28.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Somaliland oo ka hadashay aqoosiga Maraykanka uu siiyay Somalia

Dubai (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay aqoonsiga dowladda Maraykanka ay siisay dowladda cusub ee Soomaaliya.

Wasiir arrimaha dibedda Somaliland  Maxamed Cabdulaahi Cumar oo la hadlaayay BBC-da ayaa sheegay in aqoosiga la siiyay Dowladda Soomaaliya uusan wax ka badali doonin mowqifkooda ku aadan gooni isku taaga iyo ictiraaf raadinta in ay noqdaan dal madax-banaan.

Wuxuu kaloo sheegay in Somaliland aysan ka laaban doonin qorshaha ay ku dooneyso in ay ku noqoto dal madaxbanaan oo ka go’ay Soomaaliya.

“Aqoonsiga uu Maraykanka siiyay dowladda Soomaaliya waxbo nagama badaleyso go’aankeena ah in aan noqono dal madaxbanaan, waa mowqifka dadka reer Somaliland oo sidaas ku gaaray go’aan “ ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland.

Mar la waydiiyay sida ay u arkaan hadal ay sheegtay xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Hillary Clinton oo ah in dowladda Maraykanka wixii hadda ka dambeeya ay Soomaaliya ula dhaqmi doonto sida dal madaxbanaan isla markaana aysan jiri doonin siyaasadii ahayd Dual Track Policy oo ah in dowladda Soomaaliya iyo maamulada jira lagula dhaqmo labo siyaasadood?

Wuxuu ku jubaabay “ Siyaasadaas waxa ay ahayd Qaacido ama Formala ah siddii kaalmada loogu qaybin lahaa Somaliland iyo Soomaaliya, ee caalamka uu aqoonsan yahay dowladda Somaliland”

Wuxuu kaloo sheegay in dowladda Denmark ay dhaqaale si gooni ah u siiyay maamulka Somaliland sida uu hadalka u dhigay. 

Wuxuu kaloo sheegay in aysan ka xumayn aqoonsiga la siiyay dowladda Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in arrintaas ay gacan ka geesan doonto siddii loo yareen lahaa khataraha Somaliland uga immaanaya dalka Soomaaliya.

Si kastaba, maamulka la baxay Somaliland ayaa sannadkii 1991-dii waxa uu ku dhawaaqay iskiis gooni isku taag in uu Soomaaliya inteeda kale, wuxuuna tan iyo xilligaas u raadinaayay aqoonsi caalami ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Dubai

Wafdi ka socda Ciraaq oo maanta Muqdisho yimid

Muqidsho (Caasimada Online) Waxa maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho booqasho ku yimid wafdi ka socda dalka Ciraaq.

Wafdiga waxa hoggaaminaya aggaasime guud ee wasaarada howlaha guud iyo dib u-dhiska dowladda Ciraaq Faadil Maxamed.

Wafdiga ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku sugaayeen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Markii wafdiga diyaaradda ay ka soo deggeen ayaa waxaa saxafadda la hadlay Mr. Fadiil aggaasimaga guud ee dib u-dhiga dowladda Ciraaq, kaasoo sheegay in wafdiga uu hordhac u yahay wafdi heer wasiiro ah oo dhawaan immaan doona Muqdisho.

Wuxu kaloo sheegay in wafdigaas marka uu yimido ay heshiis dhowr dhinac ka kooban ay kala saxiixan doonaan dowladda Soomaaliya.

Fadiil ayaa sidoo kale tilmaamay in labada waddan ay soo ceshan doonaan xiriirkii ka dhexeeyay kaasoo burburay markii meesha ay ka baxday dowladii dhexe sannadkii 1991-dii.

Intaas kaddib waxa isna saxaafadda la hadlay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamuud Xersi Cabdulle oo sheegay imaatinka wafdigan ay muujineyso sida ay dowladda Ciraaq uga go’antahay siddii wax ugu qaban lahaayeen walalahood Soomaaliya iyagoo hadda lee dhibaato ka soo baxay.

Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxaa ku soo qulqulaya wafuud caalami ah oo ka socda waddamda caalamka kuwaasoo raba in ay calaaqaad la sameestaan dowladda Soomaaliya oo ah dowlad rasmi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Daawo Video-gan: Yaabkan oo kale weligaa ma aragtay?

0

Muuqaalka Comic ayaa ka yaabsaday Caalamka kadib markii la arkay gaari kaligii wada oo wax kasta sameyn karo ayadoo arintaasi ka yaabisay Kumanaan Dadweyne ee arkay.

Aqristoow Muuqaalkaan marka aa daawato waxaad arkeysaa in Aduunka uu gaaray Horumar dhan walba ah taas oo ah in wax kasta oo lagu fakaro la dhaqan gelin karo.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

 

Daawo Video iyo Sawirro: Khudbaddii Madaxweyne Xasan ee Washington.

0

Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mahamuud ayaa  Booqday Xarunta CSIS (Center For Strategics and International Studies, ee magaalada Washington ee xarunta Mareykanka,   halkaasi oo uu khudbad ka jeediyay, islamarkaana Su’aalo lagu weydiiyay Madaxweynaha:

Hadaba Aqristoow Daawo Video iyo Sawirada laga qaaday Khudbadii Madaxweynaha ee Xarunta CSIS ee uu Booqday iyo su’aalaha:




Weli Ma Booqatay Webkaan Cajiibka:

0

Waa Web Cajiib ah oo ka faalooda Ciyaaraha Caalamka waa web Bulshada ay ka heli karaan Ciyaaraha.

Wariya kale oo lagu dilay Muqdisho

Wariye Cabdixareed Cismaan Aadan,oo ka mid ah shaqaalahaa Idaacada Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa saaka kooxo hubaysan waxay ku dhaawaceen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sida wararka ay sheegayaan kooxo bastoolado wata ayaa weerarka u geystay wariyaha isaga oo ku sugnaa meel aan sidaa kaga fogeyn hoyga uu ka degen yahay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dhaawaca markii wariya loo geystay waxaa la sheegay inay u gurmadeen ciidamo ka tirsan dowlada oo ku sugnaa meel ka fogeyn halka lagu dhaawacay wariyaha, kuwaasi oo usoo qaaday isbitaalka Madiina.

Rasaasta ayaa la shegay in wariyaha ay ka haleeshay qoorta,xabadka iyo qeybaha hoose ee jirkiisa sida ay baahisay Idaacada Shabelle.

Alle ha unaxariistee wariyaha ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray,sida uu xaqiijiyay wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo Shabelle ka tirsan.

Inaa lilaah wa inaa Ileyhi raajicuun

Madaxweyne Hassan: “Aqoonsiga Mareykanka ee Somalia Waa Mid Sahlaya Arimo Badan” Dhageeyso

0

Madaxweynaha Somalia Hassan Sheekh Mahamud oo ka hadlay Aqoonsiga Dowladiisa ay siineyso Dowlada Mareykanka Maanta ayaa waxuu sharxayaa in Dowladiisa ay kala xaajootay Dowlada Mareykanka sida loo aqoonsan la haa Dowlada Somalia taasina waxuu sheegay in ay hirgashay.

Madaxweyne Hassan waxuu Wareeysigaan uu siiyay Idaacada VOA ku sheegay in dib loo furaya Safaarada Somalia ay ku lee dahay Wadanka Mareykanka Iyo tan Dowlada Mareykanka ay ku lee yahay Wadanka Somalia ayadana dib loo furo waxuuna hadalkiisa raaciyay in dib ay u howl geli doonaan Safaaradaha Dhawaan.

Wareeysiga Madaxweynaha waxuu kaga hadlay Arimo badan oo xasaasi ah oo ay Dowladiisa qabatay oo 4 Bilood ay jirtay wax badana ay u hirgeleyn wax badana weli uma qabsoon sida uu hadalka ku sheegaya.

HALKANA RIIX OO KA DHAGEEYSO WAREEYSIGA MADAXWEYNAHA:

 

Golaha wasiirada oo ka shiray xariga Wariye Koronto iyo arimo kale

Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin dhacdadii lagu laayay dadka rayidka ah ee ka dhacday Tuulada Buulo Yaasiin oo ku dhow degaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose, iyo Xariga Weriye C/casiis C/nuur Koronto oo warbixin aan sax aheyn faafiyay isla markaana ku xiran Xarunta CID-da.

Golaha Wasiiradda ayaa ugu horeyntii waxay ka doodeen dhacdadii 15-ka bishan ka dhacday Tuulada Buulo-yaasiin ee ay ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM ku toogteen dad rayid ah oo tiradoodu gaareyso 7 ruux oo 5 ka mid ahi ay ahayeen caruur, halka labada kalena ay ahaayeen Dad Waayeel ah. Waxaana ku dhaawacmay 7 ruux oo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo gabgabadii kulanka kadib, Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiiradu ay go’aanno ka soo saareen dhacdadii lagu laayay dadka rayidka ah, waxayna kala yihiin qodobadaasi.

In Dowladda Soomaaliyeed ay aad uga xuntahay falkaas, isla markaasna aysan u dul qaadaneynin in la laayo dadka Rayid ah oo aan waxba galabsan

In Dowladda Soomaaliyeed ay ka dalbaneyso Ciidamada AMISOM caddeymo buuxa iyo garoweshiyo falkii 15-ka bishan ka dhacay Tuulada Buulo-Yaasiin.

In Dowlada Soomaaliyeed ay u saartay Guddi soo xaqiijiya dhacdadaasi iyo sida ay ku timid dhimashada, dibna Golaha Wasiirada ugu soo celiyaan warbixin.

Dowladdu waxay Tacsi u direysaa iyada oo la murugeysan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, kuwa dhaawacmayna in Alle bogsiiyo

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay xariga weriye C/casiis Koronto iyo dad kale oo lagu soo eedeeyaya inay wabrixin been abuur ah oo ku saabsan Kufsi loo geystay gabar Soomaaliyeed ay u gudbiyeen warbaahinta caalamka

Wasiirka ayaa sheegay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in eedeynta la xariirta Kufsi ay ciidamada Boolisku ka geysteen xero ku taala magaalada Muqdisho, taasoo laga sii daayay TV-ga Aljazeera ay tahay mid been abuur ah, isla markaana ay gacanta ku hayaan Weriyihii iyo dadkii kale ee kala qeyb qaatay sharcigana la horgeyn doono.

“Golaha Wasiiradu waxay Cambaareeyeen falalka lidiga ku ah kufsiga haweenka iyo tacadiyada kale ee dumarka, waxayna adkeysay ciqaabta uu mudan karo shaqsiga ay ku cadaato falalkaasi kufsiga iyo dhibaateynta ah” ayuu yiri wasiirka oo xusay in maalmihii ugu dambeeyey ay sharciga waafajiyeen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu eedeeyey inay galeen falal Kufsi ah.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale meel mariyay qorshe ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kaasoo la xariira dib u dejin loo sameynayo Barakacayaasha ku nool xeryaha Qaxootiyada, waxayna isla qaateen in si deg deg ah looga howlgalo arrinkaasi.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dadkani ay haatan deggan yihiin goobo aan munaasib ku aheyn degaanka kuwaasoo aan laheyn agabkii degaanka sida biyo, caafimaad iyo musqulo, wuxuuna xusay in wasaaraddu iyada oo kaashaneysa hay’addo caalami ah ay u diyaarin doonaan dadkani goobo ku wanaagsan degaanka oo leh adeeg caafimaad, biyo iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha.

Dhinaca kale, golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in 26 illaa 31-ka bishan Janaayo loo aqoonsado todobaadka Nadaafada Dalka. Wuxuuna Wasiirka Arrimaha Gudaha ugu baaqay dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka in laga sameeyo ololahan nadaafadeed waxaana hormuud ka noqon doona Masuuliyiinta Dawlada.