24.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Man Utd, Chelsea, Barca iyo PSG oo January isku heysta saxiixa xidiga Santos Neymar.

Kooxda ka dhisan dalka Brazil ee Santos ayaa diyaar u ah inay iska iibiso xidiga il qabadka leh Neymar, iyadoo laga yaabo inuu ka tago bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Wargeyska El Confidencial ayaa weinaaya in Santos ay sii qorsheysatay bedelka ciyaaryahan Neymar, waxaana ay doonayaan weeraryahanka gadoodka ah ee kooxda AC Milan Robinho.

Saraakiil ka socota kooxda Santos ayaa joogay Italy, si ay dib Santos ugu celiyaan ciyaaryahankii hor ee kooxda Real Madrid iyo Man City.

Neymar ayaa u arka wado uu ku noqon karo ciyaaryahan laga baqo hadii uu u baqoolo Yurub ka hor koobka aduunka ee lagu marti gelinaayo dalkiisa, waxaana muuqda kooxo usoo galay safaf dhaa-dheer.

Ilo ku dhow kooxda Santos ayaa xaqiijiyey in Barcelona aysan weli wax xiriir ah la sameyn kooxda ka dhisan Brazil, halka Man Utd ayba dooneysay inay soo iibsato intii uu furnaa suuqa kala iibsigu, isagoo sidoo kale laga baadi goobayo kooxaha Maal qabeenada ah ee Chelsea iyo PSG.

Abou Diaby iyo Mikel Arteta oo laga yaabo iney seegaan kulanka Olympiakos.

Arsene Wenger ayaa qirtay in la’aanta Abou Diaby ay kooxdiisa ku tahay dhabar jab.

Gunners ayaa wajihi doonta kooxda heysata Horyaalka Greek iyadoo u cataabi doonta  ciyaartoydooda qadka dhexe ka dib guul darradii sabtidii lasoo dhaafay ee Chelsea.

Waxaa laga yaabaa inuusan kulankaan ciyaarin Mikel Arteta, kaasoo ka sheeganaya dhaawac canqawga ah.

Tababaraha kooxda Emirates ayaana iska diiday inuu ku deg dego garoon soo gelida Jack Wilshere.

“Waxaan ka dhawaajinayaa inaan lumineysno Diaby, haa, kaligiis maahan sababtoo ah waxaan luminay ciyaaryahano fiican balse isagu wuxuu leeyahay tayo aysan laheyn ciyaartoyda kale,” ayuu yiri Tababaraha reer France.

“Tusaale ahaan, sabtidii markii uu garoonka kasoo baxay, oo uu Alex Oxlade-Chamberlain soo galay, waxaan luminay kubad heysashada iyo milicda ciyaarta.

“Wuxuu si fudud ugu guuleysan lahaa kubado sababtoo ah wuxuu heystaa baaxadaas. Wuxuu noo leeyahay ictiraaf gooni ah sababtoo ah awoodiisa.”

26 jirkaan qadka dhexe ayaa saaxiib u noqday dhaawacyo is daba joog ah, wuxuuna keliya shan kulan ka ciyaaray sanadkii lasoo dhaafay.

Wararkii ugu dambeeyay saaka ee Xaaladda magaalada Kismaayo.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa Saakay dagan Kadib markii ay la wareegeen Ciidanka Dowlada iyo Amisom.

Habeenkii Xalay in kastoo ay xaalada ahayd Mid qasnayd maadaama magaalada ay ka dhacayeen Risaas iyo qaraxyo kuwaas oo lagu weerarayay Ciidamada Huwanta.

Laakiin Ciidamada ayaa ku guulaystay inay iska Caabiyaan dabinada iyo Weerarada lagu soo qaaday.

Jawiga Magaalada Kismaayo ayaa saakay dagan waxaanan Si rasmi ah u furmin goobihii ganacsiga ee magaalada iyo Waliba Iskuuladii waxbarashada.

Ciidamada Huwanta ayaa saakay Howlgal feejigan waxaa ay ka samaynayaan Xaafadaha Magaalada kismaayo waxaana saakay la arkayaa iyagoo sit eel teel ah ugu dhex lugaynayo magaalada gudahee

 

Cayaaraha FIFA World Cup ee gabdhaha ka yar 17 jirka oo ka socda Azerbaijan.

Waxaa dalka Azerbaijan si habsami ah uga socda tartanka koobka k/cagta adduunka (fifa )ee gebdhaha da’adoodu ka yar tahay 17-da sano,waxa uune tartankaan soo bilawday 22/9/2012-ka waxaane la soo gabagbayn doonaa 13/10/2012-ka.

Waxaa tartaan ka qeyb galay 16-dal xulalkooda qaranka kuwaasoo loo qeybiyey ilaa iyo afar qeybood oo kal ah:

A-Najeeriya,kanada,kolombiya,azerbajaan.
B-kuuriyada waqooyi,faransa,maraykanka,gambiya.
C-jabaan,barazil,meksiko,newzealand.
D-Jaramal,gaana,shiinaha,urugwaay.

Wareega A-Nijeeriya iyo kanada ayaa ka soo baxay.
Wareega B-Kuuriyada waqooyi iyo Faransa ayaa ka soo baxay.
Wareega C-Jabaan iyo Baraziil ayaa ka soo baxay.
Wareega D-Jarmalka iyo Gaana ayaa ka soo baxay.

Sideeda kooxood ayaa isu arki doono sidan.

4/10/2012- Nijeeriya Vs Faransa.
4/10/2012- K/waqooyi Vs Kanada.
5/10/2012- Jabaan Vs Gaana.
5/10/2012- Jarmal Vs Baraziil.

Wixi natiija ah kala soco Caasimada  Online.

Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig! (Kaftan Siyaasadeed qosol badan)

Xafiiska Madaxweynaha Cusub, ayaa waxaa is kor rasteysan boqolaal araaji ah oo ay soo direen rag u baratamaya in ay qabtaan xilka Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Araajidaas iyo CV yada ku lifaaqan ayaan markaan eegmo iyo odors qiimeyneed ku samyey waxaan ka dheehdey tartan iyo hanqal tag badan oo aan hadana wax qiimo ah oo lagu kala doorto aan lahayn, kuwaas oo isoo xasuusey googaalaysigii ahaa ( xeradeenu waa wada ul mid la qatana ma leh)!!.

Qoraaladaas ayaa mid walba saaxiibkeed wuxuu isku dayey inuu ku qanciyo ninka fadhiya hadda Villa Soomaaliya inuu yahay asagu shaqsigii muhiimka ahaa oo kaalintaas lahaa, waxanan ka xusi karaa doodaha iyo macluumaadka ragaasu kusoo bandhigeen mashruucooda doorasho kuwan hoos ku qoran:

1-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Sababtoo ah waxaan ahay rugcadaa siyaasadeed 22 kii sano ee ugu danbaysay waxaan fadhiyey Islii, waxaa layga yaqaan dhamaan mafrashyada qaadka, waxaan ahay nin yaqaan si loo sameeyo gacanacsi deg dega ah… Muhiim ma aha meeshaan ka keeno xoolaha.
Mar mar NGst farsamo badan ayaan ahay, waxaa aad layga bartay xafiis hoosaadka NG yada ee UDNP xafiiska Soomaaliya.

Haddii xukuumada aan madax ka noqdo, waxaan aqaan dhamaan meesha faylasha lakala geynayo, muhiimna iima aha xoolaha aduunyadu noogu deeqado inta ay le’egyihiin laakiin waxaan aqaan sida jeebweynta xafiisyadaas fadhida dhiil iyo gorgortan loola galo, wixii aan ka helanana waa noo qeyb, dal iyo dadna waxba nagama galin.Luuqadaha iskuma fiicnin barigii jaamacadda umadda Talyaani ayaan wax kusoo mad madoobaystay, laakiin gabdha xoghaynteyda ah ayaa laysu sheegay.

2-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan biyatooni ka ahaa xafiiska UNIPOS, kasoo markii danbe u dalacay karraani , Dr.Mahiiga iyo Walda Cabdalla oo ka horeyey dhowr goor ayaan albaabka ka furey, waxaan hubaa in ay wajigeyga xasuustaan doonaan.

Saaxiibadeyda aan Xafiiska isla joogno waxay I leeyihiin ” war ka kac meesha”, waxayna uu muujiyeen in ay Mahiiga I xasuusin doonaan inaad halkaan biya tooni iyo karaaniiste faraha looga gubtay ka ahayd. Luqada Ingiriiska sida tansaniyaanka, sida muritaaniyankaba waan ka maqlaya ayagoo ku hadlayaa Mahiiga iyo Wald Cabdalla.

3-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan ahay nin aad Afrikaan Unionka looga bartay, toban sano waxaan joogay Xaruntiisa Addis Abba, Qadaafi intuu noolaa maalin ayaan salaamay, Sinaawi waa iga hor geeriyooday, laakiin waxaan aqaan oo sidaan u salamay gacmuhu isku kaana murxeen Col. Gabre, hadaan xafiiska fariisto warkeenu horey ka gaara.

Waxaan anigu gaar ahaan ku guulaysan karaa in lasii kordhiyo ciidanka AMISOM. Tan Oromo iyo Sidaamo xamar ay noogu imanayaan. Iska jir madaxweyne inaan ahayn nin la wato. Amxaariga, waxaa ii dheer kan Tigteega, xitaa Faransiiska waxbaan ka badawosadey.

4-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan ahay shaqsi tabcay xoolo badan, tan iyo Mukalla oo yamman ku taal arigaan geeyaa, Sucuudiga Maxjaro badan oo aan aniga iyo adigu shirka ku nahay ayaan kasoo qaadi doonaa, canshuur dhaafna waan ka dhigayaan dakaddaha kaharash badan nagu qaadan meyso inaan xoolaha oo dhan dalka ka rarno dhadig iyo labood, cid kalena biya cabi mayso, carabiga iskuma fiicnin laakiin ALXIIN ayaan ka xasuustaa.

Hadaad deg deg ooga faa’iideysan waydo fursadaan, waxaad ogaataa inaan amiir yar oo Sucuudiyaana oo aan bari dhaweyd, is baranay xoolo danbena uu jiro, waxay ku xirantahay dhalooyin mashrubaad ruuxiya ah inaan horey igu geeyo, markaas ka dibna neef danbe la dhoofin mayo, Rift fully ayaan ku wada talaala ceesaan ka aroori mayso .. labadaa mid dooro..!!

5- Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan ahaa barigii adeer baladka odayga ka ahaa nin la yaqaan BMW ayaan ku socon jirey Shabeelaha Hoosena hal aseendo ayaan ka jeexdey, aad baan adeer usoo salaami jirey sida uu madaxa u ruxi jirey ayaan xasuustaa, usha meeshu ku muday maalin ayaan ogaa, hindisodiisa meeshay u jeedo ayaan qiyaasi jirey, aadbaan uga duceystay, hadaadan isoo jaleecin mudane madaxweyne meel darran ayaad reerka ku furi doontaa ogoow. Ololihii reermiyiga farta Soomaaliga ayaan si fiican ugu bartay TIIBA TALYAANI AYAAN ayaa u qoraa.!!

6-Madaxweyne Ra’iisul Wasaare iga dhig!

Waxaan ahay ninkaad taqaanay, ma xasuustaa maalintaad adiga iyo saaxiibada warqadaha ii keensateen codsigiinu halkuu gaarey, waad ogsoontahay inaad madaxweyne aniga madaxeyga ku hesheen dhowr mashruuc oo aad ku ilma korsateen. Xafiiska hoosadyada UNDP oo dhan wa aqaan ma jiro mid ananan galin, wax badan ayaan nooga soo shaxaadi karaa.Waxay igu dheheen madaxdeydu “dowlad aad ku jirtaa jid gooyo waligeed la kulmi mayso, dalabaadkaaga waa la oofinaa, kuweenana waa oofsanaynaa”.!!!

Khibradeydu ma liidato waa lix soon qaad, luuqadey Ingiriiskuna aad ayey u sareysa, sida eeshiyaankana waan ugu hadlaa, luuqada Urdugana waan yara jajabsadaa oo mar mar ayaan isku xan qarsan karnaa.

W/Q: Cabdi Yusuf

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Chelsea oo bisha Janaayo 40 milyan kusoo qaadaneysa daafaca Real S.Ramos.

Kooxda Chelsea ayaa 40 milyan oo ginni ku doonaneysa daafaca dadabka midig ee kooxda Real Madrid Sergio Ramos marka uu suuqa kala iibisgu furmo bisha Janaayo.

Ninka reer Spain ayaa gadood ka ah kooxda uu hugaamiyo Jose Mourinho, ka dib markii uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay isaga iyo tababaraha reer Portugal.

Ramos ayaa diyaar u ah inuu ka tago kooxda Madrid, sida uu warinaayo wargeyska El Mundo Deportivo.

Wakiilka ciyaaryahanka oo ah walaalki Rene Ramos ayaa horay xiriir ula sameeyey kooxo ka dhisan Yurub oo ay ka mid tahay kooxda Chelsea.

Chelsea ayaa dooneysa wax walbaba  haku qaadatee inay keensato Ramos kaasoo aan si dhib yar uga soo bixi doonin Gacmaha kooxda reer Spain.

 

Enrique Cerezo: “Radamel Falcao waa weeraryahanka ugu fiican caalamka”

Madaxweyne ku xigeenka kooxda Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa Radamel Falcao ku tilmaamay weeraryaahanka ugu fiican caalamka, wuxuuna u arka in ninka reer Colombia uu fure u noqon karo tartan ay u galaan Horyaalka Spain.

Waa 26 jir wuxuuna shan kulan oo Horyaalka ah shabaqa soo taabsiiyey 7 gool, iyadoo uu guulo Yurub ah ka saaciday kooxda.

“Wuxuu iila muuqdaa Falcao ciyaaryahanka ugu fiican caalamka,” ayuu Cerezo u sheegay AS.

“Waa inaan sidaas dhahaa anigoo ka meyraya dhaliil.

“Lama meel dhigi karo [Lionel] Messi ama [Cristiano] Ronaldo. Laakiin waxaa ii muuqda wadooyin kale, balse ciyaaryahanada Atletico , waxaa jira waxyaabo ay la dhacsan yihiin.”

Roberto Di Matteo oo amaanay sida ay kooxdiisu u ciyaartay kulankii Nordsjaelland.

Tababaraha kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa amaanay ciyaartoyda kooxdiisa ka dib markii ay goolal aan look ala harin ku shubeen shabaqa FC Nordsjaelland, afar gool oo ay kala dhaliyeen Juan Mata labo David Luiz iyo Ramires ayey kooxda ka dhisan galbeedka London ku dhadhamisay guusheedii koowaad ee ECL.

Mata ayaa aad uga dhex muuqaday ciyaarta iyadoo kabtankii Chelsea Lampard uu ahaa xubin ka muuqata Garoonka halka Torres uu caawiye ka ahaa goolasha intooda badan.

Markii wax laga weydiiyey hadii Uu Luiz u tuuray Laadka xorta ah sida Cristiano Ronaldo RDM ayaa ku jawaabay: “Waa wax aniga igu saabsan ! Waxaan ku qaadanaa Tababarka, waxay intooda badan dhaliyaan gool isoo jiita. Mata inta badan wuxuu ku dhaliyaa Tababarka, Luiz isna waa la mid xaga Laadadka xorta ah.”

Natiijooyinkii kulamada Champions League, Yaa la jiiday Yaa wax jiiday.?

Champions League – Group E:

FC Nordsjaelland ayaa guul darro 4-0 ah kala kulantay kooxda koobka difaacaneysa ee Chelsea. Goolal ay kala dhaliyeen (33) Juan Mata (79) David Luiz (83) Juan Mata iyo (88) Ramires ayaa Blues u xaqiijiyey inay guul gaarto kulanka labaad ee wareega Guruubyada.

Juventus ayaa gurigeeda barbaro 1-1 ah kula dhaafi weysay kooxda  Shakhtar Donetsk, waxaana goolka looga hormaray kooxda daafacanysa Serie A iyadoo uu kooxda martida ah u dhaliyey Teixeira daqiiqadii 23aad, balse Leonardo Bonucci ayaa ka daba keenay sedax daqiiqo ka dib sidaas ayeyna ciyaartu kusoo idlaatay.

Champions League – Group F:

BATE Borisov ayaa guul darro aan la saadaalineyn oo 3-1 ah dhabarka u saartay Bayern Munich, waxaana goolasha ku kala dhaliyey (23) . Pavlov (78) Rodionov Munich ayaana gool waxaa usoo celiyey (89) Ribéry, balse kama aysan soo kabsan goolka sedaxaad ee hurdada u diray waxaana ka dhaliyey (90) . Bressan.

Valencia ayaa 2-0 ku xaaqday kooxda ka socoto Faransiiska ee Lille, waxaana goolasha u dhaliyey (38) Jonas (75) Jonas. Iyadoo sedax daqiiqo ciyaarta ka dhiman tahay ayaa waxaa laga saaray daafaca dadabka midig ee dalka France Debuchy.

Champions League – Group G:

Spartak Moscow ayaa guul darro 3-2 ah gurigeeda waxaa ku sagootiyey kooxda ka socota dalka Scotland ee Celtic, (13) ayaa Hooper hugaanka u dhiibay kooxda dhowaan loo dalacay heerka sedaxaad ee Horyaalka Scotland. (41) Emenike ayaana u barbareeyey, sidaas ayaana lagu kala shah doontay.

Emenike ayaana hugaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa diiqadii (48), inta uusan Kombarov shabaqiisa kubad ku leexin aysana gool noqon, iyadoo weeraryahanka dalka Greece Samaras uu quusiyey kooxda martida loo ahaa daqiiqadii 90aad.

Barcelona ayaa 2-0 isaga reebtay Banfica oo ay marti ugu aheyd dalka Portugal, waxayna goolasha ka heshay (6) Alexes Sanchez (55) Cesc Fabregas, waxaana ciyaarta dhaawac uga baxay Carles Poyol oo laga yaabo inuusan ciyaarin kulanka sabtida ay Barcelona Comp Nou ku wajaheyso kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.

Champions League – Group H:

Manchester United ayaa 2-1 ku dubtay kooxda tababarta daran ee CFR Cluj, gool ayaase looga naxsaday daqiiqadii (14) kaasoo uu ka dhaliyey Kapetanos, balse Roben van Persie ayaa meel uga soo baxay isagoo quusiyey kooxda martida loo ahaa daqiiqadihii (29) iyo (49).

Galatasaray ayaa dalka Turkiga ku qaabishay kooxda Braga, waxaana dhabarka loo saaray guul darro 2-0 ah, iyadoo ay goolasha ka dhaliyeen ciyaaryahanada Micael  iyo Alan daqiiqadihii (27) iyo 90aad.

Faallo: Allaylehe maantaan taageerey Maxdaxwayne Xasan Sheikh !!.

Waan fahmi karay sababta ay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ay u taageereen doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo tii ka danbaysay ee Madaxwaynaha.

Dadka Soomaalidu runtii waxay ka daaleen madaxwayne shisheeye gacantiisa ku soo dhoodhoobtay, laguna ballamay innaguna danaheenna aynu fushanno, adiguna wixii jeebku kuu qaado ayaad leedahay.

Qof Soomali ah ha ka nixin, innaguna u nixi mayno. Warkaan sheegno waa run dheh, adigoon ka baqayn Allaah iyo ummadda
Soomaliyeed inaad danbi ka gashid toona. Sidaas daraadeed, waxay badidoodu ka sinnaayeen inaysan Muqdisho dhaafin .

Markii madaxda cusub ee Soomaaliyeed la doortay, aad baan ilaahay u baryay, anigoo leh, alloow dhibaatada na haysata waad aragtaa,
meel kasta ayaynu daadsan nahay ,magaceenna ayaa dunida laga faanaa, wixii xunba ma Soomaalibaa baa caado noqotay.

Dhiigga qofka Soomaaliyeed baa qiima beelay, qabiil, gobolaysi iyo goosasho ayaa faan dhexdeenna ka noqotay, tuulo kastaaba
madaxwayne u gaar oo wax matare ah ayaa loo magacaabay. Alloow Soomaalidu waa wada muslimiin, in badan oo mu´miniin ahna way ku jiraane, rajadayada noo dhabee oo madaxdaas cusub kuwo
aan u baxsanno nooga dhig.

Isniintii waxaa i gashay farxad, kolkaan maqlay Madaxwaynihii isagoon Addis-Ababa wali tagin buu Baydhabo tagay. Waxaan xalay is-iri “toloow muxuu Beledwayne u booqan waayay iyagaa dhibaato haysataaye?” Talaadadii kolkaan maqlay Madaxwaynihii Beledwayne ayuu ka dagay isagoon Nairobi iska xaadirin, sidii hooyo uu wiilkeedii oo Yurub ama Maraykan jooga uu 100 keliya u soo diray, oo uu bishaan 100 kale ugu soo daray, ayaa inta farxaddii iga badatay, oo gacmaha kor u taagay baan ku iri, “Alloow ku guulee, nabadna kugu soo celi”

Waxaan is waydiiyay “miyaynu u baahannahay Ra´isalwasaare ? Maxaynu uga baahannahay ? Waxba ayay ila tahay”

Bal Akhristoow ka fakar, hadduu Ra’iisul Wasaaruhu noqdo mid waxmatare ah, shisheeye u adeege ah, wuxuu helana xubnaha
Baarlamaanka ku xod xota si aan loo cayrin. Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaankana ay wada shaqayn waayaan, sow
himiladii iyo neecowdii aan filaynay khasaare ma noqonayso.

Dr.Abdi Farah Taano
taano1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan. 

Wabiga Shabelle oo Dad iyo Xoolo ku qaaday Shabelaha dhexe.

 Fataahado ayaa goordhow waxaa uu Wabiga Shabeele uu ku dhuftay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wabiga ayaa xoogiisa waxaa la sheegay inuu fatahaada ka sameeyay deegaano hoos yimaada Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Mid kamid ah dadka deegaanada jooga oo magaciisa ku sheegay Macalin Cabdi Axmed  ayaa sheegay in wabiga fatahaadiiisa uu yahay mid xoogan islamarkaana uu socdo.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in sidoo kale fatahaada wabiga uu ka geystay tuulo lagu magacaabo Hiliwaa oo ka tirsan Gobalkaasi.

Qasaaraha ka dhashay daadadkaas ayaa waxaa inta la ogyahay waxaa la sheegay in tiradeeda ay gaarayso ilaa Sagaal Caruur oo nolasha lagu la’yahay.

Dadka ayaa is dhex ordaya oo Xoolo iyo Caruur ay ugu maqan yihiin daadadka uu sameeyay Wabiga oo dhawaana ku fatahay Beledwayne dadna ay ku dhinteen.

Puntland oo ka hadashay Weerarkii lagu qaaday Wafdi Turki ah.

Kadib Weerarkii lagu qaaday  Ajaaniib iyo Soomaali, Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkaas oo kooxo hubaysan ay ku qaadeen wafdi wasiiro iyo Turkish isugu jira oo lagu weeraray Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Muxudiin Axmed  oo ah Taliye ku xigeenka Booliiska Magaalada Gaalkacyo dhanka maamulka Puntland ayaa sheegay in falkii shalay dhacay uu ahaa mid ay kooxo dableey ah jidka ugu galeen wafdi isugu jira Turki iyo Wasiiro ka tirsan Puntland.

Taliyaha Wuxuu sheegay in deegaanka dhacdada ay ka dhacday ay aheyd deegaan lagu magacaabo Daarasalaam isaga oo sheegay in rasaas xoogan oo ay kusoo fureen kooxaha dableyda ay ku dhaawacmeen askari kamid ahaa ilaalada wafdiga iyo sidoo kale sarkaal Turki ah.

Waxuu sheegay in dhanka Burcada ay ka dileen hal ruux sidoo kalena ay gacanta ku hayaan sideed kale islamarkana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Wafdigan ayaa lagu waday inay kormeer ku tagaan Deegaano ka tirsan Puntland.

Nin daroogada iibiya oo ku qaldamay talefonka Boliska. (Maxaa qabsaday?)

California – Booliiska ayaa sheegay in nin ka ganacsada daroogada uu si qalad ah farriin qoraal (text Message) ugu diray sarkaal Boolis oo ku sugan magaalo xeebeed ku taalla bartamaha Gobolka California ee dalka Mareykanka, si uu daroogo uga iibiyo.

Sarkaalkaasi magaalada Santa Maria ayaa ku war geliyay qeybta madax dambi baarista ee booliska Santa Barbara fariin qoraalka uu sida qaldan u healy subaxii talaadada.

Markaa kadib ayaa sarkaalka iyo dambi baarayaasha waxay ay ballan la sameysteen ninka ka ganacsada daroogada iyaga oo isaga dhigaya dad caadi ah.

Afhayeen u hadlay Booliska Drew Sugars ayaa shaaca ka qaaday inay xireen 39 jir lagu magacaabo Reymundo Carlos Escobedo ayna gacanta ku dhigeen laba garaam oo ah daroogada nooca loo yaqaan methamphetamine oo uu watay.

Warar kale ayaa sheegay in 37 jir isna lagu magacaabo John martin Silvera oo ahaa ninka daroogada usoo dhiibay Escobedo oo isna meesha yimid la xiray, laguna qabtay 7 garaam oo daroogo ah.

Labada nin ayaa iminka sugaya in dacwado lagu soo oogo.

Arag Michael Ballack oo soo afjaray waayihiisii ciyaareed ee Kubada Cagta.

Michael Ballack ayaa soo afjaray xirfadiisa ciyaareed. Kabtankii hore ee xulka Germany ayaa maanta ku dhawaaqay inuu soo gaba-gabeeyey xirfadiisa isagoo jira da’da 36. “Anigoo ah 36 jir ayaan dib u eegayaa waayaheygii ciyaareed oo qurxoonaa iyo xirfadeydii kubada cagta, taasoo aan ku riyoon jiray markii aan caruurta ahaa,” ayuu yiri Ballack, oo 5tii bishii May ee sanadaan Bayer Leverkusen u saftay kulankii 267aad ee horyaalka Bundesliga.

“Waxaan aad ugu riyaaqayaa inaan lasoo shaqeeyey ciyaarahano heer sare ah iyo macalimiin Fantastik ah. Ma filaayo inuu jiro qof aan dooneyn inuu ka hor ciyaaro 80 kun oo taageerayaal ah oo aan dooneyn inuu hortooda gool ku dhaliyo.”

Dhowaan ayaa lala xiriirinaayey inuu u ciyaarayo koox ka dhisan dalka Australia.

“Bilihii lasoo dhaafay ma jirin xiiso iisoo muuqday, si kastaba, waxaa yimid waqtigii aan soo afjari lahaa.

“Waxaan rajeynayaa inaan bilaabo nolol cusub waxaana u mahad celinayaa qoyskeyga iyo dhamaan dadkii igu taageeray, caawiyeyaashii iyo taageerayaashii. Ayaana ah kuwo qeyb ka qaatay guulaheyga.”

Wuxuu dhaawac uga haray xulkiisa Jarmalka 3dii March 2010 ciyaar ka dhacday Munich oo wadankiisu ay 1-0 uga badiyeen Argentina, wuxuuna seegay koobkii aduunka ee 2010kii ka dib markii Kevin Boateng uu ku dhaawacay ciyaartii kama dambeysta ee FA Cup ay kooxdiisa Chelsea 1-0 uga qaaday kooxda Portsmouth, iyadoona booskiisa qaranka ay dabooleen Sami Khedira iyo Bastian Schweinsteiger.

Macalinka xulka Germany ayaa diyaar u ahaa inuu ugu yeero kulankiisii 99aad iyo 100aad ee uu xirto maaliyada wadankiisa, isagoona horaan soo saftay 98 kulan.

Ballack wuxuu ciyaaray 98 kulan oo caalami ah wuxuuna xulka Germany kusoo biiray 2002dii, iyadoo uu wadalkiisa ka caawiyey inay kaalinta labaa ka galaan Koobka Wadamada Yurub European Champion 2008dii iyo kaalinta sedaxaad ee World Cup third 2006tdii.

Wuxuu usoo ciyaaray kooxdiisii ugu horeysay ee FC Kaiserslautern, Bayern Munich, Chelsea iyo Bayer Leverkusen, isagoona ku guuleystay Afar Horyaal oo Bundesliga ah, Sedax koob oo DFB-Pokals, Hal Horyaal oo Ingiriiska ah iyo Sedax FA Cup oo uu la qaaday kooxda Chelsea.

Waxaa loo aqoonsaday xidig muhim u ahaa qadka dhexe ee Dalka Germany ka dib markii uu ku hugaamiyey Nus dhamaadkii 2006dii Koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Germany iyo Euro 2008 oo uu dalkiisa gaariisyey Kama dambeysta laakiin ay koobka ka qaadeen dalka Spain.

Beesha Hawiye oo xalay digniin culus siisay Madaxweyen Xasan Sh.

Odayaasha beelaha Hawiye ayaa xalay kullan xasaasi oo qarsoodi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaga oo halkaas diginiin culus oo cad uga diray Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, oo isna beesha kasoo jeeda.

Kullankaasi oo warbaahinta loo diiday, balse xubno ka qeyb galay ay ugu sir warrameen Caasimada Online, ayaa lagaga hadlayay arrinta magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia iyo dad ay u arkeen inaysan nabad u keeni karin Somalia, oo ay ka digeen.

Waxaa kullanka uu yimid, kadib war suuqeed soo baxay oo sheegaya in Cabdi Weli Gaas uu beesha caalamka kusoo caadinayay intii uu socdaalka QM ku maqnaa in isaga lagu soo celiyo ra’iisul wasaarenimada ama qof kale oo kasoo jeeda deegaankiisa la siiyo, isaga oo qiil ka dhigtay in beeshiisa ay ugu miisan weyn tahay beelaha Daarood, waa sida isaga iyo reer Puntland-ba ay la tahay’e.

Hase yeeshee odayaasha Hawiye, ayaa kadib kullankooda ergo u diary madaxweynaha si ay si cad ugu sheegaan inuu ka feejignaado arrintaas.

“Waan aragnay In Puntland ay caqabad ku noqotay nabadda Somalia iyo inay is mooday in beelaha kale ee Daarood ay yihiin dad aan xisaabneyn oo ayaga hoos yimaada, mana aqbaleyno in taasi ay soo noqoto” erayadaas ayaa ka mid ahaa kuwii ergada ay u qaadeen Madaxweynaha

Odayaasha Hawiye ayaa sidoo kale kaga digay madaxweynaha in haddii qof Puntland kasoo jeeda uu ra’iisul wasaare u magacaabo ay isaga u taal, halkii dowladdaasi ay ka shaqeyn lahayd, oo Muqdisho iyo dadka degaba ay banaanka ka yihiin.

Si kastaba beesha Hawiye ayaa sheegtay inay 100% ku kalsoon tahay in madaxweynaha uu ra’iisul wasaare kasoo xulan doono beel aan ahayn tan Puntland degta, hase yeeshee ujeedka digniintooda ay tahay mid xusuusin u ah madaxwyenaha, haddiiba laga yaabo in daqiiqad ay maskaxdiisa kusoo dhacday inuu Gaas ama qof ku deegaan ah uu ra’iisul wasaare u magacaabo.

Man United iyo Chelsea oo isku heysta daafaca bidix ee kooxda Lille Lucas Digne.

Indha-indheeyeyaal ka socda labada koox Manchester United iyo Chelsea ayaa jimcadii lasoo dhaafay daawaday 19 jirka daafaca garabka bidix ee kooxda Lille Lucas Digne, markii ay kooxdiisu wajahday Rennes.

Digne, oo usoo ciyaaray xulka France ee ciyaartoyda da’doodu ka yar tahay 17 jirada ilaa 19 jirada, ayaa sanadii lasoo dhaafay helay booska koowaad ee kooxda Lille wuxuuna si wanaagsan uga soo dhex dhalaay kooxda ciyaarta Horyaalka Faransiiska.

United ayaa baadi goob ugu jirta bedelka  dooqa koowaad ee daafac bidix Patrice Evra waxayna xagaagan lasoo wareegeen daafaca reer Holland Alexander Buttner.

Chelsea ayaa sidoo kale baacsaneynsa bedelkeeda Ashley Cole oo qandaraaskiisu dhacaayo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Madaxwaynaha booqasho ku jooga magaalada Beledweyne.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya ayaa goordhow gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxwaynaha oo ay la socdeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Beledweyne ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada.

Ciidamada Dowlada Itoobiya iyo AMisom ayaa garoonka ka soo galbiyay Xasan sheekh Maxamuud.

Waxaa lagu Wadaa in Madaxwaynana uu kulan la qaato Qaybaha kala duwan ee bulshada,waxaa uu booqon doonaa goobihii ay fatahaadaha ay ku dhufteen.

Intaa ka dib waxaa uu kulan qaadan doonaan Madaxda Dowlada ee Magaalada Beledwayne,Saraakiisha Amisom iyo Itoobiya.

Booqashadaan uu ku gaaray Madaxwaynaha Soomaaliya Beledweyne waxaa u xigi doona Magaalada Garoowe.

Oscar: “Waxaan doonayaa inaan noqdo Halyeey Chelsea ah sida Lampard & Terry”

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Chelsea Oscar ayaa doonaya inuu maro wadadii horay u mareen Frank Lampard iyo John Terry, isagoona doonaya inuu noqdo halyeeey ay kooxdu xasuusato.

Xidiga reer Brazil ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay ahaa furaha kooxda ka dib sedax kulan oo uu kusoo bilawday laba isbuuc ka hor kulankii Champions League ee Juventus.

Ka dib inuu ahaado xidig uu ku xisaabtamo Roberto Di Matteo, 21 jirkaani ayaana  doonaya inuu waayo adag la qaato kooxdiisa Stamford Bridge uuna noqdo mid maskaxdooda qeyb ka dega.

“Waxaan ku rajo weynahay inaan la midno labada ciyaaryahan Lampard iyo Terry oo ila jooga Chelsea,” ayuu u sheegay Daily Mirror.

“Waa ciyaaryahano waa weyn oo xirfadooda kusoo ilaaliyey kooxda kuwaas oo muhim u ah. Waana ku dayasho weyn.”

Ibrahimovic oo kasoo hor jeestay in mar afaraad Lionel Messi la siiyo Ballon d’or.

Weeraryahanka kooxda PSG Zlatan Ibrahimovic ayaa si weyn uga soo hor jeestay in Abaal marinta ugu weyn caalamka ee ciyaaryahan la gudoonsiiyo Ballon d’or in markii afaraad ee isku xigta la gudoonsiiyo xidiga Barcelona Lionel Messi.

Ibra ayaana sheegay in Messi uusan xilli ciyaareedka sameyn wax lagu siiyo uusana soo bandhigan ciyaarihii lagu yaqaanay isagoona sheegay in xitta uusan kooxdiisa koobab muhim ah la qaadin sanadii hore.

“Messi sedax jeer oo isku xigta ayuu ku guuleystay Abaal marintaan, hadii mar afaraad la siiyo waxaa adkaan doonta in ciyaaryahano kale ay nasiib u yeeshaan,” ayuu yiri weeraryahankii hore ee Barcelona.

Sir ku saabsan arrin Madaxweynaha ku qanciyay Ethiopia iyo sababtii uu u booqan waayay Garowe.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa shalay booqday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha dalka Ethiopia.

Sida la sheegay waxaa qorshuha ahaa in sidoo kale Madaxweynuhu booqdo Garowe iyo Beledweyn, taasi oo aan dhicin, inkasta oo la filayo inuu Beledweyn maanta booqdo, halka warar kalena ay sheegayaan inuu sidoo kale tagi doono Garowe..

Hase yeeshee Madaxweynaha ayaa diiday inuu Garowe kula kulmo saraakiisha Ethiopia  ayada sababaha uu  ku diiday Garowe, ay ugu wacneyd dhowr arriimood.

1- La taliyeyaashiisa oo u sheegay inay sumcad darro u keeni karto, maadaama dad badan ay Faroole u arkaan isbaaro hor taalla nabadda Somalia, sidaa darteedna uu saraakiisha Ethiopia u sheegay in kullanka laga dhigo Baydhaba.

2 – Inuu naftiisa ku aamini waayay maamulka Puntland, xilli ay jirto in isaga iyo Faroole xurguf ay dhex taallo, maadaama uu dhinac isaga riixay dalabkii Faroole ee ahaa inuu Ra’iisul Wasaaraha siiyo qof kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Si kastaba waxaa weli socda dadaal ay saraakiisha Puntland kaga dhaadhicinayaan madaxweynaha iuu halkaas booqdo, blase la arki doonee, waxaana macquul ah inuu maanta booqdo Garowe.

Dhinaca kale socdaalkii madaxweynaha ee Baydhaba iyo saraakiisha Ethiopia ee uu halkaas kula kulmay, ayaan xog ku helnay inuu ku wargelinayay cidda uu ra’iisul wasaare u magacaabi doono.

Waxaan xog ku heynaa in beesha caalamka ay u sheegtay Madaxweynaha inuu Ethiopia ku wargeliyo arrintaas, maadaama ay saameyn weyn ku leedahay siyaasadda gobolka.

Ma jirto cid ay Ethiopia si gaar ah u dalbatay in ra’iisul wasaare laga dhigo, hase yeeshee waxa ay ka wel welsaneyd in lasoo magacaabo qof ayada ay dhib kala kulmi karto ayada oo si gaar ah u sheegtay inaysan dooneyn qof kasoo jeeda beesha Ogaadeen iyo qof raad ku leh kooxo diimeedyo.

Labadaas qodobba, waxaa la sheegay in madaxweynuhu ku qanciyay Ethiopia inuusan ku dhaqaaqi dooni, ayaduna ay aqbashay.