay ee Islamka ka shahiida ay tahay(Sumeya Bintu Qiyaad).

Ma ogtahay in haweenaydii ugu horaysay ee qof gaal ah dishay ay tahay Nabiga NNKG eedadiis (Safiya Bintu Cabdi Mudalib RC).

Ma ogtahay in asxaabiga qura ee aan waligii Salaad u tukan ILAHAY Haddana Ehlu Janaha ka mid ah uu yahay (Camar Bin Taabit RC.

Ma ogtahay in asxaabigii isagoo qur’aanka akhrinaya arkay malaa,igta soo dagaysa uu yahay Useyd Bin Xudeyr Rc.

Ma ogtahay in dagaalkii Yarmuug uu hogaminayay Khaalid Bin Waliid Rc.

Ma ogtahay in suurada hal mar soo wada degtay ee qur’aanka ay tahay suuratul Ancaam.

Ma ogtahay in asxaabiga meydkiisa ay malaa,iigtu mayrtay uu yahay Xandala Rc.

Ma ogtahay in khaliifkii ugu horeeyay islaamka uu yahay Abu Bakar Sidiiq Rc.

Ma ogtahay in dagaal qura islaamka looga wada dilay 3 hogaamiye oo calanka islaamka isaga danbeeyay kuwaas oo kala ah Zeyd Bin Xaarith Rc, iyo Jacfar Bin Abii Daalib Rc iyo C/llaahi Bin Rawaaxa Rc.

Aqriste adigana sidoo kale kasoo qeyb gal barnaamijkan oo noo soo dir aqoontaada. Mahadsanid