Home Blog Page 3768

Pato oo ku dhow inuu macsalaameeyo K/Cagta Yurub.

0

Weeraryahanka ay dhaawacyadu diloodeen Alexandre Pato ayaa kusii dhowaanaya inuu 15 milyan oo dollar kaga tago kooxdiisa AC Milan, waxaana la sheegayaa inuu heshiis is-af-garad ah la gaaray kooxda ka dhisan dalkiisa Brazil ee Corinthians.

Warsidaha Gazzetta dello Sport ayaa shalay qoray inay labada koox isku afgarteen heshiiska Pato uu kaga dhaqaaqayo Milan, madaxweyne ku xigeenka kooxda Adriano Galliani ayaa Isbuucaan ku sugnaa dalka Brazil si uu heshiiska usoo dhameystiro.

Galliani ayaa xaqiijiyey inay dalabka heleen Isbuucii lasoo dhaafay laakiin ma uusan garabaabin kooxaha daneynaya saxiixa Pato, kaasoo Milan joogay ilaa 2007dii.

Rossenerri ayaa ku dhow inay sidoo kale xidigaan daba dhigto ninka ay isku wadanka yihiin ee Robinho waxaana xidigaan sidoo kale daneynaya kooxo Brazil ah.

Wafdi heer Wasiir oo ka socda DF oo u duulay Kismaayo + Ujeedka

0

Wafdi heer Wasiir oo ka socda Xukuumada Soomaaliya,  ayaa saakay u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdi Xakiin Fiqi, ayaa kamid ah Wafdiga oo ka dagaya saacadaha soo socda magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Safarka Wasiirka gaashaandhiga waxaa ku wehliya Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasiirka Cadaaladda waxaana u jeedkooda uu yahay sidii ay ugu kur gali lahaayeen xaalada Kismaayo oo isku dhac ciidamada wada jooga ee dowladda iyo Raskambooni laga soo werinayay.

Waxa ay sidoo kale halkaas ay geynayaan adeeg dhinaca bulshada Sida Idaacad FM oo ah mid afka dowlada ku hadlaysa oo dhowaan halkaasi laga hir gelinayo.

Wasiirka Gaashaandhiga Cabdi Xakiin Fiqi, ayaa si gaar ah u kormeeri doono Xarumaha ciidamada dowlada Soomaaliya halka wasiirka cadaalada isagana uu u kur galayo nidaamka iyo garsoorka.

Inta uu la eg yahay ballaca albaabka Jannada iyo Mucjisada Rasuulka SCW

0

Nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم), wuxuu ahaa nebigii ugu dambeeyay nebiyada Alle. Mucjisada la siiyeyna nebi isaga ka horreeyay lama siinin. Nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم) waa nebiga loo yaqaan sayidul Ambiyaa, warrusul. Waa sidoo kale nebiga loo yaqaan khaatimul ambiyaa warrusul. Waa nebiga ummada oo dhan ay rajeyn doonaan maalinta Qiyaama, waa nebiga keliya ee Eebbe uu aqbali doono maalintaas shafeecadiisa, waa nebiga ama qofka ugu horreeya ee garaaci doono albaabka Jannada ee la furi doono uguna hor geli doono.

Naf kastaahi maalinta shiddada marka ay dhahaysa ”nafsii nafsii”, isaga waa shaqsiga keliye ee aanan sidaasi oran doonin. Wuxuu dhihi doonaa ”Yaa Rabbi ummatii, ummatii!!”.

Waa qof u calaacali doono siduu inooga badbaadin lahaa naarta, qaar ay cadaab u waajibtuu u shafeec qaadi doonaa. Qofka sidaasi ahi, sow inagama mudno inaan kusallina si joogta ah, si aan u helno shafeecadiisa?

Nebiga sidaa u weyn, in ka badan Billion dad ah oo kutubbada ay diin ahaan u haystaan ee ay baddaleen horey loogu sheegey magaca nebigan weyn. Xilligan la joogana aanan laga waayeen magaciisa si kastoo ay  u baddaleen. Kuwaasi iyaga ahi (Nasaara iyo Yahuud) ogaan bay u beeniyeen nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم ) badankooda, waana kuwa uu Ilaahay ka cadgoosan doono maalinta Qiyaamaha.

Kuwa kalaa jira oo aanan ahayn Yahuud iyo Nasaaro oo aanan rumeysneen nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم), laakiin diintii Ilaahay Islaamka waa middii ka wada dul sare mari doonto diimahaasi oo dhami.

ballaca albaabka jannadaWax badan bay ku xujeeyeen nebigeenna qiimaha badan mucjisooyin iyo dalaa’il inuu keeno, laakiin mucjisada nebigeenna lasiiyey waa mucjiso waarta.

Muuse waxaa lasiiyey mucjisooyinkii sagaalka ahaa, oo ay kujireen ushii maska noqotay iyo gacantii dhalaaleysay, dhammaan meeyay maanta?

Nebi Ciise waxaa lasiiyey daweynta dadka baraska qabo idanka Alle, soo nooleynta dadka dhintay idanka Alle, ka samaynta dhoobada shimbir nool idanka Alle, dhammaan mucjisooyinkaasi meeyay maanta? Majiraan.

Nebi Saalix oo la siiyey mucjisadii weyniga badneyd ee dhagaxa hasha u dhalay, oo hashiina ay isla meeshii ku dhashay qurbac, iyana meeyay maanta? Majirta.

Kutubaddii Injiil iyo Towraadda iyo Zabuurta iyana meeyay maanta? Waa lagu dheelay.

Nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم) waxaa lasiiyey mucjisooyin fara badan marka laga reebo Quraanka kariimka. Mucjisada Quraankuna waa midda ugu weyn ee lasiiyey siduuba Ilaahay sheegey. Taasoo xaqnimadiisa maanta la arko. Mucjisooyinka kalee nebigeenna suubban (صل الله عليه وسلم) lasiiyey waxaa kamid ah mucjisooyin ficilleed, sida ceel biyo eber ah oo inta uu ku tufay biyo yeeshay. Geed meel taagan oo uu u yeeray oo u yimid, dabeetana geedkii uu weydiiyey cidduu yahay, saa isagana uu yiri ”Waxaad tahay rasuulkii Ilaahay”. Waxaa kamid mucjisooyinka noocaas ahi, barakaynta cunto yar oo ay cuneen in ka badan 1400 nin, caano galaas yar ku jira oo ay cabbeen Abuu Hureerah iyo asxaabu sufah oo ka badneyd siddeetan nin. Il uu leeb uga dhacay oo kasoo dhacday mid kamida asxaabtiisii (Abuu Qataadah) oo uu dib ugu celiyey halkeedii, dabeetana u noqotay il ka aragti fiican tii hore iwm.

Waxaa kaloo kamid mucjisooyinka lasiiyey mucjiso hadal ama dhihid oraah, ama ka warramid wax soo socda ama ka warramid cilmi aanan la ogaan karin, ama ka warramid wax dhacay oo aanan la ogayn, ama ka warramid meel fog oo uusan weligiis tegin iwm, kuwaasoo dhammaan u rumooba siduu u sheega.

Mucjisooyinka noocan dambe ah oo ah mucjisooyinka ugu badan ee nebigeenna (صل الله عليه وسلم) uu ka warramay, kuwaasoo ka badan 500 ayaa waxaa kamid ah inuu yiri

” والذي نفس محمد بيده إن ما بين المصراعين من مصاريع الجنة لكما بين مكة وهجر أو كما بين مكة وبصرى “

”Kan (Allaha) ay nafta Muxammad (صل الله عليه وسلم), gacantiisa (awooddiisa) ku jirtaan ku dhaartaye labada cidhif ee albaabka Jannada, waxay isu jiraan inta ay isu jiraan Makkah iyo Hajar (Baxreen), ama Makkah iyo Busraa”.

Sidaas markuu yahay hadalka nebigeenna suubban (صل الله عليه وسلم) magaaladda Makkah iyo Hagar oo ah cidhifta saree jasiiradda, intee bay isu jiraan? Waxay isu jiraan 1273 km.

Intaas kumuu ekaanine nebigu (صل الله عليه وسلم) wuxuu yiri ”Ama Makkah iyo Busra. Subxanallaaah!!, waxaa cajiib ah oo isweydiin mudan nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم) ma wuxuu haystay miqyaas ama qalab cajiib ah oo dhulalkaasi uu ku cabbiray? Weliba waxaa cajiib ah oraahdaasi markuu nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم) oranayay wuu dhaartay, asagoo ku dhaaranaya Allaha ay naftiisa gacantiisa ku jirta, taasoo caddeyneysa sugnaanta hadalkiisa.

Haddaba magaalooyinka Makkah iyo Busrana immisa ayay isu jiraan? Waxay isu jiraan in lamid ah inta ay isu jiraan Makkah iyo Hajar oo ah 1273 km, Subxanallaah!!.

Taa macnaheedaa waxay tahay albaabka Jannada laga gelaya ballaciisa ayaa dhan intaas, maxaad moodeysaa Jannadaasi intee ayay dhammaan doontaa weynideeda?

Tani waa mucjisadii nebigeenna suubban (صل الله عليه وسلم) uu Ilaahay siiyey, balse ay dad badan ka indha la yahiin. Annaguna Jammaca Muslimiinta wax kale ma awoodno inaanu dhahno uun mooyaane, Subxanallaah!!, Alxamdulillaah calaa nicmatel Islaam.

Halkan ka daawo Sheekheenna qiimaha badan ee ka muxaadareynaya sifada Jannada, oo ka warramaya isla xadiiskaan (14:02).


WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
___________________________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan karo idan la’aan.

IMF oo ishortaagtay in la baxiyo Lacag ka badan $100 milyan oo Somalia u taal bangiyada adduunka + Documents

0

Dowladda KMG ee xilligeedu dhamaaday ee Shariif Sheekh Ahmed ayaa wakiilatay sanadkii 2010 nin lagu magacaabo Cali Cabdi Camalow oo hore u ahaa guddoomiye Bangiga dhexe ee Soomaaliya loona xilsaaray arrinta dabagalka hantida qaran ee akoontisyada dibadaha sida ku cad qoraalka ku lifaaqan e-mailkaan ee ka soo baxay xafiiska Shariif Axmed. Halkan ka arag Dokumeentigii lagu magacaabay Cabdi Camalow.

Hantidaas dibadaha taala oo lagu qiyaasay in ka badan $100 milyan oo dollars ayaa warar soo baxaya maalmahaan sheegayaan in hay’adda lacagta adduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan IMF (International Monetary Fund) ishortaagtay in lacagtaas laga bixiyo akoontiyada ay ku jireen.

Cali Cabdi Camalow waxaa uu kiraystay sanadkii 2010 shirkad Mareykan ah kuna taqasustay lacagaha dabagalkooda, shirkadan oo lagu magacaabo Shulman Rogers Law Firm, shirkadaas waxaa ay dabagal ku sameynaysay sanadihii lasoo dhaafay accounts-ka ay laheyd dowladii Kacaanka ee Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, lacagtaas oo lagu kala xanibay dalalka Switzeland, New York, Paris, Rome iwm sida ku cad warbixintaan: (Somalia, at War, Rummages for Cash)

Akoomadan ayaa lasheegayaa in ay ku jiraan lacago malaayiin dollars oo ay dawladii hore ee Soomaaliya leedahay, shirkada Shulman Rogers ayaa ku guul dareysatay inay lacagahaas kasoo saarto akoomadii ay ku jireen iyadoo la sheegayo sababta inay tahay IMF oo is hortaagtay in lacagahaas laga bixiyo akoontisyada ay ku jireen.

Warar sir iyo documentiyo sir ah oo dad aan saaxibo nahay ka heleen nin gacanyare u ah Cali Cabdi Camalow sidoo kalena xiriiriye u ah shirkada Shulman Rogers oo lagu magacaabo Cabdiaziz Xassan Giyaajo ayaa sheegay in hay’adda lacagta adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IMF ay is hortaag xoog leh ka muujisay in lacagtaas laga bixiyo akoontiyada ay ku jireen. IMF ayaa rabto inay lacagta la wareegto maadaama ay IMF ku andacooneyso inay dawladii hore ee Soomaaliya uga maqan tahay deyn cadadkeedu dhan 125 milyan oo dollars horena dacwadaas ay ugu gudbisay Cali Cabdi Camalow xilligii uu guddoomiyaha ka ahaa Bangigga Dhexe ee Soomaaliya sida qoraalkaan ku lifaaqan.

Sida ku cad qoraalkii April 5, 1991, kuna lifaaqan qoraalkaan, IMF waxay ugudbisay dacwadeeda qeybaha sharciyada iyadoo IMF ku eedeysay dawladdii hore ee Soomaaliyeed ee xilligaa inay diiday bixinta deynta dhan 125 milyan dollars, Soomaaliyana sidaa ay kuwaysay xubinteeda ay ku lahayd IMF. Hay’adda lacagta adduunka IMF waxay ku wargelisay Cali Cabdi Camalow oo xilligaa ahaa guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya arrintaan auu iska dhega tiray. Taasoo soo dedejisay inay IMF lacagteeda soo dabagasho kana war hesho lacagaha dawladii hore ee Soomaaliya ugu keydsanaa bangiyada New York, Swizerland, Paris, Rome iwm.

IMF ayaa ku doodeyso inay xaq uleedahay inay soo ceshato lacagta deynta ka maqan, halka shirkada Shulman Rogers iyana sheeganayaan inay ku leeyihiin dawladda Soomaaliyeed lacag dhan afar milyan oo dollars lacagtaas oo ah shaqadii ay u qabteen dawladda Soomaaliyeed laga soo bilaabo 2010 waqtigii la kiraystay Shulman Rogers ilaa iyo maanta. Arrintaan ayaa waxay soo dedejinaysaa inay kabaxdo faraha shacabka Soomaaliyeed lacagtaas iyadoo shirkado shisheeye iyo hay’ad caalami isku heystaan. Haddii ay IMF ku guulaysato inay la wareegto lacagtaas lagu qiyaasay 100 milyan dollars waxay noqon doontaa guul daro u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed iyadoo IMF ku wargelisay bangiyada lacagtaas ay taalo in lagu soo wareejiyo si deg deg ah.

Xiriiro aanu la sameynay qaar kamid ah dowladda Soomaaliya ee xilligaan oo arrimahaan aan ka wareysanay ayaa noo xaqiijayay inaynan waxba kala socon talaabada ay qaaday hay’adda caalamiga ee IMF iyo tan qarsoon ay shirkadda Shulman Rogers horay u qaadatay lacag dhan 1.5 milyan, haddana dooneyso lacag dhan 4 milyan oo dollars. Waa ayaan daro in shirkado shisheeye iyo hay’addo caalami ah ay gacantooda gasho lacag umadda Soomaaliyeed ka baahan tahay iyagoo adeegsanaya dad Soomaali ah.

Jaamac Maxamed Saciid

Freelance Journalist

Fairfax, Virginia

Qurbo-Joogta Puntland oo ka qeylisay ficilladii maamulka Faroole (Bayaan)

0

KA: QURBA-JOOGTA  PUNTLAND

KU: MADAXWAYNAHA PUNTLAND   –   GAROWE

OG: HEY’ADAHA CAALAMIGA (UN, AU, ARAB LEAGUE, OIC, IGAD) 

UJEEDDO: SII DAYN SHURUUD LA’AAN NABADOONO IYO WAXGARAD LAGU XIREY GAROOWE

MARKAAN ARAGNAY dhibaatooyinka ugubka ah ee uu maamulka Puntland la soo baxay, oo ka koobnaa xariga, jirdilka, bahdilkii iyo kala cayrintii uu Maamulka Puntland u gaystey odoyaashii, nabadoonadii iyo aqoon-yahankii u yimid Caasimadda Puntland (Garoowe) inay darsaan oo ka talo bixiyaan jawiga qalafsan ee Puntland;

MARKAANU DHEEHANAY dastuurka Puntland ee qeexaya xoriyadda hadalka, fikirka, kulanka iyo dhaqdhaqaaqa mawaadiniinta Puntland ay ku joogi karaan dhammaan magaalooyinka Puntland;

ANNAGOO OG in Nabadoonada, odayaasha iyo waxgaradku ay si nabad buuxda ah ku socdeen oo ay ku cabirayaan fikirkooda kaga aadan xaaladda Puntland;

MARKAANU DHEGEYSANNEY OO DERISNAY hadaladii fal-celiska ahaa ee uu jeediyay guddoomiyaha Gobolka Nugaal kadib markii qaar ka mid Nabadoonadii, odayashii iyo waxgaradkii la xirey; qaar kalena la jir diley; qaar kalena loo diidey iney soo galaan caasimadda Puntland ee Garoowe;

WAXAA NOO SOO BAXDAY  in maamulka Puntland uu masuul buuxa ka yahay, kana ahaan doono dhibtii soo gaartay nabadoonada iyo waxgaradka xiran iyo waxgaradkii kale oo la jir diley . Waxaan dareensanay in dowladu xad-gudub qaawan ku samaysay xeerarkii aasaaska u ahaa ee xuquuqul-insaanka ee banaynayay in dadku fikirkooda si xor ah ku dhiiban karaan.

Waxaa nagu maqaalaa in maanta siyaasiyiin ka socota maamulka Faroole ay nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo nabadoonada kale xabsiga ugu tageen, oo ay halkaas u soo bandhigeen odoyaasha inay ka tanaasulaan fikirkooda, oo ay Garoowe ka baxaan; badalkeedana xabsiga laga sii dayn doono lana siin doono dhaqaale. Wararka soo baxayaa waxay xaqiijinayaan in nabadoonadu si caro leh u diideen dalabkaas ayna ku adkaysteen inay Garoowe jooggayaan, ayna shir jaraa’id qaban doonaan marka la sii daayo oo ku saabsan sidii loola dhaqmay intii ay xabsiga ku jireen. Waxay nabadoonadu ku adkaysteen in dowladu qoraal rasmi ah ka soo saarto sababtii loo xiray iyo sidoo kale in dowladu u soo gudbiso qoraal rasmi ah oo looga saarayo odoyaasha magaaladda Garowe.

WAXAAN SOO JEEDINAYNAA in maamulku si degdeg xoriyadooda u siiyo nabadoonada iyo waxgaradaka xir-xiran oo uu ay horeeyaan Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Abdi-Kaafi Hassan Mohamed oo ah ku-xigeenka Hay’adda Daryeelka Bulshada. Waxaa kale oo laga sugayaa maamulku inay raali galin iyo mag-dhaw munaasib ah ka bixiyaan xarigii, jir-dilkii iyo ihaanadii uu u gaysatay dhamaan nabadoonadii iyo ergooyinka doonayay inay shirka ku qabsadaan caasimada Puntland ee Garoowe.

WAXAAN DARREENSIINAYNAA Maamulka Puntland inay ilaaliyaan maqaamka caasimadda oo aan la dareensiin shacabka Puntland inay Garowe tahay wax ka yar caasimaddii dadka u dhexaysay.

1) Said Abdi Firin (Galkayo, Somalia)
2) Ahmed   Ali   Bihi  (Cairo, Egypt)
3) Abdinur Abdinasir Ahmed (Galkayo, Somalia)
4) Maxamuud M. Jaamac – Sayruuq (Oslo, Norway)
5) Abdulqani Ali Ahmed (Geneve, Switzerland)
6) Xusseen Abdulle Abdi – Ceelbuur (Riyadh, Saudi Arabia)
7) Ahmed-Kamas Xirsi (London, United Kingdom)
8) Mohamed Abdullahi Warsame (carab-cudud) (Leicester, UK)
9) Abdiqani Maxamed cali
10) Abdi-Nur Yusuf (Galaal) Faarax Gure
11) Abdiaziz Maxamed Cali (Haji) – (Dubai, United Arab Emirates)
12) Abdirisaq Abdirahman Hassan (Gosol) – (Birmingham, UK)
13) Pharax Mohamed Osman (London, UK)
14) Abdinur Xuseen Faarax
15) Farah Jama Farah (Shillinson) – (Nairobi, KENYA)
16) Khadar Jama
17) Yassin Said Aden (Munich, Germany)
18) Mohamud Yassin Ahmed (Italy)
19) Ali Farah Curdan (Germany)
20) Joome Farabadane Guhad (Galkayo, Somalia)
21) Haybe Abdi Jama Guhad
22) Abdiwai Bashir Mohamud (London, UK)
23) Abdi  Hussein
24) Jibe Ciise cabdi (Sweden)
25) Adam (Dheere) Mohamed Abdulle (Sweden)
26) Abdinur Jama Gurey
27) Faisal Abdullahi Jama (UK)
28) Said Jaamac Biixi (USA)
29) Anwar Abshir (UK)
30) Abdiwali Mohamed Ali (Dubai, UAE)
31) Mohamed Ahmed Gashan (London, UK)
32) Abshir Jama Elmi (USA)
33) Mohammed Dahir Hussein
34) Hassan Mohamud Dalmar (Sweden)
35) Mohamed Xoosh Indhacade (UK)
36) Abdirahman Nur Hassan (Suudi) (UK)
37) Yahya Farabadane (UK)
38) Shafici Ahmed Jamac (UK)
39) Abdinasir Abdulle Ali Ilweyn (UK)
40) Ahmedey Ali Gurey (UK)
41) Gashan Abdirizaq Yusuf (USA)

Nagala soo xiriir:

Abdiwali Bashir

London, United Kingdom

Email: [email protected]

Email: [email protected]

Sababta iyo habka lagu ogaado dilalka Somalida K/Africa

0

Johannesburg (Caasimada Online) Warbixin ay soo saareen maanta oo Arbaca ah, guddiga jaaliyadda waddanka Koonfur Africa, ayaa lagu sheegay in ay aad u yaraadeen dilal loogu geesto dalkaas Soomaalida ku nool, gaar ahaan kuwa jira ganacsiga.

SABABTA MAXAY TAHAY?

Guddoomiyaha guddiga Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Africa, Cabdi Raxmaan Yuusuf Caabi oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in sannadkan sii dhammaanaya waddankaas lagu dilay tiradii ugu yareed ee ah dadka Soomaalida.

Wuxuu sheegay in sannadkan in ku dhawaad 100-qof oo Soomaali ah la dilay, marka loo eego warbixintada ay diiwangaliyeen isla markaana 127- kale la dhaawacay.

“Waxa aan soo saarnay maanta warbixin ay ku qoran yihiin tirakoobka sannadkan lagu sameeyay Soomaalida lagu dilay ama lagu dhaawacay K/Afrika, oo aan sannadkasta aan sameeno, marka waxa jira guddi loo xilsaaray in ay sannad kasta ay sameeyaan qiimeen ku saabsan Soomaalida lagu dilo waddankan”

Wuu sii hadlay, wuxuu yiri : “ Illaa 100-ruux ayaa meelo kala duwan la dilay sannadkan, 127-kalena waa la dhaawacay, waa laga yaabaa waayo waddanka waa uu ballaaran yahay, oo waxa jiri kara meelo aan gaarin ama aan maqlin in Soomaali lagu waxyeelayay oo halkaas lagu dilay ama lagu dhaawacay, laakin waxan dhihi karnaa waa 95% tira koobka aan sameenay ” ayuu yiri Cabdi Raxmaan Caabi.

SEE LAGU OGAADAA DADKA LAGU DILO TUULOOYINKA AMA MEELAHA KA FOG MAGAALOOYINKA?

Mar la waydiiyay sida ay ku ogaadaan dadka lagu waxyeelo meelaha tuulooyinka ama fog-fog, wuxuu ku jubaabay: “ Inta badan waxa aan sameenaa meesha ay ku yaalaan 10-dukaan waxa ka dhisan maamul, marka iyaga ayaa diiwangaliya oo u soo gudbiya xarunta”

Waxa kaloo uu sheegay in uu jiro kulan seddax jeer dhexmara sannadkii xubnaha ku jira ururka jaaliyadda Soomaalida ee waddanka K/Afrika.

MA JIRAAN HEY’ADDO KALE OO GACAN KA SIIYA DIIWANGALINTA DILALKA SOOMAALIDA LOO GEESTO?

Waxa kaloo la waydiiyay guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee dalka K/Afrika in diiwangalintan uu sameeyo ururkooda ka sakow in iyana ay sameeyaan diiwangalin bilayska waddankaas?

Wuxuu ku jawaabay? “ Haa dowladda waa ay diiwangalisaa dilal ama dhaawacyada loo geesto Soomaalida ku nool waddankan, waayo qofka marka uu dhinto waxa la keenaa Isbitaalka, halkaas ayaa laga diiwangaliyaa, waa meelaha laga heli karo xogta oo ugu fiican ee laga heli sannadkaas wixii dhacay,”

Sidoo kale wuxuu sheegay in qaybta bilayska diiwangalinta dhimashada oo iyana la wareega meydka oo iyana wax diiwangaliya, marka uu ku dhinto isbitaalka oo ay ku sameeyaan qaliin, labadaas qolalaba diiwangalinta waa ay ka qaybqaataan, laakin annaga mar walba waxa aan sameenaa diiwangalin ka madaxbannaan kuwaas ayuu yiri guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee waddanka K/Afrika.

Si kastaba, waddanka K/Africa waxa uu ka mid yahay waddamada sida wayn loogu dhibaateeyo dadka Soomaalida, mana jirto dowlad u istaagtay siddii loo joojin lahaa dhibka lagu hayo Soomaalida dalkaas ku nool oo u badan ganacsato.

Dhowr jeer ayaa Soomaali ku nool wadankaas la dilay, qaar kood waa la gubay,ama si fool xun ayaa loo galay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Faallo: Dawlada Deegaanka Khaatumo: Sanad Guuro Sad leh

0

Dawlada Deegaanka Khaatumo oo G’u jirsatay ayaa lagu yagleelay deegaan dadka dagaai u hamuun qabeen inay mar un arkaan calanka Soomaaliya oo ka dul babanaya ciidooda. shacabka Khaatumo waxay waqti dheer u hureen xaqiijinta himilada soomaliyeed ee xornimada iyo madax banaanida iyagoo u huray naf, muruq iyo maalba. inkastoo ay taariikhdu xusayso halgankaas ayaan waxaan maalin aan fogayn dib u milicsaday sida taariikhda caalamiga ahi u xariijisay naftihurnimadii ay shacabkani u galeen inay hir galiyaan qiyamka soomaliyeed oo ay ugu horayso hanashada masiirka iyo ayaaha ay leeyihiin bulshooyinka soomaliyeed. hadaba waxay ahayd maalin taariikhi dharaartii ay shacabka xorta ah ee waqooyigu uguna horeeyan dadka daga deegaanada Khaatumo ay calankoodii ula hirteen si ay u hirgaliyaan himilada shacabka soomaliyeed ee yagleelida dawlad soomaliyeed waxaa taas ula mida maalinta ay shacuubta Khaatumo u istaageen ka hortagida fikradaha dib u socodka ah ee ay awalba ka dhiidhiyeen ee salka ku haya Soomaali kala fogayn iyo xayndaabyo aan sinaba u waafaqsaneen fikirka xorta ah ee shakhsiga soomaliga ah. halkani waa dulucda maqaalka, maalinta ay shacuubta Khaatumo dib u yagleeleen dawlad hiigsanaysa horumarinta shacabkeeda, ka hortaga hagardaaooyinka kala goynta iyo u hiilinta midnimada umada soomaliyeed, Khaatumo state of Somalia.

Waxay ahayd maalin khamiis ah taariikduna ahayd 13/01/2011, waa maalintii dadka daga deegaanada Khaatumo ay ku tabantaabiyeen taladooda inay tiirka u dhigaan Dawlad Deegaameed taabagalisa nabadgalyada, horumarka, midnimada iyo cadaalada. waxay ahayd maalin ay dadka deegaanada Khaatumo dagaai ku tashadeen inay ka hortagaan kala-goynta umada soomaliyeed si hufana ula shaqeeyaan dadaalada lagu doonayo in dib loogu yagleelo dawlad soomaliyeed. waxay ahayd maalin ay shacabka soomaliyeed aad ugu farxeen in dhulkii waqooyi ay ka soo yeerto dhawaaq lamida kii 1960, dhawaaqani si ahaan wuxuu uga duwan yahay kii 1960 in qaybo yar oo kamida shacabka waqooyi ay u hanqal taagayaan inay soomali kala gooyaan hasa yeeshee waxaa iska cad in kala-goyntu aysan ahayn mid fudud oo ay hortaagan yihiin shacuub ay ka goantahay ilaalinta midnimada.

Habeenka axada ah, saacaduna ay tahay 6:00 habeenimo, taariikhduna ay ku beegantahay 13/01/2013, waxaa dhamaan deegaamada Khaatumo la saari doonaa heesta calanka soomaliya iyo kan deegaameedka Khaatumo iyadoo ay damaashad iyo farxad wadaagi doonaan waa idanka alle e qaybo badan oo bulshada soomaliyeed ah taas oo lagu muujin doono wadiniyad iyo soomalinimo. intaas waxa xiga in guutooyinka daraawiishtu ay maalinmada axada ah muujin doonaan cududooda millatery iyo sida ay heegan ugu jiraan hirgalinta hamiga soomalia ee midnimada iyagoo ay raxan raxan u mari doonaan fagaarayaasha magaalooyinka iyo waliba furimaha hore ee midnimo difaaca. maalintani waxay qadarin ka mudan tahay qof kastoo soomali ah waxayna ka turjumaysa niyadsamida dadka waqooyiga oo ay ku maxaabsadaan shakhsiyaad ku fashilmay siyaasada hungurina biday inay ku qaraabtaan kala-goynta soomalia. waxaa intaa xiga in maalintani, ay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshooyinka deegaanada Khaatumo ay kor u qaadi doonaan calanka buluuga ah ee soomaliwayn iyo kan deegaameedka Khaatumo.

Inkastoo ay sii shiiqayso fikradihii guracnaa ee ay siyaasiinta kala-goyntu ku maxaasnayeen, hadana waxaa jira in deegaamo kalle oo waqooyiga ahi inay ganafka ku dhufteen u adeegida aragtidan caal-waaga ah. hadaba waxaa muran ma doonta ah in bilawgii dawlada Khaatumo uu yahay dhamaadkii fikrada kala-goynta sida uu u ahaa kicitaankii Dawladii Daraawiishtu dhamaadkii gumaysigii ama gumaysi u adeegii ingiriiska. suaashanu waxay gunaanad u tahay maqaalkan.

intee in le’eg ayay socon kartaa fikradan caal-waaga ah ee kala goynta soomalia?

W/Q: Dr. Abdijaliil Mahamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Faah-faahin: Nooca kullan Shariif Xasan & Axmed Madoobe dhex maray

0

Nairobi (Caasimada Online) Ilo wareedyo lagu kal soon yahay ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay, in kulan uu ku dhexmaray magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya afhayeenkii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo gudoomiyaha ururka Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Shariif Xasan oo hadda ah xildhibaan ayaa ku mashquul san maamul u sameenta gobalada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, kaasoo loo bixin doono Maamul Gobaleedka Koonfur Galbeed Somalia.

Wuxuu maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo uu ka waday kulamo ballaaran oo looga hadlaayo siddi lagu taageeri lahaa maamulkaas oo ugu dambeen uu ka noqon doono madaxwayne.

Illaa hadda ma cadda xilliga lagu dhawaaqi doono maamulkaas, oo dadka la dhacsan uu ku jiro guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isku gobal ay ka soo wadajeedaan.

Maxay ka hadleen Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe?

In kastoo kulanka dhex maray labada nin uu ahaa mid qarsoodi ah, haddana Shariif Xasan ayaa ka codsaday Axmed Madoowe in uu ku taageero maamulka uu wado ee ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadama uu Axmed Madoobe isna doonayo in uu sameeyo maamulka Jubbooyinka, oo ah Jubbada Hoose, Dhexe iyo Gedo.

Haddaba kulamadan ka socda Kenya, waxa digniin durba ka bixisay dowladda Soomaaliya?

Safaaradda Soomaaliya ay ku lee dahay Kenya, ayaa sheegtay in ay ka digeyso shirarka ka socda Kenya ee looga hadlaayo maamul u sameenta gobalada qaar waddanka oo ay dowladda ka warqabin, taasoo ay sheegtay in ay caqabad ku tahay horrumarka dalka iyo deddaalada ay waddo dowladda uu hoogaamiyo madaxwayen Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdsataar Xasan Cali oo ah Xoghayaha saddexaad ee safaarada Soomaalida ee dalka Kenya oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey Afhayeenkii hore ee baarlamanka Somalia Shariif Xasan Shiikh Aadan inuu magaalada Nairobi ka wada abaabul iyo kulamo ku saabsan maamul uu damacsan yahay inuu ka dhiso gobolada Koofur Galbeed Somalia gaar ahaan Bay iyo Bakool, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxu sheegay in dhismaha maamul goboleedyada ay xaq u leedahay oo kaliya dowlada Soomaaliya marka laga reebo kuwii horrey u jiray sida Puntland iyo Galmudug oo kale.

Dhawaan magaalada Nairobi waxa kulan ku yeeshay Sheekh Axmed Madoobe iyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, kulankaas oo looga hadlay maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka, wax natiijo ah kama soo bixin, waana lagu kala kacay sida ay lee yihiin dad goobjoog ka ahaa kulanka.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dhalliinsan yahay qaabka la rabo in maamul loogu sameeyo gobaladaas, wuxuu isaga sheegay in maamulka laga bilaabi doono heer tuulo illaa gobal, kaddib maamul guud oo loo siman yahay la sameeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Daawo Video Naxdin leh oo laga soo duubay Saxaraha Suudan & Liibiya

0

Muuqaalka Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa Muuqaal ku saabsan dhibaatada ka dhalata Tahriibka oo aad ka naxeysid qof dhan oo xubnaha jirkiisa lala baxayo waxaan maqli jirnay Burcad Badeed hada waxaa soo baxay Burcad khalato oo ku nool saxaraha Suudaan ilaa Liibiya.

Hadaba Aqristoow hadaadan awoodin Muuqaalkaan oo naxdin ah ha daawan oo ka fo’goon waa muuqaal naxdin badan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

 

Dhismihii Jubbaland oo fashil ku dhow & Aw-Libaax oo isaga tagay Kismaayo

0

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Ahlusunnada Konfureed Sh .Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax, ayado Wafdigaan ay ka mid ahaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Gudiga Farsamada Maamul usameynta Jubbooyinka iyo Gedo.

Wafdigaan ayaa  waxa ay saaka diyaarada qaas ah ka soo qaaday Garoonka Diyaaradaha  Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,  waxaana ay maanta galabnimadii  soo gaareen  Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka gedo.

Wafdigaan oo ka kooban Xubno muddooyinkii ugu danbeyay ku mashquulsanaa Maamul usameynta Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa waxaa Magaalada Baladxaawo ku soo dhaweyay   Maamulka Ahlusunnada Waljamaaca ee Magaalada Baladxaawo iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dagmada Balad Xaawo oo ay horkacayaan Ururada Haweenka iyo kuwa arrimaha Bulshada.

Ow-libaax_garabMa cada waxaa  Shirarka u bilowday Masuliyinti Maamulka Balad xaawo iyo Gudomiyaha Ahlusunna Waljamaca ay ku saabsanyihiin balse warar hoose oo ay heshay warbaahinta ayaa waxaay  shegayaan in Gudomiye Aw-libaax u saraakisha Maamulka Balad xaawo ka waraysanayo sida ay u socdan howlaha Maamulka Balad Xaawo.Sidoo kale  Aw-libaax ayaa waxaa uu Warbixin  ku saabsan waxa  uga soo qabsoomay socdaklki u ku tagay Kismaayo siinaya Saraakisha Ahlusunnada Konfureed.

Wafdigaan oo asagu ku sugnaan doona gobolka mudo ayaa waxaa lagu wadaa in ay dhawaan ka hadlaan ujeedada Socdaalkooda  iyo Halka ay marayso Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo ayadu  dib loo dhigay ila inta laga xoreynaayo deegano hada ka maqan gacanta  Dowlada Somalia.

Wararka ayaa sidoo kale sheegayaa in uu jiro is fahamwaa xoogan oo u dhaxeeya dadkii ku howlanaa dhismaha Jubbaland, oo u kala jabay dhinacyo badan, sida Ahlu-Sunnada Awlibaax, kooxda Gaandi ee Azaniya iyo Jabhadda Raaskambooni ee Axmed Madoobe, oo dhinac walba uu doonaya talada ugu sareysa ee maamulka.

Caasimada online

Xafiiska Wararka Gedo

Warbixinta sanadlaha ee 10-ka website ee ugu wanaagsan kuwa Soomaalida

0

Shabakadda ku baxda English-ka ee sunatimes.com, ayaa sameysay warbixintii sanadlaha ahayd ee lagu qiimeynayay 10-ka website ee ugu wanaagsan website-yada Soomaalida ah.

Waxa ay sidoo kale warbixinta ka hadashay website-yada sii tira badanaya iyo aqoon la’aanta baahsan ee jirta ee keentay in qof kasta waxa uu doono uu iska qoro.

10-ka website ee loo aqoonsaday kuwa ugu wanagsa,  ayaa waxaa lagu qiimeyay xirfadda hab qoritaan, anshaxa iyo sugnaanta wararka. Halkan ka arag warbixinta http://sunatimes.com/view.php?id=2497

DEG DEG: Qarax khasaaro geestay oo mar kale ka dhacay Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa wuxuu sheegayaa in qarax nooca bambaanada ah caawa lagu weerraray kaniisad ku taalla magaalada Mandheera ee gobalka waqooyi-bari Kenya.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxa la sheegayaa in dadka dhaawacmay loola cararay isbitaalada magaalada.

Markii qaraxa uu dhacay, waxa goobta soo gaaray ciidamo fara badan, kuwaasoo howlgalo halkaa ka wadda, laakin ma jirto dad loo soo qabqabtay.

Ma jirto koox sheegtay qaraxa caawa ka dhacay magaalada Mandheera.

Qaraxa ayaa ku soo aaday iyadoo ammaanka waddanka Kenya aad loo adkeeyay, kaddib markii laguda galay ciidda masiixiga oo shaley bilaabatay.

Kenya dhawaanahan waxa ka dhacayay, qaraxyo iyo dilal kuwaasoo ka dambeeyay markii ciidamo Kenya loo soo diray Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

XOG: Ganacsato badan oo Soomaali ah oo billaabay in hantidii ka taallay Kenya ay u raraan……!

0

Nairobi (Caasimada Online) Warar ay heshay shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaya in wixii ka dambeeyay markii rabashado ay ka dhaceen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, in Soomaali badan oo halkaas ganacsiyo ku lahaa ay bilaabeen in ay maalgashi ka sameeystaan caasimada Uganda ee Kampla.

Soomaalidan ayaa la sheegay in Malaayin Shilling ay kala baxeen Baananka Kenya, kuwaasoo ka cabsi qaba in la boobo hantida ay ku lee yihiin xaafadda ay ku badan tahay Soomaalida ee Islii, oo dhawaanahan ay ka dhaceen qaraxyo xooggan.

Sidoo kale waxa jira Soomaali badan oo ku noolaa magaalada Nairobi, kuwaasoo bilaabay in ay soo aadaan waddamada Soomaaliya iyo Uganda, iyagoo ka cabsi qaba in waxyeelo ay ka soo gaarto rabshadaha ka dhaca Kenya.

Soomaali badan ayaa ganacsi ballaaran ku leh magaalada Nairobi, kuwaasoo 20-kii sano ee la soo dhaafay halkaas ku lahaa goobo ganacsiyo oo aad u waawayn.

Kenya ayaa dhawaan ku amartay Soomaalida ku nool magaalooyinka in ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga Kaakumo ama Dhadhaab.

Soomaali badan ayaa lagu arkayaa xafiisyada shirkadaha diyaaradaha ee ku yaalla Nairobi iyo goobaha basaska laga raaco, kuwaasoo soo aadaya magaalada Muqdisho.

Haddii ay Soomaalida ganaciga ku leh Nairobi ay bilaabaan in ay maalgashi ka sameestaan waddanka Uganda ama ay dib ugu soo laabtaan waddankooda, waxa ay taasi ku keeni kartaa saameen waddanka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Baarlamanka oo diiday meel marinta miisaaniyadda xukuumadda ee 2013

0

Muqdisho (Caasimada Online) Fadhi maanta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uu ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxa ay ku diideen meel marinta miisaaniyadda ay ku shaqayn doonto xukuumadda Soomaaliya sannadka na soo aadan 2013-ka, taasoo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.

Kulanka oo ay soo ka qaybgaleen xildhibaanno gaaraya 154 mudane, waxa shir guddoominaayay afhayeenka baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan {Jawaari}, waxana dood dheer kaddib uu sheegay in cod loo qaado miisaaniyadda ay soo bandhigtay.

Xildhibaanno gaaraya 54-mudane ayaa oggolaaday in miisaaniyadda la meel mariyo halka ay diideen 70-xildhibaan, waxana shirka markii codka loo qaadayay ka maqnaa 30-xildhibaan oo markii hore joogay fadhiga sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka.

Si kastaba, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa seddaxdii cisho ee la soo dhaafay waxa ay ka dooddayeen miisaaniyadda xukuumadda ay ku shaqayndoonto sannadka 2013-ka, taasoo dhawaan la horgeeyay.

Intaas kaddib, afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay sida uu qoraayo xeerka dastuurka uu dhigaayo in muddo 30-cisho ah ay wasaaradda maaliyaddu dib ugu laabato miisaaniyad ay soo bandhigtay, si mar dambe cod loo siiyo.

Ma cadda sida laga yeeli doono miisaaniyadda ay soo bandhigtay xukuumadda oo ay qaar badan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ay saluugsan yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Magacyada iyo xilliyada Soomaalida sanadkan lagu dilay Koonfur Africa

0

Kadib Baartiaan Dheer Iyo Xog Uruurin Aynu Ka Sameynaya Magalooyin Kala Duwan Oo Ku Yaala Dalka Koofur Afrika Si Aan Wax Badan Ugu Ogaana Dadkii Soomaaliyeed Ee Sanadkii 2012 Lagu Laayay Koofur Afrika Ayaan Halkan Idiin Kugu Soo Koobeynaa

Ku Dhawaad 100 Qof Oo Ganacsato Soomaali Una Badan Dhalanyaro Ayaa Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika Magalooyin Kala Duwan Oo Ku Yaala Tiro Ku Dhaw 127 Dhawacyao U Badan Mindiyo Iyo Rasaas Ayaa La Gaarisyaya Halka Kuwa Kalane Dab La Qabadsiyay Iyago Oo Nool Kuwa Oo Dhibaato Murug Leh Lo Geysatay

Sanadkii Tagay 2012 Dadkii Ugu Badna Ayaa Waxa Lagu Dilay Tuulooyin Hoos Yimaada Magalada Cape Town Ee Dalka Koofur Afrika

Halkan Ka Aqrisa Qaar Kamid Ah Magacayada Dadkii Soomaaliyeed Ee Sanadkii 2012 Lagu Layay Koofur Afrika

January “27, 2012- Cape Town Waxa Lagu Dilay Marxuum Axmed Xuseen Oo Ganacsada Ahaa

Janury 10-2012 Buracad Hubeysan Ayaa Dhawacay Muwaadin Soomaaliyeed Degaanka Fahalaburg Ee Ka Tirsan Cape Town

January 21  2012-Ganacsade Soomaali Ah Oo Magaciisa Lagu So Gaabiyay maxamed ayaa lagu dhex toogtay dukaankiisa, Oo Ku Yaala Duleedka Magalada Cape Town Ee Dalka Koofur Afrika .

Feb-7-2012 Rag Hubeysay Ayaa Dilay Marxuum Farhaan Oo Dagaana Degaanka Khaalija Ee Cape Town Waxan Isla Goobta Lagu Dhawacay Sadax Wiil Oo La Joogaty

March 15/2012-Cap Town Laba wiil oo Soomaaliyeed isla markaana walaalo ahaa ayaa nolosha lagu gubay, xilli ay ku sugnaayeen goobtooda ganacsi oo ku taalla tuulada Paarl oo hoostagta magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Aabbaha dhalay labaadan wiil oo murugo fara badan ay ka muuqatay wajagiisa, oo aan la kulanay ayaa ka  codsaday  dowladda Soomaaliya inay kala hadlaan dowlada Koofur Afrika wax ka qabashada  dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ganacsiyada ku leh dalkaasi

April 12-2012-Cape Town Gaar Ahaan Degaanka West Bank Waxa Lagu Dilay Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Magacaabi Jiray Salaad Xusen Ganey

Jun 21 2012 -Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray C/Laahi Xersi C/Laahi, ayaa waxaa lagu dilay Deegaanka Malmesbury ee Magaalada Cape Town, iyadoo ay dilkiisu geysteen seddex nin oo madow ah, oo u dhashay dalkaasi Koonfur Afrika.

June 18- 2012 Waxaa La Dilay Ganacsade Soomaali Ah Oo Lagu Magaacabi  jiray C/laahi Jiin Gudbaaye Xili Uu Ku Sugnaa Dukaankiisa Oo Ku Yaala  tuulada Phillipi ee duleedka magaalada Cape town

Tuesday, June 19 2012  Ilaa Sabtidi Maalmo kooban gudahood oo Koonfur Afrika lagu dilay Shan ruux oo Soomaaliya Waxa Kaloo La Jir Dilay Kuwa Kale Oo Badan

July 5, 2012-Cape Town Gaarn Ahaan Degaanka Yanga Ayaa Lagu Dilaya Ganacsade Lagu Magacaabi Jiray Axmed Coley Isla Habeenkaas Waxa Sido Kale La Dilay Wiil Dhalanyara Ah

July 13, 2012.-Cape Town-1-qof ayaa dhintay halka 2-kalana waa la dhaawacay markii kooxo hubeysan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ay beegsaden ganacsato Soomaaliyeed.

August 19, 2012 Cape Town Burcad Hubeysan Ayaa Toogatay Marxuum daahir macalin xaashi Oo Ku Sugnaa Dukaankiisa Ganacsi Oo Ku Yaala Magalada Cpe Town

September 17, 2012-Port Elezaberth Dhacdo Naxdin Leh Kadib Markii Gabar Yar Oo Soomaaliyeed Misane Uur 9 bilood Ah Laheyd Ayaa Inata La Kufsaday Kadib Marag Ama Ceejo Lagu Dilay Sida Uu Warbaahinta U Xaqjjiyay Yusuf Oo Ahaa Seyga Gabadha La Dilay Oo Aan La Hadalnay

Isla  Bisha September Burcad Madow Ah Ayaa Khaarijiyay Ganacsade magaciisa lagu Soo Gaabiyay “jano Gale” Marxuumka ayaa waxaa ku wehliyay Dukaankiisa Labo wiil kale dhawac ayaa soo gaaray

September 25, 2012.-Cap Town Labo Dhalanyaro Soomaali Ah ayaa La Toogtay Xili Ay Goob Gnacsi Oo Ay Jogeen Ku Suganayeen Degaanka Filipi Ee Duleedka Magalada Cape Town

9 Oct 2012 –Burcad Koofur Afrikaan Ah Ayaa Gnacasade Soomaaliyeed Ku Dilay Dukaanskiisa Gnacsi Oo Ku Yaala Xaada Khaalija Ee Magalada Cap Town Wiilkaas Ayaa Magaciisa Lagu Sheegay Ciise Waxana Uu Ahaa Shaqaale Dukaanka Ka Shaqeynay

October 9, 2012.-Port Elizepeth-Koox Burcad Madow Ah Ayaa Toogtay Alaha u Naxariistee Muwaadinka Lagu Magcaabi Jiaray Rooble Faarax xili uu ku suganaa afaafka hore ee goobtiisa ganacsi

October 11-2012 -Cape Town Degaanka Isku Raranka Ee Kaaliija Ayaa Lagu Dilay Muwaadin Soomaalia Oo Lagu Magacaabi Jiray Liibaan Kaasi Oo Dilkiisa Toorey Isticmaalay Xili Dad Ehelkiisa Ah Ay Shegeen In Qudha Torey Loga Jaray Dilka Oo Dhacay Xili Habeen Ah Ayaa Police-ka Koofur Afrika Oo Soo Gaaray Goobta Dilka Uu Ka Dhacay Baritaan Ay Smeyeen Ayey Maalimo Kadib Ehelka Weelka La Dilay Ku War Galiyeen Inay Qabteen Ninkii Dilka Geysatay Sharcigane Ay Hor Geyn Donaan balse ma jirta cid dabagashay hadalka police-ka

October 12, 2012 -Burcad South African ah ku dilay tuulada Khaliija ee duleedka magaalada Cape Town nin ganacsade Soomaali ah kadib marki ay ka waayeen lacago ay rabeen in ay ka dhacaan.Marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Maxamed Cunshur

Octobar 20, 2012 “King Wilmes Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool waddanka Koonfur Afrika ayaa la dil ugu geystay wiil kale oo Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Bile, kaasoo ay dilkiisa u adeegsadeen tooreey ama billaawe.

Nov 22, 2012 Cape Town Koox burcad koonfur African ah ayaa ku dilay muwaadin Soomaaliyeed Degaanka Khaalija Kaasi Oo Lagu Magacaabi Jiray Bashiir

Nov 2012/08- Cape Town-Laba ganacsato Soomaali ah oo lagu kala magacaabi jiray Bashiir Sheekh Suufi iyo Cabdi Tifow ayaa lagu dilay tuulada Valhalaburg ee duleedka magaalada Capetown ee wadanka Koonfur Afrika.

Dec 07-2012 Preoria Burcad Koofur Afrikan Ah Ayaa Si Arxan Dara Ah U dilay Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Magacaabi Jiray Cali Jano Gale Xili Dilkiisa Ay Dhalo U Isticmaaleen Oo Ay Ku Qaarijiyeen

Dec 14, 2012 -Koox Burcad Koonfur afrikaan ah ayaa Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Magacaabi Jiray Cabdi Xasan Geedi Ayaa Lagu Dilay Degaanka Filiibi Duleedka Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur afrika Iyadoo Xiliga Dilka Uu Dhacayay Uu Marxuumka Dhintay Watay Gaari Yar waxana burcada ay u gashay jidka kadibna raas ay ooda ugu qadaanen iyago halkasi ku dilay marxumka dhintay mid kalene dhawac uu soo gaaray waxana burcada ay ku dhaqaqen dilka kadib fal aad u fool xun iyagoo gaariga marsiyaya Marxuumxka

December 20-2012 Koox madow koofur afrikan ayaa xili fiid habeen ah kaliija ku dilay muwadin soomaaliyeed oo lagu magaacabi jiray Osmaan shamuuq

Boobkii Loo Geysay Dukaamaha Ganacsiga Soomaalida Koofur Afrika

Feb- 17th, 2012-Rustenburg Gaar Ahaan Deegaanka Sun Rise In ka badan 19 dukaan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa boob loogu geystay tuulooyinka hoos taga magaalada Rustenburg ee gobolka North West ee waddanka Koonfur Afrika.Dadkaas Hanida Laga Boobay Ayaa Naftooda Kala Baxsaday

July 10, 2012- Deegaanka Fahluburg oo duleedka kaga began magaalada Cape town ayaa kooxo Burcad ah oo udhashay South Africa galinkii Waxay Boob Baahsan Kula Dhaqaqeen In Ka Badan 30 Dukaan Oo Ay Ganacasto Soomaalliyeed Lahayeen Kuwaa Oo Ay Dhamaan Cagta Mariyeen Xili Goob Joog Ay Ahaayeen Police-ka Koofur Afrika Oo Ay Shegeen In Aysan Bad Baadin Karin Hantida La Boobaya Balse Ay Bad Baadinayaan Nafta Gnacasatada Leh

Nov 16, 2012- Dad Careeysan Oo Koofur Afrikaan Ayaa Cagta Mariyaya Oo Boobay Ku Dhawaad 5 Dukaan Oo Ay Soomaali  Lahaayeen kuna yeelay Deegaanka swellodom kaasi Oo Qiyaastii Sadax boqol (300km) Ujira Magaalada Ceptown Ee Dalka Koonfur Afrika.Mana Jirta Cid Ka Hadashay Boobkaas.

Si Kastaba Beegsiga Lagu Haya Soomaalida Ayaa Wali Sii Socda Madaama Wadanka Koofur Afrika Soomaalida Ku Nool Lagu Qiyaasay In Ka Badan 50 Kun Una Badan Dhalayaro Shaqeeysata Balse Ilaa Haatan Ma Aysan Helin Cid La Difaacada Dhibaatooyinka Lagu Haya

W/Q Wariye Omar Kiyow

Omar Kiyow

Caasimadda Online

Xafiiska Koonfur Afrika

Dagaal ka dhex qarxay Somaliland iyo Khaatumo State iyo guulo la sheegtay

0

Laascaanood (Caasimada Online) Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka kala socda Maamulka Khaatuma iyo Kuwa Puntland ayaa waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Hadaba dagaalkaas ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay Mamulka khaatumo state oo xaqiijiyay in dagaalo ka dhacay duleedka Degmada Xudun ee Gobalka Soolkaasi uu dhexmaray ciidamadooda  iyo sidoo kale ciidamada maamulka Soomaaliland.

Maxamed Ducaale  oo ah Wasiirka amniga ee maamulka Khaatumo State oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid ay soo qaadeen ciidamada maamulka Soomaaliland ayna iska caabiyeen.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay duleedka Degmada Xudun kadib markii ciidamada khaatuma ay meesha ka saareen kuwa Soomaaliland.

Howlgalo kala duwan ayuu sheegay inay fuliyeen dagaalka kadib maadaama sida uu sheegay dhulkooda iyo sidoo kale maalkooda lagu soo weeraray sida uu sheegay wasiirka amniga khaatuma

Somaliland wali kama aysan jawaabin hadalka ka soo baxay maamulka Khaatuma laakiin Somaliland ayaa ka soo horjeeda Jiritaanka Maamulka Khaatumo .

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Laascaanod

Jaaliyadda Maakhir State oo Shir culus ah Ku Yeeshay Cape Town

0
Cape Town, – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan soomaalida kasoo jeeda deegaanada Maakhir State ee Gobalada Sanaag, Hayland iyo galbeedka bari ee Somalia, ayaa goor dhow waxaa usoo gabagaboobay kulan caalami ah oo maalmihii ugu dambeeyey uga soconayey Magaalo-xeebeedka Cape Town ee dalkani Koonfur Afrika.
Kulankan oo ay kasoo wada qeybgaleen Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Waxgarad, Ganacsato, Haween iyo dhalinyaro kuwada abtirsada maamulka Maakhir State, ayaa waxaa looga hadlayey horumarka deegaanadaasi, gaar ahaan hawlaha dib u dhiska ah ee ka soconaya Dekadda Laas-qoray iyo Jaamacadda Maakhir University iyo sidii loosii baraarujin lahaa qurba joogta kale ee Jaaliyadda.
HaylandMaxamed Deeq Sheekh C/laahi oo ah Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Maakhir State, oo ka mid ahaa mas’uliiyiinta kulankaasi soo abaabushay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay talaabooyinka lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee ka soconaya deegaanada maamulka, isagoo sidoo kalana aad ugu mahadceliyey Jaaliyadda Maakhir State ee reer London. Britain, wuxuuna ku amaanay waxqabadka hagar la’aanta ah ee ay halkaasi ka wadaan.
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda Maakhir State ee dalka Koonfur Afrika, Maxamed Cali Samatar, oo isagana ku nuuxnuuxsaday in arimahani socda laga wada qeybqaato, islamarkaana aan ruux, koox iyo urur midna lagu eeganin horumarinta deegaanada iyo dadka reer Maakhir.
Si kastaba ha ahaatee, Jaaliyadda Maakhir State ee Koonfur Afrika, ayaa balan qaaday inay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan dadkooda iyo maamulkoodaba, si dib loogusoo nooleeyo bilicda deegaanadaasi, islamarkaana sare loogu qaado aqoonta dhalinyarada si mustaqbal wanaagsan uu u yeesho deegaanka.
Nuqul ka mid ah bayaanka Jaaliyadda Maakhir State ee Koonfur Afrika ku shirtay oo inasoo gaaray, ayaa waxaa ku saxiixnaa Gudoomiye ku xigeenka guud ee Maamulka Maakhir State :
Mudane Maxamed Deeq Sheekh C/laahi 
Tell : +27731076639

Sawirro + Video + Warbixin: Muqdisho kala duwanaa shalay iyo Maanta

0

Tani ma ahan Muqdishidii lagu bartay dagaalada, dilka, dhaca iyo nidaam la’aanta, hada waa caasimadii Soomaaliya oo dhamaan waxyaabihii lagu tilmaami jiray bari ka noqotay.

Dib u dhis ballaaran ayaa ka socda, dhismooyin hor leh oo indhaha soo jiidanaaya ayaa kusoo kordhay, kuwo kalena dhismo ayaa ku socda, waxaana magaalada laga dareemayaa isbadal muuqda oo sanadaha soo socda ka dhigi doona caasimad la mid ah kuwa dalalka geeska Afrika ugu quruxda badan.

Kala duwan shalay iyo maanta, hadii shalay indhahaagu qabanayeen guryo ku burburay madaafiic aan loo meel dayin, maanta indhahaagu ma qabanayaan guryo ay reebeen raadadkii dagaalada, ee waxaa daawaneysaa Muqdishadii cusbeyd.

Dad badan ayaa sharciga iyo wadooyinka Muqdisho ee Booliska iyo Taraafikada kala hagayaan ay la yaab ku noqotay, halka dhalinyarada qaarkood ay ugub ku tahay iney arkaan nidaamka cusub ee Muqdisho ka hirgalay oo aysan horay u soo arkin ama dagaaladii iyo burburkii kusoo dhex koray.

Tan aad la fajaceyso ee lagu farxo ayaa ah muuqaalka hoose ee Video-ga oo Wariye tegay Muqdisho ka diyaariyay horumarka dhinaca ganacsiga iyo qaab cusub oo dadka ay ku iibsanayaan alaabaha daruuriga ah E-Cash oo ah qaab ku cusub dalka, waxayna dadka alaabahooda ku iibsanayaan E-Cash-ka oo Taleefanka Mobile-kaada aad wax walbo ku gadaneyso iyadoo dadka aysan wax lacag ah gacanta ku qaadaneyn.

Qurba joogta Soomaaliyeed ayaa noqday kuwo dalkii ku laabtay oo ganacsigii sare u qaaday, iyagoo magaalada kusoo kordhiyay ganacsiga Makhaayadaha, Hoteeladda iyo goobaha dadku ay ku sheekeystaan oo qaab casri ah lagaaga iibinaayo wax walbo.

W/Q: Ali Muhiaddin
Warfaafiye.com

Halkan Hoose Ka Daawo Video-ga iyo Sawirrada

muq 1muq 2muq 3muq 4muq 5muq 7

 

DF oo ku dhowaaqday war farxad leh oo ku aadan ciidamada qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhaqaale badan ku bixin doonto dhismaha iyo xoojinta ciidamada Soomaaliya, si ay u badalaan mustaqbalka dhow kuwa AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Isagoo ka hadlaayay wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta ee xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan fadhi xildhibaannada baarlamaanka uu ku yeshay xarunta golaha shacabka ayuu sheegay in ciidamada xoogga Soomaaliya la siin doono dhaqaale ku filan si loo adkeeyo ammaanka waddanka.

Wasiirka ayaa mar la waydiiyay miisaaniyada ay soo bandhigtay xukuumadda sannadka 2013-ka in ay ku jiraan kuwa ciidamada ayaa sheegay in miisaaniyada xukuumada cusub ay dajisay in ay ku jirto dhaqaalaha la siinaayo ciidamada.

Wuxuu intaas ku daray in dhaqaalaha ku xusan miisaaniyadda xukuumadda ee ciidamada loogu talagalay aanay ku koobnaan doonin xisaabta la gudbiyay, balse ay ku bixin doonaan dhaqaale kale oo dheeraad ah, si ay u suuragasho sugidda ammaanka iyo difaaca dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaley kulamo ay saxaafadda bannaanka ka joogtay ku yedeshay Muqdisho, kuwaasoo ay uga dooddayaan miisaaniyadda ay xukuumadda Soomaaliya u gudbisay.

Si kastaba, madaxwaynaha Soomaaliya oo ka hadlaayay casho sharaf ay u sameeyeen isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo jaaliyadda Soomaalida ee waddanka Uganda, wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya askarta ciidamada dowladda mushaarkooda ay ka qaadan doonaan Dahabshiil, isla markaana laga hortagi doono musuqmaasuqa ka dhaca lacaga loogu talagalay ciidamada.

Dhowr jeer oo horrey ayaa dowladdu lacago ay ugu talagashay ciidamada waxa ay ku dhaceen jeebaba shaqsiyaad kale, taasoo keentay in askariga uu dhac iyo bililiq u geesto dadka rayid ah ama ku safra waddada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Afar dal oo Yurub ah oo dib u celin doona Soomaalida “Warbixin”

0

Denhaag (Caasimada Online ) Wasiirka  qaxootiga ee wadanka Holland, Fred Teeven oo isniintii la hadlay  baarlamaanka Holland, ayaa sheegay in amaanka caasimadda Soomaaliya, Muqdisho uu soo hagaagay  oo hada dib loogu celin karo dadka daganaashiyaha Holland loo diido.

Sida uu qoray wargeyska DutchNews, dowladda Holland waxay horay u hakisay in ay dib u celiso Soomaalida sharciga daganaashiyaha loo diido sababo  la xariiray dagaaladii ka jiray Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Fred Teeven wuxuu intaas ku daray in wadamada Germany, Sweden iyo Belgium ay dib u bilaabayaan celinta Soomaalida codsigooda magangalyo doon la diido.

Soomaalidii diida in ay si iskood ah u laabtaan ayaa laga yaabaa in lagu xareeyo xarumo amaankooda la sugay, wasiirka ayaa intaa ku daray in aan Soomaaliya lagu celin doonin qofna inta baarlaanku uu ka soo saarayo hadal ku aaddan xaaladdan cusub ee soomaalya.

Soomaali badan oo loo diiday in magangalyo laga siiyo dalka Holland ayaa  banaanbaxyo ka dhigay Holland, kuwaas oo ka cabsi qaba  inay noloshoodu khatar gasho  haddii ay ku noqdaan dalka Soomaaliya.

Sweden ayaa horay u sheegtay  in ay yarayn doonto bixinta daganaashiyaha ay siiso soomaalida wadanka gudihiisa iska dhiibta isla markaan ay qiimayn doonti qofkii codsi magangalyo weydiista dhibka uu sheeganayo,  taas oo macanaheedu yahay in la joojiyey sidii hore oo qofkii la xaqiijiyo in uu koofurta iyo bartamaha soomaliya ka yimid sharciga loo siin jiray.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Holland