27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Wada-hadalada Addis-Ababa: Jubaland oo aqbashay KMG iyo qodobo kale

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ka socda maalinkii lixaad wadahadalkii u dhaxeeyay Jubaland iyo DF Somalia, waxana ergo labada dhinac ka socda maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyeen shir la isku qabtay qodobo badan.

Wada hadallada ayaa marar badan burbur iyo fashil ku dhowaaday shirka, iyadoona ay soo dhexgalayeen beesha caalamka sida EU, IGAD iyo Dowladda Ethiopia oo martigelineysa wadahadalkan.

Si kastaba waxaa hadda soo baxaya xog cusub oo ay Caasimada Online heshay, taasi oo ku saabsan in DF ay gool weyn ka dhalisay Jubaland, islamarkaana ay ogoleysiisay qaar ka mid ah qodobadii ugu dhibka badnaa.

Sida ilo xog ogaal ah ay inoo sheegeen waxa ay Jubaland aqbashay in maamulkeeda noqdo mid KMG ah, islamarkaana shirka midkan xiga lagu qabto magaalada Muqdisho.

Saddexda gobol ee Jubooyinka iyo Gedo ayaa kala yeelanaya saddex gudoomiye iyo hogaan sare oo mideeya. Warar ayaa sheegaya in magaca ninka hogaaminaya saddexda guddoomiye gobol uu noqon doono Governor-ka guud.

Magaca Jublanad ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan in lagu beddeli maamulka KMG ah ee Jubba.

Kadib maalmo ay tanaasul badan sameyneysa DF, ayaa hadda waxa ay u muuqataa in Jubaland ay dhankeed qodobo badan ka tanaasushay.

Waxaa wararku sheegayaan in galabta lagu saxiixi lahaa Addis qodobo labada dhinaci ku heshiiyeen, inkastoo markii danbe qaabka loo qoray lagu heshiin waayay oo dib u dhigtay saxiixa heshiiska Jubaland iyo DF.

Sidoo kale waxa la isku qabtay cid maamuleysa Dekedda iyo Garoonka magaalada Kismayo oo la sheegay in guddi loo saarao kaasi oo argadu ku kala fikir duwanaatay cida soo magacaabaysa

Shirka weli waa socdaa wixii kusoo korhdhana kala soo Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

DAAWO VIDEO: Caqli Xumada Carabta heerkaan ayeey gaartay (YAAB)

Caasimada Online:  Caalamka maanta wadan walba si ayuu u arkaa horumarka casriga ah in uu la jaan qaadi karo waxaa jiroa wadamo badan oo caalamka ku yaalo oo qabta tartano kala duwan oo abaal marino caalami ah lagu helo balse ma’ahan tartanadaasi kuwa ay sameynayaan Carabta.

Tartan Cajiib ah oo sababay dhimashada dad badan iyo dhaawac ayaa ka dhacay meel lagu qabanayay Tartan caqli xumo ah oo aad u jeedo in uu yahay mid haligaya naftooda kuwa ka qeyb galaya tartanka iyo kuwa daawanayaba ee daawo tartankaani.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

 

Dhageyso: Wafdi ka socday DF oo ka bad baday shil diyaaradeed

Muqdisho (Caasimada online) Guddoomiyaha cusub ee dhawaan dowlada Soomaaliya u magacowday Gobolka Galgaduud Wafdi heer sare ah uu hogaaminayo, ayaa maanta ka degtay Degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud,halkaasi oo0 si weyn loogu soo dhaweeyay.

Inkastoo Wafdiga ay si nabadah ku gaareen Guriceel hadana waxay ka bad baadeen Shil halis ah Kadib markii ay la qalibantay Diyaaradii ay saarnaayeen wafdiga taas oo ay ku adkaatay inay si hagaagsan ku dagato markii ay gaartay Garoonka Guriceel.

Diyaawarada waxaa la sheegayinay lugi ka qaraxday taas oo cabsi kusoo abuurtay wafdiga waxaana C/risaaq Qaliif Cilmi oo qeyb ka ahaa xubnihii la socday Gudoomiyaha uu sheegayn Shilkaas uu ka shashay Dhaawaca wiil dhalinyaro ah oo qeyb ka ahaa rakaabkii Diyaarada hayeeshee wax saas loo sii buun buniya aysan jirin sida uu sheegay.

Halkaan ka dhageyso WAFDIGII badbaaday Maanta

Xuseen Cali WehliyeCirfo, iyo Wafdigiisa, ayaa si wanaagsan waxaa loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Waxaana soo dhaweyntaas qeyb ka ahaa xumbo ka tirsan ururka ahlu sunna iyo dowlada Soomaaliya iyadoona amniga goobta soo dhaweyntaasi ay ka dhacday ay adkeynayeen ciidamada amniga ee ururla ahlu sunna.

Markii uu gaaray Degmada Guriceel ee gobolka Galgadiid , ayuu halkaasi kula hadlay guud ahaan dadkii soo dhaweeyay iyadoo garbihiia  ay ka muuqanayeen mas’uuliyiin ahlu sunna ka tirsan oo dhankooda soo dhaweynta qeyb ka ahaa .

Arintan ayaa waxay timid xilli dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan ururkaas oo uu ka mid yahay Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ay sheegeen inay maamulkaas kala hortagaan dagaal hadii uu isku dayoinuu ka howl galo gobolka.

Waxay arintaasi u sababeeyeen inaysan ka war haeyn isla markaana dowlada aysan kala tashan magacaabis tiisa inta badan gobolkana ay iyaga maamulaan sidaasi darteedna aysn ogolaan karin in gobolka loo dhiibo shaqsi ay sheegen iansyan ka war heyn.

Si kasto ha ahaayee waxaa muuanayaa in mawqifkoodii ay waxiska badaleen mar hadii  ay soo dhaweeni dhacday inkastoo aan si rasmi ah loo ogeen waxa arintan keenay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: Madaxda DF oo gobollo ka mid ah dalka laga mamnuucay

Dhuuso-Mareeb (Caasimada Online) – Masuuliyiinta Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa kulan wada tashi ah oo ka yeesheen Maamulka dowlada federaalka ay u soo magacaabeen gobolada ay ka arimiyaan ka warbixiyay Maanta.

Saxaafada gobolka ayaa banaan joog ka aheyd kulankaas oo soconayay mudo 5 maalin ah, iyadoo uu faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ka soo baxay madaxa garsoorka Culimaa u diinta Ahlusuna Sheekh Siciid Sheekh Muxumad.

Sida uu sheegay Sheekh Siciid Shekh Muxumad, maanta ayaa la filayaa in ay yimadaan gudoomiya yaasha talada iyo fulinta iyagoo digniin ugu diray in aanay soo raaci karin cid ka socota dowlada dhexe ee Soomaaliya, oo sida uu sheegay laga mamnuucay halkaas, maadaama uu shirkoodu yahay mid u dhexeeya madaxda Culimada Ahlusuna.

Culimada Ahlusuna Waljamaaca ayaa horay u sheegay in aysan soo dhaweyneyn nin aan ka mid aheyn gobolka oo ay dowlada federaalka u soo magacowdo gudoomiyaha gobolka Galgaduud, iyadoona lagu wado in dhowaan uu gudoomiyaha dowladu u magacawday uu soo gaaro gobolka taasina ay tahay tan guuxa ka soo yeersiisay masuuliyiinta iyo madaxda Ahlusuna waljamaaca.

Idaaacadda SBC ee ayaa ka diyaariyay warbixin faah faahsan Dhageyso

cubayd-1

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warar cusub oo ka soo kordhay wada-hadallada Addis Ababa iyo DF oo soo bandhigtay qodobo cusub oo yaab leh

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa maalintii afaraad ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia shirka dowladda Soomaaliya iyo mid ka mid ah garabyada isku haya magaalada Kismaayo kaasoo ah Axmed Maxamed Islaam.

Shirkan sida qorshaha uu ahaa waxaa lagu waday in uu soo dhammaado shaley, balse waxaa markii ugu dambeeyay oo heshiiska la kala saxiixi lahaa kala booday dhinacyada ku shiraya Addis Ababa.

Taasi waxa ay keentay in dib loo dhiigo heshiiska labada dhinac, waxaana sii socda kulamo kale oo looga hadlaayo wax yaabaha soo kordhay.

Maxaa soo kordhay?

Wax yaabaha soo kordhay waxaa ka mid ah in ergada dowladda ay ku dhawaaqeen in ay ka laabteen qaar kamid ah qoddobada lagu heshiiyay kaddib markii eedeen uga timid dhinaca Muqdisho iyo dowladda Soomaliya.

Qoddobada la isku hayo waxaa ka mid ah madaxweyanaha maamulka Jubbland iyo magaca maamulkaas, waxaa dib u dhaca shirka aad uga niyad jabay wakiilo ka socda IGAD, QM, Midowga Yurub iyo diblumaasiyiin kale oo shirka goobjoog ka ah.

Dowladda oo qoddobo ku dhaggan, Maxay yihiin?

Dowladda waxa ay soo jeedisay in gabi ahaan la badelo maamulka Jubbaland, maadama maamulkaas aan lagu mideysneyn, waxaana ay soo jeediyeen in lagu bedalo magacyada Juba region ama Juba Interim Administration oo ah (Maamul Ku-meel gaar ah), halka Axmed Madoobe iyo xulafadiisa ay ku dhaggan yihiin Jubaland State.

Markii ay soo baxeen wararka ku saabsan in lagu kala booday shirka, waxaa kulan degdeg ah yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia, iyo ergada ka socota dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.

Kulankaas waxaa dhinaca dowladda uga qaybgalay Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya London Cabdulaahi Sambaloolshe, halka dhinaca Axmed Madoobe ay u joogeen kulankan gaarka ah, Axmed Maxamed Islaam iyo ku-xigeenkiisa Gen: Cabdulaahi Ismaacil Fartaag.

Si kastaba, waxa ay arrintan keentay in IGAD iyo beesa caalamka ay faragalin ku sameeyaan labada dhinac si loo soo afjaro is-marin waaga soo cusboonaaday.

Wixii ku soo kordha Warkan kala soco Shabakada Caasimada Online, oo ah warbaahinta ugu horeysa ee helidda xogta wada-hadallada

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

[email protected]

DHAGEYSO: Jubaland oo maamul loo dhan yahay ku xirtay Muqdisho

Kismaayo (Caasimada Online) – Dooda ugu weyn ee dowladda Somalia ay ku diiday Jubaland, ayaa ahayd in maamulkaasi aysan u dhameyn dhammaan beelaha dega gobollada Jubooyinka.

Ayada oo hadda ay Addis-Ababa ka socdaan wada hadallo arrintaas xal loogu raadinayo, ayaa Jubaland waxa ay markii ugu horeysay ay qiratay in maamulkaas uu yahay mid aan loo dhameyn.

Wareysi uu aad ugu carrooday oo uu siiyey idaacad ku taalla magaaada Muqdisho, ayaa ku simaha madaxweynaha Jubaland Macallin Ibraahim Maxmuud, waxa uu si cad ugu sheegay in Jubaland ay tahay mid aan loo dhameyn.

Waxa uu sheegay in haddii Dowladda Somalia ay dooneyso in Jubaland ay noqoto mid ay ku dhan yihiin dhammaan beelaha Soomaaliyeed, marka hore ay taasi kasoo billowdo magaalada Muqdisho.

“Kismaayo waxa ay la mid tahay Muqdisho, haddii Dowladda ay dooneyso in Jubaland ay noqoto mid loo dhan yahay, ha kasoo billowdo Muqdisho marka hore, waan ognahay in maamulka Muqdisho lagu koobay beesha madaxweynaha” ayuu yiri Macalin Maxamed.

Waxa uu sidoo kale ku gacan seeray dalabyada ah in Dowladda Somalia lagu areejiyo gacan ku heynta garoonka iyo dekedda magaalada Kismaayo.

“Haddii dekedda iyo garoonka ay Dowladda naga wareejiso, yey ku wareejineysaa, innagu miyeynan ahayn Somalia, oo dalka xaq ku leh” ayuu yiri.

Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhan

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Daawo Video: Maxaa ka jira in gobolka Gedo laga reebayo JUBBALAND?

Kismaayo (Caasimada Online) – Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa soo baxayey warar sheegaya in gobolka Gedo, laga reebayo maamulka Jubaland, oo sida qorshuhu ahaa ka kooban 3 gobol, oo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Haddaba beesha Sade oo ka mid ah beelaha dega gobolka Gedo, ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kullan ku saabsan sida mustaqbalka gobolka Gedo uu noqon doono.

Waxa ay sidoo kale kullankaas ay warbaahinta ku siiyeen jawaabo ku saabsan in Gobolka Gedo uu ka go’ayo Jubaland inteeda kale.

Haddaba Halkan ka daawo kullankaasi oo uu baahiyey TV-ga Somali Channel.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

DHAGEYSO: Dal u ballan qaaday DF 300 oo milyan oo dollar sanad kasta

Lund (Caasimada Online) – Waxaa shalay Galab Magaalada  Lund ee dalka Sweden lagu soo gabagabeeyay  shirkii sanadlaha ahaa ee 12aad ee aqoonyahanka  Dalalka goboilka Geeska Afrika.

Gebagabadii shirka ayaa wasaaradda arimaha dibadda ee Sweden waxey kaga dhawaaqday in 300 oo malyuun ay sanad walba ugu deeqi doonto jamhuuriyadda Somalia.

Shirkan oo sanadkan looga hadlayay  Kheyraadka, Khilaafaadka iyo Nabadda Gobolka ayaa waxaan VOAda uga waramay  C/laahi Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha Shirkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Minneapolis

[email protected]

Ciidamada DF oo iska dilay taliye sare

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa xaley magaalada Muqdisho ku geeriyooday taliyihii guudata labaad ee ciidamada millitariga Soomaaliya Cali Guure Afdhuub.

Taliyaha oo ku dhintay Isbitaalka Xallane ee AMISOM, ayaa dhawaan ku dhaawacmay xabado ay ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo u tiilay Isbaaro.

Ma jirto cid loo soo qabtay dhaawaca taliyaha, waxaana la sheegayaa in arrintaas ay keentay cabsi iyo in shaqooyinka ay ka dhuuntaan saraakiisha ciidamada.

Ma ahan markii ugu horreysay oo sarkaal sare oo ka tirsan dowladda uu u dhinto dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen ciidamada dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horaantii sannadkan amray in dhammaan Isbaarooyika yaalla magaalada Muqidsho  iyo qaar ka mid ah la qaado balse waxaa weli jirra kuwa weli yaalla oo halkaas looga qaado lacago baad ah

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

MUQDISHO oo aad looga sheekenayo arrin yaab & naxdin leh oo ka dhacday

Muqdisho (Casimada online) Degmada C/casiis eee gobolka banaadir Sida wararku ay shegeeyaan waxaa ka dhacday arin aad u naxdin iyo xanuun badan kadib markii Hooyo Soomaayeed ay goweracday canug ay iyadu dhashay.

Hooyadan aya sida la tuhun san yahay ah mid madaxa looga jiro waxaana dadka deeganku ay warbahinta u sheegeen inay gowrac kala tilaabstay gabar yar oo ay iyadu dhashay taasi oo noqonto mid amakaak ku abuurtay dadka shacabka ah .

Shlay ayaa si  rasmi ah loo ogaaday dhacdadan inkasto dadka deeganku ay shegayaan in mudo  seddex maalin ka hor ah inay gowracday gabadha yar, waxaana ay sheegeen inay ku ogaadeen kadib markii ay dareemeen qurun dhanka guriga haweeneydaas ka yimid.

Dadka deeganka ayaa sheegay inay haweeneydaas u sheegtay ama sabab ay uga dhigtay in gabadhaas markii hore  uu madax xanuunay si ay u daweysana ay u gowracday , taasi oo dadka fajac kusii abuurtay .

Halkaan ka Dhageyso Dhacdada sida ay u dhacday

Ciidamada degmada cabdi casiis ayaa gaaray goobta waxaana ay kasoo badbaadiyeen ilmo kale oo ay dhashay si aaneyn mar kale arintan oo kale u sameyn , waxaana xaalka hooyadaas iyo  ilmaha ay dhashay la wareegay ciidamada amaanka degmadaas.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Warbixin: 116 qof oo Somali ah oo ka bad baaday arrin halis ahayd

Roma (Caasimada Online) Sida ay qortay Maanta oo Sabti ah, wakaalada wararka AFP, ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa badbaadiyay in ka badan 200 oo tahriibayaal Soomaali u badan ah, kuwaasoo saarnaa doonyo baco ka sameysan.

AFP ayaa ku warrantay in 116 ka mid ah tahriibayaasha in laga soo badiyay meel u dhow Jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Sidoo kale, waxaa jira 100 kale oo iyana ay soo badbaadisay hey’adda Midowga Yurub u qaabisan maamulka xudduudaha Yurub, waxaanay ku wareejiyeen ciidamada ilaalada dekedda Sicilly.

Dadkan ayaa la sheegay in toddobaadkan tageen dalka Talyaaniga markii ay doomo ka raaceen dlaka Libya ee waqooyiga Afrika.

Sida ay lee dahay Hey’adda Qarmada Midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga UNHCR waxaa dadka aadaya Talyaaniga ay ka soo cararaan dhibaatada nolal xumo iyo dhaqaale la’aan ee ka jirta dalkooda waxay ka soo galeen Talyaaniga dalka Libya.

Dalka Libya, wuxuu 300 kilo mitir u jiraa jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga oo ah meel ay soo maraan tahriibayaasha doonaya in ay galaan Yurub.

Talyaaniga ayaa sheegtay in 24,277 oo tahriibayaal ah ay Talyaaniga soo gaareen muddo 12 bil ah gudaheed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Roma

[email protected]

DF oo go’aano kasoo saartay Duulista hawada Somalia

Muqdisho (Caasimada online) Wasaarada Duulimaadka hawada Soomaaliya ayaa maanta kulan ay la qaadatay Mas’uuliyiinta shirkadaha duulimaadka hawada Soomaaliya waxaaka soo baxay go’aano wax ku ool ah oo quseeya duulista hhawada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Boostada , Isgaariisnta iyo Gaadiidka ee xuuumada Soomaaliya Cabdulaahi Ciil Mooge Xirsi, ayaa shirkadaha uga warbixiyay guulihii is daba jooga ahaa ee wasaaradiisu ay gaartay iyo waliba Soocelinta (Somali AirSPace)  iyadoona kulankooda wax yaabihii la isku soo hadal qaadayna ay qeyb ka ahaayeen xayiyaraadii caalamiga aheyd ee laga qaaday garoonka diyaaradaha aadan cadde , waxaana uu sheegay in taasi ay keentay dadajinta tayada garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

                   Qodobadii kasoo kasoo baxay shirka ayaa ahaa sidan:

1- In Dhamaan shirkadaha diyaaraduhu ay wasaaradda keenaan muddo 7aad ah sharciga, ruqsadaha diyaaradaha iyo shahaadooyinka shaqaalaha la shaqeeya(Crew)ga si loo hubiyo inay yihiin dad aan danbi lahayn una qalma shaqada ay hayaan.

2- In luuqadda Soomaaliga ahi noqoto midda ugu mudan ee lagula hadlo rakaabka saaran diyaaradaha ka shaqeeya dalka Soomaaliya.

3- In shirkadaha diyaaraduhu ay ilaaliyaan waqtiyada bixitaanka iyo imaatanka rakaabkana ay siiyaan waqti sax ah oo ay ku xisaabtamaan.

4- In shirkadaha diyaaradahu aysan ku shaqaynsan diyaarad aan lahayn adeegyada Marawaxadaha, Musqulaha iyo inaan diyaaradaha la saari karin rakaab dheeri ah iyo culeys ka badan midka loogu tala galay.

Dowlada Soomaaliya , ayaa muujinaysan inay daneyneyso isla-markaana ay xooga saareyso la socodka iyo ka warqabka hawada Soomaaliya.

Dhawaan diyaaarad sida Madaxweynaha Soomaaliya aya cilad ay soo wajahday taas oo sababtay inay dib u dhac uu ku yimaad kulan uu ku aadi rabay Suudaanta Koonfureed inkastoo markii dambe laga badalay osl-markaana uu halkiisii kasi watay sarafkaas.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wada-Hadalada Addis-Ababa: DF oo ku adkeysatay GUDDOOMIYE iyo KMG iyo Guuleed oo cayaarta wax ka beddelay

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wada hadalladii dowladda Somalia iyo Axmed Madoobe ee ka socda magaalada Addis-Ababa, ayaa mar kale jiho qaldan u weecday, kadib markii dowladda Somalia ay ku adkeysatay dhowr  qodob oo ay sheegtay inaysan marnaba ka tanaasueyn.

Inkasta oo qodobada ay yihiin illaa afar, haddana waxaa ugu weyn laba qodob.

Ergada DF Somalia, ayaa soo jeedisay in maamul KMG labo sanno ah loo aqoonsado Jubaland, halka Axmed Madoobe uu noqonayo Gudoomiye, oo aanu ahayn madaxweyne, waxana si wayn uga biyo diiday arinta Gudoomiyaha ergadii Jubaland oo sheegay in dastuurkooda iyo kan Federaalka Somalia ay ka hor imaneyso.

Waxaa la rumeysan yahay in ku biiritaanka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee wada hadallada ee shalay ay wax weyn beddeleen, ayada oo markii hore magaalada Muqdisho ay ka jirtay cabsi ah in Faarax Cabdulqadir uu sameynayey tanaasul fara-badan, taasi ay keyntay in la diro Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Qaar ka mid dadka ka qeyb galay kullanka ayaa sheegay in madaxweyne ama guddoomiye tii loogu yeeraba Axmed Madoobe aysan macno sameyneyn, oo taasi xal laga gaari karo, hase yeeshee qodob-ka KMG ah uu yahay midka hadda doodda ay ka taagan tahay.

”Madaxweyne iyo maamul wax ka yar yeeli mayno inaan qaadano” ayaa waxaa yiri sarkaal ka tirsan ergada Jubaland oo shirka isagoo ku jira la hadlay Caasimada Online.

“Waxa weli socda qorshihii Villa Somalia ee ahaa in maamul KMG sanad ilaa laba sanno loo soo magacaabo kaasi oo Muqdisho looga arimiyo” ayuu ku andacooday sarkaal ka tirsan ergada Jubaland.

Wada hadallada ayaa laga cabsi qabaa inay qodobka KMG ah dartiis u bur buraan, sida ay sheegeen xubno ku dhow shirka, waxaana galabta si aad ah dadaallo u waday xubno ka socda, IGAD, EU, QM iyo AU si loo bad baadiyo wada-hadallada.

Sida qorshaha uu ahaa shirka maanta ayaa la soo afjari lahaa, balse waxaa soo baxay qoddobadan cusub ee la isku maandhaafsiisan yahay, kuwaasi oo markii hore u muuqday in waftiga DF ay ka tanaasulayaan.

Waxaa jirra warar sheegaya in wafdiga dowladda ay dhaliilo kala kumeen madaxda dowladda, waxaana jiray xiriiro badan oo ka imaanayay dhinaca Muqdisho kuwaasoo loo sheegayay wafdiga dowladda ee u matalaya shirka.

Wararka ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegaya in madaxda dowladda sida Raysal wasaaraha ay ku wargaliyeen ergada dowladda u joogta shirka Addis Ababa in ay wax badan ku ciyaareen isla markaana ay ka baxeen wax yaabo lagula dar-daarmay markii ay ka ambabaxayeen Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha ayaa wuxuu dalbanayaa in marka laga reebo Axmed Madoobe inta kale ee maamulka Jubbooyinka iyo Gedo ay soo dhisto xukuumada uu hoggaamiyo.

Maxay yihiin qoddobada kale ee la isku mari la’yahay?

In kastoo qoddobada inta badan la isku afgartay haddana waxaa jirra qoddobo ilaa hadda aan xal loo helin, waxaana ka mid ah:

1-In Cabdulaahi Ismaacil Fartaag oo ah ku-xigeenka Axmed Madoobe lagu bedelo nin lagu magacaabo  Cabdi Shire oo adeer uu yahay Barre Hiiraale oo ka mid ah garabyada isku haya magaalada Kismaayo kuwana dhawaaqay madaxweynaha Jubbland.

2-Cida maamuleysa dekedda iyo garoonka Kismaayo, in kastoo markii hore la sheegay in qoddobkan la isku raacay balse gadaal laga keenay muran.

3-Magaca loo bixinaayo Maamulka Jubbooyinka iyo Gedo iyo Maamulka Jubbland uu sii shaqeeyo muddo kumeel gaar ah.

4 – In Axmed Madoobe lagu magacaabo Guddoomiye ama Governor, oo aan loogu yeerin madaxweyne.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya muddo 20-cisho laga joogo xilligaas oo madaxda dowladaha ciidamadooda ay ka joogaan Soomaaliya ay ku shireen magaalada Kampala ee xarunta Uganda, waxaana shirkaas lagu dhawaaqay in dowladda lagu wareejiyo maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo.

FG: Caasimada Online waxa ay mar walba idiin soo gudbineysaa hadba heerka ay marayaan wada hadallada, waxaana macquul inaad aragtaan warar kala duwan, waxaana ugu wacan is-bed-beddelada ay sameynayaan ergooyinka shirka.  Ha ka fogaan Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]