Tuesday, July 28, 2026
Home Blog Page 3766

Baarlamanka oo mar kale maanta ka shiraya miisaaniyaddii la diiday

0

Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan ku yeeshaan Xarunta Golaha shacabka waxaana  la sheegayaan in labo arina ay shirkooda ugu hadli doonaan.

Mida hore waa arinta Miisaaniyada oo dib u eegis lagu samayn doono loona saari doono Mudanayaal ku jira Baarlamanka waxaana lagayabaa inay maantaba dhacdo Sidaas waxaa laga soo xigtay Xildhibaan Maxamed Cumar oo lahadlay Warbaahinta Dowlada

Maalin ka hor ayay ahayd Markii Mudanaayaasha Baarlamanka ay ka soo horjeesteen Ansixinta Miisaaniyada,waxaana dhanka kale laga yabaa in Kulanka dhinac kale loo rogo.

Qarax lala beegsaday ciidamada DF

0

Faah faahin dheeraad ayaa ka soo baxay qarax qasaaro gaystay oo ka dhacay deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha hoose.

Qaraxan oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay fadhiyeen Tiro Askar ah oo dowlada ka tirsan waxaana loo adeegsaday qaraxaas remout control.

Gudoomiyaha degmada Marka Axmad Macalin cukaash ayaa ka hadlay qaraxa oo la ogyahay qasaara uu dhaliyay laakiin waa uu ka gaabsaday in Askarta dowlada ay waxyeelo ka soo gaartay.

Wuxuu sheegay in tiro shacab ay waxyeelo ka soo gaartay walow xaqiiqda ay intaa ka fogtahay oo la sheegayo in labo askari oo dowlada ay ku dhinteen shan kala ay ku dhaawacmeen.

Sharciyada la isaga qaato carruurta ee dalalka reer galbeedka

Qaadista Caruurta iyo sharciyada la xariiro.

Wadamada Reer Galbeedka, haddii aad isha wada mariso, sharciyada la xariiro caruur qaadista, waa ay isu wada dhawyihiin dhamaantood, runtii waxaa la oran karaa, waa ay kala amaahdeen, meelo yar yar ma ahane oo waddan walba si gaar ah xeerka ugu dhuujiyay ama ugu dabciyay.

Haddii aan tusaale u soo qaadano waddanka Denmark oo dadka ku nool ay yihiin 5.500000, waxaa jiro qiyaastii caruur tiradooda ay gaareyso 14.000 afar iyo toban kun, oo ku nool meelo ka baxsan hooyga waalidiintood, 10 % boqolkiiba, waa ilmo guriga waalidkood, xoog looga kaxiiyay, haddii aan qaab kale u dhigno, 1.400 kun iyo afar boqol oo ka mid ah, ayaa waalidiintood xoog looga kaxeystay, markii ay dowladdu ( dowladda hoose) ku qiimeysay, in ilmaha dhib weyn soo gaarayo, xag jir ahaaneed, maskax ahaaneed iyo guud ahaan caafimaadka ilmaha, haddii waalidkiisa la sii noolaado.

Hadaba maxaa keena in waalid ilmahii uu dhalay laga qaado?

Waxaa keeno, asbbaabo badan, tusaale ahaan, waxaa ugu badan, marka aad dib u raacdo, kiisaska la xariiro ilmo qaadista, in waalidka ilmaha garaaco, khamriga iyo guud ahaan wax-yaabaha maanka dooriyo isticmaalo, in dhimir xanuun heleelo, sida waalida iyo xanuunada la xariiro iyo in ilmaha laftiisa la yimaado dhaqan xumo, sidoo kale qabo xanuun xagga jirka ah ama dhimirka oo markaa waalidka buuxin karin baahida ilmaha.

Ilmo in waalid laga qaado shirciga xaggiisa, ma ahan wax sahlan, waana jidka ugu dambeeyo ee ay dowladda hoose isticmaasho, taa waxaa ay ka dhigantahay, in marka hore la raadiyo qaabkii qooyska iyo ilmaha lagu caawin lahaay, hadba ayada oo la qaadayo wadiiqo walba oo xal ah.

Hadaba haddii ay dhacdo in waalid Somaliyeed ay la soo xariiraan, qeybta caruurta ee degmada uu deganyahay, dhib ku saabsan qoyska iyo caruurta darteed, waxaa muhiim ah in qofka waalidka ah muujiyo wadashaqeyn fakta horaba, sidoo kalana qarsan dhibka haysto, lana xariiro, dadka Somalida ah ee nidaamka iyo dhaqanka waddanka garanayo iyo looyaradaba, si loo siiyo talooyin uu uga gudbo dhibka markaa taagan oo loo helo xal ay ku wada shaqeyaan, qoyska iyo qeybta caruurta, inta kiiska furanyahay.

Waa muhiim, in waalidka dadaal walba sameeyo inta ay ilmaha gacantiisa ku jiraan, mar haddii ay ilmaha gacanta ka baxaan, wali rajo weyn ayaa jirto in ilmaha waalidka dib u hanto, waa haddii asbaabtii keentay qaadista, meesha ka baxaan, hadana ma ahan wax sahlan, waa dariiq dheer.

Ilmahii la qaaday xaalkiisu maxuu noqon dhaqan ahaan?

Xuquuq ayuu leeyahay, ilmaha ka soo jeedo dadyoowga laga tiro badan yahay, ee ku nool Reer galbeedka, sida Somalida oo kale, xuquuqdaa waxaa ka mid ah in aan ilmihii loo diidi karin, la nalooshaha dadka ay isku diin iyo dhaqan wadaagga yihiin, si uu diintiisa iyo afkiisa hooye u dhumin ilmahii, arrinkaan asaga ah, waa mid ku xussan heshiiska UN ee la xariiro, xuquuqda caruurta qodobkiisa 30aad.

Isticmaalka qodobkaan, waalidiin badan iyo ehelka guud ee caruurta kuma baraarugsano in ay cuskadaan, marka aad ayeey muhiim u tahay in waalidka iyo ehelka caruurtaba, dalbadaan in ilmaha loo geeyo qoys ay isku dhaqan yihiin, haddii la waayo dad nocaa ahna, in ay ilmaha helaan dad dhaqankooda iyo afkooda baro.

Ugu dambeyntii, ka sharci yaqaan ahaan, waxaan bulshadda Somaliyeed kula talin, in dhibka keenayo caruur qaadashada inta uusan imaan laga wada hortago, oo waalidkii xanuunsan, la wado caawiyo daris iyo ka jaaliyad ahaanba.

Haddiisa ay dhacdo in ilmihii qooyska la qaato, yaan la isku mashquulin banaan baxyo, banaan bax, waxuu wax ka badali karaa, arimaha la xariiro siyaasad iyo waxii hindisa ah ee soo food leh, ilmo la qaaday, waxaa lagu qaaday sharci dagsan iyo maxkamad, marka maxkamad haddii aad banaan baxdo iyo haddii kale dhag jalaq uma siineyso, marka laga hadlayo go’aan qaadashada.

Ahmed-haadi Muhumad Ahmed   [email protected]

R/W Saacid : Waxaa bilaabbi doonaa wada hadalladii annaga & Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan wadahaddaladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliand.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayay munaasabad lagu dhaarinaayay wasiir-ku-xigeeno iyo wasiiro dowlayaal cusub oo ka tirsan xukuumaddiisa.

“Waxa dhawaan bilaaban doonaa wadahaddaladii u dhexeeyay annaga iyo Somaliland, waxana rajeeneynaa in ay noqdaan kuwa horrey u socda oo ka soo baxa wax natiijo ah” ayuu yiri ra’iisal wasaare Saacid.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan la dhisi doono maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan madaxwayne Xasaan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dib loo bilaabi doono wadahaddaladii u dhexeyay maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya.

Horrey ayaa dowladdii ugu dambeesay ee ku-meel-gaarka ee uu hoggaaminaayay Shariif Sheekh Axmed madaxwaynihii hore, waxa ay bilaabeen wadahaddal ay lagaleen maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een sannadkii 1991-dii, waxana tan iyo xilligaas ay raadinaayeen ic-tictiraaf ama aqoonsi, laakin weli ma helin.

Dowladda hadda uu hoggaamiyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ku jira dad ka soo jeeda gobalada waqooyi-galbeed oo hadda la baxay Somaliland, waxa ka mid ah ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Markii xilkaas loo magacaabay waxa ay sheegtay in Somaliland ay iyada wakiil u tahay isla markaana ay ka soo jeedo, laakin madaxda maamulka Somaliland waxa ay sheegtay in aysan matali karin Wasiiradda Somaliland isla markaana aysan ictiraafsaneen.

Ma cadda sida labada dhinac oo horrey wadahaddalo tiro ka labo jeer yeeshay ay kalkan kulankooda uu noqon doono, laakin labada dhinaca waxa ay sheegayaan in ay diyaar la yihiin in meesha laga siiwado wadahaddalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Wareysi: Madaxweynaha oo ka hadlay xiriirka Somalia ee Kenya iyo Ethiopia + Muxuu ka yiri hay’adaha gar gaarka?

0

Nairobi (Caasimada Online) Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu dhawaan ku siiyay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya Jariirada Al-Xayaat ee ka soo baxday waddanka Ingiriiska, waxa uu kaga hadlay arrmo badan.

Muxuu ka sheegay hey’addaha gargaarka?

Madaxwaynaha ayaa ku eedeeyay hey’addaha gargaarka in siddii la rabay aysan ula dhaqmin dowladda Soomaaliya, oo hadda ka baxday marxaladii ku-meel-gaarka ahayd.

Wuxuu sheegay in siddii dowlad rasami oo kale aysan ula dhaqmin xukuumadda hadda jirta, waxana uu sheegay arrintaas in ay dhalin karto wax yeelo aad u xun sida uu hadalka u dhigay.

madaxweyne-xasan-sh-maxamuud-kambalaMadaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in deeqaha ay keenaan hey’addaha gargaarka in dowladda la siiyo illaa 17%, iyadoo ka hor inta aan lagu soo wareejinina 4% ay qaataan hey’addo kale oo ah gacan seddaxaad.

Madaxwaynaha ayaa yiri “Dowladeeda waa mid sharci ah oo laga aqoonsan yahay aduunyada oo dhan sida geeska Africa”

Wareesigan oo madaxwaynaha uu ku siiyay Al-Xayaat intii uu ku sugnaa toddobaadkii hore waddanaka Kenya, ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadiisa aysan ka warqabin wax-yaabaha ay ka hayaan dalka hey’addaha gargaarka bixiya, kuwaasoo iyagoo tira badan waddanka jooga.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in sannadka soo socda ee 2013-ka uu noqon doono sannadkii ugu fiicnaa arrimaha gargaarka oo laga baxaayo dhibaatooyinka lagu soo jiray.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan mashaariic laga hirgalinaayo waddamada dariska.

Muxuu ka yiri madaxwaynaha Xiriirka dowladiisa ay la lee dahay Kenya iyo Ethiopia?

Madaxwaynaha ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeysa dowladiisa iyo waddamada Kenya iyo Ethiopia uu yahay mid aad u wanaagsan, isla markaa uu ka jiro xiriir wadashaqeyn sida uu hadalka u dhigay, isla markaana uu la kulmay madaxda waddamadaas.

Wuxu sheegay in uu ka xunyahay rabshadaha iyo qaraxyada ka dhaca waddanka Kenya, kuwaasoo oo lagu dhibaateeyo dadka rayidka iyo ciidamada ammaanka.

Si kastaba, hey’addaha gargaarka ayaa lagu eedeeyaa in ay dhibaatooyin ay ku hayaan dalka, waayo gargaar fiican ma keenaan waddanka, waxana gargaarka inta badan ay kusoo began xilliyada roobabka ay da’aan si dadka wax tacbanaya ay joojiyaan beeraha ay falanayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Daawo Video-gan: Waa arin lagu farxo oo Soomaalida Minnesota sameeyen.

0

Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota waxaa daga Dadyoow badan oo Soomaali ah oo lagu tiro in ay ka mid yihiin Soomaalida Qowmiyadaha ugu badan ee daga Gobolkaasi Minnesota, Daraasaad la sameeyay ayaa lagu sheegay in Soomaalida Gobolkaasi in ay horumar ganacsiyo iyo dhaqaalabo ka sameeyeen Gobalkaasi Minnesota.

Hadaba Warbixin lagu farxo oo Video ah ayaan idiin soo gudbineynaa nala daawo waa wax yaabaha u wanaagsan indhaha iyo dhagaha in aad maqasho Soomaali baa horumar ka sameeyay wadan hebal waana wax lagu farxo xaqiiqdii ee nala wadaag muuqaalka hoose ee Video-ga.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO-GA.

 

Booskii Xildhibaannimo ee C/weli Gaas oo loo dhaariyay xildhibaan cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa iska casilay xilka xildhibaannimo ee baarlamaanka Soomaaliya, waxa la sheegay in xilkaas loo dhiibay nin kale oo ay soo magacabeen beesha uu ka soo jeedo.

Si kastaba, waxa xilkaas maanta loo dhaariyay Yaasiin Cabdi Seed, kaddib xaflad ka dhacday xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Lama shaacin sababta uu Cadbiwali Gaas uu isaga casilay kursiga xildhibaannimo, laakin waxa la sheegayaa in uu doonayo in uu xil ka qabto maamulka Puntland haddii la qabto doorashada maamulkaas oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha January ee sannadka 2013. Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in uu dib ugu noqonayo waddanka Maraykanka iyo shaqadii uu horey uga hayay halkaas ee ahaydn bare jaamacadeed.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa lagu dhaariyay labo xildhibaan, waxana xildhibaanka badalay Gaas ka sakow, isna la dhaariyay Cabdirashiid Muuse Nuur oo beddelay Xuseen Khaliif kaasoo isna iska casilay xilkii uu ka hayay baarlamaanka Soomaaliya.

Ma cadda illaa hadda sababaha ay isku casileen labadan xildhibaan oo horrey xilkan loogu dhaariyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia oo booqaneysa London + Sawirro

0

Raysal Wasaare ku xigeenka anha Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Foosiya Yusuf Xaaji Aadan ayaa booqasho ku joogta London, oo ay soo gaadhay xalay.

Foosiya iyo waftiga la socday ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Airportka Caalamiga ah ee Heathrow International, halkaasi oo ay  soo buux dhaafiyeen dadweyne kasoo baqoolay daafaha magaaladda London.

Waxa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey madax sare oo ka tirsan dawlada UK iyo qaar ma mid ah hogaamiyayaasha jaaliyada Soomaalida ee dalkan Ingiriiska.

Raysal Wasaare ku xigeenka anha Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Foosiya Yusuf Xaaji Adan oo saxaafada hadalo kooban siisay, waxa ay ugu horeyn aad ugu mahad-naqday  jaaliyadda Soomaalida ee dalkan Ingiriiska  sida quruxda badan ee losoo dhaweeyey. Waxa kale oo ay sheegtay in safarkeedu uu ku saabsan yahay kulamo ay la qaadanayso madaxda Dalkan Ingiriiska dhawaan iyo safaro ay ku kalo bixinayso meelo la mid ah Yurub oo ay usii dhaafi doonto.

Sawirro

Fowsiya (1)Fowsiya (2)Fowsiya (3)

Wixii War ah ee kasoo kordha la socda  iyo videowba insha allah

Xamse Axmed Salaan

London

[email protected]

Daawo Sawirada Booqashadii Wafdigii dowladda ay ku tageen Kismaayo

0

Waxaa dhowaan booqasho laba maamood qaadatay magaalada Kismaayo ku tagay wafti ka socda Dowladda Somalia, oo manta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

Xubnaha Wasiirada oo uu ku jiray Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka iyo Waliba wasiirka gaashaandhiga ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku dhooweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowlada.

Hadal kooban waxaa warbaahinta kiu siiyay Garoonka Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Fiqi waxaa uu sheegay inay soo gaba gabeeyeen socdalkii kismaayo.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wuxuu sheegay in kismaayo ay kula soo shireen masuuliyiinta maamulka KMG ah ee kismaayo ayna kala soo hadleen arimaha maamul usamaynta Jubooyinka.

Waxuu u mahad celiyay maamulka Kismaayo ee si wanaagsan u soo dhaweeyay Wafdiga Wasiiro ee dowlada.

Daawo Sawirrada booqashadii waftiga

1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

5

 

 

 

 

 

 

 

 

 

6

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

7

 

 

 

 

 

 

 

 

 

9

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

11

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

wu

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

wiii

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

huu

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

giii

Ciidamada Amisom oo dabin u dhigay caruur kadibna dilay mid ka mid ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gawaarida gaashaaman ee Ciidamada Amisom ayaa dar daray mid kamid ah caruurta yar yar ee ku nool magaalada Muqdisho, shalay.

Hase yeeshee warar laga naxolagana yaabo, ayaa kazoo baxaya qaabka uu shilka u dhacay, oo lagu macneeyay shirqool.

Shilkan ayaa ka dhacay wadada Curubo ee degmada Shangaani oo ay marayeen gawaarida Xawliga ku socda ee Amisom, waxaana ay dhacdada timid kadib markii Askarta Amisom ay buskud iyo biyo ay u tuureen caruurta kadib iyagana ay u kala carareen.

Waxaana Intaa kadib goobta soo maray gaari xowli ku socda oo ay leeyihiin ciidamada Amisom oo jiiray mid kamid caruurta, sida ay sheegeen dad goob joog ahaa, oo la yaabay ficillada ciidanka Amisom.

Ehelada Canuga uu gaariga jiiray, ayaa warbaahinta u sheegay inay la hadleen ciidamada Amisom marka uu wiilka goobta kunaf baxay, waxaana ay noo sheegeen ayay yiraahdeen “diyo, laaakin ma cadda inay bixin doonaan iyo in kale”.

Taliyahii Ciidankaas Amisom ee gaariga la socday, ayaa u dagay dadka goobta joogay waxaana uu sameeyay balanqaad ah inay diyo dhiibiyaan.

Gawaarida Amisom ee Xawliga ku mara waddooyinka Muqdisho ayaa dad badan kulayay magaalada casimada ah, dhow goor oo hore

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Ra’iisul Wasaare SAACID oo looga yeeray Baarlamanka, kadib markii uu jebiyay dastuurka (Aqri qodobada)

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdulqaadir Faarax Shirdoon, ayaa lagu eedeeyay jabinta qodobo ka mid ah dastuurka dalka, sidaa darteedna ay tahay inuu hor yimaado Baarlamanka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia, ayaa shaaca ka qaaday in markii uu Saacid magacabaayay wasiir ku xigeenada xukuumaddiisa uu jebiyay qodob dastruuri ah, oo dhigaya in wasiirada ay noqdaan kuwa aqoontoodu gaarsiisan tahay heer Jaamacadeed.

Xildhibaan Dr. Ibraahim Suleymaan Nuur, oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa ku warramay inay jiraan  oo uu ka war hayo dhowr wasiir ku xigeen, oo aan heysan Shahaado Jaamacadeed.

Sida ku cad dastuurka dalka, shuruudaha laga doonaya qofka noqonaya Wasiir ama wasiir ku xigeen waa sidan:-qodobka 98-adDr. Ibraahim waxa uu ka dalbada ra’iisul wasaaraha dalka inuu horyimaado xildhibaanada baarlamanka, si su’aalo looga weydiiyo dastuur jebintii uu sameeyay.

Waxaa sidoo kale dood ay ka taagan tahay shraci ahaansha ansixintii wasiir ku xigeenada iyo shaqada ay u hayaan qaranka, maadaama markii horeba lagu magacaabay si aan waafaqsaneyn dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha weli kama uusan jawaabin qodobadan lagu qabtay

Halkan ka arag qodobka 98-aad ee dastuurka, oo ku dhex jira datuurka oo dhameystiran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Wasiir hore oo loo magacaabi doono gudoomiyaha gobolka Banaadir.

0

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka soo baxdo xafiiska Madaxweyne Xasan sheikh Wareegto Xilka looga qaadayo Maxamud Axmed Nuur (Tarzan) oo labadii sano ee ugu danbeysey ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banadir & Duqa Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in xilkaas loo magacaabi Doono C/Raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), waxaana ilo Wareedyo laga helay Xarunta Madaxtooyada ay sheegayaan in Tarsan  dhawaan Xilkaas laga qaadi Doono.

Tarsan ayaa la sheegay in ay iska hor imaadeen Ganacsatada magaalada Muqdisho taasi oo keentay in Madaxweyne Xasan Sheikh ay si toos ah u gaarto cabashadaas ka timid Ganacasatada.

YarisowC/Raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow)  in uu uu Noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banadir & Duqa Magaalada Muqdisho ayaa dad badan waxay u arkaan horumar uu Gobolka banaadir ku Talaabsaday, maadaama Xiligii uu ahaa Wasiirkii Warfaafinta waxd badan uu ka qabtay xaalada saxaafada iyo hanaanka bulshada ay ula shaqeeyaan Warfaafinta.

Eng. Yarisow ayaa ah aqoon yahan wax badan ka qaban kara xaalada amaan ee Gobolka banaadir iyo isku socod la aanta Xiliyada habeenkii ah, taasi oo ay u dheer tahay in Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay u baahan yihiin dhismooyin oo xiliga Roobka dadka Muqdisho aysan isku socon Karin gaadiidka.

C/raxmaan Cumar ayaa 10 sano madax ka soo ahaa Dowladda Hoose ee London, UK oo uu Agaasime ka ahaa Waaxda Guryeynta oo runtii leh aqoon ku aadan sida Dowladaha Hoose ay u shaqeeyaan.

Shaqsiyada Eng. Yarisow ayaa  lagu tilmaamaa in uu yahay shaqsi aad u fur furan aqoona u leh, arimaha bulshada, Walow Qilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay Gudoomiyaha Xilkiisa dhamaaday Tarsan iyo Ganacsatada oo ay barbar socoto dagaalka uu saxaafada kula Jiro Tarasan.

Afhayeenkii Hore ee Xukuumadii Soomaaliya iyo Wasiirkii Warfaafinta ayuu soo qabtay C/Raxmaan Cumar Yarisow  taasi oo ay u dheer tahay aqoonta maamul ee Dowlada Hoose uu u leeyahay, maadaama dalka Ingiriiska uu in badan ku Noolaa uu ka soo shaqeeyay Dowlada hoose ee dalkaas.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

[email protected]

Tabeelayaal socda oo aan is ogeyn!! (Faallo xaalad ka jirta Muqdisho)

Dunidaan casriga ah ee aan ku dul noolnahay xiligaan waxa ay dhankii laga eegaba u dheereyneysaa sida shey cirka laga soo tuuray oo kale.waxaana la oran karaa rubuc qarnigii ugu danbeeyay waxaa Aduunka lagu soo kordhiyay adeegya tira beel ah iyo  wax  aan la qaban Qarniyadii tagay, taasina waxa ay keentay in la hindiso malaayiin Campany oo soo saara wax kastoo Dad iyo Duunyaba aas aas u noqon kara hurumarka noloshooda haba lagu sii kala horeeyee.

Waa hubanti in Campaniyada wax soo saara ay tartan ugu jiraan hanashada quluubta bulsha weynta caalamka si ay alaabahooda ugu qanciyaan una helaan macaamiil joogta ah,si ay guushaa u  gaaraana waxa ay  adeegsadaan farsamooyin kala duwan oo lagu kala tagsan yahay,haba ugu sii mudnaato dacaayadaha ay u sameeyaan alaabahooda iyo hurumarinta magacyadoodee.

Hadaba quburada qarnigan ganacsiga wadaahi waxa ay ogaadeen in dacaayadaha ama xeyeysiinadu ay door muhiima kaga jiraan horumarka ganacsiga,waxa ayna had walba jaangooyaan wax soo saarkooda,iibinta magaca Campaniga iyo cidda ay rabaan in ay gaarsiiyaan fariintooda,iyadoo halka ugu badan ee lagu dagaalamayana ay tahay da,da ka hooseysa 40 tan jirka oo 75% ah bulshada.

Tusaale ruuxa ka weyn da,da 50-ka ama ku dhow weli waxa uu xasuustaa noloshii hore oo aan la aqoon waxa hada la yaqaano,lamana qabsan karo casrigaan ciir ciiraya,bal u fiirso dhanka teleefoonada hadii ay isku dayaan qaadashadooda inta badan waxa ka fadhiistaan boosaska kuwa raqiiska ah, dantooduna waa ineey ku hadlaan oo qudha,balse jiilka maanta waa ay ka xanaaqaan ama ka xishoodaan qaadashada telefoon aan qaali aheyn,waayoo waxa ay ku jiraan halgan kale  oo la yiraahdo Facaa iska dhici,tan kalena waxa ay awood u leeyihiin adeegsiga macluumaadka tirada  badan ee ku jira.

Sidoo kale Campaniyada soo saara,Cumputarada,Gaadiidkaa noocyadiisa kala duwan,Softweerada,waxyaabaha la isku qurxiyo ama la isku carfiyo, qalabka digitalka oo malaayiin nooc ah,dharka, kabaha, saacadaha,Cabitaanada iyo dhamaan waxa kasta oo hadda la adeegsado, ninba taagtii waxa uu wax soo saarkiisa u sameeeyaa dacaayado maadaama uu tuhmayo in tartan lagula jiro.

Dhamaan Campaniyadani waxa ay u kala xusul duubayaan waxa ay tahay sidii ay shucuubta caalamka u isticmaali lahaayeen adeegyadooda,waxaana iibinta magacyadooda kaga baxa Malaayiin dollar, ma aha macnuhu in lacagahaa faraha badan aanuu Campanigu u baahneyn balse waxa uu maanka ku hayaa tartanka yaala suuqyada dunida.

Waxaa sidoo kale lagu kala hormarayaa shaqsiyaadka iyo goobaha caanka ah,sida Cayaartoyda, Fanaaniinta,Actarada,Naadiyada iyo meelaha kale ee ilqabadka  leh,ujeedkuna waxa uu yahay in la kasbada taageerayaasha ay ku leeyihiin aduunka,iyo barashada magaca Campaniga ee shanta Qaaradood si isku mid ah looga arkayo.

Campaniyada Nike,Adi-das,Buuma,Kabo Fly Emarites,Ithihaad Airweys, Toyota,Samsung opec,iyo kuwa kaloo aan qoraal lagu soo koobi Karin waa kuwa dacaayadahooda si weyn uga faa,ideysta dhanka Sportiga noocyadiisa kala duwan,maadaama Sportigu uu yahay aalad xoog badan oo ay xiiseeyaan bulshadu ,waxa ayna iyaga oo bixinaya xuquuqda lagu yeesho sameeyaan Funaanado, koofiyado, iyo shey yaal kale oo magacyadoodu ay ku yaalaan,sidoo kale waxa ay boorar il qabad leh ku dhajiyaan garoomada cayaaraha iyo magaalooyinka dhexdooda, balse ogoow meel kasta oo ay isticmaalayaan waa hishiis laba geesood ah ama canshuur baa ku socota.

Soomaaliya hadaan u soo noqdo, tan iyo bur-burkii waxa ay ka mid aheyd dalalka dadkooda looga faa,ideystay sida tabeelayaasha oo kale,waayoo hadaad dhex marto suuqyada ama magaalada waxaad arkeysaa oo kaa hor imaanaya dad ku labisan Campaniyo isticmaalka magacyadooda ku bixiya lacago ama ay aheyd in ay ku bixiyaan lacago sida, Nike,Adi-das,Samsung,Cookacolla,Pepsi, Nokia,Sportsman,Toyota Fly Emarites, Boss, Cofee, Omega,Turkish Airweys,,National,Yahoo,  Pansonic,Google,Facebook,Barcless,Shell,Vadafone iyo kuwa kaloo badan.

Sidoo kale waxaad arkeysaa magacyo shirkado Isgaarsiin  Xawaalado,Carwooyin,Warbaahino,kuwa Duulimaad,Hotelo,magacyo Caano, Cabitaan iyo Sigaar,goobo la isku qurxiyo,iyo shirkado  kale oo ganacsi oo dhamaantood si ay uga faa,ideystaan Tabeelayaashaan socda ee aan is ogeyn,si fudud ugu sameeyay Funaanado,koofiyayaal,Qalmaan,Dalado,Saacado iyo waxyaabo kale, dabadeedna u qeybiyay  weliba bulshada intooda jilicsan ee duruuftu ku qasbeyso qaadashadooda,sidoo kale waxaad arkeysaa gaadiid muraayadaha looga dhajiyay calaamado shirkado ganacsi,oo laga yaabo in aaneey aqoon halka ay ku yaalaan,koofiyayaal,Qalimaan,Dalado,Saacado iyo waxyaabo kale, dabadeedna u qeybiyay  weliba bulshada intooda jilicsan ee duruuftu ku qasbeyso qaadashadooda,sidoo kale waxaad arkeysaa gaadiid muraayadaha looga dhajiyay calaamado shirkado ganacsi,oo laga yaabo in aaneey aqoon halka ay ku yaalaan.

Mana jiro wax hishiis ah oo ka dhexeeya iyaga iyo Campaniyada  ay magacyadooda ku wareejinayaan magaalada, halka ay Campaniyadani hishiisyo iyo lacago badan ku bixiyeen Tabeelayaasha aan socon ee ay hareeraha wadooyinka ku xardheen balse waa marag ma doonto in Campanigu  uu ku helayo  faa,ido badan xeyeysiinta lugeyneysa, marka sow lama oran karo dadka noocaas ah waa TABEELAYAAL SOCDA OO AAN IS OGEYN.      Dhamaad

W/Q/ Wariye :C/qaadir Maxa,med Faarax Dulyar

[email protected]  Mogdisho-Somalia.

Soomaali badan oo ku dhintay Libya

0

Tripoli (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo waddanka Libya ayaa sheegaya in ku dhawaad 20-qof oo Soomaali tahriib ay ku dhinteen waddankaas, kaddib markii baabuur ay saarnaayeen oo lagu soo raray shamiito ay ku duntay.

Dadkii ku dhaawacmay shilkaas iyo kuwii ku dhintay ayaa la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada Tripoli, halka dadkii ka badbaaday loo taxaabay xabsiga.

Qadro Rashiid oo ka mid ah dadkii ka badbaaday shilkaas ayaa u sheegtay VOA-da in ku dhawaad labaatan qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen shaley oo jimco ahayd meel ku dhow xarunta Libya ee Tripoli.

“Shilku wuxuu ahaa, waxa aan la soconay gaari sida aragi oo kale loo raray, kaddibna waxa la saaray Shamiinto iyo bulukeeti, oo annaga ayaa hooseenay, waxa aanu ahayn 124-qof,markii ay ku soo dhawaanay magaalada ayaa waxa nagu soo jabay shamiitadii iyo bulukeetiga, waxana ay taleefon u soo dhiibeen nin ka tirsan kooxaha muqalisiinta, waxa aan ku niri war gaariga jooji, isagana wuxuu ka cabsanayay bilayska, markaas wixii kale ayaa soo dumay” ayey tiri Qadra.

Intaas kaddib, waxa ay sheegtay gabadhan ka badbaaday shilka, in markii dambe la joojiyay baabuurka, oo lagu arkay meydadka illaa 20-qof iyo dad dhaawac ah, kuwaasoo dhammaan la dhigay isbitaal ku yaalla Tripoli, halka kuwii ka badbaaday iyana loo taxaabay xabsiga.

Dadkan ayaa la sheegay in markii hore ay ka yimaadeen Soomaaliya iyo dhulka Is-maamulka waddanka Ethiopia. Waxana ay rabeen in ay aadan waddamada Yurub.

Libya Soomaali badan ayaa ku dhintay, kuwaasoo inta aysan soo gaarin Libya ay dhex ugu dhintaan oon iyo gaajo, kuwa kalena marka ay yimaadaan Libya ayey badda doon ka raacaan iyagoona safar xagga badda mara, waxana ay aadaan Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Police Nigerian ah oo tagaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Nigeria ayaa shaaca ka qaaday in ay Soomaaliya u direyso 140 askari oo bilays ah si ay qeyb uga noqdaan qaybta bilayska ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sarkaal u hadlay xukuumadda Abuja , ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay heshiis labo geesood ah oo ay kala saxiixdeen Nigeria iyo Midowga Afrika.

Guddoomiyaha guddiga nabadda iyo ammaanka ee AU Ramtane Lamamra ayaa heshiiska u saxiixay Midowga Africa , halka Nigeria uu u saxiixay wakiilkeeda u qaabilsan AU oo lagu magacaabo Bulus Lolo.

Sidoo kale aggaasimaha nabad ilaalinta ee ciidamada bilayska Nigeria Kayode Aderanti ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay siddii loo nabadeen lahaa Soomaaliya oo dagaalo ay ka socdeen in ka badan 20-sano.

Si kastaba, bishii hore September ee sanadkan ayaa 70- askari oo boolis ah oo ka socday Nigeria waxay soo gaareen magaalada Muqdisho, si ay ugu biiraan booliska AMISOM ee ka howlgalaya saldhigyada caasimadda.

AMISOM ayaa oo howlgalkooda bilaabay 2007-dii waxa hadda ay keentay Muqdisho ciidamo bilays ah kuwaas oo ku sugan saldhigyada bilayska ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Gaalkacyo: Dad loo xiray dil Nabadoon

0

Ciidamada Amaanka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa saakay dad badan u soo xiray dilka nabadoon caan ka ahaa Gaalkacyo oo xalay la dilay.

Ruuxa la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaboobe Aadan waxaana lagu dilay xaafada israac ee Gobalkaasi gaar ahaan meel udhaw gurigiisa.

Marxuumka ayaa waxaa uu kusii jeeday gurigiisa marka ay kooxahan hubaysan ay dilayeen iyagoo u galay meel aan sidaas kaga fogeyn gurigiisa kadibna ay la dhaceen rasaas taasi oo keentay in goobta dhaawac ahaan looga qaado hayeeshe uu ku geeriyoodo isbitaalka Magaalada.

Dadka dilka geestay ayaa durba meesha ka baxsaday iyadoo ilaa iyo iminka aan la garaneyn sababta ka dambeysa dilka loo geestay Gaboobe Aadan.

Ma jirto ilaa hada wax war oo ka soo baxay maamulka Gaalkacyo qaybta Puntland.

Kala geeye – Cuqdad aabaheed! (4)

Muuqaalkii 6aad.

Waxaa Muuqaalkan ku kulmaaya, Odayaasha kala ah, Oday maxaan cunaa,Oday danteeyda ka hadal,Oday hal beel deeq iyo Oday saadaq, waxeeyna aad uga careeysanyihiin hadalka ka soo yeeray kala-geeye ee ku saabsan dhisida maamul goboleedka ( Alfu-layl wa layl) waxaana dhex maraaya sheekadaan.

Oday danteeyda ka hadal: – Maanta anigaa idiin yeeray, waxaana rabaa in aan ka hadalno, damaca gaarka ah ee kala-geeye iyo maamul goboleedka uu rabo in uu ku dhawaaqo, waxaana rabaa maadaama aan nahay odayaashii in aan ka qaadano go, aan mideeysan.

Oday hal beel deeq: – waa arin wanaagsan oo aad loogu baahanyahay in aan ka qaadano mowqif mideeysan, hadaan ku hormaro fakarkeeyga, arinkaas arin la qaadan karo ma aha, waayo waad la socotaan, taariikhda kala-geeye ma aha nin ku sifoobay wanaag waana qaaraan diid caadeeystay in uu kala tuuro isku xirnaanta, mana la aqbali karo fakarkiisa.

Oday maxaan cunaa: – Waa aduun waxaan laga fileeyna ma laha, waligeey isma lahayn kala-geeye ayaa inta uu bulshada soo hor istaago la imaanaaya fakar asaga lagu raaco, aniga waxaan aaminsanahay ninkaas in aan iska qabano.

Oday saadaq: – Aniga waxeey ila tahay idinka iyo asagaba in eeydaan waxba is dhaamin isla markaana aan la idinku aamini karin masiirka umada, waxaana hubaa in eeydaan bulshada u hadleeyn oo aad tabeeysaan oo kaliya danihiina gaarka ah, waayo mar horaan idinku daalay aniga, waxaana hubaa in uu kala-geeye idinka fushan karo wuxuu doono sababtoo ah waan is naqaan.

Oday maxaan cunaa: – Oday saadaq mar walba waxaad ku hadashaa hadal taag taagan waadna naga soo hor jeesataa waxaan ku dhihi lahaa, dagaalkan adiga kuu gaarka ah jooji.

Oday saadaq: – Aniga dagaal ma wado runta se waa qaraartahay, anna ma dhaafi karo, waxaana hubaa haddii dantiina gaarka ah la saxo in aad la, imaan doontaan waji kale.

Oday danteeyda ka hadal: – Marna lagama yaabo in aan wax la qabano kala-geeye xataa haduu la yimaado, buuro dahab ah, ee Oday saadaq ma nagu raacday?

Oday saadaq: – Aniga waa idinku raacsanahay, waxaana eegi doonaa arintan iyo waxa ay ku danbeeyso.

Qaybtii 7aad. 

Muuqaalkan waxaa ku kulmaaya Hodan iyo Mulki, waxaana dhex maraaya sheekadaan.

Mulki: – Sxb adeerkaa waa talaabsaday, wuxuuba u gudbay in uu noqdo madaxweeyne maamul Goboleed ka waran arintaas!?

Hodan: – Runtii wuu ii sheegay arinkaas aadna waan uga naxay! 

Mulki: – Waxaan maqlay xataa in odayaashii joogay wadanka ay ka caroodeen isla markaana ay ka soo hor jeedaan, arinkiisana wuxuu iila egyahay in uu fashilmay!

Hodan: – Waa fiicnaan lahayd in uu fashilmo waayo dan umadeed ma wado, laakiin waxaan kuu sheegaayaa, maanta ma aha maalintuu ninka xun fashilmaayay! 

Mulki: – Maxaad ka wadaa saaxiib!

Hodan: – Maanta Nin walba oo xun dunidaa taageersan oo raadineeysa in ay garab istaagto, Odayaashana hadaan astaan kaa siiyo (eey habeen dhafray dantiisuu u soo jeeday Kan lehna wuxuu moodaa in uu isaga ilaalinaayo) waxeey raadinaayaan oo kaliya dhunjis!

Mulki: –  Ma waxaad I leedahay kala-geeye arinkaan waa u mareeysaa!

Hodan: – Waxaan aamin santahay in uu siduu doono ay noqoneeyso.

La soco qaybta 5aad

W/Q Abwaan Cllaahi Bashiir Nuur [email protected]

JACEYLKII DUGSIGA DHEXE ( 10 ) !!!!

Qeybtii 10-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore 
1-aad,  2-aad,  3-aad4-aad 5-aad

Akhristoow waxaan la yaabaa Dad ku dooda jaceyl ma jiraa mise ma jiro??? aniga iska dhaafe Akhristoow haddii aad sheekadaan la socotay waxaan u maleynayaa in aadan is weydiineynin su,aashaas ???. waa sidii Abwaan Sangube Haddii aan jaceyl jirin Jaar lama ahaadeen ???Haddii aan jaceyl jirin Adduunyadu ma joogteen ???!!!! Waxaanse Anigu is weydiiyaa maxaa u dhaxeeya Jaceylka dhalinyarada ( Teen Age ) iyo Kan Dadka waaweyn ??? Su,aashaas baa ka haboon in la is weydiiyo Jacel ma jiraa mise ma jiro ???? !!!!. Annigu waxaan qabaa jaceylka dhalinyarada siiba kan kugu qabta Dugsiga dhexe in uu yahay mid Khatar ah oo loo dhiman karo, meesha Jaceylka Ruuxa weyn uu si uun ku furdaamin karo xataa haba sheegtee ??? Se Kan dhallinta cabsi iyo Xishood buu leeyahay ??? waa kii igu dhacay ??? oo aan kari waayey in aan Maryan xataa waan ku jeclahay in aan ku iraahdo. Jaceylka yaraanta waa mid cabsi badan,waa mid khibrad yar ,waa mid fudud,waa mid Aqoondaran,waa mid aan mararka qaarkood aan saas u xeel dheerayn oo dhaqso baa’ba haddii uusan xoogeysan sida kii Ostan oo Afar sano oo xariir ah socday. Akhristoow Ostan Maryan gadaahseeda jaceylo Fara badan ayuu jilay ha ugu horeeyo kii Xaaskiisa Dhudi oo uu asaguna haatan ku qiyaasaayo in uusan kan Maryan ka yareyn .

Waxaa kaloo ku xigay 1991 Ostan gabar uu hal maalin arkay ayuu ku jeclaaday Canada, waa gabar dheer oo cas oo Tinteeda u jaratay sida Naagaha cadaanka Tin gaaban oo dhagaha dushooda saaran. Ostan waxay gabdhaas isku arkeen Magaalo la yiraahdo London,Ontario oo labo saac u jirta Toronto uu waagaas Ostan deganaa, waxay aheyd fasax gaaban uu Magaaladaas ku tagay ayuu ku soo arkay Guri ay leedahay Inaabtidiis. Ostan markuu ku soo noqday Toronto ayuu Habeenkii oo dhan Gabadhii ka fakaraayey, asagoo is leh waa in aad Gabadhaas la xariirtaa oo Jaceylka ku galay la wadaagtaa ayaa Subaxdii waxaa u soo dhacay Teleefoon ka yimid Jabuuti oo dhudi & Carruurtiisii yimaadeen marka laga reebo Salmaan oo Xamar lagu soo Duugay. Jaceylkii Gabdhii London ,Ontario halkaas baa u danbeysay Ostan wuxuu guda galay in uu Reerkiisa yimid uu la tacaalo. Akhristoow Jaceylka xigay wuxuu ahaa Mid asaguna ku dhacay 1993 isla Toronto asagoo jooga ayaa waxaa dhacday in Ostan ooy isla degan yihiin Inaadeerkiis Wardheere oo Gabar uu keenay Canada ka tagtay , ayaa waxaa London, Uk ka soo wacday Eedadood  Shukri oo wardheere u sheegaysa in ay Gabar Wadaad ah oo fiican ay u hayso ee uu iska iloobo tii ka carartay. Wardheere oo Haweenkaba Colaad u qaaday wuu ka hoos qaadi waayey Eedadiis codsigeedii oo Gabadhii ay u heshay wey ku ceebooday markii uu la hadli waayey ??? Eedadiis baa Ostan ku calaacashay, kadib buu ku yiri Eedo Gabadha Adresskeeda i soo sii anniga ayaa kaa mashquulinaaya’e, sidii bay yeeshay Ostan baa si lama filaan ah warqad ugu diray Kaafiyo oo London Joogta. Akhristoow waagaas Waraaqo jaceyl baa la isku diri jiray 90 meeyadii E-mail , Paltalk,Msn iyo Waliba face Book toona ma jirin, waa ama Boosto ama Tel oo waagaas qaali ahaa . Dhawr Waraaqo oo jaceyl ah markay is dhaafsadeen Ostan iyo kaafiya ayey sheekadii iskugu baxday, Jaceylkaas wuxuu Ostan u Yaqaanaa Jaceylkii Isqarinta ( cover up ) oo Ostan wuxuu iska dhigaayey wardheere si uu u  ( Cover ) gareeyo oo Kaafi jaceyl ugu abuuro, waana dhacday waxay Usbuuc kasta iska heli jireen Waraaqo Wadno Jaceyl lagu xardhadhay sidii kii Maryan , se kani waa ka duwanaa kii Maryan ee lala cabsan jiray. Waloo Ostan uu Jaceylkaas uu Qowlkii Eedadiis ku Dhawraayey haddana Kaafi wuu Jeclaaday,sida ay ayaduna u jeclaatay. Maalintii Danbe ayuu Ostan Kaafi ka helay Warqad jacveyl ah oo Hadaladaan ku qoran yihiin :

[ Macaane waxaa dhacday Maalin dhaweyd markii aan Dugsiga ka soo rawaxay annigoo Madaxu i xanuunaayo ayaan waxaan soo furay Boostadii,oon ka helay warqadaadii aad ii soo dirtay, Kadib halhaleel ayaan Qolkaygii ku galay iridda ayaan hoos ka xirtay !!! Markaas ayaan warqaddii Akhris ugu dhaqaaqay, markaan dhameeyey !!! Macaane i Rumayso Madax xanuunkii waa iga ba’ay ] !!!.

Ostan aad buu ula yaabay in waraaqihiisii ay isku badaleen Xanuun baabi’iye ( pain Reliever ) Markaas ayuu Rumaystay in Kaafiyo Jaceylku Run ka yahay ??? markaas ayuu soo xasuustay waraaqihii uu Maryan u qori jiray haddii ay gacanteeda gaari lahaayeen in ay ayaduna sidaas ugu laab qaboobsan laheyd. Ostan wuxuu kaloo is tusay – intii uu wax qoraayey in uusan marna ku guuleysanin – Bogaadinta ay Kaafiya siisay oo kale, taas waxaan ka wadaa waxay aheyd Amaantii Ostan uu helay inta uu wax qoraayey Xataa Sheekadaan Jaceylkii Dugsiga Dhexe ( 1 ) . Ostan wuxuu kaloo 1996 jeclaaday Gabar kale oo Mareykanka degan oo uu Jaceylkeedii u baxshay warqad uu u qoray oo uu ugu magac daray : ( Maalaa’igi ha ku soo Salaamto ) oo uu ugu faahfaahshay sida uu u jeclaaday iyo in uu rabo in uu Guursado. Ostan gabadhaasna kuma uusan guuleysanin maadaama uu Xaas kale leeyahay,taas ayaa Jaceylkiisii ka dhigtay Hal Bacaad lagu lisay . Ostan wuxuu Guursaday 2004 Bishii Juun Gabar ay qaraabo yihiin oo ku nooleyd Eastleigh ( ISLII ) Nairoobi.(2) Ostan 2008 kii wuxuu jeclaaday Gabar Nairobi Degan, Xaafadda Eastleigh  waa macallimad Madarasad ka dhigta Xaafaddaas. Qof khatar ah oo ka soo Qalin jabisay Jaamicadda Muqdisho, aad u Diyaarsan , Wadaad xaafidu Quraan ah, Carabigeeda & English- keeduba waa Perfect . Ostan Maalin baa lagu casuumay Dugsigii oo uu Casharo ka baxshay, kadibna Gurigeedii ayey ku Casuumtay Qado fiican buu Cunay. Ostan Jaceylkaas aad buu ugu sigtay in uu Dhaboobo se Haddana Qadar Allaah ma u suurtoobin oo Gabdhiina Xamar ayey ku noqotay asagiina Mareykanka ayuu ku noqday, Gabdhaas waxay sheekada ku masaleysaa Naxteexo .

Akhristoow waxaan Jaceyladaas oo dhan ba dhagahaagga ugu Shubayaa in aad garatid Jaceylka yaraantu in uu ka khatarsan yahay midka adigoo weyn ku soo foodsaara . Sidaan soo aragnayba Ostan wuu la dhiman gaaray Jaceylkii Dugsiga Dhexe, se Jaceyladda kale ee faraha badan Dhib sidaas ah kuma haynin. Ostan wuuu soo Hinqanayaa haddii magaca Maryan la soo xuso, se jaceyllada kale waa Dabeyl mar uun ku dul martay ama roob xagaayo ah oo markiiba feyray macnaa joogsaday, bal fiiri kii Habeenka kaliya ahaa ee Subaxdii feyray .

Akhristoow markaan waxaad iga sugtaaba waa meesha ay Maryan ku danbeysay ????

Warkii ugu danbeeyey ee aan ka haayo Maryan waa in ay ku nooshahay wadamada Iskandeneefiyaanka ama sweden ama Finland, wey Guursatay waliba Nin ay haybta kore wadaagaan Ostan, ayey Ooridiisa Noqotay !!!! Ostan haatan wuxuu leeyahy Gurbaan ama garabkaaga ama gacalkaaga ha kuu haayo !!! Ostan wuxuu kaloo uu ku leeyahay midka Maryan Nasiibka u helay Heestii ( walaaloow ha iga ciilin Hodan ha iga ciilin ) Taas oo macnaheedu yahay Ostan wuxuu jecelyahay in ay Maryan Nolol fiican oo farxad leh ku noolaato.

Akhristoow Sheekaddii Jaceylkii Dugsiga dhexe halkaas ayaan ku joojineynaa ma dhameystirna oo waa soctaa, se Ostan wuxuu sugayaa inta uu Maryan la qeybsan lahaa Jaceylkaas dugsiga dhexe oo uu u sheegi lahaa siduu Adinkaba idiinku sheegay.

Haatan waxaan rabaa in gabgabadda sheekadaan aan su,aalo ka soo weydiiyo dadka la socda, oo waxaad jawaabta iigu soo diri kartaa E-mailkayga aan markasta qoraalka ku soo gabagabeeyo.

Su,aalo :

1) Sheekadaan maxaad ka faa’ideysatay markaad Akhrisay ? 2) sheekadu ma ka bixineysaa sawir Fiican Noloshii soomaalida ee waagaas Xamar ku nooleyd ? 3) Sheekada maxaa kuula yaab badnaa ? 4) Ostan ma ku saxsanaa Jaceylkiisa ??? ilaa heerkee baad ku qiyaasi kartaa Jaceylkiisa ? 5) Ostan ma ku qaldanaa in uusan salaamin Maryan markii laga soo noqday OHRM ee Gabdhihii kaloo dhan uu salaamy? 6) Is araggii ugu danbeeyey ee Ostan & maryan miyeey ka aarsaneysay maxay salaanta uga qaadi weyday Ostan? 7) Ostan ma ku saxsanaa in uu Buurane sheekadiisii rumaysto oo jaceylkiisii ku burburiyo ? 8) sidee baad u aragtaa jaceylkii gabadha Talyaaniga aheyd , mase u shaqeysay Ostan in uu jaceylkii Maryan ku dhabiibo ? 9) sheeg khilaafka u dhaxeeya jaceylka dugsiga dhexe iyo kuwii faraha badnaa ee uu Ostan jilay ? 10 ) qiimee sheekadaan ma haboon tahay in Buug laga dhigo ???maxaase qoraaga kula talin laheyd.

Akhristoow bal isku day in aad su,aalahaas ka soo jawaabto, sidoo kale adiguna waxa aad qabto waad isoo weydiin kartaan .

F.G sheekadaan waa Qiso run ah magacyada uun baa la badalay ??? walow ostan uu yahay Naaneysta wiilka ,Maryan se waa magaceeda runta ah se ayadana Naaneysteeda ayey caan ku tahay sidaas baa looga reebay magaceeda.

Qore : ostan gacamay .

[email protected]

MSF oo war kasoo saartay hadal kasoo yeeray Kenya oo quseeya Somalida

0

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa warbixin ay soo saartay Jimcaha maanta, waxa ay ku sheegtay in ay ka walaacsan tahay xaallada dadka Soomaalida ee ku nool waddanka Kenya.

Hey’adda ayaa sheegtay in ay dowladda Kenya dhawaan ku amartay kumanaanka qof ee Soomaalida ah ee ku nool magaalooyinka in ay ku laabtaan xeryaha qoxootiga fogfog.

Hay’adda ayaa sheegtay in khatar xagga caafimaadka ay ka dhalan karto xilli roobyada gaar ahaan in cuduro dilaa ah oo safmareen ah ay dilaacaan xeryaha, kuwaasoo dhibaateen kara dadka taagda daran ee ku nool xeryahaas.

Warbixinta MSF ayaa lagu xusay in gargaarka dhadhaab laga bixiyo uu yahay mid aad uga gaabab ama aan dabooli karin baahida dadka sida uu sheegayo Dr. Elena Velilla,oo ah madaxa howlgalka MSF ee Kenya.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in ciririga ka jira xeryahaas aysan kor u qaadi karin howlaha adeegeeda isla markaana howlaha xeryaha aan la kordhin karin ay soo buuxiyaan ama ay soo buux dhaafiyaan.

MSF ayaa sheegtay bishii la soo dhaafay in labo laab ay kor u kacday carruurta ay nafaqo darada soo ridaneyso ee la dhigay isbitaalada ay ku lee yihiin xeryaha.

MSF waxa ay ugu dambeen xustay in wal-walkeeda ugu wayn uu yahay go’aanka Kenya uu ku reebay qoxootiga dhibaato bini’aadinimo haddii ay ku laabtaan nolasha qoxootiga oo haddaba aad u liita.

Si kastaba, hadalka MSF ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan hey’adda ilaalisa xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ay sheegtay in Kenya ay jabisay mid ka mid ah sharciyada caalamiga ah.

Kenya waxa ku nool in ka badan kala bar hal milyan oo qoxooti Soomaali ah, kuwaasoo gaaray halkaas tan iyo markii dowladii dhexe burburtay 1991-dii.

Kenya has more than half a million refugees from Somalia, which has lacked an effective central government since the outbreak of civil war in 1991.

Kenya ayaa sheegtay in ka badan 100.000 oo qoxooti ah in ay iska diiwangaliyaan xerada dhadhaab.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Wasiiradii ku sugnaa Kismaayo oo la shiray dhinacyo badan

0

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose waxaa ay kulan kula qaateen qaybaha  kala duwan ee bulshada ku dhaqan Kismaayo.

Odayaasha dhaqanka,Siyaasiyiinta iyo kuwa kale ayaa madasha shirka uu ka soconayay joogay waxaana looga hadalay kulankan maamul u samaynta Kismaayo iyo Jubooyinka.

Wariye ku sugan Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in Kulanka ay ka hadleen masuuliyiin ka tirsan Dowlada waxaana dadka shacabka ay ku booriyeen inay Dowlada garab ka siinayso shacabka in loo dhiso maamulkii ay raali ka yihiin.

Beelaha daga Kismaayo  ayaa laga codsaday inay keenaan Masuuliyiin iyaga u matala oo  Maamulka Dowlada ay u samaynayso Gobolada Jubooyinka.

Shirka ayaa hada soo xirmay waxaana wafdiga wali ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60