28.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Daawo Video: Jinni ka soo dhex Muuqday Kaamirada. “Subxaanallah”

0

Warbaahinta Caalamka waxaa laga siidaayay War dad badani ay la yaabeyn kaas oo ah Jini Kaamirad ka soo dhex muuqday xili uu doonayay in uu wadada guuyo waa sida Warka lagu yiri.

Hadaba Aqristoow Daawo Muuqaalkani waa wax lagu qoslo oo dad badani ay la yaabeyn markii ay arkeyn Muuqaalka Video-gaan ee laga siidaayay Tv Caalamka.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

 

QM oo ka codsatay DF fulinta arrin Soomaalida oo idil ay ku kari weyday

Nairobi (Caasimada Online) QM ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim oo ku xiran xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho, taasi oo Dowladda Somalia ay hore uga codsadeen dhammaan qeybaha Soomaalida balse ay ka diiday.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha dagaalada iyo ku xadgubka arrimaha bini’aadinimada Zainab Hawa Bangura ayaa ku baaqay in la sii daayo wariyaha oo wareestay haweeney la kufsaday.

Wariyaha ayaa wareestay haweeney ay kufusadeen ciidamo ka tirsan dowladda bishii September.

Waxa ay tiri “Ma ahan in la xiro wariyaasha baaraya ku xadgudubka arrimaha xuquuqul insaanka iyo kufsiga loo geesto haweenka ma ahan in la xiro wariyaasha baaraya dambiyadaas oo kale.

Wariyaha la xiray ayaa ka tirsanaa idaacaddaha  Radio Ergo iyo hey’addo kale oo warbaahin, waxana la xiray khamiistii la soo dhaafay kaddib markii uu wareestay haweeney dhibana ah, xittaa wareesiga lama sii deyn ayaa lagu yiri warbixinta QM/

Waxa kaloo ay tiri Mr. Bangura  “Waxan cambaareenayaa falalka la xiriira xadgudubka arrimaha xuquul qul insaanka, ma ahan in dhibanayaasha ay ku noolaadaan cabsi iyo xishood, waa in ay helaan badqab iyo cid u hiilisa.”

Ms. Bangura ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay sii deyso wariyaha iyo gabar la dhalatay haweeneyda la kufsaday.

Si kastaba xarigga wariye Cabdi Casiis Koronto ayaa waxa cambaareeyay dhammaan hey’addaha u doodda xuquuqda aadanaha iyo kuwa warbaahinta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

55 Soomaali ah oo ay ku jiraan kuwa ka shaqeeya safaarada Soomaalida oo lagu xiray Roma + Sababta

Roma (Caasimada Online) Booliiska ayaa sheegay inay magaalada Roma ee caasimada Italy ay ku xireen 55 qof oo lagu tuhmayo inay dadka Soomaalida ah ee ka imanaya waqooyiga Africa si sharci darro ah ugu gudbinayeen waqooyiga Yurub, ayaga oo sii marinaya Talyaaniga.

Tuhmanayaasha ayaa dhammaantood ah Soomaali, waxaana ku jira qof ka shaqeeya safaaradda Soomaalida ee Roma oo qabilsan dhinaca isku xirka dhaqanka iyo qof u shaqeeya barnaamijka cunnada adduunka ee WFP.

Booliiska ayaa sheegaya in dadkaasi ay wajahayaan eedeymo ah inay kaalmeynayeen muhaajirnimo sharci darro ah, been abuur documents, dhaq dhaqaaqyo maaliyadeed oo sharci darro ah iyo lacag si sharci darro ah la isugu gudbinayay.

Waxaa sidoo kale jira 23 qof oo kale oo iyana lala xiriirinayo howl galka, balse aan la qaban.

Kooxda ku shaqeysta barnaamijkan ayaa la sheegay inay ka howl galaan meelo ay ka mid yihiin dalalka Kenya, Libya iyo Italy, ayna xarrun weyn ku lee yihiin magaalada Roma.

Howl galka sida sharci darrada ah Soomaalida looga kaxeeyo Italy looguna gudbiyo dalalka waqooyi ee Yurub, ayaa lagu warramay in sanaddii uu ku kaco 33 milyan oo dollar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Roma

Beesha Sade oo ku baaqday shir ka horeeya shirka dhismaha Jubbaland

Beesha Sade ayaa waxa ay ku baaqday in dhammaan xubnaha beeshaasi ay isugu yimaadaan shirweyne wada tashi oo ka dhici doona gobolka Gedo.

Shirkaasi ayaa ujeedkiisu yahay in beesha isku aragto islamarkaana ku tashato ka hor inta aan la qaban shirka guud ee lagu dhisayo maamulka Jubbaland,  oo isna dhowaan ka dhici doona magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Haddaba waxaan idiin soo lifaaqnay baaqa shirka oo beesha ay ina soo gaar siisay, kaasi oo uu ku saxiixan yahay Suldaanka Beesha ee gobolka Jubbada Hoose Suldaan Maxamed Bashiir Yaraow.

Picture 003

Aqoon yahan Aragti ka arradan!

Waxaa la yiri: “Dadku waa labo: WANAAGSANE iyo WANAAJIYE” malaha murtidu qaybteeda hore waxay ku daaban tahay maahmaahdii kale ee ahayd: “WEYNAADAA WANAAGSANAADA!” mid kale waxay leedahay: “TIISA DARYEELA TU KALE KU DARA!” mid kale baa tibaaxda: “NINKAAD KABA KA TOLANAYSO, KABIHIISAA LA FIIRSHAA!

Qodobka Murtida hore ku jira ee ah: “WANAAJIYE” waxay si cad u tilmaamaysaa oo qayaxan: ABWAAN, INDHEERGARAD, GARAAD, AQOON YAHAN, IWM marka laga reebo midda u dambaysa, intooda kale xooggoodu waa hibo Eebbe iyo u dhalasho calool hooyo lagala soo baxo, waase jirtaa waayo aragnimo waqtiga laga qaato, ee ka dhalata dhacdooyinka iyo nolol maalmeedka.

INDHEERGARAD helitaankiisa oo adag, erayaba ku lumin maayo. Halka ABWAAN iyo GARAAD la garan karo, lana heli karo, yaanse GARAAD loo qaadan kii DHAQAN Beeleeladka la xiriiray. Eraga ABWAAN fara xumaynta loo gaystay, aanba dhehee LA KUFSADAY! hadday sax tahay oo aan dhaliili ku jirin. Maxaa yeelay xushmadduu xambaarsanaa, xigmadduu waday iyo xilkuu mudnaa intaba waa laga xayuubiyey, oo loo xiray ama lagu xardhay xislaawayaal aan xaraf sixi karin.

Sida cinwaanka qormaduba yahay, waxaan ku eegayaa AQOON YAHAN, oo run ahaan marna in badan loo HANQALTAAGAY, marna in badan lagu HUNGOOBAY oo lagu HANJABAY. Maxaa yeelay sida eraga ka muuqataba, qoladaasi waa intii AQOONTA ehel u ahayd, ee bulshada inteeda kale uga soocneyd, kumaba sii jirto inta wali JAHLI la ildaran ee u afduuban, ee aan wali loo fidin dawada dawaadda dhigaalka.

AQOON YAHAN  mise HAL AQOON?!

AFARREEY nin tiriyaa

ABWAAN kuma mutaystoo

HAL ABUURNA lama dhaho

CODKAR iyo AFTAHAN iyo

CURIYUU la Ehel yahay!

AQOON yahan la sheegiyo

INDHEERgarad ma joogoo

Indhawaale maan arag

Astaamaha la qeexee

Aas-aaska laga dhigay

HAL AQOON ha lagu daro!

Horta AQOONI waa maxay? AQOON YAHANSE waa kuma? Weydiimaha warcelinnadooda waxaan u daynayaa dadweynehee, aanse mid xuso aan is leeyahay waa muhim, marka laga reebo dhalanrogga dhacay iyo dhaqanguurka jira, ee BUURYAQABYADII oo dhami ABWAAN la wada bexeen, iska daa inay ABWAANno yihiine, aanba nolosha wax ka ogayn, aan ka ahayn inay nool yihiin, ama neefsanayaan oo kaliya ah, cadna ay calalin karaan!

Sida caadada ah qof walba ee AFARREEY isa saari kara ama ERAYO CURIN kara lama yiraa: ABWAAN, wuxuuse noqon karaa: HAL ABUUR, CURIYE, TIRIYE, IWM. Sidaa awgeed, waxaan soo jeedin lahaa, in eraga AQOON YAHANna heerka ABWAAN oo kale la geeyo, oo aan qof walba loogu yeerin ama aan loogu hal qaban. Balse, meeshii AQOON YAHAN laga dhihi lahaa, la yiraahdo: HAL AQOON. Maxaa yeelay waxaa nagu batay kuwa AQOON YAHANno lagu sheego, ama sheegta AQOON iska daaye, ILMUHU wax ay ka sarriigtaan ku hadaaqa ama ku kaca, oo haddaa, AQOONTII BAAS maxay u kordhisay? AQOONEEY XAAL QAADO!

Garta iyo Garaadka

Ayaamihii horee tagay

Aabbayaashii degalkiyo

Arladeena hagi jiray

Aqoosheed u duubnaa

Garaan lagu afcelinoo

Marna Xaqa ka iilnayn

Ayaa lagu ammaanay! 

Dabadeed Gu’ Aarana

Aqoon yahan ku sheeg iyo

HAL AQOON ayaa yimid

Isku sheeg AGAASIME

Iyo inuu USTAAD yahay

Odayaashii quursaday

Urduf iyo Acraab iyo

Eber iyo asqaan jirin

U arkaaya Aadmiga.

Xilliyadii hore, waxaa lagu kala dambayn jiray, wax dhihiddana loo kala ahaa: (1) DA’DA: oo qof walba qofka uu ka weyn yahay wuu ka mudnaa wax dhihidda, cisayn awgeed! Wa haddii aysan duudsiinu ku jirine. (2) ODAY DHAQAMEED: ee midi dhiig iyo dhalyo tahay, inta kalana Garaad iyo gu’ tirsi tahay [GUURTI] oo dabcan magacyo badan oo kala jaad ah. (3) WADAADDO: Waxaan marna ka maqnayn waa talada CULIMADA, oo had iyo jeer wax ku ool ahayd, maantase iyagaaba laga cararayaa, ee maxaa talo loo gaystaa ama laga dhagaystaa? Waa meeshii laga dhihi jiray: “Meeshii Cir laga sugaayey ayaa Cayryaamo ka timid!” kaba darane, waaba ninkii Kabaha Masjidka looga xaday, meeshuu ka yiri markuu Aadaanka Salaadda Maqlay: “Maqla, Tuugadii ayaa isu wacanaysee!Allaw adaa faxan”.

Haddii sida AQOON YAHANKU jecel yahay laga soo gudbay xilli JAAHILIGII, ee dadka aan aqoonta lahayn wax hagi jireen [aanse lagu qasaari jirin!] maanta qofka xil lala doonayo ama laga doonayo ama doonaya waxaa muhim u ah inuu wato magacaa JAAN ee AQOON YAHAN, haddana, wax uu soo kordhiyey wali lama arag, maqalna haba sheegin, aan ka ahayn AQOONTII oo dadkii sii nacayaan, illeen; “INTAAN AQOON YAHAN HEBEL OO KALE NOQON LAHAA, LA’AAN BAA DHAANTA!” ayaa dadkii hal ku dheg u noqotaye.

Hal Aqoon aragti ka arradan!

Kan AQOONTA sheegtee
ARAGTIYO kas maan gala
Ka ARRADAN tusaalaha
Umaddaan muxuu tari
HAL AQOONNA ugu yahay?!

Horta midda muhimka ah ee aan wali la fahmin, in la fami doonana aysan muuqan, waa:  magacyadan lagu sheego AQOON YAHAN iyo INDHEERGAARD, ma mudan yihiin inay Soomaaliya hoggaanshaan? Waxaan hubaa in qof walba “HAA” la soo boodayo, haddana, bal aan waaqica tusaalooyin ka soo qaato.

Wax badan waxaa la dhaleeceeyey, la nacladay, la habaaray, la haaraamay, la dhaleeceeyey MOORYAAN! Tilmaam kasta oo xunna lagu suntay, mudnaan iyo magacna looga dhigay, haddana, waxaan la jalleecin dhanka kale, oo haddii AQOON YAHAN ku sheeggu ka soo dhalaali lahaa waajibaadkiisa QAWMIGA ah miyaa JIRRIGU sidaan noogu xididaysan lahaa?!

Aqriste, fiiri, marka la wada xaajoonayo ama la wada hadlayo, waligaa ma aragtay MOORYAAN ISBAARO u taal oo ka qaybgala? ISBAARO heblaayo waa uun la qaaday yaad maqlaysaa, illeen MOORYAANKU wixii la soo gooyo ayuu qayb ka yahaye, haddana, mar walba magaca xun isaga ayuu ku dhacaa, Allaw asagaa iska ba’ay! Inta ba’sanise ma yaree, aan wada bi’inno ama aan iska dhaafno.

Sida aanba sare ku xusay, waxaa aad loo haaraamaa MOORYAANKA, oo ah aragti qumman, balse, marna lama soo hadal qaado kuwa AQOON YAHANKA lagu sheego ama isku sheega, ee MOORYAANTA ka liita! Maxaa yeelay MOORYAANKA waxaa isugu darsoomay cadawyada kala ah; JAHLI, QABYAALAD, FAWDO, IKK! Oo haddaa maanta wiil labaatan jir ah, maxaad dawlad iyo nidaam ka weydiin kartaa? Arag iska daaye, maqalkeediiba reer baa looga dhigaye.

Balse, HAL AQOONka BAAS ee wax ku soo bartay CANSHUURTII umadda ama deeqdii dunida, maanta wuxuu u taagan yahay cod BEELEED iyo cad BOOBEED! Waxaan dhihi lahaa inta FATA SHAARIGA, SUUDADKA iyo QAMIISYADA wadata kuwaa ayaa dhibka wadeee, aan TOOSKA ku ifinno.

HAL AQOONKA Soomaaliyeed iyadoo lagu xirayo dalkii uu wax ku soo bartay ama jihada Waddankii uu wax ka soo dhigtay ayaa loo kala qaybshaa: HAL AQOON GALBEED iyo HAL AQOON CARBEED! Oo dunidu inta kale ma jirto miyaa? Afrika inta wax ku soo baratay yaaba iska yar, hadday jiraanna kuwa wax soo barayba labadaa dhaqan kama marnayn midkood, Aasiyana waa caynkaa oo kale. Micnaha dunida meel aad tagtaba labadaa aragti baad ugu tagaysaa, dabcan, meel walba si bay u haystaa, illeen waxaa hagaya siday isugu milmaan hiddaha maxalliga ehe.

Labada HAL AQOON ee dhanka CARBEED iyo GALBEEDKA ka soo xeraystay waxay isaga mid yihiin:

  1. AF QALAADAYNTA: afka ay kala furaanba waa eray qalaad, hadday laba eray oo Soomaali oo ay ku hadaaqaan, oo aan xigmad gudbinayn nuxurna lahayn, kan saddaxaad waa eray qalaad, kan hadlayaba waxaad mooddaa AJNABI la SOOMAALIYEEYEY! Kuwa lala hadlayana SOOMAALI maba mooddid!
  2. DHAQAN DHIMAALKA: wuxuu mid walbaa ogaal iyo la’aanba si toos ah masuul uga yahay inay DHAQANKII DHAAMEEN. Maxaa yeelay midna wuxuu la yimid DHAQAN CARBEED oo marar badan qaab DIIMEED laga dhigay, sida: QAMIISKA, CIMAADADDA, CIGAALKA, KOOFIDA, SHULUGGA gabadhuhu gashtaan ee; XIJAABKA lagu sheego DHARKA MIDABKA CAD IWM, oo ka dhigan DHALANROG! Kan kalana, waxaa astaan u ah: TIE ama NECKTIE qofba siduu u yaqaan, aniguse aan dhaho: [QOOR XIR] iyo ISKU JOOG, oo haddaadan sidaa u la dhar gashan aadba tahay JEEGADHEERE ama DHOORRE!
  3. KIBIR IYO ISLA WEYNI: marka ay dadka dhex joogaan, ee aad eegto sida ay u dhaqmaan ama ula dhaqmaan, waxaad mooddaa inay CAALAM kale ka yimaadeen, kaba saxane, waxaad moodda Ajnabi is dhawraya oo malaha is leh; dhaqan iyo hidde aadan aqoon ha dhex dabaalan, ee is aruuri inta karaankaaga ah! Haddaba, maxaa sababay kibirka? Ma haddii la sharfay, ee magac aysan u qalmin loogu yeeray ayey ku badaleen inayba dadkii quursadaan? Aqriste, adiguba wax ka dheh!
  4. MAGAC DHAANNIMO: isla weyni marka aad maqasho waxaa Kugu soo dhacaya qof isku filan, haddana, kuwani sidaa ma ahan, oo iyagaa dadka ugu baahi badan, baahida ugama jeedo GASIIN iyo GOOSAAR, ee waxaan uga jeedaa qofka HAL DOORKA ah wuxuu wax ku yahay dadkiisa, haddii kale wuxuu noqonayaa: HAL DIIN!
  5. ARAGTI GAABNI: haba isla weynaadeene, oo magac ha dhaamaane oo ha af qalaadeeyaane, xaa kaa ba’a haddii wax lagu xisho u dheer yihiin? Maadaama magaca AQOON YAHAN ay wataan, waxay ahayd, inay dadka iyo dalka ugu deeqaan ARAGTIYO wax ku OOL ah, oo la xiriira AAYAHA dhaw iyo kan fogba, mase dhicin, oo waxay noqdeen niman ARAGTI KA ARRADAN!
  6. SHISHEEYE KALKAALID: labada HAL AQOON mid walba oo ka mid ah wuxuu dabada kula jiraa xashkuu wax ku soo bartay, ma xumo inuu xiriir la yeesho, ee waliba uga faa’iideeyo dalka iyo dadka, balse, waxayba caadaysteen oo caadaysteen inay FARANJIGA iyo CIGAALLAYDA u noqdaan XAABOQAAD, halka laga rabay inay dadka u noqdaan XAL HALEEL iyo XARAF DHIGE!

-Bal markanna aan eego waxa ay ku kala duwan yihiin, oo aan sidaa u sii buurnayn, illeen waxaa hagaya waa aragti gaabnida ka dhaxaysa ama ayba ka arradan yihiine:

  1. CARABAYNTA: Kan dhanka Carabta ka yimid wuxuu kugu harqinayaa DIIN LA MOOD oo uu kaaga dhigayaa la’aanteed inaan waxba hagaagayn! Kuma sii jiraan kuwooda ka soo qalinjabiyay JAAMACADAHA DIINIGA ah, erayo dheeh deemeed leh kase dheer Diin ayuu kugu dhaga xanuunijaya! Faham ama ha fahmin, waaba hadduu isaguba fahamsan yahee.
  2. GALBEEDAYNTA: Kan Galbeedka ka yimidna, wuxuu isu arkaa AQOON YAHAN tagay, oo kaan sidiisa oo kale wax ku soo baran GALBEEDKA uusan waxba aqoon, kaba darane, inta isaga ka soo harta ee aan sidiisoo kale ugu halqabsan karin eray LAATIIN ah ama ANGLO SAXON ahwuxuu u arkaa BADOW GEELJIRE ah, oo ILBAXNIMADA ka dheer! Illeen isagaa darkii ILBAXNIMADA ka soo dhurtaye, aanse hore u qaadan WADAAN ama DALOW xiran, oo markaa la yimid EBERE! aqriste, adba SHABAQ BIYO KU DHUR! Waa meeshii laga dhihi jiray: “Hal Bacad lagu lisay” ama “Bacaad ayuu qoor Sagaaro ku hayaa!

Ugu dambayn, Dhawaan isu soo bixii la isugu yimid Xamar, ee doorashada lagu sheegay, waxaa isugu yimid boqollaal wadata magacan BAAS ee aan u baxshay HAL AQOON. In badan oo ka mid ah, waxaa ku jirtay hanqaltaag ah inay MADAX noqdaan, qaarkood waxay filayeen inay wax uun heli doonaan, qaar kale, waxay ka ahayd tijaabo iyo tajrubo samee, waxayse ku idlaatay, in ay dhammaan ka wada hayaameen Muqdisho, aqriste, adba dib ma u aragtay?.

F.G: Mardhaw fisha qormo ku saabsan isla mawduuca oo aan dhan kale ka fiirin doono. Dhanka kale, Meerisyada aan ku soo qaatay qormada, waxay ka mid yihiin maanso dhawaan aan soo bandhigi doono.

W/Q: Bashiir M. Xersi

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

FANKA SOOMAALIYEED OO SII QIIMA DHACAYA (Xog rasmi ah)

Fanku waa mid fac weyn oo la soo barbaaray dhaqanka iyo luuqadda Soomaaliyeed, wuxuuna fanku u kala baxaa Tix iyo Tiraab, gabayga ayaana ah midka ugu faca wayn ee lagu xasuusan karo taariikhda Suugaanta Soomaalida, waxa ayna gabayadu Soomaalidu u isticmaali jirtay qaab war-isu-gudbin, si dhacdo dhacday ay dadku ugu weriyaan ama taariikh ahaan dhacdadaas loo xafido, sidoo kale waxay gabayadu dadku ku gudbin jireen dareen markaasi taagan oo jira.

Qeybaha kala duwan ee Suugaanta oo Gabaygu uu qeyb ka yahay ayaa waxa ay Soomaalidu u adeegsataa raad-raac, sida in lagu higsado halgankii halgamayaasha Soomaaliyeed iyo dhacdooyinka kale ee taariikhiga ah, kuwaasoo sida la ogsoon yahay la iska halmaami lahaa haddii aysan jiri lahayn suugaan xafidan oo dhacdadaas ka tarjumeysa oo ay dadku xigasho ama marqaati ahaanba dib isugu gudbiyaan si jiilba jiilka xiga taariikhdaas loogu keydiyo.

Suugaanta Soomaalidu waxa ay waayadii hore u badnayd gabayada, waxaana ku soo xigay in suugaanta loo sameeyo qaab leh jaan iyo luuq ka duwan tii gabayada, sida ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo iyaguna qaab ereyo suugaaneed la isugu tebin jiray, laguna sii macaanayn jiray sacab ama durbaan ritmo looga dhigayay si uu jaan iyo luuqba u yeesho.

Waxaa cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ku xigay heeso watay muusig la garaaco, kuwaasoo xagga jaanta u dhowaa ciyaarta loo yaqaano dhaantada oo sacabkii iyo jugtii cagta uun lagu beddelay dhawaaq muusig oo ereyada heesta laga dheehan karo, dhadhan macaan lehna u yeelaysa heesta.

Inta badan heesaha sida heellooyinka loogu jiibiyo waxaa muusigeeda laga soo tixraacay ciyaarta dhaantada, wuxuuna muusigii hore ka soo bilowday ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka oo la casriyeeyay si maqalkooda loo macaaneeyo ayaana qalab muusig lagu laray.

Markaa sida muuqata heesaha waxaa qiimo u yeela oo sii qurxiya muusikada oo macaan iyo dhadhan u sameeya, waxaana muusikada loo geli jiray iskuulo iyo waxbarasho aqoon kororsi oo dalal dibadda ah loogu aadi jiray, rag gaar ah ayaana loo carbin jiray garaacista qalabka kala duwan ee muusikada, waxayna wada shaqeyni ka dhexeysay guud ahaan fannaaniinta oo isugu jiray hal-abuuro, laxamiistayaal, muusikiistayaal, heesayaal, jilayaal, majaajilistayaal, ciyaartoy, iyadoo daawayadaashuna ay aad u xiiseyn jireen heesahaas lagu laray muusikada leh riitmada macaan ee la arkayo marka fannaanku heesta ku luuqeynayo, iyadoo waxaasoo dhan haatan la waayay, kaliyana la arkayo fannaan ka soo muuqanaya masraxa isagoo aanay la socon qeybihii kale ee fanku ka koobnaa gaar ahaan muusikiistayaashii heesaha ay ku luuqeynayaan muuskikada macaan ugu larayay.

Xilliyadii hore waxaa ceeb iyo fadeexo ahayd in dumarka Soomaaliyeed fanka ku soo biiraan, waayadii horena ma jiri jirin gabdho heesa ama jilayaal ka noqda riwaayadihii la jilayay, waxaana gabadhii hees qaadda ama ruwaayad wax ka jishaa ay ceeb iyo fadeexo ku ahayd nafsaddeeda, asxaabteeda iyo weliba waalidkeed, waxaana loo arkayay inay fadaro iyo fool xumo dhex gashay, waalidkeedna ay u soo jiidday ceeb iyo karaamo-beel, iyadoo taas bedelkeeda ay jiri jireen rag cod haween ku matalayay ruwaayadaha oo booskii jilaanimo ee qof dumar ah looga baahdo nin rag ah uu buuxin jiray.

Balse taas bedelkeeda waxaa xilliyadan dambe fankii buux dhaafiyey dumar fara badan oo midba midda kale kula baratamayso qurux qaawanaan ku laran iyo isticmaalka daraagiska qeybihiisa kala duwan, kuwaasoo iska dhaafe fadeexad iyo ceeb ay nafsaddooda iyo waalidkood u soo jiidaane kaba tegay dhaqankii suubanaa ee Soomaalida iyo ku dhaqankii shareecada Islaamka.

Waxyaabaha kale ee beri-samaadkii ceebta iyo fadeexada ahaa haatanna wax iska bannaan oo la caadaystay noqotay in fannaan hees uusan lahayn ku luuqeeyo, iyadoo fannaankii isku daya inuu ku luuqeeyo hees uusan lahayn uu kala kuli jiray fadeexad, dagaal iyo weliba in dacwado lagu soo oogo.

Laakiin jilayaasha Ruwaayadaha Banaadiriga si ay raali isaga yihiin ayay arrintaas bedelkeeda u samayn jireen oo Fannaan ayaa inta uu godka hoose ee masraxa ka soo qaado hees fannaan kale oo masraxa ka soo muuqda ku jilayay heestii isaga oo iska dhigaya inuu heestaas isaga ku luuqeynayo, qaab ciyaareed jir nuuxnuuxis iyo af kala qaadis been ahna samaynayay, taasoo loo malaynayo inuu isagu heesta qaadayo, balse waxay ahayd qaab jiliin ay raali isaga ahaayeen fanaaniinta Banaadiriga.

Wixii ka dambeeyay burburkii dalka ee 21-kii sano waxaa lumay wanaagii, qiimihii iyo quruxdii lagu yaqaanay fanka Soomaaliyeed, waxaana la waayay curintii, aruuriskii iyo muusikadii uu fanku lahaa, waxaana sidoo kale yaraaday abwaaniintii iyo muusikiistayaashii oo waxaa bedelkooda la helay muusik hal nooc ah oo uu hal qof garaacayo iyo abwaan aan xirfad buuxda lahayn oo heeso miro jacbur u badan sameynaya iyo sidoo kale ereyo isu eg-eg oo laxanka uun lagu kala duway.

Burburkii dalka ka dhacay sidoo kale waxa uu saameeyay fanaaniintii hore ee Soomaaliyeed, taasina waxay sababtay inay soo ifbaxaan fanaaniin cusub oo masraxa isla soo taagay heeso aysan lahayn oo ah heesihii hore, iyagoo weliba qaarkood mirihii heesahaas si qalad ah ugu jiibinaya, bedelayna quruxdii laxameed ee ay lahayd, inkastoo mararka qaarkood la dhihi karo fanaaniinta cusubi dan ayaa u geysay inay ku luuqeeyaan heeso aysan lahayn oo waxaa la waayay abwaaniintii hore oo heeso cusub u samayn lahaa, haddana marna kama marna ceeb maadaama ay xatooyo heeso sameeyaan, iyagoo weliba qaarkood sheegtay inay iyagu heesahaas leeyihiin, balse ay fadeexad ku timid kadib markii laga daba keenay caddeymo maqal iyo muuqaal ah, taasoo beeneysay sheegashadii ay sheegteen heesahaas.

Fanku heerar kala duwan ayuu soo maray, heerka uu maanta taagan yahayna run ahaantii waa heerkii uu ugu liitay fanka oo waxaa la oran karaa Fanka waxaa ku yimid qiima dhac iyo sharaf dil weyn.

Fannaaniinta maanta jirtaahi waxa ay ka tageen anshixii suubanaa iyo wanaagii, waxayna bilaabeen in ay heeso isku aflagaadeeyaan, iska baahiyaan warar xunxun oo mid waliba midka kale ayuu si xan ah wax uga sheegayaa, fannaaniin badan ayaan is jeclayn, kuwa hablaha ahina cawradooda ayayba bannaanka soo dhigeen oo waxay ka tageen Diinta Islaamka iyo dhaqankii suubanaa ee Soomaaliyeed, fanaaniin badan ayaan salaadda tukan, oo aan soomin, isticmaala waxyaabaha diintu ka reebtay welibana ku faana isticmaalka balwadaha kala duwan sida cabista khamriga, dhuuqista xashiishada iyo sidoo kale adeegsiga macsida qeybaheeda kala duwan.

Wax waliba wax baa ka sii darane qiima dhaca Fanku wuxuu soo ifbaxay sanadihii ugu dambeeyay oo fanku wuxuu noqday Cajalad CD ah oo boorsooyinka iyo jeebabka lagu sito. Fannaan kasta oo heesaa ah ha ahaado rag ama dumar wuxuu jeebka ama boorsada ku sitaa cajalado ay heesihiisa ku duuban yihiin ha ahaadaan heeso uu isagu leeyahay iyo kuwo bililiqo ahba, waxaadna maqlaysaa hobol hebel ama hobolad heblaaya ayaa caawa ka heesaysa meel hebla waxaa lagu gelayaa qiimo intaas iyo intaas gaaraya, fannaanku waa mid qura, mala socdaan fannaaniin kale, ma uu wato muusikistayaal, cajalado ayaa inta ay shidaan masraxa isa soo istaagayaan oo inta afka nuuxnuuxiyaan heestii kala jiibinayaan cajaladda CD-ga, iyagoo daawadayaasha isaga dhigaya inay iyagu qaadayaan.

Kashifaaddii ugu foosha xumayd ee tani marqaatiga cad u ah ayaa waxay dhacday bishii Septembar sanadkii tagay 2012 kadib markii fannaanadda Nimco Dareen iyadoo bandhig faneed ka dhigaysa tiyaatar ku yaala magaalada Nayroobi ee dalka Kenya uu masraxii feer iyo Laad kaga soo tuuray wiil Soomaaliyeed oo iyada u careysnaa, goobtiina ay noqotay meel ay fowdo iyo buuq ka aloosantay, ceebta dhacdayna waxay ahayd heestii ay ku luuqeynaysay fannaanada xilligii laga soo tuurayay masraxa oo weli iska sii socotay, oo yaa qaadaya fannaanadduba waa tan masraxa laga soo tuuraye, heestu waa heestii uun, codku waa codkeedii, waa yaabka yaabkiis ileyn waxa ay fannaaniintu uga lacag qaataan daawadayaasha waa uun cajalad CD ah oo laga shiday Rikoor ama Kumbuyuutar, ceebey tacaal ayay sheekadu noqotay oo fannaaniintu way kashifmeen.

Haddaba waa su’aale, yaan sidaa samayn karin oo inta cajalado heeso ku duuban yihiin suuqa ka soo iibsada gurigiisa, gaarigiisa ama goobtiisa shaqo ku dhagaysan karin iyadoo aanay qofku lacag uga bixin aadista tiyaar ka fog, waqtina uusan ka lumin, mise muuqaalka fannaanka ayaa xiiso loo qabaa oo lacagta lagu bixinayaa?.

Haddaba waxaa marag ma doonte ah in Fankii Soomaaliyeed uu qadka ka sii baxayo haddii aan la daba qaban, dhammaan qodobada kor ku xusan ee aan soo sheegayna waxay astaan cad u yihiin in Fanku qiimo dhac weyn marba marka xiga ku imaanayo.

Fannaaniin badan oo caan ahaa ayaa isaga baxay fanka, iyagoo weliba ku tilmaamay in fanku yahay dembi iyo wax xun, waxaana fannaaniintii isaga baxday Fanka ay u badnaayeen kuwii hore iyagoo sheegay in Fanka ay ka Towbad keeneen, Ilaahayna ay ka baryeen in muddadii ay fanka ku dhex milnaayeen dembigii ay ku jireen Ilaahay ka cafiyo, shacabka Soomaaliyeedna waxay ka codsadeen in heesahooda mar dambe aysan dhagaysan, lana qaadan, qolyaha heesaha keydiya ayayna u soo jeediyeen inay gubaan cajaladaha ay heesahooda ku duuban yihiin.

Marka aad maqasho macnaha ereyga Towbad-keen waxaad dareemeysaa ama markiiba qalbigaaga ku soo dhibcaya qof dembi xun ku jiray oo ka baxay kana qoomameeyay isagoo ka towbad keenay oo mar dambana aanu ku laabanayn, fannaaniinta fanka ka baxdayna sidaas ayay caddeeyeen oo waxay sheegeen in fanku yahay xumaan aan wax wanaag ah laga dhaxlayn.

Fanaaniintii ugu dambeysay ee fanka ka baxay sheegayna inay ka towbad keeneen weliba ka qoomamaynaya muddadii ay ku soo jireen ayaa waxaa ka mid ah Aweys Khamiis Mabuuti iyo Luul Jeylaani Cali oo ka mid ahaa fannaaniintii ugu caansanaa Fanka Soomaaliya, waxayna si cad u shaaciyeen inay Fanka ka bexeen, Ilaahayna ka baryeen inuusan dib dambe ugu soo celinin.

Aweys Khamiis Cabdalla Mabuuti waxa uu dhalinta soo koreysa ku guubaabiyay in ay fanka ka fogaadaan, kuwa ku jirana wuxuu ugu baaqay inay isaga baxaan maadaama uu yiri fanka waxaa la xiriira fasaad iyo balwado xun-xun, waxaana ka dheeran kara fasaadkaas iyo balwadahaas qofka aan noqonin fanaan ayuu yiri.

Aweys Khamiis inuu fanka ka baxay si dhab ah ayuu u muujiyey oo xilligii uu ku dhawaaqayay inuu fanka ka baxay wuxuu ka soo muuqday saxaafadda la iska arko, wuxuuna ku lebisnaa khamiis, Koofiyadda lagu yaqaano Culumaa’udiinka, wuxuuna deystay gar weyn, waxaana ka muuqatay heybadda iyo sunnada Islaamka.

Sidoo kale fannaanaddii caanka ahayd ee Luul Jeylaani Cali oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee taariikhda ku lahaa bahweynta Fanka Soomaaliyeed ayaa iyana si rasmi ah u shaaciyay in ay joojisay oo gebi ahaanba ka baxday fanka, waxayna sheegtay in ay si niyad ah oo daacad ah ay u joojisay fankii ay muddada dheer ku soo jirtay, waxayna sheegtay in Ilaahay hortiisa ay ka balanqaadeyso in aysan mar kale dib ugu noqon doonin fanka, iyada oo illaahay ka dalbatay in uu ka cafiyo dhammaan qaladaadkii ka dhacay intii ay fanka ku jirtay, sidoo kale waxa ay ka codsatay dhammaan Ummada Soomaaliyeed, Idaacadaha iyo Telefeshinada in ay iska joojiyaan sii deynta ama baahinta heesaheeda, maadaama ay fanka ka baxday, waxa ayna ku celcelisay in qof kasta uu ka aqbalo codsigeeda ayna iska daayaan dhageysiga ama daawashada heesaheeda maadaama aysan ogoleyn.

Haddaba in Fanku yahay wax xun, qiimihiisiina sii dhacayo waa wax iska muuqda oo dhammaan daliilaha kor ku xusan ayaa marqaati cad u ah, haddii uu wanaag yahayna kuwii ku soo jilbo murxay ee caanka ku ahaa Fanka ayaan isaga bexeen oo aan ka towbad keeneen.

W/D: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar) 

[email protected] 

[email protected]

Muqdisho: Machad ka shaqayn doona arrimaha siyaasadda oo la furay

Muqidsho (Caasimada Online) Waxa magaalada Muqdisho laga furay machad ka shaqeyn doona arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan siddii xal loogu heli Soomaaliya oo 21-sano dagaalo ku jiray.

Waxaana masuuliyiinta machadkan ay ka sheegeen furinra xaflad ka dhacday Muqdisho in mahadka uu sameen doono daraasaad iyo falanqayn lagu darsi doono arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan sida Soomaaliya xal loogu heli karo.

hips (1)Cabdi Raxmaan Ceynte oo ah madaxa Machadka The Heritage, isla markaana ah suxufi ka soo shaqeeyay BBC-da, VOA iyo TV-ga Al-Jazeera qaybta English-ka oo xafladda furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in machadkan uu soo saari doono warbixinno ku fadhiya cilmibaaris, isla markaa uu qaban doono dood cilmiyeedyo iyo wacyi galin,

Wuxu kaloo sheegay in Machadku uu talooyin la ka siin doono sida ku haboon ee dalka xal loogu heli karo dhinacyada go’aanka iska leh.

hips (2)Mr. Ceynte ayaa sheegay in machadkan dadka ku jira ay dhamaantood hadda ay ku sugan yihiin Soomaaliya, laakin ay jiraan Profisooro Soomaalia ah oo ku sugan waddamada caalamka oo gacan ka geesan doono wax yaabaha uu soo bandhigi doono machadka.

Machadkan ayaa waxa ku jira dad xilal horrey uga soo qabtay dowladihii ku-meel-gaarka waxana ka mid ah xaaska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Caasho Xaaji Cilmi iyo dad horrey uga soo shaqeeyay warbaahinta.

hips (3)Waa machadkii ugu horreeyay ee noociisa oo kale laga furo magaalada Muqdisho oo hadda ay ku soo qulqulayaan dad badan oo wax ku soo bartay qurbaha.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

QM oo sheegtay tirade qaxootiga Yemen gala in ay korartay

GENEVA, (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay hey’adda qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in sanadkii hore ee 2012-ka ay sare u kacday tirada dadka qaxootiga ah iyo kuwa magangalyo doonka ah ee ka imaanaya gobolka Geeska Afrika ee dhinaca badda u soo maraya waddanka Yemen, taasoo  gaartay 107,500 oo qof.

Warbixinta UNHCR ayaa lagu sheegay in tiradan ay aad uga badan tahay tiradii sannadkii hore gashay dalka Yemen sida lagu sheegay war-saxfaafadeedka UNHCR.

Sannadkii 2011-ka ayaa boqol iyo saddex kun oo qof waxa ay galeen dalka Yemen.

Hay’addu waxay sheegeysaa in tobankii muhaajiriin ahiba ay siddeed ka mid ahi yihiin dad ay dhalashadoodu tahay Ethiobiyan, halka inta ka soo hartayna ay yihiin dad Soomaali ah.

Qaar badan oo ka mid ah qoxootiga ka immaanaya geeska Africa ayaa u isticmaala dalka Yemen marin ay u sii maraan waddamada khaliijka.

Hay’adda UNHCR ayaa sidoo kale waxa ay sheegeysaa, in inkastoo ay waddanka Yemen ka jiraan dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo amni, ay haddana wali waddo inay marti galiso tiradii ugu badneyd ee dadka gobolka geeska Africa uga soo cararay si ay u helaan amni iyo dhaqaale roon.

Hay’addu waxa ay intaa raacisay in dadka Soomaalida ah ee gaara dalka Yemen markiiba loo aqoonsado qaxootinimo, halka kuwa Ethiopian-ka dib loogu celiyo dalkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Shir Xasaasi ah oo Arimo Badan looga hadlay oo Muqdisho ka dhacay.

Muqidsho (Caasimada Online) Waxa maabta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhacay shir looga hadlaayay siddii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka.

Shirka oo ay saxaafadda bannaanka ka joogtay ayaa waxa ka qaybgalay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, sarkaakiisha AMSIOM iyo wafdi ka socday Qaramada Midoobay.

Wasiirka ayaa kulankaas ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka codsaneyso QM in laga qaado cunnaqabateynta hubka.

Wuxuu sheegay in ay wafdiga u gudbiyeen codsigooda ku aaddan in Soomaaliya laga qaado xayiraadda dhinaca hubka, isagoo xaqiijiyay in ay wadahadalladu sii socon doonaan.

Illaa hadda si rasmi ah looma sheegin wax yaabaha ka soo baxay kulanka ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa QM sanandkii 1992-dii waxa la saaray xayiraada xagga hubka kaddib markii laga cabsaday in hubka lagalinaayo Soomaaliya uu gacanta u galo kooxaha ka dagaalamaka Soomaaliya.
Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Fiqi oo Dalka Ku Soo Laabtay Maanta.

Muqdisho(Caasimada Online) Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi  ayaa maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib markii uu safaro ku tagay wadamada Kenya iyo Uganda.

Wasiirka gaashaandhigay Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo saxaafada kula hadlayey garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in madaxda waddamada uu booqday uu kala hadlay siddii loo xoojin lahaa ciidamada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay booqashada uu ku tagay dalka Uganda in uu kulan la qaatay madaxda ciidamada gaar ahaan wasiirka gaashandhigga Uganda iyo saraakiisha ciidamada.

Wasiirka ayaa shaaciyay mauuliyiinta uu la kulmay ay isku afgarteen in wixii hadda ka dambeeya tababarida ciidamada dowlada Soomaaliya ee loogu qaadi jiray wadanka Uganda loo soo wareejiyo dalka Soomaaliya.

Fiqi ayaa daaha ka qaaday in dalka hadda uu ammaan yahay oo tababarada ciidamada dowladda loogu qaadi jiray dibedda lagu qaban karo dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in booqashadii uu ku tagay Kenya uu kala hadlay madaxda dalka Kenya siddii loo xoojin lahaa taageerada la siinayo dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Dowlada Mareykanka oo Shegtay Cida uu la kulmaayo M/Weyne Hassan.

Wanshinton (Caasimada Online) Sida ay qortay maanta oo Tallaado ah wakaalada wararka dalka Bahrain, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maalinta Khamiista la kulmo xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, Hillary Clinton.

Kulanka ayaa la filayaa inuu ka dhaco xarunta Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Waa kii ugu horreyay oo rasmi ah oo ay yeeshaan labada dhinac tan iyo markii madaxweynaha uu xilka qabtay 10-kii bishi September sannadkii hore.

Wakaaladda oo soo xiganeysa afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda Maraykanka oo lagu magacaabo Victoria Nuland ayaa sheegtay in madaxweynaha uu la kulmi doono Mrs. Clinton .

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafadi uu hoggaaminaayo ayaa xaley ka dagay magaalada Washington ee xarunta dalka Maraykanka.

Waxa kaloo madaxweynaha inta uu joogo Maraykanka uu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka Washington iyo Minneapolis.

Caasimada Online

Xafiiska Warraka Muqdisho

Warqad furran oo ku socota wasiirka Arrimaha gudaha Somalia

Qalinka: Abukar Albadri,

Assalaamu Caleykum WaraxmatuLLAAHI wa barakaatuhu,

Salaan kaddib, Sacaadatul wasiir, waxaan jeclaystay in aan warbaahinta kuu soo mariyo warqad furan oo ku saabsan xariga C/Casiis C/Nuur Ibraahim ee ku eedeysan in uu wareystay gabadh dhibane ah oo la kufsaday, kuna xiran CID.

Inta aan warqaddan soo marin warbaahinta waan isku dayey in aan ku helo oo aan arrinta aan halkan ku sheegi doono adiga kuugu sheego si shaqsi ah, kuuna ifiyo wixii dhab ah ee aan arrintan ka og nahay, balse kuma guuleysan in aniga iyo guddigii aan la socday aan ku aragno.

Md. Wasiir, Maalintii Khamiista abbaare 12.00pm duhurnimo oo dhow dhow, waxaa i soo wacay weriyaha xiran oo ii sheegay in Gabar uu wareystay lambarkeeda uu ka soo wacay taliyaha Hogaanka Dembibaarista (CID-da) Gen. Cabdulaahi Xasan Bariise, wuxuuna igala tashaday waxa uu ka sameynayo arrinkaas, waxaana ka mid ahaa inta ku tiri “U tag taliyaha oo isa soo beri yeel”, isaga oo ku niyadsan in uu is beri yeeli doono ayuuna aaday CID-da oo tan iyo markaas uu ku xiran yahay, welibana aan xaalkiisa wax badan laga geyn.

Md. Wasiir, sida dad badan oo aan aniga ka mid ahay ay ogsoon yihiin, Cabdulcasiis Cabdinuur Ibraahim, ma ahan shaqsiga qoray warbixinta ku daabacan Aljazeera Bogeedda, wax ka mid ah qoraalkaas oo uu isaga leeyahayna ma jiraan, waxaa qortay Gabar Soomaaliyeed oo ah saxafiyad, taas oo Muqdisho ku timid safar hawleed muddo 6-8 casho ah.

Md. Wasiir, waa hubanti dowladda aad wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ka tahay in badan in loo hayo han weyn oo ah in ay shacabka kiisa dulman gargaarto, balse qaladaadka dhacayaa dartood waxay niyad jabin iyo fajacba ku yihiin intii hoggaankiina u han weyneyd.

Tusaale ahaan, laanta barista dembiyada iyo Booliiska guud ahaan oo haatan waxay doonayaan in ay soo diyaariyaan eedeymo ka dhan ah Cabdulcasiis Cabdinuur iyo dhibanaha la kufsaday, muqgdi badan ayaana nagaga hareysan arrintaas, waayo annaga oo og in Cabdulcasiis uusan wax shuqul ah ku laheyn warbixinta Aljazeera ayaan ka walwaleynaa in la geliyo dembi uusan laheyn, misena adduunkiina iyo aakhiradiina saameyn kara.

Sida aan ka dhageystay Muxaadaro cinwaankeedu ahaa Qisas Cajiib ah oo aan filayo in uu jeediyey Sheekh Cabduraxmaan Bashiir, waxaa ku jirta qeyb gabar Daariin la yiraahdo oo ay dishay gabar jaariyad u aheyd oo ninkeedii la guursaday misena dilkeedii inkireen ay hooyadeen ku leedahay “Haddii ay dhabtu ka qarsoon tahay makhluuqa, kama qarsoomeyso khaaliqa, waa ALLAAH” anigana waxaa ku leeyahay wasiir, haddii ay dhabtu ka qarsoon tahay shacabka Soomaaliyeed, kama Qarsoona ALLAAH, isaga ayaana idin xisaabin doona inta awoodda leh ee masaakiinta miskahooda fuuleysa.

Gabadhan loo heysto in la wareystay, Cabdulcasiisna uusan siideynba, waxay sheegtay in la kufsaday, ayna kufsadeen dad gashan dharka ciidanka, waa hubaal in haddii ay teeda been tahay xitaa askarta ay habeen walba kufsadaan dumarka ku dhibaateysan xeryaha qaxootiga, adiguna haddii aadan xilka aad heyso ee masuuliyadeed eegin ee aad eegto shaqsiga aad tahay ee ahaa Samafale aqoon yahan ah waad og tahay wax runta ah ee jira.

Markii ay gabadhaasi sheegtay in la kufsaday, amaba la arkay warbixinta Aljazeera, Booliisku waxay soo xireen dhibanaha iyagoo ka careysan in magacooda wax laga sheegay.

Inta aan gabadha la soo xirin waxay aheyd in Booliisku maro tallaabooyin sharci ah oo xalaaleyn lahaa in arrintaas qof loo xiro ugu dambeyn, kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu soo baaro arrinta, una abbaaro sidan.

1.     Degmada Hodan waxay leedahay guddoomiye iyo maamul, kuwaas oo ay aheyd in wixii meesha ka dhacay wax laga waydiiyo, sababta oo ah ugu yeraan waxay heli karaan xog ah in qof habeenkaas la kufsaday iyo in kale.

2.     Ciidan isugu jira Milatari, Booliis, Nabadsugid ayaa joogay goobta la sheegay in ay wax ka dhaceen, waxaan ula jeedaa kuwii heeganka amniga lahaa habeenkaas.

3.     Kaamka ay gabadha sheeganeysa in lagu kufsaday wuxuu leeyahay horjoogayaal hubeysan oo dadka meesha ku jira ku qaata raashiin.

4.     Gabadha qolkeeda cooshadaha ah kaligiis meel kuma yaalo oo waxaa ku hareereysan buushash kale oo badan oo dadka jiifay ay ogaan karaan haddii gurigan “xalay” ay qaylo ka yeertay oo qof lagu kufsaday iyo in kale.

5.     Qoyska gabadha waxay ka kooban yihiin dad qaangaar ah iyo caruur la weydiin karo haddii ay xasuustaan xilli habeenimo ay dad hubeysan soo weerareen.

Intaas kor ku xusan waxay aheyd in la wada wareysto oo arrintaas laga soo wada baaro jiritaankeeda, kaddibna haddii ay jirto sidaas lagu soo qabto dembiilayaasha. Waxaana markaas soo baxi laheyd natiijo ku filan in lagu beeniyo warbixinta ku soo baxday Aljazeera ama gabadha lagu eedeeyo in ay abuurtay war been abuur ah oo dowlada lagu ijaafeynayo.

Booliiska iyaga oo aan wax baaritaan kale ah soo sameyn ayey soo xireen dhibane, ama qof dhibane sheeganeysa. Sida ku cad talaabooyinka ay qaadeen warbixintaas waxaa la daabacay 6-dii bishan, weriye Cabdulcasiisna waxaan maqlay in uu gabadha wareystay 6-dii Bishan, Booliiskuna waxay gabadha soo xireen 3 casho kaddib markii warbixinta la daabacay.

Warbixinta Aljazeera gabadha qortay waxay Muqdisho booqatay todobaadkii labaad ee Bisha December 2012, waxayna la kulantay oo wareysiyo ka sameysay madax dowladda ka mid ah, qeybaha warbaahinta, ururada Maxaliga, barakacayaasha iwm.

Weriye Cabdulcasiis waxaa la xiray 10-ka Bishan Janaayo 2013, waa seddax maalmood kaddib markii uu gabadha wareystay. Gabadhana xabsiga way kaga horeysay oo iyada sida ay sheegtay waxaaba la soo xiray habeenkii ka horeeyey ee lagu soo wareystay xarun ku taala madaxtooyo akteeda waa sida ay tiriye.

Md. Wasiir, hubsiimo la’aanta ay hawshani beegsiga ah ku bilaabatay, ee loola jeeday in ay booliiska Soomaaliyeed ku difaacdaan magacooda, waxay haatan dhaawac weyn u geystay sawirkii guud ee dowladda, kan booliiskuna haddiiba uu markii hore bulshada ku dhex lahaa wax sawir fiican ah intii way sii baaba’een sababta oo ah, marka aad eegto warbaahinat kudaha iyo tan dibadda warbixinadii ku soo baxay todobaad gudihiisa in ka badan 60% waxay quseeyeen in booliiskii Soomaaliya uu xabsiga dhigay dhibane sheegtay in la kufsaday iyo weriyihii wareystay, taasi ceeb ugu filan dowladda haddii aan ku fekerno caqliga saliimka ah ee dadka dowladda ku jira ee adiga ka mid tahay lagu tuhmayo.

Md. Wasiir, waxaad tahay masuul ay shacabka Soomaaliyeed iyo ALLAAH ka sugayaan in uu caddaalad falo, hawshaadana kama mid aha in aad u kala hiiliso taliye ku hoos yimaada iyo dhibane la kufsaday midna, waxay hawshaadu tahay in aad kan dhiban ka qabato kan dulman.

Haddii aan tusaale wanaagsan ku siiyo, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Qareen Ceydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf ayaa wuxuu cabasha ka noqday sawir gacmeed uu daabacay Amiin Arts balse dib loogu daabacay wargeyska Xod-Doon, guddoomiyaha Maxkamada ma soo xirin qorayaashii wargeyska uu ka cabanaayey, wuxuu qortay dacwad, wuxuu qabsaday qareen, haatanna qorayaasha wargeyska waa loo yeeray oo waxay doonayaan in ay arrintaas isla xalliyaan guddoomiyaha, waana ku ammaanan yahay inuu na tusan tubta saxda ah ee laga doonayo masuuliyiinta dowladda in ay u maraan cabashadooda dhanka saxaafadda.

Intaas kaddib, Md. Wasiir, waxaan doonayaa in aan kaaga codsado warqaddan furan seddaxdan arrimood ee soo socota.

1.     Hoggaanka dowladda ee madaxda sare iyo wasiiraba leh waa loo hanweyn yahay, waxa laga filayaana waa daacadnimo iyo caddaalad, cadaaladaas yeysan idinka leexin saraakiil hawshoodii ay gudan waayeen u ciqaabaya dhibanayaal hadlay.

2.     Arrinta Cabdulcasiis iyo dhibanahaba, yaan lagu ogoleysiin wax aad og tahay in ay yihiin dembi loo abuurayo dhibane, dulmahana u gargaar, ALLAAH ayaa kuu gargaarayee.

3.     Ka xihoo ALLAAH iyo shacabka Soomaaliyeed, haka xishoon haddii aad hubto in Generaalo hawshooda ku fashilmay ay doonayaan in ay dhibanayaal cadaadiyaan. ALLAAH yowmul qiyaama wuu ku su’aali doonaa qof kasta ee la dulmiyo adiga oo masuuliyadda aminiga haya.

Haatan oo aan dareemayo in wax walba laga dhigay maskiin ayaa misko la fuulo leh, adiga ayaan u arkay in aad tahay qofka ku haboon ee aan risaaladan soo gaarsiin karo.

WabiLLAAHI towfiiq. 

Abukar Albadri, saxafi Soomaaliyeed oo madax banaan.

Wixii talo iyo dhaliil ah [email protected]