28.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Boolis Tababar loogu qaaday Jabuuti

Ciidamo ka tirsan booliska dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu qaaday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ,sida ay ku dhawaaqeen masuuliyiin ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamadaan maanta laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa gaaraya ku dhawaad 200 oo askari kuwaasi oo tababar dhinacyo badan ah kusoo qaadan doona dalka Jabuuti.

Shariif Sheikhunaa Maya taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay Aadan Adde Airport ayaa sheegay in dhamaan ciidamadaasi ay soo baran doonaan tababar ay ka mid yihiin sugida amaan  iyo la dagaalanka argagixisada.

Sidoo kale Maya,ayaa sheegay in ciidamadaasi tababar ay soo siin doonaan macalimiin u dhashay dalka Talyaaniga kuwaasi oo gaaraya 30 sarkaal sida uu sheegay.

Dalal badan oo taageera wadanka Soomaliya ayaa marar badan waxaa loo qaaday ciidamada booliska Soomaaliyeed si ay tababar usoo helaan,kuwaasi oo dalka dib ugu soo laabta marka tababarkooda usoo dhamaado.

Daawo Video: Maxaa kala Qabsaday Aroos Cusub & Duq Waayeel ah:

0

Muuqaalka Maanta aan idiin soo gudbineeyno waa mid marka aa daawato aad ku qosleeyso kaas oo ah Aroos cusub oo la galbinayay oo dhacdo la yaab leh la kulmay kadib markii Gaarwaaridii galbinayay uu ku dhacay duq jidka mareeysay kadib maxaa dhacay?.

Hadaba Aqristoow Daawo Video-gan waa Muuqaalada Dunida ugu yaabka badan ee aan jecleysanahay in aad nala wadaagtaan oo aad daawataan:

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

 

Haan ay ka buuxdo sun oo ku soo caarisay xeebaha G/Mudug

Barwaaqo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo deeganka Barwaaqo ee hoostaga deegannada uu maamulo maamulka Galmudug ayaa sheegay in halkaas lagu arkay haan wayn oo ay ka buuxaan sun oo ku soo caariday xeebaha gobalka Mudug.

Dadka deeganka ayaa sheegay in haanta dhowrkii bilood ee la soo dhaafay taallay deeganka Barwaaqo, laakin hadda ay ku darsantahay in ay dilaacdo oo ay aariyeesato.

Dadka deeganka ayaa sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan haanta taasoo wax yeelo u geesan karta dadka ku dhaqan deeganka Barwaaqo oo ah u badan reer Miyi.

Waxa kaloo dadka ay sheegeen in wixii xoolo ah ee  joogay laga waday si aysan wax yeelo uga soo gaarin haanta ku soo caariday deeganka Barwaaqo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo haan ay ka buuxdo Sun ku soo caarido xeebaha Soomaaliya, 21-kii sano ee la soo dhaafay ayaa xeebaha Soomaaliya waxaa ku soo caarinaayay haamo ay ka buuxaan sun.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

XOG: Madaxweyne Xasan Sheikh oo carreysan + Digniino uu bixiyay iyo xilal ka qaadis badan oo soo soocta.

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin kama dambees ah u jeediyay guddoomiyaasha 17-ka degmo ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo taliyaasha ka howlgala degmooyinkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in haddii degmo ku taalla magaalada Muqdisho lagu arko isbaaro uu xilkiisa ku wayn doono guddoomiyaha iyo taliyaha degmadaasi ka arrimiya.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ku dhawaad lix-dan isbaaro oo taallay Muqdisho dhowrkii sano ee la soo dhaafay la qaaday, laakin meelaha qaar ayaa la sheegay in lagu arkay kooxo baro kontorool lacag baad ah uga qaata dadka iyo gaadidka dadweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadda ku sugan magaalada Washington ee xarunta dalka Maraykanka ayaa sheegay haddii isbaaro lagu arko Muqdisho ay xilalka ku wayn doonaan taliyaal iyo guddoomiyaal degmo.

Arrintaas ayaa markii ay soo baxday waxa guddoomiyaasha iyo taliyaasha degmooyinka ay soo qabqabteen dhowr qof oo la sheegay in ay dhiganayeen isbaaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa oggaatay in guddoomiyaasha iyo taliyaasha degmooyinka qayb laga siin jiray lacagaha ka soo xarooda isbaarooyinka yaalla magaalada Muqdisho.

Maxaa ka jira in madaxweyna uu xilalka ka qaadi saraakiil iyo masuuliyiin dowladda ku jira?

Shabakadda Caasimada Online ayaa heshay warar sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud marka uu soo laabto uu xilalka ka qaadi doono xubno ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Tarsan, Taliyaha ciidamada Booliska Genaral Shariif Sheekhunaa Maye, Taliyaha Ciidamada Millatariga iyo Taliyaha hey’adda Nabad Sugida dowladda Soomaaliya.

Waxa kaloo la sheegay in xilka guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho la kala qaadi doono oo loo magacaabi doono labo shaqsi oo kala duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay hadda wado qorshayaal kala duwan oo ay ku dooneyso in ay ku sameeso isbadal xagga heykalka dowlad-nimo, maadama dowladda hadda jirta ay tahay dowlad rasmi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somalia oo la magacaabay

Dikreeto Madaxweyne oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa ku qoran in Cabdi Salaam Cumar loo magacaabay guddoomiyaha Bank-ga dhexe ee Somalia.

Cabdi Salaam Cumar ayaa waxa uu iminka magaalada Washington kula sugan yahay madaxweynaha Xasan Sheikh, waxaana labada nin ay halkaas kula kulmeen saraakiisha Bank Adduunka iyo ururo caalami ah.

abdisalam omarCabdi Salaam Cumar ayaa ka qalin jabiyay jaamacada Boston University ee gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka, waxaana uu shahaada PhD ku heystaa cilmiga dhaqaalaha.

Waxa uu horey u ahaa ku xigeenka sarkaalka maaliyadda/agaasimaha xafiiska miisaaniyadda ee dowladda Washington DC.

Waxa uu sanad kasta agaasimi jiray miisaaniyad dhaqaale oo ku dhow 8 bilyan oo dollar.

Bankiga Dhexe ee Somalia, ma uusan shaqeyn in k badan 22 sano, tan iyo markii ay bur burtay Dowladda Somalia, waxaana Cabdi Salaam oo heysta khibrad 30 sano oo dhinaca maamulka dhaqaale ah sugeysa howl culus oo ay ku jiro qorsheynta habka maaliyadeed ee dalka.

Mr. Cumar ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu dib u dhisi doono islamarkaana dib usoo nooleyn doono Hya’adaha Bank ee Somalia, oo uu sheegay inay saldhig u yihiin korarka dhaqaale ee dalka.

Digniin kasoo yeertay maxkamada ciidamada qalabka Sidda.

Maxkamada ciidamada qalabka sidda oo maalintii shalay xukun dil ah ku fulisay labo ka mid ah askarta ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxaa iminka ay jeediyay digniin ku wajahan seddex qeybood.

Ugu horeyn maxkamada ayaa waxay digniin u jeediyay askarta dowlada Soomaaliya ee doonaya inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah,waxaana ay sheegtay in la marsiin doono halkii ay mareen askartii shalay.

Sidoo kale gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya,wuxuu digniin u jeediyay dadka isku ekeysiinaya ciidamada dowlada Soomaaliya ee dhibaateeya dadka shacabka ah,isagoo sheegay haddii dadkaasi lasoo qabto la xukumi doono.

Liibaan Cali Yarow ,gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sidda ayaa ugu dambeyn sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay la shaqeeyaan ciidamada dowlada si amaanka loo xaqiijiyo.

Hadalka maxkamada ciidamada qalabka sidda ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay fagaaraha iskuul Baluuziya lagu toogtay labo ka mid ahaa askarta ciidamada dowlada Soomaaliya.

LIVE: Si toos u daawo madaxweyne Xasan Sheikh oo iminka ka hadlaya Washington

Akhristayaal, Caasimada Online waxa ay si toos ah idin kugu soo gudbineysaa madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, oo iminka la hadlaya xarunta Center For Strategic and International Studies (CSIS) ee magaalada Washington DC ee caasimada USA.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaas su’aalo ku weydiinaya xubno badan oo ka tirsan xaruntaas.


 

Daawo Video Qosol Badan: Soomaali qeexi la’ macnaha ereyga waddani.

0

Su’aal dad badani ka yaabisay oo la weydiiyay Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa aheyd ayaa ah mid u baahan in qof walba oo Muwaadin Soomaaliyeed ah in uu yaqaano magaca Wadani wax laga wado.

Hadaba Aqristoow Video waa mid ila qosol ah oo Dad Badani ka yaabiyay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo garan wayay Wadani waxa looga wado.

HALKAN RIIX OO DAAWO VIDEO-GA:

Su’aalahaan maka jawaabi kartaa?

Ma taqanaa Wadani? 

Adigu Ma tahay Wadani?

Maxaa Cadeyn kara in aad Wadani Tahay?

HALKAAN RIIX OO DAAWO VIDEO-GAN QOSOLKA BADAN:

 

 

DEG DEG: Taliye booliis iyo dad lagu dilay weerar ka dhacay Gaarisa

Gaarisa (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa waxaa u sheegayaa in kooxo hubeysan ay goordhow seddax qof oo uu ku jiro taliye boolis ah lagu dilay magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dadka deeganka ayaa sheegay in kooxo ku hubeysan bastoolado ay dileen taliyihiin ciidamada ammaanka magaalada Gaarisa iyo seddax qof oo kale, halka dhowr kalena ay dhaawaceen.

Xaalladda magaalada Gaarisa ayaa caawa kacsan, waxana goobta dilka uu ka dhacay soo gaaray ciidamo boolis ah kuwaasoo howgalo ballaaran ka wadda.

Waxa la sheegayaa in kooxihii dilka geestay ay baxsadeen lamana ogga halka ay qabteen sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Ma jirto illaa hadda koox sheegatay dilalka caawa ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobalka Bari.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gaarisa tan iyo sannadkii 2011-ka markaas oo dowladda Kenya ay ciidan u soo dirtay Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha kala soco Caasimada Online

Daawo Sawiro: Qaabkee ayaa loo fuliyay Dilkii Toogashada ee Maanta?

0

Labo ka mid ah ciidamada Dowlada Soomaaliya oo horay dil iyo kufsi u geystay ayaa maanta xukun dil ah lagu fuliyay kadib markii maxkamada ciidamada qalabka ee  dowlada Soomaaliy xukun ku riday.

Kormeerihii labaad ee ciidamada booliska Soomaaliyeed Jamaal Axmed  C/qaad,ayaa maanta lagu fuliyay xukun dil ah ,kadib markii maxkamada ciidamada qalabka sidda ay ku heshay dambi ahaa dil uu u geystay Maxamed Axmed Caddow.

Halkaan Hoose ka Daawo Qaabkii loo toogtay Dhalinyaradaasi.


















Fiqi oo u Dhooftay Dalka Turkiga.

Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin saraakiil ciidan ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho ,iyagoo kusii jeeda magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Safarka wafdiga uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga ayaa la sheegay in ujeedadiisa ay tahay sidii ay kaga qeyn gali lahaayeen kulan looga hadlayo xaalada dalka Soomaaliya kaasi oo ka dhacaya magaalada Ankara.

C/xakiin Xaaji Maxamuud “Fiqi”,wasiirka oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ka hor inta uusan dhoofin ayaa sheegay in Ankara masuuliyiinta uu kula soo kulmayo ay ka wada hadli doonaan dhanka amaanka.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in shirka ka dhacaya magaalada Ankara ee berito ka furmayo looga hadlay doono arimo ay ka mid yihiin taageerada dhanka amaanka ee dowlada Soomaaliya iyo arimaha amaanka gobolka.

Askar Kufsi iyo dil ka Geysatay Magaalada Muqdisho oo la toogtay

Labo ka mid ah ciidamada Dowlada Soomaaliya oo horay dil iyo kufsi u geystay ayaa maanta xukun dil ah lagu fuliyay kadib markii maxkamada ciidamada qalabka ee  dowlada Soomaaliy xukun ku riday.

Kormeerihii labaad ee ciidamada booliska Soomaaliyeed Jamaal Axmed  C/qaad,ayaa maanta lagu fuliyay xukun dil ah ,kadib markii maxkamada ciidamada qalabka sidda ay ku heshay dambi ahaa dil uu u geystay Maxamed Axmed Caddow.

Sidoo kale waxaa maanta xukun dil ah lagu fuliyay Cismaan Cali Magan,oo isna lagu eedeeyay inuu geystay gabar ku sugneyd degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Fagaaraha Iskuul Baluuziya ayaa xukunka lagu duliyay waxaana ku sugnaa saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sidda,masuuliyiin ka socotay maxkamada ciidamada qalabka sida,iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waa xukunkuu ugu horeeyay oo maxkamada ciidamada qalabka sidda ay fuliso tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu amray in la toogto askarigii kufsi u geysta haween Soomaaliyeed.