Tuesday, July 28, 2026
Home Blog Page 3767

Arsenal oo ku dhow inay hesho xidiga Atletico Madrid Arda Turan

0

Xidiga kooxda Atletico Madrid Arda Turan ayaa lala xiriirinayaa inuu Janaayo usoo dhaqaaqo kooxda Arsenal iyadoo lasoo werinaayo inuu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda ka dhisan Waqooyinga London, sida laga soo xigtay Warbaahinta Spain.

Xidiga qadka dhexe ee heerka caalami dalka Turkiga ayaa sheegay inuu ka tegayo Atletico ka dib markii uu wakiilkiisa Ahmet Bulut uu cadeeyey inuu 25-jirkaani doonayo inuu ka ciyaaro horyaal kale oo cusub.

“Arda laba xilli ciyaareed ayuu usoo dheelay Atletico Madrid hada. Waxaan doonayaa inaan arko isagoo ka ciyaaraya horyaal kale Arda isna sidaas ayuu doonayaa,” ayuu wakiilkiisu u sheegay Telefashin Turkish ah.

“Waxaan ka shaqeyneynaa sidii ay midaasi ku dhici laheyd, Atletico way ogtahay waxa uu hamigeenu yahay anaga ayeyna nala shaqeyneysaa. Hadii aan wax fiican sameyno, Arda wuu ka tegi doonaa kooxda Madrid dhamaadka xilli ciyaareedka.”

Heshiiska ay xidigaan kula soo wareegeyso Gunners ayaa la aaminsan yahay inay ku bixi doonto 19 milyan oo ginni.

Rafael Benintez oo shaqada Chelsea jooga looga dhigi doono.

0

Rafael Benintez ayaa laga yaabaa in shaqadiisa Chelsea laga dhigo mid joogta ah, sida uu qorayo warsidaha The Sun.

War argagax leh ayuu ku noqon doonaa taageerayaasha kooxda kuwaas oo macalinkaan ku kacsanaa tan iyo markii uu kooxda qabtay bishii lasoo dhaafay.

Laakiin Ilo ku sugan Garoonka Chelsea Stamford Bridge ayaa u xaqiijiyey The Sun on Sunday in laga yaabo in Rafa shaqadiisa joogto looga dhigo ka dib markii uu kooxda gaarsiiyey natiijooyin la yaab leh.

Milkiile Roman Abramovich ayaa la dhacsan lixdii guul oo ay gaartay Blues todobadeedii kulan ee u dambeusay, markaasoo ay dhaliyeen 26 gool ayna gaareen afar dhamaadka Capital One Cup.

52-jirkaan ayaa xittaa caawimay inuu dib qaab ciyaareedkiisii u helo weeraryahan Fernando Torres kaasoo Todobo gool dhaliyey Todobadii kulan ee u dambeysay.

Dhacdooyinka banaanka ka ah kooxda SW6 ayaa sidoo kale xoojinaya booska Benitez, oo markii hore ku sinaa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Tababaraha ugu sareeya liiska ay dooneysa Chelsea Pep Guardiola ayaa lala xiriirinayaa inuu dib ugu laabto Barcelona ka dib markii uu hal sano nasiino ka qaatay kubada cagta.

Tababaraha haatan ee Catalans Tito Vilanova ayaa la dhibaatoonaya cudurka Kansarka waxaana jira cabsi laga qabo mustaqbalkiisa dheer ee kooxda ka dhisan dalka Spain.

Jose Mourinho ayaa sidoo kale nasiib darro ay ku tahay inuu ku laabto Chelsea wuxuuna qarka u saaran yahay inuu aado Manchester United, Manchester City ama Paris St-Germain marka uu Real Madrid ka tago xagaaga.

Axmad Madoobe oo ogolaaday wixii in muddo ah lagu kari waayay

0

Hogaamiyaha Ururka Raaskambooni Axmad Madoobe ayaa  u muuqda nin wax ka baddalay mowqifkiisa ku aadanaa maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ee dalka Somalia.

Axmed Madoobe oo horey looga soo xigtay in Dowladda Somalia aysan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha dhismaha Jubbaland, ayaa iminka ogolaaday in dowladda gacan ku yeelato maamulkaasi.

Tani waxa ay timid kadib markii wati sare oo ka socda DF ay shalay booqdeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Isaga oo la hadlayay waftiga ayaa Axmed Maxamed Islaam waxa uu sheegay in maamul u samaynta Kismaayo ay ku jirto gacanta Dowlada Somalia.

Laakiin Wasiirka  Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka Cabdikiriin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in shacabka ay la tashi la samaynayaan maamulkii ay rabaana loo hirgelin doono.

Si kastaba dad badan ayaa hadalka Axmed Madoobe ku macneeyay mid diblomaasiyadeed.

Tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheikh uu booqday Kenya, oo uu sidoo kale kula kulmay Axmed Madoobe ayaa labada dhinac u muuqdeen kuwa isku soo dhowaanaya.

Hiil-Qaran Hurdadii maka toosay?

Intii aan la galin doorashadii madax-waynaha soomaaliya ayaa aragtidayo loo gudbiyay qaar ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga Hiil-Qaran , waxaa maantaa muuqday dag dag iyo kala xishood wuxuu ahaa garan maayee in ay golaha dhexe indhaha ka daboosheen xaqiiqo jirta waxayna isku qanciyeen wixii ay maantaa laabtooda doonaysay .

Xisbiga waxaa ku jira rag iyo dumar Soomaali dhab ah u badan(inkastoo qaar kufeen markii kursiga la waayay) laakiin waxaa jiray markii la isu diyaarinayay doorashada laab la kac xoog leh , waxaa dhinac ay iska dhigeen golaha dhexe xaqiiqada ka jirta xamar oo ah hanaanka qabiilka ee wax lagu qaybsanayay , waxaa lasoo dhigay safka hore una tartamo jagada dalka ugu saraysa Axmed Ismaciil oo 30 wax ka badan ku darsaday Soomaalida hadal quus u badan waxaa yarayd in la arko axmed oo wanaag ku sheegaya shicibka Soomaaliyeed , toloow sidee noo hoggaamin lahaa ?

Soomaalidu waxay tiraahda nin kabahaaga eegay kor looma eego , taariikh nololeedka axmed kuma jirto inuu xitaa ugu deeqay deegaankiisa waxa ugu yar ee qof isagoo kale ah uu kari karo , intuu soomaali wax ka qorayay marna kumuusan fikirn inuu degmaduu ka yimid ka dhiso qol yar oo ay ku dhalaan gabdhaha maalin iyo habayn dhiig baxa iyo dhibaatooyinka foosha ugu nafwaaya deegaanka .

Hiil-qaran wuxuu u muuqday inuu isu diyaarinayay doorasho deegaanka Minisooto ka dhici doonto iigama muuqan diyaar garoow loollanka adag ee Xamar ka socday lama dajin qorshaba B, T , iyo J oo noqon kara haddaan wayno kurisga 1 aad yaanan waayin wasiirka 1 aad haddii aaan wayno Xisbigu yuusan waayin mid am laba wasiir oo aan shacabka ku tusno kartida iyo aqoonta Xisbiga Hiil Qaran leeyahay si ay suura gal noonu noqoto inaan helno 4 sano kadib codka shacabka eegaya dantiisa cidda si hagar la’aan ugu shaqaysa.

Niyad bur-burka ku dhaca qaar badan oo ka mid ah Xisbiga waxaa sabab u ah ismaqal waa xoog leh iyo aragti kaliya rag qaba kuna dhagay moodayna qaybaha kale ee xibiga inay yihiin Tabaciyad aysan ahayn in wax la waydiiyo mar haddaysan Barayaal ka ahayn Dugsiyada reer Galbeedka ubadkooda wax loogu dhigo.

Sida kasoo boodday afkiisa C/qaadir Jaangali oo ka mid Golah dhexe ee Xisbiga kulan lagu soo dhaweeyay (isku soo dhaweeyay ) Axmed Ismaciil Samater oo ka dhacay Miniyaabulis wuxuu qiray inaysan Golaha dhexe ka fariisan iskana arkin in Axmed u tartamo xilka madax wayne ee Soomaaliya , hasa yeeshee Axmed ciduu ka haystayba wuxuu haystay kalsooni uu ku qabo inaan lagula loolami Karin Kursiga .

Suura gal ma ahan inay miisaan yeelan waayeen rag iyo dumar badan oo soomaali dhexdeeda laga xushmeeyo kana mid noqday xubnaha xisbiga ee waxay ila tahay inuu jiray ifafaale guul daradii ku dhacday Hiil Qaran oo gaartay inuu helo 0.016%

Wakhtigan waxay Soomaaliya galaysaa Xisbiyo badan Hiil qaran wuxuu kaga mid noqon karaa markuu garawsado xaqiiqada ka jirta soomaliya kuna saleeyo Siyaasaddiisa haddii kale wuxuu noqon Xisbi ay furteen laba wada dhalatay waxaana u codayn doona intay dhaleen iyo inta u dhaw .

W/Q Saynab Qorane

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Muqdisho: Ammaanka garoonka Adan Cadde oo laga shiray kadib markii…!

0

Muqdisho (Caasimada Online) Shir looga hadlaayo ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Shirka ayaa la sheegay in ay ka soo qeyb galeen wasaaradda howlaha guud, hay’adaha ka shaqeeya garoonka diyaaradaha sida SKA, hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha, saraakiisha ciidanka AMISOM, shirkadaha diyaaradaha iyo saraakiisha ciidamada booliska iyo nabad sugida.

Ugu horreyn waxa ka hadlay kulanka wasiirka howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Muxyadiin Maxamed Kaalmoy, oo sheegay in loo baahan yahay in la adkeeyo ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo in ay jirto wada shaqeyn dhex marta hay’adaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha ku shaqada leh.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in loo baahan siddii loogu dayan la qaabka ay u shaqeeyaan garoomada caalamiga ah, isagoo xusay in garoonku uu yahay muraayadda laga arki karo horumarka waddanka.

Sidoo kale waxa kulanka ka hadlay maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Eng. Cali Maxamuud Ibraahim (Cali Madoobe) oo sheegay in ujeeddada kulanka ay tahay sidii wax looga qaban lahaa nabadgelyada garoonka, loona horumarin lahaa adeegyada bulshada, maadama garoonka ay yimaadaan maalmahan dad aad u fara badan.

Saraakiisha ciidamada AMISOM qaybta garoonka ka shaqeysa iyo ciidamada bilayska hey’adda SKA ayaa iyana sheegay in ay ku dedaali doonaan siddii loo adkeen lahaa ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ugu dambeen waxa kulanka soo xiray taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Gen: Cabdulaahi Gaafoow Maxamuud oo isna sheegay in ammaanka garoonka uu sugan yahay, isagoo mas’uuliyiinta dowladda ku guubaabiyay in ay dhowraan nidaamka iyo baratakoolka garoonka.

Wuxuu sheegay in dad la socda madaxda dowladda ay ku ciyaarayaan nidaamka garoonka, oo aad arkeysid buu yiri masuul dowladda ay la socdaan illaa 100 qofm kuwaasoo garoonka buuxinaya.

Si kastaba, waa kulankii ugu horreyay ee dowladda hadda jirta la qaadatay hey’addaha ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka ayaa hadda la sheegay in ay ka soo deggaan maalintii in ka badan 100 diyaarad oo wadda rakaab, kuwaas oo qaar kood ka yimaada Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Daawo Video: Howlaha Duulimaad ee garoomada Hargeysa iyo Muqdisho.

Jimco Wanaagsan Aqristayaasheena Qiimaha Badan meel kasta aad Dunida ka joogtaan waxaan idiin soo gudbineeynaa Muuqaal cusub oo laga soo duubay Howlaha Duulimaan ee Magaalooyinka Hargeysa Iyo Muqdishi waana Muuqaal sida ay Diyaaradaha u kala gooshaan Hargeysa Iyo Muqdisho.

HALKAAN RIIX OO DAAWO:

 

MAXAA KEENA CINIINNIMADA?

0

Halkan ka aqri Waa Maxay Ciniinnimadu

Waxaa jira dhowr waxyaalood oo loo aaneeyo inay iyagu sababaan Ciniinnimada ninka iyo carqaladaynta galmada, waana kuwa soo socda:-

1-     Niyadda oon joogin:- Ninka oo xilliga galmada niyaddiisu aanay joogin oo meel kale ku maqan, amay murugo iyo cabsiyi hayaan sababo galmada ka baxsan awgood, awoodina waaya inuu niyadda hal meel isugu geeyo, sidaana geedkiisu ku kici waayo, galmadana ku dhammaystiri waayo. Umuurtaasi nafsiyanka ah raadkeeda waxaa la dareemi karaa isla habeenka xaaska loo dhiso (aqalgalka), taasi oo ka dhalata cabsi uu kaqabo ninnimadiisa iyo inuu intuu xaaskiisa cusub bekra-jebin waayo ama galmada siday ahayd u gudan waayo, dabeeto ay xaaskiisu fikrad xun ka qaadato (aaminto inaanu iyada waxba dhaamin). Haweeneyda lafteeda ooy cabsi iyo wewel badani lasoo dersaan habeenkaasi, sida iyada oo ka baqda bekra-jebinta, waxay ninka ku reebi kartaa raad kii hore la mid ah.

2-     Qaanuunka Xeerka Qoyska:- Qaanuunka xeerka qoyska ooy dalalka Islaamku kaga daydeen kuwa reer galbeedka, waxa uu sheegayaa inaanu qoysku dhali karin wax ka badan hal ilaa iyo laba carruur ah. Haddaba ninka oo qaanuunkaasi u dhega taaga waxaa ka dhasha in kolka uu islaantiisa u tegayo uu si aad ah uga baqo inay uur qaaddo, sidii iyadoo hadday uur qaaddo balaayo ku habsanayso iyaga, maalkooda iyo caafimaadkooda intaba. Cabsida caynkaas ahi waxay saameysaa raaxadii laga dhowrayey galmada, maskaxda oo meel kale ku mashquulsan awgeed.

3-     Xishood:- Ninka oo ka xishooda galmada gaar ahaan kolka guurku ku cusub yahay waxay keentaa inu awoodi waayo inuu xaaskiisa far u dhaqaajiyo amaba galmada dhammaystiri waayo.

4-     Turriin dheeraad ah:- Ninka oo xaaskiisa si aad ah ugu tura, una suga intay iyadu ka biyabbaxayso, kolka ay biyabbaxdana ay tareenka uga degto, ooy sidaasi  xaajadii isaga ugu qalloocato, keligiina u dhammaystiri waayo galmadii.

5-     Cudur ka Baqid:- Ninka oo ka baqa inuu qaado cudurrada jinsiga ee aynu maalmahaan dambe maqalno, kuna dhaca dadka sinaysta iyo kuwa iyagoo isku cayn ah isu galmooda, ha yeeshee Eebbe cudurrada caynkaas ah wuu ka dhowraa labada qof ee xalaasha isku doortay.

6-     Nadaafad iyo daryeel la’aan:- Haweeneyda oo aan isdaryeelin, jirkeeda daryeelin, nadaafadda daryeelin, ninkeedana kala hortagta qabow jinsiyeed iyo dharkay jikada kula jirtay, tinteeda sidii qof waalan daafiba meel u jeeddo, halkuu caraf iyo udgoon ka dhowrayey shiir iyo ur iska soo hormarisa, kuna salaanta dacwo, qaylo iyo dood. Arrimahaasi waxay midmid ama  kolkay isbiirsadaan keenaan inuu ninku galmada ka soomo.

7-     Shaqo culus oo la qabto:- Ninka oo shaqo dheer oo culus qabta, gurigana ku soo laabta isagooba naf ah, raashin iyo jiif waxaan ka ahaynna rabin. Hadduu haddaba sidaasi galmo ku samee isyiraahdo kolkuu billaabo buu tabar iyo taag u waayaa inuu dhammaystiro, waxaana laga yaabaa hawshii oo socota in isaga iyo geedkiisu ay hurdo is barkadaan.

8-     Cillado Nafsiyadeed:- Dadka qaar baa aaminsan khuraafaad iyo waxyaabo qof caqli bartii lihi aanu aqbali karin, sida labada qof midkood oo aaminsan in maalinta Arbacada aan la’isu galmoon kii kaloo ‘ilkaha ku sida’, ama subaxda xigta habeenka aqalgalka ooy reerka gabadhu dhowrayaan maro dhiig leh, iyagoo aroor hore intay kusoo dheelmadaan qoyska cusub, ka qaadaya maraday huwadeen, kuna waraya aqalka daaraddiisa, si ay dadka u tusaan inay inantoodu bekro daahira tahay. Sidaasina waxa uu ninku kaga baqaa inuu xaaskiisa bekra-jebin waayo iyo inuu ku dhaco imtixaanka weyn ee sugaya (berritto laga waayo maradii dhiigga lahayd ee laga dhowrayey), welwel iyo cabsi dartood buuna markaasi galmadii ku dhamaystiri waayaa.

9-     Hordhac la’aan:- Ninka oon wax hordhac iyo istiimin ah galmada u samayn, oo gabadhii oon godlan geedka ku booba, sidaasina laga yaabo inay kaga hortimaado ama shaqada ula garbin weydo, dabeetana kolkuu arko inuu keligii ceel shubayo ku hungoobo oo qabow jinsiyeed ka qaado.

10- Galmada oo bargo’da:- Galmadii oo lagu guda jiro hadday duruufo gaar ihi yimaadaan sida; albaabka oo la garaaco, labada qof oo mid loo yeero, ilma yaroo ooya, amaba ay ku baraarugaan urta suugo dabka saarrayd oo gubatay. Waxyaabahaasi oo dhami waxay firdhiyaan fekerka labada qof, kolkaasi oo intuu geedka ninku damo xawadiina ku noqoto markaasi laga yaabo inuu dib dambe u kici waayo, hawshii galmaduna sidaasi ku bargo’do.

11- Waqtiyada Galmada oo la kala fogeeyo:- Labadii galmo ee isku xiga oo maalmo badan amaba bilo loo dhaxaysiiyo, ninkuna sidaasi galmala’aanta ku qabatimo oo aanuba u baahan, hadduu is yiraahdo galmo sameena uu geedku si fiican u kici waayo biyuhuna degdeg uga baxaan, una maleeyo inuu cudur haayo. Haddiise uu markaasi kedib galmada joogteeyo oo maalin ama laba u dhaxaysiiyo, waxaa usoo noqota awooddiisii caadiga ahayd.

12- Galmada oo la sameeyo Caloosha oo buuxda:-  Waxyaabaha kale ee ciniinnimada keena waxaa kamid ah ninka oo xaaskiisa u taga calooshiisa oo raashin ka buuxo, xilligaas oo dhiiggu mindhicirrada ku shubmayo si uu uga qaybgalo shiidista cuntada, maskaxda iyo jirka intiisa kalena uu aad ugu yaryahay. Ninka markaasi oo kale waxay mashaqo ka qabsataa siduu hawsha galmada u gudan lahaa, waxana wanaagsan inuu sugo waqti ku filan si uu dhiiggu ugu soo noqdo xubnaha intoodii kale, geedkuna awood ugu helo kicitaankii loogu baahnaa galmo buuxda. Waxaa la yiri: “Ninkii cimri dheer doonayaa qadada ha dedejiyo, cashada ha daahiyo, dumarna ha yaraysto, hadduu dhergan yahayna haba ka dheeraado. Haddaba waxa habboon in raashin waxtar leh la cuno, ha yeeshee saddex ilaa iyo afar saacadood loo dhaxaysiiyo waqtiga wax la cunayo iyo waqtiga lagu tala jiro in dumarka loo tago

13- Qaadashada Daawooyinka:- Ninka oo cuna daawooyinka qaar jirka iyo geedkaba dabciya sida; daawooyinka loo cuno dhiig karka, daawooyinka xanuunka joojiya iyo kuwa la siiyo dadka qaba cudurrada dhimirka.

14- Hormoonnada Ragannimo oo liita:- Ninka hormoonnadiisa ragannimo oo heerkoodu ka hooseeyo xaddigii looga baahnaa, waxaa ka dhasha rabitaankiisa jinsiyeed oo yaraada iyo geedka oo raaracsama, taasoo dhiillo gaarsiisa dhamaystirka galmada ama uu marka horeba billaabisteeda awoodi waayo.

15- Cudurka Sokorta:- Cudurka Sokortu waxa uu dhaawacaa qanjirrada maskaxda ee quudiya xubinta taranka, waxana uu keenaa inuu is dhimo istiin qaadashada ninku iyo in geedkiisu u kici waayo sidii la rabay. Waxaa iyana suuragal ah in cudurku aanu qanjirrada waxyeelleyn, balse qabitaankiisu uu keeno cudur nafsiyadeed, maxaa yeelay waxa uu ninka qabaa isdareensiiyaa inaanu cudurka hayaa daawo lahayn. Sidaasi buuna uga qaadaa quus iyo murugo ku keenta rabitaan la’aan jinsiyeed iyo weliba caafimaad darro guud,

16- Cayilka:- Cayilka faraha badani isna waxa uu waxyeelleeyaa jirka, gaar ahaan wadnaha iyo xididdada dhiigga qaada, taasi oo markaasi dhibaato u geysata awoodda jirka guud ahaan iyo ta galmada gaar ahaan. Dhakhaatiirtu waxay sheegaan in ragga sida xad dhaafka ah u cayilan uu iska dhimo hormoonka labnimada ee lagu magacaabo ‘Testoceteron’, uuna ku kordho hormoonka dheddignimada oo isna lagu magacaabo ‘Astrogen’. Sidoo kale daawooyinka loo isticmaalo iscaatayntu iyaga laftooda ayaa keena ciniinnimada, maxaa yeelay daawooyinkaasi ama waxa weeye hormoonno qanjirrada waxyeelleeya, ama waa daawooyin ka hortaga cunto qaadashada amaba waa qaar kaadida badiya. Guud ahaan dawooyinkaasi waxay waxyeelleeyaan caafimaadka iyo awoodda ninka oo ay ku jirto tiisa galmo.

17- Sigaar cabista:- Sigaar cabista faraha badan iyana waxaa la caddeeyey inay hoos u dhigto awoodda galmo ee ninka, gaar ahaan kolka uu afartanka ka gudbo, mana laha daawo aan ahayn inuu sigaarka iska daayo.

18- Cunista Qaadka:– Qaadka oo in mukhaddaraadka lagu daro iyo in laga daayo ay weli dood weyni ka taagan tahay, dad badan oo Soomaaliyihina cunaan, ka sokow dhibaatooyinkiisa dhaqaale iyo bulshadeed, waxa uu gacan ka geystaa ciniinnimada ragga. Dhibaatooyinkiisa haddaynu waxyar ka taabannana waa sidatan:

–         Ninku kolku qaadka cuno aad buu galmo niyadda ugu hayaa, ha yeeshee geedkiisu ma yeelanayo awood kicitaan raalligelin karta isaga iyo xaaskiisa midna.

–         Ragga qaarbaa kolkay qaadka cunaan xawada ceshan kari waaya oo kolkay suuliga galaan ay kaadida raacdaa.

19- Daawashada Dumarka Ajnabiga ah:- Ninka oon indhihiisa ka dadban dumarka ajnabiga ka ah, amaba daawada aflaamta anshaxa iyo asluubta wax u dhimaa, waxay gayeysiisaa in jirka xaaskiisa uu xiise u qabi waayo, waana taa sirta ku jirta guurka xalaasha ah ee la yiri aragga waa u dabool ibtana waa u gaashaan.

Nin weyninka Malabowgiisa darteed loogu xannibay garoon diyaaradeed. ( Maxaa la mooday inuu qarinayo?)

0

Nin si aad ah loogu yaqaan weyninka xubuntiisa ragnimo ayaa lagu joojiyay meel dadka lagu baaro oo ka tirsan garoonka San Francisco International Airport ee gobolka California, dalka Mareykanka.

Ninkaas ayaa ragga sugayay ammaanka garoonka waxa ay weydiiyeen waxa ku jira surwaalkiisa hoostiisa, ayaga oo markaan aan ogeyn in waxa meesha ka weyn uu yahay malabowgiisa.

Jonah Falcon oo 41 jir ah ayaa cabirka Malabowgiisa lagu sheegay 9.5 Inch ama 33 centimeter, sida ay ku warrantay Jariiradda Rolling Stone.

Waxa uu dhowr mar kasoo muuqday barnaamijyo ku saabsan ragga ugu malabowga weyn caalamka.

“Waxa ay doonayeen inay ogaadaan waxa iigu jira surwaalka hoostiisa, anigana waxaan ku iri waxba” ayuu Falcon u sheegay wargeyska San Fransisco Chronicle

Markaa kadib ayuu sheegay in la baaray kadibna la ogaaday in waxa ka kuusan ay tahay xubintiisa ragnimo, kadibna lasii daayay, inkasta oo xoogaa laga daahiyay diyaaradiisa.

Falcon waxa uu sheegay in tani aysan ahayn marki ugu horeysay oo ay qabsato dhacdo noocaas oo kale ah.

ONLF oo beenisay in ay wadahaddal kula jirto dowladda Ethiopia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) War saxaafadeed ay soo saartay jabhadda ONLF ee ka dagaalanta waddanka Ethiopia, ayaa lagu beeniyay in uu jiro wadahaddal u socda jabhadda iyo xukuumadda Addis Ababa.

Cadaani Hirmooge oo ah afhayeenka ONLF ayaa sheegay in been uu yahay wararka qaar ay baahiyeen warbaahinta, kaasoo ah in uu wadahaddal u socdo iyaga iyo dowladda Ethiopia.

“Dowladda Ethiopia waxa ay rabtaa in ay ku hoggaamiso siyaasadeeda, kaloba shuruud ay keeneysaa markii ay ku guul dareesatay dagaalkii iyo kii siyaasiga, marka ma jirto wax garab ah oo ka tirsan ONLF oo wadahaddal kula jirta Ethiopia, warkaas waa been” ayuu yiri Hirmooge.

Wuxuu kaloo sheegay in ONLF uusan ahayn ururo badan ee uu yahay hal urur oo isku mooqif ah, kuwaasoo doonaya in ay ka dhabeeyaan halgankii ay soo wadeen.

Wuxuu kaloo sheegay in markii loo eego ONLF uu yahay urur mideesan oo aad u uruursan oo ka fiican kuwa Soomaaliya ka jira sida uu hadalka u dhigay.

War-saxaafadeedka ONLF ayaa lagu sheegay in uusan jirin nin xil haya oo wadahaddal kula jira dowladda Ethiopia.

Ugu dambeen ONLF ayaa sheegtay in ay diyaar la tahay dhex-dhexaadin laga dhex-sameeyo iyaga dowladda Ethiopia, kuwaasoo ay qabanayaan dowladda dariska ah sida Kenya.

Si kastaba, ONLF ayaa u kala jabtay garabyo badan, waxa horrey garab ka mid ah uu heshiis la galay dowladii Milas Zanawigii geeriyooday, kuwa kale hadda ay wadahaddal kula jiriaan dowladda hadda jirta.

Garab ka mid ah ONLF ayaa hadda ku sugan Addis Ababa, si ay dib u soo celiyaan wadahaddalka nabadda, kaddib markii labada dhinac ay ku guul dareesteen heshiis bishii October sannadkan.

Kooxda ayaa diidday in ay ku dhaqanto dastuurka qaranka waddanka Ethiopia, laakin Cabdinur Cabdulaye Faraax uu sheegay in ay diyaar la yihiin in qaataan dastuurka si ay nabad u la noolaadaan dowladda Ethiopia.

Kooxdan ayaa dagaalo kula jirtay dowladda Ethiopia tan iyo sannadkii 1984,,markaas oo la dhisay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

Falcao: Meelna uma socdo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

0

Chelsea ayaa kasii fogaaneysa saxiixa weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Radamel Falcao xilli uu sheegay inuu doonayo inuu ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka kusii nagaado Spain.

26-jirkaan heerka caalami ee dalka Colombia ayaa ah weeraryahan aad u wanaagsan maxaxweynaha kooxda ka dhisan caasimada Isbaanishka Enrique Cerezo ayaana sheegay inay ceshan doonaan xidigaan aadka loo qiimeeyo.

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich aya doonayey inuu xidigaan kusoo iibsado 48 milyan oo ginni si uu ugu dhiso weerarka kooxdiisa xilli uu waayo fiican ku qaadanayo Estadio Vicente Calderon.

Falcao ayaa u sheegay saxaafada: “Aad ayaan ugu mahad naqayaa madaxweyne Enrique Cerezo kaasoo ii ogolaaday inaan sii joogo kooxdaan.

“Waxaana u maleynayaa inaan wax fiican ka sameynay kubada cagta. Waxaan taas ka rajeyneynaa inaan baaqi kusii ahaado ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.”

Hadalka Falcao micnihiisa ayaa ah inay Chelsea ka fikirto qorshaha ah, inay weerarkeeda ku kabto xidiga kooxda Barcelona David Villa. Blues ayaana isku deyi doonta inay amaah ku hesho iyadoo uu tababare Rafael Benitez doonayo inuu ku kabo xidiga ay isku wadanka yihiin ee Fernando Torres.

Daawo Muuqaal Indha uroon oo laga soo Duubay Barwaaqada Gobolka.

0

Muuqaalka Maanta waa Goob Qurxoon Waa Gobol ka mid ah Gobolada Dalkeena waa Magaalo isku darsatay Qurux iyo Beero waa Magaalada Baydhabo ee Carunta Gobolka Bay.

Hadaba Aqristoow Ogoow Goboladeena Qaar quruxdaan iyo barwaaqadaan ayeey lee yihiin waana Meel indhaha anan marnaba ka jeesaneynin ee nala daawo quruxdaan adaa yaabayee Quruxda iyo bilicda Baydhabo Janaay Iyo Beeraheeda.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

 

Xusuusta uu K/cagta ku reebi doono sanadkaan dhamaadka ah.

0

Kubada cagtu marna waa mucjiso marna waa juhdi aad bixiso, mar adigoo guusha iska leh ayaa lagaa qaadayaa marna adigoon laheyn ayaad heleysaa, xasuusyada uu sanadkaan dhamaadka ah nagu reebay iyo diiwaan gelintii FIFA ayaa daaha laga qaaday, halkaan ayaana idinkugu soo koobeynaa, waxayna ka kooban yihiin 12 dhacdo oo muhim ah.

Zambia 1993dii ayey xaq u laheyd CAF laakiin markeeda Ivory Coast ayey ka qaaday

12 February

  • Zambia ayaa ku guuleysatay CAF Africa Cup Nations markeedii ugu horeysay bishii Febraayo waxayna noqon doontaa mid aan ka bixin maskaxda taageerayaal badan. Waxay ka adkaadeen xulkii koobka ugu cadcadaa Cote d’Ivoire taasoo aheyd mid argagax leh. Laakiin waxay aheyd markoodii ay ugu fiicnaayeen Libreville tan iyo 1993dii markaasoo inta badan ciyaartoydii Zambia ku geeryoodeen shil diyaaradeed, si kastaba, waxaa la dhihi karaa Zambia waa soo kabsatay waan qaran Mucjiso leh.

Fabrice Muamba oo geeri ka badbaaday

17 March

  • Waa dhacdadii ugu xumeyd ee sanadkaan dhamaadka ah la diiwaan geliyey markii uu Fabrice Muamba wadnuhu istaagay intii ay kooxdiisa Bolton Wanderers la ciyaareysay kooxda Tottenham ciyaar ka dheceysay white Hart Line, xidigaan ayaana wadnuhu istaagay daqiiqadii 78aad markaasoo cusbitaalka lagu soo dabiibay nasiib wanaag waa uu ka badbaaday geeri.

Aguero oo 44 sanadood ka dib Man City gacanta ka saaray EPL

13 May

  • Horyaalka Ingiriiska ayaa gaaray in lagu kala baxo daqiiqadii ugu dambeysay ilaa bilowgii… ka dib markii ay Queens Park Rangers, kulankii ugu dambeeyey Etihad Stadium kula ciyaartay Man City, ciyaarta ayaa ku dhoweyd inay ku dhamaato 2-1 ka hor inta uusan Dzeko kooxda martida loo ahaa u dhalin goolka barbaraha, laakiin waxaa markaas ka dib aduunka ka yaabiyey Sergio Aguero uu Sky Blue 44 sanadood ka dib u xaqiijiyey horyaalkoodii ugu horeeyey.

Drogba oo rumeeyey Riyadii Roman Abramovich

19 May

  • Didier Drigba ayaa noqday halyeey Chelsea ah markii uu gacanta Blues kusoo riday UEFA Champions League, Finalkii Alianz Arena ayaa ahaa mid ay inta badan taageerayaasha Kubada cagta ka faaloodaan, weeraryahanka Ivory Coast ayaana dhaliyey gool madax ah oo aad u xoog badan, isagoo barbareeyey goolkii furitaanka ee Thomas Muller, wuxuuna sidoo kale kooxda Stamford Bridge u dhaliyey goolku laadkii u dambeeyey ee guusha.

Tahiti isaga ayaa koobka ka qaatay Antipodes

10 June

  • Ka hor sanadkaan, OFC Nations Cup lagama qaadin Antipodes. Sidaas darteed waxay aheyd wax lala yaabay markii ay New Zealand ku guul darreysatay inay gaarto Finalkii Solomon Islands.  Bedelkeeda Tahiti iyo New Caledonia, ayaa u dagaalamay markii uu gool u dhaliyey Steevy Chong Hue kaasoo u xaqiijiyey horyaalka.

Waa la yaab in koox heysata 54 horyaal loo celiyo heerka sedaxaad

14 June

  • Dhaqaale daradii ku habsatay Rangers ee kaliftay in laga saaro horyaalka heerka koowaad ee dalka Scotland weli waa wax aan maan gal aheyn, ka dib 140 sanadood oo ay ku qaaday 54 horyaal waana in ka badan koox walba oo caalamka ka dhisan laakiin bartamihii June. Kooxda Glasgow waxaa maal gashi ku sameeyey shirkad cusub xilli ay haatan ciyaarto horyaalka heerka sedaxaad ee dalka Scotland, kuwaas oo haatan sagaal dhibcood hugaanka ku haya.

Rigooradii Qabiirka Talyaaniga Pirlo 

24 June

  • Italy ayaa 2-1 looga hugaaminaayey goolku laadyada kulankii ay la dheeleysay England koobka Qaramada Qaraada Yurub 2012, Riccardo Montolivo ayaana qasaariyey goolku laadkii loo dhigay, laakiin Andrea Pirlo ayaa si degan Goolku laadkiisa uga dul qaaday Joe Hart oo dhanka kale isku tuuray, taasoo noqotay wax taariikhda gala markii ay Italy 4-2 goolku laadyo ah kaga talaabsatay Three Lions.

Spain oo Talyaaniga Sabuurad ugu qortay sida loo dheelo

1 July

  • Hadii ay laba xul isugu soo haraan Final micnaheedu waa inay labadoodu ugu fiicnaayeen xulalka dhacdadaas kasoo qeyb galay, ka hor kulankaan ra’iyul caamka Talyaaniga iyo inta falanqeysa kubada Talyaaniga wuxuu ahaa inay Spain uu daal badan ka muuqdo aysana awoodin inay Euro 2012 ka qaadaan Azzurri, wiilasha Vicente Del Bosque ayaase inta Jeeso iyo Qalin u qaateen Talyaaniga waxay bareen sida loo dheelo iyadoo Italy looga qaaday Rikoorkii ugu sareeyey ee Lagu qaado Final koob Yurub markaasoo la cunsiiyey 4 gool oo aysan xittaa keensan goolka calanka.

Morgan oo hurdo fiican u dirtay Canada.

6 August

  • Old Trafford ayu ka dhacaayey kulankaan xiisaha badan, laakiin USA ayaa garaacday xulka Hablaha Canada markii gool soo daahay ay 4-3 kaga talaabsadeen ciyaarihii Olimbikada London Alex Morgan ayaan u dhalisay goolka guusha waqtigii dheeriga ahaa.

Zlatan Ibrahimovic oo u awood sheegtay Ingiriiska

14 November

  • Furtaankii Friends Arena iyo feystadii Zlatan Ibrahimovic, xidigaan ayaana la yaab ku dhigay xulka Engaland ka dib 915 ciyaar wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyey ee afar jeer shabaqa Ingiriiska soo taabta keliya hal kulan.

Messi oo oo 40 sano ka dib ka takhalusay Rikoorkii gool dhalinta Muller

9 December

  • Rikoorkii la gaari waayey 40 sano. Hada waxaa jebiyey xidiga ugu wanaagsan caalamka, wuuna ku faraxsan yahay inuu sidaas sameeyo, Gerd Muller ayaa gool dhalinta hal sano laga dhaliyo Yurub hugaanka u hayey isagoo dhaliyey 85 gool sanad oo keliya, Lionel Messi ayaase ka jebiyey sanadkaan 2012 markii uu dhaliyey 91 gool tartamada oo dhan.

Corinthians oo Japan ku jajabsatay Chelsea.

16 December

  • Kooxda ka dhisanPaulista ee Corinthians ayaa ku guuleysatay markeedii ugu horeysay koobka Kooxaha Aduuna iyadoo koobkaan qaaday ka dib markii ay soo safartay masaafo dheer, Paolo Guerrero ayaana u dhaliyey goolka guusha.

Evra: SAF waana burinayaa hadii Man City nasoo qabato.

0

Daafac bidixeedka kooxda Manchester United Patrice Evra ayaa si kajan ah u sheegay in tababaraha Gaamuray Sir Alex Ferguson uu ciyaartoyda kooxda oo dhan raacdeynayo hadii ay soo qabato kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City, kuwaasoo ay hugaanka uga hayaan 7 dhibcood, xilli ay United ka gaashaamaneyso wixii ku dhacay sanadii hore.

Red Devils ayaa sideed dhibcood hugaanka uga heysay kooxda ay isku gobolka yihiin xilli ay shan kulan ka harsaneyd xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, laakiin kooxda Roberto Mancini ayaa ku dagaalantay horyaalka ilaa maalintii ugu dambeysay markaasoo ay ku guuleysteen.

Hadaba xiligaan kooxda Ferguson ayaa todobo dhibcood hugaanka kaga heysa City, iyadoo guul soo daahday ka gaartay kooxda Newcastle, halka City ay ku bariiqatay kulankii ay la ciyaartay Sunderland.

Daafaca heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in hadii Sky Blue mar kale soo qabato United markaas uu Sir Alex raacdeyn doono.

“Waxay ciyaar waalan u aheyd dadka kubada cagta jecel, waxay aheyd ciyaar weyn,” ayuu 31-jirkaani u sheegay TV-ga laga leeyahay dalka France ee Canal Plus.

“Dhamaadkii, waxay aheyd inaan helno wax xoogaa fursado fiican.

“Ma aanan arkin si la mid ah sida ay ciyaartoydu u faraxsanaayeen markii lagu jiray qolka lebiska. Waqtigii kala barka Sir Alex ayaa noo sheegay hadii aan guuleysano kulankaan, markaas inaan fursad weyn u heli karno inaan Horyaalka noqono mar kale.

“Xasuuso, markii aan todobo dhibcood kaga hugaamineynay sanadii hore waxaan horyaalka ku weynay farqiga goolasha. Hadii aan mar kale sameyno sidaas oo kale sanadkaan, Ferguson waaba na ceyrin doonaa dhamaanteen!”

DF oo ka qeyb galeysa shirka Ahlusuna

0

Dhuusamarreeb (Caasimada Online) Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in wafdi heer caalami ah, ay ku wajahan yihiin magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud.

Wafdigan oo booqan doona maalmaha soo socda magaalada waxa ku jira wasiiradaha gaashaandhigga, qorshaynta iyo maaliyadda iyo arrimaha gudaha.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna, wafdiga ayaa ka qaybgali doonaa shir Ahlu Sunna uga furmay magaalada Dhuusamarreeb kaasoo looga hadlaayo maamul u sameenta gobalkaas.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxana loo xilsaaran soo dhaweynta wafdiga ka immaanaya magaalada Muqdisho, xubno ka tirsan maamulka Ahlu Sunna.

Wafdiga booqan doona magaalada ayaa u kuur gali doona xaalladda ammaan ee magaalada iyo in ay kulamo la qaataan maamulka Ahlu Sunna.

Waa markii ugu horreysay ee wafdi ka socda dowladda uu booqasho ku tago magaalada Dhuusamarreeb, tan iyo markii la doortay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ahlu Sunna xiriirka ay la leedahay dowladda Soomaaliya ma ahan mid fiican, waayo waxa ay saluugsan tahay qaabka uu u shaqeeyo maamulkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Koox Russia ka dhisan oo Messi ku dalban rabtay 205 milyan.

0

Wargeyska maalinlaha ah ee kasoo baxa dalka Spain El Mundo Deportivo ayaa maanta qoray in koox ka dhisan dalka Ruushka ay is-af-garad ku gaareen inay Lionel Messi kusoo iibsadaan lacag Rikoor ah, waxayna xidigaan reer Argentina dooneysay inay ku dalbato mushaar ah 30 milyan oo euro Isbuucii. Waana intii lagu jiray wadahadaladii uu Messi qandaraaska ugu kordhinaayey Barcelona.

Hase yeeshee, 25-jirkaan ayaa iska diiday inuu meelna uga dhaqaaqo Barcelona wuxuuna qandaraaskiisa kooxda Ispaanishka ah ku kordhiyey laba sano oo dheeraad ah taasoo ka dhigeysa inuu ilaa 2018 sii joogo Camp Nou Stadium.

Maadaama aan kooxdaas la carabaabin way iska cadaatay inay tahay kooxda Anzhi Makachkala, taasoo uu leeyahay Bilyooneer Suleyman Kerimov.

2011kii, Anzhi ayaa la saxiixatay weeraryahankii hore ee Barcelona  Samuel Eto’o, waxayna ka dhigtay xidiga ugu mushaarka badan kubada cagta caalamka.

Warsidaha El Mundo Deportivo ayaa yiri: “Messi wuxuu diiday inuu u dhaqaaqo Ruushka sababtoo ah wuxuu doonayaa inuu koobab kula guuleysto Barcelona.”

Kabtanka xulka qaranka Argentina ayaa dhaliyey 91 gool sanadkaan 2012 waxaana la rajeynayaa inuu markiisii afaraad ee isku xigta ku guuleysto Abaal-marinta FIFA Ballon d’Or.

Ciyaaryahan walba oo ka ciyaara Kubada Cagta Spain wuxuu heystaa qiimo lagu burburin karo qandaraaskiisa, labada xidig ee xafiiltama Messi iyo Ronaldo waxay ku dhowaadaan inay qandaraaskooda lagu burburiyo min 250 milyan oo euro.

Robert Lewandowski oo ku dhow inuu ku biiro Man United.

0

Robert Lewandowski ayaa qarka u saaran inuu u saxiixo kooxda Manchester United, sida laga soo xigtay wargeyska kasoo baxa dalka Jarmalka Bild.

article-2253593-16A9DF66000005DC-708_306x423Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ayaa goor hore soo jiitay xiisaha Sir Alex Ferguson waxaana la rajeynayaa inuu si dhameystiran 18 milyan oo ginni ugu soo dhaqaaqo xagaaga.

United ayaana isku diyaarineysa inay mushaarka u laba-jibaarto, iyadoo ka dalbaneysa qandaraas sgan sano ag oo uu ku qaadanayo 20.5 milyan oo ginni, ama 4.1 milyan oo ginni sanadkiiba.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Poland ayaa u sheegay saaxiibadiis inuu ka tegaayo Bundesliga, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Inter Milan ayaa xidigaan geedka ugu jirtay iyadoo bilowday inay dalbato ka dib markii ay la dhacday 24-jirkaan laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Barclays Premier League.

Lewandowski ayaa sidii uu doono goolasha ugu damaashaada iyadoo ay garihiisa buuxiyaan xidigaha deeqsiyaasha ah ee reer Germany Mario Gotze iyo Marco Reus.

Lewandowski ayaana dhaliyey 40 gool 33 kulan oo horyaalka ah waxaana lagu qiimeeyaa xidigaha weerarka ugu shidan Yurub balse waxay u egtahay inuu sanada soo aadan ka garab ciyaaro Wayne Rooney iyo Robin van Persie kuwaasoo ku sugan Old Trafford.

 

Liverpool oo ku dhow inay lasoo wareegto goolhaye J.Butland.

0

Liverpool ayaa diyaar u ah inay talaabo kale ku darto xiisaha ay u qabto goolhayaha qaranka England Jack Butland, sida uu qoray warsidaha Daily Mirror.

19-jirkaan goolka qabta, ayaa ku dhow inay iibiso kooxdiisa ciyaarta Horyaalka heerka labaad ee dalka Ingiriiska bisha soo aadan marka uu suuqu furmo.

Liverpool iyo kooxda ay ku xafiiltamaan gobolka Merseyside ee Everton ayaa labadooduba isha ku haaya goolhayahaan aadka u dhiifoon.

Laakiin Reds ayaa hugaanka u heysa tartanka loogu jiro Butland ayaana kooxdaan u baqooli kara xilli uu si aad ah isugu miijiyey Brum.

Birmingham ayaa rajo ka qabta inay xidigaan heysato laakiin dhanka kale waxay dooneysaa inay ku badbaadiso qarashka ay ka hesho mustaqbalka kooxda.

Sir Alex Ferguson oo 71 jirsan doona Isniinta soo aadan.

0

Mar kale ayuu sii korayaa tababaraha qabiirka ah ee kooxda Manchester United, laakiin uma muuqato inay wax badan iska bedeleen Sir Alex Ferguson.

Hugaamiyaha Red Devils ayaa 71 jir noqon doona Isniinra, xilli ay Manchester United 7 dhibcood oo nadiif ah ku hugaamineyso Barclays Premier League, iyadoo lagu jiro feystada Ciida Kirishtaanka.

Ferguson ayaa kulankii ugu dambeeyey kooxdiisa 4-3 ku cabtay Newcastle oo marti u aheyd, laakiin waxay aheyd guul ay jilba murux ku gaartay kooxda 19ka jeer heysata Horyaalka loo tartamayo.

Ferguson ayaa si aad ah loogu qiimeeyaa inuu yahay macalinka hal koox hugaamiya waqtiga ugu badan xilli uu 26 sano joogay gegeda Old Trafford.

Neymar oo niyad jebiyey Barca, Chelsea, Man City & Real.

0

Weeraryahan Neymar ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu u dhaqaaqo Qaarada Yurub laakiin wuxuu sheegay inuusan kooxdiisa Santos meelna uga socon inta bisha Janaayo uu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

20-jirkaan ayaa lala xiriirinaayey kooxaha Barclays Premier League ee Manchester City iyo Chelsea iyo camaaliqada Spain ka dhisan Barcelona iyo Real Madrid.

Laakiin xidiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogo kooxdiisa Santos wuxuuna sheegay inuusan weli imaan waqtigii ku haboonaa inuu ka tago.

Wuxuu u sheegay TV-ga Bandeirantes: “Waan ku farax sanahay joogitaankeyga Santos, waxaan la joogaa qoyskeyga, cunugeyga, asxaabteyda, sidaas darteed ma ahan waqtigii aan ka tegi lahaa.

“Waqtigaas wuu iman doonaa sababtoo ah riyadeydu waa inaan ka ciyaaro Yurub ilaa waqtigii aan cunuga yar ahaa, laakiin waqtigaas ayaan weli imaan.

“Maanta, nafsad ahaanteyda ma arko koox kale oo aan ka doorto Santos.”

Isbuucii lasoo dhaafay agaasimaha kubada cagta kooxda Man City Txiki Begiristain ayaa u duulay Koonfur America si uu kooxda Brazil ula falanqeeyo macquuul ahaanshiyaha uu xidigaan ugu soo dhaqaaqo Etihad Stadium.

Rooney oo laba ama sedax Isbuuc garoomada ka maqnaanaya.

0

Weeraryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa garoomada dhaawac uga maqnaan doona inta u dhexeysa laba ilaa sedax Isbuuc ka dib markii uu dhaawac jilibka ah kasoo gaaray tababarka kooxda.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa ka maqnaa Line-up-ka kulankii ay Red Devils 4-3 guusha kaga qaaday Newcastle maanta (Shalay).

Ka dib markii uu qaab ciyaareed habacsan soo bandhigay kulankii ay Axadii kooxdiisu barbaraha la dhaafi weysay Swansea, Ferguson ayaana jeclaan lahaa inuu xidigaan isticmaalo kulankii Newcastle, laakiin dhaawac darti ayaa looga soo tegay.

“Ka dib markii uu qaab ciyaareed hooseeya soo bandhigay Axadii si wanaagsan ayuu u ciyaari lahaa maanta (Shalay). Laba mar ma sameyn kartid wixii uu sameeyey Axadii,” ayuu yiri Ferguson. “Nasiib xumo qatar ma aanan gelin Karin isaga.”


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60